Wasaaradda Maaliyaddu sida laga warqabo waa
halbowlaha hanaanka dawladnimo, waana hay’adda aanay baylahdeedu
qarsoomayn maadaama ay iyadu gacanta ku hayso adduunyadii lagu kala wadi
lahaa dhamaan hawlaha Dawladda.
Wasaaradan oo ilaa intii la aas-aasay ahaan jirtay mid aan magaca lagu
sheegayo u qalmin oo ay qayrkeed ka reebeen farsama-xumo, musuqmaasuq iyo
siyaasad-darro mas’uuliyiinta madaxda looga dhigo, waxa kale oo u
weheliyey aafooyinkaas wasiiradii loo magacaabi jiray oo ahaa qaar ku iman
jiray hanaankii beelaha ee xalka loo yiqiin.
Haddaba maanta oo ay tahay markii ugu horeysay ee uu hanaanka hogaamineed
ee wasaaradda uu qabto wasiir uu soo magacaabay Madaxweyne lagu soo
doortay nidaamka xisbiyada badan, waxa Wasiirka cusub Mudane Cawil Cali
Ducaale lagu soo dhoweyn doonaa dhisme laba dabaq ah, foojaro iyo faylal
badan oo aan lahayn raad-raac maamul, dhismahaas oo ah mid aan intaas
waxba uga hoosayn oo marka Wasiirka cusubi fadhiisto waxa kusoo xoomi
doona dad aad u farabadan oo doonaya mushaharkii shaqaalaha Dawladda ee
ugu yaraan labadii bilood ee ina soo dhaafay, iyo mushaharka ciidamada iyo
bilayska oo iyaguna xad-dhaafa. Waxa iyana xafiiska hor-dhoobnaan doona
qaansugeyaasha shirkadaha ganacsiga ee xukuumadda wax ka iibiya.
Dhammaan waxaas oo dhan ookhasnadii laga siin lahaa madhan tahay
baahidooduna dib-u-dhigasho aqbalayn, waa arrimo loo baahan yahay in laga
fekero waxa saamaxay sababaha ay ku yimaadeen.
Haddaba, Wasiirka cusub waxa looga fadhiyaa inuu la yimaado isla markaana
hirgeliyo qorshe iyo siyaasad wax lagaga qabto dhibaatooyinka waxqabadka
wasaaradda yuururisay, taas oo ay ugu horayso:
In la dejiyo nidaam maaliyadeed oo leh si loo raaco iyo hab loo baadhaba.
In la sameeyo nidaam miisaaniyadeed oo ka run-sheega isuna dheeli-tira
dakhliga iyo kharashka.
In qiimayn lagu sameeyo nidaamka dakhli-ururinta iyo hawl-wadeenada sare
ee u xilsaaran arrintaas si looga tab helo tallaabana looga qaado
xeeladaha musuqa ee lagu lunsado dakhliga Dawladda.
In la sameeyo guddi baadha dakhliga Dawladda laga lunsaday xilligii
kala-guurka, taasoo loo baahan yahay in wasaaradda maaliyaddu iskaashi
kala samayso wasaaradaha kale ee dakhli-ururinta.
Wasaaradda Maaliyadda iyo wasiirkeeda cusub waxa laga sugayaa in lacagta
shillinka Somaliland waddanka oo dhan la gaadhsiiyo, iyada oo wasiiro hore
oo badan oo kasoo jeeda dhinaca gobollada bariga Somaliland ay iskaga
dambeeyeen wasaaradda maaliyadda mid walbana xilka laga beddelay isaga oon
arrintaas waxba ka qaban.
Waxa kale oo mudane Cawil sugaysa sidii uu wax uga qaban lahaa
sicir-bararka hadheeyay dhaqdhaqaaqa ganacsiga dalka, taasoo loo baahan
yahay in si habsami ah loo yareeyo si shillinka Somaliland wax ugu gooyo
dan-yarta suuqa ku dhibban.
Danjire Cawil X. Cali oo wax ku soo bartay kuliyadda ciidamada ee
Sand-Hurst, kana mid ahaa saraakiishii reer Somaliland ee isku dayey
1961-kii inay inqilaab miletari kula soo noqdaan madax-banaanidii
Somaliland, wuxuu maanta fursad u helay inuu ismuujiyo, waxaan laga
sugayaa inuu noqdo wasiirkii dhaxlay khasnad madhan ee dalkiisa iyo
dadkiisa uu uga tegay nidaam dhaxalgal ah oo hantidooda qaran ay ku
ilaashadaan, kharashkana lagu bixiyo hab-raac raandhiis ah oo loo aayo.
Top
“Doorashooyinkii Waxay Muujiyeen Sida Dadka Reer Somaliland Ugu
Bislaadeen Dimuqraadiyadda,” Waraysi - General Maxamed Nuur Galaal. |
Muqdisho (Haatuf) General Maxamed Nuur Galaal
oo ka tirsan hogaamiyayaasha siyaasada ee Muqdisho, kana tirsan guddida
loo xilsaaray dhismaha gobolka Banaadir ayaa ka waramay halka ay
hawlahoodaasi u marayaan, iyo wixii ay kala kulmeen dib u heshiisiinta
kooxaha ee dhawaanahan lagu hawlanaa, mar uu waraysi siiyey weriyaha
Haatuf ee Muqdisho Yaasiin Canjeex oo ka waraystay arrimahaasi, iyo sida
uu arko xaalada iyo jiritaanka Somaliland.
Ugu horeyn isaga oo ka jawaabayey su’aal ahayd halka ay wax u marayaan
maamul u samaynta gobolka Banaadir waxa uu ku jawaabay “Waxaanu samaynay
golaha maamulka gobolka Banaadir, kaas oo ka madax banaan hogaamiye
kooxeedyada ee Dawladda ku meelgaadhka ahba, waxaanu ka koobanyahay 61
xubnood oo u kala baxa guddiyo ay ka mid yihiin guddida sare, guddida
gobolada, guddida fulinta, guddida sharciga, guddida maaliyada, guddida
nabadgelyada, iyo guddiga amaanka iyo dib u dhiska, ka dib waxaanu
magacaabynaa gudoomiyaha gobolka, duqa magaalada iyo xubnaha kale ee
maamulka. Kuwaas oo aanay fara-gelin ku samaynayn hogaamiye kooxeedyadu,
maamulkuna wuxuu ka koobnaanayaa qabaa’ilka Soomaaliyeed oo dhan, waayo
Xamar caasimadii dalka ayay ahayd, cid sheegan kartaana ma jirto, balse
qabaa’il ayaa u badan, sida Hawiyaha oo 95% leh, waxa soo raaca Xamar cad
cadka iyo jareerta”.
General Galaal oo la weydiiyey cida kale ee ay wax ka siinayaan maamulka
waxa uu yidhi “Xataa waxaan wax ka siinaynaa Puntland iyo Somaliland”
balse faahfaahin kamuu bixin sida ay arrintaasi ku imanayso.
Mar la weydiiyey sida ay ugu suurtoobayso maamul u samayntaasi waxa uu ku
jawaabay “Waxaanu ku shaqaynaynaa waa heshiisyadii lagu saxeexay Eldoret
oo ay wada saxeexeen hogaamiye kooxeedyadu, marka ay arrintaasi timaado ee
ay awooda qaybsadaan qabaa’ilka Soomaaliyeed ayaanu hirgelinaynaa, balse
waxa qorshe kalana na dhinac wada Muuse Suudi, oo si kale wax u arka,
waxaanan kula talinayaa inuu arrintaa ka noqdo, kamana maarano taageerada
Muuse Suudi, iyo Xuseen Caydiid, anaga oo qorshahayagu yahay in marka aanu
qaabka maamulka dejino inaanu iyaga u bandhigno, si ay wax ugu daraan, ama
wax uga dhimaan.
Ka dibna aanu isku meel qorshayagu u noqdo.” Isaga oo rajeeyey in ay
arrintaasi si fudud ku dhamayn doonaan.
“Dadka reer Somaliland sidii u roon Ilaahay baa oge, allaha u fududeeyo,
gooni isku taaga, iyo dalka ay dhisteen, haddii kale oo ay dani ugu jirto
wada jirka iyo midnimadana waxaan odhan lahaa, ilaahay ha u fududeeyo, oo
ha garansiiyo, Somaliland nabad bay noqotay, inkasta oo ay beesha caalamku
ka gows adaygtay oo ay leeyihiin wixii aad tabanaysaan noo sheegta, inta
aan kala go’a la socodsiin, doorashadiina si dimuqraadi ah ayey uga
dhacday, waxaanay muujisay siday dadka reer Somaliland ugu bislaadeen
dawladnimada, natiijadii ka soo baxdayna waynu ka war haynaa” ayuu yidhi
General Galaal isaga oo ka jawaabayey su’aal ahayd sida uu u arko
mustaqbalka Somaliland.
General Galaal isaga oo ka waramaya ciidamada la sheegay in nabad ilaalin
ahaanta loo keenayo Soomaaliya iyo weftigii xaqiiqo raadinta ahaa ee
dhawaanta tagay Muqdisho waxa uu sheegay inay weftigaasi ula muuqatay inay
lagama maarmaantahay Soomaaliya oo la keeno ciidamo nabad ilaalineed oo ka
kala socda aduunka si nabadgelyada loo sugo, balse faah faahin kamuu bixin,
dalalka ay ciidamadaasi ka imanayaan iyo meelaha la gaynayo.
Top
Duqa Boorama Oo Ka Hadlay Xaaladda Deegaanka Iyo Arday Shahaadooyin La
Gudoonsiiyay. |
Boorama (Haatuf): Duqa Magaalada Boorama C/Raxmaan
Sh. Cumar ayaa sheegay inay ka sii darayso xaaladda deegaanka ee
deegaanada Boorama iyo nawaaxigeeda, taas oo ku soo beegantay xuska
maalinta deegaanka Aduunka, 5-ta June, isaga oo duqu kormeer ku soo maray
deegaano la xidhiidha Boorama oo ay ka mid yihiin Xariirad, Boon,
Qul-Ujeed, ka dibna waxa uu sheegay in deegaanadaasi ay xaaladoodu ka sii
darayso, ayna noqdeen dhul xaaluf ah, maadaama si xoog ah loo jaray dhirta
dhulkaasi, duqa oo u waramayey saxaafada kormeerkiisaas ka dib waxa uu
sheegay in la ganaaxi doono lacag dhan 250,000 oo shilin cidii lagu qabto
goynta dhirta, waxaanu amaan u soo jeediyey dadka ku nool deegaanka Sh.
Awaare, oo uu sheegay inay wax ka qabteen arrimaha deegaankaasi.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorama Maxamed Cumar duqa
Boorama waxa kale oo shahaadooyin gudoonsiiyey shaqaale ka qalin jabiyey
dugsiga loo yaqaano Jibril Computer Training, xaflad lagu qabtay habeen
hore Hotel 7 Star oo ay ka qayb galeen, masuuliyiin ka kala socotay
degmada, iyo Jaamacada Camuud, waxaanu duqu amaan u soo jeediyey maamulka
dugsigaasi, isaga oo sheegay inay aqoonta Computer-ku tahay aqoonta haatan
adduunka kala wada.
Dhinaca kale booliska Boorama ayaa qabtay khamri tiro badan, mar ay hawl
gal ka ay kula dagaalamayaan mukhaadaraadka ka fuliyeen magaaladaasi. Sida
uu weriyaha u sheegay taliyaha saldhiga Boorama Muuse C/laahi Hanfi, waxa
ay ciidanku qabteen ugu yaraan laba boqol iyo konton quraaradood oo khamri,
waxaana u xidhan 8 qof, oo ku lug lahaa arrintaasi, ciidanku waxa kale oo
ay qabteen afar kiiloo oo xashiishad ah, waxaanu taliyuhu hawlgaladaa ku
tilmaamay kuwo lagu sugayo amaanka iyo xasiloonida magaalada Boorama.
Top
Shir Lagu Falanqeeyay Qadiyadda Somaliland Iyo Sidii Wax Loola Qaban
Lahaa Oo Ka Dhacay Magaalada Washington DC Waxa Ka Qaybgalay
Shakhsiyaad Caalami Ah Iyo Aqoonyahano Reer Somaliland Ah. |
Washington (Somaliland News Network): Waxaa
maalintii Isniintii oo bishu ahayd June 2, 2003, ka dhacay magaalada
Washington ee dalka Mareykanka shir ay soo qabanqaabiyeen mac-hadka
caalamiga ee horumarinta dimuqraadiyadda ee xisbiga Jamhuuriga ah (IRI),
oo gacan ka geystay doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka dhacay.
Shirkaas oo dad fara badani ka soo qayb galeen, layskuna waydaarsadey
arrimo badan oo wax ku ool ah una gaar ah Somaliland, sida aqoonsiga,
caawimooyinka dhaqalaha, horuumarinta bulshada iyo sidii looga caawin
lahaa arrimaha doorashooyinka Baarlamanka ee soo socda ayaa waxa furay
shirka Mr. Jeffrey Krilla,oo ah Directorka Africa Division IRI isaga oo
muujiyey sida ay IRI u caawisey Somaliland uguna diyaar tahay in ay mar
walba ka qayb gasho wixii horuumar u horsedaya wadanka, Krilla waxaa uu
miiska wada hadalka si diiran ugu soo dhaweeyey Dr. Ahmed Hussien
Essa,inuu guddoomiyo shirka.
Dr. Essa waxa uu si kooban uga waramay xaalada ay Somaliland marayso khaas
ahaan doorashooyinkii ka dhacay Somaliland siday dhamaanba nabadgelyo iyo
xasiloon ugu dhaceen. Dr. Essa wuxuu kale oo uu cadeeyey in Somaliland
muujisey wax kasta oo dowladnimo laga rabey ayna maanta diyaar u tahay in
addunku u soo jeesto una ogolaado xuquuqda ay ku leeyihiin iyo in la
aqoonsado sida fiican ee ay u muujiyeen doorashada sida nabadgelyada leh u
dhacdey.
Dr. Essa wuxuu markaa hadalka ku wareejiyey saddex ka mid ah xubnaha
shirka khubara ah. Kuwaasoo ahaa Ambassador Lange Schermerhorn, Ambassador
David Shinn iyo Mr. John Prendergast oo iyagu si gaar ah u daneeya
arrimaha horumarka Somaliland ku saabsan aadna u xiiseeya in ay had iyo
jeer ka jawaabaan taariikhda lama iloowaanka ah ee Somaliland.
Waxaa iyaguna hadalo iyo su'aalo wax ku ool ah goobtaas ka soo jeediyey
Dr. Osman Ahmed, oo ka socday Baanka Adduunka (WorldBank), Ms. Qania
Ismail Aden,oo ka socotay American Somaliland Friendship Association, Ms.
Elaine Samson, oo ah US Embassy Nairobi-Kenya, Jennifer Paramlee iyo Ms.
Fregenet Asseged, oo International Broadcaster u ah VOA, iyo Mr. Doug
Brooks, President International Peace Operations, Anthony Burke Boylan IRI
Country Director Zimbabwe, George Colvin, oo ah Somalia/Djibouti Desk
Officer, iyo in Marti sharaf kale oo badan oo aan la soo koobi kareyn.
Waxa kale oo isna halkaa joogay Wakiil ka socda safaaradda dalka Norway ay
ku leedahay Maraykanka, UNDP, USAID, National Endowment for Democracy,
National Democractic Institute, Mine Action Survey, Overseas Development
Council iyo dadbadan oo kale oo ay ka mid yihiin lawyaro ay qaar caan ku
yihiin magaaladda Washington sida Dan Guttman oo kale oo ah
Professor/Lawyer wax ka qora sida loo sameeyo State cusub.
Xagga warbaahinta waxa ka soo qayb galay shirka the Wall Street Jounranl
iyo Voice of America.
Su'aalo aad u badan ayaa halkaa la iska weydiiyey oo dhinac walba leh.
Waxa ka mid ahaa su'aalahaa shirarka Nairobi ka socda iyo sida ay u
saamayn karaan xaaladda Somaliland, dhamaan dadkii halkaa isugu yimidna
waxay isku raacsanayeen in ay haboon tahay in Somaliland aan la
dhexgelinin habayaraatee shirka Nairobi. Dadka qaar waxa ay soo jeediyeen
in muddo 10 sannadood ah ay kala nastaan Somaliland iyo Somalia, markaa
dabadeedna la isku dayo in la isasoo horfadhiisto.
Jawiga shirkaas oo ay ka muuqatey sida loogu han weynyahay Somaliland ayaa
waxa uu ku dhamaadey is afgarad laysku afgartey sidii Somaliland loo gacan
qaban lahaa looguna dadaali lahaa in Adduunku aqoonsado.
Talooyinkii shirka ka soo baxay waxa loo gudbiyey IRI oo la faray inay
isku daydo inay waxka qabtaan sida ugu dhakhsaha badan.
Waxaa mahad celin mudan Sharkada Dahabshiil oo iyadu door weyn ka
ciyaartey shirka, siiba wakiilKa u fadhiya Virginia/Washington DC Mr.
Osman Yuusuf Geedeeye.
Abdulsalam Ismail Adan.
Abdisalan@Somalilandnews.com
SNN Correspondent Washington DC, USA.
Top
Ma Dhabbaa Inay Dhicisowday Dhexdhexaadintii UDUB Iyo KULMIYE. |
Hargeysa (Haatuf): Waxa muddooyinkan dambe
socotay oo la hadalhayay waanwaan laga dhexwaday xisbiyada UDUB iyo
KULMIYE, kadib markii uu is-maandhaaf ka yimid natiijadii doorashadii
madaxtinimada dalka, taasoo ay wadeen dhinacyo kala duwan oo ay ka mid
yihiin; salaadiin, culimaa’udiin iyo waxgarad kale, balse ilaa hadda wax
natiijo ah oo arrintaa ka soo baxday shaaca lagama qaadin.
Qaybo ka mid dhinacyadii ku jiray waan-waanta ee isku deyay inay is-afgarad
ka dhexdhaliyaan labada xisbi ayaa ka baxay arrintaasi, kuwaasoo ay ugu
horeeyeen ururka SOLJA ee suxufiyiinta oo sheegay inay arinta ku
wareejiyeen salaadiinta iyo culimada, laakiin todobaadkii tegay ayay
culimaa’udiinkuna sheegeen inay arrintii ku wareejiyeen salaadiinta oo
markii dambe ay arrintu isugu soo biyo-shubatay, balse lama oga ilaa hadda
halka ay wax marinayaan. Wararka qaar ayaana sheegaya in arrintu ay haatan
marayso meel is-mari waa ah.
Guddiga salaadiinta ahi sida wararku sheegayaan markii hore waxay la
kulmeen xisbiga KULMIYE oo ay kala kulmeen jewi isfaham leh, iyagoo markii
dambe kulan la yeeshay dhinaca xukuumadda iyo xisbiga UDUB, waxaanay
wararku sheegeen inkastoo aan la xaqiijin in kulankaa lagu kala kacay oo
aanu isfaham ka dhalan kadib markii ay xisbiga UDUB gaadhaanka ku dhufteen
inay odayaasha kala xaajoodaan dhexdhexaadinta iyaga iyo KULMIYE.
Kulankaas oo la sheegay inay dhinaca xukuumadda uga qaybgaleen xubno uu
horkacayo Madaxweyne ku xigeenku ayna ka mid yihiin xubno wasiiro ah waxa
la sheegay inay ku gacan saydheen inay wax kulamo ah la yeeshaan xisbiga
KULMIYE, iyagoo shardi uga dhigay ilaa inta uu KULMIYE aqoonsanayo in
lagaga guulaystay doorashooyinkii, taasina sida la sheegay waxay dhalisya
in kulankaas lagu kala kaco iyadoo ay ergadii salaadiinta ahayd ay
rajo-xumo gelisay arrintaas, gaar ahaana rajadii ay ka qabeen dhinaca UDUB.
Inkastoo aanay noo suurtogelin inaanu arrintaa wax ka weydiino ergada
salaadiinta ah, waxayse u muuqataa inaanay weli ka fara-bixin hawshaasi
mashquulna ay ku yihiin inay isu soo dhoweeyaan labada dhinac kahor inta
aanay wax war ah kasoo saarin hawshooda, waxaana la filayaa inay dhowaan
ku warceliyaan xisbiga KULMKIYE oo ay ahayd inay la kulmaan marka ay is
arkaan xukuumadda si ay kadibna labada dhinac wadahadal isugu keenaan.
Top
Duruufaha Boorama Iyo Dayaca Adeegyada Bulshada Ka Muuqda, Warbixin
--- Weriyaha Haatuf Ee Gebilay. |
Boorama (Haatuf): xarunta gobolka Awdal ee
Boorama ayaa muuqaal ahaan ah, magaalo maalinba maalinta ka dambaysa sii
kordhaysa, isla markaana ay sii badanayaan dadweynaha ku nooli, taas oo
keentay inay ka socdaan hawlo ka duwan, oo isugu jira dhismayaal iyo
dhaq-dhaqaaq badan oo dhinaca ganacsiga ah.
Haddaba xaalada guud ee ay ku sugantahay wakhtigan xaadirka ah waxa
warbixintan ka soo qoray weriyaha Haatuf ee Gebiley Maxamed Xasan Xuseen,
oo dhawaan booqday magaalada Boorama waana tan warbixintiisii:
“Magaaalada Boorama ah oo ah xarunta gobolka Awdal ee looga taliyo guud
ahaan gobolka Awdal intiisa kale, intii ka dambaysay goonistaaga
Jamhuuriyadda Somaliland oo loo aqoonsaday magaalo madaxnimada gobolka
Awdal oo hore u ahaan jirtay magaalada Baki.
Magaalada Boorama oo ah magaalada kaliya ee ka badbaaday burbur ka soo
gaadha, dagaaladii dib u xoreynta iyada oo aan la odhan karin dhamaan
hantidii gobolku way ka badbaaday dagaaladaas, haddana magaalada waxa ka
muuqda horumar weyn oo dhinacyo badan leh iyo dhibaatooyin badan oo haysta
bulshada ku nool qaarkood.
Sanadadii u dambeeyey magaalada waxa ku soo kordhay dadweyne aad u tiro
badan oo u dhashay deegaankaas, kuwaas oo kala yimid meel kala duwan, sida
qaxootiyada Itoobiya, dad dibada ka soo laabtay iwm.
Camiraada magaalada ka sokow, koriinka magaalada ayaa ah mid maalin
maalinta ka sii dambaysa sii kordhaysa.
Magaalada waxa ka socda maalin iyo habeenba dhaq-dhaqaaqa ganacsi noocyo
badan, oo isugu jira oo ay dadku nolol maalmeedka kala soo baxaan, sida
ganacsiga, bakhaarada, bacadlayaasha, tukaamada, kala ee lagu iibiyo
alaabooyinka iwm. Iyo ganacsato yar oo geeya bucshirado, kana keena
Itoobiya iyo Djibouti, ganacsiga qadka ayaa ah mid ay dad badani ka
shaqeeyaan, oo rag iyo dumar-ba leh, malaha magaaladu shaqooyin waaweyn oo
ay dadku badi aroortii u kalahaan, badi ragu ma hayaan wax camal ah marka
laga reebo koox yar oo u shaqa tagta laamaha dawladda iyo hay’addo tiro
yar oo degan.
Dhinaca waxbarashada ayay tahay ta kaliya ee magaaladu horumar weyn ka
gaadhay, marka loo eego gobolada dalka. Waxaad arkaysaa dad aad u tiro
badan oo waxbarasho u soo doonanaya Boorama.
Magaalada waxa ku yaala saddex dugsi oo ah dugsiyada sare oo arday tiro
badani ay wax ku barato, jaamacadda Camuud ayaa ah mid ay iyadana wax ka
bartaan sanadadan arday badani, taasi oo lodkii ugu horeeyey sanadkan ka
qalin jabiyeen jaamacadda. Sidoo kale waxa magaalada ku badan dugsiyada
gaar ah oo lagu qaato culuunta kala duwan.
Magaalada Boorama waxa si weyn uga hawl gala ururada bulshada wadaniga ah,
kuwaas oo ka hirgeliyey mashaariic badan oo wax ku ool ah.
Magaalada Boorama waxa ku yaala garoon diyaaradeed, oo todobaadkiiba laba
jeer ay ka degaan duulimaadyo ay leedahay shirkada diyaaradaha ee Djibouti
Airlines , waxa dhawaan iyana laga hirgeliyey janal telefishan ah oo laga
sii daayo wararka dalka iyo dibadaba oo la yidhaa Boorama TV. Badi dadku
waxay awood ugu badan saaraan xagga waxbarashada iyo in magaalada lagu
sameeyo horumar.
Dadka ku nool magaaladan waxay si weyn u taageersan yihiin xukuumadda
talada haysa ee xisbiga UDUB, marka aad eegto adeegyada bulshada ee
magaalada sida caafimaadka, iyo waxbarashada xukuumiga ah ayaa ah
bartilmaameedyada ugu waaweyn ee dadku sida weyn ay uga cabanayaan,
tusaale ahaan ardayda wax ka barata dugsiyada sare ayaa bishii laga qaadaa
ardaygii 43500 S.L Sh/= halka laga qaado ardayda dugsiga hoose dhexe 20
bir oo u dhiganta 17000 SL. Sh/=.
Taas oo aad uga durugsan ardayda Gebiley wax ka barata oo laga qaado
dugsiga sare bishii 12000 Sh. Sl/= dugsiyada h/dhexana 6000 Sl. Sh/=.
Hooyo qaadlay ah oo aan kula kulmay magaalada Boorama ayaa ii sheegtay in
dhibta ugu weyn ee haysataa ay tahay 6 arday ah oo agoon ay iyadu dhashay,
kuwaas oo wax ka barta iskuulada dhamaantood, bilkastana laga doonayo
lacagtaa ay wax ku baranayeen, oo ah lacagta Itoobiya, kuwaas oo ay
sheegtay in laba ka mid ahi ay ku jireen dugsiga sare, bilkastana laga
rabo midkiiba 5o Birr afarta kalena laga midkiiba 20 Bir, lacagtaas oo ay
sheegtay inaanay awood u lahayn bixinteeda.
Sidoo kale waxa jira hooyooyin caruurtoodii ka saaray dugsiyada ka dib
markii ay ka bixin kari waayeen fiigii dugsiga.
Marka caafimaadka la eego ayaa iyadana waxa jira dad badan oo si weyn uga
cabanaya dhakhaatiirta magaalada, iyaga oo sheegay in cusbitaaladii laga
dhigay meelo gaar ah oo ganacsi, islamarkaasna wax kasta oo dhakhtarada
looga baahdaa ay lacag yihiin. qaar ka mid ah dadweynaha magaalada ku
dhaqan ayaa sheegay in ay dhibaato dadka ka haysato in qofka dhibanaha ah
e dhaawaca sita warqada dhaawac muujinta ee booliska oo marka lala tago
cusbitaalka 20 bir laga qaado, iyaga oo intaa ku daray marka aad soo
dhamaysato 7-da cisho ee baxnaanada ee laguu qoro, hadii kiis jiro xagga
maxkamadda, warbixinta natiijada dhakhaatiirtu ka bixinayaa dhaawac qofka
laga rabo lacag dhan 100,000 Sh. Sl ah, lacagtaas oo ku adag bay
yidhaahdeen badi dadka, haddii kale layska daayo oo qofkii halkaa kaga
hadho dacwadiisa. Taas oo keenta in ay dadku kala aargoostaan.
Haddaba dadku waxay uga fadhiyaan xukuumada talada dalka haysa wax ka
qabashada dhibaatooyinkan.
Guud ahaan magaalada Boorama intii aan joogay waxa la odhan karaa
waxyaabaha la odhan karo wey kaga duwantahay magaalooyinka kale ee
Somaliland, waxa ugu nolol fiican macalimiinta dugsiyada wax ka bara,
iyaga oo ardayda ka qaada lacag dollar ama bir ah, waxaana ugu liita dadka
danyarta ah, ama waalidiinta danyarta ah ee dhalay ardayda dugsiyada wax
ka barata.
Halka ay degmada Gebiley dadka ugu nolosha fiicani yihiin mudanayaasha
golaha deegaanka ee talada degmada haya, halka ay macalimiintuna yihiin
kuwa ugu nolosha liita.”
Top
Wasiirada La Magacaabay Iyo Dareenada Ka Dhashay. |
Wasiirada La Magacaabay Iyo Dareenada Ka
Dhashay.
Hargeysa ( Haatuf); Madaxweyne rayaale ayaa maalintii khamiistii soo
saaray liiska hordhaca u ah golihiisa xukuumada cusub oo ka kooban todoba
wasaaradood, islamarkaana waxa meesha ka baxay wasiiro iyo wasaarado hore
uga tirsanaa maamulkiisa, kuwaas oo ay ka mid yihiin wasaarada gancsiga
iyo wershedaha oo layskaga dhigay wasaarad qudha, iyadoo ay xilkoodii
waayeen labadii wasiir ee wasaaraddahaasu. Waxa kaloo iyana meesha ka
baxday wasaaraddii arrimaha qoyska oo ahayd wasaarad uu madaxweyne rayaale
kusoo kordhiyay wasaaraddaha mudadii uu xilka hayay, taasoo aan cidna loo
magcaabin. wasiirkii kaluumaysiga oo ka mid ahaa wasiirada ugu cimriga
dheer golaha xukuumada ayaa isna xilkii waayay.
Liiska hordhaca xukuumadda rayaale marka laga yimaado isku bedelka
wasiirada waxa golihiisa xukuumada ku cusub laba xubnood,waxayna
arrintaasu dhalisay su,aalo ay rayalcaamku iska weydiinayaan masuuliyiinta
uu madaxweynuhu hordhaca uga dhigay golihiisa xukuumada, iyadoo ay
wasaaradahanu yihiin kuwii ugu mihiimsanaa, waxayna dadku ka muujiyeen
dareemo kala duwan, islamarkaana waxay miisaanka u saareen qofwalba
gaarkiisa masuuliyiintan iyagoo u eegaya wasaaradda loo magcaabay,waxayna
dad badani u dheg taagayeen dhawaaqyadii iyo balan qaadyadii madaxweyne
rayaale ee ahaa inuu soo dhisi doono dawlad tayo leh oo ay dadka oo dhami
ka muuqdaan, taasoo ay dad badani u fasirteen inay meesha ka bixi doonaan
golaha wasiiradda ee ku xeeran oo lagu dhaliilayay tamar daro, maamul xumo
iyo musuq-maasuq,laakiin markii ay soo baxday liistada hordhaca ah ee
masuuliyiintani, waxay lama filaan ku noqotay dad badan oo u dheg taagayay
dhawaaqaa hore, hase ahaatee waxa iyana jiray qaar badan oo ku tilmaamay
xulkii uu balan qaaday madaxweyne rayaale, marka loo eego xisbi ahaan
dadka ku xeeran, inkasta oo ay doodaha qaar leeyihiin maxaa qofkasta
meesha uu ku haboon yahay loo geyn waayey.
Waxayna kuwa arragtiyahaas qabaa tusaale usoo qaateen wasiirada loo
magcaabay maaliyadda, qorshaynta iyo labada wasaaradood ee laysku daray oo
loo magcaabay Eng maxamed xaashi oo magcaabistiisa lasoo dhoweeyay,
laakiin aan lageyn halkii uu ku haboonaa oo ahayd maaliyada ama
qorshaynta,waxayna dadku si weyn uga doo dayeen wasiirka loo magcaabay
maaliyada iyo wasaarad ahaan wuxuu kusoo kordhin doono,waxa iyana doodaha
dadku qaadaa dhigeen ku jirtay wasaaradda arrimaha gudaha iyo wasiirka loo
magcaabay, taasoo aanay dad badani rumaysnaayeen in lakeeni doono masuul
cusub, wasaarada qorshaynta oo wasarad ahaan noqon lahayd halkii qorshaha
wasaaradaha lagu deji lahaa ayaa iyana aan lasoo dhowayn oo mid ahayd
meelaha aad loo hadal hayo, laakiin lama odhan karo may jirin aragti
dhaliilaysa masuuliyiinta kale ee la magcaabay iyo in aan la geyn meelihii
ay ku haboonaayeen.
Marka laga yimaado taas waxa jiray faalooyin calaamatu su,aal saarayey
tayda ay yeelan doonto xukuumad ka kooban xisbi aan haysan aqlabiyadii
dadku,maadaama aanay ka muuqan golaha xukuumada cusub ee rayaale labadii
xisbi ee la tartamayay oo midkood ay ku kala bexeen tiro yar oo aan
badnayn, inkastoo ay ka dhex aloosantay labadaa xisbi xiisad siyaasadeed
oo ka dhalatay dhawaaqii natiijada ee doorashada, balse waan waan lagu
dhex dhexaadinayaa ay tadobaadyadii danbe socotay,laakiin xisbiga ucid oo
loo tirinayay inay gacan saar leeyihiin udub ayaan ka muuqan isaguna
liiska hordhaca golaha xukuumada cusub ee rayaale, waxa iyana aad loo
hadal hayaa wasaaradaha hadhay iyo waxa dib loogu dhigay.
Top
Ma Taageersanin Maamulka Cusub Ee Laascaanood, Bayaan ---- Koox Odayaal
Ah. |
Anaga oo ah odayaasha, cuqaasha iyo waxgaradka gobolka iyo degmada
Laas-caanood, waxaanu si cad uga soo horjeednaa magacaabista maamulka
cusub ee degmada Laas-caanood oo dhawaan magaalo madaxda Hargeysa lagaga
dhawaaqayey, waxaananu si cad u raacsanahay una taageersanahay maamulkii
hore ee degmada Laas-caanood, ka jiray, anaga oo ku dooranayna aqoon ahaan
iyo waaya-aragnimo ahaanba.
Diidmadayadan waxaan ku sababaynaa:-
Iyadaa oo magacaabista maamulka cusubi aanay waafaqsanayn dastuurka JSL.
Iyadaa oo aanay magacaabistaasi kalsooni yarna ka haysan shicibka iyo
madax-dhaqmeedyada magaalo madaxda Laas-caanood.
Iyada oo aan lahayn aqoon iyo waaya-aragnimo shaqo oo ay ku hanan karaan
hawlaha adag ee u yaalla Laas-caanood.
Haddaba, waxaan codsanaynaa in magacaabista oo niyad jab weyn iyo buuq ka
dhalisay Laas-caanood laga noqdo, loona daayo in dadweynaha reer
Laas-caanood soo xusho, madaxdiisa, iyo golayaashiisa deegaanka.
Dadka bayaankan saxeexay:
Axmed cabdi gaas Chief Caaqil, cabdi cilmi faarax caaqil, maxamed c/laahi
faarax, cumar x. maxamed goonle, axmed xirsi cawl, c/kariim xasan saalax,
maxamed cali xarago, caydiid Warsame cangoome caaqil, c/laahi Jaamac gaas,
cabdi barre ciise, cabaas ibraahim bayle, Yuusuf sulub garbiye, cali xirsi
salaad, axmed maxamed abyan, cabdi faarax Jaamac, maxamed yusuf Muuse,
cumar Maxamuud igare, qamaan garaad c/qani, ruush garaad ismaaciil, axmed
faarax dhagan, c/rashiid Maxamuud cabdi, axmed cali daad, maxamed Maxamuud
faarax, rashiid maxamed yusuf, Warsame Saleebaan cali, hurre Yuusuf cadan,
axmed Maxamuud faarax, carfi Jaamac faarax, ururka hooyooyinkaa, khadiija
Jaamac, iyo dhamaan ururada bulshada Laas-caanood iyo madaxda iyo
shaqaalaha laamaha dawladda badankooda iyo dadweyne badan.
Top
Askar Jarmal Ah Oo Lagu Laayay Weerar Gaadmo Ah Oo Lala Beegsaday
Kolonyadoodii Dalka Afqaanistaan. |
Kabul (W.Wararka) - Ugu yaraan afar askari oo
Jarmal ah ayaa dhintay 29 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii maalintii
shalay weerar is-qarxin ah lala beegsaday kolonyo ay wateen ciidamada
Jarmalku oo siday koox ka tirsan ciidanka nabad-ilaalinta caalamiga ah ee
ku sugan Afqaanistaan ee loo yaqaan Isaaf.
Sida uu xaqiijiyay Wasiirka Difaaca ee Jarmalku askartaasi waxay dhinteen
markii gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lala beegsaday kolonyada
ciidanka ah, taasoo keentay inuu qarax weyni halkaa ka dhaco ayna ku
dhintaan afarta askari ee Jarmalka ahi qaar kalena ay ku dhaawacmeen.
Ilaa iyo hadda lama garanayo cidda fulisay weerarkaasi, balse waxa loo
malaynayaa inay fuliyeen kooxaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeda ciidamada
shisheeyaha ah ee ku sugan Afqaanistaan.
Madaxweynaha Afqaanistaan iyo Ra’iisalwasaaraha Jarmalka ayaa labaduba
cambaareeyay weerarkaasi oo ay ku tilmaameen kuwo ay fuliyeen kooxo
argagixiso ahi waxayna sheegeen in cadaaladda la horkeeni doono kuwii
fuliyay falkaasi.
Dawladda Jarmalka ayaa Afqaanistaan u dirtay 2300 oo askari, kuwaasoo qayb
ka ah ciidamada nabad-ilaalinta ah oo ay tiradoodu dhantahay 4700, taasoo
ka dhigtay Jarmalka dalka ugu ciidanka badan marka la eego dalalka
ciidamada u diray dalka Afqaanistaan.
Top
Weerarada Loo Geysanayo Ciidamada Maraykanka Oo Sii Kordhaya Dalka
Ciraaq.
|
Tikrit (W.Wararka) - Ugu yaraan hal askari oo
Maraykan ah ayaa dhintay afar kalena way ku dhaawacmeen markii maalintii
shalay weerar lala beegsaday ciidamada Maraykanka ee ku sugan halkaasi oo
ah degmada Tikrit oo uu ku dhashay madaxweynihii talada laga tuuray ee
Sadaam Xuseen.
Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska ciidanka Maraykanka,
weerarkan waxa loo adeegsaday madaafiicda dagaalka iyo gantaalaha lidka
Taangiyada iyo noocyo ka mid ah hubka fudud, halkaasoo ay gurmad ku tageen
ciidamo ka tirsan Maraykanku iyagoo adeegsanaya Diyaaradaha Helicopter-ta
loo yaqaano.
Demgada Tikrit oo ah halka uu ku dhashay madaxweynihii hore ee Ciraaq,
Sadaam Xuseen waxa la sheegay inay weli taageerayaashiisu awood kusii
leeyihiin, xaaladeeda dhinaca amaankuna aanay sugnayn, iyadoo ciidanka
Maraykanku legdan ugu jiraan sidii ay u sugi lahaayeen amaanka goobahaasi.
Top
Xiisad Ka Dhex-Aloosantay Maamulka Iyo Kooxaha Falastiin. |
Gaza (W.Wararka) - Muran dhinaca Siyaasadda ah
ayaa la sheegay inuu ka dhex-aloosmay kooxaha Falastiiniyiinta iyo
xukuumadda Ra’iisal-wasaare Abu Masim, taasoo ka dhalatay iyadoo la isku
afgaran waayay qodobadii ka soo baxay shirkii madaxda Isra’il iyo
Falastiin ku dhexmaray dalka Urdun dhowaan uuna qabanqaabiyay Madaxweynaha
Maraykanku.
Sida ay sheegayaan wararku kooxaha Xamaas, Jihaadul-Islaami iyo jabhadda
xoraynta Falastiin ayaa ku gacan-saydhay xabad-joojintii ay ku heshiiyeen
Falastiiniyiinta iyo Isra’iliyiintu, iyagoo ku baaqay in halganka la sii
wado tan iyo inta ay Isra’il haysato taako ka mid ah dhulka reer Falastiin.
Dawladda Masar iyo dawlado kale oo Carbeed ayaa la sheegay inay ku hawlan
yihiin dhexdhexaadinta dhinacyada reer Falastiin ee ay xiisadu ka dhex
aloosan tahay, balse ilaa iyo hadda waxa la sheegay inaan lagu guulaysan
in la isusoo jiido dhinacyadaasi kala duwan ee Falastiiniyiinta.
Top
Xaaladda Ninka Sucuudiga
Ah Ee Qoorta Ka Jara Dadka Dembiilayaasha Ah. |
Qoraalkani waxa uu ka kooban yahay wareysi
dhawaan lala yeeshey Mr Muxamad Sacad Al-beshi oo ah ninka Sucuudiga ee
shaqadiisu tahay in dadka dowladdu go'aamiso in la dilo isagu qoorta ka
jara.
Muxammad Sacad Al-beshi ayaa sheegaya in uu si weyn ugu faraxsanyahay in
uu fuliyo shaqada Ilaah, ay haatanna ma laha fagaara ka naxii uu hore u
dareemi jiray marka uu seeftiisa hal mar qofka dembiilaha ah qoorta kaga
jarayo.
Shaqadiisa ayuu sheegay in ay waxba ka qabanin bulshada Ilaah ay aqoonsan
ee uu ku dhex nool yahay. Qoyskiisana wax diidma ah kama qabaan shaqadiisa,
waxaana ay xitaa u tirtiraan oo ay u nadiifiyaan seeftiisa, marka uu
shaqadaasi fuliyo.
Ma kala jecla inta qof ee uu qudha ka jara maalin kiliya, farqina uma
sameyso haddii dadka uu madax ka goynayo ay yihiin dumar ama rag.
Balse waxaa uu la yaabanyahay kuwa iyagu u imaado in ay howshaasi uu
qabanaya dawadan ka dibna suuxaan. Maxay u yimaadeen haddii aanay u
adkaysan kareynin, ayuu weydiiyay.
Sida uu isaga hawsha uu qabto ayaan marnaba horumarineynin sumcadda
hooseysa ee waddankiisa uu ku dhex leeyahay kooxaha u doodo xuquuqda
aadanaha.
Hayadda Amnesty International ee fadhigeedu yahay London ayaa ku sheegtay
Sacuudiga in uu ka mid yahay waddamada ugu dad daldalaad badan caalamka,
waxaana ay ka deyrisay sida habka demiyada loogu soo oogo dembiilayaasha
oo ay sheegtay in ay si weyn u tixgeliso qirashada dembiyada oo ay u
isticmaasho caddeyn ahaan.
Amnesty ayaa sheegtay in dad badan lagu dilo Sacuudiga sanad walba, iyagoo
intooda badan lagu helo dembiyo aan wax rabshada ah wadan, waxaana dadkani
qeyb weyn oo ka mid ay yihiin Haween iyo shaqaale ajnabi ah.
Top