Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 350 June 9, 2003

“Haweenku Waxay U Baahan Yihiin Bilays Dumar Ah, Dhaqanka Islaamkuna Ma Diidayo,” Amran Cali Xiis ----- Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Qoyska Iyo Horumarinta Bulshada.

“Waxaanu Jecelnahay Xidhiidh Ganacsi Oo Fiican Inaanu La Yeelanayo Reer Somaliland,” Waraysi - Ganacsade Reer Jabuuti Ah.

Golaha Salaadiinta Somaliland Oo Ku Baaqay In Kulmiye Ka Noqdo Deedafayntii Natiijadii Doorashada, Xukuumadduna Wadahadal Furto; Bayaan - Ergadii Salaadiinta Ahayd Ee Dhexdhexaadinta UDUB Iyo KULMIYE.

Wasiirada Cusub Arrimaha Dibada Iyo Ganacsiga Oo Xilkii la Wareegay.

Wararkii U Dambeeyay Ee Shirka Kooxaha Somalida Ee Kenya.

Inqilaab Miletari Oo Xukunka Lagaga Tuuray Xukuumaddii Mauritania.

Kooxda Xamaas Oo Diiday Heshiiska Isra’il Iyo Falastiin.

Boqolaal Carab Ah Oo Laga Soo Mustaafurinayo Maraykanka.

Jarmalka Oo Ka Hadlay Weerarkii Ciidamadiisa Ee Afqaanistaan.

Nabsigii Foosto-Riix, Q: 2aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Caruurta Ii Toosi Aan Timaha Ka Xiiree, Xadiis M. Xadiis.

“Horta Hareer Qabo Awrka, Si Berri Hareeraha Laguula Qabto.”

Dawladda Cusubi Tayo Ma leedahay?

Yaa Mudan Madaxweynaha Soomaaliya? [Dambiila Dagaal Mise Siyaasi Shacab ah].

Wasiirnimadii Habaarbaa baa ku Dhacay!


“Haweenku Waxay U Baahan Yihiin Bilays Dumar Ah, Dhaqanka Islaamkuna Ma Diidayo,” Amran Cali Xiis ----- Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Qoyska Iyo Horumarinta Bulshada.

“Haweenku Waxay U Baahan Yihiin Bilays Dumar Ah, Dhaqanka Islaamkuna Ma Diidayo,” Amran Cali Xiis ----- Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Qoyska Iyo Horumarinta Bulshada.

Hargeysa (Haatuf): Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Bulshada ee Somaliland, Amran Cali Xiis, ayaa shir-jaraa’id oo ay xarunta wasaaradeeda ku qabatay shalay faah-faahin dheeraad ah ka bixisay soddon hablood oo loo tabobaray inay noqdaan Bilays, kuwaas oo maalintii Khamiistii dhoweyd lagu xareeyay dugsiga tabobarka ee Mandheera si loogu carbiyo inay ka mid noqdaan Bilayska dalka.

Marwo Amran oo faahfaahinaysa arrintaasi waxay hadalkeedii ku bilowday: “Anagu haddii aanu nahay wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Bulshada, waxa keenay in aanu maanta arrintan ka hadalno kadib markii ay soo baxeen su’aalo ku saabsan hablaha loo tabobarayo Bilayska dalka si aan dadka qaar si kale ugu macnaysan.”

Iyada oo tafsiir ka bixinaysa sababaha keenay in tabobar Bilays loo furo koox dumar ah, Amran waxay tidhi; “Waxa fikradda in la tabobaro oo la carbiyo hablo Bilays ah ka timid baahi ka jirta bulshada dhexdeeda siiba xagga dumarka iyo caruurta oo sida laga warqabo u baahan macaamil gaar ah marka ay timaado hawl Bilayska la xidhiidhaa.”

Amran Cali Xiis iyada oo hadalkeeda sii wadata waxay sheegtay in maadaama ay ragga iyo dumarku kala duwan yihiin oo Ilaahay si kala duwan u abuurtay, Diinta Islaamka iyo xeerarka caalamkuna siinayaan dumarka xuquuq gaar ah in loo baahan yahay in hay’adaha sharci-ilaalintu ay dumarka iyo caruurtaba siiyaan tixgelinta gaarka ah ee ay ka mudan yihiin.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Bulshadu waxay intaas ku ladhtay, “Haweenku waxay u baahan yihiin dumar Bilays ah oo ay ku soo hagaagaan markay baahi timaado, dhaqanka Islaamkuna ma diidana in dumarka iyo caruurtaba si gaar ah loola macaamilo.”

Marwo Amran waxa kale oo ay sheegtay in la qorsheeyay sidii saldhig kasta oo Bilays looga samayn lahaa meel gaar ah oo ay ku soo hagaagaan dumarka iyo caruurtu, waxaanay xustay in hay’adda UNDP ay gacan siisay tabobarka Bilays ee u furmay kooxda dumarka ah.

Haddaba, Marwo Faadumo Siciid oo ka tirsan hay’adda UNDP ayaa iyaduna shir-jaraa’id kaga hadashay mawduucan, waxaanay sheegtay in ay dumarka Mandheera la geeyay lagu xareeyay meel gaar ah oo ka durugsan goobta raga lagu tabobaro, isla markaana in haween waayeel ah loo xilsaaray ilaalinta ammaanka iyo anshaxa ee xerada tabobarka, taasoo ay iska kaashadaan iyaga iyo ragga waayeelka ah ee ka tirsan taliska dugsiga tabobarka ee Mandheera.

Faadumo Siciid waxa kale oo ay sheegtay in la sameeyay qorshe ay waalidiintu ku soo booqdaan hablahooda tabobarka ku jira labadii toddobaadba mar, iyada oo ay hay’adda UNDP basas u kirayn doonto. Mar ay ka hadlaysay dirayska ay xidhaan habluhu Faadumo waxay sheegtay in dharka ay isticmaalaan yahay haafafka gaadha ilaa cagaha iyo shaadhadh aad u dhaadheer iyo koofiyadaha madaxa.

Mar wax laga weydiiyay in jeelasha wax looga caymi doono hablaha kasoo baxa dugsiga Mandheera, Faadumo waxay sheegtay in barnaamijka tabobarku uu hadda ku kooban yahay Bilayska, mudadiisuna ay tahay 4 bilood, waxaanay Faadumo intaa ku dartay in kharashka tabobarka dumarku uu ka badan yahay ka la siiyo ragga, maadaama ay dumarku u baahan yihiin daryeel dheeraad ah, waxaanay iyada oo hadalkeedii sii wadata tidhi, “Taageerada UNDP waa mid ku-meel-gaadh ah, barnaamijkan sii wadistiisuna waa mid u taala Dawladda Somaliland, waxaananu diyaar u nahay in cid kasta oo ka mid ah bulshada rayidka ah oo rabta inay wax naga weydiiso ujeedooyinka hawshan.”

Marwo Amran Cali Xiis ayaa iyaduna sheegtay in wasaaradeedu ay diyaar u tahay in cidii su’aalo ka qabta kooxda haweenka ah ee tabobarka Bilayska loo furay ay ka shaafido waxaanay Amran tidhi, “Ma aha in marka ay wax soo kordhaanba si khaldan wax loo turjumo, balse waxa loo baahan yahay in wax la isweydiiyo, isla markaana waxa xaq lanoogu leeyahay in aanu wixii la fahmi-waayo aanu tafsiir ka bixino.”

Top


“Waxaanu Jecelnahay Xidhiidh Ganacsi Oo Fiican Inaanu La Yeelanayo Reer Somaliland,” Waraysi - Ganacsade Reer Jabuuti Ah.

New-Delhi, Hindiya (Haatuf) - Garyaqaan Mohamed Ahmed Dahir Baxsane Oo ka Mid ahaa ganacsatadii Reer Djibouti ee uu hogaaminayey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo uu Wariyaha Haatuf ee Koofur-bari Eeshiya wareysi kula yeeshay Hotel-Taj ee Bombay Hindiya ayaa ugu baaqay Ganacsatadda Reer Somaliland in ay Ganacsigooga u soo Duwaan Djibouti oo uu ku tilmaamay hoyga amniga ee ganacsiga Qaaradda Afrika. Garyaqaan Mohamed Ahmed Dahir Baxsane oo ka Soo Qalin jabiyay Jaamacadda Magaaladda Paris Ee Shuruucdda Ganacsiga Caalamiga ah waa Ganacsade Reer Djibouti ah Ganacsi weynina uga socdo Somaliland Mohamed Ahmed oo ka waramaya socdalaaka uu ku yimid Hindiya ee uu kula socday Madaxweyne Geele ayaa Yidhi:

“Anaga Shirkadayda Baxsane waxa ay Xidhiidh Ganacsi oo Soo Jireen ah la lahayd Dalkan Hindiya oo waxanu ka qaadanaa Halkan Sonkorta iyo bariis-kaba ..waxa kale oo Aanu ka Qaadanaa Moto-yinka kuwa loo yaqaan Kinetic-ka Markaa Anagoo Sidaa Xidhiidh-kaygu ahaa ayaa Dawladda Hindiya oo Si weyn u Daneynaysay Xidhiidh-ka Jamhuuriyadda Djibouti Ee Ganacsi ayey Hindiya soo casuunta Madaxweynahayga Mudane Ismaaciil Cumar Geelle..waxanan soo Raacnay Madaxweynaha Anagoo ka mida Ganacsatadda Halbowlaha u ah Dalkayga.”

Garyaqaan Mohamed Oo Aan waydiiyay Sababta Uu Ugu Baaqayo Ganacsatadda Reer Somaliland, waxaanu ku jawaabay, “Djibouti Ganacsatdooda may lahayn (LC) Oo Dhibaato wax ay ka haysatay Dakadda Dubai, oo ay Haystay Jamal Cali. Tusaale: Nin Caraba ayaa ka Soo waaridaya Sonkorta Brazil ka Dib Dakadda Dubai ayaa laga Soo Dajinayaa waxana sii Iibinaya Dilaalin Caraba Oo la Odhanayaa Iibiya, kadibna Dilaalintaa oo lacag Saartay ayaanu ka Iibsanaa Anagu .Hadaanu nahay Ganacsatadda.

Markaa Anaguna Ganacsatadii yar yaryd ayaanu ka Sii Iibinaa, taasina waxa ay Keentay in Raashinku Qaali Noqodo Maadama ay Gacmo Badani Sii kala iibsanayaan.

Markaa Imika Intii ay JAMAL CALI Dakadda Maamulkeeda Qabatay Waxa yaraatay Gacmihii badanaa Ee Sii kala Iibsanaayey oo Anagaa Imika Toos u Soo Waaridayna oo Keenayna Dakadda jibouti ..Markaa Halkii ay Ganacsatadda Reer Somaliland u safri lahayeen Dubai Oo ay Gacmo Badani ka Sii kala iibin lahaayeen waxa uga Faa,iida Badnaanaysa imika oo Uga Dhawaanaysa halkan Djibouti ..in ay ka iibsadaan oo ay Dhigtaan Alaabtooda ileyn Djibouti waa Dakadd Aamina Oo Caana ka Ah Afrikee” waa Sida uu Hadalka U Dhigay Garyaqaan Mohamed Ahmed Dahir Baxsane.

“Dhawaan waxa la Furayaa Dekedda kale oo la Yidhaa Port-Daarale. oo 8 km u jirta dakaddii hore taasina waxa ay inoo fududaynaysaa haddanu ganacsatadda Djibouti ..in aanu alaabtayadda dhigano bakhaaradda dekeddaa oo culays-ka ka qaadno dekeddan imika,” ayuu intaa ku daray.

Mohamed Ahmed Dahir Baxsane, isaga oo hadalkiisa sii wata waxa kale uu yidhi: “Waxanu jeclnahay inaan xidhiidh fiican la yeelano Reer Somaliland Oo Ah Walaalahayo. Anagu Hadaanu Nahay Ganacsatadda Ma Naqaan Siyaasadd Waxanu Ku Koobanahay Ganacsigayaga, cidii naga doonaysa inaanu ganacsi wadaagno waxa ay kala soo xidhiidha karaan Baxsane Company Djibouti. Telephone: 352526 Ama fax 354788 E-mail atodj@intnet.dj.”

Top


Golaha Salaadiinta Somaliland Oo Ku Baaqay In Kulmiye Ka Noqdo Deedafayntii Natiijadii Doorashada, Xukuumadduna Wadahadal Furto; Bayaan - Ergadii Salaadiinta Ahayd Ee Dhexdhexaadinta UDUB Iyo KULMIYE

Hargeysa (Haatuf) gudiga salaadiinta ah ee maalmahan ku hawlanaa dhexdhexaadinta xisbiyada Kulmiye iyo UDUB ayaa ugu baaqay xisbiga Kulmiye inuu ka noqdo bayaan kii hore ee uu ku deedafeeyay go’aankii ka soo baxay natiijadii doorashadii madaxtinimada dalka kana soo saaro bayaan qoraal ah islamarkaana waxay xukuumada ugu baaqeen inay furto wadahadal iyo wadatashi arrintaasi ku saabsan waxaanay sidaa ku sheegeen bayaan ay soo saareen salaadiintu markii saday sheegeen shir isugu yimaadeen kaasoo ay ku saxeexan yihiin 18 suldaan ayna habeenkii xalay nasoo gaadhsiiyeen labada suldaan ee kala ah suldaan Ibraahin jaamac Samatar iyo suldaan Axmed-Daahir Muuse waxa uu ka dambeeyay markii uu maalintii shalay wargeyska haatuf wax ka qoray halka ay marayso waanwaantii ay maalmahan wadeen salaadiintu iyada oo ay wararka qaar sheegayaan inay dhicisawday balse salaadiintu faahfaahin kamay bixin halka ay arrimahaasi marayaan iyo mawaaqiifta ay kala kulmeen kulamadii ay layeesheen labada dhinac.bayaanka ay salaadiintu soo saareen isaga oo dhamaystiran wuxuu u qornaa sidan:

“Kadib dedaalkii dheeraa ee salaadiintu ku dhexdhexaadinaysay xurguftii siyaasadeed ee ka dhalatay natiijadii doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee dhowaan dalka ka dhacday iyo deedafayntii xisbiga KULMIYE ku deedafeeyay natiijadii ay ku dhawaaqeen Guddiga Komishanka iyo Maxkamadda sare ee ahayd in xisbiga UDUB ku guulaystay doorashadaas.

Haddaba, anagoo ka duulayna dariiqadii dalkan iyo dadkaniba kusoo badbaadeen laguna soo gaadhay heerkan aynu maanta joogno ee aynu gaadhnay inay suurtogasho doorasho xor ah oo aan ka suurtogelin wadamo badan oo haysta aqoonsi dawladnimo iyo dhaqaaleba, dariiqaddaas oo ah in wadahadal iyo isku-jiidid lagu dhameeyo xurguf kasta oo dhexdeena timaada.

Anagoo maanka ku hayna qiimaha ay maanta inoo leedahay dal ahaan iyo dad ahaan doorashadaa maanta dalkeena ka suurtogashay iyo qaabkii nabadgelyo ee ay u dhacday oo labaduba ra’yul-caalamka wax weyn ka beddeleen sidii la inoo arkayay.

Anagoo tixgelinayna jiritaanka qaranimada jamhuuriyadda Somaliland iyo dhamaan hay’adaha dawladnimo.

Anagoo qadarinayna shuruucda dalka u taala ee aynu dhiganay sida Distoorka iyo xeerka doorashooyinka isla markaana tixgelinayna natiijadii doorashada ee lagu dhawaaqay.

Sidaa awgeed, kadib markii aanu kulano goos-goos ah la yeelanay dhanka xukuumadda iyo dhanka xisbiga KULMIYE oo labaduba noo muujiyeen dareen wadaninimo noona soo bandhigeen tabashadooda dhabta ah iyagoo labaduba salaadiinta siiyay kalsooni buuxda oo ay ku xalliyaan xurgufaha jira oo dhan. Sidaa awgeed, waxa golaha salaadintu guddoomiyay sidan hoos ku qoran:

1. Inuu xisbiga KULMIYE ka noqdo bayaankii uu ku deedafeeyay natiijadii doorashada ee ay ku dhawaaqeen komishanka iyo maxkamadda sare, bayaan qoraal ahna kasoo saaro.

2. In xukuumaddu furto wadahadal iyo latashi siday horeba u sheegtay.

3. In umadda Somaliland dibad iyo gudaba meel kasta oo ay joogto ay ilaaliyaan nabadgelyada, wadajirka iyo qaranimada Somaliland.”

Bayaankan waxa saxeexay salaadinta Somaliland ee magacyadoodu hoos ku qoran yihiin:

Suldaan Axmed-Nuur C/Laahi Samaale
Suldaan Maxamuud Guuleed Mire
Suldaan Axmed-Daahir Muuse
Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar
Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani
Garaad Maxamed Garaad Sulaymaan
Suldaan Xasan Xaddi Axmed
Suldaan Xasan Suldaan Nuur Askar
Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir
Suldaan Nadiif Jibriil Saydh
Suldaan C/Raxmaan Qodax Jaamac
Boqor Ciise Haybe Khayre
Suldaan Daahir Aamin Faarax
Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale
Suldaan Yuusuf Axmed Cadan
Suldaan Maxamuud X. Xuseen
Boqor Maxamuud Cali Carab
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh 

Top


Wasiirada Cusub Arrimaha Dibada Iyo Ganacsiga Oo Xilkii la Wareegay

Hargeysa (Haatuf): Wasiirada cusub ee arrimaha dibada iyo wershaydaynta Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo Maxamed Xaashi Cilmi ayaa xilkii kala wareegay wasiiraddi hore ee wasaaradahaasi Maxamed Siciid Gees iyo Axmed Jaamac Bootaan.

Xil-wareejinahaasi oo lagu kala qabtay xarumaha wasaaradaha arrimaha dibada iyo wershadaha waxa ka qayb galay masuuliyiin ka kala tirsan wasaaradahaasi iyo marti sharaf kale oo badan.

Xaflada ay xilka kula kala wareegayeen wasiirka cusub ee arrimaha dibada iyo wasiirkii hore Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo Mudane Maxamed Siciid Gees, shalay ka dhacday xarunta wasaarada arrimaha dibada waxa hadalo ka jeediyey labada wasiir ee xilka la kala wareegay.

Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadlay wasiirkii hore ee arrimaha dibada Mudane Maxamed Siciid Gees, isaga oo ka waramay hawlihii iyo marxaladihii ay soo martay wasaaradu muddadii uu xilka hayey. “Maanta Edna oo kaliya uma baahni, ee waxaan u baahanahay 10 hablood oo Edna oo kale ah, in lagu soo daro dawladda, sidaa darteed madaxweynaha waxaan kula talinayaa inuu dawladan cusub ku soo daro dumar kale” ayuu yidhi Maxamed Siciid Gees oo ka hadlay Marwo Edna Aadan oo uu xilka ku wareejinayey. Mudane Gees wuxuu intaa ku daray inuu ku faraxsanyahay inuu xilka ku wareejiyo marwo Edna Aadan.

Maxamed Siciid Gees isaga oo ka hadlay guud ahaan arrimaha Somaliland waxa uu ku baaqay in la sii xoojiyo dimuqraadiyada, si adduunyada loogu qanciyo qaddiyada Somaliland.

Ka dib waxa iyaduna halkaa ka hadashay marwo Edna Aadan, iyada oo amaan u soo jeedisay Maxamed Siciid Gees, iyo hawlihii uu soo qabtay, muddadii uu xilka hayey. “Soomaalidu waxay ku Maah-Maahdaa qofkaad barashadiisa doonayso, jid la mar, jidiin la cun, ama jabad la deg, markaa intaba aniga iyo Gees waanu soo wada marnay, haddii la iga yeelayo anigu waxaan jeclaan lahaa, inaan isaga gacan yare u noqdo” ayey tidhi waxaanay balan qaaday inay intii awoodeeda ah ay xooga saari doonto sidii ay uga soo bixi lahayd ka midho dhalinta xilkaa la saaray, kana shaqayn doonto waxqabadka iyo horumarka Somaliland.

Dhinaca kale xaflad ay xilka kula kala wareegayeen wasiirkii hore ee wershadaha Axmed Jaamac Bootaan iyo wasiirka cusub Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa lagu qabtay xarunta wasaaradaasi maalintii shalay. Waxaana halkaasi ugu horeyn ka hadlay wasiirkii hore ee wasaaradaasi. Waxaanu ka waramay marxaladihii ay soo martay wasaaradaasi, waxaanu ka waramay marxalidihii ay soo martay wasaaradaasi, iyo halka ay haatan wax u marayaan, isaga oo ugu baaqay shaqaalaha inay si fiican ula shaqeeyaan wasiirka cusub.

Wasiirka cusub oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu marka hore daraasad ku samayn doono, hawlaha wasaaradaasi, ka dibna uu wada tashi ka samayn doono, sidii loo horumarin lahaa, qorshaha iyo shaqada wasaaradaasi.

Top


Wararkii U Dambeeyay Ee Shirka Kooxaha Somalida Ee Kenya.

Nairobi (BBC) Magaalada Nairobi ee Dalka ayaa maalmahaanba waxaa si isdaba jooga ugu soo qulqulayey Somaali kakala timid Soomaaliya iyo Dalalka dibadda, si ay uga qayb qaataan wajiga seddexaad ee shirka ee lagu wado in uu bilawdo Todobaadyada soo socda.

Labadii maalmood oo la soo dhaafay ayaa waxaa soo gaadhay Magaalada Nairobi in ka badan 50 xubnood oo ka socda DKMG oo ay kala hogaaminayeen Rai'sul Wasaaraha DKMG Xasan Abshir Faarax iyo Ra'isul Wasaare ku xigeenka Cismaan Jaamac Kaluun, xubnahaasuna waxay isugu jiraan Xidhibaanno , wasiiro iyo goob joogayaal.

Ujeeda Wafdiga DKMG ayaa Rai'sul Wasaarahu waxa uu ku sheegay in ay tahay in ay shirka xoojiyaan, muujiyaanna midnimada DKMG ah si loo gaadho, ayuu yidhi, dhismo Dawlad loo dhanyahay oo Qaran.

Xasan Abshir waxaa kale oo intaas ku daray in lafilayo maalmaha soo socda in ay yimaadaan Magaalada Nairobi Wafdi kale oo uu hogaaminayo Madaxweynaha DKMG Cabdi Qaasim Salaad Xasan.

Hase yeeshee Masuuliin ka tirsan DKMG ayaa ii sheegay in weli uu jiro Khilaaf u dhexeeya Cabdalla Deeroow Isaaq Gudoomiyaha Barlamanka iyo Madaxweynaha Ku meel gaadhka ah Cabdi qaasim salaad Xasan arrintaas oo hadda xalinteeda lagu gudo jiro.

Maxamed Cabdullahi oo ah afhayeenka shirka Soomaalida uga socoda Mbagathi, isla markaasna ah la tiliyaha gudoomiyaha shirka Soomalida, Bathwel Kibligat, ayaa BBCda u sheegey in imaashaha wafuudan ay tahay arrin wanaagsan oo yididiilo weyn galineysa shirka dib u hashiisiinta Soomaalida.

Gudoomiyaha Shirkuna uu sheegey, ayaa uu yidhi Maxamed,in khilaafka dowladda Ku Meel gaadhka dhexdeeda aanu wax faa'iido ah laheyn.

Sidoo kalena kooxahaa kale oo hore u mudeysaa in ay is sii khiaafaan ay iyadana maslaxad ku jirtaa ayna jirin.

Afhayeenku waxaa kale oo uu sheegey in xubnihii dowladda ku meel gaadhka ah ka joogey shirka in ay muujiyeen asluub wanaag iyo iyaga oo si joogta ah shirka uga qeyb qaata.

Waxaa kale oo uu sheegey Afhayeenka shirku Maxamed Cabdullaahi, in barito ay bilaaban doonto doodii ugu kululeyd ee shirka taas oo lagu gorfeyn doono arrimaha dastuurka oo ka mid ah qodobada ugu adag ee qaybta ugu danbeysa ee wajiga labaad ee shirka.

Waxuu intaa ku darey in Afhayeenku in aan la aqoon maalmaha ay qaadan doonto Doodda Dastuurku.

Top


Inqilaab Miletari Oo Xukunka Lagaga Tuuray Xukuumaddii Mauritania.

Nouakchott (W. Wararka): Inqilaab milatari oo xukunka lagaga tuurayo madaxweynihii dalka Muaritania Maxamed Walad Sayidi Daayic ayaa maalintii shalay ka dhacay dalkaasi. Iyada oo xoogaga Inqilaabka sameeyey ay gacanta ku dhigeen qasriga madaxtooyada iyo xarunta Idaacada iyo TV-ga dalkaasi.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya halkaasi Inqilaabku waxa uu bilaabmay aroornimadii hore ee shalay, iyada oo ciidamo falaagoobay weerar ku qaadeen qasriga madaxtooyada oo la sheegay inay markiiba gacanta ku dhigeen, ka dib markii ay halkaa ka carareen ciidamadii daacada u ahaa madaxweynihii dalkaasi.

Waxa kale oo ay qabsadeen Idaacada iyo TV-ga dalkaasi, balse ilaa hadda ma cadda cida ay yihiin xoogaga Inqilaabka sameeyey, iyo saraakiisha hogaaminaysa kacdoonkaba.

Sida ay sheegeen goob joog ahaa, dagaalo ayaa la is-baacsaday suuqyada magaalada madaxda dalkaasi, iyada oo ay dhaceen boob iyo bililiqo balaadhani, balse Idaacadda dalkaasi oo hadashay 45-tan daqiiqo ayaa ku baaqaysay inuu madaxweynihii dalkaasi dalka gacanta ku hayo, isla markaana waxay ku guubaabinayso dadka inay is-dejiyaan, laakiin intaa ka dib Idaacadu hawada way ka baxday iyada oo aan la garanayn waxa sababay, balse warar xog-ogaal ah ayaa sheegay inay xoogaga Inqilaabka dhigay gacanta ku dhigeen Idaacadaasi.

Madaxweyne Col. Mucaawiya oo laftiisu Inqilaab Milatari xukunka ku qabsay bishii December ee 1984-kii waxa laba goor oo dambe loo doortay madaxtinimada ka dib markii ay doorashooyin ka dhaceen dalkaasi, sanadihii 1992-kii iyo 1997-kii, waxaana la filayey in doorasho kale la qabto bisha November ee sanadkan, taas oo uu musharax ka ahaa madaxweynuhu. Waxaase la sheegay in todobaadadii u dambeeyey ay dawladdu olole qab-qabsho ah ku qaaday kooxaha Islaamiyiinta ah, iyada oo ku andacoonaysa inay la dagaalamayso argagixisada.

Top


Kooxda Xamaas Oo Diiday Heshiiska Isra’il Iyo Falastiin.

BBC- Khilaafaadkii ka dhaxeeyey Ra'iisalwasaaraha Falastiin, Abu Mazen iyo dagaalyahanada Xamas ayaa sii weynaadey.

Xamas waxa ay ka baxdey wadahadaladii xabad joojinta, ka dib markii uu shirkii uu Abu Mazen kaga qeyb galey todobaadkii hore Caqaba uu ku ballangaley in uu soo afjari doono kacdoonka hubeysan ee Falstiiniyiinta.

Maalintii Sabtidii Xamas waxa ay taageero ka heshey kooxihii kale Islamiga iyo kuwii wadaniga ahaa ee ka soo horjeedey in la joojiyo dagaalka hubeysan ee xoriyad doonka.

Kooxaha dagaalyahanada Falstiin ee hubeysan waxav ay Abu Mazen ku eedeynayaan in uu u jilicsanaa Israa'iil oo markii uu la kulmey aanu soo hadeal qaadin waxyaabihii muhiimka u ahaa iyaga haddii la doonayo in ay hubka dhigaan.

Kooxahana waxa ay ku doodayaan, in Abu Mazen aanu wadahadaladiisii ku soo qaadin in Bariga Qudus ay Falstiin caasimad u noqoto, in Falstiiniyiinta qaxootiga ku maqan ay waddankooda ku soo laabtaan iyo arimo kale.

Wakhti aan sidaas u sii fogeynna, Wasiir kale oo Falastiiniyiinta uga qeyb-qaatey wadaxaajoodka Dr Rantissi ayaa sheegey in uu weli ku raja weynyahay in maalmaha soo socda wada-hadalo kale la qabto.

Dr Rantissi waxa uu intaas ku darey in laba shir lagu qabtey Gaza maalmihii na soo dhaafey. Waxa Rantissi shirarkaas midkood uu ku sharxay in uu ahaa shirarkii caadiga ahaa ee ay yeelan jireen kooxaha Islaamiga iyo kuwa waddaniga, halka midka labaad oo ahaa kan uu isagu ka qeygaley oo malaha lagu qabtey meel qarsoodi ah, taas oo muujineysa xaalada siyaasadda Falastiin ee haatan liic-liiceysa.

Saraakiisha Falastiiniyiintu waxa ay sheegeen in Abu Mazen aanu wadciga haatan lagu jiro isku-dayi doonin in uu soo cusbooneysiiyo wada-xaajoodka, si kastaba ha ahaatee, waxa kale oo masuuliinta Falastiiniyiintu ay waadix ka dhigeen in aanu Abu Mazen xoog ku isticmaali doonin kooxaha Islaamiga iyo kuwa waddaniga.

Weliba warbaxinada qaar ayaa sheegaya in Abu Mazen aanu la kulmeynin kooxda Xamas, xataa haddii ay iyagu codsadaan kulanka.
Laakiin dadka u kuur-gala siyaasadda Bariga Dhexe waxa ay sheegayaan in Abu Mazen uu dhibaatooyin dhex muquurtey oo uu baxar ku jiro.

Istraatiajiyadda dhan ee Abu Mazen doonayey in heshiis uu kaga soo hooyo khilaafaadka da'da weyn ee Bariga Dhexe waxa ay ku saleysneyd in uu ka keeno xabad joojin kooxaha dagaalyahanada ee Falstiiniyiinta.
Afar maaalmood ka dib shirkii caqaba uu xoogaha kor u qaadey rajooyinkii laga qabay in nabadi ka salaxdo Bariga Dhexe, waxa haatan ay u egtahay in heshiis yimaadda uu ka sii fogyahay intii hore.

Top


Boqolaal Carab Ah Oo Laga Soo Mustaafurinayo Maraykanka.

Washington (W. Wararka): ugu yaraan 13 kun oo carab iyo muslimiin iskugu jira ayaa la sheegay inay halis ugu jiraan in laga mastaafuriyo dalka Maraykanka, kuwaas oo ay diiwaan gelisay hay’adda socdaalka iyo qaxootiga ee dalkaasi, laga soo bilaabo 11-kii September, 2001, markii ay weeraradu ka dhaceen dalkaasi, waxaana lagu tilmaamay inay tahay hawlgalkii ugu weynaa ee noociisa ah, ee lagu mastaafuriyo muslimiinta iyo Carabta ku nool dalkaasi.

Sida ay wararku sheegayaan 13-kan kun ee qof ee muslimiinta iyo Carabta ah waxay u aragtaa dawladda Maraykanku kuwo aan sifo sharci ah ku joogin dalkeeda, sidaa daraadeedna waxa ay qorshahan u fulinaysaa iyada oo gabaad uga dhiganaysa waxa loogu yeedho la dagaalanka argagixisada ee uu Maraykanku horboodaha ka yahay.

Top


Jarmalka Oo Ka Hadlay Weerarkii Ciidamadiisa Ee Afqaanistaan.

BBC_Germany waxa ay sheegtey inkastoo tirada askarta kaga dhimatey qaraxii Sabtidii loo geystey Bas ay saarnaayeen qaar ka mid ah askarteedu uu gaadhey afar, haddana taasi ayna ka dhigneyn in ay ciidamadeeda kala baxayso Afghanistan.

Wasiirka Gaashaandgigga ee Germany, Peter Struck ayaa yidhi "waa in la hubiyo joogitaanka ciidamo caalamiya in ay joogaan Afghanistan"
Qaraxii Sabtidu waxa uu dhacay ka dib markii baabuur Taxi ah oo ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa lagu dhuftey Baskii askartu saarneyd.
Masuuliinta Afghanjistan waxa ay eeddda dusha ka saareen Taleban ama al-Qaeda.

Qaraxan oo sida muuqata ahaa, mid uu sameeyey ruux naftii hore ah waa kii ugu xumaa ee Afghanistan ka dhaca tan iyo markii ay ciidamada nabad ilaalinta ee caalamigu ay tageen waddankaas, muddo haatan laga joogo hal sano.

Waxa uu qaraxani ka dhacay meel saldhig u ah ciidamada ka kala socda waddamada Germany iyo Netherlands oo hogaamiya Xoogagga Gargaarka Ammaanka Caalamiga ee (Isaf).

Baska la beegsadey waxa askarta German-ka uu u wadey Garoonka Dayuuradaha si ay waddankoodii ugu laabtaan, ka dib markii ay soo guteen shaqo lix bilood ahayd.

Waxa iyaguna halkaas ku dhaawacmey 29 askari oo kale oo saarnaa Baska la qarxiyey, sidoo kale shici Afghanistani ah oo ku dhawaa halka Baska lagu qarxiyey ayaa iyaguna dhaawacmey. 

Top


Jarmalka Oo Ka Hadlay Weerarkii Ciidamadiisa Ee Afqaanistaan.

BBC_Germany waxa ay sheegtey inkastoo tirada askarta kaga dhimatey qaraxii Sabtidii loo geystey Bas ay saarnaayeen qaar ka mid ah askarteedu uu gaadhey afar, haddana taasi ayna ka dhigneyn in ay ciidamadeeda kala baxayso Afghanistan.

Wasiirka Gaashaandgigga ee Germany, Peter Struck ayaa yidhi "waa in la hubiyo joogitaanka ciidamo caalamiya in ay joogaan Afghanistan"
Qaraxii Sabtidu waxa uu dhacay ka dib markii baabuur Taxi ah oo ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa lagu dhuftey Baskii askartu saarneyd.
Masuuliinta Afghanjistan waxa ay eeddda dusha ka saareen Taleban ama al-Qaeda.

Qaraxan oo sida muuqata ahaa, mid uu sameeyey ruux naftii hore ah waa kii ugu xumaa ee Afghanistan ka dhaca tan iyo markii ay ciidamada nabad ilaalinta ee caalamigu ay tageen waddankaas, muddo haatan laga joogo hal sano.

Waxa uu qaraxani ka dhacay meel saldhig u ah ciidamada ka kala socda waddamada Germany iyo Netherlands oo hogaamiya Xoogagga Gargaarka Ammaanka Caalamiga ee (Isaf).

Baska la beegsadey waxa askarta German-ka uu u wadey Garoonka Dayuuradaha si ay waddankoodii ugu laabtaan, ka dib markii ay soo guteen shaqo lix bilood ahayd.

Waxa iyaguna halkaas ku dhaawacmey 29 askari oo kale oo saarnaa Baska la qarxiyey, sidoo kale shici Afghanistani ah oo ku dhawaa halka Baska lagu qarxiyey ayaa iyaguna dhaawacmey.

Top


Nabsigii Foosto-Riix, Q: 2aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.

Foosto Riix baynu haynee sidii aynu soo sheegnay waxa uu ahaa nin aqoon iyo karti Ilaahay siiyey, markiiba waxa uu bilaabay inuu korodhsado aqoontiisa, iyo inuu higsado mustaqbal ka fiican ka uu ku jiray, waxoogaa yoomiye ah, oo uu ka qaadan jiray hudheelka ayuu ku dabaray noloshiisa, isaga oo isla markaana dedaal u galay inuu waxbarasho helo, balse taasi muddo ayey ku qaadatay, maadaama uu magaalada ku cusubyahay.

Waxa uu Ilaahay u bixiyey oo gacan qabtay intii dambe xaajigii lahaa hudheelka uu shaqada ka helay, oo la odhan jiray Xaaji Shariif, isaga oo markii uu arkay dedaalkiisa iyo sida uu doonayo inuu aqoon iyo tabcasho la yimaado ka dhigtay gacan yarihiisa, isla markaana maalinba maalinta ka dambaysa u kordhinayey derejada uu shaqada ka hayo.

Foosto riix wuu ka soo dalacay foosto riixnimadii, isaga oo badhtanka u galay madbakhii iyo halkii wax lagu karinayey, isla markaana shoolada ugu dhacay halkay u dhimatay, iyo mac-macaanka huteelka lagu hayo, taasoo uu ka soo bilaabay weel maydhista, mudalabka, kaaliye cunto kariye, ilaa uu markii dambe kuug rasmi ah noqday, balse dhibaatada ugu weyn waxay ahayd iyada oo aanu ka hadhin magacii Foosto riix, ee uu bilawgii foostooyinkii uu riixayey ku kasbaday, laakiin maadaama ay reer magaalnimadu ku sii duxaysay waxa uu ahaa nin u adkaysta dacaayadda iyo kaftanka lagu hayo magaalada. Si uu aqoon dheeraad ah u helo, foosto riix wuxuu bilaabay inuu habeenkii u aqoon doonto goobo wax lagu barto, isaga oo ahmiyada siiyey barashada af-soomaaliga, taas oo uu meel fiican ka gaadhay, waxa sii caawisay, isaga oo intii uu reer baadiyaha ahaa, wax ka yaqaanay, dhinaca diinta, gaar ahaan qur’aanka, oo uu meel fiican ka gaadhay, iyo cilmi dhegoodka oo cilmiga diinta ah uu ku fiicnaa, waxa kale oo uu ahaa nin ku fiican dhinaca cibaadada oo shanta salaadood may seegi jirin, balse taasi waxay ahayd mid mar marka ka dambaysa uu ka sii durkayey maadaama uu ku sii durkayey dhinaca reer magaalnimada.

Foosto Riix waxa kale oo uu ahaa nin ku fiican dhinaca dhaqanka gaar ahaana ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, taasina waxay ka dhigtay nin madadaalo u sameeya, dhalinyarada gaar ahaana caweysinkii marka shaqooyinka laga faraxasho.

Waxa kale oo uu bartay dad badan oo reer magaal ah oo ay ka mid tahay gabadh la odhan jiray Farxiya, oo dawaarle ku haysatay meel ku dhaw hudheelka uu ka shaqeeyo, taasina waxay fursad u siisay inuu u dhiibto oo uu dhigto kolba wixii soo gala ee uu shaqaysto, isaga oo dhalinyarada ay wada shaqeeyaan la kiraystay guri ay iska wada bixiyaan bishii.

Waxay socotaba waxa uu noqday ninkii Foosto Riix, nin la soo fahmaya lana qabsanaya reer magaalnimada, marba marka ka dambaysa, isaga oo aqoontii iyo barashadii cilmigana halkii ka waday, muddo ka dib ayuu saluugay shaqadii, hudheelka waxaanu goostay inuu shaqo kale raadsado, isaga oo qayb ka noqday shaqaale loo qaadanayey dhinaca dhismaha, waxaanu noqday nin kuuli ah, oo yoomkiisa ka soo saara halkaasi.

Waxaanu noqday nin shaqadaana ku fiican, oo marba marka ka dambaysa la soo qabsanaya shaqada dhismaha, taas oo uu iyadana meel fiican ka gaadhay, waxaanay taasi keentay inuu u kordho yoomkii uu helayey maalintii.

Dhinaca kale waxa galay Foosto Riix hamo guur iyo jacayl isaga oo aan meel fogba la qaban arrintaasi, la bilaabay Farxiya gabadhii dawaarlaha haysatay, ee yoomka u ururin jirtay, taasoo uu haasaawe la bilaabay. Isaga oo maagan mustaqbalka inay aqal wada yeeshaan, ubadna kala helaan.

La soco.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Caruurta Ii Toosi Aan Timaha Ka Xiiree, Xadiis M. Xadiis.

Saacaddu waxay ahayd 12:00 habeenimo, inta badana laydhka magaalada waa la damiyay, mana jirin gobo ganacsi oo xilligan shaqaynaayay marka laga reebo sandaqad yar (dukaan) oo ay fadhiyeen koox iyagu qudhoodu saamalayl ahaa. Sidii caadada u ahayd “Guure,” wuxuu soo garaacay albaabkii isaga oo aan caadi ahayn.

Markay xaaskiisii albaabka ka furtay, hadalkii ugu horeeyay ee afkiisa ka soo baxaana, wuxuu ahaa; “Naa carruurta ii toosi aan timaha ka xiiree.” Tolaay oo tolaay ma carruur noolbaa ii joogta, waa maxay carruurtan aan timihiiba laga xiirin, ma jabhadbaa, timo dhaadheeraa.”
Dabadeedna xaaskiisii way yaabtay oo istidhi malaha ninku ninkaagiiba ma aha. Markaasay tidhi; “Waar balaayo xiire, shaydaanka iska naar oo aayar seexo.”

Qisadani waxay dhexmartay nin iyo ooridiisii, waxaanay is-dhaafsadeen erayadaas aan kor ku soo sheegnay, waxaanay taasi ka dambaysay kadib markii uu odaygii guure soo qayilay soona garaacay wakhtigaa aan kor ku soo sheegnay (12:00pm).

Haddaba maqaalkan maanta waxaan si gaar ah ugu eegi doonaa dhibaatada jaadka iyo mashaakilka uu ku hayo bulshada Soomaalida guud ahaan, gaar ahaana reer Somaliland oo ah meeshay qisadani ka dhacday.

Dhibaatooyinka fara badan maanta waxaan ka soo qaadanaynaa tan ka dhacday magaalada Hargeysa dhexdeeda, kadib intii dalka la soo galay, qisadiina waxay u dhacday sidan:

Sida aan kor ku soo sheegnay ninkani wuu qayilaad tagay, waxaanu maalintii oo dhan fadhiyay xaafad kale, markaasuu ka soo kacay habeen badhkii, waxaanu ku soo beegmay xaafadda xilli aanay magaaladaba jirin wax socdaa, dadkana inta badani way huruday, marka laga reebo isaga iyo inta la midka ah ee saamalaylka ahayd.

Haddii ay haweenaydii maqashay daryaanka garaaca albaabka, garatay inuu yahay “goor xun guure” ahaa, dabadeedna waxay ka furtay albaabkii, markaasay dareentay in aanu odaygu caawa caadi ahayn, laguna raran yahay, markaasay ku tidhi: “Maxaa caawa kugu dhacay.” Dabadeed jawaabtay ka sugaysayba kama hadline, wuxuu yidhi: “Naa carruurta ii toosi oo mikiinadiina ii keen aan timaha ka xiiree.”
Markaasay islaantii yaabtay oo ay ku tidhi: “Waar balaayo u xiire orodoo seexo oo shaydaanka iska naar.” Dabadeedna, markuu arkay in aanay Islaantu ku waafaqsanayn in xilligan ciyaalka loo xiiro, macquulna aanay ahayn ayuu aayar dhaqaaqay, una tallaabsaday dukaan yar oo in cabaara u jira. Isla daqiiqadiiba waa nin waalane wuxuu gurigii ku soo laabtay isagii oo wata lix (6) makiinadood, markaasuu yidhi; “Naa kaalay oo carruurta ii qabqabo aan timaha ka xiiree.”
Dabadeedna islaantii markay ka yaabtay inuu iyadana u xiiro oo ay tidhi: “Waar orodoo u xiiroo, waa kuwaase maxaaban kaaga celin.” Dabadeedna intuu dharkii soo dhigtay ayuu darsin makiinado ah la dul yimid carruurtii oo huruda, markaasuu ku bilaabay xiiritaankii, isagoon biyana marinin ciyaalkii, deedna wuxuu caawoo dhan marba mid dheelalowsan oo hurda timaha jiidoo kaga qararac siiyaaba, xilli dambe oo waabirigii ku dhow ayuu ka faraxashay.

Dabadeedna Islaantii oo ladi wayday cabaadkii iyo oohintii ka baxaysay ciyaalka qalaylka loogu xiirayo habeen badhka oo is lahayd malaha markuu ka soo jeedsado ciyaalka dee adiga uun baa ku xigi doona ayay neefi ka soo booday markuu iyadii garab maray.

Dabadeedna, wax yar kadib isagii oon wax badanba jiifin, wuxuu ku toosay sawaxanka iyo dhawaaqa qosolka iyo oohinta isugu jira “Alla hebel madaxiisa eega, sida loo galay,” “Adigaba kaagaba day, qaarna la xiiray, qaarna timihii ku yaaliin,” iyo erayo la mid ah.

Xilli ay barqadii tahay oo dadka inta badani shaqo tagtay oo la quraacday. Markaasuu durbadiiba indhaha ku dhuftay kii ciyaarka u yaraa oo dhakada hoolhoolan oo madaxa qaarna bannaan yahay, qaarna timihii ay sidoodii yihiiin. Waayo, waxaa u xiiray nin aan caadi ahayn, xilli aan caadi ahayna wuu u xiiray. Markaasuu yidhi: “Waar yaa sidan kuu galay oo kugu ciyaaray.”

Markaasay kuwii kalana ku soo wada yaaceen oo yidhaahdeen; “Alla aabo anagana na day sida naloo galay xalay.”

Markaasuu dee isagoo qaadiraysan oo dubaabkii ku raran yahay oo labada indhood midna ka hurda midna kala haya yidhi: “Waar bal kaalaya, waa maxay balaayadan xalay idin miratay.” Markaasay lixdoodiiba iyagoo aad shayaadiin moodo madaxooda siduu xalay u galay isku mar yidhaahdeen: “EEN, EEN, EEN aabo xalaytoole fiidkii markaanu sii seexanaynay caadi baanu ahayn. EEN EEN, EEN saakana waxaanu is aragnay uun anagii oo sidan ah (wada khariban),” markaasuu yidhi: “bal orda oo hooyadiin u yeedha.”

Markaasay timid iyadii oo yaaban oo ka naxsan masiibada xalay ku dhacday ciyaalkii nabadda ku seexday, markaasuu ku yidhi; “Naa waa maxay ciyaalka caynkan ahi, yaa ku ciyaaray.”
Markaasay tidhi: “Oo yaad weydiin oo kale, miyaanad adigu ahayn kii xalay haliilaayay, een ka kari la’aa.”

Markaasuu isagii oo kala toosay oon xataa wajigaba biyaha marin oo ku heeryaysan dubaabkii oo dhan ku yidhi: “Naayaa, ma anigaad igu leedahay adaa sidan u galay ciyaalka,” markaasu cay iyo bahal dhirbaaxo ah ku soo qaaday labada indhood (Wac), markaasuu haddana ku hirgisay laad iyo feedh reer magaal oo kala go’ lahayn, markaasay islaantii markay gagabtay afka ku dhufatay bahal qaylo ah “Allaa iga qabta, Alla iga qabta, yaa muslima waar jaarkii aaway aah aah, aah.”

Markaasaa lagu soo yaacay oo laga qabtay, iyadoo uu jilciyay (garaacay), markii la weydiiyayna sababta uu u farasaaray haweenayda wuxuu yidhi: “Maxay iyadu iigu leedahay adaa ciyaalka hayl-haylay. Miyaan waalahay.”

Dabadeedna, intay madaxaz kor u qaaday iyadii oo dhulka taalla tidhi: “Muslimyohow islaameed, ninku bilaashbuu iigu tumanayaaye, bal eega siduu carruurta u galay xalay?”

Dabadeedna dadweynihii waxay u yeedheen ciyaalkii, saa waxa la arkay ciyaalkii ood moodo sidii aan horeyba u soo sheegnay shayaadiin.

Markii islaantii la wareystay, waxay tidhi: “Xalay anagoo hurudna ayuu nagu soo garaacay albaabka, markii aanu ka furnayna wuxuu yidhi: “Naa isii mikiinadii oo carruurta ii toosi aan u xiiro’e.”

Markii aan arkay in aanu caadi ahayna, anigu waan iska seexday, balse xalay oo dhan waan maqlaayay cabaadka carruurta, markuu sidaa u silcinaayay, waana idinkaa arkay muslimyohow islaameed carruurtii nabadda ku seexatay xalay, waa kuwaa aad moodo daanyeerada een suuro bani aadamba lahayn.”

La soco qayb kale oo tan la mida.

Top


“Horta Hareer Qabo Awrka, Si Berri Hareeraha Laguula Qabto.”

“Yaa hareer qaban awrka?” Waa su’aasha aan ka horeysiinayo mawduucayga, iyada oo jawaabteeda ay u taal dadweynaha Somaliland.

Iyadoo bulshada reer guuraaga xoolo-dhaqatada ahi ka duulayso baahideeda ku salaysan difaaca maadiga ee lagala hor tagayo cadow dad iyio dugaagba baahideeda ijtimaaciga ah ee lagaga hortagayo hanti la’aanta, gaajada, baahida, cudur iyo baahideeda ku salaysan iskaashiga iyo hawl wadaaga sida xero oodka, xoolo waraabinta, xoolo raaca iyo ilaalinta, waxay isku habaysay qaab-dhismeedka qoqobka iyo isku qobtolida abtirsiga qaabkaas oo kolba sidii ay danta ugu jirto u midhiqshanlaysta.

Raadraaca weedhahaasi hareeraha qabta o oah hogo tusaalayn, waxaan ummaddayda u soo gudbinayaa in lagu jiro xilligii aynu awrkeena hareeraha wada qaban lahayn oo ah sidii dhaqanka inoo ahayd.

Xusuus ahaan xilligii halganka lagu jiray way jireen hagardaamooyin badan oo la kala tirsanaayay, hase yeeshee danta guud ayaa laga raacaayay inta xuna inta danta hareeraha haysay ayaa loo mari waayay.
Sidoo kale, maanta xilligani kama duwana marxaladihii qadhaadhaa ee halgankii sida midaysan loo waajahay, iyadoo wixii la kala tirsanayay la liqay.

Xusuus ahaan, waxaa maanta isbahaysi aan dahaadh saarnayn oo heerkasta laga galay, laguna jiraa sidii xornimadeena looga dhigi lahaa waxaan jirin oo cadawgeenu ay jecel yihiin xoogag gudaheena ah ay ka dhigtaan badhi-taageero si qasdigooda ay u gaadhaan, iyagoo meelo badan danaynaya in ay ka helaan baylahyo, loolan, wax kala jiidasho, gaar ahaan mida doorashooyinka is-nacayb dan gaara oo qofeed amaba beelleed si awrku heeryada u tuuro, iwm.

Nuxur ahaan waxaan leeyahay, “The fox must be chased away first, after that the hen must be warned against chattering into the bush,” Oo ah marka hore waa in dacawada iyo dugaaga wax halaagaya, ardaaga reerahana laga fogeeyo markaas kadibna waa in baraarka iyo carruurta looga diggaa in ay duurka galaan.

Waxaanan leeyahay horta marka hore hareer qabta awrka tallaabadiisa oo wiiqaysa cadowgeena, gudaha iyo dibaddaba markaas kadib waxa tabasho ah ama dhaliil ah ee danta guud ah cid waliba way ku qasban tahay soo dhawaynteeda.

Runtii uma danaynaayo Madaxweynaha maanta ee dani waa seeto haddii sideeda loo saaro!!

Haddii la qaato miqiyaaska dhaliilaha waxaan marayn loo helayn miisaanka dheeliga awrka ka dhasha oo sidii lixdankii baylahdii dhacday fata dhexda laga qaniinay maantana raadkeedii waa in laga digtoonaadaa Illaah kama dhigee.

Waxaan kooxda aanu saaxiibada nahay u soo jeedinayaa in haddii ay doonayaan in ay hogaanka u qabtaan Somaliland in ay yeeshaan samir ay wax ku sugaan oo ay awrka maanta hareeraha qabtaan, si bari loola qabto hareeraha.

Mubaarig Jaamac Nuur (Jaambiir) iyo Mustafe Cabdi Maxamed (Cusbo), Hargeysa

Top


Dawladda Cusubi Tayo Ma leedahay?

Tan iyo markii maxkamadda sare ee Somaliland sida cad ugu dhawaaqday guusha ay xisbiga UDUB ka gaadheen dooroshooyinka Madaxtooyada ee Bishii april ka dhacday dhamaan dalka oo dhan, waxaa Madaxweyne Riyaale shaaca uga qaaday bulshada Reer Somaliland in uu dhisaayo dawlad uu ugu yeedhay Mid naxariis badan, tayo leh, balse aan dabacsanayn, waa sida uu hadalka u dhigaye, hadaba akhristow markaynu seddexda kelmadood ee Madaxweyne Riyaale isticmaalay kala qaad-qaadno waxaa hubaal ah in horudhaca guud ee ku dhawaaqida golaha xukuumaddu ay muujinayso khilaaf weyn oo ka horyimid ballanqaadkii Madaxweyne Riyaale, aan dulucda hoos ugu dhaadhaco kalana qaad qaado bal sida ay bulshadu wax u sugaysay

1. WAA TEE DAWLADDA NAXARIISTA BADAN?

Dawlad loo dhanyahahay, dawlad ay ka muuqdaan ashkhaas la saaxiib ah bulshada, dawlad ku sifaysan wajiyo la isku hallayn karo ballan qaadka bulshada ay u hayaan, dawlad aan khiyaamayn hantida qaranka, dawlad aan lahayn saansaanta cududa militery (Sidii xukuumaddi dalka laga tirtiray ee Kacaankii siyaad Barre), dawlad ka saafi ah qawaaniinta loogu yeedho afka qalaad (corruption) musuqmaasuq (nepotism) eexasho (tribalism) iyo weliba qabyaalad, iyo weliba astaamo guud oo dadweynahu ku duugsadaan, waa dawladda dabcan akhriste aynu dhamaanteen u aqoonsan karo dawlad naxariis badan, dulucda qoraalkaygu ma aha in aan ka dhiidhiyaayo wejiyada cusub ee ka dhex muuqda golaha xukuumadda Somaliland, balse waxa weeyaan halkay ku danbaysay tallo wadaagnimadii axsaabta siyaasadeed, Halkee uu hogaanka qaranku ku laalay isku soo dhawaanshahii hawladeenada bulshada. dabcan waa su,aalo u baahan jawaabtooda lagana sugaayo inuu ka jawaabo Daahir Riyaale Kaahin madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland.
WAA TEE DAWLAD TAYO BADAN?

Dawlad hadaf iyo hanaanleh, dawlad indheer garadku ka dhex muuqdo, dawlad hawrarta ay ku sifaysantahay ka midaysan, dawlad cadawga yuurura lagu hallayn karo, dawlad hooyada cadceeda hoos haawanaysa taakulaysa, dawlad og danta guud ee qaranka Somaliland, dawlad xeerta xuduudka guud ee qaranka somaliland, dawlad u heelan hawsha culus ee soo waajihi doonta waa dabcan saansaan lagu sifayn karo dawlad tayo leh (quality government).

Akhristow Markaan dhinaca kale ka eego iskuna dayo inaan salka taabto ashkhaasta guud ee loo magacaabay xilalka kala duwan inkasta oo aan odhan karo anigu badankood aqoon guud uma lihi balse aan jecelahay inaan wax ka taatabto shakhsiga qudha ee aan is idhi malaha waa aqoonayahan, muwaadin, daacadlow, uu madaxweyne Riyaale halkii ugu haboonayd la hiigsaday waa ENGINEER MAXAMED XAASHI CILMI, waxaa laga yaaba caamiyan in Engineer Xaashi aanay bulshadu aqoon u lahayn, sannadkii 1996kii ayuu Mudane xaashi noqday duqa caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Mudane Xaashi, waxaa markhaati maanta u ah boqolaalka kun ee reer Hargeysa Isbedelkii baaxadalahaa ee uu la hiigsanaayey caasimadda Qaranka, waxaan ku kalsoonahay in uu Mudane Maxamed Xaashi Cilmi lagu rayn doono, waabase hadiiba uu ka helo la shaqayn (co-operation) buuxda hogaanka qaranka oo la,aantii aanay fulayn hawsha sida daacadaleh loo fullin karo.

dhinaca kale waxaa aan arka khalad weyn oo uu madaxweyne Riyaale sameeyey markii uu Maxamed Siciid Gees u magacaabay wasiirka Kaluumaysiga, waayo Mudane Gees waa khabiir ku takhasusay hawlaha caafimaadka, aqoon aad u dheerna u leh hawlaha dhaqaale iyo maaliyadda, dhinaca kalana xanbaarsan haybad iyo aqoon dhaqanka iyo xadaaradaha bulshada markaa waxaan Madaxweynaha kula tallin lahaa in uu Gees ku celiyo wasaaradda Maaliyadda oo uu mar ka ahaan jiray wasiir, runtii waxaa marag ma doonto ah intii uu gees ka ahaa wasaaraddaasi wasiirka inuu ku guulaystay midaynta cashuuraha bedda iyo beriga Somaliland oo dhan, wuxuuna u sameeyey sharci tayo leh oo saamayn ku yeeshay musuq maasuq farabadan oo dalka ka jiray, dhinaca kale Marwo Dr. Adna Aadan waxaan odhan kara waa muwaadinad hawlkar, aan kalsooni buuxda ku qabo inay ka soo dhalaali karto hawsha balaadhan ee loo igmay oo ay ugu horayso iibgeynta qaranka Somaliland oo aan aqoonsi ka haysan bulshada caalamka.

Guntii iyo gebo gebadii ayaan la qaba saxiibadayda reer London Ismaciil gadiid, iyo Cabdirizak xuseen balayax, "Walle nin hurdoow hallowday dantaa."

Mohamed Abdi Hassan (Diridhaba), Karachi, Pakistan.

Top


Yaa Mudan Madaxweynaha Soomaaliya? [Dambiila Dagaal Mise Siyaasi Shacab ah].

Iyadoo Mudo 21 Sano ah dalka Soomaaliya Xukumaysay Dowlad ay Hogaaminayeen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, kuwaasoo afgambi Millatarri ku qabsaday 1969-kii wax yar kadib markii la dilay Madaxweynihii waagaas xukumayay C/rashiid Cali Sharma’arke, wxiii waqtigaas ka dambeeyayna Shacabka Soomaaliyeed waxaa madaxa uga fadhiistay Hoggaamiyihii Millatari ee Maxamed Siyaad Barre.

1991-kii markii ay dagaalada sokeeye ka qarxeen Dalka waxa soo baxay hoggaamiyayaal carada muggeed ah, iyagoo ka dhex muuqday shirarka dib u heshiisinta ee lagu baadi goobayay sidii nabad waarta loogu soo celin lahaa Soomaalidii kala yaacu ku dhacay, waxay kaloo caan ku noqdeen hoggaamoyeyaalkaas daadinta dhiigga dadka aan waxba galabsan iyo hurinta colaadaha.

Hab dhaqanka hoggaamiyeyaashaas sidaas uma kala duwana, waxay ka siman yihiin been ka sheegidda xaaladda dhabta ah ee Dalka, mowqifka Siyaasaddooda iyo iney fulin waayaan heshiisyo ay ku soo galeen shirar badan oo ay ka qeyb galeen, xitaa waxay awoodi waayeen iney nabad ka dhaliyaan goobaha ay ka taliyaan, waxa kaloo intaasi u sii dheer xaalufinta ay u geysteen Dalka, oo waxay bur buriyeen dhammaan warshadihii dalka oo iib geeyay dibadaha iyo heshiisyo ay la soo galeen shirkado shisheeye oo Badaha Soomaaliya ku shubaya haraaga Sunta walxaha Kiimikaad.

Siyaasiyiintii Rayidka aheyd waxay ka carareen holaca kasoo shidmaya qabqablayaasha Dagaalka, wuxuu damiirkooda siinwaayay iney dalka ku noolaadaan, iyagu naftooda waxay qeyb weyn ku leeyihiin bur burinta dalka loo geystay mar haddii ay la kala safteen Beelaha ay ka soo jeedaan.

Haddaba qormadeena waxaan ku soo qaadaneynaa Siyaasiyiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Dagaalka ee ku haminaya, hungurina ugu jira Jagada Madaxweynenimada Soomaaliya, kuwaasoo haatan isku soo sharaxay xilkaas, waxaana ka mid ah musharaxiinta Jagada Madaxweynenimada Soomaaliya, Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, Xuseen Maxamed Caydiid, Faarax Sendiko, C/llaahi Axmed Caddow, Jen. Muumin, Jaamac Cali Jaamac, Suldaam Muuse Sheekh Maxamed, Jen. Aadan C/llaahi Nuur (Gabyow) iyo kuwo kale oo fara badan oo iyagana jidka ku soo jira, waxaase isweydiin mudan YAA MUDAN MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA haddii uu ahaan lahaa Qabqable dagaal, Siyaasi Askari ah iyo mid rayid ah.

C/llaahi Yuusuf Axmed waa Ninkii ugu horreeyay ee mucaaraday Dowladdii Siyaad Barre, waxa uu ka mid yahay qabqablayaasha ku caan baxay Dagaaladii sokeeye ee dalka ka qarxay, gaar ahaan kuwii ka dhacay Goboladii Puntland, hay’adaha xuquuqda aadanaha waxay sheegeen in Korneylku ugu yaraan toban kun oo ruux god ugu jirto, waxa uu kasoo jeedaa Beesha Daarood (Majeerteen, Cumar Maxamuud), waxa uu aad u daneeyaa in loo doorto Jagada Madaxweyne, isagoo sheegay in haddii la doorto cagta uu marin doono kooxaha mayalka adag, inkastoo dadka Soomaaliyeed ay yar tahay kalsoonida ay u hayaan Korneylkaas naxdinta ka guurtay, haddaba ma loo dooran karaa jagadaasi? Waa su’aal jawaabteedu cid kasta oo akhrisata Maqaalkan laga doonayo.

Faarax Sendiko Waa rug caddaa Sports-ga oo caan ka noqday Bulshada Caalamka, Soomaaliyana u soo hoyay guulo badan oo ku saabsan Sportska Soomaaliya, isagoo dib u soo nooleeyay Qarankii bur buray ee Soomaaliyeed, haddii aan intaasi uga gudubno waxaa aad u yar kaalinta uu ka qaatay Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, mar haddii uu ku noolaa inta badan dalka dibaddiisa, waxa uu ka soo jeedaa Beelaha Hawiye (Abgaal, Harti Abgaal), sidoo kale Mr. Sendiko waxa la sheegay inuu ka haysto taageero badan Beelaha qaarkood, lamase oga inuu jagadaasi ku guuleysan doono iyo in kale, balse Faarax ma mudan yahay jagadaas?

C/llaahi Axmed Caddow Waa diblumaasi in badan Siyaasadda ku soo dhex jiray, isla markaasina la aaminsan yahay inuu ka mid yahay dadkii bur buriyay Dowladdii Cali Mahdi ee lagu soo dhisay Jabuuti kadib markii la sheegay inuu Caddow qoray warqad uu ku leeyahay “Haddaan nahay Beesha Sacad Dowladda Cali Mahdi ma taageereyno, mana ogolaan doonno, waxaana ka xignaa dagaal”, warqaddaasi waxay ku socotay Qaramada Midoobay iyo Dowladaha IGAD, waxaana haatan gacanta ku haya nuqul ka mid ah Siyaasiga lagu magacaabo Dr. Xuseen Xaaji Maxamed (Bood) oo ku qeybiyay Shirka Kenya qeybo kamid ah waraaqdaas.

Caddow waxa uu ka soo jeedaa Beelaha Hawiye (Habargidir, Sacad), marka laga tago shakhsiyaddiisa waxa aad u yar kalsoonida Beelaha Soomaaliyeed ay ku qabaan Beeshiisa Habargidir, maadaama la ogsoon yahay in ay hormuud u aheyd Dagaaladii lagu qaaday Baydhabo, Bakool, Kaaraan, Baardheere, Beledweyne iyo Kismaayo, sidaas darted malagu aamini karaa Caddow Jagada Madaxweynenimo ee Soomaaliya ee uu haatan isku soo sharaxay.

Jen. Muumin Ibraahim Isaaq wuxuu ka mid yahay Saraakiisha Booliska Soomaliyeed, xilliganna wuxuu hayaa jagada Taliyaha Booliska ee Dowladda KMG ah, inta badan xilliyadii ay socdeen dagaaladii sokeeye wuxuu gaaf wareegayay dalalka shisheeye, waana Jeneraal da ah oo hunguri ugu jira kursiga Madaxweynenimada, waxa aad u ayar qeybta uu ku luhaa dagaaladii sokeeye, waxa uu ka soo jeedaa Beelaha Digil iyo Mirifle (Luwaay, Awoo Roore), sidaas awgeed malagu aamini karaa jagada Madaxweynenimada?

Laakiin runtu waa in dadka ku nool koonfurta somalia ay isla rabaan wax kasta ka bilow madax weynaha ilaa iyo caasimada hadaba waxaad aragtaa in hal qabiil 2 ka soo baxeen weliba hal laf.

Dadka somaliland ayaa marnaba ku fekereen inay ka qayb galaan dowladaa waayo hawiye 6 jeer ayey heleen xilka intii aaden cade ka danbeesay daaroodna waa la yaqaan intay heleen laakiin dadka isaaqa ayaan helin marna mana aha wax cadaalada iyada oo la ogyahay dhibta loo geestay.

Waxaa ceeb ah in somalia koonfurta gobolka benadir aanay ku guuleesan dhismo dowlad waayo inta kale somalia waa nabad waa arin dadkaas ku ceeba somalia meeshay ka degi la dahayna waa benadir iyo agteeda.

Somaliland ma rabto dad aan ixtiraameyn ma rabaan dad aan lahayn kala danbeyn, waayo waxaad arkaysaa ilaa iyo xornimadii inaan dadka somaliland helin jegada sare ee madax weynaha laakiin maanta uma baahna inay xataa meel la fadhiistaan shir ah somalia waayo somalia malaha ixtiraam.

Waxaa qoray.
Abdulfatah sheikh omer arale
ARALEVIP@hotmail.com
INDIA.madras.

Top


Wasiirnimadii Habaarbaa baa ku Dhacay!

Waxaan akhristay joornaalka Haatuf cadadkiisii 344 oo ay ku qornayd jawaab uu soo qoray Cawil Cali Ducaale kuna socotay Dr Cabdi AW Daahir. Waxaa aad iig yaabisay qof sheeganaya masu’uul in uu ku soo qoro joornaal shacbi ah waxyaabihii halkaa ku qornaa. Cawil Cali Ducaale waxaa ka muuqatay qoraalkiisa nacayb iyo eryo aflagaaddo ah oo aan qaban marxuum Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal oo maanta qabri ku jira (qof dhintay isma difaaci karo). Waxay ahayd inaad Dr Cabdi Aw Daahir adiga oon cadhoon iska difaacdid.

Cawil Cali Ducaale cid kastaa way ogtahay in uu si fiican ula caano maalay taliskii gacan ku dhiiglaha ahaa ee Siyaad Barre, shaqooyinka aad u haysayna waa wax la wada ogaa maanta se fursad fiican ayaad u heshay inaad aflagaaddayso kii soo halgamay kii dalkan badbaadadiisa ka shaqeeyay iyo marxuum Cigaal oo dalkan Somaliland halkaa quruxda badan soo gaadhsiiyay. Nin walba taariikhdaa sheegi doonta waxa uu dalkan u soo qabtay iyo adigu waxaad dalkan u qabatayba. Cabdiraxmaan Cabdilqaadir, wuxuu SNM u taray uma tari kartid inta cimrigaagu jiray Cawil haddaad tahay waana gaf inaad ku sheegto Cabdiraxmaan waa qof aan dhammayn, aniga se waxay ila tahay inaanu dhamayn qofkii Siyaad Barre hoos taagna maalintii dadkiisa dayuuradaha lala dhacayay, waxaan ila dhammayn qofkii dafirsanaa halganka dalkan lagu xoreeyay maantana mansab ku helay in uu aflagaaddeeyo geesiyaashii dalkan xorriyaddisa u halgamay.

Shacabka reer Soomaliland lama qaldi karo dadkana way kala yaqaannaan, Cawilow qof daartiisu qaruurad tahay daaraha kale ma dhagxiyo ee dhagaxa aad tuurayso iska daa! Jawabahaagana ha ka muuqato da’da aad jirtay iyo inaad tahay qof mas’uul ah.

Barkhad Axmed Ismaaciil.

Springfield, Ma.

USA.

Top