Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 352 June 11, 2003

BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Loo Kala Tag Hawl Iyo Ninkii Tamar Yaraa.

Siminaar Ku Saabsan Kaalinta Raga Iyo Haweenka Ee Bulshada Oo Ka Furmay Hargeysa.

“Waxa La Xaday Qof Banii’aadam Ah, Taasoo La Mid Ah Argagixisada Ay Aduunyadu La Dagaalamayso,” Waraysi ----- Axmed Ismaaciil Maxamed (Aabaha Wiilka Yar Ee Habeen Hore Bilaysku Heleen).

Waa Sidee Xaaladda Gabdhaha Loo Tabobarayo Bilayska Ee Mandheera,
Warbixin --- Weriyeyaal Ka Tirsan Haatuf.

“Waxaan Ballan-Qaadayaa In Sharciga Lahor-geeyo Qofka Lunsada Shilin Ay Umadu Leedahay,” Wasiirka Cusub Ee Maaliyadda Oo Xilkii Kala Wareegay Wasiirkii Hore.

Go’aano Kasoo Baxay Shir Ka Dhacay Kismaayo.

BBC - Dad ku dhow boqol kun oo qof ayaa la sheegayaa in ay nolol cidhiidhi ah ku nool yihiin caasimadda Monrovia ee Liberia kadib markii ay ka soo carareen dagaalada ku soo durkaya caasimadda ee mucaaradka iyo dowladda.

Britain Oo Diiday Inay Ku Biirto Lacagta Euro.

Xubnaha Maamulka Puntland Oo Qayb Laga Siiyay Mucaaradka.

Ciidamada Israa’iil Oo Ku Fashilmay Weerar Ay Damacsanaayeen Inay Ku Dilaan Hogaamiye Ka Tirsan Xamaas.

Foosto Riix, Q:3aad, Qiso taxane ah waxa Qoray Siciid Guraase.


BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Loo Kala Tag Hawl Iyo Ninkii Tamar Yaraa.

Go’aanka calool adeyga leh ee habeen hore ka soo yeedhay xisbiga KULMIYE ee uu ku aqbalay talo-soo-jeedintii Golaha Salaadiinta Somaliland ee ahayd in xisbigu aqoonsado natiijada doorashada Madaxtooyada Somaliland ee dalka ka dhacday bishii April 2003, run ahaantii waa tallaabo dadka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaanba ay u wada riyaaqeen.

Shaki kuma jiro in ka sakow soo afjarista khilaafka muddada 50-ka maalmood ah ka taagnaa natiijadii doorashada madaxtooyada ay tallaabadani meesha ka saari doonto carqalad weyn oo siyaasadeed oo caqabad ku ahayd hanashada horumarka siyaasadeed ee Somaliland ka hirgalay kadib markii ay dalka ka dhismeen axsaab siyaasadeed, isla markaana ku qabsoomeen laba doorasho ee golayaasha deegaanka iyo Madaxtooyadaba.

Haddaba, maadaama uu ka go’ay dadka nabarkii karaka ku hayay oo ay haatan suurta-gal tahay in la sii amba-qaado dhammeystirka wixii ka qabyo ah marxaladdan siyaasadeed ee dalku xilligan uu gudbay, haddaba su’aashu waxay tahay xisbiga iyo xukuumadda ee kubaddu dhankooda u soo wareegtay, garawshiiyo iyo siyaasad xal leh ma ka keeni doonaan arrimaha dhinacooda looga fadhiyo sida ku tilmaaman Baaqii dhexdhexaadinta golaha salaadiinta iyo tabashooyinka xisbigu tirsanayo, arrimahaas oo ay ugu horeysay ka-go’aan-gaadhista xilliga iyo habka loo qabanayo doorashada Baarlamaanka (labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada), taas oo dadka badankiisu qabo in la soo dedejiyo si ay xisbiyada mucaaridku u helaan saaxadii ay ka gudan lahaayeen kaalintooda siyaasadeed.

Haddaba tabashooyinka mucaaridku ay doonayaan in ay Baarlamaanka ka mid noqdaan waa mid u garowda, maadaama si jiritaankoodu aanu macno yeellan doonin ilaa iyo inta ay labada gole ee Baarlamaanka ku yeelanayaan xubno matala oo cabira waxay taageerayaashoodu ka qabaan xaaladaha iyo arrimaha kolba dalka ka jira.

Waxa kale oo lama huraan ah in xukuumaddu la tashi la sameyso xisbiyada kadibna ay soo saarto siyaasad cad oo ay dhaqaale ahaan ku sii kaalmaynayso 3 xisbi si sinaan ah isla markaana ay soo bandhigto damaanad ka xakamaynaysa xisbiga UDUB iska adeegsiga hantida qaranka, taas oo ka mid ah shuruudaha ugu muhiimsan ee lagu sii ambaqaadi karo loolan siyaasadeed oo si hufan oo cadaali ah u dhexmara axsaabta siyaasadda ee dalka. Sideedaba waxa waajib ku ah oo looga fadhiyaa maamulka Madaxweyne Rayaale inuu qaado tallaabooyin dhaxal-gal ah oo lagu cidhibtirayo musuqmaasaqa dhaqaale ee hadheeyay hay’adaha dawladda, taas oo ah arrinta uu ka dhasho musuqmaasaqa siyaasaddu.

Haddaba, iyada oo la rajeynayo in la gali doono arrimaha kor ku xusan iyo kuwo kaleba ayaamahan foodda inagu soo haya, waxase muhiim ah in xukuumaddu aanay dhayalsan eedaymihii loo soo jeediyay ee ku saabsanaa in ay ku kacday muddadii khilaafku taagnaa ku-xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha, iyada oo loo baahan yahay in ay guddi madax-bannaan u xilsaarto baadhitaanka arrintaas.

Top


Siminaar Ku Saabsan Kaalinta Raga Iyo Haweenka Ee Bulshada Oo Ka Furmay Hargeysa.

Hargeysa (Haatuf) - Wasiirkii hore ee arrimaha qoyska s/land marwo adna aadan oo dhowaan loo magcaabay wasaaradda arrimaha debeda ayaa shalay furtay simaanaar socon doona mudo saddex cisho ah oo lagu qabtay hoolka dhismaha sare ee cisbataalka Adna oo ay degan tahay wasaaradda arrimaha qoysku.

Siminaarkan waxay ka qayb galayaashu kusoo bandhigeen fekredo kala duwan oo la xidhiidha doorka ragga iyo haweenka ee bulshada, islamarkaana waxay ka doodeen faraqa u dhexeeya haweenka iyo ragga, marka laga hadlayo nolosha miyi iyo magaalo, waxayna soo bandhigeen mawduucyo la xidhiidha shaqooyinka, sida ay haweenka iyo raggu u qabtaan, iyagoo tusaale usoo qaatay, masuuliyada, maamulka iyo meelmarinta qorshaha nololeed ee qoyska.

Waxa kaloo ay doodooda kusoo bandhigeen isbedelka bulshada ee dhinaca dhaqanka oo saamayan ku yeeshay nolosha mujtamaca iyo doorka ay caruurtu ka qaataan bulshada, marka ay helaan daryeel wanaagsan , deegaan nabdoon iyo tarbiyad fiican.

Top


“Waxa La Xaday Qof Banii’aadam Ah, Taasoo La Mid Ah Argagixisada Ay Aduunyadu La Dagaalamayso,” Waraysi ----- Axmed Ismaaciil Maxamed (Aabaha Wiilka Yar Ee Habeen Hore Bilaysku Heleen).

Hargeysa (Haatuf): “Bishii sadexaad 14-keedii, saacadu markay ahayd 12:15 duhurnimo ayaa inanka laga qaatay guriga aanu deganahay hortiisa oo uu ku yaalo sandaqad yar oo rayiisle ahi oo anigu aan ku caawiyay ninkaasi, waxaana jiray dumar ku caawiyay arrintaasi,” sidaa waxa yidhi Axmed Ismaaciil Maxamed oo dhalay wiilka yar ee Subeer Axmed Ismaaciil oo helay habeen hore oo ay ku guulaysteen soo helistiisa ciidanka Bilaysku, kaasoo muddo laba bilood iyo 26 habeen ah ka maqnaa reerkooda, isagoo xalay u waramayay weriyeyaal ka tirsan Haatuf.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu faahfaahin ka bixiyay sida ay arrintaasi u dhacday iyo sidii markii dambe ay ku suurtogashay in la helo ilmaha yar.

“Waxa aanu tuhunsanayn ninka haystay rayiislaha yar ee agtayada ah inuu qaatay ilmaha yar isagoo adeegsanaya dumar ku caawiyay, waxaana markii dambe markhaatiga ku furtay gabadh yar oo uu dhalay, taasoo tidhi inanka wuu noo keenay aabahay markii dambena wuu qaaday anigoo ku idhi aabo noo daa inanka, balse wuxuu igu yidhi waxaan u geynayaa aabihii markii dambena wuxuu u dhiibay dumar kale kuwaasoo aanu markii dambe qabanay oo la xidhay,” ayuu yidhi Axmed Ismaaciil isagoo intaa ku daray inay dabagalka iyo raadinta ilmahooda yar ay wadeen muddo iyagoo qoloba qolo u dhiibaysay had iyo jeerna ay soo baxayeen hadalo kala duwan oo la isla dhexmarayay, iyadoo kolba war loo sheegayay.

“Markii dambe ayaa waxa jiray dad soo arkay reerka iminka laga helay inanka, markii la weydiiyay ee lagu yidhi inankani maarkadiina maaha ee xaguu idiinka yimid waxay yidhaahdeen nin aanu qaraabo nahay ayaa dhalay, hawl farabadan ayaa naga gaadhay balse aakhirkii waatan la helay,” ayuu yidhi.

Isagoo ka hadlaya helitaankan ay iminka heleen iyo sida ay xaaldiisu tahay waxa uu yidhi: “Inankii iminka waanu helnay, balse waxaanu helnay isagoo aan meyd waxba dhaamin markii uu naga maqnaa muddo dhan laba bilood iyo 26 habeen, waxaananu ka helnay guri ku dhow xeradii Ruushka waxaana loo geystay dhibaato farabadan, dadkii arkayna way ka argagaxeen, gurigaa waxaanu tagnay 7:00 habeenimo markii guriga aanu gaadhnay waxaanu dalbanay bilays kuwaasoo galay guriga, waxaanay qabteen dadkii haystay inanka,” ayuu yidhi Axmed, isagoo intaa ku daray in ilmaha markii ay u tageen uu garan waayay, isla markaana ay ku adkaatay inay qaadaan isagoo garan waayay, haatana waxa uu sheegay inuu inanku ku sugan yahay guriga Wasiirka Arrimaha Gudaha oo uu u mahadnaqay. Balse intaa wuxuu ku daray cabasho uu ka muujiyay qaabka ay dawladdu arrintaa u maaraysay isagoo ku andacooday inay ka maagayso qabashada dhamaan dadkii ku luglahaa falkan.

Isagoo ka jawaabaya su’aal ahayd inay jiraan dad ay iyagu dabagaleen ama xidheen iyagoo aan ka wargelinin ciidanka bilayska waxa uu sheegay cidda qudha ee ay abaareen inay ahayd cidii ay tuhmayeen, ayna jireen arrimo ka imanayay dhinaca dadka iyo ciidanka amaanka oo ay ka waayeen taageeradii ay u baahnaayeen. “Waxa la xaday qof banii’aadam ah, taasoo la mid ah argagixisada lala dagaalamayo adduunka oo argagixiso ka weyni ma jirto qof banii’aadam ah oo la xaday, balse dawladdu waxay kasoo qaaday arrin caadi ah iyadoo aan ku guulaysan inay soo hesho halka la geeyay ilmaha yar oo dhibaato badan loo geystay, haddii aanaan nabadgelyada dhawrayna dhibaato iyo colaad xun ayaa ka dhici lahayd, markaa waxaanu ku baaqaynaa in arrintaa haatan degdeg wax looga qabto,” ayuu yidhi. Isagoo intaa ku daray inay haatan ka dhursugayaan siday arrintaasi dawladdu wax uga qabato isla markaana inay hayaan cadaymihii iyo wax kasta oo arrintaasi looga baahdo.

Top


Waa Sidee Xaaladda Gabdhaha Loo Tabobarayo Bilayska Ee Mandheera,
Warbixin --- Weriyeyaal Ka Tirsan Haatuf.

Mandheera (Haatuf) - 30 hablood oo dhallinyaro ah oo tababar afar bilood ahi uga socdo dugsiga tababarka Bilayska ee Mandheera, iyaga oo halkaa ku qaadanaya culuunta iyo shuruucda Bilayska. Tababarkaas oo ay iska kaashadeen hay’adda UNDP iyo xukuumadda Somaliland, waxay gabdhahani ka mid yihiin dufcad 200 oo qof ah oo ay toban cisho ka hor uga bilaabantay halkaas tababar afar bilood u socon doona.

Weriyeyaal ka tirsan Wargeyska Haatuf iyo Somaliland TV oo shalay booqday xarunta dugsiga tababarka Mandheera, ayaa warbixintan ka diyaariyay.

“Markaanu soo dhamaysanay jid cadaha isku xidha Sh. Abdaal iyo Mandheera, waxaanu soo gaadhnay xayndaabka Dugsiga tababarka Bilayska ee Mandheera, kadib markii aanu soo galnay gudaha dugsiga, waxaanu aragnay garoon waasac ah oo ay dhex taagtaagan yihiin cutubyo lebisan direyska ciidanka Bilayska oo ay macalimiintoodu barayso casharo ku saabsan is-difaaca.

Bogcadda garoonku waxay ahayd mid nabaad ah oo aan siigo lahayn hareerahana waxa ka xiga dhir waaweyn oo qudhac u badan oo aanu ku jirin geed dhawaan la beeray. Waxa kale oo garoonka ku meersan dhismayaal teel-teel ah oo isugu jira guryo, fasalo, istoodho, xafiisyo iyo madbakhyo. Xilligaas waxa dhex qotomay taliyaha dugsiga tababarka Mandheera Nuux Axmed Yuusuf iyo saraakiil ka mid ah macalimiintii tababarka oo ardayda cusub il-baadin ku samaynaya.

Waxaanu ku hagaagnay dhismaha ay ka soo dareerayaan ilaa 30 hablood oo gashaantimo ah oo lebisan direys qurux badan, oo ka kooban sida: masar buluug ah, koofiyad buluug ah, isku joog kaaki ah, kabo qadh ah, dhex ku xidhka beelka iyo xadhiga buluuga ah ee bidixda ka sudhan.
In yar kadib ayuu macalinku siidhi ugu dhuftay, si dhego fudud ayay saf gacani u dhaxayso isku daba joogsadeen, kadibna dhaqdhaqaaq iyo ciyaarsiis gaado ka ciyaar ah oo aad u qurux badan, marka la eego muddaday ku jireen.

Muddo yar kadib 30-kii hablood waxay soo galeen fasal cusub oo ay yaalliin kuraas, miisas iyo kumbuyuutaro cusub.

Faadumo Siciid oo ah Sarkaalada u qaabilsan hay’adda UNDP hawshan, ayaa hablihii u qaybisay buug iyo qalimo wax lagu qoro, kadibna mid ka mid ah Macalimiinta dugsiga tababarka Mandheera ayaa sabuurada ka soo horjeeda u fuulay, wuxuu sabuurada ugu qoray cashar Ingiriisi ah oo ku saabsan xeerka (law) ama waxa sharci la yidhaahdo, iyadoo casharkaa loogu macneenayay af-soomaali inta aan garanayn af Ingiriisiga.

Hablahaas oo ahaa qaar hamad badan u haya duruustan ay carbiska ugu jiraan, kuwaas oo sheegay in ay yihiin hablo ka baxay dugsiyada sare ee dalka.

Mid ka mid ah hablahaas oo aanu ka weydiinay siday u fahmayso hawshan loo carbinayno ayaa sheegtay in ay si fiican u fahmayso, Inantaas oo ka jawaabaysa waxa ay rajaynayso waxay tidhi: “Waxaan rajaynayaa in aan noqdo Sarkaallad ilaa heer kornaylad bilays ah oo si daacad ah dalkeeda ugu shaqaysa.”

Waxa kale oo aanu iyadana la sheekaysanay Inan ka mid ah hablaha tababarkaa ku jira, oo magaceeda la yidhaa Faadumo Axmed Cawaale oo da’deedu 20 jir tahay, waxaanay noo sheegtay in iyada iyo gabadh kale oo ay walaalo yihiin ay ku jiraan dufcaddan 30 ka hablood ah. Faadumo, waxay ka warantay in ay aad u jeceshahay hawshan oo ay ilaa yaraanteedii ku taami jirtay in ay noqoto Bilays, iyadoo weliba noo sheegtay in ay rajaynayso in ay ka mid noqoto laanta dambi baadhista (CID). Faadumo, waxay ka soo baxday dugsiga sare Xamdaan Binu Raashid.

Taliyaha Dugsiga Tababarka Mandheera, Nuux Axmed Yuusuf, ayaa isaga oo warbixin naga siinaya duruusta ay ardaydu halkaa ku qaadanayaan sheegay in tababarkan oo ay ku jirto dufcadii 9aad, taas oo ay dufcaddani tahay tii ugu horeysay ee hablo ku jiraan.

Tababarka gabdhaha oo uu sheegay in ay ka caawiso hay’adda UNDP, isaga oo faahfaahin ka bixinaya duruusta ay qaataan ardaydu, waxa uu yidhi: “Tababarkan oo ay iska kaashadeen hay’adda UNDP iyo Xukuumadda Somaliland, waxa ku jira 200 oo arday oo ay 30 ka mid ahi gabdho yihiin, duruusta ay qaataana waxaa ka mid ah; kombuyuutarka, maamulka, ilaalinta cashuuraha, xuquuqda aadamaha, xeerka nabad-gelyada iyo xasiloonida (public order), xeerka nabadgelyada wadooyinka, xeerka ciqaabta guud, akhlaaqda bilayska, dastuurka, luqadda Ingiriisiga, iwm.”

Taliyaha oo faahfaahiyay sida ay ugu fududahay in ay habluhu dhamaystaan tababarka, wuxuu sheegay in ay aad ugu fududahay, baahi weyna loo qabo hablo tababaran oo booliska ka mid noqda.

Faadumo Siciid oo ah sarkaalada Hay’adda UNDP oo si gaar ah ugu xilsaarnayd hawshan tababarka hablaha, iyadoo kormeer ku maraysay shalayto dugsiga Mandheera warbaahinta uga warantay ujeedooyinka laga lahaa hablaha loo tababarayo ciidamada bilayska, waxaanay hadalkeeda ku bilowday: “Markii la arkay baahida in loo baahan yahay in dumarku ka qayb-galaan ciidanka bilayska, taas oo hablahana mid weliba aad arkayso siday u doonayso in ay dalkeeda bilays ugu noqoto, sarkaal u noqoto, una qaadan lahaayeen xilkii ay waajibka u lahaayeen. Xaga diinta iyo xaga dhaqankaba waad arkaysay hablo asturan, sharafle oo wanaag leh oo mutacalimiin ah. Waad arkaysaa in ay halkaas soo fadhiyaan. Waanad aragteen qaybaha loo kala sameeyay in dhismahoodu meel gaar ah ku yaalla oo tababarkoodu ragga gaar ka yihiin. Markaa waxaan isleeyahay in hadday jiraan dad intaa ka yara shakisanaa in ay maanta ka shaki bixi doonaan. Illaahayna waxaanu ka rajaynaynaa in maanta in qoyskii haddii mashaakil ku dhaco oo ay isteeshinka tagto in halkii nin ka jiidjiidi lahaa ama ka afla-gaadayn lahaa ama waxyaabo badan oo diinteena ama dhaqanka aan ku salaysnayn ku iman lahaayeen in ay maanta la kulmi doonaan hablo mutacalimiin ah oo la soo tababaray oo dhaqankii, asluubtii iyo sharcigiiba leh. Markaa anigu waxaan isleeyahay hawlweyn baa dalka ay u qaban karayaan.”

Faadumo oo la weydiiyay in la sii kordhinayo tirada hablaha bilayska ah oo aanay 30 hablood dalka oo dhan ku filnaanayn, ayaa tidhi: “Horta waad aragteen oo arrintani waa inagu qariib oo waad aragteen in dad badani leeyihiin siday uga soo bixi karaan. Waxaad moodaa in ay moodayaan waxaa wadamada kale ka jirin. Runtiina dunida oo dhan way ka jiraan xataa wadamada carabta, kuwa muslinka ah midkastaba way ka jiraan. Weliba 30-kan hablood waa hordhac ee waxaanu doonaynaa in aanu mushtamaca tusno oo aanu dhiiri-gelino, hablaha laftooda in aanu ku dhiiri-gelino in ay kaalintan wax badan ka qaban karayaan. Markaa Insha Allaahu, waxaanu rajaynaynaa inay ka sii bataan oo aanu gaadhno heer hablaha ay leeyihiin iskuul tababar oo u gaar ah oo lagu tababaro.

Faadumo Siciid, waxay amaan u soo jeedisay Madaxda Dugsiga, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Madaxweynaha Somaliland oo ay sheegtay inuu si fiican ugala shaqeeyay hawshan carbiska habluhu sidii ay u suurto-geli lahayd.”

Waa markii ugu horeysay ee ay hablo tiro ah meel lagu xareeyo si loogu carbiyo in ay ka mid noqda xoogga bilayska Somaliland, taas oo ay bulshada Somaliland baahi weyn oo kaalintaasi ka jirtay, waxaana la odhan tani waa tallaabadii ugu horeysay ee lagu dabooli lahaa baahidaa weyn ee ay mujtamaca Somaliland u qabeen tan.

Top


“Waxaan Ballan-Qaadayaa In Sharciga Lahor-geeyo Qofka Lunsada Shilin Ay Umadu Leedahay,” Wasiirka Cusub Ee Maaliyadda Oo Xilkii Kala Wareegay Wasiirkii Hore.

Hargeysa (Haatuf) - Xaflad ay xilka kula kala wareegeen wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyada Cawil cali ducaale iyo wasiirkii hore xuseen faarax doodi ayaa shalay lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyada ee magaalada hargeysa. Waxaana munaasibadaa kasoo qayb galay masuuliyiinta wasaaraddaha arrimaha debeda Adna aadan, Qaasim sheekh Ibraahin, kaluumaysiga maxamed siciid gees, dib u dejinta C/laahi xuseen Iimaan, masuuliyiinta waaxaha wasaaradda maaliyadda iyo shaqaalaha.

Wasiirkii hore ee wasaaraddaa oo ka waramayay mudadii uu xilka hayay ayaa sheegay inay jiraan badeecado badan oo si aan sharci ahayan ugasoo gala jiidaha gobolada bari xuduudaha sool iyo sanaag ee s/land, kuwaasoo uu sheegay inay curyaamiyeen dhaqaalihii, wuxuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi “waxa jira gaadiid badan oo kootara baana oo kasoo gala gobolada sool iyo sanaag bari, gawaadhidaasu ilaa hargeysay inoogu timaadaa. Markaa dhaqaalaha aynu doondoonaynaa halka uu ka xaniban yahay, gobolo dhan ayaan gacanta inoogu jirin oo dhibaatadaasu ka taagan tahay, dhaqaalihiina saa inooga hagar daameeyay oo kootara baanku kasoo galaa” wuxuna intaa ku daray inay isweydiintu tahay cida lahayd xilkaa aynaan weli gobolada bari xuduudahooda gaadhin, wuxuuna sheegay in lawada garanayo taa, laakiin aanay magaalada hargeysi sidaa ula socon in dhinaca bariga ee gobolada sool iyo sanaag sutuweyshan koodu sidaa yahay oo aanay wasiiradda iyo madaxda kale toona waxba ka qaban.

Wasiirkii hore maaliyada xuseen doodi waxa uu u mahad celiyay shaqaalaha wasaaradda oo uu sheegay inay si fiican ula soo shaqeeyeen mudadii uu joogay, isagoo ka codsaday inay wasiirrka cusubna sidaa ula shaqeeyaan.

Wasiirka cusub ee xilka la wareegay Cawil siciid ducaale ayaa faah faahin ka bixiyay ahmiyada wasaaradda, wuxuna sheegay inay dadka reer s/land marayaan duruufo adag oo ay soo mareen umado badani, wuxuna tusaale usoo qaatay dalalka hindiya iyo bakistaan oo markii ay Hindiya xornimada heshay ay u kala bexeen bari iyo galbeed, iyadoo aanay waxba ool dalkaa ay u baxaeen muslinku, sidii aynu u kala baxnay soomaaliya, islamarkaana ay dhismihii ingiriisku ka tegey, cusbitaaladii, jaamacadihii iyo iskuuladii ay Hindiya dhaxashay, taasoo keentay in aanay umada bakistaan mushahar qaadan mudo toban sanadood ah oo ay bilaash ku shaqaynayeen. Inaguna adkaysigaa waynu muujinay oo ciidamadeena iyo shaaleheena hawshay qabtaan mushaharkay qaataan kuma filna ee waxaynu ku shaqaynaa inaynu dalkeena iskaa wax u qabso ugu shaqayno, qofkuna waa inuu dalka jeclaado oo xusuusnaadaa loo baahan yahay.

Mr cawil waxa uu shaqaalaha ugu balan qaaday inay u sinaan doonaan oo aanu kala dhoway sanayan, balse qofka shaqaalaha ah ee ay kala fogaadaana uu yahay mid kasoo bixi waayay shaqadiisii, isagoo yidhi, “waxan jecelahay inaynu xeer isku ogaano , dakhligaynu ururino, waxa ka mida hooyadaa banaanka iyo bacadka fadhida ee tamaandhada iibisa shilimada aynu kasoo qaadno. Xeerka aanu isku ognahay waxa ka mida, inaan shaqaalaha qof walba ku qiimeeyo hawsha uu qabto,dadnimadiisa iyo hawlkarnimadiisa oo qofka hawl fiican qabtaa sharafteedii iyo dhiiri gelin uu helo. Xeerkaynu isku ognahay waxa weeye shilimaadkaa laga soo ururiyay hooyada banaanka fadhida ee bahan. Qofka shaqaalaha wasaaradda ka tirsan ee ay ku caddaato inuu shilin umadaasu leedahay lunsaday,waxan balan ku qaadayaa in isna la waayo oo uu sharciga qadhaadhkiisa la kulmo jaga kasta ha hayee.”

Top


Go’aano Kasoo Baxay Shir Ka Dhacay Kismaayo.

Kismaayo (BBC) - Waxaa shalay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose lagu soo gunaanaday shir ballaadhan oo muddo labo maalmood ah halkaasi uga socday saddexda isbahaysi ee kala ah USC/SNA, Dooxada Jubba iyo RRA.

Shirkaasi oo si weyn uu u soo abaabulay isbahaysiga Dooxada Jubba ayaa waxay saddexda masuul ee kala ah Colonel Barre Aadan Shire Hiiraale, Cismaan Xasan Cali Caato iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade ay ku lafo-gureen arrimaha xagga siyaasadda ee hadda ka taagan Soomaaliya gudaheeda iyo weliba shirka kooxaha Soomaalida uga socda dalka Kenya.
Sida uu Cabdiraxmaan Xaaji Axmed Waldiire oo ah afhayeenka Dooxada Jubba iigu sheegay khadka talefoonka ee magaalada Kismaayo, waxaa gunaanadkii shirkaasi labada maalmood socday laga soo saaray war saxaafadeed ay saddexda isbahaysi ku muujinayaan mowqifkooda siyaasiga ah ee arrimaha Soomaaliya.

War saxaafadeedkaasi oo shan qodob ka koobnaa ayaa waxa uu qodobka koowaad ka hadlayaa in la joojiyo dhiigga sokeeye ee weli la daadinayo meelaha qaar kaddib 13 sano oo uu dalku dagaal sokeeye ku soo jiray.
Inkastoo aanan laga dhawaajinin cidda loola danleeyahay qodobkan, waxaa haddana muuqata in loola jeedo dagaalka ka soo cusboonaaday gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana beesha caalamka loo soo jeediyey in ay indhaha ku hayaan dhinacyada ku xad-gudbaya heshiiskii joojinta colaadaha ee ay hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed wada saxeexeen dabayaaqadii sannadkii hore.

Heshiiskan joojinta colaadaha meelaha looga xadgudbay ilaa intii la saxeexay heshiiskaasi waxaa ka mid ah Puntland, gobolka Bay, Muqdisho iyo Shabeellaha Dhexe, kuwaasoo dhammaantoodna ay masuuliyiintooda ka qeybgaleen saxiixa heshiiskaasi joojinta colaadaha.
Qodobka labaad ayaa ku baaqaya in Soomaalidu meel kastoo ay joogto ay xoojiso shirka hadda kooxaha Soomaalida uga socda dalka Kenya kaasoo ay saddexda isbahaysi u arkaan in uu ku dhammaan karo guul iyo xal waara oo loo helo mushkiladda Soomaaliya, waase haddii bey yidhaahdeen ay Soomaalidu u madaxbannaanaato arrimaheeda. Qodobkani waxa uu muuninayaa in ay weli saddexdan isbahaysi ka shaki qabaan in aanay shirka u madax bannaanayn Soomaalida.

Qodob kale oo isagana muhiim ah ayaa ka hadlaya in dowladaha deriska la ah Soomaaliya ay iyagana u hoggaansamaan qaraarkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka mamnuucayey hubka, waxaana ugu dambeeya war saxaafadeedkan qodob ay ku ballanqaadayaan saddexda isbahaysi in ay la dagaallamayaan argagaxisada caalamiga ah iyo midda gudaha taasoo inta badan ah erayo ay madaxda dowladaha adduunka oo dhan ku raalli-geliyaan dowladda Mareykanka wixii ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday magaalooyinka New York iyo Washinton labo sano ka hor.

Markii uu shirkani ku soo gebagaboobay magaalada Kismaayo waxaa isla markiiba garoonka magaaladaasi ka ambabaxay maanta hoggaamiye kooxeedka Cismaan Xasan Cali Caato oo u baqoolay dhinaca shirka Mbagathi ee Soomaalida, halka Cabdiraxmaan Waldiirena uu sheegay in isbahaysiga Dooxada Jubba oo hore uga soo baxay shirkaasi uuna hadda wax shuruud ah ku xidhaynin aadistiisa, balse aanu weli waqti cayiman u qaban karin goorta ay tagayaan shirka.

Top


BBC - Dad ku dhow boqol kun oo qof ayaa la sheegayaa in ay nolol cidhiidhi ah ku nool yihiin caasimadda Monrovia ee Liberia kadib markii ay ka soo carareen dagaalada ku soo durkaya caasimadda ee mucaaradka iyo dowladda.

Dad Ku Tabaalaysan Dagaalada Ka Socda Dalka Liberia.

Waxaa aad u badan oo waliba sii kordhaya tirada dadka ka cararaya ee gabaad raadsanaya, iyadoo mucaaradka Liberia ay soo dhowaanayaan.
Hay'adda Laanqayrta Cas ee caalamiga ah ee Red Cross, waxaa ay sheegtay in in ka badan lixdan kun oo qof ay ka carareen xeryihii qaxootiga ee ay ku jireen oo ay u carareen caasimadda Monrovia. Dadkaasi, ayaa markoodii hore xeryahaasi tagay sadexdii sano ee dagaalku u dhaxeeyay dowladda iyo mucaaradka iyo sidoo kale dagaalada ka socda wadamada Galbeedka Africa.

Magaalada Monrovia qaybta ay dowladdu ka haysato, waddooyinka ayaa waxaa ka buuxa dad fiigsan oo argagxsan oo gabaad raadsanaya.
Laanqayrta Cas waxay sheegtay in ilaa shan iyo toban kun oo qof ay isugu tageen garoonka ciyaaraha, iyagoo aan haysan cunto, biyo iyo hoy toona.

Dadkaasi ma haystaan wax caawimaad ah, waxaana soo baxaya warar sheegaya in ay dilaaceen cudurada daacuunka iyo Jadeecada.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Kofi Annan, ayaa sheegay in uu ka naxay dhibaatada haysata dadka rayidka ah, isagoo ku baaqay in kulan gaar ah uu isugu yimaado Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.
Waxaa golaha ammaanku uu ka dalbaday labada dhinac ee khilaafku ka dhaxeeyo in ay si deg deg ah xabadjoojin ugu dhawaaqaan.

Mana muuqato wax muujinaya in arrintaasi ay dhacayso hase yeeshee ururka ay ku bahoobeen wadamada Galbeedka Africa, ayaa u diray magaalada Monrovia wafdi siyaasiyiin sare oo gobolka ka tirsan si ay isugu dayaan in la soo afjaro dagaalka oo horay loo sii wado wadahadlada nabadda.

Wadahadaladan oo ka bilowday dalka Ghana ee Galbeedka Africa laakiin aan wax horumar ah laga gaadhin.

Top


Britain Oo Diiday Inay Ku Biirto Lacagta Euro.

BBC - Wasiirka Ganacsiga ee Britain, Gordon Brown ayaa baarlamaanka u sheegey in aysan Britian diyaar wali u aheyn in ay ku biirto lacagta Yuroga.

Waxaa uu intaa ku darey in mabda' ahaan, in dowladda Britain ay faa'iido badan ku qabi karto ku biirida lacagta mideysan ee Yurub ee Yurogga, hase ahaatee, waxaa waajib ah in marka hore ay xaaladda dhaqaaluhu tahay mid munaasab ah.

Haddii lagu talaabsado arrintan iyadoo uuna waqtigu munaasab aheyn waxay dhibaato weyn ku keeni kartaa dhaqaalaha dalka oo dhan.
Waxuu sheegey in Britain ayna buuxin shantii qodob ee uu isagu sameeyey ee loo baahnaa in la buuxiyo inta aan lagu biirin lacagta ay Yurub ku mideysan yihiin ee Yuroga.

Guud ahaan arrinta lacagta Yuroga ayaa ka dhalisey dalka Britain dood siyaasadeed oo xasaasi ah oo ka timid dhinacyada kala duwan ee siyaasada.

Mr. Brown waxaa uu sheegey in la soo saari doono sharci wadada u xaadha in dalka afti laga qaado sanadka soo socda. Taas macanaheedu waxaa weeye in dowladdu ay dadka fursad u siin doonto in ay u codeeyaan go'aanka Yuroga inta aan la gaarin doorashada guud ee xigta.
Go'aanka ah in lagu biiro laba iyo tobanka dal ee kale ee ku bahoobey lacagta Yuroga ayaa waxaa uu macanaheedu noqonayaa in dadka laga qaado afti, taas oo macnaheedu yahay talaabo aan horey loogu arag dastuurka dalka Britain.

Top


Xubnaha Maamulka Puntland Oo Qayb Laga Siiyay Mucaaradka.

Boosaaso (BBC) - Xaflad lagu soo gunaanadayo hawlaha heshiiskii dhowaan magaalada Bosaso ku dhexmaray maamulka Puntlland iyo mucaaradkii ka horjeeday isla markaana lagu magacaabayo xubnaha mucaaradka uga qaybgalaya dawladda ayaa lagu qabtay xarunta madaxtoyada ee magaalada Bosaso.

Xafladdan ayaa ugu horrayntii waxa lagu saxiixay qoraal rasmi ah oo looga gol leeyahay in lagu dhamaystiro heshiiska labada dhinac ku dhexmaray magaalada Bosaso.

Waxa kaloo iyana laga akhriyay qoraal kale oo rasmi ah oo uu soo saaray Cabdullaahi Yusuf, kaas oo ay ku qornaayeen xubnaha golihii mucaaradka ahaa ee Jeneral Cadde uga qaybgalaya maamulka.

Waxa ka mid ah xubnaha jagooyinka loo magacaabay Cali Cabdi Awaare oo loo magacaabay wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo Maxamuud Warsame Faarax oo Wasiir ka ahaa maamulkii Jaamac Cali Jaamac oo isna loo magacaabay Wasiirka Qorshaynta iyo Tirakoobka.
Waxa kaloo ka mid ah wasiirrada Jimcihii la magacaabay Dr. Cabdiraxmaan Siciid Gacamay (Dhagawayne) oo ah dhakhtar aad looga yaqaan degaannada Puntland oo isna loo magacaabay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada.

Xubnaha kale ee Jagooyinka loo magacaabay waxa ka mid ah Cabduqaadir Maxamuud Aadan oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka labaad ee maaliyadda iyo Cabdulqaadir Xareed Ismaaciil oo isna loo magacaabay wasiir ku xigeeenka labaad ee wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka.

Waxa kaloo la magacaabay lix agaasime guud, saddex agaasime waaxeed iyo gudoomiyaha maxkamadda sare oo isna loo magacaabay Cabdulqaadir Sh. Axmed Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Garoonka Dayuuradaha Bosaso.
Duqa magaalada Bosaso iyo ku xigeenkiisa ayaa iyana ka mid ah xubnaha la magacaabay Jimcihii, dhinaca kalana Axmed Ismaaciil Boqor, General Cadde Muse iyo Cabdikariim Saalax Cali ayaa waxa ay ka mid noqonayaan ergada Puntland uga qaybgalaysa shirka Soomallida uga socda dalkaasi Kenya.

Labadii Isim ee dowrka wayn ka ciyaaray heshiiskan ee kala aha Boqor Cusmaan Max'uud iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabisalaam oo munaasabadii Jimcaha hadal kooban ka jeediyay ayaa ka warramay in heshiiskani uu yahay mid taariikhi ah loona baahan yahay dadka reer Puntland inay qayb ka qaataan hirgalintiisa.

Jeneral Cadde Muse oo isna xafladdan ka hadlay ayaa ka faalooday dhibaatadii heshiiskan laga soo maray gaar ahaanna isaga shakhsi ahaan waxana uu maamulka ugu baaqay in wax laga qabto wax uu ugu yeedhay dadka had iyo jeer ka shaqaynaya dhibaatada mujtamaca iyo iska horkeenka dadka reer Puntland.

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa isna aad uga hadlay qiimha heshiiskanu u leeyahay guud ahaan Soomaalida gaar ahaanna ummadda ku dhaqan degaannada Puntland.
Waxa uu tilmaamay Cabdullaahi Yusuf in tallaabadani tahay mid ay ka shidaal qaadan karayaan dhammaan ummada Soomaaliyeed isagoo isla markaana ka warramay in ay horudhac u tahay guud ahaan dib u heshiinta laga wado Soomaaliya.

Sidoo kalana waxa uu cararabka ku dhuftay in wixii haatan ka dambeeya aan loo baahnayn in dadka reer Puntland ay u qaybsanaadaan xisbiyo kala duwan wixii la doonaha ha ku dhisnaadeene marka laga reebo markii la gaadho xisbiyada siyaasadda ee mustaqbalka la dhisi doono.

Cabdullahi Yusuf waxa kaloo uu aad uga hadlay shirka Soomaalida uga socda dalka Kenya oo tilmaamay in la filayo in dhowaan lagu dhiso dawlad Soomaaliyeed taasoo uu sheegay in waxa ugu horraysa ee la qabanayo ay noqon doonto hub ka dhigista dadka iyo beelaha hubaysan ee Soomaalida.

Waxa uu intaa ku daray in arrintaas loo baahan yahay in loo kaashado ciidamo ajnabi ah oo uu sheegay inaan la ogayn dalalka ay ka iman doonaan, haddii la waayo in dadka hubka laga dhigana waxa uu xusay in markaasi dawladda la dhisaa ay noqon doonto mid aan shaqayn karaynin

Top


Ciidamada Israa’iil Oo Ku Fashilmay Weerar Ay Damacsanaayeen Inay Ku Dilaan Hogaamiye Ka Tirsan Xamaas.

Gaza (W. Wararka) - Ururka islaamiga ah ee Al-xamaas ayaa ku balan-qaaday inuu ka aargoosan doono weerarkii ay maalintii shalay ciidamada Israa’iil ku qaadeen guriga hogaamiye sare oo ka tirsan ururka Al-xamaas oo la yidhaa Dr. C/casiis Rantiisi oo ay dhaawacyo kasoo gaadheen weerarkaasi.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya halkaasi, weerarkan fashilmay ee ay ciidamada Israa’iil ku doonayeen inay ku dilaan hogaamiyahaasi waxa ku dhintay sadex qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 35 qof oo kale iyadoo ay ciidamada Israa’iil u adeegsadeen weerarkaasi Diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo gantaalaha wax burburiya.

Hogaamiyaha Al-xamaas, Sh. Yaasiin oo shalay u waramayay weerarkaas kadib warbaahinta ayaa isaguna wacad ku galay inay ka aargoosan doonaan weerarkaasi, balse faahfaahin dheeraad ah kamuu bixin arrintaasi.

Weerarkani waxa uu keenay cambaarayn caalami ah oo dusha lagaga tuuro ciidamada Israa’iil, iyadoo falkaa ay ku talaabsadeena lagu tilmaamay inuu ahaa mid waxashnimo ah.

Top


Foosto Riix, Q:3aad, Qiso taxane ah waxa Qoray Siciid Guraase.

Fatxiya ayaa su’aal weydiisay foosto-riix iyada oo tidhi “hadii aad tahay nin dhaqan yaqaan ah waxaad sheegtaa geel xeradii iyo rag gogoshii” jawaabta su’aashaasi waxba kumay qaadan foosto rix waxaanu sidhib yar u yidhi “ geel xeradii waa goob nabad ah rag gogoshiina waa godob la’aan” waad garatay ayaytidhi fatxiya,balse taasi waxay u noqotay foosto- riix furasad uu uga faa’iidaysto haasaawihiisii guurka waxaanufatxiya weydiyay “ waxaad adiguna garataa sadex waa gar saadexna waa gardaro sadexna waa galabsigood” jawaabta su’aashaasi way kumargatay fatxiya waxaana ku adkaatay inayjawaab u hesho balse foosto riix ayaa uga jawaabay oo yidhi “ gabadh in la doonaa waa gar, inay diidaana waa gar daro, inay guur weydaana waa galabsigeed, reer inuu guuraa waa gar sahan la’aan inuu guuraana waa gardaro inuu abaar degaana waagalabsigood,qof inuu baahdaa waa gar inuu gargaarsado qof ay colyihiina waa gardaro inuu u diidaana waa galabsigii” fatxiya intay qososhay ayey tidhi “ waad heshay halkaad u gollahayd,balse guurka anigu madiidani ee waxay u jeedadaydu tahay in aynu kala nasiib sano oo aynu kala raadsano cid isu keen dhaanta, waxaanse kuu sheegayaa haddii aynu calaf isku leenahay oo uu ilaahay isku keen qoray marna lama baajinkaro oo waynu is waynu is mudan nahay” arrin taasi wuu ukhushuucay foosto riix isaga oou arkay inay fatxiya kasoo dabcayso halkii ay maarkii hore taagnayd.

Footo rix maarka uu ka tago haasaawaha fatxiya waxa uu tagi jiray gurigisa isaga oo subaxiina ku kalihi jiray shaqadiisaa oo ahayd dhinaca dhismaha taasoo uu ka soo saari jiray quutal darurigiisa
Inkasta oo ay ahayd shaqo dhib badan hadana waxa uu u arkayey inay u dhaanto tii hudheelka oo uu iskaga tagay markii uu heer sare ka gaadhay wuxuuse ku waday adkaysi uu u dhashay iyo iyada oo ay niyadiisa iyo hamadiisu sareeyeen uuna ku taamayey inuu noqdo nin mar uun meelsare gaadha sidaa darteed shaqadan waxa uu la kaashaday fahmadii uu u dhashay oo waxa uu ula qabsaday si dhib yar.

Dhinaca kalena kamuu hadhin waxbarashadiisii ee halkii buu kawatay in kasta oo uu wakhtigu cidhiidhi ku ahaa hawshuna ayku badnayd.

La soco.

Top