Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Weftigii Uu Hogaaminayay
Maal-Qabeenka Reer Qatar, “Xayiraada Xoolaha Waxaanu U Aragnaa Arrin
Siyaasadeed Oo La Rabay In Nalagu Riixo Midnimo…” Madaxweyne Rayaale.
Wefti Golaha-Deegaanka Hargeysa Ah Oo
Tegay Dalka Finland.
ARRIMAHA BULSHADA: Kaalinta Qoyska Ee
Bulshada, Carraale M. Jaamac.
Hambalyo Meher.
Dareenka Reer Boorama Ee Aqbalaadii
Xisbiga KULMIYE Ee Natiijadii Doorashadii Madaxtinimada, Faallo - Maxamed
Cumar (Weriyaha Haatuf Ee Boorama).
Guddoomiyaha Baanka Boorama Oo
Beeniyay Inay Musaafiriinta Ka Qaadaan Lacag Sharci-Darro Ah.
“Guddoomiyaha Kooxda Carta Kamuu
Waantoobin Inuu Majara-Habaabiyo Siyaasadda Somaliya,” M-Rashiid Sh. Xasan.
“Ma Jiro Wax Faragelin Ah Oo Aanu Ku
Leenahay Arrimaha Ka Socda Somaliland,” Waraysi - Wasiirka Arrimaha Dibedda
Ee Dawladda C/Qaasim Salaad.
Maraykanka Oo Hawlgallo Uu Kula
Dagaalamayo Kooxo Hubaysan Ka Bilaabay Ciraaq.
Gantaalo Lagu Weeraray Ciidamada
Maraykanka Ee Afqaanistaan.
Cadaadis Siyaasadeed Oo Lagu Hayo
Dalka Iran.
Bandhig Dhaqanka Somalida Ah Oo Lagu
Qabtay Ingiriiska.
Kofi Anan Oo Ka Hadlay Xaaladda
Bariga Dhexe.
Amnesty International Oo Talooyin U
Soo Jeedisay Shirka Kooxaha Somalida.
Gantaalo Lagu Weeraray Ciidamada
Maraykanka Ee Afqanistan.
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Goormay Noqon
Dawlad Tayo Leh.
Gabay.
Nabsigii Foosto-Riix, Q: 6aad Qiso
Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.
|
|
Madaxweynaha Somaliland Oo
Qaabilay Weftigii Uu Hogaaminayay Maal-Qabeenka Reer Qatar, “Xayiraada
Xoolaha Waxaanu U Aragnaa Arrin Siyaasadeed Oo La Rabay In Nalagu
Riixo Midnimo…” Madaxweyne Rayaale. |
Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin ayaa maalintii shalay
xafiiskiisa ku qaabilay Sh. Na’if bin Sulaymaan bin Xasan Al-taani oo ah
maal-qabeen ka tirsan qoyska xukuma dalka Qatar oo isaga iyo wefti uu
hogaaminayo oo ka kooban todoba xubnood ay dalka booqasho ku yimaadeen
maalintii Khamiistii.
Sida uu sheegay war-saxaafadeed uu kulankaa kasoo saaray af-hayeenka
madaxtooyada Somaliland Cabdi Idiris Ducaale, Sh. Na’if waxa uu ugu
horayntii uga waramay xidhiidhka qotada dheer ee u dhaxayn jiray labada
dal iyo ujeedada socdaalkooda oo uu sheegay inay tahay maalgelin uu ku
sameeyo Somaliland oo noqon doonta mid talaabo talaabo u xidhiidhsan.
Wuxuuna intaa ku daray inay tahay markii ugu horaysay ee uu yimaado
Somaliland uuna aad ugu faraxsan yahay wixii uu ku arkay, isagoo ka
mahadceliyay sida kalgacaltooyada leh ee loogu soo dhoweeyay, isagoo
Ilaahay uga beryay inay Somaliland guul iyo barwaaqo gaadho, kadib waxa uu
Madaxweynaha guddoonsiiyay Sh. Na’if hadiyad Seef ah oo ah nooca lagu
maamuuso madaxweynayaasha.
Madaxweyne Rayaale oo isna halkaa hadal ka jeediyay waxa uu Sheekha uga
mahad-celiyay imaatinkiisa Somaliland iyo hadiyadda uu gudoonsiiyayba,
isagoo soo dhoweeyay maalgelinta uu ku samaynayo Somaliland, isagoo si
qoto dheer uga waramay cilaaqaadka dhinacyada badan leh ee ka dhaxeeyay
Qatar iyo Somaliland.
Kadib waxa uu madaxweynuhu ka waramay sida aanay Somaliland wax waxtar ah
iyo taageeraba uga helin dalalka Carbeed ee ay walaalaha yihiin iyo sida
ay Somaliland uga xidhan tahay sayladii ugu weynayd ee ay xoolaha u
dhoofin jirtay. “Arrimahaas oo aan u arkayo inay tahay arrin siyaasadeed
oo la rabay in nalagu riixo isku noqosho aanu kula midowno Somaliya,
taasoo uu hadalkeedu ka dhamaaday Somaliland laga soo bilaabo 1991-kii oo
aanu dib ula soo noqonay xornimadayadii 1960-kii, taasoo anagoo
madax-banaan aanu Somaliya ula tagnay,” ayuu yidhi madaxweynuhu.
Madaxweynuhu waxa kaloo uu soo qaaday talaabooyinkii ay Somaliland qaaday
ee la xidhiidhay gooni-isutaageeda sida af-tidii Dastuurka iyo
doorashooyinkii ka dambeeyay “waxa aanu qabsanay waa sidii aanu Qaran
lugaha ugu taagno iyadoo aanay cidi gacan naga siin oo waliba carqalado
badan iyo cadaadis aanu la soo marnay” aayuu yidhi madaxweynuhu.
Isaga oo madaxweynuhu ka hadlaya dhinaca malgelinta waxa uu yidhi
“wadankayagu waa hodan waxaase uu u baahanyahay maal-gelintii midhaha uga
dhalin lahayd shacbigan iyo cidii maal gashanaysaba sidaa awgeed waad naga
raagteene gacmo furan ayaan kugu soo dhaweynayna, waxaanay xukuumadaydu
gacan kugu siin doontaa goobaha aad rabto inaad maalgelinta ku samayso,
anagoo wixii tasiilaad ahna kuula diyaar ah” ayuu yidhi madaxweynuhu.
Sida uu sheegay war-saxaafadeedku kulankaa waxa Madaxweynaha ku
wehelinaayay Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiirka
arrimaha dibada Edna Aadan Ismaaciil, wasiiru dawlaha arimaha dibada iyo
wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Qaasim iyo Diktoorka.
Dhinaca kale war-saxaafadeedku waxa uu sheegay in madaxweynuhu uu isla
shalay qaabilay wafti ka socda dalka Denmark balse faah faahin lagama
bixin weftigaasi iyo u jeedada socdaalkiisaba. Top
Wefti
Golaha-Deegaanka Hargeysa Ah Oo Tegay Dalka Finland. |
Helsinki (Haatuf): Waxaa wadanka Finland
gaadhay shalay wafdi ka socada golaha deeganka ee Hargaysa, oo kala ah
Gudoomiyaha Dhaqaalaha iyo mashaariicda Khadar Axmed Likeh iyo Gudoomiyaha
Arimaha Bulshada Keyse Axmed Cali. Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf
ee Scandinavian-ka Cumar Cabdi Nuux, booqashada weftigani ay ku tageen
Finland, waxay ka dambeysay casuumad ay ka heleen golaha deegaanka ee
magaalada Vaanta, oo ka tirsan Findland, iyaga oo halkaa booqasho ku joogi
doona muddo laba todobaad ah, waxaana la filayaa inay muddada ay
booqashadu u socoto inay la kulmaan golaha Deegaanka Vaanta oo ay isla soo
qaadi doonaan xidhiidhka labada magaalo ee Hargeysa iyo Vaanta iyo arrimo
kale oo khuseeya iskaashiga iyo danaha labada dhinac.
Wefdigani markii ay shalay madaarka Helsinki-Vantaa airport waxaa ku soo
dhaweeyay wafdiga Ing: Abdiqadir Billeh, Dr: Mohamud Mohamed iyo
Gudoomiyaha jaaliyada Somaliland Abdiqadir Maacaleesh. Top
ARRIMAHA
BULSHADA: Kaalinta Qoyska Ee Bulshada, Carraale M. Jaamac. |
Qoysku waa unuga bulshada ugu mihiimsan,
wuxuuna ka aasaasmaa lamaane lab iyo dhedig ku heshiiyay inay is
guursadaan, si ay u yagleelaan guri cusub oo salka ku haya diinta iyo
dhaqanka bulshada islaamka, kaas oo ku dhisma kalgacal iyo muxubo heshiis
lagu yahay oo ku salaysan daacadnimo. Waana mid le ujeedooyin mustaqbal oo
ay ka midaysanyihiin lamaanaha wada yagleelay qoyska ee doonaya inay
wagaan nolosha.
Qoysku wuxu ka kooban yahay Aabo, Hooyo iyo ubad yar yar, wuxuna u baahan
yahay hogaamiye qaadi kara masuuliyada culus ee ka saaran hooyada iyo
caruurta. Sida quudinta, daryeelka caafimaad iyo waxbarasho ee qoyska,
waxa kaloo lagama maarmaan ah inuu sameeyo qorshe dhaqaale, mid
siyaasadeed iyo miisaaniyad lagu horumariyo qoyska, taasoo doorweyn ku
yeelanaysa horumarka qoyska iyo ta bulshadaba.
Waxa lagama maarmaan ah lamaanaha qoysku inay fahmaan waalid ahaan xilka
waajibaadka ka saaran daryeelka iyo xanaanaynta caruurtooda, islamarkaana
ay ilaaliyaan xuquuqda waxbarasho iyo ta caafimaad ee lagama maarmaanka u
ah nolosha. Marka laga hadlayo marxalada ay maanta marayso bulshadeenu
waxa jira dhibaatooyin badan oo ka dhashay dagaaladii, burburkii iyo qaxii
ka dhacay s/land xiliyadii 1988dii oo saamayn weyn ku yeeshay dhaqanka,
dhaqaalaha iyo nolosha bulshada.
Dhaqaale xumada shaqo la,aanta ayaa keenay saboolnimada sii siyaaday ee
sababtay inay burburaan qoysas badani, kuwaas oo qaarkood ay Aabayaashood
ku waayeen dagaaladaa iyo colaadahaa, qaar kalena ay waalidkood kala
tageen kadib markii ay isku khilaafeen nolosha qoyskooda. Mushkiladaha
sababay inuu lumo xidhiidhka qoysas badani waxay inta badan ka dhashaan
dhibaatooy dhaqaale, kuwaas oo badanaa aan xal loo helin, waxayna aad uga
yar yihiin kuwa salka ku haya isbedelka dhaqanka bulshada oo la odhan karo
waxay ka mid yihiin raadadkii ay ka tageen dagaaladii. Duruufaha noocaas
ah ayaa hooyooyin badan ku khasbay inay u tafa xaytaan sidii ay dhabarka
ugu ridan lahaayeen masuuliyada caruurtooda ee ay ugu raadin lahaayeen
wixii ay quudan lahaayeen ee ay ku noolaanayeen, waxayna hooyooyinkaasu
dabaysha , siigada iyo cadceeda u fadhiyaan inay daboolaan intii karaan
kooda ah, baahida ubadkooda, laakiin arrintani waxay keentay inuu yaraado
xidhiidhka hooyada iyo ilmuhu, taasoo meesha ka saartay waxyaabo badan oo
ay ka mid yihiin tarbiyada iyo xanaanaynta hooyada ee caruurta,
islamarkaana waxa muuqatay sida aanay caruurtu uga maarmi karin hooyadood
marka ay yar yar yihiin, iyadoo aanay marnaba buuxin karin cidii kale ee
gacanta ku haysaa kaalinta hooyada.
Haseyeeshee marka laga yimaado caruurta ay hooyooyininkood kala dabaasheen
marxaladan, waxa jira qaar badan oo ka mida bulshada oo waalidkood ay kala
xidhiidh furteen, kuwo ku agoomoomay dagaaladii oo waalidkood dhinteen iyo
qaar waxba ka qaban kari waayay mushkilada dhaqaale ee qoysaskooda, taasoo
u xanbaarisay dayac iyo duruufo qalafsan oo dhinaca nolosha ah, waxayna
arrintani keentay inay caruur badan oo ka dhashay qoysas saboola oo ay
walidkood waayeen meel ay wax uga soo saaraan taasoo keentay inay
caruurtaa yar yari doorbidaan inay bilaabaan dibjirnimo oo ay maqaaxiyaha,
hudheelada, goobaha baabuurta laga raaco iyo meelaha qaadka lagu iibiyo ku
dhex wareegaan. Marka aynu usoo noqono kaalinta qoyska ee bulshada, waxa
mihiin ah inaynu isweydiino sida wax looga bedeli karo mushkiladahan aynu
ka sheekaynay ee haysta qoysas badan iyo caruur kuwaas oo marba marka ka
danbaysa tiradoodu sii kordhayso waxay raad weyn ku yeelanayaan bulshada.
Sidaa awgeed waxa loo baahan yahay in xal loo helo dhibaatadan oo ah mid
qaran, tasoo hadii aan xal loo helin keeni karta dhibaato saamayn weyn ku
yeelata mujtamaca. Waxa iyana lagama maarmaan ah in lays weydiiyo sida ay
bulsho ku gaadhi karto horumar iyo siyaabaha loo badbaadin karo dhalaankaa
yaryar ee u baahan daryeelka, laakiin jawaabahaa iyo arimo kale oo xiisa
leh lasoco todobaadka danbe xal loo helo shaqo la,aanta iyo saboolnimada
sii siyaaday ee qoysaska tirada badan ee dayacan. Waxaana lagama maarmaan
ah in maanka lagu hayo dhibaatada iyo saamaynta ay arrimahanu bulshada ku
yeelanayaan.
Top
Liibaan Maaweel Shire Iyo Xaaskiisa Ayaan
Axmed, Maxamed Axmed Maxamuud, C/Raxmaan Axmed Maxamuud, Sucaad Axmed
Maxamuud, Muna Cali Adaan, Hibaaq C/R axmaan C/Laahi, Ayaan Cabdi Maxamuud,
Kaltuun C/Raxma an C/Laahi, Dhamaan Dadkaasi Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U
Dirayaan Meherka Axmed Cabdi Maxamed Iyo Xaliimo Daahir Ibraahim
Oo 14/06/03 Meherkoodu Ka Dhacay Magaalada Hargeysa, Waxaanay Leeyihiin
Noqda Kuwii Isku Waara Ubad Kheyr Qabana Kala Hela Aamiin
Hambalyo Meher
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Iyo Xaaskiisa, Aamina-Weris Sheekh
Maxamed Iyo Carruurtooda, Luul Axmed Maxamed, Hodan Axmed Maxamed, Kulmiye
Axmed Maxamed C/Salaan Axmed Maxamed, C/Rashiid Axmed Maxamed, Dhamaantood
Waxay Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Meherka
C/Raxmaan Maxamuud Jaamac Mataan Iyo Aamina Cabdi Cawed Cali
Oo 02/06/03 Meherkoodu Ka Dhacay Magaalada Burco, Waxaanay Leeyihiin Noqda
Kuwii Isku Raaga Ubad Kheyr Qabana Kala Hela, Arooskoodana Bash Bash Iyo
Barwaaqo Ku Gaadha, Aamiin. Top
Dareenka Reer
Boorama Ee Aqbalaadii Xisbiga KULMIYE Ee Natiijadii Doorashadii
Madaxtinimada, Faallo - Maxamed Cumar (Weriyaha Haatuf Ee Boorama). |
Tan iyo markii lagasoo gudbay ama ay
dhammaatayba doorashadii Somaliland ka dhacday 14kii bishii april ee lagu
soo dooranayey cidda Somaliland u qaban doonta jagooyinka madaxweynaha iyo
kuxigeenkiisa waxay badi dadka reer Boorama aaminsanaayen inay ilaawi
doonaan dhibtii kasoo martay ololihii xisbiga UDUB ay u galeen sidii uu
ugu guuleysan lahaa doorashadaa oo Daaahir rayaale u noqon lahaa
madaxweynaha dalka iyagoo dadka ku nool gobolka guud ahaanba ay isa
siiyeen guusha kama dambaysta ah ee Xisbiga UDUB. Waxay guusha isu siiyeen
ayaa sababaha ugu weyn waxa ka mid ah in asalkaba axsaabta ka jirta
dalalka Afrika kolleyba kan dawladdu leedahay guuleysanayo xoog ama xeer
labada mid uun. Xaalku sida la moodayey ma noqon oo mid ka mid ah
axsaabtii mucaaradka ahayd ayaa shaki geliyey guusha UDUB. Waxayna
arrintani Boorama ka abuurtay cadho, niyadxumo iyo sheekooyin cusub oo
anay shacbiga Boorama halkan soo dhigan. Dhinaca kale natiijadii laga
sheegay doorashadaa iyo diidmadii uu xisbiga KULMIYE diiday aqoonsiga
natiijadaasi waxay neef qabow kasoo saartay madaxdii iyo taagerayashii
xisbigaasi ku lahaa gobolka awdal gaar ahaanna Boorama.mid ka mid ah Rag
badan oo si xoog leh ugu soo ololeeyey Xisbiga UDUB ayaa isagu yidhi'' may
ahayn in guusha UDUB shaki lageliyo ee waxay ahayd in sideeda loogu dhaqmo
ciddii ka hortimaaddana cagta la mariyo".
Arrintu si kastaba ha ahaatee waa dhawaanta aamusay murankii ka dhex
taagnaa Xisbiyada UDUB iyo KULMIYE kaddib markii cid kasta oo wax garad
ah, culimo iyo siyaasiyiin kaleba aakhirataankii golaha salaadiintu uso
jeediyey in XisbigaKULMIYE aqbalo natiijada doorashada ee uu daadifeeyey
saddex goor oo hore waxayna aakhirataankii ku qanciyeen in xisbiga Kulmiye
aqbalo talada salaadiinta kana soo saaro war cad Haddaba aqbalaadda
kulmiye aqbalay natiijadaa si kasta ha u dhacdee maxaa raad ah oo ay ku
yeelatay Boorama .Run ahaantii maaha mid qarsoon raadka ay taageerayaasha
labada Xisbi ku yeelatay tallaabadani. Waxaan u tagey Madaxda KULMIYE oo
warkaa kadiib fadhiyey goob ay isgu yimaaddaan.inkasta oo ay iiga muuqatay
walaac ay qarsanayeen haddana waxay ii sheegeen inay taabacsanyihiin
go'aanka hoggaankooda saresida uu ii sheegay guddoomiyaha Gobolka u
qaabilsan kulmiye Axmed Muxumed Dacar.
Dhinaca kale maamulka dawladda ayey markiiba dardar gelisay waxana la
qaaday dhowr olole oo ay dib uga joogeen intii anay KULMIYE natiijada
aqbalin,waxaana ka mid ahaa ololaha la dagaalanka mukhaadaraadka, kor u
qaadidda cashuuraha,deegaanka iyo qabqabashada dad ay u arkayeen
dambilayaal .dadka raacsan UDUB oo boqolkiiba 75 ka ah haalkan waxay
bilaabeen kaftan aanay jeclaysan taageerayaasha kulmiye sida ''Imisaan
isdhiiba idin lahayn" hase yeeshee ma yara hadalada laga sheegeyo
hoggaanka sare ee KULMIYE tallaabadiisan aqbal keenka ah Maxamed Axmed
Maydhane, Wehel, 51 jir ah ayaa isagu yidhi "waxan go'aaankan KULMIYE
qaatay u arkaa burburin Xisbiga la baabiinayo oo loo gu danaynayo
xamaaliinta berbera.waxay ahayd in tallaabadan shirweyne Xisbigu iskaga
yimaaddo, isla markaana waxa uu go'aaaankan madaxdayadu u fasaxayaa in
Daahir Rayaale gacanta loo geliyo dadkii kaso horjeeday een ka mid
ahaa,isla markaana waxay madaxdayadu cidlo kaga tegeen cid kasta oo dadaal
usoo gashay xisbiga ee gobolkan lagaga badanyahay joogta.'' Radiya cali
aadan oo iyadu mar iskusoo sharraxday jagada madaxweynaha dalka 96kii ayaa
tidhi"waan ku taageeray go'aankan siilanyo qaatay .''Maxamed yuusuf Xisrsi
ayaa isna yidhi '' waan ku raacay KULMIYE taladan".Cabdi Baashe Idiris
Meecaad 21jir ah ayaa isna yidhi'' Ma filayn dhibyaraantaa in xisbigayagu
u galo heshiis aan la ogeyn waxa ka dambeeya ,waxan aaminsanaa ''haka
yaabintii guddoomiyaha''.
Maxamed Cilmi 19 jir ah ayaa isna yidhi"wuu fiicanyahay kulmiye talada uu
qaatay"Guud ahaan hadaladaa iyo kuwo kale waxay ahaayeen hadalada maanta
Boorama yaalla ee ay hadal hayaan heshiiskaasi labada xisbiwaxa u ku
dambayn doono waxanay reer Boorama inta badan isweydiiyaan waxa Hargeysa
ka socda ee ka farxin kara ama ka nixin kara marka ay timaaddo
dhammaystirka xukuumadda tayada lagu sheego.
Top
Guddoomiyaha
Baanka Boorama Oo Beeniyay Inay Musaafiriinta Ka Qaadaan Lacag
Sharci-Darro Ah. |
Boorama (Haatuf): Guddoomiyaha baanka
Somaliland laantiisa Boorama Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay in shaqada
Baanka ee garoonka dayuuradaha Boorama aanu ahayn mid dadka lagu dhibo
sarrif ama lacago kale oo si sharci-darro ah inay ku bixiyaan loogu khasbo.
Hadalkan madaxa Baanka Boorama, oo shalay u sheegay weriyaha Haatuf ee
Boorama waxa kale oo uu ku beeniyey warar ay sheegeen qaar ka tirsan
tagsiilayaasha Boorama oo ay ku eedeeyeen in Baanka Boorama Laantiisa u
qaabilsan garoonka dayuuraduhu ay dadka musaafirka ka qaataan ama ku
khasbaan lacag an juuwan lahayn inay sarriftaan haddii kale
baasabooradooda laga qaado.,waxana madaxa Baanku ku tilmaamay hadalkan mid
been ah ,isla markaana anay jirin lacag lagu khasbo musaafirka, balse ay
jirto in si loo muujiyo maamulka dawliga ee baanka, dadka sita
baasaboorada ajnebiga loo sarrifo lacag qalaad oo qaddarkeedu xadidanyahay
,waxanan siinaa ayuu yidhi resiid muujinaya lacagta loo Sarrifay
qaddarkeeda,isagoo hadalka tagsiilayaasha ku tilmaamay mid ayku
dambabasayaan boobka ay ku hayaan musaafirka.
Dhinaca kale Urur dhallinyaro oo dhawaan laga sameeyey Booraa ayaa deeq
isgu jirta bustayaal iyo dhar kaleba u fidiyey dadka ku jira xarunta dadka
maskaxda wax uga dhimanyihiin oo ku taal Boorama. Ururkan oo lagu
magacaabo AYODA,ayaa munaasabaddii uu deeqdan ku wareejinayey shalay waxa
kasoo qaybgalay badhsaabkuxigenka gobolka Awdal Maxamed Xasan,
guddoomiyaha Ururkan, wax-garad kale iyo maamulka Xaruntaasi dadka
maskaxda wax uga dhimanyihiin oo ah ururka samafalka haweenka ee Nasrulah.
Hadal guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka awdal Maxamed Xasan u
jeediyey kasoo qaybgeleyaasha xafladdasi waxa uu ku ammaanay ururka AYODA
oo deeqdan soo gaadhsiiyey Xaruntan isagoo sheegay in hawlahan samafalka
ee loo geysnayo dadkan oo kale ay ajar if iyo aakhiroba u
leedahay dadka geysta. Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay guddoomiyaha
ururka AYODA Cabdirashiid Muxumed Maygaag oo ka warbixiyey sida ay ugu
dadaalayaan inay hawlahooda samafal ee noocan oo kale ah u doonayaan inay
ugu baahiyaan goob kasta oo u baahan taageero bani aadaminnimo isagoo
tilmaamay inaanay deeqdan noqon doonin tii u dambaysay balse ay tahay tii
u horreysay ee ay u fidiyaan
xarunta. waxa kale oo iyadna halkkaa ka hadashay Yusur Cabdi oo halkaa ka
sheegtay in baahida xarunta dhinacyo badan leedahay,cid katsa oo naxariis
lihina gacan ka geysato. Dhibaatada ug daran ee ka sheegtay gxaruntaassi
ayaa waxay tahay biyo la'aan iyo laydh la'aan cidina anay weli wax kala
qaban, balse ay rajaynayso in sida taageradan oo kale biyaha iyo
laydhakana ay ugu heli doonaan dadka ay xerada ku xanaaneeyaan. Top
“Guddoomiyaha
Kooxda Carta Kamuu Waantoobin Inuu Majara-Habaabiyo Siyaasadda
Somaliya,” M-Rashiid Sh. Xasan. |
Anigoo tixraacaya waraysigii BBC-du shalay la yeelatay C/qaasim
Salaad, wuxuu markale ku celiyay hadaladiisii hadoofka ahaa ee xaqiiqda ka
fogaa, isagoo weli faraha ku soo taagaya Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddoomiyaha kooxda Carta weli muu garowsan dhacdada hadalkii dhowaan uu
siiyay saxaafadda gudoomiyaha shirka magaalada Imbagati, Mr. Kiblaget,
isagoo sheegay in Somaliland aanay haba yaraatee shuqul ku lahayn shirarka
ka socda Nairobi, isaguna aanu wax awooda ku lahayn faragelinta
Somaliland.
Waxaa kaloo dhowaan loo sheegay kuwii Somaliland ka irdhoobay ee ku
andacoonayay inay Somaliland matalaan ee shirka ku sugnaa oo iyagana loo
sheegay in aan Somaliland cid matalaysa loo oggolayn inay shirka Nairobi
kasoo qaybgalaan, taasoo ay aad ugu farxeen dadka reer Somaliland meel ay
joogaanba.
Dhacdo siyaasi ah oo muhiima ayay ahayd, marka la eego aqoonsiga
Somaliland, waxaa layaab leh guddoomiyaha kooxda Carta inuu arki kari
waayo warka dhagahiisa ku soo dhacaya ee loo sheegay in uu xaqiiqda ku
dhaqmo kana waantoobo inuu marajara habaabiyo siyaasada Somaliya, ee uu
qayb yar uun ka yahay.
Waxaa haboon dadka reer Somaliland inay u sheegaan guddoomiyaha kooxda
Carta, inuu xaqiiqda ku dhaqmo, dadka uu sheeganayo inuu siyaasi u yahayna
iyo umadda idaacdaha ka dhegaysanaysa hadalada hadoofka ah ee micna darada
ah yaanu uga dhigin siyaasad.
Maxamed-rashiid sh. Xasan. Top
“Ma Jiro Wax
Faragelin Ah Oo Aanu Ku Leenahay Arrimaha Ka Socda Somaliland,”
Waraysi - Wasiirka Arrimaha Dibedda Ee Dawladda C/Qaasim Salaad. |
Muqdisho (Haatuf) - Wasiirka Arrimaha
Dibedda ee Dawladda ku-meelgaadhka ah ee Somaliya, Yuusuf Ibraahim (Yuusuf-Dheeg)
ayaa sheegay in C/qaasim Salaad Xasan uu dhowaan booqasho ku tegi doono
magaalada Nairobi si uu uga qaybgalo shirka dib-u-heshiisiinta ee kooxdaha
Somaliya uga socda degmada Imbegati oo ku dhow magaalada Nairobi, isagoo
intaa ku daray inay ujeedada shirkaasi tahay sidii loo heli lahaa dawlad
Somaliyeed oo loo dhanyahay, waxaanu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay
weriyaha Haatuf ee magaalada Muqdisho. Waxa kale oo uu waraysigaa
Yuusuf-Dheeg kaga waramay arrimo kale oo khuseeya arrimaha Somaliya iyo
sida uu u arko arrimaha Somaliland, waraysigaasina ugu horayn waxa uu
weydiiyay safarka uu C/qaasim dhowaan ku tegayo caasimadda Kenya waxaanu
ku jawaabay: “Safarkayagani wuxuu ku yimid martiqaad uu Madaxweynaha Kenya
usoo diray C/qaasim Salaad Xasan oo isaguna aqbalay, waxaana laga
wadahadli doonaa arrimo badan.”
Isagoo ka hadlayay mawqifkooda ku saabsan shirkaa waxa uu yidhi, “marka
horeba gogasha shirkan anagaa codsanay si shir balaadhan oo dib-u-heshiisiin
ah loo qabto, anaga iyo hogaamiye-kooxeedyada iyo sidoo kale
maamul-goboleedyada jira, waana nalaga aqbalay shirkaa, sidaasaanu ku
yimid qabashadiisu.”
Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu ka hadlay rajada ay ka qabaan shirkaa
in heshiis lagu gaadho shirkaasi. “Raali ayaanu ka nahay in lagu heshiiyo
oo ay dawlad loo dhan yahay kasoo baxdo si looga baxo dhibaatada dawlad
la’aanta ee soo jiitamaysay muddada tobanka sano ka badan,” ayuu yidhi
wasiirku.
Yuusuf-dheeg oo la weydiiyay khilaafkii ka dhexjiray maamulkiisa ee
shirkaa ku saabsanaa waxa uu yidhi; “Khilaafkaasi wuu jiray, balse muu
weynayn, wuxuuna ahaa fikrado laga kala qabay arrintaasi kadibna waa la
iska fahmay oo wadahadal baa lagu soo afjaray, kaasoo dhexmaray madaxda
sare ee maamulka, iminkana arrintu waa caadi oo hal meel ah ayaa wax loo
wadaa iyadoo isku mawqif la yahay,” ayuu yidhi wasiirku.
Mar uu ka hadlayay arrimaha Somaliland iyo inuu jiro wax xidhiidh ah oo ay
la leeyihiin waxa uu yidhi, “Hadii aanu nahay maamulka ku-meelgaadhka ah
iyo xubnaha Somaliland kasoo jeeda ee ku jira maamulka ku-meelgaadhka ah
ma jiro wax faragelin ah oo aanu marnaba isku daynay inaanu ku samayno
arrimaha Somaliland, mana jiro cid xidhiidh na dhexmaray, anagoo aan
doonayn in la yidhaahdo lug bay ku leeyihiin arrimaha ka socda Somaliland,
mana doonayno in dhibaato ay ka dhexdhacdo dadka reer Somaliland oo naloo
aaneeyo, si kaadhka nalooga gubo, waxaanan ku guubaabinayaa dadka reer
Somaliland in nabadda ay haystaan aanay cidna uga abaal-dhigan ee ay
danahooda iyo nabadgelyadooda ka horumariyaan mawqif kasta oo ku yimaada,
waxaana ku guubaabinayaa dadka iyo siyaasiyiintaba in nin walba lala
xisaabtamo waxa uu umadda u hayo,” ayuu hadalkiisa kusoo gebogebeeyay
wasiirku. Top
Maraykanka Oo
Hawlgallo Uu Kula Dagaalamayo Kooxo Hubaysan Ka Bilaabay Ciraaq. |
Baqdaad (W.Wararka) - Ciidamada Maraykanka
ee ku sugan Ciraaq, ayaa wada olole iyo hawlgallo ay ku qaadeen kooxo ay
ku sheegeen inay yihiin argagixiso dhinaca waqooyi iyo galbeed ee
magaalada Baqdaad, halkaasoo la sheegay ilaa iyo haatan inay ku dhinteen
tobonaan Ciraaqiyiin ahi.
Sida laga soo xigtay taliska ciidanka Maraykanka kooxahan ay weerarka ku
qaadeen waxa ay yihiin hadhaagii kasoo hadhay taliskii Sadaam Xuseen iyo
xisbigiisii Al-bacas, waxaanay u adeegsadeen Diyaaradaha dagaalka iyo
noocyada kala duwan ee hubka waaweyn. Balse wararka qaar ayaa sheegaya in
ay hawlgaladaa ku dhinteen ilaa 80 qof oo rayid ahi, markii ay ciidamada
Maraykanku dagaal ba’an ku qaadeen goob 150 km dhinaca waqooyi galbeed ka
xigta Baqdaad, halkaasoo ay ciidamada Maraykanku ka weerareen cirka iyo
dhulkaba.
Arrimahani waxay kusoo beegmeen iyadoo ciidamada Maraykanku ay wadaan
hawlgalo balaadhan oo ay ku baadi-goobayaan waxay ugu yeedheen hadhaagii
Sadaam Xuseen, wasaaradda gaashaandhiga ee Maraykanka ayaana sheegtay in
hawlgaladan ay sii wadi doonaan ilaa laba todobaad oo kale, waxaanay
arrimahani keeneen in dad badan oo Ciraaqiyiin ah ay ku waxyeeloobaan. Top
Gantaalo Lagu
Weeraray Ciidamada Maraykanka Ee Afqaanistaan. |
Kabul (W.Wararka) - Sida ay sheegayaan
wararka ka imanaya dalka Afqaanistaan, ciidamada Maraykanka ee ku sugan
dalkaasi ayaa weeraro dhinaca gantaalaha ah lagu qaaday inkastoo aan la
sheegin khasaare halkaa ka dhacay, waxaana sidaa xaqiijiyay af-hayeen u
hadlay ciidamada Maraykanka ee Af-qaanistaan ku sugan, balse wax tafaasiil
ah oo intaa dhaafsiisan muu bixin.
Sida ay sheegayaan wararku waxa caado ah dhacdooyin lid ku ah ciidamada
Maraykanka iyadoo lagu qaado weeraro kediso ah, balse inta badan khasaare
weyni kama dhaco kuwaasoo haatan sii kordhaya, iyadoo aan ilaa iminka la
garanayn cida weeraradaas ka dambaysa ee soo qaada.
Dhinaca kale waxa la sheegay in ay jiraan dagaalo goos-goos ah oo dhexmara
ciidamada reer Afqaanistaan iyo kooxo ku kacsan oo dagaalo iyo hawlgalo ka
fuliya goobo ka tirsan gobollada dalka Afqaanistaan. Ma cada cida
weeraradaa fulisa, balse waxa loo malaynayaa inay ka dambeeyaan
dagaal-yahaniin ka tirsan ururada Al-qaacida iyo Daalibaan oo laga qaaday
Xukunka Afqaanistaan, balse waxay wadaan hawlgalo qarsoodi ah oo ka dhan
ah ciidamada ku sugan dalkaasi.
Ciidamada is-bahaysiga ah ee ku sugan Afqaanistaan oo lagu qiyaasay 11500
oo askari oo ka kala yimid dalal kala duwan balse uu horkacayo Maraykanku
ayaa hawlgalo ay ku baadi-goobayaan Al-qaacida ka wada bariga iyo
koonfurta bari ee dalkaasi. Top
Cadaadis
Siyaasadeed Oo Lagu Hayo Dalka Iran. |
Vienna (W.wararka) - Sida uu sheegay
diblomaasi ku sugan magaalada Vienna, Dawladda Maraykanka ayaa wada
cadaadis ay ku hayso wakaaladda caalamiga ah ee arrimaha hubka halista ah
si loo cambaareeyo Dawladda Iiraan oo uu ku eedaynayo Maraykanku inay
horumarinayso hubkeeda halista ah. Sida uu sheegay maamulaha wakaaladaasi
Maxamed Baraadici oo lagu wado inuu soo saaro warbixin uu gudbiyo golaha
amaanka, Dawladda Iiraan waxay ka baxday heshiisyadii ku saabsanaa
adeegsiga hubka halista ah, iyadoo sida uu sheegay samaysatay goobo ay ku
kaydiso hubka halista ah kuna andacoonaysa inay u adeegsanayso arrimo
dhinaca nabadgelyada ah.
Mas’uul sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa
Arbacadii xaqiijiyay inay dawladiisu wado cadaadis ay ku hayso Dawladda
Iiraan si dalkaasi loogu soo rogo cuna-qabatayn dhinac kasta ah oo caalami
ah.
Dhinaca kale waxa la sheegay in midowga Yurub ay wadaan inay saxeexdo
heshiisyada caalamiga ah ee hubka halista ah si looga hortago faafitaanka
hubka halista ah ee Nuclear-ka.
Arrimahani waxay kusoo beegmeen iyadoo ay dalka Iiraan ka socdaan
mudaharaado lagu diidan yahay wadaadada xukuma dalkaasi iyo kuwo lagu
taageerayo, kuwaasoo rabshado ka dhexdhaliyay labada dhinac. Top
Bandhig
Dhaqanka Somalida Ah Oo Lagu Qabtay Ingiriiska. |
BBC_ Magaalada Leicester ee dalka Ingiriiska,
ayaa dhowaan lagu qabtay munaasabad dhaqameed loogu talogalay in lagu soo
soo bandhigo Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida.
Waxaa qabanqaabada barnaamijka iska lahaa Barnaamijka BBC-da ee Voices oo
xooga saara wararka iyo arrimaha la xidhiidha bulshooyinka laga tiro badan
yahay ee ku nool guud ahaan Britain.
Soo saaraha Barnaamijka Voices ee Leicester, Helen Cockle ayaa gacan ka
gaysatay qabsoomidda bandhigan, iyadoo ay caawinayaan qaar ka mid ah
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Leicester, oo uu hor
kacayay Hashim Ismaaciil Ducaale.
Waxaa munaasabadan oo lagu qabtay Matxafka magaalada Leicester ee New
Walk, lagu soo bandhigay waxyaabo kala duwan oo ka tarjumaya dhaqanka
Soomaalida ay hidaha u leeyihiin.
Waxaa ka mid ahaa waxyaabihii hakaasi la isugu keenay dharka hidaha iyo
dhaqanka sida, dhiillo, xeedhooyin, waxyaabo lagu xardhay aleelo, sawiro
muujinaya dhaqanka Soomaalida sida xoolo dhaqashada, dharxidhashada reer
guuraaga iyo qaababka timo-feedhka, noocyo kala duwan oo cunto ah, iyo
farshaxanka Soomaalida, waxaa kaloo bandhiga ka qaybqaadanaysay gabadh
Soomaaliyeed oo cilaan ama xinne u saaraysay gabdhihii ka soo qaybgalay
kuwooda doonayay in ay saartaan, iyadoo qaar ajnabi ahna ay saarteen.
Waxaa ka mid ahaa sawirada Bandhiga la keenay kuwa weriyaha BBC-da Raage
C/laahi Oomaar, oo isla markaana fariin laga soo qaaday oo ku aadan dadka
laga tiro badan yahay lagu dhagaystay, waxaa uu ku dhiirigalinayay in
dadku ay ku dadaalaan sidii ay horumar u gaadhi lahaayeen, taasoo ay u
baahan yihiin in ay sameeyaan dadaal laba laab ah maadaama ay ku dhex nool
yihiin dad ka tiro badan, waxaana uu ka hadlay dhibka uu u soo maray in uu
noqdo qof bulshada ka dhexmuuqda.
Haashin Ismaaciil Ducaale, oo magaalada Leicester kala shaqeeya qaybta
caafimaadka iyo horumarinta Soomaalida, ayaa sheegay in barnaamijkan uu
wax ka qabanqaabiyay oo ay ka soo qaybgaleen dad fara badan oo ajnabi iyo
Soomaaliba isugu jira laga gaaray ujeeddooyinkii laga lahaa.
Waxaa uu Hashim sheegay in ujeeddada ugu wayn ay ahayd in Jaaliyadaha kala
duwan ee ku nool magaalada Leicester la baro dhinaca wanaagsan ee
Soomaalida oo aan iyagu u muuqan, balse aaminsanaa in Soomaalidu maadaama
ay ka yimaadeen dhul dagaal ka socdo ay yihiin dad dabeecad xun oo xanaaq
badan, dagaalna badan, taasoo uu sheegay in uu filayo in uu bandhigan wax
ka taro.
Gabadha soo saarta Barnaamijka Voices ee Leicester, Helen Cockle, ayaa
waxay sheegtay in bandhigan uu ahaa mid guul ku dhamaaday. Top
Kofi Anan Oo
Ka Hadlay Xaaladda Bariga Dhexe. |
BBC_ Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay
Koffi Annan ayaa ku baaqay in ciidamo nabadda ilaaliya la geeyo Bariga
Dhexe si loo soo afjaro rabshadaha ba'an ee u dhaxeeyo Israa'iil iyo
Falastiiniyiinta.
Mr Annan ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Israa'iil ee Ha'aretz ayaa
sheegay ilaalada Mareykanka uu sheegay in uu ka sameynayo gobolka Bariga
Dhexe toddobaadka dambe uu yahay biloow fiican, balse uu jeclaan lahaa in
uu arko ciidamo hubeysan oo kala dhexgala Israa'iiliyiinta iyo
Falastiiniyiinta.
Wafdi Mareykan ah oo uu hoggaaminayo ergayga Cusub ee Mareykanka u
qaabilsan bariga Dhexe John Wolf, ayaa la filayaa in uu tego Quddus,
Sabtida si ay uu u bilaabo kormeeridda dhaqan gelinta qorshaha nabadeed ee
dhawaan loo hinddisay Bariga Dhexe.
Si kastaba ha ahaatee, weriyaha BBC ayaa sheegaya inkasta oo ay bariga
dhexe ka jiraan dadaalo cusub oo dibloomaasiyadeed, haddana waxaa soo
baxaya talooyin cusub oo lagu doonayo in lagu baajiyo in xaaladda ay ka
sii xumaato sida ay haatan tahay. Top
Amnesty
International Oo Talooyin U Soo Jeedisay Shirka Kooxaha Somalida. |
BBC-Iyadoo wufuudda shirka dib u
heshiisiinta Soomaalida ay maalmahan soo socda bilaabi doonaan in ay
doortaan xubnaha Baarlamaan ku meel gaadh ah ayaa hay’adda xuquuqda
aadanaha u doodda ee Amnesty International waxaa ay ugu baaqday wufuudda
in ay xaqiijiyaan in dadka loo dooranayo Baarlamaanka iyo xilalka kale ee
Dowladda ay noqdaan kuwa dhowraya xuquuqda aadanaha inta lagu jiro dib u
dhiska waddanka Soomaliya.
Warbixin magaalada London ay ka soo saartay ayaa Amnesty International ay
ku sheegtay in ka dib 12 sanadood oo dagaalo sokeeye ay ka socdeen
Soomaaliya oo waddankana uu burburay ka dib 21 sanadood oo dowlad keli
talis ah ay ka talineysay ayaa Soomaaliya maanta ay u baahantahay bilow
cusub dhinaca Xuquuqda aadanaha.
Waa arin aan la aqbali kareynin in hoggaamiye kooxeedyada iyo saraakiishii
hore ee ku lug lahaa dembiyada dagaalka, dembiyada ka dhanka ah
baniaadminimada iyo gabood falka ka dhanka ah baniaadminimada in la siiyo
xoriyada islamarkaana ay ka mid noqdaan dowlad laga doonaya in ay u
hoggaansanaato shuruucda caalamaiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha ee
Soomaaliya hore u saxiixday ilaa iyo haatanna ah kuwa lagu dhaqmo, ayay
tidhi warbixintu.
Hayadda waxaa ay ugu baaqday wufuudda shirka in ay doortaan madax ay ka
dhab tahay ilaalinta xuquuqda muwaaddiniinta waddanka Soomaaliya.
Musharixiinta Baarlamaanka iyo Madaxweynenimada ayay hayaddu ku talisay in
ay wufuuddu ka dalbadaan in ay ka jawaabaan taariikhdooda iyo in ay
balanqaadaan in ay mustaqbalka dhowrayaan xuquuqda aadanaha.
Waxaa ay ka dalbatay shirka in uu soo saaro shuruuc ay ku shaqeeyaan
madaxda oo lagula xisaabtamo. Waxaa kaloo ay amnesty ku talisay in la
sameeyo guddi heer qaran ah oo madax banaan oo ka shaqeeyo ilaalinta iyo
adkeynta dhowridda xuquuqda aadanaha.
Waxaa kaloo warbixinta Amnesty International ay ka dalbatay bulshada
rayidka ah ee Soomaaliya in ay horumariyaan xuquuqda aadanaha iyagoo
isticmaalaya saxaafadda iyo hayadaha aan dowliga ahayn iyo kuwa maxaliga
ah. Top
Gantaalo Lagu
Weeraray Ciidamada Maraykanka Ee Afqanistan. |
BBC Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafey
waxaa ka dhacay dalka Ciraaq dagaaladii milatari ee ugu xooga badnaa tan
iyo markii ay Mareykanku sheegeen in uu halkaa ka dhamaadey howlgaladii
waaweynaa ee milatari. Saraakiil ka tirsan wasaarada Gaashaandhiga ee
Mareykanka ayaa wali ku adkeysanaya in xaaladda guud ee xagga howlgalka ee
dalka Ciraaq ka jirta in ay sidaa tahey, hase yeeshee waxaa cad in
ciidamada Mareykanku ay go'aansadeen in ay badelaan tabtii ay ku
howlgalayeen oo ay qaadaan weeraro kale si ay wax uga qabtaan iska
caabinta wali ka socota dalka Ciraaq.
Mar kasta oo ay jiraan warar sheegaya konlonyo taanigiyo ah oo socoda
waxay tilmaan u yihiin in uu jiro howgal weyn oo milatari. Hase yeeshee
saraakiisha wasaarada Gaashaadhigu waxay u arkaan howlgaladii dhowrkii
maalmood ee la soo dhaafey in ay ahaayeen kuwo guul laga soo hooyey, isla
markaana waxay xusuus u yihiin in heerka iska caabintu uu ka sareeyo
heerkii laga filayey wasaarada gaashaandhiga ee Mareykanka.
Hadda waxaa Ciraaq ku sugan ciidamo ka badan boqol iyo fartan iyo shan kun
oo askari, Wasaarada Gaashaandhiga Mareykankuna waxay u muuqataa in ay
halkaa ku sii heyn doonto intii muddo ah ciidamada intaas le'eg.
Sida laga soo xigtey saraakiisha Gaashaandhiga, howlgalkii la qaadey
todobaadka horaantiisii ee loogu magacdarey, weerarka Jasiirada, ayaa
waxaa uu la mid yahay howlgalada ka socda ee dalka Afqanistaan ee xididada
loogu siibayo hadhaagii dagaalyahanaada Talabaan iyo Alqaacida.
Saraakiishuna waxay intaa ku darayaan in howlgalo noocan oo kale ah oo
badan la fili karo. Ciidamada Mareykanka oo isticmaalaya xog la heley ayaa
weerar ku qaadey meel ay ku timaameen xero tababar oo ku taala waqooyigga
Galbeed ee Magaalada Baqdaad.
Waxayna sheegayaan ciidamadu in ay khasaare weyn ka geysteen halkaas,
waxayna ku adkeysanayaan in xeradaas ay joogeen dagaalyahano Ajnabi ah oo
farobadan.
Weerarkan ay qaadeen hurin ka tirsan ciidamada gaadiidka gaashaaman ee
Mareykanka ayaa u muuqda in looga jawaabayey weeraro lagu qaaday ciimada
Mareykanka, hase yeeshee, waxaa lagu soo waramayaa in weerarkaa lagu dilay
todobo iyo labaatan Ciraaqiyiin ah. Top
ODHAAHDA
AKHRISTAHA: Goormay Noqon Dawlad Tayo Leh. |
Waxa maanta laga sugayaa madaxweyne Rayaale
sida uu isaguba hore u sheegay ee uu yidhi waxaan dhisayaa ama aan samayn
doonaa dawlad tayo leh.
Iyada oo aad maant nasiibkaagii ku siiyey in aad madaxweyne u noqoto
shacbiga JSL.
Dadka aad xilka wasiirnimo aad u magacaabaysanaa waa in ay ahaadaan
masuuliyiin tayo leh oo aan noqon, kuwo noqda (keeneebaa cir weyn) isla
markaana musuq maasuq lahayn iin sidii kuwii hore uga aragnay ee
masuuliyiinta u ahaa shacbi weynaha ku nool JSL.
Inkasta oo hadda laga baxay nidaamkii lagu soo dooran jiray beelaha,
haddaba waa inaaad labadii xisbi ee kula tartamayey UCID iyo KULMIYE aad
ahmiyadda saartaa, in aad ka soo xulataa niman tayo leh.
Maata shacbigu waxay soo mareen dhibaatooyin aad u badan oo maanta u
baahan dawlad musuqmaasuqa ka hortagta. Hantida dadkana daryeesha.
Maanta waxa loo baahan yaahay waa in dalka laga soo saaro kheyraadka
dabiiciga ah. Korna loo qaado dhaqaalaha dalka uu hoos u dhacay.
Waa in shaqaalaha dawlada la siiyaa mushahar ku filan, waayo taasi waxay
qudha kaantaroolaysaa waxyaalaha lagu xanto ee loo yaqaan laaluush,
dawladda tayada leh waa dawladda laga arko nidaamka iyo sharciga cadaalad
ku dhisan, isla markaana isku filan.
Axmed Cali Muxumed, Hargeysa. Top
Caabudoo Ilaaha cisee waa Rasuul camala waa
kheyre.
Caafimaad lagama maarmo, nabadgelyana nolosha waw caane.
Codkaan ka hadlayaa waa dan guud cidhib dambeedkeed.
Calaacal iyo guubaabada iyo talada midba waa cayne.
Calaamooyin badan baan arkoon cidi malayneyne.
Casha noola waageedu waa u cayn u gooniyahe.
Col-qaadii mar hore halis gashaa daaqday ciin kale’e.
Cadaadin iyo aargoosigana dad wuu kaaga cararaaye.
Carab daarka macuunka waa lagu celiyaaye.
Cidhiidhiga hasheena gashay aan cadaw ka soo reebnay.
Colaad iyo dhibtii loo mutay ee cdududu soo reebtay.
Cuudkii ku baxay iyo intii curad u geeriyootay.
Curyaanka iyo agoomahaan hadeer cidi gargaaraynin.
Cadiig iyo haday garasho tidhi ciiro soo kiciye.
Canaan reebtay maantana haday col u hagoogteene.
Ciqaabtii la soo maray haddaan cidi ku faa’iidin.
Ceebeeye Somaliland cuurka madaxa Boobe.
Cuyub keentay gees loo rogoba cag u taageeda.
Calooshoo fayaw yaa midnimo calan dal sheegtaaye.
Ciiil beel inuu ciil dhalaa waa caddaan midaha.
Caydoo wasiir lagu baxshaa caawa waa ugube.
Ciiddaa malla iibsan iyo ceel shidaalada’e.
Caadadii gumaystuhu baraa caabuqeed kacaye.
Canaad gacan shisheeyaa jiriyo cid aan la dhaadayne.
Cakaara iyo looma fadhi iyo waa calool bahale.
Culimo iyo salaadiin dhexnimo cyanta ugu gashay.
Cambaareeye kuwii sama wadaan cidi ku guurayne.
Cadli gar ah nin diidaba dulmigaa ceel ku buuxsamayne.
Citiraaf sidaa laguma helo caalamkuna diidye.
Ciidan Inqilaab iyo hadday caadil haga wayday.
Carigeeda hawl kala kacdee haysu cayntaynin.
Cutub markuu gar-qaataba midbaa caariyaad noqone.
Cisayn iyo barwaaqo iyo ceel biya leh diiday.
Carigeeda haw kala kacdee haygu caynaanin.
Jaamac Ismaaciil Hawd
Calawi. Top
Nabsigii
Foosto-Riix, Q: 6aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase. |
Foosto riix farxad buu dilaaci gaadhay
maadaama ay fatxiya aqbashay wixii uu mudada dheer ku taamayey oo ah inuu
guursado Fatxiya balse wali fari kama qodna oo waxa u hadhay
jaran-jarooyin kale oo badan oo ay ugu horayso inuu aqbalaad ka helo
Fatxiya aabaheed.
Fatxiya ayaa kadib u sheegtay inuu diyaar garoobo iyadoo uu aabaheed
sugayo inuu arko Foosto riix oo ay fatxiya ugu sheegatay Guuleed, taasaa
naxdin ku noqotay Foosto riix isaga is weydiiyey waxa uu la hor tegayo Aw-geedi
oo uu ka yara war waray waxa uu kala kulmi doono.
“ mar hadii aad adigu I aqbashay arrimaha inta kale waan ka soo diyaar
garoobayaa ee nabad galyo” ayuu kaga tagay Foosto-riix maalintaa Fatxiya “
waayahaye calool adayg raganimaa arrimaha lagaga dabaashaaye” ayay ka daba
tuurtay Fatxiya isaga oo ka sii baxaya irida.
Foosto-riix taladii way ku balaadhatay waxaanu guda galay furdaaminta
arrimaha la soo gudboonaaday, balse markiiba waxa ku soo dhacday inuu la
tashado saaxiibadiisa ugu dhadhaw iyo cidii uu is yidhi arrimaha guurka
way kaaga wanaagsanyihiin. Waxaana lagula taliyey inuu kaxaysto rag
mudakar ah oo u raaca odayga ama uu u diro si ay marka hore uga soo
dhaadhiyaan ciduu yahay iyo sida uu yahay.
Aakhirataankii isaga iyo laba waayo arag ah ayaa u tagay odaygii
geedi,markii la is xog waraystay mudana arrimaha la rog rogay odaygii wuu
aqbalay inuu gabadhiisa siiyo Foos-riix isaga oo mudadii yarayd ee uu la
joogay fahmay dabeecadiidsu inay tahay mid lagu aamini karo inuu xil qaado
aayaha Fatxiya “ arsaaqda ilahay baa bixiya oo anigu kugu xidhi maayo
balse mar hadaad tahay nin gabadhii xil qaadi karaya waa iga gudoon
illaahayna ha kuu fududeeyo waa xil culuse” ayuu geedi hadalkiisii ku soo
gaba-gabeeyay, waana la balamay.
Foosto riix waxa uu guda galay isu diyaarinta inuu doono Fatxiya
islamarkaana uu mehersado maadaama aanu gacanta wax buuran ku hayn marka
laga reebo woxogaa lacag ah oo uu ururiyey waxa uu u baahday inuu kaalmo
kale raadsado. Markiiba wuxuu xasuustay neefaf adhi ah oo uu kaga yimid
miyigii qaylo dhaan baanu u dirtay si loola soo gaadho si uu markaa u
iibiyo hawshana ugu galo waxa intaa u dheeraa woxogaa kaalmo ah oo uu ka
helay saaxiibadii iyo dad qaraabadiisa ah oo uu tooyasho ku helay.
Waxay maalmuhu is guraanba waxa timid maalintii uu u geed fadhiisanayey
Fatxiya isaga ay galbinayaan odayaal iyo saaxiibadii ayaa laga duldagay
gurigii Reer Geedi oo looga sii diyaar garoobay. Mashxarada iyo sacabkaa
isu yeedhay, qol si fiican loo goglay ayaa daf layidhi sidii caadada
ahaydna ruug cadaayadii guurka ayaa weedho talantaali ah is dhaafsaday
aakhirkiina Gabadhii waanu idin siinay iyo waanu gudoonay ayaa la is
dhaafsaday,meherkiina dhag baa laga siiyay ducana waa lagu khatimay iyadoo
si fiican loo mirqaamay.
Foosto-riix oo dhidid waaweyni ka soo yaacay ayaa gurigii kasoo baxay,
wuuse ku faraxsanaa inuu guul ka gaadhay arrintii uu mudada dheer ku
taamayey.waxaana loo diyaar garoobay aqlgalkii Fatxiya iyo Foosto-riix,
kaasoo maadaama aan hanti badan aan loo hayn deg deg loo qaban qaabiyey
isaguna si fiican buu ugu dhacay Foosto-riix.
Durba waxa uu noqday nin odaya oo xaasleh isaga iyo Fatxiyana way isla
fahmeen nolosha cusub ee u bilaabantay habeenadii arrooskana waxay ku
dhamaysteen farxad iyo haasaawe iyagoo dib u milicsanaya waayihii soo
maray.
La soco.
Top
|