Madaxweyne Rayaale Oo Qaabiley Wefti Ka Socda Shirkad Kala
Talisa Japan Maal-Gelinta Carabta.
Somaliland Oo Laga Xusayo Maalinta Carruurta Afrika.
Aqoon-Isweydaarsi Ku Saabsan Toosinta
Maamulka Oo Ka Furmay Gabiley.
HAMBALYO MEHER.
Qaab Maamuus Heer Sare Ah, Oo Lagu Soo
Geba-Gabeeyey Sanad-Dugsiyeedka Al-Baraka.
Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
Dugsiga Al-Baxreyni Iyo Geba-Gabada
Sanad Dugsiyeedkiisa.
Tababar Waxbarasho Oo Ka Furmay
Boorama.
Cabdalla Deerow Isaaq Oo Ku Dhawaaqay
Jago Ka Qaadis Madaxweynanimo.
Ciidamada Maraykanka Oo Hawlgalo Ka
Fuliyey Ciraaq.
Toban Qof oo Ku Dhintay Weerar Ay
Ciidamada Sucuudigu Ku Qaadeen Guri Ku Yaal Magaalada Makkah Waxa Fooda
Is-Daray Ciidamada Amaanka iyo Dabley Hubaysan.
Cabdiqaasim Oo Ka Hadlay Xaalada
Siyaasadeed Ee Soomaaliya.
Rabshado Ka
Dhacey Magaalada Tehraan.
Mareykanka Oo Riixaya Nabadda Barigga
Dhexe.
Muran Ka Aloosmay Imaaradda Ra’sul
Khamiah.
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Kuwii Deegaanka
Loo Doortay Ayaa Ugu Daran.
Waar Ka Cararaay, Sheeko Xadiis M.
Xadiis.
Eedaadka Soo Mara Umul Baa Ilawda.
Madasha Kenya, Maanka Somaliland, Iyo
Majaraha Habawsan.
Cago-Jiidka Xukuumadda Ee Dhinicii
Wada-Hadalka Iyo Khatarta Ka Soo Fool Leh Shirka Kenya Uga Socda Kooxaha
Soomaalida Waxa La Qorsheynayaa In Cadaw iyo C/laahi Yuusuf Loo Caleemo
Saaro Madaxtinimada Soomaaliya.
Nabsigii Foosto-Riix, Q: 7aad Qiso
Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.
Waadiga Ciyaaraha: Real Oo Tallaabo u
Jirsatay In ay Ku guulaysato Horyaalka Spain.
|
|
Madaxweyne Rayaale Oo Qaabiley
Wefti Ka Socda Shirkad Kala Talisa Japan Maal-Gelinta Carabta. |
Hargeysa (Haatuf) - Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay ku qaabilay
xarunta Madaxtooyadda Somaliland wefti ka socda shirkad kala talisa
shirkadaha dalka Japan maal-gelinta wadamada Carabta.
Sida uu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada
Cabdi Idiris Ducaale, gudoomiyaha weftigan Mudane Masakatsu Sonobe, waxa
uu Madaxweynaha u sheegay in iyagoo hore ula soo xidhiidhay Rugta
Ganacsiga Somaliland ay muddo sideed bilood ahba ay sahaminayeen
khayraadka Somaliland ee maal-gashi lagu samayn karo, si ay ugu bandhigaan
shirkadaha iyo dawladda Japan-ba xogta xaqiiqeed ee ka jirta Somaliland,
haddana aanu u socono in aanu dhawaan keeno haddii aad naga ogolaataan
qaybtii ugu horeysay ee danaynaysay in ay maal-gelin ku sameeyaan wadankan,
ayuu yidhi.
Gudoomiyuhu, wuxuu intaa ku daray in isagoo ay tahay markii ugu horeysay
ee uu yimaado Somaliland uu aad ugu farxay wixii uu ku arkay dalkan oo uu
sheegay in aanu markii hoe sidan moodayn.
Madaxweynaha oo weftiga uga mahad celiyay imaatinkooda iyo sahamiska hore
ee ay wadanka ku sameeyeen, waxa uu yidhi: “Aad baanu ugu faraxsanahay in
ay yimaadaan Jabaaniisku wadankayaga oo aanu wax ka wada qabsano
manafacaadsiga kheyraadka kala gedisan ee uu dalkani hodanka ku yahay oo
weli dihin.”
War-saxaafadeedku waxa uu sheegay in ay kulankaa Madaxweynaha ku
wehelinayeen Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wasiir
ku-xigeenka arrimaha dibadda Maxamed Cabdi Ismaaciil (Digtoorka). Top
Somaliland Oo
Laga Xusayo Maalinta Carruurta Afrika. |
Hargeysa (Haatuf) waxa maanta oo ay bisha
Juun tahay 16 laga xusayaa dalka Jamhuuriyada Soomaaliland maalinta
Caruurta Afrika oo sanad kasta maanta oo kale laga xuso dalalka afrika.
Xuska maalintan oo loo sameeyey si dalalka afrika loogu baraarujiyo
qiimaha Caruurta iyo xanaanayntooda waxa munaasabad balaadhan oo lagu
xusayo maalintan lagu qaban doonaa xarunta guriga shaqaalaha taasoo ay soo
qabanqaabiyeen ururada wadaniga ah ee kala ah ANDP,SOYDA, SOCSA ayna
maalgelisay hay’ada SCF/USA xarunteeda Hargeysa, halkaasoo lagusoo
bandhigi doono arrimo kala duwan, isla markaana waxa lagaga hadli doona
xaalada caruurta iyo dhibaatooyinka haysta.
Xuskani waxa uu suurto galiyaa in la isku baraarujiyo sidii wax looga
qabanlahaa dhibaatooyin badan oo caruurta haysta kuwaasoo ay ka mid yihiin
dayac kasoo gaadha caruurta dagaalada kuwaasoo sababa waalidla’aan soo
food saarta caruurta marka waalidka caruurtu ku dhintaan dagaaladaasi,
taasina waxay sababtaa inay caruurtu ku dayacmaan suuqyada oo ay kala
kulmaan dayac soo gaadha ubadka oo ku daarxumooba suuqyada iyo gidaarada.
Waxa kale oo ay taasi keentaa inay ubadku la kulmaan mustaqbal xumo
dhinaca aqoonta ah maadaama ay seegto fursada wax barasho ee ay ubadku
ubaahanyihiin inta ay da’doodu yaryartahay.
Meelaha qaarna waxa la sheegay inay ubadku la kulmaan dhibaatooyin ka soo
gaadha iyadoo dagaalada ka socda goobo ka mid ah Afrika si khasab ah lagu
geeyo caruurta iyo iyadoo si khasab ah loogu shaqaysto, kuwaa soo ay in
badan ka hadleen ururada xuquuqda caruurta u doodaa.
Xuskan maalinta afrika waxa uu leeyahay qiimo gaar ah iyadoo ay lagama
maarmaan tahay in lagu baraarugo xuquuqda caruurta iyadoo ay jiraan caruur
badan oo ku dayacan gidaarada darxumana hayso. Top
Aqoon-Isweydaarsi Ku Saabsan Toosinta Maamulka Oo Ka Furmay Gabiley. |
Gebilay (Haatuf): Aqoon isweydaarsi lagaga
hadlayay sidii loo higaajin lahaa maamulka ayaa shalay lagusoo
gebegebeeyay hoolka shirarka dawlada hoose ee gebilay. Aqoon
isweydaarsigaa oo ay kasoo qayb galeen 45 xubnood oo ka kala socday ,
saraakiisha wasaaradda arrimaha gudaha , mudanayaasha golaha deegaanka ee
gebilay , madaxda laamaha dawlada hoose,laamaha wasaaraddaha ee ka
hawlgala degmada, ururada bulshada iyo cuqaasha.
Sida uu kusoo waramay weriyahaha Haatuf ee gebilay, aqoon isweydaarsigaa
waxa soo qaban qaabisay haya'ada wadaniga ah ee FOBAG, waxa uu soday mudo
laba maalmood ah, waxaana mudadii uu socday waxa lagu falan qeeyay
dhibaatooyinka maamul ee caqabadaha ku noqonkara iyo sidii ay ka qayb
galayaashu usoo jeedin lahaayeen, talooyin lagu xalin karo
dhibaatooyinkaas iyo in lasameeyo isku xidh. Wasiir ku xigeenka wasaaradda
arrimaha guddaha Axmed jaanbiir suldaan oo ka hadlay mudadii uu socday
aqoon isweydaarsigu, ayaa sheegay inay umadu usoo dooratay mudanayaasha
golaha deegaanka inay iyaga u shaqeeyaan, islamarkaana loo baahan yahay
sidii ay u maamuli lahaayeen hawsha ay umada u hayaan iyo sida ay lagama
maarmaanka u tahay in gudida fulinta lagula xisaabtamo wixii la fuliyay
iyo wixii aan la fulan. Mr jaanbiir wuxu intaa ku daray inay xaaraan
tahaya in qof golaha deegaanka ah uu qabto , ama farageliyo shaqo uu
leeyahay , wuxuuna sheegay in golaha loo doortay inay horumariyaan oo ay
hagaajiyaan degmada. Gudoomiye xigeenka degmada gebilay Maxamed Xaaji
Ibraahin oo ka hadlay xidhitaankii aqoon isweydaarsigaa ayaa sheegay inay
ka faaidaysteen, wuxuuna u mahad naqay haya,ada FOBAG, oo soo
qabanqaabisay.
Aqoon isweydaarsigaa waxa labadii maalmood ee uu socday casharo ka
bixinayay,Cabdi Axmed Nuur iyo Ismaaciil Ciise oo ah laba sarkaal oo ka
tirsan haya'ada FOBAG. Top
C/Laahi Ciise Cawaale, Maxamed C/Raxmaan
Muxumed, C/Risaaq Jaamac Xuseen, Axmed Jaamac Ismaaciil, Fu’aad Mawliid
Yusuf, Naasir Cabdi Hariir, Axmed Sheekh Maxamuud Ismaaciil, Sacad Jaamac
Askar, Xasan Yusuf Xuseen, Daahir Xasan Nuur, Cabdi Muxumed Warsame, Cabdi
Axmed Nuur, Aadan Maxamed Xuseen, Xasan Colaad Aadan, Ibraahim Jaamac
Ciise, Dhamaan Dadkaasi Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Meherka
Iid Nuur Garaw Iyo Saado Sheekh Ibrahim X. Cali Oo Isku Mehersaday
12/06/03 Magaalada Hargeysa, Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Waara
Ubad Kheyr Qabana Kala Hela Aamiin.
HAMBALYO MEHER
Hooyo Faadumo Axmed Yusuf, Maxamed Xasan Xuseen Iyo Xaaskiisa Xamda
Maxamed C/Laahi, Maxamed Aw Cabdi Iyo Xaaskiisa, Aamina, Samsam, Layla,
Muxyadiin, C/Naasir, Dhamaan Ilma C/Laahi Dhega Laab, Cabdoo Cali Nuur
Sheekh Iyo Xaaskiisa, Maxamed Sheekh Iyo Xaaskiisa, Dadkaas Oo Kala Jooga
Dalka Gudihiisa Iyo Dibadiisa, Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan
Meherka Maxamed Cabdi C/Laahi Riiraash Iyo Deeqa Maxamed Xandule Oo
Meherkood Ka Dhacay Todobadkii Aynu Soo Dhaafnay Magaalada Paris Ee Dalka
Faransiisk,A Waxay Ilaahay Uga Baryayaan Inay Arooskooda Ku Gaadhaan Bash
Bash Iyo Barwaaqo Aamiin. Top
Qaab Maamuus
Heer Sare Ah, Oo Lagu Soo Geba-Gabeeyey Sanad-Dugsiyeedka Al-Baraka. |
Hargeysa (Haatuf): Xaflad si heer sare ah
loo soo agaasimay oo lagu soo gebogebeynayay sanad-dugsiyeedka dugsiyada
AL-BARAKA, ayaa maalintii shalay lagu qabtay xarunta hay’adda shaqaalaha
ee magaalada Hargeysa. Xafladaasi oo ay kasoo qaybgaleen dadweyne aad u
tirobadan iyo marti-sharaf ay ka mid yihiin salaadiin, xil-dhibaano iyo
walaadiinta ardayda wax ka barata dugsiyadaasi waxay ahayd mid loo soo
agaasimay qaab-maamuus aad u heersareeya, iyadoo lagu soo bandhigay
khudbado iyo maaweelo kala duwan.
Maamulaha dugsiyadaasi AL-BARAKA, Nuuradiin oo xafladaasi ka hadlay ayaa
ka waramay dugsiyada AL-BARAKA iyo marxaladihii ay soo mareen, waxa kaloo
uu ka waramay waxyaabaha lagu barto dugsiyadaasi. “Ma jiro iskuul aan
kaayaga ahayn oo leh sanad walba manhaj waxbarasho oo wata buugaagtiisii
iyo dhamaan qalabkiisii oo dhan,” ayuu yidhi maamuluhu. Isagoo hadalkiisa
sii watana waxa uu beeniyay hadallo la isla dhexmarayay oo sheegayay in
dugsiyadaasi ay maalgelin jirtay ama ay xidhiidh la lahayd shirkadii la
xidhay ee AL-BARAKAAT. “Dugsiyada Al-Baraka shaqo kuma laha shirkadii la
xidhay ee AL-BARAKAAT, mana jirto cid na maal-gelisaa, waxaanuse nahay
dugsiyo sanad walba leh sanad-dugsiyeed cusub,” ayuu yidhi.
Mar uu la hadlayay waalidiinta ardayda dugsiyadaasi waxa uu sheegay sida
loogu baahan yahay in ardayda lagu dhiirigeliyo sidii ay waxbarashadooda u
sii kordhisan lahaayeen, isagoo amaan u soo jeediyay sida ay waalidiinta
badhkood ula shaqeeyeen dugsiyadaasi.
Gebogebadii waxa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyay ardaydii gashay
kaalmaha 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad, sidoo kale ardaydii dhinaca akhlaaqda
ugu wanaagsanaa ayaa iyagana abaal-marino la gudoonsiiyay.
Si gaar ahna waxa isha loogu hayay oo ka dhexmuuqday xafladda ardayda
yar-yar ee ku jirta qaybta Tarbiyadda Caruurta ama Rowdada loo yaqaan. Top
Maxkamadda
Gobolka Hargeysa. |
Cadayn Lambar Shirkadeed.
Ku: Xoghayaha Dawladda Hoose Ee Hargeysa.
Og: Dhamaan Saldhigyada Caasimada Hargeysa.
Ujeedo Calaamadda Shirkadda 571 Ee Jaadka.
Anigoo Tixraacaya Warqadda Nootaayadda Sharciga Ah Ee La Qoray 11/06/03
Kuna Saabsanayd Calaamadda Shirkadda, Taas Oo Awood Loo Siiyey Inuu Masuul
Ka Yahay C/Laahi Nuur Ibraahim Si Aan Cid Kale Ugu Takri Falin, Sidaa
Darteed, Maadaama Ay Sharci Ahaan Ugu Qorantahay Shirkadaasi 571 Al-Najax
X, Maxamed Ismaaciil Tarabi, Gacan Ha Lagu Siiyo Si Cidii Ganacsi Ahaan
Ugu Takri Fasha Lambarkiisaa, Hana Loo Mariyo Sharciga, Cabdi Cawil
Maxamed, Garsooraha Maxkamadda Gobolka Hargeysa. Top
Dugsiga Al-Baxreyni
Iyo Geba-Gabada Sanad Dugsiyeedkiisa. |
Hargeysa (Haatuf): Xaflad lagu soo
gebogebaynayay sanad-dugsiyeedka dugsiga H/Dhexe ee AL-BAXRAYNIYA ayaa
maalintii shalay lagu qabtay xarunta dugsigaasi oo ku yaala xaafadda
Gurya-samo ee magaalada Hargeysa.
Xafladaasi oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin, culimaa’udiin, siyaasiyiin,
waalidiinta ardayda iyo marti-sharaf kale oo badan waxa halkaasi laga soo
jeediyay hadalo kala duwan. Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Sh. Maxamed
Cali Geedi oo madax ka ah hay’adda Al-qarni Al-Ifriiqi oo dhistay
dugsigaasi, waxaanu ka hadlay mas’uuliyadda waalidka ka saaran caruurtooda.
“Mustaqbalka caruurteena waxa madaxa kaga jooga dadkeena, taasoo keenaysa
jahli ay ubadku ku jiraan,” ayuu yidhi Sheekhu. Kadib waxa halkaa ka
hadlay Sh. Mustafe X. Ismaaciil oo ka tirsan culimaa’udiinka Hargeysa,
waxaanu ka hadlay xilka saaran waalidiinta iyo ardayda, isagoo kala hadlay
waalidiinta inay caruurtooda waxbarashadooda mudnaanta koowaad siiyaan,
waxaanu yidhi, “20,000 ilaa 30,000 oo dollar oo aanu guryaha ku dhisano
waxa ka fiican inaynu caruurteena ku dhisno waayo iyaga ayaa dhaxalka ugu
weyn ee aynu ka tegayno ah ayuu yidhi Sh. Mustafe. Isagoo ardaydana kula
taliyay inay faa’iidaystaan waqtigay fasaxa yihiin awoodana saaraan inay
aqoontooda sii korodhsadaan.
Waxa isaguna halkaa ka hadlay guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali
Waraabe, isagoo ka hadlay ahmiyadda ay waxbarashadu leedahay, “Dadweynaha
waxaan u sheegayaa inaynu inagu u baahanahay tacliinta ee ayna tacliintu
inoo baahnayn, dhibaatada ina haysatana waxa inoogu wacan dugsiyadii ay
inoo dhistay gaaladu, kuwaasoo inoo horseeday burbur iyo musuq-maasuq,”
ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, isagoo intaa ku daray in ay reer-galbeedku
fahmeen hablaha iyo inamada in la kala saaro oo uu sheegay midna inaanu
waxba baran karin isagoo ka kale la jooga.
Ugu dambayntii waxa halkaasi abaal-marino iyo shahaadooyin lagu
gudoonsiiyay ardaydii dugsigaasi kaalmaha ugu horeeya galay.
Dugsiga Al-Baxrayniya wuxuu ka mid yahay dugsiyada madaxa-banaan, waxaana
dhigtay ilaa 1045 arday, waxaana la dhigtaa labada gelinba, waxaana haatan
lasoo gebogebeeyay sanad-dugsiyeedkii 2002-2003. Top
Tababar
Waxbarasho Oo Ka Furmay Boorama. |
Boorama (Haatuf): Wasiir-ku-xigeenka
waxbarashada Somaliland Ismaaciil Muxumed Madar ayaa shalay Boorama
tababar uga furay in ka badan 216 macallin o wax ka dhiga Dugsiyada Hoose
dhexe ee Gobollada Togdheer, Awdal iyo Hargeysa.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal Maxamed Cumar
Tababarka macallimiinta oo ah kuwii ugu dambeeyey ee tababar loo siiyo
manhajka cusub ee waxbarashada Somaliland. Waxa uu socon doonaa muddo 18
casho ah. Wasiir ku xigeenka oo ka hadlay furitaankii tababarkaas ayaa ka
qaygeleyaasha waxa uu ku guubaabiyey, in tababarkani uu fursad u yahay
hagaajinta habka waxbarashada ama hirgelinta manhajka cusub, looguna
socodsiin lahaa waxbarashada ardayda.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu ku booriyey inay wakhtiga dhowraan
muddada uu socdo. tababarku waxa kale oo halkaa ka hadlay isduwaha
wasaaradda waxbarashada ee gobolka awdal ,Aadan Nuur Meecaad, isagoo ka
warbixiyey sida wasaaradda waxbarashada e Gobolka Awdal ugu diyaar
garowday socodsiinta ama hirgelinta tababarkan iyadoo uu xusay in
tababarkan oo dedaal dheer wasaaradda waxbarashada iyo hay’adaha
taakuleeyaa u soo mareen iyaga oo ku doonaya inay ka midho dhaqliyaan
hadafka waxbarasho ee Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi laha atayada
waxbarasho ee ardayda wax ka barata dugsiyada Somaliland. Top
Cabdalla Deerow
Isaaq Oo Ku Dhawaaqay Jago Ka Qaadis Madaxweynanimo. |
Mbagathi (W. Wararka): Sida ay sheegayaan
wararka ka imanaya madasha shirka kooxaha Soomaalida ee Kenya, Gudoomiyaha
Baarlamaanka Dawladda Carta ayaa ku dhawaaqay inuu xilkii ka qaaday
Madaxweynaha dawladaas C/Qaasim Salaad Xasan, taas oo ka dambeysay markii
ay labada dhinac uu ka dhex aloosmay khilaaf siyaasi ahi, iyada oo
maalintii shalay ay shirka dhexdiisa feedh isku higiseen Deeraw iyo ku
xigeenkiisu, markii ay isku maandhaafeen ajandaha shirka.
Shirka oo lagu sheshiisiinayo kooxaha Soomaalida ee Mbagathi waxa la
sheegay in warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Gudoomiyaha baarlamaanka
KMG Cabdalla Deerow Isaaq ku sheegay inuu xilkii madaxweynanimo ka qaaday
madaxweynaha Dowlada KMG C/qaasim Salaad Xasan.
Cabdalla Deerow wuxuu sheegay in C/qaasim uu sii hayn doono Jagadiisa
madaxweynanimo mudo bil ah, tan iyo inta madaxweyne lagu soo dooranayo
shirka haatan kooxaha Soomaalida uga socdo magaalada Mbagathi ee dalka
Kenya.
C/lla Deerow ayaa Warsaxaafadeedkan ku sheegay in Cabdiqaasin uu ku tuntay
dastuurkii iyo axdi qarameedkii lagu soo dhisay madasha Carte In kastoo
aan ilaa iyo haatan war tafaasiil ah laga bixin sida ay sheegayaan wararka
naga soo gaadhaya halkaas arinta ku saabsan xilka qaadista madaxweyne C/qaasim
ee uu Cabdalla Deerow warsaxaafadeedkiisa ku sheegay inuu xilkiisa
madaxweynanimo kaqaaday, Hadana tanina waxay mar labaad muujineysaa in
khilaafkii u dhaxeeyey madaxweynaha, Cabdalla Deerow Isaaq, iyo Xassan
Abshir Faarax aan weli xal loo helin, kuwaaso beryahan si weyn loo hadal
hayey khilaafka siyaasadeed oo u dhaxeeyey.
Xilka qaadista Madaxweynanimo ee uu Cabdalla Deerow Isaaq
warsaxaafadeedkiisu ku sheegay ayaan la ogeen in uu aqbalayo C/qaasim iyo
in kale, iyadoo haatan ka mid yahay raga u sharaxan madaxweynaimada
soomaaliya oo dhawaantan la filayo in laga soo doorto shirka kooxaha
soomaaliya ee Kenya.
Sidoo kale ku dhawaaqista xilka qaadistan ayaa timid xilli uu weli Dowlada
KMG ah uu dhexdeeda is qab qabsiiyo badan ka jirro. Dowalada KMG ah ee
madaxada kayahay C/qaasim Salaad Xasan ayaad guud ahaan ku fashilantay wax
ka qabshada nabadgalyada magaalada Muqdisho iyo dib u dhiska dalka,waxaana
madaxda dowladu caan ku noqdeen iney dalka dibadiisa safarro ugu baxaan,
iyagoo ka qeyb galla shirar caalami ah. Top
Ciidamada
Maraykanka Oo Hawlgalo Ka Fuliyey Ciraaq. |
Baqdaad (W.Wararka) - Ciidamada Maraykanka
ee ku sugan Ciraaq ayaa weerar ku qaaday degmada Faluuja, iyagoo
adeegsanaya Diyaaradaha dagaalka iyo Taangiyada uu ka dhaco hubka culisi
maalintii shalay.
Sida ay sheegayaan wararku ciidamada Maraykanku waxay cagta mariyeen ilaa
16 guri oo ay sheegeen inay ku sugnaayeen kooxo iyo hub farabadan oo ay ku
doonayeen inay u adeegsadaan weeraro ay ku qaadaan ciidamada Maraykanka.
Sidoo kale, waxa la sheegay in xabsiyada loo taxaabay ilaa 7 qof kuwaasoo
ay ciidamada Maraykanku ku tuhmayaan inay ka tirsan yihiin kooxaha
Argagixisada.
Sidoo kale, ciidamada Maraykanku waxay sameeyeen hawlgal balaadhan oo ay
ku baadhayaan hubka, guud ahaanba magaalooyinka waaweyn, iyagoo ku
andacoonaya inay baadhayaan kooxo argagixiso ah. Top
Toban Qof oo
Ku Dhintay Weerar Ay Ciidamada Sucuudigu Ku Qaadeen Guri Ku Yaal
Magaalada Makkah Waxa Fooda Is-Daray Ciidamada Amaanka iyo Dabley
Hubaysan. |
Maka Al-mukarama (W.Wararka) - Ugu yaraan 10
qof ayaa ku dhintay, qaar kalena way ku dhaawacmeen kadib markii ay
ciidamada amaanka ee Sucuudigu weerar balaadhan ku qaadeen guri ku yaalay
magaalada Maka oo ay ku tuhunsanaayeen inay ku dhuumanayeen kooxo
argagixiso ahi.
Sida ay wararku sheegayaan dadka dhintay waxa ka mid ah shan ka tirsan
ciidamada Amaanka, kadib markii ay labada dhinac isweydaarsadeen rasaas
muddo socotay, inkastoo aanay cadayn cida ay ciidamada Sucuudigu weerareen
balse sida uu qoray wargeyska “Cukaad” ee kasoo baxa Sucuudigu dagaalka
halkaasi ka dhacay wuxuu ahaa mid culus, iyadoo la sheegay in kooxaha
halkaa ku jiray ay difaac adag kala horyimaadeen ciidamada Sucuudiga.
Dad goob-joog ah ayaa sheegay in ciidamada amaanku ay gurigaa ku galeen si
xoog ah, iyagoo marka hore ka faaruqiyay dhamaan dadkii deganaa, balse
lama sheegin wax khasaare ah oo dadka rayidka ah gaadhay.
Sida uu sheegay wargeysku gurigaasi waxa loogu tegay hub farabadan oo ku
kaydsanaa oo isugu jiray waxyaabaha qarxa iyo hubka fud-fudud, taasoo ay
ciidamada amaanku ku tilmaameen inay la mid yihiin hubkii loo adeegsaday
qaraxyadii ka dhacay Riyaad.
Warar kasoo baxaya dhinaca mucaaradka ayaa iyaguna sheegaya in 8 ka mid ah
ciidamada amaanku ay ku dhinteen dagaaladaasi iyo Saddex ka mid ah dadka
rayidka ah, balse lama xaqiijin arrintaasi.
Arrintani waxay kusoo beegantay iyadoo ay mudooyinkanba ciidamada
sucuudigu wadeen hawlgalo ka dhan ah waxay ugu yeedheen kooxo argagixiso
ah oo xidhiidh la leh ururka Al-qaacida, taasoo soo bilaabantay tan iyo
markii ay qaraxyadu ka dhaceen magaalada Riyaad ee caasimadda Sucuudiga
12-kii bishii May ee ina dhaaftay. Top
Cabdiqaasim Oo
Ka Hadlay Xaalada Siyaasadeed Ee Soomaaliya. |
Waxaa shir jaraa'id oo ballaadhan xaruntiisa
ku qabtay madaxweynaha dowladda KMG ah, Cabdiqaasim Salaad Xasan,
halkaasoo uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu weyneyd xaaladda
siyaasadeed ee dalka iyo shirka kooxaha Soomaalida hadda uga socda dalka
Kenya.
Shirkaasi jaraa'id oo ka dhacay xarunta madaxtooyada dowladda KMG ah, ayuu
madaxweynaha dowladda, Cabdiqaasim Salaad Xasan, kaga hadlay arrimaha
hadda ugu culus ee aragtida dowladdiisa ee shirkaasi.
Cabdiqaasim waxa uu sheegay in aanay dowladdiisu sinnaba u aqbalaynin in
Soomaaliya loo kala qaad-qaado gobollo ama in shirka hadda kooxaha
Soomaalida uga socda dalka Kenya uu noqdo mid tarjumaaddiisu noqoto shir
koofur Soomaaliya ay leedahay, wuxuuna si cadho leh Cabdiqaasim uga hadlay
shirka oo uu ku tilmaamay in uu ahaa mid ay dowladdiisu codsatay.
Cabdiqaasim waxa kaloo uu sheegay in hadda muranka socda ee ku saabsan in
dalka magaciisa uu noqdo Dowladda Federaalka Soomaaliya aanay ahayn wax
suurtogal ah waqtiga la joogo, waayo wuxuu yidhi weli ma kala cadda sida
federaalkaasi noqonayo, soohdimaha gobollada iyo waxyaabo kaloo badan,
sidaasi darteed waxa uu muujiyey in federaal lagu soo boodo uu ka dhigan
yahay in Soomaaliya la doonayo in ay fowdo dib u gasho oo qabiilba qabiil
qabsado iyo gobolkan annagaa iska leh iyo wax la mid ah oo ujeeddooyin
gurracan laga leeyahay sida uu hadalka u dhigay.
Cabdiqaasim waxa uu sheegay in uu oggolyahay in dowlad KMG ah la sameeyo
kaddibna ay labo sano kaddib iyadu diyaariso nidaamkii federaalka ahaa ee
mustaqbalka dalka lagu xukumi lahaa oo dadkana loo diyaariyo noocaas
siyaasadeed.
Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa uu si weyn u eedeeyey dowladda Itoobiya iyo
weliba dowladda Mareykanka oo sida uu sheegay u dadaalay sidii Soomaaliya
loo baabi'in lahaa iyadoo lagu soo dhuumanayo magaca argagaxiso,
dabadeedna la baabi'iyo dowladdiisa iyo magaca Soomaaliyeed.
Ugu dambayntii Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa uu muujiyey in uu dhowaan u
kicitimi doono dalka Kenya oo uu sheegay in uu casumaad rasmi ah ka helay
madaxweyne Mwai Kipaki.
Top
Rabshado Ka
Dhacey Magaalada Tehraan. |
BBC-Wadooyinka caasumada dalka Iiraan ee Tehraan ayaa degan ka dib markii
habeenkii afaraad ay ka dhaceen rabshado dhexmarey taageerayaasha hogaanka
xag jira ah ee culumada Iiraan iyo mudaaharaadayaal dalbanaya in isbedel
siyaasadeed la sameeyo.
Intii ay socodeen rabshaduhu boliiska ayaa waxay go'doomiyeen dhowr
meelood oo ku yaala agagaarka Jaamacada Tehraan, halkaas oo dad badani ay
isugu soo baxeen.
Kooxo u adeega Islaamka oo sita ulo iyo budhadh ayaa iyagana halkaa ku
yimid mootooyin. Wariyaha BBCda ee Jooga Tehraan ayaa waxaa uu sheegayaa
in ay kooxdaa wadatey qaar ka mid ah mudaaharaadayaasha, ka dibna si xun u
garaaceen.
Booliiska rabshadaha ayaa lagu soo waramayaa in ay dhacdadaa ka
daawanayeen wadooyin ku dhow halkaa.
Hogaamiyaha diimeed ee ugu sareeya dalka Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei
ayaa ugu digey mudaharaadayaasha in aan loo naxariisan doonin haddii ay
sii wadaan rabshadaha.
Waxuuna hogaamiyihu ku eedeeyey dowladda Mareykanka in ay ka danbeyso
rabshadaha ka dhacaya Tehraan. Top
Mareykanka Oo
Riixaya Nabadda Barigga Dhexe. |
BBC_ Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee
Mareykanka, Colin Powell ayaa mar kale ku celiyey in dowladda Mareykanka
ay ka go'an tahay in ay riixdo qorshaha nabadda ee Barigga Dhexe.
Mr. Powell oo ka hadlayey magalaalada Washington ayaa sheegey in dowladda
Mareykanku ayna marna joojin doonin ama ka gaabin doonin ama baal mari
doonin baadigoobka ay nabadda u jirto.
Hadalkiisaan ayaa soo baxay iyadoo Israel iyo Falastiiniyiintu ay kulan
heerkiisu sareeyo ku yeesheen magaalada Qudus oo ay uga
Wada hadleen qorshaha nabadda.
Wax lagu gaarey ma jiraan wadahadaladaas, hase ahaatee, labada dhinac
waxay isku afgarteen in ay mar kale kulmaan.
Wadahadaladan ayaa la qabtey ka dib markii ay dhaceen rabshado socoday
todobaad oo ay ku dhinteen ilaa iyo lixdan qof.
Dhacdadii ugu danbeysayna, ciidamada amaanka ee Israel ayaa waxay ku
dileen Marinka Qaza nin xubin ka ah kooxda shahiidiinta Al Aqsa, nin
dhalin yaro ah oo faastiini ahna isna waxay ku dileen xerada qaxootiga ee
Askar ee Daanta Galbeed. Top
Muran Ka
Aloosmay Imaaradda Ra’sul Khamiah. |
Ra’sul-khiima (W.Wararka) - Muran dhinaca
Siyaasadda ah ayaa ka dhashay is-maamulka Imaaradda Ra’sul-khayma oo ka
tirsan isu-taga Imaaraadka Carabta, kadib markii si kedis ah xilkii looga
qaaday ninkii lahaa dhaxalka madaxtinimada ee Imaaradaasi oo la sheegay in
lagu bedelay walaalkii, balse uu Gaashaanka ku dhuftay.
Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya halkaasi ciidamada qalabka sida oo
adeegsanaya Taangiyada Dagaalka ayaa galay xarunta maamulka iyagoo
taageeraya is-beddelka la sameeyay, isla markaana sugaya amaanka, waxaana
la sheegay inay haatan ciidamada ilaalinayaan qasriyada Sheekha cusub ee
loo magacaabay Imaaradaasi oo la yidhaa Sh. Sacuud iyo Aabihii oo madax ka
ah Imaaradaasi oo la yidhaa Sh. Sakhar bin Maxamed Al-qaasimi oo isagu
casilay inankiisii u weynaa oo uu ka qaaday lahaanshihii dhaxaltooyada
madaxtinimadiisa, isagoo soo saaray wareegto Amiirnimo.
Sida ay sheegayaan wararku Sh. Khaalid oo 63-jir ah waxa uu Gaashaanka ku
dhuftay amarka kasoo baxay aabihii oo la sheegay inay da’diisu tahay 90
sanadood, waxaanu ku eedeeyay inaanu caafimaadkiisu hagaagsanayn, waxaana
hore loogu eedeeyay Sh. Khaalid inuu qaatay mawqifyo ad-adag marka la eego
arrinta ay ku muransan yihiin Imaaraadka iyo Iiraan oo ah sadex
jasiiradood. Laakiin walaalkii oo haatan la magacaabay oo ah 48-jir, waxa
la sheegay inuu yahay nin ganacsade ah oo caan ka ah Ra’sul-khayma kahor
intii aan la magacaabina waxa la sheegay inuu sumcad iyo awoodba ku lahaa
Imaaradaasi.
Ra’sul-Khayma waa Imaarada afraad ee ugu weyn marka la eego bedka iyo
tirada dadka ee toddobada Imaaradood ee uu ka kooban yahay Imaaraadka
Carabtu.
Top
ODHAAHDA
AKHRISTAHA: Kuwii Deegaanka Loo Doortay Ayaa Ugu Daran. |
Haddaan nahay reer Tog-Wajaale waxa na
haysta beryahan dambe mucjiso iyo amakaag, iyo waxaan la yaabno, oo ay
wadaan kuwii ummaddu codkooda ku soo saartay ee aanu islahayn waxbay
ummada u soo kordhin oo bilaabay (mashaariic hunguri), ay dhaqaale ku
raadinayaan, iyaga oo bilaba joogin waxay baabiiyeen saladii ganacsiga
xoolaha, ee ugu weyneyd Somaliland, oo maalintii lagu kala iibsan jiray
boqolaal kun oo xoolaha nool ee dalka dibadiisa loo iib geeyo iyo in ka
badan (toban xero oo habeenkii lagu xeryn jiray, in ka badan 50,000 kun
ilaa 100,000 kun oo neef oo adhi ah oo ay dad rayid ahi kirada ay ka
qaadan jireen nolol maalmeedkooda, taasi oo keentay in ay xoolihii
habeenkii waraabaha dibada u joogaan.
Taasi oo maamulka golaha deegaanku qorsheeyey in dhulkan iyo dhul kale oo
dan guud ahba inuu ganacsatada magaalada soo degtay u qayb qaybiyey,
hantina ka qaato, saylada iyo xeryaha xoolaha uu u soo raro, beerahayagii
oo magaalada u soo xiga una bilaabay inuu u jar jaro.
Arrintan oo anaga nagu noqotay waxaan la qaadan karin.
Anaga oo maanshanaba beeraha oo sanad walba wixii ka soo baxa aanu ku nool
nahay, markii aanu maamulka hawsha waday aanu u sheegnay inay beerahan
yihiin, kuwo xaasas lagu kariyo, waxay nagu yidhaahdeen waa la dajinayaa,
amarkana waa amar dawlo, ee ma kuwii deegaanka loo soo doortay ayaa maanta
ugu daran, wixii denbiya ee ka dhaca maamulkan miyaanay jirin, cid awood u
leh inay wax ka qabato arrintu ma waa la soo doortay baa dawladdii meeday.
Maxamed c/laahi Qombor, Tog-Wajaale. Top
Waar Ka
Cararaay, Sheeko Xadiis M. Xadiis. |
Waxay iigu darnayd markii aan diyaar noqday
sidaasi waxaa yidhi nin dhalinyaro ah oo diyaarad noqday ama aan odhan
karno dhab ahaan maya, laakiin wuu isku maleeyey inuu noqday diyaarad.
Ka dib markuu qayilay dabadeedna ay wax u khaakhaayireen, intii
shaxaadaysay, horsocda isagii oo inooga warama waa kan waxaanu ku bilaabay
sidan.
“Maalintii oo dhan waxaan qayilayey, iyo gelinkii hore ee habeenkii,
dabadeedna waxaan seexday wakhti dambe, waxaana makhsin ka hurday niman
kale oo dhalinyaro ah oo guriga wada seexano.
Markaa wakhti aan ku qiyaasay inay ahayd habeen badhkii waxay ila noqotay
inaan ahay diyaarad, markaa, waxa I soo wada fuulay dadkii rakaabka ahaa
oo dhan, ka dibna waxaa isoo fuulay isna bayloodkii, dadkiina wuxuu kuwa
wargeliyey diyaar garoob,a diyaaradu way kacaysaaye.
Markaasuu pilot-kii la soo baxay furihii uu igu dhaqaajin lahaa,markaasu
bartaa dhegta ah igu geliyey furihii, markaasaan xiimay, oo kululaaday,
ileyn diyaaradaha marka la kicinayo waa inay in cabaar ah sii xiimaane,
markaasuu halkaa iga soo dhaqaajiyey (Airport-ga Hargeysa), anigii oo aad
yaabto sidaan u xiimayo iyo nal iga baxaya, ayuu ila soo dhaqaaqay xagga
magaalada, Hargeysa, dabadeed-na wuxuu iga soo wareejiyey dhinacaa iyo
JigJiga yar” markaasuu haddana iga soo wareejiyey xaggaa iyo Naasa Hablood.
Waxaanu I soo mariyey xaafadahaa New Hargeysa, Sheekh Madar, dabadeedna
wuxuu I soo wadaba waxay iigu darayd 2 jeer midi waxay ahayd markii hore
ee aan diyaarada noqonayey, waayo gurigii baa I qaadi waayey, ileyn markii
aan guriga seexday nin baan ahaa”.
Markaasuu gurigii kala dilaacay oo ay jagagac ka dhacday markay baaluhu ii
soo baxayeen, ee hore marka kalena waxay ahayd siduu ii soo waday wuxuu
marba xaafad I soo mariyaba markuu pilot-kii dhulka ii soo dhaweeyey aniga
oo xiimaya dabadeedna aan is idhi walaahi waxaad ku dhacaysaa dabaqyada
dhaadheer ee magaalada, dabadeedna aan ku soo hagaagay dabaqa dheer ee
Maaweel Hotel.
Markaasaan is idhi khalaas waxaad hirdisay ood ku dhacday hotel-kii
Maaweel, oo way kuu dhamaatay, markaasaan afka ku dhuftay bahal dheer oo
dhawaaq ah, waar ka cararaay, waar ka cararaay”. Ileyn waxaan ahay
diyaarad soo dhacaysa’e.
Markaasay mar qudha sara kaceen dhamaan dadkii guriga ila hurday, gaar
ahaan dhalinyaradii aan wada hurudnay qolka, oo iyagu ka sasay
dhawaaqaygii dheeraa, dabadeedna waxaan is arkay uun, iyada oo ay
saaxiibaday dhinacyada I hayaan, oo ay leeyihiin waar maxaa kugu dhacay,
waar maxaa kugu dhacay?
Dabadeedna markii dambe caadi baan noqday oo waan miyirsaday.
La soco todobaadka dambe. Top
Eedaadka Soo
Mara Umul Baa Ilawda. |
Aniga oo ah muwaadin u dhashay dalkan
Somaliland had iyo goorna jecel inuu dalkiisu gaadho horumar ballaadhan oo
dhinac kastaba ah.
Runtii arigtaydan in aan jaraa’idka madaxa bannaan ku soo qoro waxa igu
kalifay laba arrimood oo qof kasta oo in uun damiir wadanimo lihi uu ka
aamusaa ay doqoniimo tahay oo Alla ka fogaad ah, diintuna ay saamixi
doonin.
Ballanqaadkii Madaxweyne Daahir Rayaale uu ku ballan qaaday inuu soo
dhisayo dawlad tayo leh:
Sida aynu wada ognahay Daahir Rayaale laba jeer ayuu shacbiga Somaliland u
ballanqaaday inuu u soo dhisayo dawlad tayo leh, mid wuxuu ku sheegay
waraysiyo uu kala siiyay saxaafadda madaxa bannaan, ta dawliga ah iyo
idaacadda BBC-da.
Ta labaadna wuxuu ka sheegay fagaaraha khayryada sannadguuradii 12 ee la
soo noqoshada Madaxbannaanida Somaliland 18/5/2003, halkaas oo uu ka
jeediyay khudbad dheer oo shacbigii badnaa ee dhagaysanayay ugu
ballanqaaday inuu u soo dhisayo dawlad tayo leh oo wadanka wax u qabata,
isaga oo waliba intaa raaciyay inuu qof walba u dhiibi doono Wasaaradda uu
aqoonta u leeyahay.
Runtii ballanqaadkaa dad badan way u riyaaqeen, iyagoo doodooda saldhig
uga dhigayay mar haddii shacbiga Somaliland ay doorteen isaga oo aan cidna
u habranaynayn galka ayuu seeftu ka saari doonaa oo wuu qubi doonaa
goalaha wasiirada oo markii horeba Marxuum Cigaal ku keenay hab beelleed
ama xal sida uu horeba u sheegay Illaahay ha u naxariistee.
Haddaba su’aasha isweydiinta mudani waxa weeyi, Daahir Rayaale ma
dhabeeyay ballanqaadkii uu shacbiga Somaliland ugu ballan qaaday inuu u
soo dhisayo dawlad tayo leh.
Waxaan qabaa haddii aanu nahay dhallinyarada faraha badan ee jecel in ay
Somaliland gaadho horumar, lexejeclo badanna ka qaba dalkooda hooyo oo
Somaliland, waxaanu qabnaa jawaabtu waa maya, Daahir Rayaale-na si ayuu
uga baxay ballanqaadkii uu shacbiga la galay, 7-dii wasiir ee uu ku
dhawaaqay 5/6/03, Mudane Maxamed Xaashi Cilmi iyo Mudane Xuseen X. Cali
Ducaale (Cawil) ayaa cusub oo keliya oo waliba aanu midna u magacaabin
jagadii uu ku haboonaa ee uu aqoonta u lahaa. Waayo, ra’yulcaamka dadku
waxay aad u danaynayeen inuu Maxamed Xaashi Cilmi u dhiibo Wasaaradda
Maaliyadda, iyadoo loo arkayay inuu yahay ninka keliya ee wax ka qaban
kara musuqmaasuqa dalka ku baahay ee ay saldhiga u noqotay wasaarada
maaliyaddu.
Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirka cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha, runtii
aqoon gaar ah uma lihi, laakiin waxa aan la socday wakhtigii
sagaashameeyadii ee uu Duqa ka ahaa Magaalada Hargeysa, wakhtigaas oo uu
ku soo beegmay xilli qalafsan oo uu dalkeena ka jiro dagaal sokeeye, taas
oo uu haddana waxa uu qabtay waxyaabo waxtar dalka iyo dadkaba u leh, taas
oo aynu wada garan karno kartidiisa iyo waxqabadkiisa-ba, waxaan odhan
karaa Maxamed Xaashi inuu awoodo karo inuu wax ka bedelo ganacsigeenan oo
ay xuurto ku haystaan Tijaarta waaweyn oo aan ogolayn in laga daba
faa’iido, taasina sida aan qabo waxa ugu wacan kala xadayn la’aanta
ganacsiga, waxaanay taasi u taallaa sidii uu wax uga qaban lahaa wasiirka
cusubi, balse waxaan baqayaa in kartidiisaa badan inuu ku waayo
wasiirnimada, sababtoo ah Madaxweynayaasha Afrikaanku ma ogola wasiirada
waxqabadka badan, halka ay ka soo urursadaan wasiiro bilaa tayo ah oo aynu
ku magacawno (yes man), waxase aynu u wada joogi sida uu ka yeello
Madaxweyne Daahir Rayaale.
Xuseen X. Cali Ducaale (Cawil), Wasiirka Maaliyadda ee cusub, waxaan odhan
lahaa, Cawil wasaaraddan loo dhiibay aqoon uma laha, wuxuu ka mid ahaa
ciidamadii la odhan jiray Somaliland Scot, waxaanu ka mid ahaa
saraakiishii isku dayday inqilaabkii sannadkii 1961-kii ee fashilmay,
intii ka dambaysayna wuxuu safiir uga ahaa muddo dheer dawladii kaligii
taliyihii Siyaad Barre wadamada Kiiniya iyo Yugaandha, intii dambana wuxuu
fadhigiisu u badnaa dalka Kiiniya, ugu dambayntii waxa lagu magacaabay
wakiilka Somaliland ee bariga Afrika u qaabilsan.
Maadaama uu Cawil yahay nin da’ ah, waxa Madaweyne Daahir la gudboonayd
inuu ka dhigto la taliyihiisa gaarka ah ee siyaasadda arrimaha dibadda,
wasiirka maaliyaddana wuxuu u magacaabi lahaa wasiir aad uga da’ yar oo
aqoon u leh wasaarada maaliyadda.
Intaa haddaan ku dhaafo labada wasiir ee cusub, 5-ta Wasiir ee kale aad
ayaan u saluugay, in dib uu Daahir Rayaale u soo magacaabo, waayo waxay ka
hortimid ballanqaadkii uu shacbiga u ballanqaaday, waxaan iyana wax ka
odhanayaa Marwo Edna Aadan Ismaaciil, wasiirka cusub ee arrimaha dibadda,
runtii anigu shakhsi ahaan aad ulamaan dhicin in jagadan loo magacaabo,
waayo, waxa jira rag badan oo diblomaasiyiin ah oo jagadan kaga haboonaa,
mana haboona in qof dumar ah keligeed dibadda wareegto iyada oo aan nin
lahayn, waxayna ahayd inuu arrintan Madaxweyne Ku-xigeenku kala taliyo
Madaxweynaha in aanu Edna u magacaabin Wasiir, maadaama oo loo tiriyo inuu
yahay nin diinta ku wanaagsan.
Ugu dambayn waxaan madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha gudaha, Ismaaciil u
soo jeedinayaa in ay ka waantoobaan ciidamada ay habeenkii magaalada ku
soo dhex daadinayaan ee dadka ula dhaqmaya sida naxariis darada ah, taas
oo ay arrintani na xusuusinayso falalkii ay samayn jireen ciidamadii
Siyaad Barre, runtii saxaafaddu aad bay wax uga qortay.
Maxamed Axmed Yoonis, Hargeysa. Top
Madasha Kenya,
Maanka Somaliland, Iyo Majaraha Habawsan. |
Waxaa laga soo wareegay 12 toban sanno
markii xukunka laga tuuray keligii taliyahii xukunka adka ee dawladii
kacaanka ee dalkii la isku odhan jiray Somaliya waa Maxamed siyaad barre,
taariikhda lama qoro iyada is xaradha eh haddii dib aynu ugu noqono,
sannadkii 19990, ayaa waxaa ciidamadii xoogaga SNM oo markaasi lagu
tilmaami jiray Hanadadi hafiyey kacaankii hantiwadaaga, waxay u yabooheen,
hawlwadeeno badan oo ay isku hadaf ahaayeen, waxaa ka mid ahaa xoogagii uu
horkacaayey Jeneral Maxamed Faarax Caydiid, oo markaasi aan lahayn cudud
militery oo ay ku afganbiye karaan hanfigii shuuciyadda ee Muqdisho, waxaa
kale oo ay ururkii dhaqdhaqaaqa Wadaniga ee marka la soo gaabayo loogu
yeedhi jiray SNM, hogaankiisa siyasadeed xeeriyey in tilmaam midaysan lagu
abaaro, waa tii ninkii jiray ka yidhi:
Haddaanan haddaanan
Haddaanan dhawaaqa
Hireyda wireyda
Hayaay ka kacayda
Jahaadka Hargaysa
Barbaartu hagayso
Haweenka godoodey
Ka qayb gelin hawsha
Haddaanan haddaanan
Intii isku hiila
Hargaysiyo Bayla
Intii la hal maasha
Bakool hilinkeeda
Heeraarta Kismaanyo
Ilaa Hobyo geynin
Hiiraan u tallaabin
Runtay la hudmeene
Haddaanan haddaanan
Sidii hanqar yeedha
Hillaac iyo maayad
Dhulkoo dhan hadhaynin
Banaadir ka heesin!
Wixii hurda toosin!
Halyeyada ciilka
Ka haajirey ciidda
Halkay talo joogto
U sii farin haadda.
Hortaantii 91 kii ayaa ciidamadii halyeeyada ahaa ee SNM waxay si
ismiidamisa u hujuumeen magaalooyinka Burco, berbera, iyo weliba xaruntii
ay muddoyinka badan hiigsanayeen ee Hargeysa, Keligii taliye Maxamed
Siyaad Barre iyo weliba Hogaankii Ciidamada aagga gobolka Hargeysa ee loo
yaqaanay qabta 26aad, Gacan ku dhiigle Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, iyo
xubno sare oo kalaba waxay ku sugnaayeen tuulada Hawash oo ay kala
arrinsanayeen hogaankii sare ee dalka Ethiopia, in xoogaga SNM loo soo
gacan geliyo shuuciyaddii Siyaad barre, taasi waxay noqoto hal bacaad lagu
lisay, waxaanay ku noqotay Siyaad Barre iyo seedigii film hollywood
jilayso, isla galabnimadii horaantii sannadkii 1991 ayaa wuxuu siyaad
barre si deg deg ah kaga soo anbabaxay xarunta ethiopia ee addis ababa
isaga oo hogaanka sare ee ethiopia ku eedeyey inuu khiyaamiyey, balse
runtu waxay ahayd in aanay waxba kala soconin dawladda ethiopia hawl gelka
xoogaga SNM, waxaa ciidamada SNM maalmo gudahood ku sifeeyen maamulkii
argagaxa badna ee Siyaad barre, kumanaan qof oo ku bahalyoobay hareerada
waddanka ethiopia iyo xuduudaha dhaw ee Somaliland na waxay u noqotay
riyaaq iyo dabayl xoriyadeed oo aan abadan soo wajahin, akhristow,
Xorrayntii SNM, waxay dhashay in Maxamed Siyaad uu ka huleesho, dhamaanba
geyigii la isku odhan jiray Somalia.
Balse su,aashu waxay noqotay maxaa xigay? Dhanka kale ee bidix ayaa
iyaguna waxaa soo huleeshay xoogagii USC oo aan runtii sidaa looga aqoon
hirdankii halganka, Maxamed Faarax Caydiid, oo wakhtigaasi hammi badan ugu
jiray sidii uu reerka uu ka dhashay ugu celin laha mansabka Siyaasadeed
ayaa wuxuu isticmaalay Hammuun aan cadawga lala beegsan balse xanuun ku
noqotay runtii birma gaydo farabadan oo degenayd xaruntii dhexe ee dawladi
siyaad bare waa Muqdisho eh, waxaa halkaasi ay xoogagii USC ee magaalada
soo gelay ka gaysteen falal foolxumo ah oo aargoosi lala beegsaday dumar
iyo caruur aan waxba galabsan, taasi waxay akhristow dhashay in xabbadii
muqdisho ka caafimaadka qabtay iyo hanfigii cadawadeed ee qarni jirsaday
ee shacbiga reer Somaliland lala beegsaday markeliya usoo guuro
magaaloyinka iyo tuulooyinka Somalia (koonfur) waxaa ninkii jiray laga
haya:
Qabqabtiyo durbaannada
Daran doorri dhacayaa
Diihaal ma reebaan
Dayac beel ma haynee
Dundumaanu maydhnaa
Sida ogaxda diinkaa
Daymadu na korisaa."
Waxaaba la odhan kara shanqadhii rasaasta, darandoorigii baroonku hadduu
ka bilaabmay mudqisho badiba runtii dadka ku noola waxay ku maqli jireen
xan iyo xanshaashuq "Diyaaradba waqooyi garaacda, iyo Hargeysa laga qaxay",
akhristow dulucdaydu ka dheer tiigsi iyo nabar aad damqo, balse ma odhan
karaa hanfiga cadawadeed ee muqdisho, waxaa lagu dhayi karaa kiniin uu
dawaarle soo qoray, runtii taasi waa maya, aan u dego dulucda guud ee
darmaanta aan wada xanbaarsantahaye, badiba dadka loogu yeedho hogaamiye
kooxeedka (faction leaders) waxaa beesha caalamku u kasbatay hilaw
farabadan waxaa badiba loo igmay tobanaan xeerbeegtiya waxaa la iskugu
yeedhay madal qudha, balse intuba waxay noqdeen sidii tii laga yidhi:
Ninkii digashada badnaa
Daaruhu tayo waa ka gaal
dulmay taran leeyihiin
bar duunyo ah waa ka caydh
waxay ku dul nool yihiin
nin daaqsada xoolo nool
dubbaha fakhrigay tumaan
waxay derbi jiifiyeen
barbaarkiyo doobka nool
carwada dibjirkay dhalaan
hadday kugu soo durkaan
ducaa laga hoos galaa
maxay damal weyn shiteen
maxay qudhac deebiyeen
waxay dab sudheen dhirtii
dhulkay midab dooriyeen
bal eeg degelkii hufnaa
bir iyo waxa daasad yaal
bal eega dalkii xalaa
waxay lafo daadiyeen
Shil baa dunidii ka dhacay
daacuun halisaa ku fiday
duufaan simay baa la tegay
doofaarrada aan gudnayn
diinlaawaha gaalku dhalay
maxay dulin faafiyeen
maxay samo duudsiyeen
maxay godob daaqsadeen
maxay denbi xoogsadeen
maxay dabar soo xardheen.
waa farriinta badana ay shacbiga Reer Somaliland u dirayaan kooxaha
muqdisho isku dilaaya, waayo saaxiibayaal maanta anaga waxaa noo dan ah
hadaanu nahay qaranka Somaliland ee aan sinaba loo duudsiyo karin,
walaalahayga Somalia oo marin xalaal hela, nabadi ka aslaxdo, si nabad
loogu wada noolaado geyiga fog ee beriga afrika, aan u dego dihin kale eh,
hadda waxaa beesha caalamku yagleeshay shir kaasi oo badiba cidhifyo
badani usoo hanaqal taagayaan, balse su,aashu waxa weeyi sideeba wax ay u
dhisan karaan Somaliya? jawaabta su,aashu akhriste aad ayey u fududahay
waxaanan ku soo xeeriyey hamuunta hoos ku taall:-
1. In dhamaan Beelaha, waxgaradka, siyaasiyiinta, salaadiinta, cuqaasha
garaadada, iyo waxgaradka iskugu yimid madasha eldoret ee asal ahaan ka
soo jeeda Somaliya ay aqoonsi buuxda siiyaan JAMHUURIYADDA SOMALILAND.
2.In dhamaanba beelaha iyo waxagaradka iyo siyaasiyiinta iyo cuqaasha,
garaadadu ay go,aanshaan in shirku u gaaryahay SOMALIA, taasi oo xalka la
raadinaayo loo raadinaayo SOMALIA ee dadka asal ahaan ka soo jeeda
Somaliland shirka dibadda looga saaro.
3. In la gorfeeyo iyada oo la is hor fadhiyo wixii dhibaato la isku geysto
runta oo cadna la is waydaarsado lana xanuujiyo nabarkii hore loo
dhaawacay lagana saaro viruska iyo bacteriayada ku dahaadhan.
4. In Somalia loo helo hogaan matali kara kuna hadli kara codka umadda
Soomaliyeed kaasi oo haddii aanu nahay Reer Somaliland aanu kusoo
dhawaynayno Magaalo madaxda Hargeysa Hogaankaasi oo aqoonsan jiritaanka
iyo madaxbanaanida Somaliland.
5. in la helo dawlad furfuran oo ka saafi ah ururada xanuunka ku ah
xuquuqda aadamaha, argagixisada, iyo weliba dhamaan aqoonta militerya.
6. Dawlad aan cadaw u ahayn hirka nabadeed ee mandaqadda beriga iyo
badhtamaha africa oo la dagaalanta argagixisada caalamiga ah.
qodobadaasi iyo kuwa kale haddii ay iska indho tiraan walaalaha
Soomaliyeed ee ku xeeran madasha eldoret waxaan huba in ay ku fashilmi
doonan hanaanka ay mudada badan u hureen ee ay u fadhiyaan kenya.
WA BILAHI TAWFIIQ.
WAXAA DIYAARIYEY MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA).
KARACHI, PAKISTAN. Top
Cago-Jiidka
Xukuumadda Ee Dhinicii Wada-Hadalka Iyo Khatarta Ka Soo Fool Leh
Shirka Kenya Uga Socda Kooxaha Soomaalida Waxa La Qorsheynayaa In
Cadaw iyo C/laahi Yuusuf Loo Caleemo Saaro Madaxtinimada Soomaaliya,
Somaliland-na Culays La Saaro Sidii Ay uga Mid Noqon Lahayd Dawlad
Federaali Ah. |
Hargeysa (Haatuf) - Inkastoo muddo hal toddobaad ah laga
joogo markii xisbiga KULMIYE uu aqbalay talo-soo-jeedintii golaha
Salaadiinta Somaliland ee ahayd in xisbigu aqoonsado natiijada doorashadii
Madaxtooyada Somaliland ee dalka ka dhacday 14-kii bishii April ee
sannadkan, isla markaana ay xukuumaddu ay wada-hadal iyo wada-tashi
yeelato xisbiga KULMIYE, ayaa haddana waxa soo ifbaxay warar sheegay in
Maamulka Madaxweyne Daahir Rayaale uu ka cago-jiidayo sidii wada-hadal
siyaasadeed u dhexmari lahaa xukuumadiisa iyo xisbiga KULMIYE ee
mucaaridka ah.
Sida ay warar xog-ogaal ahi sheegeen, Madaxweyne Rayaale ayaa u saaray
guddi ka kooban Madaxweyne Ku-xigeenka, lix wasiir oo ka mid aah golihiisa
wasiirada ee uu dhawaan magacaabay iyo laba wasiir oo ka mid ah golihiisii
wasiirada ee hore, kuwaas oo uu u xil-saaray laba arrimood oo kala ah; in
ay ka soo arrimiyaan xaaladda guud ee nabadgelyada dalka, iyo in ay
qorsheeyaan qaabka uu u furmayo wada-hadalka la filayo inuu dhexmaro
xisbiga UDUB ee xukuumadda iyo xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.
Sida la sheegay waxa maalin dhawayd kulmay Madaxweynaha iyo guddidaa uu u
xilsaaray wada-hadalka, kulankaas oo ay u jeedadiisu ahayd in la iskula
meel dhigo wakhtiga iyo goobta ay ka dhacayaan wada-hadalladaasi, taas oo
ay weheliso ajandaha iyo mawqifka ay dhinaca xukuumaddu la tegayaan
wada-hadalladaasi oo ay qaban-qaabintooda ay ku dhex jireen golaha
salaadiinta ee mudooyinkanba ku hawlanaa xalinta muranka u dhexeeya labada
dhinac.
Inkasta oo aan kulankaas wixii ka soo baxay aan daaha laga qaadin, haddana
ilo xukuumadda ku dhow-dhow ayaa sheegay in aan kulankaa layskula soo
qaadin ajandaha khilaafka u dhexeeya labada dhinac iyo dhammaystirka
muranka u dhexeeya labada xisbi.
“Waxaanu filaynaa maanta (dorraad) in ay kulmaan Madaxweynaha iyo guddi uu
u xilsaaray arrintan oo uu Madaxweyne Ku-xigeenka iyo dhawr wasiir ka mid
yihiin, kadib kulankoodaa ay noo soo gudbiyaan wakhtiga iyo goobta ay
isugu iman lahaayeen labada dhinac.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah golaha
Salaadiinta ee ku hawlan xalinta muranka labada dhinac.
Dhinaca kale, xisbiga KULMIYE ayaa u diyaar-garoobay wada-hadalka ay la
yeelanayaan xisbiga UDUB iyo xukuumadiisa, waxayna warar xog-ogaal ahi
sheegayaan in xisbiga KULMIYE uu diyaarsaday ajandihii uu la tegi lahaa
madasha wada-hadalka labada dhinac. Taas oo sida la sheegay ay ka mid
yihiin ajandaha ay xisbiga KULMIYE la tegayaan; soo dedejinta doorashadii
Baarlamaanka iyo nidaamka loo agaasimayo doorashada xubnaha Baarlamaanka;
In damaanad buuxda ay xukuumaddu ka bixiso sidii ay xisbiga UDUB uga
xakamayn lahayd ku tagri falka hantida qaranka, isla markaana ay dawladu
kafaalo qaado sidii ay saddexda xisbi dhaqaale siman u siin lahayd; in
iyadoo laga duulayo labadii doorasho ee dalka hore uga soo dhacay laga
gaashaanto caqabadihii iyo carqaladihii ka horyimid ee muranka keenay oo
ay ka mid yihiin in la helo garsoor xalaal ah cadaaladna ku maamula
doorashada; in la sii daayo siyaasiyiinta ka tirsan xisbiga KULMIYE ee
iyadoo aan maxkamad xukumin, laguna caddayn wax dambi ah oo ay galeen
xabsiyada ku jira; iyo in baadhitaan lagu sameeyo falal ku lidi xuquuqda
aadamaha oo dalka ka dhacay wixii ka dambeeyay doorashadii madaxtooyadda.
“Annagu waanu qaadanay soo-jeedintii Salaadiinta ilaa haddana iyaga ayaanu
ka war sugaynaa.” Sidaa waxa yidhi xubin ka mid ah guddiga fullinta ee
xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.
Arrimahani, waxay ku soo beegmeen iyadoo dalka ay khatari kaga soo fool-leedahay
shirka kooxaha Soomaalida uga socda dalka Kiiniya oo wakhtigan gebo-gebo
ku dhow, iyadoo uu cirka isku shareeray loollanka ay hogaamiyayaasha
kooxuhu ugu jiraan hogaaminta dawlad Soomaaliya loo dhiso oo shirkaa ka
soo baxda.
Sida ay sheegayaan wararka qaarkood jagooyinka u sareeya dawladdaa la
dhisayo waxa laga yaabaa in loo magacaabo Maxamed Cadow oo loo doorto
Madaxweyne iyo C/laahi Yuusuf oo ku guulaysta jagada Ra’iisal-wasaaraha,
taas oo sabab looga dhigayo labadaa nin oo ay wataan reer galbeedku,
dabadana ay ka riixayaan doorashadooda.
Kadib haddii taa lagu najaxo, waxa uu qorshuhu yahay in Somaliland lagu
cadaadiyo dawlad fedraal ah oo loo sameeyo dalkii laysku odhan jiray
Soomaaliya, taas oo ay xoojinayso ku biiritaanka maamul goboleedka
Puntland ee dawladda loo dhisayo Soomaaliya.
Haddaba, khatarta uu shirkani ku leeyahay Somaliland waa mid ka weyn
shirkii kooxaha Soomaaliya ee Carta, sababtoo ah shirkan oo ay wataan
dalalka reer galbeedka oo uu qorshahoodu yahay in ay khasab ku meel
mariyaan go’aanada iyo dawladda ka soo baxda shirkaasi, halkii ay shirkii
Carta ka wateen dalalka Carabta qaar ka mid ah iyo Djabuuti oo shirka
qaban qaabisay.
Waxa kale oo jira qorshe hoosaad uu C/laahi Yuusuf wato, isagoo ka
faa’iidaysanaya muran maamulkiisa iyo Somaliland ee gobollada bariga
Somaliland, taas oo uu doonayo in ay u fududayso sidii Somaliland loogu
riixi lahaa ama loogu dirqiyi lahaa ka mid noqoshada dawladda federaalka
ah ee la doonayo in loo dhiso Soomaaliya.
Arrintani waxay ku soo beegantay iyadoo uu weli jiitamayo muranka
siyaasadeed ee u dhexeeya labada xisbi ee KULMIYE iyo UDUB, kaas oo ka
dhashay natiijadii doorashadii madaxtinimada ee April 14 oo aan weli la
dhammaystirin xalinteeda, taas oo haddii aan degdeg loo xalin fursad
siinaya khatar siyaasadeed ee ka soo fool leh shirka Kiiniya uga socda
kooxaha Soomaalida ee ku waajahan Somaliland. Top
Nabsigii
Foosto-Riix, Q: 7aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase. |
Foosto-riix iyo fatxiya waxa u bilaabantay
nolol cusub iyaga oo noqday lamaane reer wada yeeshay iyada oo midwaliba
uu ku aaday kaalintii kaga aadanayd reerka. Foosto-riix sida caadada u ah
raga ka masuulka ah reeraha waxa uu subaxii ku kalihi jiray shaqadiisa si
uu quutal daruuriga ugu soo helo reerka taasoo ka cuslaatay sidii ay ahayd
markii uu kalidii ahaa,waxaana qasab ku noqotay inuu meel uu ka keenaba
reerka u raadiyo masaariifdooda run ahaantiina wuxuu noqday nin
mas’uuliyadaa culus kasoo baxa wax kasta oo ay ku qaadataba amaan badana
wuu ku helay sida hagrasho la’aanta ah ee uu reerkiisa ugu
shaqeeyo.Fatxiyana waxay guntiga dhiisha iskaga dhigtay sidii ay reerkeeda
u dhisi lahayd uguna shaqayn la lahayd si bilaa hagrasho ah,marka laga
yimaado shaqada gurigeeda waxa kale oo ay mararka qaarkood waxa ay ka
shaqaynjirtay meheradeedii dawaarlaha ahayd in kasta oo ay inta badan hayn
jirtay gabadhkale oo ay asxaab ahaayeen,taasoo ay bishiiba wax ka
helijireen.
Foosto-riix shaqdiisii dhismaha wuu kusii dalacay isaga oo marba heer ka
gaadhay markii dambena waxaabu noqday wastaad buure ah oo aan dhismaha
cidi ugu iman, waxa kale oo uu meel fiican ka gaadhay waxbarashadiisii
dhinaca qoraalka iyo farta isaga oo noqday nin waxna khriya waxna qora
taasi waxay u sahashay inay aqoontiisu kordho oo oo uu la xidhiidho meelo
kala duwan si uu shaqooyin uga helo.
Mudo kadibna isaga iyo ragkale oo ay saaxiibo yihiin ayaa samaystay
shirkad qandaraaska qaadata taasoo uu nasiib wanaag isagu gudoomiye u
noqday.
Waxaanu isaga iyo Fatxiya ilaahay ku manaystay caruur wxaana u dhashay
sadex caruur ah oo kala ah Laba wiil iyo gabdh,labada wiil waxay u
bixiyeen oo la kala odhan jiray Faarax iyo Farxaan gabadhana waxay u
bixiyeen Foosiya, kuwaasoo ay korin tooda iyo barbaarintoodaba si weyn
isugu hawleen,markii ay barbaareena waxay kula dadaaleen dhinaca
waxbarashada iyagoo ku daray Dugsiyada waxbarashada.
Waxay sidaa ahaataba nin kii Foosto-riix ayaa dalacay markii ay
shirkadiisii qandaraasyadu markaliya ku guulaysatay qandaraas dhisme oo ah
mashruuc balaadhan oo lagu dhisayo guryo badan oo loogu talo galay in
dadka dib looga kireeyo kaasoo ay maalgalinaysay dawlada kale oo ah kuwa
deeqda bixiya.
Mashruucani wuxuu ku kacayey malaayiin doolar isaga oo soconayey mudo
sanad ah mudadaana foosto-riix iyo saaxibadii waxay ku dhufteen bahal
lacag ah oo aanay waligood ku riyoon taasoo ka dhigtay niman hantiila yaal
ah,gaarahaana waxa lacagta in teedii badnayd afka u dhigtay Foosto riix oo
gudoomiye ka ahaa shirkada qandaraaska heshay.
Ninkii Foosto riix markiiba waxa ka muuqatay nimcada uu helay waxaana ad
kaatay sida lagu helo marka kaliya ee la arkaana waxay ahayd mar uu gaadhi
dhexdii dadaka salaamo qofkii doona inuu ugu tago xafiiskiisana waxay ku
qaadanaysay in mudo ah marka uu dhaafo ilaalada ku dayran dhismaha xarun
ay yeelatay shirkadoodu.
Sidoo kale waxa uu haleelkoodu ku adkaaday reerkiisii iyo xaaskiisii
fatxiya ee uu jeclaa kuwaasoo nuurigiisaba waayay, inkasta oo mudadii hore
uu meel ugu xawilay biilkooda iyo masaariiftooda ayna wax kasoo gaadheen
nimcada uu dabaashay Foosto-riix ,balse marba marka ka dambaysay uu ka sii
fogaanayey aragooda iyo xasuustooda ba.
Inkaarbaa ka salag lahe waxa ay noqotay nimcadii uu helay mid uga daratay
foosto-riix waxaanu madaxa la galay kibir iyo is qaad qaad.
Xaaladiisana waxa sii xumaysay isaga oo bartay gabadh layidhaahdo Fahiima
oo xoghayn u ahayd shirkadooda taasoo noqotay gabdh duufsatay Foosto-riix
oo bilaabay tumasho iyo dalxiis reerkiisiina nuurigiisaba way waayeen.
Foosto riix maadaama uu lacag yeeshay magacii wuu iska badalay waxaanu
labaxay magac cusub oo ah Fadhi-lacag.
Lasoco.
Top
Waadiga
Ciyaaraha: Real Oo Tallaabo u Jirsatay In ay Ku guulaysato Horyaalka
Spain. |
Madrid (W. Wararka) - Ronaldo iyo Raul ayaa
xiddiga ciyaartii xalay ay kooxda Real Madrid ku garaacday 4-0 kooxda kale
ee ay isku magaalada yihiin Atletico de Madrid, taas oo ay sabab
rumaynaysa in ay Real Madrid ku socoto in ay ku guulaysato markii 29aad
Horyaalka kooxaha Isbaanishka ah.
Ronaldo ayaa furay gooldhalinta daqiiqadii 7aad, isagoo helay fursad kale
oo uu gool labaad ku dhalin lahaa balse wuu la waayay, iyadoo uu
garsooraha ciyaartuna ku qaaday ofsaydh, waxaanay taageerayaasha Real
Madrid ku dhawaaqayeen kelmado ay ka mid yihiin “Asi gana el Madrid” oo ka
dhigan “Waa kaa dariiqa ay Real ku guulaysataa”.
Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid waxay muujisay in aanay u baahnayn
taageerida garsooraha, kadib markii Raul uu natiijada ciyaarta ka dhigay
2-0 daqiiqadii 19aad, waxaanu Ronaldo raaciyay goolkii labaad daqiiqadii
31aad.
Mar kale ayuu Raul dhaliyay goolkii ugu dambeeyay ciyaarta daqiiqadii
73aad.
Natiijadani waxay ahayd tii ugu sareysay ee ay labadan kooxood ku kala
badiyaan, waxaanay ciyaartii horaantii sannadkan ay wada yeesheen ku
dhammaatay 2-2.
Dhinaca kooxda Celta de Vigo ayaa heshay fursad ay kaga qayb gasho
xilli-ciyaareedka dambe tartanka Horyaalka Yurub, kadib markii ay si xun
uga badiyeen oo ay burburiyeen rajadii kooxda Real Sociedad ay ku noqon
lahayd Horyaal Isbaanishka, waxaanay kaga badiyeen 3-2.
Goolka hore waxa u dhaliya Celta Vigo, ciyaartoyga Alexander Mostovoi
daqiiqadii 10aad, goolka labaadna waxa haddana u dhaliyay Mostovoi oo loo
yaqaan “Russian Zidane” oo u macnaheedu yahay “Zidane-kii Ruushka ahaa”,
waxaanu goolkaa u saxeexay daqiiqadii 50aad.
Xiddiga Real Sociedad Nihat ayaa rajadii kooxdiisa soo nooleeyay
daqiiqadii 66aad, kadib markii u dhaliyay gool, kaas oo ka dhigay
natiijadii ciyaarta 1-2 ay Celta Vigo ku hogaaminayso. Balse afar
daqiiqadood kadib ciyaartoyga reer Masar ee Mido oo amah kaga soo wareegay
kooxda Ajax ayaa goolka badiska u dhaliyay kooxda Celta Vigo.
Xiddiga Nihat ayaa mar labaad u dhaliyay kooxdiisa goolkii labaad, balse
tani wax faa’iido ah uma aha, keliya waxa ay sugaysaa in ay kooxda Atletic
de Bilbao ka badiso Real Madrid toddobaadka soo socda.
Kadib markii uu siidhigii ciyaarta dhammaystiray dhacay, waxa aad ugu
farxay taageerayaasha Celta, taas oo ay ogaadeen in ay kooxdoodu suurto-gal
tahay in ay ka qaybqaadato isreebreebka hore ee horyaalka Yurub, kadib
markii kooxda Valencia lagaga badiyay 1-3 oo ay Barcelona ku garaacday,
waxaana imika u dhexeeya labada kooxood 4 dhibcood oo ay hal ciyaar oo
keliyana u hadhay labada kooxood ee Valencia iyo Celta Vigo.
Ciyaartoyga hore ugu ciyaari jiray kooxda Valencia, haddana u ciyaara
kooxda Barcelona Gaizka Mandieta ayuu ahaa ciyaartoyga gooldhalinta furay
kadib markii uu rigoore u dhaliyay daqiiqadii 44aad, waxaanay natiijadii
noqotay 1-0.
Labada gool ee kale ee kooxda Barcelona waxa u dhaliyay ciyaartoyda reer
Holland Patrick Kluivert oo mar kale rigoore u dhaliyay kooxda iyo Marc
Overmars, waxaanay kala dhaliyeen daqiiqadihii 72 iyo 79aad.
Juan Sanchez ayaa u gool keliya kooxda Valencia u dhaliyay, waxaanu
daqiiqadii 88aad u dhaliyay gool rigoore ahaa. Top
|