Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 357 June 18, 2003

Safiirka Aadka Ula Dhacsan Dimuqraadiyadda Somaliland Ee Myles Wickstead Iyo Afadiisa Oo Dalka Yimid.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Oo Ka Qaybgelaya Shirweyne Ka Dhacaya Masar, Waxa Maanta U Amba-Baxaya Qaahira Edna Aadan Iyo Amran Cali Xiis Oo Ka Socota Arrimaha Qoyska.

Dhegaysiga Dacwad Uu Qaranku Kusoo Oogay Haatuf Oo Markale Shalay Ka Bilaabantay Maxkamadda.

Somaliland Iyo Xuskii Maalinta Caruurta Afrika.

Madaxweyne Rayaale Masoo Saari Doonaa Maanta Hormadii 2aad Ee Wasiiradiisa?

Bulshada Somaliland Waxay Naawilaysaa Xukuumad Bedesha Tii Ku Salaysnayd Hab-Beeleedka, Faallo - Liibaan Maaweel Shire.

Maqnaasha Somaliland Ee Shirka Impaagaati Oo Kuraasi La Isla Dhacey.

Cabdi Qaasim Oo Maanta Ka Soo Dagey Gegeda Dayuuradha Jooma Kenyaati Ee Caasimada Dalka Kenya.

Nin Talyaani Ah Oo Lagu Qafaashey Muqdisho.

WHO: 'Waa Laga Guulaystay SARS'.

Ciidamada Faransiiska Oo Qabqabtay Xubno Ka Tirsan Mujaahidiinta Al-Khalq.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Hebel Maxaa La Siiyay Halaga Gudbo.

Waa Maxay Gudniinka Fircooniga Ahi?

Halkuu Ka Yimid Magaca Somali?

Hubkii Ciraaq Yaa Arkay?

Gadhba Gadhbaa La Tusaa.

Nabsigii Foosto-Riix, Q: 9aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.


Safiirka Aadka Ula Dhacsan Dimuqraadiyadda Somaliland Ee Myles Wickstead Iyo Afadiisa Oo Dalka Yimid.

Hargeysa (Haatuf): Waxa shalay galab kasoo degay gegida Dayuuradaha ee Hargeysa Safiirka dalka Britain u fadhiya Itoobiya Mr. Myles Wickstead iyo afadiisa Shelash Wickstead.

Safiirka waxa socdaalkiisa uu ku yimid dalka ku weheliya Mr. David Bell oo ka tirsan safaaradda Britain ku leedahay magaalada Nairobi iyo Owen Richards oo ah xoghayaha arrimaha siyaasadda ee safaaradda Addis Ababa.

Dan-jire Wickstead oo dalka Somaliland ay ugu dambaysay kalhore mar uu booqasho ku yimid intii aanay dhicin doorashadii Dawladaha Hoose, waxa lagu tilmaamaa nin aad ula dhacsan nabadda iyo nidaamka siyaasadeed ee ku dhisan hanaanka Dimuqraadiyadda ee ka tirs-qaaday geyiga Somaliland, taasoo uu aad u daneeyo sida uu muujiyay markii uu dalku ku jiray ololihii doorashooyinka.

Inkastoo la sheegay in murankii ka dhashay natiijadii Doorashada Madaxtooyadu uu Dan-jiraha Myles Wickstead ku noqday u qaadan waa, haddana sida la sheegay waxa walaacii iyo wer-werkii Safiirka ka maydhay aqbalaadii natiijada ee dhowaan kasoo yeedhay xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, taasoo la rumaysan yahay inay safiirka Wickstead ku dhalisay inuu u soo kicitimo dhinacan Somaliland, isagoo markii ugu horaysay ay la socoto haweenaydiisa Marwo Shelash.

Diblomaasiyiinta reer Britain oo gashagii dalkoodu u fidiyay geedi-socodkii doorashooyinka Somaliland uu ahaa mid ay dadka reer Somaliland ku diirsadeen hiilna u qaateen, waxa la filayaa in dadweynaha iyo xukuumaddaba ay kala kulmaan soo dhoweyn iyo kalgacal aan Britain looga haynin dalal badan oo ka tirsan dunida muslimka ah.

Weftiga uu hogaaminayo Myles Wickstead waxa la filayaa inuu kulamo la yeesho maxda dawladda, xisbiyada mucaaradka ah iyo guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Top


Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Oo Ka Qaybgelaya Shirweyne Ka Dhacaya Masar, Waxa Maanta U Amba-Baxaya Qaahira Edna Aadan Iyo Amran Cali Xiis Oo Ka Socota Arrimaha Qoyska.

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Arimaha Dibadda somaliland marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada Horumarinta Qoyska iyo Arimaha Bulshada,marwo Amran Cali Xiis ayaa maanta u ambabaxaya magaalada Qaahira ee dalka Masar halkaas oo ay kaga qaybgeli doonaan shirweyne ku saabsan caafimaadka dumarka iyo caruurta.

Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland oo haatuf uga waramaysa shirweynahaa lagu marti qaaday waxay tidhi “shirkani wuxuu daba socdaa kulan kale oo ay isku nooc ahaayeen oo bishii December 2002 ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium shirkaas oo aan kaga qaybgalay Wasiirka Horumarinta Qoyska iyo Arimaha Bulshada ee Somaliland iyadoo markaas la ii doortay inaan noqdo gudoomiyaha shirweynahaas.”

Marwo Edna Aadan iyada oo sharax ka bixinaysa shirkaa hore ee lagu qabtay Brussels waxay sheegtay in ka qaygalayaasha shirka ay ka mad ahaayeen gabdho xilal sarsare ka ahya dalalkooda kuwaas oo ay ka mid aheyd haweenayda ah Wasiirka Arimaha Qoyska iyo Caruurta ee dalka Masar,waxayna Edna intaas ku dartay in inkastoo dhawaan loo magacaabay jagada Wasiirka Arimaha Dibadda isla markaana aan weli laga wareejin xilkii ay ka haysay wasaaradda Arimaha Qoyska ay la noqotay inay somaliland faaiido weyni ugu jirto ka qaybgalka munaasabadaa caalamiga ah,waxaanay tidhi “waxa kale oo qabanqaabiyaasha shirweynuhu iga aqbaleen in Amran Cali Xiis ay ka qaybgasho shirka iyadoo ka socota wasaaradda Arrimaha Qoyska ee Somaliland, kharashka socdaalkayagana iyagu bixiyaan.”

Shirweynahan oo tabantaabadiisa ay lug weyn ku leedahay Susan Mubaarak oo ah afada Madaxweynaha dalka Masar, Xusni Mubaarak waxa isugu iman doona hogaamiyeyaal badan oo dumar ah, iyadoo Marwo Susan Mubaarak ka qaybgeli doonto furitaanka iyo xidhitaanka munaasibadan.

Mar aanu wax ka weydiinay siday Somaliland uga faa’iidaysan doonto shirka, Marwo Edna Aden waxay sheegtay inay ku talo-jirto sidii ay xidhiidh ula samayn lahayd ergooyinka shirka, isla markaana qadiyadda Somaliland ugu bandhigi lahayd shirka dhexdiisa iyo dibediisaba. “Waxaan rabaa in anigoo ah wasiirkii Arrimaha Dibedda fursad kasta oo ii banaanaata inaan ka faa’iideeyo oo caalamka ka dhaadhiciyo Somaliland waxay u taagan tahay, wixii u qabsoomay iyo waxay aduunka intiisa kale ka doonayso,” ayay Edna Aadan hadalkeedii kusoo gebogebaysay.

Top


Dhegaysiga Dacwad Uu Qaranku Kusoo Oogay Haatuf Oo Markale Shalay Ka Bilaabantay Maxkamadda.

Hargeysa (Haatuf) - Dacwad lagu soo oogay wargeyska Haatuf oo maalmahanba hortaalay maxkamadda degmada Hargeysa ayaa markale shalay la dhegaystay iyadoo ay xeer-ilaalinta gobolku horkeentay maxkamadda cadaymo iyo markhaatiyo ay sheegeen inay u hayaan dacwadaas. Dacwadan oo soo taxnayd ilaa 25/05/03 markaasoo wargeyska Haatuf uu ku soo baxay war ka hadlaaya kulan dhexmaray wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Guddiga joogtada ah ee Guurtida, kaasoo ay albaabadu u xidhnaayeen waxa uu wargeysku qoray inuu wasiirku guddiga joogtada ah uga xog-waramay xaalada guud ee nabadgelyada dalka, isagoo wargeysku soo xiganaya ilo ku dhow-dhow kulankaas maadaama aanay saxaafaddu goob-joog ka ahayn, balse taasi waxay sababtay in xafiiska dembi-baadhista (CID) looga yeedho ku simaha Tifaftiraha Wargeyska Siciid Ismaaciil Guraase, iyadoo lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa warka wargeysku qoray oo lagu tilmaamay warar been-abuur ah iyo kicin xasilooni darro. Kadibna waxa loo gudbiyay dacwadaasi xeer-ilaalinta gobolka oo iyaduna u gudbisay maxkamadda degmada Hargeysa.

Dhegaysigii dacwadda ee shalay markale la isugu soo laabmay ayaa xeer-ilaalinta gobolka Hargeysa horkeentay maxkamadda cadaymo iyo markhaatiyo ay sheegeen inay u hayaan dacwadaas oo maxkamadda horteeda laga sheegay inuu wargeyska Haatuf ku soo oogay “Qaranka Somaliland”, waxaanay xeer-ilaalintu ku andacootay inuu wargeysku galay dembigaa (been-abuuris iyo kicin xasilooni-darro) iyagoo xuskanaya qodobada 70,71 iyo 75 ee xeerka ciqaabta oo hore loogaga dhaqmi jiray dalkii la isku odhan jiray Somaliya.

Wargeyska Haatuf oo uu metalayay Siciid Guraase ayaa dhinaciisa fadhigii shalay ee maxkamadda ku dalbaday in la siiyo waqti ku filan si uu u soo diyaarsado difaaca dawladiisa, taasoo maxkamaddu u mudaysay maalinta beri ah 8:30 subaxnimo.

Dacwadani waa tii labaad ee dawlada Somaliland ku soo oogto hawlwadeeno ka tirsan wargeyska Haatuf muddo ka yar laba bilood, iyadoo horaantii bishii May ee ina dhaaftay lagu xidhay weriyaha wargeyska Haatuf ee Awdal magaalada Boorama, iyadoo kadibna maxkamad loo gudbiyay taasoo ku xukuntay sadex bilood oo dibad-joog ah, iyadoo uu qaranku ku eedeeyay faafinta war been-abuur ah sida la sheegay.

Top


Somaliland Iyo Xuskii Maalinta Caruurta Afrika.

Hargeysa (Haatuf) - Munaasibado lagu xusayay maalinta loo asteeyay caruurta Afrika ayaa maalintii doraad ka dhacay magaalada Hargeysa. Xafladahaasi oo si weyn loo soo agaasimay waxay ka kala dhaceen xarunta hay’adda Shaqaalaha iyo Huteelka Ming-sing ee magaalada Hargeysa oo habeenimadii la isugu tegay.

Xafladda ka dhacday xarunta hay’adda shaqaalaha oo ay soo qabanqaabiyeen ururada wadaniga ah ee kala ah: ANDP, SOYDA, SOGSA, ayna maalgelisay hay’adda SCF USA, waxa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan iyo dadweyne aad u tiro badan, waxaana halkaa laga jeediyay khudbado kala duwan oo ay ka mid yihiin wasiirada Cadaaladda iyo Waxbarashada Cismaan Xasan Mire iyo Axmed Xasan Cali iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole. Wasiirka Waxbarashada oo halkaa ka hadlay waxa uu ku nuux-nuuxsaday sida ay lagama maarmaanka u tahay in ubadku ay helaan caafimaad, waxbarasho iyo horumarin oo ay saaran mas’uuliyadeedu hay’adaha ay khusayso.

Waxa kaloo isna halkaa ka hadlay Wasiirka Cadaaladda oo sheegay inay wasaaraddu xooga saari doonto sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqanka ubadka soo koroya.

Munaasibad kale oo taa la mid ah ayaa isla habeenimadii lagu qabtay huteelka Ming-sing ee magaalada Hargeysa, munaasibadaas oo ay kasoo qaybgaleen xubno ka tirsan golayaasha qaranka Somaliland iyo saraakiil ka socota hay’adaha samofalka iyo marti-sharaf kale oo badan. Waxaana halkaasi khudbado ka soo jeediyay wasiirka Arrimaha Dibedda, Edna Aadan Ismaaciil iyo Faadumo Siciid Ibraahim oo madax ka ah xafiiska hay’adda UNDP u qaabilsan Ilaalinta xuquuqal-insaanka iyagoo ka hadlay daryeelka ubadka iyo xilka ka saaran umadda daryeelkooda.

Marwo Edna Aadan waxay khudbadeedaas kaga hadashay in caruurta Somaliland ay inbadan oo hore dayacnaayeen, balse ay hadda muuqato in loo damqaday oo dadka qaarkii ku hawlan yihiin si loo helo shaqaale tayadiisu sarayso. Marwo Faadumo Siciid ayaa iyaduna ka hadashay dhaliilo badan oo dhinaca daryeelka caruurta una baahan in wax laga qabto iyadoo intaa ku dartay in laga fikiro sidii xooga loo saari lahaa waxbarashada caruurta looguna samayn lahaa sanduuqyo yar-yar oo wax loogu ururiyo caruurta si baahidooda loo daboolo.

Guud ahaanba munaasibadahaasi xuska caruurta waxa ka qabgalay caruur ay tiradoodu badan tahay oo ku soo bandhigay arrimo iyaga khuseeya waxaanay ku dhaceen jewi aad u fiican.

Top


Madaxweyne Rayaale Masoo Saari Doonaa Maanta Hormadii 2aad Ee Wasiiradiisa?

Hargeysa (Haatuf): Tan iyo markii uu madaxweyne Rayaale soo saaray hormadii koowaad ee Golihiisa Wasiirada horaantii bishan waxa loo dheg-taagayay inuu madaxweynuhu soo saaro liiska qaybta labaad ee Golihiisa Wasiirada oo ay dadku aad u naawilayeen balse ilaa iyo hadda madaxweynuhu muu soo saarin wax wasiiro oo kale marka laga reebo todobadii wasiir ee uu soo magacaabay markaa hore.

Balse sida ay sheegayaan warar xog-ogaal ahi waxa maanta la filayaa in madaxweynuhu soo magacaabo hormadii labaad ee Golihiisa Wasiirada inkasta oo aan taa la xaqiijin. Sida ay sheegayaan wararkaasi madaxweynuhu wuxuu beryahanba baajiyay hawl-maalmeedkiisii rasmiga ahaa ee shaqo, isagoo inta badan joojiyay qaabilaadihii kala duwanaa ee Golayaasha Qaranka iyo dadweynahaba, taasoo warar ku dhow-dhowi ay heegayaan inay sabab u tahay madaxweynaha oo ku mashquulay ka baaraan-degista dhismaha xukuumadiisa iyo magacaabista xubnaha cusub ee uu ku soo darayo golihiisa Wasiirada. Ilaa iyo hadda ma cada xubnaha kusoo biiri doona golihiisa wasiirada ee cusub iyo kuwa waayi doona jagooyinkoodii ay hore u hayeen, balse waxa la filayaa inuu madaxweynuhu soo magacaabi doono xubno cusub oo wasiiro ah si uu wejiyaal cusub ugu soo biiriyo xukuumadiisa kuwaasoo aan ilaa iyo hadda la magacaabin cida ay noqonayaan, balse waxay kala cadaan doontaa marka uu madaxweynuhu ku dhawaaqo liiska magacyada wasiirada cusub kuwasoo la filayo inuu maanta soo saaro.

Top


Bulshada Somaliland Waxay Naawilaysaa Xukuumad Bedesha Tii Ku Salaysnayd Hab-Beeleedka, Faallo - Liibaan Maaweel Shire.

Tan iyo markii Maxkamadda Sare ee dalku ku dhawaaqday go’aankii natiijadii doorashadii madaxtooyada Somaliland 16-kii May, go’aankaas oo ahaa in Xisbiga UDUB ee ay musharaxiinta ka ahaayeen Madaxweyne Daahir Rayaale iyo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin inay ku guulaysteen tartankii madaxtinimada Jamhuuriyadda Somaliland shanta sanadood ee socda waxa la naawilayay golaha xukuumadda ee uu soo dhisayo madaxweyne Rayaale, kuwaasoo uu qaybtoodii hore oo 7 wasiir ah soo saaray horaantii bishan, kuwaasoo ay shan ka mid ahi ahaayeen xubno ka tirsan Golihiisii hore ee wasiirada, labada xubnood ee kalena ay ahaayeen xubno cusub, kuwaasoo dhamaantood loo aanaynayo xisbiga dawladda ee UDUB.

Haddaba labadii todobaad ee ina dhaafay waxa aad loogu falan-qaynayay goobaha lagaga hadlo siyaasadda wasiirada cusub ee la filayo inuu madaxweynuhu magacaabo, taasoo inta badan dadku ay hadal-hayaan magacyo ay filayaan in la magacaabo, haddana waxay dadku u badaninayaan iyagoo doorbidaya in xukuumadda cusub madaxweynuhu ay noqoto mid tayo leh oo muujisa wax-qabad iyo isbedel laxaad leh oo dadka raali-geliya, kuna salaysan hanaanka dimuqraadiyadda ee axsaabta badan ayna beddeli doonto xukuumadii ku dhisnayd raaligelinta beelaha.

Haddaba, iyadoo arrimahaas oo dhan la dhawrayo ayaad moodaa in xukuumadu ay weli ku jirto hanaankii hore ee ahaa raaligelinta beelaha, taasoo dhabar-jab ku ah rabitaankii bulshada ee ahaa in laga koro hab-beeleedkii dalku mudada dheer kusoo jiray, taasoo hadii ay sii socoto curyaamin doonta rabitaanka bulshadu ay higsanayso hayaanka dumuqraadiyada iyo qiimaynta waxqabadka iyadoo aan lagu miisaamayn wax beelo ah.

Marka taa laga yimaad, waxa la filayaa in lasoo dedejiyo doorashada labada Gole ee Baarlamaanka taasoo meesha ka saaraysa golayaasha hadda ee ku dhisan hab-beeleedka, iyadoo xubnaha cusub lagu soo dooran doono hanaanka xisbiyada badan, ayna u tartami doonaan sadexda xisbi ee sharciga ee UDUB, KULMIYE iyo UCID. Balse ifafaalaha muuqda wuxuu mugdi gelinayaa rajadii dadweynaha ee arrintaa la xidhiidhay ee ahayd inay dhismaan golayaal ay awood ku leeyihiin Mucaaradku si loola xisaabtamo xukuumadda iyadoo laga hortegayo darjiidhkii hore u jiray.

Dhinaca kale, waxa ra’yul-caamka bulshadu doorbidayaan in xukuumadda madaxweyne Rayaale aanay ku koobnaan xisbiga UDUB ee uu ka qaybgeliyo xisbiyada kale ee Mucaaradka taasoo xoojinaysa tayada iyo sumcadda xukuumadda si loo gaadho yoolka ay umadda Somaliland mustaqbalka dhow higsanayso.

Top


Maqnaasha Somaliland Ee Shirka Impaagaati Oo Kuraasi La Isla Dhacey.

Nairobi (Haatuf):- Sida caadiyana ayahad waxaa isla shaley la isla beegsadey kuraas la isla dhacaayey goob ay iskugu yimaadeen maamulkii lagu soo unkamey CARTA oo goob isku urursadey sidey ugu heshiiyaan maamulka lagu wado in dhawaan uu ka soo baxo shirka dib u heshiisinta ee ka socda dalka kenay ,si ahaantaa waxaa waayadan danbe jirtey xurguf dhex taagneed maamulka carte ee uu cabdiqaasim ka ayahay hormoodka iyadoo ay isku hayeen siyaabo fara badan ayaa hadana ay halkaasi ka dhacdey in ay kuraas dhaawacyo aad u xuni ka soo gaadheen isku adeegsadeen madaxa baarlamaka iyo CABDALA DEEROW ISAAQ IYO kuxigeenkiisa iyadoo ay ahayd sheekadii markii hore la sku hayey sidii looga qeyb gali lahaa ama ay xoog ugu yeelan lahaayeen ayaa markii danbe isku rogtey in maqnaasha somaliland sheekada lagu dabaqo.

Waxaana keeney buuqa iyo gacan ka hadalka mar ay ku noqdeen magaalada muqdisho xubno iyagu ka qeyb galey shirkii CARTE oo sheeganaayey in ay ka soo jeedaan beelaha somaliland oo loo diidey in kuraasta qabiil qeybsiga ka qaataan inta ay iyagu goosteen loona sheegey in ay tahay somaliland maamul iyo madax lagala xaajoonaayo arintaa iyada ah , waxaaney ku kaliftey in ay laba wiig ka hor wada tashi ugu noqdaan cabdi qaasim si ay ugu tabiyaan dhibka ka haystey shirka dib u heshiisiinta ee somalida ee dalka kenya isla markii ay ka soo noqdeena ay wada fadhiisteen maamulkii cabdiqasim ee wada joogey shirka ayaa xurgutii siyaasadeed iyo tiihunguri ay isku badashey gacan ka hadal iyo kuraasi isla dhac iyadoo haatan uu yahay ninka xaalada xiisadeed ee meesha taagneed ilaa shaley isku badashey beesha hawiye iyo raxan weyn se ay somaliland oo ka maqani ay ahayd uun af gonaadsi.
 

Top


Cabdi Qaasim Oo Maanta Ka Soo Dagey Gegeda Dayuuradha Jooma Kenyaati Ee Caasimada Dalka Kenya.

Nairobi (Haatuf):- Waxaa saaka ka soo dagey gagada dayuuradaha ee caasimada dalka kenya cabdi qasim salaad xassan oo horeba looga sugaayey in uu yimaado shirka dib u heshiisiinta ee somalida ee ka socdey dalka kenaya iaydoo halkaa ay kaga hortageen mada shirka iyo madax sar sare oo ka tirsan dalka kenya.

Hadaba waxaa isweydiin leh maxaa hada keeny cabdi qaasim shirka uu hore u qaadacey iyadoo ay jirto ama lagu jiro wakhtigii uu ka gabagaboobaayey ee xilkii loogu soo igmadey dalka jabuuti ayaa loogu baaqey bal in uu xilka wareejintiisa kula soo beegsado madasha shirka ee impaagaati se wali cabdiqaasim waxa uu xilala sar sare u baadi goobayaa saaxiibadiisa ka soo jeeda beelsha somaliland ee ana ilaa hada wax kuraasiya looga ogolaan goobta shirka taasina ma noqoneyso mid isga ku sii siineysa niyad wanaag uu ku sii adkeysto inuu kur siga ku siii fadhiyo.

Waxaa kaleeto oo uu ku soo beegmey laba maalmood ka hor markii ay asxaabtiisii ka tirsaneed maamulkii carte ay isku adeeg sadeen in ay is dhaafsadaan ku raasi iyo madaxii baarlamka cabdla deerow isaaq oo maalin ka hor ku dhawaaqey in uu isagu xilkii madaxweyna nimo kala wareegey sida dastuukii carte dhigaayo cabdi qaasim iyo iyo iyadoo loo kala jabey raxan weyn iyo beesha hawiye.

Reporter: ismail sheik abubaker
safaari55@hotmail.com
nairobi kenya

Top


Nin Talyaani Ah Oo Lagu Qafaashey Muqdisho

BBC: Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta ay dabley hubaysani magaaladaasi ku qafaasheen nin dhalashadiisu tahay Talyaani isla markaana ku hawlana arrimaha bani'aadannimada.

Ninkan ay dableyda Soomaaliyeed qafaalatay ayaa magaciisa lagu sheegay Lino Morani, kaasoo hadda magaalada Muqdisho ku sugnaa muddo afar maalmood ah, waxana uu ka shaqeynayey arrimo la xidhiidha waxbarashada.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Lino Morani ay dableyda qafaalatay yihiin raggii markii horeba isaga ilaalada u ahaa isla baabuurka ku waday isagoo xilligaas la afduubayana ku sii socday garoonka dayuuradaha si uu uga dhoofo.

Inkastoo aanan si rasmi ah loo ogayn sababta keentay in la qafaasho ninkan, haddana waxa ay dableyda afduubka geysatay ku andacoodeen in ay ku leeyihiin lacag uu baabuur kaga kiraystay muddadii afarta maalmood ahayd ee uu Muqdisho ku sugnaa, waxayna dableydaasi ku eedeeyeen ninkaasi Talyaaniga ah in uu la baxsan lahaa kirada baabuurka uu beryahanba ku shaqeysanayey. Lama yaqaano cadadda dhabta ah ee lacagtaasi, waxayse warar hordhac ah sheegeen in ay dhan tahay US $ 400 (afar boqol oo doollar oo keliya).

Si kastaba ha ahaatee, ma jiro war rasmi ah oo ka yimid xagga ninka la qafaashay amaba hay'ad uu u shaqeynayey midna, waxaase la hubaa in ninkani uu Muqdisho kolba mar imaan jiray ilaa sannadihii la soo dhaafay isagoo ku hawlana furitaanka dugsiyo lagu barto luqadda Talyaaniga oo min hal qol oo keliya ka kooban uuna u bixin jiray Guiliamo Markooni.

Waxa ay hadda dugsiyada yar-yarka ah ee ninkan uu furay qaar ku yaallaan dhowr xaafadood kuwaasoo weriyeheenna uu sheegay in uu arkay labo ka mid ah oo ku kala yaalla xaafadaha Xamar Ja-jab iyo Xamar Weyne, kuwaasoo aananba u ekeyn dugsiyo ay ha'ad maamusho.

Waxaa kaloo ninkan, Lino Morani, eed taasi la mid ah oo xagga lacagta ah ka tirsanaya qaar ka mid ah macallimiinta uu u kireystay in ay dadka baraan luqadda Talyaaniga, laakiinse macallimiintan ilaa iyo hadda wax xidhiidh ah lama lahan qafaalashadan hadda loo geystay ninkan.

Ninkan Talyaaniga ah, Mr Lino Morani, waxa ay hadda dableyda qafaalatay ku haystaan xaafad ka mid ah xaafadaha koofurta Muqdisho iyadoo uu halkaasina ka socdo dadaal ay wadaan rag isaga yaqaannay iyo qaar kaloo sama-doonno ah sidii si shuruud la'aan ah ninkaasi loogu soo sii deyn lahaa.

Top


WHO 'Waa Laga Guulaystay SARS'.

BBC: Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegey in la xakameynayo cudurka khatarta ah ee SARS. Hase yeeshee dagaalka ka dhanka ah cudurkaa ayaa la sheegey in uu wali dhamaan.

Cudurka SARS-ka ayaa diley sideed boqol oo qof ilaa iyo markii uu bilowdey sanadkan horaantiisa. Hase ahaatee todobaadyadii ugu danbeeyey waxaa lagu soo waramayaa in fidida cudurkaa uu dunida oo dhan uu hoos uga sii dhacayey.

Shirkii ugu horeeeyey ee caalami ah oo looga hadalo cudurka SARS-kA ayaa hadda ka socoda dalka Maleeshiya,furitaanka shirkaasna waxaa hadal ka jeediyey madaxa Ururka Caafimaadka Addoonka ee gobolka Pasific-ga, Dr. Shigeru Omi, waxuuna ku sheegey hadalkiisa in cudurkani uu ka shifey goldaloolooyinka nidaamka Cafimaadka ee Adduunka.

Waxaa uu intaa ku darey in ay waajib ku tahay dalalka caalamku in marka xigga ay si weyn isku abaabulaan.

Shirkan Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa waxaa ka qeyb galaya markii ugu horeysey wafdi rasmi ah oo ka socda dalka Taiwan, sabab oo ah cudurkaasi ayaa si weyn uga dilaacey jasiirada Taiwan.

Dowladda Taiwan ayaa iskudayeysa in ay ku biirto Ururka Caafimaadka Adduunka,iyadoo dowladda Shiinahuna ay si joogta ah uga hor istaagto Taiwan in Ururkaa ay xubin ka noqoto.

Top


Ciidamada Faransiiska Oo Qabqabtay Xubno Ka Tirsan Mujaahidiinta Al-Khalq.

Paris (W.Wararka) - Ciidamada Amaanka ee Faransiiska ayaa maalintii shalay olole ku qaaday xubnaha ururka mujaahidiin Al-khalaq oo ku kacsan dawladda Iiraan iyagoo xabsiga u taxaabay ilaa 160 xubnood oo ka tirsan ururkaasi, kadib markii ay olole ku qaadeen 13 goobood oo ku yaala Faransiiska.

Tallaabadaas waxa soo dhoweysay dawladda Iiraan oo ku tilmaantay talaabo waxtar leh sida uu sheegay af-hayeen wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Iiraan, isagoo intaa ku daray inay rajaynayaan in xubnahaasi loo aqoonsado argagixiso halis ku ah amaanka. Balse, af-hayeen u hadlay ururkaasi ayaa cambaareeyay ololaha lagu qaaday xubnahooda isagoo ku tilmaamay tallaabo meel-ka-dhac ah ayna iska kaashadeen Iiraan iyo Faransiisku, isagoo eedaymaha loo soo jeediyayna ku tilmaamay qaar aanay waxba ka jirin.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Hebel Maxaa La Siiyay Halaga Gudbo.

Waxa umada reer somalilnd halku dhig u noqotay habel maxaa la siiyey habel kale maxaa la siiyey iyo adiga maxaa lagu siiyey, run ahaantii umadeenu inkasta oo ay tahay wadaniyiin qadiyada somaliland iyo dimuqraadiyaduba aad ugu dheertahay hadana waxa aad moodaa in aanay fahmin in kursigu aanu dadkoo dhanba wada qaadaaynin ama shaqsiyada oo dhan aan laga wada dhigikarahaynin wasiiro ama la siin karahaynin jagooyin waxa nasiib daro ah inaan arkay rag aad u tiro badan oo cadhoonaaya marka ay liiska ka waayaan shaqsi uu taageersanaa, saaxiibayaal waxa aan idin odhan lahaa XILKU WAA MEERTO, qofnaba xilka kuma waaro barito waa adiga, maantana waa inaga, waxaana balan teenu tahay wada shaqayn iyo in aynu somalilnd hore u marino, shalay waxa ay ahayd MAALITII XUSBIYADA MAANTANA WAA MAALINTII SOMALILND.
Mucaardnimo ayaa laciifisay somaliland ee halaga tanaasulo.

Tan iyo maalintii aynu la soo noqonay xornimadeenii, waxa wadankeena naafeeyey mucaaradnimo joogta ah, hadii aynu taariikhda dib ugu laabano isla markii aynu ku dhawaaqnay in somalilnd tahay wadan madaxbanaan waxa wadanka ka bilaabmay dagaal sokeeye, dagaalkaas oo dadka badankiisu aaminsan yihiin inuu ahaa dagaal u dhexeeya somaliland iyo qaar ka soo horjeeda somalilnd oo isticimaalaaya magaca beesha.

isla markii uu dagaalkaasi dhamaaday hadana waxa kala qaybsamay kuwii ku guuleystey dagaalkii kana soo jeeday dhinaca muuxaafadka ama dawlada taas oo keentay in muucaaradad aad u wayni ay wadanka ka dilaacdo oo uu hogaaminaayo mujaahid Salaabaan Aadan, ka dib markii uu mujaahid saleebaan ogaaday in mucaaradadu aanay ahayn wax horumar wadanka u keenaya isla markaana loo baahan yahay wadajir iyo wax wadaqabsi si loo gaadho himilooyinkeena oo aan waxba ka dhinayn, waxa mudane saleebnaan ka tanaasuley mucaaradnimadii isaga oo go,aan ku gaadhey in uu ka shaqeeyo danta guud ee somalilnd iyo sidii wadanku horumar u samayn lahaa isla markaana uu ku dhaqaaqay xalkii taariikhiga ahaa ee aanu siyaasina samayn ama ku dhaqaaqin ee ahaa la bohawgii ama la walaalowgii xusbiga wadaniga ah ee udub. (talaabo geesinimo).

Wax yar ka dib waxa bilaaban tay mucaaradnimo kale oo uu hogaaminaayo mudane siilaanyo, iyo niyad jab, mucaaradaadaa taariikhiga ah ee bilaa naxariista ah ee aan cidnaba u danayanagaynin waxa la soo afjaray markii taageerayaasha wadaniyiinta ah ee xusbiga kulmiye ku gacan saydheen, ama ka biyo diideen dhaqadhaqaaqyadii ama dhawaaqyadii ka soo yeedhaayey mudane siilaanyo taas oo ku khasabtay mudane siilaanyo inuu ka tanaasulo ficiladii ka soo horjeeday, dastuurka, hayadaha sharci dejinta iyo ilbaxnimada ee uu ku ololaynaayey mudane siilaanyo.

Waxba yaanan hadalka ku talaxtegine waxa haboon ama ay horumarka iyo ictiraafka somaliland ku jiraa inaga oo gacanta is wadaqabsana kana tanaasula mucaaradada nooc wal oo ay leedahay, isla markaana u hawl galo somalilnd sidii aynu hore ugu marin lahayn.

Qofkii ka maarmi waaya in uu mucaarad ahaado ha la sugo waqtigeeda imikana ha la shaqeeyo madaxwaynaha iyo xusbiga udub ee talada haya, marka doorasho timaado ku noqo mucaaradnimadaadii iminka se waxa loo baahan yahay isku duubnaan iyo wadajir si aynu ugu guulaysano goolasheena iyo objactiveskeena oo aan waxba ka dhinayn.

Ilaahay ha idin soo hadeeyo.

CABDI QAADIR JAMAC ISMACIL DACAR .

USA.

Top


Waa Maxay Gudniinka Fircooniga Ahi?

Waxaan rabaa inaan bal wax yar ka taabtaabto amuur ina wada khuseeya umadeena muslinka ah Gaar ahaan somalida meel kasta ha joogtee,Hadaba arinkani wuxuu yahay GUDITAANKA oo runtii aynu aad u isticmaalo ama gabdhiyo wiilalba aanu jirin qof inaga mid ah oo kabaxsaday hadii kale waaba takooranyahay qofkaasi.

Waxaan u haysanaa amaba aaminsanahay somali ahaan inuu gudniinku inagaga yimi dhinaca Masaarida xili hore sidaa saynuna ugu bixinay FIRCOOONI,Laakiin sheekada taala Masar way ka duwantahay taas oo iyana waxay qabaan inuuba kayimi dhinaceena iyo africa oo uu yahay mid ka mid ah dhaqamada Africa ee gaboobay dabeedna uu ku soo fiday umada carabta oo masar dabcan ay ka mid tahay iyo weliba Aduun weynaha kaleba. Taa laakiin waan kasoo hor jeedaa laba sababood awgood,

1-marka koowaad waa tii nebigeenu (s.c.w) uu lakulmay Ummu cadiya oo ahayd mid kamida mu'minaadkii xiligaa.taasina waxay ku tusaysaa inayba carabuhu hore u yaqaaneen caadadan dabeedna uu inoo soo raacay xiligii aynu diinta qaadanay.

2-somalidu waxay tidhaahdaa (magac bilaash mabaxo)oo aan uga jeedo magacan ayuuba watay markuu nooyimi ee ay soo gudbiyeen faraacinadii ganacsigu naga dhexeeyay oo ay xiligaa ka talinaysay EGYPT boqoradii NAFARTIITI oo dhowr jeer timi dhulalka somalida.

gabdhaha waxaa loo gudaa laba qaab;

1-waa sidii uu amray nebigeenu (s.c.w)in loo gudo gabdhaha oo ah sidii uu u sheegay Islaantii UMMU CADIYA marku arkay iyadoo gabadh yar rabta inay gudo.taas oo uu yidhi (hadii aadan iska dhaafayn xalaalee laakiin ha ku xad gudbin).

2-waa iyadoo la goynayo xubnaha Dareenka ee debeda dabadeedna lagu tolayo Qodxaan,Irbado amaba dhalo jaban,waana hababka laga isticmaalo min masar ilaa kenya iyo weliba dawlado kale oo Africaan ah waxaana loo yaqaanaa (FIRCOONI),

hadaba lama garanayo xiliga ay bilaabantay laakiin waxaa lahubaa inayba ka horaysay Diinta masiixiga iyo weliba tan islaamka waayo waxaa ku dhaqmi jiray mujtamacaadka masiixiyiinta iyoweliba kuwa yuhuuda ee looyaqaan FALAASHAHA .

Waa maxay ra'yiga islaamku kaqabaa guditaanka guud ahaan gaar ahaan kanfircooniga oo maanta qormadani ku saabsantahay?

Waxaa la isku raacsanyahay inaanu wax asaas ah ku lahayn guditaanka fircooniga ahi diinta islaamka,isla markaana uu yahay Xaaraam waayo wuxuu ku qeexanyahay iyuu yahay mid lagu xad gudbaayo xoriyada insaanka isla markaana lagu ciyaarayo jidhkii ruuxa banii aadamka ah saas daraadeed meeli ugama banaana guditaanka Fircooniga ah Diinta islaamka.

Laakiin waxaa jira sababo dhab ah oo uu u sii socdo una dhamaan la'yahay:

1-wuxuu u yahay nolol maal meedka iyo dakhlida kuwa iyagu ku shaqaysta Gudida gabdhaha.

2-iyadoo laga dhaadhiciyay inuu yahay waajib aan laga tegi karaynin waase beentaatsi.

3-dumarku waxay u haystaan gudniinku inuu yahay mid ragu ku guursanayaan la aantiina aanay helayn wax guursada
Waxaa loo is ticmaalaa guditaanka gabdhaha sidda;mindida sooqoolaabane looyaqaan MUUSTA,Maqas,jab dhalo ah iyadoon la nadiifin,dabeed waxaa lagu daboolaa dhaawicii wixii la rabo si loo joojiyo dhiiga qubanaya iyadoo lagu shubayo sidoo kale alkolo dheecaanka liinta ,Danbas,amaba dhir laysku khalday,Qiiqa Faantada lo'da.waxay qaadataa hawshani inta udhaxaysa 15 ilaa20 Daqiiqadood taas oo weliba ku xidhan sida uu qofka shaqada qabanayaa xariif uyahay iyo weliba inta ay leegtahay difaaca gabadhu ay difaactamayso.

Guditaanka noocyadiisa kala duwani waxay gabdhaha u keenaan inay had iyo jeer cadho bataan oo aan umalaynaayo inayba sabab utahay burbur badan oo ku yimaada qoysas somaliyeed,waxaa kaloo kamid ah dhibaatadaas dhiig kayimaada iyo wasakhow ku dhaca gudaha kaas oo ay ka dhashaan cudurada sida Beer xanuun HIV kaadida oo ku dhegta iyadoo dhali kariweyda.dhimashadu way ku badantahay gabdhaha ama ha noqoto marka la gudayo amaba kadib sababtoo ah waxaa shaqadan qabta dad aan u tababarayn hawshan sida Tima jarayaasha.

GUDNIINKA ISLAAMKU WUXUU KA QABO;

markaad dhex marto aaraada culimada isku haysa arintan mahelaysid quraan ama xadiis kadhigaya gudniinka Xalaal amaba Xaaraan. Hadaba inkastoo uu gudniinku ku xusanyahay xadiiskii nebiga (s.c.w) oo aan kor ku xusnay hadana majirto wax waajib kadhigayaa.

GUDNIINKA IYO ADUUNKA;

Sida ku cad qoraalkii UNISCO......Waxaa laga sameeyaa Guditaanka 26 dal oo african iyo asian isugujira wuxuuna uga sii gudbay dalalka EU,CANADA,AUSTRALIA IYO AMERICA taas oo ay keentay qaxoontigu.

Waxaa Aduunka lagu guday 85 ilaa 115 million oo gabdhood waxaa lasheegay in la gudo shan haweena daqiiqad kasta.sidan ayay dawladuhu ugu kala horaayaan guditaanka;1-Somalia Iyo Djibouti 90% 2-Ethiopia,Eretaria,Australia 90% 3-Sudan 89% 4-Mali 75% 5-Borkinafaso 70% 6- Tchat,Liberia,Ivorycoast 60% 7- Benin,Centeral-Africa,Egypt 50%

Top


Halkuu Ka Yimid Magaca Somali?

Sideedaba halkee ka soo jeeda magaca soomaliya? Arintaan fikrada kala duwan ay lagaa qabaa.

Laakiin tan ila quman waxay tahay in dadka soomalida ay ka soo jeedaan dadka kuushitiga koonfureed Qoowmiyadahaas waxaa ka mid ah Saaxada,cafarta,oromada iyo soomaalida.

Waxay asal ahaan ku farcameen koonfurta itoobiya iyo waqooyiga keenya ilaa harada udof la yidhaahdo.

Badankooda ilaa iyo hada halkaas ayay ku nool yihiin. soomaalida qowmiyadahaas kala duwn ayay ka tirsan yihiin waa dad da weyn magacyo badan ay lo yiqiinay sida (reer bunt,reer berbera,reer barbaar iyo reer banaadir).iyo kuwa kale oo fara badan ,magaca soomaaliga ah inta la og yahay hada waxaa lala kulmay Qarnigii 15naad Soomaalinimada sideedaba ma jinsi baaa?jinsi waxaan ula jeedaaa rayidka waxa la yidhaahdo Jawaabtu waa maya sideey aniga ila tahay soomaalinimada waxay ka kooban tahay ama waxaan ula jeedaa Jamhuuriyadi soomaaliya waxaan u kala qaybin lahaa sadex jinsi (cadaan, madow bunti ah,iyomadow buni ah).

Madowga buniga ah ayaa ah kan soomalida ay u badan yihiin cadaanka waxay inta badan ku nool yihiin marka, Baraawe iyo xamar dadka madowga bantuga ah iyana waxay ku nool yihiin jiinanka labad webi iyo koonfurtoodaba sidaas darteed soomalida jinsi kaliya kama koobna ee sadexdaas jinsina way u siman yihiin soomaalinimada. hadaba soomalinimada ma diinbaa?jawaabtu waa maya waayo?dadka soomaaliyeed inta diinta soo gaadhin ayay ku noolayeen geeska Afrika waxyaabihii waydaas hore la caabudi dhaqankeena ilaa iyo hada waa la geli karaa qof kastoo muslim ah soomaali ma aha waayo? Af soomaligii isaga oo jira ayay diinta na soo gaadhtay. Taasi ayaana sabab u ahayd markii ay diinta si fiican u qaadan waayeen in shiikh yuusuf al-kownayn uu soo saaaray(alif la kordhabay iyo alif la hoos dhabey iyo alif la goday)
Laakiin soomalidu waa dad muslim ah sidaas darteed ayay diintu ugu yeelatay uguna leedahy saameyn weyn taariikhdeena,dhaqankeena oo dhan bal hada aynu eegno diinta iyo abtirsiinta, Abtirsiinta oo jirta ayay diinta na soo gaadhtay ee abtirsiintu kama ay imaan diinta islaamka,laakiin waxa iyana run ah in diintu ay saamayn weyn ku yeelatay abtirsiinta casriga ah ee soomaaliyeed ilaa iyo hada reeraha soomaliya ay ku abtirsadaan shiiqyo,iyana ay abtirsiintoodu gasho bini--haashim iyo Qureysh dhawr qarni ka hor ayay dhaaftay diinta ayaa saamayn ku yeelatay in abtirsiintii hore ee reeraha soomaaliyeed tan cusubi bedesho wax soomali ugaar ahi sideedaba ma aha waxaa inala wadaaga dadyoow badan sida Fulaaniga,hawsaha iyo dadyoow kale oo tan iyo senegaal ku nool oo diinta islaamka qarniyo danbe gaadhtay.

Isweydiintu waxay tahay soomaliya waxay u dhowdahay jasiiradaha carbeed maxaa qoray in bini--haashim abtirsiintooda gaadhsiiyay reer senegaaal, tani kaftan igama ahan laakiin waa xaqiiqo cilmi ah oo la hubiyay.

Akhristoow waxaan intaas uga gudbi lahaa soomalinimadu waa maxay? Waa dareen ka dhashay is bar bar dhig qowmiyado kala duwan oo foormalihiisu yahay anaga iyo idinka anaga oo soomali ahiyo idinka oo talyaani ah, anaga oo soomali ah, idinka oo amxaaro ah. Marxaladihii dareenka soomalinimo soo maray hadaan si kooban u qaadano sidaan ayaan u qiyaasi lahaa.

1--marxaladii axmed gurey iyo iska dhicintii boortaqiiska
2--Tawradii dhaqaneed ee yuusuf al--kowneyn
3--Halgankii isticmaar diidka haa.
4--Waqtikgii asxaabta siyaasadeed ay soo baxeen oo ku caan.
Waqtikgaas ay soo baxeen asxaabta siyaasadeed ayaa dareenka soomaliyeed gaadhay heer biseel ah waxuuna dhalay dareen cusb oo ah dareenka wadanimo,labada dareen waxaa u dhaxeeya farqiyo waaweyn,
1--Dareenka soomalinimo waa mid dhexdhexaad ah yacnii soomaliga waa soomali waxuu bar bar dhig u yahay umadaha kale ama qowmiyadaha kale.
2--Laakiin dareenka wadaniga ah ma aha mid dhexdhexaad ah ee waxuu wataa qiimayn siyaasadeed, mid bulsheed,mid dhaqaaleed iyo dhaqanba,waxuuna lidi ku yahay dib u dhaca qabyaalada iwm.
Waa dareen xuduntiisu tahay halganka horu marinta umad nimada iyo dalad nimada soomaaliyeed.

Wax kastoo yoolkaas carqalad ku ah wuu ka soo horjeedaa dareenkaas wadanimo.

Soomalinimada ma wada wadaagto iyana waa nasiib daree itaal daradiisa ayaa noogu wacan aafooyinka hada ina haysta. Akhristoow waxaan jeclaan lahaa inaan ku soo xidho qabyaalada sideedaba nacfi ma leedahay?? qabyaldu waa laba nuuc A)Qabyaalad hideed ee soomalidu dhaqan u leedahay sida xoolo gooyada makta la wada bixiyo iyo xeerar kale oo fara badan qabyaladaasi waxay leedahay xeerar adag oo laga gudbi karin. B)Qabyaalada kale waa tan magaalooyinka ka dhelatay oo ku magac dheer qabyaalada siyaasadeed tani wax dumis mooyaanee wax anfac ah oo ay umada u leedahay ma jirto bay ila tahay qabyaalada siyaasdeed nabad walaatinimo iyo horu mar toona ma keeni karto waxaana adeegsado siyaasiyiinta danahoodav gaarka ah ka leh iyagaana cadowga koowaad ah wiiqa dumiyana qaranka.

Ugu danbeyntiii qabyaalada iyo dawladnimada siyaasadeed halkee bay iska soo galeen?

Dawladii casriga ahayd ee aanu 60kii gaarnay waa tii ugu horaysay ee taariikhdeena ee soomali badnkeed midaysay ka hor waxaa jiri jiray dawlado heer gobol ah.

Waxay dhalatay iyadoo dareenkeeda wadanimo curdin yahay, dhaqaaleheedu uu itaal yar yahay,aqoonta casriga ahna biloow ay tahay,qabyaalada siyaasdeedna ay xoog leedahay, Sidaas darteed dawladnimadaasi inay ku fikirto wax la yaab leh ma ahan waayo? kooxihii ilaa iyo hada xukunka haayay waxaaayba dawlad u arkeeen ilaa iyo hadana u arkaaan hanti gaar ahaneeed oo iayagu leeeyihiiiiiiiiiiiiin.

Sooyaalkii taariikheed ee S/land mar dhaw---diridhabe
Waxaa Qoray
Cali diiriye nuur pilot
tigaana_52@hotmail.com  

Top


Hubkii Ciraaq Yaa Arkay?

Muddo todobo todobad ayaa kasoo wareegtay markii magaalada Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq gacanta u gashay ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska kadib markii ay ku qaadeen dagaal ay ku sheegeen inuu salka ku hayo hubka sida daran wax u gumaada ee dalkaasi lugu tuhmay.

Bilowgii qorsheynta dagaalkan guud ahaan beesha caalamka waxey ka muujisay diidmo qayaxan oo ay ku diideen dagaalka aan shaqriciga waafaqsaneyn ee lugu qaadayo dalka Ciraaq.

Hadaba natiijadii dagaalka Ciraaq waxuu guud ahaan caalamka ka qabaa su’aalo la xidhiidha halka uu danbeeyo hubka Nukliyeerka ah ee lugu sheegay iney Ciraaq heysato iyo ujeedada dagaalka loo qaadayba.
Wasiir ka tirsan xukuumadda Toney Blair oo aan magaciisa la shaacin ayaa isagoo u waramaya wargeyska Independent xusay in xukuumadda Ingiriiska ay gashay ”qaladkii ugu weynaa abid” qaladkaasoo la xidhiidha hubka Nukliyeerka ah ee Ciraaq iyo meesha uu ku danbeeyo iyo sababhii loo aaneyey dagaal ka dhan ah maamul jira.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in qaladka dhacay uu horseedi karo in dhageysi lugu sameeyo sirdoonka Ingiriiska.

Fikradaas taa lamid waxaa iyana qabta haweeneyda la yidhhaado Jane Harman oo ah mas’uul sare oo ka tirsan xisbiga demokraat-ka ee Mareykanka. ” Waxaan qabaa in tani tahay been abuur kii ugu weynaa ee lasameeyo,islamarkaasina ka soo horjeeda xuquuda moraal ahaaneed ee dagaalka,waxaana aaminsanahay in maanta caalamku u baahan yahay faah faahin ku saabsan dagaalka Ciraaq” ayey tidhi Mrs: Harman oo warameysay wargeyska Times.

Sidoo kale ninka la yidhaahdo Peter Gross oo isna ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa warbixinada ku saabsan dagaalkii Ciraaq iyo hubka Nukliyeerkaba ku tilmaamay ”kuwo aan dhameystiran oo qabyo ah” waxaana sii kordheysa su’aalaha la iska weydiinayo xaqiiqada hubka Ciraaq
Dalka Ingiriiska gudahiisa ayaa waxaa jira cadho xoogan oo ay qabaan dadka british-ka ah iyo badi qaar kamid ah siyaasiinta ee iyagu kasoo horjeeday dagaalka Ciraaq. Laakinse Blair ayaa u muuqday mid si aad ah isaga difaacay eedeymaha loo soo jeediyey dowladiisa.

Todobaadkii hore ayaa wasiirka Gaashaandhiga dalka Mareykanka Donald Rumsfeld ka dhawaajiyey in aan wax hub Nukliyeer ah ”laga helin dalka Ciraaq” islamarkaasina aaney xukuumadda Washington aanba ogeyn halka uu ku danbeeyo,suurgalna ay noqon karto in ciidamadii daacada u ahaa Sadaam Xuseen ay baa bi’iyeen ama dalka dibadiisa u saareen,hase ahaatee waxaa uu ku adkeystay in aan lugu dagaal gelin warbixino been abuur oo la soo gudbiyey, kuwaasoo la xidhiidhay hubka Nukliyeerka ee Ciraaq. ”Waxaan moodeynay in Ciraaqiyiintu heysteen hubka sida daran wax u gumaada iyo midka kiimakada, islamarkaasina ay sii hormarinayeen barnaamijkooda Nukliyeer-ka, laakinse waxaa muuqatay inaaneyba hub heysan” ayuu yidhi Donald Rumsfeld oo u warameyey idaacadda Infinity Broadcasting, waxeyna sii kordhisay hadaladaasi sii kordhiyeen shakigii horey u jiray.

Wareysigii Rumsfeld waxuu si weyn uga carreysiiyey wasiirkii hore ee Arimaha dibadda ee Ingiriiska Robin Cook oo kamid ahaa siyaasinta sida weyn uga soo horjeeday dagaalka Ciraaq islamarkaasina iska casilay jagadii uu hayey.

”Haddii uu sheegay Rumsfeild inaanu lahelin wax hub ah waxaa cad ah in aanba meesha muddo badan hubka nukliyeer-ka ahi oolin” ayuu yidhi Robin Cook oo wareysi uu siiyey dhawaan BBC:radio 4 ku sheegay sidaas.

Guud ahaan beesha caalamka ayaa marakan waxaa ay si aad ah u hadalheysaa wararka isa soo taray ee ku saabsan hubka Nukliyeerka Ciraaq oo iminka wejiyo badan leh dood iyo muran siyaasadeedna dhalisay.

Dalalka Denmark, Australia iyo Irland ayaa iminka waxaa ay calaamutu su’aal saareen dekument-tigii ka koobnaa 53 bogg ee Toney Blair soo bandhigay bishii september ee sanadkii hore,dekument-tiyadaasoo ay ku xusnaayen warbixino sheegayey in ciraaqiyiintu heystaan hub Nukliyeer ah.

Si kastaaba arintu ha ahaatee waxaa iminka beeshu caalamku indhaha ku heyaan xaqiiqada maalinba maalinta ka danbeysa soo baxeysa ee ku wajahan sirta qarsoon ee loo qaaday dagaalka ciraaq ee xukunka looga tuuray mdaxweynihii dalkaasi mudada dheer xukumayey ee Sdaam Xuseen kadib markii uu u muuqaday mid cabsi weyn ku haya danaha Israa’il iyo Mareykanka oo xilligan ku qanacsan natiijadii wax u oolka aheyd ee kasoo baxay dagaalka Ciraaq.

Aqalka wakiilada Mareykanka ayaa iminka waxaa ay madaxa sirdoonka CIA:da ka codsadeen in uu soo bandhigo macluumaad la xidhiidha cadeymihii loo adeegsaday dagalka Ciraaq kahor inta aan la gaarin kowda july ee sanadkan,waxaana ay wakiiladu doonayaan in warbixinada ahaadaan kuwo tayo leh oo lugu qanci karro.

Waxaa isku soo duwday:
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden

Top


Gadhba Gadhbaa La Tusaa.

waxaa ilaahay mahadii ah in somaliland geedi socodkeeda mustaqbal maalinba maalinta ka danbaysa ka wanaagsanaanayo, geedi socdkaa hanaanka quruxda leh ku socdana waxaa u aabo ah shicibka horumarka jecel iyo siyaasiyiinteeda is kaashiga jecel.

Waa iska imtaxaan aduun oo maalin walba waxaa ku hor imanaya caqabado cusub iyo maraboobyo nooc kale ah se ninkii dadaalana guul iyo khibrad bay u noqotaa.

Siyaasadda somaliland oo maalinba maalinta ka danbaysa ka gudbaysa jaranjar cusub hadana maalinba maalinta ka danbaysa hor imanayaan duurufo cusub iyo caqabado aan fududayn, ayaa alxamdulilaah ah in Somaliland wali wax hakiya aynaan u soo joogin, taariikhda sooyaalka ah ayaa qoraysa marxaladaha Somaliland ay ka soo gudubtay, cuna qabatayn cir iyo dhulba oo wali ilaa imika lagu hayo oo kuwii u xigay ku soo rogeen (Jaamacadda Carabta) carabta oo maanta hadana toodi u taagla, waxaa kaloo ka mida ah in shirar duufaano ah kolba laga kiciyo Somaliland jaararkeeda oo uu u danbeeyo kan Eldore, oo uu ka horeeyey kii Carta, oo uu ka sii horeeyey kii Carabtu qabatay.

Si kastaba xaajo ha ahaatee shirarkani way kala duwanaayeen oo way kal awood badanyihiin.

Somaliland iyo maalintii iyo maalintii lagu shirayay Carte waxay ahayd wakhti aad u adag waayo siyaasaded iyo mid dhaqaaleba hase ahaatee gadhba gadhbaa la tusiyaaye allaaya raxma Marxuum cigaal iyo ragguu hogaaminayay waxay tuseen in Somaliland mawqifkeedu ka waynhay goob lagu cawaysimo oo qaadka lagu cuno habeenkiina la khalaweeyo subaxdiina la yidhaah shirku halkuu marayay, waa goobtii carta wixii ka socday. waxaa iyaguna gacan weyn ka gaystay gooni isutaaga Somaliland oo muujiyayna kaalintooda waa Ururka Somalilandforum iyo jaaliyadaha dibadda ka dhisan Xasuus waxaa mudan Jaaliyadda Finland iyo gudoomiaheedii Faysal Cali Waraabe sida uu u hagar baxay talo iyo mediaba.

hadaba shirarkan oo kala duwan horta saamayn mar walba way yeelan jireen hadaba maanta iyo shirkan imikuun buug cusub lala soo baxay siduu u egyahay,Siyaasada aduunku maalinbay is badashay loogu magac daray 11 Sebtenber si kastaba ha ahaatee aduunka waxaa ka furmay Isticmaar Cusub iyo inaan la isu joojin xuquuqna la dhawrin dan gaara mooyee.

Shirka maanta ka socda Eldore oo ay gacanta kula jiraan Maraykan iyo Ethopia kolay say doonayaan ayay ugu talinayaan hadaba waxaa is waydiin leh Somaliland saamayn intee le,eg ayaa la filayay in ay ku yeelato markii hore? se maalmahan danbe maxaa is badalay ? maalmahan danbe waxa miiska lagu shirayo hoostiisa laga soo saaray qodob la yidhaah Faderal (dawlad wadaag) gobolaysi ah hadaba siyaasaddan aduuunkee is badashay iyo danaha maraykanka miyaa saas dhigay ma qodob Ethopia wadataa kuu doonaba ha ahaadee waa kolay mid aan iyaga cadaw ku ahayn.

waxaa dhawaan is hayay garabyo Puntland ah ama Majeerteeniya garabyadaa oo kiisa awooda yari uu ku sugnaa Somaliland dawlada somaliland waxay tidhi waanu hubaynaynaa oo jabhad banu ku furaynaa C/laahi yuusuf maadaamuu jabhad nagu furay sida madaxweynaha oo lagu rasaaseeyey Laascaanood hase ahaatee inyar ka dib waxaa la heshiisiiyay garbihii is haystay waxaa heshiisiinayay Isimada Somaliland dega Salaadiintooda, maxaa kalifay dadka islaamka ah jabkooda lama jeclaado hadana nin kafantaada toloya kabiiha lama tolo, Ethopia miyaa qasaabtay Dawlada Somaliland oo tidhi jabhada dalkiina ku sugan saara C/laahi Yuusuf anagaa wadanee waa su,aal?? cajiib.
inyar ka dib shirka waxaa tagay C/laahi Yuusuf iyo Cadde Muuse oo waata buugaa maamul gaboleed iyo Dawlad Fedarala ha la sameeyo oo ay ku doodayaan Buntland in gobolada la yidhaah Sool iyo Sanaag ay ka mid yihiin Buntland iyo waliba malmaluuq ay magac ahaan yabyabeen oo ay u bixiyeen Gobolka Hawd oo ah degmo ka tirsan Gobolka Togdheer. hadaba marka dhab ahaan wax la fiiriyo hadhaw hadii Fedaralkaasi suurta galo Dadka Dega Gobolka Soolna ay mawqifkaa Raacaan, Hurdo iyo gaabis ka yimid Dawlada Somaliland saw maaha. yaan la, eegan Maqaar saaryo hunguri doon ah ee maa la eego danta guud iyo sidii wax loo wada qabsan lahaa.

Gacan Ku dhiigle Morgan Baa waxaa laga hayaa Erey ahaa SNM aynu kula dagaalanno Xuduudaha iyo Tuulooyinkay Joogaan sababta oo ah SNM maalin walba oo ay ka soo gudubto Tuulo Isaaq Dago waxaa ka soo raacaya 1000 nin maalintay Hargaysa yimaadaanna waa 100000 kun oo nin runtii bay ahayd oo wuxuu arkayay isku duuubnaanta dadkaa isu ficil hiilinayay iyo in aan loo adkaysanayn dulmiga ay goor iyo ayaan ku hayeen dadka u dhashay Somaliland.

imika hadii la sugo oo aan waxba laga odhan dhawaaqa ka soo yeedha maalin walba kooxaha oo aan dhaqdhaqaaq Siyaasadeed la samayn iyo sii xoojinta dalalka cilaaqaadku inaga dhaxeeeyey saw Mawjad noqon mayso Dawlada lagu soo dhiso Shirka hadii sida la saadaalinayo ay u dhacdo Caawiman iyo taakulaynna ay ka helayso gacan shisheeye.

Muj. Axmed Siilaanyo Cimrigiisa Alle ha dheereeyee ayaa laga hayaa Geeridii ku timid Mujaahidkii Lixle ee markaa Naxdinta badnayd alle ha u naxariistee Mar laga waraystay BBCda oo la yidhi Lixle Dhimay. jawaaabtii koobnayd ee uu Bixiyay Muj. Siilaanyo waxay ahayd SNM waa wada Lixle.

Imika shirkii Carte hadii ina Cigaal alle ha u naxariitee iyo xulufadiisu fashilisay Somalilnad Siyaasiyiinteedu miyaanay ahayn Wada ina Cigaal Gabo gabo ha loo dhamaadoo gaashaan dhiga Duufaanada shirkaasi wato. Dawlada tayada lihina waa tii leh xubno fashilinkara dabin walba oo loo maluuqo Somaliland.

Wabillaaahi Tawfiiq

Cumar Cabdi nuux, Helsinki, Finland.

Top


Nabsigii Foosto-Riix, Q: 9aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.

Fatxiya ku may guul daraysan tacabkii ay la gashay caruurteeda uu dayacay foosto-riix iyagoo noqday ubad saalixa oo la shaqeeya Hooyadood islamarkaana u tafa xaytay in aanay u darsanin aabahood, oo iskadaa inay arkaane uu markii dambe maqalkiisu ku noqday teel teel iyo in marba meel lagu sheego, balse markii dambe iyaguba way is kaga hadheen hadalkiisa.

Foosto-riix ama fadhi-lacag maadaama uu guursaday gabadhii uu jeclaaday ee Fahiima waxay ku naaloodeen guri fiilo ah oo uu kiraystay Foosto-riix isaga oo shaqadiisiina halkii ka watay lacagtuna ay marba marka ka dambaysa usii kordhaysay iyagoo mararka qaarna dalxiis ugu baxaayay dhulala kale kaasoo uu u sahlayay gaadhi tagsi ah oo uu iibsaday Fadhi-lacag.

Kadibna waxa u dhashay wiil yar oo ay u bixiyeen Warsame kaasoo Foosto-riix sii ilawsiiyay caruurtiisii hore isaga oo ku mashquulay kolkoolintiisa iyo tarbiyadiisa si uu degdeg ugu koro.

Caruurtiisii horena waxa ay ahaayeen kuwo maalinba maalinta ka dambaysa ku sii dalaca waxbarashadoodii ay kula tabcaysay hooyadood Fatxiya ilaa ay ka noqdeen kuwo ka dhex muuqda ardayda in tooda kale, in kasta oo uu aragooda ka muuqday baahida haysata iyo inay yihiin caruur aan helin nolol dhamaystiran.

Ilaa markii dambe uu Faarax oo caruurta ugu weynaa kabaxay dugsiga sare isgoo kaalimaha hore ka galay imtixaankii lagaga baxayey dugsiga sare taasi waxa ay sababtay inuu ka mid noqdo arday loo dirayey dibada . nasiibkisuna waxa uu ku aadmay arday tagaysay dalka masar isaga oo halkaa ka galay kuliyada injineerinka oo uu waxbarasho ka bilaabay.

Markii ay hooyadii maqashay inuu inankeedii helay waxbarasho dibada ah aad bay ugu farxeen iyada iyo reer kooda oo dhami iyagoo maalintii uu tagayey si weyn u sii dhaweeyay ,rajadooduna waxay ahayd in ay dhibaato uga hadhay inta uu Faarax ka soo laabanayo wax barashadiisa uu dibada ku tagay.

Sidoo kale walaalkii ayaa isna meel fiican ka gaadhay waxbarashadiisii isaga oo ku taamayey inuu gaadho halka uu walaalkii gaadhay .
Nabsi baa salaglehe ninkii Foosto-riix waxa la soo daristay mashaqo markii ay kacday shirkadii dhismaha ee uu madaxda ka ahaa, taasoo sababtay inay dacwad isaga ku furaan shaqaalihii iyo madaxdii kale ee shirkadu, iyagoo ku eedaynaya inuu musuqmaasuqay hantidii shirkada iyo inuu ku takri falay awoodiisii maamulka shirkada isagoo hanti badan oo ay shirkadu lahayd leex saday.

Arintaasi waxay Foosto-riix ku furtay warwar iyo walaac soo food saaray noloshiisa maadaama uu isku ilaaway nolosha raaxada leh ee uu ka helay lacagta lama filaanka ah e ka soo gashay shirkada. Waxaana arintaa markiiba dareentay xaaskiisii Fahiima oo ka weyday furfurnaantii iyo dabacsanaantii ay ku taqaanay odaygeeda, waxaanu go’aan saday inaanu iyada u sheegin si aanay u nixin ama shoog u qaadin.

Ayaamahaa waxay Fahiima dhakhtarka kula jirtay wiilkeedii yaraa ee Warsame oo xanuunsanayey, fosto-riixna wuxuu la werwersanaa dacwada ku socota.

Dacwadii waxay keentay in gudi baadhis ah loo diro sababta keentay inay shirkadu kacdo kacdo iyo eedaynta loo jeediyey Foosto-riix, ku waasoo hawshoodii si dhakhso u bilaabay si ay uga gun gaadhaan xaqiiqada jirta.

Warwar iyo amakaag ayaa ka soo hadhay Fadhi-lacag oo ay talo ku cadaatay waxanu miciin saday duco buur buuran si ilaahay u baal mariyo in kaarta soo food saartay, balse taasi kamay weecin dacwadii ilaa subaxii dambe ayaa isgoo fadhiya xafiiskiisii loo keenay waaran qabasho ah.

La soco. 

Top