Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 359 June 22, 2003

Jaamac Maxamed Qaalib Oo Lagu Qabtay Madaarka Hargeysa, Xabsigana Loo Taxaabay “Xadhigiisa Waxaanu U Marnay Wadadii Sharciga Ahayd,” Wasiirka A. Gudaha.

Tabobar Dhaqida Digaaga Ah Oo Ka Furmay Boorama.

Xarunta Maxkamadda G. Hargeysa Oo La Jabsaday.

“Wax Halaga Qabto Burburka Kusoo Fool Leh Jaamacadda Camuud,”
C/Laahi Xaashi Abiib - G. Ku Xigeenka Arrimaha Dibedda Ee Camuud.

Xisbiga KULMIYE Oo Walaac Ka Muujiyay Digniinta Xawaaladaha Iyo Xaaladda Xukunka Degdegga Ah.

Aragtida Maraykanka Ee Shirka Somalida Uga Socda Kenya.

Doon Siday Dad Qaxooti Ah Oo Ku Qarqantay Badda Tunisia.

Madaxweyne Bush Oo Booqan Doona Afrika.

Midowga Yurub Oo U Cadeeyay Dastuur Cusub.

Maraykanka Oo Raad-Guraya Madaxweynihii Ciraaq, Saddam Xuseen.

Maxaa Lagu Casilay Ra’iisalwasaarihii Finland, Warbixin - Cumar Cabdi Nuux.

Koffi Annan Oo Ugu Baaqay Madaxda Somalida Inay Isu Tanaasulaan.

Ganacsato Iyo Hoggaamiyeyaal Siyaasadeed Oo Ku Shiraya Urdun.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Warqad Furan Oo Talo Ah.

Burkaba Bahal Kama Filan.

Duruufaha Gobolka Sanaag.

Maxaa Qabsoomay, Maxaase Qabyo Ah?

Nabsigii Foosto-Riix, Q: 10aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.


Jaamac Maxamed Qaalib Oo Lagu Qabtay Madaarka Hargeysa, Xabsigana Loo Taxaabay “Xadhigiisa Waxaanu U Marnay Wadadii Sharciga Ahayd,” Wasiirka A. Gudaha.

Hargeysa (Haatuf): Ciidamada Bilayska Somaliland ayaa shalay gacanta ku dhigay Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac-yare), isagoo kasoo degay madaarka Hargeysa kana soo kicitamay dhinaca Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aanu xalay la xidhiidhnay ayaa sidaa xaqiijiyay, isagoo intaa ku daray in xadhiga Jaamac-yare loo maray sifo sharci ah, iyadoo Xeer-ilaalinta Maxkamadda-ba degdeg loo horgeeyay sida uu sheegay wasiirku, waxaana isla xalayba loo gudbiyay Xabsiga Hargeysa oo uu haatan ku xidhan yahay.

Xadhiga Jaamac-yare oo aanay xukuumadda Somaliland wax war ah kasoo saarin, waxa loo malaynayaa inuu ku lug leeyahay asbaabo nabadgelyo iyo qaranimada Somaliland, iyadoo la sheegay inuu socdaalkan kaga soo kicitamay magaalada Muqdisho oo uu ku sugnaa tan iyo 1994-kii, xilligaas oo uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii hagayay dagaalkii lagaga soo horjeeday xukuumadda Somaliland. Sidoo kale, Jaamac-yare wuxuu ahaa nin u baxdoobay taageerada Somali-weyn iyo hab federaal ah oo lagu mideeyo dalkii la isku odhan jiray Somaliya, taasoo uu marar badan kaga hadlay waraysiyo lala yeeshay. Ilaa iyo hadda lama maqlin meel uu kaga noqday mawqifkiisaa, mana cadda socdaalkiisan Hargeysa ujeedada uu ka leeyahay, balse waxa loo malaynayaa inuu u socday falal fadqalalo ah oo loogu adeegayo kooxaha Somaliya isku haya isagoo damacsanaa inuu Somaliland ka kaxeeyo shaqsiyaad uu geeyo shirka Somalida ee Kenya, lamana oga inuu wax xidhiidh ah oo hore lasoo sameeyay cid ku sugan gudaha Somaliland.

Top


Tabobar Dhaqida Digaaga Ah Oo Ka Furmay Boorama.

Boorama,(Haatuf): Duqa Boorama cabdiraxmaan sh. Cumar ayaa shalay xarunta maamulka Gobolka Awdal ee Boorama tababar ku saabsan dhaqidda iyo daryeelka digaagga uga furay Toban dumar ah oo ka kala socda ururada haweenka qarkood iyo kuwa ka ganacsada beedka ee magaalada Boorama.sida uu ku soo waramayo weriyaha Haatuf ee Gobolka Awdal Maxamed Cumar Tababarkan oo socon doona muddo toddoba casho ah ayaa waxa hadal uu duqa magaaladu u jeediyey kaqaybgeleyaasha u sheegay faaiidada ku jirta tababarada noocan oo kala ah oo marmar iyo dhif laga fuliyo gobolka,sidaa darteedna haweenka u helay fursadduka faaiideysataan casharrada lagu baran doono siay mustaqbalka loo kordhiyo wax soo saarka digaagga iyo kobcinta dhaqaalaha haweenka .Tababarkan oo ay gacan ka geysatay hayadda VETAID waxa fulinaysa hay'adda waddaniga ah ARDA.

Top


Xarunta Maxkamadda G. Hargeysa Oo La Jabsaday.

Hargeysa (Haatuf): Xarunta Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maalintii Jimcihii gelinkeedii dambe la jabsaday, iyadoo halkaasi lagala baxay qalabkii yaalay sida dukmantiyadii iyo faylashii raad-raaca dembiyada dacwadaha ee yaalay xafiiskaas. Sidoo kale waxa la sheegay in lala baxay hal kumbuyuutar oo yaalay Hoolka weyn ee maxkamaddaas iyo wixii kale ee muhiimka ahaa ee yaalay xafiiskaas iyadoo aan ilaa iyo hadda la garanaynin cidii ka dambaysay falkaas.

Weriye ka tirsan Haatuf oo maalintii shalay booqday halkaasi waxa uu sheegay in dhamaan xafiisyadii maxkamadaasi ay xidhnaayeen ayna halkaasi ka jireen buuq iyo is-daba-wareeg badan oo ka socday maxkamadda dhexdeeda iyadoo ay jireen dadweyne tiro badan oo aad ugu jah-wareeray kadib markii la sheegay in la xaday faylashoodii dacwadaha ee u yaalay maxkamadda, halka ay kuwo kalena ku faraxsanaayeen in la xaday faylashii ay ku qornaayeen dacwooyinka ku lidka ahi.

Guddoomiyaha maxkamadda Gobolka oo uu weriyuhu wax ka weydiiyay falkaasi ayaa ka gaabsaday inuu wax faah-faahin ah ka bixiyo falkaasi, hase yeeshee kaaliyaha sare ee maxkamadaasi, C/rashiid Maxamed ayaa weriyaha tusay qaar ka mid ah xafiisyada la jabsaday. “Waad aragtaa sida loo jejebiyay khaanadihii xafiiska, waxaana lala baxay wixii yaalay, balse ma jecli inaan hadda idin siiyo faah-faahin dheeraad ah maadaam uu maqan yahay guddoomiyihii maxkamaddu,” ayuu yidhi kaaliyuhu.

Ilaa iyo hadda ma cadda cidda ka dambaysay falkan lagula kacay maxkamadda gobolka, xukuumadduna wax war ah kamay soo saarin.

Top


“Wax Halaga Qabto Burburka Kusoo Fool Leh Jaamacadda Camuud,”
C/Laahi Xaashi Abiib - G. Ku Xigeenka Arrimaha Dibedda Ee Camuud

Ummadi waxay taabo gashaa, kuna liibaantaa rnarkay muwaafaqo, istixgelin, qaddarin iyo dhaqan gelin wixii shuruud iyo qawaaniin ay dhigtaan ilaaliyaan kuna dhaqmaan. Anigoo tixraacaya warqadii aan horey ugu soo diray Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Suleyman Axmed Guleed, idinkana aan ogeysiin ahaan idiin soo siiyey. Markii aan arkay in uu Guddoomiyuhu iska dhaga tiray codsigaygii ahaa in Qalabkii Caafimaadka ee aan u soo direy Jaamacadda Cusbitaalkeeda ee la siiyey Dr. Walhad iyo Dr. Qows (Cusbitaalkooda Ganacsiga ah) dib loogu soo celiyo Jaamacadda, ayaan dan mooday intaa aanan ku dhaqaaqin wax tallaabo ah inaan idinka oo ah Hayadda ugu saraysa ee Maamulka Jaamacadda aan u soo gudbiyo arrimaha boos ku xusan ee Guddoomiyuhu ku talaabsaday isagoo cid uu kala tashaday aanay jirin:

1. Soo celintii hantidii Jaamacadda ee uu siiyey walaalada isbitaalka khaaska ah leh, ilaa haddana aad xog-ogaal u tihiin in wax ka soo noqday aanay jirin. wax war ah kama helin. Taasi macnaheedu waxay ila tahay in Gudoomiyuhu si ula kac ah u JABlYEY heshiishkii dhex yaalay Maamulka Jaamacadda, Aniga iyo Hay'adii Qalabka bixisey. Heshiiskaasi oo ahaa in Qalabkani la geen karin meel GANACSI ah, ee lagu isticmaali karo MEEL DADKU LEEY AHA Y sida Cusbitaalka Jaamacada amba Custibaalka Guud ee Borama. Waxa marag ma doonta ah in Gudoomiyuhu uu amar ku bixiyey in qalabka laga saaro Maqaansiinka Jaamacada oo la siiyo Dr. Walhad iyo Dr. Qows markey Taariikhdu ahayd 28/05/2003 iyadoo ay Qalabka la baxeen Dr. Walhad iyo Dr. Qows markey taariikhdu ahayd 27/05/2003 maqaasinka Jaamacada. Waxa kale oo ay weliba ay kala baxeen, kuna darsadeen intii xaq darada lagu siiyey maahinne qalab kale oo farabadan. Markaan weydiiyey Gudoomiyaha arrintani wuxuu ii sheegay in aaney waxba ka jirin arrintani. Gudoomiyuhu markuu soo wacay Maxamed Faarax Cigaal oo ah Gudoomiyaha Ururka Amoud Foundation ee D~llas, Jaamacadda si hagarli ah u caawiya, wuxuu.u sheegay in aan Qalabka cidna la siin. markii aan ogaadey in qalabkii lala baxayna Gudoomiyuhu wuxuu ii sheegay in uuna u baahneen inuu igala tashado arrintani ee isagu awood buuxda u leeyahay inuu siiyo Qalabkani ciddii uu rabo. Markaan u sheegey inuu jabinayo heshiishkii aan la gamey Brothers and Brother Foundation (Hay'adii bixisey Qalabka), wuxuu
igu jawaabey aniga banaanka laygama taliyo. Waxa la yaab leh shalay
markaan alaabta u raadinayey ee aan dhamaan Maamulka Jaamacada la shiray waxay ii balan qaadeen in ay si toos ah u raaci doonaan shuruudaha deeqda lagu xidhey.

2. Qalabkii qiimaha iyo tayada fiicnaa oo uu Guddoomiyuhu ku magacaabay in ay ahaayeen kuwa tayadoodu hoosayayso. Hadaba su'aasha meesha taalla waxay tahay haddii Qalabku Qashin yahay maxaa ku kalifey in sida heshiiskii khilaafsan loogu isticmaalo dad khaas ah? Talaabadan khaldan ee ay qaadeen waxay dhalineysaa in maanta iyo wixii ka dambeeya Deeq dambe laga helin dibedda. Waxa kale oo ay cidhib xumo kaga tagi doontaa baahida mustaqbalka Jaamacadda oo dhaawac weyn u geysan doonta kalsoonidii ina dhex taalay inaga iyo hay'adaha samafalka ah.

3. Hayaddii Brothers and Brother Foundation ee qalabka Caafimaadka inoogu deeqday oo ahayd xilka Guddoomiyuhu in uu u soo diro warqad mahad celio ah, waa mid aannu samaynin ilaa manta.

4. Dhainmaan Qalabka dhexyaal Jaamacada waa waxa keliya ee maanta Jaamacadda Camuud ay kaga hor martay Jaamacadaha kale wadanka ka jira.

5. Ma ka warqabtaan Guddi hoosaadka u samaystay Guddoomiyuhu, si uu ugu fushado go'aanada ka soo horjeeda Siyaasadda & hab maamulka Jaamacaddu ku salaysan tahay sida:

b) In waxbarashadii Kulliyadda Caafimaadka 1oo wareejiyo Rugta Ganacsiga ee Dr. Walhad & Dr. Qaws.

t) Inay maaddooyin heerka waxbarasho ee manhajka Kulliyadda wax ka Badaleen, taasina mustaqbalka ardayda ay dhaawici doonto.

6. Sidaa aad ka war qabtaan sanadkii 2001 waxaan Jaamacada Camuud u dalbey Lacag gaadheysa US$10,000 waxaan uga dalbey Safaaradda Maraykanka Xafiiskooda ku yaal Nariobi, Kenya. Waxaan Gudoomiyaha ka codsadey in ay ii soo diraan wararkii ugu dambeeyey ee Jaamacada Camuud. Markii aan wax war ah ka waayey muddo 7 billod ah waxay igu kaliftey inaan anigu iskey wararka Jaamacada intii aan ka ogaa dib u habayn ku sameeyo oon sidaas ugu diro Safaarada Mareykanka. Waxaan Project Jaamacada gaadhsiiyey Safaaradda Maraykanka iyadoo 1 maalin ka hadhsan tahay xiliga loogu talagaley in lagu soo xareeyo Project yada oo dhan. Waxaa soo dalbadey 41 kooxood. Waxaa nasiib wanaag nogdey in Jaamacada Camuud ay ka mid noqoto 4 kooxood ee ku guuleysatey. Waxa Jaamacada 1oo ogolaadey US$5,000. Waan u' sheegey Gudoomiyaha in lacagtani lagu sameen doono Computer Lab sida sharcigu leeyahay.

Waxaase nasiib daro noqotey in Gudoomiyuhu isagoon igala tashan arrintani oo amar ku bixiyey in lacagtii mushaharkii shaqaalaha lagu bixiyo. Waxaan ku ogaadey in lacagtii si khalad ah 1oo isticmaaley markii koox dhalinyaro Mareykan ahi oo ay saxiibo yihiin Mudane Richard (Macalinka Maraykanka) ay yidhaahdeen waxaan ku tabaruceynaa inaan Computer Lab idin dhisno si aad uga faa'ideysataan Computer aad haysataan. Waxaa 1oo baahdey lacag dhan US$6,000 oo lagu soo iibiyo qalabkii ka dhinaa Computerda. Marka waxaan idhi lacagtii Safaaradu bixisey halloo isticmaalo, US$10000 hadheyna aniga ayaa ku soo dari doona. Nassib daro lacagtii mar bore baa lagu kala tegay. Waxay igi kaliftey in aan lacagtii oo dhan US$6,000 aan sii amaahdo. Sidaas baa lagu dhisey Computer Lab welina waxa laygu leeyahay lacag dhan US$2,OOO. Sidaad ogtihiin aamin darada laga qabo dunida saddexaad, ninkii doolar ku siiyaa uu daba joogaa wixii lagu isticmaalay. Malee haddii ay Safaararadda Maraykanka ee Nairobi joogtaa iman lahayd Jaamacadda, maxa dhici lahaa? Waxa kale oo aan idinku wargalinayaa in hayadaha samafalka ama deeqda bixiyaa ay isku wada xidhan yihiin, haddii heshiis midkood la gasahay aad jabiso, taasina ay noqon doonto mid ay isku wada wargaliyaan.

7. Waxa Guddoomiyaha caado u noqotay in uu qaylo dhaan u soo kala diro madaxda Jaaliyadaha reer Awdal ee dibedda ku sugan, marka uu lacag u baahan yahay oo keliya. Hasayeeshee, waxa xiI ah aanu iska saarin in warbixin joogta ah ama mahad celin toona u soo dirin dadkii lacagtaas laga soo guray.

Arrimaha ku xusan qodobka 7aad, waxa ka dhashay in Jaaliyadahii Reer Awdal ee Jaamacadda sidajoogta u soo kaalmaynayey ay niyadjab xoogle ku ridday, taasoo ay sababteeda leeyihiin Guddiga maamulka ee Prof. Suleymaan ka mas'uulka yahay. Bulshada lacagaha laga soo gurayo oo u baahan in ay maamulka ka helaan wixii lagu qabtay lacagahii ay bixiyeen iyo qorshe sanadeed ku talo gal miisaaniyadeed leh, midna lagama hayo ilaa manta. Markaan anigu Guddoomiyaha arrimahaas aan kala xaajoodayna, jawaabtiisii waxay noqotay " ILAAHA YOW NAGA XOREE KUW ANI" IYO "UMA BA AHNIN). Halkii tusaale ku dayasho muddan Bulshada soo koreysa loogu noqon lahaa, oo ay Jaamacadda Camuud u horseedi lahayd maamul iyo arday ka fayow cudurada Soomaali weyn maanta burburiyey ee Qabiil oo macnihiisu yahay:

QAB iyada oo QABna yahay kibir, Iilna yahay qabri. Waxa soo ifbaxay in Guddoomiyuhu horseed u noqdo dariiqa Qabiilka. Taasna waxaa u daliil ah qaabkii lagu kala saaray ardaydii qalinjabisay bishii March 2003,00 lagu kala saaray hab beeleed oo ah saddexda beelood ee Awdal ka kooban tah.aY. Aaway tartankii aqooneed ee ardayda lagu kala saari jiray meeshuu doono iyo ciddii uu doono ha u dhashee?

Waxaan si weyn idinkaga codsanayaa inaad go'aankiina ku darsataan tallooyinkan boos ku xusan:

1. Si 1oo helo deeq ka timaada dibada loona sii wada deeqda soo socota iyo heshiisyada aan la gali doono bilaha soo socda hay'adu muhiim u ah Jaamacada Camuud waxa 1oo baahan yahay in sida ugu dhakhso badan 1oo soo celiyo Qalabkii Caatimaadka ay qaateen Dr. Walhad iyo Dr. Qows. Markaasina lagu soo celiyo maaqasinka Jaamacada amba la siiyo Cusbitaalka Guud ee Borama . Haddii talaabadan la qaadi waayo wax deeq ah oo mustaqbalka u soo socota Jaamacada Camuud ma jireyso. Heshiishyadii aan la geli lahayn Hay'ada Caalamiga waxay noqon doontaa mid hakad la galiyo.

2. In la baabiyo Guddigan Gaarka ee uu abuurtey Gudoomiyuhu si ay ugu raacan go'aanada gaarka ee u wato. oo lagu bedalo Guddi Cusub oo ka kooban Aqoon yahanka degan Awdal si 1oo helo Guddi si hufan u darista baahida iyo Qorshaha ku talo gal ee ay qaadi doonto Jaamacada Camuud.
3. In la abuuro Guddi soo diyaarisa Miisaaniyadda Jaamacada ee sanad kasta si looga hortago lacag la'aanta haysata Jaamacada Camuud.

4. In la abuuro Gudi ardeyda Qalin jabisey si cadaalad ah u kala saarta, uuna qaybisa Scholarship Jaamacaddu bixiso.

5. In qoraal joogta ah laga sameeyo qodobada shirkasta oo ay Guddiga Jaamacaddu qabato si 1oo arko wixii laga shirey iyo wixii la go'aamiyey.

6. In Go'aan kasta oo ka soo baxa Jaamacada Guddiyadeeda 1oo soo Gudbiyo Guddigiina oo aan wax go'aan oo soo baxaa aanu go'aan noqon karin ilaa aad idinku ansixisaan.

7. In la sameeyo Guddi u qaabilsan la xidhiidhka bulshada reef Awdal ee dibada ku nool.

8. In talaabo adag laga qaado Gudoomiyaha Jaamacada iyo Gudiga Gaar ka ee sida sharci darada ugu gacan siiyey in ay hantidii bulshada siiyeen Dr. Walhad iyo Dr. Qows iyo go'aanidii sharci darada ahaa ee ay sarneeyeen.

Waxaan kalsami weyn ku qabaa inaad talaabo wax ku oo1 ah oo lagu toosinayo laguna badbaadinayo jiritaanka Jaamacada aad qaadi doontaan. Waxaan marnaba aan shaki igaga jirin xogogaalnimadiina, odaytinimadiina iyo afkaartiina wanaagsan ee dhallisay Jaamacadda Camuud ee gudaha iyo dibeddaba qadarrinta iyo sharafta aan la koobi Karin Ummadda reer Awdal meel kasta oo ay joogaanba loogu hayo.

C/laahi Xaashi Abiib, Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Dibadda Ee Jaamacadda Camuud.

Top


Xisbiga KULMIYE Oo Walaac Ka Muujiyay Digniinta Xawaaladaha Iyo Xaaladda Xukunka Degdegga Ah.

“Waxaanu Qabnaa Inaan Baanku Kasoo Bixin Xilalkiisii, Xawaaladuhuna Waxay Umadda U Hayaan Hawl Weyn”; “Ilaa Hadda Waxaa Lagu Dhaqmaa Xukun Deg-Deg Ah Oo Dadka Lagu Xidh-Xidhaa…” Shir-Jaraa’id, Axmed Siilaanyo.

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha xisbiga Mucaarad ka ah eeKULMIYE Axmad Maxamad Maxamuud ( Siilaanyo)ayaa war war ka muujiyey Xaalad deg deg ah oo uu sheegay in dalka ay ka jirto mar uu shalay shirjaraa’id kuqabtay xarunta dhexe ee xisbigaasi ee Hargeysa waxa kaleoo uu ay kaga hadlay gudoomiyuhu , digniin gudoomiyaha baanka Somaliland C/Raxmaan Ducaale uu u soo jeediyey xawaaladaha dalka ka hawlgala, kaas oo uu sheegay inaan xawaaladaha loo isticmaali karin sidii baananka.

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE oo ka hadlayey shirkaa jaraa’id ee shalay uu ku qabtay xafiiskooda waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, “Waxaan jecelahay inaan halkan ka cadeeyo, haddii aanu nahay xisbi Mucaarad ah oo sharci dastuuri ah, oo wixii kale laga heshiiyey, insha Allaahu waxyaabaha noo hadhsana dawladda iyo xisbiga dawladda ee UDUB, oo talada dalka gacanta ku haya maanta, laga yaabo inay wada hadalo noo bilaabmaan, oo arrimo badan oo danta qaranku ku jirto, inaan meel iska wada taagnana laga yaabo, axsaabta mucaaradka ah ee caalamka ka jirana waxa loogu talo galay inay gaadh ka hayaan, marba wixii danta umaddu ku jirto ee dawladdu ku dhaqaaqayso, ee markaa aan u muuqan inay maslaxadi ku jirto, inay axsaabtu mawqifka ay ka taagan yihiin cadeeyaan, wixii fiican ee talaabo ahna ee ay xukuumadu wado, waxaanu balan qaadaynaa, inaanu gacana siino kuna taageerno, oo aanaan kaga hor’iman, wixii aan munaasib ahayn ee danta ummadu ku jirin waxa waajib nagu ah, inaan ka hadalno, oo umadda u soo bandhigno”.
Axmed Siilaanyo isaga oo faahfaahinaya ujeeeda ay shirka jaraa’id u qabteen waxa uu yidhi “Seddex cisho ka hor, waxa warbaahinta Radio Hargeysa lagu celcelinayey, oo jaraa’idka qaar baahiyeen, arrin ku saabsan xawaaladaha iyo baanka, baaq uu soo saaray baanka dhexe ee qaranku, baanka dhexe isaga ayaa qaabilsan arrimaha xawaaladaha iyo sarrifka lacagaha, balse haddii aanu xisbiga KULMIYE nahay sida uu baaqaasi u soo baxay waxa uu ahaa mid aanu runtii aad iyo aad ula yaabnay, inkasta oo aanu ku taageerno gudoomiyaha baanka C/Raxmaan Ducaale waxyaabo badan oo uu qabto, laakiin waxaanu qabnaa hadalkaa ka soo baxay C/Raxmaan ee la xidhiidha xawaaladlayaasha iyo xisaabaadka u furan inaanu ahayn mid danta dadku ku jirto iyo digniinta sida caga-juglaynta ah loo siinayey, waxaanu qabnaa inaan baanku ka soo bixin xilalkiisii iyo waajibaadkiisii.

Bayaankaasi wuxuu ahaa nuxurkiisu isaga oo canaan u soo jeedinaya xawaaladaha, islamarkaana oo aad ogtihiin inay door weyn ka ciyaaraan nolosha dadka, shacbiga oo dhamina ay wada ogyihiin, maanta meesha qudha ee ay wax inaga soo galaan dad ahaan, isla markaana aan ognahay kaalintay dadka dibadda joogaa kaga jiraan dalka, waana meesha qudha ee ay wax inaga soo galaan, ka dib markii adhigu istaagay, cidda keliya ee dadkii dibada joogay iyo kuwa gudaha jooga wax u kala gudbisaana ay tahay xawaaladaha oo shaqo wanaagsan u qabta ummadda.
Baanka waajibkiisa u weynina wuxuu ahaa inuu ilaaliyo lacagta dalka ee la soo daabaco, inuu dhiiri-geliyo sidii ay baanan gaar ah oo dadweynuhu leeyihiin loo furi lahaa, dastuurkuna ogolyahay, qodobka dastuurka ee ogol in baanan khaas ah la yeesho, waa qodobka 13aad ee dastuurka qaranka, wuxuuna dhigayaa “Dawladdu waxay yeelanaysaa baan dhexe, oo hogaaminaya siyaasadda iyo ilaalinta lacagta dalka, waxa kale oo uu suurto gelinayaa jiritaanka baanan ganacsi iyo horumarineed, iyada oo mudnaanta la siinayo kuwa gaar ahaaneed”, haddaba su’aashu waxa weeye baanka dhexe intuu jiray?

Ilaa intii dalka la abuuray wuu jiray, oo dhawr iyo toban sano ah, haddaba haddii baanku jiray ma suurta geliyey inay baanan ganacsi oo khaas loo leeyahay ay furmaan? Iska daa dhiiri gelinoo wuxuu is-hortaagaya oo la dagaalamayo oo u hanjabayaa inay iyagu jiraan, berri dhaweyd waxa la sameeyey baan ganacsi, nidaamka uu baankeenu u samaysan yahay inuu yahay kii aynu Siyaad Barre ka soo guurnay oo magacyaashiisii huwan, oo intaynu ka soo guurnay halkii Soomaaliya laga odhan jiray aynu Somaliland ka dhignay, waa laan dhexe iyo laan ganacsi oo ay dawladdu leedahay, dadka mushaharka qaata mooyaane shacbigu waxba ma dhigto, aamin darraddaa baananka ku timid waxay bilaabantay wakhtigii Siyaad Barre, oo ay baanankii lacagtii ay dhigteen ka waayeen, shayga baanka la yidhaahdaa wuxuu ku dhisanyahay kalsoonida dadka, meesha uu ku aaminayo lacagtiisa iyo hantidiisa, nasiib wanaag dalkeena waxa u dhashay hay’adahaa lacagta ee xawaaladaha ah, oo dadka dibada ka soo dirayaa ay ku aaminayaan lacagtooda, qofka marka lacag loo soo diro, ee la yidhaahdo waxaan kuu soo dhignay xawaalad hebla, qofku xaq buu u leeyahay inuu yidhaahdo imika I wada sii lacagtaydii, iyo inuu yidhaahdo marba in baan kaa qaadanayaaye ii hay, inuu markaa xisaab u furaana waa waajib, intaaanu ka warqabno intaas bay sameeyaan xawaaladuhu, markaa hay’adaha adduunka anigu markii aan wasiirka maaliyada iyo qorsheynta ahaa dhawr jeer baanu kala hadalnay inay baanka dhexe isticmaalaan, waxay nagu yidhaahdeen laba xaalo midna u isticmaali mayno, ta hore dhigashada baanka dhexe dhiganaa waxay muujinaysaa Ictiraaf, Ictiraafna weli ma haysaan, taasna ma ogola hay’adahayagii dibadda wax nooga soo dirayey, mida kale, runta marka la eego kalsooni fara badan kuma ay qabin, shacbiguna kuma qabo taa.

Waxa baanka la yidhaahdaa waa amaano loo dhiibanayo, dadku meeshii ay doonayaan ayey wax dhiganayaan, haddii ay dhigteen, halkaa, waajibka baanka anagu waxaan u aragnaa, in loo caga-jugleeyo, inaanay ahayn, isla markaana uu sharciga siiyo, arrintaasina waxaan u aragnaa mid dastuurka, ummadda iyo danta qarankaba ka soo horjeeda”. Ayuu yidhi Siilaanyo.

Gudoomiyuhu waxa uu baanka ugu baaqay in talaabooyinka noocaas ahi weli u sii egaanayaan in weli lagu sii jiro nidaamkii hanti-wadaaga ee Siyaad Barre laga dhaxlay.

“waxaanu j ecelnahay inaanu dawladda ka codsano, inay talaabooyinka noocaas ah waxay u ekaanayaan inaynu weli ku sii dhegsanahay xukunkii Hanti-wadaaga ahaa, ee laga dhaxlay wakhtigii Siyaad Barre, oo ka ummaddaba baabi’iyey u ahaa, waxaanu anaga oo gudoomiyaha baanka iyo madaxda qarankaba ixtiraam iyo qadarin u hayna, waxaanu leenahay dariiqaasi maaha kii dalka iyo dadkaba u adeegayey, isla markaana waxaanu leenahay dhiiri-geliya oo haddii aad sharci soo saaraysaan, soo saara, sharciga dalku ku dhisanyahay iyo awoodaha uu leeyahay mid cad maaha. Fili maayo aniguna weli ma aan arag baananka wax sharciga ah ka soo saaraan xisaabaad wixii soo galay iyo wixii ka soo baxay, weli baanka dhexe yaa haya, qoraal ay soo saareen tobankaa sanadood, wixii ka soo baxayey sanad walba kharashkoodii iyo dakhligoodii iyo waxay ku fadhido oo dadweynaha loo soo saaray miyey jirtaa, way ku taalaa shuruucda bangiga.

Baankii dhexena wuxuu noqday hantidii dawladda oo khaliya, dadka iyo ummadduna waxay isticmaalaan hay’adahaa kale.

Waxaanu leenahay baanku taa ha dhiiri-geliyo oo yey u muuqanin in la cabudhinayo, wax badan baa dadka hadalkiisii la cabudhiyey, saxaafadii ayaa la cabudhinayaa, axsaabtii mucaaradka ahayd ayaa la cabudhinayaa, Radio Hargeysa meelo badan lagu cabudhinayaa, arrimahaasi waa arrimaha aan ka wada hadli doono, laakiin maanta waxaanu leenahay marka ay noo muuqato arrin aanu leenahay danta qaranka u adeegi mayso, waajibay nagu tahay inaanu cadayno mawqifka aanu ka qaadanayno” sidaa Waxa yidhi Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Axmed Siillaanyo waxa kale oo uu ka hadlay maxaabiista siyaasadda u xidh-xidhan, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaanu u soo jeedinay dawladda, oo la xidhiidha dastuurka iyo shuruucda dalka u taal, qodobadiisa la xidhiidha xuquuqda aadamaha, iyada oo ay had iyo goor laga eego dastuurka xuquuqda qofka, maanta waxa jira in dalkan ay joogno xaruntiisa Hargeysa ee Somaliland, in dalka lagu maamulo sidii ay xaalad deg deg ahi ka taagan tahay, awoodana waxa la wareegta guddida nabadgelyada, berri dhexe dawladdu waxay isku dayday inay soo saarto xaalad deg deg ah, si ay sharciga ugu furnaato in dadka la xidh-xidho, uguna furnaato talaabooyinkii loo baahan yahay deg deg loo fuliyo, intii uu noolaa marxuumkii alla ha u naxariistee, laakiin baarlamaankaa diiday, markaa dalka kama taalo sharciyan, dhaq-dhaqaaqii dadka, dad aan waxba galabsan oo xidh-xidhan, waxaasina waxay ka horimanayaan dastuurkii dalka, marar badan ayaa dastuurka loo adeegsadaa marka ay danta xukuumaddu gasho, laakiin marka ay sida kale tahay ee xuquuqda dadka la eegayana waa in dastuurka la eegaa”.

Dabadeed waxa uu mudane Siilaanyo ka akhriyey halkaas xeer u sheegay in lagu buriyey xeerka xaaladda deg dega ah. Isla markaana xeerkaa uu golaha baarlamaaku buriyey inaan xaalad deg deg ahi dalka ka jirin, go’aan burin xeer lambarkiisu yahay, 21 public order law oo loo cuskado marka xaalad deg deg ahi jirto.

Taasi oo uu sheegay inay baabi’inayso guddida nabadgelyada. Isaga oo intaa ku daray, qoraalkii uu soo qoray xoghayaha golaha wakiiladu, sanadkii 1999-kii oo uu u diray wasiirka xidhiidhka golayaasha.
“Ilaa haddana laguma dhaqmin, xaaladda deg deg ah baa lagu dhaqmaa, oo dadka lagu xidh-xidhaa, oo habeenkii dhaq-dhaqaaqooda lagu joojiyaa, oo rasaas lagu furaa markii la doono, arrimahaana waxaanu aragnaa, wax nabadgelyo darro ah oo dalka ka jirtaa a jirto nabadgelyo buuxda ayaa dalka ka jirta, oo xarunta dalka taala, oo taynu ku faano, ee aynu caalamka ka iibino, mida kale xuquuqda muwaadiniinta ee bani-aadminada yaan meel lagaga dhicin, qofna dastuurkeena uma banaynayo, in la iska xidho, mid uu wasiirka daakhiligu iska xidho maahee, qofka la xidhana maxkamadi waa inay ogolaataa, xabsigiisana ogolaataa, 48 saac wax ka badan lama hayn karo.

Waxa jira dad badan oo siyaasiyan u xidhan, ama taageerayaasha KULMIYE ah, xataa weftigii Ingiriisku uu noo sheegay inay madaxweynaha arrintaa isla soo qaadeen, haddaba waxa yaaba, xuquuqda bani-aadamka oo la jebiyey oo la sheegaa waxay inaga hortaagantahay Ictiraafka, laakiin sheegidoodu ictiraafka ma hortaagnee, waa burinta xuquuqda bani-aadamka. Haddaba waxaan markale ku celinaynaa dadkaa ha la sii daayo” ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Axmad Siilaanyo.

Top


Aragtida Maraykanka Ee Shirka Somalida Uga Socda Kenya.

BBC-Aragtida dowladda Mareykanka ee ku aaddan shirka kooxaha Soomaalida uga socda dalka Kenya ee hadda gaar ahaanna isku cakiran, ka dib markii la isku mari waayey tirada xubnaha baarlaamka ay Soomaaliya yeelanayso.

Iyo cidda soo dooranaysa ayaa Xasan Barise, waxa uu wareysi arrintaasi kala yeeshay sarkaalka xagga siyaasadda ee safaaradda Mareykanka ee Nairobi u qaabilsan Soomaaliya, Mr Glenn Warren.

Sida aad la socotidba, dowladda Mareykanka waxay ahayd taageere weyn xagga shirka dib u heshiisiinta Soomaalida, welina wey taageertaa, waana dhab in hadda uu shirku marayo meel adag, haddii wax horumar ah laga gaadhana beesha caalamku wey taageeraysaa shirka iyo weliba waxa ka soo baxa.

Laakiin haddii aan ka hadlo hadda mushkiladaha taagan anigu ma garanayo meel lagu heshiiyey in golaha baarlamaanka ee Soomaaliyeed uu noqdo 450 xubnood.

Balse waan ogahay in ay jiraan tiro hoggaamiyeyaal ah oo soo jeediyey tiradaasi, waxaanse rabaa in aan halkan kaaga sheego in beesha caalamku ay u aragto tiradaasi mid aad u badan labo sababood dartood oo midda hore ay tahay in tiradaasi oo aad u badan darteed in ay adagtahay in xubnaha baarlamaanku ay si wanaagsan u shaqeyn karaan.

Waxaanan rabaa in aan halkan ka xuso in dowladda Mareykanka oo dadkeedu dhan yahay 300 oo milyan oo qof ay leeyihiin labo aqal oo guud ahaan ka kooban 535 xubnood oo keliya, Soomaaliya oo ilaa siddeed milyan ahna waxay dad badani soo jeedinayaan 450 qof in uu noqdo baarlamaankeeda, waxaan u aragnaa in tiradaasi ay aad u badan tahay si ay si hufan ugu shaqeyn karaan, midda labaad aad ayey u adagtahay in dhaqaale ahaan taageero loo joogteeyo tirado xubno baarlamaan oo sidaasi u badan.

Waxaana intaasi wehliya in ay dhibaato ka taagan tahay cidda soo xulaysa xubnaha baarlamaanka oo qaarna ay leeyihiin waxaa soo dooranaya hoggaamiyeyaasha kooxaha, qaarna ay leeyihiin waxaa soo xulaya hoggaamiye- yaasha dhaqanka, laakiin anigu waxaan rabaa in ay isku jirkooda hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo kuwa siyaasadda ay si wadajir ah u soo xulaan.

Xagga hirgelinta midhaha shirkana waxaan rabaa in aan kuu sheego in shirkani ay inta badan siyaasiyiinta Soomaalida joogaan, beesha caalamkuna ay u dhan tahay kuna lug leedahay.

Sidaasi darteed dowladdii halkan ka dhalata beesha caalamku wey taageeraysaa dhinacyada kala geddisan ee dib u dhiska, laakiin kama hadli karo in ay jiri doonaan ciidan ballaadhan oo nabad ilaalineed oo Soomaaliya la keeno xilligan la joogo, laakiin waxaa jirta in Midowga Afrika ay ka shirayeen beryahanba in Soomaaliya la geeyo ciidan ilaalo xabbad-joojinta ah iyo ciidan nabad ilaalineed.

Laakiin ciidan intaasi la eg wuxuu noqonayaa mid ku kaca kharash aad u badan, beesha caalamkuna waxay eegi doontaa bal waxa uu Midowga Afrika soo bandhigo oo uu soo jeediyo kharash ahaan, runtiina xareynta maleeshiyooyinka iyo hub ka dhigista waxay noqon doonaan furaha dhismaha dowlad Soomaaliyeed.

Waxaan kaloo rabaa in aan halkan ku daro in intii aan mar-marayey Soomaaliya iyo sheekooyinkii aan la yeeshay hoggaamiyeyaasha Soomaalida halkan Mbegathi waxaan arkay in ay dadka Soomaaliyeed taageersan yihiin dib u heshiisiinta iyo nabadda.

Laakiin ay haddana inta badan u rabaan si iyaga u gaar ah, waxaan doonayaa in u soo jeediyo in ay aragtidooda ka fogeeyaan rabitaankooda gaarka ah, waxaana la doonayaa in la isu tanaasulo, shacabka Soomaaliyeedna ay hoggaamiyeyaashooda Mbegaathi jooga cadaadis ku saaraan in ay maslaxadda Soomaaliyeed u tanaasulaan, taasi ayaa aad muhiim u ah. 

Top


Doon Siday Dad Qaxooti Ah Oo Ku Qarqantay Badda Tunisia.

BBC-Doonta oo ey saarnaayeen dad lagu qiyaasay 250 qof oo loo maleynayo inay u kala dhasheen dalal ka tirsan qaaradda Afrika waxaa ey ku gadoontay biyaha caalanka ee Mediterraneo, meel sagaashameeyo kiilomitir u jirta dekedda Tuuniska ee Sfax.

Waxaana masiibadu ay dhacday saacadihi u horreyey ee shalay, waxaana goobta uu shilku ka dhacay u soo gurmaday maraakiibta Tuuniska oo dhibaatoyin aan yareyn kala kulmayaa hawlaha badbaadinta madaama baddu ay aad u kacsantahay.

Waxaana u suurogashay in ay samatabixiyaan 41 qof. Waxaana ay soo saareen meydka 20 qof. Haseyeeshe waxaa la la' yahay oo laga cabsi qabaa inay badda liqday qiyaastii 190 qof.

Sida laga soo xigtay wakaladda wararka Tunisiya Tap, muhaajiriinta waxaa doonta ey ka soo raaceen dal daris ah, waxaana ey u soo socdeen xeebaha dalka Talyaaniga.

Waana masiibadii labaad oo dhowr maalmood gudaheeda ka dhaceysa badda Mediterraneo, iyado isniinti la soo dhaafay ey gadoontay doon ey la socdeen dad tahriibaayey.

Saddex qof oo ka badbaaday shilkaasi waxaa kalluumeysatadii u soo gurmatay ey u sheegeen in doonta ay la saarnayeen toddobaatan qof.
Ciidamada xeebaha ilaaliya Tuniiska iyo kuwa Talyaaniga, oo hawlo gurmad ah dhaqaajiyey, waxaa ey heleen lix qof oo meyd ah.

Isla maantay doon kale, oo sidday 100 qof, oo gadoomi rabtay waxaa u soo gurmaday oo badbaadiyey maraakiib Talyaani ah. Waxaana la soo saaray doon ka mid ah kuwa xeebaha ilaaliya, oo u soo qaaday ilaa iyo jasiiradda la yidhaahdo Lampedusa.

Toddobaadkakan gudahiisa waxaa xeebaha konfureed ee talyaaniga soo gaadhay ka badan kun muhaajiriin. Bishatan Juunyo oo kaliya tiradu waxa ey ku dhawaaneysaa ilaa iyo saddex kun oo qof, oo ey ku jiraan dad u dhashay dalka Soomaaliya.

Top


Madaxweyne Bush Oo Booqan Doona Afrika.

BBC-Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegey in madaxweynaha Mareykanka, George W Bush uu booqashadiisii ugu horeysa ku tagi doono Afrika bisha soo socota.

Madaxweynuhu waxaa uu booqan doonaa dalalka Senegal, Koofur Afrika, Bostswana, Uganda iyo Nigeria.

Booqashada Madaxweyne Bush ayaa waxaa markii hore la qorsheeyey bishii Janawari, hase yeeshee waxaa baajiyey isu diyaarintii dagaalkii ka dhanka ahaa Ciraaq ee uu Mareykanku hogaaminayey. Wariyeyaashu waxay sheegayaan in ajandaha booqashadu uu yahay dadaalka ka dhanka ah argagixisada, viriska dhaliya cudurka Aids-ka,iyo horumarinta dhaqaalaha Afrika.

Bishii la soo dhaafey Madaxweyne Bush ayaa sheegey qorsheyaal lagu bixinayo lacag gaadheysa 15 bilyan oo doollar shanta sanadood ee soo socota si gacan looga geysta la dagaalkanka cudurka Aids-ka ee ka jira Afrika iyo dalalka.

Top


Midowga Yurub Oo U Cadeeyay Dastuur Cusub.

BBC-Shirweynaha waddamada Midowga Europe oga socda magaalada Porto Carras ee waddanka Greece ayaa looga codeeyay dastuur cusub oo uu yeesho Midowga Europe.

Hawsha shirka ayaa saaka lagu bilaabay hadal uu jeediyay Madaxweynihii horee ee waddanka France Giscard d'Estaing oo ku saabsan qoraalka hindisahiisa uu ku dalbayo Madaxweyne Joogta ah iyo wasiir arima dibadeed oo Midowga Europe uu yeesho iyo qodoba kale.

Midowga Europe ayaa aqlabiyad weyn ugu codeeyay Qoraalka Dastuurkaasi oo aasaas u ah dastuurka mustaqbalka uu yeelan doono Midowga Europe.

Raiisal Wasaaraha Greece Costas Simitis ayaa sheegay in qoraalka Dastuurkaasi haatan la soo hordhigi doono oo looga baarandegi doono shir dowladaha EU ay yeelan doonaan xilli dambe sanadkan.

Dokumentigan ayaa la saxeexi doonaa in yar ka dib marka 10 waddan oo cusub ay ku biiraan Midowga Europe, xiligaasi oo u beegan Kowda May sanadka 2004-ta.

Top


Maraykanka Oo Raad-Guraya Madaxweynihii Ciraaq, Saddam Xuseen.

BBC-Saraakiisha Gaashaandhiga ee Mareykanka oo sheegaya in ay kordhinayaan baadigoobida Saddaam Xuseen, ka dib markii ay ciidamadu heleen warar sheegaya in uu Saddaam wali nool yahay oo uu joogo Ciraaq.

Waxaa jira warar soo xoogeysanaya oo ay isla dhexmareyaan qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Mareykanka oo sheegaya in Saddaam Xussuun uu wali nool yahay, kuna sugan yahay Ciraaq.

Wararkii ugu danbeeyey oo aragtidaas xoojinaya ayaa waxaa laga helay gacanyarihii madaxweynihii hore Saddaam Xusseen, Cabdi-Xamuud Maxamuud oo ahaa ninkii ugu dhawaa oo ilaa iyo hadda ay Mareykanku gacanta ku dhigaan.

Ciidamada Mareykanka ayaa shantii maalmood ee ugu danbeysey su'aalo ku weydiinayey ninkaas saldhig uu Mareykanku ku leeyahay magaalada Baqdaad.

Mr. Maxamuud ayaa lagu soo waramey in uu sifeeyey qorshe Saddaam Xusseen iyo labadiisii wiil, Uday iyo Qusay ay ku kala tageen si ay u kordhiyaan fursada ay uga samatabaxayaan ciidamada Mareykanka oo markaas oo lagu jiray bisha April ku soo durkayay magaalada Baqdaad.
Wararka ninkaa laga helay ayaa sheegaya in isaga iyo labadiisa wiil ay u fakadeen dalka Suuriya, hase yeeshee saddexdooda ay dowladda Siiriya ay dalkooda ka soo eriday oo ay ku qasabtey in dib ugu soo laabtaan Ciraaq.

Saraakiisha wasaarada Gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegaya in sidoo kale ay xog wadahadal ah in ay ka heleen qalabka isgaadhsiinta. Xogtaas waxaa isweydaasanayey xubnaha baxsadka ah ee hore uga tirsnaa dowladdii Ciraaq, waxayna taageereysaa aragtida ah in uu wali nool yahay Saddaam Xusseen.

Hase yeeshee haddii ay run yihiin waxa uu sheegay Mr. Maxamuud, warkaasi waxaa uu noqonayaa kii ugu muhiimsanaa oo ilaa iyo hadda la xidhiidha hogaamiyihii Ciraaq.

Warkanina waxaa uu soo baxay waqti ay dowladda Mareykanku ku eedeyneyso dad wali daacad u ah Sadaam xuseen in ay qaadaan weerarda kordhaya ee ka dhanka ah ciidamadooda Ciraaq. Hase yeeshee, sharaxaadan ayaa waxaa diiday dad badan oo Ciraaqiyiin ah oo dhaliisan in Maeykanku uu xoog ku heysto Ciraaq.

Top


Maxaa Lagu Casilay Ra’iisalwasaarihii Finland, Warbixin - Cumar Cabdi Nuux.

Raysalwasaarihii Finland Anellij enm ayaa is casilay maalintii arbacadii ka dib marki shir la isugu yimid Barlamanka dhexdiisa ah halkaa oo ay dalbadeen Xisbiga mucaaridka ah ee SDP isla markaana ahaa xisbigii dawlada la dhisay Xisbiga Keskusta ee Raysalwasaaruhu ka soo jeedo. iscasilidan ayaa ka danbaysay ka dib markii Raysalwasaaraha Finland ka hor intaan la dooran ay soo gashay gaacanteeda sir ay ka wada hadleen Raysalwasaarihii hore ee Dalka Finland Mr. Paavo lipponen oo ahaa Xisbiga SDP,iyo Madaxweynaha Dalka Maraykanku mar ay wada kulmeen ka hor intii aanu dhicin dagaalkii Ciraaq lagu qaaday halkaas oo arimaha ay ka wada hadleen uun ay ogayeen wasaarada arimaha Dibada ee Dalka Finland. iyo Xisbiga talada haya markaa (SDP) sirtan oo gacanteeda uu soo galiyay la taliyihii Madaxweynaha oo ay isku xisbi ka soo jeedaan Raysalwasaarahan danbiga lagu oogayo La talihaa Madaxweynaha oo layidhaahdo Martti Manninen.

Sirtan oo runtii ay labadan ruux ee ka tirsan Xisbiga Keskustadu ku kaanbayngareeyeen runtiina la odhan karobo guusha ayay sirtani u soo hoysay maadaama oo maalinwalba ay ugu hanjabijirtay mediyaha waa in dibada la keenaa waxa ay ku wada hadleen Mr. Paavo Lipponen (Raysalwasaarahii Finland) iyo Madaxweynaha Maraykanaka ee Mr. Bush.

Dadka Finland oo shucuurtoodu aad u kacsanayd ahaana dagaal diid ayaa deeto codkoodii siiyay maadaamo oo ay ahayd ruux diidadan dagaalka ciraaq isla markaana hor is taagaysay Xidhiidh walba oo ku lug yeelan kara Caawimada maraykanka iyo xulufadiisa.

Sirtan ayaa ka qudhuntay ka dib markii ay haysay xukunka muddo ka yar 2 ba bilood baadhisna lagu sameeyay waxyaaabihii hanjabaada badan keeni jiray aya waxaa la helay warqadan oo gacanteeda soo gashay baadhis markii lagu sameeyeyna ay si difaacday. Se waxaa fashiliyay markii wasaarada arimaha dibada arinkaa la waydiiyay iyaguna ay qireen in aanay sirna dibada u bixin ayaa waxaa arinkan qirtay La taliyiihii Madaxweynaha oo la yidhaah Mr. Martti Manninen, Mr. Manninen una sheegay Looyarkiisa Matti Wuoren ish Mr. Matti waxa uu sheegay in eedaysanaha uu looyarka u yahay iyo Raysalwasaarahani ay ku kulmeen inyar ka hor inta aan canbaynkii doorashada la galin in Baar Magaciisa la yidhaah Mamma Rosa baarkaas oo ay Anelijteenmki ku siisay Number Fax u gaar ah iyada halkaas oo Mr. Matti Maninnen uu usoo Fax gareeyey Warqadaa Sirta ah.

Hase ahaatee Raysal wasaarahan oo intii hore is difaacayay ayay dhulka ooga dhacday markii la sheeegay in uu qirtay eedaysaniihii soo gudbiyay sirtu in uu qirayo in isaga iyo iyaduba ku lug lahaayeen arintaa sirta ah.

Arbacadii kulankaa barlamanku kulmay ayaa Xisbiga SDP ku qasbay in ay is casisho isla markaan ay keenaan Keskusta Ruux kale ilaa Keskusta oo si dagdag ah isku afgartay in ay keeni doonaan Raysalwasaare Cusub ilaa iyo Arbacada soo socota ee bisha 25tankeeda.

Hadaba booskan oo loo tuhunsanyahay in ay ay qabsan doonaan ninka la yidhaah Matti Vanhanen oo ah Wasiirka gaashaandhiga ahaana murashaxii afhayeenka Xisbiga Keskusta, ama Timmo Kallio oo ah Xildhibaan barlamanka oo ka tirsan ahna af hayeenka Xisbiga ee haatan.

Cumar Cabdi Nuux, Finland.

Top


Koffi Annan Oo Ugu Baaqay Madaxda Somalida Inay Isu Tanaasulaan.

Xoghayaha guud ee Qarammada midoobay Kofi Annan ayaa habeen hore ka qaybgalay kulan ay isugu yimaadeen golaha Ammaanka ee Q/Midoobay, waxaana kulankaasi looga arrinsaday Arrimaha Soomaaliya, waxayna goluhu isku raaceen in la taageero shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee haatan ka socda Magaalada Nairob. Kofi Annan oo la hadlayay xubnaha Golaha Ammaanka ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in kooxaha siyaasadda Somalia ay isku sameeyaan Tanaasul si loo soo afjaro dagaallada 13-ka sano ka taagnaa gudaha Somalia.

“Waxaa loo baahan yahay in shacabku uu taageero shirka si ay carruurtooda ugu helaan waxbarasho isla markaana dalka lagu soo dabbaalo nabad iyo kala dambeyn” ayuu yidhi Kofi Annan oo intaa raaciyey “Waxa uu golaha Ammaanka in Somalia todobaadyadii dhawaa ay ka dhacayeen falal aad u xun-xun oo dhinaca Bani’aadamnimada ah”, wuxuuna soo jeediyey in loo baahan yahay in la joojiyo falalkaas aadka u xun-xun.

Hadalka ka soo yeedhay Kofi Annan waxa uu ku soo beegmay xilli uu gabo gabo marayo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, lana filayo in horraanta bisha July la filyo in lagu dhawaaqo dowlad Soomaaliyeed.

Abdulfatah Sheikh Omer Arale, Madras, India.

Top


Ganacsato Iyo Hoggaamiyeyaal Siyaasadeed Oo Ku Shiraya Urdun.

BBC_Ganacsatada adduunka iyo hogaamiyeyaal siyaasadeed ayaa shir uga furmayaa dalka Urdun waxayna ka wadaxaajoon doonaan arrimaha gobolka oo la filayo in ay hadheyso dhibaatada qorshaha nabadeed ee Barriga dhexe iyo dhib u dhiska Ciraaq dagaalka ka dib.

Shirka gaarka ah ee dhaqaalaha Adduunka ee soconaya seddexda maalmood waxaa marti galiyey boqorka Urudun Boqor Cabdallah.

Madaxa Ururka Dhaqalaaha Adduunka ee WEF, Klaus Schwab ayaa sheegey in ganacsigu uu door weyn ka cayaari karo soo celinta xasiloonida gobolka,isagoo kobcinaya dhaqaalaha.

Xogyaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Colin Powell ayaa hadal ka jeedin doona shirka maalinta Axadda, ka dib markii laga wadaxaajoodo qorshaha nabadda ee loo yaqaano Roadmap oo ay gacanta ka geysteen diyaarintiisa Ururka Midowga Yurub, Rushka iyo Qaramada Midowbey.

Wafuuda ayaa waxay kale oo eegi doonaan culeyska koraya ee dadka Bariga dhexe ay ku doonayaa isbedelka, waxayna ka wadahadli doonaan wafuudi ilaa iyo inta laga yaabo in uu isbedel walba yahay dimuquraadi.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Warqad Furan Oo Talo Ah.

Waxaa marka hore Mahadnaq mudan EEBE. Eebe Koreeye waxa uu ummadda reer somaliland ku manaystay caqli caafimaad qaba, Dad Aqoon leh, Wadadaado, Salaadiin, Caaqilo, Nabadoonada, iyo Dumar qiimahooga iyo qayahooda aan la sifayn karayn kuwaasoo dhamaantood ka siman in tanaasulaad la yimaadaan marka ay timaado arimo cakirani wejigay doonaanba ha lahaadaana oo wax walba ka hormarinaya ta dalka iyo shicibka qiimo iyo qaayaha leh.

Mudane madaxweyne waxaan marka ku xigta kuugu soo hambalyeynaynaa jagada madaxweyninimo ee aad ku guuleysatay oo ah mid taariikhda Somaliland baal dahab ah ka geleysa maadaama aad noqotay madaxweynihii u horeeyey ee shacabkiisu ku soo doortaan si dimuqraadiyad ah oo aan caadifad qabiil ku jirin.

Waxaa iyadana Xusid mudan khudbadaadii sharafta lahayd ee 18-kii May aad ka jeedisay Khayriyada Hargeysa ee Xambaarsanayd in aad soo dhisi doonto Dawlad Tayo Leh, dadkuna u wada riyaaqeen, waayo waxa dadka dishooday nin danayste ah oo wadanka u horseeday boob iyo sicir barar.
Markaa madax weyne waxan kugula talinaynaa qodobadan hoos ku qoran:

1- In aad rumayso balanqaadyadaadii nuxurka xambaarsanaa oo ayna kaa noqon ( QOWDA NAQASHII WAXNA HA U QABAN) sida lagu yaqaano madaxda afrika.

2- Waa in adiga iyo dawladaaduba Awooda saartaan sidii wadankan Ictiraaf ugu raadin lahaydeen. Haddii anaguna nahay Jaaliyadaha iyo shacbiga Somaliland ee qurba jooga dhinacayaga waan ka dheeli tiraynaaye.

3- Waa inaad ka rumaysaa inaad soo dhisto Dawlad tayo leh sidaad ku balan qaaday adoon qabiil u eegayn, kana fogaataa waxii dadka iska hor keenaya sida ka muuqatay raacii hore ee wasiiradaada.

4- Waa in aad ku dadaashaa sidaad ugu baraarujin lahayd golayaashu in ay soo dedejiyaan siday u dhamays tiri lahaayeen shuruucda ka dhiman Golihii Baarlanka ee shacbigu soo dooran lahaa dawladaadana la xisaabtami lahaa sidii ugu dhaqsiyo badan ee loo soo dedejinlahaa.

5- Waa in aadan cidna u habran ee ninkii dalka iyo dadka si daacad ah ugu shaqaynaya aad xilka u dhiibtaa kii kalena aad ka qaadaa (Nin xil qaaday eed qaad).

6- Waa in aadan ku degdegin xil ka qaadista Qofka xilkiisa gudanaya kana furaysataa dhegaha afmiishaarada laakiin aadla samaysaa wadata shiyo badan xisbiyada mucaaradka oo mudan qadarin dheeraada maadaama ay ka maqan yihiin garoonkii awood qaybsashada ee ay xaqa u lahaayeen , aqoon yahanka, wax garadka iwm.

7- Mudane madaxweyne waa in aad ku dadaashaa Gobolada bariga ee Somaliland sida ugu dhaqso badan in aad ku dadaasho in maamulku gaadho qiimo kasta oo ay ku kacayso, haddii kale waa riyo Ictiraafka aan raadinaynaa.

8- Mudane Madaweyne waa in aad adiga iyo Dawladaadu xooga saartaa sidii looga hirgelin lahaa Lacagta somaaliland in gobolada bariga khaasatan Burco iyo Ceergaabo looga isticmaali lahaa, la iskuna iskuna taxa lujiyaan sidii looga tirtiri lahaa lacagahan faalsada ah ee soomaaliya ee ay isticmaalaan.

9- Mudane madaxweyne Eebe waxa uu yidhi Haddii aad balan qaad samaysaan sidiisa u oofiya , Markaa waxan kugula talin lahayn in aad fuliso balan qaadyadii aad u samaysay shacbiga somaliland markii kaambaynka doorashooyinka aad waday ee aad wadanka ku wareegaysay.

Mudane madaxweyne waxan mar labaad kuugu hambalyeynaynaa shanta sano ee soo socota ee shacbigu kuu doorteen in aad hogaanka u qabato waxananu ku leenahay Ilaahay ha kugu garab galo , talada wanaagsan ha ku waafajiyo , Haddii aan anaguna nahay jaaliyadaha somaliland waxii talo iyo tusaale ama hiil iyo hooba leh waan kula garab taaganahay. Wa bilaahi tawfiiq.

Afhayeen jaaliyada waqooyiga Yurub, Eng: Caalin cige Gaboobe.

Top


Burkaba Bahal Kama Filan.

Wufuudii ka kala timid aduunyada ee goob jooga ka ahayd doorashadii madaxweynaha Somalilanad waxay ku tilmaameen in doorashadu ahayd tii ugu caddaalad sanayd ee mugdi iyo musuqmaasuq ka reebanayd ee ka dhacda Qaaradda Africa, taasoo shacbiga Somaliland iyo gudidii qabanqaabisay doorashada ku ammaananyihiin islamarkaana waxaa laga filayaa dawladu inay dhiiriso democraadiyaddaa shacbiga Somaliland ku caano maalay iyo madaxbannaanaant Jara’idka iyo weriyaasha (ayaguna waajib waxaa ku ah inay tixgeliyaan sharciga wadanka u yaalla ) Waxaase lalayaabay hayadda African Rights ee loo dhisay inay ilaaliso xuquuqda aadanaha, una sinnaato dadka iyo xisbiyada siyaasiga ah oo qortay war bixin ballaadhan oo 15 xaashiyood ah kuna saabsan badanaa cabashada xisbiga Kulmiye.War bixintaa hayaddu ku baahisay shabakadda Internedka oo lagu cambaaraynaayo dawladda Somaliland, taasoo loogu talagalay in magaca, sharafta, iyo aqoonsiga Somalilandna shaki lagu gelinaayo.

Markaa dawladda Somaliland waa inay u saarto guddi madax banaan oo ogaata waxa ku kalifay hayaddan ilaalisa xuquuqda aadanaha (African Rights) inay fidiso hayaddu waxaan laaqigeeda ahayn. Guddigu waa inay hubiso in hayaddo jebisay sharciga u yaala hayadaha caalimiga ah ee ilaaliya xuquuqda aadanaha oo haddii ay jebisay sharcigooda, iyo ka Somalilandba, waa in dawladda Somaliland talaabo cad ka qaado oo sharcigana lala tiigsadaa.War bixintta hayaddu qortay waxaa ka mid ah:

i) Cinwaanka ay siisay war-bixintta oo adduunyada wargelinaaya in dawladda Somaliland la jad tahay qawlaysatadii Somaliya xaga xuquuqda dadka: ( Somaliland shadows of the past as human rights deteriorate )

ii) Xaashida labaad waxa kaloo ku qoran:

In shaki jiro in Guurtidu fara-gelisay ama afduubtay gaba-gabadii doorashada madax weynaha, sidaa awgeed, waxaa lagaa rabaa in hayaddu cadayso halka Guurtidu ku dhabqisay go’aankii doorashada madax-weynaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

iii) Waxa kaloo xaashidaa labaad ku qoran in dumar iyo caruur la ciqaabay ama la karbaa-shay, taaso hayaddu tusayso aduunyada in dawladda Somaliland ku kacdo falal ka soo horjeeda xuquuqda aadanaha.

iv) Xaashida 12naad, isla war-bixintaa waxaa ku qoran gabay uu tiriyey Mr.Qaasim 1964 oo uu ku tilmaamaayey maamulkii Muuqdisha ka taagnaa waqtigaa iyo dawladdii Ingriiska ee mustacmaradda ahayd ee dalka Somaliland laga eryey inay isku mid ahaayeen (there is no difference between the white man I chased away and the one who took his seat), markaa maanta African Rights waxay Is-barbar dhigtay dawladda Somaliland iyo muaamulkii qawlaysatada ahaa ee Somaliya ( maamulkii Afweyne).

Wax kasta ha ku kalifaane hayadda African Rights laga aqbalimaayo war bixin masaxaysa sharafta Somaliland ku leedahay aduunyada, hakinaaya aqoonsiga Somaliland dadaalka ugu jirto. Hayaddu ha ogaato inay dhabarka Abley kaga dhufatay Somaliland, inkastoo kuwa ka waaweyn oo hore ugu dhacay ka badbaaday.

Mahad Eebe ayaa leh, Sahra Hassan.

Gudoomiye ku xigeenka S.S.C.

Email:somsalcouk@hotmail.com 

Top


Duruufaha Gobolka Sanaag.

Gobolka Sanaag waxa uu ka mid yahay gobolada Somaliland ee Ilaahay kheyraadka ku manaystay, sida xoolaha nool, beeyadda, kaluunka, Dayibka qoryaha doonyaha. Tusaale ahaan magaalada Laasqoray waxa ka samaysan wershed kaluun oo qasacadeysa kaluunka inta kaluunka soo hadhana dibada ayey u dhoofiyaan iyaga oo geeya Cumaan, Dubay, iyo meelo kale. Waxay leeyihiin iskaashatooyin kaluunka jilaabta oo geeya Yemen iyo Khaliijka oo dhan.

Qoriga dayibka ah waxa loo dhoofiyaa Xadra-Mawt.

Kaluunka qasaacu waxa uu tagaa Soomaaliya, Somaliland, Yemen iyo Khaliijka, intaas waxa dheer adhiga oo ka dhoofa.

Magaalada Maydh waxa ka dhoofa adhiga oo loo diraa Khaliijka iyo Yemen, beeyada ayaa ka dhoofta oo khaliijka qarqisa, intaas waxa dheer laashash ajanabi ah oo kaluumaysato oo lacag fii ah laga qaado, iyo qoriga Dayibka.

Iyada oo gobolkaas uu kheyraadkaas leeyahay, dakhligaas oo lacag adag ahina uu ka soo galo kheyraadka haddana Somaliland wax dakhli ah uma soo xereeyaan iyo cashuur qaran midnaba.

Iyada oo sidaasi jirto ayaa haddana qaataan qayb libaax saamiga dhaqaalaha ee Somaliland iyo xilalkaba, gaar ahaan xilalka ilaha dhaqaale, sida wasaaradda maaliyadda iyo bangiyada. Saddexdii wasiir ee u dambeeyey wasaaradda maaliyada saddexduba waxay ahaayeen gobolka Sanaag. Gudoomiyaha baankuna bedel ma leh.

Haddaba waxaanu ka codsanaynaa, wasiirka maaliyada iyo gudoomiyaha baananka Somaliland inay dawladda iyo qaranka u soo xereeyaan dakhliga xaqa loogu leeyahay ee gobolkooda ka soo baxa ee ay iyagu gaar ahaanta u qaataan. Haddii kale waa inayna noo miismiisin inta yar ee Berbera iyo Hargeysa ka soo baxda.

Axmed Maxamed Faarax (Gamaame), Hargeysa.

Top


Maxaa Qabsoomay, Maxaase Qabyo Ah?

"A Guled", adguled@hotmail.com

Waxa laga joogaa muddo gaadhaysa 12 sannadood markii Somaliland ay la soo noqotay madaxbanaanideedii, iyada oo ujeedada loola soo noqdayna ay ahayd ka dib markii taliskii siyad barre uu si axmaqnimo ah ula dhaqmay shacabka reer Somaliland isaga oo markaa ku fikiray inuu baro kac iyo jahawareer aanay waligood ka soo noqon uu ku rido. Waxa jiray in siyaad barre uu qaxooti ka socda kililka shanaad uu si xad dhaaf u soo dejiyo dalka meelkasta isaga oo ku yidhi idinka ayaa iska leh oo dhaxli doona meesha, tasoo marka aad u fiirsato aad ka dheehan karto nacayb uu u qabay shacabka Somaliland oo uu is lahaa kaba saar dalka oo meelna yaanay yeelan hana ku noqdaan qaxooti meesha ay u dhashen sida palastine ka dhacday, markaasoo ay Somaliland ay u adkaysan waayeen iyaga oo u fikiray inay dhaanto dhimasho halka ay sidaa ka noqon lahayd…thnx for that.

Waxa hadaba amaan mudan sida raganimoda leh ee ay shacabka Somaliland ugu dhabar adeygeen wax kasta oo ay soo mareen iyaga oo jab, qax iyo jahawareer u soo maray nabadan ay haystaan taasoo la odhan karo waxa aanay ka jirin wadamo badan oo ka mid ah caalamka.

Hadaba ta isweydiinta lehi waxa weeye maxaa hortaagan ictiraafka Somaliland?

Waxa cidkasta ay ogtahay in Somaliland lagala dagaalamay dhinac kasta taasoo ay ugu weynayd dhinica dhaqaalaha iyada oo laga joojiyay xoolihii ay dhoofsan jireen, markaasoo loo arkayay in lagu jilciyo waxaanan anigu odhan karaa waxay ahayd cuno qabatayn tii ugu xumayd ee caalamkan soo marta, waxaana hubaal ah in haddii ay wadan kale ku dhici lahayd sheekadan oo kale ay noqon lahayd mid caalamku xusuusto oo taariikhda gasha..haboon tahayna in la xuso oo aan la ilaawin hadaynu nahay shacabka Somaliland.

Hadaba maxaa sababay in sidaa loola dagaalamo dal yar oo ku yaala geeska Africa oo aan wax dhibaato ah u geysan cid iyada oo la wada ogyahayna in la dulmay oo la baabiiyay. Yaase ka masuul ah cunoqabatayntan saaran ilaa iyo 1997kii Somaliland markaasoo ahayd markii xoolaha Somaliland sida tooska ah looga joojiyay suuqii ay u iibgayn jireen.? Maxaase loo dooni waayay suuq kale oo bedela?

Waxa jira cadow shisheeya oo aan kugu dhex jirin iyo mid sokeeye oo kugu dhex jira.

Wadanka Egypt waa dal ku yaala waqooyiga Africa waana dalka maamula jaamacadda carabta una aabaha ah marka la eego carabta, waa dalka ka dambeeyay cunoqabataynta Somaliland kana masuul ahaa in sucuudigu uu joojiyo xoolaha Somaliland iyaga oo ku macneeyey xanuun iyo wax la mida ujeedada ay u joojiyeen. Sababta ku dhalisayna waxa weeye sida la ogyahay caalamkan wax interes la yidhaahdo ayuu ku wada socdaa markaa
Markii ay Egypt eegtay danaheeda gaarka, markii ay aragtay khatarta kaga soo fool leh haddii ay Somaliland noqoto wadan madax banana oo ka madax banaan somalida inteeda kale, markii ay aragtay in wadanka la yidhaahdo Ethiopia uu ku noqon karo dhibaato suurto galna ay noqon karto inuu ku ciddhiidhiyo biyaha wabiga Nil, taasoo sida la ogyahay ay in badan muran ka dhex taagnaa arintaas iyada ah, markii ay ogaatay in Somalia ay noqon karto wadanka kaliya ee joojin kara Ethiopia, ayay waxay go’aan ku gaadheen inay doonaan wax kasta oo hubin kara in aanay Somaliland noqon wadan ka madax banan Somalia inteeda kale waxkasta oo ay noqotana ay sameeyaan inay is hortaagaan Somaliland horumarkeeda. Markaasoo ay ogaadeen in laf dhabarta Somaliland ay tahay dhinaca xoolaha kadibna ay u fikireen inay ka joojiyaan xoolaha ay u dhoofiyaan sucuudiga. Iyada oo ay ogaayeen in sucuudigu yahay wadanka kaliya ee sida aadka ah iibsada xoolaha Somaliland. Waxa ay is lahaayeen marka xoolaha laga joojiyo way jilci dadkan oo markaana maxkasta oo loo soo jeediyo way ogolaan doonaan. Lakinse may dhicin ilaa imika.

Waxa hadaba isweydiinta lehi waxa weeye xukuumadda Somaliland maka soo baxday hawsheedii ay u haysay shacabkan masaakiinta ah ee rajo ku noolka ah? Jawaaabtu waa maya, iska daa inay ka soo baxaane waxay ugu dareen musuqmaasuq iyo dhibaato aanay ka soo kabteen dadyow kale oo ku dhaqan caalamka haddii ay ku dhici lahayd, sida cadna shacabka Somaliland waxa isugu biiray labo dhibaato oo kala ah mid gudeed iyo mid dibadeedba. ta dibada waynu taataabanay waxaanay ahayd in lagala dagaalamo dhaqaalaha si loo hubiyo in laga saxeexo waxkasta oo ay dadyow dano gaar ahi lehi wataan.

Ta gudaha haddii aan ka hadalno waxa la ogyahay in dhaqaalaha Somaliland uu u gaar yahay dadyowga maamulka haya iyaga oo aan kuba fikirin hawsha ay qaranka u hayaan. Taasina ay sababtay maamulka sare. Haddii maamulka sare hagaagsanaan lahaana aanay suurto gal noqoteen inay sidaasi dhacdo. Waana ta sababtay in dhakhtarkii hargeysa ay haysato qalab la’aan, shacabka Somaliland-na ay haysato dhibaato kale oo ay sababeen xukuumada ku caan baxday dhacca iyo burburinta xoolaha qaranka. Sidee hadaba xukuumad sidaas ah looga sugayaa inay horumariso shacabka Somaliland iyo dalkaba. Iska daa inay furto xoolaha xidhan, iska daa inay u doonaan suuq kale oo loo iibgeeyo xoolaha Somaliland, iska daa inay doonaan ictiraafka Somaliland ee ay dunidu siin la’dahay, waxaana cad inay dawlada Somaliland tahay ta hor taagan wax kasta. Kuna maaweelinaysa shacabka Somaliland been iyo waxaan jirin. Inkasta oo tan manta la doortay ay ka duwan tahay kuwii hore lakin waxaa iska cad inay hayso halkii kuwii horeay hayeen. Ta kaliya ee ay kaga duwanaan kartona waxa weeye in si deg deg ah loo helo baarlaman si xor ah loo doorto oo ka duwan kan manta jira ee magac u yaalka ah, sida la ogyahayna waxa muhiim ah in golaha sharci dejintu ay ka bedelaan dastuurka waxyaabo badan, xitaa koomishanku sida uu u shaqeeyo wax laga bedelo aanay dhicin sidii dhacday markii la dooranayay golayaasha degaanka taaso ahayd khayaamo wayn, si loo helo maayaro tayo leh waa in:

Marka la dooranayo mayor la doortaa shaqsi si loo hubiyo qofka u qalma inuu qabto mayor aanay dhicinna sidii dhacday doorashadii deegaanka, taasoo la dooranayay xisbi, khayaamno wayna ku ahayd shacabkii foodka dhiibtay.

Hadaba waxan haboon inaan sameyno waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin.

1) Dhinaca dhaqaalaha wadanka:-

Waa in la helaa hanti dhawr ka madax banan dawladda iyo cidkasta si loo hubiyo in qofkasta oo ka mida dowladda aanu ku tagri falaynin xoolihii shacabka, si taas loo helona waa in la helaa marka hore baarlamaan ay dadku doortaan, kuwaasoo u taagan markasta doonista iyo diidista dadka, iyo shacabka ay u taagan yihiin ee ay xilka u hayaan.
Marka la doorto baarlaman xalaal ah ayaa ah in la sameeyo hanti dhawr ay ansixiyaan baarlamamkaasi iyaga oo eegaya aqoonta ay leeyihiin iyo kartidooda, kuwaasoo u madax banan meel kasta oo ay ka shakiyaan inay galaan xitaa madaxweyanaha ay xidhaana cidii ay ku helaan wax isdaba marin. Waxaana taasi suuro galinaysaa inay habsami u socodka dowladdu ay noqoto mid toos ah oo fiican oo cidkasta wax u qaban karta, wadanka wax u qaban karta.

2) Dhinaca maxkamadaha:

Waa in xeer ilaaliyaha guud uu noqdaa mid aqoon u leh hawsha uu qabanayo, ahaadaana nin cidkasta ku kalsoon tahay aqoontiisa, taasina ay suurto galin karto in qofkasta oo somalilander ah uu xaqiisa helo si caadi ah, lona sinaado sharciga oo aanay dhicin sidii dhacaysay mudooyinkii la soo dhaafay, ee ku caan baxday musuqmaasuqa. Kaasoo noqonaya mid si toos ah uga madax banan daacadna u ah xilka uu u hayo dalka iyo shacabka Somaliland.

3) Dhinaca ictiraafka:

Waxa hubaal ah in ictiraafku u yahay waxa kaliya ee lagula xidhiidhi karo caalamka, waxana hubaal ah in aan ilaa imika cid ka daacad ah oo la odhan karo waxay u dhaqaaqaday ictiraaf raadinta Somaliland aanay jirin, iyada oo aan maqlaynay in inbadan la lahaa waxa loo xilsaaray shakhsiyo raadinta ictiraafka, taasoo ugu dambeysa ninkii indhaha la’aa waxaana iska cad oo cidkasta ka dheehan karta inaanay jirin cid u diyaar ah oo doonta waxa aanu xaqqa uga leenahay caalamka sida caadiga ah ula socda xaqiiqda ka jirta Somaliland laakiinse aanay arag wax kala hadla arintaas. Si loo helo hadaba taas waxa muhiim ah in la helaa group ka madax banana oo u taagan shacabka Somaliland uu daacad noqda hawshooda kuwaasoo si niyadsami ku dhaahan tahay u guta hawshooda, oo ay dawladdu doorato baarlamaankuna ansixiyo iyaga oo eegaya daacadnimadooda iyo aqoontooda. Kuwaasoo lala socdo soona bandhiga markasta halka ay wax marinayaan iyo sida ay u arkaan inay wax u socdaan.

Hadaba waxa hubaal ah in haddii la helo cid u daacad ah wadanka ay wax badan qaban lahaayeen mar hore ha noqoto gudaha iyo dibadaba. Waxaanan ku odhan lahaa dawladan cusub la socda in cidkasta oo naga mid ahi ay idin eegayso sida aad wax u qabataan, idinka oo ku balan qaaday wax qabad hufan, waxaana uu madaxweynaha ku celceliyay inuu soo dhisi doono dawlad tayo leh oo ay ku ilaawaan dadku wixii hore ee soo maray, kuna faanaan shacabka Somaliland ee meelkasta ay joogaan.

Dhinaca saxaafadda maxaa la gudboon. Waxaad ku mahadsan tihiin markasta sida aad uga haqab tirtaan shacabka Somaliland wararka dibada iyo gudaha, idinka oo hadh iyo habeen u heelan sidii aad u soo gudbin lahaydeen wararka kuwii ugu dambeyay markasta.

Waxaanan idin odhan lahaa sii wada dedaalka aad ugu jirtaan noqdana kuwii ku baraarujiya dadka sida wanaagsan waxaana hubaal ah inaad tihiin kuwa u dhexeeya shacabka iyo dowaladda, la idiinkana baahan yahay inaad noqotaan kuwii sida wanaagsan u fikira, kuna baraarujiya shacabka Somaliland meelkasta ay joogaan waxa wanaagsan iyo inay mal gashadaan waxna taraan dalkooda.

Waxaan ku soo gebogebayn laha ilaahay ha ina garan siiyo wanaaga cadowgana ha jabiyo.

Top


Nabsigii Foosto-Riix, Q: 10aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.

Foosto-riix naxdin buu ilaahay u keenaymarkii loo dhiibay warqada qabashada ah taasoo ku noqotay lama filaan, balse markiiba wuu qaatay amarkii la siiyay,waanu raacay ciidamadii ukeenay waaranka, waanay kaxeeyeen iayagoo siday u wadeen ku cayuuqay goob saldhig Booliis ahayd halkaasoo uu rumaan ahaan ugu xidhanaa.

Mudo kadibna waxa loo gudbiyay maxkamada iyadoo lagu soo eedeeyay lunsi hanti umadeed iyo ku takrifal awoodeed, waxaanay maxkamadu ku xukuntay xabsi daa’im, waxaana loo gudbiyay jeelka halkaasoo ay uga bilaabantay nolol rafaadlihi.

Fahiima ahayd minyaradiisii uu jeclaa ayaa loo sheegay warka ku saabsan qabashada odaygeedii Fadhi-lacag iyadoo inankeedii yaraa kula jirta dhakhtarka shoog baanay qaaday iyadoo naxdintii la carartay ilmaheedii yaraa kadibna iyadoo maraysawado laami ah ayuu gaadhi ordayaa madaxa ku qaaday waxaanu ku tuuray laamida dhinaceeda iyadoo uu dhaawac culusi gaadhay balseilmihii yaraa ayuu ilaahay ka badbaadiyay shilkaasi iyadooaanay waxweyni soo gaadhin.

Markii uu shilku dhacay ayay dad badani kusoo urureen goobtii balse waxaa dib uga dhacay gurmadkii caafimaadka taa soo keentay inay naftu ka baxdo intii dhexda la sii waday. Balse waxa la waayay cid qaada ilmahiiyaraa ee Warsame laakiin markii dambe ayay reer qaadeen inta ay u helayaan cid garata.

Foosto riixiyo reerkiisii dambe sidaasaa u dambaysay isaguna wuxuu ka caweeyay jeelka oo uu war war iyo walbahaar ugu dhamaaday, warwarka ugu weyn ee qabsadayna wuxuu ahaa halka ay ku dambeeyeen Fahiima iyo ilmahii yaraa ee uu jeelka kaga ymid cid warka siisana wuu waayay.
Balse markii dambe wuxuu isku qanciyay inay inkaari kaga dhacday reer kiisii hore ee uu dayacay isgoo aan hadal iyo hugun toona lahayn.
Waxaanu Foosto riix xasuusan jiray waayihii uu soo maray laga soo bilaabo foosto riixnimadii ilaa markuu dalacay ee uu noqday Fadhi-lacag, waayihii uu la soo marayu reer kiisii hore, taasoo keentay inuu ka murugoodo marka uu xasuusto sidii uu markii dambe ka yeelay reerkiisii iyo gabadhii Fatxiya ee uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay inuu guursado waxaanu is weydiin jiray halka ay ku dambeeyeen.

Fatxiya iyo reer keedii iyagu waxay ku jireen xaalad rajo ku nool ah iyadoo uu Safarkii waxbarashada ahaa ku maqnaa wiilkoodii Faarax balse in yar kadib ayuu wiilkoodii labaad ee Farxaan isaguna ku guulaystay imtixaankii dugsiga sare taasoo keentay inuu galo jaamacad dalka gudihiisa ah oo uu ka baranayey dhakhtarnimo, taasina waxay sii kordhisay rajadii reerka ee ahayd inay helaan mustaqbal fiican.

La soco.

Top