“Madaarkeenu Wuu Ka Aamin Badan Yahay Kuwo Badan Oo Caalamka
Ah, Laakiin…” Wasiirka Duulista Hawada Oo Ka Hadlay Falkii Ka Dhacay
Madaarka Hargeysa.
Madaxa Xafiiska UNHCR Ee Bariga Iyo Badhtamaha Afrika Oo Booqasho Ku Tegay
Boorama.
Caruur Reer Holland Ah Oo Deeq U Soo
Diray Ardayda Somaliland.
Madaxweyne Rayaale Oo Qaabilay Wefti
Ka Socda Denmark.
Cumar Carte Oo Ku Baaqay In Laga
Hortago Xiisad Ka Dhalata Xadhiga Jaamac-Yare.
Weftigii G/Deegaanka Hargeysa Oo Soo
Dhamaystay Booqashadoodii Finland.
Degmada Arabsiyo Iyo Arrimaheeda Wada
Saddexan, Warbixin - Weriye Maxamed Xasan.
Jaamac-Yare Oo Shalay Loo
Mustaafuriyay Dhinaca Jabuuti.
Baaq Ku Socda Bulshada Reer
Somaliland.
Wasaaradda maaliyada oo la wareegtay
dakhligii Wasaaradda Duulista kasoo geli jiray Madaarada S/land.
Golaha Wakiilada: Dareenka iyo
Doodaha.
Wasiiradda Maaliyada iyo Ganacsiga oo
la shiray Ganacsatada.
Dablay Hubaysan Oo Shalay Soo
Weerartay Madaarka Hargeysa.
RAADYOW MA QALOOCSHE, A. A. Garas.
Golayaasha Deegaanka Waxa Iskaga
Khaldan Fulintii Iyo Hawsha Golaha Deegaanka, “Saaxiibadaydii Lahaa Wax
Baanu Badalnayoow Aniga Waad Igu Degdegteene C/qaadir-na Ha Ku Degdegina,”
Duqii Hore Iyo Xafladii Xilwareejinta Gebilay.
Khilaaf Ka Dhashay Qaxootiga Ku
Qul-Qulaya Talyaaniga.
Shir Laga Yeeshay Dib-U-Dhiska Ciraaq.
Ra’iisal-Wasaaraha Hindiya Oo Booqday
Shiinaha.
Wargeysyada Caalamka ee Todobaadkan.
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Hala Dhawro
Nabadgelyada Somaliland.
12 Sano Ayaan Shaqaynayay Mushaharna
Ma Qaato.
Shirka Soomaalida EE Kenya iyo iyo
Mudaharaadka Soomaaliland.
Qalalaase Ay Keento Mooyee, Qabta oo
Xidha Qarankeena Dhisi Mayso.
Nabsigii Foosto-Riix, Q: 12aad Qiso
Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.
|
|
“Madaarkeenu Wuu Ka Aamin Badan
Yahay Kuwo Badan Oo Caalamka Ah, Laakiin…” Wasiirka Duulista Hawada Oo
Ka Hadlay Falkii Ka Dhacay Madaarka Hargeysa. |
Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Duulista Hawada
Maxamed Cabdi Xuseen ayaa ka hadlay falkii ka dhacay madaarka Hargeysa
wuxuuna sheegay inay ku soo beegantay xili ay uu madaarku saxmad badan
yahay, islamarkaana ay dablaydii soo weerartay rasaas isweydaarsadeen
booliska, taas oo keentay inay dhaawacyo ka soo gaadheen labada dhinacba.
Waxa kale oo uu sheegay in diyaaradihii madaarka yaalay rasaastaasi
khasaare soo gaadhsiisay, inkasta oo uu ku tilmaamay khasaaraha labada
diyaaradood soo gaadhay mid fudud, isaga oo xusay in mid ka mid ah
diyaaradaha waxyeelo ka soo gaadhay dhinaca communication-ka (xidhiidhka)
iyada oo diyaaradaas ay mishiinadeedu si fiican u shaqeeyeen, laakiin aan
habka hagidu shaqaynayn, halka diyaarada kalena, uu khasaare ka soo
gaadhay mid ka mid ah mishiinada hydarooliga.
Wasiirku waxa uu tibaaxay in diyaaradahaa wixii ka xun maanta loo keenayo,
isla markaana uu madaarku ku soo noqday sidii caadiga ahayd ee uu
shaqaynayey.
Wuxuuna intaa ku daray in madaarka Hargeysa iyo Berbera oo ah kuwa ugu
caalamisan dalka, uguna dhaq-dhaqaaqa badan dhibaatada ugu weyn ee
haysataa ay tahay iyaga oo aan lahayn shabag ama xayndaab, isla markaana
wuxuu xusay inay jirtay shirkad ay heshiis la galeen maal-gelinaysa
madaarada, sababta ay heshiiska ula galeena ay ahayd inay madaaradu
yeeshaan silig ku wareegsan, kaas oo wax weyn ka taraya madaarada.
Laakiin wasiirku wuxuu sheegay inay injineeradii shirkadu u soo dirtay ay
ku soo beegmeen xiligii doorashooyinka.
Top
Madaxa Xafiiska
UNHCR Ee Bariga Iyo Badhtamaha Afrika Oo Booqasho Ku Tegay Boorama. |
Boorama (Haatuf) – Duqa Boorama cabdiraaaxmaan
sh. Cumar ayaa maanta xafiiskisa ku qaabilay sarkaal sare oo xafiiska
unhcr ee qaxootiga u qaabilsan Bariga iyo badhatamaha Afrika Ilok Kamara.
Intii sarkaalkaasi Joogay Boorama waxa isaga iyo duqa magaaladuba soo
eegeen mashaariicda hay'adda UNHCR ka hirgelisay ama haatan ay maalgelisay
ee ka socda Boorama.Waxa kale oo ay wafdiga Kamara hoggaaminayey soo
eegeen mashaariicda kale ee ka socota Boorama sida Biyoballaadhinta,
cusbitaalaka, xarunta Agoomaha e Kaalmo waxayna wafdigu duqa Boorama shir
ay kula yeesheen xarunta dawladda hoose kala hadleen baahida dhinacyada
badan leh iyo adeegyada dadweynuhu u baahanyahay in wax lagala qabto. Duqa
Boorama iyo Kamara waxa kaleoo ay soo booqdeen Jaamacadda Camuud halkaasoo waxbarashadu
sidii caadiga ahayd u socoto.intii ay jooggeenna waxa halkaa ku soo
dhaweeyey waribixino kala duwanna ku siinayey Prof.saleebaan Axmed Guuleed.
Dhinaca kale, Taliska ciidanka nabadgelyada gobolka awdal, xeer ilaalinta,
maxkamadda iyo wasaaradda awqaafta gobolka awdal ayaa maanta fagaare ku
yaalla badhtamaha magaalada ku gubay maandooriye ama xashiishad
miisaankiisu dhanyahay saddex kiloo iyo afar boqol oo
garaam.Maandooriyahan oo bishii hore lagu qabtay hawlaggalo ay Boorama ka
sameeyeen ciidaanka nabadgelyadu ayaa, waxa gubitaankiisii daawaanayey
dadweyne farabadan oo aay qaarkood ugu horreysay maanta
aragtideedu.Hadallo koban oo halkaa laga jeediyey ayaa xeer ilaaliyaha
Gobolka Awdal Axmed Mire waxa uu ammaan u jeediyey dadkii isku hawlay soo
qabashadada xashiishaddan, taasoo uu ku tilmaamay in isticmaalkeedu
dadweynaha Boorama gelin karo xasiloonidarro iyo caafimaad darro. Waxana
xeer ilaaliyuhu sheegay in dadkii lagusoo qabtay maandooriyahan lagu
xukumay saddex sannadood iyo lix bilood iyo ganaax lacageed. Waxa kale oo
isna halkaa ka hadlay taliyaha Booliska gobolka Awdal Maxmuud Axmed ubaxle oo
u mahadceliyey dadkii ciidankiisa ka caawiyey qabashada maandooriyaha
iyo khamriga faraha badan ee beryahan Boorama lagu qabtay. Taliyuhu waxa
kale oo uu waaniyey dadweynaha reer Boorama inayBooliska kala shaqeeyaan
nabadgelyadooda iyo la dagaalanka mukhaadaraadka. Guddoomiyaha Maxkamadda
gobolka Awdal oo isagu goaanka lagu gubayo maandooriyaha ama
xashiishddaasi ansixiyey, Axmed Qaadi, ayaa isna ka hadlay sidaan sharcigu
ugu naxariisanayn cid kasta oo dembi waxyeelaaynaya bulshada la
timaadda.Dhinaca diinta waxa isaguna waajibka shacbiga ka saaran la
dagaalanka maandooriyaha halkaa ka jeediyey isuduwaha w. diinta iyo
awqaafta ee gobolka awdal Sh. Xaamud Nadiif.
Dhinaca kale, Kulankii ugu dambeeyey ee ku saabsanaa madaxbannaanaynta
Biyaha Boorama ayaa maanta lagu magacaabay 19 qof oo qaban doona
xilkaasi.Shirkan oo saaka ka dhacay xarunta dawladda Hoose ee Boorama ooay
kasoo qaybgaleen maamulka dawladda Hoose e Boorama,Maamulka
Biyaha,Hya'adda UNICEF iyo ganacsato hore iyagu u dalbaday inay ka
qaybgalaan maamulka loo samaynayo biyaha ee madaxa bannaan, ayaa
aakhirataankii lasoo saaray go'aan dhinacyada maamulka biyuhu khuseeyo u
arkeen inay buuxiyeen shuruudo hore loogu xidhay gacan ku qabashada
Mashruuca biyaha Boorama oo haatan gebogebo ah. Magacaabista saamileeyda
Biyaha Boorama ee saaku waxay soo afjaraysaa muran ma tartan ku saabsanaa
hawsha biyaha mustaqbalka oo ay soo dalbadeen in ka badan 73 qof oo ka
kala socday qaybaha Dadweynaha Boorama. Top
Caruur Reer
Holland Ah Oo Deeq U Soo Diray Ardayda Somaliland. |
Hargeysa (Haatuf): Deeq qalab ah oo loogu
talo-galay ardayda dhigata dugsiyada Maxamed Mooge iyo Faadumo Biixi ayaa
la gudoonsiiyey dugsiyadaasi.
Deeqdaas oo ay ku deeqeen arday reer Holland ah, kuwaads oo da’doodu
yartahay.
Waxa deeqdaasi soo gaadhsiiyey dugsiyadaas Aamina X. Maxamuud Warsame oo
ka tirsan ururka SOWRAG (Somaliland Women’s Research and Action Group).
Warsaxaafadeed ay arrintaa ka soo saartay waxa uu u qornaa sidan:
“Waxaan Magaalada Den-Haag oo ka tirsan dalka Holland kula kulmay carruur
yar yar oo u dhashay dalkaasi, mar aan halkaa shir u tagay bishii April,
iyaga oo ii sheegay inay lacagtii nususaacah (Pocket Money) loo siin jiray
ay ururiyeen hal bil, kuna hibeeyeen carruurta Somaliland, si lacagtaas
loogu iibiyo carruurta yar yar ee Somaliland qalab ay ku ciyaaraan
sportiga.
Lacagtaas oo dhamayd laba boqol iyo labaatan dollar waxa lagu soo iibiyey
qalabka ciyaaraha oo kala duwan, iyada oo deeqdaas la gudoonsiiyey
dugsiyada kala ah Dugsiga H/Dhexe ee Maxamed Mooge, iyo Dugsiga H/Dhexe ee
Faadumo Biixi, kuwaas oo ku yaalla daafaha magaalada Hargeysa, iyada oo
qalabkaas lagu wareejiyey dugsiyadaas maalintii shalay, kuwaas oo ay
gudoomeen maamulayaasha labadaa dugsi.
Sidoo kale waxaa jira qayb kale oo ka mid ah qalabkaasi, oo aan ku
wareejin doono iskuulo kale xilliga la furo.
Carruurta ku tabarucay deeqdan waxa kala yihiin Rachel, Robin iyo Johanna
oo dhigta fasalka Afraad ee dugsiga la yidhaahdo Haagse School ee
magaalada Hague ee dalka Holland, da’dooduna waa 8-deed jiro, sidaa
darteed waxaan rajaynayaa in carruurtaasi reer Holland lagaga daydo sida
fiican ee ay yeeleen, oo ay maal-qabeenada, dawladda iyo xisbiyaduba ay
gacan ka geystaan hawlaha samafalnimo ee ay garteen carruurtaasi. Si ay
taasi tusaale fiican ugu noqoto cid walba.
Sidoo kale waxaan rajaynayaa in xidhiidhka u bilaabmay carruurta labada
dal uu noqdo mid horseeda xidhiidh noociisa ah oo dhexmara labada umadood
ee u kala nool Somaliland iyo Holland.”
Aamina X. Maxamuud Warsame. Xidhiidhiyaha
carruuraha ku kala nool Holland iyo Somaliland. Top
Madaxweyne
Rayaale Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Denmark. |
Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland
Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay qaabilay Mr: Henrik Jespersen oo ka
socda Safaarada Denmark ay ku leedahay Nariobi.
Diblomaasigan oo ah qunsul safaarada Denmark una qaybsan mashaariicda ay
bixiso Denmark, waxa uu madaxweynaha ay ka wada hadleen arrimo khuseeya
iskaashiga labada dhinac.
Warsaxaafadeed uu kulankan ka soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Cabdi
Idiris Ducaale oo faah-faahin ka bixinaya kulankaasi wuxuu u qornaa sidan:
“Xukuumadaydu aad ayay u raali gelisay sidii aad u fuliseen hawshii
doorashada iyo sidii aad u xalilteen khilaafkii. Sidaas waxa madaxweynaha
Somaliland ku yidhi Mr. Henrik jespersen oo ka socday, safaaradda Denmark
ay ku leedahay Nariobi.
Diblomaasigan oo qusul iyo madaxa mashaariicda ka ah safaaradaa oo
madaxweynaha shalay booqasho sharaf kula kulmay waxa uu sheegay in loo soo
diray inuu soo gaadhsiiyo madaxweynaha, xukuumadda iyo shacbiga
Somaliland-ba hambalyo la xidhiidha sidii wanaagsanayd ee hawshii
doorashadu u dhamaatay oo uu sheegay inay u aragtay Denmark inay tahay
arrin lagu diirsado (very imperssive), waxaanay arrintaasi muujisay sida
aad u maarayn kartaan wixii dhibaato idinka horyimaada.
Waxa kale oo uu diblomaasigu u sheegay madaxweynaha in Denmark ay
kordhisay taakuladdii ay u fidin jirtay Somaliland oo hadda la gaadhsiiyey
toban ilaa laba iyo toban milyan Dollarka Maraykanka ah saddexda sanadood
ee soo socda, iyada oo guud ahaanba ay dhintay dawladdiisu kaalmadii ay
dawlada u fidin jireen.
Kaalmadaasi waxay ku bixi doontaa dhinaca waxbarashada, caafimaadka iyo
biyaha tusaale ahaan, saddex meelood oo meel waxay ku bixi doontaa gobolka
Sanaag oo hawlaha laga qabanayo ay ka mid yihiin biyo gelinta Ceerigaabo,
shan iskuul iyo xafiis hawlaha guud ahaan gobolkaas laga qabanayo uu
yeelan doono.
Madaxweynuhu waxa uu uga mahad celiyey, oo uu diblomaasiga ka codsaday
inuu ka gaadhsiiyo dawladiisa hambalyada hawshii inoo qabsoontay, taas oo
muujinaysa ayu yidhi madaxweynuhu sida uu dalkiisu u danaynayo arrimaha ka
socda Somaliland.
Mudane Rayaale waxa kale oo uu aad uga mahad celiyey kaalmada ay sheegeen
inay ku taakulaynayaan Somaliland, waxa uu ka codsaday si ay midho dhal u
noqoto wixii kaalmo shacbiga loogu talo-galay inaanay faro dhexdood ka
dhicin iyo waliba in wax rabno kaalmo toos ah.
Kulankaa waa madaxweynaha kala qaybgalay wasiiru dawlaha arrimaha dibada
Mudane Qaasim.” Ayuu warsaxaafadeedkii ku soo gabagabeeyey. Top
Cumar Carte Oo
Ku Baaqay In Laga Hortago Xiisad Ka Dhalata Xadhiga Jaamac-Yare. |
Cumar Carte Oo Ku Baaqay In Laga Hortago
Xiisad Ka Dhalata Xadhiga Jaamac-Yare.
Hargeysa(Haatuf) siyaasiga cumar carte qalib ayaa ku baqay in laga hortago
xiisad ka dhalata xadhiga Jaamac maxamad qaalib bayaan uu soo saaray
malinti shalay kaa hor intiiaan lagu dhawaaqin mastaafurintiisa, waxaanu
ku taliyay in arin taasi laga yeesho wada xaajood, wuxuuna arintaasi cumar
carte shardi uga dhigay inuu marka hore Jaamac Yare caddeeyo mawqifkiisa
Somaliland oo uu Cumar Carte ku tilmaamay inuu yahay Muqadas. Top
Weftigii G/Deegaanka
Hargeysa Oo Soo Dhamaystay Booqashadoodii Finland. |
Helsinki (Haatuf) – Waxaa Soo Gabagaboobay Wakhtigii
Ay U Joogeen Waftigii Ka Socday Golaha Degaanka magaalada Hargaysa dalka
Finland. xubnaha waftigan oo kala ah Gudoomiyaha Dhaqaalaha iyo
mashaariicda Khadar Axmed Likeh iyo Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Keyse
Axmed Cali. Sida uu ku soo waramay weriyahayaga Findland, Cumar Cabdi Nuux
waxay maanta la isugu yimid Jaaliyadda Finland halkaas oo ay waftigani
warbixin ku siiyeen dadka reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan Finland,
warbixintan waxay kaga hadleen waftigu geedi-socodka Somaliland 12 Sanno ee
la soo dhaafay iyo hawsha Dawlada hoose ay u taagantahay.
Waxayna intaa raaciyeen in isbadal wayni dhici doono oo khuseeya baahida
dawlada hoose sababta ay u dhigeen in ay ka taya roonaan doonto tii hore
baa waxay tahay in Golaah Degaanka lagu doortay xalaal iyo in ay shicibku
soo doorteen sidaa daraadeedna ay qaban doonaan hawshii ay ku aamineen
dadweynaha.
Waftigu waxa uu xusay in baahi wayn Somaliland u qabto is badal ka yimaada
dhinacyada kala duwan ee Adeega Arimaha Bulshada waxayna intaa raaciyeen
in Somaliland Qurba joogaheeda looga baahanyahay horumar ama ha ahaato
tacliin ama ha ahaato dhaqaale oo ayna Somaliland maanta u baahnayn nin
intuu mudo dheer ka maqnaa la yimaada faramadhnaan xaadirkan.
Ugu danbayn waftigu waxa ay ku soo gabagabeeyeen hadalkoodii in somaliland
ku horu martay iskaashiga dadka iyo ka warhaynta Qurba joogashaashu ka war
hayaan dalkooda waxayna xuseen kartida ay muujiyaan Jaaliyadaha Dibadu
waxayna ku dhiiri galiyeen in ay sii wataan umadu ka tashiga aayahooda.
Waftigu waxa ay socdaalkooda bari ugu kicitimi doonaan Caasimada Dalka
Norwey Oslo halkaas oo ay ku sognaan doonaan ilaa iyo weeg ka dibna ay dib
ugu soo laabandoonaan Finland socdaalkoodana uga sii anba qaadi doonaan
Somaliland.
Maalintii jimcaha waxaa weftigan lagu soo dhaweeyey magaalada Jarvenbنن oo
u jirta Helsinki ilaa 40km Xafladan oo ay soo abaabuleen xubnaha Udub.
Waxaa halkaa hadal kooban ka jeediyay Gudoomiyaha Xisbiga udub Mr. Siciid
Cumar Hurre xafladaa waxaa ka dhex muuqday sidoo kale Xoooghaya Xidhiidhka
dibadaha ee udub Mr. Axmed Caymis iyo xooghaya Abaabulka Xisbiga udub Mr.
Xassan iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Finland Mr. C/qaadir Maacaleesh.
Waxaa uu Siciid Cumar Soo tibaaxay guud ahaanba umadda reer Finland sida
wanaagsan ee ay isula shaqeeyaan xisbigay doonaanba ha taageeraane, waxa
uu Siciid Cumar Xusay in Umada Finland ay firfircooni dheeraada ay
muujiyaan mar walba oo laga hadlayo wax qabadka Dalka.
Ugu danbaynna waxa uu u mahad celiyay Waftiga ka yimid hargaysa ee Golaha
degaanka. Top
Degmada
Arabsiyo Iyo Arrimaheeda Wada Saddexan, Warbixin - Weriye Maxamed
Xasan. |
Arabsiyo (Haatuf): Gudoomiyaha Arabsiyo
Maxamed Ibraahim Khaliif ayaa ka dayriyey xaaladda caafimaad magaalada,
isaga oo xusay inay magaalada hayso cusbitaal la’aan, waxaanu intaa
raaciyey inay imika ku shaqeeyaan MCH yar.
Gudoomiyuhu wuxuu sheegay inay magaaladu u baahantahay cusbitaal iyo
dhakhaatiir.
Haddaba weriyaha Haatuf ee Degmada Gabiley Maxamed Xasan ayaa warbixintan
nooga diyaariyey, waxaanu ku bilaabay sidan:
“Magaalada Arabsiyo waxay dhinaca galbeed 35 KM ka xigtaa Hargeysa,
waxaana ku yaala bustaano waaweyn oo khudrada laga beero, sida rumaanka,
liinta, (macaan iyo dhanaan, qadhaadh iyo baydariin) Cambaha (bay bay, laf,
caad, caag, shaag,) iyo noocyo kale oo khudrada ka mid ah.
Waxayna ka mid tahay magaaladu meelaha dalxiiska loo tago. Dadka degan
magaaladu waxay u badan yihiin dad reer Djibouti ah oo dhismayaal badan ku
leh magaalada, waxayna u soo baxaan xilliyada xagaaga, iyaga oo ka yimaada
dhinaca Djibouti.
Dhinaca nabadgelyada magaaladu way degantahay, iyada oo dadka looga baahdo
saldhiga booliska telefoon loogu yeedho, taas oo caado u ah inay ku
yimaadaan.
Waxyaabaha cajiibka ah ee ay magaaladu leedahay waxa ka mid ah in wax
walba waa saddex saddex tusaale ahaan saddex askari xaafadood ayey
leedahay, saddex askari oo jiifa jidka weyn ee magaalada mara, waxay
leedahay saddex masaajid, saddex urur haween, saddex dugsi, saddex wadaad
oo wax meheriya, saddex nabadoon, saddex doox, saddex xawaaladood, saddex
hudheel oo wax laga cuno, saddex tiim oo kubadda ciyaara iyo saddex
injineer.
Aw xoreeye oo ka mid ah mudanayaasha golaha deegaanka ee Degmada Gabiley,
ayaa xaflad qado sharaf ah oo loogu sameeyey duqa cusub ee degmada Gabiley,
ayaa isaga oo ka hadlaya xaflada yidhi ‘Saddex saddexdaa waxa idiinku
biiray, saddex nin oo reer Arabsiyo ah oo isu soo sharaxay oo isku bedelay
degmada Gabiley.”
Gudoomiyaha magaalada Arabsiyo oo aan la kulmay ayaa ii sheegay inay
magaaladu u baahantahay cusbitaal iyo dhakhaatiir, wuxuu kaloo ii sheegay
inay bustaanada magaaladu ay ka dayacyihiin xagga ceelasha oo dumay, intii
dalka dagaaladu ka socdeen, isla markaana laga bililiqaystay mishiinadii
waraabka, wuxuuna ii sheegay inay kaalmo uga baahan yihiin xukuumadda iyo
hay’adaha caalamiga ahba.” Top
Jaamac-Yare Oo
Shalay Loo Mustaafuriyay Dhinaca Jabuuti. |
Hargeysa (Haatuf): Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac
Yare) ayaa shalay galabtii diyaarad laga saaray garoonka diyaaradaha ee
Hargeysa, ka dib markii ay xukuumadda iyo odayaasha ku jiray arrinta
Jaamac ay isla garteen in laga dhoofiyo dalka, taas oo sida la sheegay uu
codsaday in dhinaca dalka Djibouti loo celiyo, inkasta oo aanay xukuumadda
Somaliland ka soo saarin war rasmiya oo ku saabsan arrintaa, haddana sida
ay sheegayaan ilo xog-ogaal ahi, waxa Jaamac Maxamed Qaalib diyaarad laga
saaray shalay galabtii madaarka Hargeysa, ka dib markii laga soo qaaday
xabsiga dhexe oo uu ku xidhnaa ilaa sabtidii.
Jaamac Maxamed Qaalib oo laga qabtay madaarka Hargeysa horaantii
todobaadkan, isaga oo sida la sheegay transit u ahaa, dhinaca magaalada
Muqdisho, waxa markiiba loo gudbiyey xabsiga dhexe ee Hargeysa, iyada oo
xukuumadda Somaliland ku eedaysay Jaamac yare, inuu yahay nin ku caan
baxay, ka ololeeya qaranimada Somaliland, isla markaana u banbaxay
burburinta qaranimada Somaliland.
Jaamac Maxamed Qaalib oo la filayey inay xukuumada Somaliland shalay
saarto diyaarad u socotay Muqdisho, laakiin diyaaradaasi may suurto galin
in la saaro.
Iyada oo diyaaradaasi ay muddo nususaac ah taagnayd, isla markaana la
hadal hayey, inay qaadi doonto maxbuuskaa.
Hase yeeshee wax yar ka dib markii ay duushay diyaaradii waxa madaarka soo
galay koox dablay ah, kuwaas oo khasaare ka geystay madaarka. Jaamac
Maxamed Qaalib wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee
aaminsan fikirka federaalka, wuxuuna had iyo jeer u ololeeyaa midawga
Soomaali weyn. Top
Baaq Ku Socda
Bulshada Reer Somaliland. |
Baaq Ku Socda Bulshada Reer Somaliland
KU: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.
Og: Wasaarada Cadaalada ee Jamhuuriyada Somaliland.
Og: Wasaarada Arrima gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland.
Mudadii yarayd ee ay Somaliland jirtay, waxa ay shacbiga reer Somaliland
iyo Xukuumadiisu ay ku dhaqaaqeen talaabooyin qiimo leh oo la taaban karo.
Waxaa xasuus gaar ah mudan 18kii bishii May ee sanadkii 1991kii oo ahayd
maalintii dadka reer Somaliland ay shirweyne isugu yimaadeen, dibna ay ula
soo noqdeen xornimadoodii iyo madax-banaanidoodii. Waxa kale oo iyaduna
taariikh lama ilaawaan ah ahayd aftidii dastuurka iyo doorashooyinkii
Golayaasha deegaanka iyo Madaxwaynaha ee dhowaan dalka ka dhacay.
Dhamaan dhacdooyinkaasi waxa ay ahaayeen qaar taariikh leh, dadka iyo
dalka Somalilandna u soo jiiday sumcad wanaagsan, taasoo ay lama huraan
tahay in halkaas laga sii wado horumarka uu ku talaabsaday dalkeenu,
lagana hor tago wax kasta oo wax u dhimaya sumcada dalkeena iyo xorriyada
dadweynaha iyada oo maanka lagu hayo halgankii qadhaadhaa ee dadweynaheenu
ay u soo galeen sidii ay ugu noolaan lahaayeen Cadaalad, Sinaan,
Nabadgalyo iyo Sharciga oo la ixtiraamo.
Haddii aanu nahay ururka Somaliland Forum oo ay qurbo jooga reer
Somaliland iyo aqoonyahankiisu ay ku midoobeen waxa aanu aad uga xunahay
ku xadgudubka xuquuqda bani-aadamka ee maalmahan dambe dalkeena laga soo
sheegayo,taasoo laamaha kala duwan ee nabadgelyada ee dalkeena ka jira
lagu eedaynayo in ay ku kaceen marar kala duwan, waxaana wax laga
murugoodo nagu noqotay xadhiga lagula kacayo muwaadiniinta Somaliland,
gaar ahaan, waxa calool xumo nagu noqotay xadhiga xubno ka mid ahaa
Mujaadihiintii SNM oo wali ku xidhan xabsiga dhexe ee Hargeysa, iyadoo aan
maxkamad la soo taagin, loona fulin xadhigoodii si sharciga waafaqsan.
Urur ahaan, waxa aanu si adag oo cad u cambaaraynaynaa talaabo kasta oo
aan sharci ahayn iyo wax kasta oo aan waafaqsanayn dastuurka Somaliland oo
waxyeeleynaya xuquuqda shacbiga reer Somaliland, waxa aanu si weyn uga soo
hor jeednaa talaabo kasta oo u muuqan karta cabudhin iyo cadaadis sharciga
garab marsan oo lagula kaco muwaadiniinta Somaliland, taasoo dadweynaheena
xasuusinaysa falalkii argagaxa lahaa ee xukuumadii haligantay ee Siyaad
Barre ay ku kici jirtay.Waxaana Ururka Somaliland Forum uu ugu baaqayaa
Dawlada Somaliland in ay hormuud ka noqoto ilaalinta sharciga, kana hor
tagto wax kasta oo wax u dhimaya nidaamka xorriyadeed ee muwaadiniinta
Somaliland, qofka danbi ku kacana waxaa waajib ah in la mariyo wadada
sharciga ah lana horgeeyo maxkamada oo hadii uu danbi ku cadaado markaas
lagu qaado danbigiisa lana xidho, hadii aan danbi lagu helina la sii daayo.
Ugu danbayn Waxaanu Madaxweyne kaa codsanaynaa in aad arrintan wax ka
qabatid, oo Xukuumadu ay degdeg maxkamad u horgeyso muwaadiniinta xidhan,
hadii kalena ay sida ugu dhaqsaha badan Ooda uga qaado xorriyadoodana ay
ugu soo celiso maxaabiista jeelasha ku jira ee aan maxkamad xukunkeed ku
dhicin dambi cadna aan lagu haynin.
Ururka Somaliland Forum Top
Wasaaradda
maaliyada oo la wareegtay dakhligii Wasaaradda Duulista kasoo geli
jiray Madaarada S/land. |
Hargeysa(Haatuf);Wasaaradda maaliyada ayaa
la wareegtay dhamaan dakhligii Wasaaradda Duulista hawada uga soo xeroon
jiray Madaarada Somaliland, sida fiiga laga qaado Diyaaradaha ee loo
yaqaan (landing fees) iyo dakhliga laanta socdaalku ka qaadi jirtay dadka
dhoofaya iyo kuwa soo gelaya dalka, sidaana waxa xalay Haatuf u sheegay
Ilo xog ogaala oo ka hawl gala Wasaaradda Maaliyada. Inkasta oo aanay
Xukuumada Somaliland wax wara kasoo sarin dakhliga Madaarada uga soo
xeroon jiray Wasaarada Duulista ee ay la wareegtay Wasaaradda Maaliyadu,
waxa wararka xog ogaalka u ah arrintaasu sheegayaan inuu maalintii shalay
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadu soo saaray qoraal uu kula socod
siinayo Wasaaradda Duulista Hawada ina Wasaaradda Maaliyadu la wareegtay
wixii dakhli uga soo xeroon jiray Wasaaraddaa Madaarada somaliland,
laakiin ay Wasaaraddu hawleheeda kale u madax banaan tahay, iyadoo isla
qoraalkaa kula socod siiyay Shirkadaa Diyaaradaha ee isticimaala Madaarada
inay wixii Cashuur (landing fees) ee laga qaado marka ay duulimaad
sameeyaan si toosa looga qaadi doono oo aanay Wasaaraddu ogolaanayan inay
dib u dhacdo Cashuurtaasu.
Warku waxa uu intaa ku daray in Wasaaradda Maaliyadu ay cid hawshaa
dakhliga ah u ururisa usoo wakiilanay, laakiin Wasaaradda Duulista looga
baahan yahay inay dhigtaan goobahaa dakhli ururinta ee ka wareegay Qof
xog-ogaal u noqda inuu dakhligaasu si toosa ugu xerooday, taasoo looga
jeedo inaanu dhicin musuq maasuq.
Sida ay sheegayaan wararku waxay arrintani ka danbaysay ka dib markii
labadii maal mood ee u danbeeyay Wasiirka maaliyada Xuseen Cawil Ducaale
booqasho aan cidi dhaadin ku tegey Madaarka Diyaaradaha ee magaalada
Hargeysa, taasoo ka danbaysay ka dib markii ay soo bexeen dhaliilo maamul
iyo kuwo musuq maasuq oo ragaadiyay hawlaha madaarka , iyadoo ay jireen
warar sheegaya inay jirto lacag gaadhaysa, 130,000$,(boqol iyo sodon kun)
oo dolar, taas oo ku maqan Shirkadaha Diyaaradaha ee isticimaala Madaarka.
Maamul xumada ku habsatay Madaarka iyo musuq maasuqa ilaha dakhli ururinta
ayaa keentay inay mararka qaar dhacdo inay shaqaalaha Madaarku waayaan
toban litir oo shidaala oo ay ku shubtaan gaadhigii ay shaqada ku tegi
lahaayeen. Waxa iyana jirta inay Askarta ka hawl gashaa ka mashquuleen
ilaalinta Amaanka Madaarka iyagoo ku dhex milmay dadka shicibka ah ee sii
dhowaynaya dadka dhoofaya, ama soo dhowaynaya kuwa soo degaya. Waxa kaloo
ay Askartaas qarkood kireeyaan tagaasida dadka qaada, taasuna waxay
keentay inay maalintii doraad koox dablay ah oo wata laba gaadhi si toosa
usoo galaan gudaha Madaarka ee ay yaaleen Diyaaradihii rakaabka qaadi
lahaa oo ay khasaare u geystaan, iyadoo aanay cidna hor istaagin intii ay
soo socdeen, ilaa ay soo galeen gudaha, waxayna arrintaasu noqotay mid
muujinaysa dayaca iyo maamulxumada ka jirta Madaarka.
Top
Golaha
Wakiilada: Dareenka iyo Doodaha. |
Hargeysa (Haatuf): Golaha wakiiladda ayaa
fadhigii shalay soo qaaday muddo kordhintii labada Gole, oo ay beryahan
aad u hadal hayeen saxaafadda Somaliland iyo bulshaduba, kulankaa shalay
Gudoomiyaha golaha wakiiladda ayaa u sheegay mudanayaasha inay beryahan
dambe saxaafadda Somaliland aad u hadal hayso muddo kordhintaa, wuxuuna
sheegay inay tahay arrintaasu mid sharciya hadal haynteedu ay tahay mid
khaldan.
Waxa kale oo jiray mudanayaal si cadho leh arrintaa uga hadlay, oo u
arkayey inay khalad tahay in la soo qaado muddo kordhintaa, laakiin tan
iyo markii ay xukuumaddu soo jeedisay in loo kordhiyo muddada labada gole
waxay arrintanu ahayd mid ay aad uga soo horjeedeen xisbiyadda mucaaradka
ah, iyaga oo u arkayey inaan wax talo ah lagala yeelan iyo muddad oo dheer.
Sidoo kale waxa jiray aragtiyo ka soo horjeeday muddada intaa le’eeg ee ay
isku kordhiyeen labada gole, taas oo mararka qaar lagu tilmaamay mid aan
qiilba loo hayn, hase yeeshee waxay arrintanu dareenka dadka dib ugu soo
noqotay markii la soo afjaray tartankii doorashooyinka madaxtooyada,
kuwaas oo uu guulaystay xisbiga Xukuumadda ee UDUB oo xiligaa talada hayey,
laakiin wixii ka dambeeyey dhawaaqii natiijadda doorashada waxa soo
baxayey dareemo iyo dhawaaqyo lagaga soo horjeedo muddo kordhinta labada
gole, kuwaas oo dalbayey in la soo dedejiyo doorashooyinka baarlamaanka,
si loo helo xukuumad dhamaystiran, oo ka soo dhex baxday nidaamka
xisbiyada iyo hanaanka dimuqraadiyadda.
Xisbiyada mucaaradka ah ayaa xiligan u muuqda inay taageero intii hore ka
badan u heleen doodooda ah, in la soo dedejiyo doorashooyinka baarlamaanka,
taas oo suurta gelinaysa jiritaanka xisbiyo mucaarad ah, oo ka muuqda
golayaasha baarlamaanka, isla markaana ay kaga qayb qaadan karaan talada
hanaanka siyaasadeed iyo sharciyadeed ee qaranka.
Xisbiyadda mucaaradka ah ayaa ku celceliyey inaanay sharci ahayn muddo
kordhinta golayaashu, iyaga oo ku tilmaamay inay noqonayso baarlamaanka
beelaha ah iyo xukuumadda la soo doortay sidii qof kabo kala kaan ah
gashan, oo aan wada shaqayn karayn.
“Dawlad ku timid doorasho, marka aanay helin baarlamaan la soo doortay,
waxay noqonaysaa qof sita laba kabood oo kala jaad ah” sidaa waxa yidhi
Faysal Cali Waraabe gudoomiyaha xisbiga UCID mar uu ka hadlayey muddo
kordhinta golayaasha baarlamaanka.
Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ugu weyn ee KULMIYE Axmed
Siilaanyo ayaa isaguna ku celceliyey inaan loo baahnayn in la iska indho
tiro baahida loo qabo in la helo baarlamaan ay dadku soo doortaan. Mudane
Siilaanyo waxa uu tilmaamay in xisbiyada mucaaradka ahi ay yihiin
aqlabiyadda bulshada, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in dadkaa
taageerayaashooda ahi ay wakiilo ku yeeshaan baarlamaanka.
“Dadku waxay u baahan yihiin golayaal metela, oo ay iyagu soo doorteen”
sidaa waxa yidhi Mudane Siilaanyo oo ka hadlayey mawduuca muddo kordhinta,
wuxuuna isaga hoosta ka xariiqay inay tahay arrin aan waafaqsanayn
dastuurka Qaranka.
Guddiga Doorashooyinka oo dhawaan soo saaray warbixin ay kaga hadlayeen
doorashooyinkii dhacay ayaa soo jeediyey in la soo dedejiyo doorashooyinka
baarlamaanka, si loogu dhamaystiro nidaamka Dimuqraadiyadda iyo hanaanka
xisbiyadda badan, isla markaana loo helo xukuumad dhamaystiran oo ku timid
doorashooyin, waxayna intaa ku dareen inay hayaan kharash baaqi ka noqday
doorashooyinkii madaxtooyadda, isla markaana haddii loo galo dedaal sidii
loo qaban lahaa doorashooyinkaa ay qabsoomi karaan xag maamul iyo xag
maaliyadeedba.
Waxa kale oo jira aragtiyo iyo talooyin dhiiri-gelinaya in la soo dedejiyo
doorashooyinka baarlamaanka, kuwaas oo ka imanaya diblomaasiyiinta
shisheeye oo qaarkood ay dhawaan dalka yimaadeen, isla markaana ku balan
qaaday inay kaalintooda ka qaadan doonaan kharashka ku baxaya
doorashooyinkaasi.
Sidoo kale dadka u dhuun-daloola arrimaha siyaasadda ee Somaliland ayaa
iyaguna muujiyey sida loogu baahan yahay in la dhamaystiro nidaamka
dimuqraadiga ah, taas oo suurto gelinaysa jiritaanka xisbiyo mucaarad ah
oo ka hana qaada dalka, waxayna aragtiyahaasi qabaan haddii aanay helin
axsaabtu inay wax ku yeeshaan talada dalka, iyo golayaasha sharci dejinta,
inay taasi keeni karto inay shiiqaan axsaabta mucaaradka ahi. Taas oo
waxba kama jiraan ka dhigaysa hanaanka aynu geedi u nahay.
Sidoo kale maalmo ka hor waxa golaha wakiiladda warbixin uu kaga hadlayo
shirar muhiim ahaa oo uu ka qayb galay ka jeediyey Dr. Axmed Xuseen Ciise
oo ka mid ah aqoonyahanada u ololeeya qaddiyada Somaliland ayaa mar uu ka
hadlayey sida loogu baahan yahay dhamaystirka nidaamka dimuqraadiyadda iyo
tartanka doorashooyinka golayaasha xeer dejinta, waxa uu xusay aragtida ku
saabsan doorashayoonkii dhacay Somaliland iyo sida ay lagama maarmaanka u
tahay in la dhamaystiro, laakiin warbixintaa ka dib waxay mudanayaasha
qaarkood aad uga cadhoodeen soo hadal qaadka mawduuc la xidhiidh
doorashooyinka baarlamaanka, iyada oo mudane ka tirsan baarlamaanku inta
uu istaagay yidhi “Waxaan joogay 10 sanadood inaan ka tagana dooni maayo,
waayo ka aan u banaynayo, kursiga waa inaan wax uga sii tagaa, haddii
lacag kasta loo hayana xiligan lama qaban karo doorashooyin”. “Maxaa
doorashooyinka baarlamaanka dabar looga dhiganayaa” sidaana waxa yidhi
mudane kale oo cadho kaga jawaabaya soo jeedinta in la soo dedejiyo
doorashooyinka baarlamaanka.
Laakiin taa macneheedu maaha in mudanayaasha baarlamaanku ay ka soo wada
horjeedaan in la soo hormariyo doorashooyin baarlamaanka, tusaale ahaan
mudane C/Qaadir Jirde oo ah gudoomiye ku xigeenka golaha wakiiladda ayaa
dhawr jeer ku ceceliyey sida loogu baahan yahay inay axsaabtu hana qaadaan,
si aanay u shiiqin, wuxuuna soo jeediyey, inay xukuumaddu gacan qabato, oo
ay talada dalka wax ku yeeshaan, iyo in la helaan mudanyaal ay ku yeeshaan
golayaasha sharci dejinta.
“Maanta Adduunka waxaynu ugu faani karnaa waa axsaabtaa mucaaradka ah ee
soo baxday, haddii aan la gacan qabana waa hubaal inay shiiqayaan, taas oo
Somaliland ku ah guul darro weyn” sidaa waxa yidhi mudane C/Qaadir Jirde.
Si kastaba ha ahaatee waxa jira dareemo cadho leh oo ay mudanayaasha
labada gole ka muujiyaan marka la soo qaado doodaha ku saabsan arrimahan
iyo talooyinka laga soo jeediyo, tusaale ahaan markii ay guddida
doorashooyinkii soo jeediyeen talooyinka aynu kor ku soo sheegnay waxay
ugu hanjabeen qaar ka mid ah golayaashu inay iyaga (Guddida Doorashooyinka)
ay kalsoonida kala noqon doonaan, haddii ay fari gelin ku sameeyaan muddo
kordhintaa, sidoo kale maalintii shalay waxa uu gudoomiyaha golaha
wakiiladda Mudane Qaybe ayaa mudanayaasha hadal kooban oo uu jeediyey ku
soo qaaday arrintan, oo uu ku tilmaamay mid ay hadal haynteedu aad u
badantahay, isla markaana aan xaq loogu lahayn in hadal laga daba keeno,
oo ay tahay mid sharciya.
Si kastaba ha ahaatee waxa inta badan doodaha lagu soo qaado arrimahan
lagu soo bandhigaa baahida loo qabo baarlamaan la soo doortay oo ay
mucaaradku ka muuqdaan ay tahay danta somaliland, isla markaana waxay
su’aalo ka taagan yihiin sida ay u wada shaqayn karaan madaxweyne la soo
doortay iyo mudanayaal hab beeleed ku yimid, waxayna arrintanu u muuqataa,
mid caqabad ku noqon karta himilooyinka iyo ujeedooyinka mustaqbalka
Somaliland.
Haddaba marka la isku soo xooriyo waxa muuqda dareen cadho oo ka yimaada
dhinaca mudanayaasha labada gole marka laga hadlayo arrintan, laakiin waxa
taa ka soo horjeeda diidmo xoogan oo isa soo taray oo ka imanaysa dhinac
ra’yul caamka iyo danta Somaliland sida ay ku jirto. Top
Wasiiradda
Maaliyada iyo Ganacsiga oo la shiray Ganacsatada. |
Haargeysa(Haatuf): Wasiirka Maaliyada Xuseen
Cali Ducaale iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Wershedaha Maxamed Xaashi Cilmi,
ayaa shalay kulan la yeeshay ganacsatada waaweyn ee keenta badeecadaha
kala duwan, kulankaas oo ka dhacay Xarunta Rugta Ganacsiga ee somaliland,
waxa wasiirada iyo Ganacsatada waaweyn ku weheliyay Godoomiyaha Rugta
Ganacsigsa, C/raxmaan Faarax Sugaal, waxaana kulankaa lagaga wada hadlay
sidii ay Ganacsatada iyo Xukuumadu u wada shaqayn lahaayeen.
Waxyaabaha labda dhinac ka wada hadleen waxa ka mid ahaa, sidii ay
Ganacsatadu u bixin lahaayeen Cashuurtii ku baaqatay . Wasiirka Maaliyada
Xuseen Cali Ducaale ayaa u sheegay Ganacsatada in loo baahan yahay inay
Baayacmushtarku yeeshaan xisaab xidh ay ku dhaqmaan, taasoo ay u keenayaan
Xukuumada si ay dawladu u eegto qof walba wixii kusoo beegma dakhli
sanadeed ee uu bixin karayo.
Wuxuuna ka waramay Tijaar hore oo uu garanayo oo maalkooda aan ka bixin
jirin Cashuur, Sadaqad iyo Seko toona, kuwaas oo aan la garanayan meel ay
ku danbeeyeen.
Wuxuuna ku booriyey tijaarta inay waajib tahay inay u soo xereeyaan
dawladda wixii cashuura ee ku waajibay, taas oo ay dawladdu ku daboolayso
baahiyaha bulshada, sida dugsiyada, cusbitaalada iyo adeegyada kale ee ay
bulshadu u baahantahay.
Wasiirku waxa uu intaa ku daray inay tijaartu xaq u leeyihiin inay
ogaadaan halka ay marto cashuurta ay dawladdu ka qaado, taas oo loo baahan
yahay inay dhinacooda dawladda ku ilaaliyaan.
Wasiirka ganacsiga iyo wershadaha Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isaguna hadal
dheer oo uu halkaa ka jeediyey uga waramay tijaarta kaalinta iyo doorka ay
ku leeyihiin horumarka bulshada, wuxuuna sheegay inaan loo baahnayn inay
tijaartu badeecadaha ay keenaan ay iyagu tafaariiqeeyaan, balse loo baahan
yahay in la kala xadeeyo baayac-mushtarka, wuxuuna tusaale u soo qaatay
badeecadaha faraha badan ee dalka dibadiisa ka yimaada, kuwaas oo aan
qaarkood loo baahnayn.
Tijaartu waxay kulankaa ka soo jeediyeen cabashooyin ay kaga cabanayaan,
cashuuraha qaaliga, iyaga oo tusaale u soo qaatay dekedda Berbera, waxa
kale oo ay tijaartu sheegeen inaanay dawladdu la tashan marka ay arrimaha
cashuuraha wax ka bedelayso.
Waxa kale oo ay soo jeediyeen sida loogu baahan yahay in la helo Bangi
madax banaan oo ka shaqeeya arrimaha ganacsiga.
Wasiirka ganacsiga ayaa kulankaa ka qiray inay dekedda Berberi tahay mid
culays badan cashuurteedu ku hayso ganacsatada, waxayna wasiiradu balan
qaadeen inay xukuumad ahaan wax ka qabanayaan cabashooyinka ay soo
jeediyeen tijaartu.
Gabagabadii kulankaa waxa la isla gartay sidii loo xoojin lahaa, wada
shaqaynta ka dhaxaysa ganacsatada waaweyn iyo xukuumadda. Top
Dablay
Hubaysan Oo Shalay Soo Weerartay Madaarka Hargeysa. |
Hargeysa (Haatuf): Dablay hubaysan ayaa
shalay soo weerartay abaaro tobankii iyo badhkii subaxnimo weerar gaadmo
ah ku qaaday madaarka magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku dhaawacmeen
saddex askari oo ka tirsan ciidanka booliska ee ka hawlgala garoonka
diyaaradaha, waxayna waxyeelo u gaysteen laba ka mid ah diyaaradihii
rakaabka ee wakhtigaa garoonka ku sugnaa.
Dablaydan oo watay ugu yaraan laba gaadhi oo ah nooca loo yaqaan MarkII,
waxay garoonka kaga yimaadeen dhinaca oogada, waxaanay gaadiidkii ay
wateen kaga degeen iyaga oo hubaysan gegadii ay taagnaayeen diyaaradaha
shirkada Daallo, Star iyo Gallad, waxaanay tacshiirado rasaas ah huwiyeen
askar bilays ah oo aan hubaysnayn, oo isku dayey inay ladqabeeyaan,
dablaydii, ee sida kediska ah u soo gashay garoonka, waxaana halkaas
dhaawac ka soo gaadhay saddex askari oo ka tirsan bilayska, taas oo
keentay inay bilayskii kale ee ku sugnaa madaarku ay u cararaan dhinaca
saldhiga bilayska madaarka, oo ilaa boqol talaabo dhinaca woqooyi ka xiga
dhismaha guud ee madaarka.
Weerarkan dablaydu wuxu dhacay xili uu madaarku mashquul ku yahay kala
hagista duulimaadyada diyaaradaha ee rakaabka u qaada dhinaca dalalka
Emaraadka , Sucuudiga, Djibouti iyo Yurub.
Ciidanka bilayska madaarka ayaa markii dambe dablaydii hubaysnayd garoonka
ka saaray, ilaa 15 daqiiqo ka dib markii ay garoonka soo galeen.
Hawlgalkaas waxa sida la sheegay bilayska kaga dhaawacmay Cabdi Cali Good,
Saalax Xuseen C/laahi iyo Cabdi Ibraahim ismaaciil, iyada oo ay bilaysku
hawlgalkaas gacanta ku dhigeen shan nin oo ka tirsanaa dablaydii weerarka
soo qaaday, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Cali Waraabe oo ka tirsan
ilaaliyayaasha Shirkadda Star uga shaqeeya madaarka, oo Cusmaan Cali
Xuseen iyo Saleebaan Kalaas oo dhaawacii u dhintay ka dib markii la keenay
cusbitaalka.
Intii aan madaarka laga saarin dablaydu waxa ay koreen labada diyaaradood
ee kala leeyihiin (kiro), labada shirkadood ee Daallo iyo Gallad, waxaanay
labadii diyaaradood gaadhsiiyeen waxyeelo aan weli la ogeyn inta ay
baaxadeedu tahay.
Hase yeeshee labadii diyaaradoodba waxay xalay ku negaadeen garoonka
Hargeysa, ka dib markii ay cilado farsamo ka soo gaadheen rasaastii
dablayda.
Afhayeen u hadlay shirkadda Daallo shalay galab ayaa sheegay in waxyeelo
dhinaca dabka ahi soo gaadhay diyaaraddii u kiraysnayd oo ah nooca loo
yaqaan IL-18 (IL-yooshan 18) oo qaada 110 rakaab ah.
Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in rakaabkii ay qaadi lahayd diyaaraddu
oo u socday dhinaca Dubia ay raaceen diyaarad kale, oo ay shirkadu isla
shalayba u soo duday dhinaca Hargeysa.
Taliyaha booliska Somaliland C/Qaadir Muuse oo weriyayaal Haatuf ka tirsan
ay kula kulmeen madaarka wax yar ka dib markii ay dablaydu halkaa soo
weerartay ayaa ka gaabsaday inuu wax ka sheego sababta ay dablaydu u soo
weerartay madaarka.
Hase yeeshee sida dad badani rumaysan yihiin weerarkani wuxuu ku lug lahaa
xadhiga Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare), oo sabtidii dhaweyd ay
ciidamada amaanku jeelka Hargeysa u taxaabeen, ka dib markii ay ka qabteen
garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa. Top
RAADYOW MA
QALOOCSHE, A. A. Garas. |
Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydinka
dhegaysatan mawjadaha kaftan aqoonka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq
abuurka.
Akhyaartayada indhaha cad-cadow, waxaad ku soo durugtaa warkii dunida.
Warkii oo la ganteeyay.
Dagaal seel-seeli dad iyo dayuurado lagu cawaray ayaa shalay daf laysku
yidhi istaanka dayuuradaha ee Cigaal Boori eer, kadib markii dablay
xaragoonaysay oo laba tagsi ku soo duulay ay karbaash la dhaceen
dayuuraddo xaqanaas oo istaanka ka rakaabsanayay. Waxa kaloo ay rasaas ka
dhergiyeen dablaydaas dagaal seelseeliga soo qaaday oo ahaa rag
maleeshiyana ka dhaadheer, mayo-aloolna ka gaagaaban, ciyaala suuqna ka
waaweyn.
Duulaankaa waxa iska reebay askartii istaanka iyo kaariyadii garoonka.
Duulaankaas waxa ku heermay oo nabaro ka soo gaadheen saddex duullane iyo
saddex difaace oo boolis boodhka joogay, waxaana ku qudh waayay hal nin.
Dagaalkani waxay ku soo beegantay xilli askarta madaarku bilaa qori ku
ciyaarayso oo balaayo ka baydhsan tahay. Askari dable sare ah oo garoonka
joogay oo aan waydiiyay siday dablayda ugu suurto gashay in ay garoonka
dhexdiisa gasho oo dayuurka xaqanaas inagu layso? Wuxuu ku jawaabay;
“Annaga oo cashuurta kala horeyna ayaanu aragnay tagaasi garoonka dhex
yaacaysa, waxaanu moodnay Ciidagale iska ciyaaraya oo doonaya in ay
tagaasida sida dayuuradaha u duuliyaan, balse markii dambe waxaanu aragnay
nimankii oo intay dayuuradihii fuuleen wadnaha rasaas kala dhacaya.”
Waad ka yaacdeen baa la yidhiye ma runbaa? “Oo maxaanu u yaaci waynay, saw
sahra tuugo garande ahi nama helin.” Oo dabadeedna? “Dabadeedna dagaal
hoolmaan, tuu diyaaradood kambashu daaydh, xafiisyadii xabadu wiif-wiif.”
Dablaydan loo malaynayo in ay ahaayeen argagixiso is-magacawday, waxase
wararku sheegayaan in ragaasi ay ahaayeen dad Jaamac Yare u dirir ah oo ka
xanaaqsan xadhiga lagu soo dhaweeyay, kadib markii Federaalnimo laga
furfuri waayay, kaas oo dayuurad wax kale u jeed ahi dhaxdin kula soo
martay magaalada Hargeysa.
Odaygan ibtiladu ka dhacday oo la yidhaa Jaamac Yaroobe, waxa soo xidhay
Ismaaciil Yaroobe oo ah wasiirka ammaanka iyo arrimaha gudaha, kaas oo
lagu eedeeyay falal ay ka mid yihiin Federaal la meermeer iyo ambaasidoor
arkiwaa iyo Shankaroon ka shaki iyo shuqulo kale.
Odaygan oo la sheegay inuu yahay boolatiishan weyn oo balaayada Banaadir
uga yimi, kaas oo dantiisa fariid ku ah, balse dadka qaar u yaqaaniin nin
carqalad gelinta Ciidagale caano uga fududahay, kaas oo ka mid ahaa
macalimiintii nacasnimadii sokeeye iskaga soo horjeeday xilligii Alla ha u
naxariisaygii isu soo ururinayay Jaamac Yaroobe oo ka mid ahaa ragii
odaygaasi inkaarta kaga dhintay.
Waxa wararku sheegayaan markii dawladda iyo daa’uud ay awgii isku seegi
gaadheen shalayto galabtii lagu yidhi: “Adeer, waxaad sidatay sido oo
xageenu ku geynaa.” Kaas oo u yidhi; “Djabuuti igu celiya.”
Inkasta oo aanay ii suuro-gelin in aan waraysto Jaamac Yaroobaha laftiisa,
haddana waxa la sheegay in isaga laftiisu aad uga cadhooday falkan
Gaashaanbuur-gadoodka ahaa, kaas oo aanu raali ka ahayn, isaga oo aan
doonahay in fikirkiisa Fedaraalnimada ahi fadqalalo abuuro.
Wasiirka ammaanka iyo arrimaha gudaha, Ismaaciil Yaroobe ayaa dadka qaar
wax ka saareen xadhiga yaroobaha kale, kaas oo ay yidhaahdeen “tolow UDUB
iyo federaaladu way is fahmi jireene, Jaamac mayuu keni adkaaday.”
Ismaaciil Yaroobe, ayaa warbaahinta ku yidhi, “waa oday weyn oo haddana
garan la’ in Somaliland dawlad tahay oo ilaa imika gobol u haysta.”
Xadhigiisa mar uu ka hadlay wuxuu yidhi: “Xukun dawladeed baa lagu xidhaye,
xisaab samarbaa laguma xidhin.”
Habar nabadgelyada u halganta oo hay sheegin igu tidhi ayaa iigu warantay,
“Dadku waa dawakhsan yihiin, nabaddana aanu helno, dadka fidnada wada yaan
la xidhxidhin, xagay ka waalan yihiin,” iyadoo guul-wadanimadeeda sii
wadata waxay tidhi; “Jaamac baa la xidhay baa leedihiine, Jaamac ma nuur
buu ka samaysan yahay, sawtii Suldaankii iyo Saleebaanba inta la xidhay
aan dayuuradna loogu aarin.”
Mid kale ayaa tidhi; “Eesh calaa dawlad, waar dawladii waatii garoomadeeda
la soo weeraro, sidii Maraykan.”
Si kasta ha ahaatee, arrintani waxay ka nixnixisay dadweyne nabad ku
calaacalka ku jiray, kuwaas oo ku waramay in ay waxay daayeen dib u
bilaabeen.
Dhinaca kale, xukuumadda iyo UDUB waxa lagu yidhi, “Dawladiinii tayada
lahayd, ma tan tobanka nin ku dhex tooganayaan dayuuradaha ee kari wayday
in ay soo qabato tagsiyadii.”
Gabay - Asli Internet.
Kooxaha shiraayee
Fadhiya Kiinayada hoose
Kaabulada islaayayiyo
Habraha kow iskaga siiyay
Kursi laysu qaatiyo koob
Ama kubaayaadka
Kibligaatka kala qabanayee
Kala kaxaynaaya
Ka kac iyo ku ladi maysid
Iyo kaalay naga qaada
Kun baan dilay
Kun baan dhaawacayiyo
Kuman kalaa laayay
Kana kulul
Kanaa soo kalahay
Kanina waa diiday
Kadhkadhiyo iskala jiidkiyo
Kabadho jiidhjiidhka
Kibaakiga u yeedhyeedhashada
Kaarto weyn ma lahe’e,
Kaftan kuma hadlaaye
Haddii laysku kululeeyo
Koofiyadahaad tuuraysaan,
Amase dhawr koodhe,
Kabtan janan ku soo kidiyay
Waa inuu kashleeyaaye
Kabisee waxaad doonaysaan
Kaba layaaciiye,
Koonfurey na daa
Waxaanu nahay
Kuwaad tiqiineene.
Kontonkaa waxaan karin jiriyo
Kimista qaarkeed dheh,
Kuukuuyo ururtiyo
Islaan kabaysa ceesaan dheh,
Kadaloob nin weyniyo
Wasiir kuududsaday meel dheh,
Kuray kadin dameera watiyo
Kaarayaal qaxay dheh,
Ku kalana hadaan odhan lahaa,
Waa karaahiyo dheh.
Kolkii aan halkaa marayay
Baan kaahiyay naxaye,
Kibirkiyo isqaadqaadku
Waa ku aan haboonayne,
Kala roorkii shalay yaabayiyo
Kolanyadii jaane,
Kalabaydh anoo joogoo
Kolay ku meeraaya,
Kiishiyo war kabadh lagu sidoo
Habari koonlaysay,
Oo aan ka diday baan maqlaye
Kaalay ila qaada,
Kiishadaha ragii xidhan jiree
Kaalmada ku raadsha,
Kiiloo mid soo helay
Haddii jeelka lagu kaydshay,
Waa tii kuwii yimi la xidhay
Kiimamkii hore’e,
Ma kanaa wax dheer
Waan arkaa kor isku qaadkaase,
Ninna koodhka kama faani karo
Kamana weynayne,
Kaambaynka waxa loo ahaa
Yay iskaarihine,
Kiro kii la soo siiyo
Ee dib ula soo kaaja,
Kurkiyo wuxuu waayayaa
Kubada qaarkeede,
Kumanaan horaa nagaga maqan
Reerkii kildhaan ahaye,
Kasba nimaan lahayn bay hodaan,
Kaash xambaaraduye,
Kuubaan sidiisii
Dadbay kadabyo gooyaane,
Kud cunooyin waa waxa cawaray
Kaalinta u jooge,
Karamaadu waxay kaga luntaa,
Kimis yar doondoone.
Kariimow Allow noo gargaar,
Kaamil baad tahaye. Top
Golayaasha
Deegaanka Waxa Iskaga Khaldan Fulintii Iyo Hawsha Golaha Deegaanka,
“Saaxiibadaydii Lahaa Wax Baanu Badalnayoow Aniga Waad Igu Degdegteene
C/qaadir-na Ha Ku Degdegina,” Duqii Hore Iyo Xafladii Xilwareejinta
Gebilay. |
Gebilay (Haatuf): Xarunta dawlada hoose ee
Gebilay ayaa shalay lagu qabtay xaflad ay xilka kula kala wareegayeen
maayarka cusub ee degmada Gebilay C/qaadir Axmed Cumar Giriig iyo
maayarkii hore ee degmada Gebilay Muxumed Geele Seed.oo ay horaantii
todobaadkan xilkii ka qaadeen golaha deegaanka ee gebilay, islamarkaana ay
doorteen maayar cusub.
Xafladii xil-wareejinta oo ay ka soo qayb galeen wasiir ku xigeenka
wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Jaanbiir , badhasaabka Gobolka Hargaysa
C/laahi Shabeel Guure (C/laahi ciro,), mudanayaasha golaha deegaanka
Gebilay,, shaqaalaha Dawlada Hoose iyo marti sharaf ka socota dadweynaha
reer Gebilay.
Waxa ugu horeyn halkaa ka hadlay xog-hayaha fulinta dawlada hoose Maxamed
Ciise Dhargiye waxaanu hadalkiisii ku bilaabay: “Anigu intii aan joogay
waxa xilka la kala wareegay afar gudoomiye, waxaan ugu imid Xasan Xaaji
waxa kala wareegay Abiib Xasan, isna waxa kala wareegay Muxumed Geele
maantana wuxuu ku wareejinayaa gudoomiyaha cusub C/qaadir Axmed Cumar
Giriig” intaa ka dib Cabdi Aw Xereeye oo ka mid ah golaha deegaanka ayaa
halkaa ka hadlay wuxuuna yidhi isaga oo dadweynaha la hadlaaya:
“Dadweynoow walalayaaal 21 kayaga si uunbaa noo soo wada doorateen, ninka
aanu gudoomiye ka dhignona anaguun-baa ka dhigna, kaanu ka qaadnana
anaguunbaa ka qaadnay, ayaan loo arkin inaanu dan gaar ah u bedelnay, iyo
dan shkhsi waxaanu u bedelnay waa danta ummadda, anaga oo is-leh wax
hagaajiya waxna toosiya”.
Wuxuuna intaa ku daray inuu dedaalkoodu yahay inay sare u qaadaan hawsha
ay u hayaan dadka.
Ka dib waxaa isna halkaa ka hadlay wasiirku ku xigeenka arrimaha gudaha
Mudane Axmed Jaambiir waxaanu yidhi “anigu waxaan halkan u imid inaan
labada oday ee xilka la kala wareegaya u goob joog ka noqdo, Ilaahay ha ku
garab galo hawshan loo xilsaaray, golayaasha deegaanka waxa iskaga khaldan
fulintii iyo hawsha golaha deegaanka, waxaana haboon in golaha deegaanku
ku ekaadaan shaqadooda oo kaliya, wixii hawl la qabanayo ku wareejiyaan
fulintooda, fulintuna waa inay fuliyaan wixii ay gaadhaan golaha deegaanku”.
Intaa ka dib waxa halkaa ka hadlay duqii hore ee Gabiley Muxumed Geelle
Seed, isaga oo ka waramay waxqabadkiisii muddadii uu xilka hayay, isaga oo
sheegay inuu qabtay mashaariic badan.
“Saaxiibadaydii lahaa wax baanu bedelaynaayow, aniga waad igu deg-degteen,
ee saaxiibkay C/Qaadirna ha ku deg-degina, waanan ku soo dhaweynayaa
saaxiibkay, anigu halkan kumaan iman xoog, ee golaha ayaan xubin ka ahay,
haddii wax la toosinayo waxaan ka mid ahay kuwa wax toosinaya, haddii wax
la kharibayana anigu ka mid noqon maayo kuwa wax kharibaya” ayuu yidhi
Muxumed.
Ugu dambayn waxa halkaa ka hadlay duqa cusub ee Gabiley C/Qaadir Axmed
Cumar (Giriig), isaga oo u mahad naqay duqii hore, “Anigu odhan maayo
waxaas iyo waxaasaan qaban doonaa, laakiin wixii golaha deegaanku soo
gooyaan ee dadweynuhuna doonayo ayaanu qaban doonaa” ayuu yidhi. Wuxuuna
ka codsaday golaha deegaanka iyo dadweynahaba inay la shaqeeyaan maayarka
cusub ee aan keligii hawsha lagu eegin. Top
Khilaaf Ka
Dhashay Qaxootiga Ku Qul-Qulaya Talyaaniga. |
Qulqulka ugu dambeeyay ee soo galitaanka
sharci darada ah ee xeebaha koonfureed ee Talyaaniga, ayaa khalkhal iyo
kala qaybsanaan ku dhex abuuray dowladda midigta dhexe.
Kuwii ugu dambeeyay ee yimaada waa ilaa boqol iyo konton qof oo ka soo
tagay wadamada ka hooseeya Saxaraha, kuwaasoo isugu jira ilaa labaatan
haween iyo caruur ah oo doontii ay saarnaayeen ay qasab noqotay in la
badbaadiyo.
Waxaa la kordhiyay kormeerka badda ku hareeraysan jasiiradda yar ee
Talyaaniga ee Lampedusa, iyadoo laga cabsi qabo in hawada oo
wanaagsanaatay ay keento in ay soo jiidato kooxaha ka ganacsada kala
gudbinta dadka in ay soo galaan safarka qaadanaya tobanka saacadood ee
looga soo baxo xeebaha waqooyiga Africa.
Qulqulkan soo galootiga ah oo u muuqda mid aan la joojin karin, ayaa wuxuu
ku abuurayaa kala qaybsanaan aad u wayn dowladaha isbahaystay.
Ururka reer waqooyiga oo doonaya in doomaha lagu soo safro xoog dib loogu
celiyo, ayaa ugu baaqay wasiirka arrimaha gudaha, Beppe Pisanu in uu xilka
ka dego, iyagoo sheegay in uu ku dhiiran waayay in uu wax ka qabto
arrintan.
Waraysi uu wargays siiyay shalay, ayaa Mr Pisanu uu ku celiyay in dadka ay
dhibaatadu ku haysato badaha ay tahay in la badbaadiyo, oo ay tahay in
dhibaatada lagu xaliyo iyadoo runta la taabanayo ee aan la iska qaylin ama
la is aflagaadayn.
Ururkan kuwa kale ee ay isbahaysiga yihiin sida Forza Italia iyo alleanza
nazionale, ayaa si xoog leh u daafacay shaqada wasiirka uu qabtay.
Qaar badan oo iyaga ka mid ah, waxay aad uga sii xumaanayaan dhaqan xumada
hogaamiyaha ururka reer waqooyiga Umberto Bossi.
Mid ka mid ah wasiirada dowladda, ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in
qatarta la wajaho intii si joogto la isku hayshaysan lahaa.
Mucaaradka, ayaa sidoo kale difaacay Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaana ay
ku baaqeen dood deg deg ah in baarlamaanku uu todobaadkan ka yeesho
arrinta soo galootiga. Top
Shir Laga
Yeeshay Dib-U-Dhiska Ciraaq. |
Saraakiisha QM ee gargaarka ayaa sheegay in
dalabkaan deeqda ah ee ugu dambeeya loogu talo galay in wax looga qabto
baahida hadhsan ee ciraaqiyiinta ilaa iyo sanadka dabo yaaqadiisa.
Marka laga gudbo qiimayntii lagu saadaaliyin cunoyarida ka jirta Ciraaq ka
hor dagaalka uu Mareykanku horseedayey ee lagu qaaday Ciraaq, hase yeeshee
dadka reer Ciraaq dhibaatadaa uga gudbay si ka wanaagsan sidii la filayey.
Iyadoo la sheegayo in dadka reer Ciraaq in ay si weyn ugu tiirsan yihiin
cududda gargaarka ee Qaramada Midowbay iyo hay'adaha kale ee gargaarka.
Qaramada Midowbay waxay sheegaysaa in ay aad ugu qanacsan tahay kharashka
lagu bixiyo cunadda keydka ah iyo daruuriyaadka kale sida adeega
caafimaadka iyo dayactirka adeegyada aasaasiga ah.
Saraakiisha Qaramada Midowbay ayaa sheegaya in uu ku talgalkoodu yahay
inta badan laga gudbo wajiga gargaarka aadaninimo sanadkan dhamaadkiisa.
Markaas oo ay rajadu tahay in la bilaabi doono dib-u-dhiska dalka ee mudda
dheer. Arrimahaas ayaa waxaa laga wadaxaajoon doonaa maanta oo Salaasa ah.
Waxaana ka qeyb qaadanaya wadaxaajoodkaas,Hay'adaha Qaramada Midowbey,
wakiilo ka kala socda dowladaha xooga ku heysta Ciraaq ee Mareykanka iyo
Britian iyo tiro yar oo shaqaale dowladeed Ciraaqiyiin ah, kuwaas oo loo
magacaabay maamulka ku meel gaarka ah ee magaalada Baqdaad.
Kulankan waxaa loo arkaa in uu hor u dhac u yahay kulan ka weyn oo la
qorsheeyey in la qabto bisha September ee sanadkan oo isna looga hadli
doono qorshaha dib u dhiska Ciraaq. Top
Ra’iisal-Wasaaraha Hindiya Oo Booqday Shiinaha. |
Heshiisyada India iyo Shiinaha, waxaa looga
gol leeyahay sidii loo kordhin lahaa iskaashiga labada dhinac ee Sayniska
iyo technologyogada, ganacsiga iyo waxbarashada.
Labada wadan waxay kaloo go'aansadeen in ay ka wada shaqeeyaan horumarinta
adeegyada bulshada gaar ahaan dhinacyada quwadda iyo khayraadka biyaha.
Waxaa kaloo ay kala saxiixdeen heshiis la xidhiidha fududaynta dalku-galka
labada dal, iyadoo labada ra'iisul wasaare ay isla ogolaadeen in la sii
dardargaliyo isdhexgalka labada bulsho ee Shiinaha iyo India, iyo in la
aasaaso xarumo dhaqan.
India iyo Shiinaha labadaba, waxay ku adkaysteen in loo baahan yahay
iskaashi dhaqaale oo dheeraad ah, si loo laba jibaaro dhowrkii sano ee
kasta ganacsiga sanadkiiba ay ku baxdo ilaa shan billion oo doolar.
Kulanka u dhaxeeyay labada ra'iisul wasaare, waxaa ka horeeyay soo dhowayn
aad u wayn oo loo sameeyay hogaamiyaha India ee booqashada ku joga
Shiinaha.
Qodobada aan laga wada hadlin waxaa ka mid ah muranka xadka, Tibet iyo
xukuumadda Delhi waxa ay u aragto taageerada xukuumadda Beijing ay siiso
xukuumadda Islamabad ee Pakistan.
Hase yeeshee, Wasiirka Arrimaha Dibedda India Yashwant Sinha, ayaa u
sheegay weriyayaasha in labada dhinac ay xooga saarayaan dhinacyada labada
dalba faa'iidada u leh, isla markaana ay labada dhinacba ku dadaadalayaan
in xal nabadeed loo helo farqiyada u dhaxeeya. Top
Wargeysyada
Caalamka ee Todobaadkan. |
The Observer.
Wargeyska The Observer ee maalinta Axadda ka soo baxa dalka Britaina ayaa
daabacey maqaal uu kaga hadlayo baaq boqorada Britian ku lumineyso
madaxtimada Kaniisada England.
Wargeysku waxaa uu qorey isaga oo soo xiganaya warbixin weyn oo ka hadeysa
boqortaayada, in boqorada ay tahay in laga qaado magaca ah in ay tahay
madaxa ugu sareeya ee Kaniisada England, si qoyska boqortooyada ay si
wanaagsan uga muuqato in dalka Britain uu yahay dal ay ku wada dhaqan
yihiin dad isiro kala duwan iyo diimo kala duwan leh.
Wargeysku waxaa uu intaa ku darey, warbixintan ay soo saareen gudi
howshiisa wadey muddo sanad ah, oo ka baaraandagayey mustaqbalka
Boqortooyada ayaa soo jeediyey isbedelkii ugu weynaa ee boqortooyada lagu
sameeyo tan iyo marka laga soo bilaabo Henry-gii Sideetaad ee u noqoday
madaxa Kaniisada England.
Wargeysku waxaa uu sheegey in warbixintan la soo saari doono labada
todobaad ee soo socota laguna soo jeediyey in boqoradu ay noqoto madaxa
dalka oo aysan u go'naan diin gaar ah.
Wargeysku waxaa sheegey in gudiga soo saarey warbixinta in ay wadasheyn
buuxda ka heleen qasriga boqortooyada, waxayna sheegayaan sida uu
wargeysku qorey in aysan dooneyn in ay arkaan in burbur buuxa uu ku dhaco
Kaniisada England, hase yeeshee, ay doonaayaan in Kaniisadu ay joojiso
xidhiidhka ay la leedahay boqortooyada.
The Monitor.
Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa qorey maqaal uu
kaga hadlayo in madaxwene Musevene uu doonayo in uu mar saddexaad jagga
madaxweynenimada uu helo.
Wargeysku waxaa uu sheegey Ra'iisal wasaare ku xigeenkii hore ee dalka
Uganda, Eriya Kategaya in uu sheegey in madaxweyne Yoweri Musevene oo ka
danbeeyo hindise wax looga badalayo qodob ku xusan dastuurka oo xadidaya
inta goor ee madaxweynaha uu u tartami karo jagadda Madaxweynenimada dalka.
Sida uu qorey wargeysku, madaxweyne Musevene ayaa weydiistey shirkii
Guddiga sare ee dhaqdhaqaaqa Qaranka ee la qabtey bishii March in la qaado
xadidaada lagu soo rogey inta goor ee uu madaxweyne xukunka qaban karo.
Wargeysku waxaa uu intaa ku darey in madaweyne Museveni uu sheegey in
uusan naftiisa u dooneyn waxa lagu sheegey xili seddexaad, hase yeeshee uu
u doonayo in madaxweyne kasta uu u tartami karo xili seddexaad. Hase
ahaatee, Mr. Kategaya oo isaga laftiisu ahaa Wasiirka Arrimaha Guddaha ka
hor inta aan la badalin bishii la soo dhaafey, ayaa sida uu wargeysku
qoray, ka soo horjeeda dooda madaxweyne Musevene.
Cukaaz. Wargeyka Cukaaz ee ka soo baxa
dalka Sacuudu Careebiya ayaa maanta waxaa uu daabacey maqaal uu kaga
hadalayo kooxaha argagixisada ah ee Sacuudiga ka jira.
Wargeysku waxaa uu sheegey in shaley weerar ay ku qaadaan ciidamada
amaanka ee sacuudiga guri ku yaala xaafadda Al-khaalidiya ee magaalada
barakeysa ee Maka Al Mukarama, in ay ku dhinteen shan qof, toban kalena ay
ku dhaawacmeen. Wargeysku waxaa uu sheegey in howlgalkaas lagu qabtey
todobo qof oo ka mid ah kooxaha argagixisada.
Wargeysku waxaa uu intaa ku darey in kooxahaas iyo ciidamada amaanku in ay
isweydaarsadee xabado, hase yeeshee ay kooxuhu galeen guri ku yaala
xafadda Al Khaalidaya ee Maka, halkaas oo ay ku dhinteen laba ka mid ah
ciidamadii booliska oo uu midkood uu yahay sarkaal seddex xidigle ah, ka
kalena yahay wadihii baabuurka boliiska.
Waxayna ciidamad boliisku sheegeen sida uu wargeysku qorey, in gurgii
nimankaasi ay galeen laga heley hub iyo waxyaabaha qarxa oo ka badan kuwii
lagu qarixiyey dhawaan magaalada Riyaad.
Al Qudus Al Carabi.
Wargeyska Al Qudus Al Carabi ee ka soo baxa magaalada London ayaa isna
daabacey warqal la sheegey in uu soo direy hogaamiyii la riday ee Ciraaq
Saddaam Xuseen.
Wargeysku waxaa uu sheegey isaga oo soo xiganaya warqad faks loogu soo
direy 12kii Bishan Jun in Saddaam uu ku hanjabey in uu weerar ku qaadi
doono dowladda Ciraaq heysta.
Waxuuna ugu digey dadka ajnabiga ah ee Ciraaq hadda joogaa in ay isaga
baxaa inta ka horeysa 17 bishan Juun oo uu wargeysku sheegey in ay ku
beegan tahay maalintii la aasaasay xisbiga Albacthi Al carabi ee dalka
Ciraaq.
Sida uu wargeysku qorey waxaa kale oo uu Saddaam warqadiisa uu ku sheegey
in uu mar dhow qaadi wajigii koowaad ee dagaal looga xoreenayo Ciraaq
ciidamada Ajnabiga ah ee heysta.
Waxaa kale oo warqada Saddaam ku xusan sida uu wargeysku qorayo, in
wajigaan koowaad ka dib ay dhici doonaa waxyaabo badan oo lagu sheekeysto,
haddii uu ajnabiga sii joogaan dalka Ciraaq. Top
ODHAAHDA
AKHRISTAHA: Hala Dhawro Nabadgelyada Somaliland. |
Waxaa wax ilaahay loogu mahadnaqo ah in dhamaan beelaha
iyo waxgaradka wada dega dhamaan jamhuuriyadda Somaliland ay xal guud ku
gaadheen in ay nabad iyo qaranimo iyo jiritaanka Somaliland ku wada
nooladaan, taasi oo halbawle looga dhigay in nabadda la unkay ee Shacabka
Somaliland ee dahabka ahi unkeen aan lagu xad gudbin meelna lagaga dhicin,
waxaa nasiib darro buuxda ah in laga soo bilaabo geeridii Madaxweynahii
hore ee Somaliland alla ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ay
dad waxma garato ah oo ku bahoobay xisbiga UDUB, ay ku dheel dheelayaan
nabadda iyo xasiloonida umaddu kasbatay si kalana ay u isticmaalayaan,
laga soo bilaabo ololahii doorashada ee Somaliland waxaa dalka ku soo
laabtay rag madax adag oo qaranimada Somaliland aan ogolayn lana wada ogaa
xukumadduna ogayd, soo laabadka ragaasi waxaa qayb weyn oo laxaad leh ka
qaatay Dawladda uu madaxda ka yahay Madaxweyne Riyaale, taasi oo danno
gaar ah ku fushanaysay, waxaa taasi aan marag ma doonto uga dhigaya ka hor
doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday ayaa waxaa Wasiirka
Warfaafinta ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale wuxuu
safar hawleed oo looga soo diray madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa ku
yimid magaalada London ee Cariga Ingiriiska wuxuu halkaasi kula kulmay
Cabdiraxmaan Axmed Cali (TUUR) kana codsaday in doorashada hadday xisbiga
UDUB yahiin wax kala qabto, Cabdiraxmaan Tuur wuxuu yimid dhawr bilood ka
hor magaalada Hargeysa isaga oo aan umaddii ogayd mawqifkiisa iyo halkuu
qaranimada hadda Jaamac Maxamed Qaalib xabsiga loogu taxaabay ee dhiigu
ugu daatay madaarka hargeysa ka taagna, marna lagama maqal meel uu ka
yidhina lama sheegin Tuur inuu qaranimada Somaliland aaminsanyahay kana
codsaday dawladda cafis, hadaba waxaa ayaan darro ah in maanta halkii ay
umadda Somaliland ka soo baxday iyo xumaatadii umaddu ka ilbaxday warxuma
tashiil badani ku celinayaan, waxaan umadda iyo shacabka Reer Somaliland
ka codsanayaa inay nabadooda dhawrtaan oo ay ilaahay u noqdaan oo ay ka
weynaadaan, balse haddii ay xukuumadda Riyaale ka badbadiso iyadaa og
halka ay wax ku ogtahay. waxaanan leeyahay ma jirto meel cirka ka saraysa
oo la taabta mudane.
WA BILAAHI TAWFIIQ.
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA).
KARACHI, PAKISTAN Top
12 Sano Ayaan
Shaqaynayay Mushaharna Ma Qaato. |
Waxaan ahay gabdh ka soo jeeda qabiilada
tirada yar ee gabooyaha ama tumaasha, waxaan ka cabanayaa 12 Sano ee dalka
lagu jiray, waxaan ahaa gabadh joogta cusbitaalka guud ee Gebiley, kana
shaqaysan (Ogsan lari), waliba waxaan ahay shaqaalaha maalin walba
sheeqeeya ee ay hawsha culusi ku dhacdo.
Ilaa iyo hadda maalin kali ah ma helin wax mushaaro ah, iyo xuquuqda
shaqaaluhu leeyihiin.
Waxa ka sii daran taa, labadii todobaadba mar ayaan Hargeysaiyo Gebiley
kala laba noqdaa oo ay kabihii igaga dhamaadeen.
Waxa dhooban gurigayga, qoraalo, isdaba joog ah oo aan u gudbiyo, dhinaca
wasaaradda caafimaadka, kuwaas oo jawaab aan ka helaana ay tahay, malaha
kuwa lagu qanciyo dadka aan la tirsanahay, jawaabaha la ii soo celiyaa waa
noocyada, doorashadii baa lagu jiraa, miisaaniyadii baan la ansixin,
xafiiskii shaqaalaha laguuma gudbin.
Aniguse waxaan ahay mid aan samrin, oo shaqo kale ma hayo, taa mooyaane.
Waxa igaga sii daran taasi markii laygu yidhi waxa la magacaabay wasiir ku
xigeen, wasaaradda Caafimaadka ah oo reerkiina ah markaas oo aan farxad
is-qaad qaaday, wali xiligaana aan waxba la ii qaban, oo aan rajo suge aan
ahay. Shaqadaydiina aan wali wado.
Waxaan aan wasaaradda ka codsanayaa in si deg deg ah la ii soo shaqaleeyo.
Khadra Xasan Maxamuud.
Gebiley. Top
Shirka
Soomaalida EE Kenya iyo iyo Mudaharaadka Soomaaliland. |
Waxaa laga soo wareegay 12 toban sanno
markii xukunka laga tuuray keligii taliyahii xukunka adka ee dawladii
kacaanka ee dalkii la isku odhan jiray Somaliya waa Maxamed siyaad barre,
taariikhda lama qoro iyada is xaradha eh haddii dib aynu ugu noqono,
sannadkii 19990, ayaa waxaa ciidamadii xoogaga SNM oo markaasi lagu
tilmaami jiray Hanadadi hafiyey kacaankii hantiwadaaga, waxay u yabooheen,
hawlwadeeno badan oo ay isku hadaf ahaayeen, waxaa ka mid ahaa xoogagii uu
horkacaayey Jeneral Maxamed Faarax Caydiid, oo markaasi aan lahayn cudud
militery oo ay ku afganbiye karaan hanfigii shuuciyadda ee Muqdisho, waxaa
kale oo ay ururkii dhaqdhaqaaqa Wadaniga ee marka la soo gaabayo loogu
yeedhi jiray SNM, hogaankiisa siyasadeed xeeriyey in tilmaam midaysan lagu
abaaro, waa tii ninkii jiray ka yidhi:
Haddaanan haddaanan
Haddaanan dhawaaqa
Hireyda wireyda
Hayaay ka kacayda
Jahaadka Hargaysa
Barbaartu hagayso
Haweenka godoodey
Ka qayb gelin hawsha
Haddaanan haddaanan
Intii isku hiila
Hargaysiyo Bayla
Intii la hal maasha
Bakool hilinkeeda
Heeraarta Kismaanyo
Ilaa Hobyo geynin
Hiiraan u tallaabin
Runtay la hudmeene
Haddaanan haddaanan
Sidii hanqar yeedha
Hillaac iyo maayad
Dhulkoo dhan hadhaynin
Banaadir ka heesin!
Wixii hurda toosin!
Halyeyada ciilka
Ka haajirey ciidda
Halkay talo joogto
U sii farin haadda
Horaantii 91 kii ayaa ciidamadii halyeeyada ahaa ee SNM waxay si
ismiidamisa u hujuumeen magaalooyinka Burco, berbera, iyo weliba xaruntii
ay muddoyinka badan hiigsanayeen ee Hargeysa, Keligii taliye Maxamed
Siyaad Barre iyo weliba Hogaankii Ciidamada aagga gobolka Hargeysa ee loo
yaqaanay qabta 26aad, Gacan ku dhiigle Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, iyo
xubno sare oo kalaba waxay ku sugnaayeen tuulada Hawash oo ay kala
arrinsanayeen hogaankii sare ee dalka Ethiopia, in xoogaga SNM loo soo
gacan geliyo shuuciyaddii Siyaad barre, taasi waxay noqoto hal bacaad lagu
lisay, waxaanay ku noqotay Siyaad Barre iyo seedigii film hollywood
jilayso, isla galabnimadii horaantii sannadkii 1991 ayaa wuxuu siyaad
barre si deg deg ah kaga soo anbabaxay xarunta ethiopia ee addis ababa
isaga oo hogaanka sare ee ethiopia ku eedeyey inuu khiyaamiyey, balse
runtu waxay ahayd in aanay waxba kala soconin dawladda ethiopia hawl gelka
xoogaga SNM, waxaa ciidamada SNM maalmo gudahood ku sifeeyen maamulkii
argagaxa badna ee Siyaad barre, kumanaan qof oo ku bahalyoobay hareerada
waddanka ethiopia iyo xuduudaha dhaw ee Somaliland na waxay u noqotay
riyaaq iyo dabayl xoriyadeed oo aan abadan soo wajahin, akhristow,
Xorrayntii SNM, waxay dhashay in Maxamed Siyaad uu ka huleesho, dhamaanba
geyigii la isku odhan jiray Somalia, balse su,aashu waxay noqotay maxaa
xigay?
dhanka kale ee bidix ayaa iyaguna waxaa soo huleeshay xoogagii USC oo aan
runtii sidaa looga aqoon hirdankii halganka, Maxamed Faarax Caydiid, oo
wakhtigaasi hammi badan ugu jiray sidii uu reerka uu ka dhashay ugu celin
laha mansabka Siyaasadeed ayaa wuxuu isticmaalay Hammuun aan cadawga lala
beegsan balse xanuun ku noqotay runtii birma gaydo farabadan oo degenayd
xaruntii dhexe ee dawladi siyaad bare waa Muqdisho eh, waxaa halkaasi ay
xoogagii USC ee magaalada soo gelay ka gaysteen falal foolxumo ah oo
aargoosi lala beegsaday dumar iyo caruur aan waxba galabsan, taasi waxay
akhristow dhashay in xabbadii muqdisho ka caafimaadka qabtay iyo hanfigii
cadawadeed ee qarni jirsaday ee shacbiga reer Somaliland lala beegsaday
markeliya usoo guuro magaaloyinka iyo tuulooyinka Somalia (koonfur) waxa
hadraawi laga haya
Qabqabtiyo durbaannada
Daran doorri dhacayaa
Diihaal ma reebaan
Dayac beel ma haynee
Dundumaanu maydhnaa
Sida ogaxda diinkaa
Daymadu na korisaa"
waxaaba la odhan kara shanqadhii rasaasta, darandoorigii baroonku hadduu
ka bilaabmay mudqisho badiba runtii dadka ku noola waxay ku maqli jireen
xan iyo xanshaashuq "Diyaaradba waqooyi garaacda, iyo Hargeysa laga qaxay",
akhristow dulucdaydu ka dheer tiigsi iyo nabar aad damqo, balse ma odhan
karaa hanfiga cadawadeed ee muqdisho, waxaa lagu dhayi karaa kiniin uu
dawaarle soo qoray, runtii taasi waa maya, aan u dego dulucda guud ee
darmaanta aan wada xanbaarsantahaye, badiba dadka loogu yeedho hogaamiye
kooxeedka (faction leaders) waxaa beesha caalamku u kasbatay hilaw
farabadan waxaa badiba loo igmay tobanaan xeerbeegtiya waxaa la iskugu
yeedhay madal qudha, balse intuba waxay noqdeen sidii tii laga yidhi
Ninkii digashada badnaa
Daaruhu tayo waa ka gaal
dulmay taran leeyihiin
bar duunyo ah waa ka caydh
waxay ku dul nool yihiin
nin daaqsada xoolo nool
dubbaha fakhrigay tumaan
waxay derbi jiifiyeen
barbaarkiyo doobka nool
carwada dibjirkay dhalaan
hadday kugu soo durkaan
ducaa laga hoos galaa
maxay damal weyn shiteen
maxay qudhac deebiyeen
waxay dab sudheen dhirtii
dhulkay midab dooriyeen
bal eeg degelkii hufnaa
bir iyo waxa daasad yaal
bal eega dalkii xalaa
waxay lafo daadiyeen
Shil baa dunidii ka dhacay
daacuun halisaa ku fiday
duufaan simay baa la tegay
doofaarrada aan gudnayn
diinlaawaha gaalku dhalay
maxay dulin faafiyeen
maxay samo duudsiyeen
maxay godob daaqsadeen
maxay denbi xoogsadeen
maxay dabar soo xardheen
Waa farriinta badana ay shacbiga Reer Somaliland u dirayaan kooxaha
muqdisho isku dilaaya, waayo saaxiibayaal maanta anaga waxaa noo dan ah
hadaanu nahay qaranka Somaliland ee aan sinaba loo duudsiyo karin,
walaalahayga Somalia oo marin xalaal hela, nabadi ka aslaxdo, si nabad
loogu wada noolaado geyiga fog ee beriga afrika, aan u dego dihin kale eh,
hadda waxaa beesha caalamku yagleeshay shir kaasi oo badiba cidhifyo
badani usoo hanaqal taagayaan, balse su,aashu waxa weeyi sideeba wax ay u
dhisan karaan Somaliya? jawaabta su,aashu akhriste aad ayey u fududahay
waxaanan ku soo xeeriyey hamuunta hoos ku taall:
1. In dhamaan Beelaha, waxgaradka, siyaasiyiinta, salaadiinta, cuqaasha
garaadada, iyo waxgaradka iskugu yimid madasha eldoret ee asal ahaan ka
soo jeeda Somaliya ay aqoonsi buuxda siiyaan JAMHUURIYADDA SOMALILAND.
2. In dhamaanba beelaha iyo waxagaradka iyo siyaasiyiinta iyo cuqaasha,
garaadadu ay go,aanshaan in shirku u gaaryahay SOMALIA, taasi oo xalka la
raadinaayo loo raadinaayo SOMALIA ee dadka asal ahaan ka soo jeeda
Somaliland shirka dibadda looga saaro.
3. In la gorfeeyo iyada oo la is hor fadhiyo wixii dhibaato la isku geysto
runta oo cadna la is waydaarsado lana xanuujiyo nabarkii hore loo
dhaawacay lagana saaro viruska iyo bacteriayada ku dahaadhan.
4. In Somalia loo helo hogaan matali kara kuna hadli kara codka umadda
Soomaliyeed kaasi oo haddii aanu nahay Reer Somaliland aanu kusoo
dhawaynayno Magaalo madaxda Hargeysa Hogaankaasi oo aqoonsan jiritaanka
iyo madaxbanaanida Somaliland.
5. in la helo dawlad furfuran oo ka saafi ah ururada xanuunka ku ah
xuquuqda aadamaha, argagixisada, iyo weliba dhamaan aqoonta militerya.
6. Dawlad aan cadaw u ahayn hirka nabadeed ee mandaqadda beriga iyo
badhtamaha africa oo la dagaalanta argagixisada caalamiga ah.
qodobadaasi iyo kuwa kale haddii ay iska indho tiraan walaalaha
Soomaliyeed ee ku xeeran madasha eldoret waxaan huba in ay ku fashilmi
doonan hanaanka ay mudada badan u hureen ee ay u fadhiyaan kenya.
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA).
KARACHI, PAKISTAN. Top
Qalalaase Ay
Keento Mooyee, Qabta oo Xidha Qarankeena Dhisi Mayso. |
Sida aynu la wada socon halgankii hubaysnaa
ee lagu dumiyey dawladdii Siyaad Barre , waxa kaw ka ahaa kacdoono ay
shacbigu sameeyeen, taas oo ay inta badan ka timid dareenka dadweynaha,
taasi markay xukuumaddii jirtay ku talaabsatay falal lid ku ah jiritaanka
bulshada isla markaana iyada oo ku dedaalaysa jiritaankeeda ayey ku
kacaysay talaabooyin cimri dedejiyey, iyada oo bilawday inay xidh-xidho
dad aan waxba galabsan, taasoo keentay inay dacarta sii shido,
islamarkaasna afartii dawladda ahaa ka dhigteen afartan kun, ka dibna
halgankii hubaysnaa ee lagaga soo horjeeday oo qadan lahaa muddo dheer ay
ey iyadu gacanteeda ku abuurtay, iyada oo hogaamadii milatari ee joogi
jiray gobolka Hargeysa loo bixiyey magacyo ay ka mid yihiin (Diiriye),
magacaas oo ka turjumaya falalka uu ku kacayo ama dedaalkii keenay, oo
dhinaca kale u ah guul ama taageero.
Sidaa daraadeed tan maanta socotaana waxba kama duwana tii hore, marka
aynu eegno ficilada ka muuqda.
Siyaasadda hogaanka dalku adeegsanayo iyada oo dastuurkeenii
xaaraantinimeeyey in qof muwaadin ah bilaa maxkamad xorriyadiisa lagaga
qaado, oo loo talaabo xabsiga muddo ka badan 24 saacadood, aanu ogolayn
dastuurku. Haddaba xukuumaddu markay dadku ku eedaynayso, dastuurkii bay
ka horyimaadeen, iyo markay jabinayso markeebay saxantahay?
Sida aynu la wada socon bishii hore waxa xabsiga loo taxaabay dad dhan
dhawr iyo toban qof, oo ka tirsan KULMIYE oo ay qaarkood ku jiraan golaha
dhexe ee xisbiga.
Kuwaas oo oo qaarkoodna muddo bil ah ay xidhan yihiin, iyada oo sida
dastuurku dhigayo aan xaq loogu lahayn, inay iska xidhnaadaan, iyada oo
aan haba yaraatee wax maxkamad ah aan la hor keenin, oo waxa lagu
eedaynayo aan lagu soo oogin.
Haddaba sida haatan muuqataba xaaladda aynu maanta marayno may haboonayn
in wixii laga dagaalamayey mar labaad lagu dhaqo dalkeena.si kale haddaynu
u nidhaa cadaalad darrada ayaa haddaba dumisa, Soomaalidu waxay ku
maahmaahdaa “Ninka waxa soo socda garanin, waxa jooga ma garto.”
Waxa aan xukuumadda leeyahay, nin baa laga hayey “Faraskaa orodkiisa
waxaan ka baqay inuu col iila galo” haatan sida muuqata waxaan ka baqayaa
in dedaalka ay xukuumaddu wado iyo talaabooyinka ay door biday ee ay ku
doonayso jiritaanka nabadda inay qaran dumis noqdaan, waayo dadka maanta
xidhan, qoysaskoodii ay dadkooda qaar ka mid ahi ay xisbiga UDUB ahaayeen,
ayaa maanta noqday dad mucaarid ku ah UDUB iyo dawladda, sababta kaa
keentayna ay tahay markii inankoodii xabsiga loo taxaabay isaga oo aan wax
maxkamad ah aan la marin.
Iyada oo ay sidaa tahay waxa taa ka sii daran in sodomeeye qof liiskooda
ay haystaan ciidamada sirdoonka, iyada oo aan kuwii horeba aan dambi lagu
oogin, taasina waxay qayb ka tahay kacdoonka bulshada dhexdeeda lagu
abuurayo ee la nacsiinayo dawladda iyada oo ay rag ka tirsan madaxda
sarsare ee xukuumadda qaarkood ay ku doonayaan inay ku sii joogaan kursiga.
Iyaga oo madaxweynaha isku tusaya inay u godoboobaan. Si kastaba ha
ahaatee qalalaase ay keento mooyee qabta oo xidha, qarankeena dhisi mayso.
Sidaa daraadeed waxaa haboon in madaxweyne Rayaale indho iyo dhego u
yeesho ficilada lidka ku ah nabadda iyo jiritaanka qaranimada Somaliland
ee ay ku kacayaan qaar ka mid ah masuuliyiinta xukuumaddiisa ka tirsani,
isla markaana waa inuu ka bedelo siyaasadda noocaas ah, oo uu la yimaado
siyaasad hufan oo cadaaladi ka muuqato, taasoo ku salaysan siday xeegana
xeego u noqon lahayd, ilkana u badbaadi lahaayeen.
Dhinaca kale markaynu eegno doorashadii madaxweynenimada dalka ee dhawaan
ka dhacday dalkeena, waxay ahayd mid aan tiro aqlabiyad ah aan lagu kala
badin, isla markaana haddii aynu bar-bardhigno dadka xisbiga xukuumadda ee
UDUB u codeeyey iyo dadkii xisbiyadda kale u codeeyey mar laysku geeyo,
waxa badan dadkii xisbiyada mucaaradka ah u codeeyey, taas oo ina tusaysa
inay aad u liidato kalsoonida ay xukuumaddu haysato, isla markaana
muujinaysa mucaaradada loo hayo xisbiga dawladda ee UDUB.
Siyaasadda dawladduna maaha inay damaqdo muwaadiniinta ama noqoto mid
dhafoor taabad ah, ee waxay ahayd oo looga fadhiyey, inuu noqdo ninkii
dhayi lahaa naradadii la kala tirsanayey ee dadka kala taageersan
xisbiyadda, maadaama uu isagu madaxweyne u yahay mucaarad iyo muxaafidba.
Bariba doorasho ayaa la qaban doonaa, markaa dadka maanta la fogaynayaa
waa dadka bari codka laga doonayo, sidaa daraadeed waxa looga baahanyahay
xukuumaddu inay bulshada isku soo dhawayso.
Dhinaca kale waxa jira dad ka tirsan taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo
shaqooyinkii xukuumadda ay ka hayeen lagaga eryey iyada oo loo aanaynayo
hebel wuxuu u codeeyey xisbiga KULMIYE, taas oo ka mid ah falalka lagu
kala fogaynayo bulshada, isku soo wada duuboo sidii ay u kasban lahayd
xukuumaddu dadkeeda isla markaana iskugu soo dhaweyn lahayd aragtida kala
fog ee ka jira mujtamaca dhexdiisa.
Guntii iyo gabagabadii maqaalka, waxaan ku soo gunaanadayaa dadka xabsiga
loo taxaabay, ee loo haysto siyaasaddu waxay xaq uleeyihiin in la mariyo
haddii ay ay dabe leeyihiin waa in sida ugu dhakhsaha badan loogu soo oogo,
loona horgeeyo maxkamadda dastuuriga ah, haddii kalena loogu soo celiyo
xorriyadoodii oo ooda laga qaado, waayo “Balaayo madax la qabto mooyee
mijo la qabto ma leh.”
Ta kale waa in dadkii shaqada loogu eryey KULMIYE awgii xaq looguma laha
talaabadaasi, sidaa daraadeed waa in iyagana sida ugu dhakhsaha badan
loogu soo celiyo shaqadoodii, taasoo loo arko inay kaliday aan noolaado,
waana talaabooyinka dabka shida ee xuqdiga iyo buqdiga abuura.
Fu’aad Ciise Yuusuf.
Journalist Madax banaan.
Hargeysa. Top
Nabsigii
Foosto-Riix, Q: 12aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase. |
Markii uu Faarax subaxnimadii ay balantu
ahayd ku kalahay goobtii imtixaanka lagaga qaaday ayuu eegay ogaysiis lagu
soo dhajiyay gidaarka oo lagu soo qoray qofka ku guulaystay imtixaankii,
magaca qofka helayna waxa uu noqday kiisii, farxad daraadeed ayaanu
dilaaci gaadhay isaga oo farxadii uu qaaday la ordaaya ayuu gaadhay
gurigoodii isaga oo u bushaareeyey reerkoodii oo iyaguna farxad tiisa la
mid ah ku daray taasina waxay rajo fiican galisay reerkii oo dareemay inay
haatan u bilaabmatay nolol cusubi.
Maalmo ka dib ayey gaadhay wakhtigii uu shaqo gali lahaa faarax, isaga oo
shaqo dhinaca maamulka ah ee uu ku guulaystay imtixaankeeda ka bilaabay
shirkadaasi oo ahayd mid soo dajisa mararka qaarna farsamaysa qalabka
dhismaha.
Ninkii faarax waxa uu fadhiistay oo lagu soo dhaweeyey xafiis aad u qurux
badan oo noqday xaruntiisa uu ka maamulaayo shaqadaas.
Waxa kale oo ay goobtu lahayd dhisme aad u weyn oo uu dayr weyni ku
wareegsan yahay halkaas oo ay ka hawl-gali jireen shaqaale aad u badani oo
qabta hawlaha kala duwan ee ay shirkadu qabato.
Si uu mar walba u xasuusto hooyadii iyo caruurtooda waxa uu xafiiskiisa
dhigay sawir weyn oo ay ku dhanyihiin hooyadii iyo walaaladii, oo uu mar
kasta xasuusnaan jiray.
Isla maalmahaa waxa faarax iyo reerkooda soo gaadhay sheekadii aabahood
FOOSTO-RIIX iyo inuu ku danbeeyey xabsiga ka dib markii lagu helay inuu
lunsaday hantidii shirkadii dhismaha ee uu kula baxay FADHI-LACAG waxaanay
taasi ku noqotay farxad iyo naxdin isku jirta dhinac waxay u arkeen inuu
helay abaalkii uu u dhigtay iyo nabsigii uu ka galay, dhinaca kalena waxay
ka muujiyeen jidh-damqasho maadaama uu ahaa aabahood wuxuu doonaba ha
ahaadee waxayna isweydiin jireen waxay ka yeeli doonaan hadii uu u yimaado.
Sidoo kale waxay sheekada ku maqleen inuu aabahood u dhashay wiil markii
uu guursaday xaaskii danbe, wiilkaasina aan lagaranayey meesha uu ku
danbeeyey markii aabihii la xidhay isla markaana hooyadii ay ku dhimatay
shil-gaadhi, iyaga oo ka fakiri jiray halka uu ku danbeeyey wiilkaa yar ee
walaalaha yihiin waxaanay isku qanciyeen inay raadiyaan oo baadi goobaan
ilaa ay helayaan meel uu jaan iyo cidhib dhigay.
Mudo yar ka dib waxa isaguna dugsigii sare dhameeyey faarax walaalkiisii
ka yaraa oo soo bartay cilmiga dhakhtarnimada mudo yar ayeyna ku qaadatay
inuu helo shaqo maadaama ay shaqadiisa uu soo bartay ay ahayd mid mar
walba iyo goor walba loo baahanyahay, taasina waxay reerkoodii ka dhigtay
qaar ka soo doogsaday diiftii iyo darxumadii ay soo mareen waxaanay galeen
nolol cusub oo raaxo leh, halka uu ninkii foosto riix ku dhex
busaaradsaday jeelka oo uu waayey cid u soo gurmata balse waxa ugu darnayd
war-warka iyo walaaca oo ka qabay reerihiisii iyo halkii ay ku danbeeyeen
waxaanu ka calaacali jiray dhibaatadii uu u gaystay reerkiisii markii uu
dayacay ee uu cidlada kaga tagay.
La soco. Top
|