“C/Qaasim Wuxuu Gacan Ku Lahaa Qaraxyadii Nairobi, Waana Nagu
Ceeb Inuu Ka Hoos Shaqeeyo Qof Ku Abtirsanaya Somaliland,” Faysal Cali
Waraabe (Guddoomiyaha UCID).
Madaxweyne Rayaale Oo La Kulmay Diblomaasi Denish Ah.
Madaxweyne Rayaale Iyo Axmed Siilaanyo
Oo Kulan Gaar Ah Isku Soo Hor-Fadhiistay.
Jaamac-Yare Oo Laba Waraysi Oo Kala
Duwan Kala Siiyay BBC-Da Af-Ingiriisiga Iyo Af-Somaliga.
Urur Dhallinyaro Oo Lagaga Dhawaaqay
Magaalada Hargeysa.
Kulamadii Ay Weftiga Golaha Deegaanka
Hargeysa Ku Yeesheen Finland.
Hadaanan Habeenkii 7 Jid Marin Iima
Aha!
Gebogebada Shirka Kenya Iyo
Kala-Daadsanaanta Somaliland.
Diyaarad Maraykanku Leeyahay Oo Ku
Burburtay Djibouti.
Al-Qaacida Oo Usoo Jihaysatay Africa.
Hoggaamiye Mucaarad Ah Oo Laga Sii
Daayay Xabsiga Djibouti.
Afar Nin Oo Lagu Eedeeyay Qaraxii
Mombassa.
Qaadka Kenya Xidhay Sidee Buu U
Saameeyay Muqdisho.
Wargeysyada Caalamka ee Todobaadkan.
Muran Ka Aloosan Cuntada La
Asal-Dooriyay.
Nabsigii Foosto-Riix, Q: 13aad Qiso
Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.
WAADIGA CIYAARAHA, Cabdifataax M.
Caydiid.
|
|
“C/Qaasim Wuxuu Gacan Ku Lahaa
Qaraxyadii Nairobi, Waana Nagu Ceeb Inuu Ka Hoos Shaqeeyo Qof Ku
Abtirsanaya Somaliland,” Faysal Cali Waraabe (Guddoomiyaha UCID). |
Hargeysa (Haatuf): Guddoomiyaha xisbiga UCID,
Faysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyay C/qaasim Salaad Xasan inuu ka
dambeeyay weeraradii ka dhacay dalka Kenya ee lala beegsaday goobo muhiim
ah oo dalkaa ka tirsan mar uu shalay ka hadlayay xaflad loo qabtay
aas-aaska urur dhallinyaro oo ka dhacay Huteelka Maansoor ee Hargeysa.
“Somaliland kumay iman shir ay qabaa’il isugu yimaadaan oo Sawaaxilina
guddoomiye ka yahay ee waxaynu u sheegaynaa C/qaasim, Somaliland waxay ku
timid halgan loo soo galay C/qaasimna wuxuu ka mid yahay kuwa doonaya inuu
burburiyo halgankii xaqa ahaa, waxaanu u sheegaynaa adduunweynaha inuu C/qaasim
gacan ku lahaa qaraxyadii ka dhacay Nairobi oo Al-qaacidana uu xidhiidh la
leeyahay. Haddaba waxaanu ka codsanaynaa Dawladda Kenya inaanay sii daynin
C/qaasim maadaama imika uu la joogo oo halkaa ay ku qabtaan,” ayuu yidhi
Faysal Cali Waraabe. Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu digniin u soo
jeediyay kooxaha koonfurta. “Waxaanu uga digaynaa kooxahaas inay soo
farageliyaan Somaliland,” ayuu yidhi Faysal.
Kadib waxa uu u digay dadka kasoo jeeda Somaliland ee gacan siinaya
kuwaasi oo uu sheegay inay Somaliland cadow u yihiin. “Sidoo kale waxaanu
uga digaynaa biidhi-qaatayaasha u dhashay Somaliland, waa nagu ceeb in qof
Somaliland ku abtirsanayaa uu ka hoos shaqeeyo Xasan Abshir iyo C/qaasim.
Aduun weynahana waxaanu u sheegaynaa kuwa cuqdadu buuxisay ee sameeyay
Axdi-qarameedka kuwaasoo xuduuda Somaliya ka dhigay ilaa Jabuuti, waa
inaan dusha nalaga saarin dawlad dusha lanagaga keenay taasoo haddii ay
dhacdo aanu ka dagaalami doono,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Mar uu ka hadlayay sababta ay dadkaasi ugu soo dhiiranayaan Somaliland,
waxa uu ku sheegay inay tahay jilicsanaan ka imanaysa dhinaca Dawladda
Somaliland. “Haddii aynu inagu adagnahay oo isku duubanahay may dhacdeen
in Sool iyo Sanaag la sheegtaa, taasina waxay ka dhalanaysaa jilayca
xaggeena,” ayuu yidhi. Isagoo usoo jeediyay dadka reer Somaliland inay
ilaashadaan qaranimada iyo jiritaanka Somaliland. “Haddii aynu isku
duubnaano oo ilaashano qaranimadeena, ictiraafkeenii wuu soo dhowyahay,
dadka reer Somaliland-na waa beel keliya ee aynu iskla ilaalino wixii
qaybsanaan inagu keenaya,” ayuu Faysal hadalkiisa kusoo gebogebeeyay. Top
Madaxweyne
Rayaale Oo La Kulmay Diblomaasi Denish Ah. |
Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland
Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay qaabilay Mr: Henrik Jespersen oo ka
socda Safaarada Denmark ay ku leedahay Nariobi.
Diblomaasigan oo ah qunsul safaarada Denmark una qaybsan mashaariicda ay
bixiso Denmark, waxa uu madaxweynaha ay ka wada hadleen arrimo khuseeya
iskaashiga labada dhinac.
Warsaxaafadeed uu kulankan ka soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Cabdi
Idiris Ducaale oo faah-faahin ka bixinaya kulankaasi wuxuu u qornaa sidan:
“Xukuumadaydu aad ayay u raali gelisay sidii aad u fuliseen hawshii
doorashada iyo sidii aad u xalilteen khilaafkii. Sidaas waxa madaxweynaha
Somaliland ku yidhi Mr. Henrik jespersen oo ka socday, safaaradda Denmark
ay ku leedahay Nariobi.
Diblomaasigan oo qusul iyo madaxa mashaariicda ka ah safaaradaa oo
madaxweynaha shalay booqasho sharaf kula kulmay waxa uu sheegay in loo soo
diray inuu soo gaadhsiiyo madaxweynaha, xukuumadda iyo shacbiga
Somaliland-ba hambalyo la xidhiidha sidii wanaagsanayd ee hawshii
doorashadu u dhamaatay oo uu sheegay inay u aragtay Denmark inay tahay
arrin lagu diirsado (very imperssive), waxaanay arrintaasi muujisay sida
aad u maarayn kartaan wixii dhibaato idinka horyimaada.
Waxa kale oo uu diblomaasigu u sheegay madaxweynaha in Denmark ay
kordhisay taakuladdii ay u fidin jirtay Somaliland oo hadda la gaadhsiiyey
toban ilaa laba iyo toban milyan Dollarka Maraykanka ah saddexda sanadood
ee soo socda, iyada oo guud ahaanba ay dhintay dawladdiisu kaalmadii ay
dawlada u fidin jireen.
Kaalmadaasi waxay ku bixi doontaa dhinaca waxbarashada, caafimaadka iyo
biyaha tusaale ahaan, saddex meelood oo meel waxay ku bixi doontaa gobolka
Sanaag oo hawlaha laga qabanayo ay ka mid yihiin biyo gelinta Ceerigaabo,
shan iskuul iyo xafiis hawlaha guud ahaan gobolkaas laga qabanayo uu
yeelan doono.
Madaxweynuhu waxa uu uga mahad celiyey, oo uu diblomaasiga ka codsaday
inuu ka gaadhsiiyo dawladiisa hambalyada hawshii inoo qabsoontay, taas oo
muujinaysa ayu yidhi madaxweynuhu sida uu dalkiisu u danaynayo arrimaha ka
socda Somaliland.
Mudane Rayaale waxa kale oo uu aad uga mahad celiyey kaalmada ay sheegeen
inay ku taakulaynayaan Somaliland, waxa uu ka codsaday si ay midho dhal u
noqoto wixii kaalmo shacbiga loogu talo-galay inaanay faro dhexdood ka
dhicin iyo waliba in wax rabno kaalmo toos ah.
Kulankaa waa madaxweynaha kala qaybgalay wasiiru dawlaha arrimaha dibada
Mudane Qaasim.” Ayuu warsaxaafadeedkii ku soo gabagabeeyey. Top
Madaxweyne
Rayaale Iyo Axmed Siilaanyo Oo Kulan Gaar Ah Isku Soo Hor-Fadhiistay. |
Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland,
Daahir Rayaale Kaahin iyo guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE,
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la sheegay inay maalintii shalay
isugu yimaadeen kulan, kaasoo daba-socday shirkii dhowaan dhexmaray labada
dhinac ee lagu soo af-jarayay xiisadii u dhaxaysay.
Inkastoo aan daaha laga qaadin waxyaabihii ay isla soo hadal-qaadeen
labada hogaamiye, balse waxay sheegayaan ilo xog-ogaal ahi inay isku
af-garteen waxyaabihii ay isla soo hadalqaadeen iyadoo intaas ay ku dareen
inay ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin sidii doorashada Baarlamaanka
loosoo dedejin lahaa sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa
Somaliland, sidii aragti midaysan looga yeelan lahaa shirka kooxaha
Somalida uga socda Kenya iyo arrimo kale.
Siduu warku sheegay xisbiga KULMIYE ayaa dhinaciisa kusoo bandhigay
kulankaa in la sii daayo maxaabiista u xidh-xidhan Siyaasadda ee ka tirsan
taageerayaasha KULMIYE, kaasoo looga ballan-qaaday wax ka qabashadeeda.
Sida la sheegay kulankaas labada hoggaamiye oo qaatay waqti dheer waxay
iskula lafa-gureen arrimo badan, waxaana la filayaa inay labada dhinac
kulamo dambe isugu yimaadaan toddobaadkan fooda inagu soo haya, kuwaasoo
ay kusoo af-jari doonaan sida la filayo murankii u dhaxeeyay.
Ilaa iyo hadda ma cada in Madaxweyne Rayaale ka qaybgelin doono
dawladdiisa cusub xubno ka tirsan KULMIYE, sidoo kalena Xisbiga KULMIYE
ayaan ilaa hadda cadayn inuu ka qaybgeli doono dawlad wadajir ah oo uu soo
dhiso Madaxweyne Rayaale. Top
Jaamac-Yare Oo
Laba Waraysi Oo Kala Duwan Kala Siiyay BBC-Da Af-Ingiriisiga Iyo
Af-Somaliga. |
Hargeysa (BBC): Jaamac Maxamed Qaalib oo
maalintii isniintii ay xukuumadda Somaliland u mastaafurisay dhinaca
Djibouti ayaa shalay laba wareysi oo nuxurkoodu kala duwanyahay kala
siiyey Idaacadda BBC-da ee laanta Af-Soomaaliga iyo Barnaamijka ku baxa
Ingiriisiga ee subax kasta laga sii daayo Idaacadaas ee magaciisa la
yidhaahdo “Network Afrika”.
Jaamaac yare markii ay qaybta afka Ingiriisiga u waramayey wuxuu aad ugu
nuux-nuuxsaday in aan Somaliland jirin,isaga oo yidhi “Xukuumaddii dalka
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Soomaaliya ay dhacday horaantii 1991-kii,
wixii taariikhdaas ka dambeeyey ay dhamaan waxyaabihii ka dhismay
Soomaaliya yihiin sharci darro iyo waxba kama jiraan.
Jaamac Yare waxa kale oo uu wareysiga ku sheegay in dad badan oo ka tirsan
shacbiga Somaliland ay taageersanyihiin midnimada Soomaaliya.
Hase yeeshee wareystaha Idaacadda oo ay odhaahdii u qudh-qudhsami weyday
ayaa isaga oo isku dayaya inuu Jaamac Yare xusuusiyo in shacbigaa
Somaliland hore u muujiyey inuu gabi ahaantiiba taageersanyahay gooni isu
taagaa Somaliland, wuxuu Jaamaac ku yidhi “Sideebaad u odhan karta waxa
Somaliland ka jiraa dad fara badan oo taageersan mawqifkaaaga
Soomaali-weyn?”
Jaamaac isaga oo ka jawaabaya su’aashaa wuxuu tusaale u soo qaatay
weerarkii ee koox dhalinyaro hubaysani sida kadiska ugu soo qaaday
garoonka madaarka Hargeysaa, maalintii isniintii, kaas oo u ku sheegay mid
ay taageerayaashiisu fuliyeen isla markaana u marag furaysa sida ay dad
badani ula safanyihiin fikradiisa ku qotonta mabda’a Soomaali Weyn.
Haddaba haddii aynu eegno waraysiga uu siiyey Jaamac Yare BBC-da laanteeda
af Soomaaliga, isaga oo jooga magaalada Jabuuti, waxa uu ku sheegay in uu
u tagay magaalada Hargeisa si uu u booqdo caruur uu dhalay iyo dad
qaraabadiisa ah, waxaa uu sheegay in aanu u arkaynin in ay dambi tahay in
uu magaaladiisa booqdo, waxaa kaliya ee lagu haystayna ay tahay fikirkiisa
ku saabsan Soomaali wayn.
Waxaa uu sheegay in aanu u arkin in uu dambi yahay in uu fikirkiisa wato,
isagoo sheegay in aanu dhibaato kaga maqnayn Somaliland, waxaa uu ku
tilmaamay qabashada la qabtay mid ayaandarro ah oo aysan haboonayn in qof
fikirkiisa loo qabto.
Jaamac Maxamed Qaalib, wuxuu sheegay in intii uu xidhnaan lagu hayay
xabsiga dhexe ee magaalada Hargeisa oo uu sheegay in intii uu ku jiray si
wanaagsan loola dhaqmay, wuxuuna intaasi ku daray in maamulka Somaliland
ay u soo jeediyeen laba arrimood, oo kala ah in mabda' uu qabo uu ka noqdo
oo uu Hargeisa iska joogo ama in la musaafuriyo, isagoo sheegay in
mabda'iisa aan laga weecin karin, sidaa darteedna uu doortay in uu
magaalada isaga tago.
General-ku, wuxuu sheegay in dadkii soo weeraray garoonka diyaaradaha
magaalada Hargeisa ay ahaayeen dad diidan habkii la doonayay in looga
dhoofiyo magaalada Hargeisa, isagoo intaasi ku daray in aanu tiradooda
garanayn intii ay ahaayeen, maadaama aanu ka warqabin dagaalka dhacay,
balse ay u sheegeen dadkii xabsiga ku booqday sida ay wax u dhaceen.
Ugu dambayntiina Jaamac Wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay goor ay
ahaataba in uu ku noqdo magaalada Hargeisa Top
Urur
Dhallinyaro Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Hargeysa. |
Hargeysa (Haatuf) - Urur dhallinyaro oo
marka magaciisa la soo gaabiyo la yidhaa Sovoredo, ayaa shalay lagaga
dhawaaqay magaalada Hargeysa. Ururkaas oo ay samaysteen dhallinyaro reer
Somaliland ah oo ka mid ah ardayda Jaamacadda Hargeysa dhigata, waxa loo
sameeyay xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb-galeen
siyaasiyiin, aqoonyahano, dhallinyaro iyo marti sharaf kale oo ka mid
qaybaha kale ee bulshada, xafladaas oo lagu qabtay hoolka shirarka ee
Hoteelka Ambassador shalay.
Ugu horeyn waxa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha ururka dhaliyarada Sovoredo,
Bashiir Shire, isagoo u mahadnaqay dhammaan ka soo qayb-galayaasha
xafladaas ku dhawaaqista ururka, kadibna wuxuu ka hadlay marxaladihii uu
soo maray ururkaasi iyo ujeediyinkii loo aasaasay.
“Waxay ugu horeyn daraasad aanu samaynay oo aanu ku eegaynay xaaladda
horumarka Somaliland, taas oo nagu dhalisay in aanu aasaasno ururkan.
Qodobadii nagu kalifay in aasaasno , waxa ka mid ahaa; Anagoo aragnay in
xaaladda horumarka dalku ay liidato, loona baahan yahay in kor loo qaado,
gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada iyo caafimaadka.” Sidaa
waxa yidhi Gudoomiyaha ururka Sovoredo, Bashiir Shire.
Gudoomiyuhu wuxuu tusaale u soo qaatay dhinaca shaqada oo uu sheegay in
80% (boqolkiiba sideetan) dadku ay bilaa shaqo yihiin, halka (9%)
boqolkiiba sagaal ay shaqeeyaan, balse aanay helin wax ku filan.
Bashiir waxa uu ka hadlay dhinaca waxbarashada oo uu sheegay in 52% dadku
ay yihiin reer guuraa, iyadoo 50% aanay dadku waxba akhriyin.
“Arrimahaas oo dhan markii aanu aragnay, waxaa noo soo baxday in horumarka
bulshadu yahay mid gaabinaya, sidaa daraadeedna ay u baahan yihiin in
lagala qayb-qaato wax ka qabashadeeda,” ayuu yidhi Bashiir.
“Waxa kale oo daraasadda nooga soo baxday in horumarka dhaqaaluhu kala
dheeraynayo, taasina ay ku keenayso in horumarku dheeliyo, waayo horumarku
wuxuu ka kooban yahay dhinacyo badan, kuwaas oo haddii ay kala dheereeyaan
dheeliyaya, haddii dheeli yimaadana burbur baa ka imanaya. Markaa wuxuu u
baahan yahay in la dheeli-tiro,” ayuu yidhi Gudoomiyuhu, isagoo intaa ku
daray in siyaasaddu ay tahay ta ugu dheeraynaysa, dhinacyadii kalena ay
gaabis yihiin, sidaa dareedna bulshada ay ku dhacday majara-habaabin
badani.
“Sababahaa baa keenay in aanu ururkan aasaasno, annagoo ka qayb-qaadanayna
danta guud,” ayuu raaciyay Gudoomiyuhu, isagoo tusaale u soo qaatay arday
reer Holland ah oo caawimo u soo diray carruurta Somaliland oo shalay ku
soo baxay Wargeyska Haatuf, waxaanu yidhi: “Carruurtii yaryarayd ayaa wax
soo diraysa, inagana dadkii waaweynaa ayay ku yar tahay in ay gartaan
dalkiina wax u qabta.”
Ugu dambayn, wuxuu sheegay Gudoomiyaha ururka Sovoredo in ururkani yahay
mid dimuqraadiya oo ka shaqayn doona arrimaha bulshada.
Intaa kadib, waxa halkaa ka hadashay Hodan C/raxmaan oo Maamulka u
qaabilsan ururka, taas oo faahfaahin ka bixisay hawlaha kala duwan ee
ururka u qorshaysan inuu qabto.
“Waxa noo qorshaysan in aanu wax ka qabano arrimaha bulshada, maadaama
aanu nahay jiilkii isbedelka sugayay,” ayay tidhi Hodan C/raxmaan, iyadoo
intaa ku dartay in arrimahaas kala kaashan doonaan cidkasta oo ay khusayso.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay C/casiis Maxamed, Afhayeenka ururka
Sovoredo, kaas oo si qoto dheer uga hadlay taariikhda aasaaska ururka iyo
marxaladihi uu soo maray.
Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa marti
sharaftii xafladdaa ka soo qayb-galay oo halkaa ka hadlay ayaa ammaan u
soo jeediyay dedaalka ay dhallinyaradaasi la yimaadeen oo uu sheegay in ay
dedaal badan u galeen.
“Mujtamaceenu wuxuu ku shaqeeyaa shakhsi-shakhsi, balse way inagu yar
tahay in wada-jir wax loo qabto, way badan yihiin ururada NGO-ga ahi,
balse wuu yar yahay waxqabadkoodu, waxaanse rajaynayaa inuu kani ka
duwanaado, maadaama ay ku badan yihiin ardaydii Jaamacaduhu oo aqoon
fiican leh,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, isagoo tusaale u soo qaatay
Jaaliyadaha dibadda oo yeesha iskaashi iyo shirar mararka qaarkood ay
qabsadaan.
“Dhibaatooyinka dalkeena haysta waxa ka mid ah; iyadoo ay waxqabadkii
ururada bulshadu qaabinayaaan, koonfurta Soomaaliya ayaana inagaga fiican
dhinaca ururada bulshada iyo haweenka oo ka waxqabad badan kuweena,” ayuu
raaciyay Faysal, isaga oo ku booriyay aasaasayaasha ururkan in ay u
hawl-galaan sidii ay uga midho-dhallin lahaayeen dedaalkoodan.
Waxa kale oo masuuliyiintii halkaa ka hadashay ka mid ahaa Boobe Yuusuf
Ducaale oo ka socday Xarunta Akademiyadda Horumarka iyo Nabadda iyo
Mustafe oo ah xubin ka tirsan Somaliland Forum, waxaanay masuuliyiintaasi
ku booriyeen ururkan cusub in ay dedaalaan, waxqabadkoodu noqdo mid midho-dhal
yeesha. Top
Kulamadii Ay
Weftiga Golaha Deegaanka Hargeysa Ku Yeesheen Finland |
Tan iyo intii ay wafdigii golaha deegaanka
ee Hargaysa soo gaadheen magaalada Vaanta ee dalka Finland ayaa waxay
kulamo is daba jooga la yeelanayeen qaybaha faraha badan ee uu ka kooban
yahay maamulka guud ee magaalada Vaanta.
Waxana ay wafdigani oo kala ahaa Gudoomiyaha Dhaqaalaha iyo horumarinta
golaha deegaanka ee Hargaysa Khadar Ahmed Like iyo Gudoomiyaha arimaha
bulshada Eng. Keise Yusuf Ali ay kulamadoodu ka bilaabmeen kulankii u
horeeyay oo la yeesheen gudoomiyaha arimaha bulshada ee magaalada Vaanta
Jaakko Vastamäkki. Kulankaas oo lagaga wada hadalay guud ahaanba sida ay u
shaqeeyaan arimaha bulshada ee magaalada vaanta iyo heerka ay marayaan
arimaha bulshada ee magaalada hargaysa.
Waxaa kaloo ay ka qayb galeen fadhi bileedka golaha deegaanka magaalada
vaanta, kaasoo lagu go'aaminaayay arimo badan oo khuseeya magaalada vaanta.
Waxaana sidoo kale la kulmeen gudoomiya dawlada hoose ee Vaanta Mr. Matti
Virtanen. Ugana xaal warameen guud ahaan Somaliland gaar ahaana magaalada
hargaysa iyo heerarkii kala duwanaa ay soo martay mudadii ay dagaalka ka
soo doogtay.
Waxaa wafdiga lagu qaabilay loona ogolaaday inay khudbad ka jeediyaan
qolka ay ku shiraan xisbiga ugu badan golaha degaanka ee magaalada vaanta,
halkaasi oo lagu waydiiyay su,aalo badan oo khuseeya somaliland oo ay si
wanaagsan uga jawaabeen wafdigu.
Waxa ay wafdigu gudoonsiiyeen ku simaha duqa magaalada vaanta waraaq ay ka
sideen maayarka Caasimada Ee Hargaysa Eng. Hussein M. Jicir.
Abdillahi Moahamed
Vantaa , Finland
Cirro@Dr.Com Top
Hadaanan
Habeenkii 7 Jid Marin Iima Aha! |
Xadiis M. Xadiis.
Akhristayaashayada sharafata lahow waxan horey idiinku soo gudbinay laba
qaybood oo kamid ahaa barnaamijkii taxanaha ahaa ee aan kaga hadlaynay
dhibaatooyinka qaadka iyo mushkilada uu ku hayo bulshada dhexdeeda, iyo
dhaawaca uu soo gaadhsiiyo habsami u socdka qoyska, maantana waxaan halkan
idiinkusoo gudbinayaa qaybtii sedexaad oo kamid ah barnaamijkeenii taxana
ha ahaa.
Maantana waxan soo qaadanaynaa, waxaana hadiyo jeer naga xusuusin ah,
ma-aha barnaamijkani mid ay dadku wadaleeyihiin balse uu yahay mid u gaar
ah dadka saaxiibul mirqaanka ah ee quuta shajaratal akhdarka, inkastoo ay
dadka qaadka cunaa kasimanyihiin kumirqaamida jaadka hadana mushkilada
jaadku iskusi uma saamayso waxaana jira dad aanay mushkiladsaa usiibadan
ku hayn cunida qaadku. Tusaale ahaan markay cunaan jaadka way iska
seexdaan markay doonaan kumanasameeyo wax isbadal ah maskaxdooda iyo
damiirkooda toona howlahoodana way u qabsadaan si caadi ah halka aydadka
qaarkood kuqabaan dhibaatooyin farabadan, masalan hadii ay jaadka cunaan
maalintii habeenkii maseexan karaan hurdo wanaagsan, cunto wanaagsana
macunikaraan howlahoodana si caadi ah uma gudankaraan waxaanad ku
kalagarankartaa waxaajira calaamado farabadan, iyo astaamo kalasoocaya
dadkaasi, waana usoonoqondoonaa calaalamadaha keena mashaakiladaadka aan
kasoo hadalay, balse hada waxaan kahadlaynaa maanta nuxurka uu
xambarsanyahay ciiwaanka sare kuqoran een kubilaabanay barnaamijkeena
maanta.
Haddaba waxaadhacday nin kunool magaalada Muqdisho oo kamida muqyiliinta
waa weyn ayaa wuxuu aad ucunaa qaadka nooca kulul ee looyaqaano miirooga.
Markaa wuxuu caado uleeyahay maseexdo habeenkuu qayilo waxaan uga siidaran
aayar iskama fadhiistee gabbalku markuu dhaco ee ay dadku hurdada
utabaabushaystaan ayuu xamaantiisaqaataa, wuxuuna uxaydxaytaa socod
hurdana mahawaysto ilaa uusoomaro {7-jid} ookamida wadooyinka dhaadheer ee
magaalada. Tusaale ahaan wuxuu cagta saarayaa laamiga dheer ee mara
badhtamaha magaalada am jidadka dhaadheer ee kale mid uun markaa wuxuu
tirinayaa laamigaa dheer ee uu marayo inta wado ee dhexda ka goynaysa mana
joogsanayo ilaa inta uukatirisanayo 7 wado.
Haddaba ninkaasi akhristow dhibaatada haysataa ma aha ookaliya inuu tiriyo
wadooyinka magaalada, balse waxaa haysata mushkiladkale oo taa ugaba
siidaran, waxaanaytahay dhibaatadaasi inta uu ninkaasi socodkiisa
kugudojiro majecla inay indhiihiisu kudhacaan qof bani aadam ah, waayo
maxaa dhacaya haduu qof arko? Waxaa kaqasmaya qorsha-ha iyo ujeedada
socsdkiisii hore waxaana u bilaabanaysa howlkale iyo socdhorleh, masalan
isaga oo kugudajira gebagebada socodkiisii oo soomaray 6 wado haduu
kahoryimado ruux banii aadam ahi waxaakagad manaysa tirada waoodooyinkii
uu soo maray markaa wixii hore waa kakac, oo waa inuu hada iyo kow
kasoobilaabo socodkiisii.
Markaa ninkaa inay dad is arkaani waxay u leedahay khasaarahaa aad aragto
oo barnaamijikisi hore kadhigaya halbacaad lagu lisay, waxa intaa
usiidheer ninkaa habeenkaasoo dhan wuxuu kujiraa dagaal iyo waxaanad
garanayn, oo dadkoodhamba wuu hiifayaa. Mar ayaan waydiiyay ninkaasi maxaa
kugu dhacaya hadaad dad lakulanto, waxaanu ku jawaabay , “hadaanan
habeenkii 7 jid soomarin iimaba ah.”
La soco.
Top
Gebogebada
Shirka Kenya Iyo Kala-Daadsanaanta Somaliland. |
1960-kii oo ah ananadkii uushidmay faynuskii
xornimodoonka Africa taasoo aydadlalbadan oo Africa ahi iska tuuree
heeryadii guumaaysigaeekuhabsatay markii Africa lagauqaybsaday miis dushii
oo ahayd 1884-1885 shirkaaso lo yaqaanay kii Baaeliinconference somaliland
waxay kamid ahyad bulshoweyntii xornimadaheshay sanadkaas somaliland
oonoqotay ciidii ooguhoreysay eelagataago calan ayleeyihin dadsomaliyeed
laakiinse riyada somaliland ookujirtay qofkasta oo somaaliyeed ookunool b
ariga Africa ayaa waxay dadka rer somaliland bulshadii oogu
horaysayeerumaysa riyadaasi waaqaateen calankii midabkabuluuga -a
lahaaeexidigta shanta geesleh badhtanka kulahaa laakiinse dadka
reersomaliland siday uguliseen reerkoonfuredka oogumay hambaynin dadka
reer somaliland dhibaato farabadan bay kasoomareen calankii ayqaateen
waxaana sitartiibtartiiba maskaxda ugabaxaysay riyadiisomaliwayn iskusoo
wadaduuboo waxaa lasoogaadhay burburkii dowladii siyaadbare waxaanay
dhalinyaradii {S.N.M} kugulaysteen qabsashadii gobalada waqooyiga.
Meelkasta oo kamida jamhuuriyadii laysku odhanjiray soomaaliya
waxaakahilaacay dagaal sokeeye iyo ismamul la aan laakiinse shacbiga
reersomaliland dhibaatobadan kadib waxay samaysteen dowlad maalimba
maalinta kadambaysaay awoodeeduu siixoogaysanayso waxaana loosojeestay
sidi loosoo celinlahaa maamulkii somaaliya ee burburay talaabadii
ooguhoreysana waxaaqaaday bahweyntii {unosm} ee uu hormoodka ka ahaa
maraykanku kumayguulaysan hawgalkoodii lamagacbaxy ddibusoocelint rajadii
somaliya intaakadib waxay dunidu utafaxaydatay sidii loobaajinlahaa
dagaaladii sokeeye ee hadheewyay caasimadii Muqdisho iyo guud ahaamba
dalkii somaaliya waxaana shirkii oogu horeeyey martigeliyay jamhuuriyada
jabuuti oolagutilmaamo dalkii baa bi iyay riyadii somaliwaeyn shirarki
marnaba lagamaquusan.
Waxaana kamadasmbayntii lasoogaadhay shirkii laguqabtay “carta :waxaa
kasoobaxay dawlada lagutilmaamo kumeelgaadhka {TNG} balse aanay dadka
somaliyeed iskuraacin maanta waxa duleedka Nairbi shir dubuheshiisiineed
oo gebogebo kudhow shirkani waxa uu kagaduwanyahay shirarkiihore :iyadoo
latixgalinaayo rabitanka shacbiga somaliland : siloodhameeyo marka
horekhilaafaadka dhexyaala somaaliya maanta dadka ree somaliland hortaala
fursad dahabiya {golden opportunity} oo ay kukasbankaran ictiraafka
calamiga ah, oo ay kahelaan bulshada caalamka laakiinse waahaday helaan
madaxkajibokeenta arintasi oo kudedaasha” ninkii ilaahay aduunyo larabo
ubadkeeduusiiyaa “kasso macnaheedu yahay bulshadu ilaahaylarabo
daladawanaagsan wuxusiiyaa madaxwanaagsan “ waa inuu madaxwene rayaale
ubabacdhigaa dowladakasoobaxda shirkaa dibu heshiisiinta Somalida ee ka
socda duleedka nairobi tan iyo maalintii xilka loodhaariyay madaxwayne
rayaale iyo kuxigeenkiisa waxay shacabwaynaha rer somliland naawilaayeen
golaha dhexe ee uu soo dhisidoono maadaama uu hore u sheegay inuu
dhisidoono dowlad tayoleh, oo wanaagsan, oo ka aqoonbadan tii hore isagoo
soo xulaya dad aqoonyahano ah oo waxgarada.
Sida darteed waxa looga fadhiyaa rayaale inuu si degdeg ah u soo dhiso
raacii dambe ee wasiirada maxaayeelay sida uu sheegay gudoomiyaha shirka
dib u heshiisiinta somaliya mr kipligai nuu ku dhawaaqidoono dowlad
Somaliyeed oo loo dhanyahay, maxaayeelay gabagabada shirka dib u
heshiisiinta Somaliya iyo kaladaadsanaanta dowlada cusub ee Madaxwayne
rayaale waxay indho dherginaysaa “cadowga Somaliland” ee gudo iyo dibadba
isaga imaanaya manafailaayo inuu Madaxweyne Rayaale intaa kabadan oo aad
ladaahdo dhismaha dowlada.
Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Boyga) Iyo Mustafe Cabdi Maxamed (Cusbo)
Hargaysa.
Top
Diyaarad
Maraykanku Leeyahay Oo Ku Burburtay Djibouti. |
Djibouti (W.Wararka) - Hal askari oo
Maraykan ah ayaa dhintay, sideed kalena way ku dhaawacmeen kadib markii
maalintii Axadii uu qarax ka dhacay saldhig ay ciidamada Maraykanku ku
leeyihiin Djibouti, sidaa waxa shaaca ka qaaday Taliska ciidamada
Maraykanka ee Jabuuti deggan iyagoo intaa ku daray inuu qaraxu ka dhashay
markii ay qumbuladi kasoo dhacday diyaarad kuwa dagaalka ah oo ku jirtay
dhoola-tus milatari oo ay halkaa ka samaynayeen ciidamada Maraykanka ee
degan Djibouti.
Warku wuxuu intaa ku daray in lix ka mid ah ciidamada Maraykanka ee
dhaawacmay oo uu xaalkoodu halis yahay ayaa loo qaaday cisbitaalada si
halkaasi loogu daweeyo. Saldhiga ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin
Jabuuti oo lagu tilmaamay in lagala dagaalamo argagixisada Geeska Afrika
waxa la sheegay inuu qaraxaasi sababay burburka laba diyaaradood oo ah
nooca Helicopter-ta, balse lama sheegin khasaare kale oo halkaa ka dhacay
balse waxa socda baadhitaan lagu ogaanayo sababtii keentay shilkaasi
markaasoo laga bixin doono warar faahfaahsan.
Tan iyo markii ciidamada Maraykanku saldhigaa ka sameeyeen magaalada
Jabuuti waxa laga cabsi qabay weeraro argagixiso oo lagu qaado ciidamada
Maraykanka, balse ilaa iyo hadda ma cadda inay falkan ka dambeeyeen kooxo
argagixiso ahi iyo inkale. Top
Al-Qaacida Oo
Usoo Jihaysatay Africa. |
Sida ay sheegayaan dadka ka faalooda
arrimaha caalamiga ahi ururka Al-qaacida ayaa la sheegay inuu haatan usoo
jeestay saldhigyona ka samaystay qaaradda Africa, halkaasoo la sheegay
inay u fududaysay dawlad la’aan ama jilayc dhinaca dawladnimada ah oo ka
jira dalal badan oo African ah.
Sida ay sheegayaan khuburadu waxa kale oo u fududaynaya Al-qaacida inay
soo galaan Africa amaan-darro ka jirta meelo badan oo Africa ah, taasoo u
fududaynaysa meel ay ku dhex-dhuuman karaan inay ka helaan goobahaas iyo
iyadoo ay jiraan meelo badan oo ay awood ku leeyihiin kooxaha lagu
tilmaamay mitidka ama asal-raaca. Arrintani waxay kusoo beegantay iyadoo
maalintii shalay dalka Kenya maxkamad lagu soo taagay afar qof oo lagu
eedaynayo inay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay dalkaasi. Meelaha lasoo
qaaday in Al-qaacida ay gabaad ka heli karaan waxa ka mid ah Sudan,
Somaliya, dalalka waqooyiga Africa oo ku dhow jasiirada Carabta. Balse
warbixintu faahfaahin intaa dheer may sheegin, waxayse u egtahay inay
hordhac u tahay Maraykanka iyo xulafadiisa oo damacsan inay dagaalka ay
kula jiraan argagixisada u soo jeediyaan Africa. Top
Hoggaamiye
Mucaarad Ah Oo Laga Sii Daayay Xabsiga Djibouti. |
BBC_Wadanka Jabuuti, waxaa xabsiga laga sii
daayay hogaamiye ka tirsan mucaaradka oo wargeysna iska leh oo la
yidhaahdo Daahir Ahmed Faarah kadib markii lagu waayay dambiyo ahaa inuu
wargeyskiisu daabacay hadalo deel-qaaf ah amaba meel ka dhac ah.
Waxaa la sheegay in uu daabacay warar been ah oo ku saabsan nin sare oo
ciidamada ka tirsan oo la yidhaahdo General Zakaria Sheekh Ibraahim iyo
wasaarada Gaashaandhigaba.
Waxaa ninkaasi dhawaana lagu waayay laba dambi oo kale oo ahaa in uu qoray
hadalo meel ka dhac ah, iyadoo dhowr jeer xabsiga loo taxaabay sanadahii
ugu dambeeyay. Top
Afar Nin Oo
Lagu Eedeeyay Qaraxii Mombassa. |
BBC_Maxkamad ku taalla dalka Kenya, ayaa
afar nin ku soo oogtay sadex iyo toban dambi oo dil ah, arintaasi oo la
xidhiidha weerarkii bishii November ee kal hore lagu qaadday Hotel ay
Israa'iiliyiintu leeyahiin oo ku yaalla magaalada xeebta ah ee Mombasa.
Lix iyo toban qof oo ay ku jiraan sadex nin oo lagu tuhunsan yahay in ay
weerarkaasi ka dambeeyeen, ayaa ku dhintay qaraxaasi oo ay Maraykanku ku
eedeeyeen in ay ka dambeeyeen ururka al Qaacida.
Afartaasi nin oola kala yidhaahdo Saciid Saggar, Cabuud Rogo Mohamed,
Mohamed Kubwa iyo inan uu dhalay oo la yidhaahdo Mohamed Kubwa Seef ayaan
la waydiinin in ay dambiyadaasi qabaan iyo in kale waxaana lagu sii hayaa
xabsiga.
dambiyada ragaasi lagu soo oogay waxaa ay soo baxeen wakhtigan oo la
adkeeyay amaanka dalka Kenya, waxaa si ku meel gaadh ah loo xidhay
safaaradii ay maraykanku ku lahaayeen halkaasi waxaana la joojiyay
duulimaadyadii u kala bixi jiraty dalka kenya iyo wadanka ay seriska
yihiin ee somalia Top
Qaadka Kenya
Xidhay Sidee Buu U Saameeyay Muqdisho. |
BBC_Waxaa maalintii 2aad ka maqan magaalada
Muqdisho qaadkii laga cuni jirey kaasoo sida la sheegey ay dowladda Kenya
mamnuucdey gebi ahaanba diyaaradaha tega iyo kuwa ka yimaada Somalia.
Waxaa haawanaya kabadhadii ay jaadleyaashu ku iibin jireen jaadka, kuwaaso
aad ku arkeysid waxoogaa carruur yar yar oo jaadla loo yaqaano gaamburiga
ama garaabada iyagu iibin jirey.
Jaadka oo maalin walba suuqyada lagu iibiyo ee magaalada Muqdisho soo
gaadhi jirey 11ka barqanimo ayaa shaley iyo doraad iyo maantaba dadka cuna
la arkayey iyagoo ku meereysanaya kabadhadaasi si ay u hubiyaan
imaanshiyaha caleentaasi qoyan taasoo u muuqdeen kuwo ka quustey saacaddu
markii ay ahayd 2da duhurnimo.
Dadkaasi waxay isku tebinayeen 2dii duhurnimo ka hor inuu jiro safar xalay
ay galeen baabuuro kuwa dheereeya ah, kuwaasoo la sheegey in ay ka
keenayaan jaad xuduudka ay Somalia la wadaagto Kenya.
Maxed Cumar Maxuud oo ka mid dadka gada jaadka ayaa sheegey in uu si aad
ah uga xun yahay maqnanshaha jaadka, isagoo intaasi kudarey in uu
iibinayey muddo dhan 15 sannadood, sidaasi darted uu maalin walba ka heli
jirey 150,000 so,sh. ayna tahay shaqada keliya ee uu yaqaano taasoo uu
sheegey ina ay ahayd mid biil ahaan aad ugu filan qoyskiisa.
Cali Cilmi Shiikh oo ka mid aha dadka sida joogtada ah u cuna jaadka ayaa
isaguna sheegey in uu ka reystey shaley iyo maantaba cunista jaadka kaasoo
uu sheegey in maalin walba ugu yaraan 50,000 sh.so uu ku cuni jirey jaadka
haddii aanuba gaadhin 100,000 so.sh... lacagtaasina uu hadda kula noqdey
gurigiisa iyo carruurtiisa.
Jaadka oo ay dhibato ka sheegtaan qoysaska guryahooda laga cuno ayaa hadda
waxaad ka dareemeysa in ay si guud ahaan ah raali uga yihiin
maqnaanshiyahiisa oo uu horey ula degey dhaqaalahooda qoys ahaan.
Haween ayaa waxay dib u arkeen raggoodii oo guryahoodii dib ugu soo noqdey,
kaddib markii suuqyada jaadka iyo meelihii ay ku soo qayili jireen ay soo
xidhmeen.
Dhibaatooyinka qoysaska uu ku hayey ka sokow ayaa jaadku uu qeyb weyn ka
qaataa degganaansho la'aanta ka jirta dalka iyo burburka dhaqaale ee
heysta.
Ugu yaraan waxaa magaalada Muqdisho iman jirey ugu yaraan 10 diyaaradood
oo jaad ah kuwaas oo ka soo kala degi jirey garoonada Deyniile iyo nr.50,
waxaana maalin walba ku bixi jirey jaadka lacag ka badan ilaa iyo 150,000
USD.
Dadka dhaqaaleyahanada Soomaalida yaa iyagu u arka in lacagtaa intaas la
eg ee ku baxda jaadka ya wax weyn katari lahey dib udhuiska iyo
horumarinta dalka iyagoo soo dhoweeyey joojintiisa. Top
Wargeysyada
Caalamka ee Todobaadkan. |
Sunday Nation.
Wargeyska Sunday Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa shalay waxaa uu
qoray maqaal uu bogga hore ku daabacay oo uu ciwaan uga dhigay Dowladda
Kenya waxay joojisay dhamaan diyaaradii u duuli jiray dalka Soomaaliya,
iyadoo si weyn looga hortayo argagisisada.
Wargeysku waxaa uu maqaalkiisa ku bilaabay in dowladda Kenya shalay
joojisay dhamaan duulimaadyadii tagi jiray Soomaaliya, waxayna hawadeeda
ka xidhay dhamaan duulimaadyadii dalkaas ka imaan jiray. Sidaasna waxaa
loo yeelay baa uu leeyahay wargeysku sababo xagga amaanka ah oo dowladdu
uga goleedahay in ah ka hortagto weerar aragagixiso ee laga yaabo in la
qaado.
Wargeysku waxaa kale oo uu sheegey in ciidamada amaanka ay howlgal
balaaran ka fuliyeen xaafadda East Liegh oo ay dagan yihiin dad Soomali oo
badan oo qaxooti ah. Wargeysku waxaa uu sheegay in howlgalaasi lagu
wareystey labadii maalmood ee la soo dhaafay dad ka badan 100 qof oo inta
badan ay yihiin dhalin yaro.
Wargeysu waxaa kale oo uu xusay in safaarada Mareykanka ee Nairobi in la
xidhay ilaa iyo maalinta Arbacada, taas oo ay ku tilmaameen saraakiisha
Mareykanku xog cusub oo dhab ah oo la xidhiidha cabsida laga qabo weerar
argagixiso oo laga yaabo in uu ka dhaco Kenya iyo dalalka Bariga Afrika.
Wargeysku waxaa uu intaa ku daray in wararka xidhida safaaradu uu soo
baxay ka dib markii la xaqiijiyey in madaxweynaha Mareykanka, George W
Bush uu booqasho ku imaan doon qaarada Afirka bisha soo socota, hase
yeeshee aanu imaan doonin dalka Kenya taas oo la xidhiidha sababo xagga
amaanka ah awgood.
AL Ahraam.
Wargeyska Al Ahraam ee ka soo baxa dalka Masar ayaa shalay qoray warbixn
oo ku sheegayo in madaxweynaha dalka Mareykanka George Bush uu sheegay in
ciidamada Markanka ee Ciraaq ku sugan ay la soo gudboonaan doonto khatar
weyn oo u baahan in ay naftooda u horaan.
Waxaa uu wargeysku intaa ku dara in madaxweyne Bush oo hadalkaa ku sheegay
khudbada uu todobaad walba raadiyaha uga jeediyo dadka Mareykanka.
Wargeysku waxaa uu sheegey in madaxweyne Bush uu cadeeyey in ay soo
badaneysay maalmahan ugu danbeyey weerarada gaadmada ah oo lagu soo
qaadayo ciidamada Mareykanka, kuwaas oo ay ka danbeeyaan teegeerayaasha
Saddaam Xuseen.
Waxaa uu Bush intaa ku daray, sida uu wargeysku qoray in ciidamada
Mareykanka ay hadda ku howlan yihiin baadigoobka hubka sida baahsan wax u
gumaada ee Ciraaq. Waxaa kale oo uu wargeyku sheegey in uu Madaxweyne Bush
sheegay in lacagtii la dhacay ee la helay ee Ciraaq oo gaadheysay boqolka
Malyan ee doollar in lagu bixinayo mashriicda dib u dhiska Ciraaq.
Waxuuna intaa ku daray madaxweynuhu in uu garoonka diyaaradaha ee Baqdaad
in la furi doono todobaadkan gudihiisa, iyadoo todobaadkii la soo
dhaafayna la furay dakeda Umal Qasa si looga dhoofiyo saliida Ciraaq.
Al Bayaan.
Wargeyska AL bayaan ee ka soo baxa dalka Isu taga Imaaraadka Carabta ayaa
isna qoray maqaal uu kaga hadlayo madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in uu
ku tuhunsanyahay tuugo in ay dhacday hubka sida baahsan wax u gumaada ee
Ciraaq.
Wargeysku waxaa uu sheegayaa in madaxweyne Bush uu arrintan ka dhiganayo
marmarsiiyo uu uga fakado su'aasha la xidhiidha xaggee buu aaday hubka wax
gumaada ee lagu saleeyey weerarkii lagu qaaday Ciraaq?
Wargeyska hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu leeyahay madaxweyne Bush waxaa
uu hore u sheegey in laga yaabo in hubkaa la burburiyey dagaalka ka hor,
iyadoo isla markaasna dhaliil loogu jeediyey ciidamda Mareykanka in ay ka
hortagaan biliqada loo geystay xarumaha nukliyeerka ee Ciraaq.
Al Qudus Al Carabi.
Wargeyska Al qudus Al Carabi ee ka soo baxa magaalada London ayaa isna
waxaa uu wax ka qoray maqaal uu kaga hadalayo in wafdigii ugu horeeyey oo
ka socda dalka Israel in ay tagi doonaa dalka Ciraaq.
Wargeysku waxaa uu sheegayaa in shirkada xagga dalxiiska ah oo laga
leeyahay dalka Israel oo ay iskaashanayaa shirkada laga leeyahay dalka
Urdun in tagi doonaa magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.
Wargeysku waxaa uu intaa ku daray in dowladda Israel ay qorsheyneyso in ay
iibsato hoteelka lagu magacaabo Zahratul Khaliij ee ku yaala Badhtamaha
Baqdaad. Wareyksu waxaa uu sheegayaa in laga yaabo in hoteelkaasi uu xarun
u noqdo ciidamada sirta ee Israel ee loo yaqaano Moosaad
Shiinaha Oo Dagaal Kula Jira Cudurka SARS.
BBC_Inkasta oo ay haatan ay wadanka Shiinaha rasmi ahaan ay ka fayow
yihiin cudurka SARS, hadana saynisyahanada ayaa ka digay in uu mar kale
xanuunkaasi uu soo noqon karo.
Af hayeen u hadlay ururka caafimaadka adduunka ayaa BBC-da u sheeggay in
laga yaabo in uu xanuunkaasi yahay qaar xilliyada qaarkood dilaaca oo
lagana yaabo inuu mar kale dilaaco xilliga jiilaalka ee qaybta waqooyi ee
caalamka.
Digniintani waxaa ay muujinaysaa sida ay u yar yihiin macluumaadka laga og
yahay xanuunka SARS, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan sideed boqol oo
qof caalamka oo dhan.
Saynisyahanada ku sugan HongKong, ayaa rumaysan in xanuunkaasi uu aadanaha
uga soo gudbay bahal yar oo sida bisadda oo kale ah oo badanaa lagu cuno
Hotel-ada laga cunteeyo ee lagu kariyo xayawaanada duur joogta ah ee
dhinaca koonfureed ee dalka Shiinaha.
Weriyaha BBC-da uga soo warama arrimaha sayniska ayaa sheegaya inuu weli
socdo dadaalka lagu doonayo in lagu ogaado halka uu ka soo faafay cudurka
SARS iyada oo sababtu tahay in marka ay Saynisyahanadu ogaadaan halka uu
cudurkaasi ka soo faafay ay markaasi yarayn karayaan fursadaha uu dib ugu
dilaaci karo.
Maraykanka Oo Weeraray Gaadiid Marayay Suuriya.
BBC_Waxaa si isa soo tareysa u cadaaneysa in howgalkani uu ahaa mid aad u
weyn. Wasaarada Gaashaandhiga ee Mareykanku waxay sheegeysaa in ay
adeegsatey qaar ka tirsan cidamada khaaska ah ee lugta oo ay taageerayaan
helokobraradaha qoryaha sida iyo diyaarado kale.
Saraakiishu Maraykanku waxay aaminsan yihiin in la dilay dad ka mid ah
dadkii la socoday kolonyada baabuurta ah , ilaa iyo labaatameeye ka mid
ahna la qabqabtay. Inta badan dadkaasan in yar ka dibana la sii daayey.
Dadka degan tuulooyin ku yaala halkaas ayaa waxay u sheegeen wariyeyaasha
in konlonyada la weeraray loo isticmaalayay in lagu qaado ido kotorobaan
ah.
Afhayeenka Mareykanku ma aanu dooneyn in uu arimahan faafaahin dheeraad ah
ka bixiyo. Waxuun sidoo kale ka gaabsan in uu cadeyn ka bixiyo
jahawareerka la xiriira dadka Suuriyaanka ah oo la sheegay in ay arrintaa
ku jireen.
Sarkaal sare oo Maraykanka ah ayaa sheegay in howlgalka lagu dhaawacay
shan ka tirsan ilaalada xuduudka Suuriya, oo seddex ka mid ahina ay hadda
daaweynayaan dhaqaatiirta ciidamda Mareykanku.
Hase yeeshee, waxaanan cadeyn sababta ilaaladaasi howlgalka ugu jireen.
Saraakiisha Mareykanku waxay xaqiijiyeen in ay dadka la dhaawacay ee
Suuriya u dhashay in ay ciidama dhulka ee Mareykanku ay ka soo qaadeen
xuduudka Suuriya ee dhanka Suuriya.
Hase yeeshee la ma yaqaano halka ciidamada Mareykanku ama diyaaradaya
Mareykanku ay kaga gudbeen xuduudka Suuriya markii lagu guda jiray
howlgalka milatiri.
Falastiiniyiin Lagu Xidh-Xidhay Hebron
BBC-Ciidamada Israel, ayaa sheegay in ay qabteen boqol iyo sodon qof oo
Falastiiniyiin ah magaalada Hebron ee ku taalla Daanta Galbeed.
Af hayeen ciidamada u hadlay, ayaa sheeggay in dadkaasi la soo qabqabtay
mar ay ciidamada Israa'iiliyiintu ay sameeyeen olole wayn oo ka dhan ah
dhaqdhaqaaqa islaamiga ah ee Xamaas.
Israa'iilityiintu waxaa kale oo ay xalay meelo kale oo ka tirsan Daanta
Galbeed ay ku qabqabteen labaatan qof oo kale.
Nin la taliye u ah dawladda Israel, ayaa BBC-da u sheegay in uu ololahaasi
uu maamulka Falastiiniyiinta uu gacan ka siin doono in ay la wareegaan
arrimaha ammaanka, laakiin nin la taliye u ah Falastiiniyiinta, ayaa
sheegay in ay talaabada noocaasi ahi ay wax ku biirin doonto-uun mija
xaabinta maamulka Falastiiniyiinta.
Maalintii Sabtidii, ayaa ciidamada Israa'iiliyiintu waxa ay ku dileen
magaalada Hebron sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Xamaas oo la odhan
jiray Abdulah Kawasme.
Wariye bbc-da uga soo waramay magaalada Qudus, ayaa waxaa uu sheegayaa in
ay saraakiisha Falastiiniyiintu ay haatan ka cabsi qabaan in uu mar kale
midho dhal noqon waayo dadaalka lagu doonayo in lagu helo heshiis xabad
joojin ah oo lala gaadho ururka Xamaas. Top
Muran Ka
Aloosan Cuntada La Asal-Dooriyay. |
BBC_Sarkaal sare oo ka tirsan wadamada ugu
daran ee ay saamaysay cunto yaraantu ayaa gaashaanka ku dhuftay hadal uu
madaxwayne Bush uu ku sheeggay in midhaha asalkoodda la dooriyay ay noqon
karaan qaar baabiya gaajada amaba lagu joojiyo.
Mr Bush, waxaa uu u sheegay shir ka dhacay magaalada Washington in
mamnuucidda ay Midowga Yurub ay ku soo rogeen midhaha asalkoodda la
dooriyay ay wax ku biirinayso cunto yaraanta ka jirta Qaaradda Africa.
Laakiin la taliyaha dawlada Ethiopia ee arimaha deegaanka ayaa sheegay in
ay Maraykanka iyo Europe ay gacan dheeraad ah ay ku siin karaan Qaarada
Africa haddii ay joojiyaan lacagta ay ku kabaan beerahoodda si ay
beeralayda Africa ugu suurta gasho in ay lacag dheeraad ah helaan.
Waxaa uu sarkaalkaasi sheegay in ay cunto yaraanta ka jirta dalka Ethiopia
ay tahay mid ka dhalatay maal gelin la'aan iyo dhibaatooyin kale oo
dhinaca habaynta ah ee laakiin aanay ahayn iyaga oo isticmaalaya nooc
qaldan oo abuurka beeraha ah.
Dad ay tiradoodu ka badan tahay laba iyo toban million iyo badh, ayaa
wakhtigan xaadirka ah ay noloshoodu ku xidhan tahay cuntada gargaarka ah
kadib abaarihii wadankaasi ku dhuftay sanadkii aynu ka soo gudubnay Top
Nabsigii
Foosto-Riix, Q: 13aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase. |
Mudo ka dib ayaa waxa dhacday in cafis
xabsiga lagaga sii daayo Foosto-riix isaga oo mudo dheer ku jiray xabsiga
maadaama uu ku xukunaa xabsi daaim muu filayn in la cafiyo sidaa darteed
cafiska lagaga siidaayay xabsigu waxa uu ku ahaa lama filaan.
Markii uu xabsigii ka soo baxay ayuu garan waayay meel uu ku hagaago,
waxaanay taasi ku kaliftay inuu dibaad joog noqdo. Markii uu isku dayay
inuu hayb sado caruurtiisii waxa uu ka baqday inay eryaan maadaama aanu
abaal hore usoo dhigan, waxa kale oo uu isyidhi dadka ayaa kula yaabi
hadii aad tidhaahdo waxaan raadinayaa caruurtaydii sidaa daraadeed waxa uu
go’aan saday inuu meelahaa isaga meherad doonto oo aanu soo qaadin
caruurtiisii.
Bil nasiib waxa uu shaqo waash-maannimo ama gaardiyaan ah ka helay
shirkadii uu maamulaha ka ahaa wiilkiisii curad ee faarax oo aanu garanayn
waxaanu ilaalin jiray dhismaha ay shirkadu leedahay.
Isla maalmahaa waxay ilma Foosto-riix ka maqleen idaacada iyadoo la
baafinaayo cidii garata wiilyar oo mudo dheer ka hor lahelay isaga oo uu
hooyadii gaadhi jiidhay waxaana la tilmaamay halka ay cidii garataa ugu
soo hagaagayso. La soco. Top
WAADIGA
CIYAARAHA, Cabdifataax M. Caydiid. |
Real Madrid Oo Ka Maarantay Tababare Del
Bosque iyo Difaacyahanka Hierro.
Madrid (W. Wararka) - Maamulaha kooxda Isbaanishka ah Real Madrid ee
dhawaan ku guulaysatay Horyaalnimada kooxaha dalkaas, Jorge Valdano ayaa
maalintii isniintii doraad sheegay in hogaanka sare ee kooxdu go’aansatay
in aan heshiiska loo jidiidin Tababaraha kooxda Vicente Del Bosque iyo
kabtanka kooxda ee difaaca ka ciyaara Fernando Heirro, taas oo ku soo
beegantay maalin kadib markii ay kooxdu ku guulaysatay koobka Horyaalka
tartanka kooxaha Isbaanishka La Liga, iyo wax ka yar toddobaad markii ay
kooxdu heshiis la gashay kabtanka dalka England David Beckham.
“Isbedelku waa wax daruuriya wakhti kasta, xataa wakhtiyada aad guul
gaadho, iyadoon la sugin wakhti uu khasaare ama hoos u dhac kugu yimaado.”
Sidaa waxa ku tiraabay, Jorge Valdano shir-jaraa’id oo uu ku qabtay
xarunta kooxda.
Afhayeenka Hogaan sare ee kooxda, Enrique Sanchez, ayaa caddeeyay in ay
Real Madrid u soo jeedisay inuu 52 jirka Del Bosque uu qabto jagada
Maamulka dhinaca taatikada, waxaanu intaa ku daray oo sheegay in
Tababarayaal badan ay maskaxda ku hayaan oo ku bedeli doonaan.
Kooxda Real ayaa isku deyay in ay sameyso isbedel cusub oo ay kooxdu
yeelato waji ciyaareed oo ka duwan kan imika, taas oo ay doonayso in ay
ugu horeyn bedelka ka bilowdo tababaraha Del Bosque oo 52 jir ah oo ay u
malaynayaan in aan awoodi karin koox ay ka buuxaan xiddigo fara-badan, iyo
Fernando Hierro oo isaga ay eedaynayaan inuu cuslaaday oo gaabinayo,
isagoo waliba loo tirinayo inuu sameeyo khalad aad khatar u ah.
Go’aan ay kooxdu kaga maarantay Del Bosque iyo Heirro ayaa lama filaan ku
noqday Isbayn oo dhan, kadib markii ay warbaahintu ka hadashay
cusboonaysiinta Heshiisyadooda.
Dhinaca kale, warar xog-ogaal ah ayaa sheegay in ay kooxda Real Madrid
doonayso in ay heshiis la gasho ku-xigeenka tababaraha Manchester United,
Alex Ferguson oo magaciisa la yidhaahdo Carlos Quieroz, iyo tababaraha
kooxda Boortaqiiska ah ee ku guulaysatay koobka UEFA Cup, Porto, tababare
Jose Mourinho, kuwaas oo la filayo in ay yihiin kuwa ugu dhow-dhow ee
jagadaa qabta.
Tababare Del Bosque, waxa uu tababarnimada kooxda Real Madrid la wareegay
sannadkii 1999-kii, waxaanu intii uu tababaraha ahaa kula guulaystay
kooxda laba jeer oo horyaalnimada Yurub ah, koobta tartanka Horyaalka
Isbaanishka La Liga laba jeer iyo koobka Naadiyada Qaaradaha oo hal mar
ah.
Sidoo kale Hierro, waxa uu ahaa kabtanka kooxda Real Madrid, isagoo ku soo
biiray sannadkii 1989-kii, waxaanu ahaa difaacyahan aad u adag wakhtiyadii
hore, balse mustawihiisu hoos ayuu u soo dhacay labadii xilli-ciyaareed
ugu dambeeyay, taas oo indhuhu ay aad u hayeen.
Warbaahinta qaar ayaa xustay maalmihii ugu dambeeyay in Naadigu u soo
bandhigay Hierro heshiis muddadiisu ay gaadhayso laba sannadood oo kale,
laakiin maamulka kooxdu si day u egtahay wax doonayaan in ay mushaharka uu
sannadkii qaato hoos u dhigaan, kaas oo dhan 4 milyan oo lacag Euro ah.
Hierro, intii uu u ciyaarayay kooxda Real wuxuu kula guulaystay tartanka
Horyaalka kooxaha Isbaanishka (La Liga Spain) shan jeer, Horyaalka
Yurub-na saddex jeer, koobka Isbaanishkana hal mar, koobka Naadiyada
qaaradahana laba jeer.
Frank Rijkaard Oo Tababare U Noqday Kooxda Barcelona.
Barcelona (W. Wararka) - Kooxda Isbaanishka ah ee Barcelona ayaa si rasmi
ah maalintii Isniintii heshiis ula gashay ciyaartoygii hore ee reer
Holland, Frank Rijkaard, heshiiskaas oo muddadiisu dhan tahay afar
sannadood inuu tababar u noqdo kooxda, isagoo bedelay tababarihii Serbiga
ahaa Radomir Antic.
Wada-hadalka labada dhinac ayaa qaatay muddo dhawr maalmood, kadib markii
ay kooxda Barcelona ka dhicisowday heshiis ay doonaysay in ay kula gasho
tababaraha kale ee reer Holland Guus Hiddink ee tababara kooxda Horyaalka
Holland ku guulaysatay xilli-ciyaareedkan PSV Eindhoven.
Muhiimada ugu horeysa ee laga doonayo tababare Frank Rijkaard oo uu
caawinayo ninka ay isku jinsiyada yihiin Hink Tin Kat, inuu kooxda dib ugu
soo celiyo heer sareeya, kooxdan oo aan wax koob ah ku guulaysan tan
sannadkii 1999.
Rijkaard, waa tababarihii afraad ee Hollandi ah ee tababara kooxda
Barcelona, kadib Yohaan Krouf, Rinios Miklz iyo Luis Van Gaal.
40-jirka reer Holland, Rijkaard, waxa tababarnimada dalka Holland hayay
July 1998-kii ilaa June 2000-kii, ka hor intii istiqaalada ka dhiibin
jagadaa, kadib markii dalka Holland ku hadhay wareegii semi-final koobka
qaarada Yurub oo ay dalka Talyaanigu kaga badiyeen rigoorayaal. Kadibna
waxa uu tababare u noqday kooxda Sparta Rotterdam oo xilli-ciyaareedkii
dhowaa hoos ugu dhacay darajada Labaad ama (Serie B).
Xusuustii Koobkii Adduunka 1990-kii, Ma Ku Celin Doontaa Kamaruun?
Lyon, France (W. Wararka) - Eric Kwekeu wuxuu xusuustaa markii ugu
dambaysay ee ay Kamaruun la ciyaarto dalka Colombia. Markaas oo uu 10-jir
ahaa, telefiishankana ka daawanayay Roger Milla oo dhaliyay gool wakhtigii
dheeraadka ahaa ee ciyaarta, taas oo ay kooxda libaaxyada Afrika 2-1 kaga
guulaysteen, cagtana dhigeen quarterfinals-ka oo ay noqdeen kooxdii
Afrikaanka ahayd ee kaalintaa gaadha.
“Ciyaarta kadib, waxaanu u soo baxnay wadooyinka oo aanu aad u qaylinaynay.
Kamaruun gudaheeda. Kamaruun gudaheeda, aad ayaanu u jecelnahay kubadda
cagta,” ayuu yidhi Eric.
Taageerayaasha ayaa ku dhex ciyaarayay wadooyinka Yaounde, oo ah magaalada
caasimada Kamaruun, kadib markii ay guulweyn keeneen oo ay u soo gudbeen
wareega labaad ee koobka adduunka June 23, 1990.
Milla oo 38-jir ah oo ku soo noqday ciyaaraha tartankaa kadib markii uu ka
fadhiistay, ayaa laba jeer ka dhaliyay dalka laatiin Ameerika ka socday,
taas oo goolashiisa ka dhigtay 4gool.
“Waxa uu ahaa xaflad aad u weyn.” Sidaa waxa yidhi kabtanka dalka Kamaruun
Lucien Mettomo oo markaa 13 jir ahaa.
Weeraryahanka VAlery Mezague oo markaa da’diisu ahayd 6 jir, kuna noollaa
dalka France, ayaa isna yidhi: “Waxaan xusuustaa labadii gool ee uu
dhaliyay Roger Milla, waxaan la ciyaarta la daawanayay qoyskayaga.”
Kulanka Khamiista ay kulmayaan ma aha mid sidaa muhiim ugu ah u soo
gudubka ay u soo gudbeen semifinals-ka koobka Qaaradaha Adduunka. Laba
kooxood kolba kii badiyaa waxa uu la kulmi doonaa dalka Faransiiska iyo
Turkiga kolba ka soo badiya.
Kamaruun, koobkii adduunka 1990-kii, in ay ku guulaysato waxa uu ahaa
500-1 (shantii boqolba hal), laakiin libaaxyada Afrika waxay niyadjab ku
rideen kooxda koobka difaacanaysay ee Argentina oo ay 1-0 kaga adkaadeen
ciyaarta furitaanka, dabadeedna waxay garaaceen Romania oo ay 21 kaga
adkaadeen, waxaanay u soo gudbeen wareegii labaad.
Libaaxyada Afrika waxay ciyaartii quarterfinals-ka laga adkaaday 3-2
wakhtigii dheeraadka ahaa oo ay England ku guulaysatay. Muuqaalkaasi, waxa
uu keenay soo shaacbax weyn oo ahmiyad la siiyay ciyaaraha kubadda cagta
ee Afrika, taas oo ay naadiyada adduunka ugu sareeyaa heshiisyo la galeen
xidigii Afrikaanka ahaa ee koobka Adduunka 1990.
Dhinaca kale, dalalka kale Afrikaanka ayaa iyaguna meel fiican soo gaadhay,
sida Nayjeeriya oo wareega labaad u soo gudubtay koobkii adduunka
1994-kii, iyo Senegaal oo niyadjab ku riday dalka Faransiiska oo horyaalka
difaacanayay, kadibna u soo gudubtay quaterfinals-ka, ka hor intii aanay
wakhtigii dheerraadka ahaa ee ciyaarta Turkigu kaga adkaan.
Sida kooxaha kale ee tartankan Qaaradaha adduunka 2003, Kamaruun ma aha
koox dhammaystiran, waxaanay doonay in ay hore u socoto.
“Ujeedadayadu waxa weeyaan in aan samayno koox cusub.” Sidaa waxa yidhi
Tababaraha Kamaruun Wennie Schaefer, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi;
“Muhiimadayada ugu weyni waa in ay kooxdu u soo baxdo koobka Qaarada
Afrika iyo koobka adduunka ee 2006 ee lagu qabanayo Jarmalka.”
Weli, Kamaruun waxay ciyaarta khamiista berito uga dhigan tahay mid muhiim
ah, waxaanay kooxdu shalay salaasadii tababarkoodu ku qaadanayeen
Saint-Etienne.
“Waxaanu u baahanahay degenaasho,” ayuu yidhi Schaefer.
Dhinaca kale, Horyaalada Qaaradda Laatiin Ameerika uma ciyaarayaan
tartankan qaaradaha adduunka si sahlan, waxaanay si weyn isugu
diyaarinayaan ciyaarta maalinta khamiista ah ee ay kaga hor imanayaan
dalka Kamaruun.
“Waxaanu u jeednaa in aanu u soo baxno ciyaarta weyn kama-dambaysta.”
Sidaa waxa yidhi ciyaartoyga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Inter Milan,
ahna kabtanka kooxda Kolombiya, Ivan Cordoba.
Fashilkii ay ku fashilmeen in ay u soo gudbaan koobkii adduunka ee
sannadkii hore, waxa uu ahaa mid hoos u dhac weyn ku keenay kooxda dalka
Kolombiya, laakiin imika waxay ku damaashaadayaan soo noqoshada tababaraha
Francisco Maturana uu ku soo noqday tababarka xulka, waxaana mar kale ka
mid noqdeen dalalka ugu cadcad koonfurta Ameerika.
“Ciyaarba ciyaarta ka dambaysa ciyaartoydu way sii wanaagsanayaan.” Sidaa
waxa yidhi tababare Maturana.
“Kamaruun waa koox difaaca wada gasha, kadibna isticmaasha in ay mar
weerar degdeg ah soo qaadaan.” Sidaa waxa yidhi Giovanni Harnandez,
waxaanu ku daray intaa oo uu yidhi: “Waxaanu ka hor tegaynaa koox aad u
adag ciyaar ahaan, taariikh wanaagsan oo kubadda cagta ahna leh.
Waxaanu u baahanahay in aanu ciyaarno ciyaar baasas khafiifa leh, taas oo
noqonaysa wadada aanu goolka ku tegi karno.”
Ivan Cordoba oo ciyaartii ay Japan la yeeshay dalkiisa Kolombiya ka maqnaa,
ayaa ciyaartan dib ugu soo laaban doona, isagoo sheegay in ay taariikhdii
hore wax ka beddeli doonaan, waxaanu yidhi: “Run ahaantii, Kamaruun waa
kooxda aanu doonaynay in aanu kula kulano halkan,” waxaanu intaa ku daray,
“Fursadani waa taayadii aanu ku baabi’in lahayn khasaarihii Talyaaniga
naga raacay.”
Top
|