Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 363 June 27, 2003

Somaliland Iyo Sidii Looga Xusay Munaasibadda 26-Ka June.

26-Ka June: Guushii Ambatay.

Mudaharaad Ballaadhan Oo Lagu Taageerayo Somaliland Oo Ka Dhacay London.

Aqoon Is Weydaarsi Caafimaadka Ah Oo Ka Furmay Boorama.

Dagaal Qadhaadh Oo Ka Socda Liberia.

Xabad-Joojin Loogu Baaqay Kooxaha Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha Pakistan Oo Booqday Maraykanka.

ODHAADA AKHRISTAHA: Go’aanka Somaliland Iyo Riyada Kooxda Carta.

Hala Xurmeeyo Xuska 26 Juun.

Nabsigii Foosto-Riix, Q: 14aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Waanu Taageersanahay Go’aanka KULMIYE
Taageerayaasha KULMIYE Ee Qurbaha.

Rafaadka Ay La Kulmaan Somalida U Tahriibtay Talyaaniga.

Maraykanka Iyo Itoobiya Oo Ka Wadahadlay Argagixisada

Heshiisyo Dhexmaray Kenya Iyo Tanzania.


Somaliland Iyo Sidii Looga Xusay Munaasibadda 26-Ka June.

Somaliland Iyo Sidii Looga Xusay Munaasibadda 26-Ka June

Hargeysa (Haatuf): Xaflad lagu xusayey sanad guuraddii 43aad ee ka soo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeedii ka qaadatay mustacmaraddii Ingiriiska 26-kii June 1960-kii, ayaa xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyadda Somaliland.

Munaasibadda loogu talagalay xafladdaa waxa ka soo qaybgalay madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, iyo marwooyinkooda, Gudoomiyayaasha labada gole baarlamaan, xubnaha golaha wasiiradda, maayarka caasimadda Hargeysa, gudoomiyaha maxkamadda sare, masuuliyiin ka socotay xisbiyadda mucaaradka ah, madax dhaqmeedyo, masuuliyiin ka socotay hay’adaha caalamiga ah iyo marti sharaf kale.

Munaasibadda lagu xusayey xaflada oo ahayd mid casho ah, waxa ku kulmay abwaano iyo fanaaniin caana oo aan beryahaa ka qaybgelin munaasibadahan oo kale oo dalka gudihiisa ka dhacday, laakiin intii aanay bilaabin barnaamijkoodii waxa bilaambay guux iyo dhaq-dhaqaaq dhinaca fanaaniinta ah.

Faysal Cumar Mushtek oo ka heesaya mambarka ayaa saaxiibadii u yeedheen, ka dibna waxa soo baxay abwaanka weyn Maxamed Aadan Dacar, wuxuuna mikrafoonka kaga dhawaaqay in laga joojiyo kamaradaha, isagoo yidhi “Qoladiina kamaradaha naga joojiya, waxa qudha oo aanu ogolnahay kamaradda dawladda”. Intaa ka dib, masuuliyiintii maamulaysay xafladda ayaa kooxda fanaaniinta ah ugu tagay si ay xal ugu helaan arrinta ay ka cabanayaan.

Waxaana si toos ah loo bilaabay, xafladdii, iyada oo uu furitaankii xafladda ka hadlay wasiirka madaxtooyadda oo sida uu sheegay ku hadlayey magaca madaxweynaha, wuxuuna hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyey kaga waramay munaasibaddaa iyo qiimaha ay leedahay, islamarkaana wuxuu ka sheekeeyey taariikhdii iyo halgankii xorriyadda loo soo maray, isagoo u mahad naqay marwada 1aad Huda Barkhad Aadan oo uu sheegay inay xafladdan iyadu gogosheeda lahayd.

Laakiin xafladdan kamay muuqan gudoomiyeyaashii labada xisbi ee mucaaradka ah, balse markii xafladda la bilaabay ka dib waxa soo galay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) iyo xoghayaha guud ee xisbigaa Daa’uud Maxamed Geelle, waxa kale oo iyaguna wakhtigaa ka dib yimi gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe Iyo masuuliyiin ka tirsan xisbigiisa.

Intaa ka dib waxa la bilaabay barnaamijkii ay ugu talo-galeen abwaanada iyo fanaaniintu munaasibadan, waxayna halkaa ku soo bandhigeen riwaayad cusub oo magaceeda la yidhaahdo maxaad nolosha u taqaan?

Riwaayaddan oo ay sameeyeen abwaano waaweyn oo ka muuqday xafladda xalay, abwaanada oo ay ka mid ahaayeen Ismaaciil Sh. Axmed (Cagaf), Saxadiid Maxamed (Jabiye), Ismaaciil Cabdi Basbaas, Maxamed Aadan Dacar, Xuseen Cali Kaahin, Maxamed Axmed Kuluc, Abwaan Keyd, Agaasimaha guud wasaaradda Fanka iyo Suugaanta, Aways Abokor Nuur oo ah farsamo iyo abwaano kale.

Waxayna halkaa ku soo bandhigeen gabayo, heeso iyo majaajilooyin, kuwaas oo ay kaga sheekaynayeen nolosha iyo waayaha. Waxayna xafladdani socotay ilaa xalay caweyskii dambe.

Laakiin xuska munaasibadda 26 June oo la filayey in lagu qabto kheyriyadda magaalada Hargeysa sidii awalba dhici jirtay ayaa baaqday maalintii shalay, iyadoo ay dawladda hoose ee Magaalada Hargeysa maalmahan waday hawlgal loogu diyaar garoobayo xuska munaasibadda 26 June, isla markaana ay fagaaraha kheyriyadda ku rushaysay booyado biyo ah, haddana maalintii shalay waxa halkaa ku soo hungoobay dadweyne doonayey inay ka qayb qaataan xuska munaasibaddaa.

Hase yeeshee markii ay waayeen wax masuuliyiin ah oo halkaa ka soo xaadira way iska kala tageen, iyada oo ay dadkii halkaa ku soo hungoobay oo u badnaa dumar iyo carruur ay qaarkood ku dhawaaqayeen “Meeday dawladdii, Maxaa dhacay”, balse markii dambe way iska kala dareereen.

Dhinaca kale magaalada Burco ayaa iyadana munaasibadan aan si weyn looga xusin, inkasta oo ay kheyriyadda magaalada Burco oo masuuliyiinta gobolku dadka kala hadleen, wakhti kooban, isla markaana ka sheekeeyey qiimaha ay leedahay maalintani, laakiin in yar ka dib waxay masuuliyiintu tageen xarunta gobolka ee Magaalada Burco halkaas oo laga furayey, hudheel cusub oo magaciisa la yidhaahdo City Plaza Hotel, halkaas oo ay ku sugnaayeen wefti wasiiro ah oo ka tagay dhinaca magaalada Hargeysa, waxaana xafladii furitaanka hotelkaa xadhiga ka jaray badhasaabka gobolka Cabdi Xuseen Dheere.

Waxaana xafladii furitaanka hotelka ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, madax-dhaqameedyo, mulkiilaha Hotelka Ambassador ee Hargeysa Khadar Aadan Xuseen, wakiilka shirkadda Hotelka dhistay Maxamed Xuseen Aadan iyo marti sharaf kale.

Mulkiilaha hotelka cusub Axmed X, Yuusuf oo u mahad naqay dadkii ka soo qayb galay xafladda furitaanka Hotelka, wuxuuna sheegay in markii uu hindisayey inuu hotelkan ka dhiso magaalada Burco ay jireen dad ka soo horjeeday, isla markaana ay sharad kala dhigteen, laakiin waxa igu dhiiri geliyey oo fikradiisa lahaa dad badan oo reer England, dadkaas oo uu ka mid yahay mulkiilaha Ambassador Hotel ee Magaalada Hargeysa.
Wasiirka hidaha iyo dalxiiska oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay hotelada waaweyn iyo hantida intan le’eeg ay ka marag kacayaan nabadgelyada buuxda ee ka jirta Somaliland, wuxuuna ku booriyey ganacsatada inay dalka maalgelin ku sameeyaan, wuxuuna ku tilmaamay mid astaan u ah horumarka iyo dimuqraadiyadda aynu gaadhnay, isaga oo sheegay inay dawladduna dhiiri-gelinayso.

Badhasaabka gobolka Cabdi Xuseen Dheere oo halkaa hadlay ayaa sheegay inay jiraan rag ka maal badan kuwan hotelada dhistay, laakiin aanay ku dhiiranayn inay wax u qabtaan dadkooda iyo dalkooda, balse wey jiraan qaar wax u qabtay, oo hanti badan geliyey dalka, ayuu raaciyey, wuxuuna intaa ku daray inay magaalada Burco ka jiraan 15 Riig oo kuwa biyaha soo saara, oo ay leeyihiin dad shacab ahi iyo wershado gaar loo leeyahay sida wershada hargaha oo iyadu wakhtigan shaqaysa iyo ta adhiga qasha oo uu sheegay inay dhawaan furayaan.

Badhasaabku waxa kale oo uu sheegay inay jiraan dad Hargeysa ka yimaada oo yidhaahda Burco nabadgelyo badani kama jirto, wuxuuna isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi “qolyaha Hargeysa ka yimid waxaad odhanaysaa, maxaa Burco ka dhacay, waad aragtaan nabadgelyada iyo horumarka ka jira, anaguna sidiibaan qolyihiin hay’adaha u sugaynaa” wuxuuna intaa ku daray inay muddo dhaweyd u yimaadeen wakiilo ka socda hay’addo, kuwaas oo uu sheegay inuu geeyey meelihii ay u baahnaayeen, isla markaana magaalada soo mar-mariyey, laakiin galabnimadii ay yidhaahdeen waanu caraabaynaa, balse markii aan weydiinay sababta ay u caawa ugu hoyan waayeen Burco, waxay ku jawaabeen “Amar baa lana siiyey”, iyaga oo aan sheegin cidda amarka siisay.

Sida uu ku soo waramayo Axmed Aadan Yuusuf, Badhasaabku wuxuu intaa ku daray inay nabadgelyada magaalada Burco tahay mid dhamaystiran, isaga oo yidhi “haddii aad na odhan jirteen Burco wey dambaysaa oo qori bay sidataa, waxaanu leenahay Burco qorigii way dhigtay oo waxay ku bedeshay guryo dhaadheer oo qurux badan, ee ku bushaaraysta, magaalo waxay ku horumartaa waa nabad, waanu ogaanay inuu nagu ciyaari jirey nin nabadgelyadiisa ka adkaaday haddaanu nahay reer Burco,”.

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Suldaan Siciid Cismaan Cali oo sheegay inuu isimada gobolka Sool ka sido salaadiinta gobolka Togdheer, taas oo ku saabsanayd sidii ay u xaliyeen khilaafkii beelaha gobolkaasi.

Sidoo kale magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal ayaa laga xusay munaasibada 26-ka June, waxaana shalayto lagu qabtay kheyriyadda magaalada munaasibad ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta gobolka Awdal iyo dadweynaha magaaladaas.

Waxaana halkaas hadalo kooban uga jeediyey dadka gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Sh. C/laahi Cige, Duqa Magaalada Boorama C/Raxmaan Sh. Cumar iyo taliyaha ciidanka booliska ee gobolka, waxaanay ka hadleen qiimaha ay maalintani leedahay.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Gobolka Awdal Maxamed Cumar, waxay masuuliyiintaas khudbadahooda kaga sheekeeyey, halgankii loo soo maray xorriyadda iyo sidii koonfuri u lumisay xaqoodii ay ula tageen.

Duqa Magaalada Boorama ayaa isagu si gaara uga hadlay soo celinta nadaafada magaalada Boorame oo loo balamay 30-ka Bishan.

Taliyaha ciidanka booliska gobolka ayaa si gaara ugu adkeeyey dadka inay ilaaliyaan nabadgelyada oo ay la shaqeeyaan booliska isaga oo yidhi “Booliska ayaa ka masuula calanka iyo nabadgelyada.”

Top


26-Ka June: Guushii Ambatay.

Hargeysa (Haatuf): Shalay oo bisha June ahayd 26 waxay ku beegnayd Sannadguuradii 43-aad ee ka soo wareegtey markii Somaliland madax bannaanideeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska oo ka talinaysey muddo 80 sanadood ka badan.

Inkasta oo ay tahay maalintii ugu horaysay ee ay Soomaaliland calankeeda taagtay, ayna ahayd maalintii ugu horaysay ee calan Soomaaliyi leedahay hadana dadka soomaaliland waxay ugu suntantahay Guushii Ambatay si aynu wax uga ogaano sababtii ay taasi ku timid aynu taariikhda dib u eegno.

1884-kii Shir ay Baarliin ku yeesheen gumeystayaashii Reer Yurub ayaa waxay ugu qori-tuurteen Qaaradda Afrika oo lagu naanaysay “Qaaraddii Madoobeyd”, balse ahayd meel dihin. Gumaystayaashaas oo ay hormuud ka ahaayeen; Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, Boortaqiiska iyo Isbaanishku waxay u beratemayeen dano iyo ujeeddooyin dhaqaale, siyaasadeed, istiraatijiyadeed iyo diimeed. Waqtigaas, Somaliland oo lahayd Ilbaxnimo iyo xadaarad la rumaysan yahay inay ka dhaxashay dowladdii Islaamka ee Cusmaaniyiinta iyo xidhiidhkii ganacsi ee faraaciyiintii Reer Masar ku iman jireen cidhifka geeska Afrika ee ay Somaliland ku taallo, waxa qoriga saamigu ugu dhacay Boqortooyadii Ingiriiska oo lagu magacaabi jirey “Boqortooyada aan Calankeeda Qorraxdu ka dhicin”, taas oo loola jeedo dunida gees ilaa gees in ay isku ballaadhisay.

Waxa taariikhdu qortay in dadka reer Somaliland ay hangool farraaro leh iskaga qabteen Gumaystaha Ingiriis markii uu geyiga soo galay, shuruudo iyo cahdina lala saxeexday.

Iska caabbintaasi la kawsaday soo gelintaankii gumaystuhu waxa ay ahayd mid aan marna damin marxalad kasta oo uu soo istaageyba ilaa uu jaanta isla helay halgan af iyo addinba leh oo lagaga soo horjeedo gumaystaha. 1950-neeyadii ayaa Afrika oo dhan uu ka bilaabmay dhaqdhaqaaq gobanimo doon ah oo ay horkacayeen jiilkii waxbartay ee Afrika u kacaamay waqtigaas. Somaliland sida dalalkii Afrikaanka waxaa ka abuurmay ururro gobanimo doon oo ay ugu door-roonaayeen SNL, NUF iyo USP. Kuwaasi oo la jaanqaaday ololihii xornimo u dirirka ahaa ee socday.

Si kastaba ha ahaatee, 26-kii June 1960-kii ayaa Boqortooyadii Ingiriisku Somaliland siisay xornimadeeda, calankii ugu horreeyey ee Soomaaliyi yeelatona laga taagey Hargeysa, iyada oo Djabouti ay weli baaqi ku ahayd gacanta Faransiiska oo gumeysan jirey, Soomaalida koonfureedna waxa Talyaaniga kala wareegey Qaramada Midoobey oo toban sannadood oo xornimo-gaadhsiin ah gacanta ku hayey. Somaliland waxay xornimadeeda Ingiriisku hibeeyey 1958-kii markii Ergo Odayaal reer Somaliland ah oo tegey London ay Ingiriiska kula garnaqsadeen dhulkii Hawd iyo Reserve Area la odhan jirey oo uu ku wareejiyey Boqortooyadii Xayle-salaase ee Itoobiya, taas oo xad-gudub ku ahayd axdigii Somaliland iyo Ingiriiska u yaaley.

Hase yeeshee, Somaliland kuma sii waarin xorriyaddaas. Afar maalmood oo keli ah markii ay madax bannaanayd ayay ku biirtay Soomaaliya waxaana 1-dii July lagu kulmiyey Muqdisho munaasibadda madaxbannaanida Soomaaliya iyo midnimadii Somaliland iyo Soomaaliya. Waxana ay ku sifowdey Somaliland sidii uu ku sifeeyey wargeys ka soo baxay London 31-kii June oo ciwaan far-waaweyn ah ku qoray “MAXMIYADDII XORRIYADDA DIIDDEY”. Waxa xorriyaddaas lagu tuuray god qaatay soddon sannadood in lagaga soo saaro.

Markii ay dadka Soomaaliland dareemeen in xornimadii ay qaateen ay ambatay ayay bilaabeen halgan ay dib ugula soo noqonayaan gobanimadoodii halgankaasi oo uu horseed ka ahaa ururkii S.N.M. oo la aasaasay 1981kii, halgankaasi oo socday mudo 10 sano kabadan aakhirkii waxa uu keenay in ay Soomaaliland la soo noqoto gobanimadeedii 18kii May 1991kii kadib markiii ay shir isugu yimaadeen beelaha Soomaaliland magaalada Burco.

Top


Mudaharaad Ballaadhan Oo Lagu Taageerayo Somaliland Oo Ka Dhacay London.

London (Haatuf): Dad boqolaal qof gaadhaya ayaa shalay isugu yimid aqalka baarlamaanka ee dalka ingiriiska gudahiisa (lobbying halll) dadkaas oo la kulmay mudanayaasha laga soo doorto goobaha ay deganyihiin dadka reer Soomaaliland ee degan ingiriiska , waxayna u dhiibeen warqad lagaga codsanayo in dawlada ingiriisku cosboonaysiiso aqoonsigii ay siisay 1960kii isla markaana dadkaasi waxay u shegeen in somaliland ay kala qayb gashay ingiriiska labadii dagaal ee dunida sida kii ka dhacay barma waxay kale oo sheegeen in burburkii iyo khasaarahii ka soo gaadhay wakhtigii midnimada aan sharciga ku dhisnayna ay maanta ka faa,iido badan tahay gooni isu taaga Somaliland.

Sida uu noogu soo waramay C/rasaaq ibraahim xadhigle oo goobjoog ka ahaa mudaharaadkan waxa kale oo ay usheegeen somaliland waxay xalalaysay distoorkii loo codeeyay 31may 2001 kaasoo burinaya kii 1961 oo aanay jirin maanta wax isugu hadhay somaliland iyo soomalia ma jirto ayey ku soo geba gebeeyeen tan kale waxa iyana waraaqda ku qoraa in somaliland ay ku guulaysatay doorashooyinkii dowladaha hoose iyo tii madaxtooyada sidaa daraadeed somaliland waxay cagta saartay in ay ku dhaqanto dimuqraadiyada oo maanta aduunku doonayo.

hadaba waxa halkaa joogay ergeyga gaarka ee ictiraaf doonka ah ee Dr. Cumar dixood oo la kulmay mudanaha laga soo doorto degmada ealing ee galbeedka london isga oo sheegay inuu xoog ula shaqayn doono somalialnd si loo tuso indhaha caalamka dedaalka ay gaadhay somalialnd. waxa kale oo uu Dr. dixod la kulamay gabadha laga soo doorto koonfurta london degmada beckenham oo iyaduna tidhi mudo24 sacadood ayan ku diyaarinayaa pettion si loogu gudbiyo wasiirka arimaha debeda uuna kaga soo jawaabi doono wakhtigii munaasib ah oo suurta galah ayay tidhi hadaba.

Hadaynu intaas ku dhaafno waxii dhacay 26.6.2003 waxa maanta 12pm ilaa 7pm ka dhacaya wasarada arimaha debeda ee ingiriiska mudaharaadkan mid ka baladhan oo la filayo inuu ka dad badnaado.

Sidaa darteed waxa uu dr Cumar Dixood ka codsanayaa in dhamaan shacabka somaliland ee ku nool dalka gudahiisa inaan raadkii caruurnimada aan dib loo raacin oo mar kale albaabka somaliland laga soo gelayo aan la wasakhayn wax kastana dib u dhigtaan waxkastana laga hormariyo isku duubnida iyo wada jirka shacabka somaliland waa in la dedejiyaa arinta muhiinka ah ee inoo taal oo ah doorashada barlamaanka.

Top


Aqoon Is Weydaarsi Caafimaadka Ah Oo Ka Furmay Boorama.

Boorama (Haatuf): Agaasimaha waaxda tababarada iyo qorshaynta wasaarada caaffimaadka Dr. Axmed Maxamuud Cige ayaa shalay xaru nta maamulka wasaaradda ee Boorama aqoon isweydaarsi uga furay xubnaha Bulshada gobolka Awdal u metela Caafimaadka.

Sida uu ku soo waramay wariyaha haatuf ee Boorama maxamad Cumar Aqoon isweydaarsigan oo socon doona muddo shan maamlmood waxay maamulka caafimaadka ee GobolkaAwdal, Guddiga Caafimaadka dadweynaha ,iyo Maamulka dhexe ee wasaaradda caafimaadka kaga doodayaan qorshayaal hore loogu dejiyay cafimaadka gobolka wixii ka fulay xag maamul, deegaamaynta caafimaadka, dhismayaasha, dawooyinka qalabka iyo dhaqaalahaba iyo sidii xal loogu heli wixii goldaloolooyin ah ee jira.

Agaasimaha oo ka hadlay furitaankii dooddan ayaa sheegay in maamulka caafimaadka ee gobolku uu kasoo reeyey bilihii u dambeeyey, sidaa darteedna dooddani noqoto mid hore usii wadda geeddiga loogu
jiro in isku tashi caafimaad iyo sidii loosii horumarin lahaa adeegyada guud ee caafimaadka gobolka.

Dooddan ama aqoonisweydaarsigan oo ah kii ugu horeeyey ee lala yeesho guddiga caafimaadka ee shacbiga waxa isaguna ka hadlay Agaasimaha Hay'adda UNICEF u qaabilsan caafimaadka Dr. Cawil X. iyo
Dr. Cabdfiraxmaan Jaamac Hadi oo ah isuduwaha caafimaadka gobolka Awdal iyagoo labaduba ka warramay qaabkii loosoo abaabulay dooddan iyo ujeeddooyinka laga leeyahay mustaqbalka in kor loogu qado adeegyada guud ee caafimaadka gobolka iyo fahamka daweynaha.
Dhinaca kale Badhasaabka Gobolka Awdal ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay sarkaal ka socday xafiiska shaqaalaha Adduunka ILO oo la yidhaa Michel Torotel. Qaabilaaddan oo uu goobjoog ka ahaa Duqa Boorama Cabdiraxmaan sh.Cumar, waxay badhasaabka ka wadahadleen arrimo khuseeya kor u qaadidda xirfadaha shaqaalaha ha ahaadeen kuwa gaar ah ama ku wa dawladda si guud ahaan shaqaalaha dalku u noqdo mid kordhiya wax soorka dhinaca dhaqaalaha.

Dhinaca kale, tababar ku saabsan habka isticmaalka dawooyinka, Ururinta xogaha caafimaadka gobolka Awdal ayaa shalay loo furay 12 xubnood oo ah daryeelayaal ku cusub hawlaha caafimaadka oo ka kala yimi 12 tuulo ku yaalla degmooyinka Gobolka Awdal. Agaasimaha Waaxda tababarada eewasaaradda caafimaadka Dr. Axmed Maxamuud Cige oo isagu furay tababarkan ayaa u sheegay ka qaybgeleyaasha in waxan la barayaa yahay siday dadkooda ku xanuunsada deegaanadooda ka fog magaalooyinka uga badbaadin lahaayeen, xanuunada ka jirana xogtooda ay u heli lahaayeen, ee anay ahayn mid dhaqaale lagu siinayo, sidaa darteedna ay u arkaan inay dantooda iyo dadkooda wax u baranayaan,inta ay joogaan Booramana ay dhowran wakhtiga.

Waxa kale oo ka hadlay munaasbaddaan furitaanka tababarkan madaxa MCHyada Gobolka Awdal Siciid Bile Buraale iyo Madaxa waaxda caaffimaadka ee hay'adda UNICEF Dr.Cawil X.Cali Guure iyagoo labaduba ka warramay sida wasaaradda caafimaadka iyo hay'adda Unicefba ugu dadaalayaan soo saarista dad aqoon u leh caafimaadka tuulooyinka iyo degmooy6nka an cusbitaallada waaweyn lahayn. Labadii bilood ee ugu dambaysay ayaa ha'adda unicef tababarro badan ka qaban qaabisay gobolka kaddib markii sannadihii hore maamulka caafimaadka ee gobolka Awdal saluugsanaa sida ay wax u wadeen. Tababarkan ayaa daryeelayaasha u socon doona muddo 21 casho ah.

Top


Dagaal Qadhaadh Oo Ka Socda Liberia.

Kumanaan qof oo ku sugan caasimadda dalka Liberia ee Monrovia, ayaa xalay bannaan cidla ah seexday kadib markii ay ka qaxeen dagaalka u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka oo labada dhinacba ay sheeganayaan in uu yahay kii kama dambaysta ahaa.

Weriyaha BBC-da ee Galbeedka Africa, ayaa sheegay in dhibaatada soo gaadhay dadka rayidka ah ay aad u badan tahay, tobaneeyo ayaa ku dhimatay duqaynta loo gaysanayay badhtamaha magaalada, iyadoo xaafada ku yaalla geesaha magaalada oo dagaal gacanta la isula tagay, ayaa weriyuhu uu sheegayaa in dhimashadu ay aad uga sii badan tahay.
Waxaa uu sheegay in kumanaan Liberian oo naf la caari ah, oo baqdin xoog lihina ay ka muuqato, ayaa isugu tagay meel u dhow meelaha ay ku yaalaan safaaradaha dibedda, iyagoo ka rajo qaba in ay halkaasi ku badbaadaan.

Hase yeeshee, dhowr ayaa dhimatay kadib markii dhisme dowladda Maraykanku leedahay la duqeeyay.

Mucaaradku, waxay ballanqaadeen in ay xukunka xoog kaga tuurayaan madaxwayne Charles Taylor, balse, wuxuu isaguna sheegay in uu diyaar u yahay in uu ciidamadiisa la dhinto hadii ay lagama maarmaan noqoto.

Top


Xabad-Joojin Loogu Baaqay Kooxaha Falastiiniyiinta.

Hogaamiyaha Falastiiniyiinta, Yasser Arafat, ayaa sheegay in uu filayo in maanta galinka dambe ay kooxaha hubaysan ee Falastiiniyiinta ay ku dhawaaqaan xabadjoojin ay ku hakinayaan weerarada ay ku qaadaan Israel.

Mr. Arafat, ayaa warkan u sheegay weriyayaasha kadib markii uu magaalada Ramallah kula kulmay wasiirka arrimaha dibedda Ireland oo halkaasi oo booqasho ku tagay.

Ururada Xamaas iyo Islamic Jihad oo ugu wayn dhaqdhaaqyada hubaysan ee Falastiiniyiinta, ayaa caddaadis caalami ah oo xoog leh lagu saaray in ay joojiyaan weerarada ay ku qaadaan rayidka Israel si loo sii wado qorshaha nabadda ee Maraykanku taageerayo.

Hase yeeshee, ilaa iyo hadda, waxay ku doodayeen in ayna joojin karin dagaalka inta Israel ay waddo dilka saraakiishooda.

Top


Madaxweynaha Pakistan Oo Booqday Maraykanka.

CAMP DAVID:- Waxaa seddex cisho ka hor Socdaal booqasho ah ku tegay waddanka maraykanka Madaxweynaha Dalka Pakistan JENERAL PERVAZ MUSHARAF, kaasi oo socdaalkiisu ay ka danbaysay arrimo dhawr ah oo uu doonayo inuu kala xaajoodo madaxda guriga cad ee waddanka maraykanka, Madaxweyne Musharaf waxaa lagu qaabilay Guriga martida iyo nabadda ee waddanka maraykanka ee loo yaqaano CAMP DAVID, halkaasi oo ku caan ah in la iskugu keeno dawladaha colka ah ee maraykanku danaha gaarka ah uu ka leeyahay, waa madaxweynahii ugu horeeyey ee dalka pakistan ka socda ee sidan oo kale loogu soo dhaweeyo dalka maraykanka, laguna qaabilo madasha Camp David, maalintii doraad ayuu madaxweyne Musharaf wuxuu xarunta Camp David kula kulmay Madaxweyne Bush, waxaanay lafa gureen arrimo dhawr ah oo ay ugu muhiimsanayeen, La dagaalka waxaa loogu yeedho Argagixisada iyaada oo dalka pakistan ka dib qaraxyadii loo gaystay waddanka maraykanka sannadkii 2001 bishii September 11-keedii ku biiray xulafada loogu yeedho xulafada la dagaalanka argagixisada, waxaa kale oo ka mid ahaa qodobada uu madaxweyne Musharaf la soo qaaday Madaxweyne Bush in maraykanku ugu deeqo dalka pakistan mag dhaw, kaasi oo ka soo gaadhay xulafaysigii ay dawladda pakistan la samaysay dalka maraykanka kaasi oo siduu sheegay madaxweyne musharaf ay kaga baxday hanti iyo dhaawacyo farabadan oo ay ka mid ahaayeen, qaxoonti ilaa 6 lix milyan oo afhanistaniyiin ah oo ka soo cararay garaacitaankii ciidamada maraykanku ku hayeen sanadahii 2001 markii ay la dagaalameen xoogagii Daalibaanka oo ay dawladda pakistan ku haysay dhulkeeda, iyo weliba qab-qabashada saraakiil iyo hogaamiyayaal badan oo ka tirsanaa shabakadda sida ba,an looga raadinaayo waddanka maraykanka ee Al-qaacida.

Waxaa kale oo qodobada la isla soo qaaday ee aadka looga xiisaynaayey waddankani pakistan ka mid ahaa doorka uu waddanka maraykanku ku yeellan karo wada hadal dhex mara waddanka Pakistan iyo India oo muddo ku siman qarni badhkii colaadi dhex taallay, waxaa kale oo la isla soo qaaday diyaarado ay dalka pakistan ka iibsatay waddanka maraykanka ka hor intaan waddanka pakistan aanu samaysanin ama shaaca ka qaadin barnaamijkiisa Nuclear ka, taasi oo waddanka maraykanku xannibeen ka dib markii ay dawladda pakistan tijaabisay hubka halista ah ee nuclear weapons ka loo yaqaano, diyaaradahaasi oo noocoodu yahay F-16 JETS, ka dib wada hadaladaasi ayaa waxa labada madaxweyne ay shir jaraa,id ku qabteen kadinka suxufiyiinta ee madasha CAMP DAVID, waxaanu madaxweyne BUSH halkaasi kaga dhawaaqay in lacag gaadhaysa 3 BILLION oo dollarka maraykanka ah la siin doono waddanka pakistan shanta sanno ee soo socota si ay ugu kabaan buu yidhi dhaqaalahooda.

Wuxuu madaxweyne Bush yidhi "waxaa aanu hor gayn doona fadhiga golaha senate-ka ee maraykanka lacagtani deeqda ah si ay u ansixiyaan" wuxuu kale oo uu ku tilmaamay madaxweyne Musharaf geesi soo hooyoy hamuun nabadeed si weynna uga qayb qaatay dagaalkii lagula jiray Argagixisada, dhinaca kale madaxweyne musharaf ayaa isaguna halkaasi ka sheegay in uu u heelanyahay diyaarna u yahay in waddankiisa ay ka hanaqaado dimuqradiyad salbalaadhan isaga oo taasi ka hadlayayana wuxuu yidhi, "Aniga ayaa cid welba ka jecel dimuqraadiyad salbalaadhan oo pakistan ka hirgasha waana hawsha ugu balaadhan ee aan iska xilsaaro". waxaa dhawaan la filayaa in labada dal ee India iyo Pakistan ay wada hadal yeeshaan wadahadaladaasi oo uu dhex-dhexaadinaayo dalka maraykanku.

WAXAA SOO URUURIYEY MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA).

KARACHI, PAKISTAN

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Go’aanka Somaliland Iyo Riyada Kooxda Carta.

Sida aynu wada ogsoonahay tan iyo markii ay somaliland xornimadeedii luntay lasoo noqotay waxa ay ku naaloonaysay nabad iyo deganaansho ka hirgashay dhamaan dhulweynaha somaliland, halka ay wali somaliyana ka taagan tahay qas iyo qalalaasihii bilaabmay tan iyo markii la riday rajiimkii siyaad barre, haddaba iskaba daa wax kaloo waxa maalin walba ka dhaca magaalada muqdisho dil, dhac, boob, iyo afduubyo faro badan oo aan loo kala aabo yeelayn caruur, ciroole, iyo dadka ajnebiga ah ee dalkooda yimaada, iyada oo maalin dhawayd oo u dambaysaybalaga qafaashay magaaalada muqdisho nin u dhashay wadanka talyaaniga oo magaalada muqdisho u joogay falal mutadawacnimo ah oo uu u qabanayay bulshada ku dhaqan deegaankaas.

Haddaba iyada oo falalkaas iyo kuwo kale oo ku lidi ah bani’aadanimadaba ay ka dhacaan magaalada muqdisho, isla mar ahaantaana ay ku guul daraysatay dawlad ku sheega kooxda carta in ay wax ka qabtaan falalkaas soo noqnoqonaya iyada oo aan awoodna u lahayn wax ka qabashadooda, ayaa haddaba kooxda carti mar walba ku hadaaqdaa (somaliland shirka dib u heshiisiinta kooxaha somaliya ha la keeno) iyo waxyaabo iyo falal ku lidi ah madaxbanaanida jamhuuriyada somaliland.

Haddaba waxa aanu jecel nahay in aanu xusuusino kooxda carta iyo hogaankeedaba in go,aanka jamhuuriyada somaliland ay ku go,aansatay in ay ka madaxbanaan tahay somaliya iyo inteeda kaleba, go,aankaasina yahay geed ka go,an ka soo go,ay quluubta shacbi weynaha jamhuuriyada somaliland ee ku caan baxay ilaalinta nabada iyo qaranimada dalkooda hooyo ee somaliland.

Haddaba waxa naga digniin iyo xusuusin ah madaxweyne ku sheega kooxda carta in uu faraha kaga guban doono haddii uu isku dayo ka hadalka arimaha somaliland.

Waxaananu leenahay (hashaan geedo weynow libaax uga gaboon waayay in aan gorayo cawl uga tagaa wa mid soo gudhay).

Dhinaca kale waxa aanu usoo jeedinaynaa xukuumada somaliland in ay jawaab kulul ka bixiso hadaaq kasta oo ka soo baxa afka kooxda carta iyo wixii la hal maalaba taas oo noqotay mid soo noqnoqonaysa dhawaanahan dambe.

Maxaemd Axmed Xuseen ( Maxamed Case )
Xasan cumar cabdi
Email: maxamedcase@hotmail.com

Top


Hala Xurmeeyo Xuska 26 Juun.

26kii Juun 1960, waa dharaartii aynu gobanimada helnay, waa ayaantii aynu noqonay dal xor ah oo ka mid ah dalalka adduun weynaha, waa maalintii ay ina aqoonsadeen dalal ka badan 30.

Waxay ahayd maalin farxad iyo reynreyn dadweynaha somaliland ku jiray.Waa ayaantii Alle ha u naxariistee Timacade lahaa: Aan siduu u yahay eegee, kaana siib, kana saar...waa ayaan ninkii nolaa farxad iyo damaashaad ku jiray.

Waa in la mariyaa maamuuska ay leedahay oon hoos loo dhigin.Waa inay noqotaa mid qalin dahab ah lagu qoro, lana soo ban dhigo qiimaha xoriyaddu leedahay. Tani wax xidiidha lama laha dhibaatooyinkii ka dhashay is-raaca ooy sababteedu ahayd arrin inagaga timid meel aan la filayn.Yaan 26ka Juun lagu xidhin 1da Juulay.Xidhiidhkoodu waa mid ka yimid go'aan lagu degdegay oon lagaga tababushaysan waxii ka iman kara, iyadoo loo qaatay in waxwaliba noqon doonaan malab iyo caano.

Haddaba bal aan xusuusano 43 sano, aynu gumeysigii Ingiriska xoriyadda ka qaadanay. Waxa ay u kala kacayaan 9 sano oo habka xisbiyada badan dalka ka jireen.12 ( waa intaynaan SNM samayn,oynaan dagaal qaadin) sano oo xukun militari dalka ka jiray iyo 10 sano oynu dagaal kula jiray taliskaa macangaga ahaa. Waxa taas soo raacda 12 sano oynu xoriyaddii la soo noqonay. Waxa aan sidan ugu qaybiyey in la arko inayna yareen mudada aynu dib u dhalinay jumhuuriyadda Somaliland.

Ina Barre markuu dalka cadaalad darro iyo maamul xumo ka dayn waayey, waxaynu sugnay 12 sano, kolkaasaynu qaadnay dagaal aynu ku guulaysanay, maantana waxa ka soo wareegay 12 sano intii aynu xukunka la soo noqonay.Waxaana fiican in leys weydiiyo waxa inoo qabsoomay iyo inaynu mudadan wax intaas ka badan gaadhi lahayn.

Aan dib ugu noqdee, gumeysigii Ingiriisku wax weyn inoogamuu tegin. Waxaa se jiray sharci iyo hab maamule suuban oo soo cagaaraayey. Taas waxa aan ku salaynayaa, anigoo dugsiga hoose gelay lixdanaadkii, ayaan xusuusanay habkii waxbarasho ee jiray.Waxaan lahaan jirnay qalab ciyaareed,(sport and art), waxa naloo dhigi jiray wax la yidhaahdo CIVICS, oo ahaa hab dhaqanka dawladda, kan degaanka iyo kan dawladda dhexe,habka barlamaanka,iyo maxkamadaha. Waxa dugsiga hoose naloo tababaraayey inaan noqono muwaadiniin yaqaan xaqa dalku ku leeyahay iyo kan ay ku leeyihiin.

Waxa aan lahaan jirnay safaro aan ku tegno degmooyinka dalka, oon la kulano ardayda dusgiyada dhigta iyo maamulka degmooyinka, iyo dadweynahaba iyadoo ciyaaro na dhex mari jireen.Waxa jiri jiray dugsiyada dhexe inay yeeshaan tartan kubadeed.Waxa aan lahayn hab fan iyo hab doodeed. Iyadoo la jili jiray riwaayado carabi iyo ingiriisiba ahaa.Waxa aan lahayn hab doodeed, (debate) kaas oo lagu baran jiray dimuquraadiyadda, iyadoo doodda ka dib la doodi jiray.Waxa aan lahayn urur ardayeed(Students Union), macalimiintuna waxa ay lahaayeen (Teachers Union), waana kuwii dhaliyey in Dugsiga Farah Oomaar la dhiso, markii mudaharaado dhaawac keenay lagu oogay dawladii xilligaa jirtay.

Sanadba sanadka ka dambeeya ayey arrimahani sii baaba’ayeen. Ilaa Ina Barre yimid oo uu ooda u jiiday hab-dimuquraadiyeedkii dalka oo la waayey urur nooc kasta ha ahaadee, mid xisbi iyo mid bulshaba.Waxa xidhmay xoriyaddii jaraaidka, waxaan bilaabmay odhaahdii ahayd "Car jooq dhe", waxana ku soo biiray habkii dawladda, ciidamo gaar ah oo loo qortay inay muwaadinka cagaha hoos gashaan, kuwaas oo ahaa NSS iyo maxkamado la hal maala ciidankan oo ah Maxkamadda Badbaadada Dalka...oo runtii ahayd Maxkamadda Madax-jabinta Muwaadinka.

Waa in la xusaa ragii u soo halgamay xoriyadda, xisbiyadii jiray iyo giraanta taariikhda oo lagu xidhiidhiyo halgankii SNM, lana maamuuso ciddii ku dhimmatay, kuwa ku agoonoomay iyo inta nool oo la qadariyo.
Waa in ubadka loo qoraa taariikhda.Ogow cidda aan aqoon waxay shallayto ahayd ma garan karto waxay noqondoonto berito.

Haddaba xukunkii faqashtu waxa uu keenay cadaalad darro, eex iyo ku tumasho xuquuqda aadmiga, waana arrimahan kuwa aynu ka dagaalanay. Illahay mahadii weynu ku guulaysanay, balse waxaad moodaa in talaabada aynu ku soconaa tahay tii diinka. 12 sano waxaad moodaa in loo arko 12 bilood. Waa muddo aad u dheer oo wax badan la qaban lahaa.Weli ma sugna himilada qudha ee dadweynaha qancinaysa, ahna mid aad u sahalan haddii la helo madax u heelan inay hirgeliyaan barnaamaj qorsheysan oo lagu gaadhaayo...waa CADDAALAD...BALAN QAADA XAQA MUWAADINKA.

Waxa ayaan darro ah in si hawl yar loo dacaayadeeyo ciddii ummadan u hurtay naftooda. Waxa la marayaa heer aflagaado iyo xaqiraad lagu dhoobo intii ugu mudnayd halkankii dhawaa een weli midhihiisa la goosan, waa kii SNM, markaas yaa xusuusan kara raggii lixdanka soo halgamay. Ninka naftiisa u huray kor u qaadka nolasha dadkiisa, maxaa ka dhigay in lagu tilmaamo dayday, maxaa u diiday in loo arko nin mudan inuu hogaamiye noqdo. Yaa kaga habboon inuu reerka u raro meel baad iyo biyo leh. Ogow isagaa naftiisa u huray inuu taas gaadhsiiyo, waa nin mari kara dariiq taas lagu gaadho.Ma lehi iyagaa keli xaq u leh taas, waxaan se leeyahay ha ku heleen dhibco (points) dagaalka ay soo galeen. Iska daa dhibco ay helaan, ee waxa ay ku noqotay canbaar dhabanka kaga taal. Intaad maqashay....SNM xiligeedi dhammaa, dagaal iyo dirir looma baahna.

Waxaad moodaa in laga dhigay hadafkii SNM inuu ahaa dagaal. Waa ayaan darro in dadweyne badani dacaayaddan jaban laga dhaadhiciyo. Dagaalku waxuu ahaa mid leynagu qasbay, waxuu ahaa dariiq loo maraayo hadafka oo ah in la helo maamul, caddaalad iyo horumar ummaddda u horseeda.Dagaal ayna ujeedo ka dambeyni waa mid aan dhammaad lahayn.
SNM na waa mid taas ka dheer. Waa mid ambo qaaday geedi socodka sooyaalka Somaliland, iyadoo saxeysay qaladkii lagu sameeyey dadweynaha Somaliland. Waxay ambo qaaday dhammeystirkii geedigii ay bilaabeen Sheikh Bashiir, Faarah Oomaar, iyo xisbiyadda SNL iyo NUF.

Aan jaleeco macaanka gobannimadu leedahay. Bal dhuux, ereyada macaan ee ku jirta heesaha caanka ah. Dharaartaan waxyeedii dhaqdhaqee. waa dharaar farxad iyo damaashaad mudan, ee aan maalno hasheena maandeeq.

Ahmed Arwo
ahmed_arwo@yahoo.co.uk.

Top


Nabsigii Foosto-Riix, Q: 14aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase

Foosto-riix markii uu waashmaanka ka noqday shirkadii uu madaxda ka ahaa inankiisii Faarax oo aanu garanayn waxa ka muuqday warwar iyo walaac badan isaga oo aan dadka inta badan la hadli jirin sidaa darteed dadku waxay u yaqaaneen odaygii warwarsanaa.

Balse marka uu agtiisa maro ama uu arko inankiisa faarax waxa ku iman jiray dareen ah malaha qofkan waad garanaysaa iyo tolaw waakuma laakiin wax su’aal ah muu waydiin jirin , sidaa si la mid ah Faarax waxa ku iman jiray dareen ah odaygani malaha wuu ku garanayaa.
Waxay sidaa ahaataba maalin dambe ayaa waxa dhacday in shaqo dib u hagaajin ah laga qabto xafiiskii faarax sidaa darteedna waxa loo yeedhay shaqaalihii oo dhan si ay alaabta u guraan.

Foosto-riix waxa uu ka mid noqday dadkii xafiiska hawsha ka qabtay markii uu xafiiskii galay ayuu ku arkay sawirkii xaaskiisii ooFatxiya iyo caruurtiisii oo yaryar, naxdin ayuu afka kala qaaday isaga u qaadan waayay waxa uu arkay, sawirkii ayaanu ku dhagay oo qarsaday. Maalintii dambe ayuu faarax tabay sawirkiisii waxaana la isugu yeedhay shaqaalihii oo dhan si loo waydiiyo cidii sawirka qaadatay Foosto riix ayaana yidhi aniga ayaa qaatay Faarax baa waydiiyay sababta uu u qaatay waxaanu ku jawaabay waan garanayaa oo waa caruurtaydii iyo xaaskaygii.

Faarax buu ilaahay yaab u keenay oo waydiiyay oo adigu ayaad tahay? Waxaanu ugu jawaabay waxaan ahay aabahaa! Waa yaab ayuu yidhi.
Ninkii foosto-riix ayaa u calaacalay oo yidhi hadii aan anigu idin dayacay idinkuna ha iga aargoosanina. Faarax ayaa ku yidhi bal iga warsug inta aan reerkii ku warcelinayo isga oo siiyay woxogaa lacag ah.

Markii uu reerkii yimid ayuu ku war geliyay wixii uu la kulmay oo ah inuu arkay Aabahood oo shaqaale ka ah shirkadii uu madaxda ka ahaa, taasina waxa ay qaadanwaa ku noqotay reerkii oo dhan waxaanay is weydiiyeen waxa ay ka yeelayaan. Markii arin taa ay ka hadleen ayay diidmo ka horkeentay Hooyadood balse waxay ku qanciyeen inaanay iyaguna nabsi ka gelin ee ay ka roonaadaan maadaama uu aabahood yahay xaqna uu ku leeyahay.

Maalintii dambe ayaanu faarax gurigii keenay aabahood isaga oo wada si fiican baanay u soo dhaweeyeen balse waxa ka soo hadhay calaacal ah waan khaldanaa markaan caruurtayda dayacay dambi baanan galay balse hadii aad iga roonaateen waan idiin duceeyay.

Isla maalin kadibna waxa ay soo heleen Inankii kale ee uu dhalay foosto-riix ee ay reerka kale heleen markii uu hooyadii gaadhigu jiidhay kadib markii idaacada laga baahiyey in cidii garanaysaa ay soo doonato waxanay dhamaantood isugu yimaadeen gurigii markii uu mudo dheer ay kala bayhoofeen taasoo ka dhalatay habdhaqankii guracnaa ee Foosto-riix.

Foosto-riix waxa uu intii dambe hal hays u lahaa “kuwa iga dambeeyaw caruurtiina ha dayicina qisadan igu dhacdayna waxay cibaaro u tahay aabayaasha caruurtooda dayaca.”

Dhamaad.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Waanu Taageersanahay Go’aanka KULMIYE
Taageerayaasha KULMIYE Ee Qurbaha.

Haddaanu nahay dadka qurbaha ku nool ee taageersan KULMIYE waxaanu marka hore u mahadnaqaynaa shacabka reer Somaliland ee codkooda sida habsimada u dhiibtay doorashadii dhawaan dalka ka dhacday. Waxaanu leenahay waajibkiina waa kasoo baxdeen dhammaantiin intii KULMIYE u codaysaysay iyo intii ka codaysaba. Ilaahayna waa idinla garab galay horumarka aynu ku faanno ee ay gaadhay Somalilandna waxaa suurageliyey shacbiga reer Somaliland oo u guntaday danta guud.

Waxaana jirta tan iyo intii ay dhacday doorashadu inuu soo baxay khilaaf ba’an oo soo dhex galay labadii urur ee ku guulaysatay doorashada ama codka ugu badan helay (KULMIYE iyo UDUB). Waxaana jirtay in markiiba xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE daadafeeyey natiijadii doorashada isagoo ku dhaleeceeyey in xukuumaddu saamayn ku lahayd natiijada oo ay culays badan saartay guddida doorashada iyo maxkamadda sare, taasoo xisbigu soo bandhigay caddaymo uu ku muujinaayo inuu isagu ku guulaysatay doorashada, laakiin wax lays dhaafiyey. Waxaana shakiga sii siyaadiyey dibu dhiggii dhowrka jeer dibka loogu dhigay ku dhawaaqistii natiijada doorashada. Arrintaasina keentay murun ka dhashay oo ay ku kala fogaadeen labada urur ee KULMIYE iyo UDUB.

Haddaba xisbiga KULMIYE oo utaagan nabadda, midnimada iyo horumarka Somaliland wuxuu markii danbe aqbalay natiijadii doorashada isagoo ka raacaya danta guud iyo muslaxa ummadda. Haddaanu nahay qurbaawiga taageera KULMIYE ee dibadaha joogana waxaan soo dhawaynaa mawqifkaas uu qaatay xisbigu ee ku abqabalay natiijadii doorashada. Bulshada reer Somalilandna waa ka warqabaan sidii wax u dhaceen. Xisbiga KULMIYANA wuxuu muujiyey masuuliyad iyo xilkasnimo mar hadduu isagoo xeerinaaya danta qaranka uu aqbalay natiijadii muranku ka taagnaa, ee loo haysto inaan guul ku iman laakiin la farsamo xumeeyay. Waxaanay KULMIYE u noqon doontaa mid u gasha sooyaalka taariikhda. Taasoo muujinaysa inaan KULMIYE maskab doon ahayn ee u guntan yahay ilaalinaayana danta guud iyo muslaxadda ummadda reer Somaliland.

Taas macnaheedu maaha mar haddii KULMIYE natiijadii doorashada aqbalay in sheekadii halkaas ku dhammaatay. Laakiin waxaa habboon in dheriga karka kulayl baa keenee aanay arrintu noqon in bulshadu duub duub ku liqdo wixii lagaga cabanaayey xukuumadda iyo hay’adaha kale ee qaranka. Laakiin waa in dib loogu fiirsado meesha sartu ka qudhantay oo ay noqoto in la saxo khaladaadkii iyo galdalooladii kasoo baxday doorashadii. Doorashadani waxay soo saartay meelaha ay u jilicsantahay hay’adaha qaranka iyo habkan dawliga ah ee aan dhisanay. Si loo bad baadiyo dimoqraadiyadda curdaynka ah ee hadda ka hanaqaaday Somaliland waxaa habboon in wax laga qabto oo la saxo lana toosiyo meelaha uu ka qallooco goloyaasha dawladda iyo hay’adaha qaranka.

Meelaha ugu horreeya ee u baahan in wax laga qabtana waxaa kamid ah:
Golayaasha dawladda gaar ahaanna golaha wasiiradda, golaha wakiiladda, iyo golaha guurtida.

1.1) Golaha Wasiiradda:

Waxaan la soconaa in golaha wasiiradu ay ka kooban yihiin 50 wasiir iyo wasiir ku xigeen. Badankoodana waxaa loo sameeyey inay doorashada dawladda ka caawiyaan oo ay beelahooda ka keenaan codod iyagoo adeegsanaya hantidii, gaadiidkii iyo awooddii qaranka. Waxaana ilaa hadda adag in la dhiso dawlad tayo leh.

2) Golaha Wakiiladda iyo Golaha Guurtida.

Sidaan la socono labadan goleba waxay ku joogaan oo lagu soo doortay qaab beeleed oo ah kii aan ka guuraynay. Waxaana jirta in dhawaan si qayral dastuuri ah labadan gole iskood wakhtiga u korodhsadeen muddo 2 sannadood ah iyadoon lagu salayn qaab waafaqsan distoorka.

Siyaasaddii Somalilandna waxay noqotay dheel ka dhaxaysa saddexda gole ee dawladda oo qolodii doorashada laga helana labada gole ee kale u boobaan sidoo kalena marka golaha kale wakhtigu ka dhacana qolada kale u jadiidiso. Markaas si aanay u saqiirin dimoqraadiyadda ugubka ahi waxaa habboon in labadan gole la saxo oo loo soo doorto si dimoqraadi ah. Doorashada madaxweynahana waxaa ka muhiimsan golaha hay’adaha sharci dejinta ee labadan gole kamid yihiin.

3-Maxkamadda sare.

Sidaan la socono maxkamadda sare waxay kamid tahay meelaha ugu muhiimsan ee ah hay’adda garsoorka ee ugu sarraysa dalka. Waxaana muhiima inay noqoto mid dhex dhexaad ah oo aan u adeegin cid gaar ah.
Sidoo kalena waxaa muhiima inay xaakinadu noqdaan kuwo aqoon iyo khibrad u leh hawsha ay fulinayaan.

4-Guddida Doorashada.

Sidaan la socono guddida doorasha waxaa la magacaabay wakhtigii aan u diyaar garoobaynay doorashada ee aanay hana qaadin xisbiyada siyaasiga ahi. Waxaana intooda badan magacaabay golaha dawladda. Waxaanay u badnaayeen dadka iyagu daacad u ahaa oo u jan jeedha dhinaca xukuumadda. Iyaga qudhooda looma soo xulin khibrad iyo aqoon ee ee waxay qayb ka ahaayeen diyaar garowgii xukuumadda ee boobka abaabulan. Waxaana sumcadooda sii riday markii hal usbuuc gudahii ay guddida doorashadu soo bandhigeen saddex natiijo oo kala duwan.

Ugu danbayna haddaanu nahay taageerayaasha KULMIYE ee dibadaha waxaan ku baaqaynaa si aanay u dhicisoomin hanaqaadka dimoqraadiyadda Somaliland in la qaaddo tallaabooyinkan:

- In la soo dedejiyo doorashadii golaha wakiiladda oo ah golaha xeer dejinta si loo helo gole miisaaman oo shacbiga reer Somaliland si toos ah usoo doortaan wakiiladooda, oo ka kooban saddexda xisbi ee qaranka si labada gole u noqdaan kuwo dheelitiran oo sixi kara lana xisaabtami kara golaha wasiirada iyo madaxtooyada.

- Ugu danbayna Waxaanu ku baaqaynaa in shacbiga reer Somaliland muxaafid iyo mucaaridba aan iska illawno khilaafkii ka dhashay natiijadii doorashada oo aan dhammaanteen u midayno danta qaranka iyo horumarka si aan u gaadhno yoolka aan hiigsanayno.

Waa mahadsantihiin, Mohamed Yoonis
Guddoomiyaha Guddida KULMIYE ee Qurbaha.

Top


Rafaadka Ay La Kulmaan Somalida U Tahriibtay Talyaaniga.

Xerada ku taalla degmada Korotoone ee ka tirsan gobolka Koonfureed ee Kalabriya ee dalka Talyaaniga, waa xero military oo loo habeeyay si ku meelgaadh ah in la dajiyo dadka aan sharciga haysan, waana xero ay ilaalinayaan ciidamo ka tirsan booliiska, siligna lagu wareejiyay oo dadka ku jira aan loo ogolayn in ay ka baxaan, ilaa iyo inta looga soo jawaabayo codsigooda ay magangalyada ku doonayaan.

Xeradan, waxay qaadaa ilaa 1200 oo qof, waxaana ay ka mid tahay xeryaha ugu waawayn ee ku yaalla koonfurta Talyaaniga, waxaana dadka la dajiyaa guryo ka samaysan konteenaro iyo guryaha yar yar ee ah baabuurta la jiito.

Waxaa dadka muhaajiriinta ah ee ku jira xeradan loo kala qaybiyaa qowmiyado, iyadoo intii isku dad ahba meel la wada dajiyo.

Soomaalida haatan ku jirta xerada Korotoone, waxay tiradadoodu ku dhow dahay ilaa boqol qof oo isugu jira tobaneeyo dumar ah, laba caruur ah iyo intooda badan oo ah dhalinyaro labaatan jirro ah, kuwaasi oo badankooda tahriib ku soo galay xeebaha Talyaaniga, iyagoo dooyo ka soo raacay dalka Libya.

Waxaa ay ka mid ahaayeen dadka bishan June gudaheeda la socday doonyihii soo gaadhay xeebaha Talyaaniga.

Nolosha xeradu ma xuma, dadkana waxaa la siiyaa raashin ku filan, inkastoo ay Soomaalidu deganaan ka muuqato, hadana waxaa la dareemayaa dhibatooyinka iyo rafaadka ay soo mareen intii ay ku soo jireen safarka ay ku soo gaadheen xeebaha talyaaniga.

Marka ay kaaga sheekeeyaan safarkaasi oo ay kuu sheegaan in dad badan ay u dhinteen gaajo iyo oon intii ay soo marayeen lama degaanka saxaraha ee u dhaxeeya Libya iyo Sudan ilmo ayaa kaa imanaysa.

Wiil ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ah ee ku sugan xerada Korotoore oo la yidhaahdo C/laahi Gacmoole, oo ka go'an labada gacmood, ayaa ii sheegay hadii wax la iga maqlayo cidna kulama taliyeen in ay gasho safarka aan soo galay, waxaana ku tilmaami karaa ayuu yidhi safarka aan soo galay Naar ka soo carar oo Naar kale ku dhac.

Meesha ugu daran oo hadii aad lacag haysato waxa ugu horeeya aad gadanayso ay tahay karfantaada, ayaa ah lama degaanka saxaraha oo kooxaha dadka xambaarana ay yihiin kuwo aan naxariis lahayn, waa bad ciid ah oo jihaduna ay kaa lumayso, waxaana Soomaali badan oo u la'deen biyo la'aan.

Waxaa la gaadhay ayuu yidhi oon awgii ay muhaajiriintu kaadidooda ay baco ku shubtaan si ay noloshooda ugu badbaadiyaan.

Top


Maraykanka Iyo Itoobiya Oo Ka Wadahadlay Argagixisada

General Tommy Franks, oo ah Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Ciraaq, ayaa kulan uu la yeeshay ra'iisul wasaaraha Ethiopia, Melez Zenawi kadib waxaa uu sheegay in dowladiisu ay adkaynayso iskaashiga labada dal ee ku aadan la dagaalanka argagixisada ee wadamada geeska Africa.
General Tommy Franks, ayaa u sheegay wakaaladaha wararka in dowladiisu ay iskaashi la leedahay dhowr wadan oo ku yaalla geeska Africa, isagoo si gaar ah u amaanay iskaashiga la dagaalanka argagixisada ee ka dhaxeeya Itoobiya iyo Maraykanka, wuxuu sheegay in Maraykanku uu sii hormarinayo iskaashiga dhinaca military-ga ee ay la leeyihiin Ethiopia.

Booqashada Tommy Franks, ayaa waxay ka mid tahay saraakiil sarsare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga maraykanka booqasho ay ku yimaadeen Itoobiya, kuwaasoo uu ka mid ahaa wasiirka gaashaandhigga Maraykanka, Donald Rumsfeld.

Saraakiisha Maraykanku, waxay sheegaan in Itoobiya ay tahay saaxiib wayn marka ay ka hadlayaan arrimaha la dagaalanka argagixisada ee geeska Africa.

Sida la ogsoon yahay dowladda Itoobiya ayaa intii uu socday dagaalka ka dhanka ah Ciraaq, waxay siisay ogolaansho ah in diyaaradaha Maraykanka ay soo maraan hawada dalka Itoobiya.

General Tommy Franks, oo la sheegayo in howshiisii uu dalkiisa uga hayay Ciraaq ay u dhamaatay, ayaa booqasho la mid ah tan Itoobiya uu ku tagayaa dalalka Jabuuti, Eritrea iyo Masar.

Top


Heshiisyo Dhexmaray Kenya Iyo Tanzania.

Madaxwaynaha Tanzania Benjamin Mkapa iyo dhigiisa dalka Kenya, Mwai Kibaki, ayaa ku heshiiyay in ay xoojiyaan xiidhiidhka u dhaxeeya labada dal gaar ahaan ganacsiga xudduudaha isaga gudba iyo maalgalinba sida lagu sheegay war ay ka soo saareen magaalada Dar es Salaam.

Labada hogaamiye, waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in la hagaajiyo iskaashiga labada dal ee dhinaca dhaqaalaha, bulshada iyo dhaqanka, oo ay ku jiraan Gaadiidka, Warshadaha, Isgaadhsiinta, Dalxiiska iyo Ciyaaraha, sida lagu sheegay warbixintii laga soo saaray kulanka labada madaxwayne oo uu weriyayaasha u akhriyay wasiirka arrimaha dibedda Tanzania Jakaya Kikwete.

Waxay labada hogaamiye ugu baaqeen guddiyada ganacsi ee labada dal in ay xoojiyaan isdhexgalkooda, sida iyadoo la abaabulo carwooyin lagu qabto labada dalba.

Mkapa iyo Kipaki, waxay isla ogolaadeen in la dardargaliyo iskaashiga ururka la isku ydhaahdo East African Cummunity, bulshada Bariga Africa ee EAC si loo kobciyo horumarka wadamada xubnaha ka ah, loo hagaajiyo heerka iyo tayada nololeed ee dadka.

Madaxwaynayaasha dalalka Tanzania iyo Kenya, Mkapa iyo Kipaki, waxay isla soo qaadeen xaaladaha siyaasadeed ee ka jira dalalka Burundi, Jamhuuriyadda Demoqraadiga ah ee Congo (DRC), Sudan iyo Soomaaliya.

Waxaa ay sheegeen in looga baahan yahay wadamada Kenya iyo Tanzania in ayna iska indha tirin dhibaatooyinka ka jira wadamada deriskooda ah.

Waxay soo dhoweeyeen isbadalka dhinaca hogaaminta ee ka dhacay Burundi sida uu qabay heshiiska nabadeed ee lagu saxiixay magaalada Carusha bishii August sanadkii 2000.

Mkapa iyo Kipaki, waxay ugu baaqeen dhinacyada Burundi in ay joojiyaan colaadda oo ay ka shaqeeyaan sidii xal nabadeed ay uga gaari lahaayeen khilaafaadkooda.

Labada madaxwayne, waxay sheegeen in ay cadaalad daro tahay in wadamada reer galbeedku ay dadkooda ku amraan in ayna tagin Bariga Africa, taasoo ay sabab uga dhigayaan halis ay sheegeen in ay tahay dhinaca argagixisada.

Madaxwaynaha Kenya, Mwai Kipaki, oo booqasho sadex maalmood qaadanaysa ku tagay Tanzania, ayay tahay markii ugu horeysay ee booqasho dibedda uga baxo dalkiisa tan iyo markii loo doortay in uu noqdo madaxwaynaha Kenya sanadkii 2002-da. 

Top