Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 364 June 29, 2003

“Ethiopia Noqon Mayso Dalka Ugu Horreeya Ee Somaliland Aqoonsada, Sidoo Kale …”; “Caaalamku Waxay Naga Doonayaan Warqadii Furniinka, Iyadoo Aanu Guurba Dhicin...” Waraysi - Marwo Edan Adan, W. A Dibedda Ee Somaliland.

Maxay Soo Kordhiyeen Golayaasha Deegaanka Ee La Doortay, Faallo - Carraale M. Jaamac.

Tacsi.

Hambalyo Meher.

Dalka Finland Oo Laga Xusay 26-ka June.

Qatar Oo Lagu Qabtay Xuska 26-ka June.

Mudaharaad Lagu Xusayay 26-ka June Oo Ka Dhacay London.

Djibouti Oo Laga Xusay Maalinta Gobonimada Dalka.

MSF Oo Dalbatay Gargaar Loo Fidiyo Somaliya.

Askar Maraykan Ah Oo Lagu Laayay Ciraaq.

Liibiya Oo Ka Cabatay Dadka Qaxoontiga Ah.

Mareykanka Oo Dardargalinaya Nabadda Barigga Dhexe.

Weerar Lagu Qaaday Xero Ku Taala Kashmir.

Wakiilka Talyaaniga Ee Somaliya Oo Ka Waramay Halka Uu Marayo Shirka Somalida Ee Kenya.

Duqa Gebilay Oo Booqday Wajaale.

ODHAAHDA AKRISTAHA: Hala Wareejiyo Qalabka Caafimaadka Ee Camuud.

1 July Maalintii Madoobayd Ee Somaliland (The Dark Day of Somaliland).

Madaxweyne Riyaale Oo Dhanbaal Hambalyo Ah U Diray Madaxweynaha Djibouti.

Qadaafi Oo Hindise Ku Soo Jeediyay Dal Ay Ku Midoobaan Isra’il Iyo Falastiin (ISRADIIN).

Wasiirkii Warfaafinta Ee Ciraaq Oo Markale Ku Soo Shaac-Baxay Saxaafadda Caalamka.


“Ethiopia Noqon Mayso Dalka Ugu Horreeya Ee Somaliland Aqoonsada, Sidoo Kale …”; “Caaalamku Waxay Naga Doonayaan Warqadii Furniinka, Iyadoo Aanu Guurba Dhicin...” Waraysi - Marwo Edan Adan, W. A Dibedda Ee Somaliland.

Addis Ababa (IRIN): Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Marwo Edna Aadan Ismaaciil ayaa Sheegtay in Itoobiya aanay noqonayn dalka ugu horeeya ee Somaliland Aqoonsada, isla markaana aanu noqonayn dalka saddexaad ee aqoonsada, sidaanaa waxay ku sheegtay waraysi ay siisay wakaaladda Qaramada Midoobay u faafisa wararka ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaahdo IRIN, iyada oo markaa ku sugnayd Addis Ababa waxaanay intaa ku dartay inuu caalamku Somaliland ka doonayo warqadii furniinka ama ay kala baxaan Soomaaliya, iyada oo sida ay sheegtay aanu guurba dhicin.

Waraysiga waxa kale oo ay kaga hadashay Qaddiyadda Somaliland, xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo xustay rajada ay ka qabto in caalamku aqoonsado Somaliland. Waxa kale oo ay kaga warantay arrimo kale oo badan. Waraysigaas oo aanu idiin soo turjunay wuxuu u dhacay sidan:

S: Itoobiya Diyaar Ma u tahay inay aqoonsato Somaliland marka la eego wadahadaladii aad la yeelatay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Seyoum Mesfin?

J:Aqoonsigu waa wax caadi ah, wuuna iska iman wakhtigiisa, laakiin waxaanu ka wada hadalnay arrimo khuseeya xidhiidhka labadayada dal.
Xidhiidhka ganacsiga iyo fikrad ka wada qaadashada nabadgelyada gobolka, iyo sidii cuntada caawimada ee midawga Yurub ugu deeqo Itoobiya loo soo marin lahaa dekada Berbera, isla markaana aan la boobeyn, iyada oo aanay askarina ilaalinayn ay xuduuda uga gudbi lahaayeen.

S: Maadaama ay Itoobiya tahay saaxiibkiina ugu wanaagsan, ma kuu sheegay in ay sanado dabadeed aqoonsan doonaan Somaliland?

J: Muu odhan taa, laakiin sidii hore loo yidhi Itoobiya noqon mayso dalka ugu horeeya ee aqoonsada Somaliland, laakiin sidoo kale noqon mayso wadanka saddexaad ee aqoonsada.

S: Yuu Noqon Doonaa Dalka idiinku hor aqoonsan Doonaa?

J: Waxaanu filaynaa wadanka ugu caqliga badan leh, maxaa yeelay aqoonsiga Somaliland waa wax imanaya.

Madax banaanida Somaliland ee kontameeyadii waa wax ku yimid heshiisyo iyo axdiyo la kala qortay, oo la kala saxeexday, markii Somaliland madaxbanaanideeda ay ka qaadatay Britain, 34 dal ayaa aqoonsaday oo qaarkood ku jireen golaha amaanka xiligaa.

Anaga oo aan weligayo xidhiidh lamaanu yeelan dalalkan midna, markaa farsamo ahaan 34 dal baa na aqoonsan dunida.

Dhibaatadu waa lamaanahayagii hore ee Soomaaliya oo ilaa hadda ku jira xaalad wareer ah, oo aanay jirin cid heshii aanu la galnaa, sidii Ingiriiska.

Somaliland ma aha dawlad ismagacawday, iyadu, haddii la yidhaahdana macneheedu, waxa weeyaan cidda leh geesinimada odhanaysa Ingiriisku ma jiro.

S: Britain Maxay Somaliland u Aqoonsan weyday?

J: Waxaan u malaynayaa Anigu haddaan tilmaamo ciirada saaran waa afka baarkiisa, waayo ma ogi sababata dawladda Britain u aqoonsan weyday Somaliland.

Ma garanayo laakiin Britain xoog ugumay lahayn Somaliland siduu Talyaanigu xooga ugu lahaayeen Soomaaliya.

Waxaanan filayaa inay ka baqayaan in loogu yeedho qaar xidhiidh hore oo dhuleed, oo ay lahaayeen ku taageeray si indho la’aan ah. Halka ay suurto-galka ka tahay inaan dalkeedu xidhiid la lahayn xagga aqoonsiga Somaliland.

S: Dalkee Ayaad waajahaysaan Afrika?

J: Waxaanu eegaynaa South Africa, Mozambique, Senegal Itoobiya, Uganda iyo dalal badan oo African ah intooda badani aad ayey u soo fahmayaan.
Laakiin si fiican u ogaysiin la’aan ayaa jirta xagga midnimadii qiirada ahayd ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Weligeed may dhicin in labada dal maamul wadaagaan, laakiin waxay ahayd oo kaliya midnimo qiiro ku timid oo ay dadka oo qiiraysani doonayeen inay ku midoobaan. Iyada oo ay Somaliland tahay ta qotada dheer, laakiin Djibouti oo noqon lahayd dalkii Saddexaad ayaa si xikmad leh uga baxday midnimadaas 1977-kii.

Midnimadii qiirada ahayd ma jirto meel lagu saxeexay, iyo cid ansixisay, taasina waxay sababtay in 11 sano oo dagaal sokeeye ahi dhaco, taas oo sababtay burbur iyo dhibaato badan, dabadeed waxaanu xidhanay xuduudahayagii, waxaananu dib u dhisnay dalkayagii.

Halka ay soomaaliya ka qoomaymaysay, ee ay burburiyeen dhulkoodii, magaalooyinkoodii ee ay dadkoodiina bara-kiciyeen.taas oo ah mid aad looga xumaado.

Waxaanu rajaynaynaa in walaalahayaga Soomaaliya maalin uun fahmi doonaan qiimaha ay nabadu iyo degenaashuhu leeyihiin. Taas oo saamaxaysa inaanu miiska wada hadalka soo fadhiisano, oo aanu wada hadalno.

S: Dalalkan Ma isku dayi doontaan inay AU-da cadaadis ku saaraan in la idin aqoonsado?

J: ma filayo caadis, laga yaabee, in la ogeysiiyo.

Somaliland waxay tusaale cad u noqon kartaa, waxa ay Afrikaanu ku qaban karaan awoodooda dabiiciga ah, iyo aayo-ka-tashiga is-caawinta.
Somaliland waxay qabatay afti May 2001, taas oo ay dadku ugu codeeyeen 97% gooni isku taaga ay ku doonayaan inay Soomaaliya kaga go’aan, isla markaana waxaanu naha dad wax qabsaday, tusaale ahaan miinadii ayaanu iska gurnay iyo dib u soo celinta dadkayagii Itoobiya qaxootiga ku ahaa.

S: Laakiin cabsida ah in aqoonsigu idiin hogaamin doono qaxooti badan qaxooti badan oo Soomaaliya ka yimid waa sidee?

J: Intee in le’eeg oo bara-kac ah ayaa ku dhici Soomaalida?

Ma filayo in Somaliland lagu ceebayn karo bara-kaca Soomaaliya, umay baahnayn caawimada Somaliland, ee bara-kacooda.

Waxaan qabaa in kala daadashada dalka Soomaaliya ay sabab u ahayd lacagtii dalkaas kaga soo qulqulaysay dhinaca dibadda, taas oo markay halkaas soo gaadho la dhici jiray, dabadeedna la siisan jiray qabqableyaasha hub, sidaasna waxa ku abuurmi jiray qabqablayaasha dagaalada.

Waxaanay ahayd arrin qosol jab ah, caalamkuna wuxuu Somaliland ka rabaa inaan la nimaadno warqaddii furniinka, iyada oo aanu marka horeba guurba dhicin, taasna maaha mid suurto gal ah. Haddii Somaliland la aqoonsado, waxaanu qayb libaax ka qaadan doonaa sidii loo heshiisiin lahaa Soomaaliya, anaga ayaa cidwalba uga aqoon badan.

S: Siday Kuula Muuqataa ahaanshaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dal Aan La Aqoonsanayn?

J: Aniga waxay ii samaynaysaa macno gaar ah, taas oo ah waajib I saaran, sharaf weyn ii ah inaan guto.

S: Miyaan ahayn Wareer Inaad ahaato wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Dal Aan cidina Aqoonsanayn?

J: lagama yaabo, waan ku faanayaa inaan ahaado wasiirka arrimaha dibadda dalkaa weyn ee Somaliland, waxaanu qabsanay waxaanay qabsan dalal badan oo la Aqoonsanyahay, eeg Liberia, Zaire, Sierra lone, Ivory Cost, Waxaan ka jecelahay inaan wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland ahaado inaan noqdo wasiirka arrimaha dibadda ee dalalkaas. waanan ku faanayaa inaan ahaado wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.

S: Goormaa Somaliland la Aqoonsan Doonaa?

J: Waxaan Qabaa 2003, waa sannad wanaagsan, waxyaabo badan ayaa Somaliland u qabsoomay, aqoonsigu wuxu soo saaran yahay qarka, Waxaana qiimo weyn noogu fadhiya nabadgelyada. Wax dhibaato ah oo Somaliland ka dhacayaana ma jiraan. Sida muqdishana meydad dariiqyada nooma yaalaan.

Mana jiraa ciidamo caalamiya oo nabada ilaaliya, anaga ayaa hubka iska dhignay, mana jiraa ciidamo shisheeye oo nabada ilaaliya, isla markaana wax afduub ahi kama jiraan dhulkayaga.

Waa dal (Somaliland) aanay ka jirin xiisado iyo xamaasadi, toona, oo ay dadku noloshooda caadiga ah ku mashquulsanyihiin una jeedaan dhinaca yagleelida nolosha.

Top


Maxay Soo Kordhiyeen Golayaasha Deegaanka Ee La Doortay, Faallo - Carraale M. Jaamac.

Doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacay 15 Disember ee kal hore waxay ahaayeen kuwo ahmiyad weyn u leh somaliland oo dhabaha u xaadhayay nidaamka Dumqraadiyada ee ku dhisan hanaanka xisbiyada badan. Doorashooyinkaasu waxay xanbaarsanaayeen laba ujeedo oo ay ta hore tahay in laga guuro habkii iyo nidaamkii beelaha ee ay somaliland kusoo caana maashay tobankii sanadood ee u danbeeyay,si loo helo xisbiyo qaran oo kasoo dhexbaxa bulshada, iyadoo la marayo dhabaha dumuqraadiyada ee tartanka axsaabta badan, islamarkaana looga guuro hab beeleedkaa.

Waxa taa ku lamaanayd in la helo golayaal deegaan oo ay dadku soo doortaan oo kasoo dhexbaxa bulshada, si ay u horumaraiyaan deegaanada laga soo doortay , dhinacyada dhaqaalaha iyo inkaaniyaadka lama huraanka u ah nolosha bulshada, laakiin kaalintii ay dadku ku dooran lahaayeen golayaal deegaan oo tayo leh waxa meesha ka saaray, tartankii ururada siyaasadeed ay ugu gudbayeen xisbiyo qaran, waxa ka awood badatay aqlabiyadii ay ururadu ku doonayeen inay beelaha kaga helaan codad badan oo ay ugu gudbaan xisbiyo qaran. Taasuna waxay lumisay kartidii, aqoontii, daacadnimadii iyo waaya aragnimadii loo eegi lahaa xubnihii ay usoo sharaxeen golayaasha deegaanka oo ay ka awood badatay codka laga helayo hebel oo reer hebel ah.waxayna arrintaasu saamayn weyn ku yeelatay dadkii codkooda bixinayay oo aan ahmiyad weyn siin kala doorashada dadkii ay ururada siyaasadeed ugu soo gudbiyeen liistada.

Haseyeeshee markii ay dhamaatay xumadii doorashadu waxay indhaha dadku dib jaleeceen mudanayaashii kusoo baxay doorashadii golayaasha deegaanka, iyadoo ay dad badani naawilayeen inay wax badani iska bedeli doonaan maamuladii dawladaha hoose ee ay xukuumadu soo magcaabi jirtay tobankii sanadood ee u danbeeyay, kuwaas oo lagu majeeran jiray musuq-maasuq dhul iyo mid maaliyadeedba. Laakiin maalmo ka dib markii ay golayaasha deegaanku la wareegeen hawshii dawladaha hoose waxa soo ifbaxay dhaliilo maamul iyo musuq-maasuq oo lagu hadal hayo golayaasha deegaanka. Waxayna dadku aad farta ugu godayeen golayaasha deegaan ee magaalooyinka waaweyn, kuwaas oo aanay ilaa hada muuqan wax qabad ay la yimaadeen iyo qorshe ay wax kaga bedelayaan musuq-maasuqii, dhul boobkii iyo maamul xumadii ka jiray dawladaha hoose. Waxayna dad badani rumaysan yihiin in wixii ay qaban lahaayeenba waqtigii kaga lumay muran dhexdooda ah.

Marka laga hadlayo golaha deegaanka ee burco waxa bilihii ina dhaafay soo ifbaxay muran iyo khilaaf ka dhex aloosmay mudanayaasha golaha deegaanka, kaas oo ka dhigay laba kooxood oo ay midi doonaysay in la bedelo maayarka, laakiin taasu may suurta gelin. Golaha deegaanka ee gebilay oo iyaguna murankaa kala mid ahaa magaalooyinka kale ayaa dhowaan bedelay maayarkii hore, waxa iyana la hadal hayaa muran ka dhex aloosan mudanayaasha golaha deegaanka ee caasimada hargeysa, kaas oo sida la hadal hayo keenay inuu maayarku u sheego xubnaha kale inuu doonayo inuu is casilo. Wax yaabahaas oo dhami waxay muujinayaan muranka curyaamiyay wax qabadkii golayaasha curdinka ah ee deegaanka, waxayna dad badani rumaysan yihiin inaanay waxba ka duwanayn maamulkii ka horeeyay ee dawladaha hoose oo ay xulkuumadu soo magcaabi jirtay, sidaa awgeed waxay is weydiintu tahay, maxay soo kordhiyeen golayaashii deegaanka ee la doortay.

Top


Tacsi

Wasiir ku xigeenkii hore ee warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) wuxuu tacsi u dirayaa Cali Xasan Maxamed (Cali Asad) oo aabihii Marxuum Xasan Maxamed ku geeriyooday magaalada Hargeysa waxaanu ilaahay uga baryayaa inuu marxuumka naxariistii janno ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo aamiin

Top


Hambalyo Meher.

Gudoomiyaha Shirkadda Haatuf Media Network, Yuusuf Cabdi Gaboobe, dhammaan tifaftirayaasha Wargeysyada Haatuf, Somaliland Times iyo Al Haatif Al Arabi, Axmed Ducaale, , Axmed Cali Garas, Siciid Ismaaciil Guraase, M/rashiid Muxumed Faarax, C/Fataax Maxamuud Caydiid Max’ed/amiin Jibriil Xuseen, Xasan Xoosh, Axmed Muxumed Faarax, C/casiis Kuweyti, Cabdalle Diigool, C/fataax Dheeg, Xuseen Khaliif, Liibaan Maaweel Shire, Muse Shoodhe, C/raxmaan Daahir, Maxamed Cumar, Maxamed Xasan, Axmed Jaamac Ismaaciil Saynab, Muna, Sh. C/Raxmaan Xasan, dhamaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan
Mawliid Maxamed Shaqale iyo Gobonimo C/laahi X. Cilmi oo meherkoodu 26-kii June ka dhacay magaalada Gebiley, waxaanay Ilaahay uga baryayaan inuu arooskooda ku gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo aamiin
Hambalyo taa la mid ahna waxa diraya C/Qaadir Muuse Aye.

Top


Dalka Finland Oo Laga Xusay 26-ka June.

Helsinki (Haatuf) xaflad balaadhan oo lagu xusayo munaasabada 26ka juun ayaa ka dhacday daalka filand, Xafladan oo noocyo badan lahayd sida uu ku soo waramayo waryahayaga noo jooga Dalka Finland Cumar Cabdi nuux waxaa lagu bilaabay taariikhda somaliland xiligaa iyo xiliyadii ka horeeyey iyo samankan aynu maanta joognaba.

Taariikhdaa oo uu ka sheekaynayay gudoomiya ku xigeenka Jaaliyada finland Mr. Cismaan nuur waxa uu soo tibaaxay qarnigii 18naad dhamaadkiisii markii odoyaashii waxgaradka somaliland ay kaga saxeexayeen haraga shuruudiihii ay lagalayeen gumaystaha Cad waxa uu soo tilmaamay Mr. Cismaan nuur Xisbiyadii ka jiray dalka markii gumaystaha laga madaxbanaanaanayay iyo sidii ay u halgameen. waxa kale oo uu tilmaamay xamaasadii Soomaali jacaylkii la raadinayay iyo sidii la bilaashuruuda loo geeyey Dawladii dhalatay ee cusbayd Somaliyada kale ee koonfureed, waxa uu cismaan sheegay in somaliland ay tahay dawlada ugu da,yar ee ka liis garaysan UNta maadaama oo ay madax banaaniba haystay 7Cisho in ka yar. waxa uu ku soo gunaanaday Mr. Cismaan isaagoo hadalkiisaa siiwata waxa uu xusay Marlabaad iyo sidii halgamayaashii SNM ugu halgameen in madaxbanaanida lalasoo noqdo oo lagala soo noqdo Dawladii Kacaan ku sheega ahayd.

Waxaa iyana halkaa lagu soo bandhigay Ciyaaro dhaqanka khuseeya iyo gaboyo ka hadlaya gooni isu taaga Somaliland, sidoo kale waxaa la qabtay Koob kubada cagta ah oo loo dhigay Munaasibadan iyada ah halkaaso oo labada kooxood ee Final isugu yimid ahaaeen Vantaa iyo Helsinki halkaana Vanta ku qaaday Laba iyo hal koobkaa Vanta waxaa gudoonsiiyay Gudoomiyaha Jaaliyada Mr.C/qaadir Maacaleesh.

Top


Qatar Oo Lagu Qabtay Xuska 26-ka June.

Doxa (Haatuf) xaflad aad u balaadhan oo lagu xusayo 26 juun ayaa ka dhacday caasimada wadanka Qadar ee doha xafladaas oo ay soo qaban qaabisay jaaliyada soomaliland ee qadar.

Xafladaas oo aad loo soo abaabulay oo ay isugu yimadeen dhalinyaro iyo odayaal aad u fara badan waxa lagu bilaabay aayado quraana oo uu akhriyey Muwliid sheekh axmed ka bacdi markii ayadaha quraanka la akhriyey waxa hadalo ka soo jediyey mawadiiniin ka tirsan jaaliyada soomalialnd oo qaarkood jogeen waqtigii calanka iyo dhalinyaradii lagu xidhay 1982 ee ufo waxa hadal ka soo jeediyey mawadin ka mid ahaa macalimintii la xidhay oo qiro ku riday dadkii mesha isugu yimid ninkaas oo magaciisa la yidhaahdo mohamed macalin cusmaan. waxa kale oo hadalo qiiro soo jeediyey iyo tariikhdii somalialnd iyo intii aynu la soo noqonay madaxnimada soomaaliland cumar xuseen (laydh) yuusuf osmaan (dhamac)oo dhawaan ka yimid casimada soomaliland iyo Axmed Mohamed husein iyo omar sulub nuur, waxa iyana halkaas dadka ku maaweelilneyey oo heeso wadaniya ka qaday fanaaniinta reer Doha oo kala ahaa Mohamed abdi yusuf, Abdi Ege, Abdi Qani Adan, Mohamed Cilmi warsame oo gabay qiiro leh ka tariyey. sacadu markay ahayd 12:00 habeenimo ayaa halkaa lagu saaray calankii somaliland lana dajiyey calankii ingiriiska. waxa iyana hanbalayo u diray shacbiga soomalialnd iyo madaxwaynaha soomaliland Mudane Daahir riyaale kahin .iyo ku xigeenkisa iyada oo aan xafladaas la soo koobi karin waxa iyana halkaa lagu sameyey gudi caawimo oo loo saray inay wax ka geestaan dhibaata ka tagan dhakhtarka hargaysa sidii ay jaaliyada soomaliland uga qayb qadan lahayd wax qabadka. ugu danbaytii waxa mahad naq loo celiyey gudigii qaban qabisay xafladan oo kal ah Mohamed warsame Haybe, Mawliid shekh, omar dheere Baashe mohad abdi iyo Ali adan iyo Axmed Mohamed xuseen (Axmed bare) Seciid mohamed ismaaciil iyo Nasir Mohamed Ali Shinbir.

Top


Mudaharaad Lagu Xusayay 26-ka June Oo Ka Dhacay London

Mudaharaad Lagu Xusayay 26-ka June Oo Ka Dhacay London
London (Haatuf) mudaharaad balaadhan ayaa ka dhacay albabka laga galo xafiiska wasarada arimaha debeda ee ingiriiska meeshaas waxa isugu yimid dad aad iyo aad u fara badan oo ka kala yimi uk iyo nawaxigeeda dadkaasi aad ayey u qiiraysnayeen waxay siteen calanka somaliland oo koofiyado laga tololay waxana la yaabay oo kale hablo dhalin yaro ah oo yimi 12p inay qaybinayeen waraaqo lagu tageerayo somalialnd kaas oo ay ku qorayeen u ololaynta somaliland waxa halka dareenkeeda ku soo bandhigtay gabdh la yidhaahado HIBAAQ oo jeeni qareyed calanka Somaliland waxan waydiiyey waxay maanta dareemayso waxay tidhi hibaaq, “waa 26 june oo aanu u ka qaadanay xornimadayada boqortooyada ingiriiska lakiin maanta waxay inaga dhacday meel madoow oo an uga jeedo sidii aynu, u dayacnay maalintii qaaliga ahayd.”

Waxa kale oo joogtay AYAAN CASHUUR iyada oo ii sheegtay in maanta iyo shalay labadaba an dareemayso inay somaliland joogto. waxan ku indha daran daray calanka somaliland oo dhalinyaradu siteen waxa iyana joogay wiil dhalinyaro ah oo heeso wadani ah ku heesayey oo ay dadku ka daba jiibinayeen dadka marakan waraystay inay ogyahiin in ay maanta tahay26 june waxay la hayeen waxa anaga nooga mihiinsan 18 may oo ah maalin qaali ku ah waxana kelmadaahas ku dhawaqayey XAMDA oo ahayd gabadh dhali yaro ah oo 1988 wakhtigaas joogtay Hargeisa, wakhtigaas oo ay soo gashay snm oo dagaal qadhaadhna kala hortagtay xoogagii xukamadii siyaad bare oo ku sugnaa hargeisa iyo Burco iyada oo wakhtigaas aad u yareyed xamdi wakhtigaas. maanta maaha wax lagu soo koobi karo qoraal.

kadib sacadu markay ahayd 5pm ayaa waxa is raacay Dr Dixood iyo mr Duaale iyo gabadh aad u yar oo jeeni qaareyed calanka somaliland si ay ugu dhiibaan waraaq ka hadlaysa cabashayoonkoodii ka dibana waxaa loo sheegay inay heli doonaan jawaabtooda si dhakhso ah ka dib halka aya lagu kala dareeray iyada dhalin yaradaasi ay ku heesayeen heesta ah somaliland dalkayga.

Waxaa Warkan Soo Diray Weriya Hatuuf London Abdirasak Ibrahim Xadhigle.

Top


Djibouti Oo Laga Xusay Maalinta Gobonimada Dalka.

Djibouti (Haatuf)Dadweynaha Jibouti ayaa u dabaalaegay sanad-guuradii 26 aad ee madax banaanida dalka oo u beegan 27 June, 2003-da. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa khudbad ku aadan munaasabadan u jeediyey dadwaynaha dalkiisa.

waxaa Madaxweyne Ismail Cumar Geelle, khudbadiisa kaga hadlay arrimaha gudaha Jabuuti, isagoo aan soo hadal qaadin arrimaha caalamka, gobolka ama argagixisadaba.

Madaxwaynaha Jabuuti, wuxuu sheegay in dalka uu rajo wanaagsan qabo oo ay socdaan mashaariic dhowr ah, kuwaasi oo ku yimid kalsoonida iyo aaminaadda loo hayo ummadda Jabuuti, kuwaasoo uu sheegay in laga midho keenayo. Wuxuu madaxwayne Ismaaciil sheegay in wax wayn laga qabtay dhinaca dhaqaalaha iyo maaliyadda, hadda kadibna ayna dhici doonin mushaarooyinkii ka soo daahi jiray shaqaalaha dowladda, isla markaana ay dowladdu ku howlan tahay arrimo la xidhiidha la dagaalanka faqriga, sidii shaqooyin loo heli lahaa, isagoo ku booriyay dadka reer Jabuuti in marka ay shaqooyinku furmaan in ay looga baahan yahay in ay si aan hagar lahayn u shaqaystaan.

Wuxuu ugu baaqay Abwaanada, qorayaasha iyo ka qaybgalayaasha kale ee Soomaalida ah ee shirka hal-abuurka Soomaaliyeed ee ka socda Jabuuti in ay ka qaybqaataan dabaaldegyada iyo xuska maalinta qarannimada Jabuuti, una arkaan in ay joogaan dalkoodii labaad. 

Top


MSF Oo Dalbatay Gargaar Loo Fidiyo Somaliya.

Hay'adda samafalka ee dhakhaatiirta aan soohdinta lahayn ee MSF, ayaa ka codsaday dowladda Kenya dayuuradahooda in ay u duuliyaan gargaarka deg dega ah Dalka Soomaliya, inkastoo diyaaradaha isaga duuli jiray Kenya iyo Soomaaliya xayiraad lagu soo rogay.

Hay'adda MSF, waxaa ay doonaysaa in Dowladda Kenya ay ka reebto diyaaradaha Samafalka kuwa Xayiraadda ay saamanayso, sida ay ku sheegeen bayaan ay soo saareen.

Hay'adda MSF waxaa ay dalka Soomaaliya ka fulisaa Gargaarka caafimaadka, La tacaalidda nafaqo darada, adeega biyaha iyo howlaha daruuriga, taasoo ay u fidiyaan shacabka dayacan ee Soomaaliya, kuwaasoo had iyo jeerba ku xiran gaadiidka diyaaradaha.

Dowladda Kenya waxaa ay maalintii Sabtida ahayd Xayiraad ku soo rogtay Diyaaridaha aadi jiray dalka Soomaliya kana iman jiray.

Xayiraadahan lagu soo rogay diyaaradaha Soomaliya waxaa ay xanibeen gargaarkii MSF-ta ay gayn jirtay Dalka Soomaliya, iyadoo maamulka iyo mashruucyada gargaarka ee MSF uu saldhigiisu yahay magaaladan Nairobi.

Bayaankaasi waxaa lagu sheegay dayuuradaha gargaarka hadii ay sii maraan wadamo kale wax macno leh uguma fadhido Soomaalida, Hadii aan si deg deg ah loo bilaabin duulimaadyadaasna barnaamijyadii gargaarka ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin sadex isbitaal iyo afar iyo tobon meelood oo dadka lagu dabiibo ayaa hakanaya.

Xilligan hay'adda MSF waxaa ay gacanta ku haysay laba meelood oo kala duwan oo uu ka dilaacay Cudurka Daacuunka ka hor inta aan la soo rogin xayiraada Diyaaradaha.

Muddo tobon maalmood ah, ayaa waxaa la soo sheegayaa in dalka Soomaaliya ay tobon caruur ah u dhinteen nafaqo darro arintaasoo sii balaaranaysa.

Top


Askar Maraykan Ah Oo Lagu Laayay Ciraaq.

Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq, ayaa baadigoobaya laba askari oo la rumaysan yahay in lagu afduubay waqooyiga Ciraaq.

Saraakiisha Difaaca ee Maraykanka, ayaa sheegay in labada nin ay u muuqdaan in laga waayay koontarool ah joogeen oo u dhow magaalada Balad iyadoo ay dhacayaan dabaylo ciid wata maalintii Arbacadii.

Dhiig ayaa lagu arkay agagaarka halka ugu wardambaysay hase yeeshee lama hayo wax raad ah oo kale, baabuurkoodii, hubkoodii ama qalabkii kale.

Maraykanku, waxay sheegeen in ay xdreen sadex Ciraaqiyiin ah oo ay uga shakiyeen in ay ku lug leeyihiin weerarka askartaasi laga yaabo in lagu afduubay.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in askari ka tirsan booliiska military-ga ah ee Maraykanka la dilay, balse sidii loo dilo wali ma cadda.

Dhacdooyinkan ayaa ah kuwii ugu dambeeyay weerarado isdaba joog ah oo sii kordhaya, waxaana weriye ka tirsan BBC-da oo Baqdaad jooga uu sheegayaa in hadii la cadeeyo in labada askari la afduubay, waxay taasi muujinaysaa nidaam cusub oo lagu weerarayo ciidamada British-ka iyo kuwa Maraykanka ee ku sugan dalka Ciraaq.

Top


Liibiya Oo Ka Cabatay Dadka Qaxoontiga Ah.

Maalmihii u dambeeyey muhaajirin cusub lama keenin xerada Crotone oo ka tirsan gobolka Calabria oo ku yaal konfurta Talyaaniga, maxaa yeelay, lama soo sheegin wax doonyo ah oo ay saaran yihiin dad tahriib ah oo soo gaaray xeebaha konfureed ee Talyaaniga.

Waxaana la isweydiinayaa sababaha hakadka galiyey dhaqdhqaaqa muhaajiriinta oo sida xad-haafka ah ugu soo qulqulaayey ilaa iyo todobaad ka hor xeebahaha konfureed ee Talyaaniga.

Qaar ka mid ah Soomaaliada ku jirta xerada ku taal Crotone, oo ay BBC-du khadka taleefoonka kula xidhiidhay ayaa waxey sheegeen in ciidamada amniga Libiya ay hawlgal ka wada xeebahaa ka tirsan degaanka la yiraahdo Zuwara, oo ka mid ah meelaha Soomaalida iyo ummaddaha kaleba ay ka soo raacaan doomaha.

Zuwara waxa ay ku taal meel waqooyi kaga aadan magaalo madaxda Libiya ee Tripoli. Waxaana ay noqotay meesha ugu weyn oo ay saldhigga ku leeyihiin dadka doomaha rara. Libiya ayaa haddaba lagu eedeynayaa in xeebaheeda ay yihiin meesha laga abaabulo safaaradda muhaajiriinta ku soo socda qaaradda Yurub, iyago ka soo dagaya xeebaha konfureed ee Talyaaniga.

Dawladda Libiyana iyadoo ku gacanseereysa eedoyinkaasi la soo jeediyay, ayaa waxa ay tilmaameysaa in anay kari karin in ay ilaaliso labada kun ee Km ee xeebta dhararkeedu yahay ee dalkeeda, iyo waliba kumanyaalka km oo dhinaca sohdimaha saxaraaga xiga ah.

Masuul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Libiya oo ka jawaabayey eedoyinkaasi waxa uu yiri " ma oggolaaneyno in aanu noqonno kuwa kaliya ee ka masuulka ah ilaalada badda Mediterreeniyanka", waxaana uu ku daray in adduunka oo dhan uu maantay ogyahay in Libiya aanay heysanin wax qalab ah oo ay ku kontorooli karto xuduuda- heeda iyo xeebaheeda.

Waxaa kale oo uu masuulka Wassaradda Arrimaha Dibadda ee Libiya uu sheegay in dalkiisu aanu heysaninin doomo iyo dayuurado xeebaha ilaaliya, sidii loo u celin lahaa dadka isku dayaaya in ay u tahriibaan dalka Talyaaniga, iyadoo waxaasi oo dhan ay ugu wacan yihiin cunqabateynta caalamku uu wali ku hayo dalka Libiya.

Dawladda Libiya waxa horeba u codsatay in laga qaado cunaqabeyta saaraan gaadiidka noocaas ah. Dawladda Talyaaniga oo aad uga walwalsan muhaajiirinta ku soo socota dalkeeda, ayaa waxay ka shaqeyneysa sidii ay ula gaari leheed Libiya heshiis suurtagal ka dhigi kara ka hortagga doonyaha sida muhaajiriinta.

Top


Mareykanka Oo Dardargalinaya Nabadda Barigga Dhexe.

Qudus (W.Wararka) La taliyaha xagga amaanka ee Madaxweynaha Mareykanka, Condoleza Rice, ayaa hadda ku sugan gobolka Barigga Dhexe, waana sarkaaladii ugu danbeeysay oo Mareykanka ah oo isku dayda in ay horay u riixdo qorshaha nabadda ee loo yaqaano Roadmap.

Wax yar ka hor Boqoshadeedan, saraakiisha Israel iyo Falastiiniyiinta ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen mabda' ahaan in qeybo ka mid ah dulka ay Isra'iiliyiintu haysaan in dib loogu soo celiyo gacanta Falastiiniyiinta.

Wararka ka imaanaya Israel waxay sheegayaan in ciidamada Israel ay ku talo jiraan in ay meelo ka mid ah Marinka Qaza ka gurtaan maalinta Isniinta.

Wariyaha BBCda ayaa sheegaya in Condoleza Rice laga yaabo in ay ku cadaadiso Israel in ay joojiso weerarada ay ku qaadayso Falastiiniyiinta iyo in ay Israel tilaabo ka qaado deegaanada sharcidadarada ah ee dadka Yahuuda ahi dhistaan.

Waxayna sidoo kale ka dalabtay maamulka Falastiiniyiinta in ay tilaabo adag ka qaadaan dadka mititka ah ee Falastiiniyiinta ah.

Bin Laadin oo faro ba'an ku haya Koonfur Afrika.

Waxaa laga yaaba inaad su'aalo badan isweydiiso marka aad aragto cinwaaka kor ku xusan oo aad tidhaahdo, talow Bin Laadin-kani ma kii baadi goobka loogu jiray ee la lahaa waa argagaxiso mise waa mid kale.

Dabcan marka aad maqasho magaca Bin Laadin waxaa durbadiiba kuu soo dhacaya hogaamiyhihii urrurka Al- Qaacida Osama Bin Laadin eee lagu sheegay argagaxisada, islamarkaana aanu maankaaga aqbaleyn in nin kale oo loogu yeero Bin Laadin uu jirro wayeelana uu geysan karrro.

Si kastaaba arinta ha ahaatee, waxaa magaaladda Suweeto ee dalka Koonfur Afrika muddo toddobaadyo ah faro ba'an ku hayey nin layidhhaado Bin Laadin ninkaasoo la sheegay inuu geystay falal isugu jira dil, dhac iyo boob.

Ninkan oo ah madow u dhashay deegaanka Suweeto ayaa ah hogaamiye koox tuugo ah oo iyagu shaqo ka dhigtay iney waxyeelo u geystaan dadka rayidka ah ee ku sugan magaaladaasi.

Ninkan wata magaca Bin Laadin ayaa la sheegay inuu dilay dad gaadhaya kow iyo toban qof,halka dadka uu dhaawaca u u geystay aan la ogeyn inta ay cadadoodu tahay, inkastoo guud ahaan cabsi xoogan ay ka jirto magaaladaasi hadana waxaa cabsidii sii labbo jirbaarantay markii ninkaasi ka soo fakaday xabsi lugu hayey, waxaana baxsashada ninkani ay keentay in markale ay magaalada Suweeto oo caan ku ah deegaan ay degan yihiin dad saboolka ahi ay isla gariirto cabsi awgeed.

Ciidamada amniga oo arintan ka hadlaya ayaa sheegay in Bin Laadin heysto hub iyo ragg taageero, tanina ay keentay in ninkani uu geysto falal isugu jira dil iyo burcadnimo iyadoo aysan jirin cid u u aabbo yeelayo. Mid kamid ah dadka deeganka oo ka waramayey dhibka ninkan uu ku hayo magaalda ayaa sheegay in haddii ninkanu uu qoriga kor u qaado ay hubaal tahay iney uun qof ku dhaceyso, tanina ay dadka ku abuurtay xaalad degenaan la'aan.

Ninka la yiraahdo Mabaziima Shabuury oo ah afhayeenka booliska magaladaas ayaa sheegay in Bin Laadin iyo kooxdiisan ay u sameynayaan falalkan argagaxiso ay tahay ha la idiin hadal hayo oo dadku ha idiin ka sheekeeyaan.

Si kastaaba ahaatee arinta Bin Laadin iyo kooxdiisa ayaa waxey tahay mid wel wel ku heysa deegaanka Suweeto oo iyadu la il daran amni xummo iyo sicabsi ay ku hayaan kooxdaasi saboolnimaduna u sii dheertahay.

Tan iyo wixii ka danbeeyey weeraradi 11 sep ee 2001-da waxaa hogaamiyaha Al- Qaacida ee Osam Bin Laadin iyo urrurkiisu noqdeen mid guud ahaan caalamka oo dhan laga baadi goboyo kadib markii lugu eedeyey iney ka danbeeyeen weeraradii ka dhacay dalka Mareykanka.

Ikraam Cali-kaar.

Gothenbrg, Sweden

Top


Weerar Lagu Qaaday Xero Ku Taala Kashmir.

Boliiska Hidiya ee ka howlgala qeybta Kashmir ee maamulka Hindiya ayaa sheegay in ugu yaraan shan askari la dilay, sagaal kalena la dhaawacay, ka dib markii la weeraray xero ku taala meel ku dhow magaalada Jammu.

Boliisku waxay sheegayaan in meleeshiyada gooni-u-goosa doonaya ay saaka aroornimadii ku soo weerareen xerada qoryo darandoori u dhaca iyo bombooyinka gacanta.

Boliisku waxay intaa ku dareen, in nin dableeya isna lagu dilay goobtaa ka dib markii ay askartu fureen xabado ay isku difaacayaan.

Weerarkan ayaa ahaa kii ugu halisanaa weeraro isdabajooga oo lagu soo aadiyay booqashada uu madaxweynaha Hindiya A.P.J Abdul Kalam uu ku marayo Kashmir.

Top


Wakiilka Talyaaniga Ee Somaliya Oo Ka Waramay Halka Uu Marayo Shirka Somalida Ee Kenya.

Ergayga gaarka ah ee dowladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya, Mr Carlo Ungaro, ayaa mar kale ka dhawaajiyey in aanay beesha caalamku u arkin 450 xubnood oo baarlamaan ah oo ay Soomaaliya yeelato mid la tallaabsan kara isu dheellitirnaanta dhaqaalaha la heli karo iyo tirada dadka guud ahaan Soomaaliya. Carlo Ungaro waxa kaloo uu ka hadlay arrimaha jamhuuriyadda Somaliland.

Runtii annaga dowladda Talyaaniga ah ayaa guddoomina shirka ay yeeshaan fadhiga urur goboleedka IGAD iyo waddama daneeya arrimaha Soomaaliya marka laga hadlayo shirka hadda u socda kooxaha Soomaalida.
Sidoo kale waxaan nahay mid ka mid ah dowladaha ku bixiya dhaqaalaha ugu badan shirkan kooxaha Soomaalida.

Waxaa jira dhibaatooyin badan oo uu soo maray shirka, xitaa waxaa jirtay mar aan u qaadannay in aanu shirku siiba socon karin, haddana waa runtii shirku wuxuu marayaa meel xasaasi ah oo adag, waayo waxaan u soo dhowaannay dhammaadka wejiga labaad ee shirka, waxaana loo gudbayaa wejiga saddexaad.

Waxaana jira fikrado badan oo kala du-duwan oo ka imaanaya wufuudda shirka, laakiin annaga waxaan jecelnahay in ay guulaysato fikradda isu tanaasulka, annaguna waxaan ciyaaraynaa door fir-fircoon inkastoo aan korjoogeyaal ku simmannahay, waxaanan gacan geysanaa in guddiga farsamada ee IGAD uu ka guulaysto kala duwanaanshaha fikradeed ee jira.

Dhinaca khilaafka tirada xubnaha baarlamaanka, annaga, beesha caalamka ahaan, dadka Soomaaliyeed go'aan u gadhi meyno oo amuurtaasi waa mid u taalla xubnaha ergada Soomaaliyeed ee go'aan gaadhista iyagu iska leh.
Laakiin, haddana waxaan xusnay in tiro 450 xubno baarlamaan ah oo dadka Soomaaliyeed oo dhowr milyan uun ah ay yeeshaan ay tahay mid waxoogaa aan isu qiyaasnayn.

Waxaan kaloo muujinnay in tiradaasi aanay ahayn mid aad loo maamuli karo, sidaasi darteed waxaan annag talo ahaan xoojinaynaa in ay Soomaalidu ku heshiiso tiro taasi ka yar, haddiise heshiisku noqdo 450 xubnood oo baarlamaan ah annaga sinnaba uma diidi doonno waxa ka soo baxa shirka sababtaasi darteed.

Laakiin haddana waxaa jira su'aasha ku saabsan xagga dhaqaalaha oo 450 xubnood oo baarlamaan ah in la hayo waa wax kharash badan ay ku baxayso, waayo xubnaha baarlamaanku waxay u baahan yihiin mushaharo la siiyo, xafiisyo iyo weliba ciidan ilaaliya, sidaasi darteed ayaan annagu dareensannahay in malaha ay wanaagsanaan lahayd in ay tiradoodu yaraato.

Dhinaca khilaafkaadka waddamada safka hore, waxaan qabaa in dal kasta uu xaq u leeyahay in uu ka fekero maslaxadda dalkiisa, haddana sidaas oo ay tahay waxaan qabaa in farqigii ku kala dhex jiray markii la billaabayey shirka uu hadda aad uga soo yaraaday oo ay hadda xubnaha guddiga farsamadu wada shaqeyntoodu ka wanaagsan tahay sidii hore, waxaanan qabnaa in farqiga ku kala dhex jira waddamada IGAD uu yahay mid laga heshiin karo, aakhirkana waxaan heli doonaa hab wada qanciya dhammaan dhinacyada.

Dhinaca dowladdayda, aniga ma qabo in aanay dowladda Talyaaniga u damqanin Soomaalida, waad xusuusataa billowgii markii ay Soomaaliya kala daadanaysay in aanu ka mid ahayn waddamadii Qaramada Midoobay ee sida fir-fircoon uga hawlgalayey dalka.

Laakiin markaasi kaddib, caam ahaan Soomaaliya waxay u muuqatay mid baqdin gelinaysa cid kasta mana ahayn Talyaaniga oo keliya ee cid kasta ayaa ka baqday mana qabo in ay sax ahayd in dadka la baqdin geliyo, runtiina cidna markaasi maba doonaynin in ay Soomaaliyaba soo hadal qaaddo, waayo waxaa loo arkayey meel laga quustay.

Laakiin, maaddaama ay hadda rajadu dib u soo noolaanayso waxaad arkaysaa in mar kale ay beesha caalamka guud ahaan danaynayso arrimaha Soomaaliya, gaar ahaanna dalkayga.

Dhinaca hirgelinta waxa ka soo baxa shirkanna, hadda waxaa jira qorshooyin aanan hadda doonaynin in aan faah-faahiyo, laakiin qorshuhu waxa weeye in la helo ciidan Afrikaan ah oo ay soo abaabulaan Midowga Afrika, dabadeedna Midowga Yurub waxa ballanqaaday in uu bixiyo wixii ku baxaya dhammaan dadaalka hub ka dhigista, xareynta maleeshiyooyinka, dhaqancelintooda, laakiin hadda inkastoo ay wax isbeddeli karaan haddana ma jirto dowlad reer Yurub oo ku fekeraysa in ay ciidan keento Soomaaliya si ay amuurtaasi uga qeyb qaadato.

Ugu dambayntiina, urur kasta oo caalami ah ilaa Qaramada Midoobay waxaa la xaqiijiyey lana rumaysan yahay xormaynta dhul ahaan ee Soomaaliga, annagana Talyaani ahaan waxaan beesha caalamka la wadaagnaa fikirkaasi, waxaanan dareensannahay haddii xaalad gaar ah loo aqoonsanyo Soomaliland waxaa laga heshiin karaa marka ay Soomaaliya yeelayo dowlad, laakiin xaqiiqdii waxay noqonayaa arrin khaldan in hadda laga hadlo labo Soomaaliya, waayo waxaa jirta hal Soomaaliya, dadku waa mid, luqaddu waa mid, diintuna waa mid, waxaanan rumaysannahay in mushkiladda xal loo heli doono.

Waxaa kaloo jirta in dad badani ay ka cabanayaan in aanan Somaliland la casumin, taasi run ma ahan, waayo aniga nafsad ahaanteyda ayaa Hargeysa tegay saddex jeer, markii hore waxaan la kulmay madaxweynihii hore, Mr Cigaal, kaddibna madaxweynaha hadda jooga, waxaanan si xoog leh ugu boorriyey in ay ka soo qeybgalaan shirkan, waanay iska diideen oo sidaasay u arkeen maslaxaddooda, laakiin iyadoo la eegayo diidmadoodaasi darteed in shirkani loo arko mid khuseeya koofur Soomaaliya oo keliya waxaan qabaa in ay tahay arrin khaldan, waayo taasi ma ahan ula jeeddada qaban-qaabiyeyaasha shirka amaba ula jeeddada beesha caalamka.

Top


Duqa Gebilay Oo Booqday Wajaale.

Tog-wajaale (Haatuf): Duqa degmada Gebilay iyo wefti uu hogaaminayo oo ka tirsan golaha deegaanka ayaa maalintii shalay booqasho ku tegey tog-wajaale. waxayna dadka magaaladaas kala hadleen meel fagaare ah.

Sida uu kusoo waramay weriyaha Haatuf ee Gebilay duqa degmada gebilay, C/qaadir axmed cumar wuxu dadweynaha wajaale kala hadlaymeel fagaare ah. Waxayna warbixino ka dhegeysteen qaar ka mida maamulka, Odayaasha iyo cuqaasha magaalada, kuwaas oo mudanayaasha golaha deegaanka uga waramay baahida ka jirta magaalada ee dhinaca adeega bulshada. waxayna duqa u sheegeen inaanay magaaladu lahayn Cusbitaal, Umuliso iyo gaadhi lagu qaado xashiishka toona, islamarkaana waxay ka codsadeen inay masuuliyiintani madaxweynaha ka gaadhsiiso balan qaad uu hore dadka reer wajaale ugu balan qaaday in loo dhisi doono Dugsi sare, taasoo uu balan qaaday duqu inuu gaadhsiin doono madaxweynaha.

Duqa gebilay waxa kaloo uu sheegay inay wajaale tahay bogcad muhiima oo ku taala xuduud sidaa awgeed loo baahan yahay in wada jir loo wada ilaaliyo.wuxuuna uga digay inay iska ilaaliyaan dhulka ay isku qabsanayaan , islamarkaana loo baahan yahay inay dadka soo dhoweeyaan, si ay uga faai,daystaan fursada uu illaahay siiyay.

Top


ODHAAHDA AKRISTAHA: Hala Wareejiyo Qalabka Caafimaadka Ee Camuud

Anigoo tixraacaya warqadihii aan u soo kala diray guddoomiyaha Jaamacadda ee taariikhdeedu ahayd May 29-keedii iyo tii guddoonka sare ee Jaamacadda Camuud ee taariikhdeedu ahayd June 14keedii, 2003, oo ilaa maanta aan wax jawaab ah layga siin. Waxaan madxda ay tooska ugu socoto warqadani aan ku wargelinayaa arrimaha soo socda:

Markaan arkay guddoomiyaha Jaamacaddu si badheedh iyo ula-kac ah inuu u jebiyay heshiiskii, dhegahana ka furaystay wixii talo aan u soo jeediyay, isla markaana qaddarin waayeen wada-shaqayntii iyo is tixgelinti loo baahnaa in lagu maamulo Jaamacadda Camuud ee bulsahdu leedahay.

Anigoo oofinaya ballankii aan u qaaday hay’adii bixisay deeqda (Brothers and Brother) iyo beesha reer Awdal iyo qof kasta oo qawmiyad Somalinimo ay ku jirto ee dibadda ku nool ee sida deeqsinimada ah u bixiyay kharashkii soo dhoofinta qalabka caafimaadk si uu u gaadho bulshadooda.

Anigoo soo af-jaraya khilaafka ka dhashay arrintaas oo aan u danaynayo sumcadda Jaamacadda iyo xilkasnimada bulshada reer Awdal meel kasta oo ay joogto.

Anigoo cuskanaya ama isticmaalaya awooda ay I siisay hay’addii deeqda bixisay inaan si toos ah uga qaado qalabka caafimaad iyo dawooyinka Jaamcadda Camuud siduu u dhan yahay oo ay ku jirto makiinada shamiintada qasta, kuna jiraan qalabkii sida sharci-darrada ah loo siiyay rugta ganacsiga ee Allaale oo ay khaas u leeyihiin walaalada kala ah; Dr. Walhabb iyo Dr. Qaws.

Markii aan la tashi la yeeshay hay’addii qalabka qiimaha badan ku deeqday ee (Brothers and Brother).

Waxaan go’aan kama-dambays ah ku gaadhay arrimahan soo socda:

Waxaan maamulka Caafimaadka ee gobolka Awdal ku wargelinayaa in qalbka caafimaadk oo dhan iyo makiinada shamiintada qasta si deg-deg ah ay ugala wareegaan maamulka Jaamacadda Camuud.

Waxa laga codsanayaa guddoomiyaha guddoonka sare ee Jaamacadda iyo guddomiyaha gobolka Awdal ee ay warqadani ogaysiinta ugu socoto inay goob-joog ka noqdaan, hubiyaana in la gaadhsiiyo Hantida Dadweynaha meeshii loogu talogalay oo ah maamulka caafimaadka ee gobolka Awdal, khaas ahaan cisbitaalka guud ee degmada Boorama.

Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Camuud oo u qaabilsan ilaalinta iyo dhowrista hantida Jaamacadda Camuud waxa laga doonayaa in uu diiwaan-geliyo qalabka lagu wareejinayo isku duwaha caafimaadka ee gobolka Awdal, isla markaana cajalad cadaynaysa in qalabkii lala kala wareegay kasoo duubaa, si hay’addii bixisay aan ugu gudbiyo, kalsoonidii dhaawacantayna aan u adkeeyo.

Waxa kale oo guddoomiye xigeenka Jaamacadda laga rabaa inuu gubo iyada oo ay goob-joog u wada yihiin guddoomiyaha gobolka Awdal iyo xubnaha warqadani toos iyo ogaysiinba ay ugu socoto dhammaan dawooyinkii qalabka la socday ee waqtigoodii dhacy iyo qalabka jajabay ee aan faa’iido dambe lahayn.

Go’aankani waa mid kama-dambays ah, waxa guddoonka sare ee jaamacaddana aan ka codsanayaa in arrintan fulinteeda aan la fudaydsan.

Sidaa darteed, waxaan dhammaan xubnaha sida tooska ay ugu socoto warqadani ka codsanayaa in go’aankan sidiisa loo fuliyo.
C/Laahi Xaashi Abiib, Guddoomiye Ku Xigeenka Arrimaha Dibedda Jaamacadda Camuud, Boorama - Awdal.

Top


1 July Maalintii Madoobayd Ee Somaliland (The Dark Day of Somaliland).

Horta waxaa mahad leh ilaahay abuuray khalqiga ee inaga dhigay dad islaam ah oo uu ugu nimceeyey diinta muqadaska ah ee islaamka, waa marka xigta eh waxaa wax walba ka muhiimsan isfahamka iyo isqadarinta.

waxaa jirta in taariikhda umadda afsoomaliga ku hadasha oo aad iskaga gaaban ay hadana soo martay mawjado coladeed, siyaasadeed dhaqaale iyo weliba kelitalinimo oo aad u qoto dheer oo run ahaantii salka ku haysa dhibaatada haatan ka taagan somalia markaan leeyahay somalia uma jeedo dadka iyo dalka somaliland ee waxaan u jeeda waa dadka dega somalia ( farmer italian protectorate capital Mogadisho). Akhristayaal waxaa taariikhda cidina ma qorto eh jirta oo la wada xasuusanyahay in wixii soomaliya la odhan jiray ee qiirada lagu sameeyey ay aabe u ahaayen oo ay sameeyen ummaddda iyo shacbiga reer somaliland waxaa ka soo bilaw sannadahii kontomeeyadii ilaa laga soo gaadhay markii xorriyadda ay qaadatay jamhuuriyadda somaliland waxaa ummadda somaliland u heelanayd xorriyad iyo wada jir ay maruun ku faanan oo ay kula midooban wixii ay filayeen ee ahayd qiirada israaca oo ay ku walooloban calan xanbaarsan shan xidigood oo ka turjumaya shantii soomaliyeed ee kala firidhsana waxaa magaalooyinka hargeysa burco iyo berbera ka bilaabmay abaabul xoogbadna oo ay sameeyen ururo iska abaabulay bulshada reer somaliland oo aqoon aad u xanbarsanayd watay. Waxaa la soo gaadhay goortii iyo amintii dawladda mustacmaradda ahayd ee ingiriisku (British Protectorate) ay wareejin lahayd xorriyadda gacantana u gelin lahayd dadka iyo ummadda Somaliland waxaa 12:00 habeenimo kumanaan qof oo iskaga yimid lixda gobol ee somaliland u qaybsantahay ku soo xoonmeen meel badhtamaha magaalada hargeysa ku taalla oo aan haatan wax sidaasa ka durugsanayn goobta ay ku taallo fagaaraha kheyriyada ee ay siyaasiyiinta iyo dawladda somaliland uga qudbadeeyan shacbiga somaliland.

Akhristow xaqiiqdii shacabka Somaliland kuma uu fikirayn oo qudha xoriyadd ay keligood ku taaman iyagoon shacabka somaliland u dhalan xisdi iyo keli talinimo ayaa waxa maankooga ku weyna goormad dadka afka soomaliga ku hadla la midayn doona isla markii ay dawladda ingiriisku ku wareejisay calanka siyaasiyiintii reer somaliland oo uu hor kacayey siyaasigii weynaa madaxweynihii somaliland ee dhawaan geeriyooday marxuum mudane maxamed ibraahim cigaal.

Siyaasi cumar carte qaalib iyo rag kale oo fara badan ayaa waxaa la soo gaadhay aroornimadii iyada oo aan habeenka laga seexan dhamaan gobolada iyo magalooyinka dalka somaliland oo dhan waxay ay dadku ku tiraabayeen somaliya ha is raacdo" waxaa habeenkii danbe la iskugu yimid beerta xorriyadda ee magaalada hargeysa waxaa halkaa ka soo jeediyey geerar aad u dheer oo run ahaantii halhays weyn noqday gebyayaagii weyna ee suldaan cabdilaahi timacade oo gabaygiisi dheera uu hal ku dhig u ahaa " SAREEYOW MA NUSQAMOW BAL SIDUU YAHAY EEGNE KANA SIIB KANA SAAREY" waxaa goobtaasi ka hadlay rasa'isal wasaarahii ugu horeeyey ee somaliland oo ahaa alla ha u naxariistee maxamed ibraahim cigaal madaxweynahii geeriyooday ee somaliland kelmadahii halkaa uu ka yidhi ee aanay xita shacbiga reer somaliland weli iloobin waxaa ka mid ahaa " shacabkayga qaaliga ahow umusha waa la todoba bixiyaaye aynu todoba cisho la sugno" laakiin mudane cigaal ilaahay naxariistii janno ha siiye wuxuu taa kala kulmay buuq isla aroortina waxaa la dhegax tuuray gurigii uu ka degena magaalada hargeysa iyada oo dadku ku eedaynayeen inuu ula dan leeyahay inuu walaalahayo somaliya naga reebo, nasiib darro waxaa la soo gaadhay 1 july sannadii 1960 oo ahayd markii uu talyaanigu xorriyadda siiyey Somalia (UN Italian Trust).

Iyada oo shacabka Somaliland ay u ahayd rayn-rayn iyo damaashad ayaa waxaa lagu beegay in labada dal waa somaliland eh iyo somalia la mideeyo si bila shuruud ah waxaa waraaqo digniin ah ka soo gaadhayeen siyaasiyiinta reer somaliland wadanka ingiriiska oo looga digayey inaan midawga lagu degdegin ee loo yeelo xikmad balse taasi may dhicin ee waxaa dhabowday hamigii ay qabeen shacabka somaliland intaan hadaba akhristow labada dal la isku darin ayaa waxaa golahii wasiirada ee dalka somaliland oo madax uu u ahaa maxamed ibraahim cigaal warqad u soo direen barlamaankii uu talyaanigu u sameeyey somalia oo uu madax u ahaa aadam cabdalle cismaan Aadan cadde taas oo loogu sheegayey in labada dal midooban isla maalinta xorriyadda la siinayo somalia oo ku beegnayd 1 july balse nasiib darro waxaa loogu soo jawaabay maxaa shuruud aad la imanaysaan, yaa idinka wakiil ah" ha ku degdegina midawga"!!!!! iyo hadala noocasi ah yaabka yaabkii laakiin umadda iyo shacabka somaliland oo aad u jibaysna may dareemin hadalada waxay ka soo qaadeen hadalo walaalnimo iyada oo somalidu hore ugu maahmaahday " gacal isma cidhiidhyo" waxaa ay dadka iyo shacabka somaliland oo ay ka wakiil ahaayeen maamulkii uu ingiriisku ku wareejiyey xorriyadda uu madax u ahaa alla ha u naxariiste Maxamed Ibraahim Cigaal si bilaa shuruud ah oo xitaa aan jamiciyadda quruumaha ka dhexaysa (United Nations) aan lala socodsiinin ula midoobin goboladii koonfurta ee Somalia waxaa si bila shuruud ah loogu doortay caasimad magaalada muqdisho oo ahayd caasimadii somalia ee italian protectorate ka, akhristow xasuusnow kharashaadkii dawladda lagu midoobay ama aan idhaahde misaaniyaddii (the budget) waxaa boqolkiiba sideetan (80%) laga keenay somaliland, xagga somalia oo talyaanigu caydh kaga tegay boqolkiiba labaatan laga keenay, waxaa isla markiiba la gelay doorasho iyada sidan wax loo qorsheeyey:-

in uu madaxweynahu ahaado (koonfur) AADAN CADDE.

2 Ra'isal wasaaraha laga dhigo (koonfur) Cabdirashid Shermarke.

3. Golaha baarlamanka oo ka koobna 99 xubnood somaliland waxa laga siiyey 33 xubnid.

4. Golaha wasiirada oo ka koobnaa21 wasiir somaliland waxaa laga siiyey afar wasiir.

5. Caasimada waxaa laga dhigay muqdisho oo ahayd koonfur.

Akhriste waxaa shacabka somaliland oo sidaa aan kor ku soo sheegay u oleeyey miyadnta loogu abaal guday cabudhin yasitaan iyo in laga dhigo dad aan waxba ahayn waxa ka mid ahaa kelmadaha halhayska u noqday ee aan weligood iyo allahood shacbiga reer somaliland maankooga iyo maskaxdooda ka faaruqayn markii ay reer somaliland kalgacalkay u qabeen ugu tageen muqdisho si ay walaalnimada iyo soomalinimada ula wadaagan koonfur kelmado ay ka mid ahaayeen "SOOMALI KHALDAAN, QUDHMIS, XUNYAHOW XUNKU DHALAY," iyo kuwa kale oo aanan halkan ku soo koobi karayn oo run ahaantii iska daa inta jirta ee reer somaliland ahe ka uurka ku jira ka sii damqado.

Waxaa akhriste la soo gaadhay sannadahii 1969 kii waxaa ka dhacay dalkii afgambi militery, iyada oo run ahaantii hargeysa waa caasimadda somaliland eh aan sidaasiba looga dareensanayn oo ahayd goob yasan oo aan hanaanka dawladnimaba ka jirin, oo ay dawladda la sheegayaba ku koobnayd muqdisho, waxaa 1969 21 october afgambi militery ku qabsaday dalka gacanku dhiiglahii hubaysnaa ee afweyne barre, waxaa u bilaabmay shacabkii reer somaliland ee masaakiinta ahaa hoog iyo balanbal waxaa dhegta dhiiga loo daray kumanaan iyo kumanaan qof oo iskugu jira caruur hooyoyin gabdho iyo wayeelba hargeysa waxaa ay noqotay hoyga xasuuqa iyo dhawaaca, waxaa shacabka somaliland loo gooyoy gaar ahaan kuwii ku noola magalada Hargeysa qodobadan.

1. In dadka ku nool Somaliland aanay dhisan karin wax ka dheer laba dabaq dhisme ah.

2. In aan haba yaraate lagala soo degi karin wax alaab ah dekedda berbera albaabadana loo .xidho iyadoo la adeegsanayo dekedda magaalada Jibouti oo ugu dhawayd somaliland.

3. Gawaadhida nooca lala dhex maro magalooyinka hargeysa waxaa loo bixiyey (isaaq ma gayo) oo aynu fahmi karo macnaha iyo murtida ka danbaysa.

4. Dadka degen gobolada somaliland waxaa lagu amray in aan haba yaraate shanta galabnimo albaabada loo laabo goobaha ganacsiga shakhsina lagu arkayn meel ka mid ah magalooyinka.

5. Saacadu markay gaadho 12:00 habeenimo ee saqda dhexe ayaa waxaa guryaha magaalooyinka Hargeysa, Burco, iyo Berbera, ku garaaci jiray ciidamo loogu yeedhi jiray dhabar jabinta kuwaasi oo cidii xoogleh ee ay guriga ugu tagaan la bixi jiray.

Akhristow siduu ii sheegay wiil yar oo ku sugna sannadkii 1987kii magaalada Hargeisa ayaa waxaan weydiiyey siduu dareenkiisu ahaa wuxuuna iigu jawaabay "waxa aan xasuusta aniga oo jiray todoba sanno in guriga nalugu soo jabiyey aniga iyo hooyaday saqdii dhexe iyada oo inta ay askari baadhay daba ilaa dacal weliba naloogu henjabay in nala layn doono, waxaan xaadir u ahaa nin aanu jaar ahayn oo hortayada lagu dilay maydkiisina lagu daray xabaalaha xasuuqa ee goobta duleedka Hargeysa ee loo yaqaan "goobta dilka" ninkaas miskiinka ahaa oo aan waxba galabsanin", sidaasi waxaa ii sheegay wiil yar oo ku sugan magaalada hargeysa oo ka gaabsaday inuu magaciisa sheego run ahaantii ma soo koobi karo dhibaatadii ku dhacday shacabka somaliland cidhiidhigii iyo duligii ay isbadeen ee la kulmay, waxaa la soo gaadhay sannadahii 1988 kii waxaa ka bilaabmay magalooyinka Hargeysa, burco, berbera, halgan hubaysan oo lagu jihaadayey xoraynta gobolada somaliland waxaa ku daatay dhiig fara badan waxa ku naf waayey geesiyaal naftooda u huray xoraynta dhulkooga hooyo, nasiib wanaag waxaa sannadkii 1991 ciidamadii halyayayada ahaa ee xaqu dirirkii SNM (Somaliland National Movement) ay gacanta kaga dhigeen xukunki kacankii hanti wadaaga ee cunsiriga ahaa ee siyaad barre gacanta dhamaan gobolada iyo dhulka uu ka koobanyahay somaliland.

Akhristow waxba yaanan hadal kugu daaline waxaa la soo gaadhay 18 MAY 1991 waxaa beelaha wada dega lixda gobol ee somaliland wax garadkoogi cuqaashoodi iyo siyaasiyiintoodi isku urureen magaalada burco oo ay kaga hadleen aayaha iyo mustaqbalka somaliland waxaa aroornimadii 10 barqanimo 18 MAY 1991 madaxweynahii somaliland ee hore ahaan gudoomiyahii ururkii SNM uu ku dhawaaqay dib ula soo noqoshada xorriyadii luntay ee somaliland waxaa u bilaabmay shacabka somaliland oo ay u dhamaadeen tiif dhibaato hoog iyo balanbal.

FAALADII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

Top


Madaxweyne Riyaale Oo Dhanbaal Hambalyo Ah U Diray Madaxweynaha Djibouti.

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, munaasabadda xuska maalinta (27th June), oo ku beegan madax-bannaanida dalkaasi awgeed.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisa ku yidhi:

“Anigoo ku hadlaya magacayga, ka Dawladda Somaliland iyo kan shacbiga Somaliland waxaan adiga iyo shacbiga Jamhuuriyadda Djibouti idiinku hambalyaynayaa munaasabadda xuska 26aad ee kasoo wareegay maalintii xornimada dalkiina.

Madaxweynow waxaan kuu rajaynayaa cafimaad-qab iyo cimri-dheer, shacbiga aanu walaalaha nahay ee reer Djibouti waxaan Ilaahay uga baryayaa nabad waarta, horumar iyo barwaqo inaad ku gaadhaan xuskan xuskiisa.”

Top


Qadaafi Oo Hindise Ku Soo Jeediyay Dal Ay Ku Midoobaan Isra’il Iyo Falastiin (ISRADIIN).

Tripoli (W. Wararka) - Hoggaamiyaha Liibiya, Ma’amar Al-qadaafi ayaa soo jeediyay hindise ah in la mideeyo dawladaha Isra’il iyo Falastiin oo ay la baxaan magac keliya oo ah ISRAADIIN. Waxaanu sidaa ku sheegay Qadaafi isagoo la hadlayay koox baadhayaal ah oo ku sugan magaalada London, kuwaasoo uu kala hadlay qalabka warka laliya ee satellite-ka iyagoo ku sugan magaalada London, waxaanu intaa ku daray in xal-u-helista mushkiladda dabada dheeraatay ee u dhaxaysa Falastiiniyiinta iyo Yuhuuddu ay tahay in ay samaystaan dawlad mid ah maadaama dhulku uu aad u yar yahay oo aanu qaadayn laba dawladood oo kala madax-bannaan. Waxaanu intaa ku daray inuu arrintan u arko xalka keliya ee lagu soo af-jari kariyo mashaqada Bariga Dhexe, magaca Dawladdaa cusubna waxa uu u dooray magaca Israadiin.

Top


Wasiirkii Warfaafinta Ee Ciraaq Oo Markale Ku Soo Shaac-Baxay Saxaafadda Caalamka.

Baqdaad (W.Wararka) - Kadib markii muddo aan la arag ayay caalamka fejiciso ku noqotay markii wasiirkii Warfaafinta ee Ciraaq, Maxamed Siciid Al-saxaaf lagu arkay isagoo ka shaac-baxay qalabka warbaahinta, isagoo waraysiyo siiyay qaar ka mid ah warbaahinta Carabta, waxaanay dad badani isweydiinayeen sababta ay ciidamada Maraykanku xabsiga ugu taxaabi waayeen Saxaaf oo aad loogu xasuusto hadaladiisii uu ka jeedinayay warbaahinta markii uu socday dagaalkii xulafadu ku weerartay Ciraaq. Waxaanu sheegay mar uu ka hadlayay sababta aan isaga loo qaban inaanu isagu ka mid ahayn hoggaankii ka talinayay Ciraaq, balse uu ahaa uun Wasiirka Warfaafinta.

Ciidamada Maraykanka ayaa la sheegay inay muddo gaaban qabteen Saxaaf, balse markii dambe way iska sii daayeen iyadoo aanu ka mid ahayn liiska hoggaamiyeyaashii Ciraaq ee uu Maraykanku raadinayo oo gaadhaya dhawr iyo konton qof. Ilaa iyo hadda ma cadda waxa dhab ahaantii uu noqon doono aayaha Saxaaf, balse waxa loo arkaa mar haduu ka nabadgalay qabashada ciidamada Maraykanka inuu mustaqbalkiisu ka duwanaado kuwii hoggaamiyeyaashii hore ee Ciraaq oo badankoodu firxad ay ku jiraan iyadoo qaar badan oo kalena la qabtay.

Maxamed Al-Saxaaf waxa lagu xasuustaa hadaladii adkaa ee uu ka jeedin jiray warbaahinta caalamka, isagoo qaban jiray shirar jaraa’id oo isdaba-joog ah muddadii uu socday dagaalkii uu Maraykanka iyo Xulafadiisuba ay ku qaadeen Ciraaq.

Top