Yaa Ka Dambeeyay, Yaa-Se Fuliyay Duqayntii Dhinaca Cirka Ee
Lagu Burburiyay Hargeysa Iyo Burco 1988-Kii Magacyada Duuliyeyaashii
Diyaaradahaa Waday Iyo Cidii Qandaraaska Qaadatay.
Dadka Reer Gebilay Iyo Dareenada
Guddoomiyihii La Beddelay War-Bixin - Weriyaha Gebilay.
Dadka Reer Burco Waxay Xukuumadda Ka
Sugayaan Inay Wax Ka Qabato Sicir-Bararka Lacagaha Badan, War-Bixin ---
Axmed Aadan Yuusuf.
Ajandaha Kal-Fadhigi 21aad Ee Guurtida.
Jack Straw Oo Booqanaya Iran.
Liberia: Annan Oo Ku Baaqay Ciidamo
Shisheeye.
Condoleeza Rice Iyo Booqashadeeda
Bariga Dhexe.
Mudanayaasha Wakiilada Oo Gaashaanka
Ku Dhuftay Ansixinta Wasiiro La Horgeeyay.
ODHAAHDA AKHRISTAH: Waxaa Caado
Noqotay Shaqalaha Wakaalada Biyaha.
Waa Mahad Allee Madaxeen Bannaan.
Macal Cune Soo Bixi Doonee!
Hala Soo Celiyo Kalsoonida Ardayda
Camuud.
Fadeexadii Gegida Diyaaradaha ee
Hargeysa, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID
|
|
Yaa Ka Dambeeyay, Yaa-Se
Fuliyay Duqayntii Dhinaca Cirka Ee Lagu Burburiyay Hargeysa Iyo Burco
1988-Kii Magacyada Duuliyeyaashii Diyaaradahaa Waday Iyo Cidii
Qandaraaska Qaadatay |
Hargeysa (Haatuf): waxa beryahan soo baxayey
warar kaa hadlaya masuuliyiin lagu eedeeyey inay ka qayb ahaayeen
duqeyntii 1988-kii loo geystay dadka rayidka ahaa ee goboladii waqooyi ee
Soomaaliya (Somaliland) gaar ahaan dadkii ku dhaqnaa magaalooyinka
Hargeysa iyo Burco kuwaas oo loo adeegsaday iyadoo loo soo kireeyey
duuliyayaal calooshooda u shaqaytayaal reer Koonfur Afrika ah iyo
duuliyayaal u dhashay dalkii Soomaaliya.
Haddaba waxa jiray ilaa sanadadii u dambeeyey xogo kala duwan oo laga
bixinayey sidii ay arrintaasi ku timid, iyada oo ay wargeysada dalka
qaarkoodna wax ka qoreen, sidoo kalena lagu qoray qaar ka mid ah
warbaahinta caalamka, iyada oo la sheegay in qandaraasyo lagu bixiyey,
sidii loo soo kireyn lahaa calooshooda u shaqaystayaashaa, iyo waliba
dalal iyaguna ku caawiyey diyaaradihii Hawkerhunters-ka ahaa ee lagu
duqeynayey dadka rayidka ah.
Waxa kale oo jira rag iyaguna arrintaas qayb libaax ka qaatay sidii loo
hirgelin lahaa.
Wargeyska Maandeeq ayaa sanadkii 2000 wax ka qoray mawduuc arrintaas ku
saabsan, haddaba anaga oo xiganayna mawduucaas iyo xogo kale oo aanu ka
helnay meelo kala duwan, ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa xogo
arrintaas ku saabsan.
Waxa la sheegay in 1983-kii ay dawladda Imaaraadka Carabtu ugu deeqday
dalkii hore ee Soomaaliya 14 diyaaradood oo ah noocoodu kala ahaa 10 nooca
loo yaqaan Hawkerhunters, iyo 4 noocoodu yahay Islander.
Waxa ay taasi keentay baahi loo qabo in la helo rag aqoon dheer u leh
diyaaradahaas, kuwaas oo tababar siiya saraakiil soomaaliyeed, waxaana
qandaraas lagu siiyey nin ganacsade Soomaali ah oo magaciisa la yidhaahdo
Jaamac Buluug, isaga oo Koonfur Afrika iyo Zimbabwe ka soo kireeyey afar
duuliye iyo afar farsamo-yaqaan oo ku shaqeeya qaab calooshooda u
shaqaystayaalnimo ah, iyada oo heshiis dhexmaray taliyihii ciidanka cirka
Soomaaliyeed iyo gacanyarihii Jaamac Buluug oo la odhan jiray Idiris
Shidle loo xilsaaray hirgelinta arrintaas, isaga oo xafiis ka samaystay
saldhiga diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.
Dabadeed nimankii calooshooda u shaqaystayaasha ahaa waxay bilaabeen inay
tababaraan saraakiishii ugu horeysay, kuwaas oo kala ahaa G/Sare Duuliye
Cali Ibraahim Axmed, G/Sare Duuliye Maxamed Warsame Mooto, G/Sare Maxamuud
Mad Khaliif, G/Sare Duuliye Aweys Xuseen Cali.
Taliskii qaybta 26aad ee fadhigoodu ahaa goboladii waqooyi, waxa soo food
saaray marxalad adag, markii xoogaga SNM ay soo galeen goobihii ay ku
sugnaayeen xoogagii Siyaad Barre, ayna ku sigteen inay gebi ahaanba
burburaan, iyaga oo u babac dhigi kari waayey dagaalyahankii SNM, iyaga oo
taageero hiil iyo hooba ka helay bulshadii rayidka ahayd.
Si looga hortago xoogagii SNM waxa la qaaday duulaan cirka iyo dhulka ah,
kaas oo isla jaan-qaaday, bari ilaa Galbeedka iyada oo aan loo kala aabo
yeelayn goobaha rayidka iyo dagaalyahankii SNM, waxa sahan loo diray
diyaaraha nooca loo yaqaan CESNA oo ay wadeen duuliyayaasha kala ah Axmed
Maxamed Maxamuud, Suufi Jaylaani Maxamed, Faarax X. Salaad, Juseeb, iyo
Xasan Yare, inta badan ciidanka cirku wuxuu isticmaali jiray Mig 19, guud
ahaan hawlgalkii lagu fuliyey gobolada waqooyi, waxa ka qayb qaatay ragga
kala ahaa G/Sare Khaliif Ciise Yuusuf, taliyihii ciidanka cirka Bali-Doogle,
Faarax Siciid taliyihii ciidanka cirka Hargeysa, Maxamed Aadan Dirir
ciidanka cirka ee Berbera, Yuusuf Maxamuud Maxamed Duuliye Mig 17, Mursal
Muufo Duuliye Mig 19, Maxamed Xasan Raage Duuliye Mig 19, Xuseen Xasan
Duuliye Mig 19, Axmed Gurxan Hoori, Duuliye Mig 19, Maxamed Axmed Xaayaw
duuliye Mig 19, Xirsi Maxamed Faarax Duuliye Mig 19, sidoo kale kooxdii
diyaaradaha Hawkhunters-ku waxay kala ahaayeen G/Dhexe C/laahi Xaaji
taliye xigeenkii Baydhabo, G/Dhexe Maxamuud X. Warsame Duuliye
Hawkerhunters, G/Dhexe Maxamed Khaliif Isaaq Duuliye Hawkerhunter.
Waxa kale oo jirtay diyaarad ay soo rideen xoogagii SNM, saraakiisha ku
dhimatayna waxa ka mid ahaa Maxamed Xasan Raage Duuliye Duuliye Mig 19,
Xuseen Xasan Duuliye Mig 19, Axmed Gurxan Hoori Duuliye Mig 19, Axmed
Maxamed Xaayaw Duuliye Mig 19, Maxamed Khaliif Isaaq Duuliye Hawker
Hunter, sidoo kale raggii calooshooda u shaqaystayaasha ahaa ee bamka
sidii naxariis darrada ahayd ula dhacay dadka rayidka ah ee waxba galabsan,
J.R. Blythe (Pilot) Duuliye, M. Shegnuller Duuliye, D.R. Jackson
(Engineer,) K. Jonnes (Engineer), C.D Boll (Arrmament,) J.D. Hurrell (Airfr).
Dagaalada oo ka socday magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, iyada oo dadka
rayidka ahina ka qaxeen goobihii dagaaladu ka socdeen, iyaga oo degay
meelo aan ka fogayn labada magaalo, balse dagaalku sii cuslaaday waxay
ciidamada Siyaad Barre kaga daba tageen meelihii ay u bara-kaceen, iyaga
oo isticmaalaya diyaarado iyo culculus iyo qoryaha arltelariga ah, isla
markaana waxa halkaa ku naf waayey kumanyaal qof oo aan waxba galabsan.
G/Sare Duuliye Faarax Siciid taliyihii ciidanka cirka Hargeysa oo isagu
hagayey hawlgeinta diyaaradaha oo hawshii ku balaadhatay ayaa qaylo dhaan
u dirtay taliyayaashii ciidanka cirka ee xeryihii ugu waaweynaa ee dalka
wakhtigaas, kuwaas oo ku kala yiil Bali-Doogle iyo Baydhabo, waxaana
qaylo-dhaantaa ugu yimid G/Sare Khaliif Ciise Yuusuf taliyihii ciidanka
cirka Bali-Doogle, oo horkacaya kolonyo diyaarado ah oo noocoodu yahay (Mig
17 iyo Mig 19) iyo G/Sare Duuliye Cali Ibrahim Axmed (Cali Doob) taliyihii
ciidanka cirka Baydhaba oo isna jiidaya raxan diyaaradda oo ah nooca Hawk
Hunter-ka kuwaas oo si deg deg ah uga degay garoonka diyaaradaha Hargeysa,
kuna biiray hawlgalkii ay ciidanka dawladdu ku ugaadhsanayeen dadka
rayidka ah, taas oo sababtay in dadka intii hadhay ee aan ku jirin
dagaalku u qaxaan dhinaca Itoobiya.
Balse waxa xusid mudan G/Sare Duuliye Axmed Maxamed Maxamuud (A/Dheere)
ayaa isaga damiirkiisu siin waayey inuu xasuuqo dad maato ah oo qaxaya,
wuxuuna go’aansaday inuu la fakado Mig 17, wuxuuna si geesinimo leh u
dejiyey xeebta Djibouti.
Iyada oo go’aankaa Axmed Dheere hoosta ka xariiqay xasuuqii dadka lagu
hayey.
G/Sare Duuliye Yuusuf Maxamed Maxamuud (Y/sare) oo isna waday diyaarad Mig
17 ah, ayaa isagu duqeynayey goob kasta oo uu bidhaan dad ka arko, isaga
oo aan xataa masaajiida dhaafayn.
Yuusuf Yare waxa lagu tilmaamaa sarkaalkii kaalinta 1aad ka galay
hawlgalkii xasuuqa iyo burburinta ahaa ee goboladii Waqooyi, iyada oo uu
Jeneral Moorgan abaal marin u siiyey lacag badan iyo baabuur Landcruieser,
kaalinta labaad waxa galay xasuuqaa dadka reer Somaliland lagu xasuuqay G/Sare
Duuliye Maxamuud Xaaji Warsame (Moojo).
Raga ku dalacay xasuuqa dadka loo geystay waxa ka mid ahaa Khaliif Ciise
Yuusuf iyo Jeneral Nuur Dhuudhi, iyada oo Jeneral Dhuudhi u xuubsiibtay
inuu noqdo taliyaha ciidanka cirka Soomaaliyeed. Top
Dadka Reer
Gebilay Iyo Dareenada Guddoomiyihii La Beddelay War-Bixin - Weriyaha
Gebilay. |
Dadka Reer Gebilay Iyo Dareenada
Guddoomiyihii La Beddelay War-Bixin - Weriyaha Gebilay
Gabiley (Haatuf): Dadka reer Gabiley ayaa dareemo kala duwan ka bixiyey
bedelka maayarkii hore ee degmadaasi Muxumed Geelle Seed.
Weriyaha Haatuf ee Degmada Gabiley Maxamed Xasan ayaa warbixin uu nooga
diyaariyey waana tan warbixintii.
“Dadku idiinkama fadhiyaan shan sano oo ayaa mindida daabkeeda la ii soo
doortay, ee waxay idiinka fadhiyaan waxqabad iyo horumar la taaban karo”.
Sidaa waxa yidhi qaar ka mid ah haweenka degmada Gabiley.
Dadka degmada ayaa qaarkood ku macneeyey bedelka maayarkii hore inay ka
dambaysay ka dib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay maamulka xisbiga
UDUB iyo maayarkii hore, taas oo sababtay in la bedel maayarka.
Taas oo ka dambaysay ayey sheegeen inaanu maayarkii hore u jajabnayn
arrimaha xisbigaasi, isla markaana ay kala fogyihiin mudanayaasha
xisbigaas kaga jira golaha deegaanka ee degmadaasi.
Si kastaba ha ahaatee dadka degmada Gabiley ayaa qaarkood sheegay in
maayarkaasi markii uu maayarka ka ahaa degmada sanadkii 1997-kii ilaa
1998-kii uu qabtay waxyaabo badan, iyo mashaariic badan oo horumarineed,
inkasta oo hore xiligaa lagu eedeey lunsi hanti qaran, iyo musuqmaasuq uu
ka galay degmadaasi.
Balse xiligan ayay dadka badankoodu aaminsanyihiin inaanu muddo badan oo
lagu eegi karo hayn xilka maayarnimada degmadaasi, oo uu hayey in ka yar
120 maalmood oo kaliya, isla markaasina aanay ahayn wakhti ku filan oo uu
wax ku qaban karo.
Sidoo kale dadka degmada Gabiley qaar ka mid ah ayaa golaha deegaanka ee
degmadaasi ku eedeeyey inay caqabad ku yihiin horumarka degmadaasi.
“Inta ay maalinba nin lugta jiidayaan, loogama fadhiyo waxqabad, 20-ka aan
arkay ninkay ka dambeeyaan tamarin maayo” sidaa waxa yidhi Daahir Obsiiye
oo ka mid ah dadka degmada Gabiley.
Waxa kale oo ay dadka degmadu sheegeen inaanay wax ka soconayn degmada
inta ay wax sidan yihiin ee reerku geediga ku jiro ee maalinba nin loogu
guurayo. Isla markaana aanay taasi waxba soo kordhinayn.
“Waxaan ka baqayaa in sida geediga loogu jiro gabalku dhaco”. Sidaa waxa
yidhi mid ka mid ah macalimiinta dugsiyada Degmada. Dhinaca kale duqa
cusub ee degmada loo doortay ayey dadku ku macneeyeen inuu isbedel ku
keeni karo xidhiidhka degmada iyo xukuumadda dhexe, maadaama ay ayey
yidhaahdeen in uu ka soo jeedo Arabsiyo oo si weyn looga taageero xisbiga
UDUB, ee hadda talada dalka haya. Top
Dadka Reer
Burco Waxay Xukuumadda Ka Sugayaan Inay Wax Ka Qabato Sicir-Bararka
Lacagaha Badan, War-Bixin --- Axmed Aadan Yuusuf. |
Burco (Haatuf): Magaalada Burco ee Xarunta
gobolka Togdheer waxa uu dhaqaalaheedu ku xidhnaa xoolaha nool, laakiin
tan ay dawladda Sucuudigu joojisay dhamaan xoolihii uga iman jiray
afrikada Bari, taasina waxay sababtay inay arrintaasi saameyn weyn oo
dhaqaale ku yeelato gobolka Togdheer, haddaba saamaynta ay arrintaasi ku
yeelatay iyo duruufaha dhaqaale ee ka dhashay lacagaha kala duwan ee laga
isticmaalo magaalada Burco waxa warbixin nooga soo diray Axmed Aadan
Yuusuf oo ka tirsan hawlwadeenada Haatuf ee Burco, wuxuuna ku bilaabay
sidan:
“Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxa jira duruufo isa soo
tarayey oo dhinaca dhaqaalaha ah, kuwaas oo ka dhashay joojinta xoolaha ee
Sucuudiga, oo ay magaalada u ahayd saylada ugu weyn ee ganacsiga xoolaha
dhulka Soomaalida. Waxayna arrintani keentay sixir barar ka dhashay lacago
kala duwan oo lagu bedesho lacagta dollar, lacagahaas oo magaalada Burco
ka soo gala xuduudaha ganacsi ee ay la wadaagto gobolada Puntland,
koonfurta Soomaaliya iyo Itoobiya, wakhtigan magaalada Burco waxa ka
shaqeeya lacagta Soomaaliyadii hore, isla markaana lacagtaas oo noocyo
badan waxa ka mid ah lacagta Soomaaliyadii hore noodhadhka 50-ka 100-ka
shilin kuwaas oo ku goodoomay magaalada Burco gudaheeda oo kaliya, isla
markaana aan laga qaadan gobolada kale oo Soomaaliya ee lacagtan
isticmaala, tusaale xataa degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada Burco,
lagama qaato waxayna, waxayna ku dhex wareegtaa magaalada Burco oo kaliya.
Arrintani waxay dhalisay inuu sixirka maceeshadu fadhiisan waayo, waxayna
magaalada Burco sixir bararka waxay la wadaagtaa magaalooyinka kale ee
Somaliland, laakiin waxa u dheer iyada jahawareerka ay ku rideen lacagaha
kala duwan ee kaga soo fatahaya dhinaca Soomaaliya iyo Puntland kuwaas oo
aafeeyey suuqyada ganacsiga magaalada Burco, isla markaana samada ku
shareeray sixirka maceeshada.
Mararka qaar waxa dhacda sixirka oo aan fadhiyin awgeed, la sirifi waayo
lacagta dollar-ka , taas oo keenta in qofka kuuliga ah yoomkiisa lagu
xidho dollarka oo lala sugo inta uu fadhiisanyo.
Dadka reer Burco iyo gobolada bariga Somaliland-ba sanadihii u dambeeyey
waxay naawilayeen inay xukuumadda Somaliland wax ka qabato dhibaatada
dhaqaale ee ay dhaxalsiiyeen lacagaha kala duwan ee ay isticmaalaan,
waxayna ugu yaraan rajaynayeen in laga bedelo lacagta giimbaarta ah ee ay
qaataan, si ay ugu koobnaadaan oo kaliya lacagta Somaliland, laakiin
todobaadyadii ina dhaafay gudoomiyaha baanka Somaliland ayaa ogeysiiyey
xawaaladaha dalka ka hawlgala inay u isticmaalaan sida baanan oo kale
xawaaladahooda, waxayna arrintaasi keentay inay dadka reer Burco
isweydiiyaan sababta ay xukuumaddu wax uga qaban weyday sixirka iyo
mushkiladaha dhaqaale ee haysta gobolada bari ee ay ugu hanjabayso
xawaaladaha madaxa banaan oo door weyn ka ciyaara adeega iyo isu socodka
dhaqaalaha dalka”.
Top
Ajandaha
Kal-Fadhigi 21aad Ee Guurtida. |
Ajandaha Kal-Fadhiga 21aad Ee Guurtida.
Hargeysa (Haatuf) Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa shalay loo
qaybiyey ajandaha kalfadhiga 21aad ee golaha, kaas oo lagaga doodayo
arrimo badan oo ay ka mid yihiin siyaasadda dalka gudo iyo dibadba.
Waxa kale oo ajandaha kalfadhigan lagu soo qaadi doono ka mid ah
nabadgelyada iyo xoojinteeda, mushkiladaha dhulka, dhaqaalaha dalka,
asbaabaha dhaqaale xumada keenaysa iyo sida lagu xoojin karo.
Waxa iyana ajandaha 21aad ee golaha guurtida ku jirta xogwaraysiyo ay la
yeelanayaan masuuliyiinta qaranka qaarkood, sida taliyaha ciidanka qaranka,
taliyaha ciidanka booliska iyo duqa caasimada.
Sidoo kale waxa lagu soo qaadayaa xaaladda gobolada bari (Sool iyo Sanaag)
iyo waxyaabo kale oo la xidhiidha arrimaha dhaqaalaha, nabadgelyo ee dalka. Top
Jack Straw Oo
Booqanaya Iran. |
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Britain,
Jack Straw ayaa shalay booqasho ku tagay dalka Iran si uu iskugu dayo in
uu ka dhaadhiciyo dawladda Iraan in ay u furto xarumaheeda Nulkiyeerka
kormeerayaasha caalamiga ah.
Saraakiisha Ingiriisku waxay sheegayaan in ayna wadahadaladaasi ka fileyn
in wax sidaasi ahi ay ka soo baxaan, hase yeeshee Mr. Straw ayaa ku rajo
weyn in wadahadaladu ay gacan ka geysan karaan in lagu qaboojiyo xiisada
hadda ka taagan arrinta Nukliyeerka, marka la barbaridho mowqifka
Mareykanka uu ku diidan yahay in la-laba xaajoodo dawladda Iraan.
Booqashadani ayaa waxay ka dambeysaa xili ay xiisadi ka jirto dalka Iraan,
iyadoo afar xubnood oo baarlmaanka ku jira ay iyana taageerayaan
mudaaharaadyada ardayda ku baaqaya in dalka laga sameeyo isbedelo
dimuqraadiyadeed.
Dawladda Iraan ayaa waxaa aad uga cadhaysiiyey taageerada xagga afka ah oo
ay dawladaha Britain iyo Maraykanku u fidiyeen ardayda mudaharaadeysa. Top
Liberia: Annan
Oo Ku Baaqay Ciidamo Shisheeye. |
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midowbay, Kofi
Annan, ayaa ku baaqay in ciidamo nabad ilaalin ah oo caalami ah si dhaqso
ah loogu diro dalka Laberia si ay uga hortagaan, waa sida uu hadalka u
dhigay’e, masiibo weyn ee bani'aadaminimo oo xun.
Annan waxa uu intaa ku daray inuu aad uga werwersan yahay in dhowr boqol
oo qof oo rayid ah lagu dilay dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay
caasimada Monrovia.
Mr. Anaan waxa kale oo uu sheegay in haddii arrinta socota la ogolaado in
ay keeni karto cawaaqib xun oo aan caloosha la siin karin, taas oo aan ku
koobnaan doonin dalka Liberia oo kaliya, hase yeeshee saameyn doonta
dalalka kale ee gobolka, gaar ahaan dalalka dariska ah ee Sierrra Leone
iyo Ivory Coast.
Dawladda Liberia iyo kooxda mucaaradka ugu weyn ee LURD ayaa ku dhawaaqay
xabad joojin maalintii jimcahii ka dib markii uu ka dhacay dagaal kulul oo
socoday laba maalmood magaalada Monrovia. Top
Condoleeza Rice
Iyo Booqashadeeda Bariga Dhexe. |
Haweenayda La taliyaha xagga Amaanka ee
dawladda Mareykanka, Condoleeza Rice ayaa la filayaa in ay kulan la
yeelato Ra'iisal Wasaaraha Israel Ariel Sharon si ay u horumariso qorshaha
Nabadda ee loo yaqaano Wadada Khariiradda (Road Map).
Haweyneydaasi waxay mar hore kulan la soo yeelatay Ra'iisal Wasaaraha
Falastiiniyiinta, Maxamuud Cabbaas. Kulankaasna waxay saraakiisha
Falastiiniyiintu ku tilmaameen in uu ahaa mid si wanaagsan u dhacay.
Saraakiishu waxay sheegeen in Ms Rice ay mar sii horeysayba ogolaatay in
ay Israel tahay in sida ugu dhakhsaha badan oo suurogal ay uga baxdo
dhamaan dhulka Falastiiniyiinta ay ka heysato.
Inta badan kooxaha Falastiiniyiinta ee xag jirka ah waxay sheegayaan in ay
diyaar u yihiin in ay hakiyaan weerarada lagu qaado Israel sida ku xusan
qorshaha nabadda, hase ahaatee, waxaa jira in hogaamiyeyaasha kooxda
shahiidiinta Al Aqsa ay ku cabanayaan in aan arimahan lagala tashan. Top
Mudanayaasha
Wakiilada Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Ansixinta Wasiiro La Horgeeyay. |
Hargeysa(Haatuf): Mudanayaasha golaha
wakiilada ayaa shalay gaashaanka ku dhiftay ansixinta xubno ka mida golaha
wasiirada ee uu madaxweyne Rayaale magcaabay horaantii bishan. Xubnaha
wasiirada ah ee golaha la horkeenay oo kala ahaa wasiirada, arrimaha
gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan, Kaluumaysiga, Maxamed Siciid Gees,
Gaashaandhiga Imaaciil Cumar Aadan (Boos),Qorshaynta Axmed X Daahir.
Mudanayaasha golaha wakiilada waxay arrintani ka dhex abuurtay sawaxan iyo
buuq , ka dib markii ay mudanayaasha madasha fadhiyay ku war heleen afar
ka mida todobadii wasiir ee uu dhowaan magcaabay madaxweyne Rayaale oo la
doonayo in lagu ansixiyo fadhigaa, laakiin waxay mudanayaasha qaarkood soo
jeediyeen inuu madaxweynuhu isa soo raaciyo xukuumadiisa oo dhamaystiran
iyo barnamijka xukuumada, halka qaar kalena ay soo jeediyeen in la
ansixiyo maadaama dastuurku sheegayo in mudo bil gudeheed ah lagu hor
keeno golaha wakiilada si loo ansixiyo.
Haseyeeshee waxay mudanayaashu cod aqlabiyad ah ku diideen ansixinta
xubnahaa wasiirada . ka dib markii 23 mudane diideen in la ansixiyo ilaa
uu madaxweyne rayaale soo dhamays tiro golihiisa xukuumada, islamarkaana
soo raaciyo barnaamijkiisa siyaasadeed, halka ay 20 mudane ku ogolaadeen
in la ansixiyo, waxaana ka aamusay 3 mudane.iyadoo ay madasha fadhiyeen
47mudane.
Fadhigaa shalay waxa gudoominayay gudoomiyaha golaha Axmed Aadan Qaybe.
Madaxweyne rayaale waxa uu magcaabay horaantii bishan todoba xubnood oo
hor dhac u ah golihiisa xukuumada, waxaana la filayay inuu dhamaystiro
maalmo ka dib, laakiin waxa weli qabyo ku ah madaxweynaha dhamaystirka
golihiisa xukuumada.
Top
ODHAAHDA
AKHRISTAH: Waxaa Caado Noqotay Shaqalaha Wakaalada Biyaha. |
Waxaa caado noqotay shaqalaha Wakaalada
biyaha iyo Wakaalada Laydhku inay iska gooyaan lightka iyo biyaha ugu jira
dadwaynaha , iyagoo ku marmarsoonaya waxad bixin wayday biilkii. A) Iyadoo
laga yaabo inaanu qofkaas biyaha/Lightka laga jaray aan loo keenin haba
yaraatee biilkii biyaha/laydhka uu soo bixin lahaa, b) iyadoo laga yaabo
in aan wax biil ah lagu lahayn,.Taasi waxay sababtay falkii foosha xumaa
ee dhowaan ka dhacay Hargeysa ee dilka iyo dhaawacaba lahaa. Jariimada
intaas leeg oo qaladkeeda uu lahaa maamulka wakaalada biyahu waayo wax
jirta in macmiisha marka hore si fiican loo qanciyo oo digniin la siiyo oo
waliba lagu hubsado inuu helay biilkii iyo inkale iyadoo aanay intaasiba
jirin marka layska goosto waxaa ka iman kara fal kaas la mida ama ka fool
xun.
Taariikhdu markay ahayd 25/06/2003 ay niman iska so goosteen lightkii igu
jiray gurigayga oo xadhigii igu xidhnaana ay iska soo duubteen, iyadoo aan
BIIL LAY KEENIN, IYADOO AAN WARQAD XASUUSIN AH AMA DIGNIIN AH LAY KEENIN.
Runtii nimankaas waxay I dab tireen habeenimadii 25 sidoo kale 26 june oo
waa holiday weye, 27 june Jimce weye. Anigoo 3 daas cisho dab la ayaan
tagay wakaaladii Sabtidii 28/06 ayaan tagay biilkii ay shegayeena bixiyay.
Waxaan u shegay inaan lay keenin wax biil ah iyo wax xasuusin midna,
waxaan ka codsaday in intaaso dhan aan dab la sidaas awgeed lay xidho,
Waxay igula hadleen af aan iska garanayo oo ah ama maas nagu qabo, waxana
ka mid ahaa Galabta wakaalada kalay aad guriga na tusdide, adiga kaliga
gadhiga laguu kaxayn mayo iyo afaf kale , waxaan ku idhi “ waar guriga
Nubarkiisi waa kaas halku ku yalana waad taqaanin oo waydinkii lightka ka
soo goyay ee ii soo xidha.
Markaan arkay inaanay hadaladaydaasi iyo cabashdaydaasi ay ku dhacayaan
Deaf ears ayaan xafiis an u malaynayo maamulka galay isna wuu I soo raacay
oo qoladii qaabilsnaa wuu u shegay se waxaasi waxba kamay qaban oo
caawadan oo ah habeenimadii ay axadu soo galaysay wali waan dab la’a.
Taasi waxay kugu kalifaysa inaad sharciga jabiso oo aad adigu iskaa u
xidhato.
Dhulka Dibadaha oo aan ku noolan jiray waxaa jirtay in intaas oo jeer
marka la soo digo aakhirtaanka la jaro adigoo aan cid kale eersanyn ama
arakayn in lagugu tacadiyay.
Hadaba maareeyayaal idinkoo Macmiisha tix galinaya, Waayo waa ta la yidhi
“Customer is always right) idinkoo ka talinaya safetiga shaqaalaha
masaakinta ah ee idin shaqaynaya, idinkoo tix galinaya nabadgelyada dalka
waxaan soo jeedin laha QODOBADAN:
Intaan la jarin lightlka/biyaha waa in uu haystaa macmiilku biilkii ugu
horayn.
Intaan la jarin waa inuu jiraa qof soo hubiya in macmiilku helay biilkii
iyo inkale.
Waa in 2 iyo 3 jeer oo Reminder ah loo diraa macmiilka .
Waa in ugu dabyn Digniin la siya in la jarayo hadanu bixin.
Waa in markaas la soo goyaa lightkii/biyahii intaas laga horaysiiyay
In Hadii qofka laga jaro lightka/biyaha oo uu bixiyo qaantii loo
sheganayay sida ugu dhaqsaha badan loogu xidho iyadoo aan la meermeerin.
Markaas Ayuu istaahala jaridu. Macmiilkuna happy ku noqonayaa in laga jaro,
waxaan rajaynayaa inaad maareeyayaal Qodobadaas tix galin siin doontaan
Fu’ad Yusuf dheere ( Qazaali), Hargeysa Top
Waa Mahad Allee
Madaxeen Bannaan. |
"Waa mahad Alle maantaba dunida ka midbaynu
ne madaxeena iyo minjaheen baan Waa mahad Alle mugdii ilays lagu meeriyoo
maantaba illayn waynu muuqanaa.”
Waxaa meelo badan oo dunida ka tirsan iyo dalka gudhiisaba looga
dabaaldagayaa 26kii Juun oo nin isyeelyeela iyo mid dafirsan mooye aynaan
isu sheegayn qiimaha iyo qaayaha ay leedahay. Bal in Illaahay (swt)
kashifaayo xumaanta iyo xiqdiga qalbigiisa ka buuxa wuxuu qadaray inuu
isku hagaajiyo qoraalkii nafti hafarka ahaa ee ninkaasi soo qoray iyo
maalintii gobonimadda Somaliland ee abwaanadu ku madiixeen " waa mahad
Alle madaxeen banaan".
Inkasta oo aragtidii hore iyo afkaartii caalamku ka qabay Somaliland wax
badani iska bedelay iyo inkasta oo ay isa soo tarayaan dhawaaqyada caqli
galka ah ee ka soo yeedhaya siyaasiyinta iyo dad badan oo reer Somaliya
ah, waxa weli jira dad ku nool riyadii iyo dhalanteedkii midnimo ee lawada
ogyahay cidii iska lahayd in aanay hirgelin,taasoo markii ay meel
gaadhsiinwayday eraygii ahaa midnimada Somaliya waa muqadas,ayey cumarkaas
arargtidiisa gaabani tustay inuu taariikhda ka been sheego oo yidha wax la
isla sixeexday "Act of union".
Waxa kale oo ninkaa naftiisa u bugay ee isla jooga heer uu kelidii wax ka
ogyahay taariikhdii dhawayd ee aftidii loo qaaday distoorkii 1961,waxaynu
wada ognahay in dadka reer somaliland gebi ahaanba maya yidhaahdeen
xashiishka subaalada taariikhda gashay, koonfurna waynu wada ognahay
kushubashadii aftidaa ee ku caan baxady Wanlaweyn iyo Adan yabaal.
Arinku maaha sida aad doonayso adigu ama aad u muujinayso inay
qalafsantahay ee waxa ku huran wixii dani ku yeelsiiso.
Way jirtay beri ay Somaliland dib u xasuusin jirtay caalamka in ay dal
jira tahay,laakin waa Eebe mahadi, waxaan marayna heer caalmku nagu
taageero af iyo adinba, naguna hambalyeeyo gooni isu taagaagayga iyo
kobcinta dimuqraadiyada ku dayashada leh, waxayna nagula taliyaan in aanan
ku siiban mashaakilka badan ee Somaaliya.
Waan fahmi karaya sida ay kuugu adagtahay inaad liqdo hadaladii dhayda ka
cadaa ee wasiirka arimaha debeda ee Somaliland, kol hadii aad dafirtay
asal ahaanba jiritaanka maalinta 26ka Juun, hadaladaas oo aad marna ku
sheegtay "complete trash" marna "half truth', Ilahow haa iyo maya meel
hanagaga wada yeedhsiin. Waraysigaa ay wasiirku siisay IRIN waxay ka
turjumaysa sida ay dadweynha rer Somaliand u arkaan qadiyada Somalida
waanay ku taageersanyihin wasiirka sida quruxda badan ee ay hadalka u
dhigtay.
Waxaad wax ka soo dhex saartay waraysigaa askartii shisheeye ee Somaliya
la keenay, kaas oo marwalba ahaa sida ay doonayaan qaar dano gaar ah ka
watay, waana ta maanta la keenaayo ciidamo looma ooyaan ah, ee hadaad aad
kari karto ka jooji.
"Diraac iyo dirir hooray kala wacan adoo doog arkaayana lama dago abaar",
"Nin tiisiiba daayacay ka kale ee dugsanaaya ani igala doqonsan."
Maxamad Axmad. Top
Macal Cune Soo
Bixi Doonee! |
Ma aha wax fudud in nin madax ah oo ama
muwaadin ah amaba beni-aadam ah lagu sheego inuu galay dambi ama dhagar
aanu samayn. Isla markaana saxaafada lagu faafiyo hebel wuxuu galay dembi,
iyada oo aanay wax daliil ah u haynin, iyadaa sharciga hortiisa, ka masuul
ah.
Haddaba, waxaa dhawaan soo baxday qiso la yaab leh oo ku saabsan war uu
wargeyska Jamhuuriya sheegay inuu ka soo xigtay wargeys ka soo baxa
magaalada Paris, caasimada dalka Faransiiska oo lagu magacaabo LE FIGAARO.
Jamhuuriya warkaas uu qoray wuxuu ku sheegay in gudoomiyaha wakiilada
Somaliland Mudane Axmed Maxamed Qaybe uu1986-kii ahaa wasiirka arrimaha
dibadda ee Soomaaliya, wakhtigaana uu la galay dawladdii midab takoorka
ahayd ee Koonfur Afrika, heshiis lagu soo kireeyey duuliyayaasha
calooshooda u shaqaystayaasha ahaa ee waday dayuuradihii 1988-kii lagu
duqeeyey magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda. Waxaa tusaale mudan in aanay
ahayn wax dawlado heshiis ku wada galaan arrintan oo kale.
Jamhuuriya waxa kaloo uu sheegay dawladda Koonfur Afrika inay dhawaan u
diiday mudane Axmed Maxamed Aadan fiise uu dalkeeda ku galo, asaga oo ka
mid ahaa wefti Somaliland ka socda oo lagu martiqaaday inuu ka qayb galo
shir caalami ah oo dalkaas lagu qabanayey bishii May, 2003.
Wargeyska Jamhuuriya ma soo sawarin maqaalka jariidada LE FIGAARO ee uu
sheegay inuu warkaas ka soo xigtay. Marka waxa isweydiintu tahay
arrimahaas ma jiraan oo ma yihiin run, mise waa dhako kale. Xaqiiqadu waxa
weeye in warkaas runta ka fogyahay, iyo gef dhagaraysan oo loola
badheedhay gudoomiyaha. Inay sidaas tahayna waxa cadaynaya Mudane Qaybe ma
ahayn wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya 1986-kii, jagadaana waxaa
loo magacaabay 1990-kii, xilligaa oo Mudane Maxamed Xawaadle Madar
ra’iisal wasaare ahaa, mida kale, ma jiro fiise uu gudoomiyuhu ka dalbaday
dawladda koonfur Afrika, taana waxa cadaysay wasaarada arrimaha dibadda ee
Somaliland, oo markii warkaasi Jamhuuriya ku soo baxay sheegtay in aanu
jirin wax fiise ah oo ay gudoomiyaha u dalbatay oo loo diiday, iyo wefdi
uu raaci lahaa toonna. Markaa, haddii la doonayo in bulshada Somaliland la
marin habaabiyo oo gudoomiyaha colaad loo abuuro waa meesheeda. Waxaase
yaab leh Wargeyska Jamhuuriya ee dalka iyo dibaddaba looga han weynyahay
inuu faafiyo been rakhiis ah oo sal iyo raad toonna lahayn.
Arrinta la marmarinayo gudoomiye Axmed Maxamed Aadan Qaybe waxa hore wax
uga qoray somaali badan, waxaana buug arrintaas wax lagaga qoray faafiyey
Wargeyska Maandeeq cadadkiisii 517 ee 11-kii November 2000.
Wargeysku cadadkiisaas wuxuu ku qoray wixii dhacay xiligii Soomaaliya,
waxaana maqaalkaas uu wargeyska Maandeeq ku sheegay in arrinta ku saabsan
soo kireynta calooshooda u shaqaystayaasha laga soo kireeyey dalkii la
odhan jiray Rhodesia, haatana lagu magacaabo Zibabwe, ay dawladdii Siyaad
Barre u xilsaartay nin lagu magacaabo Jaamac Buluug iyo taliyaha ciidanka
cirka ee Soomaaliya, Maxamed Nuur Dhuudhi. Waxa kale oo Wargeyska ku
sawiran warqad uu qoray taliyaha ciidanka cirku, taas oo uu dawladda ka
dalbayo in lix boqol oo kun oo doolar, oo ahayd mushaharkii calooshooda u
shaqaystayaashaas loogu shubo banki ku yaala dalka Ingiriiska. Haddaba,
haddii ay jirto lug uu ku lahaa arrintaas Mudane Qaybe may qarsoonteen oo
way soo shaac bixi lahayd, waxaana la heli lahaa documentiyo muujinaya.
Gudoomiyaha golaha wakiiladda waxba laguma yeeli karo been abuur aanu u
aanoobin, mana qarsoona in waxani yihiin dabino ay maleegeen rag aanay
dadku ogeyn wajigoodii runta ahaa ee shalay, iyo dembiyaddii ay ka galeen
shacbiga Somaliland cahdigii keligii taliyihii Siyaad Barre.
Raggaas waxa ka mid ah saraakiishii wakhtigaas gadhwadeenada u ahaa
calooshooda u shaqaystayaashaas oo maanta qaarkood socdaal xog raadis ah
ku joogaan Hargeysa, laguna tuhmayo inay gacan ku leeyihiin dhagarta
gudoomiyaha loo maleegay.
Si kastaba ha ahaatee, Macal Cune soo Bixi Doonee, Wargeyska
Jamhuuriyaanay u taalaa been abuurka uu faafiyey inuu u magac bixiyo.
Axmed Faarax Maxamed, Hargeysa Top
Hala Soo
Celiyo Kalsoonida Ardayda Camuud. |
Anigoo ka mid ah ardayda danaysa magaca
Jaamacadda Cammuud ee Boorama, waxaan aan jecelahay inayna marnaba dhaawac
soo gaadhin kalsoonida ardayda iyo magaca Jaamacaddu ku leedahay caalamka.
Waxan ka xumahay dhawaanta hadaladii ay isweydaarsadeen Maamulka
Jaamacaddu oo aan filayo inay sabab u ahayd caddaalad darro ka dhalatay
habkii loo maamulay ardaydii ka qalin jabisay dhawaanta. Ballanku wuxuu
ahaa in saddexda qof ama arday ee ugu horreysa imtixaanaadka natiijadooda
ay shaqaale u noqon doonaan Jaamacadda,waxase nasiibdarro ah in saddexdii
qof ee ugu horreeyey oo kala ahaa Ifraax Galbeedi, Ridwaan Maxamad Cismaan,
iyo Cabdi xakiim Axmed Faarax aan lagu salayn axdigii Jaamacaddu u yaallay
iyadoo loo adeegsaday dhabbo aan habboonayn,isla markaana Cabdixakiim
Axmed Faarax oo helay derejada A,lagu beddelo Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
oo helay derejada B. Haddaba waxan isweydiinaynaa dhaawaca tallaabadaasi u
geysatay jaamacaddu intuu leegyahay,iyadoo weliba dadkaasi sida aan
wanaagsanayn loo maamulay ay yihiin ama u dhasheen deegaanka Boorama
iyadoo Jaamacadda ay dhigtaan arday u kala dhalatay gobollada
Sooomaaliland oo dhan.
Waxan jeclahay in si loo waajaho xaqiiqda khaladkaa la saxo,isla markaana
lasoo celiyo magacii iyo kalsoonidii Jaamacaddu ku lahayd caalamka. Waxana
arrintaa u xilsaaran guudiyada kala duwan ee jaamaddu ku leedahay dalka
debeddiisa iyo gudihiisaba haddii kale waxay noqon doonta tii Jaamacaddii
Soomaaliya ee Lafooleee laga isticmaalayey hadalada ay ka mid yihiin''Waan
helaye sarkaalbaa inankiisii i dhaafiyey.''
Qore: Cabdiwahaab sh.Cabdiraxmaan
Boorama, Gobolka Awdal. Top
Fadeexadii
Gegida Diyaaradaha ee Hargeysa, Xoghayaha Guud ee Xisbiga. |
Ku: Mudane Daahir Riyaale Kahin, M/Weynaha
S/Land, Hargeysa.
Ku: Labada Shirgudoon ee Golayaasha Somaliland, Hargeysa.
Ku: Mudane Faysal C.Waraabe, Gudoomiya Xisbiga, UCID. Hargeysa
Ku: Mudane Axmed M. Maxamuud (siilaanyo) Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.
Ka: Mudane Axmed Muse Geed (Sanjab), Xoghayaha Guud, Xisbiga UCID, London,
U.K.
Walaalayaal marka hore waad salaamantihiin, mar labaadkana waxaan idiin
rajeenayaa cimrri dherar, caafimaad iyo inuu Ilaahay idiin fududeeyo
sidaad uga bixi lahaydeen masuuliyadaha culus ee la idiin igmaday. Waxaan
jeclaystay inaan idiin soo bandhigo ra'yiga aan ka qabo arrimaha khuseeya
xadhiggii Jaamac yare, Gadoodkii Dhalinyaradii Saluugtay xadhiga Jaamac
Yare iyo sida loo maamulay dhacdadaas oo aad u fool xumayd.
Golayaasha ay dawladu ka kooban tahay miyaanay ansixin siyaasad cad oo la
isla ogyahay oo ku waajahan JIRITAANKA SOMALILAND IYO CIDA KU HAWLAN INAY
DHABARJABISO WAXA AY TAHAY IN LAGA YEELO? Su'aashaas ka sokow waxaa jira
dad aaminsan fikrada la magac baxday FEDERAAL, hase yeeshee aan
damacsanayn inay fikradooda ku fuliyaan xoog. Hadaba hadii ay jirto
siyaasad cad oo ku waajahan arrimahaas xasaasiga ah waa inay jirtaa Gudi
qaabilsan nabadgelyada qaranka ooy xubno ka yihiin Wasiirka Difaaca,
Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Arrimaha Guddaha, Wasiirka Cadaaladda
iyo Wasiirka Madaxtooyada. Gudidaasi waa inay wada tashi la yeelataa M/weynaha,
Labada shirgudoon ee Golayaasha Xeer-dajinta iyo Xeer- Ilaaliyaha Guud.
Fadeexada ka dhacday gedida dayuuradaha iyo sida loo maamulay sida loo
maamulay arrintani waxay la darajado tahay tii M/weyne NIXON ku dhacay,
laakinse waxa sahlaya shicibweynaha oon wali si fiican u garanayn sida
loola XISAABTAMO MADAXDOODA.
Mudanayaal:
Hawlgalka dawladnimadu ay rabtaa maaha Riwaayad uu qof kastaa ka
talin-karo. Waxay u baahan tahay in loo xulo dad nadiif ah oo ay eexashada,
iyo ku tagrrifalka karaamada xafiisyada qaranka iyo leexsasho hanti qaran
ay XAARAAN KA TAHAY. Waar qof xeeryo-cun ah oo REERKA GEEDIGA MEEL-XUN
DHIGAYA OON CIDNA U NAXAYN OON XISHOOD LAHAYN in xil loo dhibaa waa danbi
weyn.
Jaamac yare in la mustaafuriyaa waxay tahay GAF-WEYN. Nin Somaliland ah oo
JAHA WAREERSAN WEEYI, laakinse waa muwaadin reer Somaliland ah oo cid
duudsiyi karta xaqiisa muwaadinimo aanay jirin, Waxa ila hagaagsanayd in
gurigiisa lagu hayo, ka bacdina XEER-ILAALIYUHU dacwad kusoo oogo. Haddii
ay cadaato inu XULAFO LA YAHAY KUWA RABA INAY AFGAMBI LA BEEGSADAAN
DAWLADNIMADA SOMALILAND, WAXA WAAJIB AHAA IN XABSIGA MANDHEERA LAGU XIDHO.
Markaana waxay dawladda Somaliland ku QASBAN TAHAY KUWA REER SOMALILAND AH
EE FIKRADIHIISA OO KALE QABO IN LA QABQABTO oo waxa Jaamac-yare laga
yeelay laga yeelo SANJAB amase TUUR iyo cidii kale ee sidaas ku kacda.
Waar yaan xil loo dhiibin dad aan hadhkooda wax dhaafsan arki-karin.
Ragii ka taliyey arrintan in masuuliyada lagaga XAYUUBIYO ayey ahayd mudo
12 saacadood gudaheed ‘ all responsibilities held on behalf of the nation
should have been removed with DISGRACE’ (ka bacdi markay keenaan war-bixin
qeexeesa wixii dhacay oo dhan lagala wareego). Waar yaan been la isku
maaweelin….dad badan baa gadoodi doona hadii cadaalad darro dad gaar ah
gooni loogu dhaqo. Maaha kolba ka ku caano maalay boobka,dhaca,beenta iyo
maalka xaaraanta ah in xilka ugu xasaasisan loo dhiibo, dadkeenu jabhadayn
danbe diyaar ma u yihiin? Haday taasi maya tahay waar qof aan xishmad,
hufaan, daacadnimo, naxariis iyo muwaadaninimo ka aan ka Cawaagno oo ka
ilaalino inuu shacbiga xil u qabto.
Min maalintii lagu dhawaaqay ololihii doorashooyinka dawladdaha Hoose ilaa
tii Madax/weynaha dad aad u badan oo aaminsanaa ra'yiga fadraalka ayaa
xiiso weyn oo dardar-qabta kula soo noqday saaxada siyaasada ee ka socotay
SOMALILAND. Waxa mid ahaa hormoodkii fikrada fadraalka Mudane Cabdiraxmaan
Tuur oo si la yaab leh Xukuumaddu ay ugu soo dhaweeysay Caasimada ka bacdi
markuu Wasiirka Warfaafintu fariin ugu keenay Magaalada LONDON.
Sida la wada ogsoon yahay Mudane Tuur wali umadda reer Somaliland umuu
cadeyn inu fikradii ahayd in SOMALILAND jiritaankeeda XOOG lagu muquuniyo
in uu ka tanaasulay iyo inkale. Dad kale oo fikradaa aaminsanaa oo
Somaliland kusoo noqdayna way jiraan, hase yeeshay sida loola xaalay
shicibweynaha looma soo bandhigin.
Hadaba hadii cahdi beeleedkii laga soo guuray oo loolan doorasho laga
iibanayey shicbweynaha barnaamijka xisbiyada, oo barnaamijka loo codeeyey
ay tahay in la hirgaliyo maxaa keenay Cawaalana hala xidho Calasoona sida
Madax/weynayaasha ha loosoo dhaweeyo, Hoteel darajada u sareeysa ahna ha
lagu dajiyo oo kharajkana xukuumaddu ha ka bixiso wax caqliga gala ka weyn.
Waxa la yaab leh masalada maanta ka hirgashay somaliland ee dhigtay in
Wasiirka Arrimaha Gudahu inu ku kici-karo wuxu doono. Danbiyada
Wasaaradaasi ka gashay umada waxay dusha ka saaran tahay Madaxtooyada,
Golayaasha xeer dajinta iyo Maxkamadda Sare ee qaranka.
Waxasae leh dhaliisheeda u weyn M/weynaha (The elected executive president
of somaliland) Iyo Golaha Wakiiladda ee ansixiyey iyada oo aan
Wasaraddaasi lala xisaabtamin, mudanaha wasiirka ahina wali sii hayo xilka
wasaaraas loo igmaday oo uu si yaqyaqsi ah awoodeedii ugu TAKRIFALAY.
Ayaan daro waxa ah, dadka reer Somaliland wax kalsooni ah kuma yeelan karo,
waayo horaa loogu dhiibay xafiisyada qaranka, si foolxuna masuuliyadii uu
ugu takrifalay, hanti laxaad lehna ku leexsaday oo waliba imika qaarna si
aan sharci ahayn uu ugu intifaacaa. MARKA LAGA SOO BILAABO MARKUU
JOOMITARKA KA AHAA Dawladda Hoose ee Hargeysa ilaa maanta dhibaatada uu
shacabweynaha u geeystay wey badan tahay. Wasiirkan M/weynuhu ku
indhakuulanayo DANBIYADA U GEESTAY waxa ka mid ah kuwa soo socda:-
1.HAWLIHII LOO XILSAARAY Gudida doorshooyinka oo uu isku dayey inuu
maroorsado, inkasta oo sidoo doonayey ayna u dhicin haddana MADO-MADOWGII
KA DHACAY DOORASHOOYINKA oo keeni gaadhay dagaal sokeeyey isaga ayaa u
aabo ahaa isagoon wax lexlajeclo habe yaraatee ka laheen dalka iyo dadkaba.
2.Waxa kaliya ee muuqda inuu fuliyo waxa dantiisa iyo saaxiibadii anfacaya
hadba maalinta la joogo.
3.Marnaba ficiladiisa kamay muuqan sideed u hagaajisaa ADEEGA BULSHADA EE
SHICIBWEYNUHU KA RAJEENAYAAN INAY KA HELAAN WASAARADA ARRIMAHA GUDAHA.
Mudanahani falsafadan uu ku caano maalay waxa weeyi intaad mansabka
haysato MAALQABEEN NOQO. Waxase ayaan daro ah inay caado u noqotay M/weynay
yaasha AFRICA xilba xilka uu ka xasaasiyan yahay in ay u xilsaaraan qof
MUSUMAASUQA xalaashaday oo waliba SHARCIGA WADANKA ISKA SAREESIYA.
Wasaaraddani waxay ka dhigtay TAAGEERAYAASHA xisbiyada UCID iyo Kulmiye
inay yihiin qaran dumis, ka bacdina xuquuqdii DASTUURKA siiyey
MUWAADINIINTA reer Somaliland wey duudsiisay, walina waxa la sheegayaa
inay qaar badani ku xidhan yihiin xabsiyada iyadoon la HOR KEENIN
MAXKAMADAHA QARANKA.
Xoriyada qawlka iyo madax-banaaida war-baahinta ee ku qeexan Dastuurka
qaranka waxa iiga muuqata inay damacsan tahay Wasaaraddu in la baabiiyo oo
farsamadii MOORGAN lagu maamulo arrimahaas. Waxaana isoo gaadhaya hadalo
sheegaya in khubaraddi ilaalin jiray xuquuqda aadamaha qaarna xidhxidhay
qaarna loo diray askar gacan ka hadal ula tagta.
Maamulka dhulka OO markii horeba aad u foolxumaa oo dad badani ku dhinteen
oo waxa dhibta keenay ahaayeen JOOMITARADII WAQTIGII FAQASHNA WARAAQA IYO
SHAABADAHA DHULKA LAGU BIXIYO LA QAXAY ayaa haddana kuwii keenay loo
dhiibay. Tusaale waxa ah dilkii ka dhacay Gegida Dayuuradaha agteeda iyo
kuwa bilwalba ka dhaca magaalooyinka badankooda.
Wasaaraddani Dhul badan oo danta guud loo seeray ayey ku wareejiyeen dad
ay dan gaarihi ka dhaxeeyso oo keentay dil, degaano badana ka dhalisay
COLAAD. Hanti badan oo qaranku leeyahayna si qarsoodi ah ugu wareejisay
ashkhaas maal-qabeen ah, iyadoon wax mucaahadu qoraal ah oon qiimeesanayn
oo la diiwaan galiyay aanay jirin.
Waxa iyana ina soo waajahay siyaasad qalafsan oo inagaga timid Puntland oo
Golaha Xukuumaddu siday rabtay yeeshay oo waliba xisbiyada ucid iyo
kulmiye mawqif midaysan ka lahaayeen.. Dhacdooyinka arrintaas khuseeya oo
xasaasi ahayd in siyaasad cad ee Golayaasho oo dhami ka wada tashadaan
ayaa haboonayd. Si looga xaajooda arrintaas anigu xogogaal kama ihi, hase
yeeshee garmaqaatayaasha ka taliya Puntland SUMCAD weyn bay siisay,
somaliland waxay ka damacsan tahay Gobolada Barina mad-mad ayey galisay.
Waxa Somaliland ku waajib ah inay siyaasad cad ka leedahay cida DUULIMAAD
ku ah JIRITAANKEEDA. Wixii qaran dumis ku saabsan SULDAAN gaar ah oo
lagala tashadaa waxay burinaysaa DASTUURKA QARANKA oo qeexaya sida
dawladnimado u shaqeeyso. Markaas arrinta Jaamac-yare in Suldaankiisa
lagala tashadaa waxay aniga il tahay BROTOKOOL khaldan.
Warxumama tashiilku yuu u fasiran hadalkan inaan ku duudsiyayo xaqa iyo
masuuliyada ka Saaran Salaadiinta xalilaada dhibaatooyinka wadanka.
Halgankii wadanka lagu xoreeyey doorkay ka ciyaareen haduuna jirin maanta
Somaliland xor may ahaateen.
Ujeedadaydu waxay tahay waar haddii aan danbi ka galo QARANKA in waxa la
iga yeelayo Suldaanka beeshayda lagala tashadaa ilama hagaasana, waayo
beel gaar ah meel kagama dhicin ah reer Somaliland ayaan meel kaga dhacay.
GAB-GABO.
Mudadii Xukuumadda Riyaale xukunka ay haysay siyaasada ku waajahan
JIRITAANKA Somaliland waxyaaba cusub oon wali miisaanka la saarin ayey ku
kacday. SIYAASIIN BADAN OO AAMINSAA FIKRADDA FADRAALIGA AYAA KUSOO GURYO
NOQDAY DALKOODII HOOYU OO SHICIBWEYNUHU QABAAN INAY KA NOQDEEN FIKRADII
HORE AY AAMIN SANAAYEY, Hase yeeshee wax sharaxaad ah oo loo soo bandhigay
shicibweynaha majirin. Waxa la wada ogsoon yahay in Dawladda Djibouti
cilaaqaad kii hore duwan la yeelanay, hase yeeshee SIYAASAD CAD oo waxay
ka qabto GOON ISU TAAGA SOMALILAND oo shicibka lasoo hordhigay ma jirto.
In la isku soo dhawaaday waxa ka MARAG ah HAMBALYADII Mudane Ismaciil
Cumar Geele u diray Mudane Daahir R. Kaahin M/wenaha Somaliland. Qofkasta
oo reer Somaliland ihi fikrad ka duwan ta dawladda wuu qabi-karaa, hase
yeeshee waxa ka XARAAN ah inu is yidhaa faafi amase HIRGALI.
WADANI REER SOMALILAND AH WAA LOO SOO MUSTAAFARIN KARAA SOMALILAND, LAAKIN
WADANI WADANKIISA LAGA MUSTAAFARIYAA WAA DHACDO FOOLXUN OON WALIGEED
MEELNA KA DHICIN. WADANIGA QARANKIISA DANBI KA GALA WADANKIISA HA AA LAGU
XIDHAA.
T A L O-B I X I N.
1.Siyaasad cad oo lagu maamulo cida kasoo horjeeda jiritaanka somaliland
waa in dhakhso ah loo sameeyaa, gudida nabadgelyada Dalka oo xubno ka
yihiin Hayadaha kor xusay la magacaabaa lana qeexa Golayaasha kala
tashanayaan arrimaas. Fulinta go’aankooda dabcan M/weynah ayaa leh.
2.Ashkhaastii aaminsanayd Fikradda FADRAALIGA ah xoog lagu hirgaliyo waa
in maxkammad la horkeena oo sharciga lala tiigsadaa.
3.Kuwa aaminsan FIKRADA FADRAALIGA, hase yeeshee cidna xoog in lagu
muqooniyo aan ogoleen waa inay shir-jaraarid ka caddeeyaan inay FIKRADA
DHALISAY jiritaanka Somaliland WAX KU LID AH LA IMAN DOONIN.
4. MASUULINTII ka arrimisay arrinta Jaamac-yare waa in XILKA si dhakhso
looga wareejiyaa, iyadoo loo cuskanayo dhibaatada iyo khasaaraha ay
keentay basarinimadoodi.
5.Dhalintii gadooday waa in qorshahoogii si fiican oo cilmiyeyesan loo
baadhaa si loo miisaamo danbiga ummada ay ka galeen baaxadiisa.
6.Haday Golayaasha Dawladdu rabaan in lala XISAABTAMO oo isku kalsooni iyo
kala danbeen la yeesho waa in si dhakhso ah DOORASHADII GOLAHA WAKIILDU u
QABSOONTAAN iyadoon wax la rogrogo aan lagu wareegeysan.
Sharciga doorashada Golaha Wakiilada waxa kaliya ah ee dhiman in laga
heshiiyo waa SAAMIGA GOBOL WALBA AY TAHAY IN LAGA SOO DOORTO.
7. Waa in haba yaraatee aanay xubnaha golaha wakiiladu la iman caga
jiidkii ay Cimrri dhererka ku samaysan jireen.
Waxaan Ilaahay ka rajaynayaa inuu dalkayga iyo dadkaygaba wixii carqalad
ku ah horumarkooda uu jabiyo, si nabad qab ahna isu keen keeno
dadweynaheena caalamka ku baahsan.
Alaah Mahad Leh.
Axmed Muuse Geedi (Sanjab).
Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID.
London, UK.
Top
|