Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 366 July 1, 2003

“1da July, Hankii Iyo Himiladii Somali-Weyn Ee Lagu Hungoobay”
Bayaan Wada-Jir Ah Xisbiyada UCID Iyo KULMIYE.

Dayac-Tir La’aanta Madaarka Hargeysa, Malaayiinta Kasoo Hoyda Iyo
Macaamil-Xumada Ka Gaadha Qurba-Jooga.

Wefdiga Koonfur Afrika.

Al-Saxaaf Ma Ogyahay Halka Uu Ku Sugan Yahay Sadaam?

Marxaladihii Kala Duwanaa Ee Uu Soo Maray Xukunkii Sadaam Xuseen.

Wararkii U Dambeeyay Ee Shirka Dib-U-Heshiisiinta Somalida Ee Kenya.

C/laahi A. Caddow Oo Xaqiijiyay Inu U Tartamaayo Madaxtinimada Somalia.

Hambalyo.

Wargeysyada Caalamka ee Todobaadkan.

Ciidamada Maraykanka Oo Qabqabtay 180 Xubnood Oo Ka Tirsanaa Xisbigii Al-Bacas.

Shaqo Ka Fadhiisi Weyn Oo Ka Socda Dalka Nayjeeriya.

Morgan Oo Diyaarinaya Duulaan Uu Dib Ugu Qabsado Magaalada Dekedda Ah Ee Kismaanyo.

Falastiiniyiinta Oo La Wareegay Deegaanka Qaza.

ODHAAHDA AKHRISTAHA:  Ahaa Dr. Aadan Faarax?

Batar Baan Ka Tumaa Meel Baroor Ku Haboon.

Hala Joojiyo Xeerka Saxaafadda Madaxa-Banaan.

Ma Jiro Urur Ay Samaysteen Ardayda Jaamacadda Hargeysa.

Bayaan Beenin Ah Odayaal Reer Wajaale Ah.

Badheedhaha Wargeyska: Gar-Darada Ayay Ka Jecel Yihiin Dantooda Hogaamiyayaasha Kiiniya Ku Shirsani.

“Xukuumaddu Xeerkeeda Halla Xishooto,” War-saxaafadeed - SSWJ.

Sidii Dhibta Yarayd.

Raadyow Ma Qaloocshe, A. A. Garas.

WAADIGA CIYARAHA: Kamaruun Oo U Soo Gudubtay Ciyaarta Kama-dambayska Koobka Qaaradaha Adduunka.

Boca Oo 2-0 kaga Adkaatay Santos Libertadores Cup Final.

Eto’o oo Real Mallorca u horseeday in ay ku guulaysato Koobka Boqorka Isbaanishka.


“1da July, Hankii Iyo Himiladii Somali-Weyn Ee Lagu Hungoobay”
Bayaan Wada-Jir Ah Xisbiyada UCID Iyo KULMIYE.

Hargeysa (Haatuf): Bayaan ay wada jir u soo saareen labada xisbi ee mucaaradka Somaliland, ayey kaga hadleen maalinta midnimada Somaliland iyo Soomaaliya 1-da July, taas oo ay ku faahfaahiyeen sida ay Somaliland uga madax banaantahay Soomaaliya, isla markaana ay 1-da July tahay maalinta qaranimda Soomaaliya, midawguna uu xambaarsanaa himiladii Soomaali Weyn ee ahayd in soomaalida geeska afrika ku baahsan loo sameeyo dawlad kaliya.

Bayaankaasina wuxu u qornaa sidan:

“1-Julay 1960-kii waa taariikh lama ilaawaan ah. Mar waxay ahayd maalintii Soomaaliya madaxbanaanideeda heshay, taasoo markii hore ku hoos jirtay gumaysigii Talyaaniga. 1-kii sanno ee u dambeeyeyna, isla Talyaanigu sii waday xukunkeeda, isaga oo kaga wakiil ahaa Jamciyadda Quruumaha (UN. Trusteeship).

Marka labaadna waxay ahayd maalin xambaarsan himiladdii iyo hankii bahweynta Soomaalida, ku kala baahsanayd geeska iyo bariga Afrika, isticmaaryo kala duwanna hoos joogay, ay ku midoobi lahaayeen.

Marka saddexaad waxay u taagan tahay maalintii dadka reer Somaliland oo ahaa gobolkii Soomaaliyeed u horeeyey ee gumaysiga ka hoos baxay (26-kii June 1960-kii), iskuna dayay inuu u horseedo israaca Soomaaliyeed, isaga oo Xamar ku dirqiyey in la is-raaco, xataa iyada oo sharcigii mideynta aanu dhamaystirnayn. (Ilaa maanta).
Haddaba su’aasha maanta la isweydiinayaa waxay tahay maxay maanta 1-da July u taagantahay?

Ma guulo ayaa laga gaadhay himilooyinkii iyo hankii laga lahaa, oo waxay istaahishaa in meel kasta looga dabaaldego, oo raynrayn iyo farxad lagu soo dhaweeyo, mise waxay noqotay maalin lagu hungoobay oo hanaqaad noqon weyday?

Haddaba, waxaanu leenahay dadka reer Somaliland iyaga oo dadweynaha Soomaaliya aan uga ba’ayn iney u dabaal degaan maalintii isticmaarka Talyaaniga ay ka hoos baxeen oo arrintaasi iyaga gooni u tahay, haddana waxaan aqoonsanahay in himilooyinkii kale ee laga wada lahaa maalinta iyada ah aan xasuus xurmo iyo murugo waxaan ahayn laga hayn.
Dadka reer Somaliland wixii ka gaadhay is-raacii wuxu kalifay halgan dheer oo ay u galeen, sidii madaxbanaanidoodii ula soo noqon lahaayeen, marka arrintaas ay ku guulaysteen, waxay maalin qaran u aqoonsadeen 18-ka May, oo ah maalinta dawladnimada Somaliland iyo madaxbanaanida Somaliland lagaga dhawaaqay magaalada Burco 1991-kii.

Sidaas awgeed aanay Somaliland 1-da Julay u aqoonsanayn maalinta is-raaca iyo maalin qaran oo guud toona.” Ayey ku soo gabagabeeyeen bayaankoodii.

Top


Dayac-Tir La’aanta Madaarka Hargeysa, Malaayiinta Kasoo Hoyda Iyo
Macaamil-Xumada Ka Gaadha Qurba-Jooga.

Hargeysa (Haatuf): Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa waxa uu ku yaalaa jihada koonfur bari ee magaalada, inta u dhaxaysa 09031” 12” No 440 o530” E., madaarkan oo la dhisay xiligii mustacmarkii Ingiriiska waxa la furay 1958-kii, wakhtigaa oo diyaaradaha isticmaali jiray goraanku ahaayeen nooca loo yaqaan DC3, oo mug qaadkoodu ahaa 15-25 qof oo rakaab ah, kuwaas oo duulimaadyadoodu u kala gooshi jiray Cadan iyo Hargeysa, hase yeeshee waxa hadda ku soo dega madaarka Hargeysa diyaarado waaweyn, waxaana todobaad kasta ka dhoofa rakaab lagu qiyaaso 1500 qof, halka ay ugu yaraan ka soo degaan ilaa 1800 oo qof, waxaana dhaq-dhaqaaqa madaarka Hargeysa ee hadda jira lagu tilmaami karaa inuu ka mid yahay kuwa ugu mashquul badan ee mandaqada, iyada oo ay madaarka isticmaalaan shirkado wadani ah iyo kuwo ajanabi ahiba.

Inkasta oo madaarka Hargeysa uu ka soo hoydo dakhli aad u badan oo lagu qiyaaso kumanaan dollar todobaadkiiba, haddana wuxuu u muuqdaa mid aad u darayeysan, oo u baahan dayactir iyo balaadhin, si uu xamil ugu yeesho culayska hadda saaran.

Qurba jooga reer Somaliland markay madaarka ka soo degaan waxa qofkiiba baanka Somaliland ee madaarku ka qaadaa $30 oo lagu sarifo 90,000 oo Somaliland Shiling ah, laanta socdaalkuna waxay ka qaadaa qofkiiba 10$, sidoo kale marka uu qofku dhoofayo waxay laanta socdaalku ka qaadaa 10$.

Marar fara badan waxa dhacda inaan lacagta laga qaado qurba jooga aan loo jarin rasiidka lacag qabashada, taas oo loo malaynayo inaanay ku wada dhicin khasnadda dawladda.

Marka laga yimaado lacaga laga qaado dadka dhoofaya iyo kuwa soo degaya, waxa jira cabashooyin ka yimaada qurba jooga Somaliland ee ka soo dega madaarka, waxaana cabashooyinkaa ka mid ah hawlwadeenada laanta socdaalka oo ku soo qamaama marka ay diyaaradu soo fadhiisato, kuwaas oo baasaaboorada kaga qaada dadka soo degaya diyaaradda hoosteedda, halkii ay ku sugi lahaayeen xafiisyada loogu talo-galay, taas oo jahawareer ku rida qofkii baasaaboorka lahaa, oo garan waaya cid uu u raaco, wakhti badanina kaga lumo inta uu daydayayo qofkii ka qaaday baasaaboorkiisa.

Waxa kale oo ay qurba joogu ka cawdaan marka ay soo dhamaystaan dhakafaarka ka qabsada laanta socdaalka ee ay damcaan inay ka baxaan albaabka waxa haddana dacalada qabsada, iyaga iyo alaabtoodaba niman sheegta inay yihiin xamaaliin iyo askar kaariyayaal ah, oo kireeya tagaasida dibada taagan, halkaas oo qofka lagu jujuubo inuu bixiyo kharashyo xad dhaaf ah, waxaana dhacda in wakhtiyada qaar qofka soo degayey la xisaabiyo kharash tagsi oo xad dhaaf ah oo gaadhaya 50$ (Kontan Dollar), iyada oo sixirka madaarka lagaga iman karo (tagsiga ingaydhka ah) ee ugu badani noqonayo 50,000 SL /= ( konton kun oo shilin Somaliland ah).

Kharashyada ka soo hoyda madaarku intaa kuma dhama balse waxa jira lacagayaw badan oo ka soo xerooda madaarka, kuwaas oo lagu magacaabo (Land fee) iyo (Handling fee) kuwaas oo si gaar ah looga qaado shirkadaha diyaaradaha ee wadaniga ah iyo ajaanibkaba.

Sanadkii hore ee 2002-da waxa lagu qiyaasay diyaaradaha soo cago dhigtay madaarka 1200 oo (kun iyo laba boqol) duulimaad, halka tirada dadka soo degay lagu qiyaasay 42,580, (laba iyo afartan kun shan boqol iyo sideetan) dadka dhoofayna lagu qiyaasay 34,195 (afar iyo sodon kun boqol iyo shan iyo sagaashan) oo qof.

Hase yeeshee, waxa la filayaa sanadkan 2003-da inay 30% ay korodho tirada rakaabka isticmaala madaarka Hargeysa iyo duulimaadyadaba, taas oo loo nisbaynayo nabadgelyada iyo degenaashaha ka jira dalka, oo soo jiitay dad badan oo qurba joog ah, oo dib ugu soo laabanaya dalkooda hooyo.

Laakiin maamul xumada, musuqmaamusuq iyo hab-dhaqanka foosha xun ee lagula kaco dadka ku soo laabanaya dalkooda ka sokow, waxa jira mushkilada u baahan in xal deg deg ah loo helo, si uu madaarku u daboolo adeegyada looga baahanyahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin.
In la dayactiro lana balaadhiyo madaarka, iyada oo ay cadahay baahida loo qabo Terminal qaadi kara culayska isa soo taraya ee ka imanaya rakaabka iyo duulimaadyada soo siyaasadaya, lamana oga sababta ilaa hadda loo furi waayey dhismaha cusub ee loogu talo-galay dadka soo degaya iyo kuwa taraansitka ah, kaas oo ah dhismaha kaliya ee ku soo kordhay madaarka ilaa xiligii mustacmarada Ingiriiska.

Waxa iyaduna u baahan in wax si deg deg ah wax looga qabto amaanka madaarka, iyada oo gegida diyaaraduhu aanay lahayn deyr (Fence),isla markaana aanay jirin shaqaale u carbisan hawlaha amaanka iyo adeega madaarka.

Waxa iyana lagama maarmaan ah in la kala sooco dadka taraansitka ah, kuwa soo degaya iyo kuwa dhoofayaba.

Waxa kale oo muhiim ah in wasaaradda duulista iyo hawadu ay adkayso fasaxyada la siiyo shirkadaha diyaaradaha iyo caymiskoodaba, taas oo haddii la waayo ay ku lumi karto xuquuqda rakaabka raacaya diyaarad aan caymis ku jirin, ama aan haysan fasax sharci ah, iyada oo ay jiraan warar sheegaya in fasax la siiyey shirkado diyaaradeed oo ku duula magacyo foojari ah, oo ay isticmaalaan marka ay Somaliland yimaadaan oo kaliya, kuwaas oo sida la sheegay ay waliba leeyihiin shakhsiyaad caan ah oo ku lid ah, jiritaanka qaranimada Somaliland.

Top


Wefdiga Koonfur Afrika.

Hargeysa (Haatuf): Waxa shalay booqasho gaaban dalka somaliland ku yimi wefdi ganacsato ah oo ka socda dalka South Africa (Koonfur Afrika), wefdigan oo uu hogaaminayay ganacsadaha caanka ah ee magiciisa la yidhaahdo Tsexwale waxaana ujeedada socdaalkooda lagu sheegay mid la xidhiidha indha-indhaynta fursadaha ka jira Somaliland ee la maal-gashan karo, siiba dhinaca batroolka, macdanta, kaluumaysiga iyo cusbitaalada gaar ah.

Weftigan oo ka koobnaa afar xubnood oo dhamaantood ka tirsan xisbiga ANC ee talada dalka South Africa, waxaana booqashooda ku weheliyey Mr. Andey Chakradarti oo ah maal qabeen isagu aqoon iyo xidhiidh fiican u leh dalka Somaliland, ganacsatada Koonfur Afrika waxay qadar ka dib markii ay diyaaradii siday soo caga-dhigatay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa waxay markiiba la kulmeen, koox wasiiro ah oo ka kooban wasiiradda arrimaha dibadda, ganacsiga, maaliyadda, macdanta iyo kaluumaysiga.

Inkasta oo labada dhinac aanay weli wax rasmi ah ka soo saarin, wixii ay ka wada hadleen, haddana siday ilo ku dhaw-dhaw dhinaca weftiga koonfur Afrika sheegeen labada dhinacba waxay muujiyeen siday diyaarka ugu yihiin in iskaashi buuxaa dhexmaro.

Xubnaha weftiga Koonfur Afrika waxay booqasho sharaf ugu tageen madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Weftigan oo toos uga soo duulay magaalada Johansburg waxay wateen diyaarad gaar ah (Private Jet), mana jirin meel ay ku soo hakadeen intii aanay soo gaadhin garoonka Hargeysa.

Haddaba intii aanay ganacsatadu ka ambabixin Hargeysa waxa Mr. Tsexwale hadal gaaban oo uu ka jeediyey qolka marti sharaf ee garoonka diyaaradaha ku sheegay in ay isaga iyo weftigiisu ay rajo fiican ka qabaan aayaha uu ku dambayn doono mustaqbalka ganacsiga mandaqadu, waxaanu yidhi “Waxaanu ka nimid dal sidiinan oo kale mar u burburay, waxaananu idiin sheegaynaa inay naga go'antahay sidii aynu wax u wada qabsan lahayn. Anagu waxaanu nahay niman ganacsigu ka dhab yahay, waxaananu nahay niman jabhad ahaan jiray, oo ay mar wada xidhnaayeen Nelson Mandela, maanta ganacsadayaal ah, oo xidhan suudhkii baayacmustarka”.

Weftiga koonfur Afrika waxay dalka ka dhoofeen isla shalay gelinkii dambe, iyaga oo u sii jeeda dhinaca dalalka Sudan iyo Zimbabwe.

Top


Al-Saxaaf Ma Ogyahay Halka Uu Ku Sugan Yahay Sadaam?

Taariikh-du ma duugowdo inta aadanuhu dunida guudkeeda saaran yahay,waxaana ay keydisaa samaan iyo xumaan wixii soomaara. Si kastaaba arintu ha ahaatee waxaa in badan oo innaga mid ah la soconay halkii iyo marxaladihii ay marayeen dagaalkii ka dhanka ahaa dalka Ciraaq ee loogu magacdaray “Xoreynta Ciraaq”, oo isagu noqday mid mucjiso ku reeba caalamka sida fudud ee xukunka looga tuuray madaxweyne Sadaam Xuseen iyomaamulkiisii kadib markii ay u muuqdeen kuwo halis ku ah danaha Israa’iil iyo Mareykanka ee gobolka.

Hadaba wasiirkii hore ee warfaafinta Maxamed Saciid Saxaaf oo ahaa shaqsigii ugu sareeyey ee ka tirsanaa xukuumaddii Sadaam ayaa todobaadkii hore isku dhiibay ciidamadda Mareykanka ee jooga dalka Ciraaq, islamarkaasina markii ugu horeysay hadlay tan iyo intii magaaladda Baqdaad gacanta u gashay ciidamada Mareykanka sagaalkii bishii april ee sanadkan.

Telefeyshinka lugu magacaabo Al-arabia oo xaruntiisu tahay magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka, ayaa wareysi uu la yeeshay Saciid Saxaaf ku muujiyey niyad jab aad u weyn oo la xidhiidha guul darrada soo wajahaday dadka Ciraaqiyiinta ah tanoo uu ku sheegay mid taariikhdu xusi doonto.

Maxamed Saciid Saxaaf oo u muuqday nin aad u daalan ayaa u sheegay Al-arabia in qabsashadiisi kadib Mareykanku ay su’aalo ka weydiiyeen guud ahaan halkii ay ku danbeeyeen madaxdii maamulkii Sadaam iyo howshiisii uu kahayey dowladii la afgambiyey.

Waxaana uu intaasi ku daray hadalkiisa in uu isaga isku dhiibay ciidamadda Mareykanka kadib markii uu la xidhiidhay waxa uu ku sheegay saaxiibo.

Wareysigan ayaa ahaa mid xambaarsan macluumad badan oo la xidhiidha guud ahaan maamulkii Sadaam iyo sababihii soo dede dejiyey burburkii Xukuumaddii Ciraaq, tanoo ah mid guud ahaan caalamka oo dhani baadi goobayaan jawaabteeda rasmiga ah.

Maxamed Saciid Saxaaf oo loogu yeedho “Boobkii Baqdaad” ayaa isagu ku jirin liistada ka kooban 55-ta magac ee kujira maamulka Sadaam Xuseen ee ay baadigoobayaan ciidamadda Mareykanka iyo xulafadiisa.

Kal hore ayaa madaxa telefeyshinka Al- arbia oo u warameyey wakaaladda wararka AFP sheegay iney u balan qaadayaan shaqo haddii uu isagu ogolaado,maadama aanu aannu ahayn shaqsiyaadka sida weyn loo doon doonayo.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Ciraaq Maxamed Saciid Saxaaf, waxa uu ahaa shakhsigii ugu sareeyey ee ka tirsanaa dowladii Sadaam ee isagu shir jaraa’id maalin walba ku qaban jiray hotel Falastiin oo xarun aheyd weriyeyaashii caalamiga ahaa ee ku sugnaa dalka Ciraaq xilligii uu socday dagaalka,isagoo looga bartay inuu sheego warar ka dhan ah wararka ay soo tebinayeen weriyeyaasha reer galbeedka.

Top


Marxaladihii Kala Duwanaa Ee Uu Soo Maray Xukunkii Sadaam Xuseen.

1.Sida ay qoreen Diiwaanada Taariikhda ee Dalka Ciraaq SADAM XUSEEN waxa uu dhashay sanadkii 1937kii,waxaanu ku dhashay Magaalo baqdaad waqooyi ka xigta oo la yidhaahdo TIKREET.

2.Sanadkii 1957kii SADAM XUSEEN waxa uu ka mid noqday xisbigii ALBACAS oo wakhtigaa si Qarsoodi ah u Shaqayn jirey,wakhtigaa SADAM wuxuu ahaa 20 jir.

3.Sanadkii 1959kii SADAM wuxuu ka qeybgalay Inqilaab Fashilmay oo la Doonayey in Xukunka lagaga qaado Madaxweynihii markaa talada dalka Ciraaq hayey oo la odhan jirey CABDILKARIIM QAASIM
cabdilkariim qaasim wuxuu ahaa Sarkaalkii Baabiiyey Nidaamkii Boqortooyada ee lagu Maamuli jirey Ciraaq isla markaana Sameeyey JAMHUURIYADA CIRAAQ Sanadkii 1958kii.Inqilaabkaa fashilmay awgii SADAM wuxuu u baxsaday Dalka Masar.

4.Sanadkii 1963kii SADAM wuxuu ku soo laabtay Ciraaq ka dib Markii xisbigiisii ALBACAS uu qabtay talada dalka.

Inqilaabkaas waxa hogaaminayey CABDI SALAAM CAARIF.Sagaal bilood ka dib SADAM waxa loo taxaabay xabsiga.

5.Sanadkii 1966kii SADAM waxa uu ka baxasaday xabsigii.

6.Sanadkii 1968kii SADAM waxa loo dooratay xubin ka tirsan Hogaanka sare ee XISBUL BACAS,iyo Kalkaaliyaha Gudoomiyaha Ururka.Isla sanadkaa 1968KII ayey Inqilaab Military Taladii Dalka kula wareegeen XISBIGII AL BACAS oo uu hogaaminayo AXMED XASAN ALBAKRI oo ay SADAM isku magaalo ka soo jeedaan (TIKREET )Sidaana AXMED ALBARI waxa uu ku noqday Mdaxweynaha Dalka Ciraaq,halka uu SADAM XUSEEN ka noqday ku Xigeenka Madaxweynaha, SADAM Da`diisu Xiligaa Waxay ahayd 31sanno.
7.Sanadkii 1972kii Ciraaq waxay heshiis wax wada qabsi iyo iskaashi oo mudadiisu tahay 15 sanno la saxeexatay Dowladii Midowga Soofiyeeti, Arintaas oo aan farax gelin Dowladihii Reer Galbeedka ee Danaha ka lahaa Ciraaq Ingiriisku haba ugu horeeyee.Isla sanadkaa 1972-1973 waxa kor u kacay soo Saaristii iyo Dhoofintii Shidaalka Ciraaq, lacagtii ka soo baxdayna waxa lagu horumariyey wershadaha,Waxbarashada,Dhaqaalaha,Adeega guud IWM taasina waxay Dadka reer ciraaq ka dhigtay dadka ugu Nolol Wanaagsan Dalalka Carabta.

8.Sanadkii 1974kii waxa bilowday kacdoonkii ugu horeeyey ee KURDIYIINTA oo uu taageerayey SHAHII IIRAAN ee reer galbeedku ka dambeeyeen,arintaas oo Ciraaq ku kaliftay inay Miiska wada hadalka la soo fadhiisato Iiraan ,si ay uga wada hadalaan Waxyaabihii ka dhashay waxa ka mid ahaa In si siman labada dal u kala qeybasdaan Marin Biyoodka loo yaqaano SHADUL-CARAB,taa badalkeedana SHAAH waxa uu balanqaaday inuu taageerada ka joojinayoKURDIYIINTA waanuu fuliyey,taasina waxay keentay in Kacdoonkii Kurdiyiinta halkaa ku Damo.

9.Sanadkii 1979kii ayuu SADAM XUSEEN qabtay talada dalka Ciraaq ka dib markii uu iscasilay -ama la casilay- sababo caafimaad awgeed Madaxweynihii Dalku Mr AXMED XASAN ALBAKR.

10. 8dii,Mar,1980kii ayaa la sameeyey golaha wadaniga ah ee Ciraaq (BARLAMAANKA) oo xubnihiisa si toos ah loo soo doorto muddo afar sanadood ah.

11.22kii,Sep,1980kii waxa bilowday Dagaalkii Ciraaq iyo Iiraan oo socday muddo Sideed Sanadood ah, Dad badanina labada dhinacba kaga dhinteen.

12.7dii,june,1981kii Diyaaradaha Dagaalka ee Yuhuuda ayaa burburiyey Wershadii Nuclearka ee Dalka Ciraaq,Wershadaas oo dalka faransiisku dhisay.

13.17-18kii,Mar,1988kii Ciidamada Ciraaq waxay ku Garaaceen Tuulada XALABJA ee kurdiyiintu degaan hubka kiimikada ah, taas oo keentay dhimasho gaadhaysa shan kun oo qof oo isugu jira rag dumar iyo caruurba.

Arintan Aduunweynuhu si weyn ayuu u Cambaareeyey,laakiin Dowlada Maraykanku waxay sheegtay in kurdiyiintu aanay ahayn hadaf ama target ay leeyihiin ciidamada ciraaq ayna dhici karto in Iiraan ay ka dambeysey Arintaa.!!!

14.20kii,Aug,1988kii Ciraaq iyo Iraan waxay wada gaadheen Heshiis Xabad joojin ah oo lagu soo Afjarayo Dagaalkii u Dhaxeeyey labadooda.

15.6dii,Sep,1988kii waxa cafis guud loo fidiyey kurdiyiintii mucaaridka ahayd marka laga reebo ninka siyaasiga ah ee la yidhaahdo JALAL DALABANI oo isaga loo arkay nin aan istaahilin cafis Maadaama uu horsed ka ahaa kacdoonkaa kurdiyiinta.

16.16kii,Feb,1989kii waxa la sameeyey Golaha Iskaashiga Carabta oo ay xubno ka ahaayeen Ciraaq,Urdun,Masar,iyo yementii waqooyi xiligaa.
17.2dii,Aug,1990kii Ciraaq waxay ku duushay Kuwait,isla 6dii Aug Qaramada Midoobay waxay Ciraaq ku soo rogtay Cuno-qabatayn ,isla 25 Aug, waxa Qaramada Midoobay Ogolaatay in Ciraaq xoog lagaga saaro Kuwait haddii ay Diido in ay si Nabad-Gelyo ah kaga baxdo
18.17kii,Jan,1991kii Ciidamada Maraykanka oo horkacaya Xulafo Gaadhaya 33 Dowladood ayaa weerar ku qaaday Ciraaq si Kuwait looga saaro.
19.27kii,Feb,1991kii Ciraaq waxa laga saaray Kuwait, Maalin ka dibna waa 18kiiye Ciraaq waxay ogolaatay xabad joojin.

20.7dii,Mar,1991kii waxa bilowday kacdoonkii Kurdiyiinta Ciraaq ee Waqooyiga iyo Kacdoonkii Shiicada ee Koonfurta.

21.27kii,Aug,1991kii waxa laga sameeyey koonfurta Ciraaq aaga duulimaadka Diyaaradaha ka caagan, Sidoo kalena waqooyiga ayaa laga sameeyey.

22.13-18kii,Jan,1993kii Ciidamada xulafadu waxay weeraro xaga cirka ah ku qaadeen koonfurta Ciraaq iyo Wershad ku taalay Duleedka Baghdad weerarkaana waxa ku dhintay 44 qof oo rayid ah.

23.27kii,Jun,1993kii 23 Gantaal oo nooca TOMAHOK loo yaqaan ayaa lagu ridey Xaruntii Sirdoonka Ciraaq ee Baghdad, Weerarkaas oo sida la sheegay lagaga jawaabayey isku day ay ciidamada sirdoonka ee ciraaq isku dayeen in ay dilaan Madaxweynihii Maraykanka Jorge bush (odaygii) isaga oo jooga Kuwait.

24.26kii,Nov,1993kii Ciraaq waxay ogolaatay shuruud la`aan go`aankii Golaha Amniga ee Numberkiisu ahaa 715 kaas oo dhigayey in la hubiyo lana baadho hubka ciraaq.

25.Bishii Oct,1993kii waxay Ciraaq Ciidamo soo dhoobtay xadka ay la leedahay Kuwait iyada oo kaga jawaabaysay Maraykanka oo ciidamo aad u faro badan geeyey xadka ay Kuwait la leedahay ciraaq oo dhinaca Kuwait ah.

26.10kii,Nov,1994kii Ciraaq waxay si rasmi ah u Aqoonsatay Dalka Kuwait iyo xuduudiisa.

27.14kii,Apr,1995kii Ciraaq waxay diidey Go`aankii Qaramad Midoobay ee Numberkiisu ahaa 986 kaas oo ka hadlayey iib geynta Saliida Ciraaq oo lagu soo bedelayo Raashin iyo Dawooyin.

28.8-22kii,Aug,1995kii waxa Dalka Ciraaq ka baxsaday oo u baxsaday Urdun XUSEEN XASAN KAAMIL AL MAJIID oo SADAM XUSEEN innantiisa qabay Masuulna ka ahaa Barnaamijka Hubka Ciraaq.

29.15kii,Okt,1995kii waxa Dalka Ciraaq laga qabtay Aftidii ugu horeysey tan iyo intii uu xukunka Ciraaq hayey Madaxwene Sadam Xuseen,Aftidaas oo natiijadii ka soo baxday ay noqotay 99.96%.

30.23kii,Feb,1996kii waxa Dalka Ciraaq ku soo laabtay XUSEEN AL MAJIID oo hore ugu baxsaday dalka urdun Sir Ciidan oo dalku lahaana u Gudbiyey shisheeye, Soo noqodkiisii saddex cisho ka dib aya la diley , iyada oo ay dileen niman qoyskiisa ahi.

31.20kii,May,1996kii Qaramda midoobay waxay fududeysay Cuno-qabatayntii lagu hayey dalka ciraaq taas oo keentay in ay heshiis wada gaadhaan xukuumada ciraaq iyo qaramada midoobay, heshiiskaas oo qeexayey sidii saliida ciraaq dibeda loogu iib geyn lahaa taa bedelkeedana ciraaq u soo iibsan lahayd waxyaabaha loo baahan yahay sida raashinka iyo dawada oo kale.

32.13kii,Nov,1997kii Ciraaq waxay u diidey koox Maraykan ah oo la socday baadhayaasha hubka ee qaramada Midoobay in ay soo galaan amaba ka shaqeeyaan dalkeeda, iyada oo ku tilmaantay inay yihiin basaasiin maraykan ah.

33.18-19-20kii,Nov,1997kii Ruushka iyo Ciraaq ayaa isla gaadhay heshiis dhigaya in dhamaanba baadhayaasha hubku iyada oo aan jinsiyad loo kala eegahayn ay hawshooda isla hadaba ka bilaabi karaan dalka Ciraaq.

34.16-19kii,1997kii Ciraaq waxa lagu qaaday weerar gantaalo ah ka dib markii muran ka dhex oogmay kooxdii baadhayaasha ahayd iyo ciraaq, saddex maalmood gudahood ciraaq waxa lagu ridey shan boqol oo gantaal.

35.17kii,Dec,1999kii Golaha Amnigu waxa uu soo saaray Go`aankii Numberkiisu ahaa 1284 kaas oo dhigayey in hab cusub oo loo baadho loo sameeyo hubka khatarta ah ee ciraaq.

36.15kii,Okt,2002da waxa Shan sanno Dib loo Doortay inuu talada dalka hayo Madaxwene Sadan Xuseen iyada oo codadka uu helay ay ahaayeen 100%.37.27kii,Nov,2002da khubarada hub ka dhigista dalka ciraaq waxay dib u bilaabeen hawshoodii ka dib markii golaha Amnigu uu soo saaray Go`aankii Numberkiisu ahaa 1441 Go`aankaas oo Ciraaq ka dalbanayey inay soo bandhigto barnaamijka hubka kiimikada iyo biologyga iyo nuclearka ee ay haysato iyo sidoo kale gantaalaha meesha dheer wax ka dila ee ay leedahay iyo in ay si bilaa shuruud ah ula shaqayso baadhayaasha hubka ee dalkeeda jooga.

38.7dii,Dec,2002da Madaxweyne Sadam waxa uu cudur-daar u jeediyey shacabka reer Kuwait isaga oo ka raali gelinaya weerarkii ay ciidamadiisu ku qaadeen Kuwait sanadkii 1990kii. Intaa wixii ka dambeeyey waa Faallo ma leh.
Cabdikariim Cali .

Top


Wararkii U Dambeeyay Ee Shirka Dib-U-Heshiisiinta Somalida Ee Kenya.

Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ayaa waxa uu haatan marayaa gabagabadii wejigii labaad , waxaana kooxaha ka qayb galaya shirka ay weli isku hayaan qodobo ay ka mid yihiin:

Tirada xubnaha Barlamaanka iyo cidda dooranaysa, mudada Dawladda ku meel gaadhka ah iyo marka la qaadanayo Nadaamka Fedaralka ah. Ilaa iyo hadda seddex kooxood ayaa waxay isku hayaan arrimahaas, kuwaasoo kala ah Dawladda ku Meel gaadhka ah, kooxda G8 iyo kooxda SRRC.

Guddiga farsamada ee IGAD ayaa waxay kooxaha oo dhan u soo jeediyeen in tirada Barlamaanka laga dhigo 315 xubnood oo ay soo doortaan hogaamiyeyaashka siyaasadda oo la tashanaya hogaamiyayaasha dhaqanka, iyo in mudada DKMG ee la dhisi doono ay noqoto 4 sano,Kooxda G8 way ogalaadeen arrimahaan oo dhan wayna saxeexeen,SRRC-na way soo dhaweysay laakiin weli mayna saxeexin, hasa yeeshee DKMG ah waxay si cad u diidey in Hogaamiyeyaalka kooxaha oo la tashanaya hogaamiyeyaalka dhaqanka ay wax soo doortaan waxayna qabaan in xubnaha Barlamaanka ay soo doortaan Hogaamiyeyaasha dhaqanka oo latashanaya siyaasiyiinta beeshooda.

Waxay kaloo DKMG ahi qabtaa in Mudada Fedaraalka ah la bilaabo laba sano ka dib magaca Dawladdana loo bixiyo DKMG ah halka SRRCduna ay qabto in la yidhaahdo magaca Dawladda, Dawladda Fedaralka Ku Meel Gaadhka ah.

Si kastaba ha ahaatee Guddiga Farsamada IGAD ayaa waxay wadaan Dadaal ay isugu soo dhaweynayaan fikradaha la isku diidan yahay haddii ay ku guuleysan waayaana waxaa la filayaa in berito la horkeeno shirweynaha si go'aan looga gaadho.

Haddii la isla meel dhigo arrimahaan waxaa lafilayaa in shirku u gudbo wejigii seddexaad ee ugu danbeeyey ee doorashada Xubnaha Barlamaanka iyo madaxweynaha.

Dadka shirka u kuur galaana waxay sheegayaan in arrimaha doorashada Xubnaha Baarlamaanka iyo Madaxweynahaba laga yaabo in ay qaataan ugu yaraan labo todobaad marka la gudo galo wejiga seddexaad ee shirka.

Top


C/laahi A. Caddow Oo Xaqiijiyay Inu U Tartamaayo Madaxtinimada Somalia.

Cabdullaahi Axmed Caddow oo ka mid dadka u tartamaya madaxtinimadaSoomaaliya ayaa shir jiraa'id uu ku qabtay magaalada Nairobi ayaa waxaa uu ku sheegay inuu si rasmi ah isugu sharaxay jagada madaxtinamada Soomaaliya.

Taas oo uu Caddow sheegay in uu ku beeninayo warar la isla dhex marayay oo sheegayay in uu ka tanaasulay isu taagiga jagadda madaxtinimada.

Caddow waxaa kale oo uu sheegay in uu ku kalsoon yahay in shirka Mbagathi lagu dhisi doono dowlad loo dhan yahay. Waxaa uu sababtana ku sheegay in shirka hadda socoda ay cid kasta joogto, beesha caalamkuna ay taageeri doonto waxii ka soo baxa. Waxuuna sheegay in hadda Soomaalidu ayna heysan meel kale oo ay u noqoto haddii uu shirkani burburo.

Caddow oo ka jawaabaya su'aal aheyd rajada uu ka qabo in uu ku guuleysta tartanka madaxtinada oo ilaa iyo hadda ay si rasmi ah isku soo sharaxeen kow iyo soddon qof.

Waxuuna sheegay in uu kalsooni weyn ku qabo in uu ku guuleysanayo tartanka madaxtinimda. Kalsoonidaasna sida uu sheegay ay u muujiyeen dad badan oo kala duwan.

Caddow waxaa uu shirka jaraa'iid si dul mar ah uu uga sheegay qorshihiisa siyaasadeed, waxuuna balan qaaday in uu qorshhaas oo qoraal ah uu soo gudbin doono marka la doorto xildhibaanada.

Intii uu soo koobayay qorshihiisa siyaasada waxaa uu ku xusay, in uu rumeysan yahay nidaam dowladdeed oo fidiraali ah, dhaqaale xor ah, saxaafad xor ah, in la dhifaaco xuquuda aasaasiga ah ee bini'aadamka iyo dumarka dowr ku filan laga siiyo maamulka. Waxaa kale oo uu sheegay in uu wax weyn ka qabanayo xagga caafimaada iyo waxbarashada.

Caddow oo ka hadalya qorshihiisa siyaasada dibadda waxaa uu balan qaaday in uu iskaashi weyn la sameynayo dowladdaha caalamka, gaar ahaan Afrika iyo Carabta iyo Mareykanka iyo Yurub.

Caddow oo ka haddalayey arrimaha Jamhuuriyada Soomaaliland ayaa sheegay in uu ugu horeyntii ugu hambalyeenayo Somaliland nabadgalyada iyo xasiloonida ay hanteen iyo doorashooyinkii dimuquraadiga ahaa oo ay qabteen, uuna balan qaaday haddii loo doorta jaggada madaxtinimada in uu wadahadal walaalnimo uu la yeelan doono, isla markaasna uu balan qaadayo in aan Xamar dagaal looga soo qaadin.

Top


Hambalyo.

Hooyo Dhudi Jaamac Faarax Iyo Odaygeeda, Ismahaan Maxamed Cabdi Iyo Ninkeeda, Farduus C/Laahi Cabdi Iyo Ninkeeda, Ayeeyo Caasha Saleebaan Faarax, Maxamed Ismaaciil Diiriye, Cali Aar Cabdi, Yaasii Aar Cabdi, Daa’uud C/Laahi Cabdi, Cabdi C/Laahi Cabdi, Cawil Maxamed Cadi, Dooli Maxamed Cabdi, Saleebaan Aadan Cabdi Iyo Xaaskiisa, Cali Warsame Axmed, Shamis Yuusuf Maxamed Dhamaan Reer C/Jabaar, Dadkaasi Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Iyaga Oo Kala Jooga Dalka Gudihiisa Iyo Dibadiisaba Arooska Mahad Maxamuud Cabdi Iyo Marwo Siciid Maxamuud Ismaaciil Oo Aqal Galkoodu Ka Dhacay Dalka Maraykanka Gaar Ahaan Gobolka Colafornia, 27/06/2003, Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Waara. Aamiin.

Top


Wargeysyada Caalamka ee Todobaadkan.

Washington Post.

Wargeyska ka soo baxa dalka Mareykanka ee Washington Post ayaa qoray in Xoghaya Guud ee Qaramada Midowbey, Koffi Anaan uu ka dalbay Golaha Amaanka in uu ansixiyo ciidamo nabad ilaalin ah oo la geeyo dalka Liberiya si loo soo afjaro dalgaalka u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka, kaas oo kalifay in ay dhinaan boqolaal rayid ah.

Wargeysku waxaa uu intaa ku daray, waraaq uu Kofi Anaan u soo qoray Golaha Amaanka ayaa uu ku sheegey in ciidamada halkaa la geynayaa muhiimada ay leedahay ay tahay in la baajiyo masiibo weyn oo xagga bini'aandanimada ah iyo in xaalada dalkaa lagu soo celiyo caadi.

Wargeysku waxaa kale oo uu xusay in mammulka Bush uuna wali go'aan ka gaadhin in ciidamo uu u diro Liberia iyo in kale. Wargeysku waxaa kale uu sheegey in dalka Liberiya uu xulufo la ahaan jiray dalka Mareykanka xiligii uu jiray dagaalka Qaboobaa, xidhiidh dhow oo gaar ahna dowladdu Mareykanku la leedahay dalkaas, maxaa yeelay dalkaasi ayaa baa uu yidhi wargeysku waxaa lagu aasaasay qarnigii sagaal iyo tobanaad dad madow oo la xoreeyey oo Mareykan ahaa.

Al Bayaan.

Wargeyska Al Bayaan ee ka soo baxa dalka Isu taga imaaraadka Carabta ayaa waxaa uu wax ka qoray arrin dhacday markii uu ka socday Shirkii lagu qabtay Evon ee dalka Faransiiska oo ay ku shirayeen dalalka la isku yidhaahdo G8.

Wargeysku waxaa uu sheegey markiii uu shirka dowladaha ugu hurmaray xaggaa warshadaha ee G8 uu ka socday dalka Faransiiska in sarkaal sare oo qaabilsan dhaqdhaqaaqa hawadda in uu si cayaar cayaar ah uu helokobtar khadkeedii ka leexatay oo gashay khad qalad ah u siiyay magaca Al qaacida, taas oo sababi gaadhtay in ay duqeeyaan diyaaradaha dagaalka ee Faransiiska oo ay soo ridaan diyaaradaas. Hase ahaatee, sida uu sheegay sarkaal Faransiis ah in arintaa la joojiyay daqiiqado ka dib markii ay ogaadeen diyaaradaha Faransiisku in diyaaradaasi ay igu leeyihiin.

Wargeysku waxaa uu intaa ku darayaa isaga oo soo xiganaya sarkaal u hadlay shirkada Skyfight ee ilaalinta dhaqdhaqaaqa hawada in sarkaalkii falkaasi sameeyey uu leftiisu qirtay in ay arrintaasi aheyd fal duqoniimo ah. Wargeysku waxaa uu sheegayaa in ninkaas hadda laga joojiyey shaqada, loona saaray gudi anshax mariya.

Al Qudus AL Carabi.

Wargeyska Al Qudus Al Carabi ee ka soo baxa magaalada London waxaa uu maanta daabacay maqaal uu kaga hadlayo dalka Sacuudiga oo ay ka socdaan doodo kulul oo isbedel doon ah.

Wargeysku waxaa uu ku bilaabay qoraalkiisa in dalka Sacuudiga ay hadda ka socodaa doodo aan looga baran oo looga haddalyo isbadalo xagga siyaasadda. Wargeysku waxaa uu sheegayaa in doodahaas oo ay daadihinayaan Gudidda dib u heshiisiin qaran oo ay ka mid yihiin godoomiyaha gudiba golaha shuurada Sacuudiga Al shiikh Saalix binu xumeyd iyo rag kale oo caan ah oo isugu jira siyaasiyiin iyo aqoonyahano.

Wargeysku waxaa uu intaa ku daray in doodii ugu horeysay ay ka dhacday magaalada Riyaad, taas oo markii ugu horeysay laga qeyb galiyey xubno ka socoda shiicada Sacuudiga iyo rag kale oo mucaarad ku ah dowladda Sacuudiga oo uu ka mid yahay Shiikh Salmaanu Cowda oo hore loo xidhay iyo nin kale oo la yidhaahdo, Matruuk Al Faalix, iyadoo uu doodaasina uu ka maqnaaday sida uu wargeysku sheegayo shiikha caanka ah ee Safar
Al cawaali.

Wargeyska Al Qudus Al Carabi waxaa uu sheegayaa in dooda labaad oo ugu kululeyd ay ka dhacday magaalada Jeddah Arbacadii la soo dhaafay, taas oo hadalo kulkulul isweydaasaday, iyadoo uu goob joog ka ahaa amiirka magaalada Maka, amiir Cabdulmaajid Binu Cabduciis, doodaasna sida uu wargeyku sheegayo waxaa ka qeyb galay dad kor u dhaafaya boqol qof.
Hase ahaatee, arrinta ugu weyn ee fadhigaasi ka dhacday ee lama filaanka ah sida uu wargeysku sheegayo waxay aheyd in ninka ganacsiga caanka ku ah ee Ibraahim Afandi ayaa inta uu shirka ka dhax istaagay sheegay, in wax la hagaajiyo ayaad aad uga hadleysaan, Marka waxaan idin farayaa haddii aad wanaag dooneysaan in aad ka bilowdaan qoyska boqortooyada ee xukunka haya.

Wargeyska oo soo xiganaya ninkaas ayaa sheegaya in uu gacansaduhu uu dalbaday in wax ka qabashada laga bilaab amiirada haya xilalka ayna istaahilin.

Wargeysku waxaa uu intaa ku darayaa in doodahaasi ay sii socon doonaan, hase yeeshee waxaa la isku khilaafsan yahay baa uu leeyahay wargeysku ujeedada laga leeyahay doodaha. Qaar waxay u arkaan doodahan in ay yihiin kuwo ay qoyska reeb boqor ku urursanayaan xog si ay isbedel u sameeyaan.

Halka qaar kalena ay u arkaan in doodahan lagu qaboojinayo caradda shacabka kacsan ee Sacuudiga. Waxayna shacabku si weyn u dalbanayaan sida uu wargeysku sheegayo in dumarka la siiyo xuriyad dheeraad ah iyo in la doorto golaha shuurada ee dalka Sacuudiga.

Top


Ciidamada Maraykanka Oo Qabqabtay 180 Xubnood Oo Ka Tirsanaa Xisbigii Al-Bacas

Baqdaad (W.Wararka):- Ciidamada Mareykanka ayaa qab-qabtay ugu yaraan 180 qof oo xubno ka ahaa xisbigii Albacas ee xukumi jiray dalka Ciraaq muddadii Madaxweyne Sadaam Xuseen, Intii uu socday hawlgal ballaadhan oo lagu burburinayey iska caabbinta hubaysan ee Ciraaqiyiinta.

Ciidamada Mareykanku waxay kaloo la wareegeen hub iyo dokumentiyo milatari intii ay ku guda-jiren in ka badan labaatan weerar oo ka dhan ahaa bartilmaameedyo ay ku jireen hoggaamiyeyaal milatari oo hore oo reer Ciraaq ah iyo taageereyaashii Xisbiga Bacath.

Sarkaalka Mareykanka ah ee gacanta ku haya maamulka Ciraaq, Baul Bremer, ayaa BBC-da u sheegay in taageereyaasha hoggaamiyihii Ciraaq ee la eryey, Saddaam Xuseen, ay isku dayayaan in ay cabsi-geliyaan dadka reer Ciraaq, laakiin haddan waxa uu yidhi Paul Bremer, sharciga iyo kala dambaynta ayaa lagu soo celinayaa Ciraaq.

Ilaa intii ay billaabatay bishan, 17 askari oo Mareykan iyo British isugu jira ayaa ku dhimatay dalka Ciraaq gudihiisda weerarro ay ku soo qaadeen dagaal-yahanno reer Ciraaq ah.

Top


Shaqo Ka Fadhiisi Weyn Oo Ka Socda Dalka Nayjeeriya.

Abuja (W.Wararka):- Shaqi ka fadhiisi weyn ayaa ka socda dalka Nigeria oo laga cabanayo sicirka betroolka oo lagu kordhiyay in ka badan boqolkiiba konton.

Shaqoka fadhiisigan oo ay ku baaqeen Ururada Shaqaalaha ee dalka Nigeria ayaa waxaa uu burinayaa waraaq ay maxkamadu soo saartay.

Dowladdu waxay sheegaysa in lagacta ay kaabto shidaalka in ay sanadkiiba gaadhto labo billyan oo doolar, lacagtaas oo ay sheegtay in ay ku wanaagsanaan laheyd in lagu bixiyo adeegyada aasaasiga sida caafimaadka iyo waxbarashada.

Hase yeeshee, wariyaha BBC-da ee Nigeria ayaa sheegaya in dalkani uu soo saaro saliid xadigeedu badan yahay, dadkuna ay filayaan in ay xaq u leeyihiin in saliida si raqiis ah looga iibiyo.

Waxaa kale oo uu sheegay in hadii shaqo ka fadhiisigan uu dheeraado in uu dhibaato weyn ku keeni karo dhaqaalaha Nigeria, gaar ahaan, haddii la xidho waxsoosaarka saliida ee muhiimka ah.

Top


Morgan Oo Diyaarinaya Duulaan Uu Dib Ugu Qabsado Magaalada Dekedda Ah Ee Kismaanyo.

Kismaayo ( W. Wararka) wararka ka imanaya gobolada jubooyinka ayaa sheegaya in Moorgan uu isku diyaarinayo weerar uu ku qaado Kismaayo isgoo haatan ku Hawlan ururinta ciidamo uu u adeegsado duulaanka uu maaganyahay.

Gudoomiyaha garab ka mid ah RRA-da Kor. Shaati Guduud oo markii u horeysay ka hadlay tuhunka kooxdiisa lagu tuhunsan yahay inay saacidayso guluf colaadeed oo Jen. Moorgan uu la maagan yahay magaalada Kismaanyo ayaa sheegay in kooxdiisu si buuxda ay u caawin doonto duulaanka.

Shaati-Guduud waxaa la rumaysan yahay in ujeedadiisu ay tahay kaliya inuu ku xumeeyo garabka ay iska soo hor jeedaan ee RRA-da ee uu hogaamiyo Xaabsade iyo C/Laahi Black oo haatan ku sugan Kismaanyo. Garabkan RRA-da ee Xaabsade iyo Balack ayaa uga digay Jen Moorgan inuu isku dayo inuu dhex maro deegaamada ay ka taliyaan.

Dhinaca kale, Kor. Barre Shire Hiiraale oo ah gudoomiyaha malayshiyada gacanta ku haysa agaalada Kismaanyo oo isna ka hadlay duulaankan la sheegayo ayaa ku nuux-nuuxsaday inay Isbahasigiisu uu difaaci doono magaalada Kismaanyo qiima kasta oo ay ugu kacdo. Kor. Barre Hiiraale wuxuu inbaareeyay maamulada Puntland iyo Itoobiya oo uu sheegay inay ka danbeeyaan duulaankan.

Wararkii ugu danbeeyay ee ka imaanaya dhinaca Jen Moorgan ayaa sheegaya in malayshiyadiisu ay aad uga fiirsanayso inay sameeyaan ilduuf xaga milateriga ah, iyadoo Jen Moorgan laga soo xigtay in haddii uu ku guul daraysto duulaankan uu iskaga bixi doono siyaasada qab-qablayaasha ee Soomaaliya.

Magaalada Kismaanyo waxay ka mid tahay magaalooyinka muhiimka ah ee Soomaaliya, waxayna xero lagu hardamo u ahayd kooxo hubaysan oo iska soo horjeeda ilaa intii uu dagaalka sokeeye ka bilowday Soomaaliya 1991.

Waxaana ugu yaraan isu badalay shan gacmood oo kala dambeeyay. Dadka u dhashay deegaamada Jubooyinka ayaa intooda badani kor joogto ka yihiin hardanka iyo loolanka loogu jiro gacan ku haynta magaalada oo lagu tilmaamo inay tahay "dhinbiishii Soomaaliya" oo micnaheedu yahay khayraadka dabiiciga ah ee ay leedahay. Haatan waxaa gacanta ku haya Kismaanyo malayshiyada Isbahaysiga Dooxada Jubba oo uu madax ka yahay Col. Barre Shire Hiiraale.

Top


Falastiiniyiinta Oo La Wareegay Deegaanka Qaza.

Qasa (W.Wararka):- Ciidanka ammaanka ee Falastiiniyiinta ayaa la wareegay maamulka Woqooyi ee Jiidda Gaza, kaddib markii ay ciidamada Israa'iiliyiintu ka guureen halkaasi taasoo ahayd tallaabadii ugu weyneyd ee ay ilaa iyo hadda u qaadaan Israa'iiliyiinta dhinaca qorshaha nabadda ee Bariga Dhexe.

Ka bixitaanka Israa'iil ee halkaasi waxa uu ka dambeeyey dhawaaq ka yimid dhinaca labada kooxood ee ugu xag-jirsan dhinaca Falastiiniyiinta oo kala ah Xamaas iyo Islamik Jihaad, kuwaasoo ku baaqay in ay hakinayaan weerarrada ay ku hayaan Israa'iiliyiinta, taasoo iyaduna u taagnayd shuruud ahaan dhinaca Israa'iliyiinta fulinta qorshaha nabadda.

Koox saddexaad oo reer Falastiin ah, oo ah qeybta ugu weyn dhaqdhaqaaqa Fatax, ayaa iyaduna sheegtay in ay ku baaqayso xabbad-joojin.

Weriye ka soo warramay Jurusalem ayaa sheegay in hadda reer Gaza ay filayaan xorriyad xagga dhaq-dhaqaaqa ah oo ka ballaadhan sidii hore, gaar ahaanna furitaanka waddada weyn ee isku xidhta Woqooyiga iyo Koofurta, taasoo ay xidheen jid-gooyooyin ay ka samaysteen ciidamada Israa'iiliyiinta.

Wararkii ugu dambeeyeyna waxay sheegayaan in ciidamada Israa'iiliyiintu ay waddadaasi ka qaadeen wixii jid-gooyooyin ahaa ee halkaasi yaallay laga billaabo Jiidda Gaza ilaa waddada xagga Koofureed ku xidhta, taasoo u oggolaatay Falastiiniyiinta dhaq-dhaqaaq xor ah markii ugu horreysay muddo ka badan labo sano.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Kumuu Ahaa Dr. Aadan Faarax?

Alla ha u naxariistee Dr. Aadan Faarax Abraar wuxuu ka bilaabay waxbarashada markii la dhisay cusbitaalka Boorama isla markaa waxa dadka dawayn jiray Ingiriiska oo ahaa dhakhtaro, isla markaa Xaaji Faarax Abraar oo ahaa aabihii ayaa dhakhaatiirtii u geeyey Dr Aadan Faarax oo yidhi wax ii bara quraarad hadduu jabiyana anigaa bixinaya lacagteeda, ka dib Dr. Aadan wuxuu ahaa nin degan oo Ilaahay ku manaystay fahamka insaaniyadiisuna aad u fiicnayd hiigsan jireyna siduu mansab sare u gaadhi lahaa.

Waxa markaa u bogay dhakhaatiirtii Ingiriiska ahaa sida uu durba wax u bartay iyo shaqadiisa wuxuuna dhakhaatiiradii go’aan ku gaadheen in Aadan loo qoro mushaharo ka idbna waxa maqlay Xaaji Faarax oo ku yidhi dhakhtarkii Ingiriiska ha u qorina lacag mushahaaro ah balse kaliya wax ha barto, in mudda ayuu ku shaqeeyey mushaaro la’aan, balse markii dambe aabihii Xaaji Faarax ayaa loo yeedhay oo la yidhi wax wuu bartay anaga ayuu nala mid yahay mushaarana waa inuu qaataa Xaajigii wuu ogolaaday ka dib wuu dalacay ka dib Hargeysa Burco, Ceerigaabo Laascaanood, Muqdisho ayuu ka shaqeeyey, markii dambena waxa la wareegtay qaramada midoobay, (WHO) ee caafimaadka adduunka, ayuu u joogay Afrika oo dhan, wakhtigaas oo ahaa lixdanadii hase yeeshee hadduu maqnaado sanado wuxuu soo booqan jiray sanadka kale waalidkii, iyo asaxaabtiisa, walaalihii iyo dan shakhsi ah.

Isla markaa wuxuu yimiday 1981-kii Muqdisho, haddana wuxuu u soo kacay dhinaca waalidkii joogay Booramae, isaga oo diyaarad ka soo raacay Muqdisho ayey diyaaradi kula qaraxday Balcad, halkaas oo ku geeriyooday Dr. Aadan Faarax Abraar, iyo (50) qof oo kale alla ha u naxariistee.

Iyada oo dalal badana looga baroortay, geeridiisa.

Haddaba 1981-kii ayaa loogu magac daray cusbitaalkii uu ku barbaaray, oo la yidhi Abraar General Hospital, ka idbna dadkii uu dhalay oo magac ku leh adduunka ayaa waxa soo xasuusatay Yusur Aadan Faarax oo dhakhtarka ku caawisay qalab badan oo qiimo qaali ah ku taagnaa. Oo ay qalabkaas ugu talo-gashay dadka cusbitaalka bukaan jiifka ku ah, laakiin maamulkii markaa joogay markaasna ay go’aansadeen shaqaalaha Abraar Hospital oo ahaa 75 qof la siiyo midkiiba hal xabo inta soo hadhana la dhigo bisaduba markay dhasho xabada ugu horesay way cuntaa, si ay ugu tamariso balse maamulku hadduu gartay inuu midhi midhi u qaato magacii Cusbitaal la goostay, maamulka maanta joogaa hadduu kii hore sidan yeelay ka dambana ma waxa ku adkaatay inuu boodhka sameeyo shaabadahana sameeyo boonooyinka magaca ku daraa nmise magac kale ayaad u raadisaan oo waabad u quudhi weydeen ma waxaad leedihiin idinku soo sameeyo saaxiibayaal canaan ka dhigta hadalkayga idina magaca ka soo saara muujinaya magaca cusbitaalka Abraar Hospital Boorame.

Axmed Yuusuf Faarax, Boorame.

Top


Batar Baan Ka Tumaa Meel Baroor Ku Haboon.

Ninbaa waxa uu lahaa qaali geela wax adduuna, hase yeeshee nacabyaa ku soo duulay, kana qaaday, ka dib waxa isugu darsamay ciil, caloolyaw, cadho iyo caydhnimo. Muddo badan ayuu talada rogrogayey, rubaddiisa iyo ra’yigiisuba waxay go’aamiyeen, laba midkood inuu geeriyoodo, iyo inuu guga maalo hashiisii oo uu caydha iyo darxumada si geesinimo leh ayuu ugu hagaagay goobtii cadawga ka xooga badani ku haysao hashiisa, waanu la kulmay waxaanu ku salaamay, waaryaahee hashayda haysan mayside geelaagan wada xaaraanta iyo boolida ah iiga soo saar.

Cadawgii wuu yaabay, wuxuuna weydiiyey laba odhaahood oo uu yidhi waar miyaanad ogeyn inaynu colnahay, ta kale miyaanan kaa awood badnayn, sidee ayaad iila hadlaysaa, wuxuu ugu jawaabay labada arrimoodba waan ogahay, laakiinse ma ogoli quudhsi iyo qaalintayda oo aad iska haysato, waxaanse ogolahay geeri, haddii aan hashaydii waayo, dood dheer iyo garnaqsi badan oo laysku dooyeystay ka idb waxa laysku afgartay in dadnimada iyo wanaagu yahay in la is xaq dhawro oo aan lays dulmin waxay labadooduba ku nuuxnuuxsadeen in baniaadamka dawladiisu tahay sinaanta, wada noolaanshaha iyo is xilqaanka sidaa daraadeed waa lays gacan qaaday iyo hashii oo la gudoonsiiyey, iyada oo saddex bilood ka hor dhahasy nirigteediina wadata, wuxuuse yidhi ninkii hasha laga kaxaynayey, waar wuxuu ku jawaabay hasha markaan arkayba waxaan u bixiyey maandeeq, maxaadse igula talin lahayd wuxuu yidhi ninkii hasha bixinayey waxaan kuu sheegayaa in aadan hashaada geel kale iskaga dhexdarin waayo waa gooni daaq oo geela kuma dhex xasisho, qodobka labaad laba wanaagsan iyo ceel masnaba la ogoow, sidaa haddaad yeesho waxaan hubaa in aadan gaajo dambe arki doonin, waayo hashaadu hadhuubka la hoos hdigo ma dhinto waligayna maan arag neefka caano macaan, sidaa awgeed hal quudho maahee u foojignaaw. Wuxuu ku jawaabay ninkii hasha lahaa waar hashayda waxaan ku darsanayaa niman geel badan oo leh oo aanu qaraabo nahay. Ninkii hasha bixinayey intuu gacanta ka saaray ayaa wuxuu yidhi mar labaad hadaad diiday taladaydii waxa ogaataa in nin hashaa caanaheeda dhadhamiyaa aanu kuu celin doonin. Qaraabada aad sheegaysaa waaba ta aan kaaga digayo waxadse iila muuqataa inaad tahay caqli laawe iyo caano ma dhame, kaxayso hashaada, ninkii hasha lamaan watay wuxuu soo dalandaliyeyaba wuxuu dul keenay reerkiisii markii ay bidhaanteeda arkeenba reerkii waxay bilaabeen ciyaar iyo dabaal deg ay ugu damaashaadayeen hasha.

Ka dib markii ay qadar wadeen ciyaartii ayaa rag ka mid ah reerkii soo jeediyeen in la maalo hash aoo carruurtan yaabisku dilay loo liso, waxa si cadho leh uga horyimid xaafadda inteedii kale iyaga oo u sababeeyey inay rabaan in aan la maalin ilaayoo ay la degaan oo ay tolkood u tagaan. Waxa awood badatay ra’yigii xaafada keentay, waxaanay bilaabeen hayaan iyada heeryada loo jiiday hayinkii lagu guurayey, geed dheeroo afar cisho oo galab iyo waala ah ayey ku gaadheen goobtii ay daganaayeen qaraabadii ay u socdeen.

Reerkan guuray oo la yidhaa ilma warmahaye waxay dul yimaadeen tolkood oo la yidhaa ilam managade, ciyaabay ilma warmahaye jaanta iyo jiibta xajiyeen, waa yaab waxa ku tiraabay ilma managade, iyaga oo ku tilmaamay ilma warmahaye kuna tiriyey waali, waxay tumayaan ilma warmahaye, sacab iyo ciyaar talantaaliya ilma managade waxay shir deg deg ah ku qabsadeen bartii iyaga oo ku tashaday inay ka faa’iidaysan karaan reerkan sida filan waaga ah u soo daf yidhi, waxa ay go’aan ku gaadheen inay dhamaantood qabqabtaan oo figeeyaana, hashana kuruska la tiicayana ee caanuhuna tif tif leeyihiin ka qaadaan.

Ilma managade waxay fuliyeen qorshahoodii, waxaanay seeto iyo figayn ku fadhiisiyeen ilma warmahaye, jugtaa gaadhay iyo boogaha xadhiga jaray iyo jeedalka uu ku sameeyey qoyskii ulma warmahaye waxa u dheeraa jidiin go’a iyo qablalalanka gaajadu keentay. Waxaase la yaable ilma warmahaye iyaga oo xaaladda ku sugan ayey u heesayeen hashii ay heleen, oo hadda imika ay ka jal la’yihiin.

Ilma warmahaye muddo badan waxay silicaa ku suganaadaanba waxa u suura gashay iyada oo rabi saacidayo inay ka fakadaan bartii, laakiin faro madhan hashii.

Waxay duuda iyo duurka ilma warmahaye ku noolaadaanba waxay u hawgaleen sidii ay hashoodii mar labaad u xero keeni lahaayeen, tamar ay ku dhiciyaana hasha iyo taaga ma hayaan.

Tab iyo xeelad iyo taageero eebbe ayeyse ku fuliyeen arrintii, iyaga oo hantiyey hashoodii maandeeq iyo nirigteedii mar labaad, waxase marlabaad ilma warmahaye waxay weli u ciyaarayaan maalintii hore intay hasha heleen hadana la qaaday.

Haddii aan u gudo daadago ujeedada sheekadan gaaban maxay kaga duwantahay 26-ka June markayn u ciyaarayno, ninkii hashii dirqiga lagu siiyey laga qaaday, haddana waliba u ciyaarayey.

Aniga ahaan ra’yigayga 26-ka June waa maalin murugo, mana haboona in dabaal deg noocaas ah la sameeyo, waayo waxa loo dabaaldegayaa ma jiro maadaama aynaan intifaacsan xornimadii oo afar cisho ka dib la inaga qaaday. Waxay ila tahay wixii waxtar soo kordhinaya ayaa la xasuustaa, ee maxay soo kordhinaysaa dhibaato ayaan ku qabin Ingiriis iyo xasuuq miyaanay ahayn ku ka guur iyo qanjo u guur.

Maxamed Cabdi Bursad, Hargeysa.

Top


Hala Joojiyo Xeerka Saxaafadda Madaxa-Banaan.

Aniga oo ah waayeel ku nool gobolka Saaxil ee magaalada Berbera had iyo goor ka mid ah dadka xiiseeya warbaahinta dalka Somaliland iyo wargeysyada madaxa banaan wara ay qoraan, una soo gudbiyaan shacbiga Somaliland ayaa waxaan saxaafada ka dhegaystay xeer ku saabsan in loo sameeyo xeer xakameeya, saxaafadda Somaliland, si loogu cabudhiyo.

Haddaba waxay iila muuqaa mid wax loogu dhimayo xoriyatuqawlka haddii aan la sheegin inkaar galabsada ama cidii shacbiga wax ka lumisa. Iyada oo u muuqata in lagu dabrayo habsami u socodka dimuqraadiyadda Somaliland.

Mana aha in shacbiga codkooda la cabudhiyo, iyada oo aan la tixgelinayn hawlaha saxaafadu u qabato ummadda.

Haddaba waxaan soo jeedinayaa in baarlamaanku xeerkaas ka fiirsado.

Bile siciid Cumar Cali, Berbera.

Top


Ma Jiro Urur Ay Samaysteen Ardayda Jaamacadda Hargeysa.

Anaga oo ka mid ah ardayda jaamacada Hargeysa waxa aanu si cad u beeninaynaa ururka isku magacaabay inay ku bahawday ardaydii kaasi oo ah wax aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana laga been abuurtay ardeydii jaamacadda Hargeysa.

Sharaftii iyo karaamadii ardeydana meel lagaga dhacay. Waxaanu uga digaynaa dadka sida gaarka u ugu adeegsanaya magaca ardeyda iska horkeenaya inay ku qadhaabtaan magaca ardeyda inay ka waantoobaan arrimaha iska horkeenaya ee aan waafaqsanayn sharciga jaamacadda u yaal.

Waxaanu ogeysiinaynaa dhamaan hay’adaha ururada wadaniga ah iyo kuwa dabedahaba in aanu jirin wax urur ah oo ay ku bahawday ardeyda jaamacaddu oo aan ahayn guddida ardeyda (Student Union).

Waxaanu ka raali gelinaynaa dadkii sharafta lahaa ee beenta loo sheegay ee lagu marti qaaday ururka been abuurka ah ee huwan magaca ardeyda jaamacadda. Sababta oo ah wixii urur sharci ah ee ay ku bahoobaan ardeyda jaamacadda waxaa lagaga dhawaaqaa maamulkii jaamacadda iyo ardeyda hortooda.Maqaalkaas oo ku soo baxay wargeyska Jamhuuriya cadadkii salaasadii.

Maxamed Cabdi Jaamac
C/laahi Xasan Caalin
Mukhtaar Muuse Xasan
Axmed Maxamed Jaamac
C/naasir Cumar Suldaan
C/raxmaan Aaden Shire

Top


Bayaan Beenin Ah Odayaal Reer Wajaale Ah.

Tog-Wajaale (Haatuf): 55 xubnood oo kala ah odayaasha, cuqaasha, dhalinyaro iyo laba xildhibaan oo ka tirsan xisbiyada UDUB iyo UCID ayaa beeniyey war ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya vol: 11, 2050 ee Axadii 29 June, warkaas oo cinwaankiisu ahaa “Wajaale iyo Samaynta Guddi maamul oo madax banaan,” kaas oo ay ku tilmaameen war aan sal iyo raad toona lahay, iyaga sheegay inaanu duqa cusub ee degmada Mr. Giriin ka sheegin fagaaraha, uu dadka kala hadlay, waxay intaa ku dareen in guddida Tog-wajaale ay mid hore loo dhisay, intii maamulkii hore jiray.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Gabiley Maxamed Xasan Xuseen, xubnahani waxay xuseen in wasaaradda arrimaha guduhu soo saartay qoraal ay ku cadaynayso guddidaa, isla markaana ay guddidani waafaqsan sharciga ismaamulka gobolada iyo degmooyinka qodobka 33aad, kaasi oo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Gabiley lagu hordoortay 7 xubnood, taas oo hortooda ku magacaabeen gudoomiye Mr Maxamed C/laahi Habane, ku xigeenkiisuna yahay Mr. Axmed Mawliid Muumin, guddigaasina sharciga waafaqsan yahay ee dadka reer Tog-Wajaale doonayeen.

Top


Badheedhaha Wargeyska: Gar-Darada Ayay Ka Jecel Yihiin Dantooda Hogaamiyayaasha Kiiniya Ku Shirsani.

Indhawaale ragyawga Soomaaliyeed eek u shirsan madasha Nayroobi, waxa ka soo baxayay hadalo is-daba joog ah oo ay ku andacoonayeen in Somaliland shirka ka soo qayb-gasho. Qaar ka mida hogaamiyeyaasha kooxaha Soomaliya ayaa maalinkasta codsiyo u geeya wiilka yare e kuukuuyo Mr. Kibligat. Codsiyadaas oo ay ku dalbanayaan in Kibligat u yeesho Somaliland oo shirka soo geliyo. Markaad hadaladaas iyo kuwo kale maqasho, waxaad isweydiinaysaa su’aalaha:

Kibligat ma yahay nin awood u leh inuu u yeedho Jamhuuriyadda Somaliland?

Somaliland mawaxay ka mid tahay kooxaha Soomaaliya isku haya?
ujeedada shirku ma waxay ahayd in Somaliland iyo dad wax dhistay laga baabi’iyo, mise in wax lagu dhiso?

Ta kale inanka iska hor qaadi kari waayay isbaarada gurigiisa hor taalla, waa maxay waxa uu Somaliland oo ah Jamhuuriyad dhisme dhammaysatay ugu hunguroonaya?

Ugu dambayntii dhibaatada Soomaali haysataa ma Somaliland burburkeeda oo keliya ayay ku xidhan tahay?

Dhammaan jawaabaha su’aalahaas oo aan jeer dambe u dhigan doono, waxaanse jecelahay in aan ereyo kooban ku idhaahdo saaxiibada sidaas u fikira; Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, “Hal aan weli kuu dhallin ilmaheeda ha tirsan”. Saaxiibayaal marka hore dadka Soomaaliyeed waxa dheg-xumo ku ah in dawladnimadii Soomaaliya Kiiniya laga doono. Ragii sheeganayay in ay Madax yihiin ee wax isbidayayna dhammaantood intay Nayroobi tagaan oo soo hor fadhiistaan inan yar oo safiir ahaan jiray, kana dhashay qolyihii aad Wesheysiga ula baxdeen oo weliba ku tidhaahdaan Qarannimadayadii noo samee! Oo qado noo samee, oo quraac yaanaan waayin, oo Somaliland noogu yeedha! Oo weliba marka uu qorshe idiin soo jeediyana aad tidhaahdaan waa lana afduubayaa oo qoladayadu ma ogolin iyo Itoobiyaa na qabsanaysa.

Saaxiibayaal, waxaad tihiin rag daydayaya cunto calooshooda ku jirta, ama shay aanay garanayn si uu u egyahay. Waayo, ragiinaas Nayroobi ku shirayaa nin waliba wuxuu ka yimi Qabiil ee ma jirto nin dawlad Soomaaliyeed ay diratay oo ay ku tidhi qaranimo Kiiniya nooga soo qaad. Markaad leedihiin Soomaaliya ma kala go’i karto, xagay joogtaa, miyaanay ahayn taa aad imika raadcaynaysaan, isweydiiyoo ma Kiiniya haysa, ma Itoobiyay taallaa, ma Djabuuti baa qarisay?

Run hadaan idiin sheego, qarannimadii Soomaaliya ee aad daydayaysaan waa tii aad nacdeen ee haysan garanweydeen, halkay tagtayna hadaan idiin tilmaamo, waxay qabatay laamid dheer ee isku xidha Hargeysa iyo Muqdisho, iyadoo ooyaysa oo dibna ugu soo noqotay raadkii iyo wadadii berigii hore ay sii martay. Markay Burco marayso ayay isheleen ragiii gayaankeeda ahaa ee garanayay waxay gashiyo waxay gudo, waana ta maanta aad u taqaano Somaliland, xaaladda Somaliland waxay ku soo noqotay sidii ay 26-kii Juun 1960-kii ay u qaadatay qarannimada.

Soomaaliyana waxay noqotay sidii ay 1960-kii is-maamul-goboleedyada u ahaan jirtay. Hadaanay sidaas ahayn, in badan baad doondoonteene waad heli lahaydeen.

Shirkan imika loo fadhiyo, haddii loo hanweyn yahayna anigu uma haysto in lagu samaynayo dawlad Soomaali oo dhan wada gaadha, waayo halka laga bilaabay iyo sida loo wadaaba waxba kama gedisna kuwii awelba la qaban jiray. Markaa waxaan kula talin lahaa in shirka aan lagu samaynin Madaxweyne iyo xukuumad-toona, waayo maadaama aanay jirin dawlad Soomaaliyeed oo meel taal oo Madaxweyne keliya u baahan, haddii kale nin kasta oo la soo magacaabaa wuxuu noqonayaa qabiil, Soomaaliyana qabaa’il baa haysta, mana jirto qabiil ogol in qabiil kale qabsado.

Ugu dambayntii, waxaa kula talin lahaa in fursadda shirkaas Nayroobi lagu soo magacaabo afar Badhasaab iyo afar Gole Dhaqameed, kuwaas oo loo kala magacaabo gobollada loola kala baxay Jubbaland, Banaadirland, Koonfur-galbeed iyio Puntland, kadibna shan sannadood kadib marka mid waliba gobolkiisa soo dhiso shir ay u dhan yihiin laysugu yeedho, haddii kale Madaxweyne iyo dawlad dhexe oo lagu dhawaaqo, anigu waxaan u arkaa nin aan cago-ba lahayn oo kabo loo tolayo. 

Top


“Xukuumaddu Xeerkeeda Halla Xishooto,” War-saxaafadeed - SSWJ.

Hargeysa (Haatuf) - Ururka SSJW ayaa ka codsaday xukuumadda Somaliland in ay dib uga noqoto xeerka saxaafadda ee ay horgeysa golaha Wakiillada, waxaanu ururku sidaa ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Gudoomiyaha ururka SSJW, Axmed Cali Garas. War-saxaafadeedkii oo dhammaystiranina wuxuu u qornaa sidan:

“Annaga oo ah ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Somaliland (SSJW), si xushmad leh waxaanu xukuumadda uga codsanaynaa in ay Golaha Wakiillada dib ugala noqoto xeerka Xakamaynta saxaafadda, kaas oo aanu u aragno Dabar xukuumaddu la damacsan tahay shirkadaha madaxa bannaan ee dalka warka u faafiya.

Sidoo kale, waxaanu Golaha Wakiillada ka codsanaynaa in aanay Afti u qaadin ama Ansixin xeerkaas saxaafadda lagu xakamaynayo. Maxaa yeelay, Saxaafaddu waxay astaan u tahay Xoriyatul-qawlka. Xuquuqda Xoriyatul-qawlkuna waxa damaanad qaaday Distuurka Qaranka iyo Mabaadiida Guud ee dalka.

Sidoo kale, dalka waxa ka dhisan laba urur saxaafadeed SSWJ iyo ururka SOLJA, waxaanay ururradaasi leeyihiin xeer hoosaad ay ku ilaalinayaan anshaxa saxaafadda iyo ilaalinta qarannimada iyo xuquuqda suxufiyiinta dalkan Somaliland.

Haddaba, annaga oo og kaalinta warbaahinta gaarka ahi kaga jirto dhismaha dalka iyo wacyi-gelinta dadkeeda, isla markaana aan ogeyn foolxumo hore oo saxaafaddu dalka u soo hoysay.

Haddaanu nahay ururka SSWJ, waxaanu qabnaa in aanay jirin sabab xukuumaddu ula duslayso xeer fara-xumaynaya Xoriyatul-qawlka.”

  Top


Sidii Dhibta Yarayd.

Hargeysa (Haatuf) - Ilaa sagaal nin oo dhallinyaro ah ayaa hadda muddo bil ka badan ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, iyada oo sida Wasiirka Arrimaha Guduhu sheegay in loo haysto in ay ka qayb-qaateen qorshe qalaanqal abuur iyo kharbudaad ah oo ku lid ah dawladda.

Kooxdan dhallinyarada ah waxaa laga qabqabtay guryahooda iyo meelo kala duwan oo habeennimadii 19-kii bishii May fal tacshiirad la isku waydaarsaday oo ka dhacay galbeedka magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay in ay ka mid ahaayeen liis ilaa soddoneeyo dhallinyaro ahi ku jirto oo la doon-doonayo, iyadoo lagu eedaynayo in ay ku lug lahaayeen dhacdadaas.

Waxaa la qabqabtay dhawr iyo toban ka mid ah dhallinyaradaas, kuwaas oo aan ilaa hadda Maxkamad la hor geyn, isla markaana aan la caddeyn dembiga loo haysto.

Haddaba, Cabdicasiis Aadan Habane oo ka mid ah dhallinyarada arrintaasi loo xidhay, balse isaga la sii daayay ayaa ka waramay xadhigga iyo dhallinyarada kale ee xabsiga ku hadhay, arrinta loo haysto iyo sababta isaga loo sii daayay, wareysi uu la yeeshay Wargeyska Haatuf toddobaadkii hore maalmo kadib markii xabsiga laga sii daayay.

Cabdicasiis, waxa laga qabtay Madaarka Hargeysa 26 May, isaga oo halkaa uga dhoofayay dalka Ingiriiska oo xaaskiisu deggan yahay, kuna umushay maalmahaas, waxana uu sheegay in wax yar ka hor markii ay kacaysay diyaaradii aan raacayay o Daallo Airlines ahayd ay u yimaadeen koox bilays ah oo ay ku jireen qaar dhar cad ah, kadibna waxay u sheegeen ayuu yidhi in aan xidhanahay, “inta ay gacanta i qabteen.” Waxa uu Cabdicasiis intaa ku daray oo yidhi, “Markii aan weydiiyay ee aan idhi ‘maxaa dhacay oo la igu xidhayaa,’ waxay yidhaahdeen annagu ma garanayno ee Jananka bilayska ayaa na soo amray oo yidhi Madaarka ka soo qabta. Cabaar kadibna waxaa meeshii la igaga soo qaaday dhawr gaadhi oo bilays ah oo ay ku jiraan kuwa Birmadku, waxaana la ii soo qaaday sidii nin argagixiso ah. Waxay ahayd abaaro 4-tii galabnimo markii la i keenay Saldhigga dhexe ee bilayska Hargeysa, halkaas oo la igu xidhay. Saacad kadib ayaa waxa ii yimi taliyaha CID-da Daahir Muuse Abraar iyo T/xigeenka, dabadeedna waxay ila fadhiisteen qol ka mid ah xafiisyada Saldhigga, waxayna ii sheegeen dembiga la ii haysto oo sida ay ii sheegeen ah in aan ku jiro liis dad la doon-doonayo oo lagu tuhunsan yahay in ay ka qaybqaateen rabshado rasaas la isweydaarsaday oo 19 May ka dhacay galbeedka magaalada, waxayna i weydiiyeen su’aalo eeddaa la ii haysto la xidhiidha.

Su’aashii u horeysay ee ay i weydiiyeen waxay ahayd; ‘saddex xisbi ee dalka ka jira keebaad tahay?’ waxaan kaga jawaabay in aan ka tirsanahay xisbiga KULMIYE oo weliba xubin golaha dhexe ah ayaan ahay. Waxay kaloo iweydiiyeen, ‘ma fadhiisataa guriga C/raxmaan Aw Cali (Musharaxii Madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga KULMIYE)?’ waxaan idhi haa oo weligeyba waan fadhiisan jirey markaan doono. Waxay kaloo iweydiiyeen maalintii 19-ka bisha xaggeed fadhiday (ku qayilaysay)?’ waxaan u sheegay in aan fadhiyay guriga C/risaaq Ciyaalle oo leh Marfish niman odayaal ahi fadhiistaan. Waxa kale oo ka mid ahaa su’aalaha ay iweydiiyeen; ‘maxay tahay shaqadaadu?’ waxaan u sheegay in aan ahay Ganacsade, dabadeed waxay iweydiiyeen; ‘wax lacag ah ma ku bixisay ciidamo loo abaabulayay in ay la dagaalamaan xukuumadda?’ waxaan ku idhi, ma ogi, mana maqal ciidamo dawladda la dagaalamaya, waxay iweydiiyeen su’aalo kale oo la xidhiidha dhalliyaro bilaysku ku weeraray guriga Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Nuux Sheekh oo ay I weydiiyeen in aan ka mid ahaa dhalliyaradaas iyo iin aan aqaano.
Waxaanu u sheegay in aanan ka mid ahayn.

Su’aalahaas iyo kuwo la mid ah oo ay iweydiiyeen uma arko hab-dembi baadhiseed in ay tahay ama ay dembi dhacay baadhayeen, balse waxaan u qaatay in la ii xidhay xisbiga aan ka tirsanahay. Markii su’aalahoodii dhammaysteen, waxaan weydiiyay nimanka CID-da ahaa; ‘ma idinka ayaa i haysta oo aan idiin xidhanahay?’ waxayna yidhaahdeen; ‘maya ee annaga waxa nasoo diray Taliyaha Bilayska oo yidhi wax ka weydiiya arrintaa.”
S: C/casiis, adigu ma ogeyd in aad ku jirto liiska dadka la doondoonayey markii aad tegaysay?

J: Maya, ma ogeyn, mana fileyn in aan ku jiray liis noocaas ah, waayo maalmihii waxani socsocdeen ee dhallinyarada la qabqabanayey anigu magaaladaan joogey, mana dhuumaneyn. Xitaa waxaan u tegay Badhasaabka Gobolka Hargeysa oo Gudoomiye u ah Guddida Nabadgelyada Gobolka, C/laahi Ciro oo ii sheegay inuu jiro liiska dadka la doon-doonayo.

Weliba waxaan kula taliyay in aanay iyagu xaalad abuurin, dadkana aan la kicin ee ay wax hubsadaan inta aanay dad iska xidh-xidhin. Laakiin Badhasaabka oo sarkaal sare oo nabad-sugidii Soomaaliya ahaa, waxa uu ku adkaystay oo uu ku nuux-nuuxsaday in ay hayaan kiis dhab ah oo dhacay. Bilayska, Badhasaabka iyo dad badan oo kaleba waxay ii sheegeen in aanan ku jirin liiska dadka la doonayo.

Markii Madaarka la iga qabanayay, dadkii meesha joogay qofka keliya ee ka dhiidhiyay sida sharci-darada ah ee la ii qabtay, waxa ay ahayd Raaqiya Oomaar oo ah gabadh reer Somaliland ah oo u doodad xuquuqda aadamaha, waxayna weydiisay askartii “maxaad ninkan ku xidhaysaan?” Waxay kaloo weydiisay “Maxaad u xidhi weydeen intii uu suuqa joogey ee aad hadda u qabanaysaan?”.

S: Sidee imika laguu sii daayey?

J: Wallaahi markii lay sii deynayay waxa si dhib yar la iigu sheegay in wax dembi ah la igu waayay 14-kii bishan Juun. Muddadaa 18-ka maalmood ahayd ee aan xidhnaana mar keliya Maxkamad la ima hor keenin, taas oo meel ka-dhac ku ah xuquuqda aasaasiga ah ee Dastuurku u damaanad qaaday muwaadiniinta Somaliland.

Sagaalka nin ee kale ee weli xabsiga ku hadhay oo kala ah:

Maxamed Axmed Xaashi (Maxamed Weere)
Maxamed Daahir Warsame
Axmed Barkhadle Caydiid
Keyse Axmed Cismaan
Nuux Axmed Jaamac (laba aas)
Nuur Guure
Cali Axmed Cumar (Aar)
Axmed Aw Yuusuf Xasan
Cismaan Cabdi Ismaaciil (Awr liqe).

Iyaguna waxay ku xidhan yihiin sharci-darro, waxaanan u arkaa xadhig-siyaasadeed oo la mid ah kii ay soo mareen dad badan oo reer Somaliland ah, wakhtigii faqashta ilaa iyo haddana Maxkamadda lama horgeyn.

Nasiib-darro, waxaa kiiskan ka shaqaynaya oo ku lug leh Saraakiishii NSS-ta ee baadhayey dilkii Axmed Aadan ee Hargeysa 1985-86-kii oo maanta xilal sare ka haya Hargeysa, kuwaas oo ku takhasusay in ay iska xidhxidhaan dad aan waxba galabsan iyagoo ugu mar-marsoonaya in ay wax baadhayaan. Tacadigaasina waa kii ay ummaddu ka dhiidhiday ee ay dhamacda kulul ee halganka iyo dagaalka ka dooratay, laguna khasiray naf iyo maal wixii dalkan yaalley.

Tusaale ahaan, Maxamed Weere oo ila xidhnaa, waxa uu ahaa wiilashi halganka, waxana uu noloshiisa inta badan ku qaatay halgankii SNM. Waxa uu ka tallaabay waxbarashadiisii iyio mustaqbalkiisiina u baabi’iyay tacadigii uu taliskii Siyaad Barre ku hayay bulshada, kaas oo si gaar ah u saameeyay naftiisa iyo qoyskiisa. Waxa uu Maxamed ka mid ahaa dhallinyaradii loo xidhxidhay Dhagax-tuurkii Ardayda Hargeysa ee 1982-kii, xubno kale oo qoyskiisa ka mid ah, sida, Eedadii Safiya Xaashi Madar, ayaa ciqaab adag taliskaasi u geystay.

Nuux Laba-Aas oo kale oo isaguna ka mid ah dhallinyaradii SNM ee halganka ka soo qaybgashay, waxa uu ka mid ahaa ciidanka ilaalada Madaxtooyada, waxaana laga eryey dhowaan, iyadoo aanu gelin wax dembi ah, erigiisana aan la sababayn. Nuux, waxa uu igu yidhi markii aanu xabsiga kuwada jirney; “Haddii aan doonayo in aan dilo Madaxweyne Rayaale ama aan cadow u ahay, waxan dilli lahaa markii Laas-caanood lagu soo weeraray oo aan ka mid ahaa askartii difaacaysay.”

Markaa dhammaanba dhallinyaradaa xidhna oo qarankan dhiiggooda u huray, u-qaadan-waa ayay ku tahay in loo haysto dembi ay saraakiisha bilayska oo aan weydiiyay ii sheegeen inuu yahay “Qaran Dumis” oo caado u ahayd taliskii faqashta, waxaana aad iyo aad ugu kalsoonahay in saraakiishaa nabad-sugidda ee dhallinyaradaasi xidhxidhay aanay hayn wax raad iyo caddeyn ah oo ay Maxkamad ku horgeeyaan.

S: Haddii iminka lagu sii daayay, maxaad yeelaysaa?

J: Waxaan bilaabayaa safarkaygii la iga joojiyay ee London, UK, waxaanan u tegayaa reerkayaga oo halkaa deggan, anigoo aad uga calool-go’san dalkan, waxaanan aad uga wallaacsanahay mustaqbalka dalkan iyo dadkan, iyo rajo-xumada maamulkan ku abtirsada nidaamkii Maxamed Siyaad Barre, kaas oo aan wax nayaayiro ahi ka soo muuqan marka la eego xag dhaqaale iyo xag siyaasadeedba. Xaga siyaasadda, waxa si dhib yar noo qabsaday odayaashii u shaqayn jiray Moorgan iyo Gaani. Dhinaca dhaqaalahana, anigu marka aan iska bilaabo tusaale ahaan, anigoo SNM ka mid ahaa, halganka kadib waxaan bilaabay ganacsi, waxaanan ka ganacsan jiray xoolaha nool, 1991-kii ilaa 1995-kii. Dhaqaalaha dalku wuxuu u kobcayay si xawli ah oo qofka ganacsi ku bilaaba $ 2000 (laba kun oo dollar), wuxuu sannad ama laba sannadood gudahood haystey ilaa $ 10,000 (Toban kun oo dollar). 1995-kii kadib, dawladdu waxay xoolaha nool ee la dhoofiyo ku soo rogtey lacag adag oo neefkiiba $ 7 (toddoba dollar), iyadoo la bixinayo dhammaan cashuurihii kale ee kastamada iyo dawladaha hoose, taasi waxay keentay in ay isku dhodhowaadaan lacagta dawladdu ka qaado neefka iyo inta Sayladda laga siiyo. Cashuurtaa oo aan weliba dadka si isle’eg looga qaadin oo qaarna laga qaadayay $ 7 (toddoba dollar), qaarna $ 3 (saddex dollar) oo dadka qaar la naasnuujinayay, taas oo keentay in dadka qaar muddo yar ku kobceen, qaarna ku kaceen. Sida aniga marka aan dib u eego lacagta adage e muddadaa la iga qaaday, anigoo keliya waxay gaadhaysay $ 900,000 (sagaal boqol oo kun oo dollar), waa inta aan jiwanadooda hayo oo keliya, waxayna ahayd qayrul-sharci, laakiin waxaan ku bixinayay dhismaha dalkan, dawladnimada iyo nabadgelyada maanta aniga la iga ilaalinayo ee la iga dhigayo in aan cadow u ahay. Lacagtaas adag maantana waxa ku soo kordhay oo uu Maamulka Rayaale ku soo kordhiyay calaa neef $ 10 (toban dollar) oo loo qabto dawladda Djabuuti oo ruqsadeeda lagaga dhoofiyo xoolaha dekedda.

 Top


Raadyow Ma Qaloocshe, A. A. Garas.

Halkani waa Raadyow ma qaloocshe oo aydin ka dhegaysataan mowjadaha kaftan ruugga iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq dhuubka ah.
Akhyaartayada indhaha cadcado, waxaynu soo gaadhnay amintii aan idin huluuqsiin jiray war iyo wacaal wixii dunida ka dhaca aan idinku akhriyi jirnay.

Isagii oo Kambadhuudha.

Madaxyuubka Shankaroonland, ayaa subax dhaweyd afar minister u yuubay dhinaca golaha kordhiyayaasha qaranka, si ay xilka ugu meheriyaan, balse Gudhanayaasha golaha oo beryahaaba kordhinta qaadka u sii amaahanayay, ayaa qawaday afarta minister, kuwaas oo diidmo la yaqaan dib ugu majiiray.

Diidmadaas oo farta loo adeegsaday, waxa sabab looga dhigay in aan goluhu doonaynin dawlo tafaariiq ah ee ay doonayaan mid jumlad ah iyo ansixinta oo marqudha golaha laga jilmato.

Afartan Wasiir oo diidmadu ku dhacday waxay ka mid ahaayeen toddoba minister oo madaxyuubku dirqi ku magacaabay dhawaan, waana markii ugu horeysay ee golaha la horgeeyo ministaro laga soo naqeeyay kolayda xisbiyada. Afartan minister oo Madaxyuubku noogu dhigay in ay tayo leeyihiin, balse aan goluhu baadhitaan ku samaynin inta balaas tayo ee raggaas ku jirta. Sidoo kale, afarta bahalba waxay ka soo jeedaan bahalka Uduble, intaa waxa u dheer oo ay ahaan jireen wasiiro hore iyo alaabo kale.

Dhinaca kale, Golaha kordhiyaasha oo indhawaanlahanba aan xukuumaddu ka xiiran ayaa markii ay diidmada uu isku xariifinayeen, Golaha waxa fadhiyay saddex iyo labaatan kordhiye, iyadoo labaatan kordhiye farta ku go’deen, labana ku fiiqeen, saddexna suuliga galeen, labada hurdo ku jireen oo kuraasta ku gama’sanaayeen.

Sidoo kale golaha oo iskii isugu kordhiyay, waxa lagu xamanayay in ay soo foodsaartay dhaameel yaraan laxaadle iyo sheekooyin naxdinle oo ay maqleen. “Waa laydin beddelayaa iyo doorashada halla soo dedejiyo.”

Wararkaas oo ka mid ah waxyaalaha goluhu gardarada doorashooyinkii la soo baxeen u yaqaaniin.

Dhanka kale, Madaxyuubka ayay Hurdadu la tagtay, kadib markii uu ku raagay daydayga dawlad tayo leh, taas oo toddoba midh mooyaane intii kale weli la cifanayo, kadib markii uu ka yara xishooday qaar ka mid ah ministaradiisii hore, isla markaana kuwo kale ugu sheekeeyay beritay si uun noqon, sahadanbaan wax kula qaban.

Si kastaba ha u seexatee, waxa dad badani sugayaan bahal horumar ay ku sheegayeen oo malaha Madaxtooyada dhex hurda. Bahalkaas cid u sheegtay mooyaane la filayo in marka xukuumadda la wada magacaabo dalku horumar iyo hawlo qaban doono, taas oo Madaxyuubkuna mashquul ku yahay mashruuca magacaabid barojeeti, taas oo loogu talogalay in ay manaafacaadsadaan beelaha, xisbiyada, ururrada, merfeshyada iyo gobollada, taas oo Madaxyuubkuna mashquul ka dibirisay oo la sheegay inuu sameeyay xisaabta la yidhaahdo “isugeyn intaasoo arrimood, eber laga jaray, afar loo qaybshay, udub lagu dhuftay, tayo laga eegay, is ikwal dawlad loo qaybshay, maxaa soo baxay? Aamus obartumaatic.

Kiiniya.

Shirkii Kiiniya ee loogu findhicilanayay dawlad Soomaaliyeed in lagu sanceeyo, ayaa lagu soo waramay in maanta egesbayar-dhaydku ka dhacay kadib markii nijaarka shirka qandaraasay ina Kildhigaan hore u sheegay in maantadan lafteeda dhag ka siinayo dawladda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dhugdhugleyaasha shirka ka qaybgelaya aya u soo uunsaday Madaxyuubnimada kala taal ee aan weli laysku rakibin.

Shirka oo lagu waramay in walaaqu circa gaadhay, kaas oo is-rifka ugu badani ka dhacay tirade baarlamaanka laga dhigan lahaa iyo waxa la samaynayaa noocuu noqonayo, dacawo iyo dawlad iyamuu noqonayaa? Ma ninbay noqonaysaa, mise naag? Ma Madaxweynay yeelaynaa, mise Madaxyare? Ma dimoqraadi bay noqonaysaa, mise doqonquraadi? Iyo dawladda la samaynayaa ma qumayay noqonaysaa, mise far ma qaniinto?
Waxyaalaha kale ee walaaqa biiriyay waxa ka mid ah, iyadoo dadku isweydiinayo ninka loo dooranayaa ma dhugdhuglaa, mise waa Nahnahle, ma hawiyaa, mise waa harti, ma raxanweynbaa, mise wallaweyn? Ma Malleeshiyaa, mise mooryaan? Iyo dawladda la sameeyo ma Nayroobi bay derbi ka seexan, mise dalkay iman? Caasimaddu ma Muqdishay noqon, mise Gaalkacayo? Ma caano la’aan bay u bakhtiyi, mise caqli la’aan? Ninka loo dhiibaa, ma hogaamiyuu noqon, mise Habaabiye?

Dhammaan su’aalahaas oo aan weli laysla garan ayaa la sheegay in ay dhammaatay wakhtigii lagu ballansanaa in dawladda baad iyo biyaba loogu dhameeyo oo maqaaxida laga dareero. Shirkaas oo laysu adeegsanayo beelo kooxo ku darid iyo kaambayn ku asqow, ayaa lagu soo waramay in ay kaaf iyo kala dheeri marayo marka loo eego waxa laga doonayo iyo waxa laga doodayo, iyo wakhtiga laga rabo. Inkasta oo wakhti durugsan lagu gudo jiray, haddana waxa dadka qaar sheegayaan in la moodo in shirku maalintii ugu horeysay marayo.

Ragga u soo fiiqday in la Madaxweyneeyo oo labaataneeyo ku dhawdhaw ayaan lagaranayn ragga aad isu huba, waxaase la sheegayaa in wiilka reer qalaf ee Cabdilaahi Beerloox la yidhaa iskii isugu sallaxay inuu fuulo kursiga loo shirsan yahay. Wiilka kale ee ina Caydiid ayaa la sheegayaa inuu isu haysto in kursiga reerkooda loo qoray oo aabihii uga dhintay, iyadoo labadaas wiilba damaacigoodu circa marayo ayaa waxa ku soo kordhay odayga la yidhaa Cadaawe Xawaadle, ninkaas oo ahaa ninkii carta lagu caydheeyay ee Cabdiqasab kala hoos dusay. Ninkaas oo la sheegay inuu yahay nin ayniya oo abdo dhaama inamada hore, af-ingiriisigana garanaya, balse dhibaatadu tahay isagoon Soomaaliya ku lahayn koox mooryaan ah iyo malleeshiyo isbaaro haysata toona.
Si kasta ha ahaatee, shirka Nayroobi wuxuu gaadhay halkii ay ka siiban jirtay talada Soomaalidu, taas oo uu ku jiro xilli dantiina aan laga hadal, damaciina batay, dawladiina aan lahayn, muddadiina dhammatay.

  Top


WAADIGA CIYARAHA: Kamaruun Oo U Soo Gudubtay Ciyaarta Kama-dambayska Koobka Qaaradaha Adduunka.

Lyon, France (W. Wararka) - Dalka Kamaruun oo ku 10 ciyaartoy ku ciyaaraysay ayaa u soo gudubtay ciyaarta kama dambaysta Koobka Qaaradaha Adduun 2003 oo maalinta Axada ay la yeelan doonaan dalka Faransiis ama Turkiga oo iyaguna xalay goorihi dambe ciyaarayay midkood, kadib markii ay ciyaar adag kaga adkaadeen 1-0 dalka Kolombiya xalay.

Pius Ndiefi, ayaa daqiiqadii 10aad u dhaliyay goolka ay guusha ku hantiyeen, kadib markii laad meel dhow uu kaga laaday kubad uu madaxa ku soo dhuftay Mohamadou Idrissou.

Ciyaartan oo aad u akayd oo ay labada dalka si weyn isugu dayayeen in ay weerarkoodu keeno natiijo ay hogaanka ku qabtaan. Bilowgii ciyaarta ayay ciyaartoyda dalka Kamaruun weerar is-daba jooga ku qaadeen goolka Kolombiya, daqiiqadii 3aad ayay kooxda Kamaruun heshay laad xor ah, kadib markii khalad lagu galay Idrissou, balse fursadaasi way ka luntay, laba daqiiqadood kadibna waxay heleen Kamaruun koone, kaas oo uu goolwadaha Kolombiya Cordoba kubada dibada isaga saaray.
Ciyaartoyda Kolombiya ayaa daqiiqadii 7aad isku dayay in ay weerarkii ugu horeeyay ku qaadaan goolka Kamaruun, balse markiiba kubadda waa laga qabsaday.

Daqiiqadii 9aad ayuu Idrissou kubad uu madaxa ku dhuftay uu Ndiefi kaga laaday goolka meel dhow, taas oo shabagga u gashay goolka.

Ciyaartoyda Kolombiya ayaa isku dayay in ay ka jawaabaan goolkaa, kadib markii Jairo Paitino kubad ku laaday goolka, taas oo dusha martay. Laakiin ciyaartoyda Kamaruun ayaa iyagu sii waday weerarkii ay ku hayeen goolka kale, daqiiqadii 31aad ayuu Geremi Njitap helay fursad wanaagsan oo uu ku kordhin lahaa natiijada dalkiisa, kadib markii uu kubad kula soo baxay goolwadaha Kolomibya, Cordoba, balse wuu lumiyay fursaddaa. Qaybtii hore ee ciyaartu waxay ku dhammaatay 1-0 ay Kamaruun ku hogaaminaysay, iyadoo gacan-sareynta ciyaartana lahayd.

Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa ciyaartoyda dalka Kolombiya, waxay soo qaadeen weerar aad u xoogan oo ay ku doonayeen in ay gool barbardhac ah keenaan, waxaanay daqiiqadii ugu horeysayba heleen laba laad oo xor ah, kaas oo kii dambe uu u laaday Hernandez taas oo khatar gelisay goolka Kamaruun.

Daqiiqadii 53aad ayay Kamaruuniyuuntu heleen fursad qaaliya oo ay ku kordhin lahaayeen natiijada ciyaarta, kadib markii Ndiefi kubad u dhigay Foe kaas oo la waayay kubadda lugtiisa.

Kaadhka cas ayaa loo tagaatay ciyaartoyga reer Kamaruun ee Tchato, kadib markii uu isku dhac khalad ah ku galay ciyaartoyga Becerra daqiiqadii 68aad, waxaanay ciyaartoyda Kamaruun noqdeen 10 ciyaartoy oo ay ku dhammaysteen inta ciyaarta ka hadhay, balse tababaraha Kamaruun ayaa sameeyay isbedel, si uu u buuxiyo kaalintii ciyaartoygaas, waxaana soo galay difaacyahanka dhinaca bidix ka ciyaara Thimothee Atouba, isagoo bedelay weeraryahankii goolka dhaliyay Ndiefi.

Xiddiga Libaaxyada Afrika Marc Vivien ayaa koomo galay ciyaarta gudaheeda iyadoon la ogay wax ku dhacay, waxaana laga saaray ciyaarta isagoo naqasku ku taagan oo ay dhakhaatiirtu isku dayayaan in ay naqaska ka soo saaraan, waxaana kaalintiisii lagu soo bedelay oo soo galay ciyaarta ciyaartoyga da’da yar ee Valery Mezague.

Ciyaarta markii ay ka hadhsanayd 10 daqiiqadood, ciyaartoyga dalka Kolombiya ayaa ciyaarta la wareegay taas oo ay Kamaruun ku ciyaaraysay 10 ciyaartoy, waxaanay heleen fursado khatar geliyay goolka Kamaruun balse ciyaartii waxay ku dhammaatay guul ay 1-0 la hoyatay Kamaruun oo ay ugu soo baxday ciyaarta kama-dambaysta tartanka koobka qaaradaha adduunka 2003 ee ka socda dalka Faransiiska.

Marc-Vivien Oo Geeriyooday Xalay.

Lyon, France (W. Wararka) - Ciyaartoyga dawliga ah ee khadka dhexe uga ciyaara dalka Kamaruun, Marc-vivien Foe, ayaa xalay ku geeriyooday ciyaartii uu wadankiisu la lahaa dalka Kolombiya oo ay Kamaruun 1-0 ku badisay, uguna soo gudubtay ciyaarta kama-dambaysta ah ee tartanka Koobka Qaaradaha Adduunka 2003.

Foe oo 28-jir ahaa oo xilli-ciyaareedkii ugu dambeeyay amaah ku joogay kooxda Manchester City oo ka soo wareegay kooxda Faransiiska ah ee Lyon, waxa uu dhulka ku dhacay qaybtii labaad ee ciyaarta ay kooxdoodu badiyeen, taas oo dhakhaatiirtu dhinac uga saareen garoonka, iyadoo muddo 45 daqiiqadood ah laysku dayay in la badbaadiyo, balse waa lagu guuldaraystay.

Qoraal ay soo saareen xidhiidh kubadda cagta adduunka ee FIFA, ka hor intii aanay bilaabin ciyaartii dhexmartay Faransiiska iyo Turkiga, waxay ku yidhaahdee: “FIFA iyo bahda kubadda cagta ee adduunkuba, waxay tacsi u dirayaan qoyskii iyo dalka Kamaruunba.” Iyadoo ciyaarta ka dhacaysay Paris ee Faransiis iyo Turkiga laga sii daayay Muraayad weyn ee laga daawado ciyaarta sawirkii Foe, iyadoo hal daqiiqo aamus ahna la galay ciyaarta intii aan la bilaabin.

Afhayeenka u hadlay FIFA, ayaa sheegay in ay isku dayeen in ay badbaadiyaan balse ay u suuurto geli wayday, isagoo arrintaa ka hadlay shir-jaraa’id oo uu qabtay waxa uu yidhi: “Kadib markii laga saaray garoon (Foe), waxaanu u fidinay gargaarka degdegga ah, balse wadnaha ayaa istaagay, taas oo ay dhakhaatiirta Faransiiskuna noogu yimaadeen. Muddo 45 daqiiqadood ah ayaanu isku dayaynay in aanu badbaadino laakiin waysuurto geli wayday.”

“Maanta waxay u tahay maalin xun kubadda cagta, qoyskiisii iyo dhammaan adduunka oo dhan.” Ayuu qoraalka Fifa raaciyay, waxaanay sheegeen in la baadhidoono sababta keentay geeridaa naxdinta leh.

Top


Boca Oo 2-0 kaga Adkaatay Santos Libertadores Cup Final.

Boca Oo 2-0 kaga Adkaatay Santos Libertadores Cup Final

Buenos Aires, Argentina (Reuters) - Gool-dhaliyaha Marcelo Delgado ayaa laba gool dhaliyay, taas oo uu kooxdiisa reer Argentina ee Boca Juniors 2-0 kaga adkaatay kooxda reer Brazil ee Santos ciyaartii is-aragii koowaad ee ciyaaraha kama-dambaysta tartanka Horyaalka Kooxaha Qaarada Laatiin Ameerika ee loo yaqaan Libertadores Cup arbacadii doraad.

Delgado wuxuu dhaliyay goolkii 8aad ee tartankan, kadib markii uu kubad aad u quruxbadan ka shuutay koonaha laynka rigooraha daqiiqadii 33aad oo uu u dhaliyay Boca. Kooxda uu aadka u taageero xidigii adduunka Diego Maradona iyo kooxdii hore ee uu ciyaari boqorka kubadda cagta adduunka Pele, waxay soo celiyeen xusuustii ciyaartii kama-dambaysta ee 1963-kii ee isla tartankan libertadores Cup.

Delgado wuxuu goolkii labaad si degdeg ah u raaciyay daqiiqadii 83aad, kadib markii kooxda Santos laga saaray Reginaldo Araujo oo qaatay kaadhkii labaad ee hurruudda ahaa.

Goolka naxdinta lahaa, wuxuu hoos u dhac ku riday ciyaar-wanaagii ay Santos badiba qaybtii labaad ee ciyaarta ku haysatay.

Ciyaartan uu Delgado labada gool ka dhaliyay, ahaydna ciyaar aad u cunuf badan, taas oo keentay 60 khalad iyo sideed kaadh oo hurruudda ah, waxay soo geba-gebaysay 12 ciyaarood oo ay kooxda Santos guulo is-daba-jooga ka gaadhay oo rikoodh aan laga badin ahayd.

“Ciyaartani waxay mid aan caadi ahayn.” Sidaa waxa yidhi ciyaartoyga khadka dhexe uga ciyaara Santos, Diego, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi; “Kooxdoodu waxay ku ciyaarayeen 10 ciyaartoy oo difaac ah, taas oo ciyaarta ka dhigtay mid adag, laakiin haddana waxaanu samaynay fursado dhawr ah, balse kamaanu faa’iidaysan, qiimaheegiina waanu bixinay. Imika, waxaanu isku dayaynaa in aanu ciyaarta dambe ee aanu ku ciyaarayno Brazil in aanu barbardhac la noqo.”

Santos, oo isku-celceliska da’da uu noqonayo 22-jir waxay diiday in jewiga magaalada Argentina Buenos Aires uu wax u dhimo, waxaanay ugu horeyntii ciyaartaba qaateen fursadahoodii, iyagoo helay ugu horeynba helay laba fursadood oo laad xora ah oo weliba meel munaasiba ay ka heleen, laakiin waxay ku guuldaraysteen in ay dhaliyaan. Fursadii ugu horeysay ee Boca, waxay timid daqiiqadii 32aad kadib markii kubad uu soo karoosay Delgado uu helay Rolando Schiavi. Balse laadkiisii uu ku laaday goolka waxa soo celiyay goolwadaha kooxda Santos, Fabio Costa.

Kooxda reer Argentina ee isku daydayaysa in ay ku guulaysato koobka Libertadores markii 5aad, iyo weliba markii saddexaad afartiisa sannadood ee ugu dambeeyay, waxay hogaanka ciyaarta ku hormartay kubad koone ahayd oo meel gaaban looga dhiibay Delgado, kaas oo u kubadda u qaatay koonaha khadka rigooraha, kadibna halkii laga filayay inuu karooso, ku dhaliyay laad gaaban oo uu birta agteeda mariyay daqiiqadii 33aad.

Santos ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta gacan sareeyay, taas oo oo ku khasabtay Boca in ay ciyaartoydeedu difaac u wada noqdaan.

Difaacyahanka Alex ee kooxda Santos, ayaa ku dhawaaday inuu dhaliyo gool barbardhac keeni lahaa daqiiqadii 68aad, kadib markii uu kubad shuut ahayd kaga laaday meel dhow goolka Boca, kaas oo dulmartay birta goolka.

Laakiin, Boca ayay ahayd kooxdii dhalisay gool kale toddoba daqiiqo markii ay ka hadhay dhammaadkii ciyaarta. Boca, waxay heshay laad xora oo 30 mitir u jira goolka Santos, kadibna Delgado ayaa laaday kubaddaa, waxaanu dhaafiyay dhammaan ciyaartoydii khadka rigooraha ku jirtay, taas oo dulmartayna goolwadaha Fabio Costa, shabaggana gashay.

Ciyaarta is-araga labaad waxay labada kooxood ku kulmi doonaa Brazil bisha July ee soo socota 2-da.

Top


Eto’o oo Real Mallorca u horseeday in ay ku guulaysato Koobka Boqorka Isbaanishka.

Elche, Spain (W. Wararka) - Weeraryahanka reer Kamaruun Samuel Eto’o ayaa laba gool u dhaliyay kooxdiisa Real Mallorca, kaas oo ay kooxdiisu ku guulaysatay koobka Boqorka Isbayn, kadib markii ay 3-0 kaga adkaatay kooxda Recreativo Huelva ciyaartii kama dambaysta ahayd ee sabtidii dorraad.

Guushani waxay la macno tahay in kooxdan Real Mallorca oo ka soo badisay Real Madrid iyo Deportivo Coruna ka hor intii aanay ciyaarta kama-dambaysta ah soo gaadhin in ay imika ku biirtay kooxaha Valencia iyo Barcelona oo ay dalka Isbaanishka u meteli doonaan tartanka koobka kooxaha Yurub ee loo yaqaan UEFA cup.

Weeraryahanka reer Uruguay, Walter Pandiani ayaa kooxda ciyaarta ku hormariyay kooxda Real Mallorca daqiiqadii 21aad, kadib markii uu u laaday kooxda kubad rigoore ah oo lagu galay xidiga reer Kamaruun Samuel Eto’o.

Xiddigii ciyaartaas, Samuel Eto’o, oo isagu subaxnimadii shalayba u soo duulay si uu uga qayb-galo ciyaarta kama-dambaysta ah ee koobka Qaaradaha Adduunka oo ay la ciyaarayeen dalka Faransiiska, ayaa dhaliyay laba gool oo uu dhaliyay wakhtiyadii dambe ee qaybtii labaad ee ciyaarta.

Ciyaartoygan da’da yari, waxa uu u haneeyay guushaa saaxiibkiisii ay xulka wadanka Kamaruun u wada ciyaarayeen ee Marc-Vivien Foe, kaas oo ku geeriyooday ciyaartii semi-finals-ka ee ay la ciyaareen dalka Kolombiya khamiistii.

“Waxa ay guushani ahayd mid aad u heersaraysa, sababtoo ah wixii dhacay toddobaadkan.” Sidaa waxa uu u sheegay Eto’o telefiishanka Isbaanishka, waxaanu raaciyay oo uu yidhi: “Waxa jira ciyaartoy aanu saaxiibnahay oo imika xagaa sare la jooga Illaahay, guushan waxa iska leh isaga.”

Eto’o goolkiisii ugu horeeyay waxa uu dhaliyay daqiiqadii 74aad, toban daqiiqo kadibna waxa uu dhaliyay goolkiisii labaad, kadib markii uu weerar kawtar-ataak ah uu laba difaacyahan si wanaagsan ula soo dhaafay kadibna uu shabagga u dhigay.

Eto’o waxa ciyaarta la bedelay daqiiqado yar ka hor intaan sidhigii dhammaadka ciyaarta lagu dhufan.

France oo ku guulaysatay koobka Qaaradaha Adduunka.

Paris, France (W. Wararka) - Dalka Faransiiska ayaa ku guulaystay koobka Qaaradaha adduunka 2003, kadib markii xalay ay dalka Kamaruun kaga adkaadeen 1-0, goolkaas oo ah goolka dahabi loo yaqaan oo dhashay daqiiqadii 97aad ee wakhtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray markii uu socday 7-ba daqiiqo oo keliya.

Ciyaartan oo ay ku dheehnayd ama jewigeeda uu hadheenayay geeridii naxdinta ku noqotay ciyaartoyga Kamaruun iyo kuwa kale ee ku timid xidigii reer Kamaruun Marc-Vivien Foe oo khamiistii ku geeriyooday ciyaartii ay Kolombiya la yeesheen dhexdeeda. Ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin waxa iskiriinka Muraadayada garoonka laga soo saaray sawirka Foe, ciyaartoyduna waxa galeen qadar daqiiqado ah oo aamus ah oo loogu murugoonayo ciyaartoygaas. Taageerayaasha qudhooda ayaa waxay muujiyaan si ay uga xumaadeen geeridaas, taas oo xataa taageerayaasha dalka Faransiisku ay muujinayeen sida ay uga xun yihiin iyagoo qaarkood soo qaateen garankii uu lambarkiisu ku yaaley iyo qaar wajigooda ku soo xardhay magaca ciyaartoygaas (Foe).

Si kastaba ha ahaatee, daqiiqadihii aamuska kadib, waxa bilaabmatay ciyaartii iyadoo aad dareemaysay in dareenka arrintaasi ka muuqdo ciyaarta lafteeda, balse wax yar kadib waxa loo dhaadhacay sidii ay qoloba qololada kale weerar ugu eekayn lahayd.

Dalka Faransiiska ayaa qaybta hore ee ciyaarta gacanta sare lahaa, inkastoo ay ciyaartoyda Kamaruun heleen fursadaha ugu khatarsanaa.
Fursadii ugu wanaagsanayd qaybtii hore ee ciyaarta waxa lahaa ciyaartoyga reer Auxerre ee dalka Faransiiska u ciyaara Djibril Cisse, kadib markii uu kubad uu soo qaatay Thierry Henry uu u baasay oo madaxa ku dhuftay, waxase ay kubadaasi martay dhinaca bidix ee goolka uu goolwadaha Idris Kameni ka yahay.

Qaybtii dambe ee ciyaarta, waxa ay ciyaartoyda reer Kamaruun la soo galeen ciyaar aad u sareysa, taas oo ay heleen fursado badan oo aanay si fiican uga faa’iidaysan, iyadoo dhinaca kalena ay yaraayeen weerarada Faransiisku.

Xiddiga reer Kamaruun Samuel Eto’o oo habeen hore ka soo qaybgalay ciyaartii finalka koobka boqorka Isbaanishka oo ay kooxdiisa Real Mallorca ku guulaysatay kadib markii uu laba gool u dhaliyay, kadibna shalay u soo duulay Faransiiska si uu uga qayb-qaato ciyaartan kama dambaysta koobka qaaradaha adduunka ayaa tababaraha Kamaruun soo geliyay 25 daqiiqadood ee ka hadhay qaybtii labaad ee ciyaarta.

Eto’o waxa uu noqday ciyaartoyda Faransiis weerar khatar ah oo khalkhal geliyay difaacooda, waxaanu Eto’o helay fursado aad u badan balse umay suurta gelin, waxaanay 90 daqiiqadood ee wakhtiga rasmiga ahi ku dhammaatay iyadoo aan wax goolal ah laysku dhalin.

Waxa lagu daray wakhti dheeraad ah oo dhan 30 daqiiqadood, kaas oo ay kooxda 15-ka daqiiqadood ee u horeeya wakhtigaasi dhaliya gool ay badinayaan oo ciyaartu sidaa ku dhammaanayso.

Bilowgii wakhtiga dheeraadka ah, dalka Kamaruun ayaa weeraradiisii sii watay, balse ciyaartoyga Faransiiska ayaa iyaguna qudhoodu weerarada isku dayay, waxaanay daqiiqadii 7aad ee wakhtiga dheeraadka ah ay dhashadeen goolkii dahabka ahaa, kadib markii kubad uu Lilian Thuram kubad karoos ah soo dhex dhigay afka hore ee khadka rigooraha, taas oo uu weeraryahanka Faransiiska iyo Arsenal, Henry jilibkiisa ku sii dhuftay ayna goolka gashay. Goolkaas oo noqday kii guusha u soo hooyay Faransiis ee ay goolka ku hanteen ciyaartuna ku dhammaantay.

Ciyaartoyda Faransiisku dabaaldeg sidaa u weyn oo ay guusha u dabaaldegayaan may samayn ee waxa ay bilaabeen in ay gacan qaadaan ciyaartoyda Kamaruun, taas oo muujinaysa tiiraanyada geeridii ku timid ciyaartoygoodii Foe.

Dhinaca kale, dalka Turkiga ayaa ku guulaystay kaalinta 3aad, kadib markii 2-1 kaga adkaadeen ciyaartoyga dalka Kolombiya doraad sabtidii.

Top