BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Mudanayaashu Afarta Wasiir Shaqadoodii
Kama Ay Qabsan. Tartan
Kubadda Cagta Ah Oo Lagu Maamuusayay 26ka June Oo Ka Dhacay Magaalada
London, "Yaa aakhii dawladdo Soomaali ah noo badan-haayo, mar Jabuuti tag,
mar Hargeysa tag, mar Xamar tag, arrin fiican waaye,” Aw Koombe.
Tabobar Waxbarasho Oo Lagu Soo
Gebogebeeyay Boorama.
Orodyahano Reer Berbera Ah Oo Ku
Guulaystay Kaalmo Munaasibadii 26-Ka June.
Hambalyo Meher.
Hambalyo Aroos.
Halkay Ku Gudhay Kulamadii Madaxda
Xisbiyada KULMIYE Iyo UDUB
Ma Dhab-baa Xubno KULMIYE Ah Baa Hunguri Ka Hayaa Inay Xukuumadda Galaan Iyo
Inay UDUB U Aamustay Qoladii KULMIYE.
Muran Ka Aloosmay Guddi-Hoosaad Ay
Samaysteen Deegaanka Tog-Wajaale.
Ahmiyadda Uu Maraykanka U Leeyahay
Saldhigga Djibouti, $100 Malyuun Oo Maraykanku Kaalmo Ku Siinayo Dekedaha
Africa.
Sidee 1da July Looga Xusay Koonfurta
Somaliya?
Maleesiya oo furtay.
Hillary Clinton Oo Ka Warantay
Gogol-Dhaafkii Odaygeeda: “Go’aankii ugu adkaa nolosheyda waa ag joogistiisa!”
Guul Malaga Gaadhay Ladagaalanka
Argagixisada?
Ciidamada Isra’il Oo Laayay Dad
Falastiiniyiin Ah.
4 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay
Masaajid Ku Yaala Ciraaq.
Jack Straw Oo Booqday Magaalada
Khandahaar.
ODHAAHDA AKRISTAHA: Hay'adaha dalka
Jooga iyo Tuugada Badheedhka ah.
Maxay Wakiiladu U Celiyeen Afarta
Wasiir?
Dulmigu Waa Astaanta Koowaad ee
Caddaalad Darrada.
Warqad Furan.
|
|
BADHEEDHAHA WARGEYSKA:
Mudanayaashu Afarta Wasiir Shaqadoodii Kama Ay Qabsan. |
Maalintii Sabtidii 28-kii June ayaa golaha
wakiilada waxa la horgeeyay afar wasiir oo ka tirsan golaha xukuumadda
Madaxweyne Rayaale dhowaan magacabay si ay u ansixiyaan “Confirmation”,
kaasoo goluhu dood gaaban ka yeeshay laba ra’yi oo kala ahaa: in la
gudo-galo qaabkii lagu ansixin lahaa ama lagu diidi lahaa. Iyo in afarta
wasiir dib loogu celiyo Madaxweyne Rayaale, iyadoo laga dalbanayo inuu
golihiisa wasiirada ee cusub soo dhamaystiro oo mar qudha horkeeno
Baarlamaanka. Labadaa arrimood oo cod degdega loo qaaday wuxuu goluhu
aqlabiyad ku oggolaaday in afarta wasiir duduub loogu celiyo Madaxweyne
Rayaale.
Haddaba waxay dad badani isweydiinayaan mudanayaasha golaha Wakiiladu xaq
ma u lahaayeen inay farageliyaan magaabista wasiirada mise waxay xaq u
lahaayeen inay afarta wasiir su’aalo weydiiyaan kadibna ay ansixiyaan ama
ay diidaan. Sida dad badani ay qabaan ma jiro qodob ama xeer khasbaya inuu
madaxweynuhu mar qudha xukuumaddiisa oo dhan wada horkeeno golaha
wakiilada, sidoo kale ma jiro xeer golaha wakiilada faraya xukuumad
dhammaystiran mooyaane inaanay afar wasiir ansixin.
Mudanayaasha golaha wakiilada gar kuma helayaan dib-u-celinta wasiirada ay
sabab uga dhigeen inuu Madaxweyne Rayaale soo dhammaystiro wasiiradiisa.
Waxa keliya ee u banaan mudanayaasha golaha wakiilada in afarta wasiir ee
la horkeenay ay mid-mid u qiimeeyaan si loo ogaado kartida wax-qabadkooda,
aqoontooda iyo qorshahooda waxqabad ee ay doonayaan inay umadda wax ugu
qabtaan, taasoo muujinaysa in mudanayaashu baal-mareen shaqadii ay ahayd
inay wasiirada ka qabsadaan oo isku mashquuliyeen cidda ka mid noqonaysa
golaha wasiirada iyo cidda aan ka mid noqonayn, taasoo ah hawl
madaxweynaha u qabyo ah.
Sidoo kale, goluhu maxay ka ogyihiin tirada Madaxweyne Rayaale ugu
talogalay golihiisa wasiirada inta ay noqonayaan, ma dhici kartaa in
dawladdiisu ay dhantahay toddobadii wasiir ee uu magacaabay, mise
mudanayaashu waxay qiyaasteen in la samaynayo golihii wasiirada ee xalka
ahaa iyo wasiiradii beelaha lagu raaligelin jiray oo mudanayaasha laftoodu
kaambayn ugu jiraan.
Si kasta ha ahatee Madaxweyne Rayaale waxa la gudboon in isaga laftiisu uu
golaha wakiilada hortago isla markaana hordhigo qorshe cad oo ah tirada
xukuumadda, nooca ay tahay iyo inuu sharrax ka bixiyo siyaasada guud ee uu
doonayo inuu dalka ku hogaamiyo wakhtiga dhow iyo ka durugsan.
Qorshahaas oo ay ahayd mid xilli hore inuu umadda u soo bandhigo, waxaase
muuqda inaan wax qorshe ah u degsanayn xukuuumadda, iyadoo arrintaa ay
marag u tahay caajiska iyo rafaadka ku dhacay dhammaystirka dhismaha
xukuumadda cusub, taasoo Madaxweyne Rayaale bulshadu ay uga fadhido inuu
la yimaado hankii iyo hawlkarnimadii uu ku hungureeyay hogaaminta dalka
iyo kursiga ugu sareeya ee ka jira kaas oo uu isagu maanta ku fadhiyo.
Top
Tartan Kubadda
Cagta Ah Oo Lagu Maamuusayay 26ka June Oo Ka Dhacay Magaalada London,
"Yaa aakhii dawladdo Soomaali ah noo badan-haayo, mar Jabuuti tag, mar
Hargeysa tag, mar Xamar tag, arrin fiican waaye,” Aw Koombe. |
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee
magaalada London C/risaaq yare, waxa halkaa lagu soo bandhigay tartan
kubadda cagta ah oo ay ka soo qayb-galeen dhawr kooxood oo ay ka mid
ahaayeen, Togdheer F.C, Hilaac F.C, Alhijra F.C. iyo Oomar F.C. waxaana
xafladaa ka soo qayb-galay marti-sharaf badan oo ay ka mid ahaayeen
fanaankii caanka ahaa ee Cabdiraxmaan Aw Koombe, Jamaal Xassan oo ka yimid
Jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka, Guuled Cabdi oo ka socday ururka SDWO
(Somaliland Democracy Watch) iyo gudoomiyaha ururka Somaliland Youth &
Sports Mr Xassan Maxamed Waraaabe-cade oo ahaa qabanqaabiyaha xafladdaas.
Tartanka kooxahan kubadda cagta oo ku bilowday ciyaaro aad u xamaasad
badan oo ay ku kula hadhayeen (nock -out) in qoladii laga badiyaa ay ka
baxdo tartanka, iyadoo aad halkaas ku arkaysay niyada dhallintu ay u
haysay maalintaas qiimaha weyn ugu fadhida Somaliland.
Dhallintaasi, waxa ay soo bandhigeen farsamo iyo xeelad ciyaareed aad u
heersaraysay. Waxay natiijadii ciyaarahaasi u dhacay sidan:
Tartankii dhalinyarada da’doodu aadka u yaryarayd (Junior) natiijadoodii
waxay kala ahayd
Naadiga Hilaac 2-1 Naadiga H. S. C. C. A
Yaryarka Malcaamada 1-0 H. S. C. C. A.
Naadiga Hilaac 2-1 Yaryarka Malcaamada
Halkaasna Naadiga Hilaac ayaa ku hantiyey koobkii yaryarka ee xaflada
munaasibada 26ka Juun ee sanadkan 2003.
Tartankii kooxaha waaweyna waxay natiijadoodii kala ahayd:
Al-Hijar 0-3 Togdheer
Oomar 3- 1 Hilaac
Ciyaartii Faynalkana waxa wada ciyaaray naadiyada Oomar iyo Togdheer oo ay
guushii koobkii weynaa ee munaasibada 26ka Juun ay ku raacday naadiga
Oomar oo 1-0 kaga adkaaday naadiga Togdheer.
Hadaba intaan koobkaas la gudoonsiin waxa halkaa hadal kooban dhalinyarada
ugu soo jeediyey gudoomiyaha ururka Somaliland Youth & Sports, Mr Xassan
Waraabacade, oo ahaa masuulkii xafladan soo qabanqaabiyey, Xassan wuxuu ku
nuuxnuuxsaday qiimaha maalinta 26ka Juun iyo in dhalinyarada lagu
guubaabiyo qiimaha gaarka ah ee ay maalintan u leedahay shacabka
Somaliland. Waxa kale oo halkaas majaajilo ku soo bandhigay fanaanka Aw
Koombe, taas oo ahayd markii ugu horeysay ee dhalinyaradaasi intooda
badani aragtay fanaankaas majaajiliistaha ah, isagoo la weydiiyay su’aal
ah maxaad ka qabtaa Somaliland way idinka go’daye, waxa uu Aw Koombe ku
jawaabay, “Yaa aakhii dawladdo Soomaali ah noo badan-haayo (Noo badanaya),
mar Jabuuti tag, mar Hargeysa tag mar Xamar tag, arrin fiican waaye.”
Guntii iyo gebagebadii, Jamaal Xasan iyo C/raxmaan Aw Koombe ayaa koobkii
26ka June 2003 ku gudoonsiiyay kooxda Oamar F.C. iyo Kooxda Hilaac ee
yaryarka ah, waxaanay ugu danbayntii dhalinyaradu u mahad celiyeen
qabanqaabiyayaasha oo ay ka codsadeen in ay u qabtaan tartamo noocan oo
kale ah, waxaanugudoomiyaha Somaliland Youth & Sports uu ku balanqaaday in
xaflado noocan oo kale ah ay soo qabanqaabin doonaan maalmaha xuska 18ka
May iyo 26ka June ee sanadka 2004, haddii Allaha awooda lihi ogolaado. Top
Tabobar
Waxbarasho Oo Lagu Soo Gebogebeeyay Boorama. |
Boorama, (Haatuf): Wasiirka waxbarashada
Mud.Cissmaan Xasaan Mire ayaa shalay magaalada Boorama tababar ugu xidhay
in ka badan 220 macallin oo wax ka dhiga Dugsiyada Hoose ee Somaliland,
kana kala socday Gobollada Hargeisa, Awdal iyo Togdheer.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal Maxamed Cumar
Tababarkan oo ah kii ugu dambeeyey ee noociisa ah, waxa ay macalimiintu ku
baranayeen manhajka Cusub ee Dugsiyada Hoose ee Somaliland, iyada oo uu
tababarkani socday muddo 18 casho ah.
Hadal uu wasiirka waxbarashadu ka jeediyey ka qayb galayaasha gunaanadkii
tababarkan, waxa uu ugu horreyn ammaan u jeediyey ciddii kala soo soo
shaqaysay in tababarkani ku dhammaado sidii loogu talo galay, isagoo
macallimmiinta soo dhammaysatyna ku boorriyey inay goobaha waxbarasho ka
muujiyaan.
Wasiirka oo ka hadlayey waxa macallimiintan laga doonayo oo kale waxa uu
yidhi, "Dalkeenna waad ogtihiin halka uu marayo, sidaa darteed waxa la
doonayaa inaad ubadkeenna ku abuurtaan shucuur waddanimo."
Wasiirka oo ka hadlayey qorshaha waxbarasho iyo dugsiyada ardaydu
xaddi-dhaaftay, qaarna madhanyihiin waxa uu yidhi."Reer waliba wuxu
doonayaa in dugsi loo dhiso iyagoon arday lahayn, waxaana taa ku dhiirri
geliya NGO-yada, iyagu dantooda mooyee aan ka fikirin halkee ku habboon''.
Waxa kale oo iyaguna munaasbaddan ka hadlay Agaasimaha Guud ee
wasaaraddaasi Mr. Cabdiraxmaan maxamed Maal Guddoomiyaha Gobolka awdal
Maxamud sh.Cabdilaahi, Duqa Boorama Caaabdiraxmaan Sh. Cumar iyagoo
dhaammaantood ka hadlay dadaalkii loo soo maray tababarkan iyo sida
Boorama u heshay fursad ah in tababarro noocan kale ah lagu qabto. Waxayna
madaxdaasi ka qaybgeleyaasha u sheegeen sida dalku ugu baahanyahay in loo
dhiso ubad mustaqbalka dalkan hanan kara, iyaga oo xusay in la kordhiyo
dugsiyada farsamada gacanta Wasiirka ka hor waxa iyaguna khudbado ka
hadlaya sida ay socotay waxbarashadaasi macallimiintu, dadaalka
macallimiinta wax baraysay iyo kuwa wax la barayeyba, iyo cidda gacanta ka
geysatayba halkaa ka jeediyey Isuduwahaa wasaaradda waxbarashada ee
Gobolka Awdal Aadan Nuur Meecaad, oo si gaar ah ugu mahad celiyey
Haya'adda UNICEF oo uu ku tilmaamay inay maanta noqotay hay'adaha
laf-dhabarta u ah waxbarashada.
Waxa kale oo iyaduna halkaasi ka hadhashay madaxa Ha'addaasi UNICEF u
qaabilsan Somaliland, iyadoo ka hadashay sida hay'adda UNICEF madaxdeedu
ugu dedaalaan waxbarashada Somaliland, wixii tabartooda ahna anay ka
hagraan doonin. Top
Orodyahano Reer
Berbera Ah Oo Ku Guulaystay Kaalmo Munaasibadii 26-Ka June. |
Orodyahanada oo ka socday magaalada berbera
oo uu maal geliyey ururka ciyaaraha fudud ee loo yaqaan “S.L.A” Somaliland
Athletic Federation, ee magaalada Berbera, munaasibadan oo ahayd mid lagu
xusayey maalinta 26-ka June, ayaa waxaa la qabtay orodo noocyo kala duwan
leh, kuwaas oo ka koobnaa 800m, 1500m iyo waliba jawaan ku boodka.
Orodyahanada oo ka qaybgalay 800m, iyo weliba 1500m ayaa waxay guulo
laxaad ka soo hooyeen oradadaas.
Ka dib markii orodyahanka da’da yar ee caanka ka ah gobolka Saaxil Maxamed
Axmed Cismaan (Max’ed Case), oo iskoor cusub ku orday kaalinta labaad,
orodyahankan oo ah mid tayo badan marka la eego da’diisa, isaga oo ah 15
jir, ayaa wuxuu u muuqdaa mid mustaqbal fiican ku yeelan doona tartanka
orodada, isaga oo kal hore orodada dhaadheera oo 10-ka KM ahaa uu kaalinta
labaad kaga guulaystay. Waxa kale oo oradadii 26-ka June 1500m, kaalinta
afraad ku guulaystay (Faacuul), oo isna caan ku ah oradada.
Haddaba gudoomiyaha ururka SLAF Saleebaan Marduuf ayaa wuxuu la xidhiidhay
jaaliyadaha Somaliland ee degan dalalka Imaaraadka gaar ahaan Qadar, isaga
oo ka codsaday in ay orodyahanada inay orodyahanada gobolka Saaxil, inay
ku daraan orodada dalkaasi Qadar, ka dhici doona, waanay ka aqbaleen, inay
xagaaga dhamaadkiisa ay qaadaan 3 (Saddex) orodyahan oo orda 800m iyo
10km.
Waxaa kale oo ururka SLAF uu ku dedaalayaa inay tartamo orodada ah oo ka
dhici doona magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia oo uu qaban doono
orodyahanka caanka ee Gabreil Xeyla Salaasa, halkaas oo dhalinyaro reer
Itoobiya gaar ahaan kililka 5aad ay u sheegeen guddida inay si wanaagsan u
soo dhaweyn doonaan.
Haddaba ururka SLAF oo ah mid dhiiri-geliya ciyaaraha gaar ahaan ciyaaraha
fudud, isaga oo wax caawimo ah ka helin maamulka Berbera ayuu haddana
iskii isugu xilqaamay, kharashka iyo agabka ciyaaraha fudud inuu intii
tamartiisa ah iskala kacaa kufo.
Saleebaan Marduuf
Berbera Top
Axmed Yuusuf Xandule, Khadar Xasan Jaamac,
Ibraahim Axmed Ibraahim, Cabdi Xasan Xuseen, C/Kariim Faarax Axmed, Cumar
Shucayb Maxamed Iyo Xaaskiisa, Ismaaciil Jaamac Rooble,, Jaamac Cismaan
Xirsi, Cali Maxamed Cali Iyo Xaaskiisa, Aadan Maxamuud Cali Iyo Xaaskiisa,
Dhamaan Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Jibril Maxamuud Cali Iyo
Cabiir Xasan C/Laahi Oo Meherkoodu Ka Dhacay Magaalada Hargeysa 03/06./03,
Waxaanay Ilaahay Uga Baryayaan Inay Noqdaan Kuwii Isku Waara Ubad Kheyr
Qabana Kala Hela, Arooskoodana Farxad Ku Gaadha. Aamiin. Top
Hooyo Dhudi Jaamac Faarax Iyo Odaygeeda,
Ismahaan Maxamed Cabdi Iyo Ninkeeda, Farduus C/Laahi Cabdi Iyo Ninkeeda,
Ayeeyo Caasha Saleebaan Faarax, Maxamed Ismaaciil Diiriye, Cali Aar Cabdi,
Yaasii Aar Cabdi, Daa’uud C/Laahi Cabdi, Cabdi C/Laahi Cabdi, Cawil
Maxamed Cadi, Dooli Maxamed Cabdi, Saleebaan Aadan Cabdi Iyo Xaaskiisa,
Cali Warsame Axmed, Shamis Yuusuf Maxamed Dhamaan Reer C/Jabaar, Dadkaasi
Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Iyaga Oo Kala Jooga Dalka Gudihiisa
Iyo Dibadiisaba Arooska Mahad Maxamuud Cabdi Iyo Marwo Siciido Maxamuud
Ismaaciil Oo Aqal Galkoodu Ka Dhacay Dalka Maraykanka Gaar Ahaan Gobolka
Colafornia, 27/06/2003, Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Waara. Aamiin. Top
Halkay Ku
Gudhay Kulamadii Madaxda Xisbiyada KULMIYE Iyo UDUB
Ma Dhab-baa Xubno KULMIYE Ah Baa Hunguri Ka Hayaa Inay Xukuumadda
Galaan Iyo Inay UDUB U Aamustay Qoladii KULMIYE. |
Hargeysa (Haatuf): Tan iyo markii xisbiga
mucaaradka ah KULMIYE ku dhawaaqay inuu aqoonsaday natiijadii doorashada
ee badhtamihii bishii June, taas oo masuuliyiinta xisbiga UDUB-na soo
dhaweeyeen go’aankaa sheegeena in waxa xaajood u furmo, ayaa inta laga war
hayo masuuliyiinta labada xisbiga Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Daahir
Rayaale ay tiraba laba goor hagaag isku hor-fadhiisteen, kulamadaa waxa
wara oo faahfaahsan lagama soo saarin, iyada oo lagu koobay in arrimo
danaha qarankka oo keliya laga wada tashanayey, blasé warar aanu ka helnay
ilo xog-ogaal ah ayaa tibaaxaya in kulankii u dambeeyey ee labada
gudoomiye Daahir Rayaale iyo Axmed Maxamed Siilaanyo ay yeesheen uu
xisbiga KULMIYE soo jeediyey arrimo doora iyo tabashooyin xisbigu
tirsanayo, qodobada xisbigu KULMIYE u soo jeediyey oo ay ka mid yihiin In
Doorashadii baarlamaanka la soo dedejiyo.
Wax ka qabashada muranka deegaamada bariga Somaliland.
Hagaajinta xidhiidhka wadamada jaarka, siiba Itoobiya.
Sidii siyaasad midaysan looga yeelan lahaa shirka kooxaha Soomaalida uga
socda Mbagathi.
In Garsoor dhex ah loo sameeyo doorashada baarlamaanka, iyada oo
waayo-aragnimadii doorashooyinkii hore laga faa’iidaysanayo.
In Axsaabta siyaasadu ay si siman dhaqaale u wada helaan.
In la sii daayo maxaabiista siyaasadda u xidhan ee taageerayaasha xisbiga
KULMIYE.
Qodobadaa xisbiga KULMIYE soo gudbiyey ayaa markii madaxweyne Rayaale loo
soo jeediyey siday wara u dhuun daloolaa sheegayaan ayaanu madaxweynuhu
wax jawaab ah ka bixin, kaas oo sheegay in aanu imika go’aan ka gaadhayn,
balse uu la tashi ugula noqonayo xukuumadiisa iyo xisbigiisa, marka laga
reebo qodobka sidii siyaasad midaysan looga yeelan lahaa shirka kooxaha
Soomaaliya uga socda dalka Kenay, taas oo isla kulankii la isla gartay in
la sameeyo gudi wada jir ah oo siyaasad midaysan ka gaadha shirkaa kooxaha
Soomaalida uga socda Kenya.
Qodobada kale ee madaxweyne Rayaale sheegay in uu dib ugula noqonayo, lama
sheegin xili loo balamay oo uu jawaab cad ka soo saarayo, markuu la
tashado golihiisa xukuumadda.
Waxayna ilahaas u dhuun daloolaa, intaa ku darayaan in arrintaasi dhinaca
xukuumadda ku caaistay oo ilaa hadda wax jawaab ah ka soo noqon.
Kulamadaa ay hogaamiyayaashu wada yeesheen la sheegay inuu jawi hufan oo
is-faham leh u dhacay, lama sheegin wax ismaan dhaafa, oo labada hogaamiye
isku seegan yihiin, iyada oo madaxweyene Rayaale u garaabay qodobadii
xisbiga KULMIYE u soo jeediyeen.
Dhinaca kale warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxaya in madaxda xisbiga
KULMIYE, uu jiro fikir ay ku kala duwan yihiin, fikirka oo dhawaanahan soo
baxbaxayey, kaas oo sheegaya in qaar ka mid ah xisbiga KULMIYE,
mawqifkoodu yahay in dhismaha xisbiga la sii xoogeeyo, ka hor inta aanay
dhicin doorashooyinka baarlamaanku, ayna noqdaan xisbi mucaarad ah oo aan
ka qayb gelin dhismaha xukuumadda, halka la sheegay in tiro yar oo xisbiga
ka mid ahi ay doonayaan in xisbiga KULMIYE uu wax ka helo golaha
wasiiradda ee Madaxweyne Rayaale soo dhisayo.
Fikradahaas oo la sheegay inaanay wax kala qaybsanaan ah oo weyn ku keenin
xisbiga dhexdiisa, isla markaana u socdo wada xaajood, ay iska qancinayaan,
kaas oo guud ahaana xisbigu jawaab ka dhawrayo xukuumadda. Top
Muran Ka
Aloosmay Guddi-Hoosaad Ay Samaysteen Deegaanka Tog-Wajaale. |
Tog-Wajaale (Haatuf): Magaalada Tog-wajaale
oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada Degmada Gabiley waxa dhawaan laga
sameeyey guddi ka kooban 7-ba xubnood oo ay soo samaysteen dadka reer Tog-wajaale,
kuwaas oo samayntooda iyo ansixintooda leeyihiin golaha deegaanka ee
Gabiley.
Guddidan oo hore loo magacaabay ka dib markii ay soo samaysteen odayaasha
iyo waxgaradka deegaankaasi, isla markaana uu gudoomiyihii hore ee golaha
deegaanka Gabiley iyo xubnaha kaleba ay xog-ogaal u ahaayeen waxa ka
dhashay muran ka dib markii ay cabasho ka timid dhinac ka mid ah
deegaankaasi, kuwaas oo ku andacoonaya in aanay guddidaa hore u dhamayn
dadka deegaanku.
Hase yeeshee, dhawaan markii uu gudoomiyaha cusub ee degmada gabiley uu
booqday magaaladaa, waxay dadka deegaanka qaar ka mid ahi uga cawdeen
arrintan, iyaga oo sheegaya inaan loo dhamayn guddidaa hore, isla markaana
wuxuu u sheegay in loo baahanyahay in la soo samaytaan guddi cusub ama ay
tii hore isla ogolaadaan.
Guddidan samayntooda ayaa waxay magaalada Tog-wajaale ka abuurtay muran ka
dhex taagan dhinacyada ay khusayso, kaas oo saamayn ku yeeshay
mudanayaasha golaha deegaanka ee Gabiley iyo dadka reer Tog-wajaale,
laakiin sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gabiley Maxamed
Xasan oo dhawaan socdaal ku tagay Tog-wajaale, waxa arrintan ka hadlay
wasaarada arrimaha gudaha oo qoraal ay u dirtay duqa degmada Gabiley, isla
markaana ogeysiisay waxgaradka Tog-Wajaale, gudoomiyaha Gobolka Hargeysa
iyo wasiirka arrimaha gudaha, warqadaas oo uu ku saxeexanyahay agaasimaha
guud ee wasaaradaa C/Raxmaan Maxamed Cajab, waxay wasaarada arrimaha
guduhu ku sheegtay in waxgaradka magaalada Tog-Wajaale ay u soo gudbiyeen
guddi hoosaad ay iska dhex doorteen, kuwaas oo ay ku jiraan gudoomiyaha
iyo gudoomiye ku xigeenka magaalada Tog-Wajaale.
Waxaana warqada wasaarada lagu xusay inay arrintani waafaqsantahay xeerka
ismaamulka gobolada iyo degmooyinka qodobkiisa 33aad, oo qoraya xubnaha
guddida tuulada waxa soo jeedinaya odayaasha iyo waxgaradka magaaladaasi,
waxaana ogolaanaya golaha deegaanka oo ansixinta magacaabista iska leh.
Laakiin waxay qoraalkaa wasaaraddu ku xustay inaanay jiri doonin laba
guddi oo kala ah guddi tuulo iyo guddi magaalo, balse ay yihiin mid kaliya,
xubnahaasina ay yihiin xubin sharaf oo aanay ahayn shaqaale joogto ah,
kuwaas oo ay gunayntoodana ay iska leeyihiin golaha deegaanka oo ka soo
saari doona xeer hoosaad.
Waxa kale oo ay wasaaraddu ku sheegtay qoraalkeeda inay iyada oo
ilaalinaysa ku dhaqanka shuruucda, dhawrsana waajibaadka u gaarka ah
golaha deegaanka u soo gudbini go’aankii waxgaradka magaalada Tog-Wajaale,
oo ay iyagu leeyihiin dhamaystirka, ansixintooda iyo xumadiisa.
Dhinaca kale waxa arrintan ka hadlay C/Raxmaan Cumar oo ka mid xubnaha
golaha deegaanka ee degmada Gabiley wuxuuna sheegay in guddigan todobada
xubnood ah ay soo doorteen odayaasha, cuqaasha iyo waxgaradka deegaanka
Tog-wajaale, isla markaana ay isaga iyo C/Raxmaan Maxamed Aw Yuusuf oo ka
mid ah xubnaha golaha deegaanka Gabiley ee laga soo doortay deegaanka Tog-Wajaale
goob joog ka ahaayeen, wuxuuna intaa ku daray in wasaaradda arrimaha
guduhu ku soo ogolaatay qoraal, guddidana loo keenay, kaas oo lagu soo
jeediyey fadhi golaha deegaanka gabiley yeesheen.
Laakiin qoraalka wasaaradda waxa ee ku taariikhaysnaa 09. June, waxa lagu
sheegay inay u taalo dadka deegaanka inay iyagu samaystaan guddi hoosaad,
kaas oo ay soo jeedinayaan odayaasha iyo waxgaradka magaaladaasi, isla
markaana ay ogolaanayaan golaha deegaanka oo ansixinta iyo magacaabista
iska leh.
Sidaa awgeed waxa muuqda muran ku saabsan guddida tuulada, waxayna
arrintan dadka reer Tog-Wajaale qaarkood u arkaan inay keeni karto isku
dhac bulshada dhexdeeda ah, iyada oo uu wakhtigan jiro kaambayn cida xubno
ka noqonaysa guddida tuuladaas. Top
Ahmiyadda Uu
Maraykanka U Leeyahay Saldhigga Djibouti, $100 Malyuun Oo Maraykanku
Kaalmo Ku Siinayo Dekedaha Africa. |
Djibouti (Haatuf): Saldhigga miletari ee ay
ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Djibouti ayaa lagu tilmaamay saldhigga
ugu muhiimsan ee ay Maraykanku u yagleeleen ladagaalanka waxa loogu yeedho
Argagixisada. Sida ay sheegayaan wararka arrintaa la xidhiidhaa, ciidamada
Maraykanka ee ku sugan Djibouti ayaa lagu qiyaasay 1500 oo askari, iyadoo
uu dakhli dhinaca dhaqaalaha ah oo weyni kasoo galo Dawladda Djibouti
marka loo eego miisaaniyadda uu dalka Maraykanku ugu talogalay
ladagaalanka argagixisada, taasoo uu qaddarkeedu dhan yahay boqol malyuun
oo dollar, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Bush, dhaqaalahaas oo loogu
talogalay in lagu caawiyo Dekedaha iyo madaarada muhiimka ah ee Afrika
sannadkan, gaar ahaan kuwooda gacanta ka geysta hawlgalka Maraykanka.
Sida uu warku sheegay, dhaqaale ahaan waxa Djibouti kaga soo hagaagay
kaalmadaasi 30 malyuun oo dollar, taasoo ka dhjgaysa mid ka mid ah dalalka
uu dhaqaalaha ugu weyni kasoo galo hawlgalka uu Maraykanku kula
dagaalamayo argagixisada marka loo eego tirada dadka ku nool, taasina
waxay Saddex jeer ka badan tahay kaalmada uu Maraykanku ugu talogalay
dalka Yemen oo ay ku nool yihiin dad ka badan 18 malyun oo qof, iyadoo ay
Djibouti-na ku nool yihiin 600,0000 oo qof.
Marka la eego ahmiyadda uu saldhiga Djibouti u leeyahay Maraykanka, waxay
ku macneeyeen inay Djibouti marin muhiim ah u tahay hawlgalka uu
Maraykanku kula dagaalamayo argagixisada, maadaama ay ku taalo marinka
laga galo Geeska Afrika iyo Badda Cas, si looga hortago xubnaha ka tirsan
Al-qaacida ee kasoo firxaday dagaaladii ay Maraykanku ku qaadeen
Afqaanistaan iyo goobo kale oo ka tirsan caalamka. Top
Sidee 1da July
Looga Xusay Koonfurta Somaliya? |
Muqdisho (Haatuf) Waxaa shalay iyo
habeenhore ka dhacay magaalada muqdisho xaflado lagu maamuusayay
sanadguurida 43aad ee kasoo wareegtay markii koofurta soomaaliya xurnimada
ka qaadatay gumeesigii talyaaniga iyo israacii labada gobol oo ay ka
dhalatay jamhuuriyadii soomaliya ee burburtay.
Sida uu ku soo waramayo wariyaha haatuf ee Muqdisho si weyn ayaa looga
dabaal dagay Muqdisho iyo meelo kale oo katirsan koofurta soomaaliya.
Hadii aan ku xafladii ka dhacday haaben hore xaruntii xisbiga oo u dhawayd
istaadiyo muqasho oo si aad ah loo qurxiyay isla markaana lagu soo
bandhigay heeso iyo ciyaaro ay tumayeen fanaaniinta kala duwan ee qaranka
ilaa laga gaadhayay waxqti gii calnsaarka taasoo dhanka kale aad arkaaysay
in si aad ah loo ilaalinaayay xaga amaanka oo meeshaas ay joogeen
baabuurta gaashaaman iyo ciidamo aad u farabadan.
Dabaaldegii ka dhacay fagaaraha tara buunka shalay waxa ku soobandhigay
gaardi kaciyaar ay ku soomareen urrurada bulshada dagmooyinka gobalka
banaadir iyo ciidamada xooga dalka soomaaliyeed iyo waliba ciidamo loo
baxshay ciidamada Degaanka waxa aad moodaysay sidii dowladii hore sida ay
u soolabisteen iyo sida ay umaryeen wada gaardiga ay samaynayeen si layaab
leh uu ahaa taas oo ku jireen gabdho aad ubadan watayna darayskii
malatariga.
Waxaa intaasii dheer in ceedamadu ay wateen darajooyinkii kala duwanaa ee
dowladii hore garbahooda ku tixnaan jiray, balse in ay iyagu leeyiin iyo
in kale lama kala garanayn Waxaa kaloo xusid madan aradayda maqaalda
Muqdisho oo soo bandhigay gaada kaciyaar iyo maharjaan aad u xiisa badnaa.
Kuna sooban dhigeen fagaaraha tarbuunka, dadkii isku imaadkaas socodka ku
maraayay oo lagu qiyaasay 46000 oo qof sida uu sheegay gudoomiyaha qaban
qaabada xafladaha 26 juun iyo kowada luuliyo, oo ah wasiirka beeraha
dowlada ku meelgaadhka ah Markii xaflada dhamaatay waxaa xarunta madax
tooyada lagu qabtay shir jaraa’id oo ay kaga hadlayeen wax qabadkii
maalinta kowda luuliyo kusaabsan. Waxaana halkaa kahadlay ku simaha re
iisul wasaaraha ahna wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Cabdi Guuleed iyo
gudoomiye ku xigeenka labaad ee golkaha baarlamaanka.
Waxay labbadooduba ka hadleen taariikhdii loo soo maray halganka lagu
qaatay xuriyada maanta lahadhsanayo mar uu kahadlaayay ku simaha ra iisul
wasaaraha shirka kasocda nayroobi waxa uu shegay in soomaalida ay maantay
u bislaatay in ay wax dhistaan waxna ay ka soobixi doonaan shirkaasi
dadkana ay fahmaan waxa ay nabadu tahay ayna garaawsadaan wuxuu maantay
dalkuudu ku suganyahay.
Dhanka kale Maxamed Abroone ayaa ku celyay mawqifka G.N.T ee ku aadan
shirka kasocda nayroobioo ah in laga sooqaybgaliyo soomaali land, wuxuu
kaloo sheegay in calankii soomaaliya ee modo tabansano ah aduunka laga
waayay markan ay dooladiisu ku soocelisay calamada aduunka in kastoo
manaasibad quruxbadan ay kadhacaday fagaaraha tarabuunka.
Hadana halqof ayay ilaalada ciidamada G.N.Tee waar diyaha ka ahaayed
tarabuunaka ay ku dhaawaceen kadibna loola cararay isbitaal madiina kaasoo
xaaladiisa caafimaad lasheegayo in ay halis ku jirto. Dhanka kale waxaa
xarunta muusa suudi yalaxaw ee waqooyiga muqdisho kadhacay xaflad lagu
maamuusaayay kowda juulay xafladaas ay ka qaybgaleen siyaasiin ay kamid
yihiin En Maxamed Xuseen Cadow iyo C/raxmaan shifti ayaa waxaa lagaga
hadalay sadex iyo afartan sano kabacdi waxa ay soomaaliya ku sugantahay
waxaa gabayo iyo guubaabo kasoo jeediyay abwaan layidhaahdo Carabow
Maxamed waxuuna dareenkiisa ku muujiyay gabaygansidoo kale waxaa mu
naasibadaa kahadlay muusa suudi yalaxayw oo kawaraymay taariikhdii
dowladii rayadka ayhayd iyo tii malatariga lakiin 13 sano oo dowlad alaan
ah iyo 30 sano oo dowlad xuma ah waa lafaaniyaa sagaalkiisano ee ugu
horeeyay ayaa ugu xumaa hadana xumaan lahayn kacaan madhasheen 21 dii sano
eedalka uu haystay hadaanu xumayn waa ay maarayn lahaayeen.
Mar uu kahadlayay mawqifkiisayaasadeed shirka kasocda nayroobi oo aan
mooqufkiisii hore wax iska badalin oo mabda ahaan uu waafaqsanhayay shirka
isla markaana uu dhawaan u anbaxi doonaan shirka isa goo sheegay in war
qad qoraal ah oo ku aadan mooqufkiisa uu gudbiyay shirka una dhiibay
safiirka uqaabil san talyaaniga shirka aan horay u aragnay in shirka
muuqifkiisa aanan na anficin islmarakaana aannan jirin wax naga wakiil ah
oo shirka joogata waxaana shirka usheeganay in uu shirka sii daba
dheeraaday sided biloodna marayo wax nuxurlehna uuna kasoo bixin waxaana
uga digay aydoo kooxa qaar ka maqanyihiin in dawlad laga dhiso oo lagu
dagdago.
Muusa Suudi ayaa sheegay in lagu dhawaaqin wax doowlad ah iyo madax wayne
aan loo dhamayn wuxuuna sheegay in ayna kooxdiisu ogolaan doonin in ay
qaataan talo ama go aan kasta oo aan wax kulahayn shirka dib u
hashiisiinta imbagaathi.
Dhanka kale dad badan ayaa manta qaba in dhibaato iyo dil iyo dhac ay wali
ku jiraan islamarkaan laga dareemayo magaalada muqdisho xaalkeeda sida uu
yahay ku waas oo sheegay in ay ku jiraan nolol aad u adag taas oo dadka
qaarkood kala socdeen idaacadaha goobihii xafladaha lagu dhigaayay.
Barbarka kale waxaa xaflad taas oo kala ah ka dhacday hodheelka Shaamow ee
Muqdisho waxaana munaasibadaa qadka taleefoonka kala sooqaybgashay
fanaanada caanka ah ee khadra Daahir Cige oo sheegtay in ay dareen gaar ah
ii leedahay maalintaan oo kale ay kadamqanayso dhibaatada
lasoogudboonaatay dalka soomaaliyeed.
Khadra Daahir oo qadka taleefoonka kala qaybqaatay ayadoo joogtay london
xaflad la gu xusayay kowda luuliyo laguna qabtay hudheel shaamow ayadoo
qiiraysan waxay u sheegtay Dadwaynihii kasoo qaybgalay munaasibadaas waxay
sheegtay Dadka taariikhda sida fican u yaqaanay qaar in ay dhinteen qaarna
ay kala fagaadeen waxaan filayaa in aan dadkii xiligaas ogaa wax xaqiiq
gaar ah u leh marka ay isku yimaadeen gobolo soomaaliyeed oo gumaysi kala
haystay marna ay tahay markii gobalada koofureed qaateen xuriyada. Umada
soomaaliyeed oo kala maqan iyo gumeesi kaatagay tareenkiisa uu lahaan
qofkasta oo gartannaya balse halkaan kuma soo koobi karo.
Hadalkaan fanaandada ayaa wuuxuu ku beegmay in Faysal Cali waraabe oo
hagaamiya xisbiga ucid u dadka ku boorinaayey in maan too kale ay tahay in
maalin aad u xun Dadkuna ay soo qaataan mara madow asagoo lahad laayay
wariysi uu siiyay xalay idaacada hoon afriik ee magaalada muqdsiho.
Kismaayo iyo dhankeeda waxaa lagu qabtay xaflad lagu xusayay kowda luuliyo
waxaana kahadlay gu doomiyaha isbahaysiga dooxada juba Mudane Bare
Hiiraale oo sheegay in uuna kaqaybgalayn shirka kasocda kiinya isagoo
sabab uga dhigay in janaraal moorgan iyo ciidamo uu wato ku soo fool
leeyiniin dooxada juba isla markaana diyaar u yihiin in ay iska difaacaan
hadii lasoo weeraro.
Dhanka kale Xaabsade oo ka mid ah garabyada R.R.A da ayaa sheegay in aanay
aqbalayn in janaraal moorgan kasooweeraro kismayayo Gobalada Bay iyo
bakool isla markaana ay ka hortagi doonaan haduu Duulaan isku soo dayo. Top
Xarunta cusub ee la furay ayaa Wasiirka
Arrimaha Dibadda ee Maleysiya uu ku sheegay in ay tahay talaabo weyn horey
loo qaaday oo la xidhiidha dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Sayid
Xaamid Albaar ayaa sheegay in wixii ka danbeeyey weerarkii bomaano ee
Baali, in wajiga labaad ee dagaalkaasi uu hadda yahay irida dalka
Maleeshiya.
Waxuuna rajeynayaa in ay helaan dhamaan dowladdaha Koofurta Bari ee Ashiya
khabiirada ugu wanaagsan dunida ee ku xeesha dheer ka hortaga argagixasada,
waxay taasi dhaxalsiineysaa gobolka in ay si wanaagsan uga hortagaan
Ururada xagjirka ah ee dagaalka wada.
Waxaa uu intaa ku daray in xaruntan cusub ay bixin doonto tababaro, hase
yeeshee buu yidhi, ma noqon doonto hay'ad loo kaashado xagga sirdoonka.
Ilaa iyo Bishii July ee sanadkii hore, markaas oo uu Xoghayan Arrimaha
Dibbada ee Mareykanka, Colin Powell soo jeediyey in la sameeyo xaruntan,
xidhiidhkii Maleeshiya iyo Mareykankana waxaa hoos u dhigan arrinta Ciraaq.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maleeshiya, Sayed Xaamid waxaa uu cadeeyey in
xaruntan cusub ay noqon doonto mid ay maamusho dowladda Maleesiya.
Warar laga soo xigtay dhanka Mareykanku waxay sheegayaan, in uu Mareykanku
ku faraxsan yahay in xuruntaa siiyo khubarada haddii laga codsado.
Dowladda Maleesiya ayaa ah dowladda u qalanta in ay hogaanka u qabato
dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee goboka Koofur Barri Asiya.
Waxayna mar sii horeysay dowladda Maleesiya xidhxidhay dad badan oo lagu
eedeeyay in ay xag jir yihiin . Dalka Maleesiya iyo dalka la dariska ah ee
Singapore labaduba waxay ka nabad galeen inta baddan rabshadaha la soo
gudboonaaday dalalka gobolka.
Dalkani Maleesiya waxaa sida oo kale uu taariikh ku leeyahay, oo uu ku
guuleystay oo soo socotay muddo kontan sanadoood ah ka hortaga kacdoonka,
markaaso iyadoo garab ka heshay dowladda Britain ay ka guuleysatay
jabhadihii shuuciyada.
Dowladda Maleesiya waxay sheegaysaa in nidaamkani uu xudun u ahaan doono
istratiijiyada horumartay ee xarunta cusub ee gobolka ee ka hortagga
argagixisada. Top
Hillary
Clinton Oo Ka Warantay Gogol-Dhaafkii Odaygeeda: “Go’aankii ugu adkaa
nolosheyda waa ag joogistiisa!” |
Haweeneydii uu qabay madaxweynihii hore ee
dalka Mareykanka Hillary Rodham Clinton ayaa markii ugu horeysay tan iyo
intii ay soo shaac baxday xidhiidhkii fadeexayeey ee Bill Clinton iyo
Monica Lewinsky, kawarantay gogol dhaafki uu odeygeedii ku sameeyey
xilligii uu ahaa madaxweynaha dalka Mareykanka sanadii 1998-dii.
Xilligaasoo ay dunida oo dhan hadheeyeen hadal heynta sheekadii muddo
sideed bilood socotay ee ku saabsaneyd xidhiidhkii ka dhaxeeyey Bill
Clinton iyo Monica Lewinsky,markii danbana uu naf ahaantiisu qirtay.
Hillary Clinton ayaa dhawaan buug ay soo saari doonto ugu magac dartay
“Living History” (Taariikh-da Nool) buugaas ah mid ay ku sheegeyso sida uu
madaxweynihii Mareykanka waa ninkeeda e ee uu had iyo jeer u sheegi jiray
been islamarkaasina iyadoo ay ka hadhay labo cisho dhageysigii maxkamada
uu qirtay xidhiidhkii isaga iyo Monica Lewinsky.
Hillary oo iyaduna u arkeysay eedeymaha ninkeeda loo soo jeediyey mid uu
xaasidkeedu wado, ayay talladu faraheeda ka baxday 12 bisha Agust, markii
Clinton oo dhiileysan wejigiisana laga dareemeyey cabsi xoog leh u sheegay
“in arintu ay hada ka culustahay intii hore”,taasoo ula jeeday in wixii
dhexmaray isaga iyo Monica Lewinsky ay ahaayeen kuwo jira oo dhab ah.
“Waxaan aad ugu xanaaqay nafteydii oo weligeed rumeysnaan jirtay isaga,
sida oori ahaana waxaan rabay inaan qoorta ka gooyo” ayey tidhi Hillary oo
aad uga xun sida ay uheyd mid marwalba rumaysan jirtay hadaladiisa.
Waxaan awoodi waayey inaan neefsado,iyadoo igu goo’goysay neefsashada
ayaan anigoo ooyaya oo ku qeylinaya isaga idhi “Maxaad ula jeeda? Maxaad
sheegeysa? Oo maxaad beetna iigu sheegtay?”
Wargeyska la yidhhaado New york Post oo soo akhriday nuqul kamid ah
buuggaasi aan weli soo bixin ayaa sheegtay in qaar kamid ah qoraalada
buuggu ay xuseen in Aqalka Cad ee Mareykanku uu u muuqdo “Riwaayad Raqiis
ah.”
“Nafteydii ayaan aad ugu xanaaqay ilbidhiqsi kastana waxaan dareemayey
xanuun,iyadoo uu maalin walba horteyda taagnaa," isagoo leh, “waan ka
xumahay, waan kaxumahay waxaan doonayey inaan badbaadiyo adiga gabdheyda
Chelsea” ayey Mrs: Clinton ku sheegtay qaar kamid ah qoraalka buugga ay
ugu magac dartay “Living History” (Taariikh-da nool).
Hillary oo xanaaqsan ayaa ilmo ka keentay indhaha odeygeeda kadib markii
ay cadaadis ku saartay inuu u sheego gabdhiisa gogol dhaafkii uu sameeyey.
Hillarey oo ka sheekeyneysa maalintii ugu darneyd nolsheeda ayaa sheegtay
iney aheyd muddo yar kadib markii ay dhamaatay dhageysigii dacwada
islamarkaasina qoysku ay u tageen dalxiis Marthas Vineyard, taasoo
marlabaad damqday boogtii kasoo gaadhay qirashadii odeygeeda uu qirtay
inuu xidhiidh xagga jinsiga la sameeyey Monica Lewinsky.
“Guud ahaan qoyska oo dhan ma jirin qof jeclaa in uu la joogo marka laga
reebo eyga Buddy''. Waxaan dareemayey oo keliya qalbi jab iyo dhaawac aad
u weyn,markasta oo aan jeclaa inaan la hadlana waxaan sii dareemayey daal
u darran. Inta badana waxaan akhriyi jiray wargeysyada,xeebta ayaan ku
lugeyn jiray.Isaga iyo aniga islamaanaan seexan jirin, oo waxaa uu seexan
jiray dabaqa hoose aniguna waxaan seexan jiray dabaqa sare. Ayey tidhi
Hillary Clinton oo buugeedii “Living History” ka warbixineysay sida ay
noloshooda aheyd kadib markii odeygeydu u qirtay xidhiidhkii kadhaxeeyey
isaga iyo Monica Lewinsky.
Go’aankii ugu adkaa ee nolosheyda aan gaadha waxey aheyd inaan sii wado la
noolaanshaha ninkeygii” ayey tidhi Hillarey oo nuqalkani uu qoray
wargeyska New york Post ku sheegtay sidaas.
Ugu danbeyntiina waxaa ay sheegtay Hillary iney weli jeceshay Clinton iyo
inuu ka caawiyo musharaxnimadii ay ku dooneysay iney noqoto Senator-ka
magaalada New York.
Inta badana iyada iyo odeygeeda kamayna hadli jirin wax dhaafsiisan
musharaxnimada ay da daalka dheer ugu jirtay,tanina waxaa ay keentay iney
ilowsiiso qeyb kamid ah dhibaatada soo gaadhay.
Guud ahaan sheekadii fadeexowday ee Monica Lewinsky iyo Bill Clinton ayaa
caalamku hadal hayey muddo sanad ah, iyadoo ay arintaasi ku sheegtay
Hillary mid dhaawac aan dhamaan ku reebtay qalibigeeda.
Top
Guul Malaga
Gaadhay Ladagaalanka Argagixisada? |
Ereyga argagaxiso marka aad maqasho waxaa kugu soo dhacaya
oo durba maskaxdaada dib kuugu celineysa sawiro keyd ah oo ay kal hore
meel ku keydisay. Waxaa sawiradaasi kamid ah qaraxyadii waa weynaa ee
dalka Mareykanka lugu qaaday 11 sep 2001-da, maalintaasoo gebi ahaan
caalamka ku reebtay mahadho iyo muuqaal aan dadka maskaxdoodu ka faaruqeyn.
Wixii maalintaasi ka horeeyey qarax kasta oo dhaca saameyn weyn kuma
yeelan jirin adduunyada sida ay maalintaas ugu yeelatay.
Guud ahaana beesha caalamka waxaa ay geed dheer iyo mid gaabanba u kortay
sidii loo cidhibtiri lahaa waxa loogu yeedho argagaxisada iyo cidkasta oo
lugu sheego iney la tahay ehel.
Hadaba dagaalkii lugu qaaday dalka Afgaanistaan waxaa uu ahaa bilowgii
dagaal ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah, caalamkuna waxuu dagaalkaasi
u hayey taageero dhankasta ah. Sidoo kale muddo dheer kama soo wareegin
markii ay ciidamada Mareykanku ku qaaday dagaalka dalkaasi ay meesha ka
saareen maamulkii Taalibaan iyo kooxdii Al-qaacida ee hoyga u ahaa mudada
badan.
Dhab ahaan wax guul u eg dagaalkaasi ayaa laga gaaray hadana ragga wax
qarxiya ee sida weyn u noqday ”Tuke Cambaar leh” sidaas kuma samrin ee
waxaa ay halkoodii ka siiwadeen weeraradii ka dhanka ahaa dowladaha awooda
is biday iyo danahooda gaarka ah ee caalamka ku leeyihiin.
Sanadkii ina dhaafay waxaa kooxahaasi lugu tiriyo argagaxisada ay ay
qaraxyo xoogan ka geysteen jazeeradda Bali ee dalka Indoonisiya, halkaasoo
ay ku dhinteen shisheeyo badan oo reer galbeed ah oo jazeeradaasi u tagay
dalxiis.
Sidoo kale waxaa isla sanadkaasi dalka Raashiya magaaladiisa caasimada ah
ee Mosko golle madadaalo ku oo ku yaalay dad rayid ah ku af duubtay ragg
sheegay iney yihiin dagaalyahaniinta xaq u dirirka ah ee Jeejniya, waxaana
ay raggaasi codsadeen in Raashiya ay soo af jarto dagaalka ka dhanka ah
Jeejniya.
Inkastoo weerarada isbiimeynta ah aanu aheyn kuwa dhamaad leh hadana waxaa
muuqata in dalalka argagaxisada la dagaalama iyo beesha caalamkuba aaney
yareysan da daalka loogu jiro sidii looga cidhibtiri waxa argagaxisada
sheegta hadana arinka ku saabsan argagaxisada waxey u eg tahay oodhaahdii
aheyd ”Faanoolle fari kama qodna” taas oo macnaheedu tahay in dagaalka
lugula jirro argagaxisada uu yahay mid in hada si rasmi ah u bilowday
mooyee aanu dhamaanin.
Dalka Israa’iil oo iyadu lugu tiriyo iney tahay qeyb kamid ah dhibaatadda
dunida Carabta ka aloolsan waxaa ay weligeedba caan ku aheyd qaraxyo
ismiidaaminta ah ee uga imanaya kooxaha Xisbullaah, Xamaas iyo ururo dhowr
ah oo dhamaantood sheega iney u diriirayaan xoreynta dhulka Muqadaska ah
ee Beytul-Quds. Sidaa daraadeed xannuunka iminka sida weyn u haya dalka
Mareykanka uma hayo, waayo Israa’iil tan iyo intii dib loogu soo celiyey
dhulalka carabeed kadib gummaadkii Hitler ee dhamaadkii afartaneeyadii
waxaa ay weligeed ku jirtay qaraxyo aan dhamaan xalna ay weli u la’dahay
sidii ay ku joojin laheyd , halka Mareykan oo marqura lugu soo duulay uu
dagaal ku qaaday dalal ay ka jireen maamul iyo xukun dowlo.
Israa’iil oo qudheeda oo u eg dal aan awood badan laheyd sida Mareykan
waxaa la odhan karaa waxaa ay karti iyo adkeysi dheertahay Mareykanka oo
qarnigan bilowga ah isku ekeeysiiyey Ilaaliyaha Dunida meelkastana
ciidamiidiisa daadsan yihiin halka Israa’l nolosheeda oo dhan ay qaraxyo
ku jirtay.
Duulankii lugu qaaday dalka Ciraaq ee xukanka loogaga tuuray Sadaam
Xuseenkii ka talinaayey waxaa ay noqotay guushii ugu horeeysay ee nooceeda
ah ay gaadheen Mareykanka iyo xulafadiisa ee weligood ku andacoon jiray in
dalka Ciraaq heysto hubka sida daran wax u gumaada cabsina laga qabo iney
gacanta u galaan kooxaha mayalka adag ee iyagu cadaawada daran u haya reer
Galbeedka.
Hadaba maadama ay dhamaatay cabsidii xooga laheyd ee laga qabay in
dagaalka Ciraaq saameyn ku yeesho guud ahaan nabad galyada bariga dhexe ee
awalba loo caal waayey, ayaa su’aashu waxey tahay meeyey hubkii
Nukliyeerka ahaa ee lugu sheegay dalkaasi ee qiilka looga dhigtay dagaal
markiisi horeba la sii qorsheeyey in in lugu af gembiyo dal lahaa
nidaam,xukun iyo kala danbeyn,mise meeshuba hub wax gumaada ma aannu
oolinee ujeeddo fog baa la lahaa?
Si kastaaba arintu ahaatee dagaalkii Ciraaq ee soo koobmay waxaa uu
fajiciso ku noqotay guud ahaan caalamka iyo dadka odorasa siyaasadda
bariga dhexe oo runsan kari waayey in si sahal ah kusoo afjarmay dagaalka
Ciraaq iyadoon wax dhibaato ah kala kulmin marka laga reebo in maalmihii
hore ee dagaalka uu horeeyey iska caabin xoog leh.
Hadaba qaraxyadii ka dhacay dalka Sacuudi Careebiya waxaa ay markale
damqay boogg la moodayey in waa hore ay reysatay,taasoo ah in haddii
dagaalkii Ciraaq u muuqday mid soo af jaray dagaalkii lugula jiray
argagaxisada ay weli madaxyada soo taagayaan awoodooduna ay isa soo
tareyso. Sidoo kale qaraxyadii ugu danbeeyey ee ka kala dhacay Marooko iyo
Israa’iil waxey astaan muuqda u tahay in weli aan la dhantaalin awoodii
ururka Al-Qaacidda ee isagu dagaalka hubeysan kula jira Mareykanka iyo
xulafadiisa.
Iinkastoo dab iyo bansiin isku yihiin Al-Qaacida iyo Mareykanka hadana
labada dhinac wax guullo gaadhay ma jiraan aan ka aheen iney galaaftaan
dad aan wax galabsan.Saa daraadeed waxaa maanta la raadinaya nabad ka
islaaxda guud ahaan dunida iyadoo labadaasi dhinac aan soo xusay ay u
arkaan xalka inuu yahay qori caaradiis. Ugu danbeyntiina ay Al-Qaacida
waxaa ay qaraxyadeedii dalka Sacuudiga la beegsatay xilli ay dowlada
Mareykanka ka daad gureysaneyso ciidamadeedi mudada dheer joogay dalka
Sacuudiga taasina ay Al-Qaacida u adeegsatay odhaahda ah ”Qorri iyo
qaaciis waa la iska tuura” oo ay xitaa dhowri kari weyday in ciidamadaasi
ka tagaan dalka Sacuudiga haddii hadafkeedu ahaa in ciidamo shi sheeye
aaney sii joogin dhulka Muqadaska ah ee Xarameynka.
Ugu danbeyntii ayaa waxaan maqaalkan ku soo koobayaa dhowr su’aalood oo
aan isleeyahay waa muhiim in la isweydiiyo islamarkaasina ay dhici karto
in la helo jawaab sax ah, ayaa su’aashu waxey tahay. Dagaalkii lagu magac
daray la dagaalanka argagaxisada miyuu soo koobmay haddii Sadaam Xuseenkii
Ciraaq ee lugu tilmaami jiray tiirarka sharka uu meesha ka baxay?
Al-Qaacida-na ma ka guul gaadhay dagaalkii hubeysnaa iyo hadafkeedii
Diimeed ee maanta ku kasbatay shacuub badan oo caalamka islaamka ku dhaqan
islamarkaasina taageero weyn kaga heshay dunidda Muslinka?? Mareykanse ma
sii ahaan doonaa saaxiibka daacadda ah ee Carabtu leedahay gaar ahaan
nimanka hagoogan ee gacanka Carabta, Sacuudiguse oo haatan ogaaday in
dalkiisa uu yahay dalka sida weyn isha uga hayo Mareykanku, casharadii
Riyadh-se kadib ma xakameyn doonaa weerarad Al-Qaacida ee taageerada weyn
ku leh gudaha Sacuudiga???
Guud ahaanse dagaalkii lala galay Argagaxisada ”Guul Malaga Gaaray Mise
Godkba Looguma Gelin?” Top
Ciidamada
Isra’il Oo Laayay Dad Falastiiniyiin Ah. |
Afhayeen u hadlay ciidamada Israel ayaa
sheegaya in ciidamadu toogteen nin dableey ah oo Falastiini ah, saacado ka
hor kulan labada Ra'iisal Wasaare ay ku meel marinayaan qorshaha ugu
danbeeya ee nabadda Barriga Dhexe.
Afhayeenku waxaa uu sheegay in ninka la dilay ka dib markii uu xabado ku
furay kontorool ay joogeen militariga Israel ee ku dhow magaalada Daanta
Galbeed ee Tulkaren.
Ciidamada Israel ayaa mar sii horeysay ka baxay qeybo ka mid ah Marinka
Qaza, iyadoo la raacayo qodobadii ku xusnaa qorshaha nabadda ee Road Map.
Saraakiisha Falastiinyiintu waxay sheegayaan in ciidamada Israel ay isku
diyaarinayaan in ay ka baxaan magaalada Daanta Galbeed ee Baytulaxam.
Saraakiisha Amaanka ee labada dhinac ayaa la filayaa in ay iyana kulmaan
si ay uga wadashaqeeyaan arrimaha dhiman.
Ra'iisal Wasaarayaasha Israel iyo Falastiiniyiinta, Ariel Sharon iyo
Maxamuud Cabbaas ayaa la filayaa in ay wadahadal ku yeeshaan magaalada
Qudus, si ay uga baaraandegaan tilaabada xigta. Top
4 Qof Oo Ku
Dhintay Qarax Ka Dhacay Masaajid Ku Yaala Ciraaq. |
Ugu yaraan afar Ciraaqiyiin ah ayaa ku
dhintay qarax ka dhacay masjid ku yaala Fallujah oo ku taala Galbeedka
Baqdaad, sagaal kalena waxaa la sheegayaa in ay halkaa iyana ku
dhaawacmeen.
Sababta qaraxaasi keentay lama yaqaano, hase yeeshee qaraxyo isdabajooga
ah ayaa ka dhacayay maalimihii ugu danbeeyay Fallujah.
Dadka degan halkaas waxay ku eedeynayaa qaraxyada in ay yihiin weeraro ka
ka imaanaya xagga ciidamda Maraykanka, hase yeeshee ciidamada Mareykanku
waa ay beeneeyeen arrintaas.
Waxayna sheegeen in sababta dhalisay qaraxyadaasi ay dhici karto in ay
tahay waxyaabaha qaraxa ee lagu qarsaday guryaha.
Hase ahaatee, wariyaha BBCda ee Baqdaad waxaa uu sheegayaa, wax walba oo
ay ahaataba, qaraxyada waxaa dhici karta in ay sii kiciyaan xiisada ka
jirta Fallujah, halkaas oo ay dhowr goor ay isku dhaceen Ciraaqiyiinta iyo
Ciimada Mareykanka ilaa iyo waxii ka dabeeyay markii Madaxweyne Bush uu
sheegay in uu dhamaaday howlgalkii weynaa ee dagaalka Ciraaq. Top
Jack Straw Oo
Booqday Magaalada Khandahaar. |
Xoghaya Arrimaha Dibadda ee Britian ayaa
sheegay in uu doonayo in uu arko meelaha ka baxsan caasimadda Kaabul ee
Afqanistaan, sidaa darteedna waxa uu tagey magaalada Khandahaar, iyadoo
amaankiisa aad loo adkeeyay, Hase yeeshee booqashadani way dhaafsiisan
tahay in uu meelo daawado oo kaliya.
Xidhiidhka u dhaxeeya dowladda dhexe ee Xaamid Karazay iyo gobolada kale
ayaa ah mid aad iyo aad u xun, booqashadan xoghayaha arrimaha dibadda ee
Britainna waxay sii xoojinaysaa xidhiidhka u dhaxeeya caasumadda iyo
gobolada kale ee dalka Afqanistaan.
Mr. Straw waxa uu kula kulmay khandahaar gudoomiyaha bobolka, Gul Agha
Sherzay, waxaana la filayaa in Mr. Straw uu arko sida ay u howlgalaan
saraakiisha la dagaalanka mukhaadaraadka oo ay tababarkooda gacan ka
geysatay dowladda Britain.
Gobolada dariska la ah Khandahaar ee Uruzgaan iyo Heelmaand ayaa waxaa si
weyn loogu yaqaan in mukhaadaraadku uu aad uga baxo. Dowladda Britainna
waxaa weeye qaranka hogaamiya oo taageera ololaha dowladda Afqanistaan ee
ka dhanka ah mukhaadaraadka.
Khandahaar waxay horey xarun weyn ugu ahaan jirtay maamulkii Talebaan.
Inta ay socoto booqashada Xoghayaha Arimaha dibadda ee Britain Jack Straw,
ayaa waxaa la soo qaaday dhibaatada xagga amaanka ee meelahaa ka jirta oo
ay ka danbeeyaan canaasiir ka hadhtay ciidamadii Talebaan.
Top
ODAAHDA
AKHRISTAHA: Hay’adaha dalka Jooga iyo Tuugada Badheedhka ah. |
Dalka Somaliland oo ay ka jirto nabad
buuxdaa ayaa noqotay wax lala yaabo gaalada ajaanibka ah oo iyagu dalka u
yimaad tuugo. Haddaba waxa isweydiin mudan maxay tahay tuugada badheedhka
ah ee ay ugu dhiiradeen?
Waxa jira dad u dhashay dala oo la shaqeeya, isla markaana tusa meelaha
qorsha dejin ah, oo inta ay garaafyo been ah sameeyaan ka dibna lagu cuno
kharashaad aad u badan.
Waxa kale oo ka mida inay yidhaahdaan waxaanu furaynaa siminaar beena oo
gaalada iyo dadka reer Somaliland, ka dibna isku shubta, iyagu aan u aabo
yeelayn.
Waxa ay aad u gurtaan khayraadka dhulkeena, hadheeyey, sida dheemanta iyo
waxa la halmaala, kuwaas oo ay tilmaamaan dadka u dhashay Somaliland waa
ayaan darro.
Waxa taasi ka sii daran in ay doonayaan in ay dhaqan guurku sameeyaan
diinteena wanaagsan, kuwaas oo wadiiqooyin u samaystay ururada haweenka.
Haddaba iska daa waxqabad buuxa oo ay u sameeyaan dalka lama arag.
Axmed Cali Sh. Muxumed, Hargeysa. Top
Maxay
Wakiiladu U Celiyeen Afarta Wasiir? |
Aniga oo ah Aadan Geeddi Liibaan Jadheeye,
waxa aan aad ula yaabay 4-ta wasiir ee dawladdu ay golaha wakiiladda ugu
gudbisay inay soo ansixiyaan, ee golaha wakiiladuna ay is-hortaageen, ee
ay yidhaahdeen wasiiradda la magacaabo hala soo wada raaciyo, iyaga oo
isla markaana goluhu ku andacoonaya oo yidhi “maxaa carqalad ah ee
dawladda hortaan, inay wasiiradda dawladda cusub ee la magacaaba oo la is
wada raaciyo.”
Anigu waxaan leeyahay, carqaladda madaxweynaha hortaagani waxa weeyi,
iyada oo ninba nin jeebka ku sito, oo uu leeyahay hebel wasiir hanalooga
dhigo.
Haddaba, waxay ku haboontahay in aan madaxweynaha la toorjargayn, ee isaga
hawshiisa loo daayo, isagu ha baandheystee, balse halaga daayo waxan lagu
karka badanayo, ee ah maxaad u dhakhsan weyday? Iyo maxaa carqalad ah ee
ku hortaagan?
Waxa jirtay in madaxweynuhu uu soo saaray 7 wasiir, kuwaas oo uu ku soo
xulay karti iyo wax qabad sooma jeestanimo, iyo halyeynimo, balse waxaa
dhacday in 4 wasiir oo ka mid ah uu goluhu is-hortaagay, kuna qaybsamay,
raggaasina waxaa ka mid ah Ismaaciil Aadan cismaan oo aad ogtihiin inta uu
nabadgelyada ku hawshooda ama uu wax ka qabtay. Taas oo aan lagu sheegi
karin nin reereed.
Haddaba ninka caynkaas ah ee hawshiisa isku xil qaamay ee geesinimada
samaynaya, wixii nabadgelyo xumo samaynayeyna wax ka qabanaya waa in lagu
gargaaraa oo lagu hambalyeeyaa, balse maaha in suuqa lagaga sheekeeyo oo
la yidhaahdo “Reer buu ka soo jeedaa” ciddi u horeysay ee uu soo
xidh-xidhay waxay ahaayeen beesha uu ka soo jeedo.
Hashu nirigta meesha xun bay ka ursataa, markaa waxaan leeyahay ayaan
meelo kale arrimaha loo duduwin ee ninkii wax qabana ee geesi ah hala
taageero, hana lala shaqeeyo.
Baarlamaanka waxaan leeyahay, waar marba wixii la soo baandheeyo ee la soo
shaandheeyo ee la idin horkeeno saxeexa oo ansixiya.
Waxa kale oo aan intaas raacinayaa nimanka C.I.D.-daw hawshiina kordhiya
oo magaalada dhexgala oo wixii fawda wada wax ka qabta.
Aadan Geeddi Liibaan Jadheeye, Hargeysa. Top
Dulmigu Waa
Astaanta Koowaad ee Caddaalad Darrada. |
Dabcan weynu garan karnaa cadaalad darradu
dhibaatada ay leedahay.
Haddaba waxa maqaalkan aan kaga hadlayaa maxaabiis tobaneeyo ah oo aan
aaminsanahay inay ku xidhan yihiin dulmi, aan waafaqsanayn xuquuqda
muwaadinka qofna ku ah sharciga iyo qawaaniinta muwaadinka.
Shacbigeenan Somaliland waxa aynu soo marnay halgan qadhaadh oo aynu kaga
soo horjeednay taliskii Siyaad Barre, kaas oo ka dhashay dulmi iyo
cadaalad darro, lagula kacayo shacbiweynaha. Iyada oo lagu samaynayey dil,
xadhig, dhac, iyo bool, waana waxa aynu ka dhiidhinay ee kumanaan qof ay
ku naf waayeen, haddaba 19 May waxa la xidh-xidhay dhalinyaro tobaneeyo
ah, oo xukuumaddu ay ku tidhi waxay ku kaceen falal nabadgelyada ku lid
ah.
Haddaba haddii ay yihiin dambiilayaal waxa waajiba in maxkamadda la
horgeeyo, lagun aoogo dambiga loo haysto, muddo 48 saacadooda, iyada
sidaasa ayaa waxa allla iyo wax lagu soo oogay oo maxkamad lagu geeyey
aanay jirin, iyaga oo xidhan muddo bil iyo dhawr cisho ah, oo ay ku
waayeen xorriyadoodii, muwaadinimo, taas oo ah dulmi laguna gefay
xuquuqdii ay ku lahaayeen dalkooda. Waana cadaalad darro in qof aan wax
lagu cadaynayaa aanay jirin laga qaado xorriyadooda.
Haddaba waxaan leeyahay xukuumadda waa in la dhawro xuquuqda muwaadinka oo
aan laga dhex arag muraayadda siyaasada ee ay ku loolamayaan siyaasiyiinta
madax doonka ah.
Waayo dhalinyaradaa oo aan xagga hore ku soo xusay ee xabsiga loo taxaabay
waa kuwo aan aaminsanahay inay xukuumadu u xidhxidhay dano siyaasadeed, oo
iyagu xiligaa xal u arkayeen, laakiin aan arkay xalka dalka iyo dadkaba.
Dhalinyaradaa lagu taxaabay xabsiga ee lagu gefay xorriyadoodii, haddii
aan ka xuso qaar ka mid ah waa raggii naftooda u huray xorriyadanaynu
maanta hadhsanayno, waana mujaahidiintii ka dhiidhiyey tan ay maanta ku
xidhan oo kale.
Si kastaba ha ahaatee waxaan leeyahay dawlada waa in arrinta maxaabiista
talaabo laga qaado oo lagu oogo waxa lagu eedaynayo haddii loo soo celiyo
xorriyadoodii oo laga xadhiga dulmiga ah ee aan waafaqsanayn dastuurka,
waayo dulmigu waa astaanta koowaad ee caddaalad darrada.
Waxa ay bulshadu idiinku dhiibatay xilkana maarha cadaalad darro inaad ku
samaysaan, ee waa inaad cadaalad wadanka ku dhaqdaan.
C/risaaq maxamed axmed, Hargeysa. Top
Ku: Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, Ku-xigeenka Axmed
Yuusuf Yaasiin, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Xeer-ilaaliyaha Guud, Taliyaha
Ciidanka Bilayska.
OG: Golayaasha “Shacbiga iyo Guurtida”
OG: Saxaafadda Somaliland
UJeedo: Codsi
Annagoo ah dadka magacyadoodu hoos ku xusan tahay, waxaanu si xushmad iyo
qadarin leh idiinka codsanaynaa in degdeg Garsoorka loo horkeeno si
sharciga waafaqsan dhallinyarada iyo mujaahidiinta u xidhxidhan siyaasadda
muddada bil iyo badh-ka ah xukun la’aan, ilaa haddana aan maxkamadda la
horgeyn. Tallaabadani waxay si toos ah lid ugu tahay dastuurka Qaranka,
waxayna burinaysaa xilka la idiin doortay, kuna dhaarateen Magaca “Alleh”
(s.w.t), isla markaana waxay ku tumaneysaa xuquuqda mawaadinka iyo
sharafta xil-sidaha (masuuliyiinta).
Sidaa aawadeed, waxanu mudanayaal idinku boorinaynaa idinkoo shaqadiina
gudanaya waajibna idinka saaran yahay ilaalinta xuquuqda muwaadinka, waa
in sida ugu dhakhsaha badan dambi loogu soo oogo ama madaxbannaanidooda
loo soo celiyo, si sharciga waafaqsan.
Ugu dambeyntii, waxaa codsigan wada jir u soo saarey Mujaahidiin,
Ganacsato, Aqoonyahano, Dhallinyaro reer Hargeysa ah, Qurbo-joog, xubno ka
tirsan axsaabta UDUB, UCID, KULMIYE iyo xubno Jaaliyadda Somaliland ee UK
“Somaliland Society In UK” ah.
Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan
Mahdi Xaaji Nuur “Lixle”
Yuusuf Cabdi Hawsi
Maxamed Koosaar Yuusuf
Cabdi Muuse Muxumed
Warsame Xasan Gaas
Maxamed Ibraahim Siciid
Saleebaan Siciid
Siciid Sacad Qalinle
Keyse Cabdi Cali
Ismaaciil Xaaji Wareer
Xuseen Xasan Warfaa
Fawsi Bare Axmed
Axmed Cumar C/laahi
Mustafe Xasan Nuur
Mawliid Ibraahim Aadan
Maxamuud Muuse Muxumed
Ismaaciil Maxamed Gadiid
C/rashiid C/raxmaan C/laahi
Xasan Cali Axmed
Axmed Cali Ciyaale
Maxamed Muxumed Xirsi
C/kariin Xabashi
C/risaaq Maxamuud Sheekh
Khaliil Cismaan Saban. Top
|