Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 368 July 4, 2003

Madaxweyne Rayaale Oo Dhammays-Tiray Dhismaha Xukuumaddiisa Cusub
Waxa La Magacaabay 18 Wasiir, 5 Wasiiru-Dawle Iyo 11 Wasiir Ku Xigeen.

Waraysi Lala Yeeshay Guddoomiyaha Shirka Somalida Ee Kenya.

Wajaale Iyo Muranka Guddi-Hoosaadka Ay Samaysteen.

Dood.

Reer Boorama Maxay Uga Aamuseen Arrimaha Khilaafka Ku Keenay Jaamacadda Cammuud; Faallo - M. Cumar Sheekh, Weriyaha Boorama.

Dhaqtarkii 27 naad oo lagu dilay magalada Muqdisho.

Mashruuc Biyoxireen Oo Lagu Dhamaystiray Godey.

Madaxweyne Bush Oo Bilaabaya Booqashadiisa Afrika.

Jarmalka Oo Raaligelin Ka Dalbaday Ra’iisalwasaaraha Talyaaniga.

Isra’il Oo Dishay Xubin Ka Tirsan Ururka Al-Aqsa.

ODHAAHDA AKRISTAHA: Ma Xuudbaa Liqay Xaqii (Baadiye Party), Ku lahaa Golayaasha Deegaanka Afhayeenka Xisbiga Baadiye Party.

Guddida Ardayda Jaamacadda Hargeysa Oo Beeniyay Ururka SOVEREDO.

Waxaanu Ka Cabanaynaa Qashinka Nalagu Soo Daadiyo.

Sanjabow Ma Caybaad Ku Casuuntay Golayaasha?

Dagaal Waa Lama Huraan.

Brooklyn (Inankiisa uu dhalay David) waxa uu luqadda Isbaanishka ku odhan karaa Hello iyo bye. Si badan, waxa laga yaabaa in uu aniga igaga wanaagsanaado.


Madaxweyne Rayaale Oo Dhammays-Tiray Dhismaha Xukuumaddiisa Cusub
Waxa La Magacaabay 18 Wasiir, 5 Wasiiru-Dawle Iyo 11 Wasiir Ku Xigeen.

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland ayaa shalay dhamastiray dhismaha xukuumadiisa cusub isaga oo soo saaray raacii labaad ee golaha wasiiradda.

Madaxweyne Rayaale waxa uu magacaabay 18 wasiir, 5 wasiiru-dawle, iyo 11 wasiir ku xigeen, kuwaasoo isugu jira wasiiro hore oo xilkoodii loo daayay, kuwo laga badalay jagooinkoodii hore iyo kuwo ku cusub golaha wasiirada.waxaana sidaa shaaca ka qaaday warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadu cabdi idiris ducaale .Warsaxaafadeedkaasina wuxuu u qornaa sidan:

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta (Shalay) soo saaray liiska golaha wasiiradda qaybtii hadhsanayd.

Marka laga reebo todobadii uu hore u soo saaray, waxa uu maanta magacaabay 18 wasiir, 5 wasiiru-dawle, iyo 11 wasiir ku xigeen.

Masuuliyiintaasi oo madaxweynuhu u tixgeliyey kartidooda, aqoonta iyo hufnaantooda shaqo, waxay kala yihiin.

Cismaan qaasim qodax wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo shaqada, nuux axmed cismaan wasiirka wasaaradda madaxtooyadda JSL, C/laahi maxamed ducaale wasiirka warfaafinta iyo wacyi-gelinta, xasan x. maxamuud warsame (Gadhweyne), wasiirka waxbarashada, Dr. idiris ibraahim cabdi wasiirka xanaanada xoolaha, maxamed jaamac bolol wasiirka beeraha, fu’aad aadan cadde, wasiirka horumarinta reer miyiga, c/laahi xuseen iimaan (dirawal), wasiirka dib u dejinta, siciid sulub maxamed wasiirka hawlaha guud, cismaan xasan mire wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka cirka, qaasim sh. Yuusuf wasiirka macdanta iyo biyaha, axmed xasan cali libaax, wasiirka cadaalada, xasan cabdi kheyre wasiirka boosta iyo isgaadhsiinta, maxamuud siciid maxamed wasiirka ciyaaraha, cabdi xasan buuni wasiirka xidhiidhka golayaasha, sh. Maxamuud suufi maxamuud wasiirka diinta iyo awqaafta, cismaan cali bile wasiirka hidaha iyo dhaqanka, faadumo suudi xasan wasiirka horumarinta qoyska iyo arrimaha bulshada.

Wasiiru dawlayaal.

Maxamed cabdi xuseen wasiiru dawlaha arrimaha dibadda, Aadan Maxamuud mire (waqaf) wasiiru dawlaha arrimaha gudaha, Aadan Maxamuud Diiriye (Ruush) wasiiru dawlaha hawlaha guud, axmed c/laahi shire wasiiru dawlaha caafimaadka iyo shaqada, c/laahi ismaaciil bidhaan wasiiru dawlaha waxbarashada iyo tacliinta sare.

Wasiir ku xigeenada.

Dr. axmed jaamac samatar (who) wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka, ismaaciil maxamed madar wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare, axmed jaambiir kaahin, wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha, dr. Maxamed X. Warsame wasiiru ku xigeenka beeraha, maxamed faarax aadan wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha, yuusuf ciise talaabo wasiir ku xigeenka macdanta iyo biyaha, aadan jaamac hoori wasiir ku xigeenka hawlaha guud, cabdi cali mahdi wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda, maxamed cali yuusuf wasiirku xigeenka gaashaandhiga, c/raxmaan yuusuf ismaaciil wasiir ku xigeenka ganacsiga, yaasiin maxamuud xiir (faratoon) wasiir ku xigeenka wasaaradda dib u dejinta.

Magacaabistan cusub oo ah 18 wasiir marka lagu daro 7 wasiir ee uu madaxweynuhu hore u magacaabay waxa ay iskunoqonayaan 25 wasiir oo ay weheliyaan 5 wasiiru dwle iyo 11 wasiir ku xigeen waxa ay isku noqonayaan 41 xubnood taasoo aan waba kayarayn xukuumadii hore, tasoka duwan sidiia ay dad badani filayeen oo ah inuu madaxweynuhu magacaabo xukuumad aad uga tiro iyo tayaba badan xukuumadii hore.

Top


Waraysi Lala Yeeshay Guddoomiyaha Shirka Somalida Ee Kenya.

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee IGAD ahna ergayga gaarka ah ee dowladda Kenya u qaabilsan shirka kooxaha Soomaalida, Mr Bethuel Kiplagat oo wareysi ay la yeeshay ayaa ka warramay xaaladda uu hadda shirka Soomaaliyeed ku sugan yahay.

Mr Bethuel Kiplagat waxa uu sheegay in uu weli ku taagan yahay waddada saxda ah, ilaa inta uu ogyahay uu shirka kooxaha Soomaalida hal mar oo keliya muddo u qabtay in uu ku soo gebagaboobo 18-kii bishii Juun, haddana waxaa weli jira arrimo aan ka shaqeynayo, mana aha wax sidaas u buuran, waxaanan ku kalsoonahay in guddiga farsamda oo ka kooban waddamada Djibouti, Ethiopia iyo Kenya iyagoo la tashanaya hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay wax ka qabanayaan arrinta.

Waa run in aan waqti u qabtay shirka, laakiin waxaa ka horyimid mushkilado, waana kuwaas waxa aan hadda faraha ku hayo, laakiin waa in la xusuusnaadaa in hadafkeenna ugu dambeeya uu yahay labo arrimood oo kala ah in dib u heshiin la helo iyo in la sameeyo dowlad Soomaaliyeed, waxaanan hadda ku taagannahay waddadii loo marayey labadaasi arrimood waananna ku guulaysan doonnaa.

Bal fursad ii sii in aan ka hadlo arrinta nagu keentay dib u dhaca ah in 18-kii bishii hore la soo afjari waayo shirka waxay ahayd waxaa jiray saddex arrimood oo aan heshiis ku gaari kari weynay oo aan doonaynay in lagu daro sharciga Soomaaliya lagu dhaqi lahaa kuwaasoo kala ah waa midda koowaade tirada xubnaha baarlamaanka, midda labaadna waxay ahayd muddada ay xafiiska joogayso dowladda KMG ah ee la dhisi doono iyo tan saddexaad oo ahayd qaabkii loo soo xuli lahaa xubnaha baarlamaanka, arrimahaasi aad ayaan uga xaajoonnay, beesha caalamku gacan weyn bey ka geysatay, waxaanan hadda u malaynayaa in aan hadda isugu nimid heshiis dhexe.

Sidaasi darteed, waxaan soo jeediyey in baarlamaanku noqdo 315 xubnood, muddada xilka ay haynayso dowladda la dhisi doonana waa laga heshiiyey, arrinta ugu dambaysana waa habka loo soo xulayo xubnaha baarlamaanka, waxaana la kala joogsaday saddex mowqif oo kala ah waa mide in si toos ah xubnaha hadda jooga ee wufuudda ah looga dhigo baarlamaanka taasoo ay inta badan kooxaha Soomaalida diideen, tan labaadna waa in ay hoggaamiyeyaasha kooxaha soo xulaan xubnaha baarlamaanka, taasina waa la diiday.

Marka waxa aan is-idhi meesha la isugu imaan karo waa in ay hoggaamiyeyaashii saxeexay heshiiskii Eldoret oo la tashanaya hoggaamiyeyaasha dhaqanka ay soo xulaan xubnaha baarlamaanka, firkaddaas ayaananna u gudbiyey Soomaalida, waxaanan filayaa in ilaa caawa ama berri ay soo dhammaan doonto hawshaasi iyadoo ay cid kastana raalli ka tahay, mar haddii taasi laga gudbana dhib weyn baa naga hadhaya.

Erayga ku saabsan in uu khilaaf u dhexeeyo xubnaha guddiga farsamada ee IGAD, waxaan oran lahaa xitaa haddii la kala qabo fikrado kala du-duwan, weli waan wada shaqeynaa oo ka wada xaajoonna wax kasta, mar kastoo wax laga xaajoonayana wey soo baxaan afkaaro kala du-duwan, laakiin munaaqashooyin kaddib meel baan isugu nimaadnaa, haddana waxaa meel noo yaalla hal mabda' oo ah in go'aan qaadashada ay iska leeyihiin dadka Soomaaliyeed ee aanan annaga waxba u go'aamin karin, waxaana run in ilaa iyo hadda go'aan kasta oo la qaatay uu ahaa mid ay hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed gaadheen.

Anigana waxaan ahay nin rajo wanaagsan ka qaba hawshan shirka ee hadda socota, waxaana jira fursado badan oo guul noo keeni kara, waayo halkan waxaa jooga inta badan hoggaamiyeyaasha Soomaalida, in kastoo ay qaar dalka dib ugu noqdeen haddana qaar baa soo noqday, laakiin haddana waxaa jira kuwo weli dalka Soomaaliya gudihiisa, iyagana maalin kasta wey nala soo xidhiidhaan, haddii ayna hawada Kenya iyo Soomaaliya kala xidhnaynna mar hore ayeyba na soo gaadhi lahaayeen.

Runtiina dadka Soomaaliyeed macno la'aan muddo intaas la eg iskama ay joogeen halkan haddii ayna jirin rajo wanaagsan, taas ayaana aniga i hammi-gelisay.

Tan saddexaadna, waa joogitaanka urur goboleedka IGAD oo runtiina muhiim ah si uu u guulaysto shirka, waxayna nala joogaan ilaa markii uu billowday shirka, waxaa intaas dheer beesha caalamka oo iyadana aan ku kala maqnayn meesha, sidaasi darteed dhammaan intii loo baahnaa si uu shirkan u guulaysto wey joogaan, haddii aynaan hadda ku guulaysan shirkanna maba gadhanayo meel kale amaba shir kale oo lagu guulaysan karo, waana taas farriinta Soomaalida la rabo in ay gaadho, oo in beesha caalamka iyo urur goboleedka IGAD in ay dhammaantood ka go'an tahay in xal waara loo helo mushkiladda Soomaaliya.

Dhinaca Somalilandna, markii aan billaabayey shirkani waan weydiiyey aaway woqooyigii Soomaaliya ee Somaliland, runtiina waxaan awood u helay in aan la kulmo qaar wakiil ka ahaa Somaliland oo halkan iigu yimaadeen, waxayna ii sheegeen in aanay waxba ka jirin koofurta Soomaaliya, sidaasi darteed waxay igu dheheen hore u soco, marka ay koofurtu heer soo gaartana waan ka tashanaynaa, marka haddii aan awoodno in aan heshiis ka hirgelinno koofurta oo aan maamul dowladeed oo shaqeynaya helno oo aan nabad helno, runtii maxaa na xannibaya markaas, waan billaabi karnaa wada hadal, marka hadda looma baahna in la deg-dego waayo sabab aan u deg-degno ma jirto ayuu yidhi.

Top


Wajaale Iyo Muranka Guddi-Hoosaadka Ay Samaysteen.

Tog-wajaale (Haatuf): Guddi ka kooban 7 xubnood oo dhowaan sheegay inay yihiin kuwa rasmiga ah ee laga soo doortay deegaanka Tog-wajaale ayaa Mr. Muxumed Geel Seed oo ahaa Duqa dhowaan laga beddelay degmada Gebilay wuxuu sheegay inuu sameeyay qoraal ka noqosho ah oo ay leeyihiin 7da xubnood ee laga soo doortay tuulada Tog-wajaale oo iyagu ku adkaysanaya inay yihiin kuwa sharciga ah ee tuulada loo soo doortay.

Duqa cusub ee degmada Gebilay Mr. C/qaadir Axmed Cumar oo ay weheliyaan deegaanka Gebilay ayaa toddobaadkii hore mar uu socdaal ku tegay tuulada Tog-wajaale kulan fadhi galabnimo ah oo ay yeesheen odayaasha iyo wax-garadka reer Tog-wajaale uga sheegay halkaa inay wadajir u soo dhistaan guddi-hoosaad ka kooban 7 xubnood oo ay yeelan doonto tuuladu, kaas oo markay soo dhistaan loo gudbin doono golaha deegaanka degmada Gebilay.

Top


Dood.

BBC-Laanta af soomaaliga ee BBC-da ayaa shalay sii daysay dood ku saabsan marxaladda ay somaliland marayso doorashooyinkii dhawaan dalka ka dhacay ka dib.

Doodaas oo ay ka qayb galeen gudoomiyayaasha saddexda xisbi qaran ee dalka, iyo gudoomiyaha Akadamiyadda nabada iyo horumarinta ee Somaliland, waxa daadihinayey C/salaan I. Hereri oo ka tirsan BBC-da.
Doodaasna nuxukeedu waxa uu badnaa doorashooyinka baarlamaanka iyo qaddiyadda madax banaanida Somaliland.

Su’aashii ugu horeysay ee uu weydiiyeyna waxay ahayd goormaa la qaban karayaa doorashooyinkii baarlamaanka?

Jawaabta su’aashaana waxa ku horeeyey madaxweyne Rayaale oo sheegay in marka horeba qorshuhu ahaa in doorashada Baarlamaanka la qabto, mar haddii la soo qabtay labadii doorasho ee deegaanka iyo madaxtinimada, isaga oo intaa ku daray doorashada wakhtiga ugu dhakhsiiyaha badan.

Gudoomiyaha KULMIYE Axmed Siilaanyo oo isna taa ka jawaabayey ayaa sheegay inay tahay in doorashadaa loo qabto sida ugu dhakhsaha badan oo ah sanad gudihii, haddii kale waxa uu sheegay in ay meesha ka baxayso miisaankii golayaashu.

Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna su’aashaa ka jawaabay oo sheegay inay daruuri tahay in la helo baarlamaan ay dadku soo doortaan, sida ugu dhakhsaha badanlena loo qabto taas oo miisaamaysa xukuumadda iyo axsaabta Mucaaradka ah. Waxaanu ku daray qodob ah in la badiyo tirada baarlamaanka, si loo helo xubno baarlamaan oo dalka oo dhan meteli kara.

Ka dib waxa soo galay Dr. Xuseen Bulxan oo sheegay haddii aanay jirin doorasho baarlamaan oo dhakhso ah inay dhantaalantahay, hanaankii dimuqraadiyadeed, isla markaa wuxuu intaa ku daray inaan loo deynuun axsaabta ee talada laga wada qayb qaato.

Guud ahaana waxaad moodaysay nuxurka jawaabta su’aashaas inay iskaga mid ahaayeen saddexda gudoomiye, taas oo ah in lagama maarmaantahay in doorashada si dhakhso ah loo qabto.

Ka dib waxa loo galay su’aal ahayd Ictiraaf la’aanta Somaliland iyo talaabada ku haboon ee ay tahay in la qaado, waxaanay dhamaantood ka dhiibteen jawaabo isku mid ah.

Oo ah inay isku meel ka taagan yihiin qaddiyadda madax banaanida Somaliland.

Top


Reer Boorama Maxay Uga Aamuseen Arrimaha Khilaafka Ku Keenay Jaamacadda Cammuud; Faallo - M. Cumar Sheekh, Weriyaha Boorama.

Lix ama toddoba sano ka hor laba meelood oo Boorama laga aasaasayey ninka dhaliilaa wuxuu reer Boorama ula ekaa ama u haysteen dembiile dumiyay dano ummaddu leedahay. Labadaa meelood oo kala ahaa Cusbitaalka TB’da iyo Jaamacadda Cammuud. Cusbitaalka TB'da waxa soo maray sannadkii hore dhaliilo, bannaan-baxyo lagu diiddan yahay joogitaan kiisa Boorama, hase yeeshee dadweynuhu waxay daweeyeen gol-daloolooyinkii ka jiray oo ay maamulka cusbitaalka ka wada hadleen. Maanta oo dhibi ama khilaaf ka taagan yahay jaamacadda Cammuud sheekadu way ka duwan tahay. Reer Boorama ama reer Awdal waxa maammahan welwel ka haystaa khilaaf dhinaca maamulka ah oo dhex maray guddoomiyeyaasha jaamacadda Prof. Suleemaan Axmed Guuleed iyo Guddoomiye-ku-xigeenkiisa Prof. Axmed Xaashi Abbiib. Jaamacaddan Camuud oo ka mid ahayd meelaha aan la taaban karin reer Boorama u haysteen waxa maanta soo waajahay caqabaddii ugu adkayd ee soo marta taarriikhda jaamacaddan oo caalamka laga aqoonsaday iyadoo weli Somaliland aanay weli helin mid la mid ah.

Khilaafkan oo soo shaac baxay Bishii hore dabayaaqadeedii, waxa uu sidii bam la buuxiyey ugu qarxay gobolka awdal waxyeeladiisuna ay haatan gaadhay cid kasta oo u dhalatay gobolkan gudaha ha joogo ama debeddee. waxay dadweynuhu u baqayaan mustaqbalka carruurtooda, xooggii la geliyey dhismaheedii, hantidii gashay iyo magacii jaamacaddu ku lahayd caalamka. Inkastoo ay dadweynuhu shicib iyo xukuumadba jecel yihiin jiritaanka astaantaa, hase yeeshee dhinaca kale ma muuqato wakhtigan dadaal lagu soo afjarayo khilaafkan.

Warkan ku saabsan khilaafka Jaamaccada Camuud oo uu shaaca ka qaaday Guddoomiye ku xigeenku, waxay dad badani u arkayaan inuu ahaa khilaaf soo jiitamayey hoostana ka soo shidmayey oo huursanaa. Qoraaladii u horreeyey ee ku saabsan khilaafkan, waxa uu guddoomiye ku xigeenka Axmed Xaashi Abiib ku faafiyey wargeysyada dalka ka soo baxa isagoo kaga hadlay arrimo ku saabsan xad-gudubyo maamul, is-dhaafdhaafin arday iyo macallimiinba leh, iyo qalab jaamacaddu lahayd oo si ka baxsan sharciga looga qaaday jaamacadda. Saddexdaa arrimood oo Axmed Xaashi u tirinayo Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud waxay ahayd mid u baahan in si taxaddir leh loo waajaho, shicib iyo xukuumadna ku qanciyaan Axmed Xaashi balse nasiibdarro waxa ka daba qaatay Guddi la sheegay inuu siyaasadda u qaabilsan yahay jaamacadda, iyadoo xubnaha ka jawaabay qoraalkaasi ay ka badbadiyeen dhalliilo shakhsi ah oo loo jeediyey Gudoomiye ku xigeenka.

waxa kale oo soo baxay taageerayaal aan dan ka lahayn xal loo helo, waxa dhuuntay madax-dhaqameedyadii, culimadii, iyo waxgaradkii loo yeedhi jiray marka xaflad Jaamacadda lagu guddoonsiinayo deeqaha debedaha laga helo. Sideedabana Guusha la gaadhaa waxay leedahay boqol aabe, guuldarraduna waxay leedahay hal aabe oo lagu eedeeyo.

Soomaaliduba waxay tidhaa “Af masiibo lagama dhowro” ee xaalka Jaamacadda Camuud waa la buunbuuniyey.

Cambaareynta shakghsiga ah ee loo jeediyey Prof Axmed Xaashi Abiib, waxay ku habboonayd in la shaaciyo khilaafkan ka hor, waxana jawaabtooda loo arkaa mid lagu baabi’inayo abaalkii iyo dadaalkii uu jaamacadda u soo galay Axmed Xaashi.

Dhinaca kale sii hadalhaynta khilaafkani wuxuu sii murginayaa xal si dhib yar loogu heli lahaa ceeryaamadan fuushay iyadoo dad badan oo debedaha ka taakuleyn jiray jaamacadda Cammuud shaki ka galay mustaqbalka jaamacadda. Sidaa darteed lama garan karo sababta waxgaradka reer Boorama uga cagajiidayaan xaqiiqada in la waajaho oo la badbaadiyo jaamacadda, iyo in aan la garan waxa qalad loogu qaato dhaliilaha ka jira jaamacadda in la sheego, waayo haddii waxa jira la sheegi waayo waxan jirin ayaa la sheegaa. Digniinaha ka imanaya dadweynaha taakuleeya Jaamacadda Cammuud ma aha kuwa la yaraysan karo sida ka muuqatay qoraalkii u dambeeyey ee Cabdilaahi Xaashi Abiib kaga dalbaday cidda haysata qayb ka mid ah qalabkii loogu deeqay jaamacadda inay degdeg ugu wareejiso cidda ay khusayso.

Ugu dambayn reer Boorama, reer Soomaaliland iyo shacbiga taageera Jaamacadduba waxay ku qanci lahaayeen in la muujiyo halka sartu ka qudhuntay iyo in Guddoomiye- ku-xigeenka Jaamacaddu qodobbada uu taabtay waxgaradka ummadda la tuso, kuwaas oo ah qalabka la sheegay in laga qaaday jaamacadda oo halkii laga qaaday lagu soo celiyo, in si caddaalad ah macallimiinta wax ka dhigta jaamacadda ee isku derejeda ah aan loo kala soocin beel, koox, xisbi, ama qof jacayl; iyo in ardaydu ay u sinnaadaan fursadaha shaqo iyo tan ugu dambaysa oo ah ku dhaqanka axdiga u yaalla jaamacadda oo aan la maroorsan awoodda hoggaamineed, si aanay u lumin magaca iyo qiimaha jaamacaddu ku leedahay caalamka.

Top


Dhaqtarkii 27 naad oo lagu dilay magalada Muqdisho.

Muqdisho ( Haatuf) waxa doraad la gu dilay xarunta caafimaadka ee monta siinay oo ku taal is goyska siinay ee magaalada muqdisho dhakhtar la odhan jiray xuseen maxamed nuur oo ku magac dheer (xuseeney). dhaqtarkan oo ku takhasusay cudurada indhaha ku dhaca kana howl gali jiray xaruntaas ayaa markii uu shaqada soo dhameystay duhurkii isaga oo doonaya in uu raaco gadhiggisii ay labo nin dabley ah oo sugaayey oo sugaayey ay dileen sida ay sheegeen dad goob joog ahaa,waana dhakhtarkii 27aad ee lagudilo Muqdisho.

Sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee Muqdisho raga dilay dhakhtarku waxa ay ku fureen xabado ilaa ay naftu kaga baxday ,dhatarkan ayaa lasheegay inuu laxidid ahaa dadka degan waqooyiga muqdisho waxaana dilkiisa lagu fasiray arimo kala duwan oo ilaahada aan lakala garaneyn kii sax ah taas oo ay sheegayaan wararku in dabledu ay doonayeen in ay af dub taan dhaqtarka isla markaana ay ka fashilantay arintu halka warkalna uu sheegayo in ay jiraan niman laga eryey meesha uu ka shaqyn jiray dhaqtarka oo wardiye ka ahaan hiray dhaqtarkaan ayey u jiifiin dad bukaan ah oo indhaha laga qalay dawana kasugaayey dhakhtarka.

Dhaqtarkaan ayaa waxa uu ladhashay gudoomiyaha RRA xasan maxamed nuur (shatiguud) dilka dhaqtarka ayuu wariyuhu wax kawaydiiyey sida uu u arko agasimaha xarunta caafimaadka ee carafaad oo sheegay in ayaan daro tahay dilka dhakhaatiirta lagu hayo taas oo baryahan aan dhicin waxa uu ii sheegay in aad uu uga xunyahay uuna tacsi u dirayo dadkii uu ka geriyaadey mar aan wax kawaydiiyey agaasimaha arunta caafimaadka ee carafad waxuu yidhi “xaruntaan waxa lafuray bishii juulay 10 keedi waxana isbitaalaka loogu talagalay markii hore centar xanuunada lagu ogaado oo lagu baadho iyo bukan socod eegto eminkana waxaa ku sii darsmay bukaan jiif meel loogu talagay dhaqaatirta is bitaalaka kahowl gala waxa ay u badan yihiin dhaqtiir dibada ka yimid iyo qaar aqoon sare leh oo dalka joogay xarunta waxa isku bahaystay aas aas keedii ganac sato iyo ururo.”

Dhinaca kaleWaxa shalay magaalada muqdisha ka dhacay shirar lagaga hadlaayey dilkii shalay loogeystay dhakhtarkii indhaha ee ka howl gali jiray xarunta caafimaadka Mounti Siinay ee waqooyiga Muqdisho Dr Xuseen Maxamed Nuur laguna naaneysi jiray (Xuseeni) ilaa hadda lamahayo ama cidna looma soo qaban wixii ka danbeeyay falkaas dilka ah cidgaar u sheegatayna lama hayo ilaa hadda balse waxa jira sacanbaareyn iyo shirrar go’aama lagaga gaadhayo sidii looga hortagi lahaa arintan oo kale canbaareyntii ugu horeysay waxay xaleeyto ka soo yeertay C/qaasim Salaad Xasan oo ay wareysi la yeelatay idaacada Hornafric ee magaalada Mogadisho isa oo jooga Nairobi C/qaasim ayaa sheegay falka dilka ah ee loogaysanayo Dhakhaatiirta iyo Aqoonyahanada uu yahay mid dhaawac ku keenaya horomarka umada ay higsanayso.
mar uu xaga siyaasada ka hadlaye iyo shirka Nairobi waxuu ku celiyay in aanay TNG du aqbalayn in dalka loo kala kala bxiyo waqooyi iyo koonfur islamarkaana hadii ay diidaan maamulkaas ka sooqebgalka shirka maamulkaas aan umadda inteeda kale aan keeni doono shirka, sida Boqorada, Aqoonyahanada, oo iminkaba diyaar noo ah mana yeelayno in ay ergada noqoto salka Baarlamaanka laga unkimaayo mana yeelayno in Hogaamiya kooxyada ay soo xulaan xubnaha Baarlamaanka noqonaya arinta shirka Kenya ayaa u muuqda mid xaalkiisu isubadalaayo Bariga dhexe.

Dhinaca kale waxaa shalay warsaafadeedyo ay kaga hadlayaan dilkii Dhakhtarkii walaac ka muujiyay Hayadaha xuquuqu aadama u dooda ee kala ah Elman Huyaman Raytis Dr. Ismaaciil Jimcaale Osoble iyo Isha Human Raytis oo dagan magaalada baydhaba dhamaantood Hayadahaan umadda ugu baaqeyn iyo wax garadka in cidii falkan geysatay maxkamad la sootaago dhankale waxaa shalay shir ay isugu yimaadeen Urarada Dhaqaatirta Bulshada Rayidka ah culumaa udiinka Oday dhaqameedyada Oqoon yahanada qeybaha wax barashada Shirkan oo lagu qabtay Hoolka shirarka ee Isbitaalka Alxayaat ee magaalada Mogadisho ayaa laga soo saaray go’aano ay ka midyihiin in halmaalin shaqo joojin lasameeyo in loo tacsiyeeyo eheladii iyo qaraabadii oo dhantarka ka dhintay in lasameeyo banaan bax weyn oo lagu muujinayo dareenka dadka kaasoo ka qeybgalayaan Ardayda Dhakhaatiirta Haweenka Dhalinyarada iyo qeybaha bulshada gobalka Banaadir banaan baxaasi ayaa larabaa in lagu muujiyo sida loo diidan ayahay dilka lagu hayo Dhakhaatiirta Aqoonyahanada umadda wax uqabanaya waxaa kaloo loogu baaqayaa in la horkeeno cadaalada kuwii dilkaas keystay waxaa kaloo shikaasi ka soo baxay in lasameeyay gudi ka soo baaraan degta sidii wax looga qabn lahaa amaanka Muqdisho oo cidlagu haleynaya aanay jirin gudidaasi oo ka kooban sagaal xubnood waxaa gudoomiya u ah Dr. Maxamed Aadan Warsame (Shahiid) waxaa kaloo xubna ka ah oo bulshada rayidka ah ka socda C/laahi Maxamed Shirwar Gudidani waxay ka soo tala bixin doonaan sida ugu macquulsan ee bulshada u dareen siin lahaayeen dhibaatada haysata iyo sidii looga bixin lahaa dhibaatooyinkan ku daba dheeraaday umadda soo maaliyeed siiba Mogdishu oo faraha ka baxday waxaa kaloo shirkaasi ka hadlay Dr. Ibraahim Dasuuqi oo sheegay in banaan Bax joogta ah lasameeyo arimaha xadgubyada ku ah xaquuqda bini aadamka isla markaana lagula xisaabtamo hogaamiyaasha sheegta in ay gacanta ku hayaan goobaha xadgudubyada ka dhacaan ee loogeysanayo dadka aan waxba galabsan

Top


Mashruuc Biyoxireen Oo Lagu Dhamaystiray Godey.

Goday -Waxaa magaalada Godey ee dhulka Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya lagu dhamaystiray mashuuc biyo-xidheen ah oo ka socday muddo dhawr sano ah webiga shabeele ee degaanka Goday.

Mushruucaasi, sida uu sheegay Maareeyaha mashruuca Adan Bile, waxaa ku baxday lacag ka badan 160 milyan oo bir(lacagta dalka itoobiya), waxaa biyo-xidheenkan la filayaa in uu waraabin doono dhul beereed dhan 7500 oo Hectar.Maareeyuhu , waxaa kale oo uu sheegay in haatanba la bilaabay in dhulkaasi loo qaybiyo boqolaal qoys oo beeralay ah.

Xukuumadda Aljeeriya Oo Xabsiga Kasii Daysay Hoggaamiyeyaashii Xisbigii FIS.

Aljeris (W.wararka). Labadii hogaamiye ee ugu sareeyey xisbigii laga mamnuucay dalka Aljeeriya ayaa xabsiga laga sii daayay, ka dib markii ay dhameysteen laba iyo tobankii sanadood ee xadhiga aheyd ee lagu xukumay.

Raggaasi markii la maxkamadeynayey waxaa lagu eedeeyay in ay amaanka dalka khatar weyn galiyeen.

Sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga ayaa xaqiijyey in hogaamiyihii xisbiga,Cabbaasi Madani in laga sii daayey gurigiisa oo uu ku xidhnaa. Cali Belhaadji oo ahaa Ku xigeynkiisa, kana xagjirsanaana,ayaa isna laga sii daayey xabsiga.

In yar ka dib markii raggaasi la sii daayey dowladda Aljeeriya waxay sheegtay in labada ninba lagu heyn doono xanibaad la xidhiidha arrimaha siyaasada oo dhan.

Dowladdu waxay sheegtey in raggaasi aan loo ogoleyn in ay codeeyaan, ama dadka u sheegaan fikradooda siyaasadeed si guud ama si gaarba iyo imago aan marnaba loo ogoleyn in ay ka mid noqdaan ururo siyaasadeed.

Labadan hogaamiye waxaa la xidhay sanadkii 1991dii, in yar ka hor markii uu xisbigoodu si weyn ugu guuleystay doorashadii baalamaanka, natiijadii ka soo baxday doorashadaasi iyana waa la baabi'iyey ka dib markii ay awoodii dalka Aljeeriya la wareegeen miliatariga dalkaasi.

Top


Madaxweyne Bush Oo Bilaabaya Booqashadiisa Afrika.

washinton (W. Wararka) Maalma ka hor safarkiisa uu ku tegaya Qaaradda Africa ayaa Madaxweynaha Mareykanka waxaa haatan cadaadis lagu saarayaa in uu ciidamo Mareykanka ah oo nabadda ilaaliyo uu u diro waddanka Liberia.

Balse Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka Collin Powell ayaa sheegay in ay tahay wakhti aan munaasab ahayn iyo ka hordhac in la filo go'aan ku saabsan arintaasi labada maalmood ee inagu soo aaddan gudahooda.

Mr Bush ayaa sheegay in laga baarandegayo go'aanada laga qaadan karayo, isagoo islamarkaana ku celiyay hadalkii ahaa in haddii nabad laga doonayo Liberia ay tahay in Madaxweyne Charles Taylor uu iscasilo, isagana baxo waddanka.

Wararka ka imanaya Washington ayaa sheegaya in astaamaha soo baxaya ay muuinayaan in ciidamo aad u tirayar oo Mareykan ah loo diri doono Liberia si ay halkaasi wax oga qabtaan.

Balse iyadoo Mareykanka uu hawlgalo weyn ka wado Ciraaq, Afghanistan iyo Gobolka Balkans ayaa waxaa la sheegayaa in ay aad ugu adkaan doonto in Mareykanku uu ciidamo dheeraad ah u diro meel ka mid ah caalamka.

Top


Jarmalka Oo Raaligelin Ka Dalbaday Ra’iisalwasaaraha Talyaaniga.

Ra'iisul wasaaraha Jarmalka, Gerhard Shroeder, ayaa ku biiray dadka raaligalinta ka dalbanaya ra'iisul wasaaraha Talyaaniga, Silvio Berlusconi, kadib markii uu siyaasi Jarmal ah, Martin Schulz uu ku tilmaamay in uu la mid yahay Askari Naazi ah oo ilaaliya xeryaha dadka lagu hayo.

Mr Schroeder, wuxuu u sheegay baarlamaanka magaalada Berlin in hadalka ka soo yeedhay Berlusconi uu yahay mid aan sinaba loo aqbali karin.
Ilaa hadda hogaamiyaha Talyaaniga wuu diiday in uu ka noqdo hadaladiisa, oo uu jeediyay iyadoo uu u khudbadaynayo baarlamaanka Europe, iyadoo Talyaanigu uu bilaabay xilligii uu guddoomin lahaa Midowga Europe.

Wuxuu sheegay in hadaladiisu ay ahaayeen kuwo jeesjees ah oo tarjumaanku uuna si dhab ah fariintii ay xambaarsanayd u soo gudbin. Jarmalku, wuxuu cabasho rasmi ah u gudbiyay oo uu hadalada ra'iisul wasaaraha ku diidan yahay, hogaamiyayaasha Talyaaniga ee ku sugan Rome, iyadoo qaar ka mid ah xubnaha isbahaysiga Mr Berlusconi ay sheegeen in ayna ku raacsanayn oo ay aragtidiisa tahay.

Agaasimiyayaasha baarlamaanka Midowga Europe, ayaa kulmaya si ay uga wadahadlaan allaabada la qaadayo hadii Mr Berlusconi uu diido in uu raaligalin bixiyo.

Top


Isra’il Oo Dishay Xubin Ka Tirsan Ururka Al-Aqsa.

Qudus ( W.wararka)Askarta Israel, ayaa toogasho ku dilay xubin ka tirsan kooxda hubaysan ee Falastiiniyiinta, Guutada Shahiidiinta al-Aqsa intii uu socday dadaal ay doonayeen in ay kaga soo qabtaan magaalada Qalqilya ee Daanta Galbeed. Nin kale, ayaa isna la dhaawacay oo ciidamada Israel ay xireen.

Ururkan al-Aqsaa, ayaa diiday in uu ka qaybgalo xabadjoojin sadex bilood ah oo ay ogolaadeen kooxaha kale ee hubaysan ee Falastiiniyiinta.

Ciidamada Israel, waxay xidheen wadada wayn ee tagta Marinka Qaza kadib markii ay maamulka Falastiiniyiinta ay u sheegeen in weerar gantaal lagu soo qaaday deegaan Yuhuudda la dajiyay.

Waxay jidka ku gooyeen Jiibabka ciidamada iyo shamiito, taasoo liddi ku ah go'aan dib loogu furayay wadada wayn baabuurta Falastiiniyiinta markii ugu horaysay muddo laba sano iyo badh ah.

Top


ODHAAHDA AKRISTAHA: Ma Xuudbaa Liqay Xaqii (Baadiye Party), Ku lahaa Golayaasha Deegaanka Afhayeenka Xisbiga Baadiye Party.

Shir ay isugu yimaadeen guddiga fulinta ee xisbiga Baadiye Party oo uu hogaaminayey usharaxa dawladda reer Miyiga Mudane Axmed Cali Garas ayaa waxa lagu gorfeeyey oo lagu falanqeeyey mustaqbalka siyaasadeed ee dhaqan dhaqaale ee bulshada reer miyiga ka dib markii golaha geed yaqaanka iyo caqli maalka ee beesha reer miyi aqoonsadaan inaanay nasiib u helin markii ka qayb galkii labadii doorasho ee dalka ka qabsoomay markii aanu aragnay himilada aanu ka lahayn dawladdii reer miyiga eenu bulshada asxaabta bandhigay barnaamijkeedii xiligii xiligii ololaha lagu jiray, ay xudun u ahayd horumarka iyo daryeelka beesha reer miyiga, ayaa waxa iska raacay haddaanu nahay beesha reer miyiga ee golayaasha deegaanada ka maqan in laba xubnood la noogu daro golayaasha deegaanada si aanu wax uga qabano si arrimood oo aas aas u ah nolosha reer miyiga, oo baylah iyo dayac badani ka taagan yahay.

Kuwaas oo ay ka mid yihiin wadooyinka xooluhu soo maraan
marka sayladda keenayo, oo ay ku dhib qabaan dadka iyo xooluhu, sayladaha xoolaha lagu iibiyo oon lahayn kaabayaashii ay xooluhu u baahnaayeen, isla markaana dayacan.

Baahida saddexaad oo iyaduna ah wershadihii beesha reer miyiga wax soo saarka u ahaa oo ay xayiraadii saaran tahay gaar ahaana ganacsigii xoolaha.

Haddaba iyada oo ay muhiim tahay in horumar la gaadhsiiyo beesha ku kala nool labada bii’adood, ee magaalada iyo miyigaba, ana waxay ila tahay haddaanu nahay beesha reer miyiga in xil badani naga saaran yahay bulshada reer magaalka ee isku koobtay golayaashii deegaanada, waxaananu codsanaynaa in laba xubnood oo bilaa mushahar ku shaqeeya, si aanu uga jibo keeno baahida xasaasiga ah ee aanu u qabno, arrimahaa, waana in waxaanu mudanahay, xal iyo xeer nalaga siiyo.golayaasha deegaanada, mansabkaanu ku lahayn.

waxa kale oo aan magaalooyinka ka codsanaynaa in lanaga siiyo beero dadka reer miyiga ahi maalintii hadh-galaan markay magaalada safarka ku yimaadaan.

Anagu sida reer magaalka kursi iyo reer miis mansabyo ku dooni mayno, balse waxa ku doonaynaa oo aanu ku kalsoonahay magacaanu hidde iyo dhaqan u leenahay, ee reer miyi.

Sidaa daraadeed war murtiyeedka xisbiga baadiye part, wuxuu ku baaqayaa golayaasha isku wada reer ah ee deegaanka ka wada muuqdaan labada beelood ba haddaanu nahay beesha reer miyi-ga waxaanu aaminsanahay inaanu ka waxtar badanahay beesha reer magaalka, maxaa yeelay anagu waxaanu ka beri nahay cudurada naanaabiyey reer magaalka ee ay ka mid yihiin xinka, xasad, ku xumee, iyo ka far qabsi, sobiribe waad ka tagiye, kuwaas oo iyagu ah waxyaalaha wiiqa jiritaanka qoyska reer magaalka ah, ma aqbalayno idinkuna dhibtaad leedihiin, anaguna dheeftaanu leenahay.

Afhayeenka Baadiye Party, Maxamed Sagax.

Top


Guddida Ardayda Jaamacadda Hargeysa Oo Beeniyay Ururka SOVEREDO.

Hargeysa (Haatuf): guddida ardayda ee Jaamacadda Hargeysa ayaa si kulul u beeniyey urur la sheegay inay samaysteen ardayda Jaamacadda Hargeysa, kaas oo hore wargeysyada dalka loogu baahiyey.

Qoraal beenin ah oo ay ardaydu na soo gaadhsiisayna wuxuu u qornaa sidan:

“Anaga oo ah Guddida ardayda Jaamacadda Hargeisa kuna hadlaya magaca ardayda Jaamacadda Hargeysa waxaanu si cad u beeninaynaa ururka sheegtay inay ardeyda Jaamacaddu ku bahawday urur la baxay SOVEREDO, inaanu matalin ardeyda Jaamaacadda Hargeysa, isla markaana uu yahay urur si badheedh ah uga been abuurtay magacii ardeyda Jaamacadda, waxa ay ardaydu ka ogtahayna aanu jirin, sharcigii jaamacaddana meel kaga dhacay, waxaanu uga digaynaa dadka sida gaarka ah ugu qadhaabsanaya magaca ardeyda jaamacadda, iyaga oo u adeegsanaya dana gaara ah inay ka waantoobaan been abuurka aanay ardeydu waxba ka ogayn.

Waxaanu ku wargelinaynaa dhamaan hay’adaha samafalka ururada wadaniga ah debadaha iyo gudahaba in aanu na matalin ururka isku magacaabay SOVEREDO.

Haddaba cida danaysa in ay jaamacadda la soo xidhiidho maamulka jaamacadda ardeydu leedahay, guddi metesha oo ay soo doortaan arrimohoodana lagala xidhiidho.

Waxaanu ka raali gelinaynaa dadkii sharafta lahaa ee lagu martiqaaday ururka been abuurka ah.

Sababta oo ah wixii xaflado ah ee aanu cid ku marti qaadeyno waxaanu ku qabanaa hoolka weyn ee Jaamacadda, iyada oon cidna laga qarsanayn.
Sidaas darteed ma jiro wax urur ah oo aanu ku bohownay oon ahayn (student Union) oo horeba u jiray sharciga jaamacadaha adduunka oo dhamina dhigayo. Haddaba dadka sida tuugada ah magaca ardeyda jaamacadda u adeegsanaya, waxaanu la tiigsan doonaan maamulka iyo sharciga jaamacadda u yaal.

Magacyada guddida ardayda:

C/Laahi Xasan Caalin Xoghayaha Guddida Ardayda
Mukhtaar Muuse Xasan Finance Officer
C/Raxmaan Aadan Shire Welfare Officer
C/Naasir Cumar Cumar Suldaan Vice President
Axmed Maxamed Jaamac Sports Officer
Maxamed Cabdi Jaamac Parlaiment
C/Raxmaan Maxamed Rooble Parlaiment
Hargeysa

Top


Waxaanu Ka Cabanaynaa Qashinka Nalagu Soo Daadiyo.

Haddii aanu nahay dadweynaha xaafadda sheekh nuur ee ka tirsan degmada gacan libaax, waxa aanu ka cabaneynaa dawladda sare iyo ta hooseba, taas oo aanu kaga cabanayno in aysan waxba ka qabanin biyo la’aanta ka taagan xaafaddaas oo ay ku nool yihiin dadweyne aad u badan, oo ku sugan xaalad aad u adag oo aana lahayn biyo walib ay u dheertahay nadaafad darro, joogta ah , iyada oo qashinka magaalada laga soo qaado lagu shubo xaafadaas duleedkeeda, halkaas oo ay dabeyluhu ka qaadaan dibna ugu soo celiyaan xaafadaas, taas oo sababtay caafimaad darro gaar ahaan carruurta yar yar.

Sidaas darteed, waxa aanu dhamaan meelaha arrimahani khuseeyaan ka codsanaynaa inay wax ka qabtaan arrimahaas oo dhan taas oo ah wax jira oo dhab. Waxa kale itoobiyaanka ah ama loo yaqaan oromada ay habeenkii ku soo qubaan xaarka ay bacaha habeenkii ku ururiyaan, taasina waxa ay keentay caafimad darri taagan, loona baahanyahay wax ka qabasho deg deg ah.

Waxa kale oo taasi raacda in booyadaha sida xaarku ay habeenkii wakhtiga makhribku soo galo ay ku qubaan, xaafaddaas xaarka ay sidaan taasina ay tahay mid ku sii kordhisay arrimaha caafimaad darradda ah.

Waxaanu dhamaan dawladda sare iyo ta hooseba ku wargelinaynaa in arrimahaas oo dhan wax ka qabtaan, taas oo ay dhamaantoodu khuseyso.

Xaashi Jaamac Warsame, Ismaaciil Axmed (Indha Balac), Maxamed Cali Waraabe, Maxamed Ibraahim Cali, Jaamac Cali Qodax, Xuseen Cabdi Diiriye, Muuse Cali Cilmi, Aadan Maxamed Warsame, Axmed Xeyraan Warsame, Maxamed Cayngal, Saleebaan Cali Cilmi, Ismaaciil Jaamac Maxamed, Keyse Cumar, Xuseen Cawad Cige, Hargeysa.

Top


Sanjabow Ma Caybaad Ku Casuuntay Golayaasha?

Anaga oo tixraacayna maqaal ku soo baxay wargeyska Haatuf cadadkiisii 365 ee 30/6/2003 oo cinwaankiisu ahaa “Fadeexaddii Gagida Diyaaradaha ee Hargeysa” oo uu soo qoray xog-hayaha guud ee Ururka UCID oo kasoo diray magaalada London, una soo diray Madaxweynaha Somaliland, labada shirguddoon ee golayaasha Qaranka, labada guddoomiye ee labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID.

Maqaalkaas oo aad u dheeraa oo hadallo is burinaya iyo hufnaan la’aan badanina ka muuqatay ayaa markii aanu akhrinay aanu rumaysan weynay dulucda maqaalka iyo ninka soo qoray oo isku kaaya qaban-weyday. Waan kala hanweynaa nin difaaca oo u dooda Jaamac-yare oo leh maxa loo xidhay?

Isku sheegi mayno mawqifka Jaamac-yare, balse waxaa isweydiin leh marka aad xadhiga Jaamac-yare diidan tahay, sida qaranimo loo ilaashado ee aad soo jeedinayso bal noo sheeg, mise damiir wadaninimo laguguma oga.

Saddex cisho kahor waxaa arrintan ka hadlay guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo muujiyay siduu uga xun yahay xadhiga Jaamac-yare, isla markaan aan ka hadal weerarkii lagu soo qaaday madaarka Hargeysa iyo cidii soo weerartay. Haddaba, dareenka Faysal Cali Waraabe waa la gartay ee adiga “Sanjabow” maxay kaa tahay?
Waxay aniga iila muuqataa “Taageero aad u fidisay Guddoomiyaha xisbiga UCID oo aad u muujiso fikrad kasta oo guddoomiyehaagu qabo.

Madaxda Qaranka xaal baanu ka siinay meel ka dhaca kaga yimad dadka wax ma-garatada ah.

Cawil Farxaan warsame iyo Mawliid Cabdi Cilmi, Hargeysa.

Top


Dagaal Waa Lama Huraan.

Nin diidi lahaa iyo nin dooni lahaaba, Somaliland may xoroobin. Haddii ay is xorraysay, xaggee bay kala jirtaa, maxaase kala haysta, nin lahaystaase xagguu haystaa?

Waxaan aad iyo aad uga yaabaa marka la leeyahay nabadgelyada Somaliland taallaa meel kale ma taal. Somaliland dahablaha iyo sarriflaha Hargeysa maaha, iyo hudheelada waaweyn ee cuntada wanaagsan.

Somaliland dal baa la odhan jiray, xuduudo taariikhaysan buu lahaa oo dunidu u ogtahay siiba gumeystayaashii kala gumeysan jiray Soomaaliya koonfur iyo waqooyi, dawlidihii hore ee Soomaaliyana may bedelin.

Iyadoo sidaa ay tahay, waxa si yar oo aan dhib iyo qaxar toona ku soo marin u bedelay Kornayl Cabdillaahi Yuusuf.

Haddaba, sow laba min uun maaha; in loo haneeyo oo lagu gelbiyo iyo in dhulku wax layska gelbiyo ka weyne, lagala soo hadho.

Somaliland cadowgeeda ugu weyni waa Kornayl C/llaahi Yuusuf.

Hub-ka-dhigista Somaliland waxay ku xidhan tahay shirka Nayroobi iyo magacaabida C/laahi Yuusuf Axmed. Dagaalna waa lama huraan.

Aadan Tarabi Jaamac, Hargeysa.

Top


Brooklyn (Inankiisa uu dhalay David) waxa uu luqadda Isbaanishka ku odhan karaa Hello iyo bye. Si badan, waxa laga yaabaa in uu aniga igaga wanaagsanaado. Heshiiskan aan saxeexay, waxa uu isbedel ku keenayaa mustaqbalkayga iyo nolosha qoyskayga. Marka laga yimaado garoonka ciyaarta, xaaskayga iyo carruurtayda, waxa u bilaabmaya nolol cusub, iskuul cusub iyo dabeecad cusub, waxaanan doonay in aan sida uga dhakhsaha badan ee suurta-galka ah u bilaabo.

S: Weli ma ku gashay fikrada ah in aad tahay ciyaartoy Real Madrid ah?

J: Waxaan la kulmay Maamulaha kooxda shalay (Salaasadii), waxaan galay garoonka Bernabeu aniga, xaaskayga iyo wiilkayga Brooklyn, sidaa daraadeed anigu mar horeba waxaan ka fekerayaa safarka, tababarka, ciyaarta ugu horeysa ee rasmiga ah… Ma sugi karo runtii.

S: Roberto Carlos, ayaa yidhi maalintii aad imanaysay in ay isaga u tahay fursad, maxaa yeelay waxa uu isagu ka daalay inuu ahaa ciyaartoyga ugu quruxda badan kooxda.

J: Maxaa odhan karaa….Isagu waa ciyaartoy weyn, aadna u qurux badan, laga yaabaa.

S: Markii aad go’aansatay in aad ka tagto Manchester United, miyaad ka noqnoqotay in aad doorato Real Madrid?

J: Sidaad ogtahayba waxa jiray kooxo kale oo I doonayay. Kamaan noqnoqon weligay. Real Madrid waa koox weyn, waana kooxda aan doonayay. Kooxda keliya ee aan u arkayay in aan ka ciyaaro. Waxaa kooxda ku jira ciyaartoy heerka ugu sareeya adduunyada ah, waxaad ka arki kartaa jewiga iyo sida ay ciyaartoydu isugu xidhan yihiin. Aad ayaan kooxda u jecelahay.

S: Markii aad timid waxaad la kulantay warbaahin xad-dhaaf ah oo ay xataa bilaysku kaa hortaagnaayeen… Markaa ma ka werwersan in ay saaxiibadaada kooxdani ay keliya xusuustaan maalintii aad imanaysay?

J: Aniga maaha mid aan doortay taasi. Waxaan hubaa marka ay ciyaartoydu i-bartaan in aanay mushkilad ahi jiri doonin. Waxay ogaan doonaan in aan keliya u imid in aan ciyaaro kubadda cagta. Anigu kama duwani iyaga.

S: Ma noo sheegi kartaa faraqa u dhexeeya Manchester United iyo Real Madrid, marka loo eego nidaamka kubadda cagta?

J: Ma qiyaasi karo. Labada kooxoodba waxay ciyaaraan kubad wanaagsan. Waan in aan idhaahdaa markii aanu nimid halkan ee aanu la ciyaaraynay Real, waxay ahayd ciyaara adag, sababtoo ah waxay nala ciyaareen ciyaar cajiib ah. Tani waa ta iga dhigtay in aan u bogo markii ay aniga i doorteen. Waa arrin taxadi ah.

S: Bal aynu ka hadalno saaxiibadaada mustaqbalka. Marka hore aynu ka bilowno Roberto Carlos…

J: Waa ciyaartoy difaaca bidix ah, dhexdna bidixna ah, haddana weeraryahan ah. Waxa uu ka ciyaaraa kaalin aasaasi ah kooxda. Sidoo kale, waa ciyaartoy takhasus leh. Waxa aanu wada ciyaarnay dhawr munaasibadood, qabashadiisuna ma ahayn mid dhibaato leh, waananu is gacan qaadi jirnay, sidaas ayaanu arrin ahaa. Taasi waxay caddeyn u tahay inuu yahay nin aad ballaadhan. Shaadhadhka ayaanu dhawr jeer kala beddelanay.

S: Ronaldo…

J: Waxaan rumaysanahay inuu yahay ciyaartoyga ugu wanaagsan adduunka oo dhan, waxaanu ku caddeeyay sannadkan Real. Waxaan rajaynayaa in aan caawiyo, siiyo baasas wanaagsan, si uu goolal badan ugu dhaliyo. Waxa soo gaadhay dhaawac aad u khatar ah, balse waxa aan rumaysan karin inuu aad u wanaagsan yahay imika oo uu ka bogsaday. Waxa uu muujinayaa dhammaan tayadiisa.

S: Raul…

J: Waa ciyaartoy ka duwan. Aad ayuu u shaqeeyaa, si aan cid kale u shaqayn ayuu u shaqeeyaa, dhammaan 90-ka daqiiqo ee ciyaarta. Wuxuu leeyahay maskax kubadeed. Sidoo kale haddana, wuu deggan yahay. Waa ciyaartoy weyn.

S: Figo…

J: Dadku waxay yidhaahdaan waxaad halkan u timid in aad kaalinta ka qaadatay Figo. Wax dhici kara maaha. Waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda adduunka ugu wanaagsan, waxaana sharaf ii ah in aan la ciyaaro isaga.

S: Zidane…

J: Marka uu ciyaarayo waa sida warqad ciyaaraysa. Sida uu u ordo, kubadda u kantaroolo, u caawiyo ciyaartoyda, waxkasta oo uu qabto… Waa mid ka mid ah ciyaartoyda adduunka ugu wanaagsan, laga yaabaa inuu yahay ka ugu wanaagsan. Tartan aad u badan? Waxa keliya ee imika jiraa, waa annagoo dhammaantayo isku koox ah. Kubadihiisa uu kantoorlo ee uu laadaa waa qaar aad u cajiib ah oo laga cabsado, had iyo goor wuu kantoroolaa ciyaarta. Waxaan u malaynayaa inuu yahay wax aan la rumaysan karin.

S: Haddii aynu qodob khaas ka hadalno, go’aankii aad ku timid Real Madrid waxa uu ahaa mid dhiiranaan leh: Ma ahaan doontid xiddig halkan…

J: Halkan u maan iman in aan xidig noqdo, keliya waxaan u imid in aan qayb ka noqdo koox ay ka buuxaan ciyaartoy aad u waaweyn oo qaarkood xiddigo yihiin, balse, waxa dhammaan ka horeeya inay tahay koox kubadda cagta ah. Shayga keliya ee aan anigu doonayaa in aan qabto waa in aan kubadda cagta ciyaaro oo aan ka garab ciyaaro dhammaan ciyaartoydaa heerka sare ah. Tan ayaa ah waxa aan rajaynayaa. Halka uma joogo in aan xidig noqdo, laakiin in aan la ciyaaro koox ciyaartoy wanaagsan ah.

S: Waxa aad halkan (Real) kula kulmaysaa saaxiibkaagii hore, Carlos Queiroz…

J: Haddii run-sheeg kuu noqdo, waxay igu noqotay lama filaan markii aan maqlay in Carlos u wareegayo Real. Isaga qudhiisa waxay u tahay Taxadi. Waxa uu ii noqon doonaa aniga caawiye wanaagsan, sababtoo ah si wanaagsan uma fahmayo luqadda Isbaanishka weli. Waxay ii noqon doontaa faa’iido badan in aan helo isaga, gaar ahaan maalmahayga hore ee halkan. Shaqo wanaagsan ayuu ka qabtay Manchester United, badiba dhinaca difaaca, laakiin sidoo kale dhinacyada kale ee ciyaaraha. Anigu waxaan hubaa in uu shaqo wanaagsan ka qaban doono kooxdan ay ka buuxaan ciyaartoyda wanaagsani. Kooxdani waa koox wanaagsan oo la tababari karo.

S: Ma jiraa muuqaal ama qaab aad adigu leedahay oo aad ku fekerayso oo is leedahay waad muujin kartaa?

J: Had iyo goor waxa jira waxyaabo aad muujin karto. Taasina waxay ka mid tahay sababaha aan u imid Real. Waxaan hubaa in aan waxyaabo badan ka baran karo kooxdan ay ka mid ka yihiin xiddiga waaweyni. Laga yaabaa in aanan hayn waxyaabo aan tuso dadka aniga iigu dhowdhow (Saaxiibaday iyo qoyskayga), laakiin waxa jira dad kale, kuwaas oo aan tusayo in aan ka ciyaari karo kooxdan.

S: Laga yaabaa in dadka reer Spain aanay aqoon in aad ciyaartoy kubadda cagta oo keliya ciyaara mooyaane aad tahay orodyahan weyn?
J: Haa, waxa aan ku guulaystay laba orod oo isku xiga oo ah Horyaalka orodka dhulka dheer la ordo (Cross-Country), markii aan ahaa 15 jir. Had iyo goorna waan jecelahay, waxaanan u malaynayaa in si wanaagsan u ordo marka aan garoonka ka ciyaarayo, laakiin waxa aan ku raaxaystaa in aan ka ciyaaro koox oo aan aad ugu shaqeeyo.

S: Jorge Valdano, buug buuggaagtiisa ka mid ah waxa uu ku xusay sida aad kubadda u laado. Goorma ayaad ogaatay in aad leedahay hiwaayaddan?

J: Aabay ha lagu cannaanto taas. Isaga ayaa caado ahaan ii kaxayn jiray goobaha tababarka. Isaga ayaa i baray sida kubadda loo laado, taas ayaan ku celcelin jiray had iyo goor. Laakiin ma garanayo markii aan ogaaday in aan hiwaayadan leeyahay, waxaan u dayn doonaa in ay dadka kale ka hadlaan.

S: Laadkaaga kubadda xorta ahi waa ta aad ugu awooda badan tahay, miyuu jiraa tababar khaas ah oo aan samaysaa adigu?

J: Haa, waxaan ku celceliyaa maalin kasta. Waxaan sameeyaa 20 ama 30 laad oo xor ah kadib tababar kasta. Had iyo goorna waad muujin kartaa, haddii aad sii wado carbiskaas. Kuguma filnaanayso. Waad muujin kartaa si kastood u wanaagsan tahay. Laadadkayga xorta ah, waxa uu ahaa kii ugu wanaagsanaa ciyaartii aanu la yeelanay Real Madrid, markaas oo aan dhaliyay laba gool. Goolka hore ayaa ahaa mid aad u cajiib ah: ugu horeyn, sababtu waxay ahayd waxa aan ka dhaliyay mid ka mid ah gool-wadayaasha adduunka ugu wanaagsan, Iker Casillas; Ta labaad, sababtu waxay ahayd anigoon ahayn ciyaartoydii ciyaarta bilowgii soo galay oo bedel baan ku soo galay, taas oo muujinaysa qiimahayga. Ta saddexaad, sababta waxaan u malaynayaa sidaa (dhaqaaq u ficil ahaan u sameeyay), dib ayaan u rajaynayaa taas oo kale, waxay ahayd tii ugu qurux badnay taariikhda ciyaareed, tii ugu wanaagsanayd.

S: Halkan Spain, waxa jira khilaaf ku saabsan goobta ama kaalina aad mustaqbalkaaga ka ciyaari doonto kooxdan, halkeed ayaan filaysaa ama fekeradaadu tahay in aad ka ciyaari doonto?

J: Wali kamaanu falanqoon kaalinta aan ka ciyaari doono. Waxa ugu horeeyo ee aan doono in aan qabto waa in kasbado kaalintaas, sida qofkasta oo kooxda ka mid ahi sameeyo. Waxyaabaha kooxdan ka dhigay koox weyn waa iyadoo ciyaartoydeedu ku tartamaan sidii uu mid waliba kaalin uga samaysan lahaa in uu ka mid noqdo ciyaartoyda aasaaska ah. Waan oggahay in ay tahay in aan si adag ugu dagaalamo, waxaanan samayn doonaa sidaas.

S: Ma xaqiiqsatay in aanad weli ka mid ahayn Manchester imika?

J: Kutiri-kuteenta mustaqbalkaygu waxay bilaabantay lix ama toddoba bilood ka hor. Waxkastaa waxay u socdeen si caadi ah, tan iyo wakhtigaa mooyaane, balse markii ay caddaatay waan in aan ka tagaa (laba ama saddex toddobaad ka hor), wax aan bilaabay in aan arrimaha u waajaho si toos ah, wax shaki ahi igagama jirin taas, haddii aan ka anigu ka tegayo Manchester, waa in aan ka ciyaaraa Real.

S: Waa maxay saamaynta ay kooxdaadii hore ku yeellan karto wareegistaadan?

J: Waxa aan kooxda Manchester ka mid ahaa 13 sannadood. Waxa ay ahayd kooxdaydii tan iyo markii aan inanka yar ahaa. Sannadahaas oo dhan waxa ay ahaayeen qoyskaygii oo kale, sidaas ayayna ahaan doontoo ilaa mustaqbalkayga. Waxa aan halkaa ku leeyahay saaxiibo wanaagsan, laakiin had iyo goor kooxaha waaweyni hore ayay u socdaan, imikana waa in aan noloshayda halka negiyaa. Manchester waxay haysataa mustaqbal la’aantay, anna waxaan mustaqbalka ku haystaa mid ka mid ah kooxaha adduunka ugu wanaagsan.

S: Sidee ayuu ahaa xidhiidhka idinka dhexeeyay Alex Ferguson?

J: Sida caadiga ah ee kor iyo hoosba idiinka dhexeeya Maamulahaaga, sida shaqo kasta caadiga u ah. Waxa keliya ee aan odhan karaa waa inuu kaalin muhiim ah ka qaatay noloshayda. Waxa uu fursad ii siiyay in aan mustaqbalkayga ka bilaabo, kana ciyaaro wakhti dheer Manchester United. Waxa uu ka ahaa noloshayda ciyaareed kaalin aasaasiya oo u dhiganta kaalinta aabaha, sidaa daraadeed waxaan goor iyo ayaan u hayn doonaa dareen wanaagsa.

S: Maxaad u ciyaari wayday ciyaartii is-araga labaad ee aad la yeelateen kooxda Real Madrid ee ciyaartii semi-finals-ka tartanka horyaalka Yurub?

J: Waa wax iska caadi ah, waxay ahayd borofiishan ahaan ama sababo isboortis. Anigu aad ayaan u doonayay in aan ka muuqdo, sababtoo ah, wax walba waxa ka horeeya, anigu waxaan ahay ciyaartoy, dhinaca qoyskayga qayb ayay ka tahay, kubadda cagtu way shayga ugu muhiimsan noloshayda aniga. Waxay igu ahayd in yar oo niyad jab ah aniga in aan ka mid noqon waayay ciyaartoyda aasaasiga ahayd, inkastoo markii dambe aan fursadayda qaatay oo aan wixii aan kari karayay muujiyay.

S: Sidee ayuu wiilkaaga Brooklyn u qaatay fursaddan?

J: Waxa uu aad ugu hanweyn yahay inuu xidho shaadhka cad, meelkasta iyo wadan kasta oo aan tago waxaan uga iibiyaa dirayska ciyaartoyda, waxaanu horeba u haystay shaadhka Real Madrid, kaas oo uu keliya guriga ku dhex xidhan jiray, laakiin imika meel alla meesha uu doono iyo wakhtiga uu doono wuu xidhan karaa. Aad ayuu u jecel yahay.

S: Maxaad ka xusuusan kartaa ee ugu badan ciyaartoyda kooxdaadii hore ee Manchester?

J: Waxa jira waxyaabo badan. Waxaan keydinayaa xusuuso badan, sida saddexdii koob ee aanu ku guulaysanay 1999-kii ama markii taageerayaasha Manchester United ay aniga i caawiyeen, kadib koobkii adduunka ee 1998-kii, kaas oo aanan taageeradooda la’aanteed waxba qaban kareen. Saaxiibaydaydii iyo dadkii halkaa joogay oo ahaa sida qoyskayga oo kale. Waxay ahayd 13-sannadood oo noloshayda ah. Waan u darsan doonaa.

S: Sidee ayaad u wadi karaysaa hawshan, iyadoo ay kula socoto xaaladdaada Maalqabeennimo ama mash-huurnimo (Celebrity)?

J: Aniga iguma samaynayso macne dhibaato ah. Qaybtan noloshaydu aad ayay u kantaroolan tahay. Runtii aad ayay cajiib iigu noqotay xiisihii aan sababay markii safarka ku joogay Aasiya. Waxaan doorbidi lahaa haddii noqon lahaa cajabin ay kooxdaydu sabab u ahayd, waxaanay taasi ahayd khibrad wanaagsan. Caan-baxo waa qayb noloshayda ka mid ah, laakiin kubadda cagta ayaa ka weyn. Anigu waxaan ahay ciyaartoy kubadda cagta ah, waxaana haystaa taageerayaal, sababtoo ah waxaan ciyaaraa kubadda cagta, dhinaca fudud marka laga eego. Waanan yaqiinsanahay in xaqiiqadani jirto, waxaanan u malaynayaa in anigu kantaroolo muuqaalkan.

S: Sidee ayaad u maamuli doontaa in aad isku hayso labadan muuqaal ee kala duwan?

J: Wax dhibaato ah ma leh. Anigu waxaan ahay qof deggen, aadna isugu dheeli-tiran maskax ahaan, iyadoo ay dheer tahay in aan haysto qoys igu caawin kara xoog iyo dhawaaqba. Haa, waxaan ku soo wareegay Aasiya oo dhan, balse kadib waxaas oo dhan, waxaan dib ugu soo noqday gurigayga iyo wadankayga, dabadeedna waxaan kula noolaaday noloshii caadiga ahayd qoyskayga. Waxaan tagaa subarmaarkitka, dadku way ila yaabaan markay arkaan anigoo iibsanaya khudradda, laakiin waan ku raaxaystaa. Waxaan had iyo goor isku dayaa in aan ku noolaado labada arrimood ee kala duwan. Taageerayaasha Real Madrid, ma jiraan wax ay ka werweraan, sababtoo ah qaybta kale ee noloshaydu waxba u dhimimayso ciyaartayda, taas oo ah ta muhiimka ah. Ma tegi doonaa subarmaarkitka magaalada Madrid? Hubaashii waa tegi doonaa, dadkuna way i arki doonaan. Gaadhiga aniga ayaa kaxaystay, ma jecli in cid kale ii kaxayso aniga. Waxaan jecelahay in aan ku raaxaysto in aan qabto waxyaabaha caadiga, taasina waa ta iga dhigtay in aan isku dheeli-tiro.

S: Cantona ayaa yidhi sababta aad Manchester uga tagtay waxa weeyi waxaad la qabsan wayday qaybta Suuq-geynta (sida; xayeysiiska ama suuq-samaynta u gaarka ah)?

J: Anigu waxaan ahay ciyaartoy kubadda cagta ah, fikradaydana waxa tahay in wax kasta oo kale uu yahay dheeraad, waxaana sababay takhasuskayga ciyaartoynimada kubadda cagta.

S: Ma u malaynaysaa in xiisaha Warbaahintu kuu hayso uu ka sii xumaado kii England?

J: Laga yaabaa in ay ka xumaato ama aanay ka xumaan, laakiin, laba siyoodba, noloshii way sii soconaysaa. Qoyskaygu wuxuu ku noolaan doonaa nolol fiican halkan, waanan hubaa taa. Way ku faraxsanaan doonaan meelkasta tan iyo inta aan anigu faraxsanahay. Xaaskaygu (Victoria; waxay ka mid ahaan jirtay koox heesta oo la odhan jiray Spice Girls) waxay awoodi doontaa in ay halkan ka shaqayso, ciyaalkuna waxay tegi doonaan iskuulka, aniguna waxaan ka ciyaari doonaa kubadda cagta koox weyn oo higsanaysa in ay ku guulaysato tartamada ugu badan ee macquul ah.

Top