Khabiir Ka Socda Qatar Oo Ka Xog-Waramay Mashaariic Laga
Hirgelinayo Somaliland, “Umaanu iman Inaanu iska gurano Khayraadka Dalka…
Waxaanuna ahmiyad siinaynaa dhismaha Wershada Milixda.”
Haweenka Somaliland Oo U Tafaxaytay Inay
Xubno Ka Noqdaan Golaha Wakiilada, “Sir iyo caadba waa in ay haweenku ku soo
galaan golayaasha, laakiin miyir ha ku daraan…” Xaaji Cabdi Waraabe.
Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Shahaadooyin
Gudoonsiiyay Arday Ka Qalinjabiyey SOOYAAL.
Wakiilada Oo Ka Dooday Muddo-Kordhinta
Iyo Xeerka Saxaafadda.
Aragtiyaha Kala Duwan Ee Laga Bixiyay
Xukuumadda Cusub.
Somaliland Iyo Britain Oo Ku Heshiiyey
Dib U Soo Celinta Qaxootiga Bilaa Ruqsada Ah.
Cabasho Maxaabiis Ku Xidhan Jeelka
Hargeysa.
Waa Sidee Xaaladda Nololeed Ee
Xabsiyada Burco Iyo Berbera? Warbixin - Weriye Liibaan M. Shire.
Gaadhi Jaad Siday Oo 14 Geel Ah Ku
jiidhay Wadada Berbera.
Bayaan Beesha Muuse Dheriyo.
Xisbiyada KULMIYE Iyo UCID Oo Iska
Bahaysanaya Dhinaca Siyaasada.
Sadaam Xuseen Oo Soo Diray Cajalad Uu
Kaga Hadlayo Xaaladda Ciraaq.
Urur Goboleedka Afrikada Galbeed Oo
Ciidamo Nabad Ilaalina U Diraya Liberia.
Madaxweynaha Pakistan Oo Cambaareeyey
Weerar Lagu Qaaday Masaajid.
Bush Oo Ka Hadlay Dagaalka Uu Kula
Jiro Argagixisada.
Dagaal markale maanta ku dhexmaray
Kismaayo ciidamo taagersan Barre Hiiraale iyo talyahiisa ciidamada
isbahaysigadooxada Juba.
Ururada Bulshada Reer Muqdisho Oo
Bilaabay Abaabul Xoojinta Nabadda Ah.
Qodobada Heshiiska Kooxaha Soomaalida
Ee Shirka Nayroobi.
Kenya Oo Xayiraadii Ka Qaaday
Diyaaradaha U Duulaya Soomaaliya.
Dumar Isbiimeeyey Oo Moosko Ku Dilay
15 Qof.
Tony Blair Oo Eedayn U Soo Jeediyey
BBC-Da.
ODHAAHDA AKHRISTAHA Baarlamaanku Ha
Ka Fiirsado Ansixinta 42 Wasiir.
|
|
Khabiir Ka Socda Qatar Oo Ka
Xog-Waramay Mashaariic Laga Hirgelinayo Somaliland, “Umaanu iman
Inaanu iska gurano Khayraadka Dalka… Waxaanuna ahmiyad siinaynaa
dhismaha Wershada Milixda.” |
Hargeysa (Haatuf): Wershad soo saari doonta
milixda ayaa dhismaheeda dhawaan laga bilaabi doonaa magaalada Berbera,
meel lix (6), KM dhinaca galbeed ka xigta noobiyadda Berbera. Sidaa waxa
xaqiijiyey war aanu ka helnay wasaaradda Ganacsiga iyo wershadaha ee
Somaliland, waxaanu warku intaa ku daray in wershadan ay dhisi doonaan
ganacsato Qadariyiina oo dhawaan dalka booqasho ku yimid, oo uu
hogaaminayey Sh. Naa’if Binu Suldaan Binu Xasan Al-Taani, oo ka tirsan
qoyska ka taliya Qatar, ahna maal qabeen weyn, oo mashaariic badan ku leh
dalal caalamka ka tirsan.
Ka dib waxa noo suurto gashay inaanu waraysi la yeelano Axmed Nuur Cabdul
Jabaar oo ah Engineer khabiir ahaan loogu soo daray hirgelinta wershadan
iyo sidii u daraasad iyo sahan ku saabsan sida iyo qaabka ay suurto gal ku
tahay hawlgalinta wershadani, oo ay iska arkeen kana wada hadleen wasiirka
ganacsiga iyo wershadaha Maxamed Xaashi Cilmi, waxaanu sheegay inay haatan
dhamaystireen daraasadii iyo sahamintii arrintaa ku saabsanayd, oo aanay
jirin wax mushkilad ah oo soo waajahday, marka laga reebo, dhibaato la
xidhiidha qiimaha shidaalka oo qaali ah, taana ay ku hawlan yihiin sidii
ay u fududayn lahaayeen, balse waxa uu xaqiijiyey in hawluhu sida kale ay
u dhamaystiran yihiin, isaga oo intaa ku daray in natiijadda daraasadan
uga soo baxday uu kula noqonayo Sh. Naa’if Binu Suldaan Binu Xasan Al-Taani,
oo isaguna qiimeyn ku samayn doona.
Cabdul Jabaar mar uu ka hadlayey sababta ay ku timid dhismaha wershadani
waxa uu sheegay inay ka dhalatay booqashadii uu dalka dhawaan ku yimid Sh.
Naa’if oo la kulmay madaxda sare ee dalka, oo ay isla soo qaadeen sidii
mashaariic looga hirgelin lahaa dalka. Isagana uu u soo diray sidii uu
sahamin iyo daraasad ugu samayn lahaa, sida ay suurta gal ku tahay
hirgelinta wershadani, khabiirkani wuxuu dalka yimid maalintii khamiistii
isaga oo booqday goobo kala duwan, waxaanu sheegay inuu la kulmay meelo
badan oo mashaariic laga hirgelin karo, balse ay haatan ahmiyadda
siinayaan hirgelinta mashruucan wershada milixda, qorshahooduna yahay inay
ka qayb qaataan dhiiri-gelinta maal-gashiga dalka, iyaguna ay ka
faa’iidaysan doonaan, kheyraadka kala duwan ee ka buuxa Somaliland.
Marka taa laga reebo waxa uu sheegay inay sidoo kale ka qayb qaadan
doonaan sidii kaalmo dhinaca bulshada ugu fidin lahaayeen bulshada
Somaliland, gaar ahaana dhalinyarada.
Mar uu ka hadlayey mashaariicda kale ee qorshaha ugu jirta, waxa uu soo
qaaday mashruuca Wajaale iyo beeraha deegaanka Gabiley sidii ay u
maal-gashan lahaayeen, iyo mashaariic kale oo uu sheegay in lagu dhawaaqi
doono heshiiskooda dhawaan “Ma Doonayno inaanu kheyraadka dalka iska
qaadano, oo iska tagno sida gumaystayaasha, ee waxa qorshahayagu yahay
inaanu hirgelino mashaariic faa’iido u leh anaga iyo dadka reer
Somaliland-ba,” ayuu yidhi Cabdul Jabaar, isaga oo intaa ku daray in wixii
ay arkeen ay u bandhigi doonaan Sh. Naa’if Binu Suldaan Binu Xasan.
Sidoo kale khabiirku waxa uu booqday wershadii sibidhka ee Berbera,
waxaanu sheegay inay ka fiirsanayaan ta faa’iido roon inay wershadaa dib u
kiciyaan iyo inay mid cusub dhisaan, waxa kale oo qorshaha ku jira
hirgelinta mashaariic dhinaca kaluumaysiga ah.
Sida uuu sheegay warka aanu ka helnay wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha,
wershadani waxay kaw ka tahay heshiis ay isla gaadheen wasaaradda
ganacsiga iyo ganacsatada reer Qatar, oo uu qorshuhu yahay in dhismaheeda
loogu horeysiiyo, iyada oo dhismaheeda la bilaabi doono inta aanu
sanadkani dhamaan, si xadhiga looga jaro horaanta sanadka dambe. Waxaanu
ku talo galku yahay in wershadani soo saarto sanadkii 50, kun oo tan milix
ah sanadkii.
Sida qorshuhu yahay heshiiska mashaariicda lagu hirgelinayo waxa ka mid ah
sidii loo samayn lahaa mashaariic ay ka mid yihiin goob lagu xanaaneeyo
kaluunka nooc ka mid ah, goob lagu farsameeyo maraakiibta yar yar ee
Kaluumaysiga, sidoo kale waxa lagu talo jiraa samaynta wershada
qasaacadaysa Kaluunka, dib u kicinta wershada sibidhka Berbera iyo suuq
ganacsi oo laga hirgeliyo magaalada Berbera, si looga maarmo alaabta aynu
u doonano Dubia, isla markaana ka jaban, kana tayo wanaagsan.
Sida ay xaqiijisay wasaaradda ganacsigu mashaariicdani waxay ka mid yihiin
heshiis ay hore u wada galeen dhawaan markii weftigaasi yimid dalka
(Memorandum Understanding) oo haatan lagu jiro sahamintiisa, iyada oo
marka sahamintu dhamaato mashruuc kasta si gaara heshiis looga geli doono.
Top
Haweenka
Somaliland Oo U Tafaxaytay Inay Xubno Ka Noqdaan Golaha Wakiilada,
“Sir iyo caadba waa in ay haweenku ku soo galaan golayaasha, laakiin
miyir ha ku daraan….” Xaaji Cabdi Waraabe; “Arrintani Way naga soo
go’day, doorashooyinkiina safafka ugu dhaadheeri waxay ahaayeen
xaawalayda,” Edna Aadan. |
Hargeysa (Haatuf): Haweenka Somaliland ayaa
kulan weyn oo shalay lagu qabtay Hoteelka Maansoor markii ugu horeysay si
rasmi ah u cadaystay inay doonayaan in xubno laga siiyo baarlamaanka,
kulankaas oo ay ka soo qayb galeen xubno ka mid ah ururada haweenka, iyo
xaawalayda kale, xildhibaano ka socda labada aqal ee baarlamaanka iyo
masuuliyiin sare oo tirsan xukuumadda oo ay ka mid yihiin wasiirka
arrimaha dibadda, Edna Aadan Ismaaciil, iyo agaasimaha guud ee wasaaradda
horumarinta qoyska iyo arrimaha bulshada Amran Cali Xiis, waxa dood iyo
falanqayn balaadhan la isku afgartay ahmiyadda ay dalka iyo bulshadaba u
leedahay in dumarku ka qayb galaan baarlamaanka, iyada oo ay haweenku ku
nuux-nuuxsadeen inay talo ku gaadheen in marka hore ay ka mid noqdaan
golaha wakiilada ee hadda jira oo min laba xubnood oo dumar ah gobol kasta
laga soo magacaabo, taas oo tirada guud ka dhigaysa 12 xubnood marka loo
eego lixda gobol ee dalku ka koobanyahay.
Wasiirka arrimaha dibadaba Somaliland Edna Aadan Ismaaciil oo arritan si
xoog leh u taageersan ayaa waxay tidhi “Arrintani way naga soo go’day,
doorashooyinkiina waa la ogaa oo safafka ugu dheeri waxay ahaayeen
xaawalayda, garina laba nin kama wada qosliso”.
Edna Aadan iyada oo la hadlaysa xubnaha baarlamaanka ee fadhiyey madasha
kulanku ka dhacay waxay ku tidhi “Waa arrin aanu amaano idiinku
dhiibanayno, abaal-gudkeedana waa naga heli doontaan oo waa naga baayactan”.
Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ka mid ahaa hogaamiyayaasha guurtida
(aqalka sare ee baarlamaanka) ee ka qayb galay aqoon-isweydaarsiga, ayaa
isagu soo dhaweeyey taladan ay haweenku soo jeediyeen, waxaanu madasha ka
jeediyey hadal dheer oo uu kaga hadlay sida diiniyan iyo dhaqan ahaanba
dumarka loo xurmayn jiray, waxaanu yidhi “Dumarku waligood way
tirsanaayeen oo meel l’aan may joogin, geedka ragga ayaa tagi jiray,
duulaankana iyaga ayaa qaadi jiray, taasina xaqiraad may ahayn ee waxay
ahayd diin iyo dhaqan is-barkan oo lagu xanaaneynayo dumarka, halkay 4
dumar ahi joogaana waxa loo yiqiin reer”.
Xaaji Cabdi wuxuu aad ugu nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in dumarku ay
diinta iyo dhaqankaba ilaaliyaan, wuxuuna isaga oo arrintaa ka hadlaya
yidhi “Edna waxaan ku jecelahay sidii habrihii aan garanayey ayey wax u
huwataa”.
Xaaji Cabdi wuxuu hadalkiisa ku soo khatimay oo uu yidhi “Sir iyo Caad-ba
waa inay ku soo galaan baarlamaanka, laakiin miyir iyo tar-tartiib ha ku
dareen”.
Sh. Muuse Goodaad oo isna ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka ayaa
isaguna ka hadlay waxa sharciga Islaamku ka qabo in dumarka talada dalka
wax laga siiyo, ama ay xil qabtaan, ay bulshada ugu adeegi karaan, waxaanu
Sheekhu tilmaamay kaalinta ay dumarku ka soo qaateen taariikhdii Islaamka.
Sheekh Muuse oo soo dhaweynaya fikrada ah in dumarku ka qayb galaan
baarlamaanka wuxuu isla markaana haweenka dalka kala dardaarmay inay cid
kale oo dano kale lihi ay soo hoos galaan.
Waxa isaguna arrinta ka hadlay Sheekh Ismaaciil Dheeg oo ka tirsan
culimaa’udiinka reer Somaliland wuxuuna sheegay in waajibaadka aasaasiga
ah ee dumarka ay saldhig u yihiin guriga iyo barbaarinta carruurta.
Sheekh Ismaaciil waxa u yidhi “Haddii aanay arrintu soo galayti ahayn ma
arko wax sharci ah oo diidaya inay talada dalka wax ku yeeshaan”.
Xubnaha golaha wakiilada ee baarlamaanka (aqalka hoose) ee ka soo qayb
galay kulankaas ayaa iyaguna dhamaantood isku raacay in haweenka
Somaliland ay 12 xubnood ku yeeshaan golahooda.
Jaamac C/laahi Warsame (Jaamac Biin) oo ak mid ah wakiilada ayaa mar u ka
waramayey booqasho ay koox xildhibaano ahi ku tageen kal hore wadamada
Ugandha, Itoobiyaiyo Ruwaanda, sheegay in laba ka mid ah dumarka
Somaliland ay u sii raaceen wadamadaasi.
Waxaanu Jaamac intaa ku daray oo u yidhi “Haddii aanay hablahaasi na sii
raaci lahayn albaabo badan oo noo fumray nagama furmeen”.
Gabogabadii doodii dhexmartay ka qaybgalayaasha aqoon-isweydaarsiga waxa
la isla gartay in haweenku ay hogaanka sare ee dalka la kulmaan oo ay
xukuumadda (madaxweyanaha) ku qanciso sidii u uga dalban lahaa
baarlamaanka inay tacdiil ku sameeyaan distoorka, siiba qodobka ku saabsan
tirada xubnaha golaha wakiilada si loogu kordhin karo 12 xubnood, iyada oo
ay hadda yihiin 82 xubnood.
Waxaanay ka qaybgalayaashii aqoon isweydaarsigu isku raaceen in la sameeyo
gudi isku dhafan oo ka kooban xubno xildhibaano ah iyo kuwo dumar ah.
Xubnaha guddida waxa ka mid ah,
Xaaji Cabdi Xuseen
Sheekh Muuse Goodaad
Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho)
Maxamed Muuse Abees
Jaamac Cabdilaahi Warsame iyo
Maxamed Aaden.
Haweenka ayaa iyaguna la filayaa in dib isugu noqdaan kulan ay maanta
yeelan doonaan si ay u soo magacaabaan xubnaha guddida u galaya. Top
Madaxweyne Ku-Xigeenka
Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay Arday Ka Qalinjabiyey SOOYAAL. |
Hargeysa(Haatuf): Munaasibad shahaadooyin
lagu gudoon siinayay Arday ka qalin jebisay xarunta tababarada ee Sooyaal
VTC ayaa doraad lagu qabtay Hoolka weyn ee dhismaha Sooyaal, waxaana
munaasibadaa ka qayb galay Madaxweyne xigeenka somaliland Axmed Yuusuf
Yaasiin, Wasiirka qorshaynta Axmed X Daahir iyo masuuliyiin ka socotay
Hayadaha caalamiga ah ee dalka degan.
Gudoomiyaha Jamciyada Sooyaal Xasan guure oo halkaa ka hadlay ayaa ka
waramay xaalada jamciyada, kaalinta tababarada ay bixiso ahmiyada ay
bulshada u leedahay iyo waxyaabaha looga baahanyahay dhinaca xukuumada ,
wuxuuna ka sheekeeyay waqtigii la bilaabay dugsiga tababarka waxyaabaha
xirfadaha lagu baran jiray, isagoo sheegay in waqtigii hore lagu bari
jiray Ardayda Afar xirfadood , balse waqtigan qaybihii tababarada ka furan
yihiin Nijaarada iyo wastaadnimada , wuxuuna sheegay taa sabab u tahay ka
dib markii ay haya'ada SWIS Group joojisay kaalmadii wax lagu bari jiray
ardayda sanadkii hore.
Gudoomiyaha Sooyaal Xasan Guure wuxu intaa ku daray in ardayda labada
qaybood ee nijaarnimada iyo wastaadnimada ay kusii wadeen wixii uga hadhay
lacagihii hore , laakiin wuxu ka dayriyay in wixii ka danbeeya Ardaydan
hadii aanay kaalmo ka helin dawlada iyo hayadaha deeqda bixiya aanay sii
wadi karayn oo uu dugsigu xidhmayo.Wuxuuna xusay in madaxweynihii
geeriyooday ala haw naxariistee uu balan qaaday inay dawladu bixinayso
20%, laakiin marka afar meelood loo qaybiyo meel ay bixisay intii uu
noolaa, wuxuuna sheegay inay lacagtaasu ka maqan tahay dadkii ganacsatada
ahaa ee alaabta laga qaaday iyo shaqaalaha ,isagoo arrintaa ka hadlayana
wuxu yidhi, “inta ka hadhay lacagtaa dawlada ayaanu ka sugaynaa ,
madaxweyne xigeenkiina wuu joogaa , dhawr jeer oo horena dawladu waxay
balan qaaday inay bixinayso.” Mar uu ka hadlayay tirada ka baxda sanad
kasta dugsiga tababarada ee xirfadaha wuxu sheegay inay sanad kasta ka
baxaan ilaa 80 Arday, kuwaas oo 60 % ay shaqooyin helaan oo ay daboolaan
baahida qoysas badan Mr Xasan guure waxa uu sheegay inay jirto dhibaato
isa soo taraysa oo ka imanaysa dhinaca dugsiyada oo ay sanad kasta kasoo
baxaa ilaa 70,000 (todobaatan kun ) oo Arday , kuwaas oo kasoo baxa
dugsiya dhexe ee dalka , islamarkaana ay Dugsiyada sare ka galaan ilaa
4000,(afar kun),iyadoo aan inta kale loo hayn Dugsi sare, wuxuna isagoo
arrintaa ka hadlaya yidhi, “Wasaaradii qorshayntu way joogtaaye sanad
kasta waxa dugsiyada dhexe ee dalka kasoo baxa ilaa 70,000(todobaatan kun)
oo arday , waxana dugsiya sare loo hayaa 4000, inta kale waxay inoo soo
fadhiisanayaan suuqa.”
Wasiirka wasaaradda qorshaynta Axmed X Daahir oo isaguna xafladaa ka
hadlay ayaa ka waramay ahmiyada ay ardayda u leedahay xirfadaha ay barteen
,wuxuuna ku tilmaamay mid uga qiima badan shaqada xafiisyada, islamarkaana
uga dakhli badan marka loo eego dunida hore u martay.Wakiilka haya,ada
Care u jooga somaliand Mr Dhow-albeit ayaa sheegay inay ahmiyada siinayaan
tababarada iyo xirfadaha, wuxuuna intaa ku daray inay arrintaa dhowaan
madaxweynaha somaliland kulan uu la yeeshay hayadaha kusoo qaadeen. sidaa
awgeed ay intii karaankooda ah gacan ka geysanayaan.
Madaxweyne xigeenka s/land Axmed Yuusuf Yaasiin oo hadal kooban halkaa ka
jeediyay , waxa uu sheegay in wasaaradda qorshaynta looga baahan yahay
inay qorshaha ku darsato sidii loo heli lahaa waxbarashada casriga ah ee
looga bixi lahaa waxbarashadii gabowday, taasoo uu sheegay inay ku iman
karto in la sameeyo machadyo lagu barto farsamada gacanta. Madaxweyne
xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin wuxu ardayda ku guubaabiyay doorka ay
bulshada ku yeelanayaan haddii ay wax bartaan.
Waxaana munaasibadaa shahaadooyin lagu gudoon siiyay ardaydii ka qalin
jebisay oo ahaa 40 arday oo bartay nijaarada iyo wastaadida. Top
Wakiilada Oo Ka
Dooday Muddo-Kordhinta Iyo Xeerka Saxaafadda. |
Hargeysa (Haatuf): Mudanayaasha golaha
wakiilada ayaa fadhigii shalay ku soo qaaday muddo kordhintii labada gole
ee dhawaan ay kordhisteen labada gole, taas oo ay hadal haynteedu
beryahanba aad u badatay, waxayna mudanayaashu fadhigaa shalay kaga
hadleen sharciyadda ay ku fadhido arrintaa muddo kordhintu, isla markaana
waxay mudanayaal doora oo ka dooday mawduucaa fadhigii shalay ay ku
tilmaameen mid sharciya, oo waafaqsan dastuurka.
Mudane Muxumed Cabdi oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiiladda ayaa
isaga oo arrintan ka hadlaya wuxuu sheegay inay sharci tahay muddo
kordhinta labada gole, wuxuuna mudanayaasha u sheegay aanay ahayn
kordhinta ee ay tahay sharciyadda dhiman ee suurto gelinaysa golayaal la
soo doortay, isla markaana wuxuu ku tilmaamay inaanay arrintanu ahayn mid
madaxweyne iyo urur toona gacanta ugu jirta, ee ay tahay arrin sharci ah.
Mudanahani wuxuu doodiisa ku darsaday hadalo uu dhawaan gudoomiyaha
xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo uu kaga hadlayey arrinta doorashooyinka
baarlamaanka, isla markaana sida uu ku dooday mudanahanu wuxuu gudoomiyaha
xisbiga KULMIYE soo jeediyey in haddii aan la soo dedejin doorashada
baarlamaanka lagu qaybiyo tirada mudanayaasha saamigii codadka ay
xisbiyaddu kala heleen doorashooyinkii madaxtooyadda, laakiin mudane
Muxumed Cabdi isaga oo arrintaa daba jooga wuxuu ku tilmaamay mid aan
sharci ahayn, oo aanu garanayn qaabka loogu qaybinayo, wuxuuna meesha ka
saaray soo jeedinta noocaas ah, ee xisbiyadda mucaaradka iyo ciddii kale
ee aaminsaniba inay tahay mid khaldan.
Wuxuuna intaa ku daray in arrintan muddo kordhinta hadal haynteedu ay
tahay mid la doonayo in la iskaga horkeeno shacbiga iyo golayaasha.
Mudane Garaad oo isaguna doodaa ka qayb qaatay ayaa ku dooday inuu
dastuurku dhigayo in golaha wakiiladda uu bedeli karo gole la soo doortay
oo kaliya, sidaa awgeed loo baahanyahay in arrinta sharciyadda dhiman la
dhamaystiro, isla markaana wuxuu soo qaaday hadal uu gudoomiyaha golaha
wakiiladda Mudane Qaybe uu kaga hadlayey arrintan oo uu ku tilmaamay inay
golahanu ku fadhiyaan muddo cayiman.
Mudane Garaad wuxuu sheegay inuu ka mid ahaa mudanayaashii ka baxay markii
la soo hordhigay golaha habka saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka, taasoo
uu ku tilmaamay mid abuuri karta buuq, haddii aan debeda lagusoo dhamayn
ka hor inta aan golaha la horkeenin, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya
Mudane Garaad yidhi, “Anigu waxan ahaa mudanayaashii reer awdal ee ka
dareeray golaha markii ay ka biyo diideen saami qaybsigii kuraasta
mudanayaasha, maantana haddii la keeno cid baa ka dareeray.”
Mudane Garaad wuxuu ku dooday inay arrinta kala xadaynta gobolada iyo
degmooyinku tahay mid caqabad keeni karta sidaa awgeed waxay u baahan
tahay in loo saaro guddi farsamo, isla markaana loo baahan yahay in la
fidiyo maamulka, aan weli gaadhin meelo ka mid ah Somaliland, wuxuuna ku
tilmaamay haddii aanay taasi dhicin in aanu soo baxayn gole loo riyaaqaa,
wuxuuna intaa inay doodii BBC_du qabatay ay ahayd inay ku darto xubno ka
mid ah golayaashii laga hadlayey, isla markaana wuxuu ka codsaday BBC-du
inay furto dood ah goluhu “ma sharci baa mise waa sharci darro.”
Mudanayaal kale oo iyaguna doodaa shalay ka qayb galay, ayaa ku dooday
inay muddo kordhintu ahayd mid sharci ah, oo waafaqsan dastuurka qaranka.
Marka doodaa shalay la isku soo ururiyo waxay ahayd mid muujinaysay sida
ay mudanayaashu u diidanyihiin in la soo hadal qaado, muddadii ay isku
kordhiyeen.
Sidoo kale maalintii doraad waxay mudanayaasha golaha wakiiladu ka doodeen
xeerka saxaafada oo beryahanba dooddiisa iyo hadal hayntiisu taagnayd , ka
dib markii ay gudidii goluhu u saaray dib ugu soo celiyeen fadhigii doraad
, waxaana uu xeerkani ka dhex abuuray mudanayaasha dood kulul , iyadoo ay
soo jeediyeen arragtiyo iyo doodo kala duwan oo la xidhiidha xeerkaas.
Waxayna mudanayaasha qaarkood soo jeediyeen in gebi ahaanba xeerkaas la
laalo, waxaanay ku tilmaameen mid gef ku ah xoriyada saxaafada oo la
doonayo in lagu cabudhiyo.Mudane siciid maxamuud (guraaje) ayaa isagu ku
dooday in labadii nidaam ee dunida ka jiray midna bur buray, midna weli
dunida ka shaqaynayo , taasoo uu ku tilmaamay inay tahay xoriyad la,aanta,
oo sabab u ahayd burburkii hantiwadaaga, wuxuuna mudanahaasu intaa ku
daray in xoriyada saxaafada uu dastuurka S/land cadeeyay, islamarkaana
aanu xeer joojin karin , xeerka nidaaminayaana aanu hayn mid lagu
cabudhinayo ee uu yahay ka sheegaya shaqadooda, isagoo yidhi, “xoriyada
saxaafada ee dastuurku tilmaamay lama taaban karo, haddii kale waxynu
ummada u jidaynaynaa gumaysi cusub.”
Prof. Maxamed Cumar Jiir oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada ee
doraad dooda xeerkaa ka qayb galay ayaa mudanayaasha u sheegay inaanay
arrintanu saamayn afkaartooda siyaasadeed, islamarkaana ay si waaqici ah
uga fekeraan , isagoo yidhi, “waa inaynu ka fekerno berito ee aynaan ku
fekerin maanta ee waa inaynu ogaanaa inaynu halkan ka tegeyno.” Mudane
Maxamed (food yere) ayaa isaguna ku dooday inaan maanta loo baahnayn xeer
laga horgeeyo saxaafada. Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,”maanta
uma baahnin xeer aynu ka hor geyno saxaafada.” Wuxuuna intaa ku daray in
wixii denbi ah ee ay saxaafadu gasho lagu qaado oo sharciga la mariyo.
Mudane Ismaaciil mire ayaa isagu sheegay inay lagama maarmaan tahay in la
sameeyo xeer saxaafadeed. Mudane Cali Sheekh doon ayaa isagu ku dooday in
loo baahan yahay inaan xeerka dadka iyo saxaafada toona lagu cabsiin ee
laysla eego oo saxaafadu cid soo dirato iyagana aynu waxay ka qabaan
ogaano si ay wax inoogaga kordhiyaan, wuxuuna intaa ku daray in laambada
somaliand maanta ka ifaysaa ay tahay saxaafada, sidaa awgeed loo baahan
yahay in laga fiirsado xeerka.
Dooda mudanayaasha ee la xidhiidha xeerka saxaafada waxay mudanayaashii
doraad ka dooday u badnaayeen kuwo ay kaga soo horjeedeen in saxaafada
lagu socod siiyo xeerkaa, laakiin mudane qaybe oo dooda ka dib la hadlay
mudanayaasha ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in xeer loo sameeyo
saxaafada, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “waxa loo jeedaa waxa
weeye in aanay saxaafadu muwaadiniinta sharaftooda dhaawicin ee maaha
cabudhin,” wuxuuna tusaale u soo qaatay eedaymo dhowaan sida uu sheegay
war lagu baahiyay wargeyska jamhuuriya oo ku saabsanaa in isaga (qaybe
ahaan) loo diiday fiise uu ku tegi lahaa dalka koonfur Afrika, iyadoo
sabab looga dhigay diidmadaa inuu ka qayb qaatay kirayntii calooshooda u
shaqaystayaashii waday diyaaradihii duqeeyay Hargeysa iyo Burco xiligii
1988dii,laakiin qaybe isagoo mudanayaasha kala hadlay arrinta waxa uu
sheegay in warka uu wargeyska Jamhuuriya qoray ahaa been qaawan, laakiin
uu Wargeyska Haatuf shaaciyey cidii ku lug lahayd arrintaa, oo uu soo
bandhigay magacyadii dadkii ka qayb qaatay duqeyntaa iyo duuliyayaashii
waday diyaaradihii lagu duqeeyey Hargeysa iyo Burco. Top
Aragtiyaha Kala
Duwan Ee Laga Bixiyay Xukuumadda Cusub. |
Hargeysa (Haatuf): Ku dhawaaqidii dhismaha
xukumadda cusub Madaxweyne Rayaale dhowaan soo saaray ayaad moodaa in si
isu dhow amaba isku mid ah looga arkay dhinacyo badan oo awal hore ku kala
aragti duwanaa qiimaynta hogaanka dalka.
Axmed Maxamed Cali oo ka mid ah aqoonyahanada Siyaasadda ka gaabsada ayaa
ka hadlay dareenkiisa dhismaha xukuumadda cusub wuxuuna yidhi, “Anigu
waxaan u cadeeyay UDUB, kursina kamaan sugayn, cid kalena lamaan doonayn
oo ma lihi kol haduu hebel magacaabi waayay waan qawadayaa balse waxaan ka
xumahay wixii aan iyaga (Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka) ku
doortay ayay ka horyimaadeen, taasaana ciil-kaambi igu haysa.”
Axmed isagoo faahfaahniya waxa uu u arki waayay liiska xukuumadda
madaxweynuhu soo dhisay wuxuu yidhi, “Waxaan ku doortay UDUB ka fogow inuu
codkaagu raaco meel beelnimo lagaa urin karo, anigoo taa uga jeeda cuqdada
aan ka qabay nidaamkii beelaha. Taas ayaan u raacay UDUB oo aan uga
baydhay mid aanu isku hayb nahay, laakiin madaxweynuhu wuxuu soo dhisay
xukuumadii beelaha taasoo kuu cadaynaysa inaan xagiisa waaguba ka beryin.”
Marwo Cali Yaasiin oo ah hooyo guri-joog ah ayaa iyana tidhi: “Wax kale
garan maayee Ilaahay hortii ragga uu beddelay mid-midka aan ka aqaano mid
walba wuxuu ku beddelay mid reerkooda ah, kaaga darane lama odhan karo
waxa uu ka doortay nin tayo dhaama.”
Yuusuf Maxamed Rooble oo ah ganacsade waayeel ah ayaa isaguna aragtidiisa
uu ka qabo xukuumadda cusub ka hadlay oo yidhi, “Anigu waxa la
sheegsheegayo ma daneeyo, laakiin waxaan ka eegay xaga nabadgelyada oo
waxaan filayay in madaxweynuhu taa tixgeliyo oo uu xisbiyada kale iyagana
wax ka qaato weliba haddii laga tegi waayo uu UCID wax ka qaato waayo waa
kuwii markhaatiga la daba-taagnaa.”
Maxamed oo isaguna ah macallin ayaa arrintaas isna ka hadlay, wuxuuna
hadalkiisa ku bilaabay: “Dadku maxay Madaxweynaha ula yaabayaan, waa kuwee
kuwa raggan ka tayada wanaagsan ee ay sugayeen. Midda kale yaa yidhi
qabyaaladii waa laga tegay, maxaynu beenta isugu sheegaynaa sawkuwan
golayaasheenii, salaadiintii iyo raggii caanka ahaa madaxtooyada is-weydaaranayaan.”
Haddaba, sidaa iyo si la mid ah ayaa bulshada laba waliba u hadal-haysaa
liiska la magacaabay ee xukuumadda, marka loo dhabo galana waxa kuu
muuqanaysa in xisbiyada UDUB iyo UCID dadkii taageersanaa intooda badani
dhabanada hayaan iyagoo aamus iyo amakaag ay kaga jawaabeen, halka xisbiga
kale ee KULMIYE taageerayaashiisu aad ugu qoslayaan, kaftanka iyo
haasaawaha ku digashada u egna la doonanayaan halkii ay xubin UDUB ah ama
taageere UDUB ah ku ogyihiin.
Haddaba, liiska xukuumadda Madaxweynuhu uu soo dhisay waxa ka muuqata inuu
doorbiday xukuumaddii uu ka midka ahaa ee hore u joogtay, xubnaha uu
liiska magacaabista ka saarayna lama odhan karo asbaabahaas ayay
mutaysteen oo ma muuqdo waxay ogaadaan oo ka sooci kara ragoodii, waxaase
la fahmi karaa in qiyaastu salka ku hayso doorashadii.
Gebogebadii, tiradu way korodhay tayaduna waa qof iyo aragtidii, waxaase
la hubaa in tayadii la filayay iyo ta madaxweynuhu isweydaarteen, iyadoo
qodobka muhiimka ah ee aan jawaabta loo hayn ay tahay dib-u-dhaca liiska
xukuumadda cusub iyo iyadoo xubnaha ku xusan liiska cusub ay yihiin kuwii
hore u joogay, taasoo ay aqoontu qawaday in xukuumadii shalay maantana
tahay mid laga sugo wixii ay shalayba qaban-weyday. Top
Somaliland Iyo
Britain Oo Ku Heshiiyey Dib U Soo Celinta Qaxootiga Bilaa Ruqsada Ah. |
Hargeysa (Haatuf): Waaxda socdaalka ee dalka
Britain iyo xukuumadda Somaliland ayaa heshiis ku gaadhay in dib loogu soo
celiyo Somaliland dadka u dhashay ee sida sharci darrada ah ku jooga dalka
Ingiriiska.
Heshiiskani wuxuu ka danbeeyay socdaal muddo afar maalmood ahayd qaatay oo
ay Hargeysa ku yimaadeen wafdi ka koobnaa saddex xubnood oo ka socday
dawladda Britain, wafdigaasi oo uu hogaaminayay Colin Harbin oo ah
agaasime ku xigeenka waaxda socdaalka iyo jinsiyadda ee dawladda Britain.
oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ee Somaliland
ayaa sheegay in dadka dib loo soo celiyo, ay yihiin kuwa magangelyo doonka
ah ee aan la aqbalin codsigooda.
Mr. Colin Harbin waxa uu sheegay inay dadka ku dhiiri-gelin doonaan inay
iskood u soo noqdaan, laakiin haddii ay diidaan lagu khasbi doono dib u
soo celinta.
Sida ku cad qoraalka heshiiska waxa wada gaadhay wasaaradda dib u dejinta
ee Somaliland iyo waaxda socdaalka ee Britain, wuxuuna dhigayaa in ugu
badnaan bishiiba lagu soo celin karo Somaliland toban qof oo ah dadka u
dhashay ee sida sharciga aan waafaqsaneyn ku jooga dalka Britain.
Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay wada shaqeyn dhow ka yeelan doonaan
xaqiijinta in dad soo celintaasi la joogteeyo.
Waxaa ku qoran heshiiskaasi oo kale in dadka la soo celinaayo la dhawrayo
karaamadooda qof ahaaneed, iyadoo lagu xusay heshiiskan in tallaabadan ay
suurtagelisay nabadda, xasilloonida, iyo degenaanshaha ay ku naallooneysay
Somaliland sannadahan danbe.
Wafdigaasi ka socday waaxda socdaalka ee Britain intii ay joogeen
Somaliland waxa la sheegay inay la kulmeen madaxweynaha Daahir Rayaale
Kaahin, wasiiradda Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Dib U dejinta, iyo
Warfaafinta.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Edna Aden Ismaaciil oo
heshiiskaasi ka hadlaysay ayaa sheegtay inuu khuseeyo oo keliya dadka
bilaa sharciga ah ee gala denbiyada socdaalka ee ku nool dalka Britain una
dhashay Somaliland ee lagu qanco marka la soo mariyo xafiiska wakiilka
Somaliland ee London.
Edna Aden Ismaaciil waxay intaasi ku dartay in xafiiska Somaliland ku
leedahay dalka Ingiriisku hubin doono in dadka la soo celinayo, si aanay u
dhicin in dad aan Somaliland u dhalan lagu soo celiyo dalka Somaliland.
Waxay kaloo sheegtay inay isla garteen saraakiisha Britain in inta aan la
soo celin qofka marka hore la soo siiyo tababar xirfadeed uu ku shaqeysan
karo.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland oo la weydiiyay in xukuumadeeddu
ay kubeddelatay wax lacag ah ogolaanshaha soo celinta dadka u dhashay
Somaliland ee sida sharci darrada ah ku jooga Britain? Waxay ku jawaabtay
inaanay haba yaraatee taasi jirin.
Heshiiskani wuxuu ka dambeeyey ka dib markii ay dalkan Somaliland
yimaadeen wefti ka socda xafiiska socdaalka ee dalka Ingiriiska oo muddo
dhawr casho ah qarsoodi ku joogay caasimada Hargeysa.
Kaas oo shir jaraa’id oo ay daraad ku qabteen warfaafinta ku sheegeen inay
heshiis wada saxeexdeen.
Shirkaas jaraa’id oo weriye Haatuf ka tirsani damcay inuu weftiga su’aal
ku weydiiyo oo uu iska hortaagay W. warfaafinta C/laahi Maxamed Ducaale.
Balse waxay warbixintooda ku sheegeen in dadka la soo celinayaa ay yihiin
kuwo isugu jira dad waayey sharciga Ingiriiska ee magangelyo doonka iyo
kuwo dambiyo ka galay dalka Ingiriiska, siiba kuwa u dhashay Somaliland.
Kuwaas oo aanay ku jirin dadka haysta sharciga qaxootiga kuwa sugaya toona Top
Cabasho
Maxaabiis Ku Xidhan Jeelka Hargeysa. |
Anaga oo ah maxaabiista ku sugan xabsiga
dhexe ee Hargeysa, tiro ahaana dhan sagaal xubnood oo magacyadoodu hoos ku
qoran yihiin gebagebada qoraalkan, waxaanu ka cabanaynaa maxkamadda
gobolka Hargeysa oo aanu kaga cabanayno qodobadan hoos ku qoran.
Waxa nala soo xidhay 20/05/03, waxaa toos naloo geeyey xabsiga ilaa
haddana weli nalama horgeyn maxkamad.
Maxkamadda gobolku waxay soo rumaan garaysay magacyadayada iyada oo aan
habar yaraatee aan na arag, marnaba nala horgeyn.
Waxaa dhamaatay muddadii ay dastuuriyan rumaan nagu hayn karaysay, muddada
oo dhan (45) shan iyo afartan cisho.
Haddaba, maadaama ay muddadaasi dhamaatay ilaa haddana aan maxkamadda nala
horgeyn, waxaanu golayaasha wakiiladda iyo guurtida ka codsanaynaa in
xadhigayaga loo maro sifo sharciga waafaqsanayn, oo haddii aanu dalka
danbi ka galnay iyo haddii kaleba waa in nala hor keeno maxkamadda oo
haddii nalagu helo nala abaal mariyo, haddii kale cida na soo xidhantay
nalagu bedelo.
Muj. Cismaan Cabdi Ismaaciil
Muj. Maxamed Axmed Xaashi Weere
Muj. Maxamed Daahir Warsame
Muj. Maxamed Barkhadle Caydiid,
Muj. Cali Cumar Axmed
Muj. Nuux Axmed Jaamac
Muj. Nuur Guure,
Muj. Keyse Axmed Cismaan
Muj. Axmed Aw Yuusuf Xasan Top
Waa Sidee
Xaaladda Nololeed Ee Xabsiyada Burco Iyo Berbera? Warbixin - Weriye
Liibaan M. Shire. |
Hargeysa (Haatuf): Xaaladda xabsiyadda
magaalada Burco iyo Berbera ayaa laga dayriyey, iyo burburka iyo dhaawaca
uu qabo xabsigii dhaqan celinta ee Mija Caseeye.
Haddaba weriye Liibaan Maaweel Shire oo ka tirsan Wargeyska Haatuf ayaa
warbixintan inooga diyaariyey, waxaanu u bilaabay sidan.
Xabsiga dhexe ee magaalada Burco waxa la dhisay 1942-kii, wakhtigii
Ingiriiska intii ka dambaysay wax lagu kordhiyey ma jirto, waa dhisme weyn
oo inta badan ay dundunsan tahay, waxa wakhtigan dhisan 14 qol oo ka mid
ahi ay xafiisyo yihiin.
Xabsigan oo loogu talo galay 150 maxbuus, waxa xilligan ku xidhan 200
maxbuus oo 140 ka mid ahi ay xukuman yihiin, halka 60-ka kalena ay yihiin
rumaan.
Maxaabiista 200-ah 11-ka mid ahi waa dumar, 4-na waa caruur da’ yar inta
kale waa dhalinyaro.
200- oo askari ay jeel ah ayaa ka hawlgala xabsiga oo 24-ka ka mid ahi ay
dumar waayeela yihiin.
Jaamac Axmed Qodax (J. Dheeg) ayaa ka waramay xaaladda iyo duruufaha uu ku
sugan yahay xabsigu, wuxuuna yidhi “Jeelku malaha laydh u gaara balse
shirkadda STC, ee telefoonada ayaa laba laambadood ilaalada jeelka u
shiday, sidoo kale maxbuuska iyo askarigu midna daawo nagama helo, ilaa
aanu ehelkii uga doono.
Ciidanku malaha meel ay roobka ka galaan, ma jirto waxbarasho iyo wax ay
ku ciyaaraan toona.
Cuntada waxaanu siinaa qado iyo casho, subaxii shaah uun bay qaataan
maxaabiistu, in yar baa cuntada dibada looga keenaa.
Maxaabiista qaarkood iyaga ayaa quraanka is-bara, waxayna u badan yihiin
dhalinyaro, dhalinyaradaa si shaqo la’aan awgeed ayey dambiyadda u galeen,
60-ka ka mid ah maxaabiista waa kiriminal, oo dambiyo dil ah bay ku
eedaysan yihiin, wakhtiyadda booqashadu waa maalmaha jimcaha iyo isniinta
8:30 subaxii ilaa 3:30 galabnimo, qareenada u doodaya maxbuuska way u
yimaadaan, iyaga oo sita cadaynta qareenimo oo ay maxkamadda ka soo
qaataan, gobolku wuxuu leeyahay saddex maxkamadood oo kala ah maxkamadda
degmada, maxkamadda gobolka iyo maxkamadda rafcaanka.
Xabsi ahaan sharciyaddii oo dhan waanu haysanaa, ciidanka jeelkana raggii
hore ayaa haga ee ayjeesha ahayd, balse dhalinyaro cusub ayaa ciidanka ah
hubkayagiina waanu haysanaa.
Qofka ay maxkamadi dil ku xukunto, waxa dilkaa fuliya 30 askari oo isugu
jira 10 bilays ah, 10 ciidanka asluubta iyo 10 ciidanka qaranka, badana
maxaabiista waxa ku dhaca xanuunka shubanka” ayuu taliyuhu hadalkiisa ku
soo gabagabeeyey.
Dhismaha jeelka Burco waa mid aad u yar, waayo waxaad xabsiga gudihiisa ku
arkaysaa qol yar oo ay ku jiraan 29 maxbuus oo ay 20-ka mid ahi rumaan
yihiin, 9-na ay xukuman yihiin, kuwaas oo saxo xumo ku sugan, waayo malaha
musqulo ay isticmaalaan, loomana ogola in ay isticmaalaan musqulaha
dibadda, caruurta yar yar iyo kuwa xiska wax ka qaba ayaa lagu shaqaystaa,
si ay u soo dadaadiyaan kaadida iyo saxarada, meesha u dhexyaal, 11-ka
dumar ah ayaa iyaguna meel ka mid ah xabsiga ku xidhan, inkasta oo ay
iyagu iska laydhsadaan, qolka ay ku xidhan yihiin, waxa ugu dhexyaal
musqul aan asturnayn, taas oo aan albaab lahayn, kana daboolaynayn.
Qol ka mid ah jeelka waxaan kula kulmay wiil ilaa 20-jir ah, kaas oo is
gubay, dhaawac weyna uu dabku gaadhsiiyey, ka dibna la soo xidhay, waxaan
iyana arkaysaa maxaabiista rumaan ah oo sanad iyo ka badan ku xidhnaa.
“Abyan Cabdi Fariid oo ah oday ku dhaw 60-jir, wuxuuna ii sheegay inuu
muddo xidhan yahay, xaaladiisa, caafimaadna aanay wanaagsanayn, uuna u
baahan yahay dhakhtar”.
Ciidanka jeelku malaha gaadiid, direyskii ciidanka, sidaana waxa cadeeyey
taliyaha ciidanka asluubta gobolka Togdheer Jaamac Dheeg, wuxuuna
caddeeyey in aanay wax gacan ah ka helin cidnaba.
Si kastaba ha ahaatee, waxa lagama maarmaan ah, in wax laga qabto
dhibaatadaa iyo duruufahaa ka jira xabsiga iyo marxaladda ay ku sugan
yihiin maxaabiista iyo xaaladda xabsiga.
La soco qayb kale oo ku saabsan xabsiga Berbera.
Wasiirada Cusub Ee Xanaanada Xoolaha Iyo Macdanta Oo Xilkii La Wareegay
Hargeysa (Haatuf): Wasiiradda cusub ee Xanaanada Xoolaha iyo Macdanta iyo
Biyaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi iyo Qaasim Sh. Yuusuf Ibraahim ayaa
xilkii shalay kala wareegay wasiiraddii hore Saleebaan Cali Koore iyo C/Raxmaan
Maxamed Dixood.
Xafladda xil-wareejinta oo ka dhacday wasaaradahooda, ayaa wasaaradda
xanaanada xoolaha waxa lagu qabtay xaflada ay xilka kula kala wareegayeen
wasiirka cusub Dr. Idiris Ibrahim Cabdi iyo wasiirkii hore Saleebaan Cali
Koore, waxaana ka qayb galay madaxda wasaaradda, guddida dhakhaatiirta
xoolaha, shaqaalaha wasaaradda iyo marti sharaf kale oo badan.
Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed
Cali Giir oo ka xog-waramay xaaladda wasaaradda, “Guud ahaan shaqaalaha
wasaaraddu waa 101 (Boqol iyo Kaw) oo ay ka mid yihiin shaqaalaha xarunta
WAXOOL (wasaaradda xannaanada xoolaha) iyo lixda gobol ee dalka, laba
boqol iyo sagaashan ilaa saddex boqol oo qof ayaa la siiyey tababaro la
xidhiidha daryeelka caafimaadka xoolaha, tababaradaas oo ay siiyeen
hay’adaha UNHCR, VIT-AID iyo IFAD, waxa kale oo jira afar dhakhtaro iyo
kal-kaaliyayaal ah ayaa tababar loogu diray dalka Kenya, kuwaas oo soo
qaatay tababar xagga caafimaadka xoolaha ah, waxa kale oo aanu dalbanay
qalab shaybaadh xoolaha ah, kaas 2/3 saddex daloolaw laba dalool ay na soo
gaadhay, inta kalena waanu rajaynaynaa inay dhawaan na soo gaadho” ayuu
yidhi Agaasimuhu.
Waxa isaguna xafladda ka hadlay Dr. Ismaaciil Ibraahim Warsame oo madax ka
ah ururka ULPA, oo ah urur ay leeyihiin dhakhaatiirta xooluhu, waxaanu ka
xogwaramay ururkaas iyo wixii ay qabteen isaga oo sheegay in aas-aaska
ururka uu iska lahaa wasiirka xilka wareejiyey, isla markaana ay ku marti
qaadayaan inuu xubin ka noqdo ururkan ULPA.
Ka dibna waxa halkaa ka hadlay wasiirkii hore ee wasaaraddaa Saleebaan
Cali Koore, oo ka xogwaramay marxaladihii ay soo martay wasaaraddu iyo
waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilka hayey “ Sifaha dawladnimo ayey
tahay in maalinba qof lagu eego xilka, muddo saddex sanadood ayaan anigu
wasaaradda madax ka ahaa, aniga oo qadarinayey muddadaa, marxaladii adkayd
ee la soo maray, muddadaana ma jiro qof aan xil ka qaaday, taana waxaan ku
ixtiraamayey duruufta dhaqaale xumo ee dalka ka jirta,” ayuu yidhi
wasiirkii hore. Isaga oo u mahad naqay shaqaalaha wasaarada sidii ay ula
soo shaqeeyeen muddadii uu xilka hayey, waxaanu ka codsaday inay wasiirka
cusubna sidaa ula shaqeeyaan.
Ugu dambayn waxaa halkaa ka hadlay wasiirka cusub Idiris Ibraahim Cabdi
kaas oo sheegay inaanu hadal badan odhanaynin, balse uu mahad naqay
dhamaan shaqaalaha wasaaradda, iyo wasiirka uu xilka kala wareegay, isaga
oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Dhamaantiin waad mahadsantihiin,
waxaanan marti idiinka ahay sidaa wanaagsan ee aad ula shaqayseen
wasiirkii hore inaad ana iila shaqaysaan”.
Dhinaca kale wasiirka cusub ee wasaaradda macdanta iyo biyaha ayaa xilkii
kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaraddaas.
Xaflada xilwareejinta oo lagu qabtay xarunta wasaaraddaas ayaa waxa ka soo
qayb galay wasiirka wasaaradda qorshaynta Axmed Daahir Cilmi, wasiirka ku
xigeenka wasaaradda macdanta iyo biyaha Yuusuf Ciise Talaabo,
masuuliyiinta, shaqaalaha wasaaradda iyo marti sharaf kale.
Waxaana halkaa ugu horeyn ka xog-waramay agaasimaha guud ee macdanta iyo
biyaha Cabdi Cali Odowaa, wuxuuna yidhi “Wasaaradda macdanta iyo biyuhu
waxay ka mid tahay wasaaradaha wax soo saarka, wasaarada hawsheeduna waa
biyaha iyo macdanta, gaar ahaan biyaha dadka reer guuraaga ah, soo saarka
shidaalka iyo macdanta, qaabka wasaaraduna waa wasiirka, wasiir ku xigeen
agaasimaha iyo afar agaasin oo aan mid la sharciyeyn weli” isaga oo ka
waramay hawlaha kale ee wasaaradda.
intaa ka dib waxa ka hadlay wasiirkii xilka wareejinayey C/Raxmaan Maxamed
Dixood, waxaanu u mahad naqay shaqaalaha wasaaradda, sidii ay ula soo
shaqeeyeen, waxaanu ka xogwaramay waxyaabihii u qabsoomay intii uu xilka
hayey.
wuxuuna yidhi “Berrigii hore waxa wasaaradda hoos iman jiray wakaaladaha
biyaha, balse intii dambe waxa ku soo hadhayn uun ceelasha biyaha ee reer
miyiga, iyada oo wakaalada magaalooyinku ay ka madax banaan yihiin,” isaga
oo intaa ku daray in qorshahoodu yahay sidii ay u horumarin lahaayeen
ceelasha biyaha ee reer miyiga, isaga oo ku booriyey wasiirka cusub inuu
hawsha halkaa ka sii wado.
Ugu dambeyn waxa halkaa ka hadlay wasiirka cusub ee wasaaradaasi, isaga oo
balan qaaday in intii karaankiisa ah ku dedaali doono horumarinta
wasaaradda, waxaanu amaan u soo jeediyey wasiirkii hore iyo shaqaalaha
wasaaradda. Top
Gaadhi Jaad
Siday Oo 14 Geel Ah Ku jiidhay Wadada Berbera. |
Hargeysa (Haatuf): Gaadhi Jaad sida oo ay
leedahay shirkadda B611 ayaa 14 neef oo Geel ah ku jiidhay meel u dhaxaysa
tuulada Abdaal iyo Dacar-budhuq oo loo yaqaan Qadhiidha. Shilkaas waxa
kaloo ku dhaawacmay Saddex nin oo ka mid ahaa jaadlayaashii baabuurka
watay, gaadhigaas shilka galay oo noociisu ahaa NISAN 6 tan ah, markii uu
geelaas jiidhay kadib wuxuu ka dhacay jar dheer oo wadada ku dhaw.
Geela baabuurku jiidhay toban ka mid ah ayaa dhintay halka afar kalena
dhaawac soo gaadhay siday soo sheegeen weriyeyaal Haatuf ah oo jidka
marayay waxay sheegeen in gaadhiga shilka galay uu Burco jaadka u siday.
Waxa dhaawacmay wadihii baabuurka oo magaciisa la yidhaa Maxamuud Caraale,
Yuusuf Asnaaji (raaciga) iyo Maxamuud Malow oo ahaa Kirish-boygii gaadhiga. Top
Bayaan Beesha
Muuse Dheriyo. |
Anagoo ah Suldaanka, wax-garadka iyo
dhallinyarada beesha Muuse Dheriyo ee (Gabooye) waxaanu u soo jeedinaynaa
Salaadiinta iyo waxgaradka beesha Gabooye dhammaantood inay beeshu ka wada
tashato tafaraaruqa foosha xun ee ku habsaday beesha Gabooye, isla
markaana ay u soo jeestaan sidii ay si wadajir ah uga wada shaqayn
lahaayeen danta beesha, dhiiri geliyaan oo ay tageeraan wax kasta oo u soo
kordha beesha, isla markaana u doodaan wixii xuquuq ka maqan beesha si ay
beeshu u gaadho yoolkeeda ay higsanayso uguna fududaato sidii ay beeshu
goob kasta iyo gole kasta ay uga dhex muuqan lahayd si wadajira u
hambalyeeyaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo ku daray golaha
wasiirada xubno ka soo jeeda beesha oo looga fadhiyo waxtarka beesha inay
intaa ka sii badiyaan.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabi Ismaaciil,
Aadan Bashiir Aw Aadan
Aadan Jaamac Maxamed
Maxamuud Cabdi Ismaaciil
C/Laahi Ismaaciil Jaamac
Sheekh Cali Mooge Buuni. Top
Xisbiyada
KULMIYE Iyo UCID Oo Iska Bahaysanaya Dhinaca Siyaasada. |
Hargeysa (Haatuf): Kulamo ay wada yeesheen
xisbiyada KULMIYE iyo UCID badhtamihii toddobaadkii hore ayaa la sheegay
in ay isu bahaysteen qodobo ay ka mid yihiin sidii doorashada Baarlamaanka
loosoo dedejin lahaa, inkastoo aan daboolka laga qaadin haddana waxay
sheegayaan xogo ku dhaw-dhawi inay gaadheen qodobo door ah oo ay siyaasad
ahaan ka midaysan yihiin, qodobadaa oo ay ka mid ahaayeen:
In doorashada Baarlamaanka lagu qabto muddo sideed bilood gudahood oo ay
ku jirto bishii June ee lasoo dhaafay.
In aragti midaysan ay ka yeeshaan shirka kooxaha Somalida uga socda dalka
Kenya guddi wadajir ahna ay u saaraan oo go’aan ka gaadha.
In ay guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Axmed Aadan Qaybe u yeedhaan si ay wax
uga weydiiyaan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda gobolka Sool iyo
degmada Buuhoodle, waxa kale oo ay isla soo qaadeen inay Md. Qaybe ka
dalbadaan inuu soo diyaariyo qorshe doorashada Baarlamaanka lagu soo
dedejinayo iyo inuu dhammaystiro xeerarka dhinacooda ku qabyada ah,
maadaama uu guddoomiyaha Baarlamaanka yahay.
Labadan xisbi oo ah kuwii doorashada kula loolamay xisbiga talada haya ee
UDUB ayaa dhowaanahanba baaqyo wadajira soo saarayay, taasoo loo malaynayo
in afkaartooda siyaasadeed ee mucaaradnimo isku soo dhowaaday.
Sidoo kale, labada xisbi waxay ka madhan yihiin xukuumadda Madaxweyne
Rayaale soo dhisay dhowaan, taasoo dadka qaar filayeen inu xukumad wadaaga
soo dhisi doono madaxweynuhu, waxna ka siin doono dawladda xisbiyada
KULMIYE iyo UCID. Iyadoo markii xisbiga UDUB oo keliya ay ku koobnaatay
xukuumaddu ayaa la sheegay inay xisbiga KULMIYE soo dhoweeyeen arrintaa,
si xisbigoodu u helo mucaaradad xoogan oo ay si wadajir ah isu kaashadaan. Top
Sadaam Xuseen
Oo Soo Diray Cajalad Uu Kaga Hadlayo Xaaladda Ciraaq. |
Doha (Al_Jaziira): Telefishinka afka
Carabiga ku hadla ee Al-Jazera, ayaa sii daayay cajalad dhagaysi ah oo ay
sheegtay in uu soo duubay hogaamiyihii hore ee Ciraaq Saddam Hussein.
Al-Jazeera, waxay sheegtay in fariintan la duubay 14-kii June, lix
todobaad kadib markii madaxwaynaha Maraykanka George W Bush uu ku
dhawaaqay in wajigii hore ee dagaalku uu dhamaaday.
Saddam Hussein, waxaa cajaladan la sheegay in uu ku yidhi Waan noolahay oo
waan caafimaad qabaa, waxaana ku dhex noolahay dadka Ciraaq.
Saddam Hussein, wuxuu sheegay in uu xilka isaga degay si aanu u noqon
dabadhilif Maraykan, isagoo intaasi ku daray in uu socdo halgan ballaaran
oo dadka Ciraaq ay kaga soo horjeedaan haysashada Maraykanka, waxaana uu
ugu baaqay dadwaynaha Ciraaq in ay difaacaan dagaalyahaniinta u halgamaysa.
Cajaladan, ayaa ku soo beegantay sii daynteeda xilli sarkaal Maraykanka
ugu sareeya ee Ciraaq, Paul Bremer uu ku dhawaaqay in 25 million oo doolar
lagu abaalmarinayo cidii keenta warar lagu soo qaban karo Saddam Hussein.
15 million oo doolar, ayaa sidoo kale loogu ballanqaaday cidii keentay
wararka ku saabsan halka ay ku sugan yihiin labada wiil ee Saddam Hussein,
Uday iyo Qusay.
Tifaftiraha telefishinka Al-Jazeera, Ibrahim Hilal, ayaa sheegay in maanta
telefoon loo soo diray, oo la maqashiiyay cajaladda kadibna ay telefoonka
ka duubeen. Top
Urur
Goboleedka Afrikada Galbeed Oo Ciidamo Nabad Ilaalina U Diraya
Liberia. |
Urur Goboleeda Galbeedka Afrika, ECOWAS,
ayaa ku heshiiyey in ay seddex kun oo aski ay ku daraan ciidamada nabad
ilaalinta ee Liberia.
Hase yeeshee, heshiiskan waxaa kale oo ku jira codsi dowladda Mareykanka
loo jeediyay oo ah in ay door hogaamineed ka qaadato howlgalkan nabad
ilaalineed.
Xoghayaha Guud ee Urur Goboleeda Galbeedka Africka Galbeed, ee ECOWAS,
Maxammed Ibn Chambas ayaa u sheegay BBC-da in ciidamadu ay uga baahnaan
doonaan dalalka dibadda saad iyo taageero xagga maaliyada ah, haddii la
doonayo in ciidamadaasi ay si dhaqso ah ku howlgalaan oo ay nabad uga
keenaan shacabka Liberia.
Dhanka kale, Saraakiil Mareykanka ah ayaa sheegay in Madaxweyne Bush aanu
wali go'aan ka qaadan in ciidamo Mareykanka ah loo diro Liberiya.
Hase yeeshee waxaa loo dirayaa dalka Liberia qubaro ka tirsan ciidamada
Mareykanka si ay qiimeyn ugu sameeyaan xaaladda ka jirta dalkaasi.
Madaxweynaha Liberia, Charles Taylor oo uu caalamku cadaadis weyn ku
saaray in uu jagada isga dego, ayaa isna sheegay in aanu dalka ka tagi
doonin ilaa iyo inta ay ka imaanayaan ciidamada Nabad ilaalinta Maraykanka.
Top
Madaxweynaha
Pakistan Oo Cambaareeyey Weerar Lagu Qaaday Masaajid. |
Madaxweynaha Pakistan, Pervez Musharraf ayaa
sheegay in dowladdiisu aanay nasan doonin ilaa iyo inta ay ka baabin'ayso
dadkii masuulka ka ahaa weerarkii Jimcihii lagu qaaday Masjidka Shiicada.
Halkaana waxaa lagu dilay in ka badan afartan iyo shan qof ka dib markii
seddex nin oo hubeysan ay soo weerareen masjidkan shiicadu ku leedahay
magaalada Quetta, rasaasna ooda kaga qaadeen dadkii tunayey salaada
Jimcaha.
Madaweyne Musharraf oo ka hadlay magaalada Islamabad ka dib markii uu ka
soo noqoday booqasho uu seddex todobaad dibadda uga maqnaa.
Hadalkiisana waxaa uu ku sheegay in dadka geystay weeraraas ay ahaayeen
argagixiso xagga diinta ah,una soo ho'yihiin sharaf xumo diinta Islaamka
iyo dalka Pakistan.
Weerarka masjidka ka dib, waxaa dhacay mudaaharaadyo rabsho wata oo ay
isku soo baxeen boqolaal shiico ah wadooyinka, iyagoo ku eedeynaya ururka
muslimiinta sunniga ah in ay isagu weerarkaa ka danbeeyo. Top
Bush Oo Ka
Hadlay Dagaalka Uu Kula Jiro Argagixisada. |
Madaxweyne Bush ayaa sheegay in dowladda
Mareykanku ay wali dagaal kula jirto argagixisada caalamiga ah.
Madaxweynaha oo qudubad u jeedinaya dad calama lulaya oo u dabaaldagaya
maalinta madaxbanaadiga Mareykanka ayaa sheegay haddii aanay dowladda
Mareykanku gacan toos ah ku yeelan arrimaha dunidda, wax ka soo horjeesta
la hilmaayo kiligood taliyeyaasha, oo malaayiin dad ah ayaa ku noolaan
doona nolol ay naxariis kaga sugaan argagixisada.
Madaxweyne Bush waxaa uu intaa ku daray,Kooxdii ama dowladdii qatar
galiysa dowladda Mareykanka in weerar lagu qaadi doono.
Madaxweynuhu si toos ah ugama hadlin Ciraaq. Hase yeeshee markii
Madaxweyne Bush uu khudbadiisa jeedinayay ayaa qubarada ciidanka Sirta ee
CIA-da waxay waxay ku howlanaayeen cajalad dhageysi ah oo laga sii daayey
Telefishka Carabiga ku hadla ee Aljazeera.
Cajaladaas oo la sheegay in ay siday Fariin uu soo duubay bishii hore
Saddaam Xusseen.
Ninka cajalada ka hadlaya ayaa waxaa uu sheegay, in uu ku noolyahay Ciraaq,
uuna u geysan doono, waxa uu ku sheegay gaalada dalkiisa xoogga ku
qabsatay, dhibaato wayn oo waayo socota. Top
Dagaal markale
maanta ku dhexmaray Kismaayo ciidamo taagersan Barre Hiiraale iyo
talyahiisa ciidamada isbahaysigadooxada Juba. |
Dagaalkan maanta dhacay ayaa wararku
sheegayan in uu ku lugleeyahay dagaalkii shalay dhexmaray malayshiyada
mareexanka iuyo kuwa gaaljecelka ah dagaalkaas ooay shalay ku dhinteen 9
qof 18 qof oo kalena way ku dhaawacmeen sida ay ii xaqiijiyeendad degan
kismaayo oo aan khadkaraadyaha fooneyaha loo yaqaan aan kula xidhiidhay
kismaayo dagaalkan maanata dhacay ayaan maranaba lafilayn inkasta oo
labada dhinac afar qof ku dhaawac meen hadana siyaasad ahaan waxaay
dhaawac weyn ku tahay heshiiskii dhex maray isbahaysiga talyaha ciidamada
isbahaysiga oo isagu ka soo jeeda beesha cayrka ayaa wararku sheegayaan in
uu ka xanaaqay sida shalay loogu awood sheegtay malayshiyadii gaaljecelka
ahayd hadaba daka u kuurgala siyaasada waxay sheegayan hadaan si dhaqso
leh wax looga qaban, dagaalkan khilaafka dhaliyay oo uu noqon karo in ay u
sahasho, weerarka uu damacsan yahay jan: Morgan in uu ku soo qaado
Kismaayo taasoo ay noqon karto hadii ay coloobaan daka isbahaeysiga kuwada
jira iyo deegaanka ay keeni karto bur bur iyo kala tag. Top
Ururada
Bulshada Reer Muqdisho Oo Bilaabay Abaabul Xoojinta Nabadda Ah. |
Muqdisho (Haatuf): Waxaa baryahaan magaalada
muqdisho ka socaday abaabul iyo yihiin bulshada rayidka oo ay ku midoobeen
si an ugu kuur galo arimahaan waxa wareysi kala yeeshay agaasimaha hay ada
la yidhaahdo tubta nabada MR C/laahi maxamewd shirwac weriyaha Haatuf ee
magaalada Muqdisho Yaasiim Maxamed, ugu horeyn waxa uu waydiiyay in uu wax
ka sheego ururadaaan isku tagay waxa ay yihiin n waxaana uu ku jawaabay.
“Waxii ka horeeyay 16-kii may waxaa magaaladda ka jniray hay ado aad u
fara badan ku bulsho iyo kuj sdiyaaso iyo kuwa ciidan iyo kuwa dhaqaalae
kuwaasoo dhamaantood oo si goono gooni ah oo laheyn iskashi iyo wadas
shaqeyn iyo nabad galyo aan baraamij laheyn markii la smeeya
barnaamijkaanwaxaa abuurmay in kooxina aanay keligeed nabadgelyo keeni
Karin in layskaashado qodobkaa kale waxaa lafaymay in cid lagu haleeyo
nabadgelyo darida manta jirta qofkastoo mas’uuliyad ka saarantahay gaar
ahaan ku qoryaha sita qabaa’ilka ay ka dhasheen marka waxaa mabdi’iyan la
goostaay in loo wada tashado in lagu soo celiyo nabadgelyada magaalada
muqdisho ilaa hada hay’adaha arinta ka wada shaqeynayaana marka laysku
daro waxay gaadhayaan 48 hay adood oo isku jira culimo, odayaal, dhaqameed,
dhalinyaro, xirfadlayaal iyo haween waxayna heshiis ku yihiin in horta war
is-dhaafsi dhexmaro qolo waliba waxa ay qabanayso waxay aminsantahay
dareenkooda tan labaad xagii nabadgelyo darada layska kaashado. tan
sadaxaad wax qabad loo wada dhanyahay, tan afaaad kharashka ku baxayo in
layska kaashado markaa waxaan samynay xidhiidhin guud, ma jirto hay’ad oo
madaxweyne leh oo lagu kala danbeeyo ma jirto, balse arinta waa dhaqaaq
bulshoo oo nabadgelyo doon ah, dhaqaaqaani waxuu abuuray kalsooni
bulshadii dhexmarta waxuu ku talabsaday dhawr arimood waxaa uu sameeyay
shaqo joogin sodaal nabadeed, deegaameen dagmooyinka oo ay dadku hoos ka
midoobaan howl caynkaa waxaa wada dalada la yidhaahdo kogwa.
Waxa kaloo lagu guulaystay in la sameeyo dugsiyad wacyi galin balaadhan
qayb-walba waxaaa hada ka hor sameynay bisii hore shanteedi shaqo joojin
lixdeedi waxaan samaynay ambiil aan leenahay dowlada soomaaliyee ee lagu
dhisayo imbagaati ugu badnaan 170 in uu noqdo barlamaanka wasiiradyduna
12/13 anaga oo taa u arkeyna dhaqaal ahaan in la qaadi Karin farsama ahaan
in ay go’aan gaadhaan adag tahay 100 wasiir ay adagtahy caqli ay ku
fadhidaa ma jirto hadaa toban wasiir samaysane qabaailka waad
uqaybinkartaa hadii tirada labadiya khilaaf ayaad kordhinaysa dhaqaaqaan
bulshada rayidka waxuu taageersan yahay in shirkaas guul ku dhamaado waxuu
kaloo taageersan yahay dadaal kasta oo nabad lagu dhalin karo cidii wadana
waxuu ka tirsanyahay bulshada rayidka cid siyaasadeed iyo mamul deganada
Somalia ka jira ka soo horjeeda lid ku ma ahaa wanaaga ay sameynayaan waa
ayidaa, waana tageersanyahay bari waxan samynayna shaqo joojin Khamiistana
banaan bax balaadhan ayaan samaynaynaa oo aan ugu baroor diiqayno
dhakhtarkii la dilay dr xuseen maxamed nuur oo gacan ka gardaran ay dishay
waan u tacsiyaynayaa eheladii u ka dhintay wana ku daba joogna sidii
maxkamad loo soo saari lahaa” mar aan wax ka waydiiyay in khilaaf ka dhex
jjra iyo inkale waxuu igu jawaabay “nabada aan ku shaqayno waxaa weeye
wixii aan ka midaysanahay oo aanaan isku diidaneyen. Top
Qodobada
Heshiiska Kooxaha Soomaalida Ee Shirka Nayroobi. |
Nairobi (W. Wararka) - Shirka dib u
heshiisiinta ee kooxaha Soomaalida uga socda magaalada Nairobi, ayaa
habeen hore fiidkii laga soo saaray qoraal ay ku sheegayaan in Heshiis ay
isla gaahdeen halkaasina ay ku saxeeexeen.
Heshiiskaasi, ayaa qodobada la isla meel dhigay waxaa ka mid ahaa sida la
sheegay in la qaato Nidaam Federaal ah, Qaabkii iyo xiligii la fulin lahaa
Habka Federaalka ah iyo xidhiidhka Dastuuiga ah ee ka dhaxaynaya Dowladda
Federaaliga ah iyo Maamulada hadda jira, iyo sidoo kale tirada xubnaha
Baarlamaanka.
Sida heshiisku dhigayo Soomaaliya, waxay qaadan doontaa hab dowladeed ku
dhisan nidaamka Federaal-ka. Guddi Federal ah, ayaa lagu samayn doonaa
muddo sagaashan cisho ah gudahood, oo ka bilaabmi doonta maalinta la
sameeyo dowlad federal ah si loo dhamaystiro hab socodka federalnimada oo
la gaadhsiiyo ama lagu baahiyo Soomaalida oo dhan, iyadoo la isku raaci
doono Baarlamaan Ku-meelgaadh ah oo Federal ah oo ay Soomaaliya yeelato.
Waxaa la samayn doonaa wasiir u qaybsanaan doona arrimaha Federalka iyo
Dastuurka.
Hadii ay dowladda Federalku ka baaqsato in ay ku dhamaystirto Hab-Socodka
Federalnimada Soomaaliya muddadii loogu talogalay oo ah laba sano iyo bar.
Markaas baarlamaanka Federalka ee Ku-meelgaadhka ahi, waxaa uu la noqon
doonaa taageeradii kalsoonida ee uu siinayay Dowladda Federalka Ku-meelgaadhka
ah. Waxaana ay taasi keeni doontaa samaynta dowlad cusub oo Federal ah oo
ku meelgaadh ah, oo howshaas Federalnimada ku dhamaystirta muddo sanad ah.
Axdiga ama Sharciga Ku-meelgaadhka ee Federalka ee Jamhuuriyadda
Soomaaliya, waxaa uu aqoosan doonaa jiritaanka Dowladdo-Goboleedyada iyo
gobolada leh maamulada isxukunka gudaha ah, waxaanay u shaqayn doonaan
sida ay haatan yihiin ee ay u dhisan yihiin.
Dowladda Federalka ee Ku-meelgaadhka ahina, waxaa ay ka gargaari doontaa
Goboladaas xagga horumarinta.
Dowladda Federalka Ku-meelgaadhku, waxaa ay durbadiiba bilaabi doontaa
wadahadalo ay la yeelan doonto Somaliland.
Dowladda Ku-meelgaadhka ahi, waxay ballaadhin doontaa Gobolada iyo
Degmooyinka madaxa bannaan ee isxukunka hoose leh si ay u yeeshaan
Qaab-dhismeed Federal ah.
Magaca rasmiga ah ee Dowlad-Qarameedka Soomaaliya, waxaa uu noqon doonaa;
Dowladda Federalka ah ee Ku-Meelgaadhka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Qaab-Dhismeedka Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya.
Markii ay muddo dheer ka wadahadlayeen, kana doodayeen hogaamiyayaasha
Guddiyadu, waxaa ay goosteen in Qaab-dhismeedka Dowladda Federalka ee Ku-Meelgaadhka
ahi uu noqon doono sidatan:
Dowladda Federalka ee Ku-Meelgaadh ee Soomaaliya, waxaa ay yeelan doontaa
Hab_Baarlamaani ah oo uu Baarlamaankaasi dooran doono madaxwaynaha;
Madaxwaynuhuna, waxaa uu markaas magacaabi doonaa Ra'iisul Wasaaraha.
Waxaa la samayn doonaa sadex Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeen iyo Wasiiro, iyo
sidoo kale Wasiiro taageerayaal ah ama Gacanyare ah.
Ra'iisul Wasaare Ku-Xige kastaaba, waxaa uu yeelan doonaa jago Wasiirnimo,
waxaanuu dusha kala socon doonaa howlahooda, Wasaarado ka shaqayn doona
arrimaha Siyaasadda, Bulshada iyo Dhaqaalaha.
Howlaha ay Wasiiradaasi qaban doonaanna waxaa si cad loogu qeexi doonaa
sharci arrintaasi ku saabsan.
Baarlamaanka.
Baarlamaanku, waxaa uu yeelan doonaa Sadex Boqol iyo Kow iyo Konton (351)
Xubnood, muddada uu shaqayn doonaana waa afar (4) sano.
Xubnaha Baarlamaanka, waxaa dooran doona hogaamiyayaasha siyaasadda oo ah
kuwii saxeexay Heshiiskii Xabadjoojinta ee magaalada Eldoret lagu saxeexay
27-kii bishii October ee sanadkii 2002-da iyo siyaasiyiintii haatan ka hor
uu sida rasmiga ah u martiqaaday Guddiga Farsamadu, isagoo la tashanaya
hogaamiye dhaqameedyada.
Qodobada kale ee laga hadlay waxaa ka mid ah:
1. In la sameeyo Baarlamaan ka kooban aqal kaliya.
2. Dumarku waxaa ay yeelan doonaan 12%.
3. Qof kasta oo Soomaali u dhashay, waxaa uu ahaan doonaa Muwaadin
Soomaali ah.
4. Soomaaliga Muwaadinka ahi, waxaa uu yeelan karaa ama uu qaadan karaa
Jinsiyadda Soomaalida iyo mid kale.
5. Waxaa jiri doona sharci qeexi doona qodobo kale oo ku saabsan Helista
iyo Waayista Jinsiyadda ama wadaninimada Soomaalida.
Arrinta ku saabsan afafka rasmiga ah ee Soomaaliya, waxaa lagu heshiiyay
laba qodob:
Afsoomaaliga, oo u qaybsan (Maay iyo Maxaa tidhi), waxaa uu noqon doonaa
afka rasmiga ah ee Dowladda Federalka ah ee Ku-Meelgaadhka ah ee
Soomaaliya.
Afafka Carabiga iyo Ingiriisiguna, waxay noqon doonaan afafka labaad ee
rasmiga ah.
Balse waxa markiiba soo baxay dhinacyo ka soo hor jeeda hirgelinta
heshiiskan oo ay ka midyihiin c/Qaasim salaad xasan oo sheegay inuu si
weyn uga soo horjeedo heshiiskan, waxaanu sidaa ku sheegay shir jaraa’id
oo uu ku qabtay magaalada Nairobi maalintii shalay.
Sidoo kale waxa heshiiskan ka soo horjeestay Muuse suudi yalaxaw oo
qodobada heshiiskaan ku tikmaamay qaar aan u cuntamayn xaalada soomaaliya.
Sikastaba ha ahaatee heshiiskan shalay la sheegay in la gaadhay waxa uu
ahaa mid lama filaan ah oo aan rajo laga qabin maalmo ka hor. Top
Kenya Oo
Xayiraadii Ka Qaaday Diyaaradaha U Duulaya Soomaaliya. |
Nairobi (W. Wararka) - Xayiraadihii horay
loogu soo rogay diyaaradaha Soomaliya u duula iyo kuwa ka yimaadaba ayaa
dowlada Kenya waxay sheegtay in ay hadda fasaxday, oo ay xanibaadii ka
qaaday.
Warkan oo si rasmi ah uu ugu dhawaaqay Wasiirka Arimaha Amniga ee Kenya
Chris Murungaru ayaa waxa lagu sheegay in diyaaradaha Soomaliya aada ay
duulimaadyadooda bilaabi karaan maalinta salaasada ah.
Arinkan ayaa waxaa soo dhoweeyay Soomali badan gaar ahaan ganacsatada
qaadka ka baayacmushtarta oo iyagu saamayn weyn ay ku yeeshay xayiraadan
diyaaradaha lagu soo rogay, sidoo kale waxaa si weyn amuurtan u soo
dhoweeyay hay'adaha samafalka ee ka howgala dalaka Soomaliya.
Hay'adaha samafalka ayaa ayaamahamba iyagu waxa ay ka qaylinayeen in la
soo celiyo duulimaadyadooda, waxaynsa sheegeen in uu dhaawac ku yimid
howlihii gargaarka ahaa ee laga waday Soomaliya.
Kenya ayaa hore waxa ay u joojisay duulimaadyadii Soomaliya iyadoo
markaasi sheegtay in ay ka hortagayso argagaxisada. Top
Dumar
Isbiimeeyey Oo Moosko Ku Dilay 15 Qof. |
Mosko (W.Wararka) - Laba haween ah oo isbiimeeyey ayaa
magaalada Moscow ku dilay ugu yaraan shan iyo toban qof, waxayna
dhaawaceen in ka badan lixdan qof, ka dib markii ay naftooda ku qarxiyeen
meel lagu qabanayey heeso oo banaan aheyd.
Isbiimeeyeyaasha oo dumar ahaa ayaa waxay bomkooda ku soo xidheen suuman
ugu xidhnaa dhexda, waxayna qaraxyada u dhexayay dhowr daqiiqadood oo
kaliya, ka dib markii ciidamada amaanku ay ku joojiyeen mid ka mid ah
isbiimeeyeyaasha irirda halka heesaha laga qaadayey.
Maamulka Ruushku ayaa waxaa uu ku eedeeyey weeraradaa dagaalyahanada
Jejniya ee ka soo horjeeda qorshaha doorashooyin madaxtinimo looga
qabanayo Jejniya bisha Oktober.
Afhayeen u halday hogaamiyaha mucaaradka JEjniya, ayaa sheegaya in
dhaqdhaqaaqooda uuna lug ku laheyn weeraradan ugu danbeeyay ee lagu qaaday
Moskow. Top
Tony Blair Oo
Eedayn U Soo Jeediyey BBC-Da. |
London (W. Wararka) - Ra'iisal Wasaaraha
Britain, Tony Blair ayaa dalbaday in BBC-du ay ka noqoto warbixin ay ku
sheegtay in xafiiskiisu uu buunbuuniyey khatarta ka imaan karta hubka sida
baahsan wax u gumaada ee Ciraaq markii uu soo dhawaa dalgaalka Ciraaq.
Ra'iisal wasaaraha oo wareysi siiyay wargeyska The Observer ayaa sheegay
in warbixinta BBC-du ay aheyd mid been abuur ah oo ay u dhiganto weerar
xun oo lagu qaaday sharaftiisa.
Warbixintan oo ay BBC-du sii daysay dabayaaqadii bishii May, ayaa lagu
saleeyey wareysi ay BBC-du la yeelatay qof aan isa sheegin oo ka tirsan
ciidanka sirta ee Britain.
Wareysigaasi waxaa uu qofku ku sheegay in dowladdu ay wax ku dartay xog
sir ah inta ayna dadka u sheegin.
Wararkan Mr. Blair ayaa soo baxay, iyadoo Agaaasimaha Guud ee BBC-da Greg
Dyke uu isku diyaarinayo in uu murankan kala xaajoodo guddiga BBCda ugu
sareeya oo uu maanta kulan la leeyahay. Top
ODHAAHDA
AKHRISTAHA Baarlamaanku Ha Ka Fiirsado Ansixinta 42 Wasiir. |
Waxa maalintii bisha Juulay 3deeda
madaxwayne Daaahir Riyaale Kahin soo dhamaystiray golahiisii xukuumadda
cusub, golaahaas oo muddo bil iyo badh ka badan ay dadweynaha reer
soomaliland u dheg taagayeen bal sida uu noqon doono, isaga oo
Madaxwaynahuna hore umadda ugu balan qaaday in uu golahaasi noqon doono
mid ka duwan golayaashii hore oo tayo ku sifoobay.
Ugu horaynba markii ay madaxwaynaha ku qaadatay muddo bil iyo badh ka
badan in uu ku soo dhiso gole xukuumadeed, isaga oo waliba ku yimi
madaxwaynahu qaab doorasho oo dimoqraadi ah, su’aallo badani hakaba jireen
qaabkii loo maamulay doorashadaase, ayaa waxa dad badan oo markii hore ku
tuhmayay madaxwaynaha karti u cadaatay in odayga loo cumaamaday xilka ugu
sareeya qaranku uu yahay mid lagu hungoobay.
Sida iska cad golahan xukuumada cusub ee ka kooban 42 wasiir ma aha mid
tayona lagu tilmaami karo, ummaduna ay uba fadhiday in gole xukuumadeed oo
tiro intaas leeg uu wadanku qaadi karo wakhtigan. Tayo laguma sheegi karo
golahan oo intooda badani waxa ay ka tirsanayeen golahii xukuumadii
doorashada ka horeysay ee qabiilka ku dhisnaa kuwaas oo aanay ummadu uga
baran karti waxqabad, hawlkarnimo iyo tayo ay bulsho ku hogaamiyaan.
Hadaba inaga oo og xaalka dhaqaale ee wadanka iyo sida loo maamulo
dakhliga kooban ee soo gala dalka, inaga oo og in shaqaalaha wasaaradaha
mushaharkooda loogu kaltamo cashuurta yar ee jaadka ee ku soo xaroota
kastamka Gabiilay, sidee ayay Daahir iyo xertiisu ku gaadheen in ay gole
xukuumadeed oo intaas leeg soo saaraan?
Golahani ma aha xal oo marka koobaad waa gole uu soo magaacabay madaxweyne
lagu soo doortay qaab ‘dimoqraadi’ ah, ileyn hadii uu xal yahay waxa si
miisaanka u dhow wax loogu qaybin lahaa beelaha dalka wada dega, beesha uu
Madaxwaynahu ka dhashayna iskumay hesheen, tusaale ahaan, xilkii ugu
sareeyay qaranka iyo 3 wasiir, oo aanay ka mid ahayn wasiiru dawlayaal.
Marka labaadna ma aha gole ay cidi kaga jirto labadii xisbi ee mucaaradka
ahaa oo ah mid lagu sifayn karo gole dib u hesiisiin qaran. Mana aha mid
lagu soo doortay qaab cilmiyaysan oo ku salaysan awoodda dhaqaale ee dalka
iyo qasnadaha madhan ee dawladda.
Su’aasha boqolka ahi waxa ay tahay sida madaxwaynahu ku gaadhay in uu gole
42 wasiir ka kooban soo magacaabo iyo dariiqada uu u maray magacaabistaa?
Golahani xul ma aha, xal ma aha, gole dib u heshiisiin qarana ma aha ee
Madaxwaynahu ma u sheegi karaa umadda waxa uu yahay?
Markii aan dhinacwalba ka eegay waxa uu iila muuqdaa aniga in uu golahani
yahay mid aan waqtigan adag ee lagu jiro hogaamin karin umadan, runtiina u
horseedikara wado aanan rabin in aan imika sii mala awaalo.
Gabagabadu waxa ay tahay maanta kubadu waxa ay la taalaa baarlamaanka,
isaga oo maanta baarlamaanku marayo maalin taariikhi ah oo ay tahay in uu
u hiiliyo ummadan ay inta ka badan tobanka sanno soo daashadeen xukuumado
fadhiid ah, musuqmaasuq iyo maamulxumo. Baarlamaanku maanta ama baarlamaan
umadiisa u hiiliyay ayuu noqondoonaa ama waxa uu noqon doonaa mid
taariikhda ku gala gole sacab, oo hadba cida midhadh dheemaal ah u daadisa
iska daba socda.
Baarlamaanka waxa la gudboon in uu Madaxwayne Rayaale u cadeeyo in wixii
uu bil iyo badhka foolanayay uu noqday ilmo dhicis ah, oo umushii ku
dhintay. Baarlamaanku waa in aanuu ansaxin gole xumuumadeed oo ka kooban
42 wasiir kuwaas oo aan xal, xul iyo gole dib u heshiisiin qaran midkoodna
lagu tilmaami karin.
Yuusuf Cabdillaahi, Hargeisa, Somaliland.
Top
|