Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 371 July 9, 2003

Badheedhaha wargeyska: Aqoonta Kursiga Kuururtay.

Xil-Wareejintii Ugu Cajiibsanayd Oo Ka Dhacday Wasaaradda Qoyska,
Laba Marwo Oo Wasiiro Ah Ayaa Xilka Kala Tirsaday.

Haweenay Ka Tirsan Hay’adda NOVIB Oo Ka Warantay Taageerada Ay Somaliland U Fidiyaan.

Ururka Xuquuqda.

Weriyaha Wargeyska Jamhuuriya Ee Gobolka Sanaag Oo Markii Labaad Maxkamad La Horkeenay.

Mooshin Lagaga Soo Horjeedo Heshiiska Dib Loogu Soo Celinayo Qaxootiga Oo La Filayo In Lasoo Hordhigo Golaha Wakiilada.

Wasiirka Duulista Oo Xilkii La Wareegay.

Madaxweyne Bush Oo Bilaabay Booqasho Uu Ku Gaalaa-Bixinayo Dalal Ka Tirsan Afrika.

Laba Gabdhood Oo Isku Dhegsanaa Oo Geeriyooday Markii La Qalay.

Xukuumadda C/Qaasim Oo Ku Kala Jabtay Heshiiska Lagu Gaadhay Shirka Kenya, C/Qaasim Wuu Diiday, Xasan Abshirna Wuu Taageeray.

Kenya Oo Dib U Bilowday Diyaaradaha Tegaya Somaliya.

Diyaarad Rakaab Oo Ku Burburtay Sudan.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Jaamacadaha Hala Geliyo Hanti-Dhawr.

Sidee Bay Gobolada Somaliland U Qaybsanayaan 82 Mudane Ee Baarlamaanka?

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Maaliyaddu ha Joojiyo Cadaadiska Dhaqaale Ee Uu Ku Hayo Qul-ujeed.

Umaan Bogin Wasiirada Cusub Ee La Magacaabay.

Yaan Labada Daan Lagu Cunin.

WAADIGA CIYAARAHA: Ciyaar Kubadda Kolayga Ah Oo Dhexmartay Labada Kooxood Ee Wasaarada Maaliyadda Iyo Ciidanka Bilayska.

Kooxda Wolves Oo Heshiis La Gashay Ciyaartoyga Reer Nayjeeriya Okoronkwo.

Saadi Qadaafi Oo Laba Gool U Dhaliyay Kooxdiisa Cusub Ee Perugia.


Badheedhaha wargeyska: Aqoonta Kursiga Kuururtay.

Tan iyo intii Madaxweyne Rayaale soo saaray liiska magacyada wasiiradda Somaliland waxa suuqyada magaalooyinka ka dhex sanqadhayey guux la isla dhex marayey, guuxaas oo u badnaa, wasiirkaasu muxuu tarayaa, iyo horumar ina gaadhsiin kari maayo.

Sidoo kale marka ay soo baxdo dan qaran oo dayacani dadku intay iska cadhoodaan ayey yidhaahdaan maxaa dawladdu u hagaajin weyday, waliba dadka loo maleeyo inay aqoon iyo waayo aragnimo leeyihiin ayaa ugu badan dadka dawladda ku canaanta maxay waxan u qaban weyday. Haddaba maadaama aynu riyaaqaa muddo badan qabnay lana arkay itaalka iyo waxay dawladdi ka qaban karto adeegyada bulshada, run ahaantii qofka doonaya inuu horumarka dalkiisa ka qayb qaato, inuu isaga oo aan wasiirba ahayn wax badan ka tari karo, haddiiba dawladda jirtaa ay ku qaybto ilaalinta nabadda, sharciga iyo arrimaha siyaasadda ee dalka.

Waxa run ah inaanay awoodin mashaariic horumarineed iyo dhamaan adeegyada bulshada, haddaba farriinta fiican in dadku ogaado waxa weeye ma jirto wasiir ama wasaarad gacanteeda ula tagaysa adeega iyo baahiyaha bulshada waxase la helayaa kumanaan qof oo uga wax tar bata dalka wasiirka kasta iyo wasaarad kasta.

Markaa dadka wadaniyiinta ah ee hantida haystaa dalka ha uga faa’iideeyeen oo ha maal-gashadeen mashaariicda horumarineed ee ay dalku u baahan yahay, hana abuureen fursado shaqo oo dadku ku noolaado.

Sidoo kale dadka aqoonta isku tuhunsan ee suuqa ama rumaysan cid kale in wasiir mooyaane, inaanay dalka horumarin karayn waxa haboon inay aqoontooda uga faa’iideeyaan dalka dadkaba.

Top


Xil-Wareejintii Ugu Cajiibsanayd Oo Ka Dhacday Wasaaradda Qoyska,
Laba Marwo Oo Wasiiro Ah Ayaa Xilka Kala Tirsaday.

Hargeysa(Haatuf):Xaflad si weyn loo agaasimay oo ay xilka kula kala wareegayeen Wasiiradda cusub ee wasaaradda arrimaha Qoyska Marwo Faadumo Suudi Xasan iyo Wasiiraddii hore ee arrimaha qoyska Marwo Adna Aadan oo waqtigana ah wasiiradda arrimaha dibadda ee Somaliland.

Xafladaa xil wareejinta oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxa lagu qabytay hoolka sare ee dhismaha cusbitaalka Edna, oo ay degantahay wasaaraddaasi, waxaana ka soo qayb galay wasiiradda ganacsiga, maaliyadda, warfaafinta, hawlaha guud, wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dawlayaal, wasiiradda arrimaha Dibadda marwo Edna Aadan oo sii haysay xilka labada wasaaradood, oo ay wejigeeda ka muuqato farxad ayaa u mahad celisay dadkii ka soo qayb galay xafladaa, waxayna iyada oo aad u faraxsan tidhi “Waxa aniga saaka farxad weyn ii ah, inay tahay halkan aynu joogno (Cusbitaalka), ahi meeshii lagu dili jiray dadka reer Somaliland, oo ahaan jirtay xero kudaafadeed, taas oo ahayd meel ay habeenkii tuugtu dadka u geli jireen, maantana waad aragtaan siday tahay iyo bilicdeedaba”.

Marwo Edna waxa kale oo ay sheegtay inay tahay munaasibadanu mid ay laba masuul oo bulshada reer Somaliland xilal aad u culus u hayaa kula kala wareegayaan.

Waxayna intaa ku dartay inay wareejisay wasaarad tayo leh oo dhisan wax walibana u dhan yihiin, maadaama ay wasaaraddu qoysku tahay, wasaaradda ugu qalabka iyo quruxda badan wasaaradaha Somaliland oo dhan, iyada oo arrintaa ka hadlaysana waxay tidhi “Saaka waxaad dhaxlaysaa wasaarad cusub, shaqaale cusub oo tayo iyo waxqabad-ba leh”.

Marwo Edna Aadan waxay xafladii xilwareejinta ku soo bandhigtay arrin ugub ku ah maamulka JSL, gaar ahaan marka ay xil wareejintu dhacayso, taas oo aan Somaliland hore uga dhicin, waxayna wasiiradda cusub ku wareejisay lacag aad u fara badan, oo tiilay wasaaradda, waxayna iyada oo arrintaa ka hadlaysa tidhi “Waxaan halkan kugu wareejinayaa, oo kugu wareejinayaa wasaarad leh, waxa alla wixii ay wasaaradi lahaan jirtay, oo intii miisaaniyadda loogu talo-galay laga isticmaalay oo kaliya 23%, 77%-na kuu hadhay, taas oo ah lacag loogu talo-galay in laba xafiis lagaga furo gobolada dalka.”

Marwo Edna Aadan waxa kale oo ay xafladaa xil-wareejinta ku soo bandhigtay buug ay ku qorantahay xil wareejinta miisaaniyaddii wasaaradda qoyska ee sanadkan, oo ahayd 1,8768000 Sh. Sl, taas oo laga isticmaalay 4071,383 Sh. SL, lacagtaas oo ay baaqi ka tahay 146.366.617 Sh. Sl, waxayna intaa ku dartay inay dib u dhigtay xafiisyaday gobolada ka furi lahayd doorashooyinka dartood.
Marwo Edna waxa kale oo ay ka warantay waxyaabihii kala duwanaa ee ay soo martay wasaaradu tan iyo intii loo magacaabay iyada, iyada oo sheegtay inay caqabado dhinaca deegaanka ahi ka horyimaadeen, ka dib markii ay doodo ka dhasheen halkii ay wasaaraddu degi lahayd iyo qaabkii loo dhisi lahaa, iyada oo sheegtay inay arrintaa qaar ka mid ah wasiiraddii dawladdii hore ay ka wada tashadeen, kuwaas oo farta ku fiiqay in la siiyo wasaaraddaa laba qol oo yar yar oo cidhiidhi ah, balse ay taasi u cuntami weyday, Edna oo ahayd wasiirkii markaa ee wasaaraddaas, sidaa awgeedna wasaaradda lagu marti qaaday in qayb laga siiyo cusbitaalka, iyada oo uu cusbitaalka yiilay qalabkii ay wasaaradu ku hawl geli lahayd, waxayna intaa ku dartay in wasaaradda markii la dejiyey cusbitaalka aanu qorshuhu ahayn inay sii degenaato, balse ku talo-galku u ahaa inay wasaaradda hawlaha guud sii samayso meeshii wasaaradda la dejin lahaa, iyo qaababkeedii oo dhamaystiran, taas oo ahayd heshiiskii hore ee loo qorsheeyey wasaaradda qoyska iyo arrimaha bulshada.

Waxayna intaasi raacisay inay wasaaraddani tahay, wasaarad balaadhan oo aan meel marti ku ahaan karin, iyada oo arrintaa ka hadlaysana waxay tidhi “wasaaradani waa wasaarad balaadhan oo aan meel marti ku ahaan karin, wasaaraddii hawlaha guud iyo maaliyaddiina way fadhiyaan, markaa waa in hadda ka dib loo diyaariyaa meeshii ay degi lahayd wasaaraddu.”

Iyada oo ka hadlaysa siyaasadda guud ee wasaaradda iyo hadafka ay ku shaqayso waxay ku tilmaantay hawlaha ay wasaaraddu qabato, inay ka mid yihiin dumarka, carruurta, dhalinyarada, caafimaadka, deegaanka, ka hortaga cudurada faafa, waxa kale oo ay sheegtay inay wasaaraddu si gaara u danayso dadka naafada ah, kuwa tabaalaysan iyo kuwa ay xuquuqdoodu dadkale kaga maqantahayba.

Wasiiradda cusub ee xilka la wareegtay Marwo Faadumo Suudi Xasan oo iyaduna hadal kooban halkaa ka jeedisay waxay sheegtay inay maanta (shalay) tahay maalin taariikhiya gaar ahaan dumarka Somaliland, iyada oo ku tilmaantay inaanay hore u dhicin taariikhda Somaliland laba dumar ah oo reer Somaliland ah oo la kala wareegay xil wasiirnimo, waxay intaa ku dartay inaanay hablaha reer Somaliland ku qanacsanayn laba wasiir oo kaliya, balse ay xukuumadda Rayaale uga fadhiyaan jagooyin kale oo kuwan la mid ah.

Waxayna iyada oo arrintaa ka hadlaysa tidhi “Hablaha reer Somaliland kuma qanacsana laba wasaaradood oo kaliya, ee xukuumaddu waa inay noo badisaa wasiiradda”.

Marwo Faadumo waxay aad ugu faraxday sida weyn ee loogu soo dhaweeyey xil wareejintaa, iyo wasaaradda ay wax waliba u dhan yihiin, waxaanay intaa ku dartay in loo baahan yahay in dumarka loo badiyo xilalka dawladda si uu yaraado kharashka badan ee ku baxaya raggu.

Sidoo kale waxa shalay xilkii la kala wareegay wasiirkii hore wasaaradda hawlaha guud iyo wasiirka cusub Siciid Sulub iyo wasiirkii hore Cismaan Qaasim Qodax, waxaana xafladda xil wareejinta oo lagu qabtay xarunta wasaaradda hawlaha guud ka hadlay Cismaan Qaasim Qodax wasiirkii hore ee wasaaradda oo ka waramay muddadii yarayd ee uu joogay wasaaradda iyo sidii uu wax uga qabtay, iyada ay u marag fureen shaqaalaha wasaaradda, wuxuuna ku dhiiri geliyey shaqaalaha inay la shaqeeyaan wasiirka cusub ee la wareegay xilka wasaaradda.

Wasiirka cusub ee wasaaradda Siciid Sulub maxamed oo hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyey ku sheegay inaanu shaqaalaha u kala eegayn qabiil, balse uu kala saari doono oo kaliya shaqada, isaga oo yidhi “Qofkaanu iskugu jecelnahay wuxuu noqonayaa kan ugu shaqada badan”.

Top


Haweenay Ka Tirsan Hay’adda NOVIB Oo Ka Warantay Taageerada Ay Somaliland U Fidiyaan.

Hargeysa (Haatuf): Manon Heuvels oo ah haweenay ka mid ah, hawlwadeenada hay’adda NOVIB ee saldhigeedu yahay dalka Holland ayaa sheegtay inay hay’adeedu ay taageero u fidiso urur Somal-fal oo wadaniya oo ka hawlgala dalka Somaliland, kuwaas oo u badan ururada haweenka.

Manon oo Haatuf uga xog-waramaysa hawlaha Somaliland ka socda ee ay hay’ad ahaan gacan siiyaan ayaa sheegtay inay taageero siyaan, 16 ka mid ah ururada 32-ka ah ee hoos yimaada dalaayadda haweenka ee Nagaad iyo uurka dhalinyarada HAVAYOCO.

NOVIB oo lagu aasaasay dalka Holland wuxuu ka hawlgala ilaa 56 ka mid ah dalalka aduunka, tirada guud ee ururada samafalka ah ee kaalmada ka helaana waxay gaadhaysaa 800 oo urur.

NOVIB iyadu ma fuliso (Implementation), mashaariicda ay maalgaliso, balse waxay hawshaas dhaaftaa cidda kaalmada la siiyo, iyada oo kaalinteedu ku egtahay kormeeris iyo dabagal, taas oo ay NOVIB kaga duwantahay hay’addo badan oo caalamiya oo kale.

Sidaas awgeed NOVIB xafiisyo kama furato dalalka ay ka socdaan mashaariicda ay iyadu maalgelisay, ujeedaduna waxay tahay in kharashka xafiisyada ku bixi lahaa toos loo geliyo mashruuca la hirgelinayo.

Iyada oo arrintaas ka hadlaysana, Manon waxay tidhi “Anagu waxaanu culayska saarnaa sidii aanu u dhisi lahayn xidhiidh ku saleysan is-aaminaad iyo daacadnimo oo dhex mara labada ee kala ah NOVIB iyo cidda la taageerayo, waxaanu soo kormeernaa sanadkiiba laba jeer”.

Haddaba marka la eego Somaliland, xidhiidhka NOVIB la leedahay dalkani wuxuu bilaabmay muddo laga joogo 6 sanadood, iyada oo ay hay’addu maalgelisay mashaariic kala duwan oo la xidhiidha dhinacyo ay ka mid yihiin waxbarashada dadban (literacy), wax-soo-saarka qutadal-daruuriga, iyo kibista miisaaniyaddaha maamul ee ururada samafalka ee wadaniga ah qaarkood.

Ururka haweenka ee NAGAAD oo ka mid ah ururada sida balaadhan uga faa’iideystay kaalmada NOVIB, ayaa dhawaan ku guulaystay inuu dib u cusbooneysiiyo heshiis iskaashi oo muddadiisu ahayd 3 sanadood oo dhex maray isaga iyo NOVIB. Heshiiskani wuxuu ururka NAGAAD u saamaxay inuu taageero u helo ololihiisa u ku doonayo in kor loogu qaado garaadka siyaasadeed ee haweenka iyo kaalinta ay dumarku ku leeyihiin talada siyaasadeed ee dalka, tusaale ahaan ururka NAGAAD wuxuu wakhtiyadii doorashooyinka ka hor qaaday olole lagu dhiiri-gelinayo inay doorashada u soo baxaan codkooda ay ka dhiibtaan.

Ururada ay hay’adda NOVIB la leedahay iskaashiga muddada dheer socday waxa iyaguna ka mid ah Candle Light iyo HAVAYOCO.

Top


Ururka Xuquuqda.

Hargeysa(Haatuf): Ururka xuquuqda Aadamaha ee Bariga Afrika (EAHRW) ayaa can baareeyay xadhigii dhowaan lagula kacay Qareen Jaamac Maxamed xaashi oo ay ku timaameen mid xad gudub ah, xuquuqda aadamaha. Qoraal ay xalay nasoo ururkaasu oo uu ku saxeexan yahay gudoomiyaha ururkaas, C/raxmaan Ibraahin Caalin wuxuu u qornaa sidan:

“Ururka xuquuqda aadamaha Bariga Afrika wuxu canbaaraynayaa , xadhiga xad gudubka ku ah xuquuqda aadamaha ee lagula kacay ,5-6/07/03. Qareen Jaamac Cilmi Xaashi oo ah , gudoomiye xigeenka ururka qareenada somaliland (SAL), ahna la taliyaha shuruucda ee golaha guurtida.

Ururku wuxu ugu baaqayaa bulshada iyo dawladaba in meel looga soo wada jeesto xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha iyo shuruucda dalka .

Top


Weriyaha Wargeyska Jamhuuriya Ee Gobolka Sanaag Oo Markii Labaad Maxkamad La Horkeenay.

Ceerigaabo (Haatuf): Weriyaha Wargeyska Jamhuuriya ee gobolka Sanaag C/Rashiid Xasan Cabsiiye ayaa shalay markii labaad maxkamad la horkeenay.

Ka dib markii maalintii sabtidii ay qabashadiisa amartay maxkamadda gobolka Sanaag.

Xadhiga weriye C/Rashiid waxa la sheegay inuu ka dambeeyey dacwad ay kaga ashkatoodeen laba caaqil oo ka mid ahaa 27 caaqil oo badhtamihii hore soo saaray bayaan ay ku taageerayaan boqor cusub oo beesha Muuse Ismaaciil (Habar Yoonis) dacwadaas ayaa la sheegay inuu xeer ilaaliyaha gobolku ku soo oogay isaga oo u adeegsanaya qodobka 375 XCG, waxayna maxkamaddu shalay dhegaysatay taliyaha saldhiga booliska Daallo Maxamed Axmed Cabdale si uu faahfaahin maxkamadda horteeda uga bixiyo cadayntii ay ka qoreen weriye C/Rashiid Xasan oo ku saabsan eedda loo haysto weriyaha.

Markhaatigaa ka dib waxa xeer ilaalintu sheegtay in weriyuhu doodiisa uu isku difaacayo dhiibto, isla wakhtigaana wuxuu weriyuhu u gudbiyey maxkamadda codsi uu ku dalbanayo qareen.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha C/laahi Fuunbe ayaa sheegay in aan sharci u banaynayaa jirin inuu weriyuhu qareen qabsado.

Gudoomiyaha maxkamadda gobolka Sh. Axmed Saalax Yoonis oo ah garsooraha dacwadan dhegaysanayey ayaa qoraal kaga jawaabay codsigii weriyaha wuxuuna akhriyey jawaabtii oo qoraala. Tixraac M.A.S/290/03, kaas oo tilmaamay in aan weriyuhu xaq u lahayn qareen.

Ka dibna wuxuu weriyuhu diiday wax dooda oo uu jeediyo markii la diiday codsigiisa, sidaas bayna maxkamaddii shalay lagu soo gabagabeeyey, iyada oo maanta mar kale la isugu soo noqon doono.

Dhacdada xadhigan weriyaha ma aha markii u horeysay, balse waa markii 7-aad ee la xidho muddo shan sano gudahooda, iyada oo aan wax dacwad ahna maxkamadi ku so oogin.

Falalkan xadhiga suxufiyiinta ayaa bilahan ku soo kordhaya dalka, kaas oo ururada suxufiyiinta iyo ururada xuquuqda aadamaha u doodaa ay cambaareyn ka soo jeediyeen falalkaas lidiga ku ah xorriyatul qawlka,iyada oo ay tani u muuqato qorshe cusub oo ay dawladda Somaliland ku doonayso inay ku cabudhiso saxaafadda madaxa banaan.

Top


Mooshin Lagaga Soo Horjeedo Heshiiska Dib Loogu Soo Celinayo Qaxootiga Oo La Filayo In Lasoo Hordhigo Golaha Wakiilada.

Hargeysa (Haatuf): Mudanayaasha Golaha wakiilada oo maalmahanba ku guda jiray dood ku saabsan hadal haynta mudo kordhintii labada gole dhowaan isu kordhiyeen iyo sida ay suurta gal u tahay in doorashooyinka baarlamaanka lasoo de dejiyo, ayaa fadhigii golaha ee shalay sii watay doodii ay arrintaa kaga hadlayeen, iyadoo ay beryahanba Xisbiyada mucaaridka ah ,warbaahinta dalka iyo dad weynuhuba aad u hadal hayeen muda kordhintaa. waxayna hadal haynta arrintani keentay inay mudanayaasha golaha wakiiladu ka cadhoodaan , islamarkaana ay fadhiyadii maalmahan ka yeeshaan dood ku saabsan sidii ay u difaaci lahaayeen muda kordhintaa.

Mudanayaashii dooda golaha ee fadhigii shalay ka qayb galay waxay aad ugu cel celiyeen sida ay arrintaasu u waafaqsan tahay sharciga iyo dastuurka dalka. Laakiin fadhigaa shalay oo socday waqti kooban waxay mudanayaasha golaha qaarkood muujiyeen sida ay u diidan yihiin heshiiska ay xukuumada somaliland dhowaan la gashay dalka Biritan, kaas oo dadka qoxootiga ah ee u dhashay somaliland dib loogu soo celinayo, waxaana arrintaa shalay ka hadlay Mudane Maxamed Axmed (seyidi) oo ku timaamay arrinta dadka u dhashay s/land ee ay xukuumadu ogolaatay in lasoo celiyo mid khalad ah oo aan meesha ku haboonayn. Xildhibaanku waxa uu sheegay inaanay waqtigan haboonayn in lasoo celiyo dad aan loo hayn waxba, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “waa in arrintan laga hadlaa oo laga doodaa, waynu ognahay maanta dhaqaaleheenu meesha uu marayo.”

Wuxuuna intaa ku daray in goluhu leeyahay Gudiyo, sida gudida arrimaha debeda, islamarkaana uu golaha wakiiladu yahay mid ka wakiil ah ummada somaliland, sidaa awgeed waa maaha mid meesha ku haboon ayuu yidhi, mudanuhu.

Dhinaca kale waxa jiray mudanayaal ku hawlan sidii ay mooshin ku saabsan arrinta soo celinta qoxootiga usoo hor dhigi lahaayeen golaha, kuwaas oo la filayo inay golaha soo hor dhigaan maanta mooshin ka dhana talaabada ay xukuumadu ku ogolaatay in lasoo celiyo dadka reer somaliland ee qoxootiga ku ah dalka Biritan.

Waxaana maalmahan soo baxayay dhawaaqyo ka imanayay bulshada somaliland gudo iyo debedba oo lagu diidan yahay heshiiska ay xukuumadu ku ogolaatay in lasoo celiyo dada u dhashay somaliland ee qoxootiga ku ah dalka Biritan. Taasoo ay ka qayliyeen qurba jooga s/land iyo dadka gudaha dalka joogaaba, waxayna arrintaa ku tilmaameen taalabo aanay ka fiirsan xukuumaddu oo ay ku dhaqaaqday, iyadoo iska indho tiray baahida shaqo la,aaneed iyo dhaqaale xumo ee taala dalka.

Top


Wasiirka Duulista Oo Xilkii La Wareegay.

Hargeysa(Haatuf): Wasiirka wasaaradda duulista hawada Cismaan Xasan Mire ayaa shalay xilkii kala wareegay wasiirkii hore ee duulista hawada Maxamed Cabdi Dheere.

Xafaladii xilwareejinta oo lagu qabtay xarunta wasaaradda ee magaalada hargeysa waxa kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda Daahir X Maxamed (qayaad), masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda, waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay wasiirkii hore ee wasaaradda Maxamed Cabdi Dheere oo sheegay inay wasaaraddani tahay wasaaradda labaad ee wax soo saarta marka laga reebo wasaaradda maaliyada , laakiin aanay dadku aqoon fiican u lahayn. Wuxuuna intaa ku daray in madaarada dalku yihiin lix madaar, balse Afar ka mid ahi ay shaqeeyaan.

Wasiirkii hore ee wasaaraddu wuxuu sheegay inay wasaaraddu tahay mid ay dadka ka shaqeeyaa yihiin dad xirfad la yaal ah, islamarkaana ay wasaaradda ku filan tahay, (landing fee) laga qaado diyaaradaha.

Wasiirka cusub ee xilka la wareegay Maxamed Xasan Mire ayaa hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyay ku sheegay, inuu la tashan doono masuuliyiinta iyo Aqoon yahanada wasaaradda. Wuxuuna intaa ku daray iinuu kalsooni siinayo masuuliyiinta wasaaradda oo uu ka cod saday inay ula shaqeeyaan sidii ay ula shaqayn jireen wasiirkii hore. Mr Maxamed Xasan Mire waxa uu balan qaaday inuu qof walba xilka uu hayo ku ixtiraami doono oo ku qiimayn doono , wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “waxaan balan qaadayaa kalsoonina idinku siinayaa inaan qof walba xilka uu hayo ku ixtiraamo oo ku qiimeeyo.”

Wasiirku waxa uu ka codsaday shaqaalaha inay wixii khalad ah ee ay arkaan la saxaan, isagoo yidhi, “wasiirku waa shaqsi, wuu khaldami karaa, waxan idinka codsanayaa, hadaa dareen taan khalad inaad I saxdaan, laakiin sixitaanku waa inuu noqdaa xafiiska ee aanu suuqa noqon, waayo ka suuqu wuxu dumiyaa qaranka.”

Mr Mire waxa uu xusay in wixii warbixin ah ay wasiirkii hore ku kala qaateen xafiiska, islamarkaana ay waajib ku tahay daacadnimo. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Daahir X Maxamed oo hadal kooban halkaa ka jeediyay ayaa sheegay inay wasaaradda duulistu tahay, wasaaradda soo saarta dhaqaalaha dalka, wuxuuna balan qaaday inay masuulka cusub ula shaqayn doonaan sidii ay ula shaqay nayeen wasiirkii hore.

Top


Madaxweyne Bush Oo Bilaabay Booqasho Uu Ku Gaalaa-Bixinayo Dalal Ka Tirsan Afrika.

Dakar (W. Wararka) - Madaxweynaha dalka Mareykanka, George B. Bush ayaa waxa uu tagey dalka Senegal, waana meeshii ugu horeysay ee uu cagaha dhigo ee ka tirsan qaaradda Afrika tan iyo intii uu qabtay jaggada madaxweynenimada Mareykanka.

Arrintanina waxaa uu Mareykanku uga jeedaa in uu muujiyo sida weyn ee uu u daneynayo qaaradda Afrika.

Goobta ugu horeysa ee uu booqday waxay ahayd guriga loo yaqaanno guriiggii adoonsiga ee ah meeshii lagu xereyn jiray dadka Afrikaanka ah xiliggii adoonsiga dadka maddow uu socday, inta aan maraakiib loogu soo daldalin qaarada Ameerika iyagoo silsilado ku xiran.

in kasta oo la sheegay in ujeedada ugu weyn ee socdaalkaani ay tahay in uu Bush helo codka dadka madow ee Mareykanka ay dorashada soo socota ee madaxtinimada Mareykanka.

Waxa uu madaxweyne Bush booqan doonaa oo kale wadamada Koofurta Afrika, Botuswana, Yuganda, iyo Nigeria.

Waxaana la filayaa in uu jiro doono wadahadalo la xidhiidha dhanka amaanka oo uu madaxweynuhu la yeelan doono dalalka uu marayo, kuwaas oo lagu lafaguri doono welwelka uu Mareykanku ka qabo in ay howlaha Ururka Al-Qaacid ee qaaradda Africa, iyo arrinta kale ee ka ah la dagaalanka cudurka Aids-ka.

Top


Laba Gabdhood Oo Isku Dhegsanaa Oo Geeriyooday Markii La Qalay.

Singapore (W. Wararka) - Cusbitaal ku yaalla wadanka Singapore ayaa waxaa lagu qalay laba gabdhood oo mataana ahaa oo u dhashey dalka Iraan oo iyagu madaxa isaga dhegannaa, si loo kala fujiyo. Iyadoo qaliinkii lagu guda jiro ayaa labadii gabdhoodba geeriyoodeen.

Gabdhahaasi oo la kala odhan jiray Ladan Bijaani iyo Laaleh Bijaani, waxay da'doodu ahayd sagaal iyo labaatan jir, waxayna u dhasheen dalka Iraan.

Sida lagu lagu soo waramayo gabdhahaasi in ay si xun u dhiig baxeen markii la amaray qaliinka qeybtii ugu dambeysay.

Dhakhataraduna waxay isla markiiba sheegeen in aanay badbaadin kareynin Ladan. Walasheed Laaleh ayaa iyaduna wax yar ka dib dhimatay.

Maskaxda gabdhaahaasi oo isku dhaganeyn ayaa kala gaar ahayd, in kasta oo ay muddo dheer isku dhaganeyd, waxaana taasi kaliftay in wareega dhiigooda la kala qoqobi waayo oo ay dhiig bax u dhintaan.

Top


Xukuumadda C/Qaasim Oo Ku Kala Jabtay Heshiiska Lagu Gaadhay Shirka Kenya, C/Qaasim Wuu Diiday, Xasan Abshirna Wuu Taageeray.

Nairobi (W. Wararka) - Ra’iisal Wasaaraha Dowladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax iyo Gudoomiyaha Barlamaanka KMG-ka Cabdalla Deerow Isaaq oo si wada jir ah shir jaraa'id ugu qabtay madasha shirka ee Mbagathi, ayaa Xasan Abshir waxaa uu sheegay in dowladda KMG-ka ay ay saxeexday heshiiskii dhawaan lagu gaadhay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida oo ay saxeexeen isaga iyo Godoomiyaha Baarlamaamka.

Xasan Abshir oo BBCda u waramayay ayaa sheegay in isaga iyo Deerow in ay hogaaminayeen wafdiga rasmi ah ee dowaldda KMG-ka ah uga qeyb galaya shirka, oo horayna ugu soo wakiisheen labada golle ee dowladda Kmg ah, golaha wasiirada iyo golaha shacabka.

Xasan Abshir waxaa uu beeneeyey in hadal uu horey u sheegay madaxweynaha dowladda Kmg-ka ah, Cabdiqaasim Salaad Xassan oo sheegayay in dowladda cid ka wakiil ah aanay saxeexin heshiiska.
Xasan waxaa uu sheegay in saxeexida heshiiskan ay ku taageersan yihiin in ka badan boqol iyo kow iyo toban oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano.

Abshir oo ka jawaabayey su'aal aheyd haddii xilka ra'iisal wasaaranimada uu kala noqdo madaxweynuhu waxa uu sameenayo, ayaa ku jawaabay in aanay jirin qof xilka ka qaadi kara, hase yeeshee lagaga qaadi karo si waafaqsan dastuurka.

Waxaa uu intaa ku daray in uu kal sooni buuxda ka haysto golaha shacabka. Xassan waxaa kale oo uu xusay in jagadii looga dhiibo dowladda cusub ee lagu dhisayo shirkan dib u heshiisiinta Soomaalida in uu qaadan doono, haddii aan waxba loo dhiibinna uu sidaas raali ku noqon doono.

Shirkaas jaraa'id oo ahaa kii ugu balaadhnaa ee lagu qabto madasha shirka ee Mbagathi ayaa waxaa kale oo goob joog ka ahaa, masuuliyiin ka kala socda qeybaha kala duwan ee kooxaha Soomaalida ee shirka ka qeyb galaya, waxaa ka mid ahaa, Maxamed Qanyare Afrax oo isna BBCda u sheegay in uu heshiiskan si buuxda u taageersan yahay, ayna diidan yihiin dad wata dano gaar ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya, Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa diiday heshiiska lagu saxeexay madasha shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Mbagathi.cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa BBCda u sheegay in heshiiskan lagu gaadhay si aan dimuquraadi aheyn. Waxuuna dhamaan diiday qodobada ku xusan heshiiska la gaadhay oo ay ka mid yihiin:

Soomaaliya in laga dhiso dowlad Federaali ah oo loo aqoon doono dowladda Kmgka ee Federaaliga.

In xubnaha baalmaanka ay soo doortaan saxeexayaasha heshiiskii xabad joojinta iyo siyaasiyiinta ay IGAD sida rasmiga ah u casuntay oo la tashanaya odayaasha dhaqanka.

In tirada xubnaha barlamaanka oo la sheegay in ay noqon doonto 351 xildhibaan.

Waxaa uu intaa ku daray, in xubnaha baarlamaanka ee lagu sheegay heshiiskan ee 351da ah ay tiradoodu aad iyo badan tahay.

Waxuuna madaxweynuhu ku eedeeyey maamulka shirka in ay cadaadis ku saareen ergooyinka in ay saxeexaan heshiiskan, waxuuna intaa raaciyay in shirkan meeshii uu ka caawin lahaa Soomaalida in uu aad u sii kala qeybinayo.

Madaxweyne Cabdiqaasim waxaa uu sheegay in Ra'iisal Wasaaraha dowladda Ku meel gaadhka ah, Xassan Abshir Faarax uu saxeexay heshiiskan isaga oo aan ogolaasho ka heysan dowladdiisa.

Madaxweynuhu waxaa kale oo uu sheegay in arrinta ku xusan heshiiska ee afka carabiga ka dhigaysa afka labaad, in ay tahay arrin aan la aqbali karin, maadaama ay Soomaalidu tahay ummad muslin ah, oo Caraba.

Cabdiqaasim waxaa kale oo uu BBC-da u sheegay in heshiiskan dib u heshiisiinta Soomaalida ee socoday mudda sagaalka bilood ku dhawaadka ah, in ayna jirin laba kooxood oo ilaa iyo hadda lagu heshiisiiyay. Dowladda KMGka ahna ay intaas oo dhan shirka fadhiday, maadaama ayna dooneyn shir ay iyadu hindisiihiisa laheyd in uu burburo.

Cabdiqaasim waxaa kale oo uu sheegay in gudigga farsamada ee shirka dib u heshiisiinta in loo baahan yahay in ay arrintan uu si deg deg ah wax uga qabto, haddii ayna taasi dhicina ay dowladda KMGku shirka ka baxayso.

Arrimahani waxay muujinayaan in heshiiska lagu gaadhay shirka Kenya inuu kala jab ku keenay xukuumada uu madaxda ka yahay c/qaasim oo ah tiilagu soo dhisay shirkii Carta, balse waxa uu ku soo beegmay xili uu gabaabsi yahay wakhtigii ay xukuumadaasi wakhtigu kaga ekaa oo ah bisha soo socota ee August.

Top


Kenya Oo Dib U Bilowday Diyaaradaha Tegaya Somaliya.

Nayroobi (W. Wararka) - Waxaa maanta mar kale dib loo furay xidhiidhka badda, hawada iyo dhulka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalka la deriska ah ee Kenya, kaddib markii gebi ahaanba la joojiyey isu-socodkii iyo ganacsigii labada dal u dhexeeyey sababo lagu sheegay khataro xagga argagaxisada ah oo soo fool yeeshay.

Marba haddii la waayey amaba aanay dhicin wax khatar ah oo aragagx keena, ayaa waxaa shalay si rasmi ah dib loogu furay xidhiidhkaasi isu socodka labada dalka.

Xidhitaankii xuduudda labada dal ee dhinac kasta muddo hadda laga joogo 18 maalmood waxay dhibaato weyn u geystay nolosha dad aad u badan oo labada dalba ka tirsan iyadoo saameyn xoog lehna ku yeelatay ganacsigii iyo xitaa arrimaha caafimaadka oo gaar ahaan wax tar weyn u lahaa boqollaal kun oo carruur Soomaaliyeed ah.

Tusaale ahaan waxaa maanta magaalooyinka Kismaayo, Waajid, Beledweyne, Diinsoor, Jowhar, Muqdisho gaadhay labo dayuuradood oo ka socday dhinaca Qaramada Midoobay kuwaasoo qeybinayey dawooyin kuwa xagga TB-da, tallaalka carruurta iyo weliba shaqaale badan oo ka kala socday UNDP, UNICEF, WHO iyo weliba MSF.

kuwaasoo iyagana ilaa intii la xidhay xuduudda labada dal ku xannibnaa magaalada Nairobi si ay hawshii samafal ee ay ka hayeen Soomaaliya dib ugu sii wadan karaan.

Haddii aan dhinaca kale ee xagga ganacsiga u noqdo, waxaa maanta garoomada ku hareereysan magaalada Muqdisho sida KM-50 iyo Dayniille soo cagadhigtay in ka badan siddeed dayuuradood oo ahaa kuwa ganacsiga, gaar ahaan kuwa jaadka magaalada Nairobi ka keeni jiray subax kasta.

Inkastoo uu jaadku yahay wax aan xagga caafimaadka u wanaagsanayn, haddana ka ganacsigiisa waxaa ku jira ama nolol maalmeedka ka raadiya boqollaal dadweyne ah oo haween u badan oo suuqyada la fariista kana soo dhacsada nolol maalmeedka reerahooda.

Maxamed Ciise Ciid oo Toyota loo yaqaanno oo ka mid ah wakiillada dayuuradaha jaadka keena oo aan ka wareystay arrimaha ganacsiga jaadka ayaa ii sheegay in maalin kasta cel-celis ahaan Muqdisho oo keliya la keeno ilaa 320 jawaan oo jaad ah oo lacag ahaanna ku fadhida US $ 128,000.

Sidaasi darteedna ay ganacsatada reer Kenya ka baaqatay lacagtaas oo marka lagu daro qeybaha kale ee dalka isku dhan ilaa US $ 300,000 maalin kasta oo ay ka heli jireen Soomaaliya guud ahaan, dhinaca Soomaalidana inkastoo ay lacag adagi dibadda uga baxaysay waxaa haddana ku tiirsanaa nolosha kummannaan dad ah.

Maalmihii hore ee la xidhay xududda labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya, waxay ganacsatadu billaabeen in ay xagga dhulka soo mariyaan jaadka, taasoo marduufkii jaadka ahaa qiimahiisa mar gaarsiisay ilaa 400,000/= si ay dableydu u heshaana ay dhibaatooyin mararka qaar u dhici jireen.

Laakiin, maalmihii la soo dhaafay waxa marduufkii jaad ah la siinayey 120,000=, laakiin shalay oo uu dib caadigiisii ugu soo noqday ayaa waxaa cajiib leh in weli suuqyada Muqdisho la kala siisanayaa marduufka jaadka ah 120,000/=.

Dayuuradaha jaadka marka ay badeecaddooda keenaan Soomaaliya ma noqdaan iyagoo madhan ee waxaa sidoo kale dhinaca kalena loo raraa badeecooyin ganacsi oo ay ka mid yihiin dharka, saabuunta, saliid macsarada, subagga xoolaha, dacaska iyo weliba badeecooyin kale kuwaasoo ay ka shaqeystaan boqollaal dad Soomaaliyeed ah, sidaasi darteedna dib u furitaanka xuduudda labada ee Kenya.

Iyo Soomaaliya waxay maanta ahayd neef weyn oo ka soo boodday dad aad u badan oo labada dalba ka tirsan, kuwaasoo aanan wax shaqo ahna ku lahayn siyaasad ama dhaqdhaqaaqyo kale oo ay cidi dhibsan karto.

Top


Diyaarad Rakaab Oo Ku Burburtay Sudan.

Khartoum (W. Wararka) - Warar ka imanaya suudaan ayaa sheegaya in diyaarad rakaab ah oo nooceedu uu yahay 737 oo laga leeyahay dalka Sudaan ay shalay ku dhacday gegida dayuurada ee Port Sudan.

Waxaa lagu soo waramayaa in diyaaradaas ay saarnaayaan rakaab gaadha 116 qof, hase yeeshee waxaa la sheegayaa in ay ka samatabaxday gabar yar oo laba jir ah shilkaas.

Wararku waxay intaa ku darayaan in duuliyuhu uu dareemay cilad farsamo diyaaradu markay kacday, ka dibna uu go'aansaday in uu dib ugu noqodo garoonka diyaaradaha ee Port Sudan ee ku yaala Waqooyi Bari ee dalka Sudan. Halkaas oo ay diyaaradu ku burburtay markii ay dageysay.
Garoonka Port Sudan ayaa ah kan labaad ee dalka Sudan ugu weyn marka laga reebo ka magaalada Khartuum. Magaalada Port Sudan ayaa waxay ku taalaa Badda Cas, waxayna ka mid tahay magaalooyinka ay dalxiiska loo tago ee Sudan.
 

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Jaamacadaha Hala Geliyo Hanti-Dhawr.

Waxa ayaan daro noqonayo, isla markaana ah wax lala yaabo labada jaamacadood ee ka dhisan dalkeena JSL, ka dibna ah laf-dhabarta iyo halbawlaha ilayska waxbarasho, marka la eego waa ta aynu maanta kala simanahay caalamka, ama aduunka horumaray, waa, sida aan hadalka u dhigaye, waa jaamacadihii u horeeyey ee taariikh gal u noqotay Somaliland.

Haddaba waxa ayaan darro noqotay masuuliyiintii sare ee labada jaamacadood waxa ay soo gurteen qalabkii loogu talo-galay, in kaga faa’iidaystaan, ardayda jaamacadda ee (practical) inay kaga shaqaystaan, suuqa, kuwaas oo ku tagri fala, ardayduna ay ku weydo qalabkii ay wax kaga baran lahaayeen.

Haddaba labada jaamacadood ee ku yaala JSL aad iyo aad ayaa loo maalgeliyaa, loona dayactiraa marka la eego jaaliyadaha dibada, kuwaas oo marwalba maalgeliya, xataa dadka u dhashay Somaliland ee tijaarta ah ama maalqabeenada ah.

Waxa jirta in ay dadka ku nool JSL u baahan yihiin jaamacado qayb caafimaad oo iyadu kaw ka ah waxa lagu barto, waxa qaybtii caafimaadka jaclayd inay bartaan markay ka waayeen la keeno cusbitaalada waaweyn ee wadanka, kkuwaas oo ka barta goobaha shaybaadhka iyo blood bank-ka kuwaas oo ku cidhiidhiyey shaqaalihii ka hawlgali jiray, ee aqoonta u lahaa, muddada dheerna ka shaqaynaysay, may haboonayn taasi. Waxa jirta in ardayda wax ka barata jaamacadu ay iska samaystaan guddi, guddidaas oo aan cadaalad wax u kala wadin, sababta oo ah waxa ay ku xidhan yihiin masuuliyiinta sare ee ka masuulka ah jaamacadda, isla markaana waxa loo qoray mushahar waa ardaydaas, waa arrin lala yaabo.

Waxa laga joojiyey shaqadii maamulaha shaqaalaha jaamacadda ardaydaas mushaharka lagu siiyo guddida samaystay, aniga oo u doodayn aqoon aanu isku leenahayna aanay jirin, meesha ma qabato in ardayda shaqo aan waajib ku ahayn.

Lama siiyo macalimiinta wax u dhigta ardayda jaamacadda dhigta inta la siiyo guddida ardayda jaamacadda waxbarashada ee guddida ahi. Haddaba miyaanay ahayn ayaan darro iyo burbur iyo masiibo badan oo ku habsatay jaamacadda.

Haddaba indho gaara ah u yeesheen dadka ku dhaqan Somaliland oo firo gaar ah ha la saaro, isla markaana waa in si deg deg ah looga samayn guddi hanti dhawra.

Axmed Sh. Cali Maax.

Hargeysa

Top


Sidee Bay Gobolada Somaliland U Qaybsanayaan 82 Mudane Ee Baarlamaanka?

Anigoo muwaadin reer Somaliland ah oo degan Hargeysa kana mid ah dhalinyarada reer Hargeysa, waxaan jecelahay in doorashada baarlamaanka marka ay dhacayso in gobolada shaxaan loogu qaybiyo iyada oo la eegayo gobol walba, tirada dadka degan, taas oo ah sidan.

Gobolka Hargeysa 25 Mudane
Gobolka Togdheer 16 Mudane
Gobolka Awdal 11 Mudane
Gobolka Sanaag 14 mudane
Gobolka Saaxil 7 Mudane
Gobolka Sool 9 Mudane
Tirada guudna waa 82 Mudane.
Haddaba degmooyinka lagu qaybiyo iyada lafteedu waxay noqonaysaa sidan 23 Degmo oo ah kuwii hore, waxaa ku jira 7 degmo oo aanay labadii doorasho ka dhicin.
Iyada oo ay tahay magaalooyinka intay xukumaan.
Hargeysa 18 kursi
Burco 12 kursi
Berbera 6 kursi
Ceerigaabo 6 kursi
Boorama 7 kursi
Laascaanood 6 kursi
Gabiley 5 kursi
Oodweyne 3 kursi
Baki 2 kursi
Saylac 1 kursi
Lughaya 1 kursi
Bali-gubadle 1 kursi
Salaxlay 1 kursi
Badhan 2 kursi
Buuhoodle 2 kursi
Caynabo 1 kursi
Sheekh 1 kursi
Ceel-afweyn 2 kursi
Gar-adag 1 kursi
Laas-qoray 1 kursi
Dhahar 1 kursi
Hadaaftimo 1 kursi
Taleex 1 kursi
Waxaana markaa loo baahanyahay in si dhakhso ah loo qabto doorashada baarlamaanka.

Iyada oo xuduudaha gobolada la sugayo. Eedna looga gaadhmanayo.
Inaanay dhicin in laba degmo ama laba gobol ay isku qabsadaan xuduudaha u dhaxeeyo, taasoo keeni karta muran iyo dib u dhac ku yimaada doorashada baarlamaanka.

C/Laahi Cumar Cabdi (C/Laahi Caato), Hargeysa.

Top


Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Maaliyaddu ha Joojiyo Cadaadiska Dhaqaale Ee Uu Ku Hayo Qul-ujeed.

ku burburtay dagaallo badan oo lixdamadii iyo toddobaatannadii dhexmaray Itoobiya iyo dalkii Soomaalia, waxan u dheer dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay sidetamaadkeedii. Dagaaladaasi waxay horseedeen in dad badani ka guuraan magaalada. Maanta magaalada Qulujeed oo uu kasoo jeedo madaxweyne Daahir Rayaale, waxa ka abuurmay dhaqdhaqaaq ganacsi iyo mid dhaqaaleba. Madaama ay u dhowdahay soohdinta Itoobiya iyo soomaaliland, waxa halkaa yimaadda badeecado kala duwan waxana dawladda u jooga Kastam leh shaqaale iyo ciidan cashuuraha ilaaliya. Badeecadaha magaalada imika u sameeyey meheradaha waxa ka mid ah jaadka halkaasoo uu kasoo galo jaadka xeebaha galbeedka iyo Boorama yimaadda. Haddaba anigoo ka mid ah dadweynaha reer qulujeed jecelna sidii magaaladaasi usii wadi lahayd ganacsigeeda kale duwan waxa durba soo waajahay dhibaatooyin iyo cadaadis dhaqaale iyo mid ganacsi oo uu masuul ka yahayAgaasimaha Guud ee wasaaradda Maaliyada mud.Cabdi Daauud oo isagu si joogta ah u yimaadda tuuladaasi ,shirkadda jaadka halkaa keenta oo la yidhaa B1 waxa iyada boqolkiiba boqol laga cashuuraa jaadka uga yimaadda Itoobiya, waxana u dheer cagajuglayn iyo hanjabaad kaga imanaysa agaasimahaasi, had iyo jeerna ku hadla ereyo ay ka mid yihiin jaadka halasoo mariyo jidka awbarre Goracawl Booarama.

Dhinaca kale Mudane Cabdi Daauud, wuxu iska indho tiraa jaadadka ka yimaadda ama dalka kasoo gala tuulada Cabdulqaadir oo boqolkiiba soddon laga cashuuro, masuulna uu uga yahay Cabdilaahi Xasan ahna madaxa kastamka Saylac, qaraabana ay yihiin isaga ama agaasimaha guud.

Ujeedadu way caddahay oo waa in tartanka ganacsiga jaadka xeebaha laga saaro B1, B1nna laga saaro Qulujeed loona raaro meelo kale oo agaasimuhu danaynayo. Haddaba waxan wasiirka cusub ee maaliyadda ka codsnaynaa inuu waxa qulujeed uu ka samaynayo indho gaar ah u yeesho si magaaladu ganacsigeeda iyo meheradaha yaryar ee imika uun la furay dib uga xidhmin shacbiga soo noqdayna anay dib uga guurin.

Qore: Maxamed Sh.Faarax (Xaajiga).

Boorama, Gobolka Awdal.

Top


Umaan Bogin Wasiirada Cusub Ee La Magacaabay.

Waxay ii ahayd markii saddexaad ee aan ka naxo siyaasadda Somaliland tan iyo intii aan dhex galay, markii aan maqlay magacaabidii madaxweynaha JSL, u magacaabay hormadii labaad ee golihiisa wasiiradda.

Waxay ahayd markii iigu horeysay ee aan ka naxo siyaasadda Somaliland. Waxay ahayd maalin aan kala sinaa dadweynaha Somaliland oo dhan. Waana geeriddii alla ha u naxariistee marxuum Maxamed ay igala mid ahaayeen dadweynaha Somaliland, marka loo qaybiyo saddex meeloodow laba meelood, haddaba markaan ku noqdo qormadaydan oo ku saabsan naxdintaydan saddexaad oo waxaa naxdin igu noqotay markaan maqlay magacaabidii madaxweynuhu magacaabay hormadii labaad golihiisa wasiiradda oo uu magacaabay saddexdii July.

Run ahaantiina waxa naxdintan ila qaba waxgaradka ummadda oo dhan sababta haddaba naxdintan keentay waxa weeye madaxweynuhu wuxuu ballan qaaday inuu magacaabayo.

Xukuumadda tayo leh
Xukuumada loo dhan yahay
Xukuumad ka duwan tii hore
Xukuumad aan ku dhisnayn qabiil iyo qaab beeleed.
Xiliga magacaabida ama dhismaha oo raagay.
Haddaba markii aan maqlay magacaabida xukuumadda oo aanu sugnayn muddo badan, waxaa fajaciso, iyo yaab nagu noqotay, aniga su’aal badana la iska weydiinayaa.

Madaxweynuhu hadduu kuwa uun dib u magacaabayo muxuu la qabanayey muddada intaa le’eeg?

Xukuumadii tayada lahayd ma tanaa?
Xukuumaddii loo dhamaa meeday?
Hab Beeleedkii miyaa laga maarmi waayey?
Madaxweynuhu ma been buu sheegayey?

Iyo qaar kale oo fara badan oo anan halkan ku soo koobi karin. Haddaba su’aalahan iyo qaar kaloo badan waxa isu fuuqsanaya su’aasha ah, maxaa sababay tolow in madaxweynuhu uu sidan yeelo?

Su’aashan jawaabteeda waxa ina qancin kara madaxweynaha iyo cidii uu kala tashaday ee inaga waxa inala gudboon haddii aynu nahay shacbi-weynaha in aynu yeelo sidii aynu uga hortagi lahayn, arrintan oo ah in aynu ku baraarujino madaxweynahaba in uu arrintan wax ka bedelo amaba ka noqdo, maadaama oo aynu inagu nahay cida soo dooratay maamulka lana doonayo in ay u shaqeeyaan kuwan la soo doortay, haddaba sida aynu ula socodsiin karayno ee ugu fufudi, waxa weeyaan inaga oo wixii talo iyo tusaale ah ee ayu soo jeedinayno, xukuumada ku soo gudbina ama ku fidinaa saxaafadda madaxa banaan
Qaybaheeda kala duwan. Iyo cidii kale ee si dadban ama si toosa u gaadhsiin kartaana waa inay kala taliso madaxweynaha iyo cidii kale ee ay khusayso.

Golaha wakiilada ee JSL waxan u soo jeedinayaa in aanay ansixin ama aanay aqoonsan xukuumadda uu soo dhisay Daahir Rayaale, sababta oo ah ,a aja xukuumadii aynu sugaynay idinka iyo anaguba ee waa xukuumaddii aynu sii macasalaamaynaynay markii horeba.

Waxa kale oo aan odhan lahaa madaxweynaha Somaliland, wasiiradda aad haatan magacawday iyo ma kala duwana kuwii aad wakhtigii doorashada ka horeysay ee loogu magac daray wasiiral sanaaduuq.

Madaxweyne wax faraqa oo la odhan karo wuu u dhaxeeyey, wasiiradan iyo wasiiraddaa aan soo sheegay ma jirto. Markaa haddaad wasiiraddii aad magacawday doorashada ka hor aad UDUB wax ugu qabanaysay, maantana ma aha in aad magacawdo qaar aad UDUB wax ugu qabanayso, balse waa in aad magacawdaa qaar u danaynaya danta shacabka.

Muuse Yuusuf Maxamuud, Hargeysa.

Top


Yaan Labada Daan Lagu Cunin.

Anigoo ka mid ah aqoonyahanka Somaliland ee ku nool carriga Ingiriiska, isla markaana dhawaan ku soo laabtay caasimada dalka ee ayaa waxaan maanta door biday inaan dareenkayga ka cabiro saddex arrimood oo u baahan in laga xusuusiyo maadaama aynu qaran curdina nahay, waxaa loo baahanayahay inaynu nabadgelyada horumarkeeda halkaa ka sii wadno, waxaa kale oo aan fikirkayga ku gudbinayaa in laga feejignaado dhaqamadii xu-xumaa ee nidaamkii Siyaad Barre, dalkan baday, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen labada dambe ku cunida hantida qaranka, sidaa darteed waxaan u soo jeedinayaa maamulka cusub ee Somalilandee la doortay inaanay hantida ummadda la cunin, isla markaana yaan lagu cunin labada daan, ee caqligiinu ha shaqeeyo.
Waxa la idiin doortay inaad wadanka u dhimataan, la idiinma dooran in dalku idiin dhinto, sidii dirkii faqash.

Dhinaca kale waxaan leeyahay golaha wakiilada ee muddada labada sano ah kordhsaday ee hortaagan doorashadii baarlamaanka inay dhacdo, waxaan leeyahay gardiid waa alla diide dimuqraadiyadda somaliland dabarka ka fura, dadku ha doortaan wakiilo u shaqeeyee, laakiin waa maan guracan iyo garasho gaaban jaan kordhintu.

Cabdi Maxamuud Balayax, Hargeysa.

Top


WAADIGA CIYAARAHA: Ciyaar Kubadda Kolayga Ah Oo Dhexmartay Labada Kooxood Ee Wasaarada Maaliyadda Iyo Ciidanka Bilayska.

Qore: A/fataax M. Caydiid.

Hargeysa (Haatuf) - Ciyaar kubadda Kolayga ayaa shalay galab ku dhexmartay garoonka Kubadda Kolayga Timacade ee Hargeysa labada kooxood ee kala ah: kooxda kubadda kolayga ee Wasaarada Maaliyadda iyo kooxda Goordir ee ciidanka Bilayska.

Ciyaartan oo ahayd ciyaar saaxiibtinimo, waxay laba kooxood soo bandhigeen ciyaar heerkeedu sareeyo oo aad u wanaagsanayd, taas oo raali-gelisay dadweyne tiro-badan oo daawanayay ciyaartaas.

Ciyaartaas waxay natiijadeedii ku dhammaatay guul ay la hoydeen kooxda Wasaarada Maaliyadda oo 96-64 kaga guulaysatay dhibcood kooxda Goodir ee ciidanka Bilayska.

Ciyaarta kubadda Kolayga oo dadweyne aad u tira badan xiiseeyaan, waxaa si weyn beryahan dambe u soo kordhayay tartanada saaxiibtinimada iyo kuwo rasmi ah oo ka dhaca badannaa garoonka kubadda Kolayga Timacadde magaalada Hargeysa, taas oo sida uu sheegay Isu-duwaha Xidhiidhka Kubadaha Gacmaha, Fu’aad C/raxmaan Ismaaciil (Jordan) la qaban doono dhawaan tartan kubadda kolayga ah, kaas oo lagu qaban doono isla garoonkan Timacadde, isagoo ku baaqay in ay dadweynaha xiiseeyaa kubadda koleygu ka soo qayb-galaan.

Top


Kooxda Wolves Oo Heshiis La Gashay Ciyaartoyga Reer Nayjeeriya Okoronkwo.

Kooxda ku cusub tartanka heerka koowaad ee kooxaha Ingiriiska ah ee loo yaqaan (Premier League), ayaa heshiis la galay difaacyahanka xulka Nayjeeriya, Isaac Okoronkwo. 25-jirkan oo koobkii Adduunka 2002 u ciyaarayay Nayjeeriya, waxa heshiis sannad ah la galay kooxdan oo sannadkan u soo gudubtay Premier League-ga.

“Marka aan imaado kooxda, waxaan rajaynayaa in aan si degdeg ah u qaato kaalintayda.” Sidaa waxa uu ka sheegay Okoronkwo shir-jaraa’id oo shalay uu qabtay, waxaanu raaciyay; “Waxaan si degdeg ah u bilaabi doonaa sidii aan u nasiibsan lahaa ku doodida kaalintayda kooxda.”
Okoronkwo, oo ay kooxdiisii hore ee reer Ukrain, Shakhtar Donestk, fasaxday, waxa uu leeyahay waxooga khibrad ah dhinaca kubadda cagta ee Ingiriiska.

“Waxa aanu la ciyaarnay England sannadkii hore koobka Adduunka markii aanu gebi ahaan tayo qabanay, waxaanay ahayd in aanu 0-0 noqoto. Waxa kale oo aan ciyaar kaga hor imid kooxda Arsenal tartankii horyaalka Yurub laba sannadood ka hor. Sidaa daraadeed, waxaan haystaa aqoon yar oo ah waxa igaga iman kara,” ayuu yidhi Okoronkwo.

“Wada hadal waan la sameeyay kooxo kale oo ka mid ah Premiership-ka, balse waxaan u malaynayaa in Wolves tahay kooxda aniga ii wanaagsan, waxaan taa ka arki karayay markii aan wada-hadalka la lahaa tababaraha (Dave Jones), taas oo i tustay in kooxdu ii hanweyn tahay iina doonayso sida aan aniguba u doonayo, waxaanan doonayaa in aan u ciyaaro qof sidaas oo kale ah,” ayuu raaciyay Okoronkwo.

Okoronkwo waa difaacyahankii labaad ee ay kooxda Wolves heshiis la gasho, kadib difaacyahanka reer Ukrain Oleg Luzhny oo yimid kooxda, kadib markii ay soo fasaxday kooxda Arsenal.

“Haddii wax kastaa si wanaagsan u dhacaan, oo Isaac la yimaado waxa aanu ka rajaynayno, waxaanu isku dayaynaa oo aanu eegaynaa in aanu heshiis wakhti dheer ah la galno. Waxaanu doonaynaa in wax wanaagsan samayno oo aanu ku tartano Premiership-ka, maaha keliya in aanu halkaa tagno (premiership-ka), waana muhiim in aanu heshiis la galno ciyaartoy 25-jir caalamiya oo khibradiisana leh.” Sidaa waxa yidhi tababaraha kooxda Wolves, Dave Jones.

Waxa kale oo Jones cadeeyay in khibradlayaasha hore uga tirsanaan jiray kooxda Manchester United, Paul Ince iyo Denis Irwin ay rajaynayaan in ay ogolaadaan heshiisyo cusub, kuwaas oo sannad kale ay ku sii joogi doonaan kooxda.

Top


Saadi Qadaafi Oo Laba Gool U Dhaliyay Kooxdiisa Cusub Ee Perugia.

Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Liibiya Mucamar Al-Qadaafi, oo la yidhaa Saadi, ayaa laba gool u dhaliyay ciyaartiisii ugu horeysay ee uu u ciyaaro kooxdiisa cusub ee Perugia oo ka tirsan kooxaha Talyaaniga ee Serie A, kaas oo kaga guulaystay kooxda Virtus Bassano natiijo aad u fool-xun oo gaadhay 12-0, ciyaartaas oo ahayd mid saaxiibtinimo ah oo dhacday maalintii Axadii toddobaadkan.

Saadi waxa uu ciyaarta soo galay qaybtii dambe ee ciyaarta oo uu kooxda la bilaabay, waxaanu u dhaliyay kooxda laba gool, ka hore waxa uu dhaliyay 60 ilbidhiqsi markii uu garoonka ku jiray, isagoo kubad sare si xariifnimo ah ugu dhaliyay goolkii labaad 16 daqiiqadood kadib.

30-jirkan, waxa uu sheegay in labadiisan gool yihiin mid niyadiisa kor u qaadaysa uun, balse uu u baahan wakhti badan oo uu ku hanan karo kaalin wanaagsan kubadda cagta kooxaha Talyaaniga.

“Goolashani waxa ii yihiin keliya kor u qaadista mooraalkayga. I siiya wakhti aan ku gaadhi karo kaalin wanaagsan.” Sidaa waxa yidhi Saadi Qadaafi oo warbaahinta u waramayay.

Tababaraha Perugia, Serse Cosmi ayaa aan ugu bogay ciyaarta Saadi, waxaanu yidhi: “Saadi waxa uu muujiyay rajo weyn oo uu doonayo inuu ku barto, kuna doonayo inuu fahmo taatikadayada. Laakiin waa inuu soo bandhigaa awoodiisa ama ciyaartiisa ugu wanaagsan,” waxaanu raaciyay; “Laakiin dhibaatadu waa mid guud oo ciyaartoyga oo dhan ah, si fiican uma qiyaasi kartid shan cisho oo tababar ah dabadood.”

Ciyaartoygan reer Liibiya, Saadi waxa uu heshiis sannad ah la galay kooxdan Perugia 29-kii bishii ina dhaaftay ee Juun, isaga Saadi sheer yar oo dhan 7.5% ku leeyahay kooxda Juventus iyo koox kale oo ka tirsan Serie B Talyaaniga ka tirsan oo uu iyadana ku leeyahay 33%.

Saadi waxa kale oo uu cadeeyay inuu xiisaynayo inuu noqdo gudoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Afrika, isagoo isu sharaxay jagadaas oo doorashadeeda la qaban doono koobka Qaaradda Afrika ee Tunis lagu qabanayo bisha January ee sannadka 2004 dhexdeeda. 

Top