Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 374 July 14, 2003

Madaxweyne Rayaale Oo Ka Qaybgalay Aaska Xog-Hayihii UDUB Ee Hargeysa.

“Waxa Loo Baahan Yahay Kaadhadh Aqoonsi Oo Loo Sameeyo Muwaadiniinta Reer Somaliland”, Q: 2aad -- Warbixinta Ay Ergada Norway Kasoo Saareen Doorashadii Madaxtinimada.

Booliiska Hargeysa Oo Qabtay Laba Nin Oo Bakhaar Jabsaday.

Dhallinyaro Lagu Eedeeyay Inay Nabadgelyo Darro Ka Sameeyeen Boorama.

Wadahadalkii Saddexda Xisbi, UCID, KULMIYE Iyo UDUB Intee Ayuu Le’eg Yahay Midha-Dhalkiisu; Waxa Laga Wadahadlay Qodobo Dhawr Ah Oo Ay Ka Mid Tahay Doorashada Baarlamaanku.

“Waxaa Jira Ganacsato Ay Dowladu Ku Leedahay $120,000 - 300,000 Oo” Doolar…”, Shir-Jaraa’id -- Wasiirka Maaliyadda Oo Ka Hadlayay Khilaafka U Dhaxeeya Iyaga Iyo Ganacsatada.

C/Laahi Yuusuf Oo Dib Ugu Laabtay Madasha Shirka Soomaalida Ee Kenya.

Maamul Ku Meelgaadh Ah Oo Maraykanku Ka Dhisay Dalka Ciraaq.

Madaxa Baadhayaashii Hubka Ciraaq Oo Eedeeyey Britain.

Baarlamaanka Beljam Oo Ansixinaya Sharci Cusub.

Mudaharaad Balaadhan Oo Ka Dhacay Muqdisho.

Wadahadaladii Aayaha Sudan Oo Burburay.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Ilayska Yar Ee Geeska Afrika Ka Bidhaamay, Ictiraafkiisa Talyaanigaa Toos U Hortaagan.

Marxaladihii Kala Duwanaa Ee Uu Soo Maray Xukunkii Sadaam Xuseen.

C/qaasimaw falaadhi gilgilasho kaagama go’do.

WAADIGA CIYAARAHA: Maraykanka Iyo Kanada Oo Guulo Ka Gaadhay Ciyaarihii Furitaanka CONCACAF Golden Cup.

Okocha Oo Sheegay Inuu Jecel Yahay Ku Biirista Chelsea, Juan Sabistian Veron Ma U Wareegi Doonaa Chelsea?


Madaxweyne Rayaale Oo Ka Qaybgalay Aaska Xog-Hayihii UDUB Ee Hargeysa

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin iyo xildhibaano kale ayaa ka qayb galay aaskii Marxuum Khadar Daahir Mooge, oo ahaa xoghayihii xisbiga UDUB ee gobolka.

Khadar Daahir Mooge iyo afar qof oo kale ayaa ku geeriyooday shirl baabuur oo ka dhacay doraad wadada isku xidha Hargeysa iyo Berbera.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale, warsaxaafadeedkaas oo u qornaa sidan.

“Madaxweynaha J. Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf yaasiin iyo xildhibaano kale oo ka tirsan golayaasha qaranka ayaa saaka (shalay) ka qayb galay aaskii marxuum Khadar Daahir Mooge oo isaga iyo afar qof oo kale ay ku geeriyoodeen shil baabuur oo ka dhacay wadada isku xidha Hargeysa iyo Berbera, abaaro 11:00 subaxnimo.

Marxuumka oo ahaa xoghayihii xisbiga UDUB ee gobolka Hargeysa waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay inuu ahaa muwaadin kaalin firfircoon kaga jira dhismaha qaranka, waxana uu Ilaahay uga baryey, isaga iyo intii kale ee halkaa ku geeriyootayba in Ilaahay Janaddii ka waraabiyo, shacbigii, qoyskii, eheladii iyo asaxaabtii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo”.

Top


“Waxa Loo Baahan Yahay Kaadhadh Aqoonsi Oo Loo Sameeyo Muwaadiniinta Reer Somaliland”, Q: 2aad -- Warbixinta Ay Ergada Norway Kasoo Saareen Doorashadii Madaxtinimada.

Hargeysa (Haatuf):“Kaambaynkii Doorashadu wuxuu u dhacay si Nabadgelyo leh, inkasta oo aan la dhayalsan karayn dhaleecaymo sheegayey in xukuumadda xilka haysaa ay adeegsanaysay khasnadda iyo hantida Qaranka”. Sidaas waxa lagu qoray warbixin dheer oo ay doorashadii madaxtooyada Somaliland ka soo saareen laba khabiir oo u dhashay dalka Norway oo goob joog ka ahaa doorashadii dhacday, 14-kii April, iyada oo cadadakan maanta aanu idiinku soo gudbinayno qayb kale oo ka mid ah warbixintaa:

Somaliland waxay leedahay Saxaafad si fiican u hana qaaday, waxaanay guud ahaan si isu dheeli tiran u baahinaysay wararka ku saabsan kaambaynkii doorashadii, inkasta oo warbaahinta dawladdu ay u xaglinaysay dhinaca xisbiga xukuumadda, maalintii doorashada waxay dadku u codeeyeen si nabadgelyo leh, oo nidaamsan, waxase arrintaas hadheeyey waraaqaha codbixinta oo ka go’ayey goobaha codbixinta, khaladaadkii maalintaas dhacay waxay u muuqdeen kuwo ka dhashay waayo-aragnimo darro iyo awood la’aan, inkasta oo tirinta waraaqaha codeyntu u dhacday si aan mad-madaw ku jirin, (transparent), hase yeeshee, waxa khaladaad ka soo baxeen habeyntii isu-geyntii foodadkka, taas oo ka dhalatay iyada oo aanu jirin hab si joogto ah loo raaco (Standard). Khaladaadkaasi waxay yeesheen ahmiyad weyn, maadaama tirada codadka la is-dheeraaday ay noqdeen kuwo yar, taas oo u ka dhashay shaki fara badan iyo tuhun ah in wax la is-weydaariyey.

Guud ahaan marka la eego waayo-aragnimo la’aantii iyo dhaqaale darradii jirtay, doorashada waxa loo maamulay si quman.

Hase yeeshee, waxa loo baahan yahay in marka dambe laga taxadiro khaladkii dhacay, taas oo ku iman karta in la dajiyo dariiqo mideysan oo lagu habeeyo la isu-geeyo foodadka la kala helay, iyo in tababaro siyaado ah la siiyo hawlwadeenada u xilsaaran maamulka doorashooyinka, waxa kale oo loo baahan yahay in dadweynaha la tira koobo, taas oo sahli doonta in kaadhadh loo sameeyo codbixiyayaasha (Voters).

Arrintan oo u baahan awood dhaqaale oo badan awgeed, waxa xal ku meel gaadh ah noqon kara, iyada oo diiwaan-gelinta codbixiyayaasha lagu bilaabo kuwii codkooda dhiibtay, doorashadii madaxtooyada.

Waxa kale oo haboon in la bilaabo khaadhadh aqoonsi oo loo sameeyo muwaadiniinta reer Somaliland, taas oo ka tari doonta sida loo ogaanayo cida codeyn karta”.

La soco qaybo kale oo xiiso badan.

Top


Booliiska Hargeysa Oo Qabtay Laba Nin Oo Bakhaar Jabsaday.

Hargeysa (Haatuf): Ciidanka Booliska Saldhiga Dhexe ayaa habeen hore sheegay inay ku guulaysteen inay soo qabashada laba nin oo tuug.
Iyada oo ay boolisku soo bandhigeen alaab ay sheegeen in ay labadaas nin ku soo qabteen, alaabtaas oo ka koobnayd dhar iyo lacag, kuwaas oo ay boolisku sheegeen inay labadaas nin ka xadeen bakhaar ku yaala suuqa dhexe ee Magaalada Hargeysa.

Taliyaha Booliska saldhiga dhexe ee Hargeysa Cabdi Xuseen Cilmi, oo halkaa ugu waramay weriye Haatuf ka tirsan ayaa ka waramay sida ay wax u dhaceen isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Habeen Hore (habeen saddexaadkii) ayaa la jabsaday bakhaar ku yaal halkan suuqa Doqon ma Waaye,, iyada oo laga xaday dharkan iyo lacagtan, markii la noo soo sheegay ayaanu meeshii tagnay, oo aan soo eegnay, dabadeedna waanu hawlgalnay, waxaananu soo qabanay xalay (habeen hore) nimankii bakhaarkaas xaday”.

Taliyuhu waxa uu intaa ku daray in ay ku soo qabteen labadan nin alaabtii ay xadeen, isaga oo taliyuhu intaa raaciyey in alaabtaas ay garteen dadkii laga xaday, isla markaana ay labadan nin qirteen inay xadeen alaabtaas.

Boolisku waxay saxaafadda soo tuseen laba wiil oo dhalinyaro ah, oo ay ka muuqato diif badan, kuwaas oo ay soo dhex joojiyeen alaabtii, boolisku sheegay inay xadeen labadaas wiil ee dhalinyarada ahi. Dhinaca kale taliyaha qaybta booliska Hargeysa Maxamed Faarax Nuur, oo la weydiiyey dambiyadda ugu badan ee ka dhaca magaalada ayaa sheegay in ay tuugadu ugu badan tahay dambiyada inta badan ka dhaca magaalada, laakiin taliyaha qaybtu waxa uu ka cawday in arrimaha dhulku oo uu ku tilmaamay arrinta ugu daran ee booliska haysata, isaga oo xusay inay tahay dambiyadda ugu badan ee ka dhaca magaalada.

Taliyaha qaybta booliska Hargeysa oo la weydiiyey, in aanay boolisku ka hawlgelin xaafadaha dhexdooda iyo meelaha madaw, balse ay ka hawlgalaan oo kaliya is-goysyada wadooyinka waxa uu sheegay in aanay taasi waxba ka jirin, balse ay meel walba ka hawlgaan.

Top


Dhallinyaro Lagu Eedeeyay Inay Nabadgelyo Darro Ka Sameeyeen Boorama.

Boorama (Haatuf): Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Sh.Cabdilaahi iyo taliyaha Booliska awdal Maxamuud Axmed Ubaxle ayaa waalidiinta uga digay in haddii ay isksu dayaan sii deynta ubadkooda isku laynaya Boorama lagu dari doono isla markaana la xidho doono waalidiinta laftooda.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal Maxamed Cumar Shir jaraaid oo ay labadaa masuul shalay ku qabteen xarunta maamulka Gobolka Awdal ee Boorama, waxay guud ahaan kaga hadleen xaaladdaa nabadgelyada Boorama oo beryahan dambe ay dib uga soo cusboonaadeen kooxaha dhallinyarada Boorama oo iska hor imaadyo ku dhexmareen magaalada iyagoo isu adeegsaday qoryaha fudud, faashash iyo budhadh dhaawacyana isu geystay.

Gudoomiyaha gobolka oo ka hadlay shirkaa jaraa’id ayaa waxa uu yidhi '' Wax an arki jirray maaha ama lagu arko Somaliland goboladeeda dhallinyaro isdilaysa oo gabdho ka daba mashxaradaan. beri dhaweyd oo aan qabqabnayna odayaasha reer Boorama ayaa nagu wareeriyey sii deyntooda, qaarna waxay yidhaahdaan inankaygu dembi ma geli oo masaajidkuu ka eedaamayey,sidaa darteed waxa marka kale odayaasha ama guud ahaan waalidiinta dhallinyaradan uga digaynaa inayna la iman ergo sii deyn ah,kuwa haatan ana haynana waxan u dirayna xabsiga Madheera.hadii odayaal noo yimaaddaaanna waxan u sheegaynaa inaan carruurtooda ku dari doonno".

Taliyaha Booliska Gobolka Awdal Maxamuud Ubaxle oo isna ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa yidhi" hadii ay joogsan waydo dhibtu,soona noqnoqoto waxan isku dayeynaa inaan samayno sharci waalidiinta lagu soo qabto, Waxan tuhunsannahay inay raali kala yihiin ubadkoodu waxay samaynayaan isla markaana booliskii soo qaban lahaa lala dagaalamo ,mana dhici karto in nabadgelyana lagu noolaado Booliiskana lala dagaalamo''.

Taliyuhu waxa kale oo uu intaa ku daray in haddii ay walidiintu daacad ka yihiin la dagaalanka xasiloonidarrada anay bixiyeen khasaaraha ubadkoodu geysto.

Ugu dambayntii labada masuulba waxay daweynaha ka dalbadeen in meel loogasoo wada jeesto wax kasta oo wax u dhimi kara nabadgelyada, aqoonyahanada, culimada iyo Waxgarad kastaana u hawlgalo joojinta ama ka hortega dhibta ubadkooda ka iman karta oo ay ka mid yihiin dhimasho iyo dhaawacba.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Sheekh Cabdilaahi oo isla shirkan jaraaid kaga warramay xaaladda nololeed ee jiidaha Xeebaha Galbeedka Gobolka Awdal oo uu dhawaan kormeer ku tegey, ayaa ka dayriyey xaaladda biyo la'aanta ah ee ka taagan deegaanka Saylac, taasoo uu sheegay inay gurmad dawladeed,mid hay'adeed iyo mid shacbiba degdeg ugu baahan tahay si loo dabaqabateeyo ama loo badbaadiyo nolosha dadka iyo duunyada ku nool jiidda Saylac.

Guddoomiyhu waxa kale oo Hay'adda COOPI uu ku eedeeyey inay ku fashilantay biyo gaadhsiinta meelo ka tirsan galbeedka gobolkan awdal,oo ay sheegato inay ka fulisay mashaariic biyood oo aanay waxba ka jirin, maantana ay wada fadhiyeen ceelashii biyaha min qulujeed ilaa Lawyacaddo.

Waxa kale oo Guddoomiyuhu ammaan gaar ah usoo jeediyey hay'adda GAA oo hawlo horumarinta dhinaca beeraha ka wada deegaanka degmada Baki.

Top


Wadahadalkii Saddexda Xisbi, UCID, KULMIYE Iyo UDUB Intee Ayuu Le’eg Yahay Midha-Dhalkiisu; Waxa Laga Wadahadlay Qodobo Dhawr Ah Oo Ay Ka Mid Tahay Doorashada Baarlamaanku.

Sidii doorashada Baarlamaanka loo soo dedejin lahaa, loona dhamaystiri lahaa wixii ka qabyo ah dhinaca Dawladda iyo Baarlamaankaba.

Sidii ay saddexda xisbi qaran ku heli lahaayeen dhaqaale si siman.

Sidii aragti wadajir ah ay uga yeelan lahaayeen shirka kooxaha somalida uga socda dalka Kenya.

Iyo arrinta dhallinyarada ku xidhan jeelka hargeysa laga soo bilaabo 19/May/03.

Haddaba, ilo ku dhowdhow kulamadaa ayaa tibaaxaya in saddexda xisbi ay isku afgarteen in mabdi’iyan lasoo dedejiyo doorashada barlamaanka, dawladdana ay wadajir uga dalbadaan inay dhammaystirto wixii arrintaas ka qabyo ah sida shuruucda iyo xadaynta maamulada gobollada iyo degmooyinka.

Saddex xisbi waxay kaloo ay ku heshiiyeen inay wadajir ahaan xukuumadda uga dalbadaan kaalmo dhaqaale oo si siman loo siiyo saddexda xisbi.

Arrinta shirka kooxaha soomalida uga socda dalka Kenya ayaa saddexda xisbi u ballameen inay mar kale isaga yimaadaan si ay uga wadahadlaan.

Dhinaca kale, dhallinyarada u xidhxidhan Siyaasadda waxay saddexda xisbi soo jeediyeen in maxkamad lasoo taago dhallinyaradaa laguna soo oogo wixii dembiya ee loo haysto.

Inkastoo oo aan wadahadaladaa shaaca laga qaadin, haddana waxay taasi muujinaysaa in saddexda xisbi ay isku aragti ka noqdeen inta badan qodobadii ay ka wadahadleen, iyagoo wadahadallo dambe isugu iman doona maalmaha soo socda.

Top


“Waxaa Jira Ganacsato Ay Dowladu Ku Leedahay $120,000 - 300,000 Oo” Doolar…”, Shir-Jaraa’id -- Wasiirka Maaliyadda Oo Ka Hadlayay Khilaafka U Dhaxeeya Iyaga Iyo Ganacsatada.

Hargeysa (Haatuf) - Wasiirka Maaliyada ee Somaliland Cawil Cali Ducaale ayaa sheegay inaanu jirin wax canshuuro ah oo lagu kordhiyey ganacsatada badeecadaha kala soo dega dekeda Berbera balse ay jirto nidaam cusub oo ay ku soo rogeen tirinta alaabta ay baayacmushatarku kala soo degaan dekeda Berbera mar uu shalay ku qabtay xafiis kiisa shir jaraa’id isaga oo ka waramayey sababta keentay muran baryahamba u dhaxeeyay xukuumada iyo ganacsatada wax kala soo degta dekada Berbera wasiirku waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin wararkii ay ganacatadu dhawaan ku baahiyeen war baahinta dalka taas oo ay ganacsatadu ku sheegeen warkooda inay dowladu kor u qaaday tacriifada canshuuraha waxaanu sheegay in aanay dowladu waxba ka badalin qaabkii hore ee cashuuraha, sidoo kalana wasiirku waxa uu intaasi ku daray in waxa ay ganacsatadu ka cabanayaan uu yahay shar cigan cusub ee ay wasaarada maaliyadu soo saartay dhawaan oo ah mid ku fadhiya habka u dagsan sharciga ganacsiga caalamiga ah ee u yaala aduunka sida uu sheegay kasoo ah in ay wasaarada maaliyadu kantaroosho marka ay badeecaduhu kasoo dagaan dakada Berbera.

waxanu mauran kani ka dhashay ka dib markii ay bishan horaan teedii wasaa rada maaliyadu soo saartay sharci lagu kantaroolayo badeecadaha kasoo dega dekada Berbera iyadoo uu sharcigan cusubi ganac satada ku waa jibinayo in la tiriyo dhamaanba alaabooyinka ay ka koo ban yihiin badeecadahooda kala du wani mar ka ay ka soo dagaan dakada bebera iyadoo aanay tiradaasi ahayn mid loo tirinayo jum lad ahaan balse loo tirinayo calaa shay, ama la kala cayimayo waxa ay badeecadasi ka koobantahay.

waxa dhaliyay cabashadan cusub ee ganacsatadana ay gun dhig u tahay iyaga oo diidan tirinta alaabtooda taa soo ku waa jibinaysa ganac satada marka badeecada hooda lootiriyo shay-shay in la can shuuro Lacag kabadan tii hore loogu canshuuri jiray badeecadahooda, arinta ay ganac satadu liqi la yihiina ay taasi ugu wayntahay wasiirku waxa u shirkaasi jaraa’id ku sheegay oo kale inay ganacsatadu marka hore ee ay badeecada hooda ka soo raranayaan dibadaha aanay soo qaadan cadyntii looga baahnaa badeecadahooda si ay dawlada uga qariyaan tirada dhabta ah iyo inta tan ee ay alaabtaasi ka kooban tahay iyaga oo dowlada tusaya 20% boqol kiiba labaatan iyaga oo 80% sideetan ka kalana qarinaya, dhinaca kalana wasiirku waxa uu hadalkii saa ku sheegay inay sharcitahay in ay maraakiibtu marka ay dekada ku soo xidhanayaan ay wataan 2 ba warqadood oo kala ah MANA FES LIST-ga oo ah tiro koobka alaabta uu sido markab kaasi iyo mid kale oo sugan waana wax sharciya oo ka jira aduun koo dhan mar kab kii aan sidan waraa qahaasina ay tahay shariga caala miga ah in la ganaaxo mar uu arintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “sharciga caalamiga ah ee aduunka u yaalaa waa in la ganaaxo markab kii dakad ku sooo xidha isaga oon wadanin warqadahaa aan soo sheegnay waayo waa dambi”.

Sidoo kalana wasiirku waxa uu ka hadlay dareenkan diid madaleh ee ay ganac satadu ka bixiyeen sharcigan ay dhawaan soo saartay wasaarada maaliyadu waxaanu yidhi” marka ay ku leeyihiin maxay hada dowladu u soo rogtay shar cigan cusub dee waxaa dhacay ilduuf, haduu ilduuf dhacana waa laysa saxaa markaa dowladu way isa saxday ka dib markay dib isugu noqotay.”

Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay inay jiraan maakiib ku soo xidhata dekada Berbera iyaga oon sidanin warqadihii shar ciga ahaa kadibna ya ganaaxeen midkiiba Lacag dhan $300 oo dollar, iyadoo uu dhigayo sharciga kastamka u yaalaa in loo laban laabo Lacag taasi oo laga dhigo 600 oo dollar iyadoo walibana ninka wakiilka u ah mar kab kaasina laga qaadayo ruq sadii ganac siga ee markab kaasi waxaanay dhantahay tirada maraakiibta la ganaaxay 4 markab, dhinaca kalana wasiirku waxa uu sheegay amarkan cusub ee ay wasaarada maaliyadu soo rogtay in uu dhigayo marka alaabta la furayo inay goob joog ka ahaa daan wasaarada maaliyada , kastamka iyo mulkiilaha alaabtaasi dabadeedna canshuurta halkaa lagu bixiyo mar hadii waxa ay ganacsatadu ka qaylinayaan ay tahay yaan la tirin alaabtayada “taasi ma aha miday dowladu aqbali karto” ayuu yidhi.

Wasiirka oo sii sharaxaya nuxurkii uu hu wanaa war saxaa fadeeed kiisii shalay, wasiirku waxaa kaloo uu sheegay inay sharcitahay inay furaan alaabada ay ganac satadu la soo dagaan waxaanu taa ku saba beeyay dhinaca amaanka aawadii wasiirku waxaa kaloo uu xusay markale in waxa ay ganacsatadu ka cabanayaan uu yahay oo kaliya yaan nalaga tirinin alaabtayada taana wasiirku waxaa uu ku tilmaamay inay tahay mid aanay aqbli karin dowlad ahaan isaga oo taa ka hadlayana waxa uu yidhi “in aanaan tirninin alaabada ka soo daga dekada Berbera waa waxaan dhici karin” wasiirku waxaa uu taa ku macneeyay haddii ay dadweynaha iyo ganacsatadu diidaan inay canshuurta bixiyaan in aanay dowladu jiri karin waayo buu yidhi adeega dowlada sida musha harooyinka ciidamada waxa laga bixiyaa waa canshuuraha yar yar ee laga qaado ganacsatada waa waaweyn iyo ku wayar yar ee dalka.

wasiirku waxaa kale oo uu sheegay haddii aanay dowladu iyadu qaadanin can shuurteeda in aanay jirin cidkale oo caawinaysaa dowladnimadeeduna aanay jiri karin, wasiirku waxa uu intaa ku daray dowlada mas uu liyada ugu wayn ee saarani inay tahay in ay cashuuraha qaado haddii ay qaadi weydana aanay dowlad noqonayn waayo buu yidhi “majirto dowlad Lacag cirka uga soo daadanaysa u mada dhaqaale heedu ma aha oo kaliya markab soo is taaga bada ee waxaa weeyi dakhliga ka soo gala dad waynaha” dhinaca kalana waxaa uu xusay inay jiraan taajiriin ay dowladau ku leedahay lacago farabadan oo ku baaqday ka dib markii ay diideen inay bixiyaan can shurta “waxaa jira ganacsato ay dowladu ku leedahay $120000- 300000 oo doolaar, waa been alaatayadii inan mukhalis ah baan ku qorayaa oon address lahayn iyo inan yar oo beriba iska dhoofaya xisaab xidhna samyn mayno” ayuu yidhi wasiirku.

dhinaca kalana wasiirku waxa uu sheegay isaga oon jecleyn in uu qof qof u magacaabo ganacsatada uu hadana si naxariisle uga codsanayo inay can shuurta iska bixiyaan “ma rabo in aan magac yadooda jaraa idka ku soo qoro waxaanse jecelahay inay si sharafleh waxa yar ee macaash macaashka ah isaga bixiyaan guryihii oo dhowr sano ah iyo bakhaaradii dowlad oo dhan ayay can shuurtoodii is wada gaadhay isga oo intaa ku daray wasiirku inay ganac satada yar yari kaga wanaagsan yihiin xagga can shuur bixinta ganacsatada waaweyn“waxaad arkaysaa taajir malyan neer ah oo lagu kari la yahay waar waxan yar ee macaash macaashka ah iska bixi iyadoo ay ganac satadii yar yarayd canshuurta bixinayaan marba wakhtiga loo qabto”ayuu yidhi. Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay hadii aanay ganacsatadu is ka bixinin can shuuraha inay xumaanayso nabad gelyada ay ku ganac sanayaan dabadeedna markaa aanay iyaguna heli doonin amaanka iyo nabad geliyada ay sida dhibka yar ee raaxada leh ay ugu raaxaysana yaan iyga iyoganac sigoo duuba.

ugu dambayntii wasiirku waxaa uu sheegay in uu diyaar u yahay inay dad weynuhu kula xisaab tamaan isaga iyo mas uuliyiinta kalaba xilka ay dadka u hayaan.

Kadib wasiirku waxa uu ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen wariyayaashii shirkaa jaraa’id, wasiirku isaga oo ka jawaabayay su’aal ahayd maxaad yeelaysaan haddii ay ganacsatadu diidaan inay raacaan habkan cusub ee cashuuraha? waxa uu sheegay marka hore inay digniin siinayaan haday dig niintaasi wax ku qaadan waa yaana marka dambe maxkamada loo gubin doono.

Top


C/Laahi Yuusuf Oo Dib Ugu Laabtay Madasha Shirka Soomaalida Ee Kenya

Nairobi (Haatuf) - Wararka ka imanaya Nayroobi ayaa sheegaya in Col. C/laahi Yuusuf dib ugu laabtay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya isaga oo baryahan ku maqnaa socdaal uu ku tagay dalka Yemen.

Sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee Muqdisho, C/laahi Yuusuf oo sadexdii cisho ee ugu danbeysay ku maqnaa Yemen ayaa waxaa la sheegayaa in uu la kulmay Madaxweynaha dalkaasi Mr. Cali Cabdalla Saalax, taas oo la sheegay in ay ka wada hadleen heerka uu shirka Soomaalida ee Kenya marayo.

Dhanka kale, waxaa uu C/laahi Yuusuf Axmed sheegay in ay ka wada hadleen sidii dawladda Yemen u taageeri laheyd waxa ka soo baxa shirkaasi hadda ka socda kenya, wuxuuna uu sheegay in ay isku af garteen arintaasi, waa sida uu u sheegay idaacada shabeelle ee magaalada Muqdisho oo waraysi la yeelatay isagoo intaasi ku sii daray in cidii diida hashiiskaasi ay tahay cid aan dooneyn midnimada Soomaaliya.

“Shirka Soomaaliyeed waa uu soconayaa cid ka hor iman kartaana ma jirto,oo baar lamaankii baa la dhisayaa” ayuu yidhi C/laahi Yuusuf axmed.

Isaga oo sii wata hadalkiisa waxa uu yidhi: “Waxa la dhisayaa dawlad Soomaaliyeed oo dhexe oo fadaraal ah qodobada la diidan yahay aniga ma garan karo, cida hadashana waxaan u arkaa cid doonaysa burburka Soomaliyeed” ayuu hadalkiisa ku khatimay C/laahi Yuusuf.

Top


Maamul Ku Meelgaadh Ah Oo Maraykanku Ka Dhisay Dalka Ciraaq.

Baqdaad ( W.wararka)golaha cusub ee maamulka ciraaq ayaa shalay yeeshay kulankiisii ugu horeeyay kaasoo ay ka soo qayb galeen 25ka xubnood ee uu ka koobanyahay golahani oo lasheegay inay ku dhanyihiin dhamaan qawmiyadaha iyo qaybaha kala duwan ee ciraaq.

Golahan Cusub ayaa awood u yeelan doona in ay siyaasada dalkaasi hagaan iyo in ay magacaabaan ama shaqada ka eryaan wasiirada dowladda.
Xulufada uu Mareykanku hogaaminayo ayaa wali leh awooda ugu sareysa, hase yeeshee saraakiishu waxay sheegayaan in hindisayaasha golahan lagu diidi karo oo kaliya xaalado aan caadi aheyn.

Golahan xubnihiisu waxay ka kooban yihiin jinsiyadaha iyo diimaha ka jira dalka Ciraaq, hase yeeshee dadka wax dhaliila waxay sheegayaan in golaha inta badan dadka ku jira ay yihiin kooxaha dalka dibadiisa dhawaan ka yimid, halka xulashada laga doorbidayo doorashada,maxaa yeelay lama doonayo in xubnahu ay yareystaan awooda sharciyeed ee golahan cusub.

Top


Madaxa Baadhayaashii Hubka Ciraaq Oo Eedeeyey Britain.

Ninkii madax ka ahaa kormeerayaasha hubka ee Qaramada Midowbey ee ilaa iyo dagaalka Ciraaq ka dib, Hans Blix ayaa sheegay in dowladda Britain ay sameysay khalad aad u weyn markii ay sheegtay in Saddaam Xusseen uu ku ridi karo hubka sida baahsan wax u gumaada muddo 45 daqiiqadood gudahood ah.Hans Blix oo wareysi siiyey wargeys laga leeyahay dalka Britain ayaa sheegay, in uu aaminsan yahay in Ra'iisul Wasaaraha Britain, Tony Bliar, in uu sharaxaad dheeraad ah u yeelay xog ay dowladiisu heshay.

Wararka Mr. Blix ayaa soo baxay, iyadoo godoomiyaha gudi uu saaray baarlamaanka Britain, uu dalbaday in warar dheeraad ah laga siiyo, halka laga helay xogta kale oo ay dowladda Britain isticmaashay ee sheegaysa in ay Ciraaq ka raadinaysay Africa, in ay ka hesho yuraniyam.

Eedaytan ayaa waxaa beeneeyey ciidamada sirta ee Mareykanka ee CIA-da, hase yeeshee, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Britain, Jack Straw ayaa sheegaya in uu wali aaminsan yahay in xogtaasi ay tahay mid run ah

Top


Baarlamaanka Beljam Oo Ansixinaya Sharci Cusub.

Ra'iisal Wasaaraha Beljam, Guy Verhofstadt ayaa sheegay in uu la noqonayo sharciga lagu maransan yahay ee u ogolaanaya maxkamadaha Beljam in lagu qaado dacwad kasta oo la xidhiidha danbiyada dagaalka, iyadoon la eegeyn halka ay danbiyadaasi ka dhaceen.

Qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha dunida oo ay ka mid yihiin madxweynaha Mareykanka, George Bush, Ra'iisal Wasaaraha Britain, Tony Bliar iyo Ra'iisal Wasaaraha Israel, Ariel Sharon ayaa maxkamadaha Beljan waxaa loo soo gudbinin dacwooyin hogaamiyeyaashaa ka dhan ah.

Talaabadani waxay dhalisay in Mareykanku ay sheegaan in ay horistaagi doonaan in kharash dheeraad ah lagu bixiyo xarunta cusub ee NATO looga dhisayo dalka Beljam, ilaa iyo inta laga noqonayo sharciga maxkamadaha u ogolaanaya in ay dacwado ka dhan ah danbiyada dagaalka ay qaadaan.

Ra'iisal Wasaaraha Beljam ayaa sheegay in sharciga cusub uu khusayn doono oo kaliya dalka Beljam iyo dadka ajnabiga ah ee ku nool Beljam ee lagu eedeeyo in ay geysteen danbiyo ka dhan dagaalada.

Waxaa la filayaa in baarlamanku uu sharcigan cusub ansixiyo dhowrka todobaad ee soo socoda.

Top


Mudaharaad Balaadhan Oo Ka Dhacay Muqdisho.

Muqdisho (W.wararka) Waxa shalay magaalada Muqdisho lagu qabtay isu-soo-bax ballaadhan oo kumanaan dadweyne ahi ka qayb galen halkaasoo khudbado ay uga jeediyeen musuuliyiinta gobolka Banaadir iyo weliba madaxda dowladda KMG ah.

sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee Muqdisho Bannaanbaxaan oo uu soo qaban-qaabiyey maamulka gobolka Banaadir ayaa lagaga cabanayey heshiiskii lagaga dhawaaqay magaalada Nairobi ee shirka dib u heshiisiinta Soomaalida.

Waxaa bannaanbaxan ka qeybgalay dad fara badan oo ka kala socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, kooxaha muusikada ciidamada booliska, qaar ka mid ah fannaaniinta hobollada waaberi, ganacsato iyo siyaasiyiin, waxaana dadka lagu guubaabinayey baabuur ay ku rakiban yihiin sameecado in ay dadku shucuurtooda ku muujiyaan sida ay heshiiskaasi Nairobi u diiddan yihiin.

Heshiiskaasi ay inta badan hoggaamiyeyaasha kooxaha Soomaalida iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ayaa lagu dhawaaqay in lagu heshiiyey in tirada xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ay noqoto 315, muddada xilka dowladda Soomaaliyeedna afar sano isla markaana ay noqoto dowlad federaal ah iyo in xubnahaasi baarlamaanka ay soo xulaan hoggaamiye kooxeedka oo la tashanaya hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo qodobbo kale.

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdullaahi Xasan Ganey Firimbi oo halkaasi khudbad dheer ka jeediyey in heshiiskaasi uu gebi ahaanba ahaa mid lagu kala googoynayo Soomaaliya oo sida uu hadalka u dhigay dabataagan siyaasaddii gumaysiga ee ahayd qeybi ee xukun.

Cabdullaahi Firimbi waxyaabaha kale ee uu ka cawday isla markaana cambaareeyey waxaa ka mid ahaa waxa uu ku sheegay yasid oo loo geystay Carabnimada Soomaaliyeed iyo dhaqankeeda Islaamka oo sida uu sheegay lagu xaqiray heshiiskaasi.

Waxaa sidoo kale halkaasi khudbad kale ka jeediyey Ku-simaha ra'iisal wasaaraha dowladda KMG ah, Cabdi Guuleed Maxamed isla markaana ah wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka, kaasoo sheegay in dowladda KMG ahi oo uu horkacayo madaxweyneheeda ay si weyn uga soo horjeedaan heshiiskaasi Mbagathi lagu saxeexay oo uu ku tilmaamay in uu ahaa mid lagu shirqoolayayey danaha ummadda Soomaaliyeed.

Cabdi Guuleed waxa uu intaasi ku daray in labada gole ee dowladda KMG ahi ee wasiirrada iyo baarlamaankuba ay shirar ay ku yeesheen Muqdisho si buuxda isugu garab is-taageen madaxweynaha, wuxuuna sheegay in ay nasiib darro noqotay in madaxweynaha dowladda KMG ah oo jooga Nairobi aanan lagala tashan heshiiskaasi isla markaana lagu sharaf dilayey mujtamaca Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay iyagu xaq u leeyihiin in ay go'aan ka gaadhaan masaaliixda mutaqbalka Soomaaliya.

Bannaanbax sidoo kale lagu cambaareynayey shirkaasi ayaa dhowaan ka dhacay magaalada Balcad halkaasoo ay taageereyaasha hoggaamiye kooxeedka Muuse Suudi Yalaxow ku muujiyeen sida ay u diiddan yihiin heshiiskaasi.

Laakiin, haddana waxaa heshiiskaasi laga taageeray meelo kale oo dalka ka mid ah sida gobollada Bay iyo Bakool, qeybo ka mid ah gobolka Gedo iyo gobollada ismaamul goboleedka Putland.

Top


Wadahadaladii Aayaha Sudan Oo Burburay.

Nakuru ( W.wararka)Wadahaddalo dhowaanahanba magalaada Nakuru uga socdday dowlada Suudaan iyo Mucaaraddka ku kacsan ayaa hada waxaa la soo sheegayaa in ay istaageen ka dib markii la sheegay in ergadii dowlada Khartuum ka socotay ay Ka baxeen wadahadalada.

Wadahadaladan ayaa waxaa la sheegayaa in isfahan la'aan ay soo dhex gashay iyadoo bilowgii todobaadkan ay halkaasi ka bilowdeen.
Is aragan oo isagu daba jooga wadahaddalo horay ugu socday xukuumada Khartuum iyo mucaaraddka ku kacsan,ayaa warar sidaas usii buuran aanan laga haynin tan iyo intii ay bilowddeen waxaana ugu wacan amuurtaasi ka dib markii saxaafadda loo diiday shirkaasi oo ka socda magaaladda Nakuru ee dalka Kenya.

Sida wararku ay sheegayaan wadahaddalada magaaladda Nakuru ka socday waxaa ka baxay xubnihii dhinaca dowladda Khartuum ka socday oo sida la sheegayo arimo dhowr ah qoonsadday.

War saxaafaddeed ay dhowaan soo saartay xukuumadda Khartuum ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ayna u cuntamaynin ra'yi soo jeedin ay soo gudbiyeen qolooyinka IGAD ee iyagu dhexdhexaadinta waday iyagoo sidoo kalena aanan ku qanacsanayn oo warbixintaasi ku sheegay inayna ku qanacsanayn halka dhexdhexaadiyayaashu ay ka taagan yihiin amuurtan la isku hayo.

Iyagoo sidoo kale sheegay in dhexdhexaadiyayasha wadahadalkan Sudan ay la yimaadaan amuur isu dheeli tiran oo shaqayn karta mustaqbalka.

War saxaafadeedkaasi waxaa kaloo ay xukuumada Khartuum ku sheegtay in dowlada Suudan ay ku faraxsan tahay waxyaabihii ururka IGAD ay ka soo qabteen xal uu raadinta Qadiyada dalka Suudaan ilaa iyo hada.

Dowlada Kenya oo iyadu marti galinaysay shirarkan amuurta Suudan looga wadahadlayo ayaa mudaba waxa ay ku mashquulsanayd sidii xal loo gaadhi lahaa.

Waxaana ilaa sanadkii hore ay dhowr jeer labada dhinac ku kulmeen magaaladda Machakos ee dalkan Kenya.

Mushkilada dalkan Africa ugu balaadhan ayaa iyadu waxa ay ahayd mid soo jiitamaysay sanado badan dagaaladii jirayna waxa ay sababeen dhimasho badan halka dad gaadhaya ilaa afar milyan ay ku barakaceen kuwaasoo ilaa iyo maanta qaxooti ku ah wadamadda dariska la ah Suudaan oo Kenyaba ka mid tahay.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Ilayska Yar Ee Geeska Afrika Ka Bidhaamay, Ictiraafkiisa Talyaanigaa Toos U Hortaagan.

Hargeysa online-Maqaal Siyaasi iyo Taariikhi-ba ah oo aad u dheer oo waliba dhinacyo badan kaga waramay Taariikhda, Siyaasada, Dhaqaalaha, Nabadgelyada, Gooni isu taaga iyo Aqoonsi la'aanta Somaliland ayaa ku soo baxay Wargays Caan ka ah Denmark oo layidhaahdo POLITIKEN.

Wargayska ayaa bishii June 15-keedii Dabacay Maqaal Siyaasi ah oo uu Ciwaan uga dhigay ILAYSKA YAR EE GEESKA AFRIKA KA BIDHAAMAY.

Maqaalka waxa Qoray Suxufi u Dhashay Denmark oo layidhaahdo Jesper Strudsholm, Suxufigaas oo Socdaal ku tegay Somaliland iyo Somaliya-ba markii uu Uruurinaya Faaladan iyo mid kale oo iyana aad u dheer oo uu ka Qoray Somaliya.

Mudane Jesper wuxuu Qoraalkiisii ku Bilaabay, Xilligu waa Arooryo hore ama Saalad hore Meeshuna waa Tuulo yar oo layidhaahdo Boon, kuna taala Waqooyigii Somalia oo Toban Sano ka hor isku dayday in Dunida inteeda kale ka iibiyaan in layidhaahdo JAMHUURIYADA MADAXABANAAN EE SOMALILAND.

Tuuladda Boon waxa ka dhacaayey Dabaylo yar oo aad ku tilmaami karto in ay ka soo Doogeen Colaadihii lana kulmeen Xilligan Nabada iyo Dib-udhiska.

1991 ayey Somaliland kala soo noqotay Xoriyaddeedii Somaliyadii kale kuna tidhi Maca-Salaama iyada oo Laftimeereed ka daba tuurtay Dagaal Oogayashii Koonfurta.

Siyaasadda Hogganka Somaliland.

Hogaanka Somaliland ayaa ku Hawlan arrimaha la Xidhiidha Aqoonsi la'aanta ku Habsatay Dalkoodaa yar.

Edna Adan Ismail oo ahayd Wasiirka Arimaha Bulshada markaa uu waraystay Suxufigu Sawirkeeduna ku soo baxay wargayska ayaa tidhi “Waanu u Caddaynay Mawqifkayaga Siyaasiga ah iyo Buuxinta Shuruudaha Qaranimo Ururadda Caalmka sida UN-TA, OAU iyo Ururka Jaamacadda Carabta”.

Dhaqaalaha iyo Dakhliga soo gala dalka.

Todoba meelood meel ahaan Kharashkii ku baxay samayntii Film-ka la yidhaahdo* The Matrix reloaded ayey u Dhigantaa Miisaaniyada Somaliland oo ah 100 Million oo krone (19 Million US Dollar).

Miisaaniyadaas oo inta badan loo isticmaalaayo arimaha Nabadgelyada.

Caawimada Debeda Iyo Masaariiftada ay Qurbe-joogu soo diraan ayaa Dakhliga Dalku ku tiirsanyahay.

Tartankii Doorashadda Madaxweynenimada oo lagu kala Guulaystay tiro aad u yar oo mar lagu sheegay 80 cod marna lagu sheegay 400 oo cod.

Dhaqaalo Xumida ka jirta S/land waxaad ka Garanaysaa Dabaaldegii maalintii 18 May oo La xusaayey Xornimadii Madaxbanaanida Dalka.

Munaasibadaa oo uu joogay Madaxweyne Dahir Rayaale ayey Wasiiradiisu ku Fadhiyeen Salaamadda Sibidh-ka ah iyagoo xataa awood u waayey in ay ku fadhiistaan Kuraasi Caag Ah.Wasiiradda oo aan dan ka lahayn waxa ay ku fadhiyeen iyo Qaabka u fadhiyeen ayaa Dhegaha u furay Heesihii Wadaniga ahaa ee Qiirada xambaarsanaa oo ay soo lalinayeen Samaacadihii Qaylada dheeraa ee ku xeeraa Goobta lagu Dabaaldegayo.

Dadweynihii ka soo Qaybgalay Dabaaldega iyo Masuuliyiintii Dawlada ayaa Dhamaantoodba U arkayey in Dabaaldegii si fiican u dhacay Maadaamaa laga Badbaaday Shirqool iyo Minjo-xaabin laga baqaayey in ay ka yimaadaan Xisbigii Cartamaayey ee Mucaaridka ahaa ee ku Gooldaraystay Tartankii Doorashada.

Mudane Rayaale oo ku Guulaystay tiro aad u yar ayaa loo adeegsadaa Murti Somali ah oo Tidhaahda ( Nin la sigay ma Nabadgalin).

Waxa kale oo jira ama soo shaacbaxay in Dhalinyaro fara-badan oo aan Qaangaadh ahayn Xaqna u lahayn in ay codeeyaan iyo waliba Dad kale oo badani ay Afar-Afar jeer Codeeyaan, Xisbigay doonaanba ha siiyaan Codkoodee.

Taasina waata keentay in Xisbiyadii Mucaaridka ahaa mid ka mid ah ay Xumaddiisu Cirka Isku Shareerto, Arintana uu Gaadhsiiyo Maxkamadda Sare iyo waliba Dareen Cabsiyeed oo ku Salaysan Dagaal Qabiil.

Argtida Aqoonyahanada ee ku jahaysan Doorashadii Madawynaha.

Hogaanka Xisbiyada Mucaarid-ku waa Muwaadiniin Dalkooda jecel anaguna waa ognahay iyana waa ogyihiin Dhibaatada Dagaalka.

Codkayagii ayaanu siinay.....laakiin Codkayaga u maanu siinin in ay Madaxnimo ku Diriraan oo Xaalad Qalafsan Dalka ka Abuuraan, Somaliland waxa ay ku Qotontaa Isu-Dulqaadda Qadarin Huwan, Sidaa waxa yidhi Ismail Mohamed Abdi oo ah Aabe 9 Caruurahi ugu Dhalatay intii Dalku Nabada dhadhamiyey.

Mudane Ismail oo iminka ah Hogaamiyaha ururka Badbaadada Caruurta Somaliland ayaa waxa uu Guursaday Xilligii oo Dalku Colaadaha iyo Qaska ku jiray, isaga oo ka Faa'idaysanaaya in aanu bixin Yarad-ka faraha badan ee la kala Qaato wakhtiga caadiga ah ee Nabadu jirto.

Astaamaha Qarnimo.

Somaliland waa u dhanyihiin Astaamihii Qaranimo, sida Calan, Golahii Shacabka iyo Kuwii Degaanka, Lambarkii Gaadiidka, Lacag u gaar ah oo uu Sicirbarar ku habsaday.

Boorame, dadka faro ku tiriska ah ee Jaamiciyiinta ah ee ku soo laabtay Dalka si Ay u furaan Jaamicaddii u horaysay ee dalka laga furo, waxa ka mid ah Mudane Sulieman Ahmed Guuiled.
Goobta jaamicadda ama dhismaha ayaa ahaa Dugsi sare oo 1950-tamadii uu Taliskii Ingiriisku dhisay.

Maktabadda Jaamicadda ayaa ah meesha kaliya ee laga helo 80,000 oo Buug marka loo Eego Dhulka ay deggenyihiin Dadka Afka Somaaliga ah ku hadlaa.

Halka aanu Maktabadaa weyn ka leenahay, Mogdishu waxay leedahay Bakhaaro waa weyn oo Hub khatar ku ah Geeska Afrika oo dhan lagu kaydiyo.

Nabadi Dalkayaga waa ka jirtaa.....laakiin Noloshu Nabada oo kaliya ma aha, dadkana shaqo la'aan ayaa haysata, waxa aanu ku qancinaa waa Rajo, sidaa waxa ku waramay Mudane Sulieman.

Xidhiidhkii dhexmaray Dawladihii ka jiray Denmark iyo Somaliland Sanadkii 1997 ee Abuuray Fadeexadii la magac baxday KA GANACSIGII BINU-AADANKA.

Dawladii uu hogaaminaayey Madaxweynihii Geeriyooday M.Ibrahim Egal Sanadkii 1997 iyo Dawladii Denmark ee uu Talada u hayey Xisbigii Social Democrati-gu ayaa ku heshiiyey in Qaxoontiga u dhashay Somaliland ee Sharciga looga diido Denmark in lagu soo celiyo Dalkooda, Somaliland-na Jeebka loogu shubo lacag dhan 53 million oo ah Danish krone (8 million Dollar) Iyadoo lagu magacaabaayo Mucaawino iyo Dib- udajin loogu deeqayo dadkaa la soo celinaayo.

Heshiiskii oo aan dhaqan galin ayaa Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ee Denmark ka war heleen oo Talo Faro ka haaday arintiina cirkaa ku shareerantay. Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ayaa Xisbigii Dawlada hayey ku Canbaareeyey in uu Heshiis la galay Binu-aadan-nimada ka dhan ah Maamul yar oo uu hogaaminaayo Qabqable Dagaal, kuna Shaabadeeyey heshiiskii magac ah KA GANACSIGA BINU-AADANKA.

Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ayaa iyaga oo ka Duulaaya Qodobo Sharciya yidhi 50 Qof oo Qaxoonti ah oo lagu celinaayo Dalkoodii ayaa lagu kala iibsanayaa 53 million oo krone ......Garo oo Qofkiiba Waa 1 million oo krone.

Muddo ka bacdi markii Xiisadii dantay oo la iska ilaawey arintiiba ayaa Dawladii Denmark si dadban oo hoos-hoos ah Hawshii u Fulisay, Maamulkii Somaliland-na Qayb libaax laga siiyey lacag dhamayd 120 million oo krone (18 million Dollar) oo Somalia oo dhan loogu talo-galay, isla-markaana 14 Qof oo Somalilander ah laga soo celiyey Denmark oo lagu keenay Hargaysa sife Qasab ah.

Qaramada Midoobay iyo Qadiyada Somaliland.

Ku adkaysiga Somaliland ee Madaxbanaanideeda ay ku adkaysanayso, waxa uu ka dhawaajiyey Hogaanka UN-ta u Qaabilsan arimaha Somalia.

Mr Maxwell Gaylard oo ahaana jiray Agaasimihii Siyaasada ee ururka British common wealth.

Mr Maxwell ayaa yidhi Somaliland waxa ay u shaqaynaysaa sida wanaagsan ee wadamo badan oo Common Wealth-ka ahi uga Faa'idaysanayaan Arimaha Aayahooda Mustaqbal, Mr Maxwell isaga oo hoosta ka xariiqaya Eraga AQOONSI ayuu yidhi.....Taasi waxa ay toos u khusaysaa wadamada xubnaha ka ah ururka.....lakiin UN-ta institution-keeda ma hoos i manayso.

Denmark oo Urruka Midawga Europe soo hordhigtay Qadiyada Somaliland una Ololaysay Aqoonsi, Ayaa Talyaanigu si toos ah isu Hortaagay.
Talyaaniga oo gumaysan jiray koonfurta Somalia ayaa si toos ah isu hortaagay ololihii Denmark ka dhex waday ururka Midawga Europe ee ay ugu raadinaysay Aqoonsiga Somaliland, Europe ayaa iminka (officially) ku jahaysan in shirka dib-u- shiisiinta ee konfurtu cagaha dhulka ugu Qotominaayo somalia.

Waa deg-deg in iminka laga hadlo MADAXBANAANI iyada oo si xoogan loo Maalgaliyey in Somalia laga soo saaro Hoga, taasi cilad iyo daxal ayey ku keenaysaa mashiinkan soconaaya sidaa waxa yidhi Giorgio Giacomelli oo ahaa Danjirihii Talyaaniga u fadhiyey Somalia iminkana ah la-taliyaha ku Gadaafan Shirka dib-u-heshiisiinta ee Somalida.

Isaga oo farta ku fiiqaaya Mr, Giorgio Somaliland iyo Puntland ayuu yidhi, Damaca MADAXBANAANIDU Waxa uu keenayaa isku dhac Goboleed sida Dagaal Xuduudeedka ka oogan Ethiopia iyo Eriteria ee ka dhashay Madaxbanaanidii Eriteria.

Dhamaad..................

Waxa soo diyaariyey soon tarjumay Osman Abdillahi Sool....Copenhagen 10/07/2003. E-mail: sooldhuub@hotmail.com

Top


Marxaladihii Kala Duwanaa Ee Uu Soo Maray Xukunkii Sadaam Xuseen.

1.Sida ay qoreen Diiwaanada Taariikhda ee Dalka Ciraaq SADAM XUSEEN waxa uu dhashay sanadkii 1937kii,waxaanu ku dhashay Magaalo baqdaad waqooyi ka xigta oo la yidhaahdo TIKREET.

2.Sanadkii 1957kii SADAM XUSEEN waxa uu ka mid noqday xisbigii ALBACAS oo wakhtigaa si Qarsoodi ah u Shaqayn jirey,wakhtigaa SADAM wuxuu ahaa 20 jir.

3.Sanadkii 1959kii SADAM wuxuu ka qeybgalay Inqilaab Fashilmay oo la Doonayey in Xukunka lagaga qaado Madaxweynihii markaa talada dalka Ciraaq hayey oo la odhan jirey CABDILKARIIM QAASIM
cabdilkariim qaasim wuxuu ahaa Sarkaalkii Baabiiyey Nidaamkii Boqortooyada ee lagu Maamuli jirey Ciraaq isla markaana Sameeyey JAMHUURIYADA CIRAAQ Sanadkii 1958kii.Inqilaabkaa fashilmay awgii SADAM wuxuu u baxsaday Dalka Masar.

4.Sanadkii 1963kii SADAM wuxuu ku soo laabtay Ciraaq ka dib Markii xisbigiisii ALBACAS uu qabtay talada dalka.

Inqilaabkaas waxa hogaaminayey CABDI SALAAM CAARIF.Sagaal bilood ka dib SADAM waxa loo taxaabay xabsiga.

5.Sanadkii 1966kii SADAM waxa uu ka baxasaday xabsigii.

6.Sanadkii 1968kii SADAM waxa loo dooratay xubin ka tirsan Hogaanka sare ee XISBUL BACAS,iyo Kalkaaliyaha Gudoomiyaha Ururka.Isla sanadkaa 1968KII ayey Inqilaab Military Taladii Dalka kula wareegeen XISBIGII AL BACAS oo uu hogaaminayo AXMED XASAN ALBAKRI oo ay SADAM isku magaalo ka soo jeedaan (TIKREET )Sidaana AXMED ALBARI waxa uu ku noqday Mdaxweynaha Dalka Ciraaq,halka uu SADAM XUSEEN ka noqday ku Xigeenka Madaxweynaha, SADAM Da`diisu Xiligaa Waxay ahayd 31sanno.

7.Sanadkii 1972kii Ciraaq waxay heshiis wax wada qabsi iyo iskaashi oo mudadiisu tahay 15 sanno la saxeexatay Dowladii Midowga Soofiyeeti, Arintaas oo aan farax gelin Dowladihii Reer Galbeedka ee Danaha ka lahaa Ciraaq Ingiriisku haba ugu horeeyee. Isla sanadkaa 1972-1973 waxa kor u kacay soo Saaristii iyo Dhoofintii Shidaalka Ciraaq, lacagtii ka soo baxdayna waxa lagu horumariyey wershadaha, Waxbarashada, Dhaqaalaha, Adeega guud IWM taasina waxay Dadka reer ciraaq ka dhigtay dadka ugu Nolol Wanaagsan Dalalka Carabta.

8.Sanadkii 1974kii waxa bilowday kacdoonkii ugu horeeyey ee KURDIYIINTA oo uu taageerayey SHAHII IIRAAN ee reer galbeedku ka dambeeyeen,arintaas oo Ciraaq ku kaliftay inay Miiska wada hadalka la soo fadhiisato Iiraan ,si ay uga wada hadalaan Waxyaabihii ka dhashay waxa ka mid ahaa In si siman labada dal u kala qeybasdaan Marin Biyoodka loo yaqaano SHADUL-CARAB,taa badalkeedana SHAAH waxa uu balanqaaday inuu taageerada ka joojinayo KURDIYIINTA waanuu fuliyey,taasina waxay keentay in Kacdoonkii Kurdiyiinta halkaa ku Damo.

9.Sanadkii 1979kii ayuu SADAM XUSEEN qabtay talada dalka Ciraaq ka dib markii uu iscasilay -ama la casilay- sababo caafimaad awgeed Madaxweynihii Dalku Mr AXMED XASAN ALBAKR.

10. 8dii,Mar,1980kii ayaa la sameeyey golaha wadaniga ah ee Ciraaq (BARLAMAANKA) oo xubnihiisa si toos ah loo soo doorto muddo afar sanadood ah.

11.22kii,Sep,1980kii waxa bilowday Dagaalkii Ciraaq iyo Iiraan oo socday muddo Sideed Sanadood ah, Dad badanina labada dhinacba kaga dhinteen.

12.7dii,june,1981kii Diyaaradaha Dagaalka ee Yuhuuda ayaa burburiyey Wershadii Nuclearka ee Dalka Ciraaq,Wershadaas oo dalka faransiisku dhisay.

13.17-18kii,Mar,1988kii Ciidamada Ciraaq waxay ku Garaaceen Tuulada XALABJA ee kurdiyiintu degaan hubka kiimikada ah, taas oo keentay dhimasho gaadhaysa shan kun oo qof oo isugu jira rag dumar iyo caruurba.

Arintan Aduunweynuhu si weyn ayuu u Cambaareeyey,laakiin Dowlada Maraykanku waxay sheegtay in kurdiyiintu aanay ahayn hadaf ama target ay leeyihiin ciidamada ciraaq ayna dhici karto in Iiraan ay ka dambeysey Arintaa.

14.20kii,Aug,1988kii Ciraaq iyo Iraan waxay wada gaadheen Heshiis Xabad joojin ah oo lagu soo Afjarayo Dagaalkii u Dhaxeeyey labadooda.

15.6dii, Sep, 1988kii waxa cafis guud loo fidiyey kurdiyiintii mucaaridka ahayd marka laga reebo ninka siyaasiga ah ee la yidhaahdo JALAL DALABANI oo isaga loo arkay nin aan istaahilin cafis Maadaama uu horsed ka ahaa kacdoonkaa kurdiyiinta.

16.16kii, Feb,1989kii waxa la sameeyey Golaha Iskaashiga Carabta oo ay xubno ka ahaayeen Ciraaq,Urdun,Masar,iyo yementii waqooyi xiligaa.

17.2dii,Aug,1990kii Ciraaq waxay ku duushay Kuwait,isla 6dii Aug Qaramada Midoobay waxay Ciraaq ku soo rogtay Cuno-qabatayn ,isla 25 Aug, waxa Qaramada Midoobay Ogolaatay in Ciraaq xoog lagaga saaro Kuwait haddii ay Diido in ay si Nabad-Gelyo ah kaga baxdo.

18.17kii,Jan,1991kii Ciidamada Maraykanka oo horkacaya Xulafo Gaadhaya 33 Dowladood ayaa weerar ku qaaday Ciraaq si Kuwait looga saaro.

19.27kii,Feb,1991kii Ciraaq waxa laga saaray Kuwait, Maalin ka dibna waa 18kiiye Ciraaq waxay ogolaatay xabad joojin.

20.7dii,Mar,1991kii waxa bilowday kacdoonkii Kurdiyiinta Ciraaq ee Waqooyiga iyo Kacdoonkii Shiicada ee Koonfurta.

21.27kii,Aug,1991kii waxa laga sameeyey koonfurta Ciraaq aaga duulimaadka Diyaaradaha ka caagan, Sidoo kalena waqooyiga ayaa laga sameeyey.

22.13-18kii,Jan,1993kii Ciidamada xulafadu waxay weeraro xaga cirka ah ku qaadeen koonfurta Ciraaq iyo Wershad ku taalay Duleedka Baghdad weerarkaana waxa ku dhintay 44 qof oo rayid ah.

23.27kii,Jun,1993kii 23 Gantaal oo nooca TOMAHOK loo yaqaan ayaa lagu ridey Xaruntii Sirdoonka Ciraaq ee Baghdad, Weerarkaas oo sida la sheegay lagaga jawaabayey isku day ay ciidamada sirdoonka ee ciraaq isku dayeen in ay dilaan Madaxweynihii Maraykanka Jorge bush (odaygii) isaga oo jooga Kuwait.

24.26kii,Nov,1993kii Ciraaq waxay ogolaatay shuruud la`aan go`aankii Golaha Amniga ee Numberkiisu ahaa 715 kaas oo dhigayey in la hubiyo lana baadho hubka ciraaq.

25.Bishii Oct,1993kii waxay Ciraaq Ciidamo soo dhoobtay xadka ay la leedahay Kuwait iyada oo kaga jawaabaysay Maraykanka oo ciidamo aad u faro badan geeyey xadka ay Kuwait la leedahay ciraaq oo dhinaca Kuwait ah.

26.10kii,Nov,1994kii Ciraaq waxay si rasmi ah u Aqoonsatay Dalka Kuwait iyo xuduudiisa.

27.14kii,Apr,1995kii Ciraaq waxay diidey Go`aankii Qaramad Midoobay ee Numberkiisu ahaa 986 kaas oo ka hadlayey iib geynta Saliida Ciraaq oo lagu soo bedelayo Raashin iyo Dawooyin.

28.8-22kii,Aug,1995kii waxa Dalka Ciraaq ka baxsaday oo u baxsaday Urdun XUSEEN XASAN KAAMIL AL MAJIID oo SADAM XUSEEN innantiisa qabay Masuulna ka ahaa Barnaamijka Hubka Ciraaq.

29.15kii,Okt,1995kii waxa Dalka Ciraaq laga qabtay Aftidii ugu horeysey tan iyo intii uu xukunka Ciraaq hayey Madaxwene Sadam Xuseen,Aftidaas oo natiijadii ka soo baxday ay noqotay 99.96%.

30.23kii,Feb,1996kii waxa Dalka Ciraaq ku soo laabtay XUSEEN AL MAJIID oo hore ugu baxsaday dalka urdun Sir Ciidan oo dalku lahaana u Gudbiyey shisheeye, Soo noqodkiisii saddex cisho ka dib aya la diley , iyada oo ay dileen niman qoyskiisa ahi.

31.20kii,May,1996kii Qaramda midoobay waxay fududeysay Cuno-qabatayntii lagu hayey dalka ciraaq taas oo keentay in ay heshiis wada gaadhaan xukuumada ciraaq iyo qaramada midoobay, heshiiskaas oo qeexayey sidii saliida ciraaq dibeda loogu iib geyn lahaa taa bedelkeedana ciraaq u soo iibsan lahayd waxyaabaha loo baahan yahay sida raashinka iyo dawada oo kale.

32.13kii,Nov,1997kii Ciraaq waxay u diidey koox Maraykan ah oo la socday baadhayaasha hubka ee qaramada Midoobay in ay soo galaan amaba ka shaqeeyaan dalkeeda, iyada oo ku tilmaantay inay yihiin basaasiin maraykan ah.

33.18-19-20kii,Nov,1997kii Ruushka iyo Ciraaq ayaa isla gaadhay heshiis dhigaya in dhamaanba baadhayaasha hubku iyada oo aan jinsiyad loo kala eegahayn ay hawshooda isla hadaba ka bilaabi karaan dalka Ciraaq.

34.16-19kii,1997kii Ciraaq waxa lagu qaaday weerar gantaalo ah ka dib markii muran ka dhex oogmay kooxdii baadhayaasha ahayd iyo ciraaq, saddex maalmood gudahood ciraaq waxa lagu ridey shan boqol oo gantaal.

35.17kii,Dec,1999kii Golaha Amnigu waxa uu soo saaray Go`aankii Numberkiisu ahaa 1284 kaas oo dhigayey in hab cusub oo loo baadho loo sameeyo hubka khatarta ah ee ciraaq.

36.15kii,Okt,2002da waxa Shan sanno Dib loo Doortay inuu talada dalka hayo Madaxwene Sadan Xuseen iyada oo codadka uu helay ay ahaayeen 100%.37.27kii,Nov,2002da khubarada hub ka dhigista dalka ciraaq waxay dib u bilaabeen hawshoodii ka dib markii golaha Amnigu uu soo saaray Go`aankii Numberkiisu ahaa 1441 Go`aankaas oo Ciraaq ka dalbanayey inay soo bandhigto barnaamijka hubka kiimikada iyo biologyga iyo nuclearka ee ay haysato iyo sidoo kale gantaalaha meesha dheer wax ka dila ee ay leedahay iyo in ay si bilaa shuruud ah ula shaqayso baadhayaasha hubka ee dalkeeda jooga.

38.7dii,Dec,2002da Madaxweyne Sadam waxa uu cudur-daar u jeediyey shacabka reer Kuwait isaga oo ka raali gelinaya weerarkii ay ciidamadiisu ku qaadeen Kuwait sanadkii 1990kii. Intaa wixii ka dambeeyey waa Faallo ma leh.

Top


C/qaasimaw falaadhi gilgilasho kaagama go’do.

Aniga oo ah muwaadin u dhashay Somaliland, waxaan maqaalkaygan kaga digayaa in bulshada caalamka indhaha ku sii haystaan madax banaanida iftiinka yar ee Afrika u bidhaamay, taas oo caalamka meel kasta oo ka mida u muuqanaysa, sidaas daraadeed waxaan warkaa C/Qaasim nin cadaawad weyn u haya Somaliland waxaanu xusuusanayaa inuu ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee Afweyne, wakhtigaas oo ahayd wakhtigii ay dhacayeen xasuuqii goboladii waqooyi ee naxariis darrada ahaa, waxaanu kugu ogaynaa inaad ku jirto liiska gacan ku dhiiglayaashii baabi’inayey karaamada Somaliland ee waliba siyaad barre daba dhilifka u ahaa, waxa aanu leenahay ka joog maskaxdaadan qabo ee meel waliba afka kuu gelisa, kolba dawladda baad eedaysaa, bilaa sabab, waxaan u malaynayaa inaad dhagaraha dambiga badka fakanayso, si laguugu soo oogin, waxa aad iska tahay cadawga Somaliland, u qabtid, waa lagaa shidi, haddii aan u soo noqdo maqaalkaygan Somaliladn waa dawlad horumartay oo aydaan hawaysan karin, waxaanu u arkaa C/Qaasim iska indho dhodahaya, nin daad qaaday xubno cuskay, mashruucii lacag urursigaan wuu dhamaadaye shacabka Koonfurta lugta haku walaaqin, waxaan ku soo gabagabaynaynaa nin inaa seed u ahaa geelii uu raacay oogada kaga tagay, dabadeena ka seexday inanka yaraa geelii dabadeed ni geelii doonay, oo helay dabadeed kii ku yidhi intaan ka xishooday hadduu seedigaa gaban yahay, geellase raaco oo aanad guul-guuli, karayn geeliise halaabayse hayn waad qalqaalbaaye.

Maxamed Ibraahim Ismaaciil, Hargeysa. 

Top


WAADIGA CIYAARAHA: Maraykanka Iyo Kanada Oo Guulo Ka Gaadhay Ciyaarihii Furitaanka CONCACAF Golden Cup.

A/fataax M. Caydiid

Foxboro, Massachusetts (W. Wararka) - Laba gool oo ay dhaliyeen ciyaartoyda Eddie Lewis iyo Brian McBride, ayaa ku caawiyay xulka Dalka Maraykanka in ay bilaabaan difaacashada koobka ay haysteen ee koobka Dahabka ah ee CONCACAF, kadib markii ay 2-0 kaga adkaadeen xulka dalka El Salvador sabtidii dorraad, iyadoo ay isla habeenkaa dalka Kanada 1-0 kaga adkaadeen Costa Rica.

Ciyaartan oo inteedii badnayd ay gacan sareeyeen ciyaartoyda dalka USA, waxay ku nasiib-daraadeen in ay dhaliyaan laba gool 10 daqiiqo ee ciyaarta ugu horeeyay, kadib markii goolwadaha ciyaartoyda El Savador, Juan Gomez ka badbaadiyay goolkiisa ciyaartoyga Earnie Stewart, ka hor inta aanu ka badbaadin Pablo Mastroeni laad xoogan oo ku laaday.

Lewis, waxa uu gidaarkii gooldhalinta jebiyay daqiiqadii 28aad, kadib markii ciyaartoygan khadka dhexe ka ciyaaraa lugtiisa midig kaga laaday goolka meel 14 mitir u jirta, taas oo si wanaagsan u dhaaftay goolwade Gomez, isagoo daqiiqad ka hor nasashadii ciyaarta u dhawaaday inuu goolkii labaad dhaliyo, balse laadkiisii uu dul maray goolka.

Ciyaartoyda USA, waxay inta badan aamusiyiin taageerayaashii El Salvador oo ku dhawaa 33, 652 qof, kadib markii McBride uu kordhiyay natiijadii ciyaarta daqiiqadii 15aad ee qaybtii dambe ciyaarta, taas oo uu madaxa ku dhuftay kubad uu soo karoosay ciyaartoyga beddelka ku soo galay ee Steve Ralston.

Goolkaasi waxa uu ahaa goolkii 21aad ee uu dhaliyo McBride 69 ciyaarood oo uu saftay dalka USA, waxaanay taasi geysay kaalinta saddexaad ee taariikhda kubadda cagta ee gooldhalinta dalka USA.

Ciyaartoyga khadka dhexe uga ciyaara Sunderland, Claudio Reyna oo ciyaaraha ka maqnaa 8 bilood isagoo dhaawac ka soo gaadhay jilibka, ayaa markii ugu horeysay u saftay tan iyo koobkii adduunka, ciyaar wanaagna muujiyay 60 daqiiqo ee ciyaarta ku jiray ka hor intii aan lagu bedelin Clint Mathis.

Ciyaartii ka horeysay tan, gool qaybtii labaad ee ciyaarta uu dhaliyay Paul Stalteri ayaa siiyay Kanada in ay kaga guulaysato 1-0 dalka Costa Rica.

Costa Rica, waxay kala horeynta xulalka adduunka kaga jirtaa kaalinta 18aad - marka Kanada la barbar dhigo waxay ku jirtaa kaalinta 78aad, iyadoo sidaas awgeed ay Costa Rica ugu sareyso Group D, laakiin ay guuldaraysatay in ay ka faa’iidaysato fursadihii gool dhalinta, gaar ahaan qaybtii hore ee ciyaarta. Taas oo ay qiimaheedii bixiyeen, kadib markii ciyaartoyda Kanada heleen fursadii guusha ay ku hanan lahaayeen oo uu daqiiqadii 59aad u dhaliyay ciyaartoyga Stalteri, taas oo uu ciyaartoyga khadka dhexe ee Jason Bent kubad kala soo orday dhinaca midig, kadibna difaacyahanka Costa Rica, Luis Marin uu guul-daraystay inuu kantaroolo karooskaas Bent, kadibna Stalteri ayaa helay fursad, waxaanu kaga garaacay goolwadaha Ricardo Gonzalez meel 16 mitir u jirta goolka.

Koobkan oo kii 7aad ee 12-ka xul, waxa kale oo ka mid ah wadamada ka soo qayb-galay: Guatemala, Kuba, Jamayka, Honduras, Mexico, Martinique iyo laba dal oo laga soo casuumay Qaarada Koonfur Ameerika oo ah Brazil iyo Kolombiya, waxaanay loo kala qaybiyay afar qaybood ama guruub, waana sidan:

Group A

Mexico, Brazil iyo Honduras

Group B
Kolombiya, Guatemala iyo Jamayka

Group C
Maraykanka (USA), El Salvador iyo Martinique
Group D
Costa Rica, Kanada iyo Kuba

Top


Okocha Oo Sheegay Inuu Jecel Yahay Ku Biirista Chelsea, Juan Sabistian Veron Ma U Wareegi Doonaa Chelsea?

Ciyaartoyga Nayjeeriga ah ee khadka dhexe uga ciyaara kooxda Bolton, ayaa sheegay inuu jecel yahay inuu u wareego kooxda Chelsea.

Ciyaartoygan reer Nayjeeriya wuxuu Bolton ku caawiyay in ay ku sii negaato tartanka Premiership-ka, taas oo uu muujiyay ciyaar-wanaag dhammaad tartanka xilli-ciyaareedkii ugu dambeeyay. Laakiin 29-jirkan wuxuu sheegay inuu rajaynayo inuu khibrad ka qaato ciyaaraha kubadda cagta ee Yurub, taas oo uu qaadan doono haddii Chelsea u fidiso.
“Anigu weli waan u hanweynahay”, ayuu Okocha, waxaanu raaciyay oo uu yidhi: “Sannad ayaa weli iiga hadhay qandaraaskii Bolton, waanan ku degganahay halkan, laakiin odhan maayo ma aqbalayo haddii ay heshiis ii fidiso Chelsea. Waa koox ka fiican tan, waxaanay ciyaari doontaa Tartanka Horyaalka kooxaha Yurub, halka ujeedada Bolton ay ku egtahay Premiership-ka.”

Ciyaartoygan hore ugu soo ciyaari jiray kooxaha Eintracht Frankfurt, Ferenbache iyo Paris St Germain waxa uu dhaliyay toddoba gool 31 ciyaarood oo uu u saftay kooxda Bolton.

Kooxda Chelsea waxay xidhiidh badan la samaysay ciyaartoy aad u tiro badan tan iyo intii uu kooxda iibsaday ninka Ruushka ah ee Roman Abramovich.

Dhinaca kale, ciyaartoyga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Manchester United, Juan Sebastian Veron ayaa la sheegay inuu xidhiidh u wareegis ah la leeyahay kooxda Chelsea, sida ay warbixino ka qoreen Wargeysyo dhawr ah.

Wargeyska The Observer, ayaa sheegtay in la rajaynayo inuu Veron ugu wareego kooxda Chelsea heshiis ₤ 14 milyan (Afar iyo toban milyan oo giniga Ingiriisiga ah) - taas oo u dhiganta kalabadh qiimihii ay Manchester United laba sannadood ka hor kagala soo wareegtay Lazio - kadib marka heshiiska Ronaldinho ugu soo wareegayo Old Trafford la dhammaystiro. 

Top