Ciidamada Mareykanka Ee Ku Sugan Djabouti Oo Duqayn Laxaad
Leh U Geystay Dhul Somaliland Ka Tirsan, Waxa ku waxyeeloobay ugaadh iyo
duur-joog naadir ku ah dalka.
Golaha Guurtida Oo Ka Dooday Arimaha Bulshada.
Golaha Wakiilada Oo Taageeray
Mawqifkii Guurtida Ee Shirka Soomaalida Ee Kenya.
Xusuusta Xasuuqii Xeebta Jasiirta
14-Sano Ka Hor.
Waa Tuma Edna Aadan?
Raadyow Ma Qaloocshe, A. A. Garas.
Hindiya Oo Diiday Inay Ciidamo U Dirto
Dalka Ciraaq.
Baqdaad.
Maxaa Ka Soo Baxay Shirmadaxeedkii
Afrika?
Bom Lagu Qarxiyay Baarlamaanka
Indooniisiya.
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Warqad Furan.
Aynu Ilaalino Qaranimada.
Cadaalad Daro Waa Cadaab.
WAADIGA CIYAARAHA, A/fataax M.
Caydiid.
Mexico Oo 1-0 Kaga Adkaatay Brazil
Tartanka CONCACAF Gold Cup.
|
|
Ciidamada Mareykanka Ee Ku
Sugan Djabouti Oo Duqayn Laxaad Leh U Geystay Dhul Somaliland Ka
Tirsan, Waxa ku waxyeeloobay ugaadh iyo duur-joog naadir ku ah dalka. |
Hargeysa (Haatuf): Ciidamada Maraykanka ee
ku sugan dalka Djibouti ayaa la sheegay inay maalintii doraad duqeeyn
cirka ah u geysteen jasiiradda Ceebaado ee Somaliland.
Jasiiraddan Ceebaado waxay ku taalaa meel u dhaxaysa Saylac iyo Jasiiradda
kale ee weyn ee Sacaada-Diin, iyaduna raacsan xuduuda Somaliland ee
dhinaca waqooyiga magaalada xeebta Saylac ee badda.
Sida uu warku sheegay ciidamada maraykanku waxay duqayntan u adeegsadeen
diyaaradaha dagaalka oo jasiiradaasi u geystay duqayn laxaadle, iyada oo
gariirka hubka ay diyaaradahaasi la dhaceen halkaa laga maqlayey Saylac
iyo Lawyacado, taas oo argagax ku riday dadka deegaanka degan.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta ay ciidamada Maraykanku u duqeeyeen
goobtaas, isla markaana ma jiro war rasmi oo ka soo baxay dhinaca
xukuumadda Somaliland oo arrintaa ku saabsan.
Inkasta oo aan la soo sheegin dad wax ku noqday duqeyntaas, hase yeeshee
waxa loo sheegay inay halkaa ku naf-waayeen duur joog badan oo nooca
naadirka ah, sida deerooyinka, iyo ugaadh kale oo ku noolayd jasiiradaas.
Sida la ogyahay cutubyo ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa la dejiyey
dalka Djibouti horaantii sanadkii 2002, kuwaas oo sida la sheegay u
xilsaaran inay ka hortagaan lana dagaalamaan dhaq-dhaqaaqyada ururka Al-Qaacida
ee uu hogaamiyo Usaama Binu Laadin, ee la tuhunsan yahay inay ka jiraan
mandaqadda Geeska Afrika, siiba qaybo ka mid ah dhulalka ay degaan
Soomaalidu.
Sanadkii hore ayaa wakaaladda sirdoonka ee maraykanka (CIA) hawlgal ay ku
dishay dalka Yemen niman loo aanaynayey inay ka tirsan yihiin ururka Al-Qaacida,
la sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn oo loo adeegsaday hawlgalkaas ay
ka soo kacday garoonka diyaaradaha ee Djibouti.
Qaybo ka tirsan Ciidamada Maraykanka badda, cirka iyo dhulka ayaa dhawaan
tababar ay ka samaynayeen xeebta Djibouti si kama’ ah waxyeelo isku
gaadhsiiyey, ka dib markii mid ka mid ah diyaaradaha dagaalku ay duqeysay
goob ay ku sugnaayeen ciidamada maraykanku oo ku taala xeebta waqooyiga
Djiboti.
Lama oga in duqeynta jasiiradda Ceebaado ay la xidhiidho tababarada
noocaas ah iyo inkale.
Maaha markii ugu horeysay ee ay ciidamada shisheeya ahi ku soo xad-gudbaan
jasiiradaha xeebta galbeed ee Somaliland, laakiin 1997-kii ayey ciidamada
Faransiiska ee Djibouti ku yimaadeen jasiiradaas markab weyn oo nooca
dagaalka, wakhtigaas oo diyaaradaha dagaalka oo ku soconayey duulimaad
hoose waxa guuxii iyo xawaarihii ay ku haadayeen waxay dumiyeen guryo iyo
Dugsiyo, taas oo ay ku dhaawacmeen arday wax ku baranaysay mid ka mid ah
Dugsiyadaas. Top
Golaha Guurtida
Oo Ka Dooday Arimaha Bulshada. |
Hargeysa (Haatuf): Golaha guurtida
Somalilnad ayaa fadhigoodii shalay dood kululi ku dhex martay, doodaas oo
ka dhacday madasha guurtida, waxay si balaadhan isula qaadaa dhigay wax ka
qabashada iyo tilmaan ka bixinta gol daloolooyinka ka muuqda arrimaha
bulshada.
Fadhiga golaha oo uu shir gudoominayey ku xigeenka koowaad ee golaha
guurtida Axmed Nuux, waxa kale oo hareeraha ka fadhiyey gudoomiye ku
xigeenka 2aad iyo xoghayaha guud ee golaha.
Haddaba, bilawgii doodaas oo bilaabantay abaaro, tobankii iyo sodon
daqiiqo, waxa lagu furay aayado quraan, ah, ka dibna waxaa hadalkiisa
bilaabay mudanihii ugu horeeyey oo ahaa Sheekh Muuse Goodaad, wuxuuna
Sheekhu qadar hadalkiisa si wey uga bixiyey dhibaatooyinka bulshada ka
haysta daryeel la’aanta dhinacyada caafimaadka, ajanabiga, sida
xad-dhaafka ah u hantiyey shaqooyinkii yar yaraa, ee ay ka shaqayn
lahaayeen muwaadiniintu.
Sheekhu isaga oo ka hadlaya arrinta horena wuxuu yidhi “waxa ayaan darro
ah inay farmasiilaydu caafimaadka bulshadooda ka door bidaan, faa’iidada
ganacsigooda, iyada oo ay jiraan dawooyinka taariikhdoodu dhacdo oo mid
cusub lagu dul dhejiyey, taasina waa khiyaamo naf iyo maalba ah, waxaana
inagu waajib ah inaynu u yeedhno wasiirka, inkasta oo aan weli la ansixin
haddana koley warar iyo qoraal ayuu ka haystaaye”.
Sidoo kale Sheekh Muuse, markii uu ka hadlayey ajanabiga faraha badan ee
iyagu seedaraystay shaqooyinka ay qaban lahaayeen muwaadiniin reer
Somaliland ahi, wuxuu yidhi “Waxa wax lala yaabo ah oo aad ku arkaysaa
farmasiiyadda iyo dhakhtarada madaxa banaan ee bulshada iska dawayso
dhakhaatiir ajanebi ah oo iyagu xirfado kala duwan kaga shaqaynaaya,
taasina waa arrin khalad ah, waxaana haboon in la daba galo sidii ay ku
keenaan iyo qaabkii ay fiisada ugu helaan, haddaba mar labaad waxaan soo
jeedinayaa in wasiirka caafimaadka la warsado, maadaama uu isagu yahay
wasiirkii caafimaadka iyo shaqada.
Gebgebadii doodaas oo uu soo gunaanaday gudoomiye ku xigeenka 2aad ee
goluhu Mudane Siciid Jaamac, wuxuu yidhi “fulinta iyo wax ka qabashada
arrimaha bulshada waxa jirtay guddi kow iyo toban xubnood ah oo aynu u
xilsaarnay, iyadana xilka saaran yahay”. Top
Golaha
Wakiilada Oo Taageeray Mawqifkii Guurtida Ee Shirka Soomaalida Ee
Kenya. |
Hargeysa(Haatuf): Mudanayaasha Golaha
wakiilada ee somaliand ayaa fadhigoodii shalay kaga hadlay mawqifka ay ka
taagan yihiin shirka kooxaha soomaaliya ee dhowaan laga soo saaray
go'aamada, kaas oo ay golaha guurtida ee somaliand todobaadkii ina dhaafay
bayaan qoraal ah oo ay ka soo saareen shirkaa ku cadayay sida aanay
somaliland shaqo ugu lahayn hadaladii kasoo yeedhayay kooxahaa soomaalida
ee ku shirsanaa Nayroobi iyo go,aamadii kasoo baxayba.
Fadhigaa shalay golaha wakiilada oo uu gudoominayay mudane Axmed Maxamed
Aadan (Qaybe), waxay mudanayaashu kaga doodeen xaalada siyaasadeed ee
dalka iyo saamaynta uu shirkaasu ku yeelan karo siyaasada somaliland ,
iyada oo ay mudanayaashii ka qayb galay dooda arrintaa ku saabsani
sheegeen in loo baahnaa in goluhu hada ka hor arrintaas ka hadlo , halka
ay mudanayaal kalena soo jeediyeen in goluhu soo saaro bayaan u gaara oo
arrintaa ka hadlaya, laakiin Mudane (Qaybe ), ayaa golaha ku wargeliay
inuu goluhu taageero mawqifka Golaha guurtida ee shirka kooxaha somaalida
, isagoo sheegay inay labada gole isku mid yihiin , islamarkaana dooda ku
saabsan xaalada taagan ee ku wajahan dhinaca siyaasada goluhu sii wadi
doono, laakiin ay taageeraan bayaanka golaha guurtidu soo saareen
badhtamihii todobaadkii ina dhaafay .waxaana goluhu fhadhigaa shalay isla
qaatay , go,aan ay ku ayidayaan baaqii golaha guurtida.
Go'aankaas oo uu ku saxeexnaa Gudoomiyaha golaha wakiilada Axmed Maxamed
Aadan (Qaybe), wuxuu u qornaa sidan: “Golaha wakiiladda JSL, markii uu
qiimeeyay xaalada taagan maanta ee ku wajahan dhinacyada siyaasada , gaar
ahaan shirarka ka socda dalka kenya , islamarkaana uu is tusay baahida loo
qabo ka hortaga shirqoolada loo maleegayo somaliland. Wuxuu go,aansaday in
uu si rasmiya u ayido bayaanka kasoo baxay golaha guurtida JSL, 9/ 7/03,
ee arrintaa ku saabsanaa.
Dhinaca kale golaha wakiilada somaliland wuxuu diyaar u yahay inuu ka qayb
qaato hawlaha kala duwan ee lagaga hortegayo dibin daabyada kasoo
yeedhaysa kooxaha isku magcaabay hagaamiyaasha soomaaliya, sidoo kalena uu
guto qaybta kaga aadan bayaankaas kasoo baxay golaha guurtida oo ah mid
asiibay meel ku haboon iyo waqti ku haboonba.”
Warbixintii Stig Hansen Iyo Berit Lindeman Ee Doorashadii Madaxtooyadda
Somaliland, “Kulmiye Iyo Udub Waxay Xubnahooda Ugu Caansan U Dirayeen
Gobollada, laakiin…”, Qayb 3aad.
Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa qayb kale oo ka mid ah warbixintii
ay diyaariyeen Mr. Stig Hansen iyo Ms. Berit Lindeman oo ka mid ahaa
muraaqibiintii caalamiga ahaa ee goob jooga ka ahaa doorashadii
madaxtooyadda Somaliland ee dalka ka dhacday 14-kii April.
Qaybtan waxay labada khabiir ee Stig Hansen iyo Berit Lindeman oo u
dhashay dalka Norway kaga hadlayaan ololihii xisbiyadda ee kaambaynka
doorashada.
“Ololaha xisbiga KULMIYE ee dhinaca warbaahinta wakhtigii kaambaynka
doorashada ayaa ahaa mid taabo galay, oo ay gacanta ku hayeen hawlwadeeno
firfircoon oo wax dacsiin kara, taas oo keentay in xisbiga KULMIYE ka soo
midh baxo xisbiyaddii kale.
Labda xisbi ee UDUB iyo KULMIYE waxay xubnahoodu ugu caansan I dirayeen
gobolada dalka, hase yeeshee KULMIYE waxa intaas u dheeraa laba arrimood
oo kala ah isaga oo bixiyey kaalmo biyo-dhaamis ah oo lagu gargaarayey
dadka reer miyiga ah oo abaar iyo biyo la’aani wakhtigaas ku habsatay iyo
codkarnimada caanka ah ee uu u dhashay Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay
taageerayaashiisu ku hadaaqayeen heeso isaga ku amaanayaan oo la sameeyey
wakhtigii halgankii SNM-ta.
Duruufaha kale ee kaambaynka xisbiga KULMIYE caawiyey waxa ka mid ahaa
guushii weynayd ee xisbiga UDUB ka soo hooyey doorashadii dawladdaha hoose
ee dhacday bishii December, 2002, taas oo sida wasiirka warfaafinta C/laahi
Maxamed Ducaale sheegay keentay in UDUB is-dhigto oo aanu qaadin Kaambayn
culus, waliba xisbiga UDUB wuxuu is-wada siiyey meelihii loo tirinayey
inay guushu ku raacdo, sida gobolka Awdal, taas dhabar jabkeeda lahayd,
iyada oo food kasta oo kaa leexdaa u ahmiyaddiisa lahaa, marka la eego
natiijadda codbixinta doorashada ee heer Qaran.
Hase yeeshee, amuurta ugu muhiimsanayd ee KULMIYE caawisay waxa ahayd
muran ku saabsan xuduuda u dhaxaysa labada gobol ee Hargeysa iyo Awdal,
iyada oo la isku khilaafay dhinaca la raacinayo labada gobol, labada tuulo
ee Ceel-Sheekh iyo Cabdi Geedi.
Waxaana murankaasi keenay in aqlabiyadda taabacsan gobolka Hargeysa ee
deggan xuduuda gobolkaasi la leeyahay Awdal ay ka codeyso xisbiga UDUB oo
ay KULMIYE u codeyso arrintan oo la arkayey, fara-gelin ku lid ah awoodaha
guddida doorashooyinka ee qaranka iyo go’aankii ahaa in xuduudahaa maamul
ee degmooyinka, lagu saleeyo qaab-dhismeedka 1960, waxa weheliyey shaqo-ka
fadhiisiga laba wasiir oo u dhashay deegaanka Gabiley iyo laba kooxood oo
isku haystay magaca xisbiga UDUB ee Gabiley, isla wakhtigaas taas oo
sababtay in xisbiga UDUB taageeradii u hore halkaas ku haystay ee 50% hoos
ugu dhacdo.
Waxa kale oo jirtay in hogaamiyayaasha siyaasadda ee haweenku ay leeyihiin
ay saddexda xisbi u kala gudbiyeen su’aalo ku saabsan saamiga u mid waliba
diyaarka u yahay inuu haweenka ka siiyo dawladda u dhisi doono.
KULMIYE wuxuu isla markiiba soo saaray jawaab celin u ku sheegay inuu
dumarka siin doono ugu yaraan 3 wasiir, 15-20% kuraasta musharaxiinta
baarlamaanka iyo dhawr jago oo ah heer agaasime guud, halka u xisbiga UCID
ku balan qaaday in haweenka la siin doono laba j ago oo wasiir ah iyo 10%
musharaxiinta doorashada baarlamaanka. Hase yeeshee xisbiga UDUB jawaab
kama bixin su’aalihii ay dumarku u soo bandhigeen, taas oo ku kaliftay
ururka ugu weyn ururada haweenka ee NAGAAD in si rasmi ah ugu dhawaaqo in
u taageeradiisa siin doono xisbiga KULMIYE, mar xigtana UCID. Waana nasiib
darro in taasi ku timaado UDUB oo fikradda la isla dhexmarayey ee laakiin
soo shaac bixin ahayd in haweeka loo qoondeeyo koota ah 20%, xubnaha
baarlamaanka, iyada oo isla markaana ay UDUB ka mid ahayd wasiirka
haweenayda ah ee ugu awooda badan Edna Aadan Ismaaciil.”
La Soco. Top
Xusuusta
Xasuuqii Xeebta Jasiirta 14-Sano Ka Hor. |
Waxa maanta oo ay bisha July tahay 15 ay ku
beegantahay sannad guuradii 15aad ee markii uu dhacay xasuuqii xeebta
Jasiira. Maalintaas oo ahayd 15/7/1989kii iyada oo ay ciidamadii koofiyad
casta ahaa ee taliskii Mohamed Siyaad Barre ay ku xasuuqeen dad shacab ah
magaalada Muqdisho kuwaas oo laga soo guray guryadhoodii iyagoo iska hurda.
Waxaanay dadka halkaas lagu xasuuqay isugu jireen macalimiin, dhakhaatiir,
arday, baayacmushtar iyo dadkale oo shacab ah. Dadkaasi oo iyagoon waxba
galabsan, danbina lagu soo oogin dhegta dhiigga loo daray. Rabshaddii ugu
waynayd ee Muqdhisho ka dhacda dhamaadkii sideetanaadkii ee ay iskaga
horyimaadaan dawladdii xilligaas talada haysay iyo shacabku waxay
bilaabantay Jimcihii 15 July 1989kii markii ay dadweynaha magaalada
Muqdisho iyo dawladdu si toosa isaga horyimaadeen. Waxaana iska
horimaadkaasi ka dhacay masaajidka shiikh Cali Suufi ee xaafadda Hodan.
Kadib markii salaadii la tukaday baa dadweyihii dhagax tuur ku sameeyeen
askar badnayd iyo tikniko ku hareeraysan masaajidka.
Ciidamadaasina waxay ugu jawaabeen si naxariis darro ah waxaana halkaas ku
dhintay sarkaal ciidamada Booliiska ka tirsanaa. Waxaana taasi sababtay in
magaalada Muqdisho lagu soo rogo Bandoo ka bilaabanta gabal dhaca ilaa
waaberiga.
Ciidamadii duubcasta ayaa bilaabay Axaddii ay soo galaysay 17 July 1989kii
inay ay guluf iyo weerar ku qaadaan xaafado ka tirsanaa magaalada Muqdisho
(Madiina iyo Hodan) oo ay deganaayeen dad reer Somaliland ahi. Ujeedada
hawgalku wuxuu ahaa fal aargoosi ah. Waxaana Maslax Mohamed Siyaad amar ku
siiyey Gen. Canjeex oo ciidamada haystay inay laayaan dadkaan masaakiinta
ah ee aan waxba galafsan. Waxaana lasoo ururshay 47 qof oo ka tirsan
giddigood qabiilka Isaaqa.
Waxaana dadkaasi la geeyey xeebta Jasiira, markaasaa inta shan shan
laysugu xidh xidhay baa qoriga boobaha ah ee Baroonka loo yaqaan lagu
furay. Waxaana halkaas ku nafwaayey 46 miskiin oo aan waxba galabsan
laguna dilay oo qudha qabiilka ay yihiin oo markaas dawladdu kuwada
xukuntay dil. Waxaase mucjiso noqotay 47kii qof mid kamid ah markii
ilaahay ka badbaadiyey xasuuqa foosha xun nin dhalinyaro ah oo la
yidhaahdo Muuse Cumar Mire( Cawil). Oo daaha ka feyday gumaadkaas
waxshinimada leh iyo siduu udhacayba.
Warkan oo argagax ku noqday Muqdidho gaar ahaan safaaradii ajanebiga,
waxaa dawladii markaas talinaysay isku dayday inay beeniyaan, laakiin
waxaa meel kastaba ka caddeeyey Muuse Cumar oo sheegay siday wax udhaceen.
Waxaanu u ahaa gumaadka qudha ee saxaafadda caamlamiga ahi ay ogaadeen,
intii kale ee ay ku dhimatay laguna xasuuqay in kabadan 100, 000 qof
majirto cid sidaa wax uga qortay. Waxaana dadkaasi layska laayey iyadaan
loo aabo yeelin. Waxaana ay hadda hurdaan iilka qubuuraha xasuuqa ee
degooyinka iyo tuulooyinka Somaliland.
Waxaase dadku ka doodaan arrintan xasuuqa Jasiira waa ta qudha ee xasuuqii
dhacay cidii ka badbaaday ka warranto kumaanaanka kale ee markaas lagu
xasuuqaayey baladkoodii ee aan cidi ka bad baadin, ilaa iyo maantana aan
caa'iladoodii garanayn meel ay ku danbeeyey ee ilaa hadda raadinayaan.
Waxaana aan shaki ku jirin in badanaa la la'yahay sidaasoo kale loo
xasuuqay laakiin inaan cid ka wargaysaa ka fakan.
waana Kuwan Liiskii 46kii qofe kacaanku ku sadaqeeyey xeebtii geerida ee
Jasiira:
1.Ibrahim Hasan Gelle ( H.Y) US-OMC-Somalia
2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie (H.Y) Businessman
3.Mohamed Ismail Ahmed (H.Y) BUSINESSMAN
4.Yusuf Mohame Handulle ( H.Y) USAID
5.Saeed mohamed Mumin ( C.G) Ass.pro.Lafole S.N.U
6.Musa Abdi Gaas( C.G) Businessman
7.Hussein Ali Aden(H.J) Businessman
8.Saeed Nur Musa( H.J) Businesman
9.Abdirahman Mohamed Bihi ( H.J) Businessman
10.Abiwahab Farah Ahmed (H.Y) Student
11.Abdifatah Ahmed Jiir( H.J) Student
12.Matan Abdi Habashi ( Arab) Student
13.Mohamed mohamud Abdi (H.Y) Businessman
14.Ali Mohamed Abdi (H.A) Student
15.Hassan Aw Nur Barud (H.Y) Businessman
16.Abdi Mohamed Abdi (H.A) Technician
17.Ahmed Yassin Omar Jama ( H.A) Businessman
18.Mohamed Abdi Hassan( H.A) Businessman
19.Ibrahim Hassan Ege (H.A) Technician
20.Abdi Muhumed Daud (H.A) Businessman
21.hassan Abdi Muhumed (Arab) Businessman
22.Ali Mohamed Dirie (H.J) C.Serv
23.Jama Mohamed Abdi (H.A) Trader
24.Abdi Osman Dubad (H.Y)Trader
25.Husein Omar Husein (C.G) Trader
26.Mohamed Musa Mohamed (H.Y) Trader
27.Ahmed Hassan Elmi (Dheereeye) (H.A )Sportsman
28.Muhumed Abdillahi Warsame (Madigan) Trader
29.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan (H.A) Trader
30.Abdirahman Ahmed Dhimbil (H.A) Civil servant
31.Hussein Muhumed Farah (H.A)Civil servant
32.Mohamoud Bacadle (H.Y) Civil servant
33.Jama Aden (barosin) (H.J) Civil servant
34.Abdirahman Mohamed Osman (beledi) (H.A)Trader
35.Warsame Dugsiye Reydal (G.B) Trader
36.Barre Osman Abdi (C.G) Trader
37.Abdirizaq Aydiid Mohamed (H.A) Student
38.Hussein Osman Jama (H.A) student
39.Khadar Mohamed Ahmed (H.A) Student
40.Bihi Ibrahim Ahmed (H.A) Student
41.Hassan Nur Hersi (H.A) Student
42.Abokor Mohamed Yousuf (H.A) Trader
43.Hassan Guure Abdi (H.A) Trader
44.Khadar nuur Jama (H.A) Trader
45.Ahmed Yusuf Ibrahim (H.A) Trader
46.Mohamed Osman Jama (H.A) Trader
47.Farah Ismail Awale (H.Y) student
48.Yusuf Abdillahi Roble (C.G) graduate Dr.
49.Dayib Abdi Burale (H.Y) Trader
50.Dahir Mohamed Jama Warfaa (H.Y) Trader
51.Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale)(C.G) Trader
52.Muhidin Macalin Ahmed (Ogaaden)
53.Saadiq SH. Ahmed (ogaden)
54.Bahyaal Muhumud Jiri (Ogaden)
55.Fuad Abdillahi Ibrahim (Arab)
56.Daud SH. Ibrahim (H.Y).
57.Hussein Kheyre Abdi (H.J)
58.Rashid Mohamed Osman (H.A)
59.Abdi Barre Osman (C.G) graduate.
Warbixintan waxaa diyaarshay: Cabdi Cabdillahi Hassan, Holland Top
C/Casiis Axmed Muuse
Wasiir-ka Arrimaha Dibadda Ee Jamhuuriyadda Somaliland Drs. Edna Aden
Ismail .. ama ha Loogu Yeedho Edna Aden Dhakhtar , Waxa ay ka Dhalatay
Qoys Xirfadd u leh Dhakhtar-nimadda Oo Caan ka Ah Dhulka Somalida.
Marwo Edna Aden waxa ay ku Dhalatay Magaaladda Hargeysa. muddo laga Joogo
Kontomeeyo Sano. waxa ay waxbarashadeedii ku Soo qaadatay Djibouti, Burco,
Uk, U.S.A, Edna Aden waxa ay Noqotay Gabadhii ugu Horeysay Ee Somaliyeedda
Ee loo Diwaan Galiyo In ay u qalanto Xirfadda Nures-nimadda Nurse-Midwife
dalka Ingriis-ka.
Drs Edna aden waxa ay Sanadkii 1961 ku Soo Laabatay Somaliland (Hargeisa)
iyadoo Isla Sanadkaaba ku Shaqeysay Xirfaddii ay soo Baratay.
Edna Aden Waxa ay ka Mid Ahayd Dumar-kii uu Guursadday Madaxweynihii Hore
Ee Jamhuuriyadda Somaliland Marxuum M..I.Cigaal.
Edna Edan waxay Noqotay La Taliyaha Haayadda Caafimaad-ka Aduunka (WHO) Ee
22 Wadan. Edna Aden waxa ay Haayadda Qaramada Midoobay u Magacowday
Wakiilkeega Gobol-ka Mediterranean-ka Oo Saldhigiisu ahaa Dalka
Masar(Egypt) Muddo Sanado Badan ah ka Dib Haayadda Qaramada Midoobay waxa
ay u Soo Magacowday Wakiilkeeda Dalka Jamhuuriyadda Djibouti.
Edna Aden waxa ay Hantiday Shahaadoyin Badan Oo Nabadeed oo ay
Gudoonsiiyeen Qaar ka Mida Jaamacadaha Wadamadda Reer Europe iyo
Maraykanku kuwaas oo ula Dan laah Siday u Gudatay Hawshii Adkayd Ee Ay
Mudada Badan u Haysay Qaramad Midoobay.
Edna Aden Isla Sanadkii 1998 ayey Sees-ka u Taagtay Hospital-ka Caanka ah
Ee Edna Aden Maternity Hospital oo ay ku fikirtay iyadoo 11 jir ah in ay
Hargeisa ka Taagto Hospital Casriya oo Qiimo Jaban Ugu Adeega Dad-ka
Tabaalaysan Ee Reer Gees-ka Afrika.
Edna Fikirkeega Hospital-ku Kumuu Koobnayn oo kaliya hargeysa waxa ay
Hospital weyn oo ka Hargeysa Leeg isna ka Jeexday Magaaladda Muqdisho kaas
Oo Nasiib Darro Dhismihiisa Uu ka Soo Dhex-galay Dagaalkii Ahligahaa.
Edna Aden Khabiir-nimadeed Siyaasadeed waxa ka Mida iyadoo la kulantay
Madaxweynihii Hore Ee Dalka Maryakanka lynden Johnson Iyo Xaaskiisa
Markaas oo ay la Socotay marxuum. M.I.Egal .oo Ahaa Raysal wasaare
Somalia. Edna Aden Waxa ay Xilligaa ahayd Haweenaydii Ugu Aqoonta Badanayd
Dumarka Somalida Ee Madaxda ka Ahaa Ururadda Haweenka Somaliya.
Edna Aden intay qabatay Shaqadeedan Cusub Ee Wasiir-nimo waxa ay Guul
Diblomaasiyadeed u Soo Hooysay Dalkeega Marka Loo Eego Wasiiraddii ka
Horeyay Ee Soo qabta wasaaradda Arrimaha Dibada Ee Jamhuuriyadda
Somaliland ,kuwaas oo Kalmad Qudha Oo Lagu Xasuusto ka Tagin
Edna waxa ay Qadiyadda Somaliland kala Shirtay iyadoo Xilligaa ahayd
Wasiirka Qoys-ka Madaxweynaha Dalka Senegal Abdoulle Wade, iyadoo waliba
la Kulansiisay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Reyaale Kaahin iyo
wafti uu Hogaaminayo.
Edna Aden waxa ay qadiyadda Somaliland U faahfaahisay Madaxweynaha Dalka
South africa Thabo Mbeki iyo wasiir-ka Arrimaha Dibadda Ee Dalka South
africa. Edna Aden waxa ay Qodbad Qaaya Leh ka Jeedisay Telefishanka
Qaranka Ee Dalka South africa, iyadoo Si Fiican u qeexday Taariikhda
Dhabta ah Ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Edna Aden waxa ay la Kulanta Dhawaan Xaas-ka Madaxweyne xusni Mubarik oo
ay U Faahfaahisay Qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland mar ay ka Qayb-gashay
Shir Dumar-ku halkaasi ku lahaayeen. Edna Aden waxa ay wada hadal kala
Yeelatay Xidhiidh ka ka Dhaxeeya Ethiopia iyo Somaliland Wasiir-kiisa
Arrimaha Dibadda Asyun Masfin. Taaso Oo Si weyn la Iskula Af-gartay waxana
Soo Dhaweyn weyn u Muujiyay Adena Aden Diblomaasiyiinta Shisheeyaha ah Ee
ku Sugan Caasimadda Addis-abab.
Edna Aden waxa Dalka Canada ku Casuumay Xubin Sare oo ka Tirsan
Baarlamaanka Dalka Canada oo u Qushuucay Fikirkeeda Ay ugu Adeegayso
Dalkeega Ninkaas oo la Yidhaa Mr.Jim Kargyanis isaga oo laga soo doorto
Agen Court, Toronto, Ontario (Canada).
Mar kale Edna waxa ay la Kulanta Wasiir-ka Dumar-ka Ee Dalka Belgium iyo
haween ka kala Socoda Dalalka Reer Europe. kuwaas oo Shir ku lahaa
Magaaladda Brussels Ee Dalka Belgium oo ay u Doorteenba Gudoomiyaha
Shirkaas. markii ay ka Yaabeen Fikirkeega ku Salaysan Dimquraadiaydda ka
Hir-galaysa Qaaradda afrika.
Edna Aden waxa U Doortay Jagadan In ay Qabato Madaxweyne Daahir Reyaale
kaahin oo lagu Doortay Si Dimuqiraadiya bishii April 14-keedii
Anigoo Ah Qoraaga Taariikhdan waxa Aan ka Soo Ururiyay Ilo Lagu
Kalsoonyahay .....waxanan ku Kaydiyay Buugayga Taariikhaha Dad-ka Caanka
ka ah Ee Somaliyeed ...oo Aan In Badan wax ka Qorayeyba.
Abdiaziz Ahmed Mousa.
abdiaziz2@hotmail.com
Top
Raadyow Ma
Qaloocshe, A. A. Garas. |
Halkani waa Raadyow Ma Qaloocshe oo aydin ka
dhegaysataan mawjadaha kaftan aqoonka iyo hirarka yaryar ee ilaaq dhuubka
ah.
Akhyaareey, waxaynu soo gaadhnay dhabadii aan warka ka soo aroorin jiray,
maantana waxa darka u galay oo shubaya Weriye Mr. War Wareershe.
Warkii oo Kambadhuudha.
Madaxfiiqa dalka Maraykanka Mr. Jawaan Habaryuu Buushe ayaa dhawaan u soo
xagaa-baxay xagan Qaarada Carra-edeg, waxaanay isagiyo afadiisa Loora yar
soo khaawiseen shan daabiyadood oo ku kala yaal gadhka iyo gafuurka Afrika.
Booqashadaas wuxuu ka soo bad-galay dalka Siniin-gaalo, dalkaas oo ah
wadan Afriko Islaameed ah, wuxuu kulamo la yeeshay Dhakabuurka Mr.
Cabdalle Wad-wade, halkaas oo lagu soo waramay in odaygu soo dhaweeyay oo
kulan ku wadwaday inan soo xagaa-baxay.
“Habaryuu Mr. Birisidhaan; Baybi bush welkom Afriko kambadhuudha, Asbiyaan
guu.” Sidaa waxa yidhi Cabdalle, Mr. Buushe oo qosolka bigisiiyay, ayaa ku
yidhi: “Faayn tenegyuu for welkaantaada aan I am farax moor tu sii
Afrikaan sitindhawn ; jas we wonti foor laaflaaf dem.”
Madaxweyne Buush oo xagaa-bixiisii wata wuxuu u bariiqday dhinaca dalka
Afrika oogo, halkaas oo uu Biciido iyo Sakaarooyin ku daawaday.
Intii uu dalkaas dhex gidhgidh lahaa, wuxuu khudbado ka jeediyay magaalada
Biciidtari, kaas oo uu sheegay inuu Afrika u soo daawasho tegay oo uu
eegayo ishay leedahay, xag caafimaad, siyaasadeed, dhaqaale iyo inta litir
ee ay ka cabtay dimuqraadiyada. Madaxyuubku waxa kaluu booqday xabaalaha
Bahalka Aydhiska la yidhaahdaa Afrikaanka ku laayo iyo xero weyn dadka uu
cudurkaasi ku dhaco lagu ururiyo oo ay Malag-kulmawdka ku sii sugaan.
Madaxyuub Buushe yare dadkaas buka wuxuu u sheegay in dawladda Maraykan ka
celin doonto cudurkaas, kaas oo uu sheegay inuu isagu u qoondeeyay shan
iyo toban bilyan oo ah ciidamada doolarka ah oo uu ugu talo-galay in ay ka
dagaal galaan oo Afrika ay ka qaybqaataan bahalka Aydhiska la yidhaa,
isagoo dadkaa buka la hadlayay, wuxuu yidhi: “Dhoonti karaay, anwar mani
kaan kajin your fayris of HIV aan wii wil jeysin aydhis laayk Sadaam
Gafarmaan, yuu noo.”
Dhinaca kale, waxa la sheegay in Buushe la kulmay Madaxdhuub Inbikeeriga
Afrika oogo, kulankaas oo isgacan qaad kadib fadhiga laysku waraystay,
ayaa la sheegay in faq iskul baxeen labada nin, kaas oo Buushe oo hadalka
hoos u dhigayaa uu Inbeeki ku yidhi: “Aaryuu sii ani teririsam tukubaya oo
tukanaya? (ina wax argagixiso ah ma aragteen?).” Mr. Inbikeeji oo u
jawaabaya ayaa yidhi: “Noo, weer tereriis sitindhawn anwar dalkan, aan ay
dhoonoo if deer sam turuubis foram yuu send as.”
Jawaabtaas oo macnaheedu yahay; “Anigu ma ogi meel ay argagixiso joogto,
hadaanay jirin kooxo adigu noo soo dirtay.”
Mr. Buushe ayaa ugu jawaabay “Oo maxaad u samaysan weydeen argagixiso aad
er-eryatid?” Inbeeki ayaa yidhi; “Oo maxaa igu xaqsanaya ee aan ka
faa’iidayaa?” Buushe ayaa yidhi: “Siyaasadda dalka Maraykanka ayaa ah in
kaalmo lacageed iyo mushqaayad lagu siiyo dalka argagixiso sheegay, ee
er-eryada ama soo qabqabta Gadhlayaal uu gargaar aad ku heshaan, miyaydaan
aqoon siyaasadda cusub ee la yidhaa (Qarxiyoo qaacida ku qor, qiro oo
lacag qaado, ha saxeexdee ka sasi, ku eedeeyoo iskaga duul, qabso oo nin
ha soo qaban, baadigoob oo ku gumayso iyo Bac Bolitikal).”
Si kasta ha ahaatee, Booqashadan Buushe Afrika ku dhex rooray, ayaa lagu
sheegay inuu dhawr amuurood isugu jiray, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:
In Madaxweynaha Maraykan is yara mis kiiniyo oo dadkiisa isaga dhigo nin
aan aadaminimadana wax ka yaqaan oo aan argagixisada oo keliya ku koobnayn.
In Buushe doonayay inuu isku diro Argagixiso iyo Afrikaan.
Inuu baabi’iyo xuduudadii Ingiriisku sameeyay oo uu calaamadiyo xuduuddo
cusub oo Maraykan u qoondeeyay.
In Afrika Aydhiska loogu gabado oo Gumaysiga lagu xoogeeyo
Dimuqraadiyada doolar loo raaciyo.
In Afrikaanka dalka laga iibsado oo la ogaado qiimaha ay ku iibinayaan.
In dadka Maraykan ogaadaan in Afrika ay ka banaan tahay dhul baylah ah oo
maalgashi ay ku samaystaan.
In Afrikaanka loo sheego in loo ogolyahay Sayladda Ameerika
iyo in ina Buush Madaxda Afrikaanka u sheego inuu yahay wiilka dunida ugu
cawaandisan doonayana inuu noqdo ninkii adduunyada mideeyay, ahna eryade
Sadaam, dumiye Ciraaq, iska qabsade Afgaanistaan, eryade Alqaaciida,
caydhsade Osaama iyo Gantaal dheer shidaalka ka ganacsada
Booqashadani waxay ku soo beegantay xilli dalkiisa ay ka socoto dacwado
laysku daba socdo beentii bilaa qiyaasta ahayd ee Ciraaq lagu weeraray,
taas oo markii basaasiinta Maraykan la weydiiyay waxay shubi jireen ay
iska leexiyeen oo yidhaahdeen Ingiriisbaa noo sheegay, Ingiriisna yidhi
Turki baa noo sheegay, Turkina uu yidhi iyagaa nagu yidhi. War-sheekadaas
oo Ingiriis iyo Maraykan si xun isugu naceen ilaa imika lama hayo naagtii
war-sheekadan keentay.
Ardo Sabad.
Safaaradda Maraykanku Atoobiya ku leeyahay ayaa soo sheegtay in
Madaxyuubka Maraykanka Buushe uu shaxaad u soo diray dalkan Shankaroonland.
Shaxaadkaas oo aan is idhi; Alla inanka yari bakhaylsanaa, wuxuu ahaa
labaatan kun oo uu yidhi; hablaha yaryari ha ku bartaan kubadda kibirka,
kaas oo markii uu Afrika yimi uu is yidhi koonahaas yaan lagaa soo cawryin,
calashaan cawri-gaf.
Arrintan oo ah markii ugu horeysay ee Madaxweyne Maraykan oo shaadali
shubayaa Shankaroonta ku soo tuuro, taas oo aan is idhi waa xeer cusube
marka dhawaan Shankaroontu ducaysanayso in dalka Maraykan ay u dirto
labaatan mijood oo qaad ah oo kuna tidhaahdo ‘Dumarkiinu dawrinimada ah ku
bartaan.’
Hargeysa.
Wasiirka Duunyo ee dawladda Shankaroonland ayaa sheegay in uu qabtay
khiyaamo geedkaas le’eg oo tijaartu ku cawari jireen cashuurta, taas oo
dawladda tayada lihi tiro dabada u qabatay, kadib markii ay ogaatay in
waraaqda alaabta lagala degayaa ay beenta taqaano, ganacsataduna
khaayinimo dalka kula dhex jiraan.
Qaar ka mid ah khaayimiinta la qabqabtay ee atooruhu ka soo gaadhay ayaa
sheegay in dawladdu cashuurtii ku kordhisay oo ay cabaadayaan. Nimankaas
oo uu dudayay maxaa loo ogaaday khiyaamadayada, ayaa Wasiir Ambaasedoor
sheegay in aanay jirin cashuur la kordhiyay ee ay jirto khiyaamo
fashilantay.
Si kasta ha ahaatee, dalkan oo inta yar ee lacagta cashuurta lagu
waardiyeeyo oo tijaarta tuugta lagaga ilaaliyo, ayaa haddana nimankan la
leeyahay waxbaa tijaar ah ay tuugnimada fariidnimo u yaqaaniin, kuwaas oo
belwad ay u noqotay in dalkoodana cashuurta siin waayaan, dadkoodana
alaabta ku qaaliyeeyaan, dawlad wacanna daydayaan, horumarna u dudaan,
baddana bilaa lacag kula dhuuqaan.
Dhegaytayaal warkii halkaas baan ku joojay, imikana waxan soo sanqadhayaa
waa gabaygii.
Gabay.
Asli iyo Ma Qaloocshe oo isu jawaabay:
Waxay tidhi Asli
Aflagaado waa necebahayiyo
Ereyo shaydaane,
Abidkayba waxaan weeraraa
Meesha iinta lehe,
Bal ogaada maantoo kalaan
Uuro keciyaaye.
Afar xaalo afar xaalo
Waa lagaga eertaaye,
Wasiir ooman kii soo diraa
Lagaga eertaaye,
Islaan waalan odaygii qabaa
Lagaga eertaaye,
Awr didaysa aqalaad gashaa
Lagaga eertaaye,
Hadday habari kuu uunsatoo
Aqal ku geynaysso,
Alle qabay duqdaadii horaa
Lagaga eertaaye,
Arrin kalena waa
Sheeko aan soo abaabulaye,
Afrikaanka shiray kama duwana
Adhi sidiisiiye,
Idihii iyo sidii naylahay
Dhan u alaamaane,
Orgi iyo riyaad moodaysaa
Oogta waabariye,
Amintay shiraanbaa
Dadkuba la ashqaraaraaye,
Ciyaal ooyaayaan moodayoo
Aabahood dilaye,
Sida ay islaan soo martiyo
Inani ii sheegtay,
Waxay tidhi shirkii wuxuu ahaa
Ooda dhacameede,
Inankii Mandelaa tagoo
Aaday meel kale’e,
Afadii iyo minyaradii dambuu
Aadey xaajiguye,
In dhawaydba waatay masayr
La afdaboolnayde,
Allow yaa aqoon ruux lahoo
Urursha noo keena.
Asli baa sidaa tidhi
Haddaad iga maqlaysaane,
Amintay halkaa maraysay
Bay jebisay oodaha’e
Ma qaloocshe oo soo ordaa
Aayar soo galaye,
Wuxuu yidhi;
Waxaan ahay ninaan laga adkaanayne
Amaantayda guudbaa
Ka badan kun iyo aalaafe,
Abaanduule qaadbaan ihiyo
Jebis arooryaade,
Madhibkaan indhaha ula ekahay,
Amase oofaha’e,
Adhaxdaydu dadar bay ahayd
Amase miirooye,
Haymoodin jaad ururiskii
Ina Af-diinlaade,
Aadyar iga dambee
Yaan amleey uurka kaa marine.
Dabadeed Aslaa soo gashayiyo
Unugyadeediiye,
Waxay tidhi;
Ayeeyooy ma tihid
Ruux la aamino’e,
Asalkayga guud baanad garan
Idil ahaantiiye,
Waxaan ahay islaan 100 jirtoo
Diraysa iimayle,
Ingiriisigiyo baan aqaan
Oosha reer carabe,
Marmarbaan Itoobiyaan qoraa
Ama ugaandhiise,
Urdoogiyo bagistaanigaan
Ugu hadlaa aade,
Afka waxaan u taagaa
Sidii odaygii Saadaame,
Wiilyahow ordaayaa
Cidlaad ununufaysaaye,
Sidaad tahay wasiir udub ahoo
Umal wareeraaya,
Oo idaacad loo dhiibayoo
Kaba adkaan waayay,
Oo dhaliishii arkayn
Amase iintiisa,
Oo kora alaylkii birdheer
Ama ku leexaysta,
Oo FM-tii arbishay
Amase BBC-dii,
Nimanyahow isaga ma aragteen
Inanka soo xiiqay.
Afartaa waxaan odhan jiriyo
Alalagtaydii dheh,
Ameerikaan cidlada weeraroo
Mooday qaacida dheh,
Argagixiso binu laadaniyo
Reer Afgaanistaan dheh,
Ifisadii Ciraaq lagu ridiyo
Uuro iyo qiiq dheh.
Ma qaloocshihii baa haddan
Aayar soo galay dheh,
Wuxuu yidhi;
Aslideeda mooyiye
Islaan waalan baa tidhiye,
Aaladeedu waayahanba
Waa nagu abaarayde,
Anigiyo waxay gaadaysaa
Eheladaydiiye,
Sidii odayo guurtiya
Hadday eedo wadataaye,
Inkaleeto maaha’e
Hadday aniga ii baanto,
Oo ay i dayn waydo
Waa inaan duqeeyaaye,
Aslise waan jeclee
Waxaan ku nacay
Hadal ay awdaaye,
Waxaan soo arkoo ogahaybay
Igu cilaaqdaaye,
Way asaraartaa
Sidaan aabaheed dilaye.
Waxay tidhi Asli;
Inaadeer wax baan kula arkayaaye
Ogaan waayay xumihiyo
Halkuu eelku kaa galaye,
Waxaan ogahay maad ogid
Haddana waad ogsoontahaye,
Inaan kuu asteeyaan rabbaa
Soona ururshaaye,
Odaygii Cigaal wuxu ka tegay
Laba af-miishaare,
Teer iyo aftidii Booramaay
Urursanaayeene,
Adduunkay dheceen baa
Ka badan kun iyo aalaafe,
Aqaladay dhisteen bay
Dadkuba la amakaageene,
Ama garo ama ha garan
Waa midaa adiga kuu taalle. Top
Hindiya Oo
Diiday Inay Ciidamo U Dirto Dalka Ciraaq. |
New Delhi (W.wararka)Dowladda Hindiya ayaa
diiday codsi ay dawlada Mareykanku soo jeedisay oo ahaa in Hidiya ay
ciidamo u dirto dalka Ciraaq, si ay uga qeybqaataan dib u dajinta Ciraaq.
Hidiya waxay sheegtay in ay arrintaa tixgalineyso oo kaliya marka ay
Qaramada Midowbey ogolaato in talaabo noocaas ah la qaado.
Go'aankan ayaa lagu dhawaaqay, ka dib markii ay magaalda Dalhi kulan ku
yeesheen Saraakiisha golaha wasiirada iyo amaanka.
Dowladda Mareykanka ayaa wediisatay ciidamo dalka Hindiya markii ku
xigeenka Ra'iisal Wasaaruhu, Lal Krishna Advani oo bishii hore booqasho ku
tagay magaalada Washington.
Weerarada Loo Geysanayo Ciidamada Mareykanka Ee Ku Sugan Ciraaq Oo Sii
Xoogaysanaya. Top
Baqdaad (W.wararka). Afhayeen u hadlay
ciidanka Mareykanka ee ku sugan Ciraaq ayaa sheegay in Baqdaad lagu dilay
askari Mareykan ah. Taas oo ka dhigeysa tirada askarta Mareykanka ee lagu
dilay Ciraaq ilaa iyo sodomeeye, tan iyo markii madaxweyne Bush uu ku
dhawaaqey in dagaalkii weynaa uu dhamaaday horaantii bishii May. Lix kale
oo Mareykana ah ayaa iyagana weerarkaa lagu dhaawacay. Kolonyada ay
askartu saarnaayeen ayaa marayay xaafadda Al Mansuur, ka dib markii lagu
soo weeraray hoobiyeyaal. Weerarkan ugu danbeeyay ayaa dabasocoday bomb
lagu weeraray saldhig ciidamada boliisku ku leeyihiin Baqdaad maalintii
Axadii.
maalitaas Axada ah waxay ahayd, maalintii ugu horeysay ee la qabtay kulan
lagu caleemo saarayey golaha cusub ee ka talinaya dalka Ciraaq. Waxaa lagu
soo waramayaa in nin Ciraaqi ah la dilay. Saraakiisha deegaanku waxay
sheegayeen in ninkaasi uu isku dayey in uu u soo dhaweeyo saldhig boliisku
leeyihiin baabuur ay ku raran yihiin waxyaabaha qarxa, saldhigaasina waxaa
lagu soo waramayaa in uu ahaa meel had iyo goor ay yimaadaan ciidamada
Mareykanka. Top
Maxaa Ka Soo
Baxay Shirmadaxeedkii Afrika? |
Hogaamiyeyaasha Afrika ayaa soo gababageeyey
shir weynihii labaad ee Ururka Midowga Afrika ee lagu qabtay magaalada
Maputu ee dalka Mosanbiik.
Shirkaasi oo looga hadlay colaadaha Afrika ka aloosan iyo sida wax looga
qabanayo, iyo la dagaalanka cudurka Aids-ka iyo hoos u dhigida
saboolnimada ka jirta qaarada Afrika.
Arimahaas ayaa waxaa laga soo saarey go'aano ay ka mid yihiin in la
xoojiyo kaabayaasha dhaqaalaha, isla markaana iskaashi iyo xiir adag in
lala yeesho barnaamijka dalalka hodonka ah ay ku taageerayaan dalalka
saboolka ah ee Afrika.
Xagga joojinta iyo ka hortagga colaadaha Afirka ayaa waxay hogaamiyeyaasha
Afrika ay isla garteen in ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo ciidan
nabad ilaalineed oo ay leeyihiin dalalka Afrikaanku.
Iyadoo la qorsheeyey in ciidamo gaadhaya ilaa iyo 1500 in loo diro dalka
Liberia si ay uga qeyb qaataan howsha nabadeynt dalka Liberia.
Ciidamadaasna waxaa lagu rajaweyn yahay in ay kala kala yimaadaan dalalka
waqooyiga Afirika.
Hogaamiyeyaashu waxaa kale oo ay isku afgarteen in si dhakhso ah wax looga
qabto colaadaha ka aloosan dalalka Soomaaliya, Sudan, Burundi,
Jamhuuriyada Dimuquraadiga ee Kongo.
Dhanka Soomaaliya waxay hogaamiyeyaasha Afrikaanku dhiiro galiyeen in la
xoojiyo heshiiska dib u heshiisiinta Soomalida uga socoda dalka Kenya, iyo
in la dhowro midnimada iyo xuduudaha Soomaaliya.
Waxa kale oo ay isla garteen madaxdii ku shirtay Maputu in la qaado olole
xoog leh oo lagu xakameynayo cudurka Aids-ka iyo cudurada kale oo ay ka
mid yihiin duumada iyo Qaaxada oo ay u dhintaan sanad walba malaayiin
Afrikaan ah.
Waxaa kale oo ay madaxdu isla soo qaadeen in la dhowro xuquuda caruurta
iyo dumarka Afrika, kuwaas oo dhibaatooyin badan ay soo wajahdo.
Hogaamiyeyaasha Afrikaanka ayaa waxay dib u dhigeen qodobo ay ka mid
yihiin qaraaro lagu aasaasayo gole ay Afrikaanku leeyihiin oo ay howshiisu
tahay sugida amaanka iyo nabadda dalalka Afrika iyo barlamaan mideysan oo
u dhexeeya dalalka Afrika. Waxaana qaraarkaas dib loogu dhigay in lagu
gorfeeyo shir aan caadi aheyn oo la filayo in la qabto bilaha soo socoda. Top
Bom Lagu
Qarxiyay Baarlamaanka Indooniisiya. |
Jakarta (W.wararka)Boliiska dalka
Indoneshiya ayaa sheegay in bomb yar lagu qarxiyay dhismaha Baarlamaanka
ee magaalada Jakarta.
Bombkaas oo keenay in daaqadihii dhismahu ay daataan, sidaas oo kalena
waxaa dumay darbi, hase yeeshee, bombaasi wax dhaawac ah ma uuna geysan.
Ciidamda danbi baarista ayaa sheegaya in aan lagu degdegin karin in la
sheego cidii ka dambeysay weerarkaasi.
Qaraxan ayaa dhacay dhowr maalmood uun ka dib, markii la xidhxidhay dad
looga shaki qabo in ay yihiin Islaamiyiin xag jir ah.
Weerar lagu qaday guri ku yaala Magaalada Java ayaa Afar ka mid ah dadka
laga shaki qabo waxaa lagu helay qalab lagu sameeyo bombooyinka.
Waxaa kale oo la helay liis ay ku qaran yihiin goobaha la doonayey in
bartilmaameedka lagu dhigto, waxaana ku jiray dhismayaal muhiim ah, iyo
guryo ay degan yihiin dad masuuliyiin iyo xildhibaan leh. Top
ODHAAHDA
AKHRISTAHA: Warqad Furan. |
Aniga oo ah Saleebaan Xuseen Axmed degana
caasimada Hargeysa, ahna Subeer Adeerkii, waxaan maqaalkaygan kaga
hadlayaa qisadii aan hore loo arag ee loo gaystay falkii argagixisada ahaa,
haddaba sida aniga iyo inta ila ra’yiga ahiba aanu hore uga hadalnay,
iyada oo aan dheg jalaq loo siinin oo aan waxba laga qaban raadadkii
cawaaqib xumada reebaya.
Haddaba aniga oo ka hadlay hay’dihii baadhayey arrinkani waxaa jira in
dadkii kiiskan lugta weyn ku lahaa ee guryahooda la geeyey ama lagu hayey
Subeer Yare aanay waxba ka qabana haba yaraatee, waxaa kaloo jirta in
Jigjiga dad lagu xidhay oo Subeer dawladda Itoobiya iyo eheladdii raadka
Subeer ku jiifay iskaashanayaa ay raadkaa heleen, daba galeen, ogaadeen,
qabteen xidheen iyyana qirteen arrinta Subeer in ay lug ku lahaayeen.
Ka dibna masuuliyiinta Jigjiga ay yidhaahdeen dawladdiina waraaq official
ha noo keento, oo ay ku dalbanayso dadkan halkan ku xidhan, ka dibna aanu
ku wareejino intaa ka dib waxaanu sheegnay masuuliyiinta ay khusayso, sida
daakhiliga booliska, C.I.D-da sirdoonka qaranka ilaa iyo imikana aan waxba
laga qaban dadkiina ay xidhan yihiin halkii Jigjiga arrintani shaqadoodaay
tahay arritan ay ka leeyihiin. Iskaba daa qabasho ay qabtaanoo kuwii
Hargeysa hawsha kaga jiray ayaanay ilaa hadda oo ay arkayaan hadh iyo
habeen aanay gacanta ku dhigin.
Haddaba waxaanu ka baqaynaa sansaanta muuqataba tahay in ay dadkan
xidh-xidhan ooda ka qaadaan, wakhti aan fogeyn, arrintaas oo hadday
dhacdana sababi karta in suuqa laysku dhex dilo, isla markaana haddii ay
dhibaato ka timaado ay ka masuul noqon karto xukuumadda aan hawshan waxba
ka qaban.
Haddaba, waxaan maqaalkaygan ku soo gabagabaynayaa masuuliyiinta ay
warqadani ku socoto aan leeyahay ma ogaanshiiyo la’aan baa ka haysa mise
maba oga mise sidan la samaynayo ayaan raali ka yihiin.
Saleebaan Xuseen Axmed.
Hargeysa. Top
Aynu Ilaalino
Qaranimada. |
Cimirga qaran wuxuu jiraa inta si sax ah loo
fulinayo Dastuurka dal iyo Xeerkiisa.
Aniga oo ah muwaadin reer Somaliland ah, oo dhumo sare u leh qawaaniinta
iyo shuruucda dalkiisa u degsan (oo ah dastuurka iyo xeerarka) una
hogaansan, murana aanu ku jirin in xuquuqda muwaaadinimo farayso
dhawristooda, aniga oo maanka ku haya ogolaanshaha uu I siinayo qodobaka
25-aad ee dastuurka farqadiisa 1,2 iyo 4aad, ka diba markii ay soo
ifbaxeen xad-gudubyo badan oo lid ku ah dastuurka waxaan go’aansaday
bayaankan gurmadka ah aniga oo talaabadaas u arkay lid iyo dhabar jab
qaranimada iyo jiritaanka umadnimo.
Ka dib markii aan arkay digreetada Madaxweyne No: 22/2002 ee uu saxeexay
madaxweynaha Daahir Rayaale Kaahinkuna ogolaaday go’aanka G/wakiiladda/Kf/17/216/2002
ee 24/06/02 ku ansixiyeen xeerarka gobolada iyo degmooyinka JSL xeer
No:23/2003 iyo go’aanka golaha guurtida ee JSL kalfadhigii 17aad/ go’aan
3/07/2002 ee 10/07/2002.
Haddaba waxa fajiciso iyo waxaan loo fadhiyin ugu noqotay xad gudubka
badheedhaha ah ee uu madaxweynuhu la beegsaday qawaaniinta iyo xeerarkii
ummadda, ee loogu codeeyey 97%, isaga oo jebiyey kuna xad gudbay qodobka
35aad ee xeerka gobolada iyo degmooyinka iyo qodobka 48aad/ qodobka 94aad
ee dastuurka qaranka oo tilmaamaya in ay reebantahay Mudane ka mid ah
golayaasha deegaanka iyo golayaasha qaranka aanay qaban karin xil kale oo
dawladeed, kaa oo ay dhacday haddaba idinka oo ay tahay hawshiina
waajibaadkii golaha wakiiladda waad afgaran laadihiine madaxweynaha
caawiya oo mariya sifaha sharciga ah.
Haddaba, waxaan idinkula dar-daarmayaa dadka ninka ugu il-dheerbaa ugu
ayaan darran ee haygaga tegina idinka oo jooga.
Prof: Xasan Axmed Warsame, Hargeysa. Top
Cadaalad Daro
Waa Cadaab. |
Waxaan halkan uga soo gudbinayaa saxaafada
xorta ah Salaanta qiimaha badan ee ay ina farayso diinteena xaniifka ah ,
waxaan mar labaadka u soo gudbinayaa mahad balaadhan oo ka turjumaysa
shucuurta iyo dareenka qalbiga oo ku yididiisha wararka darayga ah ee
boqolaalka kun ee mayl ay nagu soo gaadhsiiso saxaafadayadu waxaanan
leeyahay waad ku mahadsantihiin dadaalka iyo kartida aad u muujiseen
waxaanan idiin sheegayaa inaad quluubta qurba jooga meel halis ah kaga
qorantihiin taariikhda S/landna aad ka geli doontaan baal dahab ah ,
Waxaan mar sadexaadka idinka codsanayaa inaad maqaalkan iga gaadhsiisaan
dhamaan mujtamaca reer S/land, maqaalkani wuxuu si gaar ah ugu socda
Golayaasha Guuritda , Hay'adda Maxkamadda sare ee dalka iyo Garsoorka iyo
Caddaalada , Axsaabta mucaaradka ah, xukumadda S/land iyo khusuusan Gudida
Komishanka doorashooyinka.
Qormada maqaalkaygan waxaan ku tilmaamayaa waxay tahay caddaaladu ,
qiimaha cadaaladu leedahay , siday S/land ugu baahanay , cidda fulin karta
, waxa ragaadin kara iyo cawaaqibka ka iman kara hadii cadaalad la waayo.
Golayaasha guurtida iyo Wakiilada, Gudida komishanka doorashada ,Axsaabta
mucaaradka ah, Hay'adda Garsoorka iyo caddaalada, Dawladda S/land iyo
golayaasheeda wasiirada, wakiilada , maareeyashaasha, Agaasimayaasha,
Taliyayaasha ciidamada militeriga, boliska iyo sirdoonka qaranka waxaanu u
sheegaynaa hadaanu nahay qurba joogga reer S/land inay dhawraan,
ilaaliyaan, xafidaan oo ay indho soo jeeda ku hayaan jiritaanka
Caddaaladda kana digtoonaadaan, Dulmiga, duudsiga, eexda qaraabakiilka,
laaluushka iyo lunsiga hantida dadweynaha iyo qaranka.
Caddaaladu waa wax aan la'aanteed la heli karin nolol wanaagsan oo aan
werwer lahayn waana muraayadda laga daawado qaab nololeedka ay beel,
deegaan, dal ama mujtamac u nool yihiin ee ka turjunta deganaanshaha,
xasiloonida iyo niyad samida ay mujtamacaasi u nool yihiin, Caddaaladu waa
aasaaska iyo tiirarka nolosha waana qalabka loo adeegsado marka la rabo in
la bineeyo maamul loo siman yahay oo deeqa inta hoos timaada oo ay ka mid
yihiin dad , duunyo , duurjoog iyo deegaanka marka lagu daro biyo ku
noosha baddaha iyo harooyinka guntooda ku nool.
Caddaaladu waa hoy , hadh iyo hanti lagu soo hirto lana soo haybiyo oo
halka lagu tilmaamo ay cid waliba baadi doonto ,caddaaladu waa saadka iyo
sahayda nolosha , dhinac kasta oo laga eego caddaaladu waa wax aan
la'aanteed la noolaan karin hadii la waayana waxaa la waayayaa dhamaan
aasaaska nolosha oo ay ugu horayso Nabadgelyadu.
Hadaba si aynu u helo caddaalad iyo sinaan ayaa waxaynu u soo marnay wado
dheer iyo jid aynu kula soo kulanay inta dhibaato aduun jirta oo dhan ,
waxaynu inaga oo raadinayna caddaalad aynu soo marnay dil , dhac, kufsi ,
jidh dil , xabsi , waxaa u dhintay baadi goobka caddaalada kumanyaal geesi
waxaa u goblamay kumanyaal hooyo oo maanta aan cid iyo ciirsi toona haysan
noloshoodiina ku dambaysay dewarsi iyo in ay gidaarada seexdaan oo qalbiga
iyo indhahaba ka ooyaya habeen iyo maalinba, waxaa u agoomoobay boqolaal
kun oo caruur ah oo maanta aan haysan aabe daryeela noloshoodiina ay soo
wajahday dayac , gaajo , haraad , arad , cagaag iyo waxbarasho la'aan oo
mustaqbalkoodii madow yahay , raadcada iyo baadi goobka Caddaalada waxaynu
u hurnay malaayin iyo malaayin lacag ah , waxaynu u hurnay wax ala wixii
aynu hanti iyo aduun haysanay ee dhex yaalay S/land ee lahaa Dahab ,
Dheeman , Gawaadhi , Maraakiib , iyo Khasnado ay lacag nooc kastaaba dhex
jiiftay , waxaanaynu ka door bidnay waxaas oo hanti iyo maal aynu haysanay
oo aynu weliba u hurnay nafteenii oo aynu geeri u soo xidhnay sidii aynu
heli lahayn Caddaalad.
Inaga oo soo marnay waxaynu ogayn oo aan qalin iyo warqad lagu soo koobi
karin oo qalin iyo warqad iska dhaafe aan lagu soo koobi karayn wixii ina
qabsaday malaayin iyo lag xaashadood oo ay ina qoyan yihiin nabaradii
inagu dhacay oo aynu maalin walba arkayno xabaalo lagu aasay dad la xabaal
nololeeyey ayaa maantana waxaa ina soo wajahay maalmo madow oo u eg kuwii
aynu ka dagaalanay oo ay sababtay Caddaalad darradu oo kale.
Waxaynu galay doorasho xor ah waxaanay u dhacday si aad iyo aad u qurux
badan waxaana ku amaanan shacabkeena qaaliga ah ee sharafta iyo karaamada
ilaahay ku manaystay waxaanay si xilkasnimo leh u guteen waajibkoodii
iyadoo aad arkayso sida wararku nagu soo gaadhayaan laba walaalo ah oo
guri kasoo wada toosay oo mid waliba xisbi gaar ah u codeeyey , waxaad
arkaysaa hooyo iyo aabe nolol wadaagay oo u kala codeeyey laba xisbi oo
kala jaad ah , waxaad halkaa ka daalacanaysaa sida ay u bislaadeen
shacabkeena qaaliga ahi ee sida sharafta iyo wanaagu ku jirto ugu codeeyey
xisbiyadeena qaranka oo dhamaantood ah xisbiyo ka dhex abuurmay mujtamaca
reer S/land mid kastaana xaq u leeyahay inuu hogaamiyo shacabkiisa iyaga
oo kala jiidanaya codka shacabkooda waana mid ku waajib ah axsaabtu inay
shacabka tusaan soona bandhigaan istiraatijida uu mid kastaaba doonayo
inuu ku hogaamiyo dalka iyo dadka.
Hadaba waxay ayaan darradii ugu weyneyd dhacday ka dib markii Shir
gudoonka labada gole ay faro gelin ku sameeyeen Gudidii komishanka , waa
sida warku nagu soo gaadhayo'e waxay shir gudoonka labada gole u kala dab
qaadeen madaxtooyada iyo xarunta gudida doorashooyinka , iyagoo faro gelin
caddaan ah ku sameeyey gudidii komishan xilkiina kala wareegay ayay
shirgudoonka labada gole maroorsadeen taladii oo markii ugu horaysayba
waxay bedeleen wakhtigii loo cayimay ku dhawaaqista doorashada oo ku
beegnayd 18 April 2003 oo ahayd maalin jimce ah iyagoo shirgudoonka laba
gole amar ku siiyey Gudida komishanka inay dib u dhigaan ku dhawaaqista
natiijada iyagoo ku andacoonaya waxaa jirta cabashooyin ka imanaya dhinaca
Udub sidaa aawadeed waa in aad dib u dhigtaan ku dhawaaqista natiijada oo
ka dhigtaan maalinta sabtida oo ay u qabteen sagaalka subaxnimo , Waxay
hadana isla sabtidii dib ugu riixeen gelinka danbe ee isla maalintaas ,
waxay fara gelinta shirgudoonka labada gole ay dib u dhigeen ku
dhawaaqista natiijada laba jeer oo kala danbeeya , waxay arintaasi yaab ku
noqotay dhamaan shacabka reer S/land oo dareemay inay jiraan waxaan markaa
la saadaalin karayn laakiin waxaa cadaatay inay jiraan sababo dib u
dhigaya ku dhawaaqista natiijada doorashada waxaana soo baxay shaki fara
badan iyo dareemo shiiqiyey niyad samidii shacabka gudo iyo debedba oo
diyaar u ahaa dabaal deg loo dabaal dego kolba xisbaga guushu raacdo
waxaana dadkii ku dhacay jahawareer iyo amankaag.
Waxaa lagu dhawaaqay natiijadii doorashada waxaana la iclaamiyey in uu
guulaystay xisbiga Udub waxaase isla markiiba gaashaanka ku dhuftay
xisbiga Kulmiye oo diiday natiijadii doorashada kuna tilmaamay inaanay
ahayn natiijadii rasmiga ahayd ee la isla ogaa , waxaa markaa sii
xoogaystay shakigii ay shacabku qabeen muxaafid iyo mucaariba , waxay
ahayd hadaba arinta shakigii rumaysay ka dib markii ay shir gudoonka
labada gole qirteen inay cabasho uga timi dhinaca dawlada oo uu u yeedhay
madaxweyne Dahir Riyaale , waxaa yaab iyo afkala qaad noqotay markii ay
qirteen weliba inay ajiibeen baaqii madaxweynaha oo ay shirgudoonka labada
gole sheegeen inay ergo ahaan ugu tageen gudida komishanka iyaga oo sida
dhanbaalkii cabashada ahaa una socdaan dhexdhexaadin.
Hadaba halkaa waxaa ka muuqda faro gelin ay shirgudoonku ku sameeyeen
arimihii doorashada , waxaa kale oo layaab ku noqotay shacabka reer S/land
sida ay uga jawaabeen gudida doorashooyinku cabashadii ka soo yeedhay
xisbiga kulmiye ka dib markii uu sheegay in uu hayo cadaymo oo qayb
cadaymahaas ka mid ah ay ku soo bandhigeen shir jaraa'id oo ay ka soo qayb
galeen dad aad u badan oo ay ka mid yihiin goobjoogayaashii ajaanib ka
ahaa , culimaa'udiin , Saxaafadda xorta ah iyo weliba gudoomiyhii gudida
komishanka oo isaguna ka hadlay goobtaas qirayna in bani'aadamku khaldami
karo loona baahan yahay in hadii khalad dhaco la saxo , ayaa waxaa hadana
cajiib noqotay jawaabta C/laahi Jawaan ee ku wajahan xisbiga kulmiye isaga
oo tilmaamay inay dhaleeceeyeen gudida komishanka isaga oo weliba C/laahi
ku hanjabay inay si toos ah uga hortegi doonaan waxa uu ku tilmaamay
cambaaraynta iyo dhaleecaynta kulmiye ku wado gudida doorashooyinka ,
waxaa la yaab ah sida erayada C/laahi Jawaan ay uga maqan yihiin
caddaaladii iyo garsoornimadii uu qaaday iyo weliba dulqaadkii ku waajibka
ahaa cid kasta oo qaada xil garsoornimo , waxyaabaha yaabka ah waxaa ka
mid ah baaqa C/laahi Jawaan ugu baaqay maxkamadda sare ee uu ku leeyahay
Waxaanu ka codsanaynaa inay maxkamdda sare ansixiso natiijada saxda ah oo
uu uga gol leeyahay natiijada ay komishanku ku dhawaaqeen oo C/laahi
caddeeyey inaanay sinaba uga noqonayn inkasta oo aanu marna afkiisa soo
marin C/laahi bal in lagu noqdo hubin iyo in la qanciyo xisbiga cabanaya.
Hadaba waxaa muuqda khaladaad badan oo ay masuul ka yihiin Shirgudoonka
labada gole iyo gudida komishanku sidaa aawaadeed waxaanu doonaynaa inaanu
ogaysiino inay xasuustaan cawaaqib xumada ay leedahay caddaalad daradu ,
waxaanu xusuusinaynaa inuu dulmigu yahay wixii ilaahay naftiisa ka xarimay
adoomihiisana ku amray inay ka dheeradaan , waxaanu xusuusinaynaa inay
ogaadaan in ay caddaalad darradu ahayd wixii aynu ka dagaalanay ee aynu
naf iyo maalba u hurnay oo cidina aanay qaayibin qaadana karin , waxaanu
xasuusinaynaa in hadii ay naqaan gar eexo wax kasta oo ka yimaada ama ay
sababto dulmiga ay naqaan uu dumadooda saaran yahay , waxaanu
xasuusinaynaa inaanay aduunyada maanta oo qudha ahayn ee ay taariikhdu
qori doonto ficil kasta oo ay ku kacaan mid xun iyo mid wanaagsanba ,
waxaanu xasuusinaynaa in ay labada gole , Gudida komishanka iyo hay'adda
garsoorku (maxkamdda Sare) masuul ka yihiin wax alaale iyo wixii ku dhaca
xaq darro iyo caddaalad xumo oo ay iyagu dalka iyo dadkaba masuul ka
yihiin wixii soo gaadha.
Anaguna hadaanu nahay muwaadiniinta qurba joogga ah ee u soo hayaansan
dalkooda waxaanu ilaahay ka baryaynaa inuu dalkayga iyo dadkayagaba
belaayo ka hayo waxaanu ilaahay ka baryaynaa inuu masuuliyiinta
shacabkayaga xaqa waafajiyo kana dhawro caddaalad darro , dulmi iyo gar
eexo oo badheedha inay u naqaan si badheedh ah.
Siciid Suleiman. Top
WAADIGA
CIYAARAHA, A/fataax M. Caydiid. |
“Beckham Waxa Lagu Xukumi Doonaa Awoodiisa
Ciyaareed Ee Laguma…...”
Roberto Carlos.
Madrid (Reuters) - “Kabtanka England David Beckham waxa lagu xukumi doonaa
awoodiisa ciyaareed ee laguma xukumi doono sawirkiisa suuqeynta
(Marketing) ee Real Madrid”. Sidaa waxa yidhi difaacyahanka reer Brazil
Roberto Carlos.
“Real Madrid ma ah meel sawiro iyo xayeysiis. Waxaanu nahay koox kubad
caged, waanuna ognahay in ay ujeedadayadu tahay in aanu ciyaaraha ku
guulaysano oo aanu koobabkana ku guulaysano. Waxaan hubaa in Beckham ku
socdo inuu halka kubadda cagta uun ku koobnaado.” Roberto Carlos, ayaa
sidaa u sheegay Wargeyska maalinlaha ah ee ciyaaraha ka faallooda “Marca”,
waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi: “Beckham waa ciyaartoy weyn, waxaanu
xoojin doonaa kooxda. Waxa aan doonayaa in ay dhacaan waa marka uu
ciyaarta ugu horeysa ciyaaro inuu noqdo ka ugu wanaagsan, sidaas darteed
qof waliba uu arko inuu yahay ciyaartoy tayo wanaagsan leh. Dariiqadaas
ayaa soo geba-gebeyn doonta odhaahaha sheegaya in aanu ka badnayn
dacaayadaha oo keliya.”
Beckham oo ku soo biiray Real Madrid, kadib markii uu ka soo wareegay
Manchester United bishii hore, ayay soo saareen dad badan oo ah kuwa ka
faallooda ciyaaruhu ee dalka Isbayn inuu yahay wax dheeraad ku ah wixii ay
u baahnayd kooxda Real oo siinaya tayo aad u sareysa oo khadka dhexe ah.
Ku soo biirida kabtanka England, si kasta ha ahaatee, waxay u muuqataa in
ay qayb ka tahay siyaasadda kooxda ee xoojinta sawirkeeda, gaar ahaan
suuqayada qaaradda Aasiya ee aadka muhiimka u ah. Laakiin Roberto Carlos
ayaa sheegay inuu rumaysan yahay marka xilli-ciyaareedku bilaabmo in
ciyaartoyga hore uga tirsanaa kooxda Manchester United lagu kala saari
doono ciyaar-wanaagiisa kubadda cagta ee uu soo bandhigo.
“Wakhtigan aynu taaganahay qofkastaa wuxuu hadlayaa sida wanaagsan ee uu u
egyahay iyo fiicnaantiisa, balse marka uu bilaabo inuu ciyaaro waxaas oo
dhammi way isbeddelayaan,” ayuu yidhi Roberto Carlos. Top
Mexico Oo 1-0
Kaga Adkaatay Brazil Tartanka CONCACAF Gold Cup. |
Mexico City (AP) - Jared Borgetti ayaa
dhaliyay gool uu ka fiirsaday daqiiqadii 79aad Axadii, kaas oo ay Mexico
kaga adkaatay 1-0 dalka Brazil ciyaartii wareega furitaanka koobka
CONCACAF Golden Cup.
Brazil way ka ciyaar fiicnayd martisoorayaasha Mexico ciyaartii gelin
dambe dhacday inteedii badnayd, balse Daniel Osorno ayaa dejiyay goolkii
guusha ciyaartu ku raacday, kadib markii uu gilgilay difaacii, kadibna
baas dhinaca bidix uga soo baasay Borgetti, kaas oo madaxa kaga dhuftay
kubadda meel dhow goolkana dhex dhigay.
Dad badan ayaa u arkayay in guusha ciyaartu si lama huraan ah u raaci
doonto Mexico oo haysata tababaraha gaamuray ee reer Argentine ee Ricardo
Lavolpe.
Tababare Lavolpe, wuxuu sheegay ciyaartan ka hor inuu filaayo in ay kor u
soo kici doonaan ciyaartoygiisu si ay ula loolamaan uguna jawaabi doonaan
ciyaartan muhiimka ah oo kale.
Way dhacday taasi, ciyaartoyda Mexico-na waxay awoodeen in ay muquuniyaan
ciyaartoyda martida u ahayd oo difaacoodu khibrad yaraa, kadibna way
dhamaatay, Lavolpe ayaa guusha ka yidhi: “Guushan ayaa isu duba-riday
kooxdaydii, tana waxay ahayd wax kalsooni geliyay ciyaartoydayda.”
Daqiiqadihii hore ciyaarta ciyaartoyda Mexico ayaa kubadda la galay gudaha
qaybta Brazil dhawr jeer, laakiin Brazil waxay kala hortimid difaac adag
oo niyad xumo ku riday kooxda martida loo ahaa iyo taageerayaal goor dambe
yimid oo gaadhayay 70,000 qof garoonka caasimada Mexico ku yaal ee Azteca
Stadium.
Fursadii Mexico ugu wanaagsanayd waxay heshay daqiiqadii 10aad, kadib
markii Rafael Garcia uu jebiyay khadka dhexe uuna laad xoogan oo sare ku
dhuftay, kaas oo goolwadaha Brazil, Gomes dhaafay, balse dhinaca midig ka
martay goolka. Brazil ayaa kantarooshay, gacanta sarena lahayd wakhtigii
dambe ee qaybta hore ee ciyaartaas, iyagoo weerar isdaba joog ah ku hayay
difaaca Mexico. Daqiiqadii 22aad ayuu weeraryahanka Brazil, Robinho kubad
ka dhex booday laba difaac, hase yeeshee kubaddaasi waxa uu mariyay gool
dhinaciisa bidix.
Mexico imika waxay hogaaminaysaa Group A, waxaanay u gudbaysaa
quarterfinals-ka haddii ay ka guulaysato Honduras ciyaarta ay khamiis la
yeelanayso.
Laba kooxood ee afarta guruup ee tartanka koobka dahabka ah ee CONCACAF
ugu sareeya ayaa u soo gudbi doona quarterfinals-ka sabtida dambe oo lagu
qaban doono magaalada Foxboro ee gobolka Massachusetts dalka USA oo laba
ciyaarood lagu qaban doono, halka magaalooyinka Miami iyo Mexico City lagu
qaban doono min hal ciyaar. Kooxa ku guulaystaa waxay u soo gudbi doonaan
semifinalska oo lagu qaban doono Miami july 23 iyo Mexico City July 24.
ciyaarta kama-dambaysta ahna, waxa loo qorsheeyay in ay ka dhacdo
caasimadda Mexico July 27keeda.
Koobka dahabka ah waxa weeyaan horyaalka qaarada waqooyiga iyo badhtama
Ameerika iyo jasiiradaha Caribbean-ka loo yaqaan, iyadoo weliba labada dal
ee Brazil iyo Kolombiyana lagu soo casuumay. Brazil waxay soo dirtay
kooxda ciyaartoyda 23-jirka ka hooseeya ah oo uu tababare u yahay Ricardo
Gomes oo sheegay in aanay ujeedadoodu ahayn in ay ku guulaystaan koobka.
Top
|