Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 377 July 18, 2003

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Digtay In Shaqsiyaad Sheeganaya Somaliland Laga Ogolaado Ka Qaybgalka Shirka Nairobi.

Ehelada Dadkii Xasuuqii Jasiira Oo Dalbaday In Maxkamad Lasoo Taago Gacan Ku Dhiiglayaashii.

Midawga Yurub Oo Diraasad Ku Samaynaysa Sidii Laskugu xidhi Laha Dekada Berber Iyo Itoobiya.

Deyr Loo Dhisayo Taangiyada Biyaha Ee Gebilay.

Wasiirka Ganacsiga Oo Furay Carwo Ay Soo Bandhigeen Ganacsatada Suuriya.

Tog-Wajaale Oo Loo Sameeyay Gole-Hoosaad Maamul.

Madaxweyne Rayaale Oo Magacaabay 5 Wasiir Ku Xigeen.

Safaaradda Maraykanka Ee Jabuuti Maxay Kaga Jawaabtay Duqayntii Ceebaad?

Wefti Reer Muqdisho Ah Oo Hargeysa Socdaal Ku Yimi, “Lixdankii Hargeysa Iyo Muqdisho Ayaa Isku Darsaday, Mantana Iyaga Ayay U Taal,” Faysal Cali Waraabe Oo Weftiga Soo Dhoweeyay.

Burco: Dareenka Siyaasadda, Duruufaha Maamul Iyo Jewiga Nolosha
War-Bixin --- A. Ducaale.

Haatuf Oo ay CID-du Dacwad Labaad Ku Soo Oogtay.

45 Ganacsatada Haweenka Ah Oo Tabobar Ugu Xidhmay Burco.

Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Khayriyadda Ka Hadlay “Tijaartu Sida Ay Doonaan Ayay Ugu Takri Falaan Dhulka.”

“Nimaad Jeclayd Haddii Laga Gol-Roonaado Ileyn Waad Gal-Galataa..”
Proff. Azhari -- Waraysi.

IFTIINKA ISLAAMKA: Qiimaha Wakhtigu Ku Leeyahay Islaamka.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Oo Bilowday Baadhitaanka Caanaha Kasoo Gudba Wajaale.

UDUB, KULMIYE iyo UCID oo Soo wada saaray war-murtiyeed.

Sadaam Xuseen Oo Soo Diray Fariin Cusub, Iyo Heegan La Geliyay Ciidamada Maraykanka.

Madaxwayne ku xigeeno loo dhaariyay Congo.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Maxaa U Sabab Ah Dayaca Gobollada Bari?

Fadeexadii Ka Ganacsiga Dadka, Cusmaan C/Laahi (Sool), Copenhagen.

WAADIGA CIYAARAHA: Kooxda Gaashaan Oo 55-44 Kaga Adkaatay Kooxda Al-Aqsa.


Xukuumadda Somaliland Oo Ka Digtay In Shaqsiyaad Sheeganaya Somaliland Laga Ogolaado Ka Qaybgalka Shirka Nairobi.

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland Edna Aadan Ismaaciil ayaa ka warantay mawqifka ay xukuumadda Somaliland ka taagantahay shirka dib u heshiisiinta kooxaha dalka Soomaaliya (Mustacmaradii hore ee Talyaaniga), waxaanay iyada oo warfidiyeenada ugu waramaysa xafiiskeeda sheegtay in xukuumadda Somaliland ay ku farxi doonto, haddii ay kooxaha Soomaaliya ee ku shirsan Nairobi ay ku heshiiyaan inay dalkooda nabad ku soo dabaalaan, maamul ay u dhan yihiin samaystaan, si loo soo afjaro colaada dami weyday ee dhibka joogtada ku haysa dadkoodu, waxaanay intaa ku dartay in xukuumadda Somaliland in haddii dalka Soomaaliya talyaanigu gumaysan jiray ka dhisanto xukuumad sharciyad ku fadhida oo si dimuqraadi ah loo soo doortay, isla markaana haysata taageerada buuxda ee dadka Soomaaliya, ay markaas dawladda Somaliland diyaar u noqon doonto sidii ay wada hadal ula yeelan lahayd Soomaaliya, iyada oo la yahay laba dhinac oo siman. Laakiin waxay si kulul uga digtay in haddiiba shirku ansixiyo shakhsi/shakhsiyaad sheeganaya in ay shirka ay wakiil kaga yihiin xukuumadda ama shacabka Somaliland, xukuumadda Somaliland waxay si rasmi ah u sheegaysaa in arrintaasi ay carqalad ku noqon doonto mustaqbalka wada hadalkii dhexmari lahaa Somaliland iyo xukuumadda Soomaaliya ka dhalan doonta shirka Nairobi.

“Marka aanu wada hadal u jeedno waxa weeye in loo fahmo mid dhexmara laba xukuumadadood oo mid waliba sharciyad ku qotomo, iyo labada dawladood ee ay matalayaan oo kala ah Soomaaliya iyo Somaliland, wada-hadalkaas oo haddii aanu nahay aananu ogolaanaynin fikrada sheegay in ay Somaliland qayb ka noqon doonto, nidaamka federaaliga ah ee shirka Nairobi lagu qaatay in Soomaaliya dawlad loogu dhiso.”
Sidaa waxa tidhi Marwo Edna Aadan oo ka digaysay in shirka Nairobi faragelin ku soo sameeyo Somaliland.

Wasiirku iyada oo ku hadlaysa magaca dawladda Somaliland waxay ugu baaqday hogaamiyayaasha kooxaha Soomaaliya, dawladaha xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, ururka Midawga Afrika, ururka qaramada midoobay iyo dalalka deeqaha bixiya inay iska ilaaliyaan qawl iyo ficil ahaanba waxkasta oo lid ku ah Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana mandaqada geeska Afrika ku abuuri kara qas, dagaalo iyo xasilooni darro hor leh. 

Top


Ehelada Dadkii Xasuuqii Jasiira Oo Dalbaday In Maxkamad Lasoo Taago Gacan Ku Dhiiglayaashii.

Ehelada Dadkii Xasuuqii Jasiira Oo Dalbaday In Maxkamad Lasoo Taago Gacan Ku Dhiiglayaashii

Hargeysa (Haatuf): Iyadoo ay maalintii shalay oo bisha July ay ahayd 17 ay ku beegnayd xasuuqii loo geystay 46 qof oo ahaa muwaadiniin reer Somaliland ah oo lagu gumaaday xeebta Jasiira sannadkii 1989 oo uu taliskii Siyaad Barre habeen madow dhegta dhiiga ugu daray ayaa eheladii iyo qaraabadii dadkaas la laayay iyagoon waxba galabsan ay ka dalbadeen bulshada caalamka in maxkamad iyo cadaaladda la horkeeno gacan ku dhiiglayaashii dhagartaa geystay. Amarka lagu laayay dadkaa masaakiinta ahaa waxa uu ka soo fulay keligii Taliyihii Siyaad Barre iyo inankiisii Maslax oo ay gacan ku siinayeen inaadeerkii Canjeex iyo Axmed Saleebaan Dafle oo qabay gabadh uu dhalay Siyaad Barre iyo wasiirkiisii arrimaha gudaha C/qaasim Salaad Xasan iyo xubno kale oo ka tirsanaa taliskaasi, taasoo habeen saq dhexe taariikhduna ay ahayd 26 July 1989-kii dadkaa tiradoodu ay gaadhaysay 47 qof guryahooda lagala baxay, gaar ahaana guryo ay degenaayeen qabiilka Isaaqa, dadkaasoo ay badankoodu ahaayeen dad dhallinyaro ah oo wax ka baranayay jaamacadihii Muqdisho iyo shaqaale ka shaqaynayay wasaaradihii xukuumadda, kadibna dadkaasi inta saq dhexe la isugu geeyay xeebta Jaziira ayaa lagu laayay iyadoo rasaas ooda lagaga qaaday kadibna waxa lagu aasay Caga-cagafyo iyo qalab kale iyadoo lagu rogay bataaxa ciida badda, balse qadarka Ilaahay wiil yar ayaa ka badbaaday isagoo kasoo dhexbaxay ciidii nolol ahaan, kaasoo suurtageliyay inuu warku gaadho Muqdisho afarteeda dacal.

Sida uu noo sheegay Xasan Maxamed Cabdi, dadka la laayay waxa ka mid ahaa 9 qof oo qaraabadiisa ah oo kala ahaa, afar ay walaalo yihiin, afar ay ilma-adeer ahaayeen iyo hal qof oo inaabtigii ah oo lagala wada baxay isku guri, dhammaantoodna ahaa rag dhallinyaro ah, ta ugu naxdinta badanina waxay ahayd Cabdi Maxamuud Cabdi oo ka mid ah dhallinyaradaasi waxa uu maalmahaa ku jiray arooskiisii. Sidaa darteed iyadoo ay 14 sano ka soo wareegtay dhagartaasi qaraabada dadkaasi waxa ay sugayaan in mar uun cadaaladda la horkeeno dembiilayaashii dagaalkaa geystay.

Top


Midawga Yurub Oo Diraasad Ku Samaynaysa Sidii Laskugu xidhi Laha Dekada Berber Iyo Itoobiya.

Hargeysa (Haatuf): Ururuka Midawga Yurub ayaa maalgeliyey daraasad lagu eegayo sidii dib loogu hagaajin lahaa isku xidhka dekedda Berbera iyo Itoobiya, taas oo yeelan doonta saddex weji oo kala ah 1) Isku xidhka Berbera iyo dalka Itoobiya ee dhinaca badda iyo berriga 2) Xidhiidhka gaadiidka cirka ee Somaliland la leedahay Djibouti, Itoobiya iyo Kenya 3) Adeegyada Kastamadda.

Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray ururka Midawga Yurub, ujeedada mashruucani waxa weeyi in la xoojiyo dhaqaalaha gobolka, iyada oo laga faa’iidaysanayo iskaashiga iyo xidhiidhka ganacsi ee korodhka ku yimid iskaashigii iyo ganacsigii u dhaxeeyey wadamada mandaqadda.

Hirgelinta daraasadan waxa u xilsaaran koox hawlwadeeno ah oo uu hogaaminayo Mr. Rene Cousin oo ka tirsan xafiiska caalamiga ah ee Louis Berger, iyada oo shir wada tashi ah 28-ka bishan lagu doono magaalada Hargeysa kaas oo lagaga wada hadli doono natiijooyinkii ka soo baxay daraasadaasi.

Wefti aad u balaadhan oo Itoobiyaan ah, oo ay ka mid yihiin saraakiil ka socota wasaaradda maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha, wakaaladda wadooyinka ee Itoobiya, hay’adda batroolka, wakaaladda kastamada iyo maamulka garoomada diyaaradaha, ayaa la filayaa inay Hargeysa dhawaan yimaadaan si ay uga qayb galaan shirkaa. Weftigu waxay 29-ka bisha booqasho ay jidka marayaan ku tagi doonaan magaalada Berbera si ay u soo eegaan dekedda.

Ururka midawga Yurub ayaa sanadahan u dambeeyey Somaliland u fidiyey taageero dhaxal gal ah oo dib loogu hagaajinayo wadada laamiga ah ee dalka Isku xidha, isla markaana ururka midawga Yurub ayaa sanadkii 2000 taageero ka geystay aasaasidii wakaaladda wadooyinka ee Somaliland (SRA).

Top


Deyr Loo Dhisayo Taangiyada Biyaha Ee Gebilay.

Gabiley (Haatuf): Maareeyaha hawl fulinta hay’adda wadaniga ah ee isu tagga Att-Group Mr. Maxamuud Muuse Meecaad ayaa arbacadii doraad furay mashruuc loogu dhisayo dhisme deyr wayn ah, taangiyada keydka biyaha Gabiley.

Mashruucan oo ay maalgelisay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR oo ay fulinayso hay’adda wadaniga ah ee isu tagga ATT-Group, waxay ujeedadiisu tahay sidii dadka qaxootiga ah ee ku soo laabtay Gabiley ay u heli lahaayeen biyo nadiif ah, isla markaana dayrkani sidii uu dayrkan uga ilaalin lahaa wixii wasakh ah ee ku iman lahaa taangiyada biyaha lagu keydiyo ee ay dadka reer Gabiley ka cabaan, iyo sidii uu uga celin lahaa carruurta yar yar ee fuusha taangiyadda kaydka biyaha.

Mareeyaha NGO-ga wadaniga ah ee fulinaya mashruucan ayaa sheegay inuu Degmada Gabileyhore uga soo fuliyey mashaariic badan.
Maareeyuhu wuxuu furitaankii mashruucaa u mahad celiyey hay’adda UNHCR ee mashruucan maalgelinaysa.

Top


Wasiirka Ganacsiga Oo Furay Carwo Ay Soo Bandhigeen Ganacsatada Suuriya.

Hargeysa(Haatuf); Carwo ay soo qaban qaabiyeen Ganacsato ka timi dalka Suuriya ayaa shalay lagu qabtay Hoolka Xarunta Hotelka shaqaalaha ee magaalada Hargeysa, furitaankii Carwadaa waxa xadhiga ka jaray, Wasiirka Ganacsiga iyo wershedaha Maxamed Xaashi Cilmi,waxaana kasoo qayb galay xafladii furitaanka Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga C/raxmaan Faarax Sugaal, Gudoomiye xigeenka, masuuliyiin kale iyo marti sharaf. Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga oo hadalo kooban halkaa ka jeediyay ka dib waxa ka hadlay wasiirka ganacsiga Maxamed Xaashi Cilmi oo ka waramay kaalinta ay wasaaradiisu ku yeelan karto horumarka dalka iyo faaidada ay carwooyinku u leeyihiin bulshada.

Wasiirku waxa uu sheegay inay carwadani tahay tii shanaad ee dalka lagu qabto , kuwaas oo sadex ka mida lagu soo bandhigay waxyaabaha dalkeena ka soo baxa , halka tan tii ka horaysayna ay ahayd carwadii ay dalka keeneen ganacsatadii dalka Iiraan, islamarkaana wuxu sheegay inay dadka reer somaliland yihiin dad indha dheer oo wax ka baranaya carwooyinka.

Mr Xaashi waxa uu sharaxaad ka bixiyay hawsha wasaaradda Ganacsiga iyo waxyaabaha ay doonayaan inay wax ka qabtaan, wuxuuna sheegay inay wasaarad ahaan doonayaan in farsama yaqaanadii dib loo habeeyo oo wax la baro , islamarkaana loo baahan yahay inay wershedaha yar yar ee la samaynayaa is habeeyaan si ay ula shaqeeyaan oo wax loola qabto, si loo soo kiciyo dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalka. Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “sida aad ogtihiin dawladu ma laha waxay ka ganacsato ee wasaaraddu waxay u samaysan tahay sidii ay dadka ugu shaqayn lahayd ee looga faaidayn lahaa.” Wuxuuna intaa ku daray inay wasaaradda Ganacsigu la mid tahay wasaaraddaha kale ee beeraha iyo xoolaha, kuwaas oo dhamaantood loogu tala galay inay dadka wax la qabtaan.

Wasiirku waxa uu sheegay in wakhtigan lagu jiro xaalad qalafsan, taas oo uu ku sheegay siyaasiyan halka aynu marayno ee aynaan caalamka aqoonsi ka helin, taas oo ah arrimaha ay dhibaatadu inagu haya, wuxuuna isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi “Mararka qaar, waxaan is-idhaahdaa haddii la idin aqoonsado, baanaka ayaad lacag ka amaahanaysaan oo sida Afrikaanka kale loo haysto ayaa la idiin haysanayaa”, laakiin waxa uu sheegay inaynu u baahanahay wixii Soomaaliya inaga reebi lahaa, isaga oo yidhi “Aqoonsiga inta aynu uga baahanahay waa intaa, inta kale inagaa qabsan karna” wuxuuna intaa ku daray in loo baahanyahay sidii aynu uga faa’iidaysan lahayn isbedelka caalamka ee dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha, wuxuuna tusaale, u soo qaatay sida ay u fududahay inuu qofku isaga oo halkan jooga uu ganacsi ahaan la xidhiidhi karo dacalada dunida, iyo shirkadaha waaweyn, taas oo uu ku ogaanayo qiimaha badeecadda iyo nooca uu doonayo, laakiin waxa uu sheegay in loo baahanyhaya, sidii ay dadku wax isugu darsan lahaayeen, taas oo ka mid noqonaysa horumarka dalkani gaadhi karo, islamarkaana lagu abuuri karo wershado, taas oo uu u sheegay inaanay ahayn wax weyn balse ay inaga maqantahay farsamadii oo kaliya, wuxuuna intaa ku daray in haddii dadku ay wax isku darsadaan dalkan laga saari lahaa joonyadaha la keeno, oo loo gudbi lahaa wershado iyo sidii loo abuuri lahaa shaqooyin, isla markaana farsamadeenu u kori lahayd, taas uu sheegay inay tahay siyaasadda wasaaradiisa.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay wasaaradiisu damacsantahay in ganacsigu dadka soo wada maro, oo la sameeyo nidaamkii kala xadaynta ganacsiga, si dadku u kala ceesho, taas oo uu sheegay inay bilaabi doonaan horaanta bisha soo socota.

Waxa kale oo uu xusay rajo fiican oo laga qabo sida uu u dihinyahay dalkeenu, iyo sidii wax looga qabsan lahaa, isla markaana wuxuu intaa raaciyey inay jiraan shirkado la soo xidhiidhay oo codsanaya inay sameeyaan wershado, kuwaas oo uu sheegay in kuwii ugu horeeyey ay bilaabayaan oo la siiyey dhulkii, qandaraaskii dhismahana lagu jiro, arrintaa oo uu ku tilmaamay mid wax weyn ka bedeli doonta dhaqaalaha dalka iyo wax soo saarka.

Carwadani waa markii ugu horeysay ee ay Suuriyiintu ku soo bandhigaan wax soo saarkooda dalkan Somaliland, waana tii labaad ee Somaliland la keeno, iyada oo ganacsatada Suuriyiinta ahi ku soo bandhigeen badeecado kala duwan oo lagu sameeyo dalka Suuriya,

Top


Tog-Wajaale Oo Loo Sameeyay Gole-Hoosaad Maamul.

Gabiley (Haatuf): Fadhigii caadiga ahaa ee golaha deegaanka Gabiley ayaa maalintii doraad lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta dawladda Hoose ee Gabiley, fadhigaa oo uu gudoominayey duqa degmada Gabiley C/Qaadir Axmed Cumar, waxay si rasmi ugu magacaabeen 7-dii xubnood ee guddi hoosaadka Tog-Wajaale, oo hoos timaada guddi hoosaadka degmada Gabiley.

Magacaabida xubnaha guddi hoosaadka tog-wajaale waxay ka dhalatay ka dib markii ay is-afgaran waayeen odayaasha beelaha deegaanka Wajaale, oo laba jeer oo isku xiga isa soo hor-fadhiisteen gudoomiyaha degmada Gabiley oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha deegaanka, oo muddadaa socdaalo ku tagayey magaaladaa, kuwaas oo u soo bandhigay inay wada jir u soo dhistaan guddidaa ka kooban 7-da xubnood, laakiin ay arrintan dib u soo celiyeen odayaasha Tog-Wajaale oo isku khilaafsan, iyada oo la isku afgaran waayey saamiyaddii ay beeluhu kala heleyeen.

Guddi hoosaadka Tog-Wajaale waxa la filayaa inay dhawaan marka la isku keeno ay iska dhex doortaan gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen, goluhuna sidaa ku anasixiyo.

Dhinaca kale beryahan waxa batay khilaafka xaga dhulka ee Tog-Wajaale, kaas oo keenay dil, boob iyo muran dhinaca dhulka ah, oo ay ugu wacantahay wakhtigan oo ah mid qiimaha iibka dhulku aad u sareeyo, laakiin maamulka degmada ayaa soo saaray go’aan lagu joojinayo dhamaanba dhulka cusub ee magaalada Tog-Wajaale taas oo laga qaadayo talaabo sharci ah ciddii jebisa, iyada oo wakhtigana la adkeeyey amniga guud ee magaalada sababaha iyo ganacsiga balaadhan ee ka jira awgood.

Top


Madaxweyne Rayaale Oo Magacaabay 5 Wasiir Ku Xigeen.

Hargeysa (Haatuf): madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa soo saaray shalay shan xeer oo uu ku magacaabay wasiir ku xigeeno cusub, oo uu ku soo kordhiyey golihiisii xukuumadda ee uu dhawaan ku dhawaaqay, waxayna shantaa wasiir ku xigeen kala ahaayeen.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta oo uu u magacaabay Cali Cilmi Geelle, wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha Cali Axmed Cabdi oo sida magacaabista lagu sheegay lagu bedelay Maxamed Faarax Aadan, ka dib markii laga aqbalay cudur daarasho, isaga oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda xanaanada xoolaha, sidoo kale waxa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorshaynta Axmed Cumar Maxamed, halka wasiir ku xigeenka cadaaladdana loo magacaabay Cawad Sul: Maxamed Cali Shire, iyada oo wasiir ku xigeenka wasaaradda kaluumaysigana loo magacaabay Maxamuud Maxamed Nuur.

Top


Safaaradda Maraykanka Ee Jabuuti Maxay Kaga Jawaabtay Duqayntii Ceebaad?

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Edna Aadan Ismaaciil ayaa sheegtay inay la xidhiidhay safaaradda Maraykanka ee Djibouti, si ay wax uga weydiiso sababta ay ciidamada Maraykanku u duqeeyeen Jasiiradda Somaliland ee Ceebaad, ee ku taala xeebta badda Cas, sidaana waxay u sheegtay Wargeyska Haatuf oo wax ka weydiiyey inay xukuumadda Somaliland arrintaa kala hadashay dawladda Maraykanka.

Marwo Edna waxay sheegtay inay la xidhiidhay Safaarada Maraykanka ee Djibouti, inkasta oo sida ay sheegtay aanay helin safiirkii, laakiin haweenay ka tirsan hawl-wadeenada safaarada ay u sheegtay inaanay wax wara ka hayn arrintaa, laakiin ay ay raadin doonaan wixii ku saabsan dhacdadaa, isla markaana ay la soo xidhiidh doonaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Marwo Edna waxa ay sheegtay in ay Somaliland tahay meel xasilooni iyo nabadi ka jirto, oo aanay shaqo ku lahayn xoogaga mitidka ah, isla markaana ay Somaliland ka soo horjeedo oo aanay raali ka ahayn argagixisada iyo in loo soo maro dalalka ay jaarka yihiin sida Djibouti, Itoobiya iyo kuwa kale ee Mandaqadaba.

Duqeyntani waxay ku soo beegantay, iyada oo ay wefti wasiiro ah, oo ka tirsan xukuumadda Somaliland ay ku sugnaayeen dalka Djibouti, kuwaas oo aan la sheegin ujeedada socdaalkooda. Wasiiradan oo kala ahaa wasiirka dib u dejinta C/laahi Xuseen Iimaan (Dirawal), wasiirka qorsheynta Axmed X. Daahir.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dhinaca xeebta ee la xidhiidha duqeynta Jasiiradda Ceebaad, waxa jira inay jasiiradan degen yihiin kaluumaysatadu, kuwaas oo ku keydsada shidaalka iyo sahayda kale ee ay u baahan yihiin xiliga ay ku jiraan kaluumaysiga, taasina ay keeni karto dareen shaki ah oo ay ciidamada Maraykanku u adeegsadeen duqeyntaa, iyada oo laga yaabo in waxyaabaha kaydka ee kaluumaysatada u qaateen inay leeyihiin shabakaddaha argagixisada, ee ay cabsida weyn ka qabaan, kuwaas oo ay ka ilaaliyaan inay u soo gudbaan dhinaca geeska Afrika.

Top


Wefti Reer Muqdisho Ah Oo Hargeysa Socdaal Ku Yimi, “Lixdankii Hargeysa Iyo Muqdisho Ayaa Isku Darsaday, Mantana Iyaga Ayay U Taal,” Faysal Cali Waraabe Oo Weftiga Soo Dhoweeyay.

Hargeysa (Haatuf): Wefti dhawr xubnood ka kooban oo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho ee Koonfurta Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe socdaal ku yimid magaalada Hargeysa.

Weftigaa oo ka soo degay madaarka Hargeysa waxa madaarka laftiisa ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan xisbiga UCID oo uu hogaaminayey gudoomiyaha xisbigaa ee Faysal Cali Waraabe.

Weriyayaal ka tirsan Wargeyska Haatuf oo madaarka kula kulmay weftiga Muqdisho ayaa wax ka weydiiyey ujeedada socdaalkooda waxayna sheegeen inay ku yimaadeen marti qaad uu u fidiyey gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

“Waxana na marti Qaaday Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, waxaananu ka soconaa odayaasha Muqdisho” sidaa waxa yidhi madaxa weftiga Muqdisho, Cali Dhoof Warsame, isaga oo intaa ku daray “Muddo dheer baanu Faysal kala maqnayn, isagaana na marti qaaday, arrimaha ay wax naga weydiiyaan ee labada dal (Somaliland iyo Soomaaliya) anaguna waxaanu diyaar u nahay inaanu wax ka nidhaahno, waxaananu aad ugu faraxsanahay horumarka ay gaadheen shacabka Somaliland iyo waxa ay qabsadeen”.

Dhinaca kalena Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isna ka hadlay sababta ay weftigan u marti qaadeen, wuxuuna yidhi “Inaga (Somaliland) iyo Soomaaliya waynu kala xidhanahay, waxayna tahay inaynu wada hadalno oo aynu tusno rabitaanka dadku inuu yahay mid wax lama dhaafaan ah, ka dibna ay walaalaheena Soomaaliya wax qabsadaan oo inagaga daydaan heerka ay Somaliland marayso, taas oo ay laba doorasho soo martay iyo ta baarlamaanka oo inagu soo fool leh”.

Faysal Cali Waraabe isaga oo ka hadlaya midawgii 60-kii ee dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu yidhi “60-kii labadii isku darsaday waxay ahaayeen Hargeysa iyo Muqdisho, markaa maanta Muqdisho iyo Hargeysa ayey u taalaa in la isu haneeyo oo mid waliba gaarkiisa noqdo, weftiga aanu u yeedhnayna arrimahaa ayaanu kala xaajoonaynaa”.

Faysal Cali Waraabe shir jaraa’id oo uu horaantii sanadkan qabtay ayuu ka sheegay inuu xisbigiisu wada hadal la yeelan doono kooxaha siyaasadda ee reer Muqdisho, isaga oo sheegay inay kala hadli doonaan arrimaha ka dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana ay dedaal u gelayaan sidii ay dadka reer Muqdisho ugu qancin lahaayeen madax banaanida Somaliland, sidaa darteed weftigan reer Muqdisho ee madaarka Hargeysa ka soo degay waxay u egyihiin inay hordhac u yihiin hadalkii uu Faysal hore ugu dhawaaqay, laakiin lama oga miisaanka siyaasadeed ee ay xubnaha weftigani ku leeyihiin deegaanka Muqdisho ee ay ka yimaadeen.

Top


Burco: Dareenka Siyaasadda, Duruufaha Maamul Iyo Jewiga Nolosha
War-Bixin --- A. Ducaale.

Burco (Haatuf): Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ahna magaalada labaad ee Somaliland waxa waqtigan xaadirka ah ka jirta xasilooni aad u weyn oo nabadeed, iyadoo hadda 65 maalmood laga joogo maalintii loo dareeray cod-bixintii doorashada madaxtooyada Somaliland, ka dib markii uu muddo socday olole siyaasadeed oo aad u kulul oo u dhexeeyey axsaabtii kursiga ku loolamaysay, laakiin su’aasha meesha taal waxay tahay ka dib doorashadii waa sidee dareenka siyaasadeed, duruufaha maamul, dhaqdhaqaaq nolosha iyo guud ahaan jawiga magaalada Burco.

A. Ducaale oo Haatuf ka tirsan ayaa muddo saddex toddobaad gaadhaysa socdaal ku joogay magaalada Burco, kana soo laabtay doraad, wuxuuna war-bixin nooga diyaariyey waxyaalihii uu ku soo arkay magaalada, waana tan war-bixintii:

“Marka la eego maalmihii u dambeeyey laba mawduuc ayey dadka reer Burco dhinaca siyaasadda aad carrabka ula dhacayeen ama u faallaynayeen, kuwaas oo kala ah, hadal-haynta doorashada baarlamaanka iyo xukuumadda uu madaxweyne Rayaale dhowaan ku dhawaaqay, hase yeeshee inta aynaan labadan arimood hoos ugu daadegin waxaynu iswaydiinaynaa ma jabtay dacartii ololaha doorashada iyo xiisaddii siyaasaddu, mise weli way ooggan tahay.

Ugu horayn magaalada Burco waxa ka jirta xasilooni iyo jawi nabadeed oo aad u luxdan, taasina waxa ugu weyn ee ay dugsataa waa dareenka iyo rabitaanka dadweynaha, iyadoo aad mooddo inay dadku gaws-dambeedka gashadeen hal-ku dhegga ah “Nabaddu waa lama taabtaan, sidaa awgeed hadii ay mararka qaarkood soo kordhaan dhacdooyin ama waxyaalo nabadda dareen gelin karaa ciddina isuma dhaqaajiso, wixii dareen ee soo kordhana halkiisa ayaa lagu bakhtiiyaa.

Ma arkaysid wax hub ah oo suuqa lala dhexmarayo, mana jiraan wax dhaqdhaqaaq ama dareen ah ku cabsi gelinaya hadii aad goor kasta magaalada dhex-socoto, oo xataa iska dhaaf qoryo ay degta saaraan oo xataa waxay dadka reer Burco aad u yareeyeen sidashada budhadhkii iyo tooriyihii lagu tilmaami jiray dhaqan ahaan. Hase yeeshee marka dhinaca nabadgelyada laga hadlayo waxay dadka reer Burco farta aad ugu godaan booliska oo ay ku dhaliilaan inaanu lahayn awooddii iyo kartidii xil-gudashada dhinaca amniga, waxaase jira duruufo badan oo hadheeyey xaaladda ciidanka booliska Burco, kuwaas oo la odhan karo waxay baalka ka qooyeen firfircoonidii iyo raganimadii looga baahnaa booliska, laakiin taliyaha qaybta booliska oo aan arimaha booliska waraysi kala yeeshay ayaa sheegay inuu booliska Burco duruuafaha haysta wax badan kala mid yahay booliska dalka.

Dhinaca maamulka marka la eego laba xafiis ayaa budh-tuur u ah awoodda maamul ee magaalada Burco ama gobolka Togdheer, kuwaas oo kala ah, xafiiska badhasaabka iyo ka maayarka, iyadoo uu badhasaabku yahay sarkaalka ugu sareeya ee gobolka u fadhiya dawladda dhexe, halka uu maayarkuna yahay masuulka ugu sareeya maamulka golaha degaanka ee dhowaan la doortay.

Marka la eego hayadaha dawladda dhexe ee Burco fadhiya inta badan itaalkooda maamul waxa uu u muuqdaa mid suxulada dhulka ku haya oo aan talaabo hore u qaadi Karin hadii aanay arinta wax iska bedelin, iyadoo aanu xafiisyada qaarkood jiritaankooda ama awoodooda maamul ka badnayn maamulaha iyo laba-saddex qof oo shaqaalew ah ama maamule meelahaa iska lugaynaya oo tuurta ku sita shandad yar oo ay waraaqo ugu jiraan. Laakiin way jiraan xafiisyo ay awoodooda maamul muuqato wax kastaa ha dhinaadeene.

Marka laga yimaado wixii dhaliilo ah ee ay yeellan karaan maamulayaasha xafiisyadani waxa jira duruufo iyo qabyo badan oo saamayn badan ku leh ducfiga xafiisyada haysta, taas oo macneheedu yahay inay xafiisyadani u baahan yihiin awood dawladeed oo ka baxsan inta uu awoodi karo ninka meesha ku magacaabani si uu xafiisku u shaqeeyo. Waayo waxa laga yaabaa inaan xafiiska markii la furayey loo dhamaystirin rarkii iyo sahaydii uu ku dhaqaaqi lahaa iyo inaanu waqtigan xaadirka ah haysan awooddii dawladda dhexe ee uu gaboodsan lahaa, taasina ay ka dhigtay xafiis shafka dhulka ku haya oo aan socod hollinayn, hadii uu holliyana biixiyaha ku soconaya.

Gobolka Togdheer waxa hadda badhasaab ka ah, Cabdi Xuseen Dheere oo xilka hayey muddo shan bilood ka yar, laakiin Cabdi inkasta oo uu sheegay inuu waxyaalo door ah ku talaabsaday mudadii uu xilka hayey, isla markaana uu mustaqbalka dhow qorshayaal wax qabad ku talo jiro, hadana waxa uu u muuqday nin ay duruufo badani hafiyeen oo aan wax badan hinjin karayn hadii aanu gaadiid-qaad helin.
“Waxaan gobolka ku soo beegmay xiligii ugu adkaa” ayuu yidhi Cabdi Xuseen Dheere mar aan waraysi kala yeeshay arimaha maamulka gobolkiisa.

Sidoo kale maamulka dawladda hoose ee Burco waxa hadda maayar ka ah Maxamed Diiriye Aw-xayd oo ka mid ah xubnaha golaha degaanka ee dhowaan laga doortay magaalada Burco, iyadoo ay maamulka dawladda hoose hadda gacanta ku hayaan 21-ka xubnood ee golaha degaanku.
Mushkiladda dhul-boobka waxaad hadda moodaa inay yara xasiloon tahay oo ay wax iska bedeleen marka loo eego sannadihii hore, taas oo macneheedu yahay inay yaraatay, taasna waxay maamulka cusub ee dawladda hoose oo hadda xilka hayey muddo bilood gaadhaysa u arkaan inay yaraynta mushkiladda dhulku tahay talaabooyinka ay ilaa hadda ku guulaysteen, laakiin maayarka ayaa isna sheegay in mudadii ay xilka hayeen ay kor u qaadeen dakhliga dawladda hoose, isaga yidhi waxaanu ka soo qaadnay meel hoose.

“Mushkiladda dhulka inaanu yarayno waanu ku guulaysanay, sababta aanu ugu guulaysanayna waxay tahay…”, sidaa waxa yidhi maayar-xigeenka Burco, C/risaaq Maxamed-Toor oo si gaar ah loogu igmaday maaraynta iyo maamulka arimaha dhulka.

Inkasta oo ay maamulka cusub ee dawladda hoose hadda xilka hayey muddo lix bilood ka yar oo la odhan karo weli kama dabaallan duruufihii maamul ee uu dhaxlay, hadana durba waxa magaalada Burco ka dhexmuuqda aragti ka dayrinaysa xaaladda wax qabad ee golaha degaanka Burco, taas oo ay dadka qaar calaama-tusu’aal saarayaan wax qabadkooda, laakiin waraysi aan la yeeshay maayarka oo aan ku waydiiyey dareenka caynkaas ah ee laga qabo iyo arimaha kale oo la xidhiidha xaaladaha wax qabad iyo maamul ee maamulka golaha degaanka waxa uu ka bixiyey jawaabo yididiilo xanbaarsan oo ka duwan sida ay dadka qaar wax u arkaan, iyadoo aanu cadadyada dambe idiinku soo gud-bin doono waraysiyo dhinacyo badan leh oo aan la yeeshay madaxda sare ee Burco, waxaana maamulka dawladda hoose ee Burco horyaal arimo dhinacyo badan leh oo looga fadhiyo inay wax ka qabtaan, iyadoo aay dadka reer Burco si isha ugu hayaan bal waxa uu qabto ama soo kordhin doono golihii degaanka ee ay doorteen.

Dhinaca kale waqtigan xaadirka inkasta oo ay raga arimaha siyaasadda cariyaa inta badan ku soo maqnaayeen dhinaca caasimaddaa Hargeysa waxa uu hadda dareenku siyaasaddu u muuqday xasiloon, mana uu jirin wax sawaxan iyo buuq ah oo dhinaca siyaasadda ahi, taas oo la odhan karo waxa waxoogaa laga yara qaboobay sammaddii kululayd ee doorashooyinkii isku xigay (Degaanka & madaxtooyada). Laakiin taa macneheedu ma aha inaanay meesha ka jirin hadal-haynta iyo dareenka siyaasaddu, balse laba mawduuc ayaa maalmihii ugu hadal-hayn bad-naa dhinaca siyaasadda, kuwaas oo kala ah doorashada baarlamaan cusub oo bedela ka hadda jira, taas oo ay faallooyin kala duwan ka bixinayeen sida loo dooranayo, iyadoo ay aragtiyaha qaar leeyihiin waa in la dedejiyo doorashada baarlamaan cusub.

“Waa in baarlamaanka cusub loo doorto rag tayo iyo culays siyaasadeed leh”ayaa ka mid ah doodaha la is-dhaafsanayo, laakiin waxaan iyana xifaalaynteedu meesha ka maqnayn sida loogu heshiinayo xulista iyo doorashada xubna la dooranayo.

Mawduuc labaad ee isna ayaamahan ay reer Burco hadal-hayaan waxa uu yahay xukuumadda cusub ee uu madaxweyne Rayaale dhowaan dhisay, taas oo la odhan karo inta badan dadka reer Burco dareen saluug leh ayey ka muujiyeen hadii ay taageerayaasha xisbiga muxaafidka yihiin iyo hadii ay taageerayaasha mucaaradka yihiin-ba.

“Waxaanu filaynay dawlad kooban oo tayo leh”ayaa ka mid ah jawaabaha ay dadka qaar ka bixiyeen xukuumadda.

“Muxuu soo kordhiyey waxa uu soo celiyey kuwii dhawr iyo tobanka sannadood kuraasta ku fadhiyey ee waxba soo kordhin-waayey”ayaa iyaguna ka mid ahaa weedhaha jawaabta looga dhigay xukuumadda cusub ee Rayaale, iyaga oo intaa ku daraya “Waxaanu filaynay wejiyo cusub iyo rag wax qaban kara”.

Inkasta oo ay taageerayaasha xisbiyadu aad u kala qaw-qabeen xiligii uu socday ololihii doorashadu iyo ka dib-ba oo ay xaraaraddu circa isku shareertay oo aan der-mada lagu wada fadhiisan jirin, laakiin hadda taa wax baa iska bedelay, waxaad moodaa in hadda waxoogaa la isku soo daqaqamayo, waxaadna arkaysaa dhalinyaro ka kala tirsan taageerayaasha mucaaradka iyo muxaafidka oo wada fadhiya majliyada lagu qayilo iyo goobaha lagu kulmo, ka dibna is-xifaalaynaya ama kaftan siyaasadeed is-dhaafsanaya. Balse taasi may dhacayn ayaamihii ololaha doorashada ama ayaamihii lagu dhawaaqay doorashada oo ay taageerayaasha mucaaradku cadho cirkaa marayeen, taas darteedna ay dhici karaysay in gacan-qaad dhaco hadii uu taageerayaasha labada dhinac hadal u kala baxo.

Hase yeeshee arinta xiisaha leh ee aan magaalada Burco ku arkay waxa ka mid ah taageerayaal iska soo horjeeda oo aan kuwo siyaasadda, kuwaas oo ah kooxo kala taageersan labada shirkadood ee Qaadka (571 & B611), waxayna taageerayaasha labadan shirkadood isu xifaaleeyaan sidii taageerayaal laba xisbi, iyadoo ay labadaa shirkadood ee qaadku si weyn ugu tartamaan ganacsiga suuqa qaadka Burco.

Xagga nolosha marka la eego waxa la odhan karaa duruufta noloshu way adag tahay, waayo magaalada Burco waxa markiiba laga dareemayaa saamaynta ay xaaladooda nololeed iyo ganacsi ku yeelatay xayiraadda ganacsiga xoolaha nool, iyadoo ay Burco ahayd sayladda ugu weyn ee ganacsiga xoolaha Somalida. Laakiin xoolo aan tiradoodu sidaa u badnayn ayaa inta badan maalin walba lagu faasaxaa sayladda Burco, kuwaas oo inta badan daabax ahaan loo iibsado, waxaana neefka la siistaa inta u dhaxaysa 350,000----450,000 oo ah lacagta shillin Somaliga ah ee Giinbaarta loo yaqaan. Laakiin magaalada Burco iyo guud ahaan degaamada gobolada bariga Somaliland waxa uu ganacsigoodu inta badan ku xidhan yahay gobolada Somaliya, gaar ahaan furdadda Boosaaso ee xeebta maamul-goboleedka Puntland.

Magaalada Burco waxa sida Kontaynarka ugu xidhan lacagta giinbaarta ah, gaar ahaan labada nooc ee boqolka iyo kontonka, taas oo aan magaalada Burco mooyee meel kale ka socon, waxaana boqolka doolar lagu sarifaa ilaa laba milyan oo giinbaar ah.

Lacagtaasi waxay dadka reer Burco ku haysaa dhibaato dhinacyo badan, waayo mar waa lacag duugowday oo calal ah, mar labaadkana ma jirto kiishad qaadaysaa, masalan wosladda hilibka ah waxa la siiyaa 27000---30,000 Sh.So, sidaa darteed marka aad doonayso inaad soo qadayso ama shay yar soo iibsanayso waxaad u baahanaysaa Keeryoone lacagta kuu xamaala, maadaama aanu jeebku kuu qaadayn xaddiga lacagta ah ee aad ku soo qadaynayso, waxaadna moodaa inay noloshu maalin-ba maalinta ka dambaysa sii adkaanayso.

Magaalada Burco dhisme ahaan aad bay u fidday, waxaana hadda ka socda dhismayaal cusub oo ay qaarkood dabaqyo yihiin, masalan waxa hadda badhtamaha magaalada ka socda dhisme weyn oo ilaa saddex dabaq ah oo uu dhisanayo ganacsade Indhadeero, iyadoo marka aad xaafadaha dhex-gasho ay ishaadu ku dhacayso dhismayaala cusub oo qurux badan, sidoo kale Hotelka la magac baxay CITY PALAZA ayaa ka mid ah waxyaalaha xagga bilicda dhismaha ku cusub magaalada Burco, Hotelkaas oo dhowaan la furay waxa ka muuqda farshaxan dhinaca dhismaha, dhismaha Hotel-kaasina waa mid qurux badan. Laakiin dhinaca kalena waxa magaalada ka muuqda raadadkii iyo diiftii burburka ee ay sababeen dagaaladii kala dambeeyey ee magaalada ka dhacay dhawr iyo labaatankii sannadood ee u dambeeyey.

Marka la isku soo xooriyo magaalada Burco waxa taal duruuf maamul oo aad u qaraweyn, waxayna dad badani eegayaan sida ay xukuumadda cusub ee madaxweyne Rayaale wax uga qabato duruufaha maamul ee dhexyaal magaalada xudunta ah ee Burco iyo guud ahaan degaamada gobolada bari oo sida la ogyahay ay ka jiraan duruufo maamul iyo siyaasadeed oo laxaad lihi, taas oo ay dad badani iswaydiinayaan sida wax looga qabanayo, runtiina magaalada Burco waxay u baahan tahay miisaan dawladeed oo ka culus inta ay qaban karaan labada xafiis ee budh-tuurka u ah (Badhasaabka & maayarka ), si wax looga qabto baahiyaha maamul iyo dib-udhis ee uu gobolkaasi u baahan yahay”.

Top


Haatuf Oo ay CID-du Dacwad Labaad Ku Soo Oogtay.

Hargeysa (Haatuf): Taliyaha ciidanka baadhista dembiyada (C.I.D) ayaa sheegay inay shirkadda qaadka ee 571 dacwad ku oogtay shirkadda Haatuf, sidaana waxa uu taliyaha C.I.D-du ku war-geliyey gudoomiyaha shirkadda Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe oo uu taliyaha C.C.D-du u soo diray waraaq uu ugu yeedhayo, isla markaana ay CID-du su,aalo waydiisay.

Taliyaha C.I.D-du waxa uu sheegay inay dacwadaasi la xidhiidho Kartoon sawir-gacmeed ah oo wargeyska Haatuf ku soo baxay cadadkiisii 4-tii Julay, 2003, taas oo sida ay C.I.D-du sheegtay ay shirkadda 571 ku andacootay in Kartoonka iyaga loola jeeday, taas oo bay yidhaahdeen kartoon lagu magac dilayey gudoomiyaha shirkaddaa Kawsar Af-Diinle, taas darteedna ay ciidanka C.I.D-du ay doonayaan inay wargeyska eed aanu lahayn u sameeyaan, waxayna C.I.D-du gudoomiyaha shirkadda Haatuf waydiisay su’aalo ay ka mid yihiin cidda iyo waxa ay ula jeedeen Kartoonka wargeyska ku soo baxay, iyadoo ay ciidanka C.I.D-du jawaabihii su’aalahaa ka diyaarinayeen dembi ciqaab ah (Criminal Case) oo ay doonayaan inay wargeyska Haatuf ku oogayaan, maxkamad-na ay ku horgeynayaan.

Waa markii labaadkii labaad ee muddo laba bilood gudahood ah ay C.I.D-du u yeedho wargeyska Haatuf, iyaga oo doonaya inay wargeyska qabadsiiyaan ama dusha ka saaraan wax ay ugu yeedheen dembi ciqaabeed (Criminal Offense), iyadoo kiiskan kii ka horeeyey ee ay C.I.D-du ku soo oogto wargeyska Haatuf ay hadda maxkamadda degmada Hargeysa gacanta ku hayso.

Sida uu sheegay la taliyaha dhinaca sharciga ee wargeyska Haatuf labadan dacwadood ee ay C.I.D-du soo oogtay labaduba waa madani, laakiin lama garanayo sababta C.I.D-da ku keliftay inay labadan dacwadood-ba u aqoonsadaan kiisas ciqaabeed, taas oo la iswaydiin karo ujeedada C.I.D-da. Iyadoo ay tahay markii ay u horaysay ee ay shirkad qaadka ka ganacsataa ka dacwooto sawir-gacmeed ku soo baxay wargeys oo ay si maleh isaga turjunteen ujeedada uu sawir-gacmeedkaasi xanbaarsanaa.

Sidoo kale waa markii u horaysay ee ay hayadda baadhista dembiyada Somaliland (CID) soo aloosto eedayn ee ay ugu yeedhay magac dil oo ku saabsan shirkad ka ganacsata Maandooriyaha loo yaqaan qaadka, iyadoo la ogyahay waxyeelada laxaadka leh ee uu Maandooriyaha qaadku ku hayo bulshada reer Somaliland, xag dhaqan, xag dhaqaale iyo xag caafimaad-ba, taas oo mudan in si balaadhan looga hadlo.

Top


45 Ganacsatada Haweenka Ah Oo Tabobar Ugu Xidhmay Burco.

Burco (Haatuf): 45 Haween ah oo ka mid ah ganacsatada yar yar ayaa horaantii toddobaadkan tababar ugu xidhmay magaalada Burco, tababarkaasina waxa uu ku saabsanaa kor u qaadidda dhaqaalaha iyo agaasinka lacago amaah ah oo ay hayadaha samafalka qaarkood ku caawiyaan ganacsatada yar yar, waxaana tababarkaa wada jir u fuliyey labada hayadood ee kala ah; CCS iyo PENHA, iyadoo uu tababarkaasi socday muddo shan maalmood ah.

Sida ay sheegeen hawl-wadeenada labad hayadood ee tababarka fuliyey haweenka tababarka ka qayb galay waxay u badnaayeen ganacsatada yar yar ee ka xoogsada xoolaha nool iyo hilibkoodaba. Laakiin sida uu sheegay sarkaal ka tirsan hayadda CCS waxa barnaamijkan kor u qaadidda dhaqaalaha ganacsatada yar yar iyo tababarada la xidhiidha ka faa’iidaystay ilaa 950 Haween ah, iyadoo ay meelmarinta barnaamijkaa ka qayb qaataan hayado dhawr ah, laakiin ay dhinaca Burco xudun u tahay hayadda CCS oo magaaladaa xafiis ka furatay Bishii March ee sannadkii 2002.

Ibraahin Cismaan Axmed oo ah sarkaal ka tirsan hayadda CCS ayaa hadal ka jeediyey munaasibadii xidhitaanka tababarkaaa, isaga oo ka waramay ujeedadii tababarka iyo sidii uu u socday, sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Saynab Ibraahin Xasan oo iyana ah sarkaal ka tirsan hayadda PENHA, laakiin waxa ugu dambayn xidhitaanka munaasibaddaa soo gebagebeeyey Dr. Siciid Axmed Gaax-nuug oo ka tirsan hayadda PENHA.

Top


Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Khayriyadda Ka Hadlay “Tijaartu Sida Ay Doonaan Ayay Ugu Takri Falaan Dhulka.”

Hargeysa (Haatuf): Xubnaha golaha degaanka Hargeysa ayaa shalay fagaaraha Khayriyadda dadka kala hadlay, iyaga oo halkaa ka sheegay waxyaalihii ay qabteen mudadii ay xilka hayeen iyo ku talo galkooda mustaqbalka.

Xubno dhawr ah oo ka mid ah golaha degaanka ayaa munaasibadaa ka hadlay, iyadoo uu masuuliyiinta halkaa ka soo qayb galay ka mid ahaa maayarka, Eng: Jiciir iyo xoghayihiisa fulinta.

“Waa nala dacaayadeeyaa oo waxa la yidhaahdaa 25 gafane ayaa meesha yimi”, sidaa waxa yidhi Xasan Xaydh oo ka mid ah xubnaha golaha degaanka,a isaga oo intaa ku daray “Anagu waxaanu la wareegnay meel dhimatay oo malaayiin dayn ah looga tegay, laakiin anagu waanu dedaalay, labaatanka nin ee aad meesha geyseen dhibaatada dalka taal keligood waxba kama qaban karaan hadii aan gacana la siin”.

Axmed Sandoon iyo Cali Xasan Ibraahin ayaa iyaguna ka mid ahaa raggii halkaa ka hadlay, iyadoo ay ragaasi ka hadleen arimo ay ka mid yihiin dhinacyada nabadgelyada iyo nadaafadda guud ee magaalada, taas oo ay dadka ku guubaabiyeen inay doorkooda ka qaataan adeegyada bulshada iyo horumarinta magaalada.

“Tijaartu sida ay doonaan ayey ugu tagrifaleen dhulka”ayey yidhaahdeen xubnihii halkaa ka hadlay, iyaga oo tilmaamo ka bixinaya mushkiladda dhul-boobka. Waxa kale oo ay xubnihii halkaa ka hadlay sheegeen inuu golaha degaanka Hargeysa soo saarayo xeerar iyo shuruuc la xidhiidha arimaha adeegga bulshada, sida nadaafadda iyo wixii la mid ah, taas oo bay yidhaahdeen la doonayo inay dadweynuhu ku dhaqmaan shuruucda arimaha adeegga golaha degaanka laga soo saaria doono.

Top


“Nimaad Jeclayd Haddii Laga Gol-Roonaado Ileyn Waad Gal-Galataa..”
Proff. Azhari -- Waraysi.

London -Waraysi uu ururka SDWO (Somaliland democracy Watch) la yeeshay Mr Ahmed Al-Azhari ahna maareeyaha kulliyadda C.P.M. The College of Professional Management laanta Hargeysa, kuliyadaas oo la aasaasay 1996kii waxay tababar xaga maamulka iyo maaraynta ah siisay 1200 oo arday oo qaatay dimoloomayaal caalami ah ee dalka Ingiriiska ayuu kaga waramay arimo kala duwan oo ku saabsan guud ahaan xaalada dalka.

Azhari oo dhowaan ka tagay Hargesya - Somaliland waraysigii SDWO kula yeeshay magaalada London waxa uu dhacay sidan:-

SDWO: Azhari bal marka u horeysa xaalada wadankii guud ahaan nooga waran?

AZHARI: Marka u horeysa waxaan halkan uga mahadnaqayaa ururkan Somaliland democracy Watch, marka xigta dalkii iyo dadkiiba waa nabad qabeen. Xumihii iyo jahawareerkii dooroshooyinkana waa laga soo doogay lagana bogsaday. Wax dhibaato ah waxa jira busaarad saamaaysay dalka oo dhan sababna ay u tahay xayiraada dhoofka xoolaha.

SDWO: Xadhigii dhowaan ee Jaamac Yare sidee baad u arkaysay?

AZHARI: Xukuumadu sixun bay u maamushay dhacdadaa, waxay ahayd in eedaysanaha maxkamad la saaro hadii dembi lagu hello la xidho hadii kalena la siidaayo. Distoorka Somaliland dhigimaayo in qof muwaadin ah laga mustaafiriyo dalkiisa oo loo mustaafiriyo dal shisheeye. Waxa se xukuumada waajib ku ah inay adkeyso amaanka iyo nabadgelyadda madaaradda Somaliland siiba ka Hargeysa oo deyr lagu wareejiyo si degdeg ah.

SDWO: Dadku waxay leeyihiin dowladda Rayaale magacaabay tayadii laga sugaayey malaha, sidee baad adigu u aragtaa xukuumadan cusub?

AZHARI: Shacbiga nabada jecel ee Somaliland waxay filayeen xukuumad kooban oo tayo leh sidii uu ku ballan qaaday madaxweyanahu. Anigu ma odhanayo tayo ma leh iyo tayo ayay leedahay midna laakiin waxaa markhaati ma doonto ah in aan dalkan Somaliland ee curdinka ah ee dhaqaalahiisu liito in aanu marna qaadi Karin xukuumad tiradeedu dhan tahay 42 wasiir, wasiiru dawlayaal iyo ku xigeeno. Tiradaasi waxay ka badan tahay nus wakiiladda Somaliland. Dowlad intaas leh aduunka ma jirto.

SDWO: Bal adiga Azhari ahaan hadii aan kugu soo cesho su,aasha maxaad ku talin lahayd?

AZHARI: Nimaad jeclayd hadii laga gol roonaado ooy gacantu hiilisana kuu gar noqon weydo ileyn waad galgalataa sidii neef la gowracaye. Xukuumadan tirada badani dalka iyo dadka midna faa,iido uma leh waxay u faa,iido tahay ashkhaas gaar ah, arintani waxay dhabar jab ku tahay xisbiga UDUB oo laga yaabo in dad badan oo UDUB ahaa u footeeyaan xisbiyadda mucaaridka maadaama shacbigu waayeen wixii ay ka filanayeen ama uu ballan qaaday madaxweyne Daahir Riyaale. Xalkuna wuxuu ku xidhan yahay wakiiladda Somaliland waxay ka yeellaan xukuumadan tiradda badan ee Riyaale.

SDWO: Su,aasha kale ee aan jeclahay in aan ku weeydiiyo waxa ay tahay, bal nooga waran sidaad u aragto dhalinyaradii la xidhxidhay iyo waxay ku sugan yahiinba hada?

AZHARI: Dastuurka Somaliland marnaba ma ogola in muwaadin la xidho isagoo la soo taagin maxkamad oo lagu soo oogin dembi, waxaan leeyahay xukuumadu way ka gaabisay arrintaasi waa in si dhakhso leh loo soo taago maxkamad ama xorriyadoodii loo soo celiyo.
SDWO: Ugu danbayn xisbigii SAHAN ee aad ka midka ahayd ee ku biiray UDUB xukuumadan cusub ma ku jiraa?

AZHARI:Xisbiyadii la midoobay Udub waxa aad looga tixgeliyay ASAD laakiin Sahan iyo Hormood, kuma jiraan xukuumadan la dhisay. Taas macnaheedo maaha waxaanu uga qaybgeli weynay waxaanu aad u jecleen in xukuumad tiro yar oo aan ku qotomin beelo la dhiso laguna taageero xataa hadii 10 nin oo walaalo ah la keeno maxaa yeelay shacbiga ayaa Rayaale doortay awoodana shacabkaa siiyay.

Source: www.sdwo.com

Top


IFTIINKA ISLAAMKA: Qiimaha Wakhtigu Ku Leeyahay Islaamka.

Ilaahay baanu ugu mahadnaqaynaa nimcooyinka uu ina siiyay,isgaanu gargaar ka dalbaynaa danbi dhaafna weydiisanaynaa, sharka nafahayaga iyo camaladayada kuwooda xun illaahaybaanu ka magan gelaynaa, qofka alle hadeeyo cidna ma halayn karto, ka illahay halleeyana cidna ma hanuunin karto.

Waxaan qirayaa in aan alle mooyee illaah kale aanu jirin muxamedna uu yahay adoonkii iyo rasuulkii alle.

Sida ku cad daliilka sharciga in badan baa arinkaa lagu amaanay qawlkii dadkii hore ee umada islaamka camaladoodii iyo xaaladahoodii iyo siday wakhtiga uga faa’iidaysan jireen.

In badan oo dadka kamid ahi way garanayaan garasho aragtiyeed wakhtiga iyo ahmiyadiisa. Laakiin intee bay le’egtahay garashadaasi?

waa maxayse saamaynta ay ku yeelato hab nololeedkeena?

Ma waxaynu ku luminaa wakhtigeena inagoo u fasiranayna ama garanayna in wakhtigu uu yahay nolol?

Sidaa darteed ayay saameyn ugu yeelatay in laga hadlo mawduucan ka hadalka mahiimada wakhtiga waxa loola jeeda in aynu aragno, maqalno ama akhrisano in badan oo mawduucan ku saabsan waa mawduuc aad u xiiso badan laakiin xadidaada hawl maalmeedkeena aynu qabanayno in aynu ka dhigno mid wanaagsan aynu waafajino (Kafaa’iidaysiga wakhtiga) maxaa ka fiican inaynu ka dayano ama aynu raacno Rasuulka CSW oo yidhi “Shan ka faa’iidayso inta ay shani kaa maqantahay” waxa ka mid ah ama aynu ka soo qaadanaynaa shantaa midku saabsan mawduuceena, (markaad haysato wakhti inta aanad mashquulin) qiyaasteena wakhtiyada waa in ay ahaataa, imisaa wakhti kaa lumay?

Waxa wax laga xumaado ah in badan oo dadka ka mid ahi waxay maanta ku dadaalayaan raga shaqaalaha ah ama ganacsatada ah iyo kuwa kale in badan waxay wakhtiga kulumiyaan barnaamijyo ku saabsan sida wakhtiga loo kaantaroolo, iyagoo doonaya siday uga faa’iidaysan lahaayeen waxa jira xikmado aynu ka soo qaadanay dibada ilayn xikmadu waa baadi ka maqan muuminiinta’e.

Ma waxa noqonaya kuwa adoonyada doonayay ama galada ah, ayaa uga ilaalin badan wakhtiga kuwii ilaahay ku sharfay in ay qaadan risaalada islaamka.

Halkan waxa aan ku faahfaahin doonaa sidaynu uga faa’iidaysan lahayn wakhtigeena.

1-.xadidaada bilowga.

Taasi waxa ugu mahiimsan waxa yaabaha aynu ugu gargaarsanayno ka faa’iidaysiga wakhtiga, arintu maaha in uu qofku wakhtigiisa u qorshaysto arin faa’iido leh oo kali ah, balse marka hore waa in uu qorshaystaa isagu wakhtigiisa, waxaan filayaa dadkii hore ee islaamka ahaa waxay si aad ah u garanayeen arintaasi markay lahaayen (Khiyaamooyinka Shaydaanka waxa ka mid ah in uu dadka camalka wayn kaga mashquuliyo camal yar).

Dadka kuwa ugu mashquulka badani ma kuwa ugu soo wax soo saarka badan baa?

Waa Sida muuqata laakiin aan daruuriga ahayn dadka badan koodu way mashquulsan yihiin laakiin sidey wakhtigooda u kaantaroolaana waa mid aan wax soo saar lahayn, qofku markaa wuxuu noqdaa ka ugu wax soo saar yar, hadaad aragtid qof mashquulsan oo xafiiskiisa waraaqo ka buuxaan weliba badhna sii qaata lana taga gurigiisa oo aad moodo inuu wax soo saar badan yahay.Marka aad bar bardhig ku samayso mid ka dadaal yar kana wax soo saar badan isaga sababtuna waa mid habeeyay wakhtigiisa si ka fiican sidii kii waraaqaha badnaa.

Sidaa darteed urur ay leeyihiin ijineero maraykani waxa halku dheg ay ka dhigteen “ku hawlgal dariiqyada ugu sahlan ee aan dhibaatada badnayn” in badan oo ka mid ah agaasimayaashooda ayaa shan meelood afar meel ahaan wakhtigooda waxa ay ku fuliyaan wajibaadka masuuliyadooda si ay u xaqiijiyaan wax soo saarkooda.

Arin kalena waxay tahay kuwa 80% wakhtigooda ku luminaya hawl qaadan lahayn 20% waxayna hagaajinin xadidada wakhtigooda, waxaa laga yaabaa in aad saacado badan aad ku qaadato akhriska kitaab faa’iido leh laakiin waxa ka muhiimsan adiga oo ku darsan lahaa kutub ka wanaagsan kana faa’iido badan.

2-Xadidida Ujeedada.

Markaa aad ka soo baxdo gurigaaga adiga oo aan u jeedo lahayn wado kastaaba way ku gaynaysaa halkaad doonayso, hadaba qofka ku socda ujeedo la’aan laakiin xadidan way u sahlanaanaysaa in uu maro meel kasta ama dariiqkasta hadaba kii doonaya in uu safar galo ee wakhtiga u baaqiga ah ee uu wadankiisa ku tagayaa uu yahay saacado xadidan oo aan diyaarsanin siduu wakhtigiisa uga faa’iidaysan lahaa wuxuu dareemaya in wakhtigu cidhiidhi ku yahay si aynu taasi uga badbaadno, bilowga waa in aynu xadidnaa hadafkeena, maxaynu doonaynaa in aynu wakhtigeena ku qorshayno?

Ma waxaynu doonaynaa in aynu qabano hawl dacwad ama diin faafin ah ?
Ma waxaynu doonaynaa in aynu wax akhrino?

Maxaynu doonaynaa in aynu cibaadaysano?

Hadii aad haysato jaanis fara badan laakiin hadafkaagu aanu cadayn ma karaysid in aad wakhtigaaga ka faa’iidaysato waxaanad arki doontaa wakhti fara badan oo kaa dayacmay adigu waxaad siinaysaa camal fudud wakhti faro badan oo uuna xaq u lahayn.

3-Diyaarinta Wakhtiyo Khaas ah.

Isku beegida wakhgiyada iyo camalada aynu ka mashquulsanahay matalan akhriska waxa u khaas ah xiliga qofku haysto jaanis badan, kala gogooyn ama mashquulin umana baahna in la saayidiyo xadiidaada ka faa’iidaysigiisa waxa u suura gal ah bani’aadmiga in uu guto wakhti ka mid ah wakhtiyadiisa weliba goobta shaqada oo ay ku badan yihiin isgaadhsiinta iyo wax yaabaha soo noqonaya, wakhtiyada waxa ku jira go’go markaa camalkasta waa in loo sameeya wakhti khaas ah si uu u noqdo mid wax soo saar badan marka la waafajiyo xili munaasib ah.

4-Dhacdooyinka.

Markaynu ku guda jirno badwaynta fikirka ama qorshaynta tusaale ahaan waanu ku guulaysanaaba waxaynu dhex maquuranaa khiyaali markaynu u nimaadno dhacdo waxa inaga hor yimaada caqabado aynaan maanka ku hayn intaynu ku guda jirno tijaabana waxaynu karnaa in aynu isku waajibino qayb ka mid ah wakhtigeena oo hadhsan oo aan awood loo lahayn kaantaroolkeeda, waayo hawshii aynu ugu tala galnay 10 daqiiqo ayaa inagu qaadayanaysa in ka badan intaasi.

Dhacdada waa in aynu ka dhignaa heer dhex dhexaad ah qorshaynteeda inaga iyo nafaha kaleba, dib u dhaca ama kordhisashada wakhtiga daqiiqado xadidan waa arin dabiici ah kama hor imanayso habaynta ama qorshaynta.

5-Tirtirida wax yaabaha wakhtiga lumiya .

Wakhtiga waxa lumiya waxyaabo tirsan waxaana ugu daran tilifoonka dadban ayaa isku dira sheekooyin tilifoonka ama mobile-ka waxa aad arkaysaa daqiiqado faro badan oo uu ku hadlay qofku wax faa’iidadiisu koobantahay waxaynu u baahanahay in aynu nafteena dib ugu noqono si aynu u yarayno sheekooyinka tilifoonka sidaynu u yarayno iska hor- imaadka hor- dhacyada, waxaynu u baahanay in aynu ku noqono nafteena iyo ehelkeena si aynaan uga jawaabin markasta, kalmad kasta waxa ka mid ah booqashada makhaayadaha oo ka mashquulinaysa camalka iyo akhriskaba ama dib u dhac kugu samaynaya adiga oo balan mihiim ah lahaa kuguna kalifaya intaanay balantii gaadhin inaad dirto tilifoon.

waxa ka mid ah wax yaabaha wakhtiga lumiya la saaxibida dadka aan wanaagsanayn ninka la yidhaado (Ibnu Juusi wuxuu ku qoray kitaabka la yidhaahdo sayd al- khaadir ) wuxuu yidhi “ilaahayaw adaan kaa magan gelayaa la saaxiibida kuwa xun xun, waxa aan arkay in badan oo dadka ah oo sameeya booqasho faro badan oo dheereeya fadhiga oo jeclaysta sheekhada dadka iyo waxaan waxba uga faa’iido ahayn sida xanta oo kale” sida ku badan dadkeena xiligan imika waxaad arkaysaa qofku in uu u baahan yahay cid uu kalinimada ka weheshado. waxa aad arkaysaa iyagoo wada socda oo isa salaamaya kaftamaya oo wakhtigooda in badan meelahaa ku dayacaya markaan arkay in uu wakhtigu qaali yahay laba talo ayaan Is barbar dhigay in aan ka tago iyaga oo cidla u baxo iyo in aan la joogo oo wakhtigu iga dayacmo waxaan aan talo ku soo gooyay in aan la joogo laakiin aan diyaarsado camalo aan iga joojinayn la joogitaankooda.

Hadaba arimahani uma baahna ka fakir waxan aan fuliyay intaan iyaga aan la joogay marlabaad (Ibnu Juusi) ayaa yidhi isagoo ka hadlayay la macaamilkooda “kudadaal in aad ka hodho haday kugu adkaato yarayso la kulankooda hadii taasi ay kugu adkaato qabso hawl aan la joogitaankooda aana kaa jooninayn”.

Hadaba camalada aan dhamaadkoodu isku xidhnayn sida wax akhriska iyo wax yaabaha qofka u gaarka ah ee raadka ku yeelanaya mashquulinayana, ayaa u baahan in la xadido bilowgaba.

Darajooyinka Jeclaysiga.

Camalada aynu uga jeedno sida booqoshooyinka oo kale ama kulamada dadka badani isku yimaadaan ama araga ama dagaysiga in badani waxay keentaa in aynu kuba raaxaysano sida akhriska ama fikirka, akhriska kutubta oo la jeclaystaa way badan tahay sidaan loo akhrisan kutubta cilmiga ah iyo kuwa fikirka ah.

Waxaa soo diyaariyey ama soo turjumay: Cabdifataax Xasan Aadan, Mawliid Saleeban Gaboobe (ilka Case), Axmed Ismacil (Bucul)

C/o: Hargeysa S/land.

Top


Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Oo Bilowday Baadhitaanka Caanaha Kasoo Gudba Wajaale.

Maxamed Xasan Yare.

TOg-Wajaale (Haatuf) - Hawl-wadeenada ka socda Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland ayaa ka bilaabay hawl cusub oo lagu baadhayo caafimaadka caanaha xoolaha oo ganacsato Itoobiyaan ahi (LC) kaga soo waarido dhinaca kililka 5aad ee Itoobiya, kuwaas oo u soo gudbiya dhinaca Somaliland, kadibna loo iib geeyo magaalo-madaxda dalka Somaliland ee Hargeysa.

Sida uu caddeeyay Isu-duwaha Xanaanada Xoolaha ee degmada Gabiley Mr. Cali Xaddi Jaamac oo aan toddobaadkan horraantiisii kula kulmay magaalada Tog-Wajaale oo cadeeyey in ay hawshan 3 cisho ka hor ka bilaabeen magaalada Tog-Wajaale, iyagoo raacaya go’aan ay dhawaan wasaaradoodu soo saartay. Wuxuu intaa ku daray in ay si ku meel gaadh ah ugu bilaabeen kaantaroolka laga soo galo magaalada ee dhinaca Itoobiya, halkaas oo ay ku baadheen gaadiidka yaryar ee loo yaqaan Xaajiyadaha oo lagu soo waarido caanaha, kuwaas oo midkiiba sido ilaa kontomeeyo jirikaan oo caano ah nooca qaada 20 litir, iyagoo ku baadhay qalab iyo dawooyin kimikal ah oo loogu talo galay in lagu baadho caanaha. Kadibna ay ugu talo-galeen in ay baadhista kadib wixii ay ka helaan xumaansho ay ka reebaan caanaha kale oo la sii daayo. Wuxuu intaa raaciyay in ay ganacsatada caano-diiqda ah ay ka qaadayaan lacag dhan halkii jerikaan ee 20-ka litir ee caanaha ahba 800 Sh. Sl (sideed boqol oo shilin).

Gawaadhida sida caanaha, ayaa inta badan wuxuu rarkoodu yahay ilaa 50 jerikaan o caano ah oo ay lacagtoodu noqonayso isugeyn 50 jerikaan X 800 = 40,000 Sh. Sl (afartan kun oo shillin).

Arrintan oo ay ka kaceen ganacsatada caano diiqda oo iyagu markiiba bilaabay in ayh bedelaan marinka Wajaale oo ay dalka ka soo galaan marino kale, kuwaas oo ka biyo-diiday lacagta ay wasaaradu ku soo rogtay. Qaar ka mid ah maamulka degmada iyo Wajaale ayaa hawlgal ay qaadeen dib ugu soo celiyay gaadiidkii caano diiqda marinkii hore ee Wajaale, kuwaas oo ku adkaystay in aanay bixin lacagtaa. Hore ayaa waxa cashuur aan badnayn lagaga qaadi jiray kaantaroolka Caabudla’ oo ay joogaan cashuurqaadayaal D/Hoose ee Gebilay. Sidoo kalena markay Hargeysa geeyaan fadhiisimada caanahooda lagu iibiyo, sida Jig-Jigga yar, Xero Awr iyo Xisbiga oo loo iibgeeyo, halkaas oo ay D/Hoose ee Hargeysa kaga qaado waxoogaa lacag Xashiish-xaadh ah.

Laakiin marka laga reebo 3-dii cisho ee u horeeyay, kadib ganacsatada caano-diiqdu way qaadaceen bixinta lacagta ay ku soo rogtay Wasaarada Xanaanada Xooluhu, kuwaas oo u badan Dumar kooxo kooxo u shirkad ah oo gawaadhida qaarkood ay 6 dumar ahi ay wada rartaan oo isugu jira reer Itoobiya iyo qaar reer Somaliland ah.

Isagoo ka jawaabaya Su’aal barnaamijka Wasaaradu ka leedahay xoolo-dhaqatada deegaanka wuxuu sheegay in ay laba xarumood ku leeyihiin Wajaale iyo Geed-balaadh, degmadana ay jiraan ilaa 26 xubnood oo loo tababaray daaweynta Xoolaha reer guuraaga oo la siiyay qalabkii iyo dawooyinkii xoolaha oo ku wareega degmada oo ay ka caawiyaan Hay’adaha Veti-Aid, IFAT iyo Hay’adda CARE.

Dhinaca kalena, wuxuu sheegay in ay xoolaha wixii ay ka arkeen xanuuno ay u gudbiyeen dhinaca shaybaadhka ku yaal xarunta wasaarada.

Top


UDUB,KULMIYE iyo UCID oo Soo wada saaray war-murtiyeed.

Hargeysa (Haatuf) - Saddexda Xisbi Qaran ee UDUB, KULMIYE iyo UCID, ayaa mawqif mid ah iska taagay arrimaha Soomaaliya iyo shirka haatan uga socda Kenya, iyaga oo sheegay in aanay Somaliland ka mid ahayn shirkaasi, isla markaana aanu khusayn shirkaasi iyo go’aamada ka soo baxaaba, waxaanay sidaa ku sheegeen war-murtiyeed ay u midaysan yihiin saddexda Xisbi oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ay soo wada saaraan saddexda Xisbi.

War-murtiyeedkaasi oo ay ku saxeexnaayeen Xoghayayaasha Guud ee saddexda Xisbi Maxamed Ismaaciil Bulaale (UDUB), Daa’uud Maxamed Geelle (KULMIYE) iyo Ku-simaha Xoghayaha Guud ee UCID, C/raxmaan Maxamed C/laahi, wuxuu u qornaa sidan:

“Shir ay yeesheen saddexda Xisbi Qaran ee UDUB, KULMIYE iyo UCID oo ay kaga wada hadleen mawqifkooda ku waajahan Soomaaliya, ayaa soo saaray war-murtiyeedkan ay ka mideysan yihiin saddexda Xisbi:

Somaliland kama mid aha shirka kooxaha Soomaaliya uga socda Mbagathi, Go’aanada ka soo baxaana ma khuseeyo Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama aanay ka qayb-gelin shirka.

Marka ay ka hana-qaado Soomaaliya dawlad hanata dalkeeda oo ay u dhan yihiin, labada dawladood ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland way ka wada hadli karaan danaha labada dal.

Waxaanu ugu baaqaynaa dawladda Talyaaniga in aanay ku milmin shirka kooxaha Soomaaliya uga socda Mbagathi, kana kasban colaad shacbiga Somaliland ee go’aansaday masiirkooda.

Waxaanu uga digaynaa bulshada caalamka in wax kasta oo dusha lagaga keeno aanay marnaba ogolaanayn Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo dhallin karta cawaaqib-xumo saamaysa Geeska Afrika iyo Dunida kaleba.

Waxaanu beesha Caalamka ka codsanaynaa in ay aqoonsadaan nabadgelyada, dimoqraadiyadda iyo dawladnimada ka hana-qaaday Somaliland.

Saddexda Xisbi Qaran waxa ay ku boorrinayaan kooxaha Soomaaliya in ay ka heshiiyaan arrimahooda siyaasadeed, iyagoo ka tanaasulaya danahooda gaarka ah, una danaynaya bulshadooda, nabadgelyana ku soo dabbaalaya dalkooda.

Waxa kale oo saddexda Xisbi Qaran isku waafaqeen in ay ka yeeshaan Istaraatajiyad mideysan oo ku waajahan sida looga hawl-gelayo Arrimaha kor ku xusan.”

Top


Sadaam Xuseen Oo Soo Diray Fariin Cusub, Iyo Heegan La Geliyay Ciidamada Maraykanka.

Baaqdqaad (W.wararka) Fariin kale oo cajalad lagu soo duubay oo uu soo diray hogaamiyihii hore ee Ciraq Saddam hussein, ayaa laga sii daayay telefishinada Carabta.

Saddam Hussein oo la filayo inuu cajalada codkiisu ku duubnaa wuxuu cambaareeyay madaxwayne Bush iyo ra'iisul wasaaraha Britain Tony blair oo uu ku eedeeyay waxa uu ku tilmaamay beenta cad ee ay u isticmaaleen in lagu ansixiyo weerarkii lagu qaaday Iraq.

Wuxuu kaloo cambaareeyay golaha cusub ee dhowaan loo magacaabay in ay xukumaan Ciraaq.

Waa cajaladii sadexaad ee maqal ah oo la leeyahay waxaa soo diray Saddam Hussein tan iyo markii xukunka laga tuuray bishii April, waxaana ay ku soo beegantay sanadguuradii 35aad ee ka soo wareegtay afgambigii xisbigii Bacasku uu xukunka ku qabsdayay.

Ciidamada uu Maraykanku hogaaminayo, ayaa la galiyay heegan sare, waxaana la mamnuucay dabaaldegyo xus ah in loo sameeyo munaasabadda sanadguurada.

Halka uu ku sugan yahay Saddam Hussein wali lama oga, waxaana maraykanku ay labaatan iyo shan million oo doolar ku ballanqaadeen in la siiyo cidii gacan ka gaysata soo qabashadiisa ama soo cadaysa dhimashadiisa.Xoogagga uu Maraykanku hogaaminayo ee ku sugan dalka Ciraq, ayaa heegan sare la galiyay, iyadoo ay ku beegan tahay sanadguuradii 35aad ee afgambigii xisbigii Bacaska ee xukunka Ciraaq uu ku qabsaday.

Golaha cusub ee dhowaan loo magacaabay Ciraaq, ayaa mamnuucay dabaaldegyo loo sameeyo afgambigaasi, munaasabadaasi oo hadda ka hor si wayn ay xukuumaddu u xusi jirtay.

Munaasabaddu, waxay maalin ka dambaysay kadib markii military-ga Maraykanka uu qiray in ay ku jiraan dagaal nooca dhuumaalaysiga ah oo ay wadaan taageerayaasha Saddam Hussein, kuwaasi oo qaab gobolaysi isu abaabulay.

Maraykanku wuxuu ku tilmaamay mid heer hoose ah oo u baahan in ciidamada Maraykanku ay xeeladahooda wax ka badalaan.

Maraykanku, waxaa uu arrintan qirtay kadib markii television Maraykanka ah uu soo daayay barnaamij ay ciidamada Maraykanka ee ku sugan Iraq ku muujiyeen rajo xumada howshooda.

Top


Madaxwayne ku xigeeno loo dhaariyay Congo.

Kinshasa (W.wararka) Hogaamiyayaasha kooxaha ugu waawayn ee mucaaradka ee Jamhuuriyadda Demoqraadiga ah ee Congo, ayaa loo dhaariyay madaxwayne ku xigeenada dowladda cusub ee awood qaybsiga.

Wararka ka imanaya caasimadda Congo ee Kinshasa, ayaa sheegaya in ciyaaro hiddo iyo dhaqan ah iyo qoob ka ciyaar lagu soo dhowaynayo martida ka soo qaybgalay xafladda lagu dhaarinayo, taasoo si rasmi ah u soo gabagabaynaysa shan sano oo dagaal sokeeye ah oo ay ku dhinteen ilaa sadex million oo qof.

Waxaa la qorshaynayaa in maamulka cusub uu noqdo ku meelgaadh, uuna wadada u sii xaadho doorashooyinka demoqraadiga ah ee Congo.

Hase yeeshee, waxa la leeyahay caqabadaha ugu waawayn ee jira waxaa ka mid ah iyadoo wali ciidan midaysan uuna jirin, isla markaana dhinaca bari ee dalka dadwaynuhu ay wali ka cabanayaan xadgudubyo dhinaca xuquuqda aadanaha ah oo ay gaysanayaan qaar badan oo ka mid kooxaha hubaysan ee deegaanka.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Maxaa U Sabab Ah Dayaca Gobollada Bari?

Hadduu madaxweynuhu ku koobnaado madaxtooyadda gudaheeda, wasiiraduna waxay ku koobnaan doonaan xafiisyadooda, anaga oo ah labada nin ee hoos ku qoran, degana magaalada Burco waxaanu tixraacaynaa maqaal uu qoray Wargeyska Maandeeq ee soo baxay 16-kii bishan oo ku saabsanaa golaha guurtida Somaliland oo ka dooday arrinta gobolka Sool iyo Sanaag bari, kuna soo gabagabeeyey in xukuumaddu xadadkeena xidho, gar iyo gardarroba, haddaanu eegno ra’yiga guurtida, waa mid aad u qiimo badan, waana sida waajibka ah in la yeelo, ama ay si toosa uga hadlaan guurtidu, maadaama ay ka mid yihiin golayaasha talada gacanta ku haya ee ugu sareeya dalka, anaguna waan taageersanahay, waayo Sool iyo Sanaag waa laba gobol oo ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland, juquraafi ahaan iyo jiritaan ahaanba, go’istooduna waxay dhaawac ku tahay dhismaha Somaliland, haddaba waxa isweydiin leh xukuumadda oo ay shacabku uga marti yihiin inay arrintaa si dhakhso ah wax uga qabato, ma tahay mid gudan karaysa ama diyaar u ah inay gudato hawshaas.

Anaga waxay nala tahay inaanay xukuumaddu gudan karayn ama aanay diyaar u ahayn, waayo xukuumadda Somaliland, iyada oo da’yar haddana waxa weli saluug ku jiraa siday uga hadashay arrimaha Sool, Sanaag Bari, iyo siyaasadeeda ku waajahan af-gobaadsi mooyaane, iyada oo aanay xukuumaddu u magacaabin in tiro iyo tayaba rag madax ah oo golaha wasiirada ku hanan kalsoonida deegaankooda.

Iyada oo xukuumadu weli magacaabin ama aanay balan qaadin guddi heer sare ah oo arrinta deegaamadaa si gaara ugu taxaluqa, maadaama madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale loogu qorsheeyey in lagu dilo, wakhtigan xaadirka ah ay ka socoto cashuur qaadista ciidamada Majeerteeniya oo si khasab ah uga qaada dadka degan deegaanadaas qaarkood, ka dib markii ay dadka deegaanadaasi waayeen adeegyadii iyo awoodihii JSL ee ay ka tirsan yihiin.

Madaxweynaha oo talada dalka gacanta ku hayay ilaa dhimashadii marxuum Cigaal oo aanay dadku uga baran wax qabad taaba gal oo ku waajahan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, taas oo ay sababtay dhaq-dhaqaaqa madaxweynaha oo ku kooban madaxtooyadda gudaheeda, taasu ma laga yaabaa inay keento in wasiir waliba xafiiskiisa ku koobnaado.

C/Risaaq Maxamed Cabdi, Jaamac X. Yuusuf Cabdi (Xus), Burco.

Top


Fadeexadii Ka Ganacsiga Dadka, Cusmaan C/Laahi (Sool), Copenhagen.

Waa Arin Xasaasi ah oo Khatarteeda leh, una Baahan Hubsiimo iyo Diplomaasiyad Dheeraad ah. Arintu waa Heshiiskan Dawladan cusub ee Madaxweyne Riyaale la-gashay Waaxda Socdaalka ee Britain ee ku saabsan soo celinta Qaxoontiga.

Heshiiskan oo aan filaayo in uu yahay Hawlgalkii ugu horeeyey ee Dawladani lagasho Dal Shisheeye ah ayaa u muuqda in uu yahay (Booraan Afkii laga Qafilay oo Qabarna hooseeyo).

Dawladaha Guun-ka ah ee reer Galbeedka ayaa Caan ku ah had iyo jeer in ay la-galaan Heshiisyo Khiyaamo iyo Hagardaamo dabada ku haya.Wadamada yar-yar ee Dunida Seddexaad iyaga oo u lulaaya waxoogaa Dhaqaale ah.

Dalka Ingiriiska oo Qaxoonti la Ciirciiraaya, Siyaasadiisa Qaxoontiguna Baaxaadegayso, Kuna Takhlantahay Dawladan Labour-ka ee Tony Blair ayaa tiraba 3 jeer intii sanadkan uu Ururka Midawga Europe ku Gacansaydhay Hindiseyaal ay soo hordhigeen.

Xeerarka Caalamiga ah ee Qaxoontiga oo aanay waafaqsanayn Hindiseyaashaasi awgood Ayaa lagu diiday.

Taasina waata ugu muhiimsan ee ku kaliftay Dawlada Ingiriiska in ay soo Aag bedelato, Heshiiskana u la gashay Dawladan Cusub ee Riyaale.
Heshiisyada noocan ah markaad gelayso ayaa lagama-maarmaan ah in aad haysato Goob-Joogeyaal ku xeel dheer oo Aqoon sare u leh Xeerarka Caalamiga ah siiba kuwa Qaxoontiga.

Waxa kale oo muhiim ah in aad la tashato Diplomaasyiin Sharci yaqaana oo awood u leh ku Gorgortanka iyo ka Dabinka-dhawrka Heshiisyada noocan oo kale ah.

Aqoonta sare iyo Diplomaasiyadaa dheeraadka ah ayaa ah mid ay ka Aradantahay Hogaanka Wasaaradda Arimaha Dib-u-dajintu ee Heshiiskan Qalinka ku Duugtay, taana waxa Caddayn iyo Makhraati u ah Heshiiskii la-lagalay Denmark 1997-kii ee ku Magac baxay "Ka Ganacsigii Binu-Aadanka."

Heshiiskan oo aynu Marti uga nahay Faafaahintiisa Dawlada, ayaan Noxurkiisa ka Sahaminayaa aniga oo ka shiidaal qaadanaaya Heshiiskii ama Fadeexadii *ka Ganacsiga Binu Aadanka* oo Wasaaradda Dib-u-dajinta ee S/land iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Denmark Xudun u ahaayeen.

Sidee ayey ku Abuurantay Fadeexadii ka Ganacsiga Binu-Aadanku?

Taariikhdu waxbay Hagtaa, Dadkuna wuu haybiyaa.....Ku dhawaaqidii Qaranimada Somaliland oo ku Beegantay Xilli ay Qaxoonti fara badani Dunida Qarqiyeen siiba Qaxoontigii Somaliland iyo kii Somalia ayaa wax ka bedeshay Siyaasadii Qaxoontiga ee Europe.

Isla markiiba Denmark iyo Sweden ayaa ku dhawaaqay in aanay Qaabilidoonin, Sharcina Siindoonin Qaxoontiga ka soo jeeda Somaliland.
Labadaa Dal ayaa Qorshe Qarsoodi ah oo aanay soo Shaacbixin watay oo isna ahaa in ay Somaliland u Isticmaalaan Meel ay ku soo Daadiyaan Qaxoontiga Soomaaliyeed oo dhan ee ay Xeryaha ku hayaan, Meel ay u Masaafuriyaana jirin oo Dunida oo dhan laga Diiday.

Dawladii Denmark ee 1997 oo Xukunka ka lawareegtay 92/93 Dawlad Konservative ahayd, ka Dib markii ay ku soo baxday Fadeexad ku saabsanayd ku-xadgudub sharci oo loo gaystay Qaxoonti reer Sirilanka oo ahaa (Tamil).

Sanadkaa 1997 oo Doorashona soo dhaweyd ayaa Qadiyaddii Qaxoontigu noqotay mid Ololaha Doorashadda lagu galo oo ay ku Hirdamaan Xisbigii Taladda hayey ee Social Democraatigu iyo Xisbiyadii garabka midig ee mucaarid ka ahaa.

Dawladii uu hoggaaminaayey Madaxweynihii Geeriyooday M. Ibrahim Egal Sannadkii 1997 iyo Dawladii Denmark ee uu Talada u hayey Xisbigii Social Democrati-gu, ayaa ku heshiiyey in Qaxoontiga u dhashay Somaliland ee Sharciga looga diido Denmark in lagu soo celiyo Dalkooda, Somaliland-na Jeebka loogu shubo lacag dhan 53 million oo ah Denish krone (8 million Dollar), Iyada oo lagu magacaabayo Mucaawino iyo Dib- u- dejin loogu deeqayo dadka la soo celinaayo.

Heshiiskii oo aan dhaqan galin ayaa Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ee Denmark ka war heleen oo Talo Faro ka haaday arintiina cirka ku shareerantay.Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ayaa Xisbigii Dawlada hayey ku Canbaareeyey in uu Heshiis lala galay Binu-aadan-nimada ka dhan ah Maamul yar oo ka dhisan meel Colaadi ka oogantahay, kuna Shaabadeeyey heshiiskii magaca ah KA GANACSIGA BINU-AADANKA.

Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ayaa iyaga oo ka Duulaaya Qodobo Sharciya yidhi 50 Qof oo Qaxoonti ah oo lagu celinaayo Dalkoodii ayaa lagu kala iibsanayaa 53 million oo krone ......Garo oo Qofkiiba Waa 1 million oo krone.

Qorshihii Dadka Qaxoontiga ah Dayuuradaha lagaga Daadinayey, Dacalada Madaarka Hargaysa.

Dawladii Denmark ayaa bilawday Qorshe Tuugo ah oo ay ku Masaafurinayso Qaxoontigii Somalida, Dhawr Qof ayaa la qaaday iyada oo la sii mariyey Nairobi.

Nairobi-na laga saaray Dayaaradu fudfudud, ka dibna lagu daadiyey Dacalada Madaarka Hargaysa. Dayuuradaha oo marka ay dadka daadiyaan si deg-deg ah u duulaayey ayaa Maalin maal maha ka mid ah si Qaflad ah lagu qabtay Dayuurad siday dhawr Qof oo Qaxoonti ah doonaysayna in ay daadiso oo deg deg u laabato iyada oo aan laga war-helin.
Qabashada Dayuuradaa ayaa sheekadii Qarxisay.....Qorshihiina fashilaysay iyada oo Warka Madaxdiisii uu ka dhigay TV-gii Denmark oo yidhi:

“Seddex Sarkaal oo sare-sare oo laba tahay Ciidanka Buliiska Denmark midna ka socday Wasaaradda arimaha Gudaha ayaa saaka Gacanta uga galay Maamul yar oo ka dhisan Dhulka Colaaduhu ka holcayaan ee waqooyiga Somalia.

Maamulka oo Hogaaminaayo Qabqable Dagaal ayaa sheegay in Dayuuradu ku soo Xadgudubtay Hawadooda, sifo Tuug ahna ku keentay dad Qaxoonti ah”.
Qabashada Dayaaradaa iyo Masuuliyiintii la socotay oo Xamaasad weyn oo Siyaasi ah ka abuurtay Denmark ayaa aad u dhiirigalisay in la-galo Heshiiskan ah in Dad iyo Duunyo la isdhaafsado, ka dibna la siidaayo Dayaaradii iyo Masuuliyiintii lagu hayey Hargaysa.

Cadaaddiskii Dawlada kaga imanaayey Dadweyhihii Danish-ka ahaa, Xisbiyadii Mucaaridka iyo Garyaqaanadii ku takhususay Sharci samaynta.iyo waliba Sharci ilaalinta ayaa ku Khasbay Dawladii in ay IS-CASISHO, haddii aanay Heshiiska runta ka sheegin Sharcigana Waafaqsiin.

Markaa ayaa hadaba ay Dawladii Danish-ku arintii xoog saartay iyadoo Wafti Balaadhan Hargaysa u dirtay oo la soo xaajooda Maamulkii Somaliland.Suxufiyiin waaweyn oo ka socday TV-GA Denmark iyo Wargayska Politiken oo Raacay Waftigaa ayaa warka toos uga soo diyaariyey Qasrigii Madaxweynaha ee Hargaysa.Wasiirkii arimaha Gudaha ee Denmark Miss, Birthe Weiss ayaa TV-GA laga soo saaray iyada oo khadka Telephonka 12 saacadood si toos ah u gala Xaajoonaysa Madaxweynihii Geeriyooday M. Ibrahim Egal.

Madaxweyne Egal Alla ha u naxaristee oo markii hore ku Giijiyey Danish-ka Ayaa Aakhirataankii Badbaadiyey Dawladii Sii-dhacaysay ee Denmark, markii uu Saxaafda Caalamka u sheegay in Mucaawinadan la siinayaa iyo Qaxoontiga la soo celinayaa aanay isku Xidhnayn.

Taasi se Dhacdo Diplomaasiya oo dhexmartay Marxuumkii iyo Dawladii Danish-ka ee Qiiraqiirada ku jirtay bay ahayd, heshiiskiina, halkaa ayuu ka sii socday iyadoo si dadban uu Danish-kii u fuliyey, Somaliland-na Qayb libaax ka Qaadatay Lacag dhamayd 120 million oo krone (18 million Dollar) oo Somalia oo dhan loogu Tala-galay.14 Muwaadin oo Qaxoonti Somalilander ahna sifo Qasab iyo Jujuub ah loogu soo celiyey Hargaysa.

Raadkii Fadeexadii ka tegtay, Wasiiradii iyo Masuuliyiintii kale ee ka Qaybqaatay Fadeexada labada dhinac-ba, marka laga reebo labadii Madaxweyne.

1-Marwo, Birthe Weiss.....Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha ee Denmark oo ahayd Xuduntii Fadeexada dhinaca Denmark.

2- Mudane, Abdillahi Darawal....Wasiirka Dib-u-dajinta ee S/land ayaa isaga iyo Wasaaradiisuba yihiin Xuduntii Fadeexada dhinaca Somaliland.

3-Mudane, Jens Rasmusen.....Sarkaal sare oo ciidanka buliiska Denmark ka tirsanaa oo Shaqadii laga fadhiisiyey.

4-Marwo, Nina Holbeck..... Gabadh da' yar oo ahayd Siyaasiyad Xisbigii Social Democratiga u Qaabilsanayd Arimaha Qaxoontiga oo iyana is-casishay.

5-Mudane, Bashiir Haji Hassan Geele..... Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada dib u-dajinta, ahaana waftigii Denmark loo soo diray.

6-Mudane, axmed xuseen Oomane....wasiirkii hore ee Kaluumaysiga, ahaana Waftigii Denmark loo soo diray.

Waxa kale oo Waftiga loo soo diray Denmark la socday oo Arinta Goobjooge ka ahaa Mudane Ali Jirde oo ahaa Danjirihii Scandanavainka u Qaabilsanaa Somaliland iyo Somalia.

Hadaba iminka waxaan ogaanay fahamnayna Kaartooyin Qarsoonaa oo habab Duwali ah loo Adeegsaday, laguna Dulmiyey Muwaadiniintii Laga soo Celiyey Denmark oo ilaa iyo iminka Xuquudoodii ku maqan tahay Wasaarada dib-u-dajinta S/land.

Lacagta Denmark ku bixisay Heshiiska, laba waji ayey kala ahayd, Waji waxa uu ahaa Mucaawino Guud oo Dalka la siiyey, wajina waxa uu ahaa lacag loogu tala galay Qaxoontiga la soo celinaayo oo loogu dhiibay wasaarada dib-u-dajinta S/land, Sidaa waxa caddaysay Waaxda xisaab celinta ee Deqda debedaha u Qaabilsan Wasaarada Maaliyada ee Denmark.
Aragtida ku jahasan Heshiiskan Cusub ee wax-garadka Ururada Qurbejooga
Hadal iyo murtiba hadii aanu nahay wax garadka ururada Qaxoontiga ee reer S/land ee dagan Europe, Anaga oo ka shiidaal qaadanayna Aafooyinkan ka soo Ifbaxay Fadeexadan Foosha xun, waxaanu soo jeedinaynaa Qodbadan hoos ku Qoran.

1-Waa in sida ugu dhakhsaha badan Dawlada iyo Wasaarada dib-u-dajintu Heshiiskii ay la galeen Ingiriiska oo tafatiran, faahfaasana u soo hordhigaan labada Gole wakiilada iyo ka guurtida iyo labada Xisbi ee Wadaniga ah KULMIYE IYO UCID iyo ururada Qaxoontiga Somaliland ee Europe.

2- Waa in Wasaarada dib-u-dajintu warbixin hufan ka keentaa heshiiskii Denmark lala-galay iyo xaalada ay ku sugan yihiin Qaxoontigii Denmark laga soo celiyey iyo Heshiisyadii kale ee ku saabsanaa Qaxontigii isna DJibouti iyo Qorshaha guud ee ay u diyaarisay Dadkan ay doonayso in la soo celiyo Wasaaradu.

3-Waxa Muhiim ah in la sameeyo Gudi Madaxbanaan oo Aqoon sare leh iyo Awoodba oo ka kooban labada Gole, labada Xisbi ee mucaaridka ah iyo Ururada Qaxoontiga ee Qurbejooga.

Gudidaasi waa in la shaqaysaa Wasaarada dib-u-dajinta ugana soo qaadaa Xuquuqdoodii kaga Maqnayd Wasaarada, Muwaadiniintii Denmark laga soo celiyey ee wali Dulman.

4- Waxa muhiim ah in la qabto shir loo wada dhanyahay Gudida, wasaarada Dib-u-dajinta, Ururada Qaxoontiga inta aan Heshiiska la gudo galin oo lalafa-guro wixii lagu kala duwanyahay ee Afkaar ah, laysuna xog waramo.

Wax is weydiini ma xuma ee wax is weydaaris ayaa daran, sidaas iyo Ismaqal, Isfaham iyo Is afgarad wanaagsan.

Waxa soo diyaariyey: Osman Abdillhi Sool....Copenhagen 17/07/2003.

Top


WAADIGA CIYAARAHA: Kooxda Gaashaan Oo 55-44 Kaga Adkaatay Kooxda Al-Aqsa.

A/fataax M. Caydiid.

Hargeysa (Haatuf) - Ciyaar aad u xiiso badan ayaa shalay ku dhexmartay Garoonka Kubadda Koleyga Timacade ee magaalada Hargeysa labada kooxood ee Gaashaan iyo Al-Aqsa, taas oo ay kooxda ku ciyaara magaca Ciidanka Qaranka Somaliland guul weyn kala hoyatay halkaas, kadib markii ay 55 - 44 dhibcood kaga adkaatay kooxda Al-Aqsa.

Ciyaartan oo ahayd ciyaartii saddexaad ee ay iskaga horyimaadaan kooxaha kubadda koleyga ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo ku tartamaya Tartan kubadda Koleyga ah oo lagu xusayo Faysal C/raxmaan C/laahi “Faysal dheer” oo ka mid ahaan jiray ciyaartoyda kubadda koleyga ee magaalada Hargeysa oo maalintii Salaasadii ka bilaabmay Garoonka kubadda koleyga ee Timacade.

Labada kooxood Gaashaan iyo Al-Aqsa ayaa waxay ku wada jiraan Group A, iyadoo ay ku weheliso kooxda Haatuf Media Network, waxaanay ciyaartani ahayd ciyaartii labaad ee group A, iyadoo ay hore u soo wada ciyaareen kooxaha Haatuf iyo Al-Aqsa, ciyaartaas oo ay kooxda Haatuf ka badisay kooxda Al-Aqsa, kooxda Gaashaan ay ciyaartani ahayd tii ugu horeysay ee ay ciyaaraan tartanka, waxaanay taasi ka dhigaysa in kooxda Al-Aqsa oo laba ciyaarood oo ciyaartayba laga badiyay ay ku hadhay wareegii koowaad, halka ay labada kooxood ee Haatuf iyo Gaashaan u soo gudbeen wareega labaad ee semifinalka oo ay weliba labada kooxood ciyaar ku kulmi doonaan maalinta sabtida ee berito, taas oo ay kula bixi doonaan kooxaad kaalinta koowaad ku baxaysa iyo ta kale, waxaanay labada kooxood leeyihiin mid saddex dhibcood oo ah hal ciyaar ah oo badisa. 

Top