“Aniga Oo Ka Turjumaya Shacabka Puntland Waxaan Aqoonsanahay
Somaliland,” Maxamed X. Aadan.
BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Arrinta Wakiiladu, Gedoodii Hore Iyo Gad
Cusub Waa Iyama?
Daar-Al-Iimaan: Dugsi Cusub Oo Laga
Furay Hargeysa.
“Hebel Cadaadi Iyo Hebel Soo Dhowee,
Aniga Madaxweynuhu Igulama Soo Ballamin”, “Haddii Aad Aragto Dad Iyo Madax
Is Haysta, Cilladu Waa Xagga Madaxda,” Waraysi ----- Badhasaabka Burco.
Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Hormadii
U Horaysay Ee Wasiirada Rayaale
“Waxaan Maqlayay Rag Leh Wasiiru-Dawluhu Dastuurka Kuma Jiro, Markaa …”
Gudd. Wakiilada, Md. Qaybe.
Muranka Xukuumadda Iyo Ganacsatada Oo
Saameeyay Dhaqdhaqaaqa Dekedda Berbera, Warbixin - Weriyaha Haatuf Ee
Berbera.
Maxaabiista Siyaasadda Oo Markale
Xadhig Rumaan Ah Caynka Loo Giijiyay.
Maayorka Boorama Oo Faahfaahin Ka
Bixiyay Khasaaraha Roobab Ka Da’ay Awdal.
Nelson Mandela Oo Xusay Dhalashadiisii
83aad.
Kofi Anan Sidee Buu Uga Hadlay
Xaaladda Ciraaq?
Tony Blair Oo Fadeexadi Kaga Furantay
Duulaankii Ciraaq.
Kulmiye iyo London.
Muslimiinta Maraykanka Oo Ka Cawday
Dhibaatada Dawladdu Ku Hayso.
Ololaha Nabadaynta Hadraawi Oo
Gaadhay Kismaanyo.
Ku: Wasiirka warshadeynta iyo
baayacmushtariga ee Somaliland, Mudane Maxamed Xaashi Cilmi.
Sidee Loo Arkaa Hadraawi? Cumar
Nimcaale.
Xaalka Ganacsatadu Ma Caduur
Dhawdhawdu Uma Dhaadhacsanaa? Maxamed Cabdi Curad.
Horta Dalkaaga Daryeel.
Gaashaan Oo 50-29 Dhibcood Kaga
Badisay Kooxda Haatuf.
|
|
“Aniga Oo Ka Turjumaya Shacabka
Puntland Waxaan Aqoonsanahay Somaliland,” Maxamed X. Aadan. |
Waxaan cadaynayaa inaan ahay gudoomiyihii
xaaladda degdegga ahaa ee uu magacaabay maamulkii sharciga ahaa ee Jaamac
Cali Jaamac ee xilka iskaga tegay. Hase yeeshee aan weli hayo xilkaygii
dhinaca ciidamada, siyaasadda iyo baarlamaankiiba, waxaana la ogyahay inuu
C/laahi Yuusuf xoog ku qabsaday Puntland.
Dhacdadii ugu dambaysay waxay ahayd lix cisho ka hor markii uu nin
ciidanka ka tirsani dilay nin kale oo ciidanka ka tirsan, ka dibna ay
maxkamadi gacan-kudhiiglaha ku xukuntay qisaas, laakiin ilaalada
madaxtooyada C/laahi Yuusuf ayaa isku xeertay jeelka Boosaaso si aan looga
saarin gacan-dhiiglaha oo loo dilin, sidaa darteed waxa shalay Boosaaso
dib ugu soo laabtay Cadde Muuse oo uu C/laahi Yuusuf Nayroobi ka soo diray
si uu xaliyo xiisadda taagan iyo ciidanka kala fadhiya.
Waxa kale oo aan caalamka iyo shirka Nayroobi ee kooxaha Somaliya u
sheegayaa inaanu C/laahi Yuusuf metelin shacabka Puntland, iyadoo la
ogyahay inuu maamulka xoog iyo af-gembi ku qabsaday, waxaanuna maxkamadda
aduunka horteeda kaga dacweynaynaa xad-gudubyadii bini’aadminimada ka
dhanka ahaa ee uu sameeyey, isaga oo laayey shacab aan waxba galabsan,
iyadoo aan anigu ka mid ahaa 600 oo qof oo 6 bilood ku jiray xabsiga
Boosaaso, iyadoo aan wax maxkamad ah la horgeyn, si naxariis daro ahna
loola dhaqmay.
Ugu dambayn waxaan qabaa in caalamku aqoonsado Somaliland, iyadoo la
ogyahay inay maanta ku talaabsatay dimoqraadiyad ku dhisana doorasho iyo
tartan xisbiyo badan, kuna nool nidaam dawladeed oo nabadgelyo u horseeday
shacbiga, mana dhici karto in lagu dirqiyo wax aanay rabin, cadaaladuna ma
aha in lagu xidho heshiis la’aanta dhawrka iyo labaatanka
madaxweyne-kooxeed ee ka jira koonfurta Somaliya. Hadii aan la aqoonsan
Somaliland waxa aduunka ka furmaysa su’aal ah, miyaan la rabin inay
Somaliya ka dhalato dawlad ku dhisan deganaan iyo dimoqraadiyad.
Waxaan ku soo gebagebaynayaa inaan aqoonsanahay Somaliland aniga oo ka
turjumaya shacabka Puntland, waxa kale oo aan shaki ku jirin inay gobolada
Sool iyo Sanaag ka mid yihiin Somaliland, markhaatina waxa ka ah madaxda
goboladaa kaga jirta golayaasha maamulka dawladda Jamhuuriyadda
Somaliland.
Maxamed Xaaji Aadan Top
BADHEEDHAHA
WARGEYSKA: Arrinta Wakiiladu, Gedoodii Hore Iyo Gad Cusub Waa Iyama? |
Golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay
markii u horaysay annsixiyey afartii xubnood ee u horeeyey golaha
wasiirada ee uu madaxweyne Rayaale magacaabay, iyadoo ay mudanayaashu
afartaa wasiir-ba oodda ka qaadeen. Sidoo kale fadhiga maantana waxa la
filayaa inay horyimaadaan afar wasiir oo kale si loo ansixiyo, taas oo la
filayo inay afartaana qalinka ku duugaan, iyadoo uu golaha wasiirada ee
madaxweyne Rayaale hadda tiradiisu marayso konton-kudhowaad, isla markaana
la hadal hayo inuu xubno kale oo cusub soo magacaabo.
Hase yeeshee waxa maalmahan aad loo maqlayey baali-xoofto ka soo
yeedhaysay mudanayaasha aqalka wakiilada, taas oo ay suuqa soo gashadeen
inay wasiiradan tirada badan goosan la hadhayaan oo aanay ansixin doonin,
taasina waxay ahayd sheeko ay aad ugu hadaaqayeen inta badan mudanayaasha
golahani.
Dhinaca kalena waxaan xarakoodu qarsoonayn rag badan oo wasiiro ah, kuwaas
oo qaarkood xan loogu keenay inay ka mid yihiin raga loo dhaaranayo, sidaa
darteedna uu xarakaadkoodu la xidhiidho kaambayn ay kaga hortegayaan inay
codadka mudanayaasha sidaana ay kaga hadhaan ansixinta, waxaana la sheegay
inay wasiiradani dur-ba u gacan-haadiyeen rag mudanayaal aha, si ay faraha
dufan ugu mariyaan codkana uga ansixiyaan.
Inkasta oo ay mudanayaasha golaha wakiiladu ku hanjabayaan inay wasiiradan
rag door ah kala hadhayaan, hadana taasi uma qudhqudhsana dadweynaha,
waxaana dabeecadii ay caanka ku ahaayeen ee ay maalmaha ay mawduucyadan oo
kale hor yimaadaan baali-xooftada iyo gurxanka isla qaad-qaadi jireen,
hadhowna marka waxoogaa yar gacanta loo saaro ay duuduub ku ansixin jireen,
laakiin qaarkood oo su'aashaa la waydiiyey ayey ku tiraabay Maanta tani
way naga go’an tahay, waxaynuse doodda ku soo xidhaynaa sheekada wakiiladu
laba hal mid waa iyama gedoodii hore ee rux-ruxashada dha’…dha’…dha’, iyo
inay ... Top
Daar-Al-Iimaan:
Dugsi Cusub Oo Laga Furay Hargeysa. |
Hargeysa (Haatuf):- Dugsi islaami ah oo
cusub lana magac baxay DAAR AL-IIMAAN ayaa maalintii shalay laga furay
xaafada Jigjiga-yare ee magaalada Hargeysa.
Xafladii furitaanka dugsigan oo lagu qabtay xarunta dugsigaasi maalintii
shalay waxa ka soo qayb galay wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Maxamuud
Suufi Maxamed, Agaasimaha Guud ee wasaarada Dib-U-Dajinta C/laahi Cumar
Xasan Guuleed, mudanayaal ka socday golayaasha baarlamaanka oo uu ka mid
yihiin Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) iyo Suldaan C/Raxmaan Sheekh
Maxamed iyo siyaasiyiin kale oo ay ka mid yihiin Axmed Jaanbiir Suldaan oo
hore u ahaan jiray wasiirka Arimaha Gudaha iyo Maxamed-Rashiid Sh. Xasan
Baashe Cabdi Gaboobe, Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Cabdi Haybe iyo xubno
ka socday gudida wanaag farida & xumaan reebista, culimaa’u diin kale iyo
marti sharaf kale oo aad u badan waxaana halkaa laga soo jeediyey khudbado
kala duwan.
Ugu horeyn waxa halkaa ka hadlay Suldaan C/Raxmaan Sheekh Maxamed oo aad
ugu mahad-naqay aasaasayaasha dugsiga iyo cidii gacan ka gaysatay, isaga
oo kula dardaarmay waalidiinta inay caruurtooda ku daraan dugsigan si ay
diintooda u bartaan.
Waxa isna halkaa ka hadlay X. Cabdi Waraabe oo ka hadlay ahamiyada ay
barashada diintu leedahay: “Barigii la furay masjid-jaamaca weyn ee
Hargeysa waxa Jabuuti looga yeedhay nin carab ah, waxaase maanta I faraxad
galinaaya inay dugsiyo badan oo diinta lagu bartaa dalka ka furan yihiin”
ayuu yidhi X. Cabdi Waraabe.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo isna halkaa ka hadlay ayaa amaanay
furitaanka dugsiga oo uu tilmaamay qiimaha uu u leeyahay barashada diinta,
isaga oo sheegay inay wasaaradiisa ka gaabisay kor-meerka dugsiyada diinta
lagu barto balse ay farxad u tahay inuu ka soo qayb-galo furitaanka
dugsigan.
Ugu danbayn waxa xafladaasi war-bixin ka soo jeediyey Axmed C/Salaan Aadan
oo ah maamulaha Dugsigaasi isaga oo sheegay in dugsigan lagu dhisay 28
cisho oo kaliya iyada oo la dhagax-dhigay 22/6/2003 lana dhamays tiray
18/7/2003, waxaanu sheegay in dugsiga lagu baran doono Qur’aanka Kariimka
ah iyo Culuumtiisa, marka lagu daro luqada Carabiga, isaga oo balan qaaday
inuu ilaalin doono tayada iyo tiradda dugsigiisa, isaga oo intaa raaciyey
inuu fasalkiiba 30 arday dhigan doonaan halka dugsiyada kale ay fasalkiiba
dhigtaan 70 arday.
Xarunta Dugsiga DAAR AL-IIMAAN oo ka kooban 10 fasal, xafiisyada maamulka
iyo macalimiinta, hoolka shirarka, Cafeteria iyo Masaajid loogu talo galay
ku tukashada salaadaha, waa dhisme si fiican loo qalabeeyey, waxaanu xooga
saarayaa xiftiga Qur’aanka iyo barashada culuumta Diinta iyo barbaarinta
ubadka si ay u helaan tarbiyad haboon. Top
“Hebel Cadaadi
Iyo Hebel Soo Dhowee, Aniga Madaxweynuhu Igulama Soo Ballamin”,
“Haddii Aad Aragto Dad Iyo Madax Is Haysta, Cilladu Waa Xagga Madaxda,”
Waraysi ----- Badhasaabka Burco. |
Burco (Haatuf): Badhasaabka gobolka Togdheer,
Cabdi Xuseen Dheere ayaa sharax ka bixiyey duruufaha maamul iyo
siyaasadeed ee gobolkiisa, taas oo uu xaaladda nabadgelyo ee gobolka ku
tilmaamay mid aad u shilis, isaga oo dhinaca kalena intaa ku daray inay
xaaladda siyaasadeed ee gobolku hadda aad u jimcoon tahay, laakiin gobolka
waxa jira duruufo maamul oo dhinacyo badan, isla markaana waxa jira saluug
maamul oo ay dadka reer Burco farta ku fiiqayaan.
Cabdi Xuseen Dheere waxa uu xilka badhasaabnimo hayey ilaa afar bilood iyo
wax aan dhaamin, iyadoo uu madaxweyne Rayaale jadadaa u magacaabay,
waxayna magacaabistiisu ku beegnayd wax yar ka hor markii ay kaabiga soo
saarnayd doorashadii madaxtooyada ee dhacday 14-kii Abril, 2003, iyadoo
Cabdi Xuseen mar ka mid ahaa kooxaha mucaaradka ah ee ugu xag-jirsan ee ku
kacsan dawladda Somaliland, balse wax yar ka hor ayaamihii doorashada ayuu
ku biiray xisbiga muxaafidka ee dawladda (UDUB).
Cabdi Xuseen Dheere inkasta oo uu sheegay inuu ku hammiyayo inuu ka
shaqeeyo horumarka gobolka, hadana waxa uu u muuqday inay duruufo maamul
oo baaxad lihi ku xeerran yihiin, sidaa awgeed ay suurta gal tahay inuu ku
hafto duruufaha kua gadaaman, iyadoo dhinaca kalena aanay meesha ka muuqan
badhitaarkii dawladda dhexe ee ay waacidsan lahaayeen maamulayaasha
gobolada iyo degmooyinka. Sidoo kale magaalada Burco oo ah magaalada
labaad ee Somaliland, kuna taal badhtamaha dalka waxay waqtigan xaadirka
ah u baahan tahay cudud maamul oo u dhiganta duruufta maamul ee taal,
taasina waxay u muuqataa inaanu dhaqaale ahaan iyo awood ahaan midna ku
filayn itaalka maamul ee hadda ka jiraa, iyadoo aad loo soo jaleecayo
dhinaca dawladda dhexe ee fadhigoodu yahay Hargeysa, taas oo la leeyahay
tolow maxaa ka soo socda.
Dhinaca kalena dadweynaha reer Burco waxa dareenkooda ka muuqda saluug oo
maamul, taas oo ay ka yididiilo xun yihiin sidii ay u arki lahaayeen
maamul shilis oo ku filaadda baahiyahooda dhinac kasta.
A. Ducaale oo dabayaaqadii toddobaadkii hore ka soo laabtay socdaal uu
muddo ku joogay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa waraysi
la yeeshay badhasaabka Burco, waxna ka waydiiyey xaaladaha iyo arimaha
gobolkiisa, waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:
S: Bal ka warran xaaladda nabadgelyo iyo maamul ee gobolka?
J: Horta xaaladda nabadgelyo ee gobolku aad iyo aad bay u wanaagsan tahay,
maalinkaa maanta ahna maalin ay nabadgelyada gobolku ka wanaagsan tahay ma
jiro, laakiin anigu runtii waxaan gobolka ku soo beegmay xiligii ugu adkaa
ee ololaha doorashadaa, xiligaas oo ay dadku xisbiyo ku kala fayleen,
wuxuuna wer-werka ugu badan ee aanu wadnaha farta kaga haynay ahaa dhinaca
nabadgelyada oo si yar faraha uga bixi karaysya, haseyeeshee nasiib
wanaagsan taasi wanaagsan oo nabadgelyo ah ayey nooga dhamaatay, sida la
ogyahayn doorashadii si wanaagsan oo nabadgelyo ah ayey uga dhacday
deerona, deero ma hirdiyin.
S: sida aad adiguba xustay kaambayn adag ayaa xiligii doorashada dhacay,
arintaasi saamayn intee le’eg ayey xaaladaada maamul ee gobolka ku
yeelatay?
J: Runtii dadkeenu waa dad wanaagsan, markaa arintaasi wax saamayn xun ah
oo ay ku yeelatay ma jiro, sidii ay wax ku dhamaadeen ayuun qof waliba u
qaatay, caloosha bini’aadanka lama xukumi karo, laakiin wax dhaawac ah oo
aan is leeyahay gobolka ayey soo gaadhsiisay ma jiro, dadkuna waa isku
mid.
S: Adigu badhasaab ahaan waxaad ka soo jeedaa degaamada bariga Burco ee uu
ka soo jeeday ninka hogaaminayey xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, taasi
ma waxaad leedahay saamayn iguma yeellan?
J: Dee hadii aanay jirin wax soo socdaa ilaa iminka ma jirto wax saamayn
ah oo ay igu yeelatay, waayo dadkeena waxa wax walba kala qiima badan
nabadda iyo ilaashada dawladnimadooda iyo Somaliland-nimada, doorashadiina
madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka ku guulaystay ayey u haniyeeyeen,
dadka reer Togdheer-na ma jiraan wax alaaliyo wax dhexyaal oo dhibaato ahi.
S: Marka arimaha nabadgelyada laga hadlayo ciidanka booliska ee gobolka
aad baa loo dhaliilaa, taa ma ogtihiin maamul ahaan?
J: Horta booliska gobolku waxa uu wax la qabaa booliska kale ee wadanka,
wayna jiraan duruufo oo masalan booliska hadii uu inkaaniyaadkoodu u dhan
yahay si joogta ah ayey nabadgelyada gacant ugu dhigi lahaayeen, markaa
koleyba mashaakilaad dhinaca booliska ahi waa jiraa, taana waanu ognahay,
waanuna jecelahay inaanu wax ka qabano hadii eebe yidhaahdo.
S: Duruufaha ama mashaakilaadka booliska gobolka haysta ma kala hadashay
hogaanka dawladda dhexe, gaar ahaan hayadaha ku shaqada leh ?
J: Somalidu waxay tidhaahdaa nin kaa weyna wax loo sheego, nin kaa dheerna
waxba looma tilmaamo, hase yeeshee waxaan is lahaa marka aad Hargeysa
tagto madaxweynaha arintaa hordhig, sidaa ayaan ku talo jiraa.
S: Adiga (Badhasaabka) iyo madaxda dawladda hoose waa sidee wada
shaqayntiinu?
J: Horta way fiican tahya wada shaqayntayadu, waxaanuna hadda ku wada
jirnaa hawlo balaadhan oo dhinaca wax qabadka magaalada ah, laakiin
xaqiiqdii ilaa hadda waxba kama sheegi karo xaaladda madaxda dawladda hoos,
waayo iyaga qudhoodu meesha way ku cusub yihiin, waxayna la kulmeen iyadoo
meesha dayn badan lagu leeyahay, oo shaqaaluhu mushahaarooyinkii leeyahay,
oo duruuf adag bay qudhoodu la soo kulmeen, balse sida la ogyahay wax soo
saarka gobolku dhinaca dhaqaalaha waa dawladda hoose, taas darteedna inuu
gobolku dhinaca dhaqaalaha dawladda hoose kaga tiirsado waa mid loo baahan
yahay, laakiin ilaa hadda taasi ma jirto, waxaanse taa ku liqayaa duruufta
ay la soo kulmeen.
S: Marka la eego xaaladda maamul ee gobolka badhasaaba ahaan waxa ku
horyaal duruufo waaweyn, markaa maxaad is leedahay mustaq-balka aad
qabatid ama ku talaabsatid?
J: Horta nabadgelyo xumo ima hortaal, dhacdooyinka yar yar ee yimaadana
anaga oo aan cidna ku mashquulin ayaanu ku kalsoonahay inaan mar walba
xalilo, laakiin waxyaalaha I horyaal waxa ka mid ah arimaha horumarka
gobolka sidii aan wax uga qaban lahaa iyo sidii adeegyada bulshada wax
looga qaban lahaa, markaa waxyaalo badan oo dhinaca horumarka ah ayaa
kutalogalkayagu yahay inaanu qabano.
S: Hayadaha dawladda dhexe ee gobolka itaal daro maamul ayaa ka muuqda,
sida Booliska oo kale , duruufahaa maamul miyaadan is lahayn wax ka qabo?
J: Horta ninka hayadaha samafalka u qaabilsan dhinaca amniga ayaan ka
codsaday inuu arimaha booliska wax nagala qabto, taana wuu iga
ballan-qaaday, ta kale sida aan horeba kuuga sheegay waxaan arinta
booliska iyo arimaha kaleba kala kulmi doonaa madaxweynaha, aniga oo
aaminsan inuu wixii uu qaban karo nagala qabanayo.
S: Mudadii aad xilka haysay maxaad odhan kartaa waan qabtay oo aad ku
faani kartaa?
J: Horta anigu waxaan ku soo beegmay xili aad u adag oo ah xiligii ololaha
doorashada oo ay dadka oo dhami axsaab ku kala fileen oo aanu jirin qof
keliya oo meel joogaa, isla markaana waxa taagnayd caadifaddii ololaha
doorashada, iyadoo xataa maalintii lagu dhawaaqay natiijada ay dad
mudaharaadeen oo rabshado sameeyeen, dadkaas oo u badnaa dad wax ma garato
ah waxay burburiyeen oo waxyeelo weyn u geysteen hanti dad leeyahay,
laakiin aniga iyo maamulkaygu waxaanu go’aan ka dhiganay inaanu
nabadgelyada ku fara-adaygno, taasina ilaahay mahaddii way suurta gashay,
markaa waxaan odhan karaa marxalad adag oo aan gobolka ku soo beegmay
ayaan ka soo saaray. Waxa kale oo aan ka shaqeeyey walaalaynta dadka reer
Burco.
S: Ma is leedahay dadka reer Burco si wanaagsan bay kuula shaqeeyeen ama
kuula shaqayn doonaan mustaq-balka?
J: Anigu waxaan aaminsanahay in dadku ka hor-imanayo ninkii madax ah ee
wax xumaynaya, laakiin qofkii wax qabanaya dadku mar walba waa u diyaar
inay wax la qabtaan ama la shaqeeyaan, balse hadii aad aragto dad iyo
madax is haysta cilladdu waa xagga madaxda.
S: Duruuf dhaqaale ma ku haysataa, mise way kugu fillan tahay
miisaaniyadda laguu soo qorsheeyey?
J: Horta iminka odhan-maayo duruuf dhaqaale ayaa I haysata, xilkana waan
ku cus-bahay, ta kale sidii aan xilka u tirsaday isma aanu arag madaxda
sare oo dib uguma aan noqon, markaa wixii tabasho iyaga ayaan u
sheeganayaa.
S: Adigu mar waxaad ahaan jirtay mucaarad xag jira, maantana xisbiga
muxaafidka (UDUB) ayaad ku jirtaa, mawqifkaaga isbedelay iyo dareenka
labadaa marxaladood mid-ba sidee baad u aragtaa?
J: Aniga markii halkan lay soo magacaabay oo ahayd markii ay xaaladdu ugu
darayd ee badhasaabada iyo Dhiisayada la odhan jiray waa la balimiayaa oo
waxa lagu balimiyaa hebel-na sidaa u cadaadi, hebel-na sidaa u soo dhowee,
aniga taa madaxweynaha iyo wasiirku toona igulama ay soo ballamin, markaa
anigu dadka dhex ayaan u ahaa, iminkana dhex ayaan u ahay, waayo hadii
aanan dhex u ahayn way muuqan lahayd, qayladuna beri hore ayey meel walba
ka dhici lahayd.
S: Markaa ma waxaad leedahay axsaabta siyaasiga ee jira anigu dhex baan u
ahaa ama u ahaanayaa?
J: Haa, markii horena dhex baan u ahaa, dhexna waan u ahaanayaa maamul
ahaan, dhexnimadaana waxa u markhaati furaya dadweynaha, waayo hadii aanan
dhex ahayna ummad badan oo iga qaylinaysa ayaa soo bixi lahayd. Top
Golaha
Wakiilada Oo Ansixiyay Hormadii U Horaysay Ee Wasiirada Rayaale
“Waxaan Maqlayay Rag Leh Wasiiru-Dawluhu Dastuurka Kuma Jiro, Markaa
…” Gudd. Wakiilada, Md. Qaybe. |
Hargeysa (Haatuf): Mudanayaasha golaha
wakiiladda ayaa fadhigii shalay ku ansixiyey afar wasiir oo hordhac u ah
golaha xukuumadda ee uu madaxweyanaha Rayaale dhawaan magacaabay.
Xubnaha wasiiradda ka hor intii aan golaha la horkeenin waxay ku
sugnaayeen xafiiska gudoomiyaha golaha wakiiladda, Mudane Qaybe oo
gudoominayey fadhigaa ayaa mudanayaasha u sheegay in golaha la horkeenayo
lix xubnood oo ka mid ah golaha xukuumadda, wuxuuna mudanayaasha u sheegay
hadal kooban oo kaga afeef dhiganayo sawaxan iyo buuq ka dhasha inta lagu
guda jiro hawsha ansixinta, isaga oo yidhi “Waxaan maqlayey rag leh,
wasiir dawle dastuurka kuma jiro, markaa waxaan idiin sheegayaa, haddaynu
nahay golahan in la inooga baahan yahay, inaynu nidhaahno wasiir waliba
barnaamijkiisa ha geeyo golaha wasiiradda, inagana waxa la inoo keenayaa
barnaamij midaysan oo ay xukuumaddu leedahay”.
Wuxuuna intaa ku daray in golaha wasiiraddu soo ansixiyaan barnaamijka
wasiir kasta, laakiin inkasta oo buuq iyo sawaxan guux ahi ka kacay,
hadaladaa, haddana markii dambe waxay ku taageereen gudoomiyaha hadalkaa.
Fadhigaa golaha wakiiladda waxa fadhiyey 62 mudane waxaana la bilaabay in
wasiiradda la soo tuso wajiyadooda mudanayaasha golaha, ka hor inta aanay
ansixin, iyada oo la horkeenay golaha afar xubnood oo kala ah wasiirka
ganacsiga Maxamed Xaashi Cilmi, wasiirka boosaha iyo is-gaadhsiinta Xasan
Cabdi Kheyre, wasiirka arrimaha dibadda Edna Aadan Ismaaciil iyo wasiir ku
xigeenka caafimaadka Dr. Axmed Jaamac Samatar (Who), iyada oo aanay labada
xubnood ee maqan oo la socday liistada magacyada loo soo gudbiyey golaha
si loo ansixiyo aanay ka soo xaadirin halkaa, waxaanu goluhu guda galay
hawsha ansixinta ee xubnaha golaha wasiiradda, ka dib markii golaha
hortiisa laga akhriyey CV-yada wasiiradda, iyada oo ugu horeyn goluhu u
codeeyeen wasiirka ganacsiga iyo wershadaha, kaas oo ay goluhu ku
ogolaadeen cod aqlabiyad 61 mudane, halka uu ka aamusay hal mudane, isla
markaana aanay jirin cid diiday.
Wasiirka boosaha iyo is-gaadhsiinta ayaa isagana goluhu cod aqlabiyad ah
ku ansixiyey, ka dib markii ay 56 Mudane ay siiyeen codkooda, lix mudanana
ka aamustay, iyada oo aanay jirin cid diiday.
Sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Axmed Jaamac Samatar
(Who), ayay mudanayaashu ku ansixiyeen cod aqlabiyada, iyadoo ay 61 Mudane
ogolaadeen, waxaana ka aamusay hal Mudane, cid diidayna ma jirin.
Wasiirka Arrimaha debeda Edna Aadan ismaaciil, waxay kusoo beegantay
iyadoo ay tiradii Mudanayaasha kusoo kor dheen afar Mudane ,kuwaas oo
tirada mudanayaasha ka dhigay 66 Mudane, waxaana uu golahu ku ogolaaday
cod aqlabiyada , iyadoo 64 Mudane ogolaadeen , halka uu hal Mudane ka
aamusay, islamarkaana may jirin cid diiday iyo gudoomiyaha oo aan codeyn.
Xubnahan golaha wasiiradda oo hordhac u ahaa xukuumadda uu madaxweyne
Rayaale magacaabay dhawaan, waxa loo qorsheeyey in golaha la horkeeno
shalay lix xubnood si ay u ansixiyaan, laakiin laba xubnood oo ka mid ah
lixdaa xubnood ayaan iyagu ka soo xaadirin, lamana sheegin sababta
maqnaashahooda, laakiin afartan xubnood ee shalay la ansixiyey waxay
ahaayeen kuwo ay goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen, isla markaana may
ahayn xubnihii ay bulshadu aad u hadal haysay, maalmihii ay socotay doodii
ka dhalatay magacaabista xubnaha golaha xukuumadda.
Waxaana la filayaa in maanta la horkeeno golaha lix xubnood oo kale, oo ka
mid ah golaha xukuumadda Rayaale.
Marka laga yimaado ansixintan xubnahan, ayaa dadka intiisa badani waxay
isweydiinayaan tirada golaha xukuumadda oo xad dhaaf iyo sida ay goluhu u
ansixin doonaan Top
Muranka
Xukuumadda Iyo Ganacsatada Oo Saameeyay Dhaqdhaqaaqa Dekedda Berbera,
Warbixin - Weriyaha Haatuf Ee Berbera. |
Berbera (Haatuf): Waxa beryahan soo baxayey
muran iyo khilaaf ka dhex oognaa xukuumadda iyo ganacsatada bagaashka ee
badeecadaha kala soo dega dekadda Berbera.
Khilaafkaas oo ka oogmay ka dib markii ay xukuumaddu ku soo rogtay nidaam
cusub oo ah manaasiifta badeecadaha ay sidaan gaadiidku.
Haddaba weriyaha Haatuf ee Magaalada Berbera C/Raxmaan X. Daahir (Casaan)
ayaa warbixin arrintaa la xidhiidha iyo saamaynta uu murankaasi ku yeeshay,
wuxuuna warbixintiisa ku bilaabay sidan:
“Ismaan-dhaafkii dhawaan ka dhex oogmay ganacsatada badeecadaha bagaashka
kala soo degta dekedda Berbera iyo maamulka xukuumadda ayaa hakiyey
hawlihii dekedda, iyada oo ay ugu dambaysay bishii June ee la soo dhaafay
badeecad ka soo baxda dekedda iyo mid laga cashuuro toona, taasina waxay
saamayn weyn ku yeelatay nolol maalmeedkii iyo dhamaanba adeegyadii guud
ee bulshada reer Berbera, waxayna dadku aad hadal hayaan sababta dhalisay
muranka iyo khilaafka u dhaxeeya ganacsatada cashuur bixiyayaasha iyo
maamulka xukuumadda, waxayna arrintan meesha ka saartay macaamilkii u
dhaxeeyey ganacsatada bagaashka iyo dekedda Berbera, taas oo ka dhalatay
ka dib markii ay xukuumaddu soo saartay nidaamka lagu toosinayo shaqada
dekedda, iyada oo dib u habayn lagu samaynayo hubinta manaasiifta iyo
badeecadaha ay sidaan gaadiidku, laakiin may jirin wax cashuur ah oo ay
dawladdu kordhisay, balse waxay arrintanu keentay inay ganacsatadu go’aan
adag ka qaataan oo ay u cuntami weydo nidaamkaasi, waxayna gebi ahaanba
diideen ganacsatadu nidaamkaa wax lagu tirinayo, ee lagu soo rogay, isla
markaana waxay diideen inay wax badeecad ah kala baxaan dekedda.
Arrintani waxay keentay in badeecadaha loo yaqaan bagaashku buuxiyeen
barxadda dekedda, waana markii ugu horeysay ee ay arrintan oo kale dhacdo,
iyada oo ay badeecadaha qaarkood muddo bil ah ku sugnaayeen dekedda
gudaheeda.
Ganacsatada bagaash-leyda ahi, waxay cabashadooda u gudbiyeen maamulka
sare ee xukuumadda, iyaga oo kulamo la yeeshay masuuliyiinta wasaaraddaha
ganacsiga iyo maaliyadda, laakiin ilaa hadda dhinaca Berbera waxa laga
war-sugayaa cabashadaa ganacsatada ee ku maqan dhinaca Hargeysa, waxayna
dadka reer Berbera maalmihii u dambeeyey naawilayeen in xal loo helo
khilaafkaas oo aad looga dareemay dhaqdhaqaaqa magaalada Berbera, iyada oo
ay dad badan nolol maalmeedkoodu ku xidhnayd hawlaha ka socda dekedda,
sida cashuuraha badeecadaha iwm.
Hase yeeshee, waxa jirta aragtiyo kala duwan oo ay dadku ka bixiyeen
arrintan, kuwaas oo ah dadka aan iyagu ahayn ganacsatada iyo hay’adaha
dawladda, waxayna aragtiyahaa qaarkood sheegayaan inaanay xukuumaddu ku
kordhin wax cashuur ah ganacsatada, laakiin meesha laga saaray wax markii
hore raali la iskaga ahaa, taas oo keentay inay u qaadan waayaan
ganacsatadu, waxayna aragtiyahani ku tilmaameen inay taasi tahay halka uu
ka soo unkamo hanti lunsiga iyo musuqmaasuqa had iyo goor lagu tilmaami
jiray maamulka dawladda.
Sidoo kale waxa jira aragtiyo kale oo aan kuwaa ka fogayn, iyaga oo ku
doodaya mar haddii aanay jirin wax cashuur ah oo lagu kordhiyey
ganacsatada oo dhinaca tacriifadda ah inay haboonayd inay ganacsatadu
alaabtooda cashuurtaan oo ay bixiyaan cashuurta ku waajibtay, laakiinse
haddii ay jirto wax intaa ka baxsan oo cabasho ahi waxay ahayd inay
maamulka kala xaajoodaan.
Waxa kale oo iyaguna jira aragtiyo kale oo arrintan ku macneeyey mid
xidhiidh la leh, maamulka sare ee xukuumadda, waxaanay ku tilmaameen mid u
muuqata in lagu xanibayo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee dekedda, iyaga oo
sheegay inay jiraan badeecado kootarabaan ah oo dhinaca bariga ka soo gala
xuduudaha dalkeena, kuwaas oo xukuumaddu looga baahan yahay inay talaabo
ka qaado, si loo helo nidaam dhamaystiran oo ku wajahan badeecadaha ka soo
dega dekedda iyo kuwa soo mara dhinaca bariga, oo dhamaantood hal suuq
wada taga.
Si kastaba ha ahaatee, marka la isku soo ururiyo is-maandhaafka xukuumadda
iyo ganacsatada ee hakadka geliyey dhaqdhaqaaqii shaqo ee dekedda ayaa
noqday mid dhaawac weyn u geystay tasarufkii dadka iyo dhaqaalihii yaraa
ee ka soo bixi jiray dhinaca dekedda Berbera”. Top
Maxaabiista
Siyaasadda Oo Markale Xadhig Rumaan Ah Caynka Loo Giijiyay. |
Hargeysa (Haatuf): Dhalinyaro muddo laba
bilood ah ku xidhnaa jeelka Hargeysa ayaa shalay markii u horeysay la
horgeeyey maxkamad. Kooxdan dhalinyarada ah oo ka tirsanaa taageerayaasha
xisbiga KULMIYE, isla markaana ka mid ahaa dagaalyahankii SNM waxa xabsiga
loo taxaabay 19-kii bishii May, waxaana ay xukuumaddu ku eedaysay inay ka
dambeeyeen falal lid ku ah nabadgelyada.
Dhalinyaradan oo laga qab-qabtay suuqa iyada oo qaarkoodna laga qabtay
hotelka Minsing ee Magaalada Hargeysa, waxa ay maxkamad la’aan jeelka ku
jireen muddo laba bilood ah, waxaana muddadaa ka hadlay xisbiga mucaaradka
ah ee KULMIYE oo xukuumadda ku eedeeyey inay meel kaga dhacday xuquuqda
muwaadiniintaas, sababta oo ah waxa xabsiga loo taxaabay iyada oo aan
maxkamad la horgeyn, taas oo sida ay sheegeen ka dhan ah xuquuqda
muwaadiniinta uu dastuurku siiyey.
Kooxdan dhalinyarada ah waxa la sheegay inay maxkamaddu kiiskooda dib u
dhigtay muddo 45 cisho ah, waxaanay magacyadoodu kala yihiin sidan Cabdi
Jaamac Aadan, maxamed jaamac xasan, axmed yuusuf xasan, nuux axmed jaamac
(laba aas), cismaan cabdi ismaaciil (Ina awr liqe), axmed barkhadle
caydiid, cali cumar maxamed (cali aar), maxamed daahir warsame, keyse
axmed cismaan, axmed maxamed xaashi (Ina Weere), Fu’aad C/laahi Muxumed,
maxamed Diiriye Cali iyo C/Raxmaan Xamse Maxamed.
Sida ku cad xaashida ka soo baxday maxkamadda gobolka ee lagu socodsiiyey
taliyaha xabsiga dhexe iyo ku xigeenka ilaaliyaha guud ee gobolka Hargeysa,
isla markaana uu ku saxeexan yahay garsooraha maxkamadda gobolka Hargeysa
maxamed Saalax Cige waxa lagu sheegay in ay dhalinyaradaasi yihiin gar-sugayaal
muddo dhaaf ah, sidaa awgeed la horkeeno maxkamadda.
Hase yeeshee, markii shalayto maxkamadda la horkeenay maxaabiistaa u
xidhan siyaasadda, waxa dib loogu celiyey xabsiga iyada oo la sheegay in
muddo shan iyo afartan cisho ah dib loo dhigay kiiskooda. Top
Maayorka
Boorama Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Khasaaraha Roobab Ka Da’ay Awdal. |
Boorama(Haatuf), Xubno ka torsan maamulka
degmada Boorama oo uu horkacyey duqa Boorama, Cabdiraxmaan sh.Cumar ayaa
doraad u ambabaxay deegaanka magaalada Qulujeed si ay u soo qiimeeyaan
kharsaaraha ay geysteen roobab dabaylo iyo baraf watay oo bishan 13keedii
ka da'ay dhulkaasi .Sida uu u sheegay Duqa Boorama wariyaha Haatuf ee
Boorama, waxay isaga iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka boorama soo
arkeen khasaarahaasi roobabku u geysteen deegaanka la yidhaa doora- jabis
waxayna roobabku dumiyeen masaajid,dugsi hoose iyo in ka badan 60 guri oo
aqal soomaali ahaa, iyagoo isla markaana odayada deegaankaasi u sheegay
duqa in khasaare kale soo gaadhay dhulbeereed ay ku yaalleen
galley,duurjoog ay ka mid ahaayeen deerada iyo sakaarada oo ay roobabkaasi
dileen.
Waxa kale oo dhibaato soo gaadhay MCHka qulujeed iyo khasaare hanti dukaan
ahayd oo gebi ahaanba baaba'ay kuna yaallay halkaasi.Guud ahaan khasaaraha
ay deegaanka Doora-jabis u geysteen roobabkaasi,ayaa waxa u sheegay in
maamulka Boorama aanu wakhtigan dabooli karin ,wixii karaankooda ah oo
aanu cayiminna u gudbiyeen,ayaa waxa ugu darani yahay bacaha roobka ,oo
ama hoy ha ka dhigteen ama roobabka haka celiyeen, u ballanqaadeen inay
degdeg ula soo gaadhi doonaan iyagoo la kaashanaya dawladda iyo hay'adaha
kaleba.Duqa iyo xubnaha golaha deegaanka ee dhulkaa tegey waxay galabta
kusoo laabteen Booraama Top
Nelson Mandela
Oo Xusay Dhalashadiisii 83aad. |
Madaxwaynihii hore ee Koonfur Africa, Nelson
Mandela, ayaa u dabaaldegay dhalashadiisii sideed iyo shanaad.maalintii
doraad.
Diyaargarowga munaasabaddan ayaa todobaadkan oo dhan la waday, waxaana
tahniyado ay u soo dirayay hogaamiyayaasha dunida oo qaarkoodna ay
munaasabadda ka soo qaybgalayaan.
Halgamaaga ruug-cadaaga ah ee la soo dagaalamay midab-takoorka, Mr
Mandela, wuxuu qorshaystay in inta badan maalintaasi uu ku qaato gurigiisa
oo ku yaalla magaalada Johannesburg oo uu la joogo xaaskiisa Graca Machel,
iyadoo ay soo booqanayaan caruurtiisa, kuwa ay dhaleen iyo kuwa ay sii
dhaleen.
Baanbayda ciidamada Badda, ayaa dhalasho wanaagsan ku salaamay aroortii
hore.ee maalintaasi. Top
Kofi Anan Sidee
Buu Uga Hadlay Xaaladda Ciraaq? |
New York(W.wararka) Xogyaha Guud ee Qaramada
Midoowbay, Kofi Annan ayaa sheegay in uu doonayo in si dhakhso ah shacbiga
Ciraaq loogu wareejiyo madaxbanaanidooda, si ay uga shaqeystaan
mustaqbalkooda.
Mr. Annan aragtidiisan ayaa waxay ku jirtay warbixin la soo saaray oo
loogu talo galay in Golaha Amaanka Qaramada Midowbay loo soo bandhigo
todobaadka soo socoda.
Dukumintigan ayaa sheegaya in ay waajib tahay in shacabka Ciraaq si cad
loogu sheego talaabooyin isdaba jooga ee horseedi kara in la soo afjaro
xoog ku heysashada dalka Ciraaq ee xooggaga uu Mareykanku horseedayo.
Afhayeen u hadalay dowladda Mareykanka, Richard Boucher ayaa sheegay in
dowladda Maraykanku ay diyaar u tahay in Qaramada Midowbay ay ka siiso
arrimaha Ciraaq door wayn, gaar ahaan, haddii dowladdaha kale ay soo
jeediyaan in ay qeyb ka qaadanayaan ilaalinta amaanka iyo dib u dhisida
Ciraaq.
Dowladda Faransiiska oo hore u sheegtay in ayna gacan ka geysan doonin
arrimaha Ciraaq wax walba oo dhaca, ayaa hadda sheetay in ay ka
baaraandageyso sidii ay u taageeri laheyd ciidamo ilaaliya nabadda haddii
Qaramada Midowbay la siiyo door arrimahaas xudun u noqda. Top
Tony Blair Oo Fadeexadi Kaga Furantay Duulaankii Ciraaq. |
London (W.wararka) Ra'iisal Wasaaraha
Britain,Tony Blair ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay sidii ay u
maareeyeen siyaasada dowladdiisa ee arrimaha Ciraaq, ka dib markii uu
dhintay la tiliyahii dowladda ingiriiska ee xagga hubka.
Ra'iisal Wasaaraha oo booqasho hadda ku jooga dalka Japan, ayaa weydiiyey
warbaahinta iyo siyaasiyiinta in ay xushmad muujiyaan iyo in ay ka
gaabsadan arrimaha la xiriira dhimashada la taliyaha dowladda, Dr. David
Kelly.
Dowladda ayaa waxay amar ku bixisay in lagu sameeyo baadhitaan xagga
sharicga ah waxyaabaha sababay dhimashada Dr. Kelly.
Qoyskiisa ayaa laga soo xigtay iyagoo sheegaya, in Dr. Kelly uu culeys
badan saarnaa, waxii ka danbeeyey markii su'aalo kulul uu kala kulmay gudi
uu baarlamaanku u saaray sida ay dowladdu uga cudurdaaratay dagaalkii lagu
qabsaday Ciraaq.
Dr. Kelly waxa uu beeneeyay in uu ahaa qofka ugu weynaa ee laga soo xigtay
wararka ay warbaahintu sheegtay ee la xidhiidhay in dowladdu ay wax ka
badashay warbixintii ay soo saareen ciidamada sirta ee Britain, si loo
buunbuuniyo khatarta hubka Ciraaq. Top
London, Waxaa magaalada London ee carriga
Ingiriiska ka dhacay shirar ay isugu yimaadeen xubno kamid ah
taageerayaasha qurbajoogta ee xisbiga KULMIYE oo ka kala yimid waddamada
Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka. Kulamadaasi oo iyagu ahaa kuwo ay isku
baranayeen xubnaha Kulmiye ee ku dhaqan North America iyo UK isla markaana
loogu gogol xaadhayay shirweyne ay taageerayaasha Kulmiye ee Qurbo joogu
yeelan doonaan dhawaan.
Xubnihii iyagu shirarkaa kasoo qayb galay oo ay ka mid ahaayeen Osman A
Egal oo ah Gudoomoiyaha Kulmiye ee Gobolka Waqooyi Galbeed, Mohamed Yonis
Awale oo ah Gudoomiyaha guddida qurbajoogta Kulmiye ee iyagu E-mail
groupka ku xidhiidha, Ayaan Mohamud oo ah guddoomiye ku xigeenka guddida
qurbajoogta Kulmiye ee e-mailka groupka, Mohamed Yaasiin, Abdiqani Saban,
Hibaaq Ali, Marian Osman, Lul Ahmed, Hassan Osman, Dr Mohamed Dahir Khayre,
Bashe A Omar, Abdilahi Abdi Robleh, Musa A Hersi, Abdi Abdilahi Hassan,
Abdi A Janaale, Osman Abokor.
Waxaa xubnahan iyo taageerayaal badan oo iyagu shirkan kasoo qayb galay is
dhaafsadeen fikrado ku saabsan istiraajiyada cusub ee KULMIYE ee
doorashadii ka dib. Waxaana laysku waydaarsaday talooyin ku saabsan sidii
dibuhabayn loogu samayn lahaa siyaasadd cusub ee KULMIYE, taasoo laysla
soo qaaday in loo baahanyahay in wax laga badalo oo la cusboonaysiiyo lana
hour-mariyo siyaasadda xisbiga si ururku u noqdo mucaarid xoogan oo saxa
khaladaadka dawladda sidoo kalena talo iyo tusaalana isla garab taaga
xukuumadda si meel loogasoo wada jeesto danta qaranka.
Waxaa kaloo xubnihii halkaas ka hadlay isla soo qaadeen in xisbigu ka
faa'idaysto khaladaadkii iyo daldalooladii kasoo baxay doorashadii u
danbaysay.
Waxaana xubnuhu isla garteen inay muhiimtahay sidii loo samayn lahaa
dibuhabayn xisbiga si uu u noqdo mid hana qaada oo guntan danta guud si uu
fuliyo himilada xisbigu hiigsanaayo oo ah midnimada iyo horumarka
Somaliland.
Xubnaha shirka isu yimid waxay soo jiidiyeen talooyin ah in xisbigu aanu
sugin shanta sano ee hadda lasii bilaabo olalaha doorashada oo dhici
doonta shan sano kadib, una sii diyaar garoobo siduu ugu guulansan lahaa
doorashada soo socota si xisbigu codkooda u helo
intii ka codaysay si uu u hirgeliyo barnaamijka siyaasadeed. Isla markaana
keena isbedel siyaasadeed oo bedela xukuumadda hadda talada haysa oo ay ku
tilmaameen inay dayacday bulshadii iyadoo lagu eedeynayo inaanay kasoo
bixin wixii ay ku ballanqaaday markii ay socotay olalaha doorashadu.
Waxaa kaloo xubnihii halkaa ka hadlay tibaaxeen in xukuumaddu ka baaqsatay
inay dhisto dawladdii tayalada ahayd ee ku baaqday oo ay dib u magacawday
wasiiraddii lagu bartay musuq maasuqa iyo maamul xumada. Waxaana walaac ka
muujiyeen dhawr iyo afartan wasiir ee dhawaan madaxweyne Rayaale
magacaabay oo u badan dad lasoo tijaabiyey oo aan sumcad fiican ku lahayn
bulshada. Waxa ayna tibaaxeen in arrintaasi aanay aanay u cuntamin
bulshada reer Somaliland ee ka guuraysa habkii hore ee beelaha una
hayaansan habka dimoqraadiga ah ee axsaabta badan, waxaanu sheegay in
magacowga wasiiraddan cusubina ay ku tusayso inaan wax isbadal ahi ku iman
dhamaan golayaasha dawladda Somaliland oo ay hore u jogeen golohii
wakiiladda iyo guurtida oo ku yimid qaab beeleed. Wasiiradan hadda la
magacabay oo ah golaha xukuumadda badankoodu waa kuwii hore u joogay ee ku
yimid qaab beeleedka. Waxa kale oo la isla gartay in arintani dibu dhac ku
tahay hannaan socodka dimoqraadiyadda Somaliland oo bulshadu sugaysay
isbadal la taaban karo. Waxaanu sheegay in hadda dad badan oo shacbi ahi
is waydiinayaan sababtii loo qabtay doorashada oo sababtoo ah buu yidhi ma
muuqato midhihii kasoo baxay dimoqraadiyaddii curdaynka ahayd ee hadda ka
fufaysa Maandeeq.
Gababadii kulamadaas ayaa waxaa la isla meel dhigay dhowr go’aan oo iyagu
loo xilsaaray gudo hoosaadyo iyagu kasoo shaqeeya sidii loo hirgalin lahaa.
Cabdi Cabdilaahi Hassan London, United Kingdom.
Top
Muslimiinta
Maraykanka Oo Ka Cawday Dhibaatada Dawladdu Ku Hayso. |
Sanadkii 2002da waxaa la xaqiijiyey in ay
dhaceen lix boqol iyo labo kiis oo ka dhan ah dadka Muslimiinta ah
kiisaskaas oo ay warbixintu sheegayso in ay boqolkiiba shan iyo toban kor
uga sii kaceen kiisaskii dhacay sanadkii ka sii horeeyey.Qeyta ugu weyn ee
cabashooyinkan waxay la xidhiidhaan xagga diinta iyo xagga isirka iyo
sinjifaquuq ka dhaca goobaha laga shaqeeyo ee maraykaanka.
Afhayeen u hadlay Golaha Musliniinta ayaa sheegay in si ka badan sanadadii
hore in boliiska iyo hay'adaha dowladdu ay bartilmaameed muslimiinta uga
dhigtaan goobo ay ka mid yihiin iskuulada, Eeroboodhada iyo goobaha laga
shaqeeyo, sababtoo ah iyagoo loo tilmaansan karo diin ahaan iyo jinsi
ahaaba.
Afhayeenku waxaa uu intaa ku daray in dadka muslimiinta ah sidan loo
ugaadhsado ayaa abuurtay waxa uu ku sheegay in dadka Muslimiinta ah ee
Maraykanka ku nool ay dareemaan in xoog lagu heysto.
Warbixintu waxay eedeyneysaa siyaasada dowladda. Waxii ka danbeeyey
Septerber 11keedii, wasaarada Cadaalada ayaa soo xidhtay, su'aalona
weysiisay boqolaal qaxooti ah oo ka kala yimid dalalka Carabta iyo dalalka
Muslinka.Barnaamijka diiwaangalinta khaaska ah ee looga baahan yahay
qofkii aan muwaadin aheyn in wareeysiyo laga qaado marka uu dalbanayo dal
ku gal ama Visa ayaa si weyn loo canbaareeyey oo lagu sheegay in ay tahay
arrin aan cadaalad ahayn oo awood lagu takrifalayo.
Warbixintu waxaa kale oo ay xustay in danbiyada naceybka ee mulimiinta ka
dhanka ah in ay aad u kordheen, waxayna warbixintu intaa ku dareysaa in
wadalo badan oo muslin nacayb ah in ay soo jeedinayaan qaar ka mid ah
hogaamiyeyaasha masiixiyiinta xag jirka ah oo ay ka mid yihiin, Franklin
Graham, Jerry Falwell iyo Pat Robertson. Golaha Muslimiinta ee Xidhiidhka
Mareykanka ayaa waxaa uu ka mid yahay ururo dhowr ah oo matala danaha
muslimiinta ku nool Mareykanka oo tiradooda lagu qiyaaso ilaa iyo lix
milyan.Golahani waxaa uu ku taqasusay la socoshada faquuqida ka dhanka ah
dadka Muslimiinta.
Dhanka kale, Hay'ada Mareykanka ah oo ku shaqo leh in dadka ay shaqada u
sinaadaan ayaa waxay ku dacweysay shirkada diyaaradaha ee Trans states
Airlines eedeymo ay in ay shaqada ay ka eriday nin duuliye ah oo muslin ah
todobaadkii ku xigay 11kii September, sababtana shaqada ninkaas looga
eryey waxaa lagu sheegay in ay la xidhiidhay arrimo diinmeed. Top
Ololaha
Nabadaynta Hadraawi Oo Gaadhay Kismaanyo |
Kismaayo (Haatuf): Abwaan Maxamad Ibraahim
Warsame iyo waftiga la socda ayaa maalintii shalay gaadhay magaalomadaxda
gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo iyagoo hore u soo maray dhul aad u badan
oo u dhaxeeyaa Muqdisho iyo kismaayo,waxaana loogu soo dhaweeyey si aad u
weyn taaasoo ay ka qayb qaateen dadweyne aad u tiro badani.
Sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee Muqdisho Yaasiin Maxamad
Dadkaasi waxay soo dhaweyntooda ka soo billaabeen tuulada Buulo Guduud oo
magaalada Kismaayo u jirta 30km xagga Woqooyi, halkaasoo maamulka
isbahaysiga Dooxada Jubba oo maamulka degmada iyo dadweynuhuba ay
safnaayeen waddada hareereheeda iyagoo sita boodhadh, caleemo qoyan iyo
weliba baabuur ay ku rakiban yihiin sameecado aay ka baxayaan heeso
waddani ah oo dadka lagu baraarujinayey.
Wafdiga waxaa lagu soo dhoweeyey hotelka Tawakal, halkaasoo ay khudbado ka
akhriyeen masuuliyiinta Dooxada Jubba iyo madaxda wafdigii nabaddoonka
ahaa. Colonel Barre Aadan Shire, Barre Hiiraale oo isbahaysiga Dooxada
Jubba Guddoomiya ayaa khudbad soo dhoweyn ah u jeediyey wafdiga iyo
dadweynihii isu soo baxay, wuxuuna kala hadlay sida isbahaysigiisu ugu
heellan yahay xagga nabadda, taasoo ahayd waxa ay wafdiga Xamar ka yimidna
u socdeen.
Soo dhoweynta kuma ekayn Barre Hiiraale ee wuxuu sidoo kale ka hadlay
shirka hadda kooxaha Soomaalida uga socda magaalada Nairobi, kaasoo uu
isagu hore uga soo baxay, wuxuuna ka dhawaajiyey erayo si weyn looga
sugaayey gaar ahaana mowqifkiisa ku aaddan shirkaasi.
Kismaayo oo in muddo ahba ahayd meel ay ku hardamaan gacan ku haynteeda
xoogag fara badan ayaa laagu soo waramayaa hadda in aanan xitaa laga garan
karin diiftii dagaalladaasi, waxaana si weyn u camiran suuqyadeeda iyo
hareeraha waddooyinka waaweyn oo uu ganacsi xoog leh ka socdo.
waftiga uu hogaaminayo Hadraawi waxa lagu wadaa inay Kismaayo ugaa sii
gudbaan meelo kale oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya. Top
Ku: Wasiirka
warshadeynta iyo baayacmushtariga ee Somaliland, Mudane Maxamed Xaashi
Cilmi. |
Aniga oo ah "Maxmed Aw Geelle Dhawal" waxaan
ka mid ahaa dadka mu'ayidiinta ah. Markii aad ahayd Mayerka magaalada
Hargeysa, iyo wixii aad ka qabatay ayaan kugu ayidayey. Waxaanad ahayd
tilmaan wanaagsan oo lagu daydo sidii aad wax u qabanaysay. Waxaad tustay
dadka reer Somaliland in waddanka horumarkiisu ay ku jirto gacmaheenna.
Taas oo marka la badbaadiyo shilinkaa dadweynaha laga qaadayo ee cashuurta
ah, in wax walba lagu qaban karo. In badan ayaan ku sugaayey aniga iyo
dadweynaha reer Somaliland ee jecel horumarka iyo wax qabashada ay
daacadnimadu ku jirto.
Haddii ilaahay uu qaddaray in laba wasaaradood oo labadii waddanka
dhisayey ah, gacanta laguu geliyay, waxaan kugula dardaarmayaa in ay
dhamaan gobollada dalka oo dhan ay ka muuqato waxqabashadaadii
wanaagsanayd, sida ay uga muuqato magaalada Hargeysa wixii aad ka qabatay.
Ilaahayna waxaan ka baryayaa in ay wasaaradaha kalena ay kugu daydaan sida
daacadda iyo wadaninimada ah ee aad wax u qabanayso, horena aad ugu
qabatay.
Marlabaad iga guddoon hambalyo.
Maxamad Aw Geelle Dhawal.
Seattle, Washington Top
Sidee Loo
Arkaa Hadraawi? Cumar Nimcaale |
Hargeysa (Haatuf): Cumar Maxamuud Nimcaale
oo mar ahaa wasiirka gaashaandhiga ee Somaliland ayaa qoraal uu shalay
nasoo gaadhsiiyey kaga hadlay socdaalka abwaanka Maxamed Ibraahim Warsame
(Hadraawi) uu ku tagay Soomaaliya, wuxuuna qoraalkaasi u qornaa sidan:
“11 sanadood ayey shacbiga Somaliland la xasuuqayey oo ay ciidamadii
Soomaaliya lagu fasaxay, inay dhacaan maalkooda, isla markaana kumanyaal
qof dhegta dhiiga loo daray, iyada oo magaalooyinka waaweyn ee Somaliland-na
lagu burburiyey hub culus iyo diyaarado.
Waxaana la xaqiijiyey inay boqolaal qof ay qabteen xoogagii Soomaaliya
nolol ku aaseen, qaar kalena intay batrool ku shubaan kabriid ku qabtaan,
halka ay qaar kalena intay isku xidh-xidhaan rasaasta ku furayeen.
Cadaawadaas ay kula kacayeen dadka waxay ahayd mid aan weli aduunka soo
marin, lagama sheekayn karo, oo waxa laga qori doonaa buugaag waxyaabihii
ay u geysteen ummaddan oo raaciyad u ahayd.
Umadda reer Somaliland waxay qalbiga ka ogyihiin in cadawga koowaad yahay
dadka reer koonfureed ahi, taas oo ay daliil u tahay 1991-kii markii
ciidamadii reer Soomaaliya laga xoreeyey Somaliland 12-kaa sano ee aynu
madax banaanida la soo noqonay waxay geed dheer iyo mid gaaban u koreen
inaan adduun weynuhu ictiraafin, waxa nasiib wanaag ah oo ummadaha
adduunku ay inagala mid yihiin inaynu mawqif adag iska taagnay,
cadawgeenana, dhib kastana ugu dul qaadano, ilaa inta aynu helayno
ictiraaf, kaas oo aan filayo inuu imanayo dhawaan haddii alle yidhaa.
Mawqifka dawladda, golayaasha iyo shacbiweynuhu waa mid cad, qof alla
qofka u dhashay Somaliland ee ka horyimaada gooni isku taaga iyo danaha
aasaasiga ee ummadda iyo dalka Somaliland isku hortaaga ficilka, hadalka
iyo ka qayb gelis shir kasta oo wax lagu yeelayo qaddiyadda iyo gooni isku
taaga Somaliland waxa loo aqoonsaday inuu yahay khaa’in wadan, adduunka oo
dhami wuxuu leeyahay sharci qabta qofka ku kaca dambigaa oo ugu yaraan
lagu xukumo 25 sanadood oo xadhig ah, dalalka qaarna waabay toogtaan.
Waxa jiray rag shirar Soomaaliya lahayd ka qayb galay iyo qaar aaminsanaa
federal, raggaasi oo aan badnayn waxay ahaayeen siyaasiyiin iyo garaado,
kuwaas oo qaarkood xabsiga loo taxaabay ka dib markii la xukumay, inkasta
oo la cafiyey markii dambe, qaarna la mastaafuriyey, haddaba waxa jira rag
aan sidaa u badnayn oo u haysta gooni isku taaga Somaliland inay siday
doonaan ugu ciyaari karaan, sida kubbadda, ummaddan-se ay u tahay nolol
iyo dhimasho.
Waxaan u soo noqonayaa Abwaanka Hadraawi, sidee u arkaa shacbiga reer
Somaliland, waa su’aal u furan shacbiga reer Somaliland, aniguse waxaan
qabaa, cadawgaaga saaxiibkii waa cadawgaaga, cadawgaagu qofka u
jecelyahayna waa nacabkaa.” Top
Xaalka
Ganacsatadu Ma Caduur Dhawdhawdu Uma Dhaadhacsanaa? Maxamed Cabdi
Curad |
Mar kasta oo wax laga beddelayo horumarka
dhaqan-dhaqaale ee dawladaha dunida waxa soo if-baxa kooxo ama shakhsiyaad
iyagu ka qaybqaata dhib iyo dheefba wixii tamartooda ah. Awoodaha noocaas
oo kale ahi waxay inta badan ka yimaadaan dhinaca bulshada, gaar ahaana
dadka hantida leh oo iyagu siyaalo kal duwan uga qaybqaata hab-dhaqanka
noocaas ah, haddiiba ay tahay kobcinta iyo tayaynta bilicda muuqaal ee mid
ka mid ah magaalooyinka wadamadooda, iyagoo hantidooda isticmaalayana ay
ka dhistaan dhismayaal kala duwan oo adeegyo badana lagu fuliyo sida
hudheelo waaweyn oo isugu jira qaar hurdo iyo kuwo cuntaba. Waxa kaloo ay
ka fuliyaan dallkooda wershado yar-yar oo dalka dhaqaale kasoo galo, waaba
haddii ay kala kulmaan hab-dhaqan an caadi ahayn madaxda ku sugan goobaha
canshuur-bixinta siiba kastamada ku yaal meelaha ugu dhaq-dhaqaaqa badan
sida kuwa Dekedaha iyo Garoomada diyaaradaha oo iyaga lagu tilmaami karo
ilaha keliya ee biyaha soo gaadhsiiya dhuumaha saadku u soo maro
khasnadaha dawladaha, marka laga reebo waxoogaaga yar ee kasoo xerooda
canshuuraha macaashal-macaashka, wada-marista iyo kuwa Dawladaha Hoose.
Haddaba, waxa ayaan-darro ah iyadoo uu dalkeenu yahay wadan aan bulshada
caalamka ka haysan aqoonsi caalami ah, burbur dhaqaale iyo mid
siyaasadeedna uu soo ragaadiyay, isla markaana aan lahayn ilo dhaqaale oo
joogto ah tan kaliya ee ay ku dhaqdhaqaaqi jirtayna ay ahaayeen xoolaha
nool oo muddo dheer xayirnaa. Waxa beryahan dambe soo if-baxay qaylo-dhaan
kasoo yeedhay Wasiirka Maaliyadda, Xuseen Cali Ducaale iyo Madaxweyne ku
xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka hadlay xaga dhaqaalaha, gaar ahaana
Wasiirka Maaliyaddu waxa uu tilmaamay dhibaato ay kala kulmeen qaar ka mid
ah ganacsatada oo sida uu sheegay ka dhega-adaygay bixinta canshuuraha,
taasina ay sababto in lala baxsado canshuurtii khasnadda Dawladda ku dhici
lahayd.
Arrimahaas oo haddii ay sii socdaan sababi kara dib-udhac dhaqaale oo ku
yimaada bulshada. Sidaa darteed, waxa loo baahan yahay inay ganacsatadu
iskaashi la yeelato horumarka dalka iyagoo iska dhawraya in loo arko kuwo
ku xad-gudbaya dhaqaalaha dalka xaaladooduna aanay la mid noqon “Caduur
dhaw-dhawdu uma dhaadhacsana.” Top
Waxaan ka mid ahaa dhalinyaradii ku
barbaartay suugaanta iyo tilmaamaha Hadraawi tan iyo todobatanadii
qarnigii la soo dhaafey. Waxaan aad u xiiseyn jirey walina u xiiseeyaa
indheer-garadnimada qotada dheer ee uu Rabbi ku manaystey abwaanka iyo
halgankii aan kala go'a laheyn ee uu ku la soo jihaadey xukuumadii
faqashta ee uu kaligii taliyihii Afweyne uu hogaminayey. Waxa la wada
garanayaa in uu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey ee fahmey waxashnimada
xukuumadaasi welwaaleysay. Waxanan rumeysnahey in dad badani sidaa ila
qabaan.Waxa markhaati ma doon ah in uu Hadraawi taariikhda wadanka
Somaliland, baal dahab ah kaga jiro. Waxaan xataa soo gaadhey in uu
Hadraawi xaqiiqdii uu u qalmo inla gudoonsiiyo abaalgudka caanka ah ee
NOBLE PEACE PRIZE.
Haddaba tiiyoo sidaa ay tahey ayaa waxaan maqley in Hadraawi oo ka tirsan
urur ka shaqeeya nabadeynta uu socdaal ku tagayo gobolo ka mid ah Somalia.
Inkasta oo aanan xogogaal u aheyn ururka iyo sida uu ku abuurmeyba waxa
isweydiin leh Hadraawi miyuu ka waayey Somaliland hawl faa’iido dadka u
leh oo uu ka qabto? Sidaa markaan leeyahey yaan loo fasiran in aanan
ogoleyn in la wadaago aqoonta iyo khibradda abwaanka, laakiin miyaaney
aheyn horta xeradaada adkee deetana ta ku xigta u talow? Hadraawi laftiisa
ayaa mar hore wax looga weydiiyey arrintaa wuxuu ku jawaabay sidatan: "xilka
iga saaran reerkeyga haddii aan kasoo baxo maxaa iga maanacaya in aan u
tallaabo jaarkeyga" Hadaba miyuu kasoo baxay xilkii ka saarnaa reerkiisa?
Jawaabtu waxay aniga ilatahay wali waa maya.Waxa hubaal ah in Somaliland
ay wali u baahantahey Hadraawi iyo qayrkiiba in ay sii wadaan halganka oo
aaney u eekaanin niman hawshu intaasuun ay ka ahayd.Waxaan u arkaa
waxqabadka Hadraawi in uu ka hooseeyo kii looga bartey.
Allaa Mahad Leh. Ali Aw Hussein. Top
Gaashaan Oo
50-29 Dhibcood Kaga Badisay Kooxda Haatuf. |
A/fataax M. Caydiid.
Hargeysa (Haatuf): Ciyaar aad u xiiso badan oo ah kubbadda kolayga ayaa
shalay ka dhacday garoonka kubbadda Kolayga ee Tima-cade, ciyaartaas oo
dhexmartay labada kooxood Gaashaan (Ciidanka qaranka) iyo kooxda Haatuf.
Ciyaartaas waxay guushu ku raacday kooxda Gaashaan oo ku badisay 50
dhibcood halka ay kooxda Haatufna ka heshay 29 dhibcood.
Ciyaartan oo loogu tartamayo koob loo dhigay Marxuum Faysal C/Raxmaan (Faysal
dheere), waxa soo qabtay ururka SOPYO, waxa ku wada ciyaaraya lix kooxood
oo heerka kowaad iyo heerka labaad iskugu jira.
Sidoo kale waxa doraad ay ciyaar xiiso badani ku dhexmartay garoonkaa
labada kooxood ee Sacaadadiin iyo Dawladda Hoose, ciyaartaas oo ay guushu
ku raacday kooxdii ku ciyaaraysa magaca Dawladda Hoose ee Hargeysa, oo
keensatay 43 dhibcood, halka ay kooxda Sacaadadadiina ka heshay 32
dhibcood. Top
|