Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 379 July 21, 2003

“Arrinta Somaliya Waanu Gelaynaa, Waxaananu Heshiisiinaynaa Beesha Hawiye-Weyne,” Shir-Jaraa’id – Faysal Cali Waraabe.

Wakiilada: Ansixinta Hormadii 2aad Ee Wasiirada Iyo Jewigii Madasha.

Tony Blair Oo Ku Dedaalaya Iska Duwida Fadeexadii Ciraaq.

Golaha Maamulka Ciraaq Oo Ku Guul-Daraystay Doorashada Madaxweyne.

Shir Lagu Nabadaynayo Reer Burundi Oo Ka Dhacay Tanzania.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Gooni isu Taaga Somaliland Shaki Ma Geli Karo.

Ma Runbaa Qaxoonti Reer Somalialnd Ah Ayaa Jabuuti Degan?

Cigaal Waxaa Laga Dhaxlay Dawlad.

Ha Imaan Lahaydaa!

Waadiga Ciyaaraha: Wareegii Hore Ee Tartanka Marxuum Faysal Oo La Soo Geba-Gebeeyay.

“Taariikhda kooxda Barcelona ayaa isoo jiidatay”


“Arrinta Somaliya Waanu Gelaynaa, Waxaananu Heshiisiinaynaa Beesha Hawiye-Weyne,” Shir-Jaraa’id – Faysal Cali Waraabe.

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha xisbiga siyaasiga ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu xisbigoodu ka qayb qaadanayo hawlaha dib u heshiisiinta Soomaalida Koonfureed, isla markaana tafaasiil ka bixiyey qaabka ay hawshaa u gelayaan, sidaa wuxu ku sheegay shir jaraa’id oo uu xalay fiidkii ku qabtay hudheelka Hargeysa Club.

Faysal Cali Waraabe markii uu shirka jaraa’id waxa isna madasha joogay nin la yidhaahdo Cali Dhoof Warsame oo dhawaan ka yimid magaalada Muqdisho, ninkaasna waxa casuumay Gudoomiyaha UCID, wuxuuna Faysal sheegay in ujeedada uu ninkaa u casuumay ay tahay sidii uu ugala tashan lahaa arrimaha Soomaaliya, si buu yidhi aanu u fahamno halka aanu arrrinta ka gelayno, laakiin ugu horeyn waxa uu Faysal hadalkiisa ku bilaabay “Maalmahan dambe waxa ila joogay nin aanu saaxiib nahay oo reer Xamar ah, ninkaas oo aan casuumad u fidiyey, waa nin aad u firfircoon, xidhiidho badana leh, waxanuna bishii January sheegay in haddii aan UCID nahay aanaan faraha ka laabanayn arrimaha Soomaaliya, taas oo aanu anagu cid kasta kaga haboon nahay, iyada oo aanu danta aan ka leenahay tahay, marka hadda laga bilaabo waxaanu jecelnaha inaanu arrintaa rafatay ee baayacmushtariga laga dhigay, inaanu gacanta ku qabano, sidaa awgeed anaga oo taa ka duulayna ayaanu casuunay, Cali Dhoof, si aanu ugala tashano wadadii aanu arrinta u mari lahayn iyo halkii aanu ka abaari lahayn arrinta Soomaaliya, arrimaha aanu doonayno waxa ka mid ah, inaanu qaddiyadeena ka iibino adduunka, sida Yurub, Afrika, IGAD iyo Shacbiga Soomaaliyaba, kuwa meelahaa ka yidhaahda Soomaaliya waa muqadas waa kuwa aynu ku tuhmayno inay carruurteenii laayeen, isla markaana burburiyey Soomaaliyadii hore ee jirtay, kuwaas oo mar kale doonaya inay saacadda dib ugu celiyaan 60-kii ama 69-kii, markaa maaha inaynu iska fadh-fadhino, ee waa in arrimahaa laga hortagaa”.

Faysal mar la weydiiyey bal in waxa ay doonayaan ay tahay inay qabtaan shir dib u heshiisiin Soomaaliya ah, oo uu xisbigiisu qabto waxa uu ku jawaabay “Shir dib u heshiisiineed UCID ma qaban karto oo waa arrin balaadhan, laakiin waxaan doonaynaa inaanu wadadii laga gelayey samayno, waayo arrinta Soomaaliya waa la marin habaabiyey, taas darteed waxaanu doonaynaa inaanu ugu horeyn nabad ka dhex dhalino beesha Hawiye weyne oo ah, halka ay Soomaaliya ka degi la’dahay, ka dibna aanu wax ka qabano Soomaaliya oo dhan, haddii aanu UCID nahayna waxaanu bilaabaynaa inaanu siyaasad cusub oo weerar ah u horseedno dalka, dawladda iyo xisbiyaddaba”.

Faysal waxa kale oo uu sheegay inay arrintan bisleeyeen oo ay kala tashan doonaan axsaabta kale iyo dawladdaba, isaga oo yidhi “Waxaanu jecel-nahay inaanu arrintaa UCID ahaan u bilawno, marka dambe ee aanu soo bislaynana aanu axsaabta iyo dawladda kala tashano”.
Faysal isaga oo ka hadlaya shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya ee hadda ka socda Kenya waxa uu yidhi “Shirka hadda socda waxa soo sameeyey dad danahooda gaar ah leh, oo aan Soomaaliya iyo Somaliland midna u danaynayn, mana aha inay marba qolo xaq-darro doonaysaa meel ku shirto oo tidhaahdo, Xaq darro ayaanu doonaynaaye gacan nagu siiya, waxaananu leenahay Soomaaliya arrinteeda faraha ha looga qaado”.

Laakiin intaa ka dib Faysal waxa wax laga weydiiyey xukuumadda uu dhawaan dhisay madaxweyne Rayaale, taas oo la weydiiyey sida uu arko, wuxuuna yidhi “Baarlamaanka waa in la badiyaa, waayo waynu badanay, oo masalan magaalada Hargeysa oo kale 60-kii waxay lahaan jirtay 6 kursi, laakiin maanta nus malyuunbaa ku nool, markaa beelihii hore u qaadan jiray lixdaa kursi mooyee, beelo kale ayaa yimid, kuwaas oo xaq u leh inay wax ka helaan kuraasidii, markaa gogosha waa la balaadhinayaa, laakiin xukuumadda ma aha wixii uu madaxweynuhu ku balan qaaday, mana aha wixii uu shacbigu ka sugayey, mana aha wixii aanu anagu ka sugaynay, arrintaa iyada ah, ma aha waxaanu maqlayno ama ka raali nahay in 47 wasiir la sameeyo, arrintaase talo midaysan ayaanu ka yeelaynaynaa oo imika ka hadli maayo, waayo cidina kama raali aha 47 wasiir, oo aan dhinaca beelaha isku dheeli tirnayn, oo aan tayo ku tiirsanayn, taasi wax la maqlayo oo soconaya maaha”.

Dhinaca kalena Cali Dhoof ayaa isna halkaa hadal ka yidhi, wuxuuna yidhi "“Anigu waxaan ahay nin aan ku jirin, dagaal oogayaasha, laakiin taladiisa la dhegaysto, dadka reer Muqdishana haddii aanu sheego ra’yi saalax ah u malayn maayo inaan ahay nin lagu diidayo, ta kale markii aan Hargeysa imid gudoomiyaha UCID, wuxuu ila kulansiiyey saddexda xisbi oo aanu ka wada hadalnay sidii Somaliland-na aqoonsi loogu heli lahaa, dhibaatada Koonfur ka jirtana loo xalili lahaa, Waxaan anigu soo jeediyey in walaalnimo la iskugu yimaado oo dadku isu furmo, oo la wada noolaado, taas macneheeduna ma aha in federaal la noqdo ama calan la wadaago ee waa in iyadoo la kala degan walaalo la noqdo oo nolosha la wadaago, Koonfurna waxaan u sheegayaa lixdan jirka iyo lix iy toban jirka Somaliland geeri ayey ka xigaan inay calankooda mar dambe cid ka gadaan (iibshaan)”.

Top


Wakiilada: Ansixinta Hormadii 2aad Ee Wasiirada Iyo Jewigii Madasha.

Hargeysa (Haatuf): Lix xubnood oo ka mid ah golaha wasiiradda ee uu madaxweyne Rayaale dhawaan magacaabay ayaa shalay hortegay fadhiga golaha wakiiladda, si loo ansixiyo, kuwaas oo afar ka mid ah ay ansixintooda ogolaadeen mudanayaasha golahaasi, halka ay laba ka mid ahna diideen ansixintooda, ka dib markii ay mid mid ugu codeeyeen.

Lixda xubnood oo ay shan ka mid ahi ahayd wasiiro, halka uu midna ahaa wasiir ku xigeen waxay kala yihiin, wasiirka daakhiliga ismaaciil Aadan Cismaan, wasiirka gaashaandhiga Ismaaciil Cumar Aadan (Boos), wasiirka Cadaaladda Axmed Xasan Cali, wasiirka macdanta iyo biyaha Qaasim sh. Yuusuf, wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Xasan X. Maxamuud (Gadh-Weyne), wasiirka qorsheynta Axmed X. Daahir Cilmi iyo wasiirka ku xigeenka arrimaha gudaha Axmed Jaambiir Kaahin.

Kooxdan wasiiradda ah oo ahayd dafcadii labaad ee horyimaada fadhiga golaha wakiiladda waxa loo ansixiyey mid mid, laakiin intii aanay mudanayaashu guda gelin codeynta ayuu xoghayaha guud ee golaha wakiiladda Maxamed Xuseen (Mu’adinka), mid mid u akhriyey taxanaha waxbarasho iyo waaya-aragnimada shaqo (CV) ee xubnahan.
Lixdan xubnood waxa ka horeeyey afar xubnood oo iyaguna la ansixiyey fadhigii doraad, hase yeeshee, marka la eego kooxdii doraad iyo kooxdii shalay, labada fadhi ee lagu kala ansixiyey way kala xiiso badnaayeen, waayo kooxdii shalay xubno ka mid ah ayey mudanayaasha golaha wakiiladdu la hadheen, halka ay kooxdii doraad sii wada daayeen.

Dhawrkii maalmood ee ka horeeyey shalay waxa jirtay hadal hayn weyn oo la isla dhexmarayey, taas oo la sadaalinayey inay wakiiladdu xubno dhawr ah oo ka mid ah wasiiradda la magacaabay ansixintooda diidi doonaan, iyada oo ay tibaaxa caynkaas ahi ka soo baxayeen mudanayaasha golaha wakiiladda, oo maalmihii ansixinta ka horeeyey ku hanjabayey inay la hadhi doonaan rag door ah, sidaa darteed ragga la hadal hayey inay la hadhi doonaan waxa ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan, laakiin Ismaaciil wuu ka samata-baxay taa, sidoo kale waxa isna ka mid ahaa ragga la hadal hayey in lala hadhayo wasiirka macdanta iyo biyaha Qaasim Sh. Yuusuf, taas oo u dhacday sidii loo hadal hayey, ka dib markii ay mudanayaashu diideen, ansixinta Qaasim.

Sidoo kale waxay seeftu ku dhacday wasiirka waxbarashada Xasan Gadhweyne oo ahaa ninkii ugu da’da weynaa lixdii xubnood ee miiska soo fadhiistay. Laakiin labadii caano maal ee ka horeeyey maalintii shalay waxa la dareemayey dhaq-dhaqaaq ay xubnaha golaha wasiiradda ugu ololaynayaan sidii loo ansixin lahaa, kuwaas oo gacanta haadinta iyo faqa ku badinayey mudanayaasha golaha wakiiladda, si ay ogolaansho uga helaan, taasina waxay soo gaadhay ilaa subaxnimadii shalay, iyada oo daqiiqadihii ka horeeyey ansixinta uu kaambaynku ka socday kaamboolka iyo xataa hoolka fadhiga ee xarunta golaha wakiiladda, sidaa awgeed wasiirka daakhiliga iyo rag kale oo la sheegay inay markii hore wakiiladdu aad ugu dhaarsanayeen, waxa loo malaynayaa inay taa meesha ka saareen ka dib markii ay kaambayn firfircoon ku ekeeyeen xubnaha golaha wakiiladda, taasina ay u suurto-gelisay inay jarka ka boodaan.
Kaambaynka firfircoon ee ay qaadeen wasiiradda qaarkood kuma ekayn golaha wakiiladda oo qudha ee xataa waxay dedaal weyn saareen inay gole keenaan rag muhiim ah oo cadaadis saara mudanayaasha golaha wakiiladda, sidaa darteed, odayga caanka ah Xaaji Cabdi Waraabe oo ka mid ah odayaasha ugu da’da weyn aqalka guurtida ayaa kaambaynka ka qayb qaatay.

Intii aanay mudanayaashu ku xeroon hoolka shirarka waxa la arkayey Xaaji Cabdi Waraabe oo dhex qaadaya mudanayaasha kaamboolka hoganaya, isla markaana xubno ka mid ah gooni ula faqaya, laakiin intaa kuma joogsan ee wuxuu soo galay madasha fadhiga, wuxuuna shir gudoonka ka codsaday in loo ogolaado inuu dhawr kalmadood ka yidhaahdo fadhiga, isaga oo la hadlaya mudanayaasha madasha fadhiya, taasna shir gudoonku wuu ka ogolaaday, waxaase waxoogaa buuq ah oo aan badnayn kala horyimid kooxo ka mid ah mudanayaasha, laakiin taasi kama horjoogsan inuu meesha ka yidhaahdo kelmadihii uu doonayey.

“Iga xishooda oo hadalka ha igu badinina, odaygana ka xishooda” sidaa waxa yidhi gudoomiyaha golaha wakiiladda, oo daminaya sawaxanka lagala horyimid, Xaaji Cabdi Waraabe, isaga oo la hadlaya mudanayaashiisa, intaa ka dibna Xaajigu wuxuu yidhi “Raggiinan halkan fadhiya masuuliyiin baad tihiin, oo dad iyo dal baad ka masuul tihiin, agoomaha ka masuul tihiin, waad aragtaan maanta haadkaa inagu dhacaya, oo rag qayrkiin ah ayaa inoo dhaaranaya. Waxa la eegayaa shaqadiina, waxaan idin leeyahay ninkii nin diidan gooni ha loo sugo, magac iyo sharafna waxa idiinku filan, waa isku duuban yihiin, markaa waar gacan sharaf leh iyo dhismaha dawladdu ha idinka soo baxo” ayuu Xaajigu ku soo gunaanaday hadalkiisa, intaa ka dibna albaabka ayuu ka baxay, iyada oo uu imaatinka Xaaji Cabdi Waraabe ee madasha golaha wakiiladda loo micnaystay inay tahay oday la dhaq-dhaqaajay.

Waxaana madasha ku soo xerooday lixdii wasiir, kuwaas oo mid mid loo xaadiriyey CV-yadoodna la akhriyey, laakiin markii CV-yadooda la akhriyey ayaa xubnihii wasiiradda ahaa debadda loo saaray, waxaana la guda galay hawshii ansixinta, iyada oo uu goluhu aad u camirnaa, taas oo la odhan karo, waxa joogtay tiradii ugu badnayd ee mudanayaasha fadhi ka soo qayb gasha, waayo waxa fadhiyey 71 Mudane.

Gudoomiyaha Wakiiladda Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo fadhiga gudoominayey ayaa afar xubnood oo shaqaalaha golaha wakiiladda ah ku amray inay xiliga codeynta lababa dhinac soo tiriso, si loo sugo buu yidhi tirada golaha wakiiladda, taasina waxay ahayd arrin ku cusub golaha, waayo markii hore laba xubnood uunbaa tirin jiray, laakiin taa waxa wax ka uriyey xubno ka mid ah mudanayaasha oo ku tiraabay “Xataa xiligii madaxweynaha lagu eedeynayey maamuus ka xayuubinta may dhicin inay afar shaqaale ahi wax tiriyaan, markaa maanta maxaa keenay hubintan badan miyaa lana khaldayaa”, hadalkaana waxa ku tiraabay mudane Siciid Cilmi Rooble, laakiin Gudoomiyaha Wakiiladda Mudane Qaybe ayaa hadalkaa ka cadhooday, ka dibna intuu kursiga ka kacay oo sara joogsaday ayuu si karoox leh u yidhi “Kaalay Siciidaw kursigan soo fadhiiso”, ka dibna waa waxoogaa ladqabo ah baa dhacday, waxaana la guda-galay hawshii codeynta.

Wasiirka daakhiliga ayaa lagu bilaabay codeynta, laakiin hal mar baa lagu celiyey codeynta wasiirkan, ka dib markii la sheegay inay markii hore wax khaldameen, waxaana ogolaaday 38 Mudane, halka ay 32-na diiday.

Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Boos ayaa isna noqday ninka labaad ee loo codeeyey, waxaana ogolaaday 63 mudane, hal mudanena wuu diiday, halka lix mudanana ka aamuseen.

Wasiirka Cadaalada Axmed Xasan waxa isna ogolaaday 47 Mudane, waxaana diiday 7 mudane, halka 16 mudanena ka aamustay, sidoo kale wasiirka macdanta iyo biyaha Qaasim Sh. Yuusuf waxa ogolaaday 32 mudane, 33-na way diiday, shan mudanane way ka aamuseen, sidaa darteed wuxuu ku waayey hal cod.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Xasan Gadhweyne waxa isna ogolaaday 31 mudane, waxaana diiday 34 mudane, halka ay shan mudanana ka aamustay, wuxuuna ku waayey laba cod.

Wasiirka qorsheynta waxaa isna ogolaaday 59 Mudane, 10-na mudane ayaa ka aamusay hal mudanena waa diiday, Sidoo kale wasiir ku xigeenka daakhiliga waxa ogolaaday 68 mudane iyo laba mudane oo ka aamusay.
Marka la eego xubno wasiiro ah oo ay markii hore mudanayaasha aqalkani isla dhexmarayeen inay la hadhayaan, laakiin taa ka samata baxay iyo xubno aan iyaga aad loo hadal hayn in lala hadhayo oo lala hadhay, waxaa halkaa ka dhashay, su’aal, taas oo la isweydiiyey maxaa helay ragga la hadhay, ma rag aan kaambayn firfircoon muujin baa, mise wax kalaa ku dhacay, waxaanse kaftanka siyaasadda ka madhnayn tolow ma jeebkoodaa gabay, mise way is-dhigteen iyo suaalo kale oo xiiso leh, laakiin si kasta wax ahaadeene labada nin e lala hadhay (Xasan Gadh-Weyne iyo Qaasim) waxay ahaayen labada nin ee ugu da’da weyn xubnaha meesha yimid, sidaa darteed waxay ahaayeen odayaal laga nixiyey, waxayna madasha kala huleeleen dareen qalbi jabsan.

Dhinaca kale waxa la filayaa inay maanta golaha wakiiladda horyimaadaan hormadii saddexaad ee golaha wasiiradda, waxaana ka mid ah ragga maanta madasha imanaya, Wasiirka maaliyadda Xuseen Cali Ducaale, wasiirka xidhiidhka golayaasha Cabdi Xasan Buuni, wasiirka duulista Hawada Cismaan Xasan Mire, Wasiirka Ciyaaraha Maxamuud Siciid, wasiiru dawlaha arrimaha gudaha Aadan Waqaf, Wasiirka Wasiiru dawlaha hawlaha guud Aadan Ruush, wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga iyo rag kale, sidaa awgeed waxaynu maantana ka war sugaynaa sida ay tani u dhacdo, iyada oo kaambaynku saacadihii ina dhaafay cirka u sii baxay, taas oo si weyn loo gacma-gacmaynayo mudanayaasha golaha wakiilada.

Top


Tony Blair Oo Ku Dedaalaya Iska Duwida Fadeexadii Ciraaq.

Seoul (W.wararka) Ra'iisal Wasaaraha Britain, Tony Blair ayaa waxaa uu booqasho uu ku tagay Kuuriyda Koofureed, waxaana la filayaa in uu mar kale ku celiyo digniintii uu ka soo jeediyey khatarta hubka Nukliyeerka ee Kuuriyda Waqooyi markii uu marayay dalka Japan.

Mr. Blair markii uu Japan joogay waxaa uu sheegay in dowladda shuuciga ahi ay wado handadaad joogta ah oo aan la iska indha tiri karin.
Ra'iisal Wasaaraha Dalka Japan ayaa ka sheegay shir jaraa'id oo ay si wada jir ah u qabteen isaga iyo Ra'iisal Wasaaraha Britain, intii uuna ka ambobixin magaalada Tokiyo.

Waxay sheegeen labadooduba in ay lagama maarmaan tahay in laga qeyb galiyo dalka Japan iyo Kuuriyda Koofureed wadahadalada lala yeelanayo Kuuriyada Waqooyi ee ku saabsaabsan barnaamijka nukliyeerkeeda.

Dhanka kale, wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in Kuuriyda Waqooyi si qarsoodi ah u dhameystirtay dhisida xarumo soo saara maadada bolitooniyam ee loo adeegsado sameynta hubka nukliyeerka.

Top


Golaha Maamulka Ciraaq Oo Ku Guul-Daraystay Doorashada Madaxweyne.

Baqdaad (W.wararka) Golaha maamulka cusub ee Ciraaq oo uu magacaabay Mareykanku ayaa ku guuldareystay in uu magacaabo madaxweyne uu yeesho daalka Ciraaq kaa dib maarkii ay maalintii shalay shir isugu yimaadeen. Arrintaa badelkeedii waxaa uu goluhu doortay in uu raaco habka ah madaxweyne wareegto ah. taas oo jagada wareegaada ay wadaagi doonaan seddex nin.

sida ya sheegayaan wararka ka imanaya Baqdaad waxaa arrintaas loo fasirtay in ay tahay taagdaro kaa muuqaataa golahaasi.

Waxaa xusid mudan in uu golahaasi cusubi laheyn awood sharciyeed.

Dhanka kale boqolaal Ciraaqiyiin ah ayaa saf dheer u galay in laga qabto araaji ay uga mid noqonayaan ciidanka militariga ee Ciraaq ee Cusub, maalintii ugu horeysey ee la furay arji qabashada.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan magaalooyinka Basra, Baqdaad iyo Mosil ayaa waxaa ay fureen xafiisyo arjiyada lagaga qabto dadka doonaya in ay ciidanka ka mid noqdaan oo ragg ah, dadooduna ay u dhaxeyso 18 - 40 sanno.

Ciidamada Mareykanka ayaa waxay doonayaan in ay dhisaan ciidan Ciraaqiyiin ah oo ay tiradoodu gaadheyso 40,000 oo aski oo badala ciidamadii hore ee Ciraaq ee uu dhisay tiliskii la riday, kuwaas oo ay tiradoodu aheyd nus malyuun.

Top


Shir Lagu Nabadaynayo Reer Burundi Oo Ka Dhacay Tanzania.

Daara Salaam (W.wararka) Hogaamiyeyaasha Afrika ayaa kulan ku yeelanaya magaalada Dara Salaam ee dalka Tanzaniya, si ay xal ugu raadiyaan colaada Burundi ee soo jiitamaysay mudda tobanka sanadood ah oo ay ku nafwaayeen boqolaal kun oo qof.

Madaxweyne ku xigeenka Kuufur Afrika, Jacob Zuma oo ahaa dhexdhexaadiyaha ugu weyn ee colaada ka aloosan dalka Burundi ayaa sheegay in uuna ka niyad jabin nabadeynta. Hase yeeshee nabadda dalkaasi waxay u muuqataa mid wali la gaadhi la' yahay.

Wadahadalada ayaa waxaa la isugu keenayaa dowladda Burundi iyo mucaaradka FDD ee methasha qabiilka ugu badan dalkaa ee Hutu-ga.
Inkasta oo madaxweynaha dalkaasi uu laftiisu ka soo jeedo qabiilka Hutuu-ga, haddana mucaaradka FDD waxay ku doodayaan in qabiilka laga badan yahay ee Tuutsi-ga in ay wali aad ugu badan yihiin ciidamada dalka.

kooxdan mucaaradka ah wax kamay saxeexin heshiiskii sanadkii hore dabayaaqadiisii lala galay dowladda Burundi. Waxaana sii socoday dagaalka.

Kooxda kale ee Mucaaradka ee Huutuuga ee FLN, xataa may tagin magaalada Dar Es Salaam, in kasta oo uu Jacob Zuma uu sheegayo in uu ku rajo weyn yahay in uu kulan la yeelan doono goor danbe.

Xooxdan FLN ayaa weerar bishan ku soo qaaday magaalada Bujumbura. Dagaalkanina waxaa uu keenay in boqolaal qof ay naftooda ku waayaan. Arrintanina waxay kaliftay in Madaxweynaha Uganda, Yoweri Musevene oo tagaya magaalada Dara Salaam in uu yidhaahdo waxaa loo baahan yahay in ciidmo xoog leh oo Afrikaana oo nabadda ilaaliya in la geeyo dalka Burundi.

Waqtiga la joogo ciidamada Koofur Afrika iyo kuwa Mozambique ayaa waxay leeyihiin howlgal xadidan, hase yeeshee ciidamada Burundi ayaa tobadii sanadood ee la soo dhaafay ku dadaalayay in ay ka adkaadaan mucaaradka.

Waxaa laga yaabaa in ayna suurogal aheyn in dowladda Afrikaanu ay doonayaan in ay ciidamadooda galiyaan mid ka mid ah dagaalada Qaarada Afrika ee mudda dheer socday iyo masiibo dagaal toona.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Gooni isu Taaga Somaliland Shaki Ma Geli Karo.

Waxa Somaliland ugu dambaysay soo badanayey in Jamhuuriyadda Somaliland la hadal hayo isbedelada siyaasadeed iyo kuweeda horumarineedba.

Caalamka intiisa waxgaradka ahina ay kuba amaanayso, inkasta oo ay jireen dalal badan oo indhaha ka qarsanay soona hadal qaadaya, iskuna dayaya in ay mideyaan Soomaali weyn, waxa intaa dheer in beryahan dambe ay sii badanayaan hadal haynta Somaliland, khaasatan Soomaaliyadii aynu kala go’nay, iyada oo sabab looga dhiganayo oo ay ku andacoonayaan in aanaan kala gu’I karin.

Shir walba oo ay Soomaaliya isagu tiaado arrinta ay ka wada siman yihiin iyada oo ay taasi j irto. Ayaa beryahan dambe waxa dhagahayga ka batay oo marwalba aanu maqalnaa dibad iyo gudaba anaga oo joogna tii oo la leeyahay waxa isugu imaanaya Somaliland Puntland, iyo Soomaalida shishe.

Haddaba anigu waxaan kula talin lahaa maamulka Jamhuuriyadda Somaliland in ay ka tanaasusho arrimaha aan soo xusnay.
Oo aanay waxba iskugu imanin dadkii iyo dalweynihii hore la iskugu odhan jiray Soomaali weyn.

Waxa aan maqaalkayga ku gabagabaynayaa tixdan gabayga ah ee uu leeyahay abwaanka Gaariye: “Haddaan midho daray doraad duu-duub ku liqi j iray doorkan waxaan hubsanayaa dirxi inuu ku hoos jiro”.

Sidaa daraadeed maamulka Somaliland-na waa inuu iska hubsadaa siminaarada ay bixiyaan dalalka shisheeyaha ahi. Kuna doonayaan sidii ay u mideyn lahaayeen Somaliland iyo Soomaaliyadii hore, waa sida iyaga dantu ugu jirto ah.

Waxa iyana xusid mudan siyaasiyiinta reer Somaliland iyo duqeyda, waxgaradka iyo aqoonyahanaduba intiiba waa inay arrintaa meel ka wada istaagaan.

Haddii kale waxaynu ku soo tabacnay waxa ku jira muhmaliyo dahaadh.

Wakhti gaar ah waa in la siiyaa, sidii caalamka loogu soo bandhigi lahaa qaddiyadda Somaliland.

Intaa waxaan ku soo dari lahaa arrinta ugu dambaysa oo tan ah.
Xukuumadda waa in ay go’aan adag ka gaadhaa siyaasiga reer Somaliland ee ka fara dheeraada shacbiga Somaliland, taageerana waxa somaliland duminaya.

Shacbigana waxaan kula talin lahaa in ay iska ogaadaan dadkooda falaagada ku biirey.

Xasan Meygaag Oday.

Hargeysa.

Top


Ma Runbaa Qaxoonti Reer Somalialnd Ah Ayaa Jabuuti Degan?

Waxa wax lala yaabo ah qaxootiga jooga jabuuti ee lagu tilmaamay inay ka soo jeedaan Somaliland. Waxa yaabka yaabkii ah aqoonsiga ay xukuumadda Somaliland aqoonsatay inay jiraan qaxooti innagaga maqan Jabuuti, oo dib loo soo celinayo. Waxaa muuqata heshiis qarsoodi ah inuu ka dhexsocdo maamulka Dahir Rayale iyo maamulka Geelle.

Waxay ahayd xilligii ugu adkaa ee soo mara dadka reer Somaliland 1988-91, markii ay Jabuuti labada jeer ku soo daadisay dadkii ka soo jeeday Somaliland "Geesdiir" goobtaasoo dadkii loogu geystay dhibaatooyin aan la soo koobi karin. Jabuuti marnaba may aqoonsan inay jiraan dad soomaaliyeed oo ka soo qaxay jamhuuriyaddii la odhanjiray Somaliya. Dadka reer Somaliland ee qaxootiga ku ahaa dalka Jabuuti xilligii dagaaladu socdeen intii u dhaxaysay 1988-1991, waxay kala kulmeen dhibaatooyin farabadan ciidanka reer jabuuti, xadhig, aflagaado iwm.

Waxa is-weydiin leh goorma ayay galeen dadkan qaxootiga lagu sheegay ee lagu soo celinayo Somaliland, Waxay galeen markii laga safeeyey dalka ciidankii dhiigyacabka ahaa ee Afweyne. Horaantii la doortay mud: Rayaale wuxuu qaaday tallaabo dad-badan gelisay siyaasad dareen huwan. Jabuuti in lala heshiiyo waa arrin aad u fiican, waayo labada bulsho maaha dad kala maarma, balse waxaa yaab leh siyaasdda muusaysan ee maamulka Dahir Rayaale uu ku dhaqaaqay waxyar ka dib markii uu ku fadhiistay kursiga dahabiga ah ee Maandeeq-land. Wuxuu tegay Jabuuti wuxuu la soo galay heshiis, kaasoo ay ka mid ahayd qaxootiga Jabuuti jooga in lagu soo celiyo Somaliland iyo in guddi loo saaro xaaladda murugsan ee Somaliland iyo Jabuuti.

Qaxootigii waa la soo celiyay, balse guddidii meeday, maxaase ka qabsoomay xaaladdii murugsanayd ee labada dal. Jabuuti ilaa maanta waxay caalamka la hortaagan tahay ma jirto Somaliland, geed dheer iyo mid gaabanba way u kortay, ilaa shirka soomaalida uga socda Kenya ayay sidaa la horjoogtaa. Xalaadda oo sidaas ah ayaa marlabaad la sheegay in qaxootigii ku hadhsanaa Jabuuti la keeni doono Somaliland.

Akhristayaasha sharafta leh bal u fiirso oo maxaa ka dhigay muhiim lama dhaafaan ah qaxootiga aan sharciga ahayn ee lagu soo celinayo dalkeenna ee looga shaqayn waayay ismaandhaafka siyaasadeed ee labada dal ee walaalaha ah. Waxaa halkaa kaaga soo baxaysa in loo heellan yahay sidii loo heli lahaa dhaqaale lagu cuno magaca soo celinta qaxootiga ee aan dan laga lahayn isu soo dhoweynta labada dal iyo turxaan bixinta xurgufta siyaasadeed "waxaa muuqata nin tiisa u xoogsi tegey inaanu dan guud ku maqnayn".

Arki doonnee halkay ku danbayso siyaasadda qarsoon ee muusaysan ee ka dhexaysa MUD: Madaxweyne Dahir Rayaale iyo xukuumaddiisa iyo Maamulka Jabuuti.

Sayid M Yusuf (Dhegey), Sweden.

Top


Cigaal Waxaa Laga Dhaxlay Dawlad.

Ilaahay ha u naxariistee marxuum Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu ka mid ahaa halyeyadii Soomaaliyeed iyo Africa ee qarnigii tegay iyo kan bilowgiisii. Wuxuu ka mid ahaa hormuudkii midowgii Soomaaliya ( Waqooyi iyo Koonfur ) iyagoo ujeedadoodu ahayd isku duubni Somaliyeed wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii africanka ee talada kala wareegay gumeystihii africa xoriyadadooda iyo maamulkoodana hantay dimoqraadiyada iyo habka wada tashigana qaatay si ay dalkooda u horumariyaan, nasiib daro afgenbigii askarta ayaa leexiyey himilooyinkoodii. Cigaal wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii kacaankii cadaadiyey dhibaatooyinka badana soo gaadhsiiyey laakiin dalka kama bixin kamana soo horjeesan sababtoo ah, waxaa u cuntami weyday wadankii uu aasaasay mideeyeyna inuu maantana burburiyo ama u soo raaco cadow ujeedadiisu tahay baabi’in, waxaa u muuqanaysay waxyeelada iman doonta xajmigeeda wuxuu kale oo diidanaa in qabiil loo arko maadaama aan ururadii halganka hubeysan bilaabay midoobi waayeen.
Markii Soomaaliya burburtay wuxuu u guntaday Somaliland wuxuu xilka kala wareegay C/raxmaan Tuur oo naafto u waayey matoorkii madaxtooyada uu ku jiray u baxayey dhaqaale xumo darteed, suuqana Gaadhigii uu watay iyo kabihiisii lagaga qaaday amaan daro awgeed, Cigaal wuxuu isku cantataba wuxuu dhisay Somalilandta maanta Caalamka oo dhan laga yaqaan.

Wuxuu sugay amaankii, wuxuu abuuray nabadgelyo caama oo beelaha Somaliland oo dhan wadagaadhay isku kalsoonidoodiina dib u abuurtay, wuxuu dhisay dawlad taama oo astuurkeedii iyo hayadaheedii u dhanyihiin, saaxiibadeeda iyo dhaqaaleheedaba leh, wuxuu dhidibada u taagay dimoqraadiyada Somaliland iyo nidaamka xisbiyada badan, wuxuu adeegsaday bisayl, waayo-aragnimo iyo aqoon siyaasadeed, dulqaad, macquuliyad iyo maskax wanaagsan, aqoonta uu u lahaa beelaha iyo degaamada, tixgelinta fekradaha iyo rabitaanka dadka iyo ilaalinta isku dheelitirka beelaha, ka fogaanshaha qabyaalada oo ah qodobka ugu weyn ee keena kala aamin baxa iyo iska hor imaadka taasoo la odhan karo Cigaal wuxuu ahaa Soomaaliga ugu yaraysta isticmaalkeeda.

Dedaalkii Cigaal wuxuu keenay in Somaliland noqoto hoyga keliya ee Soomaali kasta ku aamini karo naftiisa iyo maalkiisa qabiilkuu doono ha ahaadee, ilaa wadamada qaarkood soo jeediyeen in laga sameeyo xeryo lagu celiyo Soomaalida qaxootinada yurub ka dalbata maadaama ay amaan tahay qabiilna wax lagu yeelayn.

Waxaa amaan mudan dadweynaha Somaliland siday uga qayb qaateen Cigaalna uga fududeeyeen inuu waajibkiisa guto ujeedooyinkiisuna u hirgalaan, nabadgelyada, maamulka iyo dadaalkii Cigaal waxay keeneen in Somaliland kasbato kalsoonida Soomaalida kale iyo aduunkaba loona hanweynaado. Wuxuu abuuray rajo iyo nayaayiro xitaa qofka aan waxba hayni dugsanayey iyo bulsho aaminsan dalkooda iyo jiritaankooda. Wuxuu aqoon iyo xirfad dheeraada u lahaa sida loo kala horeysiiyo baahiyihiisa isagoo maalinba daloolka ugu haboon dabooli jiray, ilaa hada ma hayno guryo uu dhistay ama lacag uu meel dhigtay inagoo ogsoon guri la’aantii ku dhacday marwadii uu ka geeriyooday, Cigaal miisaaniyadiisii political fund iyo xitaa musharkiisii wuxuu dib ugu celin jiray dadka.

Taageerada iyo kalsoonida dadku Cigaal u hayey maalinba maalinta ka dambeysa waa soo kordheysay.

Cigaal waxaa laga dhaxlay dawlad dhan oo calankeedu ka babanayo Lowyacado ilaa Yoocada meelba maamulku xooguu doono ha ku lahaadee.
Markii Rayaale xilka la wareegay wuxuu ku dhaqaaqay ka soo horjeedka siyaasadii iyo waxqabadkii Cigaal, Wuxuu bedelay siyaasadii Dibada isagoo jabuuti oo inoogu cadowsanayd siyaasadii iyo masiirkii Somaliland u daba fadhiistay waana maqlaynay inay qiratay inay ka dambeysay qodobadii Somaliland ka soo horjeeday ee Ururka midowga Africa Soomaaliya ka gaadhay UN loo sii gudbin doono.

wuxuu gaadhay heer uu ka mushahar bato Madaxweynaha Maraykanka Bush, dalkii aduunka ugu weynaa dhaqaale iyo awoodba.

Sool oo ah meelaha Somaliland ugu xaasaasisan mudo dheerna lagu soo tabcayey ama laga soo shaqeynayey sidii loo dhameyn lahaa khilaafaadkeeda marxuum Cigaal-na soo gaadhsiiyey dhameystir, waxyaalo badana laysla fahmay ayey dhacday geeridii Cigaal, waqtigii Isimada iyo Guurtida Somaliland u qalabqaateen inay dhameystiraan waxaa ku tuntay Daahir Rayaale ilaa hada macada lamana dabagelin sababihii keenay inuu hororsado meel aan bisleyn hawsheediina lagu jiro iyo sababta uu u gees maray waxgaradkii, guurtidii iyo isimadii gacanta ku hayey xalinta xaalada Sool haddii cadaaladi jirto oo la baadho arintan waxaa soo bixi lahayd fadeexad la mida tii Watergate involved president Nixon in 1972 waxaana loo bixin lahaa fadeexadii Lascanodgate.

Ma ilaaliyo ama tixgeliyo isu dheelitirka xukuumadiisa, inkastoo ay in masuulka lagu tixgeliyo aqoontiisa iyo waxqabadkiisa hadana waxaa mudan in la tixgeliyo habqaybeedka degaamada si cidwaliba isaga dhex aragto, Rayaale beelaha ama degaamada qaarkood wuxuu u magacaabay 10 qaarna 2 waa astaan qof waliba ka daalacan karo maamulkiisa.
Taageerada iyo kalsoonida dadka ee Rayaale maalinba maalinta ka dambaysaa wayisa soo badalaaysaa isagoo weliba helay waqti iyo soo dhaweyn fiican. Aan soo qaadano maalintii xilka loo dhiibay,doorashooyinkii degaamada iyo tii madaxweynenimada waxaa u dhexeeya faraq weyn.

Hadaba waxaa isweydiinmudan Cigaal waxaa laga dhaxlay dal dhisan, isku duuban oo habar indhoole ahi xukumi karto haday sharciga iyo maskaxda ku shaqeyso ee maxaa Rayaale laga dhaxlayaa?

Mukhtar Adan Cali.

Top


Ha Imaan Lahaydaa!

Maxamed D Afrax Q: 1aad

“oo maxaad caawoo dhan albaabka iigu dhageysaneysey, haddaad weli soo jeeddo?" ayuu si deggan u yidhi isagoo sii eegaya afadiisii oo ku sii fadhiisanaysa kuraasta qolka fadhiga kan ugu weyn ee saddexda qof qaada. Sidii qof aan su'aashu khusayn bay isu moogeysiisay. Waxay ku jeeddaa telefishen hoorteeda ka hadlaya; mase daawanaysee meel kalay ka shaxaysaa.

Wuu ogyahay in ay u cadhaysantahay, mase dareensiinayo. Wuxuu isku dayayaa in uu sheeko caadi ah la furo, wuxuuse wadnaha farta kaga hayaa in ay ku fur-tuurto.

"Duufaanka caawa dhacaya, intii aan albaabka garaacayey wadnahaa i istaagi gaadhey" ayuu u raacshey isagoo koofiyad baraf ka da'ayo iyo qoor-xijaab dusha ka qoyan sii kor sudhaya koodhkii dhaxanta ee uu degdegga isaga bixiyey, sidii uu ka baqayo in uu mar kale culayskiisa la kufo. Waxaa weli hafeefanaya jilbihii ku murxay dhowrkii jeer ee intuu barafka sii dhalaalaya ku sidbaday laamiga ku gataati dhacay.

Wuxuu isha ku xaday qofkii uu la hadlayey iyana is moogey- siinaysey.

Kursigii weynaa bay weli ku dhacadiidaa. Mowjado badan baa maskaxdeeda ku hardamaya. Waagii bore, marka odaygeedu iridka bore ka soo galo ayay dugsi iyo wehel dareemi jirtey. Haddase soo gelidiisu wax aan umal hor leh ahayn uma kordhiso. Way ogtahay in uu daal kax la yahay. Waxa uu ku soo daaley ma garanayso, mana garasan karto. Daqiiqado yar ka dib waa kii khuuriya. wixii uu soo kacaaba waa berri-galab. Cuntada ay soo hordhigto markuu afka ka qaadana waa labbisan yahay. Waxaa ugu xigta habeen dambe saqda dhexe.

Iyadu maalin oo dhan dhaxantaas lafa- jabiska ah ayay keligeed marba dhinac u ordaysaa - mar ay carruur dugsi u sii waddo ama ka soo waddo, mar ay dhakhtar kula cararayso, mar ay ka daba rafanayso dad luqada ku dhaama oo uga af celiya xafiisyado dani badday; mar ay suuqyo kala fog adeeg culus ka soo xammaalayso; hawsha aan dhamaadka aqoon ee aqalka ku dhex sugay- sana hadalkeeda daa. Aaway qofkii u baratay in ay iska jiifto, hawshana dad kale qabtaan, dad badan oo u shaqayn jirey iyo gabdho ay ehel yihiin oo guriga kula noolaan jirey.

Habeenkii marka ay salka dhigto, caruuurtuna ka seexato ayaa wixii daal iyo xanuun ahaa ku soo wada baxaan. Xannuunka korka waxaa uga daran midka Qalbiga. Waxay dareentaa go'doonimo, cidla ciirsila', nolol hungo ah iyo mustaqbal cabsi iyo madmadow badan. Marka ay is barbar dhigto nolosheedii shalay iyo tan maanta way miyir-gaddoontaa.
Labadii sanee iyada iyo carruurtu keligood qurbaha joogeen waxay nafta ku naawili jirtey dhibaatadani waa oday-la'aantee sidii Geeddi dalkan ku soo geli lahaa ku dadaal. waxay ku mintiddaba way ku guuleysatey in ay soo geliso saygeedii dhawrka sano qaxootinimada ka maagayey.

Maxaase ka dambeeyey! Markay xasuusatay bay is madax-martay.

Kurisigii ay ku jiiftey bay kor uga bood- dey. Qolkii ay fadhidey bay iska soo malme- shey. Waxay is agtaagtey Geeddi oo weli iska furfuraya dharkii cuslaa ee dhaxantu ku rartay. Waa lixdaneeye jir laf weyni u dhashay hilibkii da'duna sii humbulay. Xagga da'da iyo xagga baaxadda muuqaalkaba aad buu uga weynyahay afadiisa.

indho fallaadh ka kulul ayay tin iyo cidhib ku quudhsi-eegtay. "Xaggee baad ka timid xilligan saqda dhexe?" ayay ku dharbaaxday cod dagaal ku dhanyahay.

'Xaalku waa xunyahay' ayuu iskula faqay. 'Caawa waa cawadeedii. Mar hadday halkaa ka bilowdo in la iska dhega tiro iyo in la iska celiyo mooyee in la maslaxo rajadeed dhimatay.' Markiisuu is kululeeyey..Hawshii uu ku foognaa buu hakiyey.. indho cadhaysan buu geesgees ugu eegay.. Iyadoon is ogeyn bay hoos uga gabbatay.: Eegmadii kululayd iyo erayadii ku soo dhacay buu dib ugala noqday.. Wuxuu ku jeestay katabaankii uu shaadhka la tiigsanayey.. Fursaddaasay ka faa'iidaysatey.. Geesinirnadeedii bay dib u soo ceshatey.. Eerayo badan bay isu daba dhigtay, sidii ay u diidayso fursad uu mar kale ku baqsado, "maxaad isu dhega tiraysaa? Bal eeg xilligaad gudayso! Ma adigaa na uuntay rnarkaad habeen kasta saqda ,dhexe alabaabka nagu tumayso? Xaggee baad ..."

"1 dhegeyso Faadumo!" Geeddi baa ka dhex galay, isagoo isku khasbaya in uu codkiisa caadi ka dhigo. "Majlis-jaadkii Jaarnac Dheere inaan rag la fadhiyey waad ogtahaye, jooji qaylada iyo buuqa, caruurta hurdada ha ka seleline!"

"Ma anigaad i leedahay buuqa jooji? Yaa buuq iyo xumaan wada labadeenna? Waliba isagaa isla toosan, indha adaygiisa. Maxaad uga timid xera-jaadda aad sheegayso? Maabad isagaba guurtid haddaad sidaa u caashaqsantahay, meeshan aad galabtii Alle keeno ku sii socoto? U qaado bustahaaga Awelba dhib mooyee dheef miyaan kugu qabney? Bal nin aan inuu shaqeeyo doonayn, carruur kula korinayn,hawl kula qabanayn, dheef iyo dhaqan midna lagu qabin..."

Erayga "dhaqan" markay ku dhawaaqday ayuu jidhiidhicooday.

Kalmeddaasaa ku cuslaatay kana mashaquulisay inuu dhegaysto wixii damboo Faadumo ku hadleysey. Waa ruug-cadaa aan lagu xadi karin duurxulka iyo micnaha dahsoon ee erayada af Soomaaliga. Aad buu uga xanuunsadaa marka la xasuus iyo waajibaadka uu isaguba ogyahay inaanu gudan. Nafsaddiisa arrintaas aad buu ugu canaantaa, qof kalese ma doonayo in uu u qirto qaladkiisa, in laga gar helo liidnimuu u haystaa, durnarkuna way ka sii xag jiraan. Beri-samaadkiisii dumarka wuxuu ula dhaqmi jirey sidii xoolo uu isagu leeyahay, xannaano iyo edbinba ka mudan, dad ahaanse ka hooseeya. Waa nin marrnar aad u naxariis badan rnarrnarna aad u qallefsan. Mararna waxaa ku soo laba-kacleeya dabcigii geelji- renimada ee uu ku soo ababay bilowgii noloshiisa.

Eray kaloo Faadumo ku tuurtay baa uurkiisa gubey. Waa kii ay ku tilmaantay in uu "caashaq-sanayahay" majliska jaadka. 'Kaaf iyo kala dheeri!' ayuu niyadda ka yidhi, 'dumarku cajiibsanaa! Immisa jeer ayaan isku dayey in aan fahamsiiyo sida aanan majlis- kaas u jeclayn haddana ugu khasbanahay! Intee jeer baan u sheegay rneeshani in ay tahay uun god aan ku yara gabbado marka aan ka baqo in aan ku waasho camalla’aanta, seegseegnirnada iyo go’doonka aan ku jiro oo aanan hare ugu baran. Xataa carruurtaydii baan is af garan la’nahay, oo iga faanaysa. Maalintu dheeraa! Noloshu dhadhan xumaa!' Rag ay asxaab ahaan jireen qurbahana uga soo horreeyey ayaa kula taliyey in uu qayilaad isku maaweeliyo, markuu uga xogwarramay dhibaatada haysata.

Habeen aan fogeyn isagoo rnajliskadhex fadhiya ayuu wax gocday.

Markaasuu is rnadax maray. Koobkii uu shaaha ku cabba- yey buu gidaarka ku dhirbaaxay. Wuxuu is tusay rneesha uu fadhiyo muunad xurnideeda. Wuxuu is barbar dhigay halka uu caawa yaal, iyo halkii uu joogey dhawr sano ka hor markii uu ku noolaa dalkii oo ah qaran jira.

Wuxuu ahaan jirey taajir aad u ladan, kolna wuxuu ka mid ahaa rnadaxda sare ee dowladda. Aqalkiisu wuxuu ahaa magaalo dhan oo janno ah.

Meeshii uu soo galo waa la wada istaagi jirey.

Waxaa la rumaysanyahay in uu ka mid yahay dadkii ka taajirey musuqrnaasuqii maarnulka dowladda iyo fara- xumayntii sharciga dalka.

Haseyeeshee kuma uu jirin budhcaddii waaweyneyd ee hantidii ay xaqdarrada ku tabceen dibadaha ku rneelaystay, si ay ugala baxsadaan dabkii ay shideen hubeenna dalku in uu dhawaan ku guban doono.

Geeddi maalkiisii Muqdishaa waxna ku gubteen wixii kalena lagu bililiqaystay. Markuu wax xasuusto calooshaa gaddoonta, marmar waabu suuxaa oo arnbalaas loogu yeedhaa. Marka uu marqaamo waxaa halhays u ah: “maalintaan tamar hayey talo rna hayn, maantoon talo hayana tamar ma hayo!"

lntii uu Geeddi isku maqnaa Faadumo halkeedii bay ka sii waddey dambiyadii ay u tirinasey iyo dacwadihii ay ku oogeysey, iyadoo moodeysa in uu dhageysanayo. Ma oga in ay ku furmeen dacwado kuweeda ka sii xanuun badan!

Lasoco.

Top


Waadiga Ciyaaraha: Wareegii Hore Ee Tartanka Marxuum Faysal Oo La Soo Geba-Gebeeyay.

Hargeysa (Haatuf) – Tartankii kubadda koleyga ee lagu xusayay Marxuum Faysal C/raxmaan C/laahi (Faysaldheere) ee beryahanba ka socday garoonka Timacade ee magaalada Hargeysa, ayaa wareegiisii koowaad lagu soo geba-gebeeyay ciyaar ay isaga horyimaadeen labada kooxood ee Dawladda Hoose iyo kooxda Wasaarada Maaliyadda shalay.

Ciyaartan oo ahayd ciyaar hore u baaqay, kadib markii wakhtigii loogu talo-galay in ay dhacdo uu roob maalintaa ka da’ay magaalada Hargeysa u suurto-geliwayday in ay dhacdo.

Ciyaartan ay labada kooxood ee D/Hoose iyo W/Maaliyaddu isaga horyimaadeen oo ahayd ciyaar aad u adkayd oo labada kooxood soo bandhigeen heer ciyaareed oo aad u sareeya oo isku mid ah, taas oo ay labada kooxood wakhtigii ciyaarta dhibcahoodu mar walba isku dhawaayeen, ugu dambayntiina ay kooxda D/Hoose ku guulaysatay hal dhibic ah, kadib markii iyadoo ay kooxda W/Maaliyaddu dhibic ka horeysay ay kooxda D/hoose dhashadeen daqiiqadii ugu dambeysay wakhtiga rasmiga ah ee ciyaarta laba dhibcood, taas oo ay natiijadii ciyaartu noqotay 37 – 36 ay kooxda D/Hoose guusha ku hantido.

Labada kooxood oo ah kooxaha group A uga soo gudbay wareega semifinalka, waxay kooxda D/Hoose ku soo baxday kaalinta koowaad, halka ay kooxda W/Maaliyaddu kaalinta labaad ku soo baxday, waxaana iyadu tartanka ka baxday kooxda Saacadadiin oo labadii ciyaarood ee ay ciyaartayba laga badiyay.

Wareega semifinal-ka waxa isugu soo baxay afarta kooxood ee kala ah, D/Hoose iyo W/Maaliyadda oo ka soo baxay group A, iyo Gaashaan iyo Haatuf oo Group B ka soo baxay, waxaanay isaga hor iman doonaan sidan soo socota:
D/Hoose Vs Haatuf
Gaashaan Vs W/Maaliyadda
Ciyaaraha semifinal-ka waxay bilaabmi doonaan maalinta arbacada ee toddobaadkan.

Top


“Taariikhda kooxda Barcelona ayaa isoo jiidatay”

Ronaldo oo ka gudbay baadhitaankii Caafimaad

Barcelona (W. Wararka) – Xiddiga reer Brazil Ronaldinho ayaa dhammaystirya baadhistii caafimaad ee caadiga ahayd ee kooxda Barcelona, si uu u dhammaystiro heshiis shan sanndood ah oo qiimihiisu yahay ₤21milyan (kow iyo labaatan milyan oo giniga Ingiriiska ah) oo u dhiganta dollar ahaan $ 33.8 milyan doollar kaas oo uu kaga soo wareegay kooxda Faransiiska ah ee Paris St Germain.

Kooxdan Isbaanishka ah ee Barcelona ayaa ku guulaysatay tartankii ay kooxda premiership-ka ee Manchester United ugu wada jireen ciyaartan koobka adduunka kula guulaystay wadankiisa Brazil, kaas oo soo geba-gebeeyay dagaalkii ay kooxaha Barcelona, Manchester United iyo Real Madrid ugu jireen hanashada xidigan, iyadoo gudoomiyaha kooxda Joan Laporta ballanqaad ku bixiyay markii uu ololaha ugu jiray shaqadiisan cusub.

Laporta waxa uu isku dayay inuu heshiis kula soo wareego David Beckham, laakiin xidigii Manchester United waxa heshiis ugu wareegay kooxda Real Madrid.

Ronaldinho oo magaciisa oo dhan uu yahay Ronaldo de Assis Moreira waxa uu noqday kii ugu dambeeyay liiska ciyaartoyda reer Brazil ee kooxda Barcelona u ciyaaray, iyadoo ay hore ugu soo ciyaareen ciyaartoyda Romario, Ronaldo iyo Rivaldo.

Dhinaca kale, wareysi uu siiyay Website-ka kooxda Barcelona, waxa uu ku sheegay Ronaldinho in go’aankiisan uu ugu soo wareegay kooxda in ay sabab u tahay taariikhda kooxda Barcelona, taas oo uu sheegay in ay kooxda u soo ciyaareen ciyaartoy magac weyn ku leh adduunka sida: Diego Maradona, Johan Cruyff iyo xiddigaha reer Brazil ee Romario, Ronaldo iyo Rivaldo, waxaanu sheegay inuu isna imika nasiib u helay inuu taariikhda kooxda galo oo uu u ciyaaro.

Wareysigaas uu website ka kooxdu la yeeshay oo ahaa mid khaas ah, waxa uu u dhacay sidan:

S: Waa maxay waxa sababay in aad ka doorato Barcelona kooxaha kale Manchester United iyo Barcelona?

J: Sababtu waxa weeyaan, halkan Barca waxa wax kasta oo ciyaartoygu doonayo ama u baahdaba. Waa koox weyn oo leh taariikh aad u cajiib ah oo ay ciyaartoy magac waaweyn lihi u soo ciyaareen sannado badan.

S: Maxaad ka taqaanaa tabarahaagan cusub Frank Rijkaard?

J: Had iyo jeer waxaan u ahaa taageere wakhtigii uu ciyaartoyga ahaa. Waa wax weyn in aan imika fursad u helay inaanu la shaqeeyo isaga, waxaanan go’aansaday sida ugu wanaagsan in aan wax u qabto, si aan u hubino in hawlahayagu si wanaagsan ugu dhacaan dhammaantood.

S: Sidee ayaad u malaynaysaa in aad u buuxin karto in aad ka garab ciyaarto ciyaartoyga Saviola iyo Kluviert?

J: Waxaan hubaa in aanu wada-jaan qaadi doono. Waxaan runtii rajaynayaa in aan la ciyaaro iyaga. Kooxda waxa ku jiraa ciyaartoy badan oo wanaagsan, aniga ahaana runtii waxaa nasiib gaara ii ah in aan halkan ka ciyaaro kana mid noqdo kooxdan.

S: Maxaad jeceshahay in aad u sheegto taageerayaasha halka, kuwaas oo sugaya in ay kugu arkaan Nou Camp?

J: Keliya in aan aad ugu faraxsanahay in aan halkan joogo, qaybna ka ahaado kooxdan, in aan ku sugnaado magaaladoodan aadka u quruxda badan. Waxaan doonayaa in aan si dayda ugu wanaagsan u shaqeeyo si aan in badan uga farxiyo.

S: Maxay macnaha runta ah ee dhaqaaqa gacanta ee aad samayso (xarako gacmaha ah oo uu badannaa sameeyo)?

J: Marka aan faraxsanahay ee arrimahaygu si wanaagsan u dhacayaan. Taasi waa sida aan u cabiro marka uu dareenkaygu fiican yahay.
Ronaldinho iyo weriyaha websiteka Barcelona intaa kadib waxay wada galeen garoonka, iyadoo ciyaartoygu markii ay gudaha soo galeen dhuula-cadeeyay oo uu xusuustay markii ugu dambaysay ee uu ku ciyaaro garoonka oo uu ciyaar saaxiibtinimo oo ay Brazil la yeelatay dalka Spain ahayd, waxaanu yidhi: “Aad ayuu garoonku u qurux badan, imikana garoonkani waa kaygii.”

Ronaldinho, waxa uu si rasmi u saxeexi doonaa maanta heshiiskaas oo uu kooxda Barcelona, taas oo loo samayn doono xaflad lagaga dhawaaqi doono inuu si rasmi ah u noqday ciyaartoy ka tirsan kooxda Barcelona.

Top