Badheedhaha Wargeyska: Sharci Ma Tahay In Wasiiradii
Ansixintooda Baarlamaanku Diiday Ay Hawlahooda Sii Wataan?
Shir Lagaga Hadlayay Xoojinta Maamulka
Sool Oo Ka Dhacay Laas-Caanood.
Dawladda Hoose Oo Deeq Calaamado Ah Ku
Wareejisay Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka.
Somaliland Forum: Hambalyo Ardayda Ka
Qalinjebisay Jaamacadda Camuud.
URURKA DHALINYARDA S/LAND EE ADISS
ABABA: “Waxaanu Hambalyeynaynaa Ardayda Ka Qalinjebisay Camuud”.
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Ee
Hargeysa Oo Ka Waramay Sababta Keentay Biyo Yaraanta.
Golaha Wakiilada Oo Ka Dooday Xeerarka
Saxaafadda Iyo Ugaadha.
“Waxa Jira Dagaal Istaraatiijiyadeed
Oo La Isku Xeeray Inta Sharcigu Maro Iyo…” Shir-Jaraa’id – Yuusuf Ciise
(Tallaabo), Wasiir Ku Xigeenka Macdanta Iyo Biyaha.
Khilaaf Ka Taagan Qaybsiga Xubnaha
Baarlamaanka Ee Shirka Kenya.
Dagaalada Liberia Oo Ku Sii Faafaya
Daafaha Dalkaasi.
Madaxweynaha Filibiin Oo U Digtay
Askarta Gadooday Ee Ku Sugan Caasimadda Manila.
Wer-Wer Adduun Iyo Wacdaro Jacayl,
Sheeko Taxane Ah – Waxa Qoray Cumar Cali Iidle.
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Hala
Dhiirigeliyo Qurba-Joogeena
Madhxinta Af-Soomaaliga.
WAADIGA CIYAARAHA: Somaliland Lions
Oo 6-2 Kaga Adkaatay Kooxda Muqdisho Tartanka Qurba-Jooga Reer London.
Hargeysa Spring Water Oo 3-3 Ku
Barbaraysay Kooxda Caafi (Burco)
Kooxda Togdheer FC (London) Oo Ka
Qaybgalaysa Norway Cup.
Orodyahan Somaliyeed Oo Jebiyay
Rikoodhkii Orodka 800m Ee Dalka Sweden.
|
|
Badheedhaha Wargeyska: Sharci
Ma Tahay In Wasiiradii Ansixintooda Baarlamaanku Diiday Ay Hawlahooda
Sii Wataan? |
Dhawrista iyo ku dhaqanka distooriga ah ee
dalka u dejisani waa waajib saaran qofkasta oo muwaadin ah, si gaar ahna
waajibkaasi sii saaran yahay golaha xukuumadda oo xilkeedu yahay fulinta
iyo hirgelinta shuruucda dalka. Haddaba waxa jirtay in golaha wakiiladu
dhawaanahan ku hawlanaayeen ansixinta xubnaha golaha xukuumada ee
madaxweynuhu soo dhisay bilihii ina dhaafay, taas oo golaha wakiiladu cod
aqlabiyad ah ku horjoogsaday ansixinta shan xubnood oo ka mid ahaa
xubnihii golaha xukuumadda (saddex wasiir iyo laba wasiiru-dawle).
Sidaas darteed go’aanka diidmada ah ee goluhu ku horjoogsaday ansixinta
sharci fulintiisu xukuumadda waajib ku tahay, kaas oo haddii la fasirana
macnihiisu yahay in aanay shanta xubnood ee waayey kalsoonida golaha
wakiiladda sii hayn karin xilalkii wasiirnimo ee loo magacaabay. Hase
yeeshee, waxaa nasiib darro ah in qaar ka mid ah shantii wasiir ee
go’aanka sharciga ah lagu diiday ansixintooda ay ilaa hadda iska sii
wataan hawlahoodii.
Maamul sidii wasiiro sharci ku fadhiya, saxeexaana dukumentiyo maaliyadeed
iyo kuwo kale oo xasaasi ahba.
Taas oo qaranka u horseedi karta carqalado maamul oo furdaamintoodu
mustaqbalka adnaan doonto.
Runtiina inkasta oo dhaliili ku mudan tahay qaabkii golaha wakiiladu u
kala reebeen xubnihii golaha wasiiradda ee la horkeenay oo aanay cadayn
sababta ay qaarna u reebeen, qaarna u sii daayeen, haddana shaki kuma jiro
in go’aankaasi yahay mid sharci ah madaxweynaha looga fadhiyo fulintiisa,
dhawristiisa iyo dhaqan gelintiisa, iyada oo wixii taas ka duwan yihiin ka
hor imanayo hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka ka hirgalay. Top
Shir Lagaga
Hadlayay Xoojinta Maamulka Sool Oo Ka Dhacay Laas-Caanood. |
Hargeysa (Haatuf): Waxa shalay lagu qabtay
magaala-madaxda gobolka Sool ee Laas-caanood shir ay kasoo qaybgaleen
mayorka magaalada Laas-caanood iyo aqoon-yahano kale, waxaana ugu
horayntii halkaasi ka hadlay maayorka Laas-caanood, C/risaaq Maxamed Xasan,
waxaanu sheegay inay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo nabadgelyada
gobolka, waxaanu sheegay haddii aanay jirin nabadgelyo inaan la helayn
nolol iyo degenaansho midna. Sidoo kale, Maayorku waxa uu sheegay inay
muhiim tahay in lagu ballaadhiyo maamulka Somaliland gobollada Sool iyo
Sanaag, waxaanu intaa ku daray haddii aanay dawladdu u tafa-xaydan sidii
ay maamulka Somaliland u gaadhsiin lahayd goboladaasi inaanay suurtogal
ahayn in la sugo xuduudaha dalka.
Dhinaca kale, maayorku wuxuu digniin u soo jeediyay maamulka Majeerteeniya
waxaanu yidhi; “Haddii aanay Majeerteeniya faraha kala bixin faragelinta
ay ku hayso dhulka Somaliland iyo xuduudihiisa waxay mas’uul ka noqon
doonaan cawaaqib-xumada ka timaada arintaasi.”
Intaa kadib, waxa halkaa ka hadlay Maxamed Cabdi Jaamac oo ku hadlayay
magaca aqoonyahanada kasoo qaybgalay shirkaasi, sida warku sheegay isagoo
taageeray hadaladii uu ku hadlay maayorka Laas-caanood. Waxa kaloo
aqoonyahankaasi ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo si
wadajirana loogu hawlgalo ilaalinta dalka iyo dadka Somaliland.
Gebogebadii shirka oo uu xidhay maayorka Laas-caanood, waxa uu halkaasi
kasoo jeediyay dardaaran kooban oo uu u jeediyay ka qaybgalayaashii
shirkaasi, waxaanu mar labaad carabka ku dhuftay inay dadka reer Sool meel
uga soo wada jeestaan midnimada iyo ilaalinta dadka iyo dalka Somaliland.
Top
Dawladda Hoose
Oo Deeq Calaamado Ah Ku Wareejisay Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka. |
Hargeysa (Haatuf): Duqa Caasimada Hargeysa
Eng: Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa shalay ku wareejiyey taliyaha ciidanka
nabad-galyada wadooyinka ee Caasimada Hargeysa Maxamuud Cabdi Jaamac qalab
calaamadaha wadooyinka ah oo gaadhaya 100 calaamadood oo loogu talo galaay
in lagu hagaajiyo wadooyinka.
Qalabkaas oo ahaa qaaybtii ugu horeysay ee lagu wareejiyo taliyaha
ciidamada nabad-galyada wadooyinka, waxay ka koobantahay 500 oo
calaamadood oo isugu jira calaamadaha loo isticmaalo badbaadinta dadka iyo
gaadiidkaba. Iyadoo qaybaha kalena lagu wareejin doono dhawaan sida la
filayo.
taasoo ay dawlada hoose ay ku wareejinayso ciidanka nabad-galyada
wadooyinka.
Munaasabadii wareejinta deeqdaas waxa ka soo qayb galay duqa caasimada
Hargeysa iyo taliyaha ciidamada nabad-galyada wadooyinka oo isagu deeqda
ka gudoomay duqa Caasimada Hargeysa.
Duqa caasumad oo kadib wareejinta deeqdan la hadlayey saxaafada waxa uu
yidhi: “Inaan calaamadahan samayno waxa nagu kalifay iyada oo maalinba
maalinta ka danbaysa ay isa soo tarayaan cabashooyinka ka imanaya
dadweynaha, hawshana waxa iska kaashaday Dawlada Hoose iyo Ciidanka
nabadgalyada Wadooyinka” ayuu yidhi.
Isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu intaa ku daray: “ calaamadahan
maanta aanu ku wareejinay ciidanka nabad-galyada wadooyinka waxa uu
dadweynaha ka caawinayaa inay yaraadaan shilalka iyo duqaynta ka dhalata
calaamado la’aanta”.
isaga oo duqu ka hadlaayey qorshayaashooda mustaqbalka ee soo socoda waxa
uu yidhi: “ waxa jira fikir ah inaanu kala qaybino Basaska iyo Tagaasida,
taasi waxay ka caawinaysaa labada dhinacba dhinaca faa’iidada dakhliga iyo
yaraynta shidaalka maalin walba ka baxa gaadiidlaydaasi” ayuu yidhi.
Kadib Isaguna waxa ka hadlay munaasibadaasi taliyaha Ciidamada
Nabad-Galyada Dawooyinka Taliye: Maxamuud Cabdi Jaamac waxa uu yidhi: “
100 calaamadood ee kala haga gaadiidka waxaanu dhigi doonaa wadada weyn ee
magaalada dhex-marta, iyada oo wax weyn ka tari doonta shilalka ka dhaca
magaalada dhexdeeda, waxaanu rajaynaynaa inaanu samayn doono
Askariga-Jiifa dhawaan, taas oo iyadu imika loo baahanyahay” ayuu yidhi
taliyuhu.
“ugu danbayn waxaanu leenahay dawladu waxay ku dhisantahay dadka, markaa
dadweynaha waxaanu ka codsanaynaa inay ilaaliyaan calaamadaha iyo
nidaamkaba”.ayuu yidhi taliyuhu.
Calaamadahan kala haga gaadiidka waxay ka mid tahay hawlo kala duwan oo ay
iska kaashandoonaan Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa iyo Ciidanka
Nabad-Galyada Dawooyinka ee Caasimada Hargeysa, iskaashigaas oo lagaga
hor-tagayo dhibaatooyinka iyo shilalka ka iman kara dhinaca wadooyinka. Top
Somaliland
Forum: Hambalyo Ardayda Ka Qalinjebisay Jaamacadda Camuud. |
Ururka Somaliland Forum
Ka: Ururka Somaliland Forum................24-07-2003
Ku: Maamulka Jaamacadda Camuud
Ku: Ardayda ka qalin jebisay Jaamacadda Cammuud
Maalintii 23-ka Julay, waxay gashay taariikhda Somaliland, waa maalintii
ugu horraysay ee hormadii ugu horraysay ay ka qalin jebiso jaamacadda
Camuud ee dalkeenna Somaliland. Haddaanu nahay ururka ay ku bahoobeen
qurba joogga reer Somaliland, waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa
32-ka arday ee ka qalin jebiyay Jamacadda Camuud, waxaanu hambalyadaa mid
la mida u diraynaa maamulka Jaamacadda oo soo bandhigay hawl aad u
wanaagsan iyo dedaal hagar la'aan ah, taasoo mudan in lagaga daydo,
hoggaaminta wanaagsan iyo daacad-nimada ay ku soo gaadheen heerkan maanta
suurto geliyey inay kooxdii ugu horraysay, dhammaystaan waxbarashadoodii
jaamacadeed, taasoo ay soo wadeen muddo shan sannadood ah.
Waxaanu markale hambalyo u soo jeedinaynaa dhammaan bulshada reer
Somaliland oo hirgeliyey nabad waarta, taasoo suurta gal ka dhigtay in
waxbarashada dalku gaadho heer jaamacadeed. Nabad gelyo la'aani waa nolol
la'aan, waana ilaahay mahaddii nabadda lagu seexanayo ee lagu soo toosayo.
Ugu danbayn waxaanu ku dhiiri gelinaynaa dhammaan inta u heellan,
horu-marinta waxbarashada iyo waxqabadka dalka, inay hawshooda laban
laabaan, si aynu u higsanno dunida hore u martay.
Haddaanu nahay ururka qurba jooga Somaliland ee Somaliland Forum, waxaanu
hawada idiin soo marinaynaa hambalyo iyo duco. Waxaanu ilaahay ka-baryaynaa,
inaydin noqotaan kuwii dalkooda iyo dadkooda waxtara, horumarna lagu
gaadho, aamiin.
"Aqoon la'aani waa iftiin la'aan". "Arday joogta is-kuulka, odayaal
talinaaya ilaahii inna siiyay, isagaa ku abaal leh, way ahaataye maanta si
wanaagsan u ciida".
Somaliland Forum. Top
URURKA
DHALINYARDA S/LAND EE ADISS ABABA: “Waxaanu Hambalyeynaynaa Ardayda Ka
Qalinjebisay Camuud”. |
Anaga oo ah jaaliyada reer s/land ee ku
kudhaqan dalka ethiopia gaar ahaana magaalada adis ababa iyo safiirka u
fadhiya s/land ethiopia waxaanu hanbalyo iyo bogadin u diraynaa ardayda ka
qalin jabisay jaamacada camuud ee gobalka Awdal. Ardayadaas oo tiradoodu
dhanayd 32 ku waas oo 25 kamid ahi ka baxeen kuliyada maaraynta iyo
maamulka, todobada kalena ay kaqalin jabiyeen waxbarashada .waxaan kaloon
hanbalyaynaynaa madaxada iyo marti sharafa ka soo qayb gashay xafladaasi.
Ardaydaas oo ah kuwii ugu horeeyeay ee ka qalin jabiya jaamacada camuud
tan iyo markii la aasaasay 4-11-1998 tani oo ka qayb ah horumarka iyo
dadaalka ay muujiyeen reer s/land.
Sidoo kale waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirynaa gudooomiyaha jaamacada
camuud prof. sulaymaan ahmed guuleed. waxaan u rajaynaynaa ardayda ka
qalin jabisay jaamacada camuud inay noqdaan kuwii dalkooda iyo diin tooda
anfaca wadankoodana horu-margaadhsiiya
waxa kale oo aan ardaydaas usoo jeedinaynaa in ayna isku arkin in ay
hawli sidaas ugu dhamaatay iyo waxbarshadii hadaba waxaan ku soo
gabagabaynaynaa hadalkayga aqoontiinu hanoqoto mid dalka iyo dadkaba
anfacda kuna dhiiri galisa horumar iyo badhaadhe, waxaan ku soo
gunaanadaynaa waa in aqoontiinu u guuxdaa sidda geelu u guuxo.
GUDOOMIYAHA URURKA DHALINYARDA S/LAND EE ADISS ABABA
MR: AMIIN X. CIGE AADAN
MAHAMED CALI HASAN
C/SHAKUUR CISMAAN GOOD
Jaaliyada reer somliland ee Adis ababa. Top
Maareeyaha
Wakaaladda Biyaha Ee Hargeysa Oo Ka Waramay Sababta Keentay Biyo
Yaraanta. |
Hargeysa (Haatuf) – Waxa mudooyinkan danbe
magaalada Hargeysa laga dareemayay biyo la,aan , iyadoo ay meelaha qaar
xaafadaa foostada biyahu gaadhay s/land sh 17000, taas oo sababtay inay
bulshada ku dhaqan magaaladu ka qayliyaan haraad. Hadaba si aanu wax uga
ogaano arrintaa waxaanu wax ka weydiinay Maareeyaha Wakaalada biyaha ee
hargeysa Cumar Boobe oo aanu shalay xafiiskiisa kula kulanay, wuxuuna ka
waramay sababta keentay biyo la,aantaa, waxyaabaha u qorshaysan iyo
meelaha ay ka sugayaan kaalmo lagu horumarinayo biyaha magaalada hargeysa,
laakiin maareeyuhu waxa uu ugu horayn sheegay inay maalmahan soo noq
noqonaysay cabasho ku saabsan biyuhu oo dad badani leeyihiin biyo ma helo,
balse ay iyagu wakaalad ahaan u arkaan waqtigii ugu fiicnaa ee xaga biyaha
intuu uu joogay ,isagoo yidhi,
“intii aan anigu joogay marnaba may dhicin laba iyo toban ceel oo wax
shaqaynaya iyo wax heegan ah oo diyaara aanu heerkaa gaadhnay,” laakiin
waxa uu xusay inay xiliyada qaar ay jireen lix mishiin oo wada shaqeeyaa ,
balse aanay ahayn kuwa sii shaqeeya ee ay ciladi ku iman jirtay.
Maareeyuhu waxa uu sheegay inay waqtigan diyaar u yihiin 12 ceel, kuwaas
oo sideed ka mid ahi ay mar wada shaqeeyaan, afarta kalena ay heegan
yihiin, isla markaana haddii ay 12-ka ceel ay wada shidaan ay jirto
mushkilad dhinaca dhuumaha ah oo aanay helayn meel ay soo maraan, iyadoo
ay sabab u tahay dhuumaha ka yimaadda ceelashaa oo ah laba dhuumood oo
qudha oo soo gala magaalada, kuwaas oo ka yimaadda Geed-deeble oo aan iska
xejin karayn sideeddaa ceel ee shaqeeya biyahooda mooyaane 12-ka ceel
haddii mar la wada istaadho, isla markaana ma jiraan berkado dhisan oo
keyd ahi, wuxuuna yidhi:
“Ilaa la helo dhuun saddexaad biyo badan oo Geed-deeble idiinka yimaadda
oo Hargeysa soo galaa oo xoojiya kuwa hadda jira lama helayo,” isagoo
Maareeyuhu sheegay in ay daraasad ka sameeyeen sidii dhuuntaas loo hir
gelin lahaa, loona kordhin lahaa biyaha magaalada soo gaadha, taas oo uu
ku tilmaamay mid u baahan kharash farabadan oo ku kacaysa lacag dhan $1,
800,000 (milyan iyo sideed boqon oo kun oo doollar), wuxuuna Maareeyuhu
xusay in ay la xidhiidheen hay’addo badan sidii ay uga caawi lahaayeen
arrintaa, kuwaas oo ay ka mid yihiin ayuu yidhi: “Islamic Bank, UNHCR, EU
iyo kuwa kaleba, waananu la xidhiidhnay oo waxaanu ka codsanay siday
maal-gelin ugu samayn lahaayeen dhuuntaas iyo afar Barkadood oo laba
magaalada yihiin, labana Biyo-khadar yihiin.”
Laakiin Maareeyuhu waxa uu sheegay in aanay wax jawaab ah ka helin
hay’adahaas marka laga reebo Islamic Bank-ka oo uu sheegay in ay uga
dabacsan yihiin kuwa kale, isla markaana ay wefti u soo direen Somaliland,
kuwaas uu sheegay in aanay iyaga la kulmin, balse ay u dhaafeen dhinaca
gobolka Togdheer, iyagoo doonaya in ay maal-gelin ku sameeyaan biyaha
Somaliland oo dhan, si dadka reer Miyiga ah ee meelaha oomanaha ah jooga
ay biyo u helaan, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay rajo fiican ka qabaan in
ay wax ka qabtaan biyo-la’aanta ka jirta meelo badan oo Somaliland ka mid
ah.
Waxa kale oo uu Mareeyaha Wakaallada Biyuhu sheegay in EU-da laftigeedu
maal-gelisay mashruuc dhinaca biyaha ah oo wakhtigan socda, kuwaas oo uu
sheegay in ay qayb ka qaadanayaan dhuunta la doonayo in lagu kordhiyo
dhuumaha magaalada Hargeysa biyaha keena iyo berkadaha keydka ah ee la
doonayo in laga sameeyo Hargeysa iyo Biyo-Khadar.
Maareeyuhu wuxuu intaa ku daray inkastoo qalabka ay ku shaqaynayaan uu
iska liito oo aanay biyuhu magaalada wada gaadhi karin, balse aan la odhan
karin biyuhu ma wada gaadhaan dadweynaha ku nool magaalada Hargeysa si
kastaba ha u gaadheene, laakiin meelaha taagga ah ay cabashadooda ka
garaabayaan, wuxuuna tusaale u soo qaatay xaafadaha Siinaay, Calaamada iyo
Sheedaha, isagoo yidhi; “Marka la yidhaahdo Siinaay, Calaamadaha iyo
Sheedaha dadka deggan biyuhu ma gaadhayaan waan ka garaabayaa oo meelo
sare ayay ku yaallaan oo biyuhu ma fuuli karaan,” wuxuuna intaa raaciyay
in ay dhammaan meelaha kale biyo helaan si ay ku helaanba, laakiin ay
jirto carqalad ay dadweynuhu isku abuurayaan, isagoo yidhi; “Magaaladu waa
84 kiloo mitir oo isku wareeg ah, qayb walbana waxa tagga leyn oo leh kaag
laga xidho, waana loo kala xidhaa. Waxa kale oo jira 508 kaalmood oo
magaalada gudaheeda ah, kuwaas oo baayac-mushtari noqday oo mid waliba
doonayo inuu biyaha ugu badan iibiyo si uu u helo lacag badan. Waxa iyana
intaa dheer 47 goobood oo lagu sameeyo Jaajuurka, leebaajooyin baabuurta
lagu maydho iyo dhismayaal socda, kuwaas oo isticmaala biyo aad u badan.
Intaas oo dhammina waxay ku soo biireen biyihii cabitaanka, waxaanuna
dhawr jeer annaga iyo Wasaarada Macdanta iyo Biyuhu amar ku bixinay in
wixii dhisme ah iyo baabuur maydhis ah in ay Darar-weyne iyo Arabsiyo ka
soo dhaansadaan.”
Maareeyuhu waxa kale oo uu sheegay in ay jirto mushkilad ay dadku
abuurayaan, taas oo uu sheegay in ay tahay meelaha kaaggaga biyaha marka
la xidho in ay habeenkii lacag isticmaalaan oo ay yidhaahdaan ha naloo
furo ama ay jebiyaanba qufulada lagu xidho kaaggagaa, kadibna biyaha la
furto. Sidoo kale, waxa uu sheegay in ay jiraan dad saacadaha biyaha dib u
celiya marka ay arkaan in ay lacag abadan ku qortay, waxyaabahaas oo uu ku
tilmaamay in ay ka mid yihiin waxyaabaha biyo yaraanta keenaya meelaha
qaarkood.
“Markaa waxaan qabaa Hargeysa in aanay biyo la’aani hayn intaan ka
garaabay mooyaane, balse waxay dadku u baahan yihiin in wax loo sheego oo
lagala hadlo dhibaatooyinka ay iyagu isku abuurayaan,” ayuu yidhi Cumar
Boobe, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa.
Maareeyaha oo ka jawaabaya su’aal ahayd “In aanay Wakaaladda biyuhu wax
horumar ah samayn, mar walbana ay sheegaan in ay rajaynayaan mashaariic
lagu horumarinayo biyaha,” waxa uu yidhi: “Ballanqaadyadaa hore waxa noo
fulay oo noo soo dhammaaday mashruuc 1, 441,000 (Milyan, afar boqol, kow
iyo afartan kun) oo lacaga Euro-ga ah (Midowga Yurub), iyadoo ay kooxdii
fulinaysay yimaadeen qaarkood, kuwii kalena ay toddobaadkan gudihiisa
imanayaan, waxaana la doonayaa in la sameeyo meel dabka mishiinada
ceelasha biyaha laga wada xukumo (power center) iyo in ceel walba loo
sameeyo dhaam isaga biyaha u joojiya, si ay u kordhiyaan maaxda biyaha.”
Waxa kale oo uu intaa ku daray in ay mashuurcan ku jiraan qaybo tababaro
iyo xisaabaadka ah oo kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha, si ay
wakaaladdani u noqoto wakaalad caalami ah oo xidhiidh la yeelata hay’adaha
caalamiga ah ee biyaha ku shaqo leh. Top
Golaha
Wakiilada Oo Ka Dooday Xeerarka Saxaafadda Iyo Ugaadha. |
Hargeysa (Haatuf): Golaha wakiilada
Somaliland oo soo gebogebeeyay golaha cusub ee wasiirada uu dhowaan soo
magacaabay Madaxweyne Rayaale, ayaa shalay guda-galay dooda xeerka
saxaafadda oo beryahan dambeba aad looga hadal hayay magaaladan Hargeysa,
waxaanu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu, Axmed Maxamed Qaybe, soo hordhigay
golaha mooshin ka kooban xeerka saxaafada, xeerka shaqaalaha, xeerka
garsoorka iyo ka ugaadha iyo shimbiraha. Hase yeeshee, mudanayaashu waxay
doorteen inay ka doodaan marka hore ka saxaafadda, waxaana ugu horayn
halkaa ka hadlay xildhibaan Maxamuud Xaashi, waxaanu sheegay inaanay
maanta ahayn xiligii la cabudhin lahaa saxaafadda xorta ah ee
madaxa-banaan isagoo yidhi; “Caalamku maanta wuu dhaafay cabudhinta
saxaafadda xorta ah iyo in loo caga-jugleeyo toona.”
Intaa kadib, waxa isna halkaa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee
wakiilada Somaliland, Md. C/qaadir X. Ismaaciil Jirde, isagoo sheegay inay
dhawrkii sano ee ina dhaafayba uu xeerka saxaafaddu horyaalay G. Wakiilada,
balse aanay weli ka doodin ansixintiisa iyo diidmadiisa toona, waxaanu
sheegay inay lagama maarmaan tahay inaan waxba dib loo dhigin dooda
xeerkaasi ee siduu yahay looga doodo maanta, isagoo arintaa ka hadlayana
wuxuu yidhi; “Xeerka Saxaafaddu ilaa iyo 1997-kii wuu ina horyaalaa welina
maynaan ka hadlin, markaa maanta aniga waxay ila tahay in loo daayo
saxaafadda xeerkooda ay iyagu leeyihiin.”
Mudane Jirde waxa uu sheegay caalamka inay saxaafad waliba leedahay xeerar
u gaar ah oo ay ku dhaqanto, sidaasi darteed loo daayo xeerkooda u gaarka
ah ee ay iyagu samaysteen.
Haddaba markay doodu halkaasi maraysay waxa mikrofoonka la wareegay Mudane
Qaybe, waxaanu soo jeediyay in guddi isku dhafan oo ka kooban labada
dhinac ee saxaafadda iyo golaha wakiilada loo saaro arrinta ku saabsan
dooda xeerka saxaafadda, waxaanay mudanayaashu ku raaceen arrintaa uu soo
jeediyay guddoomiyuhu, waxaanu intaa raaciyay guddoomiyuhu inuu isagu soo
xuli doono dhinacyada guddigaasi.
Haddaba, markii ay mudanayaashu ka faraxasheen doodii xeerka saxaafadda,
waxay gudagaleen xeerka Ugaadha iyo Shimbiraha, waxaanu guddoomiyuhu
sheegay inuu golaha horyaalo xeerka Ugaadha iyo Shimbiruhu, kaasoo ay
golaha Guurtidu hore u ogolaadeen in la dhoofin karo qaar ka mid ah
Ugaadha. “Maanta waxaad la socotaan inay Guurtidu ogolaatay dhoofinta qaar
ka mid ah ugaadha iyo shimbiraha, haddaba intii arrintaa ogolay gacanta
taaga,” ayuu yidhi Md. Qaybe.
Haddaba tirada Mudanayaashii shalay ka soo xaadiray madasha fadhigaasi oo
dhamaa 44 mudane waxa ogolaaday in la dhoofiyo ugaadhaasi 21 mudane, halka
ay ka diideen 23 mudane. Waxaanay mudanayaashu cod aqlabiyad ah ku hor
istaageen xeerka dhoofinta Ugaadha iyo Shimbiraha.
Hase yeeshee, waxa jiray qaar ka mid ah mudanayaasha laga codka batay oo
ku dooday in la dhoofin karo ugaadha iyo shimbiraha. “Waar ma waxaad
leedahay Madaxweynaha dalka oo dhami ma dhoofin karo xabad yar oo shimbir
ah,” sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah mudanayaasha ogolaaday in la dhoofin
karo shimbiraha iyo ugaadha oo ku dooday inaan xaq loogu lahayn
Madaxweynaha in la yidhaahdo ma dhoofin kartid shimbiraha iyo ugaadha
dalka. Top
“Waxa Jira
Dagaal Istaraatiijiyadeed Oo La Isku Xeeray Inta Sharcigu Maro Iyo…”
Shir-Jaraa’id – Yuusuf Ciise (Tallaabo), Wasiir Ku Xigeenka Macdanta
Iyo Biyaha. |
Hargeysa (Haatuf) – Wasiir Ku-xigeenka
Wasaarada Macdanta iyo Biyaha, Yuusuf Ciise (Tallaabo), ayaa shalay ka
hadlay xaaladda Siyaasadeed ee Gobolka Sanaag iyo Beelaha wada degga, isla
markaana ka sheekeeyay taariikh ahaan Gobolkaa iyo sidii ay beeluhu u wada
degganaayeen, isagoo aad u dhalliilay Beesha degta Bariga Sanaag oo uu ku
tilmaamay mid mawqifkeedu gebi-dhaclaynayso.
Wasiir ku-xigeenku oo xafiiskiisa ugu waramayay Saxaafadda, waxa uu yidhi:
“Waxaan halkan idiinku soo bandhigayaa warbixin kooban oo ka hadlaysa
xaaladda Gobolka Sanaag ee shalay iyo maanta oo maalin walba
mashaakilkeedu Jaraa’idka ku yaallo, isla markaana Badhasaabka la geeyaa
uu si kale uga go’aan qaato waxyaabaha dhaca.”
Mudane Tallaabo, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in loo baahan in lays
weydiiyo shalay iyo maanta Sanaageey maxaad ahayd, waxaanu yidhi:
“Mujtamaca 13-kii sannadood ee u dambeeyay marba si ayaa wax loogu qorayay,
markaa waa in aan maanta far waaweyn wax ugu qoro,” wuxuuna intaa ku daray
in ay Sanaag leedahay Taariikh guun ah oo ka soo bilaabanta ilaa
Faraaciintii oo ay xarun u ahayd ilaa Masar, waxaanu yidhi: “Sanaag waxay
leedahay Taariikh guun ah, waxaana mar loo yiqiinay dalka Udugga iyo
Illaahyada, marna waxa loo yiqiinay ‘Qaryatul Awliya’ (Tuulladii Awliyada),
iyadoo 1600 C. H. sida ay taariikhdu sheegtay ay mar walba ahayd xarun
Boqortooyooyin fac weynaa oo iskaga kala dambeeyay dunida, ilaa
taariikhdii Sheekh Isaxaaq-na intaa laysku haystay oo ay ahayd xarun
maalinba qolo laga riixayay.”
Wasiir Ku-xigeenku, waxa uu tusaale u soo qaatay taariikhdii Magaado iyo
Sheekh Isaxaaq, Maamulkii Turkiga iyo Ingiriisku sidii ay dhulka ula kala
wareegeen, meelwalba reerka deggenaa iyo sida degaamadu u qoran yihiin
marka dib loo eego bogaagtii laga qoray oo sheegay in wakhtiganna laga
helayo Wasaaradaha dalka gudihiisa, waxaanu yidhi “Buugaagtaas waxa ka mid
ah buug uu Ingiriisku ka qoray 1925-kii oo uu ku sheegay in ay Sanaag
deggen yihiin 14 reer oo Isaaqa iyo daaroodku ugu da’da yari ugu tiro
badan yihiin.”
Wasiir ku-xigeenku waxa uu sheegay in wakhtigii Ingiriiska ay ahayd degmo
qudha oo laga xukumo gobolka Togdheer, wakhtigaa oo ay lahayd shan mudane,
balse laba Degmo laga gooyey, kuwaas oo kala ahaa Laasqoray iyo Gar-Adag.
Sanaag waxay soo martay laakiin 1960-kii ay ahayd Sanaag markii ay
xuquuqdeeda siyaasadeed qaadatay, wuxuuna xusay inay Sanaag soo martay
marxalado isaga oo yidhi “Markii Somaliland la xoreeyey dalkii wuu
qaybsamay, degmo walibana waxbay yeelatay, Deegaan Warsangelina wuxuu
noqday degmada Badhan, dadkii kale saddex qolaa ku soo hadhay Ceerigaabo,
oo ay ugu waaweyn yihiin Habar Jeclo Bari, Habar Yoonis Bari, Dhulbahante
Bari, iyo laamo yar yar oo aanay ku jirin Ugaas Labe, Curdudub iyo L’o
jiri,”.
Wuxuuna intaa ku daray in wakhtigan loo sameeyey gobolkaa toban degmo,
kuwo la wadaago iyo kuwo aan la wadaagin, iyada oo uu sheegay inay reer
Sanaag waxna wadaagaan, waxna aanay wadaagin, tobankaa degmo xubno badan
oo ay ku yeesheen baarlamaanka oo magacaabid ku yimid, wuxuuna isaga oo
arrintaa ka hadlaya yidhi “tobankaa degmo waxay baarlamaanka ku yeesheen
xubno badan, oo la soo magacaabay, iyada oo beesha Warsangeli yeelatay wax
ka badan beelaha kale ee reer Sanaag oo dhan, hadday tahay golayaasha iyo
haday wasiiradda tahayba, taas oo keentay in haddii la isku geeyo waxa
kale ay ka badanayaan iyagu, waxa kale oo jirta dagaal istiraatijiyadeed
oo la isku xeer-xeeray inta sharcigu maro, iyo inta siyaasadu marto, sida
golaha guurtida, golaha wakiiladda, guddiga diiwaan gelinta, komishanka
doorashooyinka, maxkamadda sare iyo wasaaradda Cadaaladda, intii sharcigu
marayey, dabadeedna waa lana hareereeyey, oo waxa la hareereeyey beelihii
kale oo dhan, xuquuqdoodii siyaasiga ahaydna waa laga batay, sidaasaana
loo weerarayaa wax walbana wadar baa lagu fulinayaa, waxaana samaysantay
istiraatiijiyad duleed oo siyaasi ah, oo waxaanu dib u xusuusanay buugii
“Army of soldiers,” ciidankii askarta ahaa halgankiibuu ku hadhay,
taariikh cusub iyo dagaal cusub ayaa bilaabmay, siyaasadiina sidaasaa loo
xoreeyey, taasina waxay keentay in qalinkii dawladuba, qalin in gaar ahi
sidato oo weerarkiisa leh, reer Sanaag-gii kalena waxay noqdeen kuwo
afduuban oo xuquuqdoodii aasantay, laga soo bilaabo doorashooyinkii aftida
tobankii degmo saddexdii jiida Warsangeli waa fuleen oo waa la aqoonsaday,
Gar-Adag iyo Ceerigaabana waa lagu daray, shantii kalena waa la duudsiyey,
si ay beesha Warsangeli u noqoto 69% gobolka Sanaag, oo ay ugu bataan
dadka gobolka Sanaag, taasina suurta gal maaha, markaa haddii beelahaa wax
loo garsoorayo, maamulkuna waa garsoorka.”
Wasiir ku xigeenku waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha nabadgelyada,
qaybsiga siyaasadda, ka dhulka, wax isu celinta iyo dabarka nabadgelyada,
kuwaas oo uu sheegay inay ku qoran yihiin Axdi beeleed, isla markaana ay
kuwaa ka reeban yihiin qaylada dhulka ee maalin walba taagan ee ay ku soo
dhuumanay siyaasadda Puntland, beelahana la iskaga horkeenayo, isaga oo
yidhi “Siyaasadda waxa madaxda halkan joogtaa ay wado, qaadhaankeeda
dibada laga keeno, axdiyadaa ay beeluhu wada galeen dhamaantood kii Burco,
ilaa kii Ceerigaabo, oo ahaa go’aan caam ah oo beelaha Sanaag leeyihiin,
waxay ahayd in xeerarkaa dib loo wada eego oo lagu dabakho maamulka
dawliga ah, iyada oo loo eegayo waxa ay kala qorteen.
Qawaaniinta dawliga ah xafiis iyo xeer-beegti baa la kala yidhaahdaa,
iskuma khaldaan dadka maamulka yaqaanaa, sidaa awgeed Axdiyada nabada ee
beelaha Sanaag waxa ka mid ahaa in la isku celiyo dhul beereedka, hantida
ma guuraanka ah iwm, kuwaas oo inta badan la fuliyey.
Waxa kale oo axdiyaddaa beelaha Sanaag ku jiray wixii shan nin gaadha ee
mu’aamaraad ka shaqeeya mid siyaasiya iyo mid kaleba, shan boqol oo milyan
in laga qaado midkiiba qolada beeshooda, balse badhasaabadu iyaga oo aan
intaa ogeyn ayuu ninkii la geeyaa iyo wasiirkii galaaba go’aan iska qaataa”.
Wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay in marka laga hadlayo wax qaybsiga
beelaha la helayo hab loo raaco, iyada oo qolo walba 60-kii la qoray, mana
aha taasi mid muran ku jirta.
Mudane Talaabo, wuxuu sheegay in markii la ansixinayey koox wasiiro ah oo
uu la socday ay dhinac ka wada mareen mudanyaasha deegaankaasi, iyada oo
raggii ka horeeyeyna sida uu sheegay hal dabala loogu footeeyey, isaga oo
arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Ninkii mucaaradka noqday ee shalay la
soo magacaabay markii foodkiisii baxay, iyo kuwii Sodere ka yimid, saf baa
la iga wada maray, iyada oo aanu lahayn intaas oo mucaahado, waxa dhinaca
la iiga wada maray waa dagaal cusub oo aan kii hore ee SNM ahayn, nin aan
foodba bixin markii la iga saraysiiyey ayey caddaalad daraduna dhacday
Hadhuubkaygana waxa ka dhiman ee ka Somaliland-na ka dhimani waa
caddaaladda”.
Mudane Talaabo, waxa uu cambaareeyey beesha bariga Sanaag, isaga oo soo
bandhigay cadaymo uu ku sheegayo inuu Suldaanka beeshaasu kaga qayb galay
abaabulka ciidamo iyo maamul ka dhan ah Somaliland, kuwaas oo uu qaarkood
qoraal ahaan ugu diray maamulkii kooxda Carta, waxa kale oo uu sheegay in
raggii C/laahi Yuusuf u soo magacaabay maamulka gobolka Sanaag ay ku
jiraan golayaasha Somaliland, isla markaana waxa uu cambaareeyey qaabka
lacagta Somaliland looga xakameeyey gobolka Sanaag, isaga oo sheegay in
lacagtaa lagu bedelo Dollar, dabadeedna dollar-kaa lagu soo iibsado
giimbaarta Puntland, wuxuuna intaa ku daray in ciidamada Somaliland u
diiwaan gashani ay qaataan lacag giimbaar ah, taasina ay keentay in
lacagtii Somaliland baanka iska taalo. Top
Weftigii Sahanka Ahaa Ee Africa Oo
Gaadhay Muqdisho |
Muqdisho (W.wararka) – Waxaa magaalada
Muqdisho gaadhay wafdigii sahanka ahaa ee hub ka dhigista Soomaaliya ee ka
socday ururka Midowga Afrika, kaasoo ilaa 22-kii bishan booqanayey goobo
dalka Soomaaliyaa gudihiisa ah gudihiisa ah.
Wafdigani oo ka soo degay garoonka Dayniille waxay ku soo degeen hoteelka
Saxafi, halkaasoo sida ay sheegeen ay ka billaabayaan wadatashiyo
ballaadhan oo lala yeelanayo dhinacyada Muqdisho. Wafdigan oo uu
hoggaaminayo Colonel Cabdulxamiid Khaliifi oo ka socda ururka Midowga
Afrika, isla markaana uu la socdo Cabdalla Mubaarak oo ah kaaliyaha
xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta dhinaca arrimaha Soomaaliya iyo afar
xubnood oo kale ayaan kula kulmay hoteelkooda saaka, halkaasoo ay kula
kulansanaayeen saraakiil ka tirsan ciidanka booliska dowladda KMG ah.
Wafdigan oo ka cadhaysan warar badan oo la isla dhex maray ilaa shalay
kaddib markii lagu soo dhoweyn waayey magaalada Beledweyne ayaa Shalay soo
saaray war ay ugu talogaleen saxaafadda waxayna ku sheegeen warkoodaasi in
ujeeddada socdaalkooda ay tahay in ay wadatashiyo hoose la yeeshaan
hoggaamiyeyaasha siyaasadda, taliyeyaasha ciidamada ee ururrada iyo
kooxaha Soomaaliyeed iyo weliba duqeyda si loo cayimo baraha la dejin karo
ciidamo ka socda Midowga Afria oo ilaalinaya xabbad-joojintii ay
Soomaalidu ku soo heshiisay dalka Kenya dabayaaqadii sannadkii hore.
Sidoo kale, waxay wafidigu daraaseynayaan goobaha xafiisyo looga dhigi
karo, goobaha jiif looga sameyn karo iyo xarumo xagga maamulka ah si ay
ciidamadaasi u helaan meel ay ku soo hiran karaan isla marka ay yimaadaan
dalka. Iyagoo ulajeeddadaasi ka duulayana waxay wafdigu
warsaxaafadeedkooda ku sheegeen in ay soo booqdeen degmada Luuq ee gobolka
Gedo, gobollada Puntland, Beledweyne oo aan lagu soo dhoweynin iyo
Baydhabo iyo hadda oo Muqdisho ah iyagoo welibana u sii dhaafi doona
gobollo kale.
Shalay waxay wafdigu la kulmeen saraakiisha dowladda KMG ah, waxayna soo
booqdeen xarunta dugsiga sare ee booliska, isbitaalka Mediina ee booliska
iyo weliba xerada booliska ee Lafoole, CID-da iyo xerada daraawiishta.
Halkaasoo loogu soo bandhigay wafdiga diiwaanka falal dembiyeedyada dadka
dembiyada ka galay Soomaaliya, iyo astaamaha farahooda oo laga soo
billaabo sannadkii 1941 ilaa 1990-kii oo intaasi lagu hayey keyda
dembiyada sida uu sheegay Maxamed Yuusuf Cumar Maddaale oo ah afhayeenka
booliska dowladda KMG ah, waxayna intaasi kaddib ballantoodu ahayd la
kulanka qeybaha kale ee Muqdisho, iyagoo farriimo u kala dirsaday dhammaan
kooxaha.
Magaalada Beldeweyne oo aanan socdaalka wafdiga laga soo dhoweynin shalay
ayaa nafsad ahaanteeda ay ka muuqata in aanan la isku raacsanayn sidii ay
wax u dheceen. Ku-Simaha guddoomiyaha gobolka, Cabdullaahi Cabdi Cali
Koofi ayaa sheegay in wixii dhacay ay ku dheceen is-afgaran waa iyo wada
xidhiidh xumo ee aanay jirin dhibaato kale, dadka reer Hiiraanna ay soo
dhoweynayaan wafdiga waase haddii loo sii sheego socdaalkooda oo ayna ku
talogalaan.
Laakiin, dhinaca kalena wararka ka imaanaya degmada Gaalkacyo ee gobolka
Mudug ayaa sheegaya in Shalaay uu halkaasi gaar ahaan dhinaca koofurta
magaalada ka dhacay mudaaharaad looga soo horjeedo wafdigaasi, waxaana uu
Xuseen Cabdulle Aw-Cali oo ka mid ah duqeyda degmadaasi sheegay in aanay
sinna u aqoonsan doonin wixii ay keenaan wafdigaasi oo uu ku eedeeyey in
uu dad gaar ah u shaqeynayo.
Si kastaba ha ahaatee, mar aan xubnaha wafdiga arrintaasi ka wareystay
waxay ii sheegeen in magaalada Gaalkacyo masuuliyiinta ay kula kulmeen ay
ku jiraan rag ka wakiil ahaa kooxaha ay kala hoggaamiyaan Xuseen Maxamed
Caydiid iyo Cismaan Xasan Cali Caato.
Socdaalka wafdigani waxa uu ka dambeeyey warbixin ay guddigii xaqiiqo
raadiska ahaa ee booqday Soomaaliya 22-kii May ilaa 2-dii Juune ee
sannadkan u gudbiyeen xarunta ururka Midowga Afrika, halkaasoo ay ka
muuqatay in Soomaalidu ay ka codsatay beesha caalamka in la helo ciidamo
caalami oo gacan ka geysta hub ka dhigis laga hirgeliyo Soomaaliya. Top
Khilaaf Ka
Taagan Qaybsiga Xubnaha Baarlamaanka Ee Shirka Kenya |
Mbgathi (W.wararka) – Waxa muuqata in shirka
Soomaalida ee kenya uu hadda marayo meel aad iyo aad xasaasi u ah, oo wax
kasta laga filan karo, haatana ay kooxaha ka muuqato kala fogaasho weyn oo
la xidhiidhaa cida qeybineysa xubnaha baarlamaanka, waxaa kale oo aad
loogu kala fog yahay arrimaha la xidhiidhaa federaalka.
Dowladda KMG-ka ah ayaa ilaa iyo hadda khilaafkii u dhexeeyay aan wax xal
ah loo helin, natiijo wax ku ool ahna aan laga gaadhin waawaantii laga
dhex waday madaxweynaha dowaladda KMG-ka, Cabdiqaasim Salaad Xassan iyo
Ra'iisal Wasaarihiisa, Xassan Abshir Faarax iyo gudoomiyaha baarlamaanka,
Cabdalla Deerow Isaaq.
Sida ka muuqata nuqulada dastuurka la gudbiyay ma jiraan wax isbedel weyn
ah oo lagu sameeyey qodobadii lagu marunsanaa. Waxaase la bedalay oo
luqadda rasmiga ah ee dalka laga dhigay luqada Carabiga sida tan
Soomaaliga.
Dhamaanba kooxaha ka qeyb galaya shirka ayaa fikradahooda ka dhiibteen
dastuurka cusub ee ku meel gaarka iyo sida ay u arkaan, kaas oo la filayo
in todobaadka soo socda lagu ansixiyo shir weyni ay isugu imaanayaan
ergooyinka shirka ka qeyb galaya.
Dhanka kale, Warsaxaafadeed uu soo saarey Muuse Suudi Yellow oo ka mid ah
hogaamiyeyaasha kooxaha ka qeybgalaya shirka dib u heshiisiita Soomaalida
ee hadda ka socda dalka Kenya, ayaa waxuu sheegay in ay lama maarmaan
tahay in talaabada ugu horeysa ee dib u heshiisiinta in ay noqoto mid lagu
heshiisiinayo kooxaha ay colaaduhu u dhexeyso.
Kuwaas oo ay ugu horeeyaan sida uu Muuse Suudi ku tilaamay
warsaxaafadeedkiisa, hogaamiyeyaasha hadda shirka ka qeyb galaya, oo ay
colaaddu u dhaxeyso.
Muuse Suudi waxaa uu ka digay haddii ayna taasi dhicin in uuna shirku
marnaba noqon karin shir lagu tilmaami karo mid dib-u-heshiisiineed.
Muuse Suudi waxaa uu intaa ku daray, in ay hadda muuqato in mudadii
sagaalka bilood aheyd ee uu shirku socoday in ayna jirin haba yaraatee cid
la heshiisiiyey ilaa iyo hadda.
Balse ay jirto, kooxo hore heshiis u ahaa in ay ka dhex aloosan tahay
colaad cusub. Sidaa darteedna ay adag tahay in kooxo aan heshiis aheyn ay
wada dhistaan dowlad loo dhan yahay.
Muuse Suudi oo ka hadlayay dastuurka hadda lagu muransan yahay ayaa waxa
uu warsaxaafadeedkiisa ku xusay, in la sameyn karo axdi qarameed ka
turjuma xaaladda ay maanta Soomaaliya ku sugan tahay oo la isla wada ogol
yahay, marka ugu horeyntii heshiis dhab ah la dhex dhigo dhamaan kooxaha
ay colaadu u dhexeyso.
Ka dibna loo gudbi karo awood qeybsi ku dhisan cadaalad, laguna dadaalo in
cid kasta ay hesho saamiga ay xaqa u leedahay si looga wada qeyb galo
meelmarinta maamulka la rabo in lagu dhiso shirka dib u heshiisiinta
Soomaalida ee Mbagathi.
Muuse Suudi waxaa uu kula taliyay dowladdaha safka hore, iyo kuwa shirka
taageera iyo ururada caalamiga ah sida Qaramada Midowbay, Ururka Midowga
Yurub, Ururka Jaamacada Carabta iyo kan Midowga Afrikaba in ayna siinin
taageero siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid milatariba, maamul kooxeed ayna
Soomaalidu u wada dhameyn.
Ugu danbeyntiina waxa uu Muuse sheegay in uu ka soo horjeedo wax kasta oo
shirka lagu marin habaabin karo, keenina kara khilaaf iyo dagaalo cusub oo
barakac abuura. Top
Dagaalada
Liberia Oo Ku Sii Faafaya Daafaha Dalkaasi. |
Manrovia (W.wararka) – Dagaal xoog leh ayaa
ka socoda meel ku taala Barriga Liberia oo ku dhow magaalada labaad ee
dekada leh ee Buchanan, waxaana dagaalkaa ku jira mucaaradka cusub ee
dalka ee Dhaqdhaqaaqa Dimquraadiyada ee Liberia ama MODEL.
sida ay sheegayaan wararka ka imanay Liberia in kumannaan qof ay u qaxeen
magaalada Buchanan si ay uga fakadaan dagaalka ka socoda caasimada
Monrovia.
Mucaaradka iyo dowladda ayaa labaduba waxay sheegayaan in ay ka baqayaan
in dad badan oo rayid ah ay dhibaato soo gaadho, iyadoo uu dagaalku hadda
ku sii fiday barriga dalka.
Madaxweynaha ay xaaladu ku xuntahay ee Liberia, Charles Taylor ayaa mar
kale ku celiyay banaanbixii maalinta madaxbanaanida ee lagu qabtay
magaalada Monrovia in uu iscasilayo, hase yeeshee muu cadeyn waqtiga uu
iscasilayo. Top
Madaxweynaha
Filibiin Oo U Digtay Askarta Gadooday Ee Ku Sugan Caasimadda Manila. |
Manila (W.wararka) – Haweeneyda madaxweynaha
ka ah dalka Philippines, Gloria Arroyo, ayaa u qabatay waqti kama danbeysa
ah ciidamada qabsaday dhisme leh dukaamo badan oo laga ganacsado oo ku
yaala badhtamaha magaalada Manila.
Ciidamadan gadooday ayaa dalbanaya in haweyneyda madaxweynaha ahi iyo
wasiirkeeda Gaashaandhiguba ay labaduba iscasilaan.
Waxayna ku eedeynayaan maamulkeeda musuqmaasuq iyo iyagoo been abuura
weeraro argagixiso si deeq uga helaan dowladda Mareykanka.
Hase ahaatee, ciidamadan gadooday ayaa waxay ku adkeysanayaan in ayna isku
dayeyn in ay dalka xoog ku qabsadaan.
ku xigeenka taliyaha ciidamda Qalabka sida ayaa sheegaya in dowladdu ay
iskudayi doonto in ay wadaxaajood la gasho falaagada si xiisada loo soo
afjaro.Afhayeen u hadlay ciidamada gadooday ayaa xaqiijiyay in ay waxyaabo
qarxa ku rakibeen dhismahaas oo ay ku yaalaan hoteelo iyo guryo kale oo
khaas ahi.
Wariyayaasha ku sugan Manila ayaa sheegaya in inta badan ciidamada qalabka
sida ay u muuqdaan in ay daacad u yihiin dowladda, oo ay jiran khatar
degdeg ah oo dowladda ku soo food leh. Top
Wer-Wer Adduun
Iyo Wacdaro Jacayl, Sheeko Taxane Ah – Waxa Qoray Cumar Cali Iidle. |
Waa tuullo yar oo ay ku noolyihiin dad
taajiriin ah iyo kuwo fiqiiriin ah. Waxa dhammaaday fasaxii sannad
dugsiyeedkii dhamaaday. Arday aad u fara badan ayaa ku guulaysatay
imtixaankii ay ugu wareegayeen dugsi sare. Ardaydaas waxa ka mid ahayd
Ilhaan. waxay ka dhalatay qoys dan yar ah. Labadeeda waallid iyada oo
qudha ayey ka naxaan wax ubad ah, da’dooduna hadda waxa ay joogtaa
gabaabsi oo wax rajo ah oo ay ka qabaan ubad ay dhalaan ma jirto.
Subax hore ayey ahayd, waxay saacaddu cago cagaynaysay xilligii dugsiga la
gelayey. Waxa wada taagan Ilhaan iyo saaxiibaddeed saynab “saaxiibeey
casharradani kuwii hore way ka adagyihiin, uma jilicsana sidii kuwii aynu
soo dhaafnay” ayey saynab tidhi.
“Haddii aad gabadh tacliin u timi tahay, marka uu macallinku wax kuu
sharxayo ayaad dhegaha u raaricin doontaa, haddii kale ood ka fikirto
wiilkee ayaa dugsiga ku cusub iyo wiilkee ayaa ugu labbis fiican, weligaa
waxba baran maysid.
”Naa haddii adiga faqrinimo lagugu nacay, anigu naag heer sare ah ayaan
ahay oo kugu dul shiiqinaysa labbiska, oo marka aniga la I arko adigu
waxbayahay baad ka tahay agtayda”. Markii ay intaa tidhi saynab ayey
aragtay wiil aad u labbisan oo qurux badan oo gaadhi kala jiidan ka degaya.
Intay u tagtay ayey tidhi “ barasho wanaangsan, magacaygu waa Saynab”.
“Barasho wanaagsan, anna Bilis ayaa la I yidhaa”.
Saynab: “marley dugsiga waad ku cusub tahay ayaan filayaa”.
Bilis: “Haa, maanta ayaaban imid halkani oo waxaan u soo beddeshey
dugsigan.”
Saynab: “Inna wadi aan kusoo wada baro Dugsiga, ardayda iyo asxaab cusub
oo aad marlay halkan wada joogi doontaan.”
Bilis: “ Raalli iga ahow, wakhti uma hayo barasho aanay dani iigu jirin
e.”
Saynab: “ marlay ardayda inaad is barataan waa lagama maarmaan…”.
Bilis: “ Raalli baad mar labaad iga ahaan”.
Goobtii ayuu kaga dhaqaaqay. Iyada oo weli sii eegeysa oo hoos u xamanaysa
ayey Ilhaan u timid waxanay ku tidhi “bal anniga dantu ha I ciishee, adna
ma lacagbaa lagugu nacay?”
Saynab: “ naa waad hadal badatee iga tag,” inta ay tidhi ayey iskaga
dhaqaaqday.
Ilhaan oo weli bartii taagan ayaa tidhi “ naagtani war la’aa! Miyaanay is
weydiinayn waxay halkan u timid. Garaadlaay goobtaad ka soo noqon waa la
eegi doonaa!”. Xiisaddii ayaa sidaa lagu galay.
Aroortii dambe, ayey xassan iyo cabdi oo ku socda goobta baska laga raacaa
arkeen Ilhaan oo dhabbada cagta ku haysa. Waaba iyadoo ay basasku
dhaafayaan oo aanay iyana joojinaynin. Maalintaa niyaddeedu may
faraxsanayn, qunyar ayey tallaabada rogaysay oo waxa xasuusteeda ku
meerayey kaftankii, qosolkii, iyo sheekadii kalgacalku ku dheehnaa ee ay
jidka ku mari jireen iyada iyo farxaan. Waa maalin raad gaara maankeega ku
reebtay e, waxay hadba dhan u qooraansataa dhirta qoorta is gelisey. Waa
dhul astaamo gaara u leh oo ay muddo badan ku qaadatay waqtigeeda qaaliga
ah. Labadan inan (xasan iyo Cabdi) waxay garab socdeen Ilhaan, masay
dareensanayn hareeraha laga marayo waayo?
Waxa kala qaayo weynaa aragtida indhaheeda iyo kan ay qalbigeeda iyo
maankeeduba u xayireen xubnihii kale ee jidhkeeda. Goor dambe oo ay ka
baxday dhulkii kaymaha ahaa ayey dareentay sanqadh aan waxba ka dheerayn.
Dhinacyada ayey eegtay, mise waaba la garab tamashleynayaa! “oo ilaa
goormaad ila socoteen” ayey su’aashay.“Wax badan kulamaanu socon,” ayuu
Xassan yidhi. Way xishootay, oo waxay gaar isku weydiinaysay ‘Alleylehe
xasuustani digtoonidaadiina kaa qaadday!’ Si ay u ogaadaan waxa ay ka
fikiraysay ayey ku yidhaahdeen “maxaa kuu diiday inaad baska raacdo,
dugsigu aad ayuu innooga fogyahaye?” “aniga ayaa jecel inan mijo baxsado,”
ayey tidhi. Xassan “ma mushkilad ayaa kugu furan?” inta ay naxday ayey
degdeg u tidhi “waayo?”. Xassan “waad fikiraysay”. Ilhaan “kolley waayaha
adduunka uunbay qayb ka ahaayeen”. Intii aanay su’aal kaleba weydiin ayaa
waxa la gaadhay albaabkii iskuulka oo waxay ahayd xilligii la gelayey
Dugsiga.
Isma oga e, Xassan iyo Cabdiba waxay indhuhu u basaaseen sidii ay fursad
mar uun ugu heli lahaayeen inay Ilhaan kula kulmaan goob qarsoon, oo ay
ugu sheegtaan gurxanka laabtooda ka dayaamaya, boholyowga ay u qabaan, iyo
weliba inay iyada daraadeed u tac darreeyeen. Midba si gaara ayuu u dhex
mushaaxayaa jacaylka aan cabbirka iyo qiyaasta toona lahayn ee uu u qabo
Ilhaantan maankeedu meel ku xidhan yahay.
Markii la soo rawaxay ayuu Xassan arkay iyada oo hablo la joogta, inta uu
aayar ka soo dhuuntay saaxiibkiisii isagana la saaqay, ayuu geed aan wax
sidaaya ka dheereyn meesha ay joogtay ku dhabbaray. Wuxuu sitay ubax dhowr
nooc ah oo cassaan, iyo caddaanba isugu jiray, si uu u caddayn karo
jacaylkiisan 180ka garaacaya ee uu u qabo Ilhaan.
Markii ay hablihii ka tegeen ee ay iyana cabbaar uun dugsiga ka fogaatay
ayuu tallaabada daba dhigtay. Wuxuu ku gaadhay goobtii uu rajaynayey inuu
ku gaadho, meel aanay cidina arkayn oo saaxiibkiina ka qarinaysa haddiiba
uu isku dayo inuu soo raadiyo, inta uu la hadlay ilhaan ayuu ubixii u
dhiibay dabeeto wuu garab dhaqaaqay. Wuxuu sugayey jawaab mahadin dhaafsan
oo ay ku dheehan tahay shucuurta iyo dareenka jidhka iyo qalbigaba saaqa
ee astaanta u ah jacaylka dhabta ah. Xassan wuxuu qabay inu jacaylku
dareen uun yahay oo aannu ku habboonayn in afka lagu xardho; hase ahaatee
iyada oo aan Ilhaan u deymo la’ayn xubnihiisan istaagay, xawliga garaac ee
wadnihiisa, iyo neefta qabow ee ka soo burqanaysa, ayaanay u jawaabin.
Dhowr jeer ayuu isku deyey inuu la hadlo; laakiise waxa uurkiisu gocanayo
ayuu ka biyo diiday inuu afka ka sheego. Waxayse dantu ku qasabtay bal
inuu si kale u dhigo muuqaalka iyo dareenkiisa gaar ahaaneed ee iyada ku
wajahan. Inta uu kor iyo hoos isha ugaga bogtay iyadoo hor taagan, ayuu
kedis ugu dhawaaqay “ gabadh aad u qurux badan ayaad tahay oo istaahisha
in ubax loo keeno”. Ayuu yidhi. Ilhaan waxay weydiisay “oo waa maxay
macnaha ku qarsoon ubaxan dhowrka midab isugu jira?” Neef weyn ayaa ka soo
boodday. Wuxuu is dareensiiyey inay ogaatay ujeedadiisa. “Wuxuu
caddaynayaa inan ku jecelahay,” ayuu yidhi.
“Way kaa muuqataa, laakiin waxba kaagama qaban karo. Sheeko waan ka
weynaaday jacaylna weli maan gaadhin, kolka aan gaadho calaleheeda, haddii
calaf ii kaa qoray sina igu seegi meysid. (ubixii ayey u dhiibtay) kani
aniga iguma habboona ee halkaad ka soo goysay dib ugu celi”. Ilhaan waxa
qabsatay murugo weyn. Waxay is weydiinaysay waxa iyada uun raga daba
dhigay, waayo beri hore ayey go’aan ka gaadhay sheeko oo ay in badan ku
hodantay beerlaxowsigooda.
Maalinimadii xigtay, Cabdi wuxuu u tegey iyadoo sii rawaxaysa. Wuxuu soo
diyaarsaday waraaq uu aad ugu nuux nuuxsaday oo uu dusheedana ubaxyo qurux
badadan kaga sawiray salaan ka dib ayuu yidhi, “miyaanad sii socon mise
cid baad sugaysay?”. Ilhaan “waan rawaxayaa”. Cabdi “ anniguba waan sii
socdaaye inna mari aan kuu sii wehel yeelo e”.
La soco. Top
ODHAAHDA
AKHRISTAHA: Hala Dhiirigeliyo Qurba-Joogeena |
Dadkii hore ee dalka dibadddaha uga
bixi-jirey waxay mari-jireen ma hadhooyin badan oo ay kala kulmi jireen
safarka dhoofka yax-yaxa dhaqanka (culture shocks) degaannada cusub ee ay
yimmaadeen iyo shaqo la’aanta ay marar badan la kulmi jireen iyo
dhibaatooyin kala oo badan waxana loo yaqaaney “tacabir” sidaas darteed
dadkii hore ee reer Somaliland waxay odhan jireen “nin dhoofay kaa dhimmey
“sanantuna waxay ahayd waxa aad iyo aadu yaraa war-isgaasinta socadka
gaadiidka kala duwan iyo guud ahaan kala warhaynta iyo qurbaawiga hadana
way dadaal badnaayeen waxaanay ka qaybqaateen dhiska magaalooyinka maanta
iyo miygeena xooladhaqataddaba asalkaba Qurbaha oo ah cidhiidhi lehna
dhibaatooyin badan iyo Bohlyow badan oo qofka weynaanta ku gala qurbaha,
qubajooguna waxa ubaahdaa mahuraan kaga dambeeya dalka oo waxna uga qabta
dalka hooyo oo aamin iyo xilkas ah oo qurbo-jooggeenu ku soo hirto haddii
kale waxa uu noqon doonaa qurba ku koobnaw maydkiisa uun diyaarad lagu
keenno oo logu naxo uun weeye maqalkiisa tacbiirayaashii hore waxay
ahaayeen dad dhallinyarro weyn ah intabadana may guursan jirin dibadda ha
ahaatee maanta arrintu wey ka duwantahay qurbo joogteenu maanta tii 50 kii
iyo wixii ka horeeyay waxaana qurbaha inaga jooga xaaslay aad iyo aad u
badan iyo caruurtooda oo boqolaal kun ah oo kala joogga aadduunkoo dhan.
Caruurtoodaas intooda badan way kudhasheen dibada maxayse inooga baahan
yihiin inaga. waxay inooga baahanyihiin Qodobo badan oo wax ka tari kara
noloshooda iyo ta caruurteena dibada iyo tan horumarka dalkeena waxaana
ila habboon inaynu kula dhaqano sida tan halala socodsiiyo xaalka dalka
halaguna dhiiriyo wax ka qabsiga iyo wacyigalintiisa ha loo madhxiyo
halana illaaliyo tacabkooda waxay ehelka u soo dirayaana ha la madhxisto
oo halaga faa’iideysto, yaan looga dayrin dadka oo aan la niyad jabin ka
maqan iyo kan yimaadaba haloo gaysto taakuleyn wixii muhiim uun ah ee
qofka iyo qoyska uun wax utaraya Danyarta la inoogu keeno dalka si ay afka
ehelka dadka iyo dhaqanka inay usoo bartaan si fudud oo aan qaylo iyo
canaani ku jirin wax haloogu sheego marka lagu arko wax ka duwan
macaamilkeena, yaan la caayin lana shiidin, waana in loo saxaa si ladifan
oo aan ka didin imashada, joogitaanka iyo dal barashada caruurta koraysa
iyo cid kasta oo inooga soo noqota dibedda.
Hala soo tus-tuso dhula intii karaankeena ah meelaha leh aragtida bilicsan
ee xasuusta ku reebi kara markay inaga noqdaan, waxaanay qaar kale oo ka
badan dalka ku soo dhiirigelin karaan inay inagu soo dhiiradaan markay
weynaadaana ku soo hamiyaan dalka. Kuwa waweyn ee inoo yimaadana yaan la
boobin, shaxaadka badana lagu wareerin, waxna ha lala maamulo oo ha lala
indho-indheeyo meelaha ay is yidhaahdaan waxa idiinku jira fursad
maalgelineed.
Ugu dambayn, waar hala dhiiri-geliyo qurbo-jooga dibedda ku sugan iyo tan
inoo timaadba, ha horumaro dalkuye. Top
Waxa la tilmaamaa in afafka ama luqaduhu
aanay waxba ka duwanayn ilmo yar oo la gardaadinayo, loona korinayo si uu
u hanaqaado. Tisqaadka afku haddaba waa arrin si adag uga xidhnaan karta
hadba sida afkaas loo daryeelo ee loo ilaaliyo. Soomaalidii hore afka oo
aan weli qoraal gelin ayay haddana dhaqaalayn jirtey oo aanay waxba ka
tasoobi jirin, kana lumi jirin.
Gabayga, geeraarka, guuxa, saarka, guurowga, buraanburka, maahmaahda,
ciyaaraha kala duwan ee dhaqanka iyo hiddaha, hal-ku-dhigyada ama
hal-haysyada murtiyeed iwm. ayaana ahaa kayd hodan ah oo ka qayb-qaata
ilaalinta iyo madhxinta afsoomaaliga, waxaana kaydkaasi suugaantu uu
soomaalida uga dhignaa oo ugu jirey halka ay dadyowga kale ee dunida ay
ugu jiraan Rugaha Kaydka Kutubka iyo Taariikhda ee loo yaqaano Library-yada
iyo Museum-ka.
Kaydkaas suugaanta ayaa haddaba waxa lagu tilmaami karaa hantida keliya ee
soomaalida ay wax uga baxsadeen, ugana soo hadheen dagaaladdii iyo
burburkii ka dhacay waddanka soomaaliya ee ilaa haatanna weli meelaha qaar
ka sii dhisaalan. Suugaanta waxa kale oo lagu tilmaamaa in ay tahay il
kale oo lagala soo bixi karo, lagana soo dheegan karo taariikhda iyo
waayihii ummadda ee sooyaalka ahaa, sidii loo noolaa, wixii dhibaatooyin
soo jiitamayey iyo sidii xalka loo raad-goobi jirey ee wax loo furdaamin
jirey iyo xitaa qalabyadii la adeegsan jireyba.
Soomaalida waxa lagu tilmaamaa ummaddii maansada ama gabayga, Waxana dhici
jirtey in lagu wada xidhiidhi jirey mararka qaar marka geedka iyo
tala-goynta la isugu yimaaddo, in kulanka oo dhan inta uu dhammaanayo lagu
adeegsado oo lagu wada xidhiidho hadal tixaysan oo sidii maansada qaafiyad
ku socda. Waxa la yidhaahdaa Af-soomaaligu waa Tix iyo Tiraab.
Tixdu haddaba waa hadalka intiisa geedaysan ama maansaysan. Tiraabtuna waa
intiisa caadiga ah ee maalin walba loo adeegsado wada xidhiidhka.
Haddaba waxa ay tixdu kaga duwan tahay tiraabta, tixdu waa hadal kasta oo
leh dhacdo iyo higgaad ama qaafiyad. Dhacdadu waa miisaanka ereyga oo la
raacinayo khad jeexan oo aan laga duwi karin; haddii jidkaasi laga baxana
waxa la yidhaahdaa waxa yimaadda Deelqaaf. Higgaadda ama qaafiyadduna waa
adeegsiga xaraf isku mid ah, iyada oo aan laga leexan fikraddii loo dan
lahaa in la soo gudbiyo. Haddii higgaaddaasi laga baxana waxa yimaadda baa
la yidhaahdaa Laaxin. Miisaanka maansada soomaalida waxa aabbe u ah oo
asteeyey abwaanka weyn ee aqoonyahanka ah ee Maxamed Xaashi Dhamac
Gaarriye. Isaga oo Gaarriye haddaba ka hadlaya miisaankaas maansada
soomaalida waa kii lahaa; Dhegtaa diidda; meeshay xarfuhu dalab ku
yeeshaane. Dhacdada uu miisaankeedu jaban yahay, waxa ka soo boodda dhegta
oo dhegaysigeedu ma dhadhan samaado, si fudud ayaana loo soo saaraa meesha
uu laaxinku ku jiro.
Xeel-dheeraanta suugaanta iyo afka soomaaliga waxa ka mid ah in nolosha oo
dhan lagu also oo lagu sargooyo hab suugaanaysan.
Dhinacyo iska dhan oo nolosha soomaalida ka mid ah ereyo afeedka lagu
isticmaali jirey waxa ay raacayaan habkaas higgaadaysan ee qaafiyadda ku
socda. Tusaale ahaan marka la is qabto ee laba dhinac ama laba qof ay wax
dhex maraan, waxa loo kala bixi jirey mudduc iyo maddaacaley oo ah dhinac
wax sheeganaya oo dacwad ku soo oogaya dhinaca kale iyo dhinaca labaad oo
dacwaddaasi iska deedafaynaya oo iska difaacaya. Waxa markaas la tegi
jirey geedka oo gar-naqsi laga furi jirey sida maxkamadaha casriga ah oo
kale.
Waxa haddaba guurtida xeer-beegtida ah ee geedku ay arrinta u qaybin
jireen laba qaybood oo waxa ay odhan jireen waxa la isku hayo ee meeshaa
yaallaa: Ma dhur baa mise waa dhaqan.
Dhurka waxa looga jeedaa wixii dhiig ama gacan-ka-hadal ku saabsan ee
madasha geedka la keenay ee la xukumayo, dhaqankana waxa looga jeedaa
wixii ku saabsan hanti ama dad la kala haysto ee ku kala maqan labada
dhinac ee wax kala tirsanaya.
Haddaba haddii uu Dhur yimaaddo waxa dhibaabaha kiiskaasi loo kala saaraa
isna laba qaybood, waxana laga soo qaadaa Qudh ama Qoon.
Qudh waxa looga jeedaa wixii dil ah ee gaadhsiisan naf la jaray oo
qudh-gooyo ah, Qoontuna waa wixii nabaro la is gaadhsiiyey iyo dhaawacyo
la xidhiidha.
Dhibaabaha qaybtiisa labaad ee dhaqanka loo yaqaan oo ku saabsan hantida
ama dadka la kala haysto ayaa isna waxa loo kala qaybiyaa xilo iyo xoolo.
Xilaha waxa looga jeedaa dumar la kala qaaday ama la kala haysto iyo wixii
la mid ah, xooluhuna waa wixii hanti ku aroora ee ku kala maqan labada
dhinac.
Marka ay arrintu haddaba xoolo timaaddo ayaa waxa la odhan jirey: ma bar
xoolaad baa mise waa beer, dadka qaarna waxa ay odhan jireen ma maal baa
mise waa mood.
Barta xoolaad amaba maalka waxa looga jeedaa xoolaha la dhaqdo ee la isu
sheeganayo, sida geela iwm. Beerta ama moodkana waxa looga jeedaa wixii
dhul ama wax la mid ah la xidhiidha ee aan noolayn ee la isu sheeganayo,
geedkana la keenay ee la xukumayo.
Barta xoolaad ayaa haddaba waxa iyana loo sii kala qaybiyaa magan iyo
mooro.
Maganta waxa looga jeedaa wixii xoolo ah ee baadi ahaan ama dhac ahaan ama
xatooyo ahaan beesha ku galay ee lagu haysto iwm. Mooradu laba macne ayay
af-soomaaliga ku leedahay, waxase halkan looga jeedaa wixii xoolo ah ee
xerada ku jira ee ku saabsan dhaxal iwm. Macnaha labaad ee Mooradu waxa uu
la xidhiidhaa faalka iyo maluugta.
Dhinaca kale marka neefka xoolaha ah la shidaysanayo ee la qalanayo amaba
martida loo loogayo, ayaa waxa hilibkiisa loo qaybiyaa abla ablayn ku
sar-jaran habkaas maansaysan ee soomaalidu ay u adeegsato nolosha caadiga
ah, waxana neefka shidhada ah loo qaybiyaa hilibkiisa: So’ iyo Saan.
So’du waxa ay yeelataa af-soomaaliga macneyaal badan. Mar waxa ay noqon
kartaa meel cayiman oo ka mid ah darka ceelka ama inta uu degaanka reerku
yahay ee uu ku fadhiyo, halkanse waxa ay ugu jirtaa oo looga dan leeyahay
inta haragga ama maqaarka neefka ka hoosaysa ee hilibka, lafaha, xumaysta,
uuska iwm. ee neefkaasi loo qalanayo shida-ahaanta.
So’da lafteeda ayaa waxa iyana loo sii kala qaybiyaa laba qaybood oo look
ala yaqaanno: Laf iyo Lud.
Waxa uu Ludka mancihiisu yahay oo looga jeedaa wixii ka soo baxsan ee aan
ahayn lafaha neefka, waana hilibka oo dhan ludku.
Ludkaas ayaa isna waxa loo sii kala qaybiyaa Jiidh iyo Jibaad. Hilibka
intiisa aan jiidhka ahayn ee baruurta iwm ayaana jibaadha loo yaqaan.
Haddaba quruxda iyo farshaxannimada af-soomaaligu leeyahay ee uu ku
dhaadan karaa, loona baahan yahay in la soo bandhigaa, waa habkaas
higgaadda ama qaafiyadda leh ee geedaysan, kuna taxmaya ee xitaa ku
milmaya noloshii caadiga ahayd ee soomaalida. Si loo xusuunaado, loona
haysto oo aan loo iloobin, ayaa waxa la adeegsanayaa ereyo sidii gabayga
xaraf keliya ku wada socda oo maansaysan.
Waxa kale oo halkan soo gelaya ereyo badan oo kale oo ay ka mid yihiin:
Tiro iyo Tayo, Af iyo addin, If iyo Aakhiro, Bad iyo Berri, Buur iyo
Bannaan, Talo iyo Tusmo, Hiil iyo Hoo, Xidid iyo Xigaal, Dad iyo Duunyo,
Garre iyo guntane, Wadaad iyo Waranle, Wadaad iyo Wabiin, Ficil iyo Falaad,
Faq iyo Fagaare, War iyo Wacaal, Werwer iyo Walaac, War iyo Waayaale, Bog
iyo Beer, Calaf iyo Cawo, Ciil iyo Cadho,
Haad iyo Haanraawe, Garab iyo Gaashaan, Habar iyo habeenkeed, Biyo iyo
Baad, Dufan iyo Duugmo, Kaaf iyo Kala-dheeri, Qoob iyo Qaylo, Gar iyo
Garowshiinyo, Arag iyo Arrin, Hiif iyo Haaraan, Bur iyo Bahal, Dhib iyo
Dheef, Rabbi iyo Rag, Raq iyo Ruux, Cidliyo Ciirsila’, Naq iyo Negaadi,
Nabsi iyo Nasiib, Bash-bash iyo Barwaaqo iwm.
Haddaba ereyadaasi laba- labada isugu qodbani iyo qaar kale oo badaniba
waxa ay ku aroorayaan oo ay beegsanayaan tubtii Higgaadda ama Qaafiyadda
ee hadalka tixaysan. Sida muuqatana laba erey oo kastaba waxa ka dhexeeya
xidhiidh iyo xadhko isku haya macnayaashooda oo isku mid noqon karaya
amaba iska soo horjeedi karaya oo isku lid ah.
Sababta haddaba keenaysa in uu afsoomaaligu awooddaasi yeesho, ayaa lagu
tilmaami karaa arrin ka soo jeedi karta hodannimadiisa iyo saamaynta ay
maansadiisu ku yeelan jirtey nolosha soomaalida, waana arrinta loo baahan
yahay in maantana la sii ambaqaado, lagana sii shaqeeyo oo si cilmiyaysan
boodhka iyo habaaska looga sii jafo, iyada oo lagu simayo oo la
gaadhsiinayo da’faceeddan jiilka cusub iyo kuwa laalan ee jiilasha dambe.
Madhxinta Afsoomaaligu waa ma-guuraannimadii sooyaalka dhaqanka soomaalida.
Maxamed Bashe X. Xasan
Mohamedbashe@hotmail.com Top
WAADIGA
CIYAARAHA: Somaliland Lions Oo 6-2 Kaga Adkaatay Kooxda Muqdisho
Tartanka Qurba-Jooga Reer London. |
C/Fataax M. Caydiid
London (Haatuf) – Kooxda Somaliland Lions ee Jaaliyadda Somaliland ee
cariga Ingiriiska ayaa ku guulaysatay maalintii khamiis toddobaadkii hore
koob sannadkasta loo dhigo kooxaha Jaaliyadaha Somaliland iyo Somalia ee
ku dhaqan dalka Ingiriiska, kadib markii ay 6-0 ugu xoog sheegteen koox
Muqdisho la yidhaa oo Jaaliyadda Soomaaliya ee Ingiriiska ku dhaqan ah.
Kooxda Somaliland Lions oo ah koox caan ku ah ciyaaraha kubadda cagta aad
looga yaqaan dalka Ingiriis, had iyo goorna ku soo baxda kaalmaha ugu
fiican oo ay aad u taageeraan Qurba-jooga reer Somaliland ee ku dhaqan
dalka Ingiriiska, waxay si xarago uga adkaatay kooxdan Muqdisho oo ka soo
jeeday jaaliyadda Koonfurta Soomaaliya ee ku sugan dalka Ingiriiska.
Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee magaalada London, C/risaaq
Ibraahim Xadhigle, ciyaartan oo lagu qabtay garoon ku yaalla magaalada
London, gaar ahaan xaafadda South East (Koonfur-Bari London), waxaad
moodaysay in ay ka duwanayd ciyaarihii hore, iyadoo ku soo beegan wakhti
aanay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland iyo Soomaaliya wanaagsannayn isla
markaana xamaasadda ciyaartu ay ahayd mid aad u saraysa oo keentay in ay
ciyaarta hakiso rabshado dhashay wakhtigii ay ciyaartu socotay, balse
markii dambe la xaliyay. Ugu dambayntiina waxay natiijadii ciyaartu ku soo
geba-gebowday 6-2 ay kooxda Somaliland Lions ku hanatay koobka.
Dadweynihii faraha badnaa ee ciyaarta daawanayay oo badiba taageerayaasha
kooxda Somaliland Lions u badnaa ayay ka muuqatay farxad iyo rayn-rayn aad
u badani, waxaanay ku dhawaaqayeen weedho ay ka mid yihiin “Somaliland
Vive,” iyadoo ugu dambeyntiina waxaa la gudoonsiiyay koobkii kabtanka
kooxda Somaliland Lions, Xuseen Maxamed Cali, kaas oo markii uu koobka kor
u taagay ay dhallinyaradii ciyaartoyda ahayd iyo taageerayaashii kaleba
sawaxan iyo farxad isla oogsadeen.
Xuseen Maxamed Cali, mar uu weriyuhu weydiiyay sida uu dareenkiisu noqday
markii uu ogaaday in ay ka guulaysteen kooxda Muqdisho, waxa uu ku
jawaabay oo uu yidhi: “Run ahaantii waxaan dareemay in aanu nahay koox aad
u adag, taas oo ay kuu caddeynayso in aanu sannadkasta ku guulaysano
kaalinta koowaad ama labaad. Waxaan soo bandhignay ciyaar hufan oo qof
kasta oo daawanayay uu jeclaysanayay, taas oo markhaati u ah in aan
kooxdayadan si sahal ah looga guulaysan karin.”
Tartanka koobkan oo sannad walba xilligan oo kale la qabto, wuxuu
soconayay muddo lix toddobaad ah, waxaanay kooxaha ka soo qayb-galay isku
soo reeb-reebeen saddex wareeg, iyadoo ay labadan kooxood ee Somaliland
Lions (Libaaxyada Somaliland) iyo Muqdisho (Koonfur Soomaaliya) isugu soo
baxeen ciyaarta kama-dambaysta ah. Top
Hargeysa
Spring Water Oo 3-3 Ku Barbaraysay Kooxda Caafi (Burco) |
Hargeysa (Haatuf) – Kooxda Hargeysa Spring
Water ee ka midka ah kooxaha heerka labaad ee Serie ee ka dhisan magaalada
Hargeysa ayaa maalintii Jimcihii ciyaar-saaxiibtinimo oo ay la yeelatay
kooxda Caafi ee heerka koowaad ee kooxaha ka dhisan magaalada Burco
barbaro kula gashay 3-3 gool.
Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Hargeysa Stadium ee magaalada Hargeysa,
ayaa waxay ka dambaysay kadib markii ay labada kooxood hore ciyaar
saaxiibtinimo ugu dhexmartay magaalada Burco oo ay kooxda Hargeysa Spring
Water safar ku tagtay, ciyaartaas oo ay kooxda Caafi Burco 5-3 kaga
adkaatay kooxda Hargeysa Spring Water, waxaanay ay imika kooxda Caafi
Burco safar ku timid Hargeysa si ay kooxdan ula ciyaarto.
Ciyaarta waxay maalintaa bilaabantay 4:30 galabnimo, waxaanay ugu
horeyntiiba ay kooxda Caafi Burco la soo gashay dardar oo heshay goolkii
ugu horeeyay ee ciyaarta, kadibna waxay kooxda Hargeysa Spring Water
qaaday weeraro isdaba jooga, kuwaas oo u hirgeliyay in ay dhashato laba
gool ka hor inta aanay labada kooxood wakhtigii nashada u bixin, ciyaartii
waxay ku hogaaminaysay kooxda Hargeysa Spring Water 2-1, taas oo ay
qaybtii hore ee ciyaartu ku dhammaatay.
Markii ay labada kooxood la soo tashadeen tababarayaashoodii ayay garoonka
dib ugu soo laabteen, waxaanay kooxda Caafi Burco mar labaad la soo galeen
dar-dar aad u sareysa oo ay ku ekeeyeen kooxda kale weeraro isdaba jooga,
taas oo markii dambe u suurto gelisay in ay dhashadaan laba gool oo isdaba
jooga, waxaanay natiijadii ciyaarta ku hogaaminayeen 3-2 gool ka hor intii
aanay kooxda Hargeysa Spring Water dhallin gool barbardhac ka dhigay
ciyaarta oo ay labada kooxood 3-3 ku yeesheen, natiijadaas oo ay ciyaartu
ku soo geba-gebowday.
Kooxda Caafi Burco waxay hore magaalada Gabiley ugula soo ciyaartay kooxda
Hilaal Gabiley, waxaana lagaga soo badiyay 3-2 gool. Top
Kooxda
Togdheer FC (London) Oo Ka Qaybgalaysa Norway Cup. |
London (Togdheersports) – Koox la yidhaa
Togdheer FC oo ka tirsan Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool magaalada
London, ayaa habeen hore u ambabaxday magaalada Oslo ee wadanka Norway,
iyagoo ka qayb-gali doona kooxka Norway Cup.
Tani waa markii ugu horeysay ee ay koobkan ka qayb-gasho koox Soomaaliyeed.
Koobkan Norway lagu qabanayo oo ah koobabka adduunka ka ugu ballaadhan,
waxa isugu iman doona 1467 oo kooxood oo ka kooban 27000 ciyaartoy iyo
tababarayaal, kuwaas oo ka kala imanaya daafaha adduunka oo dhan, waxana
la ciyaari doonaa ilaa 3500 oo ciyaarood. Top
Orodyahan
Somaliyeed Oo Jebiyay Rikoodhkii Orodka 800m Ee Dalka Sweden. |
Cuxhaven, Germany (W. Wararka) – Waxay
qaadatay Muddo ka badan 28 sannadood in la jabiyo mid ka mid ah rikoodhada
ugu da’da weyn ee u yaalay cayaaraha fudud ee dalkan Sweden, kadib markii
tartankii cayaaraha fudud ee 19kii july-2003 magaalada Cuxhaven ee dalka
Jarmalka uu Orodyahanka Soomaaaliyeed ee Magaciisa la yidhaahdo Risaaq
Dirshe oo haysta dhalashada dalka Sweden islamarkaana ah horyaalka orodka
800m ee dalka Sweden uu ku orday wakhti dhan 1,45,45, kaas oo aad uga yar
intii uu ku heystay rikoodhkaas odyahanka lagu magacaabo Ike Svensson oo
ahaa 1,45,94 oo uu dhigay taariikhdu markay ahady 30kii jun 1975. Ilaa
xiligaas la dhigay rikoodhkan orodyahanno badan oo dalkan Sweden ah ayaa
isku dayey inay jebiyaan rikoodhkan, waxaana ugu dhawaa nin la yidhaahdo
Martin Enholm oo isagu ku orday wakhti dhan 1,46,06 sannadkii 1988kii.
Tartankan uu Risaaq Diirshe ku jabiyey rikoodhka waxa uu u soo hooyay guul
dalka uu ordayey ee Sweden, isagoo galay kaalinta labaad, waxaana kaalinta
1aad galay orodyahanka reer Marooko ee Khaalid Tighazoune oo ku orday
1,45,32.
Sida uu sheegay tababaraha orodyahankan oo magaciisa la yiraahdo Ulf
Friberg, tababarka uu sameeyey ka sokow waxaa Risaaq u suura galiyey inuu
jabiyo rikoodhkan Jawiga magaalada Cuxhaven oo fiicnaa, wuxuuna sidoo kale
sheegay in marka la eego awoodda orodyahankan oo da’diisu 31 jir tahay uu
mar hore gaadhi karayay heerkan hadda iyo mid ka sareeyaba.
Risaaq markii kan ka horeysay ee uu meesha ugu sareysa gaadhay waxay aheyd
sannadkii aynu ka soo gudubnay oo uu ka qeybgalay tartanka cayaaraha fudud
ee Qaaradda Yurub oo uu u soo gudbay wareega ugu kama-dambaysta oo uu ka
galay kaalinta sagaalaad. Top
|