Dawladda Somaliland Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay
Mawqifka Cusub Ee Shir-Gudoonka Shirka Kenya Iyo Faragelinta Maamulka
C/Laahi Yuusuf; “Wixii Arrintaa Ka Yimaadda Uma Dul-Qaadan Doono,”
Madaxtooyada Somaliland.
Mudanayaasha Beesha Sool Kaga Jira Baarlamaanka Somaliland Oo
Jawaab ka Bixiyey Fara-Gelinta maamulka C/laahi Yuusuf.
“Dhaqaalaha Yar Ee Dalka Ka Soo Baxa
Haddii Si Fiican Loo Maamulo Inta Badan Baahida Dalka Wuu Dabooli Karaa,”
Guddiga Dhaqaalaha Ee Golaha Guurtida Somaliland.
“Qofka Hanti Qaranku Leeyahay Iska
Qaatay Wax Cashuur Ah Kama Qaadno, Waayo...” Maayor-Xigeenka Burco oo ka
waramay xaaladda Dhulka.
“Qaybe Mawqif Cad Ha Iska Taago
Faragelinta Maamulka C/Laahi Yuusuf,” Faysal Cali Waraabe.
Kumuu Ahaa Faarax Oomaar, Qore:
Maxamed Jaamac Cali (Faroole), Q: 2aad.
52 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay
Pakistan
Ururka Al-Qaeda Oo Digniin Cusub U
Diray Dawladda Maraykanka
Madaxweynaha Liberia Taylor Oo
Ogolaaday Inuu Xukunka Ka Dego
Sidee Loo Aasay Meydadkii Wiilashii
Sadaan Xuseen Cudey Iyo Qusey
Hidde-Samida Dhaqanka Iyo Milgaha
Lagu Kala Qiimeeyo Ragga Iyo Dumarka; Waxa Qoray Cabdi Caara-Dhuub, Waxana
Tifaftiray A. Ducaale, Q; 3aad.
Werwer Aduun Iyo Wacdaro Jacayl,
Sheeko Taxane Ah: Waxa Qoray; Cumar Cali Iidle, Q: 6aad.
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Bahal Ceydhin Ma Daayo, Nin-Na
Caadadii Ma Baajo.
Madaxweyne Sidii
Laguugu Lisay, Uma Hambayn.
WAADIGA CIYAARAHA, Qore: C/Fataax M.
Caydiid.
|
|
Dawladda Somaliland Oo Jawaab
Kulul Ka Bixisay Mawqifka Cusub Ee Shir-Gudoonka Shirka Kenya Iyo
Faragelinta Maamulka C/Laahi Yuusuf; “Wixii Arrintaa Ka Yimaadda Uma
Dul-Qaadan Doono,” Madaxtooyada Somaliland. |
Hargeysa (Haatuf): Xukuumadda Somaliland
ayaa jawaab ka bixisay hadaladii u dambeeyey ee ka soo yeedhay gudoomiyaha
guddida farsamada ee shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Nairobi.
Warsaxaafadeed ay shalay soo saartay madaxtooyada Somaliland waxay kula
taliyeen Kipligat inaanu shirkaa ku burburin riyadii shirarkii hore ee
dhaqan geli waayey, kuwaas oo loogu maydhax diiranayey in Somaliland
shirka loogu yeedho, halkii laga heshiisiin lahaa dadka is-laynaya ee
dhibaatadooda loo xalilayo, isla markaana waxa warsaxaafadeedka lagu
cadeeyey inaanay Somaliland diyaar u ahayn, isla markaana aanay soo
dhaweynayn wefti ka socda IGAD oo yimaada Somaliland.
Warsaxaafadeedkaa waxa kale oo lagu sheegay mawqifka Somaliland ee ku
waajahan shirkaa iyo fara-gelinta u C/laahi Yuusuf ku hayo Somaliland.
Warsaxaafadeedkaa oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada
Somaliland waxa uu u qornaa sidan: “La yaab ayey ku noqotay dawladda
Somaliland warka ka soo yeedhay gudoomiyaha guddida farsamada IGAD ee
shirka dib u heshiisiinta Nairobi Kipligat ee sheegaya midnimo muqadas ah,
iyo inuu wefti u soo dirayo Somaliland, waxayna xukuumadda Somaliland u
aragtaa arrin gef ku ah jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland.
Jamhuuriyadda Somaliland sidii ay marar hore oo badan ugu cadaysay
wadamada ku bahoobay ururka IGAD iyo beesha caalamkaba waxay u aragtaa
shirka ka socda Imbagati mid aan khusayn Somaliland.
Waxaanu mar kale ku celinaynaa in Somaliland wixii sharci ahaa ee
dawladnimadeeda u jidaynayey ay u dhan yihiin sida xuduudaheeda oo ay ka
dhaxashay gumaysigii Ingiriiska, kuwaasi oo u aqoonsan yahay axdiga
midawga Afrika iyo qaramada midoobay, sidaa darteed aan lagu dhex mili
karin xuduudaha dhulkii u Soomaali Talyaanigu ka gumaysan jiray, oo
magacoodu ahaa Soomaaliya.
Waxaanu Kipligat kula talinaynaa inaanu shirka ku burburin riyadii
shirarkii hore ee ay waxba uga dhaqan geli waayeen, ee loogu maydhax
diiranayey Somaliland, shirka ha loogu yeedho, halkii lagu heshiisiin
lahaa dadka is-laynaya ee Soomaaliya dhibaatadoodana loogu xalin lahaa.
Warka kale ee sheegaya Somaliland wefti loo soo dirayo si ay shirka uga
qayb gasho, waxaanu u cadaynaynaa ururka IGAD iyo cida kale ee shirkaas
waddaba, inaanay Somaliland soo dhaweynaynin wefi noocaas ah oo dalkeeda
yimaada, sababta oo ah waa wax aan xaq loogu lahayn, oo xad-gudub ku ah
jiritaanka iyo qaranimada Somaliland.
Wararka soo yeedhaya C/laahi Yuusuf waxaanu u aragnaa xad-gudub iyo
fara-gelin ku waajahan Somaliland, sidaa awgeed C/laahi Yuusuf waxaanu uga
digaynaa fara-gelinta joogtada ah ee uu ku hayo Somaliland, waxaananu u
sheegaynaa in uu deg deg faraha ugala baxo arrimaha Somaliland, haddii uu
taa yeeli waayana isaga ayaa masuul ka noqon doona wixii dhibaato ka
yimaada, umana dul-qaadan doonto dawladda Somaliland inuu haddidaad ku
sameeyo shacbiga ku dhaqan gobolada Sool iyo Sanaag,” ayaa lagu soo
gabagabeeyey warsaxaafadeedka Madaxtooyadda. Top
“Dhaqaalaha Yar
Ee Dalka Ka Soo Baxa Haddii Si Fiican Loo Maamulo Inta Badan Baahida
Dalka Wuu Dabooli Karaa,” Guddiga Dhaqaalaha Ee Golaha Guurtida
Somaliland. |
Hargeysa (Haatuf): Golaha guurtida ayaa
fadhigii shalay laga akhriyey talooyin ay soo jeediyeen guddiga dhaqaalaha
ee golahaasi, taas oo lagaga hadlay dhaqaale xumada dalka ka jirta iyo
sidii looga kaban lahaa, isla markaana meel la iskugu geyn lahaa
cashuuraha dalka oo dhan iyo cashuuraha sharcigu waajibiyey sidii loo wada
bixin lahaa.
Talo soo jeedintaa golaha laga akhriyey waxa kale oo lagu sheegay
dhaqaalaha inaga soo gala dalalka aynu jaarka nahay iyo sidii looga
faa’iidaysan lahaa, waxa kale oo lagu xusay shaqaalaha ajanabiga ah, ee ay
hay’aduhu keenaan dalka, iyada oo ay muwaadiniintii aqoonta u lahayd
shaqooyinkaasi ay dalka ku shaqo la’yihiin, waxa kale oo warbixinta lagaga
hadlay musuq-maasuqa ragaadiyey dhaqaalaha yar ee dalka iyo sixir bararka
naafeeyey dadka danyarta ah.
Talo soo jeedintan waxa lagu sheegay in loo baahan yahay siyaasad dhaqaale,
taas oo shuruucdeeda iyo qorshaheeda wadata, lana qiyaasi karo ku
talo-galka sidii nolosha dadkeenu kor ugu kici lahayd, iyada oo aan
marnaba qorshaha lagu darsan mucaawino aynu meel kale ka helno, taas oo ay
ka wanaagsan tahay inaynu habaysano waxa aynu haysano, waxayna guddidu ku
hambalyeeyeen wasiirka ganacsiga iyo wershadaha labadii sharci ee dhawaan
laga ansixiyey golaha wasiiradda, kuwaas oo kala ahaa, xadaynta ganacsiga
iyo maal-gelinta shisheeyaha.
Guddidu waxay ku sheegeen qoraalkooda, iyaga oo ka hadlay cashuuraha dalka
in loo baahan yahay in cashuuraha oo dhan dawladdu ururiso, si taa loo
helana waa in maamulka dawliga ahi dalka oo dhan wada gaadhaa, isla
markaana waxay sheegeen inay lagama maar-maan tahay in cashuuraha sharcigu
waajibiyey oo dhan cida ay khusayso laga qaado, waxayna tusaale u soo
qaateen cashuurta loo yaqaano macaash-macaash-ka oo loo baahan yahay marka
ay bixiyaan dadka ay ku waajibtay in kuwa liita wax loogu qabto.
Guddidu iyaga oo ka hadlay dhaqaalaha inaga soo gala dalalka aynu jaarka
nahay iyo sida looga faa’iidaysan karo, waxay tusaale u soo qaateen dalka
Itoobiya, waxayna talo ahaan u soo jeediyeen in labada dal wada gaadhaan
heshiis habaysan, kaas oo wax weyn ka taraya ilaha dhaqaalaha dalkeena ugu
muhiimsan, in si dhakhso ah heshiis loogu dhameeyo, heshiiskaas oo lagu
qeexayo sida aynu kheyraadka labada dal isugu bedelan lahayn, sida qaadka,
kaluunka, milixda iyo waxyaabaha kale ee loo baahan yahay.
Waxa kale oo ay guddidu ka hadleen shaqaalaha ajanabiga ah ee ay hay’aduhu
dalka keenaan, waxayna sheegeen in hay’adaha dalka joogaa keeneen shaqaale
shisheeye, iyada oo ay boqolaal aqoonyahan muwaadiniin ahi dalka ku shaqo
la’yihiin, kuwaas oo dhaqaale lagu qiyaasay 9-milyan oo dollar ka
shaqaysta Somaliland sanad kasta, waxayna talo ahaan u soo jeediyeen in
hay’adaha ay arrintani khusayso iyo wasaaradaha arrimaha dibadda,
qorshaynta iyo laanta socdaalka ee Somaliland-ba ay ka fiirsadaan
gelitaanka dadka shisheeye ee dalkeena soo galaya, taas oo fududaynaysa in
la ogaado dadka ajaanibka ah ee dalka ka shaqeeya.
Guddidu mar ay ka hadlayeen musuq-maasuqa ragaadiyey ilaha dakhliga
dhaqaalaha Somaliland waxay yidhaahdeen “Waxa la rumaysan yahay in
dhaqaalaha yar ee dalka ka soo baxaa, haddii si fiican oo nadiif ah loo
maamulo uu inta badan baahida dalka dabooli karo, waxaase nasiib darro
inagu ah, in musuq-maasuq ha kala badnaadee uu meel kasta inaga galay,
waxaynu la soconaa in musuq-maasuqu meelaha uu dalka ka naafeeyey ay ugu
weyntahay dhinaca ciidamada, gaar ahaan ciidanka milatariga iyo booliska,
oo aynu ka warqabno in ka badan kala badh miisaaniyada dalku ku shaqeeyo
ay ku baxdo ciidamada, taas oo aan ka muuqan ama aan gaadhin ciidamadii
loogu talo-galay, iyada oo in ka badan 20,000 oo askari raashin iyo
mushahar ugu qoranyahay miisaaniyadda dalka, kuwaas oo ay ku baxdo lacag
lagu qiyaasay 140,000 US$, waxaana hubaal ah in haddii loo tiriyo si sugan
aanay jirin tiradaa ciidan ee mushahar iyo raashin-ba ku qorani, sidaa
awgeed waxaanu talo ku soo jeedinaynaa in guddi qaran oo ay guurtidu ka
mid tahay la sameeyo, kuwaas oo tirada ciidanka si dhab ah u sugaya, meel
kasta dalka ha joogeene.
Waxa kale oo aanu soo jeedinaynaa in darajooyinka ciidanka la sameeyo,
taas oo wax ka taraysa tiradooda, waxaananu qabnaa inaan musuq-maasuqa
jira laga adkaan karin haddii aan marka hore la sixin, oo aan laga
bilaabin musuq-maasuqa foosha xun ee ka jira ciidamadeena dhexdooda”.
Guddida dhaqaalaha ee golaha wakiiladu waxa kale oo ay ka hadleen sixir
bararka kor u sii socda ee naafeeyey dadka danyarta ah, waxayna sheegeen
in sixir bararku kor u kiciyo badeecadaha ay dadku u baahan yihiin, taasoo
sababta inaanay dadweynaha badankoodu awoodi karin inay wax iibsadaan,
iyada oo dhaqaalahoodu markii horeba yaraa, waxayna yidhaahdeen “Baanku
inuu wax qabto ayaa loo baahan yahay, si dhab ahna u hawlgalo, si uu u
hakiyo sarif bararka”.
Guddidu waxa kale oo ay ka hadleen lacagaha ay dadka qurba jooga
Somaliland u soo diraan ehelooyinkooda dalka ku sugan, waxaanay
yidhaahdeen “dhamaanteen waxaynu ku nool nahay lacagta adag ee faraha
badan ee dadkeena qurbaha ku nooli ehelkooda u soo diraan, nasiib darro’se
boqolaalka kun ee dollar ee xuduudaha aynu Itoobiya la leenahay ayaa ka
mid ah tan dalka dibadiisa inaga soo gasha”. Waxayna sheegeen in lo
baahanyahay sidii loogu dhiiri-gelin lahaa dadka qurbaha ku nool, inay
kordhiyaan lacagaha ay soo diraan, iyagana tix-gelin gaar ah la siiyo, oo
ay ka mid tahay in laga yareeyo cashuuraha waxyaabaha dhaqaalaha inaga
kabi kara, sida wershadaha iwm.
“Maadaama sharcigii maal-gelinta dalka ansixiyeen golaha wasiiraddu, ku
talo galkuna yahay in si dhakhso ah baarlamaanku u sii daayo, waxa inoo
diyaara fursadii maal-gelinta shisheeye iyo sokeeyaba,” ayey ku soo
gaba-gabeeyeen tala soo jeedintooda.
Dhinaca kale ka hor intii aan golaha laga akhriyin talo soo jeedintan
guddida dhaqaalaha, waxa madasha hadal kooban ka jeediyey mudane C/Salaan
oo ka tirsan mudanayaasha golaha guurtida kaga jira gobolka Sanaag, gaar
ahaan deegaanka Badhan, wuxuuna ka hadlay fara-gelinta maamulka Puntland
iyo ciidankiisu ku hayaan deegaanadaa, isla markaana Mudane C/Salaan wuxuu
tusaale u soo qaatay gaadhi dhawaan lagu af-duubay degmada Dhahar oo laga
leeyahay deegaanka Ceel-Afweyn.
Mudanuhu waxa uu sheegay in gaadhiga uu gacanta ku dhigay C/laahi Cartan
oo ka mid ah odayaasha deegaanka Dhahar, laakiin ay dad ka soo jeeda
deegaankii gaadhiga laga lahaa ay tageen goobtii, taasuna ay keentay inay
ciidan ka tirsan Puntland iyo ciidan ka socday deegaanka gaadhiga laga
leeyahay ku kulmaan goobtaa, iyaga oo hubka isku haysta, wuxuuna u soo
jeediyey odayaasha guurtida oo aqoon u leh odaygan arrinta ku jiray inay
ku taageeraan sidii uu xalin lahaa khilaafkan ka hor inta aanay rabshadu
gaadhin gacan ka hadal.
Mudane C/Salaan isaga oo ka hadlaya fara-gelintaa ciidamada Puntland iyo
maamulkoodu ay ku hayaan gobolada Sool iyo Sanaag bari waxa uu yidhi “Waa
in mudanayaashayada deegaamadaa kaga jira golayaasha ee Qaybe noogu weyn
yahay, aanu is cadayno, waayo haddii aanay taageero ka haysan raggayagan
kumay soo dhiiradeen fara-gelinta deegaamadayada ka tirsan Somaliland”.
Mudanuhu waxa kale oo uu ka hadlay nin uu sheegay inuu ka tirsan yahay
deegaanka uu ka soo jeedo, oo si sharci darro ah ugu xidhan magaalada
Hargeysa, ninkaas oo uu sheegay inuu ka yimid dalka Maraykanka, isla
markaana xadhigiisa lagu sababeeyey arrin hore loo dhameeyey oo ka dhacday
dalka Maraykanka, taas oo u dhaxaysay ninkaa la xidhay iyo nin kale oo ka
soo jeeda deegaanka Boorama, laakiin ay nasiib darro tahay in arrintaa oo
hore u dhamaatay, in mar kale iyada oo la adeegsanayo awoodda maamulka
hatigaad iyo xadhig loogu geysto ninkaa.
Top
Mudanayaasha
Beesha Sool Kaga Jira Baarlamaanka Somaliland Oo Jawaab ka Bixiyey
Fara-Gelinta maamulka C/laahi Yuusuf. |
Mudanayaasha Beesha Sool Kaga Jira Baarlamaanka Somaliland Oo Jawaab ka
Bixiyey Fara-Gelinta maamulka C/laahi Yuusuf.
Hargeysa (Haatuf): Mudanayaasha beesha Sool kaga jira baarlamaanka
Somaliland ayaa cambaareeyey fara-gelinta iyo saamaynta maamulka C/laahi
Yuusuf ku leeyahay deegamadooda, iyada oo uu C/laahi Yuusuf dhawaan ku
dhawaaqay gobol uu ugu yeedhay Cayn oo ay magaalo madax u tahay magaalada
Buuhoodle oo ah degmo ka tirsan gobolka Togdheer.
Mudanayaashani waxay sidaa ku sheegeen qoraal ay shalay soo saareen,
qoraalkaas oo ay ku saxeexan yihiin 20 mudane oo ka kala tirsan guurtida
iyo wakiiladda waxa uu dhignaa sidan:
“Sida laga war-qabo waxa dhawaan Idaacadda BBC-da iyo Internet-kaba laga
sii daayey war uu maamulka Majeerteeniya ku sheegay inay Degmada Buuhoodle
oo ka tirsan gobolka Togdheer ee J. Somaliland tahay gobol ka tirsan
maamulka Majeerteeniya, taas oo ah wax lagu qoslo iyo arrin daan-daansi
ah, waxaananu u aragnaa arrintaa ay baarlamaanka Majeerteeniya ku kaceen
islaantii xaabadda qaadi weyday ee dameerkeedii jarka ka tuurtay.
Haddaba, iyaga oo ka faa’iidaysana nabadgelyo jacaylka Somaliland waxay
qaadeen saddex talaabo oo cadaawad leh, oo ay ugu soo gudbeen gudaha
Somaliland, saddexdaa talaabana waxay kala yihiin: weerarkii madaxweynaha,
ciidamo ay ku soo gureen gudaha Somaliland iyo ugu dambayn gobolka ay Cayn
ula baxeen oo ah inay sheegtaan baarlamaan ku sheegoodu dhul ka mid ah
Somaliland. Laakiin waxaanu u sheegaynaa maamulka Majeerteeniya inay u
diyaar garoobaan, dhabarkana u ritaan wax alaale iyo wixii ka dhaca
falalka argagixisada ah ee ay ka wadaan gudaha Somaliland.
Ugu dambayn waxaanu beesha caalamka, midawga Afrika, Jaamacadda Carabta,
midawga Yurub iyo dhamaan cidii kale ee danaynaysa geeska Afrika u
sheegaynaa in arrimahaas wixii ka dhaca ay masuuliyadooda leeyihiin
maamulka Majeerteeniya, iyaga oo caadaystay inay nabadda iyo horumarka
Somaliland khal-khal geliyaan.
Somaliland waa dal, dhul iyo dadka, caalamkuna uu ogyahay xadkeeda dhuleed,
badeed iyo hawadeedaba, ciddii soo fara-gelisaana way ku guban doontaa.
Waxaanu C/laahi Yuusuf u sheegaynaa inta uu Buuhoodle iyo Caynaba ku
riyoonayo inuu maamulkiisa gaadhsiiyo Badhaxle oo ah xaafad Gaal-kacayo ka
tirsan, waxaananu ugu baaqaynaa xukuumadda, golayaasha, axsaabta siyaasiga
ah iyo dhamaan shacbiga Somaliland inay si deg deg ah heegan u galaan,
jawaab deg deg ah oo gacan ahna ka bixiyaan arrintan, isla markaana haddii
uu C/laahi Yuusuf dhibaatada ka deyn waayo Sool iyo Buuhoodle meel aanu
hadda filayn ayey ka dhici doontaa” ayey hadalkooda ku soo xidheen
mudanayaashani, waxayna magacyadoodu kala yihiin:
Cumar Faarax Budeeye
C/Qaadir Maxamed Xasan
C/Rashiid Sh. C/Laahi
Axmed Xasan Saalax
Cali Cumar Axmed
Cawil C/Laahi Caydiid
Maxamed Warsame Cali
Muuse Ciise Faarax
Cabdi X. Faarax
Cismaan Cali Cabdi
Maxamed Yuusuf Cabdi
Maxamed Jaamac Cabdi
Yaasiin Ismaaciil Cali
Maxamed Axmed Dhakool
Cali Ismaaciil Cali
C/Qaadir Jaamac Cilmi
Cismaan Xuseen Gurxan
C/Waaxid C/Qaadir C/Raxmaan
Maxamed Xirsi Jaamac
Cabdi Warsame Xayir
Top
“Qofka Hanti
Qaranku Leeyahay Iska Qaatay Wax Cashuur Ah Kama Qaadno, Waayo...”
Maayor-Xigeenka Burco oo ka waramay xaaladda Dhulka.
|
Burco (Haatuf): Waxa guud ahaan
magaalooyinka dalka, gaar ahaan kuwa waaweyn sannadihii u dambeeyey
hadheeyey mashaakil dhinaca dhulka ah, kaas oo abuura iska hor-imaadyo
sababa dhimasho iyo dhaawac, dhibaatadaasina waxay ka dhalatay dhul-boob
laxaad leh oo ay caado ka dhigteen shabakado isku xidhan oo ka soo kala
soo jeeda dhinacyo kala duwan oo isugu jira kooxo dadweyne iyo kooxo ka
soo jeeda maamulada dawladda.
Magaalada Burco waxay ka mid ahayd meelaha uu sida weyn u sameeyey murugga
dhul-boobku, taas oo ay marar badan ka dhaceen iska hor-imaadyo ay dad ku
dhinteen, dadna ku dhaawacmeen, isla markaana waxa uu barnaamijka
dhul-boobku galaaftay dhul badan oo dan-guud ah, taas oo ay dad gaar ahi
mulkiyeen, laakiin su’aasha iswaydiinta lihi waxay tahay golaha degaanka
ee dhowaan la doortay wax ma ka bedeleen xaaladda dhulka, mise waxba kama
bedelin.
Ducaale oo dhowaan booqday ayaa ka waramaya sida ay hadda tahay xaaladda
dhulka ee Burco, wuxuuna noo diyaariyey warbixin arintaa ku saabsan.
“Marka la eego ilaa tobankii sannadood ee u dambeeyey marar badan oo aan
booqday magaalada Burco inta aanay ishaydu wax kale qaban waxa ugu horeeya
ee ay ishaydu ku dhici jirtay waxa uu ahaa dhacdo murugo leh oo dhinaca
dhulka ah, taas oo ugu yaraan ah iska hor-imaad laba kooxood oo qoryo isu
lalanaysanaya ama ay wax iskaga dhinteen, ama hadii kale waxa koone walba
kaaga soo bixi jiray sawaxan iyo buuq kulul oo la xidhiidha muran dhul,
laakiin socdaal ilaa qaatay muddo saddex toddobaad ka badan oo aan
magaaladaa ku joogay bishii ina dhaaftay waxaad moodaysay inay xaaladda
dhulku ka duwan tahay sidii aan xiliyada qaar ku arki jiray, waayo mudada
intaa le’eg weli ishaydu ma qaban iska hor-imaad ama muusanow ba’an oo ka
soo yeedhaya dhinaca dhulka, taasina waxay iigu muuqatay inay ammuurta
dhulku hadda yara jimcoon tahay, laakiin taa macneheedu ma aha inay
mushkiladdu suushay, waxayse iswaydiintu suurad caynkee ah ayey leedahay
xaaladda dhulka Burco?
Maayarka magaalada Burco, Maxamed Diiriye Xayd oo aan markaa la yeeshay
waraysi la xidhiidha xaaladaha maamul ee magaaladiisa ayaa ku faanay inay
ilaa xad damiyeen qalalaasihii dhinaca dhulka ee magaalada ka oognaan
jiray, isla markaana ay xakameeyeen dhibaatadii dhul-boobka ee xaamiga
ahaan jirtay. Laakiin maayar-xigeenka Burco, C/risaaq Maxamed Toor, ayaan
tafaasiil dheeraad ah ka waydiiyey dhulka arimihiisa, taas oo aan
waydiiyey sida ay hadda tahay xaaladda dhulku tahay iyo sida ay wax uga
qabteen, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay “Horta mushkiladda dhulku way
yaraatay, haddana ma jirto wax dhibaato ah oo taagan”, laakiin maayar
xigeenka mar aan weydiiyey sida ay mushkiladda dhulka u yareeyeen wuxu ku
jawaabay “Waxaan odhan karaa saddex arrimood ayaa ugu wacan inay
mushkiladda dhulku yaraato, kuwaas oo aanu saldhig uga dhignay yaraynteeda,
ta koowaad waxay tahay inaanay mushkiladu xagga xafiisyadayada ka tagin,
ta labaad inaanu toosino oo aanu qorshe ay ku shaqeeyaan u samayno cida
hawsha dhulka gacanta ku haysa ee shaqaalaha dawladda hoose, ta saddexaad
waxaanu meesha ka saarnay fara-farayntii iyo bixinta dhulka danta guud,
dabadeedna markii ay saddexdaa arrimood meesha ka baxeen, waxa soo hadhay
shaqadii caadiga ahayd ee dhulka, taasna qorshe ayaanu u samaynay,
qorshahaas oo laba weji ah, ka horena waa in cid anaga naga mid ahi ay
istaagto meesha uu qofku sheeganayo oo aanu xaqiijino, iyo ta labaad oo
ah, inay mulkiyaddu ku baxdo ama lagu siiyo damaanad, si haddii uu dambi u
dhaco uu dambigu u yeesho cid loo raaco”.
Maayar xigeenka isaga oo ka jawaabaya su’aal ahayd “Ma waxaad
aaminsantahay ama aad leedahay waanu ka guulaysanay mushkiladdii dhulka”
waxa uu ku jawaabay “Waxaan odhan karaa qayb ahaan haa, waayo mar haddii
ay arrintu maanta ku kooban tahay in dhulka danta guudna faraha laga qaado,
qofka iyo dhulkiisana aanu isla hubino, waxaan odhan karaa waanu ka
guulaysanay qayb ahaan, laakiin haddana dhibaato la waayi maayo, oo inta
aadame nool yahay way sii jiraysaa, sida mid mid kale meeshiisa ku qabsada,
laba isku durka, mid dilaal doonaya iyo wixii la mid ah”.
Sidoo kale maayar xigeenku isaga oo ka jawaabay su’aal ahayd “Meelaha la
isku haysto sidee baad uga gar-naqdaan” wuxuu ku jawaabay “Waxaanu
samaynaa laba qodob, ta hore labada qof ee meesha isku haysta ayaanu u
yeedhnaa, oo aanu mid walba weydiinaa sharcigiisa, markaa haddii uu mid
gar-darro indho la’aan ah ku socdo waanu ka qabanaa, balse haddii ay
noqoto muran aanu dhinacna haysan marag cad iyo waraaqo cadayna waxaanu u
gudbinaa maxkamadaha”.
Marka laga yimaado dhulka lagu muransanyahay ama meelaha banaan ee ay cidi
sheeganayso, waxa kale oo jira dhul dan guud ah oo mar hore la qaatay,
lagana dhistay daaro cad cad, sidoo kale waxa jira guryo ay dawladdu
lahayd oo inta la dhalan rogay ay cid gaar ahi iska qaadatay, sidaa
darteed maayar xigeenka waxan weydiiyey su’aal ah “Dhulka danta guud ee
hore loo qaatay lana dhistay, waa maxay istiraatiijiyada idiinka meel taal?”,
wuxuuna ku jawaabay “Taasi laba nooc weeye, ta hore waa qof u badheedhay
inuu qaato hanti qaranku leeyahay, oo ay cidi waraaqo u siisay danta ay
doonto ha ka lahaatee, midna waxa weeye qof si sharci darro ah u qaatay
dhul banaan oo dan guud ah, sidaa awgeed qofka dhul dan guud ah si sharci
darro ah u qaatay, arrintiisa talo iyo dib u eegis ayaanu ka samaynaynaa,
waayo wixii badbaadi karaya inaanu badbaadino xil baa naga saaran, ta
labaad ninka meel dan guud ah ee dhistay, sida Iskuul, ceel, guri
dawladeed iwm, arrintiisu waa taagan, ilaa talaabo kama dambays ah oo
qaran loo helayo, anaguna meel dan guud ah ama guri dawladeed oo sharci
darro lagu qaatay ama lagu dhistay, wax cashuur ah kama qaadno, waayo uma
aqoonsanin hanti uu qof leeyahay, ee waxaanu u aragnaa hanti umadeed oo si
aan xalaal ahayn qof u qaatay, marna ma dhacayso inuu qofku iska qaato
hanti umadu leedahay cidii doontaaba waraaqo ha u samaysee”.
Top
“Qaybe Mawqif
Cad Ha Iska Taago Faragelinta Maamulka C/Laahi Yuusuf,” Faysal Cali
Waraabe. |
Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha xisbiga UCID
Faysal Cali Waraabe ayaa gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Mudane
Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) ugu baaqay inuu mawqif cad iska taago,
fara-gelinta maamulka C/laahi Yuusuf ee deegaamada beesha Sool, isla
markaana uu ka hawlgalo sidii uu uga hortegi lahaa dhibaato arrintaa ka
timaada.
Gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaa ku sheegay qoraal
kooban oo uu xalay fiidkii na soo gaadhsiiyey, wuxuuna Faysal hadalkiisa
ku bilaabay:
“Ilaa iyo intii uu mudane Qaybe noqday gudoomiyaha golaha wakiilada
Somaliland waxa soo noqnoqanayey faragelin uu maamulka C/laahi Yuusuf ku
hayo degaamada beesha Sool, iyadoo ay mar walba gacan siinayaan dad ka soo
jeeda beeshaa. Laakiin waxa la yaab leh, iyadoo uu jagada ugu saraysa ee
baarlamaanka Somaliland hayo nin u dhashay beesha Sool oo ah Axmed Maxamed
Aadan (Qaybe) inaanu mar qudha difaacin xuquuqda dalka uu metelayo, iyadoo
ay markii horena fartu ku godnayd mawqifkiisa Somaliland, markaa
aamuskiisu wuxuu dhaliyey shaki weyn.
Sidaa awgeed haddii aanu xisbiga UCID nahay waxaanu ku boorinaynaa ama ugu
baaqaynaa gudoomiyaha wakiiladda inuu arrintan mawqif cad iska taago, kana
hawlgalo sidii aanu deegaamadaa maamulka C/laahi Yuusuf u qasin
nabadgelyadiisa, isla markaana aanu dagaal sokeeye ugu hor-seedin”.
Top
Kumuu Ahaa
Faarax Oomaar, Qore: Maxamed Jaamac Cali (Faroole), Q: 2aad. |
Waxa mudan in la tilmaamo shirqool caan
noqday oo ahaa qoraal been abuur ah oo ay sameeyeen karaanigii xafiiska
Faarax Oomaar iyo rag kale oo ka mid ahaa madaxdii Soomaalida ee ciidamada
Ingiriska la shaqaynaysay sannadkii 1911. Nimankaasi waxay qoreen waraaq
ay ka dhigeen inay ku socoto Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo xilligaas
dagaal kulul kula jiray gumeysigii Ingriiska. Waraaqdan oo wadatay
shaabaddii iyo saxeexii Faarax Oomaar, waxa loo dhiibay askari Somali ah
oo kooxda shirqoolka waday ay sii qorsheeyeen jidka uu marayo iyo xilliga
uu baxayo. Ka dib waxa la sii dhigay ciidamo jid-gooyo ah tuulada la
yidhaaho Ina Af-madoobe, halkaasoo lagu qabtay askarigii iyo warqaddii uu
sidayba. Markii warqaddii loo geeyey DCgii xukumayay magaalada Burco, waxa
uu isla markiiba shaqadii ciidamada dawladda Ingriiska laga eryeyey Faarax
Oomaar oo markaa derejo sare oo ciidan lahaa. In kasta oo Faarax laga
eryay shaqadii haddana ma noqon mid ka joojisa halgankii uu kula jiray
gummaystaha, wuxuuna fagaarayaasha kala hadli jirey dadka, isagoo ka
dhaadhicinaya waxyeelada Ingiriiska iyo xukunkiisa, fartana ugu fiiqaya
isku dirka iyo iska horkeenka qabaa’ilka Soomaalida (Divide and Rule),
taasoo ahayd tiir dhexaadkii siyaasaddii gumeysigii Ingiriiska.
Inkastoo garaadka siyaasiga ee dadku uu hooseeyey oo aanu Faarax ka helin
gacan fiican, haddana waxaa u suurto gashay inuu sii wato halgankii uu ku
jirey. Isagoo isticmaalaya hal-ku -dhigyadiisii ay ka mid ahaayeen:
INGIRISKU WAXA UU XUQUUQDA BINU-AADAMKA KAGA YIMAADDAA XAFIISKA LA
YIDHAAHDO COLONIAL OFFICE EE LONDON KU YAAL.
Faarax Oomaar markii uu muddo joogay dalka oo uu intaa waday baraarujin
iyo hoga tusaaleyn ayaa waxa uu ka helay deeq waxbarasho (Scholarship)
jaamacad ku taalla India oo la yidhaaho Aligar University halkaas oo uu ku
bartay cilmiga shuruucda (law).
Barashadii cilmiga qaanuunku waxay u noqotay Faarax Oomar furihii ugu
weynaa ee uu u furay jidkii uu u mari lahaa halgankiisa gobonimo-doonka ah
ee siyaasiga ah, waxayna u noqotay hub uu kula dagaalamo gumaysigii
Ingiriska ee haystay dalka.
Intii uu Hindiya waxbarashada u joogay, ayaa waxa uu Faarax la kulmay
macallimiin waaweyn oo jaamacaddiisa wax ka dhigi jirtey, kuwaas oo uu ka
dhegeystay casharro ka hadlayey dhibaatooyinkii gumaystuhu ku hayey
dadyowgii ku noolaa Afrika, Aasiya iyo Laatiin Ameerika ee la gumaysan
jiray. Waxaa kale oo xilligaa uu India joogay u suurto gashay in uu la
kulmo dhaqdhaqaaqii gobonimo-doonka ee Hindiya oo ay hogaaminayeen
Mahatama Gandi, Juwahaaralal Nehru iyo Maxamad Cali Jinaax. Waxa Faarax
Oomaar uu saaxiibtinimo dhow la samaystay geesigii weynaa ee Mahatama
Gaandi oo markaa waday halgankiisii lagu yaqaanany gacan- ka-hadal
la’aanta (non-violent). Fikraddaas oo uu Faarax Oomaar aad ugu bogay ayaa
sal u noqotay halgankiisii. Wuxuu kaloo uu xidhiidh la yeeshay raggii la
odhan jiray (rijaalul nahda) ee hogaaminayey halganadii gobonimo doonka
ahaa ee ka socday dalalka carabta. Ragga uu xidhiidhka la samysatay waxa
ka mid ahaa:
1. Jamaludiin Afgaani
2. Maxamed Cabdalla
3 . Mustafa Kamaal
4. Shakib Aslaam
5. Sacad Saqluul
6. Iyo Maasiini
Kuwaas oo dhamaantood uu ka soo dab qaatay una suurto geliyey inuu
halgankiisii dhidibada u sii adkeeyo.
SOO NOQOSHADII FAARAX OOMAAR EE DALKA.
Markii uu waxbarshadiisa jamacadeed soo dhamaystay ayuu Faarax Oomar
dalkiisii hooyo dib ugu soo laabtay. Madaxdii Ingiriiska ee Somaliland
kumay farxin imaatinkii Faarax, waxayna u arkeen inuu shidayo dab ka daran
kii Ina Cabdule Xasan. Sidii la filiyey waxa uu Faarax markiiba bilaabay
halgan siyaasadeed oo ba’an isagoo isticmaalaya aqoontii sharciga ee uu
soo bartay. Nimankii maamulayaasha ahaa markii ay arkeen tabaha cusub ee
uu wato ayey go’aan ku gaadheen inaan Oomaar la fogeyn ee uu ka shaqeeyo
xafiiska DC-ga ee Burco. Faarax oo fahmay shirqoolkaa aamusiinta ah ayaa
doorbiday inuu ka shaqeeyo xafiiska dacwadaha si uu ula socdo
xadgudubayada dadkiisa lagu hayo. Hase yeeshee markii uu u adkaysan waayay
cadaadintii madaxda Ingiriiska ku hayeen, ayuu xafiiskii dacwadahana uga
tagay.
Faarax wuxuuna doortay inuu ku shaqaysto xirfadii uu soo bartay wuxuuna
furtay xafiis qareen isagoo difaacaya dadka gumaystuhu u arkayay inay
danihiisa ka soo horjeedaan kuwaasoo lagu soo oogi jiray dacwado dulmi ah.
Faarax shaqadaas ayuu ku soo jiitay dadkii xaqa jeclaa ee la socday
dulmiga iyo yasidda lagula kaco. Shaqadaasi waxay kaloo uu suurto gelisay
in Faarax Oomar uu ku biiro Ururka Qareenada ee Ingriiska (British Lawers
Association) maadaama ay Somaliland ka tirsanayd maxmiyadihii Ingriisku
dunida ku lahaa.
Dawladdii Ingirisku markii ay ogaatay in Faarax dhaqdhaqaaqiisii
gobonimo-doonka ujeedooyinkii uu ka lahaa uu shaaca ka qaaday oo uu
halgankiisii ka dhigay mid aanu la gaban, ayay kordhiyeen cadaadintii
isaga iyo tageerayaashiisa lagu hayay. Madaxdii Ingriisku waxay isku
dayeen inay iska hor keenaan Faarax iyo dadwaynihii, iyagoo u sameeyay 35
Caaqil oo dawladda mushahar ka qaata shaqadooduna ay ahayd inay Faarax
dadka ku soo jeediyaan. Ilaa xad arrintaasi waa u suuro gashay odayaashii
madaama aqoonta dadweynuhu xiligaas aad u hoosaysay. Taasi ku kelliftay in
Faarax Oomaar uu iskii dalka dibadda mar kale uga baxo. Laakiin dibed
baaxaas wuxuu Farax u adeegsaday inuu qadiyadda Somalida ka dhigo mid
caalami ah.
Safarkaas Faarax wuxuu ku tegey Cadan, wuxuuna ka qayb qaatay asaaskii
ururkii la odhan jiray (Somali Islamic Association), oo la asaasay
sanadkii 1926dii, kaasoo ahaa ururkii ugu horreeyey ee laga sameeyo dalka
dibaddiisa, waxaana kula jiray rag ay ka mid ahaayeen Ileeye Xaashi iyo
Cabdi Siciid Xuseen oo ay Faarax saaxiib ahaayeen.
Halkaa wuxuu Faarax Oomaar uga sii gudbay Ingriiska. Intii aanu gaadhin
London, waxa imaantikiisa la socday xukuumadda Ingriiska iyo dadwayne fara
badan oo Ingiriis ah oo ogaa inuu imanayo dalkooda halgamaa weyn oo
Somaliland ka socda. Sidoo kale, waxa safarkiisa ka warhayey Ururka Gar-yaqaanada
Ingiriska (British Lawyers Association) oo uu xubin ka ahaa. Ururkaas ayuu
ahaa kii sii faafiyey socdaalka Faarax isaga oo dadwaynaha Ingiriiska usii
sheegay in garyaqaan Soomaaliyeed uu u halgamayo gobonimada dalkiisa
diidana gumaysiga Ingiriiska uu ku soo fool leeyahay London.
Markii Faarax gaadhay London, waxaa soo dhaweeyay dadweyne farabadan oo
Ingiriis ah, lana saftay halgankiisii iyaga oo si cad u sheegay inay ku
garab taaganyihiin halgankiisa gobonimo doonka ahaa. Waxaa isla markiiba
kor u kacay codkiisii iyo sumcaddiisii, wuxuuna qabtay shirar badan oo uu
kaga hadlayo dhibaatada gumaysiga, waxaanu wax ku qoray wargeysyada ka soo
baxa dalka Ingiriska, kuna caddeeyay dhibaatooyinka ka taagan dalkiisa.
Sidoo kale waxa doodo iyo aqoon-iswaydaarsiyo badan la yeeshay aqoonyahano
badan oo Ingiriiska iyo xubno ka tirsan garyaqaanada Ingiriska (British
Lawyers Organization) oo iyagu aad u xiisaynayey inay arkaan Nin madow oo
ka hadlaya gumeysiga oo aan dadka ingriiska ahi badidooda la socon
dhibaatada ay dawldoodu ku hayso dhulyowga ay gumeysato.
Faarax wuxuu ku cambaarayn jiray dawladda Ingiriiska in aanay u dirin
dalalka ay gumaysato dad aqoon u leh sharciga, garsoorka iyo maamulka
midna. Wuxuu ku andacooday oo ku dacwooday in dadka xukumaya Somaliland ay
yihiin dad naxariistii ka guuratay oo aan haba yaratee caruur iyo xaasas
toona lahayn. Waxaana laga yeelay dacwaddiisii ahayd in loo soo diro
Somaliland, mas’uul xaas iyo carruur leh, si uu naxariis iyo jab-jabnaan
ugu yeesho dadwaynaha uu xukumayo.
Intii uu joogay London wuxuu samaystay dad Somaliyeed oo hawsha gudha
Ingriiska ka wada isaga oo u doortay nin la odhan jiray Ismaciil Telefoon
oo reer London ahaa inuu noqdo wakiilkiisa kaas oo uu awood u siiyey inuu
wararkiisa iyo farrimaha uu ka soo diro dalkii uu u gudbiyo Ururkii
Garyaqaanada oo taageersanaa halganka Faarax Oomaar.
Intii uu joogay London ayaa Faarax Oomaar arkay saaxiibkii Mahatma Gaandi
oo dadkiisii wada daba socdaan; Hindidii oo joojisey wax kasta oo England
lagu soo sameeyey ama Ingriiskuba raad ku leeyahay; iyaga oo
muddaharaadaya oo dariiqyada tuban, iyo Soomaalidii oo laba wax isku
raacsani aanay jirin oo kala wada higgoonaysa iskana soo wada horjeeda!
Faarax waxa uu la yaabay isuguna xidhmi waayey labadaas dhacdo, waayo waxa
uu ogsoonaa, kana dheregsanaa in labada quruumoodba la wada gumaysanayey
oo ay eelka wada qabeen; welibana gumaysi keli ahi uu labadaba gacanta ku
hayey.
Yaabka Faarax Oomaar waxa uu ka soo jeedey in qolana (Hindidu) ay loolanto,
gilgilato oo ay kacdo, quruunta kalena (Soomaalidu) ay keenada dhiibato,
gorodda laalaadiso oo ay barkinta dheeraysato! Faarax Oomaar waxa uu
arrintaas wax ka waydiiyey Saaxiibkii Gaandi mar ay wada xidhiidheen,
waxanu Gaandi ugu soo war-celiyey Faarax Oomaar oo waydiiyey in Soomaalidu
ay tahay quruun dhaqan iyo ilbaxnimo u leh qoraalka iyo wax-akhriska iyo
in kale. Faarax waxa uu Mahatma u sheegay in aanay Soomaalidu waxna qorin,
waxna akhriyin. Mr. Gaandi waxa uu Faarax Oomaar kula taliyey oo kusoo
yidhi ‘in uu Soomaalida ka feejignaado, waayo waxa dhaci kartaba buu yidhi
in iyagu (Soomaalida) ay Ingriisku kaaga cadaawad bataan oo isaga (gumaysiga)
kaaga soo horreeyaan kaana raacaan.
Mahatma Gaandi waxa aragtidiisu ku saabsanayd in gadoodyo siyaasadeed lagu
boqno-gooyo, laguna muquuniyo jiritaanka gumaysiga Ingriiska ee arladooda.
Xaaji Faarax Oomaar isaga oo haddaba ka dab qaadanaya aragtidaasi Gaandi,
ayaa waxa uu bilaabay loollan siyaasi ah oo aan hubaysnayn inuu ku muujiyo
in dadka soomaalidu ay xaq u leeyihiin in ay gobanimo gaadhaan.
Faarax Oomarr markii uu muddo ka wadey halgankiisii dalka Ingiriiska
gudihiisa waxyaalo badanna uu ka korodhsaday, ayuu goostay inuu dalkiisii
ku laabto. Waxa uu intii uu ku jiray safarkaa soo laabshada ah uu soo
maray magaalada barakaysan ee Maka, halkaasoo uu ku soo gutey waajibaadka
ballaadhan ee Xajka.
La soco. Top
52 Qof Oo Ku
Dhintay Qarax Ka Dhacay Pakistan |
Islamabad (W.wararka) Qarax ka dhacay dalka
Pakistaan ayaa waxaa ku dhintay ilaa iyo konton iyo labo qof, qaar kalena
waa ay ku dhaawacmeen. waxaa ay ahayd saqdii dhexe markii dhowrka boqol oo
qof oo ku nool Tuulada Gial ay ku tooseen qaraxan aad u weyn.
Waxa markiiba daba socday qaraxyo yaryar oo kale oo tira badan oo dhaliyay
geeri iyo burbur baahsan.
Qaar ka mid ah dadka dhaawaca ah ayaa markii dambe masuuliyiinta u sheegay
in guri weyn oo ku dhex yaala tuulada ay shirkad waddooyinka dhista u
isticmaaleysay bakhaar ay ku keydsato waxyaabaha qarxa.
Waxaa loo maleynayaa in dab uu si kama' ah u qabsaday dhismahaasi kaasi oo
dhaliyay, qaraxaasi weyn.
Dadka dhaawaca ah ayaa sheegaya in qaraxaasi weyni ay daba joogeen qaraxyo
kaloo badan oo yaryar oo iyagu sababay in finiinka iyo firidhka miinada
loo yaqaano Dynamite ee bakhaarkaasi ku keydsanayd ay ku dhaceen guryihii
ku dhowaa halka bakhaarka uu ku yaalo.
Sarkaal sare oo Pakistani ah ayaa sheegay in marka in tan iyo intii la
bilaabay hawlaha gurmadka ah ee laga wado goobta ay arintani ka dhacday,
la helay ilaa iyo 45 meyd kuwa kaloo badanna ay ku aasanyihiin burburka
guryaha hoostooda.
Inta badan dadka geeriyooday ayaa ah dumar iyo caruur. Dhaawaca intiisa
badan ayaa waxaa lagu daaweynayaa Cisbitaal tuulaada Gial ku dhow oo
xaalad degdeg ah lagaga dhawaaqay baaqyo ah in dhiig loo bixiya dadka
dhaawaca ahna la jeediyay.
Inta badan Laamaha Dowladda iyo shirkadaha iyagu ku shaqeeya waxyaabaha
qarxa ayaan fulinin shuruudaha iyo heerarka caalamiga ah ee la xidhiidha
dhowridda in waxyaabahan qarxa ay shilal sababaan.
Balse tani ayaa ahayd shilkii ugu horeeyay tan iyo sanadkii 1988-dii
xiligaasi oo qaraxyo isdabajoog ah oo ka dhacay goobta lagu keydiyo
rasaasta ee Magaalada Rawalpindi ay ku dhinteen in ka badan 150 qof.
Top
Ururka Al-Qaeda
Oo Digniin Cusub U Diray Dawladda Maraykanka |
Al-carabiya- Cajilad maqal ah oo hadal ku
duubanyahay oo ay soo diyaariyeen saraakiisha al-Qaacida oo laga siidaayey
habeenkii xalay Telefishanka Al-carabiya ayaa Mareykanka digniin ku siisey
in haddii ay wax yeelaayaan qof ka mid ah dadka maxaabiista ah ee ku
xidhan Guantanamo Bay loogu aar gudi doono si dhakhso ah.
Cajaladaas uu siidaayey Telefeshanka Al-Arabiya waxa uu sheegey in uu soo
duubey hadalka ku jira Ayman al-Dawahri oo aad loo rumeysan ayahay in uu
Bin Laden u yahay ku-xigeenkiisa sare.
Waxa hadalkaas uu ku sheegey haddii mid ka mid ah maxaabiistaasi lagu
xukumo dil, ay markaas dowladda Mareykanku qiime weyn ku bixin doonaan
falkooda.
Mareykanaku waxa uu saldhigga Guantanamo Bay ku hayaa dad gaadhaya 600 oo
qof oo lagu eedeeyey in ay ka tirsanaayeen al-Qaacida iyo dagaalyahanada
Daleban. Waxa Mareykanku uu bishii ina dhaaftey ee July uu sheegey in
dadkaas qaar ka mid ah la saari doono maxakamado Miletri.
Telefeshanka Al-Arabiya oo saldhigiisu yahay Dubai ma sheegin wakhtiga iyo
sida uu ku helay cajalada.
Qofka hadalkan ku soo duubey cajalada oo la hadlayey Mareykanka ayaa yidhi
"waxa ilaa haatan aad aragtey waa dagaal fudud..dagaalka weyn waa uu kuu
hadhsanyahay". hadalka cajalada ku duuban waxa uu ku baaqay in Mareykanka
laga aar guto, waxaana uu Mareykanaka ku sheegey in uu yahay Saliib cusub,
waxana uu hadalkaasi u hanjabey waddamada iskaashiga la yeesha Mareykanka.
Tani waxa ay ku soo beegantay maalmo ka dib markii uu ka digay weeraro
cusub oo lagu qaado maraykanka xoghayaha arimaha gudaha ee maraykanku oo
sheegay inay suurto gal tahay in weeraro cusub lagu soo qaado Maraykanka
loona baahan yahay in arintaasi laga taxadiro.
Top
Madaxweynaha
Liberia Taylor Oo Ogolaaday Inuu Xukunka Ka Dego |
Manrovia (W.wararka) - Madaxweynaha
Laybeeriya Charles Taylor ayaa sheegey in uu Madaxweyninimada Liberia ka
dagi doono l daqiiqad kadib marka ay ka dhimantahay 11 August oo haatan ay
inaga xigto siddeed maalmood.
Waxa uu Taylor ballaqaadkaas u sameeyey koox Wasiira ah oo ka kala socda
waddamada ay Liberia dereska yihiin. Waxa Wasiiradaasi ay ka filayeen in
uu u xaqiijiyo ballantii uu horey u qaadey, taas oo ahayd in uu waddanka
ka bixi doono saddex maalmood ka dib marka ay ciidamada nabad ilaalintu ay
Liberia soo galaan. Waxaana qorshuhu yahay in qeybta ugu horeysa ee
ciidamada nabad ilaalintu ay Monrovia tagaan Isniinta Maanta ah.
Madaxweyne Taylor hal mar kaliya ayuu afkiisa soo marshey ereyga 'tegis',
taasina waxa ay ahyad markii uu shirka la yeeshey wasiirada uu ka soo
baxay oo uu meel fagaara ah ka hadley, waxaana uu bixista soo hadal qaadey
markii lagu cadaadiyey in uu ku dhawaaqo, sidaas oo ay tahay si toos ah
uma cayimin taariikhda uu bixi doono.
Gargaarayaashiisu waxa ay haatan hoos u sheegayaan in laga yaabo in uuna
Taylor waddanka ka bixin ilaa laga daayo ama laga noqdo dacwadaha ku
xidhiidha dambiyada dagaalka ee ay ku soo oogtey Maxkamada dembiyada
dagalka ee joogta waddanka Sierra Leon. Taasina ma aha wax si fudud u
dhici kara.
Inta uu Madaxweyne Taylor waddanka ku sii jirana, jabahadaha dagaalka ku
haya caasimada, joojin maayaan weerarada ay wadaan, ama ha joogeen ciidamo
nabad ilaalineed ama yaanay joogin, waayo waxyaabaha ay shuruudda uga
dhigeen xabad joojinta ayaa waxa ugu horeeya in uu Taylor waddanka ka baxo.
Top
Sidee Loo Aasay
Meydadkii Wiilashii Sadaan Xuseen Cudey Iyo Qusey |
Tikret (W.wararka) Meydkii Udey, Qusey iyo
wiil yar oo uu dhaley Qusey oo la odhan jirey Mustafa oo dhammaantood lagu
duubey calanka waddanka Ciraaq ayaa lagu wada aasey qabuuraha Awja oo ku
yaal meel ku dhow Tikrit.
Mareykanka ayaa si xoogan u adkeeyey ammaanka aagga aasku ka dhacay,
waxana dadka ka qeybqaatey tiradooda loo ogolaadey in ay noqdaan 150 qof.
Maamulaha Mareykanka ee Ciraaq, Paul Bremer ayaa Sabtidii sheegey in
ninkii soo sheegey halka ay ku jireen Uday iyo Qusay, 12 maalmood ka hor
oo sababey in la dilo, haatan laga rarey waddanka Ciraaq oo la dajiyey
meel ka baxsan Ciraaq. Waxana uu Mr Bremer uu intaas ku darey in uu ku
kalasoon yahay in qof kale uu Saddam soo sheegi doono halka uu jiro oo uu
qaadan doono $25 Malyuun oo doolar.
Laakiin, xoogaha yar ka dib markii aaskii Uday iyo Qusay uu dhamaadey ayaa
saddex askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka lagu dhaawacey qarax
bambaano oo ka dhacay Tikrit.
Jimcihiina, saacado ka hor intii aan la fasaxin aaska meydadkii Uday iyo
Qusey, askari Maraykan ah ayaa ku dhintay, saddex kalena way ku
dhaawacmeen kadib markii gantaal lagu weerarey kolonyo ciidamada
Maraykanka ah oo joogay Waqooyiga Ciraaq.
Top
Hidde-Samida
Dhaqanka Iyo Milgaha Lagu Kala Qiimeeyo Ragga Iyo Dumarka; Waxa Qoray
Cabdi Caara-Dhuub, Waxana Tifaftiray A. Ducaale, Q; 3aad. |
Masalan sifooyinka dhinaca quruxda ee
hablaha lagu tilmaamo marka ay suugaanyahanadu ka hadlayaan waxa ka mid ah
iyadoo gabdha xubnaheeda mid-mid loo qaato, laguna tilmaamo bilic xayawaan
ama geed, sida Indhaha Deerada, Bah-rasaaf ama laaman-lawshe, Sanqaroor
darmaanley IMW.
Tusaale ahaan aragti la xidhiidha tilmaanta quruxda ee gabadha ayaa
bixisay sifadan, taas oo ay rag ku xeel-dheer sifaynta quruxda ee gabdhaha
ay yidhaahdeen “Gabadhu laba haw dheeraato waa qoorta iyo gacmaha, labana
haw gaabnaato waa cidhibta iyo faraha, labana haw yaraato afka iyo dhexda,
labana haw buuraato kubka iyo adhaxda, laba haw cadaato ilkaha iyo indhaha,
laba haw madoobaato cirridka iyo timaha, laba haw dhuub-naato”.
Sifooyinka caynkaas ah oo laga yaabo inaan qaar ka tegay ama sidii ay
ahayd aanan u odhan ayaa loo yaqaan ama lagu tilmaamaa quruxda aan lay
huwin. Laakiin aragti kale oo dhinaca midabka ka hadlay ayaa midabka ugu
wanaagsan ku tilmaanta “Mas-ciideed”. Sidoo kale hawraad kale oo
tilmaamaysa ama sifaynaysa quruxda fardaha iyo gabdhaha ayaa tidhaahda “
Faras waa baroor ugub, dumarna waa bataco laddan”. Laakiin siyaalo kala
duwan ayey suugaanyahanadu u sifeeyeen quruxda, gaar ahaan dhinaca midabka,
masalan nin suugaanyahan ah ayaa yidhi “Nimanyahow inan mandarad joogtay
oo mar iga soo eegtay, maarriin dhalaal bay ahayd midabku waa dhawra’e”.
Sidoo kale hees ka mid ah heesaha ay ku luuqeeyaan fanaaniintu waxa iyana
midhaheeda ka mid ahaa “Midab aan caddaan iyo cawliin ahaynoo, daymada
cajebiyiyo waxad tahay mas-ciideed”.
Midabka madawga la yidhaahdo ayey tragga qaar ku sifeeyeen quruxda,
waxaana suugaanta taa lagu tilmaamay ka mid ah “Madaw sugul ah, maydal
qoor-dheer, muraadkaaga waad heli”. Sidoo kale hees kale ayaa tidhaahda
“Sow bilic hal-dhaaley, barta ay ku nooshahay kuma waaberiisteen”.
Marka la eego tuducan heesta ah ee u dambeeya abwaanku waxa uu gabadha ku
sifeeyay bahalka la yidhaahdo Hal-dhaaga oo uu midabkiisu yahay dhuxuli,
wuxuuna leeyahay baalal taf-dheer oo hareeraha uga dhacsan, laakiin Hal-dhaaga
inkasta uu midabkiisu yahay madaw, hadana midabkiisu waxa uu ka mid yahay
ashyaada quruxda lagu sifeeyo.
Nin kale ayaa isna yidhi “Inan madaw oo xidhan maro saddex-qayd ah”, taas
oo uu muujinaysa inaanu ninka sidaa yidhi gabadh madaw oo xidhan maro ka
mid ah maryihii hiddaha iyo dhaqanka aanu cidna ku doorsanayn. Laakiin
midabadu way badan yihiin, inan-ragna mid-ba midab baa cajebiya, waxaase
midabada ka mid ah: maarriin, Maarriin-dhalaal, Mas-ciideed, Yusur, Casaan,
Casaan-dhiigle, Madaw, Madaw-dhalaal, Qaaje IWM.
Waxa kale oo gabadha lagu amaanaa ama lagu sifeeyaa marka laga hadlayo
quruxda, waxa ka mid ah, dhinaca heemaalka iyo muuqaalka, sida, Dhererka,
Hilibka, jimidhka,Haybadda IWM. Masalan tuduc hees ah oo tilmaamaysa
muuqaalka gabadha ayaa tidhi “Muuq adaa sharaf iyo weliba meel-joog rabbi
kugu mannaystee”, tuduc kale oo hees ah ayaa odhanaya “Ku-hoyo, heego
muuq-dheereey”. “Mar hadaanay dheerayn sidii dhebiga yoocaale”ayuu gabay
ku yidhi Caaradhiuub.
Hees kale oo ka mid ah heesaha dhaqanka ee ciyaaraha ayaa iyana odhanaysa
“Faras waa baroor godan, dumarna bataco laddan”. Laakiin sifada ah
bataco-laddan waxa uu macneheedu yahay gabadh gaaban oo hilib isku jooga
leh, isla markaana dhinaca buurnaanta xigta.
Midabada Fardaha waxa ka mid ah, Caynab (Madaw), Qaaje (Cadaan), Xamar (Casaan)
iyo Baroor (Dameeri ama Bool).
Suugaanta dhaqanku aad bay uga hadashaa ama u kool-koolisaa gabadha min
maalinta ay dhalato ilaa marxaladaha kala dambeeya ee koritaankeeda.
Masalan maalinta ay dhalato ee dhabta hooyadeed lagu qabto ilaa maalinta
ay Awr-saar noqoto dhaqanku faallooyin badan ayuu ka bixiyey ama aad buu u
qaadaadhigay, waayo dhaqankeenu waa hodan dhagax walba dhanka kale u rogay
oo sifo ka bixiyey, sidaa awgeed marka inanta iyadoo dhabta saarran loo
heesayo waxa loo tiriyaa heeso kala duwan, laakiin tuduc kastaaba waxa uu
ku fadhiyaa xikmad la xidhiidha dhinaca nolosha qiimaha gabadha, masalan
gabadha dhabta hooyadeed ku jiifta waxa jirta hees loo tiriyo oo loogu
sheegayo inaanay dhabta hooyadeed iyo inay gabadhu reerkooda amaanu ku
tahay ee ay tahay hanti u joogta cidda ay u dhaxayso ama guursan doonta,
waxaana heesaha caynkaas ah loo yaqaan maaweelo, bal aynu eegno tuduc ka
mid ah oo odhanaya “Geyaankaaga baa fadhiya’e, go’dooy gaagaabso hadalka”.
Marka la eego marxaladaha koritaanka ee gabadha waxa lagu kala naanaysaa
magacyo kala duwan oo la xidhiidha had-ba inta ay da’deedu le’eg tahay
sida: Marka dhabta lagu hayo, marka ay fadhi-barradka tahay, marka ay
raad-dhaqaajiska tahay, marka ay koron-koriska tahay, marka ay dhoorka
leedahay, marka ay foodleyda tahay, marka ay timo-tidcan tahay, marka ay
gashaantida tahay ama xili-qaadka tahay.
Sida la ogyahay inta u dhexaysa 9 jirka ilaa 14 jirka ayey gabadhu ku
baaluqdaa ama hadii si kale loo yidhaahdo ayt caadada ku heshaa, laakiin
marka ay 14-jirka dhaafto waxa loo bixiyaa naanayso dhinaca da’da la
xidhiidha, sida Sindheer, Abeer, Reer-gal, gabadh isku tumatay, Abeer,
Hablaweyn IWM. Hase yeeshee lexejecladoodu waa inta u dhaxaysa 15—45 jir,
taas oo macneheedu yahay in mudada u dhexaysa 15 jir ilaa 45 jir waa da’da
laga ilmo dhali karo. Laakiin nimanka suugaanyahanada ahi marka ay
doonayaan inay gabadha dhinaca da’da ka amaanaan waxay had iyo goor
xushaan inta u dhexaysa 15, 16 iyo 17 jir, iyadoo mararka qaarkood la
dheeraysiiyo xiliyada kala ah: dayr, dhalaan-ciil IWM. Masalan hadii aynu
soo qaadano tuduc hees ah oo lagu sifaynayo da’da gabadha ee ninku doonayo
inuu la baxo waxay tahay “Waa shan iyo toban jir sheekh wacani dhalayee,
sharka laga xijaabee”.
Sidoo kale “Da’da tii toddobiyo toban gu’ga loogu darayee”.
Marka la eego dhinacyada dhererka, Hilibka, da’da iyo midabka oo uu badho
maarriinku waxay dadka arimaha dhaqanka ku xeel-dheeri ka waddi-waayey wax
walba dhexdhexaad. Laakiin Somalidu waxay tidhaahdaa naagta quruxda si
kasta oo ay calaamad nacas-nimo u leedahay, hadana inan-rag kama tago,
sidoo kale marka la eego caadada Somalida naagtu hadii ay wiilal dhasho
xidid-weyn bay xidhatay oo si hawl-yar looma tuuri karo, waxaana tusaale u
ah hawraarta odhanaysa “Baali wiilal leh iyo Basari dhaban leh midna
lagama tago”… La soco cadadka dambe.
Top
Werwer Aduun
Iyo Wacdaro Jacayl, Sheeko Taxane Ah: Waxa Qoray; Cumar Cali Iidle, Q:
6aad. |
Isagu muu hadal oo wuxuu dareensanyahay
inaanay guul soo gaadhin hase ahaatee wuxuu ka dhur sugayey waxay ugu
jawaabi doonto. “maan filanaynin inan guuldarro noocan oo kale ah kala
kulmi doono saaxiibaday, waa se adduunyo waanay dhacdaa. Waan u tegey
heerka ay kaa joogto iyo kani aad adigu joogtaa waa cir iyo dhul” waxa is
bedelay suuraddiisii dhidid waaweyn ayaa ka soo booday, garaaca wadnihiisu
inta uu xawli u shaqeeyey ayey neefta ka soo burqanaysana calooshiisu
joogsan wayday. Waxaad moodaysay inuu sakaraad galay oo wuu gariirayey
hase yeeshee muu hadal. Saynab hadalkii ayey sii wadatay “ Waxba ha calool
nuglaanin, nin baad tahaye adkayso mar uunbaad ku guulaysan doontaaye.
Aniguba kamaan quusanin, adigana waan kaa daranahay mar labaad ayaan isku
deyeyaaye ii samir.”
Tartiibtartiib ayey xaalladdii Farxaan uga sii daraysay, inta uu dhibiibay
ayuu dhiigiina ka yaraaday, waxa intaasi oo idil uga darnayd marka jawiga
wejigiisa meel la iska dhigo, kani muuqaal ahaan ay dadku ku arkayaan. Waa
ruux wax jecele boqolaalka qof ee soo booqdaaba waxay kula talinayeen inuu
iska illaawo mar haddii aanay iyaduba u soo jeedin, mayse dareensanayn
gufaacada iyo ufada kulul ee inta ay jidhkiisa wada saaqdo karkeedu dusha
uga soo boodayey marka ay hab aanu jecleyn ula talinayaan. Wuxuu
xiisaynayey in lagu taageero sidii uu u soo heli lahaa inantaasi.
Ilhaan cabashooyinka iyo qaylo dhaanta u imanaysay marnaba may beddelin
mawqifkeedii. Iyadoo quus laga joogo oo ay arrimuhu sii cakirmayaan ayey
saynab isku qaadday iyada oo isku deyeysay bal in ay mar uun dul keento si
uu caafimaad u dareemo, hase ahaatee waxay Ilhaan ka diiday qorshe hoos
ahaaneed oo ay Saynab wadatay. Wuxuu ahaa in ay been ku madadaaliso ilaa
iyo inta uu sidani dhaamayo.
Fiidadyowgii oo ay Farxaan labadiisii waalid iyo qaraabadoodiiba la
joogaan ayey Ilhaan iyo Saynab albaabka ka soo wada galeen. Muqeedii
markuu arkayba inta uu soo kacay ayuu kaga hor tegey albaabka, waxaabad
moodaysay inaanu weligiiba tabcaan noqon. Woxoogaa ayey wada fadhiyeen,
yaabka waalidkii iyo ummadii la joogtayba ka fajaceen wuxuu ahaa wiilkani
caafimaadkiisuba ku xidhmay gabadhani. Gooni ayey ula bexeen oo waxay ka
wareysteen sida ay isku barteen iyo waxa dhaliyey inay xaalladiisu
heerkani gaadho. Way u warrantay laakiinse waxay afka ka ilaalinaysay
sababaha ay ku nacayso.
In badan markay ka biyo diiday codsi ay u soo jeediyeen oo ku saabsanaa
inay ogolaato. Waxayse kaga tegeen odhaah ah inay ka soo fikirto
jawaabtana degdeg ugu celiso.
Werwer aad u weyn ayey la tiicday, waa hadal waalid iyo cirrooleyaal cidda
baryeysay, dhinaca kalena asaxaabteedii ay Saynab hormood ka ahayd ayaa ka
dhego barjaysiiyey. Maalmo idil intay ku qaadatay ayey fikir, aamusnaan ku
wareegtay, waxa kale oo intaasina u dheeraa Dugsigii oo ay jartay.
Ugu dambayntii waxay go’aan ku gaadhay inay dib ugu noqoto taladii
saaxiibadeed ee ahayd inay maaweelo uun ku waddo. Farxad ayaa lagu soo
dhoweeyey. Farxaan xaalladiisii si waafiya ayey u caafimaaday mar hadduuba
hantiyey inantii uu u warraaqayey. Waase mid baryo ku timide Ilhaan
niyaddeedu umay soo jeedin. Waxaanay maalin walba ku ducaysaneysay inay
arrintu sidaasi iska beddesho.
La soco. Top
ODHAAHDA
AKRISTAHA: Bahal Ceydhin
Ma Daayo, Nin-Na Caadadii Ma Baajo. |
17-kii Julay waa maalintii xuska ee xeebta
Jasiira lagu xasuuqay 47-ka qof . Maalintaa habeenkeediina waxa uu ahaa
habeen ay cabsiyi ku dheehnayd, waayo waxa la qabqabtay dad badan, hase
yeeshee waxa la dilay 47 qof oo ka mid ah dadkii la qabqabtay.
Raggii habeenkaa gaaf-wareegayey ee farta ku fiiqayey guryihii dadka reer
waqooyiga ahaa ee loo eenaynayey inay taageerayeen S.N.M waxa ka mid ahaa
saraakiil ciidamadii sirdoonka ka tirsanaa oo ay dhalashadoodu ka soo
jeeddo Somaliland, ragaasna waxa ka dhexmuuqday, uguna derejo sareeyey nin
sarkaal ahaa oo mar ahaan jiray taliyaha nabad-sugidda (NSS) gobol ka mid
ah goboladii waqooyi (Somaliland), iyadoo uu gobolkaa xiligii uu joogay
lagu xasuuqay niman badan oo odayaal ah.
Ninkaa sarkaalka ahi waxa kale oo uu ka mid ahaa raggii gadh-wadeenada ka
ahaa calooshood u shaqaystayaashii reer koonfur Afrika ee loo adeegsaday
duqayntii dhinaca cirka ee magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Sidoo kale
sida la sheegay ama xog lagu hayo ninkan sarkaalka ahi waxa uu ka mid ahaa
saraakiishii xiligii dawladdii Afweyne la shaqayn jirtay ururadii
mucaaradka ku ahaa dawladdii Itoobiya ee ERPDF iyo EPLF, kuwaas oo hadda
xukuma Itoobiya iyo Ereteriya. Dabadeedna ninkaa sarkaalka ahi markii uu
xukunkii Afweyne dhacay waxa uu muddo ku noolaa dalka Itoobiya maadaama ay
hadda madax ka yihiin rag garanayaa. Hase yeeshee waxa la sheegey inay
xukuumadda Itoobiya muddo bil ah xidhay, iyadoo ay sababta loo xidhayna
ahayd khadad basaasnimo oo uu dawlad kale u galay ama u wadday dawlad
kale, laakiin markii dambe Itoobiya dalkeeda way ka masaafurisay.
Ninkaas waxa xiliyadan dambe caado u noqotay inuu Somaliland yimaado oo uu
had iyo goor isku soo beego waqtiyada ay dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed dalka
ka aloosan yihiin, sida Aftidii distoorka iyo waqtiyadii dambe ee lagu
mashquulsanaa doorashooyinkii golayaasha degaanka iyo madaxtooyada.
Laakiin hore ayey Somalidu u tidhi “Bahal ceedhin ma daayo, ninna caaddi
ma baajo’e tolow maantana dawladdee ayuu u shaqaynayaa oo uu basaas u
yahay. Laakiin sidoo kale Somalidu waxay ku maahmaahdaa “Shinbir
duul-duulis badani af-libaax buu ku dhacaa”, markaa bal aynu waxa uu
ninkaasi ku dambeeyo.
Maxamed Faarax Maxamed, Hargeysa.
Top
Madaxweyne Sidii Laguugu Lisay, Uma Hambayn. |
Ka dib markii uu madaxweyne Rayaale jagada
madaxweynenimada ama hogaaminta dalka loo dhaariyey mudada shanta
sannadood ee soo socda 1`6-kii May 2003 waxay dadweynuhu isha ku hayeen
inuu qaabka ay yeellan doonto dawladda uu soo dhisi doono, iyadoo ay dadku
u oommanaayeen isbedel , isla markaana madaxweyne Rayaale waxa uu markii
jagada loo dhaariyey ballanqaaday inuu soo dhisi doono dawlad yar oo tayo
leh, ta kale ballanqaadkiisa hore ka sokow waxa uu dhismaha dawladda ku
maqnaa muddo laba bilood ka badan, balse wax laga dhursugaba waxa uu
maalintii dambe ku dhawaaqay gole wasiiro ah oo ka kooban 47 xubnood,
taasina waxay dadweynaha ku noqotay amakaag iyo qaadan-waa, taas oo ah wax
ka culus oo aanu qaadi karin qarankan curdinka ahi, waayo waxa haboonayd
inuu madaxweyne Rayaale soo dhiso dawlad culuskeeda uu dalku xammili karo,
laakiin xukuumadda uu mudane Rayaale soo dhisay waxay inagu tahay xadhig
qaloocan, sidaa darteed waxay iswaydiintu tahay madaxweynuhu ma tiro badan
ayuu u yaqaan dawlad tayo leh, mise dadka uu xukumo ayaan tayada si u wada
aqoon oo ay qaarba si u yaqaaniin, bal ad-ba.
Muhim ma aha inaynu nidhaahno hebel wasiirnimada waa u qalmaa iyo hebel
uma qalmo , waxaase muhim ah in la iswaafajiyo tirada iyo taagta.
Qofkasta oo caqligiisu shaqaynayaa wuu suurayn karaa dawladda uu
madaxweyne Rayaale soo dhisay nooca ay tahay, balse aynu nidhaahno muruqa
laba suule ninba si ku ah, taas oo aanay isu dhigmayn isbedelka loo
baahnaa iyo qiimaynta xukuumadda la soo dhisay, markaa miyeynaan odhan
karin madaxweyne Rayaale sidii loogu lisay, uma hanbayn, taas oo
macneheedu yahay xikmaddii loo doortay, wax kuma salayn, iyadoo dhinaca
kalena ay dalka qaybo dhami maqan tahay iyo biyo la’aanta jirta, taas
awgeed waxaan u arkaan hadii uu madaxweynuhu danaynayo dalka ma eegteen in
gobolo iyo degmooyin dhan ay cid kale ka taliso ee wuu ka jibbo keeni
lahaa, ugu dambayna waxaan hadalkayga ku soo gebagebaynayaa su’aasha ah
dawladda uu madaxweyne Rayaale soo dhisay tiro soo korodhay iyo tayo soo
korodhay waa iyama, taasina waa dood furran.
Maxamed Sagax, Hargeysa.
Top
WAADIGA
CIYAARAHA, Qore: C/Fataax M. Caydiid. |
“Kadib Markii Nalooga Eexday Kooxda \Muqdisho
Ayaanu La Dagaalanay Garsoorayaashii, Markaana 2 Sannadood ayaa,” “Goolkii
iigu Wanaagsanaa Waxa uu Ahaa Gool Aan ku Dhalliyay Laba Lugoodin, Anigoo
Diilinta 18aad saddex Tallaabo dibedda ka Jooga..” Wareysi – Q: 2aad –
Fu’aad C/laahi Ciise (Fu’aad Dhabo) Xidiggii Caanka Ahaa ee Xulkii Gobolka
W/Galbeed Sideetameeyadii.
Hargeysa (Haatuf) – Intii akhrisatay Wargeyska Haatuf, Cadadkiisii shalay,
bogga Waadiga Ciyaaraha, waxa aanu idiinku sii daynay Wareysi dheer oo
aanu la yeelanay mid ka ah xidigihii xulka Gobolka W/Galbeed ee kubadda
Cagta, Fu’aad C/laahi Ciise (Fu’aad Dhabo), qaybtiisii hore, maantana
waxaanu idiin soo gudbinaynaa qayb kale oo ka mid ah wareysigaasi:
S: Intaynaan ka tegin Is-aragaa hore, ma jirtay arrin adiga kuu dheeraad
ahayd oo aad kala kulantay Tartankaa?
J: Waxa jirtay nin aanu walaalo ahayn ciyaartoy ah oo isla wakhtigaa u
ciyaarayay xulkii gobolka Togdheer, Burco, kaas oo aan ka yarahay. Kadib
markii aanu ciyaartii ugu dambaysay isaga hornimid kooxda Burco, waxa
aniga ii dheerayd dareen gooniya oo aanay ciyaartoyda kale ila qabin, kaas
oo ahaa in walaalkay oo iga weyn, isla markaana kaalinta difaaca ka
ciyaarayay, kabtanka kooxdana ahaa oo lambarka 4aad u sitay, anna aan
weerarka baalka midig ka ciyaarayay oo lambarka 7aad aan u sitay, taas oo
keenaysa marka aan ciyaartoyga i haya ee lambarka 3aad aan soo dhaafo uu
isagu iga horimanayay Aniis, runtii ciyaartoyga weerarka ah iyo ka difaaca
ah way kala fudud yihiin, taasina ay keenaysaa in aan dhaafi karo, marna
aanan dhaafi karin oo uu kubadda igala hadhi karo, balse waxa jirtay in
aan ciyaartoyda Togdheer aanay ogeyn inaanu Aniis walaalo nahay oo ay
ciyaartoyda kooxdayda Hargeysa oo keliyi ogaayeen, laakiin walaal, abti,
saaxiib iyo aabo toona ma laha kubaddu, anna waxaan ku dedaalayaa in aan
gool dhaliyo, isna inuu difaaco goolkiisa, markaa waxa dhici karta haddii
aan kubadda la dhaafo oo ay ogaadaan in aanu walaalo nahay in la odhan
karo ukas ayuu u sii daayay, isagoon xataa aan feebar ii galayn oo
ciyaartu naga dhaxayso oo marar badanba I qaaday, haddana meesha shakigu
wuu soo geli karaa.
S: Markaa dareenkaagu siduu noqday, mase dareemaysay inuu ku sii daynayo
oo aanu sidii dhabta ah kaagala hadhayn kubadda?
J: Runtii taasi may dhicin, garoonka intii aanu ku wada jirnayna sida
ciyaartoyda kale u wada ciyaarayeen ayuun baanu u ciyaaraynay. Balse aniga
uun buu i galay dareen ah in shaki meesha iman karo, dabadeed waxay igu
keliftay in aan qaybtii dambe ee ciyaarta aan kaalintaydii bedelo oo aan
Cismaan Waxar oo koonihiisa tago oo aanu isbedelno, taasina waxba kama
bedelin sidii hore oo mar walba walaalkay uun baanu is haynaa, reer
Burcana nama oga, kadib tababarahaygii oo markaa ahaa Daahir Odey, ayaanu
isla gaadhnay in aan ciyaarta ka baxo qaybtii dambe ilaa labaatan
daqiiqadood markii ay socotay, waxaana soo galay oo bedelkaygii noqday nin
la odhan jiray Caydaan oo xulka nagula jiray, sidaas ayaan ciyaarta uga
baxay.
S: Fu’aad, siduu u dhacay is-aragii labaad ee Muqdisho lagu qabtay,
adiguse wax goolal ah ma dhallisay?
J: Haa, waan dhaliyay oo saddex gool ayay ahaayeen goolasha aan dhalliyay.
Ciyaartii ugu horeysay ee is-aragii labaad waxaanu wada ciyaarnay Kismaayo,
waxaanay nagaga badisay 1-0, kadibna Nugaal ayaanu la ciyaarnay oo aanu
5-0 kaga adkaanay, waxaanan shantaa gool ku lahaa laba gool oo aan anigu
dhalliyay, ciyaartii saddexaad oo aanu Jawhar la ciyaarnay oo haddii aanu
badino aanu semifinalka u soo baxaynay, Jawharna barbardhaca ku soo
baxaysay oo ay tirada goolasha naga badnaayeen, ayaa waxay ku dhammaatay
barbardhac 1-1, iyadoo ay nagaga horeysay goolka, balse goolka barbardhaca
aanu la nimid, kaas oo aan anigu dhalliyay, sidaas ayaanu ku hadhnay
annagoo isku dhibco ahayn oo saddex dhibcood aanu lahayn, laakiin dhinaca
goolasha ayay ku gudbeen.
S: Tartankii kaa kuu xigay ee aad ka qayb-gasho kee ayuu ahaa?
J: Tartankaa 1981-kii kadib, aniga fiiso ayaa ii soo baxday, waxaanan
tegay dalka Qatar sannadkii 1982-kii, sidaas ayaanan tartamadii kaas ku
xigay uga qayb-gelin. Laakiin, sannadkii 1985-kii oo aan fasax ku imi
Hargeysa, kadibna guddigii xulka ayaa aragtay in aan weli kubadii
ciyaarayo, waxaanay igu yidhaahdeen noo ciyaar, sidaas ayaanan uga
qayb-qaatay tartankii 1985-kii, is-aragiisii horena waxa lagu qabtay
Hargeysa, laakiin kii hore ee 1981-kii wuu ka duwannaa oo gobollo aan
kuwii hore ka duwan ayaa ku jiray sida Gobolka Awdal. Ciyaartii u
horeysayna waxaanu la ciyaarnay Ceerigaabo oo aan kaga badiya 2-0, tii
labaadna Awdal oo barbardhac ayaanu la noqonay, ciyaartii saddexaad oo
ahayd mid xiiso badan lahayd ayaanu Burco iskaga hornimid, kadibna
ciyaarta oo barbaro maraysay 2-2 ayaa roob da’ay, kaas oo suura-gelin
waayay in ay ciyaartii sii socoto, waxaana la go’aansaday in ciyaar kale
laysku noqdo, taas ayaana lagu heshiiyay oo maalintii dambe ayaanu ciyaar
kale wada ciyaarnay, taas oo aanu ka adkaanay 4-0, kadibna sidaas ayaanu
ugu gudubnay is-aragii labaad oo ay kooxdii Burco oo kaalinta labaad
gashay nagu wehelisay.
S: Markii aad tagteen Muqdisho, Is-aragii dambe halkee ka gaadheen?
J: Markaanu aan tagnay Muqdisho, wareegii hore waxaanu isku group noqonay
Banaadir, Baydhabo iyo Boosaaaso. Ciyaartii hore waxaanu la ciyaarnay.
Baydhabo oo aanu laba gool kaga badinay, tii labaadna Bari oo iyadana aanu
ka badinay, ciyaartii saddexaad oo ahayd tii ugu adkayd ayaanu la
ciyaarnay oo haddii aanu barbardhac la galno soo baxaynay, kooxdii
Banaadirna barbardhac 3-3 ayaanu kula galnay, sidaas ayaanu ugu soo baxnay
semifinalkii oo aanu isku soo beeganay kooxda Kismaayo.
Ciyaartaas oo aad u adkayd, 90-kii daqiiqadood ee ciyaartu waxay ku
dhammaatay barbardhac 0-0, wakhtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray qaybtii
hore sidii ayay ahayd oo wax goolal ah labada kooxood midna ma dhalin,
qaybtii dambe ee wakhtiga dheeraadka ah ayay gool naga dhaliyeen, halkaas
ayaanu ku hadhnay oo aanu kaalinta 3 iyo 4aad ku ciyaarnay.
S: Fu’aad imisa gool ayaad dhalisay intii aad u ciyaaraysay xulka Gobolka
W/Galbeed?
J: Sannadkii 1981-kii waxaan dhaliyay 3-gool, oo aan is-aragii labaad ee
Muqdisho lagu qabtay aan dhaliyay. Balse 1985-kii hal gool uun baan
dhaliyay oo kaalinta aan ka ciyaarayay ayaa ahayd dhexda oo xagga dambe
raacsan oo lambarka 6 ayaa sitay, halka 1981-kii ka ciyaaryay afka hore oo
aan sitay lambar 7. Goolkaas aan 1985-kii dhalliyay oo ahaa runtii mid aad
u qurux badan oo aan isleeyahay weli cid ka dhalisay wakhtigaa ama intii
Hargeysa Stadium dhisnaa ka dhallisay ma jirto.
S: Ciyaartoyda aad ugu jeclayd ee wakhtigaa kula ciyaarayay, kuwee ayay
ahaayeen kuwii ugu cadcaddaa?
J: Runtii may kala dhacayn ciyaartoyda gobolka ku jiray, balse kuwa aan
ciyaartooda ugu jeclaa waxay ahaayeen; C/laahi Daahir (Alla ha u
naxariistee) oo difaaca noo hayay kabtanka kooxdana ahaa, Shakuur oo isagu
1985-kii aan nagu jirin oo arrimo SNM-ta la xidhiidha loo xidhay oo aan
halkiisii ka galay, Maxamed Gahayr, Diridhaba iyo Sacad, kuwaas ayay
ahaayeen kuwii ugu cadcaddaa.
S: Fu’aad, 1985-kii ka dib mar kale ma u ciyaartay gobolka W/Galbeed?
J: Maya, sannadkaa markii aan noqday, waxaan fasaxaygii ku xigay imid
Hargeysa 1987-kii, markaas oo la ii sheegay in ay baxeen oo ay Muqdisho
tageen la ina sugayay, kadibna kamaan daba tegin, sidaas ayaanan uga
hadhay, balse waxaan u ciyaaray kooxdii Degmada Hargeysa.
S: Ma jiraan ciyaaro kale oo aan ahayd kubadda cagta oo aad u safatay
gobolka W/Galbeed?
J: Haa, way jiraan, oo ka sokow kubadda cagta, waxaan ciyaari karayay
kubadda Laliska, Koleyga, haanboosha iyo bootinta sare iyo ta hooseba oo
aan markii aan Qatar joogay ciyaari jiray. Markaa qofka waxa loo ogolaa oo
keliya inuu laba ciyaarood oo kala duwan u safto, waxaana u saftay xulkii
kubadda Laliska. Taas oo aanu is-aragii hore ka gudubnay, waxaanu tagnay
Muqdisho oo wareegii hore aan iyadana ka gudubnay, isla markaana aanu
semifinalkii u soo baxnay oo aanu Muqdisho la ciyaaraynay, balse
siidhi-wadayaashii ayaa naga eexday oo waxaa nalooga eexday kooxdii
Muqdisho oo labadii game ee ciyaartaba ay naga badiyeen, kadibna markii
ciyaartii dhammaatay ayaanu aniga iyo ninkale oo Naasir Dheere la yidhaa
la dagaalanay Siidhi-wadayaashii, kadibna laba sannadood ayaa nalaga
mamnuucay ciyaaraha, sidaa darteed ayaanan ciyaartii kaalinta saddexaad
aanu ku ciyaaraynay kubadda cagta aanan uga qayb-gelin.
La soco qayb kale. Top
|