Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 391 August 6, 2003

Hargeysa: Dabley Hubaysan Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Geysatay; “Waxaan Tacsi U Dirayaa Eheliyadii Marxuumka. Waxaanan Ka Xumahay Wixiid Dhacay, Shacbigana Waxaan..” Madaxweyne Rayaale

Sharciga Kala-Xaddeynta Ganacsiga Somaliland Oo Markii U Horeysay La Dhaqan Gelinayo

Madaxweyne Rayaale Iyo Wefti Uu Horkacayo Oo Maanta U Baqoolaya Itoobiya

Qurba-Joogga Reer Boorama Ee Soo Qul-Qulaya Iyo Dareenkooda?  Faallo, Maxamed Cumar

Ururka ADO Oo Deeq Qaybyey

“Axmed Siilaanyo Waan Garan Karaa Duullaankiisa, Laakiin Garan Maayo Waxa Faysal…” Axmed Maxamed Aadan Qaybe, Gudoomiyaha Golaha Wakiillada

Garaado reer Sool ah oo u dhoofay shirka

“Waa In Maxkamad Nala Geeyo oo Dambi nalagu cadeeyo”

C/qaasin oo baarlamaankiisa ka dal-badday inay Talaabo ka qaadaan Cabdalle Deerow iyo Xasan Abshir

Dawladihii U Horeeyey Ee Afrika Oo Ku Yaboohay Ciidamada Nabad Ilaalinta Soomaaliya

Waxaan Leeyahay Saddex

Waxaa la yaableh

CAAFIMAADKA & DAWOOYINKA: Maxaad ka taqaan cudurka AIDSka (Qaybta Afraad), Maxamed X. Dahir, Guddoomiyaha Ururka Farmasiyada

Weerar Lagu Qaaday Hotel Ku Yaala Indonisia

Britain oo wali laga hadlayo khabiirkii isdilay Dr. Kelly

Liberia oo la geynayo ciidamo dheeraad ah

Nin Soomaali ah oo looga shakiyay argagixisanimo

Furriinka iyo dumarka Malaysia

Werwer aduun iyo wacdaro jacayl, Q: 8-aad

Wafti reer iiraan ah oo booqday Ciraaq.

Maraykanka oo bilaabaya dacwada Guwaantanaamo

Madaxweynihii hore ee sambiya oo la xidhay

Waadiga Ciyaaraha: Kooxda Juventus oo ku guulaysatay Italian Super Cup

Manchester United oo si xarago leh ku soo dhamaysatay safarkii Ciyaareed ee ay Maraykanka Ku Joogtay

Gabadh soomaaliyeed oo ka tirsan xulka gabdhaha kubadda cagta ee Sweden ee da`doodu ka yar tahay 19 ka


Hargeysa: Dabley Hubaysan Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Geysatay; “Waxaan Tacsi U Dirayaa Eheliyadii Marxuumka. Waxaanan Ka Xumahay Wixiid Dhacay, Shacbigana Waxaan..” Madaxweyne Rayaale

Hargeysa (Haatuf): Alla ha u naxariistee Maxamed Cismaan Xadi ayaa geeriyooday, isla markaana waxa dhaawac culusi soo gaadhay Prof: Cismaan Abraar, ka dib markii ay dablay hubaysani rasaas oodda kaga qaaday barqadii shalay, iyada oo uu falkaasi ka dhacay magaalada Hargeysa.

Nimankan waxa lagu laayey xarunta tababarada (VTC) ee jimciyada Sooyaal, waxayna goortaasi ahayd abaaro 10:30 gelinkii hore ee shalay, isla markaana marxuumka geeriyooday iyo ninka dhaawaca ah waxay rasaastu haleeshay iyaga oo saaran baabuur xaajiyad ah oo ay wateen, waxayna xiligaa marayeen barxad ku taal gudaha xayndaabka dhismaha VTC-Sooyaal.

Sida ay sheegeen dad goob joog ninka geeriyooday marxuum Maxamed Cismaan Xadi waxa uu waday baabuurka xaajiyadda ah ee ay saarnaayeen, halka uu ninka la dhaawacay Cismaan Abraar fadhiyey kursiga kale ee shidhka baabuurka, ka dibna waxa la sheegay inuu meesha yimi baabuur kale oo ah nooca loo yaqaan Mark11, kaas oo sida ay sheegeen dadkii goobta joogay ay saarnaayeen afar nin iyo qof dumar ah, waxaase la sheegay inuu nin ka mid ahi dhulka uga soo degay baabuurka, ka dibna uu tacshiirad huwiyey labada nin iyo baabuurka ay wateen, taas oo uu ninkaasi rasaas si toos ah ula beegsaday nimankaa, waxayna taasi sababtay inuu mid ka mid ah labadii nin isla goobtii ku qudh-baxo, halka ka kalena dhaawiciisa loola cararay cusbataalka guud ee magaalada Hargeysa.

Weriyayaal Haatuf ka tirsan oo cabaar ka dib booqday goobta dilku ka dhacay ayaa arkay raadkii dhacdada, sida dhiig daatay iyo baabuurkii ay saarnaayeen nimanka la laayey oo duqeeyey gidaar ka mid ah dhismaha xariunta VTC-Sooyaal.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha iyo shaqaalaha VTC-Sooyaal labada nin ee la dilay waxay waydiiyeen kuraas iyo qalabka kale ee iskuulada, ka dibna iyaga oo gaadhigooda wata ayey ka soo dhaqaaqeen meel xafiis ah oo kaamboolka dhexdiisa ah, iyaga oo u sii socda goob lagu sameeyo qalabka iskuulada iyo guryaha oo isla koomboolka dhexdiisa ah, laakiin markii ay wax aan dhawr talaabo ka badnayn ka dhaqaaqeen dhismaha xafiiska ayey rasaastu haleeshay.

Sida ay sheegeen dadkii goob-joogga ahaa ninka rasaasta wax la dhacay waxa uu lebisnaa shaadh-weyn oo ah tuutaha milateriga iyo surwaal kaaki ah, isla markaana waxa madaxa ugu duubnayd cimaamad, ka dibna markii uu falku dhacay waxa ninkii dilka geystay iyo dableydii kale ee la socotay lagula cararay gaadhigii Mark 2 ee ay wateen, wayna baxsadeen, waxaase goor dambe la qabtay baabuurkii falka lagu geystay iyo darawalkii waday, waxaana baabuurkii lagu hayaa xarunta taraafikada Hargeysa. laakiin ilaa hadda lama qaban gacan ku dhiiglihii dilka gaystay iyo kooxdii kale ee la socotay.

Sida ay sheegeen dadkii goobta joogay nususaace iyo dheeraad ka dib ayey meesha yimaadeen kooxihii ugu horeeyey ee boolisku, xiligaas oo ay dablaydii falka geysatay firxatay, laakiin marka la eego goobta falku ka dhacay ee xarunta VTC-Sooyaal waxay ku taal meel lagu tilmaami karo halbowlaha xafiisyada dawladda, waayo tusaale ahaan waxa dhinaca ku haya xarunta wasaaradda xanaanada xoolaha, sidoo kale waxa dhinaca koonfureed ka soo eegaya wasaaradaha maaliyadda iyo daakhiliga, iyada oo ay dhinaca koonfur galbeedna ka soo eegayaan xarumaha wasaaradaha kaluumaysiga, dalxiiska, awqaafta iyo wasaarada horumrinta reer miyiga, sidoo kale waxa in meel qof looga yeedho u jirtay xarunta madaxtooyada, sidoo kale goobta nimanka lagu dilay waxa dhinaca galbeed uga rogan xarunta ciidanka baadhista dambiyada (CID), iyada oo ay goobahaas oo dhan ku sugnaayeen ciidamo, laakiin si hawl yar ayey u baxsadeen dablaydii falka geysatay, iyaga oo ka baxay albaabka keliya ee ay leedahay xarunta VTC-Sooyaal, isla markaana dadkii goob jooga ahaa ee ka sheekeeyey sidii falku u dhacay waxay nimanka falka geystay ku tilmaameen niman ay kalsooni badani ka muuqatay, marka loo eego goobta ay wax ku dileen iyo qaabkii ay u dhaqmayeen markii ay hawlgalka fulinayeen, waxayna dhacdadaasi dadkii goobta joogay ku noqotay naxdin iyo lama filaan “Wax yar ka hor ayaan ka dhaqaaqay gidaarka wax lagu dilay” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ilaalada xarunta VTC-Sooyaal.

“Naxdin iyo lama filaan ayey nagu noqotay, waxaana nagu dhacay firkanax, waxayna ahayd wax aanaan filayn” sidaana waxa yidhi mid ka mid ah shaqaalaha VTC-Sooyaal.

Wasiirka arrimaha gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan oo aanu xalay caweysinkii la xidhiidhnay, anaga oo weydiinay bal in ilaa hadda gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii iyo dablaydii falka geysatay sheegay inaan weli gacanta lagu dhigin, balse lagu daba jiro.

Ilaa hadda ma cadda sababta ay dablayda falkan geysatay ku xidhiidhisay dilkooda, waxayse warar aan la xaqiijini tibaaxayaan inuu dilkani la xidhiidhay aano hore oo ku saabsan dil loo geystay marxuum la odhan jiray Eng. Axmed Xasan Ardaale oo sannadkii 2001, lagu dilay magaalada Hargeysa, iyadoo uu marxuumka hore dhalasho ahaan ka soo jeeday deegaanka Boorame, halka ay nimanka shalay la laayey-na ka soo jeedaan deegaanka Saylac.

Marxuum Maxamed Cismaan Xadi waxa uu mar ahaa wasiir ku xigeenka waxbarashada ee dawladda Somaliland, isaga oo ka mid ahaa xukuumadii u horeysay ee uu dhisay madaxweynihii hore marxuum Cigaal.

Marxuumka geeriyooday Maxamed Cismaan Xadi waxa lagu aasay magaalada Hargeysa, laakiin ninka dhaawaca ah Prof: Cismaan Abraar oo ay rasaastu ka gashay uurku jirta, ahaana dhaawac halis ah, waxa shalay makhribkii loola cararay dalka Djibouti oo diyaarad loo saaray.

Dhinaca kalena madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa tacsi u diray eheliyadii uu ka dhintay marxuumka geeriyooday, tacsidaas oo uu na soo gaadhsiiyey wasiirka arrimaha gudaha Ismaaciil Aadan, waxa uu madaxweynuhu ku sheegay inuu marxuumka geeriyooday Illaahay uga baryayo inuu jannadii ka waraabiyo, eheliyadiisana samir iyo iimaan ka siiyo, isla markaana waxa uu madaxweyne Rayaale intaa ku daray inuu aad uga xunyahay dilka iyo falka foosha xun ee dhacay, isaga oo sheegay inaan sina looga hadhi doonin cida falkan geysatay ee la soo qaban doono, oo maxkamad la horgeyn doono, sharciga hortiisa lagu ciqaabi doono. Sidoo kale Madaxweyne Rayaale waxa uu sheegay inuu shacbiga ka codsanayo inay ciidamada booliska gacan ka siiyaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dadka geysta falalka waxashnimo ee noocan oo kale ah.

Dilka marxuumka guud ahaan dadweynaha ku dhaqan caasumada Hargeysa aad bay uga xumaadeen, laakiin waxa aad uga xumaaday oo uu si gaara ah u saameeyey hawl-wadeenada iyo ardayda Sooyaal VTC oo u qaadan waayey waxa meesha ka dhacay ee ah dilka waxashnimada ah.

“Marka hore waxaan tacsi u dirayaa eheliyadii uu ka dhintay marxuumka geeriyooday, marxuumka Illaahay janaddii ha ka waraabiyo, dadkiisana samir iyo iimaan ha ka siiyo, marlabaadka waxaan aad uga xumahay inuu dilka waxashnimada ahi ka dhaco xarun waxbarasho iyo wax soo saar oo ujeedadii loo aas-aasay ahayd in dagaalyahankii SNM iyo dhalinyaradii kale ee reer Somaliland hubka lagaga dhigo, laguna baro xirfad ay ku xoogsadaan, iyada oo ay Jimciyada Sooyaal ahayd ururkii horseedka ka ahaa barnaamijka hubka dhigista,” sidaa waxa yidhi Yuusuf Cabdi Gaboobe oo mar ahaa Gudoomiyaha Jimciyadda Sooyaal, imikana ah Gudoomiyaha shirkada Haatuf, isaga oo ka mid ahaa suxufiyiin Haatuf ka tirsan oo booqday goobta dilku ka dhacay.

Top


Sharciga Kala-Xaddeynta Ganacsiga Somaliland Oo Markii U Horeysay La Dhaqan Gelinayo

Hargeysa (Haatuf) – Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay in ay dhawaan dhaqan-gelinayaan xeerka kala-xadeynta Ganacsiga. Sidaa waxa uu ku sheegay Shir-jaraa’id oo uu shalay qabtay xafiiska magaalada Hargeysa.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in xeerkan oo dhawaan golaha wasiiradu ansixiyeen loo gudbin doono, golaha Baarlamaanka si ay u ansixiyaan, laakiin inta ka horeysa lagu sii dhaqmaayo.

Wasiirku isagoo ka hadlaya wakhtiga ay bilaabayaan dhaqangelinta xeerka kala-xadeynta Ganacsiga, waxa uu yidhi: “10-ka bisha August, ayaanu bilaabaynaa, waxaana liisamada laga qaadanayaa Hargeysa iyo Berbera, Burco-na waxaanu ka furi doonaa dhawaan.”

Wasiirku wuxuu intaa raaciyay in aan xeerkani ogolaanayn in ganacsatada badeecadaha soo dejisa iyagu sii tafaariiqeeyaan, laakiin uu xeerku ogolaanayo oo keliya in ganacsigu u qaybsamo ganacsatada wax soo dejisa, waxna dhoofisa oo badeecadaha ay keenaan ku iibinaya dekedda gudaheeda, iyagoo ku wareejinaya Jumladlayaasha, isla markaana ay Jumladlayaashu ka iibin doonaan tafaariiqleyda, laakiin intaa wax u dhexeeya aan la ogolaanayn.

Wasiirku waxa uu intaa raaciyay in ay ku tallo jiraan xukuumad ahaan in wixii ay ganacsatadu ka cabanayaan ee ay xaq u leeyihiin ay xukuumaddu eegi doonto.

Mar la weydiiyay Wasiirka, sida loogu dhaqmayo xeerka aan golayaasha sharci-dejintu ansixinin, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi: “Taasi waa mid caadi ah in la isticmaalo xeerka oo lagu sii dhaqmo ilaa inta la ansixinayo, mana aha wax cusub, isla markaana xeerkani ma aha mid inagu cusub ee wuu jiray wakhtigii Ingiriiska, balse muddo dhexe ayuu meesha ka baxay.”

Wasiirka mar la weydiiyay in wasaaradiisa lagu soo celiyay Dekedaha iyo Haamaha Shidaalka oo hoos iman jiray Wasaaradaas, waxa uu ku jawaabay; “Wasaaraddan markii la ii magacaabay, waxaan ugu imid ganacsigii iyo wershadihii oo mid laysgaga dhigay, horena isugu jiray balse muddo dhexe la kala saaray, markaa weli waxba laguma soo celin.”

Top


Madaxweyne Rayaale Iyo Wefti Uu Horkacayo Oo Maanta U Baqoolaya Itoobiya

Maxaa Laga Ogyahay Safarka Madaxweynaha?

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay u boqoolaan dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku tegi doonaan booqasho dhawr maalmood ah, iyada oo la sheegay inuu madaxweynuhu dhinaca Itoobiya u sii horkici doono wefti culus oo dawladiisa ka tirsan.

Inkasta oo hore loo sii tibaaxay safarka madaxweyne Rayaale ee dalka Itoobiya, laakiin afhayeenka madaxtooyada ayaa weriye Haatuf ka tirsan u xaqiijiyey xalay. Iyada oo ay wararka safarkaa la xidhiidhaa sheegeen inay madaxweynaha safarkiisa ku weheliyaan xayn ka tirsan golihiisa wasiirada, waxaana ka mid ah xubnaha wasiirada ah ee weftiga ka mid noqon doona, wasiirka arrimaha dibadda Edna Aadan, wasiirka baayac-mushtarka Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirka Maaliyada Xuseen Cali Ducaale, wasiirka boosaha iyo is-gaadhsiinta iyo xubno kale. Laakiin ilaa hadda shaaca lagama qaadin ujeedada safarka madaxweynaha ee dalka Itoobiya, sidoo kale ma jiraan warar rasmi ah oo cadeeyey inuu madaxweynuhu madaxda Itoobiya ka codsaday inuu yimaado dalkooda iyo in ay madaxda Itoobiya casuumad u fidisay, laakiin warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxay in safarka madaxweynuhu ka dambeeyey casuumad uu ka helay masuuliyiinta Itoobiya.

Sidoo kale lama oga waxyaalaha ama ajandayaasha ay ka wada hadlayaan weftiga madaxweyne Rayaale iyo masuuliyiinta Itoobiya, waxaase laga yaabaa in waxyaalaha ay kolayba isla soo qaadi doonaan ay ka mid yihiin xidhiidhka ganacsi ee labada dhinac iyo mashaariicda dhinaca wadooyinka isku xidha labada dal, oo uu muddooyinkan dambe hindisahoodu socday. Sidoo kale waxa laga yaabaa inay masuuliyiinta labada dal ka wada hadlaan arrimo ku saabsan shirka kooxaha Soomaaliya uga socda Nairobi iyo waxyaalihii u dambeeyey ee ka soo yeedhay guddiga IGAD ee shirka maamulaya iyo mawqifka ay Somaliland ka taagantahay shirkaa iyo arrimihiisa.

Madaxweyne Rayaale waxa uu safarkiisu ku soo beegmay xili la odhan karo waa xasaasi, marka loo eego dhaq-dhaqaaqa iyo hawlaha ay wadaan dawladaha mandaqadu ee ku waajahan shirka kooxaha Soomaaliya uga socda Kenya, iyada ta kalena ay jiraan duruufo siyaasadeed oo kulaalaya Jamhuuriyada Somaliland.

Top


Qurba-Joogga Reer Boorama Ee Soo Qul-Qulaya Iyo Dareenkooda?  Faallo, Maxamed Cumar

Qurba-joogga reer Boorama ee ku kala nool dalalka Yurub iyo Maraykanka ayaa labadii bilood ee aan soo dhaafnay si aan hore loo arag u yimi dalka.Qurbajoggan reer Boorama ayaa imaatinkoodani waxa uu kusoo beegmay wakhti dad kale oo reer Boorama ah oo deggen dalka Jabuuti iyaguna u yimi dalka si ka duwan wakhtiyadii hore.Imaatinka qurbajoogga reer Boorama ee wakhtigan ayaa dhaqdhaqaaqyo badan kusoo kordhiyey magaalada xag dhisme iyo xag bulshaba.

Dhowrkii toddobaad ee ugu dabeeyey ayaa magaalada waxaa soo gaadhay madax ka tirsan jaaliyadaha reer Boorama ee dalalkaasi ,ganacsato debedeha joogga ,maamulayaasha ururro samafal, iyo diblomasiyiin ha ahaadeen kuwa soomaaliland u ah ama kuwa soomaaliya u ahaan jireyba kuwaasoo dhammaantood tiradoodu gadhayso ilaa lixdameeyo xubnood oo u badan ama ka kala yimi maraykanka iyo yurubta galbeed. Inkastoo imaatinkoodani sidaan soo sheegnay uu dardar galeiyey magaalada hase yeeshee waxa kale oo u dheer ujeeddooyin kale oo qurbajooggan oo qaarkood dalka ka maqnaayeen soddon sano ayaa markii ugu horreysay aad arkaysaa iyagoo booqanaya meelo ka mid ah Boorama oo ay deggenaan jireen wakhtiyo hore ama intii aanay dalkaba ka bixin.

Inkastoo qurbajooggan reer Boorama aanay jeclayn wax u sheegista saxaafadda ,haddana marka aad sheekaysataan waxa aad markaaba dhehan kartaa ujeedada ka dambaysa booqashadoodan soomaaliland ama imatinkoodan Boorama.

Qurba jooggan reer Boorama ayaa waxay nasiib u yeesheen wakhti Madaxweynaha maanta dalka xukumaa kasoo jeedo Gobolkan,sidaa darteedna waxyaalaha ugu muhiimsan ee ay yimaaddeen ayaa la tuhunsanyahay inay la xidhiidho aragtida ay ka qaadan karaan xukunkooda Soomaaliland wixii horumar iyo dibudhac ahba inay arkaan .Xubnahan qaar ayaa waxay ahaayeen raggii sida xoogga leh Xisbiga UDUB debedaha uga ololaynayey markaa bal dadaalkoodii midhaha uu dhalay inay arkaanna meesha kama maqna.

Aqoonyahanada ka mid ah raggan dalka yimi ayaa waxa kale oo ku jira rag iyaguna ka qaybqaatay dhismaha Jaamacadda Cammuud ,sidaa darteedna waxala tuhunsanyahay inay u yimaaddeen si u ay arkaan khilaaf dhinaca maamulka ah oo dhawaanta soo dhexgalay Jaamacadda iyo saamaynta uu khilaafkani ku yeelan karo mustaqbalka Jaamacadda .Kuwa kale ayaa iyaguna u yimi si ay dabagalaan mucaawino ay debedaha ugasoo ururiyeen dadka reer Boorama bal inay mucaawinooyinkaasi gaadheen goobihii loogu talo galay iyo in la garab mariyey.kuwa kale ayaa siday deeqo ay u wadeen qaybaha dadweynaha Boorama ama ururadooda samafalka ah. Kuwa kale ayaa iyaguna u yimi bal in beerihii laga qaatay iyo in kale ,kuwa kale ayaa u yimi si ay u arkaan gabdho ay doonayeen inay guursadaan oo aay internetka uun ka wada xidhiidhi jireen. ,kuwa kalena la tuhunsan yahay inay mansab ka doonayaan maamulka somaaliland ee ku dhow kontomeeyaha wasiir iyo wasiir ku xigeen iyo wasiiru dawlayaal.

Ugu dambayntiina qurbajooggan reer Boorama ee dalka mudada badan ka maqnaa ayaa la kulmay wax ay ku farxaan iyo wax ay ka naxaaanba.Waxay ku farxeen nabadgelyada,caammiraadda iyo nidaamka dawladeed ee shaqaynaya ,ganacsiga xorta ah iyo bilayska sharciga ilaalinaya iyo maxkamadaha.

waxayse ka naxeen shaqo la'aanta haysata dadka dalka,horumar la'aanta tusaalena ay ka dhigteen jidkii jabuuti Boorama weli sidii yahay,khilaafka jaamacadda,sharcidarrada dhulka lagu kala qaadanayo, musuqa iyo laaluushka,wasiirada badan een lagu arag caalamka dal yar oo aqoonsi doonaya,waxa kale oo ay ka naxeen cadaadiska iyo xadhigga lagu hayo saxaafadda xorta ah oo furo u ah dimuqraadiyadda iyo aqoonsigaba.waxayna kasii naxeen dhaliilahaasi iyo dibudhacaasi oo ku dhacaya madaxweyne reer Boorama ah iyo siday ugu wiirsanayaan beelaha kale ee Soomaaliland ee xukunka soo hayn jiray iyo axsaabta mucaaradka ahiba.dareenadaasi iyo kuwa kalevoo ay qarsanayaan qurbajooggani waxay sii wiiqayaayaan rajada ay mar kale qurbajooggan reer Boorama dib ugu soo noqon lahaayeen dalka iyo maalgelin ay ku samayn lahaayeen mustaqbalka.

Top


Ururka ADO Oo Deeq Qaybyey

Cadaadlay (Haatuf) ururka ADO ayaa shalay u qaybiyey deeq qalabka beeraha ah beeralayda ku dhaqan jiida degmada Cadaadlay. Deeqdan oo isugu jirtay 16 mashiinada biyaha ah oo mid kastaa wato 40m,oo toombooyin ah iyo 138 qalabka gacnta ee lagu qodo beeraha oo ay ka midyihiin majarafado, Faralay, iyo yaanbooyin waxa loo qaybiyey 46 ka tirsan beeralayda jiida Cadaadlay.

Waxa kale oo uu uururkaasi ka hirgaliyey deegaankaaasi 10 ceel oo kuwa biyaha ah oo uu ka qoday deegaankaasi.waxa kale oo taa barbarsocday tababaro dhinaca beeraha ah oo uu ururkaasi siiyey qaar ka mid ah beeralayda deegaankaasi.

Munaasabadii qaybinta deeqdan waxa ka hadlay gudoomiyaha ADO Xuseen Ismaaciil isaga oo sheegay inay hay,adoodu sii wadi doonto kaalmooyinkan.

Waxaa iyaguna halkaa ka hadlay Madaxda mashruucan SCEP ee ADO C/laahi Yuusuf Shibin iyo Axmed Cumar Cali iyagoo sheegay inaanay kaalmadu intan ku ekayn ee ay ka haqabtiri doonaan qalabka beeraha deegaankaasi.

Ugu dambayna waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha degmada cadaadlay Axmed cali C/laahi oo u mahadnaqay ururka ADO ee deeqdan soo gaadhsiiyey beeralayda deegaankaasi.

Top


“Axmed Siilaanyo Waan Garan Karaa Duullaankiisa, Laakiin Garan Maayo Waxa Faysal…” Axmed Maxamed Aadan Qaybe, Gudoomiyaha Golaha Wakiillada

Hargeysa (Haatuf) – Gudoomiyaha Golaha Wakiillada, Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), ayaa jawaab ka bixiyay eedaymo muddooyinkan dambe loo soo jeedinayay, kuwaas oo ku waajahnaa mawqifkiisa iyo Siyaasiyan waxa uu aaminsan yahay, iyadoo eedaymahaas qaarkood lagu tilmaamay in aanu caddeyn mawqifkiisa Siyaasadeed, taas oo ka dambaysay kadib markii muddooyinkan dambe gobolka Sool oo uu ka soo jeedo Gudoomiyuhu iyo Sanaag Bari fara-gelin uu ku soo sameeyay Maamuulka Majeerteeniya ee Hogaamiye-kooxeedka C/laahi Yuusuf.

Gudoomiye Qaybe, oo ka jawaabaya hadallada dhawaan ka soo yeedhay Hogaamiye-yaasha xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE, ayaa shalay war-saxafeed uu arrintaa kaga jawaabayo soo saaray, kaas oo u qornaa sidan:

“Waxaan ka xumahay in beryahan dambe hadallo deel-qaaf ahi iga soo gaadhayaan Madaxda xisbiyada mucaaridka ah iyo wargeyska Jamhuuriya oo ay qallin daraa-leeyaan wiilal aan aqoon u lahayn mihnadda Saxaafadda, isla markaana caadeystay in ay been-abuur iyo aflagaado faafiyaan. Hadallada deel-qaafka ah waxa ka mid ah, “Qaybe mawqifkiisa Ha Caddeeyo.”

Inkasta oo ay jirtay waxkhti aan Madaxbannaanida Somaliland ka soo horjeeday oo aan u ololaynayay Soomaali weyn, taasna lawada ogaa, laakiin maalintii la ii doortay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland 25-5-1997-kii ayaan mawqifkayga Golaha hortiisa ka cadeeyay.

Hadalladaa deel-qaafka ah ee isa soo taraya, waxaana u arkaa xasaradeyn iyo xumaan aniga iyo beeshaydaba lagu fogeynayo.

Mudane, Axmed Siilaanyo, waan garan karaa duullaankiisa, isagoo ii tirinaya in aan wiilkiisii curad C/rashiid Ducaale Qambi aan taabtay, laakiin garan maayo waxa Mudane Faysal Cali Waraabe kelifay.

Odayaashaas oo aan qiimo iyo qadarrin u hayo, waxaan u sheegayaa in aanu jirin qof igu dirqiyi karaa in aan ka jawaabo hadallo xasarad iyo xag-xagasho looga dan leeyahay.”

Top


Garaado reer Sool ah oo u dhoofay shirka

Laas-caanood (Haatuf): Wefti garaado ah oo Reer Sool ayaa shalay u duulay shirka kooxaha Somaliya uga socda Kenya, waxayna weftigan garaadada ahi ka dhoofeen magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland, iyadoo ay weftigani markii hore ka baqooleen magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo uu fadhigoodu yahay.

Weftigan waxa hogaaminayey garaad Saleebaan Garaad Maxamed, waxaana ka mid ah Garaad Abshir Saalax iyo Garaad C/laahi Dabagooye, laakiin ilaa hadda inta badan garaadada reer Sool waxa la sheegay inay ku sugan yihiin meelahooda oo aanay u kicitimin shirka Kenya.

Sida ay wararku sheegeen weftigan garaadada ah ee reer Sool waxay casuumad ka heleen shirgudoonka shirka Kenya, sidaana waxa sheegay garaad Saleebaan garaad Maxamed oo u waramay weriye ka tirsan idaacad ka hadasha magaalada la yidhaahdo Gaalkacayo. Laakiin sida ay wararku sheegeen inka badan boqol hogaamiye-dhaqameed ayaa hadda ku sugan madasha uu shirkaasi ka socdo, kuwaas oo la soo hordhigay ajande dhaar ah, laakiin intoodu badani way qaadaceen taa, iyadoo ay qolyaha shirka maamulayaa sheegeen inay keenayaan hogaamiye-dhaqameedyo kale oo ay sheegeen inay ka keenayaan degaamada Somalida ee aanay ilaa hadda madax-dhaqameedyadoodu shirka soo gaadhin.

Top


“Waa In Maxkamad Nala Geeyo oo Dambi nalagu cadeeyo”

Koox dhalinyaro ah oo in ku dhaw 3 bilood ku xidhnaa xabsiga Hargeysa ayey eheliyadoodu na soo gaadhsiiyeen qoraal cabasho oo ay dhalinyaradaas oo ilaa 7-ba xubnood ahi, ay kaga cabanayaan sababta iyo qaabka xadhigooda, wuxuuna qoraalkaasi u dhignaa sidan:

“Waxa xabsiga la noo taxaabay 19-kii May 2003, isla markaana qabashadayadii waxaanu dareenay ama la noola dhaqmay siyaalo ka mid ah sidii ay u dhaqmi jireen saraakiishii taliskii Siyaad Barre, waayo xiligaa marka la doonayo in qof la iska xidho, ama la dilo ama shaqada laga eryo ama hantida laga qaado, waxa loo samayn jiray dambiyo been abuur ah, waxaana lagu samayn jiray hatigaad iyo baadhis fool xun, iyada oo waxyaalaha lagu handidi jiray ama eed looga dhigi jiray kelmado ay ka mid yihiin waa Qudhmis, waa kacaan diid, xabashida ayuu basaas u yahay iwm. Sidaa darteed waqtigana waxay saraakiisha baadhista dambiyada iyo maamulayaasha xukuumadda Somaliland dadka dambi uga dhigaan waxyaalo ay ka mid yihiin waa mucaarad, waa SNM, waa KULMIYE iwm, taasna waxa tusaale u ah, markii nala soo xidhay ayaa sarkaalkii u horeeyey ee naloo keenay isaga oo la hadlaya inan kale wuxuu yidhi “waar adigu UDUB ayaad ahayde maxaa lagugu soo xidhay, ilayn KULMIYE ayaa la doonayee, wiilkiina saacad ka dib markii saldhiga naloo gudbiyey ayaa la sii daayey”.

Sidoo kale Axmed Barkhad oo naga mid ah waxay saraakiisha booliska ee hawgalinta iyo CID-du niman askar ah ku amreen inay dilaan, ka dibna waxa lala dhacay qori dabadii, iyada oo askartii wiilka dilaysay qaarkood ku tiraabeen “KULMIYE waxa ha kuu taro”.

Waxa kale oo jirtay inan kale oo dhalinyaro ah oo nalala soo xidhay, laakiin markii la ogaaday inaanu ka mid ahayn taageerayaasha KULMIYE saddex casho ka dib la sii daayey, iyada oo uu nin wasiir ahi cadeeyey inuu wiilkaasi ka tirsan yahay taageerayaasha UDUB. Hase yeeshee waxa intaas oo dhan dheer oo la yaab leh qaabkii naloo qab-qabtay, waayo subax qudha ayaa iyadoo uu nin waliba nabad u soo toosay oo suuqa iska marayo, qoryo lagu qabtay oo xabsiga loo taxaabay, iyada oo uu nin waliba “maa yadara-xaal” yahay, iyada oo aanu cid walba u cadaynayno inaanay jirin wax dambi ah oo aanu ka galnay ummaddayada iyo dalkayaga midna.

Haddaba marka la eego waxyaalaha aanu soo xusnay waxay daliil u yihiin inaanu u xidhanahay arrin siyaasadeed, waayo xataa marka laga yimaado tusaalayaasha aanu bixinay ee muujinaya inuu xadhigayagu salka ku hayo mawduuc siyaasadeed, waxa daliil ugu filan sharci darrada aanu xidhanahay saddex bilood ku dhawaad, maxaa yeelay haddii dambi naloo hayo, waa la cadayn lahaa ee xadhig bilaa maxkamad ah uma jiifneen jeelka dhexe ee Hargeysa.

Marka taa laga yimaado waxa kale oo iyana firkanax nagu noqotay wixii nala kulmay intii aanu xabsiga ku jirnay, ka dib markii ay nala kulmeen waxyaalo aanaan filayn oo aanu garaysan waynay. Tusaale ahaan markii aanu muddo xidhnayn ayaa naloo muddeeyey in 19-kii July, 2003, nala horgeeyo maxkamad si dacwadayada loo dhegeysto, laakiin taasi ma dhicin, waxaana dib naloogu celiyey xabsiga, iyada oo ay wararka xabsig nagu soo gaadhayaa tibaaxayaan inuu wasiirka daakhiligu ka dambeeyey qorshaha ah in xabsiga nalagu sii adkeeyo, balse anagu ma garanayno sababta naloogu diiday in maxkamad lana horgeeyo ee xabsiga naloogu hayo. Laakiin arrinta kale ee naga fajicisay waxay ahayd markii nalagu yidhi “Waraaqdan Saxeexa inaydaan wax dambe samaynayn”, iyada oo naloo soo diray odayaashayada, oo la yidhi soo damiinta inaanay wax dambe samaynayn, taas oo uu xeer ilaaliyaha guud ee qarankuna na soo weydiistay inaanu sidaa soo saxeexno, waxaana inaanu sidaa yeelno lagu sababaynayey waa la idin sii daynayaa, laakiin anagu taa waxaanu u aragnay in la nagu khasbayo inaanu qirano dambi aanaan lahayn, sidoo kale waxay taasi noogu muuqatay in markii wax dambi ah na loo waayey la doonayo in qoraalka nalaga saxeexo maxkamad nalagu geeyo, oo la yidhaahdo way qabaan dambigii, sidaa darteed hindisaha caynkaas ah nasteex umaanu qaadan ee waxaanu u qaadanay dabin naloo qoolayo, haddii dhinac kale laga eegana in qof aan wax dambi ahi kaga cadaan maxkamad horteed ama macfal lagu gar-qaaday meelna shareeco Islaam iyo xeer bani’aadmi kagama jirto in la yidhaahdo “Saxeex inaanad dambi dambe u noqonayn”, waayo waxa taa ka horeysa “u noqoshadu ha dambaysee horta dambi ma jiraa”.

Sidaa awgeed marka waxyaalahaas oo dhan la isku soo xooriyo waxaanu u aragnaa xadhigayaga mid cadaalad darro ah, isla markaana sababta naloo xidhay ay tahay mid siyaasadeed. Laakiin waxaanu xeer ilaaliyaha guud iyo cida na haysata ka codsanaynaa in si sharciga waafaqsan maxkamad naloo horgeeyo, islamarkaana haddii ay jirto cid dambi noo haysaa ay maxkamada horteeda ka cadayso, haddii kale waa in xorriyadayadii naloo celiyo”.

Magacyada maxaabiista qoraalka soo qortay:

1.Maxamed Axmed Xaashi ((Ina Weere)
2. Cismaan Aw Liqe
3. Maxamed Daahir Warsame
4. Kayse Axmed Cismaan
5. Nuux Axmed Jaamac
6. Axmed Barkhadle
7. Cali Aar

Top


C/qaasin oo baarlamaankiisa ka dal-badday inay Talaabo ka qaadaan Cabdalle Deerow iyo Xasan Abshir

Muqdisho: Hogaamiyaha kooxda Carta, C/qaasin Salaad Xasan ayaa baarlamaankiisa ka dal-badday inay talaabo ka qaadaan Cabdalle Deerow Isaaq oo ah gudoomiyaha baarlamaanka kooxda Carta iyo Xasan Abshir oo ah ra’iisal-wasaaraha maamulkaC/qaasin, wuxuuna C/qaasin baarlamaankiisa u gud-biyey qoraal, laakiin lama qeexin talaabada laga qaadayaa nooca ay noqonayso, waxayse u muuqataa inay odhanayaan xilalkii ay hayeen waanu ka qaadnay.

Ololaha uu C/qaasin ugu jiro inuu xilalka ay maamulkiisa ka hayeen ka qaado Deerow iyo Xasan Abshir waxay ka dambaysay, ka dib markii ay dhowaan si weyn isugu khilaafeen ka qaybgalka shirka Nayroobi oo uu C/qaasin ka baxay, halka ay labada nin ee kalena ku adkaystay inay shirka ka qayb gelayaan, taasina waxay keentay inay si weyn u kala jabaan xubnaha kooxda Carta, taas oo ay qaybina la safatay C/qaasin, qaybina la safatay Deerow iyo Xasan Abshir.

Koox uu hogaaminayo ninka lacagta u qaabilsan maamulka C/qaasin ayaa iyaguna doraad soo gaadhay Muqdisho, kuwaas oo ka soo laabtay dhinaca shirka Kenya, iyaga oo ka mid ah kooxda taageersan C/qaasin ee shirkaa ka soo cadhootay.

Dhinaca kale xubnaha baarlamaanka kooxda Carta ee taageersan C/qaasin ayaa shir uga furmayaa magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay shirkaa kaga hadlayaan dawladda C/qaasin oo waqtigii Jabuuti looga cayimay ka dhamaanayo dhawr maalmood gudahood, taas darteedna ay go’aan ka gaadhayaan sida laga yeelayo mudada dhamaatay, waxaase loo malaynayaa inay odhanayaan muddo kale ayaanu u cusboonaysiinay, taasina ay kooxaha Muqdisho ku hirdamaya khilaaf hor leh sii gelin doonto.

Top


Dawladihii U Horeeyey Ee Afrika Oo Ku Yaboohay Ciidamada Nabad Ilaalinta Soomaaliya

Sida la ogyahay waxa indhowaale la hadal hayey ciidamo nabad ilaalin ah oo la damacsan yahay in la keeno Somaliya, ka dib marka shirka Nayroobi dawlad lagu soo dhiso, iyadoo ay qorshaha caynkaas wadaan dawladaha IGADD iyo midawga Afrika, waxaana dhowaan degaamada gobolada Somaliya socdaal ku maray wefti milateri oo ay soo direen midawga Afrika, kuwaas oo sahamin ku sameeyey meelaha ciidamada la dejinayo, ka dibna dib u laabtay. Laakiin warar cusub oo arinta ciidamadaa la xidhiidha ayaa sheegay in hadda lagu hawlan yahay qorshaha ciidamadaa, waxaana la sheegay inuu hogaamiyaha ciidamadaasi noqon doono nin dalka koonfur Afrika ah, waxayna taasi ka dambaysay wada hadal dhowaan dhexmaray ninka shirka kooxaha Somalida u qaabilsan dawladda Kenya, ahna gudoomiyaha shirka, Mr. Bathwel Kiplagat, iyadoo ay guddiga amaanka ee dalalka midawga Afrika hadda gudoomiye ka tahay dawladda Koonfur Afrika, halka ay dawladda Itoobiyana guddigaa ka tahay gudoomiye-kuxigeen.

Dhinaca kalena waxa la sheegay inay dawladihii ugu horeeyey ku yabooheen ciidamo qayb ka noqon doona ciidamada nabad ilaalinta ee ay dawladaha Afrikaanku hadda qorshaheeda wadaan, waxayna yihiin dawladaha ciidamada ku yaboohay Kenya, K/Afrika iyo Itoobiya, laakiin lama sheegin tirada ciidamada ee ay qolo waliba keenayso iyo goorta ciidamadaa la ururin doono.

Top


Waxaan Leeyahay Saddex

Aniga oo ah nin ku qanacsan inuu yahay muwaadin, waxan doonayaa inaan waxoogaa ka idhaahdo dhawr arrimood oo kala duwan, kuwaas oo kala ah xisbiyada, xukuumadda iyo dadweynaha.

Markaa ugu horeyn waxan jecelahay inaan ka bilaabo dadweynaha, waxaanan leeyahay sidan, walaalayaal had iyo gooraale waxan arkaa iyada oo aynu aad uga hadlayno maxaa wax loo qaban waayey iyo dhaliilo badan oo had iyo jeer loo jeediyo xukuumadda, sidaa awgeed waxan leeyahay balanteenu ma ahayn in aynu doorano ama aynu taageerno cid wax inoo qabata, laakiin waxaan qabaa in aynu dooranay maxaan inooga darayn, xisbiyada waxan leeyahay saaxiibayaal had iyo gooraale waxaan arkaa idinka oo ka hadlaya duruufo dhaqaale iyo arrimo la mida, sidaa awgeed waxan idin leeyahay waydinkii dadka doonanayey’e, dalkii la qabsay, haddii aad wax ka tari lahaydeen, ninkii baanayaw lagu fasax.

Xukuumaddana waxan leeyahay anigu idin dhaliili maayo, sababta oo ah hawshii dawlad Afrikaan qaban jirtay waad haysaan, taas oo ah inay wax iska eegto ama iska ilaaliso dadkeeda, dhaqaalaheeda oo lagu xanto, sidaa awgeed waxan aqoonsaday inaydaan khaldanayn mar hore iyo mar dambe toona.

Cali Ismaaciil Carab (Cali Duul-Duul).

Top


Waxaa la yaableh

waxaan la yaabey maqaalo ku soo baxey bogaga joornaalada oo ah khilaaf dhexyaal golaha deegaanka iyo dowlada dhexe.

waxaa wax la la yaabo ah mudane ku hadlaayey magaca golaha deegaanka oo yidhi waxa ay ahayed in taliyaha boolisku hoos yi maado duqa magaalada waa wax aynaan weligeed maqal aragna isa goo yidhi caasimadaa jira maayaradooda ay hoos yimaadaan taliyaasha boolisku.

saxibkey ( keyse) malaha waxa aanu kala garaneyn gudoomiyaha gobalka iyo mayor waxaana ah qaynuun in golaha deegaanku hoostagaan xukumada waa qeynuun caalamiya inkas oo ladoorto.

hadaba waxaan golaha deegaanka weydiinayaa maxaad umada u qabateen sheekadu maaha waa nala doortay uune, waxaan leeyahey kala garta mar walba in aad xukumad hoostageysaan waayo xukumadu waa dowlad dhexe waxayna xaq uleedahay hadaad ummada u shaqeyn weydaan in ay dadka tidhaahdo gole deegaan dib u soo doorta.

waxaanan leeyahay shacbiga reer hargeysa in ay markale doortaan gole deegaan oo kala garanaya maamulka iyo sharciga waayo kuwani xataa ilaa hada mey fahmin sidey u shaqeyn lahaayeen. iyo cada ka mudanba

Dahir Hussein, Holland

Top


CAAFIMAADKA & DAWOOYINKA: Maxaad ka taqaan cudurka AIDSka (Qaybta Afraad), Maxamed X. Dahir, Guddoomiyaha Ururka Farmasiyada

Waxa jira caadooyin ama falal khatar halis ah ku keeni kara dadka ku kaca, una nuglayn kara inay qaadaan fayraska HIV. Waxana ka mid ah : -

Sinada

Irbadaha iyo siriijyada oo la wada isticmaalo

Haddii aad u galmooto qof qaba cudurrada galmada lagu kala qaado
Waxa iyaguna jira xaalado aanu qofna kantarooli karin oo khatar ah waxaana ka mid ah:

Haddii qof lagu mudo irbad ama siriij aan marka hore la karkarin ama hore qof kale loogu muday

Haddii qof lagu shubo dhiig laga shubay qof kale iyadoon laga baadhin fayraska HIV

Dumarku wax yar bay ragga uga nugul yihiin inay qaadaan fayraska HIV, marka laga eego dhinaca fisiyolojiga, maxaa yeelay xuubka loo yaqaan “Mucous membrane” ee ay galmadu saamaynayso ayaa ka badan kuwa ragga, isla markaana xuubka noocaas ah ee ku dahaadhan xubnaha taranka ee dumarka ayaa si fudud u dildilaaci kara taas oo fududaysa inuu fayrasku ka gudbo, hablaha yaryar baa iyaguna dumarka waaweyn ee da’doodu tahay 18 ilaa 45 uga nugul inay qaadaan fayraska, maxaa yeelay luqunta ilma galeenkooda ayaan weli si buuxda u samaysmin.

Waxaana suurto gal ah inuu cudurkani ku dhaco dumar badan oo ay da’doodu yartahay marka la barbar dhigo ragga, taana waxa u sabab ah iyadoo dumarka ay guursadaan ama u galmoodaan rag ka da’ waaweyni, oo laga yaabo inay dumar kale hore ugu galmoodeen.

Mar keliya oo loo galmoodo qof qaba fayraska HIV ayaa ku filan fiditaanka cudurka, hase yeeshee khatartu waxay sii badanaysaa marka ay dad badan oo kala duwani isu galmoodaan iyo haddii dadkaa qaar ka mid ihi ay qabaan cudurrada galmada lagu kala qaado sida dildilaaca xubnaha taranka.

Dumarka jidhkooda ka ganacsada iyo ragga u tagaaba aad bay ugu nugul yihiin inay qaadaan fayraska HIV, isla markaana si weyn ayay uga qayb qaataan fiditaanka aafada. Dhiigga caadada ee ka yimaadda dumarka, marka ay qabaan aafada HIV, wuu ku jiraa fayrasku waanay fidin karaan, teeda kale dumarku marka ay dhiigga leeyihiin way u nugul yihiin inay qaadaan aafada.

Carruurtu way ku dhalan kartaa cudurka HIV/AIDS haddii ay hooyadood qabto, waxaa kaloo jirta inay hooyadu ilmeheeda u gudbin karto haddii ay naaska jaqsiiso iyadoo cudurka qabta. Waxaa lagu qiyaasay carrurta u dhalata haween qaba cudurka in 20 ilaa 40% ay ku dhashaan fayraska HIV, tiradaa qaar ka mid ah ayaa qaada cudurkka AIDSka sanadka hore gudihiisa waxaana laga yaabaa inay dhintaan iyagoon dhamaysan sanad keliya, haddana waxa jirta inay qaarkood noolaadaan 7 sanado ama in ka badan. Baadhitaanka lagu sameeyo carruurtu marka ay dhashaan natiijo sax ah ma keeni karo ilaa uu cimrigoodu gaadho 18 bilood.

Caanaha naaska ee hooyada cudurka qabta waxa ku jira fayraska HIV, kaasoo u gudbi kara ilmaha haddii la jaqsiiyo, markaa waxaa haboon inaanay hooyada cudurka qabta ilmeheeda jaqsiin oo ay ugu beddesho caano kale. In kastoo ay jirto in caanaha naaska aanay caano kale oo dhigma dhinaca nafaqada carrurta la heli karin, hadana duruufaha sidaas ah ayaa khasab ka dhigaya in ilmaha loo raadiyo caano kale oo halkii kuwa naaska hooyada u gala.

Shay kasta oo maqaarka jeexi kara ama sari kara sida midiyaha ama makiinadaha lagu xiirto waxa dhici karta inuu dhiig ku hadho dushooda, sidaas awgeed haddii ay qof kale maqaarkiisa jeexaan ama saraan waa suurto gal inay aafada HIV u gudbiyaan, markaa waxaa haboon in isticmaalka aaladahaa aan soo sheegnay laga digtoonaado iyagoon si fiican loo karkarin.

La soco.

Top


Weerar Lagu Qaaday Hotel Ku Yaala Indonisia

Jakarta (W.wararka) ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay 150 kalena wey ku dhaawacmeen kadib markii qarax aad u xoog badan uu ka dhacay hotel ku yaala caasimadda Jakarta ee dalka Indonesia.

qaraxan oo la sheegay inuu sababay gaadhi laga soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa , kaa soo ku qarxay bannaanka hore ee hotel-ka Marriot oo Maraykanku ay ku lahaayeen degmo ka tirsan magaaladaasi oo ay ku yaalaann safaaradaha dibedda. Waxaana la sheegay in safaarada Maraykanka ee Indoniisiya ay saacado kahor qaraxan heshay digniin weerarka ku saabsan, iyadoo saraakiisha deegaankaasi ay sheegeen in weerarkan la hubo in uu ahaa mid isbiimayn ah.

Inta badan dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inay xaaladoodu ay halis tahay.

Hotel-ka oo caan ku ahaa in ay ku degaan dadka ajnabiga ah ee dalxiiska iyo booqashada u taga dalkaasi, ayaa burbursan, iyadoo dabaqyada hoose ay baaba'san yihiin.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Indonesia Abdul Jalil, ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid argagixisnimo, Mase jiraan ilaa hadda wax cadaynayay cidii ka dambaysay qaraxan.

Wararku waxaa kale oo ay sheegayaan in ciidamada ammaanka ee dalkaasi ay ku jireen heegan aad u sareeyay iyadoo la xukumayo mid ka mid ah maleeshiyada islaamiga ah ee lagu eedeeyay weerarkii bomb-ka ahaa ee lagu qaadaydegmada Bali oo ay ku dhinteen in ka badan laba boqol oo qof.

Kadib qaraxaasi ayey kulan degdeg ah isugu yimaadeen golaha xukuumada ee dalkaasi waxaanay go’aan ku gaadheen inay qaadaan talaabaayin ad’adag oo ay kula dagaalamayaan argagixisada waxaana sidasi shaaca ka qaaday Wasiirka amaanka gudaha ee Indoniisiya talaabooyinkaasi oo uu sheegay in maanta shaaca laga qaadi doono.

In kasta oo aanay cadayn cida weerarkan ka dambaysay hadana waxa uu ku soobeegmay maalin kadib markii uu ururka alqaacida soo saaray digniin ku waajahan Maraykanka.

Top


Britain oo wali laga hadlayo khabiirkii isdilay Dr. Kelly

London (W.wararka) Khilaafka ka taagan dhimashadii khabiirkii Britain ee hubka Ciraaq, Dr David Kelly, ayaa sii xoogaystay kadib markii uu ka hadlay sarkaal afhayeen u ah ra'iisul wasaaraha Britain Tony Blair.

Sarkaalka oo la yidhaahdo Tom kelly, ayaa wargaysyadu ay ka soo xigteen warar uu khabiirka kala meel dhigayo Walter Mitty, oo ahaa shaqsi caan ku ahaa mala awaalka iyo khiyaaliga.

sida ay wararku sheegeena waxa uu ku dooday in Dr Kelly uu u sheegay isaga in dowladdu ay buunbuunisay halista Ciraaq si ay u xoojiso marmarsiyaha ah in tallaabo military laga qaado Ciraaq, in inkastoo hadaladan uu sarkaalku jeediyay iyadoo uuna ugu talogalin warbaahinta, ayaa hadana sharaxaada noocan ah ee ka soo yeedhay sarkaal ka tirsan xafiiska ra'iisul wasaaraha, waxay dad badan u arkayaan mid farsamo xumo ah iyo gardaro aad u wayn.

Top


Liberia oo la geynayo ciidamo dheeraad ah

Monrovia (W.wararka) Maraakiibta dagaalka ee maraykanka ayaa la sheegay inay soo gaadheen xeebaha dalka Laybeeriya si ay uga qaybqaataan hawlaha nabad ilaalinta ee laga wado dalkaasi.

Dhinaca kale Askar dheeraad ah oo Nigerian ah, ayaa lagu wadaa in ay gaadhaan Liberia, iyagoo baabuur hubaysan u wada ciidamada nabad ilaalinta ee Liberia ka howl bilaabaya.

Taliyaha wata, ayaa sheegay in askartiisu ay u baahan doonaan dhowr maalmood si ay isugu diyaariyaan howlgallo roondo ah oo ku sameeyaan caasimadda Monrovia, waqti xaadirkanna uu saldhigoodu ahaanayo oo kaliya garoonka diyaaradaha.

Weriyayasha ka soo waramaya magaalada Monrovia, ayaa sheegaya in tan iyo markii nabad ilaaliyayaasha ugu horeeyay ay gaadheen caasimadda Liberia, ay dad badan oo reer Liberia ahi isugu soo baxeen wadooyinka, xitaa goobaha uu dagaalku ka socday iyagoo ku faraxsan imaanshaha ciidamada nabad ilaalinta.

Hase yeeshee ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka, ayaa wali rasaas is waydaarsanaya.

Xarunta Qaramada Midoobay ee New York,ayaa waxaa ka bilowday wadahadalo ku saabsan sidii la isugu dubaridi lahaa howlgalka nabad ilaalinta qaramada midoobay oo howsha looga wareego ciidamada ay u badan badan yihiin Nigerian-ku.

Deblomaasiyiintu, waxay leeyihiin ciidamada India, Pakistan, Bangladesh iyo Koonfur Africa, iyo tiro ka mid ah wadamada Africada Galbeed ayaa ilaa hada cadeeyay in ay diyaar u yihiin in ay howshan ka qaybqaataan.

Top


Nin Soomaali ah oo looga shakiyay argagixisanimo

Nin Soomaali ah oo u dhashay dalka Kenya ayaa waxaa uu shan todobaad ku jiray xabsiyo ku kala yaala seddex dal oo kala duwan, ka dib markii si khalad ah loogu maleeyey in uu ka tirsan yahay Ururka Al Qaacida.
Khaliif Cabdi Xuseen oo afartan jira, shaqadiisuna tahay macalin dhiga quraanka ayaa bishii June isaga iyo afar qof ee kale lagu qabqabtay dalka Malawi, ka dibna dalkaas laga qaaday.

Khaliif Abdi Xassan oo u waramay wariyayaasha ka dib markii uu ka soo dhoofay dalka Sudan ayaa waxaa uu sheegay in gurigiisa la soo garaacay isaga labadii arroornimo ee habeenkii bisha June ay aheyd 22ka.

Waxaa uu sheegay in uu maqlay qof leh, 'albaabka fur'. Markii uu weydiiyayna qofka alaabka garaacayay cida uu yahay, waxaa loo sheegay in ay ka socdaan waaxda socdaalka ee dalka Malawi.

Khaliif waxaa uu intaa ku daray in ay soo galeen guriga, ka dibna ay baardhen guriga oo dhan, oo ay qaateen wixii dukuminti ahaa ee guriga u yiil oo ay ku jiraan waraaqo iyo kutub iyo telefankiisii Mobileka.
Mr. Xuseen waxaa uu sheegay in intaa ka dib la xidhay oo boliiska loo dhiibay, hase yeeshee waxaa uu yidhi boliisku iima sharixin sababta ay ii xidhayaan.

Waxaa uu sheegay in ay boliisku u sheegeen in loo heyo sababo la xiriira xagga socdaalka. Laakiise Mr. Xuseen muuna fahmin waxa ay uga jeedeen arrimo socodaal, ka dibna waxaa loo qaaday saldhiga boliiska, halkaas oo uu kula kulmay, sida uu Khaliif sheegey, afartii kale ee isla habeenkaa iyagana la soo xidhay.

Muddo shan todobaad ah, raggan la xidhxidhay qoysaskoodu may helin wax war ah oo la xidhiidha halka ay ragaasi ku sugan yihiin, iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya in raggaasi loo qaaday saldhiga Mareykanka ee ku yaala Gacanka Guantanamo, halkaas oo ay ku xidhan yihiin maxaabiis badan oo looga shaki qabo in ay ka tirsan yihiin ururka Alqaacida.

Kooxaha u ololeeya Xuquuda Aadanaha iyo qareenadii raggaas ayaa qaylo dhaan u jeediyay dowladda iyagoo ka soo horjeeda in raggaasi dalka dibadda looga dhoofiyo. Waxayna dalbadeen dadkaasi in loo sheego halka lagu hayo raggaasi.

Laba todobaad ka hor ayaa dhibaatada haysata Khaliiif Cabdi Xuseen waxaa laga jeediyay baarlamaanka dalka Kenya. Ka dibna dowladda ayaa sheegtay in laga heley raggaasi caasimada Harare ee dalka Zimbabwe.
Khaliif Cabdi Xuseen iyo afartii nin ee kala ayaa dhamaan la sii daayay oo loo sheegay in ay xor u yihiin in ay tagaan dalkoodii.

Mr. Xuseen waxaa uu sheegay in loo sheegay in aan la helin waxyaabo ka markhaati kacaya oo ku saabsan wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya iyaga iyo ururka Alqaacida.

Madaxweynaha Dalka Malaawi, Bakili Muluzi ayaa lagu soo waramayaa in uu raali galin u jeediyay qoysaskii shantan nin ee looga shakiyay in ay xidhiidh la leeyihiin Alqaacida.

Top


Furriinka iyo dumarka Malaysia

Maxkamad ku taala waddanka Malaysia ayaa go'aamisay in nin xaaskiisa ku furay farriin gaaban oo uu uga soo diray taleefoonkiisa uu si xaq ah u furay xaaskiisa.

Sharciga Islaamka ayaa dhigaya in ninku uu xaaskiisa furi karayo oo kiliya marka uu ku dhawaaqo dalaaqda ama inuu furay xaaskiisa.

Balse Malaysia oo tecnoologiyada aad looga jecelyahay ayaa haatan ninku uu xaaksiisu ku furi karayaa fariin gaaban oo qoraal ah oo taleefoonkiisa gacanta ama mobile-ka uu uga soo diro.

Horaantii toddobaadkan ayaa maxkamad Islaami ah oo ku taala aagga Gongbak oo u dhow caasimadda Kuala Lumpur ay ku dhawaaqday in nin uu guurkiisu si xaq ah u soo afjaray ka dib markii uu xaaskiisu u diray, qoraal ah " haddii aad guriga waalidka isakaga iman weydo waad furantahay".

Go'aanka maxkamaddaasi ayaa waxaa ansixiyay la taliyaha dhinaca arimaha diinta ee Raiisal Wasaaraha Malaysia.

Wasiirka Arimaha Haweenka ee dalkaasi Waxaa uu sheegay in fariinka gaaban ee taleefoonka la isugu diro, ay ka mid tahay qaababka badan ee qoraalada ee akhbaaraadka la isugu gudbiyo.

Wasiirka Arimaha haweenka ee Malaysia Shahrizat Cabdul Jaliil ayaan ku farxin go'aanka maxkamaddaasi oo ay ku tilmaantay aflaagaado loo geystay dumarka Malaysia.

Shahrizat oo u ololeysa xuquuqda haweenka ayaa sheegtay in furriinku uu yahay arrin la dhowro oo la sharfo sida guurkaba loo sharfo.

Sanadkan horaantiisii ayaa dowladda Malaysia ay qaadday talaabo ay kaga horjoogsaneyso ragga in ay ishortaagaan dalbashada haweenkooda ay ku dalbanayaan in la furo.
 

Top


Werwer aduun iyo wacdaro jacayl, Q: 8-aad

Ilhaan bartii ayey ku dhacday oo laga qaaday, si toosa ayaa furigoodii loo geeyey Iyada oo ay tamarteedu yarayd ayey masiibo lama filaan ahi ku habsatay. Muraayaddii qalbiga ee ay sida wacan u ilaalin jirtay dheel dheel iyo dhoof ayey inta uu habaas uga buuxsamay ku jabtay.

Weligeed tani oo kale may soo marin oo wuxuu werwerkeeda iyo walaaceeduba gaadhay inay buuro dhinaca woqooyi kaga toosnaa magaallada keligeed galab walba u tagto bal si ay nasasho ugu hesho niyadeedani soo ragaadinaysay wanaagii ka dhexeeyey iyada iyo ruuxii ay u boholyowday. Cidi may ogaan jirin marka ay baxayso iyo xilliga ay soo geleyso toona. Sidii ruux bukaan ku raagay ayey dhabannadu soo bexeen.

Saddex sannadood ayey ku qaadatay intii ay ka soo caafimaadaysay suntii iyo riiqdii dhuuxa iyo lafahaba dhamaysay markii ay illowday ayey go’aan ku gaadhay inaanay nin dambe wax ay ka rumaysato daaye aanay arrimo jacayl laba soo qaadin.

Sannadkii afraad ee dugsiga sare ayaa lagu soo noqday sidaasi ayey isku wada bedeleen xaaladihii dhallinyarada oo ruux waliba wuxuu ku dedaalayey sidii uu imtixaanka ugu guulaysan lahaa, waxaana yaraaday muddadii qosol iyo faakidaysi wakhtiga loogu lumin jiray. Welise labadii inan ee xassan iyo cabdi oo uu Bilisna saddexeeyo ayaan ka hadhin wakhti lumintii noocan oo kale ahayd.

Goor ay casar gaaban tahay ayey saddexdooduba badda xeelligeeda u laydhsi tegeen, siday u socdeen xeelliga ayuu Bilis sheedda ka arkay bilic dumar ah oo qoslaysa, mise waabu u dhawaaday; waa Ilhaan. Indhaha ayuu aad ula raacay oo wuxuu ka hadhay labadiisii saaxiib “aaa! Eesh calaa qosol, quruxdeedu badanaa maba arag tani oo kale, allow yaa afadayda ka dhiga mid la dhaafo maahee” ayuu ku hadaaqayey.

Xassan oo la yaabay ayaa yidhi “waar Bilis miyaad waalatay?” Waabu maqan yahay oo isagaa isla hadlaya. Hareeraha inta ay eegeen ayey raadinayeen waxani ay niyaddiisu ku maqan tahay, yaabkoodee waxay indhaha qac ku siiyeen Ilhaan, markii ay libidhay ayuu Bilis u tegey Xassan iyo cabdi oo meel bannaan ah fadhiya. Xassan ayaa yidhi “ ma inantaannu ku daalnay doondoonisteeda ayaad adna maanta quruxdeeda daawanaysaa?” “ Waxa laga yaabaa inu calafku aniga igu wado oo ay dumaashidaa noqoto” ayuu Bilis ugu celiyey. “ calaf iyo dumaashibaad sheegtee inta cirku kuu jiro ayey kuu jirtaaye ha ku wareerin” ayuu Cabdi ugu jawaabay. Bilis oo uu shiki galay kana murugoonaya oo ka walaacsan tartan in ay kula galaan gabadhan ayaa yidhi “ hadduu yaaba dhacayaa, ma imikaad gabadhan calmadaba iga daba qaadaysaan. Saaxiibayaal ma waxaad odhan kari weydeen annagaa jecel ee Bilisoow nooga hadh.”

Cabdibaa kor u kacay oo yidhi “ khalad ayaad naga fahantee gabadhan Ilhaan baa la yidhaa, waa naag aan la garanayn waxay damacday, rag oo dhan ayey barbar iskaga joojisay”. “waa naag mayal adkideeda laga yaabay”. Ayuu Xasanna u raaciyey.

Bilis “oo waayo”. Xassan “ intaan ubax qaaday ayaan u geeyey, waxanan ku idhi waa mid aan qalbigeyga kasoo gooyey, way iga guddoontay deedna way igu soo celisay waxayna tidhi, “qalbigii aad ka soo goysay dib ugu celi”. “anna intaan waraaq aan ku nuux-nuuxsaday u qoray ayaan u dhiibay, waa la soo akhristay, waa la I waaniyey, waxaana la iigu soo gooyey, ka go’ naftaydu kuuma jeeddee” ayuu Cabdi yidhi. Xassan guntii inta uu taabtay ayuu saaxiibkiisan hadda uun la saaqay la taliyey “qiso sidaas ayey u dhacdaye, in aanu kuu diidayno ha moodin, haddii ay kuu suuro gelesyo ku dhaqaaq”. Bartii ayaanay kaga dhaqaaqeen. Bilis ayaa gurigii yimi isagoo cagaha jiidaya, markii uu jiifsaday ayuu xasuustay qosolkeedii, haddana hadaladii ay asxaabtiisu ku lahaayeen. Kor ayuu u soo boodey, markaasuu qayliyey “ nimankani way I waalayaan – waa xaasidiin—maxaa igu salliday bal oo ay jacaylkayga ugu dheelayaan? Balse hadlkooda dheg u dhigi maayo ee anigaa ka sal gaadhaya.

La soco.

Top


Wafti reer iiraan ah oo booqday Ciraaq.

Baqdaad (W.wararka) wafti sare oo ka socda dalka iiraan ayaa booqasho ku tagay dalka ciraaq taa soo ah markii ugu horaysay ee ay tanoo kale dhacdo mudo 30 sano kabadan.

Waftigan oo hogaaminayey kaaliyaha Wasiirka arimaha dibada ee iiraan u qaabilsan dalalka khaliijka xuseen saadiqi waxaanay wada hadal la yeesheen golaha maamulka Cioraaq oo ay ka wada hadleen sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhaka labada dal.

Dawlada Iiraan ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu tahay inay hagaajiso xidhiidhka ay la leedadahay Ciraaq mar haddii uu meesha ka baxay Sadaam Xuseen.

Dhinaca kale shir ayisugu yimaadeen dalalka carabta ee qaabilsan la socodka xaalada Ciraaq ayaa Gaashaanka ku Dhuftay dalab ka yimid Maraykanka oo ah in Ciraaq loo diro Ciidamo Carab ah waxaanay ugu baaqeen Maraykanka iyo ingiriiska inay ciidamadooda kala baxaan Ciraaq.

Gudaha Ciraaqna waxa sii socda weerarada lagu hayo Ciidamada maraykanka ee ku sugan halkaasi.

Top


Maraykanka oo bilaabaya dacwada Guwaantanaamo

Washington (W. wararka) waxa la filayaa in saldhiga guwaantanaamo ay ka bilaabanto Maxkamad la soo taagayo maxaabiista Al-qaacida ee uu maraykanku ku hayo halkaasi.

Maxaabiistan oo tiradooda lagu qiyasay 660 qof oo u kala dhashay 42 dawladood waxa ay maxkamadoodu bilaabmaysaa laba sano kadib markii xabsigaasi la geeyey.

Maxkamada la soo taagayo dadkaasi waxa amarkeeda bixiyey Madaxweyne Bush iyagoo ku eedaysan waxa loogu yeedho argagixiso.waxaana suurata gal ah in ay mutaystaan xukun daldalaad ah haddii lagu helo dambiga loo haysto ee ah inay qaybka ahaayeen ururo argagixiso oo kala ah Al-qaacida iyo Daalibaan.

Waxaanay tani ku soo beegantay iyadoo la sheegay inay kasii darayso xaalada nolosha ee maxaabiista ku xidhxidhan halkaasi.

Top


Madaxweynihii hore ee sambiya oo la xidhay

Lusaka (W.wararka) ciidamada amaanka ee dalka saambiya ayaa la sheegay inay xabsiga u talaabeeen madaxweynihii hore ee dalkaasi Juluba.

Waxaanay arintani ka dambaysay markii lagu eedeeyey inuu lunsaday hanti gaadhaysa 29.7 malyuun oo doolar mudadii uu Madaxweynaha ka ahaa dalkaasi.

Dawlada dalkaasi ayaana bilawday olole ay kula dagaalamayso musqmaasuqa taasoo uu hogaaminayo Madaxweynaha dalkaasi, waxaana lagu wadaa in juluba maxkamad la soo taago si loogu qaado eedaha loo haysto oo ah inuu musuqmaamusuqay hanti qaran mudadaii uu Xukunka hayey oo ahayd 10 sanadood intii u dhaxaysaty 1991-2001 markaasoo ay u dhamaatay mudadaii uu Xukunka haynlahaa.
 

Top


Waadiga Ciyaaraha: Kooxda Juventus oo ku guulaysatay Italian Super Cup

C/Fataax M. Caydiid

East Rutherford, New Jersey (W. Wararka) - Kooxda Juventus ayaa ku guulaysatay koobka Italian Super Cup, ee dalka talyaaniga, waxaanay kooxda AC Milan kaga badisay Rigoorayaal 5-3, kadib markii wakhtigii rasmiga ahaa ee ciyaarta iyo wakhtigii dheeraadka ahaa ee lagu darayba isku mari waayeen barbardhac 1-1, cayaartaas oo ku dhexmartay magaalada Newjersey ee cariga Maraykanka maalintii axaddii toddobaadkan.

Kooxda AC Milan ayaa bishii May ee sanadkan rigoorayaal kaga qaaday kooxda Juventus koobkii Horyaalka Yurub, balse markan waxa sila rigoorayaashii ku adkaatay kooxda Juventus oo koobkaa ku hantida, AC Milan awoodi kari wayday in ay mar kale rigoorayaashii ku quusiso kooxda Juventus.

Koobkan Italian Super Cup ayaa waxa wada ciyaara labada kooxood ee kala haysta koobabka Horyaalka Serie A iyo koobka Talyaaniga (Italian Cup), waxaanay labadan kooxood ahaayeen labadii kooxood ee ku kala guulaystay koobabkaas, iyadoo Kooxda Juventus ku guulaysatay Horyaalka Liiga Serie A, halka AC Milan ku guulaysatay koobka Talyaaniga, iyo weliba Koobka Horyaalka Kooxaha Yurub.

Tababaraha kooxda Juventus ayaa sheegay in guushani kooxda u noqon doonto niyad dhis fiican ayna kaga soo kaban doonaan guuldarooyinkii ay kala kulmeen labadii cayaarood ee saaxiibtinimada ahaa ee ay la ciyaareen kooxaha Barcelona iyo Manchester United oo labada lagaga adkaaday.

Weeraryahanka Andrea Pirlo ayaa kooxda AC Milan u dhaliyay gool daqiiqadii ugu dambaysay qaybtii hore wakhtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta, balse ilbidhiqsiyo kadib ayaa waxa badbaadiyay kooxda Juventus, David Trezeguet, kadib markii uu u dhaliyay goolkii bardhaca, intaa ka dib may dhallan wax goolal ah, waxaana labada kooxood loo dhigay rigoorayaal, kaas oo uu geesinimo muujiyay goolwadaha kooxda Juventus, Gianluigi Buffon kadib markii uu ka qabtay ciyaartoyga kooxda AC Milan Christian Brocchi.

Top


Manchester United oo si xarago leh ku soo dhamaysatay safarkii Ciyaareed ee ay Maraykanka Ku Joogtay

C/Fataax M. Caydiid

Philadelphia (W. Wararka) – Kooxda Manchester United ee haysata horyaalka dalka Iingiriiska ayaa toddobaadadii la soo dhaafay safar ciyaareed ku joogtay dalka Maraykanka, kaas oo ay isugu diyaarinaysay Horyaalka sanadkan oo bilaabmi doona bishan August aakhirkeeda.
Manchester United intii ay halkaa joogtay waxay ciyaaro saaxiibtinimo la yeelatay kooxo waaweyn oo qaaradda Yurub iyo Ameerikaba, iyadoo ciyaartay afar ciyaarood, gebi ahaanna ka guulaysatay kooxihii ay la ciyaartay.

Ciyaartii ugu horeysay ee saaxiibtinimo waxay Man United la ciyaartay kooxda Celtic ee Scotland, taas oo ay kaga adkaatay natiijo aad u sareysa oo ah 4-0, iyadoo ciyaartii labaadna la yeelatay kooxda Club America ee cariga Maraykanka ku suuldaartay 3-1, halka ay kooxda weyn ee Talyaaniga ah ee Juventus ugu awood sheegatay 4-1.

Manchester United, ciyaartii ugu dambaysay ayey isku tijaabisay kooxda Barcelona ee reer Spain, ciyaartan oo ka dhacday garoonka Lincoln Financial Field ee magaalada Philadelphia, oo ay daawanayeen dad gaadhayay 68,396 (saddex iyo lixdan kun, saddex boqol, sagaashan iyo lix) qof, waxay kooxda Manchester ugu awood sheegatay kooxda Barcelona 3-1. Waxaana goolasha kooxda Manchester laba ka mid ah u saxiixay ciyaaryahanka reer Uruguay ee Forlan, halka uu goolka kalena si qurux badan shabagga ugu hubsaday ka dib markii uu dhaafay laba difaac iyo goolwadihiiba gooldhaliyaha reer Holland, Ruud Van Nistelrooy.

Haddaba guulahan afarta ah ee isku xidhiidhsan ayaa kor u qaadi doona moraalka ciyaartoyda kooxda Manchester United iyo waliba maamulkooda oo aad uga werwersanaa in ay kooxdu sannadkan guulo soo hoyn doonto, maadaama ayna wax ciyaartoy cusub oo magac leh kooxda ku soo biirin ama aanay soo iibsan, isla markaana laga iibsaday ciyaartoygii ugu caansanaa kooxda ee David Beckham oo ay ka iibiyeen kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Top


Gabadh soomaaliyeed oo ka tirsan xulka gabdhaha kubadda cagta ee Sweden ee da`doodu ka yar tahay 19 ka

C/Fataax M. Caydiid

Stockholm (W. Wararka) - Hodan Siciid Axmed oo ah gabadh Soomaaliyeed, waxay ka tirsan tahay Xulka dalka Sweden ee Gabdhaha Kubadda Cagta, isla markaana magac weyn ku leh dalkaas.

Hodan waxay deggan tahay xaafadda Bredنng ee magaalada Stockholm ee dalka Sweden. Hodan waxay dhalatay sannadkii 1984 kii, dhererkeeduna waa 1,72 m. Gabadhan Soomaaliyeed intii aan loo qaadan xulka qaranka, waxa ay hore ugu ciyaari jirtay oo ay u soo safatay kooxaha FOC Farsta iyo AIK, iyadoo wakhtigan xaadirka ah u ciyaarta kooxda Hammarby.
Hodan waa ciyaartoy xirfad fiican leh kana ciyaarta khadka dhexe, iyadoo had iyo goor wacdaro ka muujisa garoomada ay ku ciyaarto, waxaanay dhawaan ka soo laabatay tartankii gabdhaha da`doodu ka yar tahay 19 jirka ee qaaradda Yurub oo lagu qabtay dalka Jarmalka.
Hodan waxay badanna jeceshahay in ay la socoto ama la joogto reerkooda waqtiga ayna ku mashquulsanayn ciyaaraha kubadda cagta, waana gabadh aad looga qadariyo dalka Sweden.

Top