Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 394 August 11, 2003

Madaxweyne Rayaale Muxuu Kala Soo Guryo Noqday Safarkiisii Itoobiya?
“Itoobiya Waxaanu La Soo Galnay Heshiisyo... Shirka Kenya Waanu Ka Wada Hadalnay, Waxayna Yidhaahdeen... Goormaad Ogaatay Inaanay Xukuumadaydu Tayo Lahayn.”

Qofka Aan Quusta Aqooni, Isagaa Quus Ah

“Qaybe, Waxaan Kaaga Fadhiyaa Inaad Cadayso Inaan Ahay Curadkii Siilaanyo” (Wasiir ku xigeenkii hore ee Deegaanka C/Rashiid Ducaale Qambi

Gebilay: Hawl Dayactir Ah Oo Laga Wado Ceelka Geed-Balaadh

Taylor Oo La Filayo Inuu Maanta Xilka Ka Dego

Wasiirkii Arimaha Gudaha Ee Sadaam Xuseen oo Isu dhiibay Maraykanka iyo Shaqaaqooyinka Sii Aloosmaya Ee Dalka Ciraaq

Maraykanka: Gobolka California Iyo Tartanka Musharaxiinta Kkursiga Badhasaanimada

Mudaaharaad Lagu Diidan Yahay Shirka Nayroobi Oo Ka Dhacay Magaalada Moqdisho

Madaxweynaha dalka Suudaan oo ururka IGAD Cambaareeyay Qorshahooda Wadahadalka SPLA

Hidde Samida Dhaqanka Iyo Milgaha Lagu Kala Qiimeeyo Ragga Iyo Dumarka Waxa Qorey: Cabdi Caara-Dhuub, Waxana Tifaftiray, A. Ducaale, Q: 6aaD

WERWER ADUUN IYO WACDARO, Sheeko Taxane Ah – Waxa Qoray Cumar Cali Iidle, Q: 11aad

ODHAAHDA AKHRISTAHA Madhxinta Af-Soomaaliga, Maxamed Bashe X. Xasan.

Waa In Dawladaha Hoose Lagu Wareejiyo Maamulka Degaankooda

Orodyahanka Ingiriiska Ah Ee Chambers Oo Ku Guulaystay Orodka 100mitir Ee Tartanka Norwich Union

Yaa Ku Guulaysan Doona Jaa’isadda Ciyaartoyda Ugu Wanaagsan Kubadda Cagta Ee Yurub?


Madaxweyne Rayaale Muxuu Kala Soo Guryo Noqday Safarkiisii Itoobiya?
“Itoobiya Waxaanu La Soo Galnay Heshiisyo... Shirka Kenya Waanu Ka Wada Hadalnay, Waxayna Yidhaahdeen... Goormaad Ogaatay Inaanay Xukuumadaydu Tayo Lahayn.”

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii ay muddo 5 maalmood ah socdaal ugu maqnaayeen dalka Itoobiya, waxayna weftiga madaxweyne Rayaale shalay barqadii ka soo degeen madaarka Hargeysa, wuxuuna madaxweyne Rayaale sheegay inay heshiisyo dhinaca baayac-mushtariga ah la soo galeen dawladda Itoobiya, sida in la furo xidhiidhkii ganacsiga labada dal, isla markaana ay ka wada hadleen arimo dhinaca siyaasadda ah,iyadoo uu madaxweyne Rayaale arimahaa ku sheegay waraysi uu weriyayaasha ku siiyey qolka nasashada ee madaarka.

Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisa waxa madaarka ku soo dhoweeyey masuuliyiinta sar-sare ee dawladda iyo kooxo kale oo dadweynaha ah, waxaana ugu horayn albaabka diyaaradda ku qaabilay gudoomiyaha golaha wakiilada, Mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) iyo madaxweyne-kuxigeenka, Axmed Yuusuf Yaasiin, iyadoo ay dhinaca kalena madaarka dhoobnaayeen xubnaha golaha wasiirada iyo xubno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Somaliland iyo saraakiil kale oo dawladda ah, wuxuuna madaxweynuhu salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan ciidanka iyo kooxda baanboyda booliska, ka dibna waxa uu mid mid u gacan-qaaday madaxdii kala duduwanayd ee safafka ugu jirtay soo dhowayntiisa, intaa ka dibna waxa uu galay qolka nasashada, halkaas oo qader aan sidaa u sii badnayn kula kulmeen weriyayaashu, su’aalana ka waydiiyeen safarkiisii Itoobiya iyo waxa uu kala soo kulmay, wuxuuna safarkiisa ku tilmaamay mid ay ku soo guulaysteen, iyadoo ay madaxweyne Rayaale socdaalkiisa Itoobiya ku weheliyeen koox wasiiro oo ay ka mid yihiin, wasiirka arimaha debedda, Edna Aadan, wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta, Xasan Cabdi Khayre, wasiirka ganacsiga, Maxamed Xaashi Cilmi ,wasiirka maaliyadda Xuseen Cawil Ducaale iyo saraakii kale.

Madaxweyne Rayaale waxa ka muuqday daal, laakiin su’aalihii ay weriyayaashu waydiiyeen waxay u dhaceen sidan:

S:Maxaad kala soo kulanteen socdaalkiina ?.

J: Guud ahaan boqolkiiba sagaashan waanu ku soo guulaysanay safarkayagii, barnaamijyadii aanu la tagnayna waanu ku soo guulaysanay.

S: Maxaa ka mid ah barnaamijyada aad ka wada hadasheen ?.

J: Waxa ka mid ah arimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha, taas oo ah in baayac-mushtarka labada dal la furo oo kastamo la dhigo xuduudaha labada dal, la isuna socdo oo marinkii la furo, waxaanuna soo gaadhnay heshiisyo rasmi ah .

S: Arimo siyaasadeed ma ka wada hadasheen ?.

J: Haa waanu ka wada hadalay, waxaana ka mid ah Shirka ka socda Kenya, waxayna Itoobiyaanku yidhaahdeen shirka kuma jirtaan ee meesha Koonfur ayaa lagu heshiisiinayaa .
S:Ilaa tobankii sannadood ee ina dhaafay madaxda Somaliland, adiga iyo kuwii kaa horeeyey Itoobiya way tegaysay, heshiisyana way soo gelayeen, ilaa haddana wax midho dhalay lama arag, markaa heshiisyadan aad soo gasheen maxay kaga duwan yihiin kuwii hore ?

J: Horta wasiirada lamaan kulmayn ee wasiirada ay heshiisyada wada galeen ayaad faahfaahinta ka waraysan doontaan, laakiin maanta wax la taaban karo ayaanu kala nimi, awel waxay ahaan jirtay waanu ka wada hadalay, balse maanta heshiisyo ayaa la soo kala saxeexday.

S: Wasiirka warfaafinta Itoobiya waraysi uu siiyey idaacadda BBC-da waxa uu ku sheegay inaan midnimada Somaliyeed la taabanayn, taas miyaan la idin odhan ?

J: Horta anigu kaa war uma hayo, mana xukumo, laakiin Itoobiya ilaa hadda inama aqoonsan, waxayna taagan yihiin mawqifkoodii ahaa anagu uguma horaynayno aqoonsigiina, markaa mar hadii aanay ina aqoonsan waxa kale ee ay aaminsan yihiin waad iska garran karaysaa.
S: Itoobiya hadii aanay ina aqoonsan maxaad ka wada hadasheen?.

J: Adeer wax badan oo laga wada hadlo ayaa jira ee aqoonsi uun lagama wada hadlo, waayo jaar baynu nahay, waynuna isu baahanay, waynu wada ganacsanaynaa.

S: Dadka arimaha siyaasadda fallanqeeyaa waxa leeyihiin shirkii Kenya waa gebagebo, markaa waxay leeyihiin safarkaaga Itoobiya waxaad tagtay xili aan haboonayn oo dambe, oo aanay Itoobiya marna odhanayn wax shirkaa ka dhan ah, taa maxaad ka odhanaysaa?

J: Taas waxba Kama jiraan, waxaana aaminsanahay inaanu tagnay xiligii ugu haboonaa.

S: Madaxweyne dhaliilo badan ayaa loo jeedinayaa siyaasadahaaga iyo xukuumadda aad dhistay, taa maxaad ka odhan?

J: Maxaa ka mid ah dhaliilaha lay soo jeedinayo.

S: Waxa ka mid ah inaanad ballanqaadkaagii ahaa inaad soo dhisayso xukuumad tayo leh oo tiro yar aanad soo dhisin?

J: Goorma ayaad tijaabisay inaanay xukuumad tayo leh ahayn, oo aad ogaatay inaanay tayo lahayn, taasi ma aha wax laga jawaabo.

S: Waxa jirtay heshiis dhismaha wadooyinka ee EU-du inaga caawinaysay iyaga ka warran?

J: Wadada isku xidha Itoobiya iyo Somaliland waa la samaynayaa ilaa dekedda Berbera.

S: faragelinta maamulka C/laahi Yuusuf miyaad kala hadasheen dawladda Itoobiya?

J: Walaahay taasi waa (Minor) wax sahlan ayaan qabaa, waana hawl inaga inoo taal, nin meelahaa kaa xag-xaganayana ma aha wax dawlad kale lagala hadlo.

S: Safarkaaga Itoobiya maxaa ugu weyn ee aad odhan kartaa waan soo qabtay?

J: Waxa ugu weyn ee aanu soo qabanay waxa ka mid ah ee awel xidhnaa in la furo, kastamisna la keeno xuduudaha labada dal, oo aynu inaga (Somaliland) iyo Itoobiya yeelano baayac-mushtar sharci ah.

S: Goorma ayaa la furayaa baayac-mushtarka xuduudaha?

J: Waxa u fadhiisanaya guddi farsamo, waxaana la samaynayaa heshiis Kama dambays ah.

S: Hore waxaad u sheegtay inaad xuduudaha gaadhaysaan iyo maamulka gaadhsiinaysaan, barnaamijkaasi xagee buu ku dambeeyey?

J: Barnaamijkaa xukuumad ahaan waanu diyaarinaynaa, umana baahna inaan faallo hadda ka bixiyo.

Top


Qofka Aan Quusta Aqooni, Isagaa Quus Ah

Waxa maalmahan soc-socday oo la xaqiijiyey inay madax reer Muqdisho ahi telefoono iyo waraaqo kula soo xidhiidhayeen salaadiin reer Somaliland ah oo ay ka dal-banayeen inay Muqdisho yimaadaan si ay u heshiisiiyaan. Waxaase jiray tiroba saddex goor oo hore inay madaxda reer Koonfureed oo wefti ahi Muqdisho ka yimaadeen, iyaga oo leh kaalaya na heshiisiiya. Waqtigaasna anigu waxaan ku jiray guddi loo xil saaray inay jawaab siiyaan weftigii ugu horeeyey ee yimaadda, taas oo aanu ku qaabilay hudheelka Hargeysa Club, weftigaasna waxaanu uga waranay wixii shacbiga reer Somaliland loo geystay oo ahaa wax weli aduunka ka dhicin oo aanay ummmaddani iloobi karayn, iyadoo uu dhiig iyo maal badanina kaga baxay la soo noqoshadii xoriyadooda.waxaana hadalka loogu soo gebagebeeyey inay ummaddani ku mashquulsan tahay sidii ay aduunka ictiraaf uga heli lahayd, sidaa darteed aanay waqti u hayn heshiisiinta reer Koonfureed, ta kale waxa lagu yidhi “waa inaad idinku marka hore na ictiraaftaan”.

Labadii wefti ee kalena sidaa si le’eg ayaa loogu jawaabay, waxayna wufuudaasi saddexda goor ba soo mareen dawladda Somaliland, iyadoo dariiqa caadiga ahi sidaa ahaa, taas oo ah marka ummad lala hadlayo in loo maro dawladda wadankaa. Waxaase hadda dad badan oo reer Somaliland ah ka yaabisay dariiqan guracan ee ay maanta madaxda reer Muqdisho soo mareen, kuwaas oo si toos ah ula soo xidhiidhay salaadiinta iyo madax-dhaqameedka reer Somaliland, markaa dad badani waxay qabaan in salaadiinta meel lagaga dhacay, sababta oo ah miyaanay reer koonfureed ogayn inaanaan salaadiinta si hawl yar oo fudud loogu yeedhi karin oo aanay arintu ahayn kaalaya oo diyaarad iskaga soo dhaca uun. Waayo wadan kasta iyo ummad kastaa arimahaa waaweyn oo kale waxay ka leeyihiin siyaasad cad oo ay raacaan dawladda, salaadiinta iyo shacbi-weynuhuba, taas oo aanay cidina dhaafi karin, sida waxyaalaha ku waajahan gooni isu taagga Somaliland oo kale.

Hadaba waxay xaqiiqdu tahay inaanay salaadiintu Muqdisho iska tegi karin, iyaga oo aan la tashan dadweynaha iyo xukuumadda Somaliland. Sidaa awgeed madaxda reer Muqdisho waa inay mar walba ogaadaan inay runta qadhaadhi tahay jawaabtii la siiyey saddexdii wefti ee ay hore u soo direen, taas oo ahayd waxaanu mashquul ku nahay sidii aanu aduunka ictiraaf uga heli lahayn, taas darteedna aanaan idiin hayn waqti aanu idiinku nimaadno, marka horese na ictiraafa, koley dawladaha caalamku way na ictiraafi doonaane idinku ugu horeeya oo libta qaata. Marka su’aasha meesha taal waxay tahay miyaydaan weli quusan, Somaliduse waxay ku maahmaahdaa “Ninkii aan quus aqoon, isagaa quus ah”.

Aduunkuna waxa uu ku macaamilaa wax la yidhaahdo Hoo oo Keen (Give and take), sidaa awgeed ummadda reer Somaliland ogolaan mayso arintii uu Buur-madow ku kacay ee ahayd Hoo oo keliya ee aan waxba la dhaafsan.

Col: Cumar Maxamed Nimcaale, Hargeysa.

Top


“Qaybe, Waxaan Kaaga Fadhiyaa Inaad Cadayso Inaan Ahay Curadkii Siilaanyo” (Wasiir ku xigeenkii hore ee Deegaanka C/Rashiid Ducaale Qambi

“Qof kasta oo muwaadin Somaliland ah waxaa waajib ku ah, inuu isu xilqaamo kana qaybqaato sidii looga midho dhalin lahaa baahida waddanku leeyahay ee uu ku gaadhi karo in aynu dhammaystirno qabyadeenna siyaasadeed ee gudaha iyo debeddaba, taaso oo marka ugu horraysa muwaadin kastaa tixgelinta koowaad siinayo inuu u hagarbaxo wacyigelinta midnimada ummadda Somaliland, islamarkaana muwaadin kastaa fiiro gaara u yeesho in aanu u gargaarin qarinna cid kasta oo waddanka luggooyo iyo hagardaamo u gaysanaysa.

Waxa kale oo lagama maarmaan ah, in danta gaarka ah laga horaysiiyo ta guud marka laga hadlayo hawlaha qaranimo iyadoo arrintan ay waajib gaara ka haysato masuuliyiinta sare ee dalka ee loo igmaday inay meel mariyaan barnaamijka siyaasadeed ee dalka iyo dhinacyada kale ee waddanka baahidiisa ahba.

Anigoo tixgelinaya arrimahaas iyo kuwo la xidhiidha aanayna jirin wax igu xaqsanaya inaan ka soka dhaco ama ku cambaareeyo shaqsi aniga oo kale ah in aan ka bixiyo tilmaan iyo aragti aan ku salaysnayn xaqiiqda jirta ee ka turjumaysa afcaashiisa guud iyo mawqifkiisa siyaasadeedba, waxaan ummadda Somaliland usoo bandhigayaa inaan mugdiga ka saaro arrimahan oo taariikhdu xusi doonto inaan ka been abuuray iyo inaan daaha ka qaaday halista jirta ee shaqsi ku curyaamiyo maslaxadda waddanka.

Haddaba iyadoo ujeedadaydu tahay in laga kaaftoomo wixii ummaddan iyo waddankeeda muddaahamo ugu filan waxaan halkan bulshada Somaliland ama waddanka ha joogto ama debeddiisaba’e aan idiinku soo bandhigayaa in Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu (Axmed M. Aadan “Qaybe”) aanu marnaba saacadna ha ahaatee aanu daacad u noqon una noqon doonin masiirka ummadda Somaliland iyo mawqifkeeda siyaasadeedba, islamarkaana uu si joogto ah u hagardaameeyo tallaabo kasta oo wax ku ool u ah maslaxadda Somaliland.

Somalidu waxay tidhaahdaa “AMA WAA LA MUUQDAA LAGU MEHERAD LEEYAHAY, AMA WAA LA MAQANYAHAY OO MADASHA LAMA TAGO” Waxaan ummadda Somaliland u sheegaysaa in Guddoomiyaha Wakiiladu (Qaybe) mansab sare ka hayo Dawladda Somaliland oo shacabkeedu ku aaminay, isla markaana aanu wax dhaqdhaqaaq siyaasadeed mid shaqsi iyo mid waddaninimo toona ku lahayn geedi-socodka hawlaha looga baahanyahay masuuliyiinta sare ee dalka haddii ay tahay mid qaran iyo mid beeleed oo khusaysay deegaanka uu kasoo jeedaba. Taas oo aan ku fasirayo in aanu muuqan joogana, sidoo kalena aanu muuqla’aantiisa ku muddaahano la’ayn, ee waxyeelooyin aan laga soo kabanayn dalka u gaysto, taasoo isagana magac xumo ugu filan maaddaama uu had iyo jeer ka maagayo meeqaanka hawleed ee laga malaysanayay.

Waxaan ummadda Somaliland halkan ugu bayaaminayaa mid og iyo mid uu mugdi kaga jiraba in aan idinla socodsiiyo hawl-maalmeedkii Guddoomiyaha Wakiiladu (Qaybe) uu u majiirtay una xusul duubayay ee ahmiyaddiisa koowaad, labaad iyo saddexaadba ahaa, kuwaas oo aanay qarankeena iyo shicibkiisa toona waxba ugu jirin waxyeello mooyaane. Waxaa Axmed M. Aadan (Qaybe) si xaqiiqa oo hillaab uu saaro uu uga soo horjeedaa Gooni-isu-taagga Somaliland, cid kasta iyo waddan kasta oo kasoo jorjeeda ama carqaladayn karta Somaliland oo uu la yeelan karo xidhiidh qoraal, af iyo farriinba wuxuu si joogto ah ugu gudbiyaa wax kasta oo uu ku dibindaabyaynayo Somaliland, Guddoomiyuhu cidda keliya ee uu kalsooni siiyaa waa maamulka Majeerteeniya, iyadoo Cabdillaahi Yuusuf siiyo kaalmo dhaqaale oo joogto ah, wuxuu guddoomiyuhu qabqablahan gaadhsiiyaa barnaamij kasta oo Somaliland ku xaslanayso shicibkeeda deggan Sool iyo meelaha la xidhiidha.

Wuxuu Guddoomiyuhu si joogto ah ugu dayriyaa una hargo-tuuraa dadka reer Sool iyo degaamada la xidhiidha si aanay walaalahooda Somaliland ula midoobin, waxaa Qaybe si joogto ah uu dagaal iyo carqalado kula jiraa cid kasta oo daacad u ah Jamhuuriyadda khaas ahaan kuwa ay isku deegaanka yihiin. Wuxuu Guddoomiyuhu had iyo goor ka leexdaa su’aalaha la xidhiidha Mawqifkiisa isagoo isku qaadaya meelo kale oo aan la su’aalin.

Waxaa Guddoomiye Axmed M. Aadan Markasta sheegaa in aan weligii lala tashan oo dawladdu ka leexleexato, oo la mida majaro-habaabintiisa uu ku aasayo in xog laga helo maadaama muddo aad u fara badan Madaxweynihii hore Alle haw naxariistee iyo kaniba ay u hureen naf iyo maalba inay ku qaddariyaan meeqaankiisa kursi iyo qabiilba, taasoo hanti badan ay ku luntay wax waxqabad ahna aanu isu kala bixin muddo todoba sannadood ku dhow oo uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahaa.

Wuxuu si joogto ah u mucaaradaa cidda dalka wax u qabanaysa haba yaraato wuxuu qabanayaaye isagoo geed dheer iyo mid gaaban u fuula inuu fashiliyo waxqabadkiisa inuu wax qabtana ma oggola.
Wuxuu Guddoomiyuhu qariyaa mawqifkiisa Somaliland isagoo kasoo horjeeda saxaafadu inay waraysato hadday dhacdana ka leexda ujeedada iyo su’aashaba.

Wuxuu Gddoomiyuhu yidhi waxaan is caddeeyey 1997 taas oo aan lagu sheegi karin is caddayn, is caddayntuna aanay ahayn feedho iga garo ee ay tahay halgan lagaga qaybqaadanayo meelmarinta hawlaha dalka oo si joogto ah ugu baahan inuu ugu hagarbaxo ka hadalkeeda iyo waxqabadkiisaba kaas oo aan marna laga helin lagana heli doonin.
Waxaa Axmed M. Aadan (Qaybe) uu si joogto ah uu u colaadiyaa cid kasta oo magac leh oo kasoo jeedda Sool & Buuhoodle oo timaadda Somaliland ama aaminsan isagoo falal iyo foolxumo damiirka waxyeeli kara kula kaca.

Wuxuu tiraba saddex jeer ku sheegay inay la QABIILNIMO HADLAYAAN Ashkhaas sannado kala duwan ku dhaliilay doorkiisa waxqabad isagoo ku hojinaya inay lasii doodaan, taas oo maqaamka uu joogo iyo shaqsiyaddiisaba ceeb ku ah damiir ahaanna odhaahdeeda kalsooni darro ka muuqdo, kuna tusaysa inaanu daacad u ahayn Somaliland ee uu u arko in lagaga itaal roonyahay isna yahay magan oo aan isaga iyo cid kale toona u cuntamin xusiddeedu.

Waxaan ummadda Somaliland u sheegayaa in Guddoomiyuhu (Qaybe) aanu niyad ahaan jeclayn in uu ku waaro Somaliland ee uu u hanqal taagayo meelo kale sida Majeerteeniya oo uu ka quudaraynayo inuu ka noqdo Madaxweyne ku xigeen, Ra’iisul Baarlamaanimada uu waayo si kasta haku timaaddee taas oo aan shaki ku jirin in aanu sii jooganayn waddanka maaddaama aanu markii horaba aaminsanayn.

Haddaan soo dhaafo arrimahaas iyo kuwo kale oo badan oo aanan haddeer xusinba oo khuseeya mowqif la’aanta Qaybe ee Somaliland, waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa CANAAN KAYAAB REER MA DOOJO ama CEEL MADDOOJO ninba siduu u yaqaanno-ba, waxaa dad faro badani leeyihiin Qaybe waxba ina tari mayo ee armuu ina qalindaaraa haddaynu ka maaranno, waxaan muwaadiniintaa u sheegayaa oo xaqiiqa in Qaybe inta uu inala joogo ay yaryahay baadh inoo baxaa waayo waa nin dhib iyo inuu inaga digo keliya inoola jooga, sidiisabana aan waxba ina tari karin cid iyo bulsho uu kalsooni ka haystaana aanay jirin, markaa haddii aanu waxba ina tarayn waxyeeladiisuna tahay intuu inala joogo, ma waxyeelo ayaynu ummadda Somaliland ugu haysannaa, markaa sow noqon mayno canaan kayaab reer ma doojo.

Bishan 8aad Lixdeedii oo Arbaca ahayd waxaa Qaybe ka jawaabayay haddallo ay usoo jeediyeen Guddoomiyeyaasha labada Xisbi ee Kulmiye & Ucid kuwaasoo horay ugu yiri iscaddee Qayboow, hadalkaas waxaa soo jeediyey labada guddoomiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) & Faysal Cali Waraabe oo labaduba waydiiyey doorkiisii siyaasadeed iyo mowqifkiisa ku wajahan tan guud ahaan dalka iyo gaar ahaan tan degaanka uu kasoo jeedo inuu ka meelmariyo Cabdillaahi Yuusuf. Nasiibdarro sidii Qaybe horayba caadada u ahayd wuxuu fuulay buuro iyo qarar aan cidiba uga fadhiyin oo uu ku marin habaabinayo su’aalihii la waydiiyey isagoo garab maray ujeedadii lala kohday, waxayna jawaabtiisii noqotay inuu yidhaahdo “Axmed Siilaanyo waan garanayaa oo wiilkiisii curad Cabdirashed Ducaale Qambi ayaan taabtay ee Faysal Cali Waraabe muxuu igu maagay” taas oo aan looga fadhiyinba cidina aanay usoo jeedin waydiinna.

Dhacdadaas anigoo tixraacaya waxaan Axmed M. Adan la socodsiinayaa uguna caddaynayaa halkan jawaabtayda aan ka qabo jar-iska-xoornimadiisa. Waxaan guddoomiye (Qaybe) odhaahdaadaa u arkaa gef iyo aflagaaddo sharciga ka baxsan oo aad iilla badheedhay anna aanan kaaga dulqaadan doonin wixii aan sharcigu iga manciyin, anigoo marka hore sidii majara-habaabintu ku jirtay ee tilmaantaadii ahayd kuu tafsiiraya xaqiiqdeeda adiguba aad ogtahay ee aad uga carartay wixii lagu waydiiyey been abuurka iyo aflagaadadana aad ugu beddelatay jawaabtii lagaa sugayay.

Marka u horraysa waxaad qiranaysaa mar horana aad sheegan jirtay inaad adigu shaqada iga eriday, iyadoo 2 bilood ka hor aad lahayd anaa eryaya, waxaan taa kaa waydiiyey ma guddoomiyaha Golaha wakiiladaa tahay mise Madaxweynihii Jamhuuriyadda? Maxaad uga been abuuraysaa awooddaada cid kalena awoodeeda u sheegan adigoo cadaawad ugu samaynaya.

Waxaan kaaga fadhiyaa inaad caddayso in aan ahay curadkii Axmed M. Maxamed (Siilaanyo).

Haddaad u jeedday inaan Kulmiye ahay waxaan kaa sugayaa caddaynteeda?
Waxaan kuu sheegayaa in aan ka mid ahay Xisbiga UDUB oo aan ka tirsanaa aasaasayaashiisii immikana aan ahay adiguna aad ogtahay inaanan sidaada qarsan waxaan qabo mabda’ ahaan iyo xisbi ahaanba, ujeedadii aad lahayd armay xadka kaa saartay.

Ummadda Somaliland waxaan waydiinayaa yaa yaqaanna Mudane Qaybe Xisbi uu yahay? Anigaa idiin sheegaya’e Saddexda Xisbi midna maaha taas oo la tafsiiri karo.

Dhammaan arrimahan weji kasta oo ay leeyihiin waxaan la cuskanayaa sharciga anigoo ku kalsoon wixii uu ku arooro.

Waxaan halkan uga soo jeedinayaa dhammaan saxaafadda madaxa bannaan ee dalka iyo kuwa la xidhiidhaba sida wargeyska HAATUF, JAMHUURIYA, MAANDEEQ, BBC, RADIO HARGEISA, SOMALILAND INTERNET WEBSITES I.W.M, inay si joogto ah ugu yaraan bishiiba hal mar ay waraystaan ama wax ka qoraan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Axmed M. Adan (Qaybe) maaddaama uu si joogto ah isu qariyo ugana gaabsado mawqifkiisa iyo kan looga baahanyahay ee dalkaba, taas oo dawo u noqonaysa in dalku ka badbaado hagardaamooyinkiisa uu sida joogtada ah ugula kaco dalka ama uu kaga baaqsado hawlihii qaranka uu madaxda ka yahay looga baahnaa inuu kaga turjumo.

Waxaan ku soo gebagebaynayaa wacyigelintaydan in guddoomiyuhu (Qaybe) yahay Sacii loogu magac daray MEGED ee aan waxba ku wanaagsanayn kaasoo lagu yidhi:

MAALID IYO SUBAG
MUQUUNIYO HILIB
WAAN IS MUDANOO
WALLEE MEGEDOOW
MIDNA KUMA SAMID!!!”

Top


Gebilay: Hawl Dayactir Ah Oo Laga Wado Ceelka Geed-Balaadh

Gebilay (Haatuf): Urur wadaniya oo la yidhaahdo Buux Group ayaa toddobaadkii ina dhaafay tuulada Geed-balaadh oo ka tirsan degmada Gebilay ka bilaabay dhisme ka bilaabay Ceel biyaha laga cabo oo tuuladaa ku yaal, waxayna NGO-gani halkaa ka dhisayaan taangi biyaha lagu kaydiyo, laba qol iyo iyadoo la kordhinayo tuubooyinka ay biyaha ka qaataan dadka iyo xooluhu, sidaana waxa ku soo waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed xasan.

Ceelka Geed-balaadh oo ah ceelka ugu biyaha badan jiidahaa, biyihiisu ma gudhaan Gu’ iyo Jiilaal toona, waxaana ka cabba xoolaha iyo dadka degaamadaa.

Sida uu weriyaha Haatuf u sheegay ninka madaxda ka ah NGO-ga Buux Group, Axmed Cali waxa mashruucan maalgelisay hayadda UNICEF, wuxuuna Axmed sheegay inay dayactir ku samaynayaan qasabadaha biyaga qaada iyo dararka ay dadka iyo xooluhu ka cabaan. Iyadoo uu Axmed intaa ku daray inay hayaddda UNICEF dhowaan ceelkan soo gaadhsiin doonto hal mishiin oo ah nooca biyaha soo qaada, iyadoo ay ceelkaa xiliga jiilaalka isugu yimaadaan xoolo iyo dad tiro badan oo u soo biyo doonta, waxa madaxa hayadda Buux Group sheegay inuu mashruucani wax weyn ka tari doono xaaladda biyaha ee degaankaa, isaga oo hayadda UNICEF-na uga mahad naqay kaalmada ay ka geysatay mashruucan.

Top


Taylor Oo La Filayo Inuu Maanta Xilka Ka Dego

Monrovia (W. Wararka): Madaxweynaha Liberia Charles Taylor ayaa taageerayaashiisa u sheegey in aanu ka noqon doonin balantii uu hore u galay ee ahayd inuu Isniinta barita ah uu xukunka ka degi doono.

Waxa aad loogu rajo weyn yahay in ay dhammaadaan dagaalada ka dhexeeya taageerayaasha Taylor iyo Jabhadaha ka soo horjeeda, haddii uu Taylor is-casilo Isniinta, taas oo hey'adaha gargaarka ah u ogolaan doonta in ay cuntadu gaadhsiiyaan kumannaan reer Liberia ah oo goobo ku xayiran cunta la'aanina hayso.

Mr Taylor oo la hadlayey dad taageerayey oo iskugu soo baxay badhtamaha magaalada Monrovia ayaa sheegey in uu Madaxweyninimada ka degi doono isaga oo eegaya danta shicibka Liberia. Waxana uu ficilkaas ku fasirey in madaxtinimadiisii uu u hurey danta shicibka iyadoo buu yidhi waxa socda ay yihiin kufsi lagu sameeyey dimoqraadiyadda.

Waxa hadda qorsheysan in Charles Taylor uu jagada ka degi doono Isniinta, maalinta taariikhdu tahay 11 August 03, laakiin lama oga wakhti uu ka dhoofi doono Liberia oo uu tagi doono waddanka Nigeria oo magangalyo siyaasadeed looga fidiyey.

Top


Wasiirkii Arimaha Gudaha Ee Sadaam Xuseen oo Isu dhiibay Maraykanka iyo Shaqaaqooyinka Sii Aloosmaya Ee Dalka Ciraaq

Baqdaad (W. Wararka): Ciidamada Mareykanka ayaa xaqiijiyey in Wasiirkii Arimaha Gudaha ee dowladdii Saddam Hussein Maxamuud Dhiyab al-Ahmed inuu isu soo dhiibey oo haatan gacanta lagu hayo.

Masuuliyiinta Mareykanka waxay arrintani ku noqotay waji gabax, ka dib markii uu Wasiirkii Arimaha Dibadda ee Saddam Hussein oo isagu Sabtidii is dhiibey, ay bil ka hor Mareykanku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen Maxamud Dhiyab al-Ahmed, laakiin masuuliyiinta Mareykanku waxay hadda qirteen in hadalkaas ay horey ugu sheegeen in ay qabteen Mr Al-Ahmed uu khaldanaa. Wuxuuna ninkani liiska dadka la raadinayo kaga jirey tirada 29aad.

Mr Al-Ahmed, waxa si weyn loogu xasuustaa intii aanu dagaalka Ciraaq bilaabmin, maalin uu dadka warka fidiya hortooda uu Qori Kalashikov ah uu ku ruxay oo uu si aan gabasho lahayn u saadaaliyey in Saddam uu Mareykanka ka gacan sareyn doono.

Dhinaca kale, Sabtidii waxa ay ciidamada Britain ee jooga Basra u ahayd maalin adag. Iyadoo uu kulaylku gaadhay 50 (Centigrade) ama 122 (Farenheit) ayaa shicib saf ugu jirey baansiin uu adkeysigii ka lumey ka dib markii mid ka mid ah dab-dhaliyayaashii (generator) magaalada koruntada siinayey uu jabey oo gurya badan ay halkaas ku koranta waayeen. Waxa cirka isku shareerey qiimihii lagu iibsanayey dab-dhaliyayaasha, sidoo kale waxa kor u kacay shidaalkii lagu shubi lahaa dab-dhaliyayaasha.

Taasi waxa ay keentey in dadkii deganaa Basra ay ku kacaan ciidamada Britain oo ay dhagxaan ku tuuraan. Halkaasna waxa ku dhaawacmey dhowr ka mid ah askarta Britain. Shicibka Basra waxa ay si weyn uga cabanayaan sida aan tamarta lahayn ee uu u siqayo nidaamka dib-u-dhiska ee ay waddanka ka wadaan ciidamadii Saddam xukunka ka ridey.

Top


Maraykanka: Gobolka California Iyo Tartanka Musharaxiinta Kkursiga Badhasaanimada

Los-angels (W. Wararka): Waxa haatan dhammaadey wakhtigii lagu qabanayey dukumintiga looga qeybgali karo tartanka Badhasaanimada gobolka Mareykanka ugu dad badan ee California.

Ninka ku caan baxay jilista filimada Hollywood ee la yiraa Arnold Schwarzenegger ayaa isagu warqadihiisii gudbiyey wakhi inyar ka horeysa xilligii qabashada dukumintigu ay ku ekeyd.

Atoorahan oo isagu ku dhashay Austria ayaa ugu magac dheer dad gaaraya ilaa 100 qof oo baratanka ka qeybqaadanaya.

Barasaabka haatan ka taliya California, Gray Davis ayaa aad iskugu dayey in aysan xubno kale oo dimoqraadiya aysan tartanka la soo galin.
Mar sii horeyse waxa jirtey in aad loo hadal hayey in senetor Diane Feinstein oo ka tirsan xisbiga dimoqraadigu ay ku soo booddo masalaha, laakiin waxa ay go'aansatey in aysan ka qeybqaadanin.

Ka dibna waxa soo baxay in ku-xigeenka Barasaabka California, Cruz Bustamante uu doorashada soo galayo. Haddii uu tartanka ku biiro, Mr Bustamante waxa la filayaa in uu cod badan ka helo mujtamaca Isbaanishka oo California ku badan.

Arnold Schwarzenegger ayaa sawiro u sii joogsadey warqadana dad u saxiixey, markii uu u socdey in uu gudbiyo waraaqihii lagu diiwaan galinayey rabitaankiisa tartanka oo ay ka mid ahaayeen waraaqo muujinaya saxiixyo laga soo qaadey dad gaaraya lixdan iyo shan qof iyo lacag dibaaji ah oo gaareysa $3500 oo laga dhigo qof kasta oo tartanka ka qeybgaleysa.

Markii uu sii baxayey Mr Schwarzenegger waxa uu ku ballan galey in uu noqon doono Barasaabka shicibka, laakiin kaligiis kuma tartamayo magaca xisbiga Jamhuuriga.

Bill Simon oo ah nin ganacsato ah oo doorashadii u dambeysey tiro yar looga badshey ayaa isaguna geeyey waraaqihii uu kaga qeybgalayey tartankan.

Top


Mudaaharaad Lagu Diidan Yahay Shirka Nayroobi Oo Ka Dhacay Magaalada Moqdisho

Muqdisho (W. Wararka) Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta uu bannaanbax ballaaran ka dhacay fagaaraha Tarebuunka, halkaasoo ay boqollaal dadweyne ahi isugu soo urureen, waxaana kooxaha muusikada baambayda booliska iyo ciidanka asluubtuba ay garaacayeen heesaha lagu gaardiyo ee waddaniga ah.

Fagaarahaasi Tarebuunka waxaa tegay madaxweynaha dowladda KMG ah, Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo xubno kaloo ka tirsan labada gole ee dowladdiisa, waxaana bannaanbaxaasi lagu taageerayey ka soo bixitaankii dowladda ee shirka kooxaha Soomaalida uga socda dalka Kenya, kaasoo uu Cabdiqaasim ku tilmaamany mid ummadda Soomaaliyeed lagu kala goo-goynayo, diinteeda iyo dhaqankeedana wax loogu dhimayo.
Waxaa sidoo kale bannaanbaxaasi si weyn loogu soo dhoweeyey go'aamadii uu maalintii shalay golaha baarlamaanku kalsoonimada kagala noqday guddoomiyahoodii baarlamaanka Cabdalla Deerow Isaaq iyo ra'iisal wasaarihii dowladda KMG ah, Xasan Abshir Faarax, kuwaasoo hadda labaduba ku maqan shirka kooxaha Soomaalida uga socda dalka Kenya, waxayna labada masuulba sheegeen in aanay aqoonsanayn xilal ka qaadistaasi iyagoo sheegay in aanay jirin tiro baarlamaan oo Muqdisho joogta oo ku filan qaadashada go'aan noocaas oo kale ah.

Cabdalle Deerow ayaa isagu waxa uu ku dooday 80% xubnaha baarlamaanka dowladda KMG ahi in ay joogaan shirka Kenya ee Soomaalida, sidaasi darteedna dadka codadkooda la tiriyey ay yihiin kuwo suuqyada laga soo kaxaystay.

Top


Madaxweynaha dalka Suudaan oo ururka IGAD Cambaareeyay Qorshahooda Wadahadalka SPLA

Khartoum (W. Wararka): Iyadoo ay bilaabmi lahaayeen wadahadallo la doonayey in lagu soo afjaro dagaalka sokeeye ee Sudan ka socdey 20 sano, ayuu Al-Bashiir dhaliilo u jeedshay qoraal qabya ah oo IGAD u diyaarisey in heshiis lagu galo.

Wadahadaladan u dambeeya waxa ay dhexmarayaan dowladda Sudan oo ay u badan yihiin Carab Muslimiin ah oo deggan woqooyiga dalka iyo kuwa ka tirsan jabhadda SPLA oo iskugu jira masiixiyiin iyo qaar aan diinba aaminsaneyn oo u badan Koonfurta Sudan, waxana looga gol-leeyahay in wada-xaajoodkan lagu soo af-jaro mid ka mid ah dagaalada sokeeye ee Afrika ugu dheer.

Agendayaasha shirka looga hadli lahaa waxa ku jirey heshiis qabya ahaa oo miiska la soo saarey wakhti laga joogo todobaadyo yar, markii labada dhinac ay ku kulmeen magaalada Nakuru ee Kenya. Laakiin hadal uu Madaxweyne Al-Bashiir isagoo jooga Khartum u jeediyey baaralaman ka kooban xisbiyo badan ayuu ku sheegey in hindisayaasha cusub ee haddda la soo jeediyey aysan dowladda haatan jirta oo kaliya afaka u rideynin, laakiin ay baabi'neyso dalka Sudan gabi ahaantiiba.

Waxa uu President Al-Bashir sheegey in ay isaga ka go'antahay in la gaaro nabad dhameystiran oo loo samin yahay, laakiin waxa uu ka digey in heshiisyo ama muwaafiqooyin an xaq ahayn oo la galo ay dalka u horseedi doonaan mucaarad iyo falaago kale.

Waxa ay dowladda Al-Bashir horey u ogolaatey in marka laga hadlayo heshiiska ku saabsan awood qeybsiga iyo ammaanka, Koonfurta la siinayo ciidan iyaga u gaar ah iyo Bangi dhexe oo madaxbannaan.

Jabhaduhu Koonfurtu waxa ay gaashaanka ku dhufteen iskuday ay dowladda Sudan ku dooneysey in waddanka oo dhan lagu dhaqo shareecada Islaamka.
Khilaafaadkani ka socda Sudan intii aan heshiikan hadda socda la gaarin, waxa ku dhintey dad ka badan hal malyuun iyo bar iyadoo ay dad gaaraya afar malyun ay guryahoodii ka barakaceen.

Wadahadallo soo bilowdey sanadkii hore oo socdey afra iyo toban bilood oo ay maamulkiisa kafiisheen waddamo ka tirsan Afrikada Bari oo Kenya ay ku jirto ayay labada dhinac heshiis ku gaadheen, Kaas oo dhigayay, in la galo xilli ka kooban lix sanadood oo ku-meel gaadh ah, kaas oo hadhow reer Suudaan u horseedi doona in laga qaado afti ku saabsan mustaqbalka siyaasadooda.

Laakiin weli lama dhameystirin heshiis tafaasiil ka bixinaya sida awoodda dalka loo qeybsan doono.

Top


Hidde Samida Dhaqanka Iyo Milgaha Lagu Kala Qiimeeyo Ragga Iyo Dumarka Waxa Qorey: Cabdi Caara-Dhuub, Waxana Tifaftiray, A. Ducaale, Q: 6aaD

Somalidu marka ay ka hadlayso hidde-raaca waxay tidhaahdaa wiilku waxa uu hidde raacaa aabihii iyo abtigii, masalan nin alle kood ah oo aad u ayidaya inuu wiilku ilowba abtigii hiddo raaco ayaa yidhi “Wax kaleba ilaahay waa kaa aqbalaa, laakiin wiilka ilaahow abtigii iiga du’ kaama aqbalo”.

Gabay uu tiriyey ninkii la odhan jiray Salaan Carabey waxa iyana ku jirtay “Shansho Adhiba shidhixaa dambaa shuxa abiidkiiye, shanwa oday ka qaaliban abtiga shaashadii xumiye”.

Dhinaca hiddo raaca aabaha waxa iyadana laga tiriyey gabayo iyo suugaan badan, waxaana ka mid ah “Sacii gaabis ahi kama dul-tago soofka waylaha’e, lug sakiirle waa laga gartaa lawyadii simane, Soddon sanno biyihii suruq lahaa kama sifoobeen, awawgii sagaalaad ninkuu meel dayacan seexday subbadii xumaataa dir bay kuula socotaaye”.

Ninka la odhan jiray Cali Masno ayaa isna gabay ku yidhi “madiidyaale awr geel ah waa midab dhaleeyaaye, mataan waliba dhidibkeeda waa ka dul-madoobaane, haduu miigganaa iyo haduu rag u miciin liitay nin waliba micnihi aabihii maydhaqaa xadda’e”.

Waxa kale oo ay Somalidu tidhaahdaa ragga saddex baan garaw helin, nin doqonkii dacwiyey, nimay durguftii duday iyo dameerkii nimuu bakhtiyey.

Somalidu waxa kale oo ay tidhaahdaa inan-rag waxa ugu adag laba jirka, waayo wuxuu ku odhanayaa waan kula hadlayaa, ina af-garran maysid, waan ku raacayaa, kuna gaadhi maayo, waan kula seexanayaa waana kugu kaajayaa, wax baan kula cunayaa, basarna kuula cuni-maayo.

Waxa jirta murti ka sheekaysa ragga gu’jirkiisa ilaa sideetan jirkiisa, waxaana ka mid ah, “Laba jir legga ha gelin, waayo kugu kaajayaa”. Labaatan jir wax hala cunin, waayo gole milge leh ayuu sida uu doono wax u cunayaa, maxaa yeelay raggu dhaqan ahaan duubiyada hilibka ma cuni jirin iyo garabka oo aan la cunin cadka dhegsinka la yidhaahdo, laakiin labaatan jirka waxa laga yaabaa inuu waxaas oo dhan arkaa qaado.

Islaan ayaa iyadoo gabadheeda la talinaysa waxay ku tidhi “Hooyo hadii uu labaatan jir ku guursado marrada haka saarin, hadii uu 30 ku guursadana wuu xarago jecel yahaye wixiisa oo dhami nadiif ha u ahaadeen, afartan jirku waa guure dheeryahaye gogoshiisa cid haka siin, konton jirku waa caruur jecel yahaye ubadkiisa haku hor dilin.

Lixdan jirkuna waa lexejeclo badan yahaye hantidiisa ha ka dayacin, toddobaatan jirku waa caano jecel yahaye, isaga iyo caruurya, isaga caanaha horsii”.

Nin isna geesinimo lagu tuhunsanaa ayaa lagu yidhi “Cid kula dagaal-gasha yaad ugu jeceshahay’, wuxuuna ku jawaabay “Miyaad ku dartay 20 jir col moog ah”.

Marxaladaha raggu soo maro waxa ka mid ah marka uu tafta hooyadii ka baxo, wuxuuna maraa marxalado ay ka mid yihiin: Kuray, barbaar, Qaydhab, Garab-carjowle IWM. Laakiin marka uu qaan-gaadh noqdo ama uu weynaado waxa uu maraa marxaladaha kala ah: Doob, doob-gaamur, gadh-madoobe, oday IWM. Hadii uu ninku gaadho ilaa lixdan jir waxa lagu tiriyaa marxaladda odaynimada.

La soco.

Top


WERWER ADUUN IYO WACDARO, Sheeko Taxane Ah – Waxa Qoray Cumar Cali Iidle, Q: 11aad

Intaan dugsigii la gelin aroornimadii hore ayuu Bilis gabadhii uu u wajaqay la kulmay. Isagoo faraxsan ayuu ku cararay. Walaaciise, halkii uu farxad, qosol iyo sheeko ka filayey ayey tidhi “haye, ma sidii baad ii daba meeraysaa ma qumanide malaha waad sixrantahay oo tani dhab kaama ahee ha hawaysan naftaydani”. Bilis ma nixin ee wuxuu u qaatay inuu hadalkani yahay mukurkii dumarka ee awalba lagu yaqaanay oo wuxuu si degan u yidhi “ma haddaad is Maxkamadaha dagaanka; kuwa dambiyada, cashuuraha, iyo dulka.

bedeshey sowdigii I jeclaa ee waraaqda ii soo diray , ma cid baad is dagaasheen” Ilhaan “Yaa! Warqadaa! Ma anigaa kuu soo qoray? Ka daryoo sicii dhiinna dibi dhal! Ma maantaad damiirkayga bedelaysaa, ma waxaad ii malaysay mid iska quusatay markaan adiga kuu soo dirayo waraaq? Waar waad hurudaaye soo toos oo kolkaa ila hadal”. Kaftan sheekadu ma joogtee. wareer ayey Bilis ku noqotay oo isagoo dhabannada haysta ayuu tixdani ku dhuftay.

Waa duni sitaadoo
Kala siraysa labadii
Sooryo isku raacdoo
Inba dhinac u soocatee,
Surdumaha jacaylku
Seetay igu xidheenoo
Isa saari waayey
Samirkiyo dulqaadkee.

Ilhaaneey walaaleey
Sunta caashaq kululaa
Wada saaqday jidhkaygeed
Siddaha u goynaysid.

Sarbeeb maaha guurku
Sir qarsoonna maahee
Nolol siman weeyoo
Aayaha seeskiisa weeyee
Sowtaan heshiis ahayn
Maxaad ii saluugtay
Ma sedkaagaa go’aybaad
Nafta u silcinaysaa?
Nabsi waa soo gudaayoo
Calaf waa sar go’anyee
Ha igaga socon dhibkaygee
Adaan kaa dhur sugayaa.
Ilhaan dhegey jalaq umay siin hadalkaa, oo inyar oo jixinjix ahi may gelin

La soco.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA Madhxinta Af-Soomaaliga, Maxamed Bashe X. Xasan.

Mohamedbashe@hotmail.com

Waxa la tilmaamaa in afafka ama luqaduhu aanay waxba ka duwanayn ilmo yar oo la gardaadinayo, loona korinayo si uu u hanaqaado. Tisqaadka afku haddaba waa arrin si adag uga xidhnaan karta hadba sida afkaas loo daryeelo ee loo ilaaliyo. Soomaalidii hore afka oo aan weli qoraal gelin ayay haddana dhaqaalayn jirtey oo aanay waxba ka tasoobi jirin, kana lumi jirin.

Gabayga, geeraarka, guuxa, saarka, guurowga, buraanburka, maahmaahda, ciyaaraha kala duwan ee dhaqanka iyo hiddaha, hal-ku-dhigyada ama hal-haysyada murtiyeed iwm. ayaana ahaa kayd hodan ah oo ka qayb-qaata ilaalinta iyo madhxinta afsoomaaliga, waxaana kaydkaasi suugaantu uu soomaalida uga dhignaa oo ugu jirey halka ay dadyowga kale ee dunida ay ugu jiraan Rugaha Kaydka Kutubka iyo Taariikhda ee loo yaqaano Library-yada iyo Museum-ka.

Kaydkaas suugaanta ayaa haddaba waxa lagu tilmaami karaa hantida keliya ee soomaalida ay wax uga baxsadeen, ugana soo hadheen dagaaladdii iyo burburkii ka dhacay waddanka soomaaliya ee ilaa haatanna weli meelaha qaar ka sii dhisaalan. Suugaanta waxa kale oo lagu tilmaamaa in ay tahay il kale oo lagala soo bixi karo, lagana soo dheegan karo taariikhda iyo waayihii ummadda ee sooyaalka ahaa, sidii loo noolaa, wixii dhibaatooyin soo jiitamayey iyo sidii xalka loo raad-goobi jirey ee wax loo furdaamin jirey iyo xitaa qalabyadii la adeegsan jireyba.

Soomaalida waxa lagu tilmaamaa ummaddii maansada ama gabayga, Waxana dhici jirtey in lagu wada xidhiidhi jirey mararka qaar marka geedka iyo tala-goynta la isugu yimaaddo, in kulanka oo dhan inta uu dhammaanayo lagu adeegsado oo lagu wada xidhiidho hadal tixaysan oo sidii maansada qaafiyad ku socda. Waxa la yidhaahdaa Af-soomaaligu waa Tix iyo Tiraab.

Tixdu haddaba waa hadalka intiisa geedaysan ama maansaysan. Tiraabtuna waa intiisa caadiga ah ee maalin walba loo adeegsado wada xidhiidhka.
Haddaba waxa ay tixdu kaga duwan tahay tiraabta, tixdu waa hadal kasta oo leh dhacdo iyo higgaad ama qaafiyad. Dhacdadu waa miisaanka ereyga oo la raacinayo khad jeexan oo aan laga duwi karin; haddii jidkaasi laga baxana waxa la yidhaahdaa waxa yimaadda Deelqaaf. Higgaadda ama qaafiyadduna waa adeegsiga xaraf isku mid ah, iyada oo aan laga leexan fikraddii loo dan lahaa in la soo gudbiyo. Haddii higgaaddaasi laga baxana waxa yimaadda baa la yidhaahdaa Laaxin. Miisaanka maansada soomaalida waxa aabbe u ah oo asteeyey abwaanka weyn ee aqoonyahanka ah ee Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye. Isaga oo Gaarriye haddaba ka hadlaya miisaankaas maansada soomaalida waa kii lahaa; Dhegtaa diidda; meeshay xarfuhu dalab ku yeeshaane. Dhacdada uu miisaankeedu jaban yahay, waxa ka soo boodda dhegta oo dhegaysigeedu ma dhadhan samaado, si fudud ayaana loo soo saaraa meesha uu laaxinku ku jiro.

Xeel-dheeraanta suugaanta iyo afka soomaaliga waxa ka mid ah in nolosha oo dhan lagu also oo lagu sargooyo hab suugaanaysan. Dhinacyo iska dhan oo nolosha soomaalida ka mid ah ereyo afeedka lagu isticmaali jirey waxa ay raacayaan habkaas higgaadaysan ee qaafiyadda ku socda. Tusaale ahaan marka la is qabto ee laba dhinac ama laba qof ay wax dhex maraan, waxa loo kala bixi jirey mudduc iyo maddaacaley oo ah dhinac wax sheeganaya oo dacwad ku soo oogaya dhinaca kale iyo dhinaca labaad oo dacwaddaasi iska deedafaynaya oo iska difaacaya.

Waxa markaas la tegi jirey geedka oo gar-naqsi laga furi jirey sida maxkamadaha casriga ah oo kale.

Waxa haddaba guurtida xeer-beegtida ah ee geedku ay arrinta u qaybin jireen laba qaybood oo waxa ay odhan jireen waxa la isku hayo ee meeshaa yaallaa: Ma dhur baa mise waa dhaqan.

Dhurka waxa looga jeedaa wixii dhiig ama gacan-ka-hadal ku saabsan ee madasha geedka la keenay ee la xukumayo, dhaqankana waxa looga jeedaa wixii ku saabsan hanti ama dad la kala haysto ee ku kala maqan labada dhinac ee wax kala tirsanaya.

Haddaba haddii uu Dhur yimaaddo waxa dhibaabaha kiiskaasi loo kala saaraa isna laba qaybood, waxana laga soo qaadaa Qudh ama Qoon.
Qudh waxa looga jeedaa wixii dil ah ee gaadhsiisan naf la jaray oo qudh-gooyo ah, Qoontuna waa wixii nabaro la is gaadhsiiyey iyo dhaawacyo la xidhiidha.

Dhibaabaha qaybtiisa labaad ee dhaqanka loo yaqaan oo ku saabsan hantida ama dadka la kala haysto ayaa isna waxa loo kala qaybiyaa xilo iyo xoolo.

Xilaha waxa looga jeedaa dumar la kala qaaday ama la kala haysto iyo wixii la mid ah, xooluhuna waa wixii hanti ku aroora ee ku kala maqan labada dhinac.

Marka ay arrintu haddaba xoolo timaaddo ayaa waxa la odhan jirey: ma bar xoolaad baa mise waa beer, dadka qaarna waxa ay odhan jireen ma maal baa mise waa mood.

Barta xoolaad amaba maalka waxa looga jeedaa xoolaha la dhaqdo ee la isu sheeganayo, sida geela iwm. Beerta ama moodkana waxa looga jeedaa wixii dhul ama wax la mid ah la xidhiidha ee aan noolayn ee la isu sheeganayo, geedkana la keenay ee la xukumayo.

Barta xoolaad ayaa haddaba waxa iyana loo sii kala qaybiyaa magan iyo mooro.

Maganta waxa looga jeedaa wixii xoolo ah ee baadi ahaan ama dhac ahaan ama xatooyo ahaan beesha ku galay ee lagu haysto iwm. Mooradu laba macne ayay af-soomaaliga ku leedahay, waxase halkan looga jeedaa wixii xoolo ah ee xerada ku jira ee ku saabsan dhaxal iwm. Macnaha labaad ee Mooradu waxa uu la xidhiidhaa faalka iyo maluugta.

Dhinaca kale marka neefka xoolaha ah la shidaysanayo ee la qalanayo amaba martida loo loogayo, ayaa waxa hilibkiisa loo qaybiyaa abla ablayn ku sar-jaran habkaas maansaysan ee soomaalidu ay u adeegsato nolosha caadiga ah, waxana neefka shidhada ah loo qaybiyaa hilibkiisa: So’ iyo Saan.

So’du waxa ay yeelataa af-soomaaliga macneyaal badan. Mar waxa ay noqon kartaa meel cayiman oo ka mid ah darka ceelka ama inta uu degaanka reerku yahay ee uu ku fadhiyo, halkanse waxa ay ugu jirtaa oo looga dan leeyahay inta haragga ama maqaarka neefka ka hoosaysa ee hilibka, lafaha, xumaysta, uuska iwm. ee neefkaasi loo qalanayo shida-ahaanta.

So’da lafteeda ayaa waxa iyana loo sii kala qaybiyaa laba qaybood oo look ala yaqaanno: Laf iyo Lud.

Waxa uu Ludka mancihiisu yahay oo looga jeedaa wixii ka soo baxsan ee aan ahayn lafaha neefka, waana hilibka oo dhan ludku.

Ludkaas ayaa isna waxa loo sii kala qaybiyaa Jiidh iyo Jibaad. Hilibka intiisa aan jiidhka ahayn ee baruurta iwm ayaana jibaadha loo yaqaan.

Haddaba quruxda iyo farshaxannimada af-soomaaligu leeyahay ee uu ku dhaadan karaa, loona baahan yahay in la soo bandhigaa, waa habkaas higgaadda ama qaafiyadda leh ee geedaysan, kuna taxmaya ee xitaa ku milmaya noloshii caadiga ahayd ee soomaalida. Si loo xusuunaado, loona haysto oo aan loo iloobin, ayaa waxa la adeegsanayaa ereyo sidii gabayga xaraf keliya ku wada socda oo maansaysan.

Waxa kale oo halkan soo gelaya ereyo badan oo kale oo ay ka mid yihiin:

Tiro iyo Tayo, Af iyo addin, If iyo Aakhiro, Bad iyo Berri, Buur iyo Bannaan, Talo iyo Tusmo, Hiil iyo Hoo, Xidid iyo Xigaal, Dad iyo Duunyo, Garre iyo guntane, Wadaad iyo Waranle, Wadaad iyo Wabiin, Ficil iyo Falaad, Faq iyo Fagaare, War iyo Wacaal, Werwer iyo Walaac, War iyo Waayaale, Bog iyo Beer, Calaf iyo Cawo, Ciil iyo Cadho,
Haad iyo Haanraawe, Garab iyo Gaashaan, Habar iyo habeenkeed, Biyo iyo Baad, Dufan iyo Duugmo, Kaaf iyo Kala-dheeri, Qoob iyo Qaylo, Gar iyo Garowshiinyo, Arag iyo Arrin, Hiif iyo Haaraan, Bur iyo Bahal, Dhib iyo Dheef, Rabbi iyo Rag, Raq iyo Ruux, Cidliyo Ciirsila’, Naq iyo Negaadi, Nabsi iyo Nasiib, Bash-bash iyo Barwaaqo iwm.

Haddaba ereyadaasi laba- labada isugu qodbani iyo qaar kale oo badaniba waxa ay ku aroorayaan oo ay beegsanayaan tubtii Higgaadda ama Qaafiyadda ee hadalka tixaysan. Sida muuqatana laba erey oo kastaba waxa ka dhexeeya xidhiidh iyo xadhko isku haya macnayaashooda oo isku mid noqon karaya amaba iska soo horjeedi karaya oo isku lid ah.

Sababta haddaba keenaysa in uu afsoomaaligu awooddaasi yeesho, ayaa lagu tilmaami karaa arrin ka soo jeedi karta hodannimadiisa iyo saamaynta ay maansadiisu ku yeelan jirtey nolosha soomaalida, waana arrinta loo baahan yahay in maantana la sii ambaqaado, lagana sii shaqeeyo oo si cilmiyaysan boodhka iyo habaaska looga sii jafo, iyada oo lagu simayo oo la gaadhsiinayo da’faceeddan jiilka cusub iyo kuwa laalan ee jiilasha dambe. Madhxinta Afsoomaaligu waa ma-guuraannimadii sooyaalka dhaqanka soomaalida.

Top


Waa In Dawladaha Hoose Lagu Wareejiyo Maamulka Degaankooda

Dawlada Hoose waa inay ogaadaan inay DAWLAD yihiin, dadka magaalooyinkooda ku noolna ay xukumaan. Dawlada dhexe shaqadeeda ma aha arimaha ka dhaca Magalooyinka. Dawladaha hoose waa inay ogaadaan cidkasta oo magaalooyinkooda ku nooli inay xukunka dawladooda hoos yimadaan.

Haddaba Dawlada Hoose waa inay maamusho:

1 Booliiska Magaalada.

Mino shiibiyada Cashuuraha ururiya.

Warshadaha Laydhka magalada.

Iyo wakaalada Biyaha magalada.

Booliska magaaladu waa inuu hoosyimado dawlada hoose. Waa in ay Mayarka iyo golaha dagaanku ay la wareegaan Booliska magaalada, oo gudoomiyaha booliiska magaladu uu xukunka ka qaato Mayerka magalada.

Waa inay dawladaha hoose ee dalku ay shir qabsadaan ay kaga hadlaan arimahan, cod midaysana ka soo saaraan.Waa inay sida ugu dhakhsaha badan u horgeeyaan Baarlamanka sharciga dawlada hoose. Sharcigana oo kala saraya awooda dawlada hoose iyo Dawlada dhexe. Sharciganina waa inuu u go’aamiyo in ay Dawladaha hoose la wareegto Booliska, Maxkamadaha deegaanka, Mini shiibiyda cashuurta ururisa iyo Warshadaha Laydhka iyo wakaaladaha Biyaha magalada.

Waxaa loo doortay Mayerka iyo gudida dagaanka inay magaalooyinka xukumaan.

Waxaan ku soo gunaandayaa warqadani in horumarka, nabadgalyada magaalooyinka Mayarada iyo Gudida dagaanka dadka soo doortay ay iyaga kala xisaabtami doonaan, ee aan wasiir, walaa Madax wayne toona lagala xisaabtamaynin. Mana suurto galayso Mayarada iyo golayasha dagaanku inay shaqadooda qabsadaan, haddii ayna si xor ah u xukumin:
Booliska magaalooyinkooda.

Maxkamadaha dagaanka; kuwa dambiyada, cashuuraha, iyo dulka.

Mino shiibiyada Cashuuraha ururiya.

Warshada Laydhka ee magaladooda Iyo Wakalada Biyaha ee magaladooda.

Omar A. Yousuf, Ururka Wadaniyiinta Somaliland.

Top


Waadiga Ciyaaraha: Halkee Ayay Kala Maraysaa Sayladda Kala Iibsashada Ciyaartoyda Yurub

C/fataax M. Caydiid

Kooxda Chelsea oo aanay weli lacagtii ay ugu talo gashay imay ku iibsato ciyaartoydu weli ka dhamaan

London (W. Wararka) – Kooxaha heerka koowaad ee Liiggaga Qaaradda Yurub ayaa beryahanba ku kala tartamayey ciyaartoyda ugu magaca iyo heerka sareysa ciyaarta kubadda cagta ee adduunka, iyadoo ay koox walibana ku dedaalaysay sidii ay kooxdeeda uga dhigi lahayd koox adag oo aan la iska caabin karin, gaar ahaan kooxaha iyagu u soo baxay tartanka horyaalka Yurub, ahna kooxaha safka hore kaga jiray liiggaga dalalka Qaaradda Yurub xilli-ciyaareedkii 2002-2003 ee dhammaaday.

Hadaba kooxda Chelsea oo haatan uu iibsaday ninka labaad ee ugu taajirsan dalka Ruushka ayaa iyadu maalmahan dambe dambiisheedii ku guraysay ciyaartoy magac waaweyn leh, iyadoo ay ugu dambeeyeen labada ciyaartoy ee khadka dhexe ka ciyaara oo ay ku dareen Veron iyo Cole.
Chelsea iyadoo weli ku guda jirta soo iibsashada ciyaartoyda magaca leh, ayay dorraad baayaceen weeraryahanka reer Romaaniya Adrian Mutu oo u safta kooxda Parma ee dalka Talyaaniga.

Kooxda Chelsea ayaa diyaar u ah inay ku iibsato ciyaartoygan 12 milyan oo lacagta giniga ingiriiska ah oo dhiganta 16.8 milyan oo Dollar, isla markaan ay kooxda Parma-na ogolaatay qiimahaaas, balse laga war-sugayo in ay si shakhsi ah ula heshiiyaan ciyaaryahanka Mutu, iyadoo la filayo in uu ogolaan doono maadaama uu horey uga codsaday kooxda Parma in ay sii daayaan.

Kooxda Chelsea ayaa iyadu soo iibsatay 6 ciyaartoy tan iyo markii uu kooxda iibsaday taajirka Ruushka ah ee Abromovich, waxaana ciyaaryahanadaas lixda ah kaga baxay kooxda 58 milyan oo lacagta giniga ingiriiska ah oo u dhiganta in ku dhaw 81 milyan oo dollar.

Dhinaca kooxaha kale kooxda Bayer Munich ee Jarmalka ayaa soo iibsatay weeraryahan aad u khatar ah oo lagu magacaabo Roy Makaay oo reer Holland, una ciyaari jirey kooxda Deportivo La Coruna ee dalka Spain, iyagoo ku soo iibsaday 17.75 Milyan oo lacagta Euro-da ah iyo weliba 930,000 Euro ah oo ay siin doonaan kooxihii soo dhisay mustaqbalka ciyaaryahankan Makaay oo kala ah; SBV Vitesse iyo NEC Nijmegen.

Hadal iyo dhamaan iyadoo ay muddo yar ka hadhsan tahay bilaabashada horyaallada liiggaga dalalka Yurub iyo horyaalka Yurub ayaynu ka war sugi doonaa bal waxa uu ciyaaryahan waliba ku soo kordhiyo kooxdiisa cusub.

Top


Orodyahanka Ingiriiska Ah Ee Chambers Oo Ku Guulaystay Orodka 100mitir Ee Tartanka Norwich Union

London (W. Wararka) - Orodyahanka da’da yar ee Britishka ah, isla markaana ah horyaalka orodka 100m ee Qaaradda Yurub ee Chambers ayaa ku guulaystay isla orodkaas 100m ee tartanka lagu magacaabo Norwich Union Grand Prix oo sannad walba xilligan oo kale lagu qabto magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Orodyahankan Chambers ayaa muddooyinkii la soo dhaafayba isdiyaarin xoog leh ugu jirey sidii uu uga badin lahaa ninka isagu haysta rikoodhka Orodka 100m ee adduunka ee lagu magacaabo Montgomory oo u dhashay dalka Maraykanka, waanu ka guulaystay walow uuna weli dhicin tartanka horyaalka adduunka (World Champion) ee orodka 100mitir.

Orodyahan Montgomory ayaan isagu ka qayb gelin tartankan kama dambaysta ah, ka dib markii uu ku guuldaraystay inuu u soo gudbo wareega final-ka isagoo kufay isla markii uu bilowday tartankii uu ugu soo gudbi lahaa finalka (Heat race).

Orodyahanka haysta horyaalka wadamada Commonwealth-ka laysku yidhaahdo ee Kim Collins ayaa galay kaalinta labaad, halka uu orodyahanka reer Nigeria ee Deji Aliu galay kaalinta saddexaad.

Top


Yaa Ku Guulaysan Doona Jaa’isadda Ciyaartoyda Ugu Wanaagsan Kubadda Cagta Ee Yurub?

Xidhiidhka kubadda cagta ee qaaraddaa Yurub oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan UEFA, ayaa ku dhawaaqay ciyaartoydii isugu soo hadhay biladaha kala duwan ee ciyaartoyda ugu wanaagsan Qaaradda Yurub oo sannad walba uu bixiyo xidhiidhkan kubadda Cagta Yurub.

Biladahan ayaa ah afar biladood oo la siiyo ciyaartoygii ugu fiicnaa sanadkasta Kaalmaha uu ka ciyaaro ee kala ah, Goolhaye, Difaac, Khadka Dhexe iyo Weerarka.

Haddaba, ciyaartoydii ugu dambeysay ee isugu soo hadhay wareega kama-dambaysta ah ee jaa’isadda sanadkan ayaa kala ah ciyaartoyda:

Goolhaye:

Buffon, Juventus (ITA)
Casillas, Real Madrid (SPA)
Toldo, Inter Milan (ITA)

ifaac:
Chivu, AFC Ajax (ROM)
Maldini, AC Milan (ITA)
Nesta, AC Milan (ITA)
Roberto Carlos, Real Madrid (BRA)
Thuram, Juventus (FRA)

Khadka Dhexe:
Davids, Juventus (HOL)
Makelele, Real Madrid (FRA)
Nedved, Juventus (CZE)
Scholes, Manchester United (ENG)
Zidane, Real Madrid (FRA)

Weerarka:
Raul, Real Madrid (SPA)
Ronaldo, Real Madrid (BRA)
Shevchenko, AC Milan (UKR)
Van Nistelrooy, Manchester United (HOL)
Vieri, Inter Milan (ITA)

Biladahan ayaa la gudoonsiin doonaa ciyaartoyda ku guulaysta dhammaadka ciyaarta kama-dambaysta ah ee koobka sare ee Qaaradda Yurub (UEFA Super Cup) oo ku dhexmari doonta kooxaha AC Milan oo ah horyaalka UEFA Champions iyo Porto oo ah UEFA Cup magaalada Monaco taariikhdu marka ay tahay 28 ka bishan August ee aynu ku jirno. 

Top