“Tallaabo Kasta Oo Lagu Duudsiyayo Ictiraafka
Somaliland Waxay Beesha
Caalamka U Horseedi Kartaa Cawaaqib Xumo,” Warbixin Hortaal Xafiiska
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Koonfur Afrika
Natiijada Imtixaankii Dugsiyada Dhexe Iyo
Sare Oo La Soo Saaray Kala Sareynta
Shir Lagu Xallilayo Khilaafaadkii
Hadheeyay Jaamacadda Camuud Oo Ka Dhacay Boorama
Haween Reer Kala-Baydh Ah Oo Cabasho
La Hortegay Xafiiska Maayorka Gebilay
19 Carruur Ah Oo Laga Keenay Dalalka
Scandinavian-Ka Oo La Kulmay Waalidkoodii Ay Kala Baadeen
Kalluumaysatada Reer Berbera Oo Ka
Digay Maraakiib Badda Xaalufinaysa
“Waxay Jebiyeen Heshiiskii Lala Galay, Waxaana Xeebaha Wadhan Kalluun Ay
Daadiyeen” Bayaan – iskaashatada kalluunka Berbera
Dugsi Hoose/Dhexe Oo Laga Furay
Tuulada Wada-Bariis
Allay-Baday: Fursadda Ka Dayacantay
Iyo Duruufta Maanta Haysata, Warbixin – Weriyaha Haatuf Ee Gebilay
Qaraxyo Is-biimayn ah oo Dhimasho Iyo
Dhaawac Geystay Oo Ka Dhacay Gudaha Isra’il
Dhammaadka Mudadii Carta Iyo
Is-Giijinta C/Qaasim Salaad
Maraykanka Iyo Ururka ECOWAS Oo Ka
Wadahadlaya Xaaladda Liberia
Ururada U Ololeeya Deegaanka Oo
Dhaliilay Hindise Kasoo Yeedhay Madaxweyne Bush
Indonesia: Maxkamad La Soo Taagay
Wadaad Lagu Eedaynayo Qaraxyo
Shirkadaha Coke iyo Pepsi oo lagu
eedeeyay sumeyn
“Taariikhda Miilaadigu Lama Socoto
Xiliyada Isbedelaya, Waxaana Sax Ah Nayruuska,” Axmed Cige Ducaale – Khabiir
Akhriya Xilliyada Dabiiciga Ah
|
|
“Tallaabo Kasta Oo Lagu
Duudsiyayo Ictiraafka Somaliland Waxay Beesha
Caalamka U Horseedi Kartaa Cawaaqib Xumo,” Warbixin Hortaal Xafiiska
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Koonfur Afrika |
“Tallaabo Kasta Oo Lagu Duudsiyayo Ictiraafka Somaliland Waxay Beesha
Caalamka U Horseedi Kartaa Cawaaqib Xumo,” Warbixin Hortaal Xafiiska
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Koonfur Afrika
London (Mail And Guardian) – La-taliyayaasha dhinaca sharciga ee
wasaaradda arrimaha Koonfur Afrika ayaa taageeray mawqifka Somaliland ee
ah inay tahay dal madax banaan, beesha caalamkana ay ka mudan tahay inay
ictiraafaan, waxayna la taliyayaashu sidaa ku sheegeen warbixin ay dhawaan
u gudbiyeen wasiirka arrimaha dibadda ee dawladda Koonfur Afrika marwo
Nkosazana Dlamini-Zuma, laakiin warbixintaasi waxa ay ka dambaysay qorshe
hore oo ay haweenayda wasiirka arrimaha dibadda Koonfur Afrika la
taliyayaasheeda dhinaca sharciga u xilsaartay inay talo ka soo siiyaan
sida ay isu waafaqayaan ama isu qabanayaan mawqifka madax banaanida
Somaliland iyo ictiraafkeeda marka loo eego sharciyadda caalamiga ah.
Warbixintan ay la taliyayaasha sharciga wasaaradda arrimaha dibadda
Koonfur Afrika hordhigeen wasiirkooda, waxa lagu daabacay Wargeyska Mail
and Guardian Newspaper oo ka soo baxa dalka Britain, cadadkiisii soo baxay
11-August 2003, waxaana warbixintaa Wargeyska ku soo daabacay suxufiga
magaciisa la yidhaahdo Jean-Jeaques Cornish, iyada oo uu suxufigani ka mid
ahaa kooxihii Somaliland yimid xiligii ay dhacaysay doorashadii
madaxtooyadu.
La taliyayaasha sharciga ee wasaaradda arrimaha dibadda Koonfur Afrika
waxay warbixintooda ku sheegeen inaan la dafiri karin inay Somaliland u
qalanto inay noqoto qaran madax banaan iyo inay beesha caalamka waajib ku
tahay inay ictiraafto, iyaga oo intaa ku daray in haddii la duudsiyo xaqa
ay Somaliland u leedahay in Ictiraafo ay taasi horseedi karto cawaaqib
xumo, waxayna yidhaahdeen “Talaabo kasta oo lagu duudsiyayo ama dib loogu
riixayo Ictiraafka Somaliland, waxay beesha caalamka u horseedi kartaa
cawaaqib xumo ka dhalata, iyada oo la iska indha-saabo jiritaanka
mandaqada ugu xasiloon ee ku taal geeska Afrika iyo dhibaatooyin ku
habsada dadka reer Somaliland, kuwaas oo ka dhalan kara Ictiraaf la’aanta
awgeed, iyada oo Ictiraaf la’aanta ay dadka reer Somaliland waasiin karto
inay helaan kaalmo dibadeed”.
La taliyayaashan waxa kale oo ay warbixintooda ku yidhaahdeen “dawladaha
hadda jiraa, haddii ay kala googo’aan waxay maslaxada iyo xasiloonidu ku
jirtaa in arrimahooda lagu dhameeyo si nabadgelyo ah iyo wada hadal, xili
kasta oo ay suurto gal tahay,
Balse haddii uu habkaa nabadgelyo suurto gal noqon waayo, sida ay hadda
xaaladda Soomaaliya tahay oo kale, waxa qaynuunka caalamiga ahi
ogolaanayaa in la tixgeliyo sugitaanka cadaaladda, taas oo mudnaanta ka
yeelanaysa ilaalinta la ilaalinayo xuduudaha iyo midnimada dhuleed”.
Warbixintan ay soo gudbiyeen la taliyayaasha dhinaca sharciga wasaaradda
arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika oo hadda dul taal miiska Dlamini-Zuma (Wasiirka
arrimaha dibadda Koonfur Afrika), waxa iyana ka sii horeysay oo taageersan
nuxurka warbixin ay 28-kii July 2003, soo saareen ururka qalalaasaha
adduunka (International Crisis Group), oo ay ku bahoobeen siyaasiyiin ruug
cadaa ah, diblomaasiyiin caan ah iyo khubaro aqooneed oo ka kala tirsan
dalalka dunida, waxayna warbixintoodu sheegtay inaanay arrinta Somaliland
jirin wax kale oo loo dhaafo in Ictiraafo mooyee iyo inay beesha caalamku
si waaqiciya hoos ugu eegto mawqifka iyo rabitaanka Somaliland ee ah inay
aayaheeda ka tashato ama haddii kale ay beesha caalamku ku adkaysato
fikradda khiyaalka ee hadda socota ee ah in la dhawro midnimada
jamhuuriyaddii Soomaaliya.
Top
Natiijada
Imtixaankii Dugsiyada Dhexe Iyo Sare Oo La Soo Saaray Kala Sareynta
|
10-ka Arday ee kaalinta 1aad ilaa 10aad u
galay imtixaan Shahaadiga ah ee fasallada 4aad ee Dugsiyada Sare ee J.
Somaliland sannad-dugsiyeedka 2002/2003, waxayna u kala sareeyaan sida
hoos ku qoran
# R/L Magaca Ardayga Dugsiga Dhibcaha
1 1110171 C/Naasir Cali Sahal Sh. C. Jowhar 736
2 1120033 Khadar Xasan Daahir Bookh Al Aqsa 694
3 1120006 Axmed Maxamed Caateeye Cige Al Aqsa 686
4 1120012 C/fataax Maxamed Cismaan Camir Al Aqsa 675
5 2310055 Siciid Faarax Xuseen M. A. Cali 654
6 2120205 Ismaaciil C/laahi Cumar 26ka June 647
7 2110179 C/risaaq Ismaaciil Qalinle Cabdi F/Oomaar 645
8 2110185 Axmed Suleyman Bashir Ismaaciil F/Oomaar 644
9 2310058 Muxyadiin C/laahi Siciid M. A. Cali 635
10 1110173 Abokor Sh. Xuseen Aadan Sh. C. Jowhar 632
Natiijada Dugsiyada Sare
Natiijada Guud ee Imtaxaanka Shahaadiga ah ee fasallada 4aad ee Dugsiyada
Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Sannad-Dugsiyeedka 2002/2003
# School
A B C
D E (Failure) Absent Total
1 Sh. Cali Jowhar 4 4
15 32 18
4
77
2 Al Aqsa
10 6 32
17 4
9
78
3 Bin Kacab 5
6 7
0 1
0
19
4 Faarax Oomaar 5 10
45 33
28
13
134
5 26-ka June 18
15 61 43
21
65
223
6 Ga’an libaax 6
7 40
39 55
9
156
7 M. A. Cali 4
9 29
18 34
8
102
8 Tima Cadde 2
1 23
53 29
10 118
9 Arabsiyo 0
2 3
9 5
3
22
10 Bursade 2
3 17
10 2
1
35
11 Sh. Bashir 2
3 21
14 11
2
53
12 Ceerigaabo 0
1 12
12 2
1
28
13 Gar-adag 0
0 1
6 4
0
11
TOTAL 58 67 306 286 214 125 1056
Total Passed 717
Total % Failed 214 (20%)
Total % Absent 125 (12%)
% Passed 68%
% in grades 5% 6% 29% 27% 20% 12%
Kala Sareynta
10ka arday ee kaalinta 1aad ilaa 10aad u galay imtixaanka Shahaadiga ah ee
fasallada 8aad ee Dugsiyada dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland
sannad-dugsiyeedka 2002/2003, waxayna u kala sareeyaan sidan
# R/L Magaca Ardayga Dugsiga Gobolka Dhibcaha
1 651522 Magan Cali Maxamed Magan Sh.Muxd Warsame Harg/Gabiley 644
2 316304 Ayaan Cilmi Maxamed Cali Ubaya Binu Kacab Borama/Awdal 636
3 613426 Barkhad Max’ed Diiriye Faarax Sh. Madar Hargeysa 629
4 653301 C/risaaq Xasan Cismaan Arabsiyo Hargeysa 628
4 633359 Mustafe Xasan Daahir Cali Qudhac-dheer Hargeysa 628
5 316360 Faysal C/samad Cismaan Axmed Ubaya Binu Kacab Borama/Awdal 626
5 611664 Axmed Idiris Axmed C/laahi Sh. Cali Ibraahim Hargeysa 626
6 316340 Max’ed Cali Bade Cabdi Ubaya Binu kacab Borama/Awdal 620
7 653314 Warsame Cabdi Cilmi Arabsiyo Hargeysa 618
7 316346 Xamse Max’ud Cabaase Xuseen Ubaya Binu kacab Borama/Awdal 618
8 643327 Muse Xasan Faarax Aadan Cali-Jaamac Hargeysa 617
9 632340 C/risaaq Max’ed Cabdi Cabdille Guryo-samo Hargeysa 616
10 111460 Max’ed Ismaaciil Xirsi Max’ud Saaxil Berbera/Saaxil 614
Top
Shir Lagu
Xallilayo Khilaafaadkii Hadheeyay Jaamacadda Camuud Oo Ka Dhacay
Boorama |
Boorama (Haatuf) – Shir lagaga hadlayey kor
u qaadidda hawlaha jaamacadda Cammud. xallinta khilaafkii dhawaanta soo
dhex galay maamulka Jaamacadda iyo adkaynta midnimda shacbiga
gobolka ee ku waajahan dhismaha jaamacaddaasi ayaa saaka lagu qabtay
hoolka shirarka Dawladda Hoose ee Boorama.
Sida uu kusoo waramay weriyaha Haatuf ee Boorama Maxamed Cumar, Kulankan
oo uu guyddoominayey Duqa Boorama Cabdiraxmaan sheekh Cumar ayaa waxa kale
oo kasoo qaybgalay Aqoonyahanada qurbajoogga ah ee Reer Boorama isla
markaana qayb kasoo qaatay dhismaha jaamacadda Cammuud, odayaasha
magaalada kale ,iyo dadweyne iyo waxgarad kaleba. Duqa Boorama oo saaka
furay hadal ujeedadiisu ahayd sidii reer Boorama u muujin lahaayeen
rabitaanka Jaamacaddaasi iyo sidii ay ugu dadaali lahaayeen jiritaakeeda
waxanu sheegay inaan la iloobi karin dadkii usoo halgamay dhismeheeda
,cid kasta oo ka mid ah dadweynaha gobolkuna xaq u leeyahay inuu helo
manaafacaadkeeda. Duqa kaddib waxa iyaguna haalkaasi ka hadlay qaar ka
tirsan odayasha iyo waxgaradka ku nool magaalada, iyadoo hadalkooda ay
kaga sinnaayeen sida looga xunyahay wax kasta oo dhacayba saamaynnna ku
yeelan kara aayayaha Jaamacaddaasi.Waxa kale oo hadalladooda ku jiray
sida loogu baahanyahay in xal loo helo khilaafkaasi sababta u noqon kara
in reer Awdal ku kala qaybsami karaan,duminayana magaca jaamacadda cammuud.
Suldaan, Baade Xaddi, Xaaji cali Dhuux, Caaqil Saleebaan Cali Kaahiye
Xaaji Jaamac Muxumed iyo xubno kale oo waxgaradka reer Boorama ahi waxay
aqoonyahanada xaqiiqo raadiska ah ee shirka joogay uga ballanqaadeen in
wax kasta oo jaamacadda u keeni kara dhibaatooyin saameeya ay ku
khasbanyihiin xalkeeda.
Shirkan saaka oo marmarka qaarkood hadallo kulkulul la isku weydaarsanayey
ayaa duqa magaaladu jawigiisa debciyey kaddib markii ninka la yidhaa Tukaale
Riiraash bilaabay hadal loo diiday cajaladaha saxaafadda maqalka iyo
muuqaalkaba leh oo khusaynayey khilaafka
la sheegay waxa sababay.
Ugu dambayntiina jawiga shirkan ayaa ahaa mid baal cusub oo wadahadal ah
u furaya cidda uu khuseeyey khilaafka dhinaca maamulka ee dhawaan
jaamacadda soo galay,si loo qanciyo cidii wax tabanaysay, cidda wax laga
tabanayey iyo dadkii u soo halgamay dhismeheeda.Inkastoo aqoonyahanada
Gobolka u dhashay ee u yimi arrintani anay ka hadal goobtan saaka ,hase
yeshee waxa la filayaa inay soo saari doonaan talooyin lagusii xoojin
karo jiritaanka jaamacadda. Top
Haween Reer
Kala-Baydh Ah Oo Cabasho La Hortegay Xafiiska Maayorka Gebilay |
Gebilay (HaatuF):Haween ay tiradoodu
gaadhayso ilaa 35 xubnood oo reer Kala-baydh ah ayaa shalay maamulka
degmada Gebilay soo gaadhsiiyey cabasho la xidhiidha dhibaatooyin ay
sheegeen inay haysato, iyaga oo xaaladda adeeg ee magaaladooda ku
tilmaamay mid aad u liidata.
Sida uu ku soo warmay ee degmada Gabiley Maxamed Xasan Yare, kooxdan
dumarka ahi subaxnimadii hore ee shalay ayey bas weyn kaga yimaadeen
magaalada Kalabaydh, waxayna yimaadeen xarunta maamulka ee degmada Gabiley,
halkaas oo ay maayarka Gabiley C/Qaadir Axmed Cumar ugu gudbiyeen qoraal
ay ku tilmaameen waxyaabaha ay ka cabanayaan, laakiin qoraalkaa ka sokow
waxa uu maayarku haweenkaa kula hadlay hoolka shirarka ee xarunta dawladda
hoose, halkaas oo uu dumarkaa ka dhegaystay waxyaalaha ay ka cabanayaan.
Maryan Siciid Jaamac oo ka mid ahayd kooxdaa haweenka ayaa iyada oo
tilmaamaysa waxyaalaha ay ka cabanayaan tidhi “Anagu waxaanu u soconay in
wax nalagala qabto dhibaatooyin magaaladayada ka jira oo is-biir-biirsaday,
kuwaas oo haddii aan si deg deg ah wax looga qaban keenaya inaan nololiba
magaalada ka suurto gelin”, laakiin Maryan iyada oo hoos ugu dhaadhacaysa
dhibaatada ay ka cabanayaan waxay tidhi “Anaga oo og inay Kalabaydh tahay
il-dhaqaale oo ay maalin walba ka soo xeroodaan dakhli boqolaal Milyan oo
shilin ahi, haddana waxa reer Kalabaydh bishii nagaga dhinta toban haween
ah, kuwaas oointa fooshooda lagu sii wado Gabiley dhinta, masalan
Kalabaydh toban sannadood ka hor ayaa laga dhisay MCH, laakiin ilaa
maalintii la dhisay ilaa maanta albaabadaa u xidhnaa, waxayna noqotay
kharaabad, ta kale magaaladu biyo ma leh, oo xaalkeeda Ilaahay uunbaa og,
sariibadiina way dunsantahay, ma lihin meel maxaabiista lagu xidho oo
Gabiley baa la geeyaa, iskuulkii carruurtu wax baranaysayna wuu dumay,
mana jiro adeeg kale oo naloo qabtaa, taasina waa ta maanta na soo saartay”.
Maryan Siciid Jaamac waxay sheegtay inay dhibaatadan hore ugu sheegeen
madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo midba mar socdaal ku
yimid Kalabaydh, iyada oo intaa ku dartay “Saddex maayar oo isaga
dambeeyey Gabiley-na mid walba waanu u sheegnay, laakiin ilaa hadda waxba
lagama qaban, sidaa darteed waxaanu maanta halkan u nimid in wax laga
qabto dhibaatadaa”.
Maayarka Gabiley C/Qaadir Axmed Cumar ayaa isna sheegay inay arrimahaa wax
ka qabanayaan, wuxuuna sheegay inay arrinta MCH-ka todobaadkii tegay
dhamaystireen qorshe dib loogu habaynayo, isla markaana ay doonayaan inay
si deg deg ah u furaan, una diyaariyeen dhakhaatiirtii ka hawlgeli lahayd,
laakiin wuxuu intaa ku daray inay sugayaan hay’adda WHO oo balan qaaday
inay keenayso daawooyinka MCH-kaa lagu isticmaalayo.
Sidoo kale waxa uu maayarku sheegay inuu Iskuulka Kalabaydh u dirayo
Ingineero soo qiimeeya baahidiisa, ka dibna ay sida ugu dhakhsaha badan u
dhamaystirayaan waxyaalaha uu u baahan yahay, wuxuuna sheegay inay
maalmaha soo socda tegi doonaan magaalada Kalabaydh, si ay u soo dersaan
baahiyaha halkaa ka jira, isaga oo tilmaamay inay maamul ahaan ka
go’antahay inay si deg deg ah wax uga qabtaan wixii baahiya ee magaalada
ka jira. Top
19 Carruur Ah
Oo Laga Keenay Dalalka Scandinavian-Ka Oo La Kulmay Waalidkoodii Ay
Kala Baadeen |
19 Carruur Ah Oo Laga Keenay Dalalka
Scandinavian-Ka Oo La Kulmay Waalidkoodii Ay Kala Baadeen “Mar waxaan is
idhi inankaagii wuu gaaloobay, marna waxaan u maleeyay in la iibiyay oo
aanan dib u arkayn,” Foozia Axmed Oo Wiilkeedii ay isugu dambaysay dhawr
iyo toban sannadood ka hor
Hargeysa (Haatuf) – Hay’adda Save the Children ee Denmark, ayaa June
26-keedii dalka Somaliland booqasho u keentay koox dhallinyaro ah oo isugu
jira wiilal iyo gabdho, kuwaas oo iyaga oo carruur ah qaxootinimo ku tegay
dalalka Norway, Denmark iyo Sweden, halkaas oo ay ku noolaayeen ilaa intii
ka dambaysay barakacii, qaxii iyo xasuuqii uu nidaamkii Siyaad Barre kula
kacay dadka rayidka ah ee reer Somaliland dabayaaqadii sannadihii
sideedtanaadkii.
Haddaba, kooxdan dhallinyarada ah oo tiradoodu ahayd 19 qof, ayaa ahaa
qaar ay waalidiintooda Somaliland ku sugan kala baadeen oo ay isugu
dambaysay tan iyo wakhtigii ay carruurta ahaayeen, baahi laxaad lehna u
qabay inay is arkaan, waxa kadib markii ay dib ugu soo laabteen dalkoodii
hooyo u suurtoobay inay la kulmaan waalidiintoodii iyo ehelkoodii ay u
boholyoobeen, isla markaana ay fursad u helaan in ay indhaha saaraan
dalkii ay ka qaxeen oo ku sugan nabad iyo xasilooni buuxda, taas oo ah mid
aad uga gedisan xaaladii ay kaga tageen iyaga oo dhallaan ah.
Haddaba, xaflad shalay gelinkii hore lagu qabtay Maansoor Hotel oo lagu
soo gebo-gabaynayay safarka dhallinyaradan oo ay ka soo qayb-galeen iyaga
iyo waalidiintoodii, wasiir ku-xigeenka waxbarashada Somaliland, Ismaaciil
Madar, iyo laba sarkaal oo ka kala tirsan Save the Children Demark [Yuusuf
Cabdillaahi Cumar] iyo Save the Children Sweden [Cabdillaahi Xasan], waxa
hadalo jidhiidhico leh munaasibaddaas ka soo jeediyay ubadkii iyo
waalidkii muddada dheer kala maqnaa, iyada oo mid waliba ka waramay
duruufihii kala maqnaashahooda iyo waayihii nololeed ee taasi ka dhashay.
Najiib Jaamac Faarax, wuxuu ka mid yahay kooxdan dhallinyarada ah ee dalka
ku soo laabatay. Waa wiil hadda 16 jir ah oo Hargeysana ku dhashay. Isaga
iyo hooyadii Foosiya Axmed, waxay is-mooganaayeen muddo 11 sannadood ah,
kadib markii ay habaryartii u kaxaysay dalka Norway.
Najiib markii muddo 4 sannadood ah uu ku noollaa guriga Habaryartii ayaa
waxa la soo gudboonaaday mushkilado yaryar oo sababay in dawladda Norway
ay ku wareejiso qoys caddaan ah oo lagu aamini karo inay masuul ka noqdaan
tarbiyadiisa, taas oo walaac iyo walbahaar ku keentay hooyadii Foosiya oo
iyadu Hargeysa ku nooleed, sidaasna uu xidhiidhkoodii ku kala furmay.
Hooyo Foosiya oo shalay ka hadlaysa dhibaatada ay arrintaasi ku keentay,
ayaa waxay tidhi: “Mar waxaan is idhi inankaagii wuu gaaloobay, marna
waxaan u maleeyay in la iibiyay oo intaan walaashay telefoon u diray ayaan
ku idhi anigu waxan ma fahmayo ee inankii imisaad siisatay.”
Mar aanu shalay Najiib weydiinay inuu wax ka xusuusan yahay markii
Hargeysa ugu dambeysay ayaa waxa uu yidhi: “Waxaan ahaa malaha 5-6 jir,
waxa keliya ee aan xusuusanahay in Bum Bum dhacaysay.”
Najiib wuxuu sheegay in dib u soo noqoshadiisani iyo waliba la kulanka
hooyadii ay ku dhalisay dareen aanu sifeyn karayn, waxaase wajigiisa ka
muuqday dareen farxad leh.
Najiib oo hadda ay uga hadhsan tahay 2 sannadood wakhtigii uu ka
qallin-jebin lahaa dugsiga sare, waxa uu Wargeyska Haatuf u sheegay inuu
damacsan yahay mustaqbalka inuu noqdo Injirneer wax dhisa, taas oo uu
yidhi waxay la xidhiidhaa rabitaankiisa ah inuu ka qayb-qaato dib-u-dhiska
dalkiisii hooyo.
Luul Cabdi Jaamac, waa gabadh 20 jir ah oo ku dhalatay Burco, waxay iyada
hooyadeed iyo walaalaheed u qaxeen dalka Kenya, halkaas oo ay ku
noolaayeen dhawr sannadood intii aanay 1993-kii u ambabixin dalka Sweden,
halkaas oo uu deggenaa Luul aabaheed oo isagu markiiba Somaliland dib ugu
soo laabtay ilaa iyo haddana uu ku sugan yahay.
Luul waxa safarkeedan ay ku timid Somaliland ku weheliya laba wiil oo ay
walaalo yihiiin, waxaanay gabadhani sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay
imaatinkeeda oo iyada iyo walaalaheedba ay la kulmeen aabahood, iyada oo
muddadii ay ku sugnaayeen Somaliland ay soo booqdeen magaalada Burco iyo
gurigii ay ku noollaan jireen intii aanay halkaas ka qixin.
Luul waxay sheegtay in muddadii ay booqashada ku joogtay Somaliland ay
aragtay dad badan oo maskaxda wax uga dhiman yihiin, waxaanay tidhi:
“Waxaan jecelahay inaan mustaqbalka noqdo dhakhtar takhasus u leh wax-ka-qabashada
waalida, si aan dadkayga wax u tari karo.”
Dhinaca kale, Luul waxay dadka reer Somaliland ee iyagu aan qabin
xannuunka maskaxda u soo jeedisay in ay dadka waalan u naxariistaan oo
aanay dhibsan.
Sida uu noo sheegay Yuusuf Cabdillaahi Cumar oo muddo 9 sannadood ah la
soo shaqaynayay hay’adda Save the Children Demark, waxa jira carruur
Soomaaliyeed oo wakhtiyadii dagaalada u qaxday dalalka Yurubta galbeed,
gaar ahaan kuwa Scandinavian-ka ee ku yaalla Waqooyiga Yurub, iyaga oo ay
carruurtaasi halkaas tageen labadooda waalid la’aantood ama mid ka mid ahi
soo raacay, taas oo markii dambe saameyn ku yeelatay noloshii cusbeed ee
carruurtaas qaar ka mid ah, waxaanu Yuusuf Cabdillaahi u soo jeediyay
shacbiga reer Somaliland ee dalka gudahiisa ku sugan, siiba dhallinyarada
da’da yar in ay soo dhaweeyaan walaalahooda ay isku faca yihiin ee ka soo
noqonaya qurbaha markay dalkoodii hooyo ku soo laabtaan.
“Waxa laga yaabaa in ay xidhan yihiin dhar aan hore loo arki jirin ama
af-soomaaligooda khalad laga dhadhansado, laakiin waa in wax loo sheegaa,
loona dulqaataa si aanay u niyad-jabin,” ayuu yidhi Yuusuf.
Booqashada ay dhallinyaradani ku yimaadeen Somaliland, waxa iska kaashaday
hay’adda Save the Children ee ka dhisan dalalka Demark, Norway iyo Sweden,
Hay’adda Qaxoontiga ee Denmark (DRC) iyo ururka Midowga Yurub.
Sida uu noo sheegay Agaasimaha xafiiska Save the Children Denmark ku
leedahay Hargeysa, Mr. Ashebir, ujeedada ka dambaysay imaatinka kooxdan
dhallinyarada ah, waxay ahayd in la soo nooleeyo xidhiidhkii ay la
lahaayeen waalidkooda, dalkooda, dhaqankooda iyo diintoodaba, taas oo loo
arko in ay wax ka tari karto dhibaatooyinkii qurba-joognimadu ku reebay
noloshooda. Top
Kalluumaysatada
Reer Berbera Oo Ka Digay Maraakiib Badda Xaalufinaysa
“Waxay Jebiyeen Heshiiskii Lala Galay, Waxaana Xeebaha Wadhan Kalluun
Ay Daadiyeen” Bayaan – iskaashatada kalluunka Berbera |
Berbera (Haatuf): Iskaashatada Kaluumaysiga
Berbera (Berbera Fishing Co-operative) ayaa ku baaqay in la joojiyo
hawlgalada ay wadaan maraakiib ajanabi ah oo ka kaluumaysatada biyaha
badda Somaliland, iyaga oo ku tilmaamay inay maraakiibtaasi jabiyeen
qaabkii kaluumaysi ee heshiiska lagula galay, iyada oo ay maraakiibtaa
hore heshiis ula gashay wasaaradda Kaluumaysiga Somaliland, heshiiskaas oo
uu wasiirku kaluumaysigu saxeexay 19-kii June, 2003, sida ku cad qoraal af
Ingiriisi oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka.
Iskaashatadani waxa ay sidaa ku sheegeen warsaxaafadeed ay soo saareen
6-dii August, 2003, oo uu na soo gaadhsiiyey weriyaha Haatuf ee Berbera C/Raxmaan
X.Daahir, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi qornaa sidan:
“Ka dib markii aanu aragnay nuqulka heshiiska wasaaradda kaluumaysigu la
gashay shirkadda Almis, oo uu qodobka koowaad yahay in todoba markab
rukhso kaluumaysi loo siiyey biyahaha Somaliland, iyaga oo ku
kaluumaysanaya jeestada (Long Line), qodobka labaadna tilmaamayo inay
xeebta ka fogaadaan toban KM, laakiin waxaanu ogaanay inaanay maraakiibta
laga hadlayaa u qaabaysnayn jeestada (long line), ee ay yihiin maraakiibta
jiriifta badda oo ah nooca badda xaalufiya, waxaana taa cadaynaya
shabaagta wax xaalufisa oo maraakiibtaa saaran, waxaana taa cadaynaya
sawiro aanu ka soo qaadnay, waxa kale oo la cadeeyey inay ka kaluumaystaan
xeeliga oo ah halka mawjadu ka jabto, xeebta u jirta qiyaas dhan 200m,
meeshaas oo xataa laashashku dhaafeen sidaa awgeed waxaa noo cadaatay inay
jabiyeen heshiiskii kaluumaysi ee ay ku hawlgaleen sidaa darteedna uu
qabanayo qodobka lixaad ee heshiiska shirkada lala galay.
Waxa isna jabay qodobka xadidaya 5km ee uu tilmaamayo sharciga
kaluumaysiga Somaliland.
Haddii ay jeesto ku shaqaysanayaan waxa waajib ahayd in laga rogo
shabaagta ay wataan oo la siiyo markay hawshooda dhamaysteen.
Waxa la xaqiijiyey in muddadii yarayd ee ay shaqaynayeen inay kaluun badan
ku daadiyeen xeebaha oo uu hadda wadhan yahay, waxaana cadaatay inaanay
wasaaraddu fananadaad ku samayn qalabka ay sitaan. Waxa cadaatay in
kormeerayaasha la saaray inaanay tababar iyo aqoon u lahayn hawsha loo
dhiibay.
Waxay wasaaradda kaluumaysigu caadaysatay inay bixiso rukhsado kaluumaysi
oo mad-madaw leh, iskana horkeena kaluumaysatada iyo shirkadaha rukhsadaha
kaluumaysi la siiyo, laakiin arrinkan imika waxaanu dareensanahay inaanu
wasiirka cusubi Maxamed Siciid Gees wax badan kala socon, balse ay ahayd
arrin uu wasiirkii hore ee la bedelay sii qorsheeyey.
Maraakiibta shirkadaha kaluumaysatada shisheeyuhu waxay khasaare balaadhan
u geystaan kaluumaysatada wadaniga iyo hantidooda.
Sidaa awgeed waxaanu ugu baaqaynaa dawladda,, labada gole, axsaabta iyo
ciddii kale ee damqasho ka hayso kheyraadka badda in la joojiyo
maraakiibta jiriifta, waayo waxay xaalufinayaan xeebaha, isla markaana
dhibaato u geysanayaan deegaanka kaluunka, iyaga oo burburinaya shacaabiga
oo ah gaboodka noolaha badda, iyo iyaga oo khasaare balaadhan u geysanaya
hantida kaluumaysatada danyarta ah.
Waxaanu soo dhaweynaynaa heshiis kasta oo ay wasaaraddu bixiso oo ah inay
maraakiibta rukhsadaha la siiyey ku shaqeeyaan qaabka jeestada (long
line), waxaananu ka soo horjeednaa heshiisyada jiriifta oo ah nooc
xaalufinaya badda.
Waxaanu wasaaradda kaluumaysiga kula talin lahayn inay kordhiyaan wada
shaqaynta ka dhaxaysa ururada kaluumaysatada ah iyo maamulkooda, si ay ula
socdaan baahiyaha ka jira aagaga ay degen yihiin kaluumaysatadu”.
Qoraalkan waxa saxeexay xubnaha kala ah:
Yuusuf Maxamed Maxamuud Gudoomiye
C/laahi Ismaaciil Cadde Xubin
Maxamed Xuseen Yuusuf xubin
Cabdi Nuur Maxamed Cali Xubin
Siciid Cali Maacaleesh Xubin
Cali Xirsi Cali Xubin
Liibaan Maxamed Liibaan Xubin
Ismaaciil Maxamed Dhunkaal xubin
Maxamuud X. Iidle xubin
Cumar Cabdi Cali xubin
Yuusuf Maxamed Axmed xubin
Aadan xasan cawed xubin
Maxamuud cashuur aadan xubin
Jaamac axmed cashuur xubin
Maxamed siciid faarax xubin
Cumar aadan cismaan xubin
Red Sea Fishing Co. xubin
Al-Imra Fishing Co. xubin
Xeebsoor Fishing Co.
Maxamuud xasan yuusuf xubin
Cismaan Daroor xasan Top
Dugsi Hoose/Dhexe
Oo Laga Furay Tuulada Wada-Bariis |
Hargeysa (Haatuf): Guddoomiyaha waxbarashada
gobolka Hargeysa, Axmed Cali Toor, ayaa maalintii shalay socdaal ku tegay
tuulada Wada-bariis oo ka tirsan degmada Fara-weyne. Guddoomiyaha oo
ujeedada socdaalkiisu ahayd furitaanka dugsiga hoose/dhexe ee tuulada
wada-bariis oo ay maal-gelisay hay’adda Dennis Refugee Council, sannadkii
2001.
Dugsigani waxa uu ka kooban yahay laba fasal, iyadoo shalay si rasmi ah
loo furay, waxaana lagu bilaabay 60 arday. Xafladii furitaankana waxa
kasoo qaybgalay maamulka dugsiga, odayaasha deegaanka wada-bariis iyo
ardayda dugsigaasi. Waxaana guddoomiyaha ku soo dhoweeyay halkaasi
taliyaha saldhiga booliska degmada fara-weyne, Saleebaan Yaasiin Axmed oo
sheegay inuu ka wakiil yahay Guddoomiyaha degmada Fara-weyne oo hawl shaqo
ku baaqday.
Tuulada wada-bariis oo ku taala xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya,
waxay caasimadda u jirtaa masaafo dhan 49 km, dhinaca koonfur galbeed. Top
Allay-Baday:
Fursadda Ka Dayacantay Iyo Duruufta Maanta Haysata, Warbixin –
Weriyaha Haatuf Ee Gebilay |
Allaybadday (Haatuf): Magaalada Allaybadday
waxa hadda ka muuqata xaaladeed busaaradeed oo dhinaca ganacsiga ah, taas
oo ka duwan sidii ay muddo ka hor ahayd, waxaana magaaladaa saameeyey
isbedel dhinaca ganacsiga ah oo soo food saaray, ka dib markii ay ka
wareegeen kooxihii ganacsatada ahaa , laakiin sida ay arintaasi u dhacday
iyo guud ahaan sida ay tahay xaaladda magaalada Allaybadday waxa warbixin
nooga soo diray weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan, waana
tan warbixintii:
“Inkasta oo ay degaamada kulaalaya jiidaha xuduudda u dhexaysa Somaliland
iyo Itoobiya ay waqtigan xaadirka ah ku jiraan xili roobaadkii, taasina ay
degaanka ka dhigtay meel jimcoon, iyadoo ay dadku hadda ku mashquulsan
yihiin beerista dalagyada kala duwan ee beeraha, laakiin hadana magaalada
Allaybadday waxa ka muuqda jawi busaaradeed iyo xarakaad la’aan, taasina
waxay ka dambaysay markii ay dadkii ganacsatada ahaa magaalada ka guureen.
Sidaa awgeed waxa haawanaya dhamaan dhismayaashii iyo bakhaaradii
ganacsiga, ka dib markii laga gurtay alaabooyinkii ganacsiga, taasina way
ka duwan tahay sidii ay xaaladda magaaladu ahayd markii iigu dambaysay,
waqtigaas oo ahayd xiligii doorashooyinka madaxtooyada waxa magaalada ka
socday dhisidda guryo ganacsi oo habeen iyo maalinba la waddo, isla
markaana waxa magaalada buuxiyey, taas oo usha cirka loo tuuraa aanay meel
banaan ku dhacayn, waxaana socday dhaqdhaqaaq ganacsi oo xaami ah, iyadoo
ay dadka iyo gawaadhidu habeen iyo maalin galaabaxayeen. Sidoo kale
xiligaa waxa cirka isku shareeray qiimaha iibka dhulka iyo kirooyinka
bakhaarada ganacsiga, taas oo masalan bog-cadda la doonayo in bakhaar laga
dhiso lagu kala iibsan jiray ilaa 4500 Dolar, sidoo kale bakhaarka waxa
lagu kiraysan jiray 800---1000 Birr, waqtigaasna waxaad arki jirtay iyadoo
ay ganacsatadu baryayaan dadka reer Allaybadday si ya meherad uga
kireeyaan ama dhulka ka kireeyaan, taas uu ninka ganacsadaha ahi dhulka
dhisi jiray, isla markaana ninka dhulka leh la siin jiray lacag adag oo
horumarin ah, taas oo hadhow ka go’aysa kirada dhulka. Laakiin meeshii
caynkaa ahayd hadii aad waqtigan xaadirka ah aragto waxaad qaadaysaa
amakaag, waayo magaaladii camirayd waxay isu bedeshay meel busaarad ah oo
aanu ka socon wax dhaqdhaqaaq ah, isla markaana cidla ah. Tusaale ahaan
boqolaal bakhaar oo ahaa kuwa ganacsiga ayaa hadda dhamaantood qufulo
waaweyni ka lushaan, sidoo kale waxa iyaguna meesha ka guuray
makhaayadihii cuntada, marka laga reebo laba-saddex makhaayadood ay
leeyihiin dad reer Allaybadday ahi. Ta kale bakhaaradii bilo ka hor lagu
kiraysanayey 1000 Birr ayaa markii hadda kiro loo waayey waxa shaaha ku
hoos kariya dumarka makhaayadaha yar yar leh, iyadoo aan wax lacag ah
cidina ka qaadin.
Ilaa lixdameeyo qol oo jiingado ah oo xiligaa la siiyey qolooyin
bacadlayaal ah ayaa hadda albaabadu is garaacayaan, ka dib markii ay
ganacsatadii loo qoondeeyey iska tageen, isla markaana dadka degaanka ah
ee reer Allaybadday waxa intooda badani maalintii ku maqan yihiin, taasina
waxay magaalada maalintii ka dhigtay meel cidla ah.
Dad reer Allaybadday ah oo aan kala sheekaystay ama waydiiyey sababta ay
sidani u dhacday ayaa ku tilmaamay inay tani tahay dhaxalkii fursad soo
martay reer Allaybadday, laakiin ay dayaceen oo aanay ka faa’iidaysan,
waxayna eedda ugu badan ee dayaca fursaddaa inteeda badan dusha ka
saarayaan maamulkii degmada ee waqtigaa, kuwaas oo la leeyahay iyaga ayaa
u sabab ahaa inay ganacsatadu meesha ka yaacdo, ka dib markii ay kula
dhaqmeen ama kula kaceen dhaqamo ay ganacsatadu ka biyo diideen, laakiin
maamulkaa hore waa la bedelay, waxaana jooga maamul kale, kuwaas oo la
rumaysan yahay inay arintii wax ka bedeleen oo uu maamulku sidii hore ka
wanaagsan yahay, balse hadda ma haystaan fursaddii ay qoladii hore
haysteen.
Mar aan booqday xarunta maamulka dawladda hoose ee Allaybadday, waxayna ii
sheegeen xubnaha maamulku inay hadda diyaariyeen dhul ay ugu talo galeen
saylad lagu iibiyo xoolaha, ka dib markii ay maamulkii hore iibiyeen
sayladdii hore ee ganacsiga xoolaha, taasina ay keentay in markii ay dadka
xoolaha iibsanayey waayeen meel ay neefkooda ku xidhaan ka wareegeen
magaalada, balse waxay intaa ku dareen in tan iyo intii dhulka cusub u
diyaariyeen sayladda ay qaybihii ugu horeeyey ee iibka xooluhu soo noqdeen,
sida dibiddii, isla markaana ay rajaynayaan inay ganacsatadii magaalada ka
wareegtay mar kale dib ugu soo laaban doonaan, iyadoo uu maayarka
Allaybadday ii sheegay inay ka go’an tahay inay soo dhoweeyaan ganacsatada
doonaysa inay ka baayac-mustarayso magaalada Allaybadday, isaga oo yidhi
“Waxaanu siinaynaa dhul bilaash ah oo ay degaan”.
Dhinaca kalena waxa magaalada Allaybadday toddobaadadii ina dhaafay si
isdaba joog ah u soo gaadhayey dad qaxooti ah oo ka soo guuray kaamka
Harta-sheekh Axmed, kuwaas oo ka mid ahaa qaxootiyada reer Somaliland ee
ku noolaa bariga Itoobiya, iyadoo dadkaa lagu soo daad-gureeyey gaadiidka
waaweyn ee xamuulka, isla markaana ay soo celintooda maamulayaan
saraakiisha wasaaradda dib u dejinta iyo hayadda UNHCR, waxayna dadka
qaxootiga ah ee lagu celiyey degaanka Allaybadday ahaayeen ilaa 3000 oo
qoys, waxaana la sheegay inay ilaa 7000 qoys weli ku hadhsan yihiin xerada
qaxootiga Harta-sheekh. Sida ay sheegeen
saraakiisha hawshan maamulaysay dadka qaxootiga ah ee la soo celiyey waxa
qoys walba la soo siiyey sahay cunto ah oo ilaa sagaal bilood ah iyo
qofkiiba 45 Dolar, waxayna qaar ka mid ah dadka qaxootiga ah oo aan la
kulmay ii sheegeen in raashinka la soo siiyey ka kooban yahay noocyada
kala ah, Qamandi, Misir iyo saliid, waxayse dadka qaar ku cawdeen inaanay
haysan dhul ay degaan, isla markaana aanay lacagta la soo siiyey aanay
dhul u goynayn, laakiin maayarka Allaybadday ayaa ilaa 320 qoys oo dadkaa
ka mid ah ka shaqeeyey sidii uu u dejin lahaa, isla markaana maayarku waxa
uu hayadaha samafalka caalamiga ah, gaar ahaan hayadda UNHCR ka codsaday
inay dib eegaan xaaladda dadka qaxootiga ah, isaga oo yidhi “Waa in dadkaa
laga caawiyo waxyaalaha daruuriga ah ilaa inta ay dib ula qabsanayaan
dhaqdhaqaaqa nolosha ee dalkooda”. Top
Qaraxyo Is-biimayn
ah oo Dhimasho Iyo Dhaawac Geystay Oo Ka Dhacay Gudaha Isra’il |
Qudus (W.wararka) Ugu yaraan laba qof ayaa
ku dhimatay qaar kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii laba weerar oo
isbiimeyn ah, lagu qaaday laba goobood oo ka mid ah gudaha dalka Israa’iil
iyo Daanta Galbeed ee Falastiiniyiinta.
Waxay ahayd wax yar kadib sagaalkii subaxnimo markii qaraxu uu gilgilay
goob suuq ah oo ku taalla magaalada Rosh Ha'ayin ee Israel oo ku taalla
bariga Caaasimada Tel Aviv.
Booliisku, waxay sheegeen in qof bombo isku soo xidhay uu isku qarxiyay
irida laga soo galo suuqwaynaha, iyadoo uu galaaftay ugu yaraan hal qof oo
isna dhintay.
Ilaa toban qof, ayaa ku dhaawacmay, kuwaasi oo qaarkood si halis ah u
dhaawacmeen.
Waqti gaaban kadib, ayaa booliisku ay sheegeen in nin kale oo naftii hure
ah oo bomb isku soo xidhay uu isku qarxiyay goob ay askar Israa'iiliyiin
ahi bas ku sugayeen taasoo ku taala bannaanka deegaanka Ariel ee Daanta
Galbeed.
Falastiinigii naftii huraha ahaa iyo ugu yaraan hal askari oo Israa'iili
ah, ayaa ku dhintay goobtaasi, walina ma cadda cidda weerararkan ka
dambeysay, hase yeeshee waxaan shaki ku jirin in ay yihiin kuwii ugu
darnaa tan iyo markii xabadjoojinta ay ku dhawaaqeen kooxaha
Falastiiniyiinta hubaysan si wadajir ah u sheegay in ay xabadda si ku
meelgaar ah u joojinayaa bishii June. Top
Dhammaadka
Mudadii Carta Iyo Is-Giijinta C/Qaasim Salaad |
Muqdisho - Shalay oo ay bisha August ahayd
12 waxay ahayd maalintii ugu dambaysay wakhtigii rasmiga ahaa ee xilka loo
doortay dowladda C/qaasim ee lagu soo dhisay shirkii Carta , ayaa waxaa
shalay uu Cabdiqaasim Salaad Xasan, la hadlay xubnaha golihiisa wasiirrada
iyo baarlamaanka iyo weliba maamullada degmooyinka gobolka Banaadir.
Munaasabaddan oo ka dhacday xarunta KMG ah ee goleyaasha dowladda oo ah
xaruntii hore ee Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ayuu
Cabdiqaasim Salaad Xasan ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan
taabanaysay, waxaana uu ka hadlay ilaa intii la soo dhisay dowladdiisa
saddex sano ka hor dhibaatooyinkii ay la kulantay.
Cabdiqaasim waxa uu xusay in aanay dowladdiisu helin dhaqaalihii ay beesha
caalamku u ballanqaadeen markii la dhisay dowladdiisa.
Intaasi dhibaatadu kuma ekayn ee sidoo kale, Cabdiqaasim waxa uu tilmaamay
in dowladda Itoobiya ay iyaduna ka mid ahayd waxyaabihii ay dowladdiisu ka
socon weyday.
Laakiin haddana, Cabdiqaasim waxa uu sheegay in maamulkiisu xitaa uu lahaa
khaladaad, inkastoo aanu wada sheegin khaladaadku waxay ahaayeen.
Cabdiqaasim oo si weyn looga sugayey in uu wax ka yidhaahdo maalintan uu
ku egyahay xilligii ay dowladdiisu xilka hayn lahayd maaddaama ay u go'day
saddex sano ee la soo doortay ayaan haddana sooba hadal qaadin amuurtaasi.
Balse taasi beddelkeeda waxa uu hore u sheegay in uu sharcigu u saamaxayo
in ay dowladdiisu sii jirto ilaa inta mid kale oo sharci ah laga helayo,
laakiin haddana waxa uu wax ka sheegay dareenka dadka intiisa badani
qabaan ee ku saabsan xil korodhsigiisa.
Cabdiqaasim wuxuu sidoo kale ku cadeeyay in uu diyaar u yahay in uu xilka
iska dhiibo, haddii maamul cadaalad ah oo ay dadku doorteen uu yimaado.
Ugu dambayntii Cabdiqaasim waxa uu sheegay in aanay dadka Soomaaliyeed ku
qatalmin in aanay ciidan shisheeye oo dalka la keeno uuna tuugada ka qaban,
ee taasi mar kasta ay noqon doonto xil u yaalla ummadda Soomaaliyeed,
sidaasi darteedna waxa uu ku dhiirrigeliyey in ay sii wadaan dadaalka ay
hadda wadaan degmooyinka gobolka Banaadir ee ku saabsan xagga amniga
xaafadahooda. Balse waxa hadalada C/qaasim ku gacan saydhay Xasan Abshir
Faarax oo ah Ra’iisal-wasaarihiisa oo ku dooday inay xilka ku wareejin
doonaan Dawladda lagu soo doorto shirka Kenya, isagoo ka gaabsaday inuu
wax tafaasiil ah ka bixiyo duruufaha ka jira Dawladda Carta tan iyo
muddadaa saddexda sanadood ah mar uu shalay weriyeyaasha kula hadlayay
magaalada Nairobi. Top
Maraykanka Iyo
Ururka ECOWAS Oo Ka Wadahadlaya Xaaladda Liberia |
Monrovia (W.wararka) Madaxweynaha cusub ee
loo dhaariyay Liberia ayaa ugu baaqay fallaagada dagaalka ka wada
caasimadda inay ku soo biiraan dawladiisa, isagoo ugu yaboohay inay
qaataan jagada Madaxweyne xigeenka, balse taasi may joojin dagaaladii ay
fallaagadu waday iyadoo ay maalintii shalay dagaalo cusubi ka dhaceen
caasimadda Monrovia, waxaanay taasi ku soo beegantay iyadoo madaxweynihii
hore ee dalkaasi Taylor u baqoolay dalka Nigeria oo laga siiyay magangelyo
siyaasadeed. Dhinaca kale, xeebaha dalka
Liberia ayaa la filayaa in uu gaadho Taliyaha Ciidanka dhulka ee
Maraykanka , si uu ciidamada nabad ilaalinta Nigeria wadaxaajooda ugala
yeesho arrimo la xidhiidha sidii deeq looga dajin lahaa dekadda magaalada
Monrovia.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Colin Powell ayaa sheegay in
Jeneral Thomas Turner uu la kulmi doono taliyaha ciidamada Galbeedka
Afrika ee ECOWAS si la isula eego sida ugu wanaagsan ee loo furayo dekadda
oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Mucaaradku.
Madaxweyne Bush ayaa sheegay in go'aanka ah in uu hogaamiyihii Liberia,
Charles Taylor uu dalka iskaga baxo oo uu magangalyo siyaasadeed ku tago
Nigeria, inay aheyd talaabo wanaajineysa mustaqbalka shacabka Liberia.
Wariyayaasha jooga magaalada Monrovia ayaa sheegaya in kumanaan qof ay
isku dayayaan in ay tagaan meelaha ay mucaaradku gacanta ku hayaan oo la
sheegayo in laga heli karo cunnoyin badan. Top
Ururada U
Ololeeya Deegaanka Oo Dhaliilay Hindise Kasoo Yeedhay Madaxweyne Bush |
Washington (W.wararka) Dadka u ololeeya
deegaanka ee dalka Mareykanka ayaa ku eedeeyay madaxweyne Bush in welwelka
laga qabo dabka qabsada kaymaha uu isticmaalo in uu ku yareeyo shuruucda u
dajisan daryeelka deegaanka.
Waxuuna isku dayayaa madaxweynuhu in uu kordhiyo fursadiisaha mar labaad
dib loogu soo dooran karo sanadka dambe.
Eedaymahan ayaa waxay daba socodaan hadalo uu madaxweyne Bush ku sheegay
in dowladda Mareykanku ay tahay in ay hoos u dhigto keymaha dalkeeda ku
yaala, si ay arrintaa gacan uga geysato sidoo looga hortagi lahaa in
dadbabka dhashaa aysan sii fidin.
Wariyaha BBCda ee jooga Washington ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadka u
ololeeya deegaanku in ay isku dayayaan in ay horjoogsadaan sharuucda uu
madaxweynaha Maraykanku soo jeediyay ee loo yaqaan hindisaha daryeelka
keymaha. Top
Indonesia:
Maxkamad La Soo Taagay Wadaad Lagu Eedaynayo Qaraxyo |
JAkarta (W.wararka) Ninka ay booliska
Indonesia ku sheegeen in uu soo abaabuley qaraxii sanadkii hore loo
geestey Jasiiradda Bali ayaa intii maxkamaddu socotey loo ogolaadey in uu
maxkamada dalkaasi ka hor akhriyo war uu gaar u leeyahay.
Isagoo u labisan sidii caadiga isaga u ahayd oo sita shaadh cad iyo
koofiyadda Muslimka, ayuu Imam Samudra soo galey maxkamadda isagoo ku
dhawaaqaya Allahu akbar. Imam Samudra oo da'diisu tahay 31 sano ahna
khabiir ku wanaagsan kombiyuutarada ayaa sida caadada u ahayd markii hore
ku hor marey in uu aayado qur'aan ah daliishado intii aanu la hadlin koox
ka kooban shan xaakin.
Imaam Samudra ayaa kooxda xeer ilaalinta uga mahad celshay in ay
weydiisteen Maxkamadda in isaga dil lagu xukumo, kaas oo ah kan ugu
sareeya ee qof dambi lagu soo oogo loo dalbo.
Waxa uu Imaamku yidhi, markii aad dhimato nabad ayaad galeysaa, oo
dhimashadu ilaahay bey kuu dhaweeneysaa.
Waxa la sheegayaa in uu Imam Samudra uu qirtey in uu ka qeybqaatey
qaraxyadii Oktoobertii kal hor lagu qaadey Jasiiradad Bali oo ay ku
dhinteen 202 oo qof. Laakin waxa uu beeneeyey in uu isagu soo abaabuley
shirqoolka hawshaasi lagu fuliyey.
Todobaadkii hore mid kale oo ka mid ah dadkii lagu tuhunsanaa qaraxii Bali
oo la yidhaa Amrozi ayaa lagu xukumey in meel fageere ah lagu toogto.
Qareenada Amorzi matalaya ayaa la filayaa in ay xereeyaan waraaqo ay
rafcaan ugu dalbayaan Amrozi. Top
Shirkadaha
Coke iyo Pepsi oo lagu eedeeyay sumeyn |
New Delhi (W.wararka) Dad isugu soo baxay
madaharaad magaalada Delhi ee caasimada Hindiya ayaa dalbaday in la
mancuuco iibinta Coke cola-da iyo Pepsi-ga. Mudaharaadyo sidaas oo kale ah
ayaa todobaadkan gudihiisa iyana lagu qabtay dhowr magaalo oo kale oo ka
tirsan dalka Hindiya.
Jaya Jaitley oo ah dadka siyaasada u ololeeya ayaa ka mid aheyd dadka
hogaaminayay mudaaharaadyada ka dhanka ah shirkada Coke cola.
Waxayna tidhi, "Waxaan aaminsanahay in arintan aan dalkan looga baahneyn,
maxaa yeelay shirkadahani dantoodu ma aha in ay ka bi'iso shacabka Hindiya,
ee dantoodu waxay tahay in ay faa'iido weyn helaan, si ay taa ku
gaadhaanna waxay sameynayaana wax walba. Xataa haddii ay taasi noqoto in
ay nagu quudiyaan bakteeriya."
Arrintan oo dhan waxay ka bilaabantay warbixin ay todobaadkan horaantiisi
ay soo saareen koox u ololeysa deegaanka Hindiya oo lagu sheegay in
cabitaanada oo ay baadhitaan sheybaadh ku sameeyeen in ay ka heleen xaddi
sun ah oo ka badan intii loogu talo galay.
Eedaymahan waxaa beeniyay saraakiisha shirkadaha Coke cola iy Pepsi,
waxayna sheegeen in cabitaankoodu aanu waxba qabin oo la cabi karo,
yahayna cabitaan caalami ah oo aan la hayn waxyaabo lagu sumoobi karo.
Hase yeeshee, waxaa joogto noqday wararka aan wanaagsaneyn, ilaa iyo intii
shirkadaha waaweyn ee caalmiga ah oo coke cola iyo shirkadaha yar yar ee
uu tartanku ka dhexeeyo lagu khasbay in ay wada jir u qaadaan olole ay ku
difaacayaan sumacadooda iyo suuqa qeybta ay ku leeyihiin.
Saraakiisha shirkadaha Coke Cola iyo Pepsi ayaa sidoo kale go'aansaday in
maxkamadaha hortooda iskaga difaacaan amar ay dowladdu ku mamnuucayso in
biyahooda lagu iibiyo boqolaal makhaayadood oo ay leeyihiin wasaarada
Gaashaandhiga iyo naadiyo dalka oo dhan ku yaala.
hase ahaatee, maxkamaduhu waxaa laga yaabaa in ay go'aan qaataan oo kaliya
ka dib markii ay warbixin ka helaan dowladda oo lagu faafaahinayo
waxyaabaha laga helay Coke Cola iyo Pepsi-ga.
Dhowr maalmood uun ka hor ayaa Wasaarada Caafimaadka ee dalka Hindiya
waxay u dirtay qaar ka mid ah cabitaanada fudud sheybaadhada dowladda si
baadhitaan loogu sameeyo waxyaabaha ku jira cabitaanada.
Waxyaabo kale ayaa todobaadka dabayaaqadiisa ku soo kordhay wararka Coka
Kolada ka dib markii maamulka galbeedka gobolka Bengool ay sheegeen in ay
ka heleen xaddi faro badan oo dhiiqa ah oo ay ku jiraan curiyeyaasha
Lead-ka iyo Cadmium oo ka soo dareerey Warshadaha Kokada iyo Pepsiga lagu
iibiyo.
Shirkadaha waaweyn ee Kokada ayaa waxaa laga yaabaa in todobaadka soo
socda lala sugayo su'aalo badan oo la xidhiidhaa arrimahan. Top
“Taariikhda
Miilaadigu Lama Socoto Xiliyada Isbedelaya, Waxaana Sax Ah Nayruuska,”
Axmed Cige Ducaale – Khabiir Akhriya Xilliyada Dabiiciga Ah |
Hargeysa (Haatuf): Intiinii akhrisatay
cadadkayagii shalay waxaanu idiinku soo gudbinay mawduuc ka hadlaya
isbedelka xiliyada dabiiciga ah ee ay dadkeenu dhaqan ahaan ka eegaan
ashyaa’da dusheena ah iyo dabeecada inagu xeeran, waxaana arrintaa ka
hadlay Axmed Cige Ducaale oo ah khabiir akhriya ama eega xiliyada
dabiiciga ah (Natural Time Reader), wuxuuna Axmed sii sheegay inuu
nayruusku gelayo habeenkii Arbacada ee xalay, iyada oo uu nayruushku yahay
habeenka ay kala wareegayaan labada xili ee xagaaga iyo dayrtu, laakiin
Axmed Cige Ducaale oo xalay nagu soo booqday xarunta Wargeyska Haatuf waxa
uu sheegay inay run noqotay inuu habeenkii arbacadu noqday habeenkii kala
wareega labada xili, wuxuuna yidhi “Nayruushkii wuxuu galay habeenkii
Arbacada, waxaana taa cadaynaya isbedelkii hawada ee yimid, waayo waxa
go’day dabayl xagaadii, waxaana da’ay roob”.
Axmed waxa uu macneeyey nayruushku waxa uu yahay, wuxuuna yidhi “Waqtigii
Jiilaalka ayaa kowsaday, sannadkaasina waa sannadkii Soomal, laakiin taasi
maxay macno leedahay ayaa la isweydiin karaa, taasi macnaha ay leedahay
waxa weeye nayruushka mooyee ma jirto meel kale oo wax hubaal la idiinka
sheegi karo, oo ku saabsan waqtiga ay roobabku da’ayaan iyo waqtiga
jiilaalku dhacayaan, balse marka aynu eegno cilmiyada iskuulada lagu dhigo
waxay dunidu ogtahay in sata-layt-yada oo TV-yada laga daawado, laakiin
kuwaasi Nayruushka lama qiimo aha, markaa Nayruushka ay Soomaalidu ka
xidigiso, ee ay godkiisa dayaxa ku garato, taas ayuun baa ka sax ah, wixii
kale oo dhami waa ku tiri-ku-teen, aniguna midhkaa ayaan dadka u sheegayaa,
gaar ahaan dadka Soomaalida ah ee xoola dhaqatada ah ama beeralayda ah, ha
joogeen Somaliland, Djibouti, Itoobiya iyo Soomaaliya, laakiin waxa
nayruushka inala leh qolyo kale oo ay ka mid yihiin Oromada iyo Canfartu,
masalan sida uu dadku u kala hooseeyo ee Koonfurta loo kala xigo waxa laga
yaabaa inay qoloba maalin bilawdo nayruushka, oo dhawr cisho la kala
dambeeyo, laakiin deegaamada geeska Afrika hal maalin ayuu u bilaabmayaa”.
Axmed waxa kale oo uu yidhi “Waxaan dadka u sheegayaa taariikhda milaadiga
la yidhaahdaa inaanay la socon ama la shaqayn roobabka iyo dabaylaha,
waxaana ka saxsan nayruushka ay Soomaalidu qorto, marka uu xiliga
nayruushku bilaabmana waxa laga qiyaasaa geeska Afrika, gaar ahaan xeebaha
buuralayda Somaliland, halkaas oo marka ugu horeysa la arkayo, inay
dabayshu xagga badda ka timid oo xiligii isbedelay”. Top
|