Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 397 August 15, 2003

Come and celebrate Somaliland's Culture in Los Angeles

Sicirka Roodhida Oo Kor U Kacay Magaalada Hargeysa

Madaxweyne Rayaale Oo Wasiirkiisa Qorshaynta Keligii Awood Buuxda U Siiyay Inuu...

“Horaan U Idhi; Macal Cune, Soo Bixi Doonee,” Wasiirkii Hore Ee Kalluumaysiga

Kulan Dhexmaray Shir-Gudoonka Baarlamaanka Iyo Wefti Koonfur Afrika Ah

Ururka Havayoco Oo Ka Qaybgalay Ololaha Nadaafadda Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa

“Horaan U Idhi; Macal Cune, Soo Bixi Doonee,” Wasiirkii Hore Ee Kalluumaysiga

9 Magaalo Oo Maraykanka Iyo Kanada Ah Oo Mar Qudha Laydhku Ka Wada Bakhtiyay

Liibiya Oo Ogolaatay Mag-Dhowga Qaraxii Diyaaradii Lokarbie

Fallaagada Liberia Oo Wareejisay Dekedda Monrovia

Maraykanka Oo Uga Digay Dadkiisa Inay U Safraan Sucuudiga Ammaan-Xumo Darteed

Dagaalo Dhexmaray Bilayska Sucuudiga Iyo Kooxo Xag-Jira

Isra’il Oo Duqaysay Guryo Rayid Oo Deegaanka Falastiiniyiinta Ah

Rabshado Dhimasho Iyo Dhaawac Keenay Oo Dhexmaray Maraykanka Iyo Ciraaqiyiinta

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Lugtaydii Midig Waxa Gooyay Nin Ruush Ah

Iskuulka Sh. Bashiir Iyo Khatarta Baabuurta

Waxa La Duudsiyay Mansabyadii Aanu Xukuumadda Ku Lahayn

Cidina Uma Maqna Ceelna Uma Qodna

IFTIINKA ISLAAMKA: Islaamka Iyo Mashaakilka Dhallinyarada, Q: 2aad.

WERWER ADUUN IYO WACDARO, Sheeko Taxane Ah – Waxa Qoray Cumar Cali Iidle, Q: 12aad.

Hidde Samida Dhaqanka Iyo Milgaha Lagu Kala Qiimeeyo Ragga Iyo Dumarka Waxa Qorey: Cabdi Caara-Dhuub, Waxana Tifaftiray, A. Ducaale.

Waadiga Ciyaaraha: Magacyada Xulka Gobolka Togdheer Uga Qayb-gelaya Tartanka Kubadda Cagta ee Gobollada Somaliland

Kooxda Fiin oo 48-42 kaga adkaatay W. M. G

Viera Iyo Pires Oo Saxeexay Heshiis Cusub Oo Ay Ku Sii Joogayaan Arsenal

Chelsea Iyo Lazio Oo Guulo Waaweyn Ka Gaadhay Is-aragii Hore Ee Is-Reebreebka Horyaalka Yurub


Come and celebrate Somaliland's Culture in Los Angeles

August 23, 2003
12:00 Noon – 2:00 PM
At Exposition Park
In front of the Los Angeles Sports Arena
Corner of Figueroa Street & King Blvd (Adjacent to I-110 Freeway)
Somali Cultural Dances, Music, fashion show, and more followed by an Ethiopian Festival

The African Market place fair begins Saturday, August 16, 2003 through September 1, 2003. Come and experience cultural diversity and celebrate Somaliland community's rich culture. There will be presentations by SOPRI’s International Campaign for Somaliland Recognition. Over 30,000 people are expected to visit during the festival.

Somaliland info. Contact: Hassan Mogeh Hirsi.

hassanh@sclarc.org.         

Phone: (310) 650-2726.

Saeed Megag Samater

ssamater@aol.com

Phone: (213) 272-5410 

Top


Sicirka Roodhida Oo Kor U Kacay Magaalada Hargeysa

Hargeysa (Haatuf): Qiimaha daqiiqda ayaa suuqyada magaalada Hargeysa cirka isku shareeray, taas oo la filayo inay ugu wacan tahay bucshiradda daqiiqda oo hadda ku yar suuqyada. Laakiin inkasta oo aan si rasmi ah loo ogayn sababta ay u yaraatay daqiiqdu, hadana waxa la dareensan yahay inay ganacsatadu wax ka bedeleen hanaankoodii ganacsi, taasna ay ku saleeyeen isbedelkii ku yimi dhinaca cashuur-qaadista badeecadaha debedda ka soo dega, ka dib markii ay dawladdu dhowaan hanaan cusub ku soo rogtay habka baadhista manaasiifta badeecadaha debedda ka yimaadda, taasina ay kor u qaaday cashuuraha dul-fuula badeecadaha ganacsiga, iyadoo ay ganacsataduna taa ka biyo-diideen, kuna tilmaameen culays dul-fuulay oo aanay qaadi karayn.

Kabtada daqiiqda ah waxa uu qiimaheedu ahaa 14-U.S-dolar, laakiin dhawrkii maalmood ee u dambeeyey waxa uu qiimaheedu gaadhay 20-U.S-dolar, taasina waxay kicisay qiimaha roodhida oo ay dadku aad u isticmaalaan, wuxuuna hadda qiimaha xabadda roodhid ahi gaadhay 900 Sh.SL, halka ay markii hore ahayd 800 Sh. Sl, taas oo uu ku kordhay 100 Shilin Somaliland ahi.

“Waxa la doon-doonayey gaadhi daqiiq sida oo Puntland ka yimi,” ayaa laga lahaa suuqyada magaalada Hargeysa, ka dib markii ay suuqyada ganacsiga soo gashay hadal-haynta ah inay daqiiqdu yaraatay.

Nidaamka cusub ee lagu soo rogay hanaanka baadhista manaasiifta waxa soo rogay wasiirada baayac-mushtarka iyo maaliyadda, Maxamed Xaashi Cilmi iyo Xuseen Cali Ducaale, waxaana talaabadaa markii u horaysay ka dhashay sawaxan iyo diidmo ka soo yeedhay dhinaca ganacsatada wax kala degto dekedda Berbera, isla markaana waxa abuurmay muran ka dhex-oogmay ganacsatada iyo xukuumadda, taasina waxay sababtay inay inmuddo ah badeecado dhoobnaadaan dekedda Berbera, ka dib markii ay ganacsatadu diideen inay la baxaan, iyaga oo ka mudaharaadsan ama ka cabanaya hanaanka cusub ee ay dawladdu ku soo rogtay macaamilka badeecadaha ka soo dega furdadda Berbera, laakiin markii dambe wada-xaajood ayaa dhexmaray xukuumadda iyo ganacsatada, waxaana la sheegay inay heshiis ka gaadheen arimihii is-maandhaafka keenay, balse hadana heshiiskaa ka dib waxa soo bax-baxayey guux iyo dunuunuc ka soo yeedhaya ganacsatada, iyadoo ay dareenka ganacsatada ka dhadhamaysay inaanay weli ku qanacsanayn arinta. Sidaa awgeed waxa la aaminsan yahay inay arintaasi wax ka bedeshay qul-qulkii badeecadaha debedda ka yimaadda, taasina ay sababtay daqiiqda suuqa ku yaraatay.

Top


Madaxweyne Rayaale Oo Wasiirkiisa Qorshaynta Keligii Awood Buuxda U Siiyay Inuu...

Madaxweyne Rayaale Oo Wasiirkiisa Qorshaynta Keligii Awood Buuxda U Siiyay Inuu Maamulo Mashaariicda Hay’adaha Samofalka. Nuxurka Wareegto Kasoo Baxday Madaxtooyada Iyo Dhaliilaha Ka Muuqda Nidaamka Qoraalka

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa soo saaray wareegto uu dhamaan hay’adaha Samafalka caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah ku hoos geynayo wasaaradda qorsheynta, isaga oo wasaaradda qorsheynta awood u siiyey inay maamusho isu-duwidda dhamaan hawlaha hay’adaha samafalka iyo xidhiidhka ka dhaxeeya dawladda iyo hay’adaha samafalka.

Wareegtadan waxa uu madaxweyne Rayaale qalinka ku duugay Ogost 2, 2003, wuxuuna ku socodsiiyey dhamaan hay’adaha qaramada midoobay, hay’adaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn (NGO’s), ee caalamiga iyo kuwa maxaliga ahba, isla markaana waxa uu ogeysiin siiyey wasiirka qorsheynta iyo dhamaan wasiiradda kale, wuxuuna wareegtadiisa tafaasiil kaga bixiyey qaabka iyo waxyaalaha ay wasaaradda qorsheyntu ka qabanayso dhinaca hay’adaha Samafalka.

Madaxweyne Rayaale waxa uu qoraalka wareegtadiisa ku bilaabay “Wareegto Madaxweyne No:2000/2003.

Ku: hay’adaha qaramada midoobay, hay’adaha dawliga, hay’adaha aan dawliga ahayn (NGO’s) ee caalamiga ah iyo kuwa maxaliga.

Og: Wasiirka qorsheynta, Og: wasiiradda oo dhan

Ujeeddo: Habka xidhiidhka (Habka ay u wada xidhiidhayaan wasaaradda qorsheynta iyo hay’adaha qaramada midoobay, NGO-yada maxaliga iyo kuwa caalamiga ah).

Tixraac wareegto No: RSL P/WQQ-11,17001/694 ee uu soo saaray madaxweynihii geeriyooday, kuna taariikheysnayd June 24, 1994.

Sida aad ka warqabtaan geedi socodka mujtamaca Somaliland uu ugu jiray dimuqraadiyadda waxa uu noqday mid hana qaaday, ka dib markii si weyn loogu guulaystay in dalka dhamaantii laga hirgeliyo doorashooyinkii dawladaha hoose iyo kuwii madaxtooyadda, taas oo ka marag kacaysa horumarka uu gaadhay shacbiga Somaliland, isla markaana guul u ah nidaamka dimuqraadiyadeed ee caalamiga ah.

Xukuumadayadu way ka war-qabtaan sida aad isugu taxalujin jirteen wakhtiyadii adkaa ee na soo maray inaad gacan qabataan dadka reer Somaliland.

Xukuumadaydu waxay qaranka Somaliland u diyaarisay qorshe horumarineed (Development plan) oo dhamaystiran, ayna ku cad yihiin siyaasadaha dawladda ee dhinaca horumarinta, taas oo aan wasaaradda qorsheynta awood u siiyey inay masuul ka noqoto isu duwida dhamaan hawlaha ay hay’adihiinu wadaan, isla markaana wasaaradda qorsheynta oo kaliya ayaa noqonaysa ta u xilsaaran inay wax ka qabato arrimaha soo socda, mana qaban karto wasaarad kale:

Hagidda arrimaha dhaqaalaha

Isu duwidda barnaamijyada dawladda iyo dejinta qorshayaal iyo siyaasado heer qaran ah.

Heshiisyada u dhaxeeya dawladda iyo deeq bixiyayaasha, haddii ay tahay mid lala gelayo dhinac kaliya ama dhinacyo kala duwan

Qaybinta, isu duwidda, kormeerka iyo qiimeynta dhamaan mashaariicda iyo barnaamijyada.

Qiimeynta qorshaha horumarinta dalka

Xidhiidhka wada hadalka u dhaxeeya dawladda iyo hay’adaha samafalka ee ku saabsan barnaamijyada iyo mashaariicda

Ogolaanshaha ama diidmada mashaariicda iyo barnaamijyada.

Diiwaan gelinta hay’adaha (NGO-yada) maxaliga iyo kuwa caalamiga ahba.

Ururinta xogaha ku saabsan dhaqaalaha bulsho iyo tira koobyada sida kuwa dadweynaha.

Awoodda la siiyey wasaaradda qorsheynta waxa looga dan leeyahay in meesha laga saaro wixii jahawareer iyo is-fahmi waa ah, ee hore u jiray.

Waxaanu ka filaynaa hay’adihiina samafalka inaad u hogaansanaataan iyo inaad tixgelisaan awoodaha aanu siinay wasaaradda qorsheynta.
Ugu dambayn waxaanu u sheegayaa wasaaradda qorsheynta inay cagaha u dhigto horumar shaqeeya iyo xidhiidh dhamaystiran”.

Wareegtada madaxweyne Rayaale inkasta oo uu saxeexay labadii bisha, haddana hadal haynteedu waxay soo baxday dhawrkii maalmood u dambeeyey todobaadkan, laakiin runtii marka aad eegto wareegtadan oo ku qoran afka Ingiriisiga waxa ka muuqata tayo darro dhinaca qoraalka, haddii ay tahay higaadda ereyada (Spelling) dhismaha qoraalka iyo xataa barotokoolka qoraalka loo diyaariyey, sidaa awgeed ma aha wareegto u qalanta xafiiska ay ka soo baxday oo ah xafiiska ugu sareeya ee wadanka looga taliyo (madaxtooyo). Tusaale ahaan, waxa wareegtada lagu sheegay inay xukuumaddu wadanka u dejisay qorshayaal horumarineed, balse lama oga goorta iyo meesha ay xukuumaddu ku dejisay qorshayaal horumarineed.

Sidoo kale ogeysiinta waxa ku qoran “Og: Dhamaan Wasiiradda”, halkii ay ahayd in la yidhaahdo dhamaan wasaaradaha. Sidoo kale waxa qoran “Og: Wasiirka Qorsheynta iyo xidhiidhinta”, laakiin halka ogeysiinta laga siinayo wasiirka oo qudha waxay ahayd in laga siiyo wasaaradda oo dhan.

Waxa kale oo ay wareegtadani ka koobantahay laba bog oo kala kaan ah, taas oo uu mid ka mid ah midabkeedu yahay buluug, halka uu ta kalena midabkeedu yahay cadaan, laakiin qoraalkani waxa uu u muuqdaa mid uu soo diyaariyey wasiirka qorsheyntu, ka dibna uu madaxweynaha ka saxeexay, balse qoraalkan cid kastaaba ha diyaarisee waa mid aad u tayo daran, oo ka turjumaya aqoon liidata iyo masuuliyad aan is-taahil ku ahayn inay maamusho hawlo caynkan oo kale ah.

Sida la ogyahay hay’adaha samafalka ee wadanka degani, waxay la kala shaqayn jireen wasaaradaha kala duduwan, taas oo ay hay’ada ama dhawr hay’adood-ba wasaarad la shaqayn jireen, laakiin hadda waxay u muuqataa in wixii oo dhan gacanta loo geliyey wasiirka qorsheynta, iyada oo aan hore loo dejin qorshe ay wasaaraduhu u dhan yihiin.

Top


“Horaan U Idhi; Macal Cune, Soo Bixi Doonee,” Wasiirkii Hore Ee Kalluumaysiga

Boorame (Haatuf): Wasiirkii hore ee dawladda Somaliland, Axmed Xuseen Oomane ayaa jawaab ka bixiyey bayaan qoraal ah oo ay kaluumaysatada reer Berbera soo saareen, kaas oo wargeyska Haatuf ku soo baxay cadadkiisii shalay, waxay ku sheegeen inay badda xaalufinayaan maraakiib ay wasaaradda kaluumaysigu heshiis la gashay, iyaga oo tilmaamay inay maraakiibtaasi jebiyeen heshiiskii lala galay, isla markaana waxay madaxda wasaaradda kaluumaysiga ku dhaliileen arintaa, iyaga oo qoraalkooda ku xusay wasiirkii hore ee kaluumaysiga Axmed Xuseen Oomane, kaas oo ay sheegeen inuu hore u qorsheeyey heshiiska maraakiibtan badda xaalufinaysa. Sidaa awgeed Axmed Xuseen Oomane waxa uu wargeyska Haatuf maalintii shalay soo gaadhsiiyey maqaal uu arintaa kaga jawaabayo oo uu ka soo diray magaalada Boorame, maqaalkaasina waxa uu u dhignaa:

“Tixraac bayaan ay soo saareen xubno ka mid ah iskaashatada Kaluumaysiga Berbera oo Haatuf ku soo baxay Arbaca, Ogost 13, 2003.

Sida aad xusuusan tihiin intiinii nasiibka u heshay inay akhriyaan maqaal ay laba nin oo ku hadlayey magaca iskaashatadani soo saareen, dhawr maalmood ka dib markii xilka wasaaradda la iga qaaday, kuwaas oo igu sagootiyey eedaymo been ah iyo dhaliilo aanan lahayn. Sidoo kale waxay si diiran u soo dhoweeyeen wasiirka xilka igala wareegay.

Laakiin arimaha ay labadaa nin qoreen waxaan kaga jawaabay maqaal aan ciwaan uga dhigay “Macal-cune soo bixi doonee”. Balse qoddobadii maqaalkaa ku qornaa inaan halkan dib ugu wada xuso looma baahna. Hase yeeshee waxaan akhristayaasha sharafta leh xusuusinayaa laba qoddob oo keliya, qoddobka koowaad waxa uu ahaa ilaa inta kooxda magaca iskaashatada ku danaysata badda laga xoraynayo inaanu wasiirkana ay sida la yaabka leh u soo dhoweeyeen iyo mid ka dambeeyaa toona xilka wasaaradda si wanaagsan u gudan-karayn. Waxa kale oo aan intaa raaciyey afeef aan leeyahay anigu waxaan ahaaba waan tegay, balse berri yaan la arkin idinka oo sidii hore kana uga cabaadaya, taas awgeed mar hadii wixii aan ka afeef dhigtay ku soo baxeen muddo laba bilood ka yar, waxaan leeyahay marag alla.

Hadii aan u soo noqdo nuxurka maqaalkan waxaasi wixii ay hore u odhan jireen “Maraakiib wasaaraddu ruqsad siisay ayaa badda xaalufinaya”.

Laakiin xubnaha maqaalkan ku qorani waxay cadaymo u soo qaateen, maraakiibta oo ay leeyihiin waxay jebiyeen qoddobo ka mid ah heshiiska, isla markaana waxay ku doodayaan inay wasaaraddu ka gaabisay gudashada waajibkeeda, iyaga oo leh wasaaraddu waxay maraakiibtaa saartay kormeerayaal aan aqoon lahayn. Sidoo kale waxa kale oo ay yidhaahdeen waxaanu dareensanahay inaanu wasiirka cusub, Maxamed Siciid Gees wax badan kala socon arinta, balse ay ahayd arin uu wasiirkii hore sii qorsheeyey.waxayse ila tahay in duqaydu markii ay sidan lahaayeen ay ugu muuqatay inay wasiirka cusub dhaliisha ka duwa isleeyihiin, laakiin iyaga ayaan waydiinayaa dhaliisha ka weyn masuul lagu yidhi waxaanu dareensanahay inuu fuliyey arin aanu ka baaraandegin, balse mudane Gees wuu ka weyn yahay nin dareen noocaas ah loo nisbeeyo ee xaal siiya.

Ugu dambayn waxaan ugu baaqayaa dawladda, labada gole, axsaabta iyo cidii kale ee dhismaha dalka damqasho ka hayso in gacan lagu siiyo wasaaradda sidii badda looga xorayn lahaa kooxaha dhexda ku duubtay, wasaaraddana loogu suurta gelin lahaa gudashada waajibaadkeeda”.

Top


Kulan Dhexmaray Shir-Gudoonka Baarlamaanka Iyo Wefti Koonfur Afrika Ah

Hargeysa (Haatuf): Wefti ka kooban laba xubnood oo ka socday safaaradda K/Afrika ee Nairobi iyo xafiiska arrimaha dibadda ee dalkaa ayaa shalay kulan la yeeshay labada shir gudoon ee baarlamaanka Somaliland, wuxuuna kulankaasi ka dhacay xarunta golaha guurtida, iyada oo ay kulankaa ka qayb galeen gudoomiyaha golaha guurtida Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, Gudoomiyaha golaha wakiiladda Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) iyo mudanayaal kale oo ka tirsan golaha guurtida.

Xubnaha weftiga oo kala ahaa Mr. Folly oo ka socday safaaradda dalkaasi ku leeyahay Nairobi iyo Mr. Seoril oo ka tirsan xafiiska arrimaha dibadda ee K/Afrika oo ay weheliyaan Mr. Fipicede Zejei oo ah madaxa hay’adda UNDP u qaabilsan qaybta garsoorka, sharci fulinta iyo hub ka dhigista dagaalyahankii hore iyo Marwo Faadumo Siciid oo ka tirsan xafiiska UNDP ee Hargeysa.

Weftigan oo dalka joogay laba maalmood waxay ujeedada socdaalkoodu ahayd sidii ay xog-ogaal ugu noqon lahaayeen xaaladda dhaqaale, siyaasadeed iyo baahiyaha ka jira Somaliland, isla markaana waxay u kuur gelayeen mashaariic ay hay’adda UNDP ka fulisay Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin tababar saddex bilood socon doona oo ku saabsan shuruucda iyo arrimaha garsoorka, waqtigana ka socda xarunta Jaamacadda Hargeysa iyo tababaro dhinaca booliska oo ka socda dugsiga tababarka booliska ee Mandheera, iyaga oo booqasho ku tagay meelaha ay hawlahaasi ka socdaan. Laakiin kulankan ay la yeesheen shirgudoonka labada gole waxa uu dhacay wax yar ka hor intii aanay ka dhoofin madaarka Hargeysa shalay barqadii.

Gudoomiyaha golaha wakiiladda Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo kulankaa ka hadlay ayaa xubnaha weftiga uga waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay tan iyo markii ay xorriyadeeda ka qaadatay mustacmarkii Ingiriiska, wuxuuna sheegay inay Somaliland maanta u gudubtay nidaamka dimuqraadiyadda iyo hanaanka xisbiyadda badan, isaga oo tusaale u soo doorashooyinkii hanaanka xisbiyadda badan ee dalka ka qabsoomay, isla markaana waxa farta ku fiiqay inaanay Afrika ka dhicin sidii ay Somaliland markii madaxweynihii hore geeriyooday sidii xukunka loola kala wareegay, wuxuuna tusaale u soo qaatay dhibaatooyinka iyo colaadaha Afrika ee xukunka la isku qabsado, isaga oo yidhi “Liberia dhawaan wixii ka dhacay waynu ogeyn”.

Mudane Qaybe waxa uu sheegay inay doorashooyinkii madaxtooyadda ee Somaliland ay ahaayeen kuwo si cadaalad ah u dhacay, taas oo uu sheegay inay xaqiijinayso madaxweynaha hadda talada hayaa tirada yar ee uu ku badiyey, waana mid tilmaamaysa inay doorashooyinkaasi u dhaceen si cadaalada ayuu yidhi.

Gudoomiyaha golaha guurtida Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf ayaa isna shirkaa ka hadlay isaga oo ka waramay xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee Somaliland iyo waxyaabaha loo baahan yahay in wax laga qabto, isla markaana waxa uu sheegay in gooni isku taaga Somaliland uu yahay go’aan shacbi oo aanay ka noqonayn, haddii ay ku qaadanayso 20-sannadood oo dambe, wuxuuna yidhi “Kolayba waa nala Ictiraafayaaye, idinku noqda dalka ugu horeeya ee na Ictiraafa”.

Waxa kale oo isna kulankaa ka hadlay Mudane Axmed Dirir oo ka tirsan golaha guurtida, wuxuuna sheegay inay Somaliland tahay dal dihin, laakiin dadkiisu faqiir yihiin, sidaa awgeed ay u baahantahay Somaliland in la gacan qabto inta ay kheyraadkeeda la soo baxayso, wuxuuna intaa ku daray inay Somaliland tahay dal ay ka jirto nabadgelyo iyo dimuqraadiyadi, isla markaana aanu baanka adduunku wax deyn ah ku lahayn.

Xubnaha weftigu waxay dhinacooda sheegeen inay qirayaan nabadgelyada Somaliland ka jirta, iyaga oo tusaale u soo qaatay markii ay booqashada ku tageen Mandheera, oo ay la kulmeen soo noqodkoodii dooxa Aw Barkhadleh oo soo rogmaday, laakiin sida ay sheegeen iyaga oo aan cidna ka baqayn ay habeenimadii saqdii dhexe ka soo talaabeen iyaga oo lugaynaya, taas oo ku tilmaameen mid muujinaysa nabadgelyada iyo xasiloonida buuxda ee Somaliland ka jirta.

Weftigani waxay balan qaadeen in waxyaabihii ay arkeen u gudbin doonaan dawladooda, isla markaana muddadii ay joogeen waxay kulamo la yeesheen wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, wasiirka cadaaladda iyo taliyaha ciidanka booliska.

Top


Ururka Havayoco Oo Ka Qaybgalay Ololaha Nadaafadda Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa

Hargeysa (Haatuf): Olole nadaafadeed ayaa maalin kasta oo khamiis ah laga sameeyaa cusbataalka guud ee magaalada Hargeysa, ololahaas oo ay inta badan wadaan madaxda iyo hawl-wadeenada caafimaadku waxa maalintii shalay ka qayb qaatay ururka dhalinyarada HAVOYOCO, iyadoo uu wasiirka caafimaadka, Cismaan Qaasin Qodax iyo saraakiisha cusbataalku ka dhex-muuqdeen hawl-galkii ololaha nadaafadda ee shalay ka socday cusbataalka guud.

Ololaha nadaafadeed ee khamiistii shalay waxa barxadda cusbaalka ee kaamboolka dhexdiisa laga daad-guureeyey qashin aad u badan, iyadoo ay kooxo dhalinyaro ah oo ururka HAVOYOCO ah hawshaa wadeen, isla markaana uu ka dhex-muuqday wasiirka caafimaadku, waxayna hawshaasi bilaabatay aroortii , waxaana la xaadhay kudaafad door ah oo ay qaarkeed ku jireen haamaha qashinka, qaarna dhulka daadsanaayeen, wuxuuna wasiirka caafimaadku sheegay inay caado ka dhigteen joogtaynta olole nadaafadeed oo cusbataalka lagaga shaqaynayo, iyadoo uu qashinka halkaa laga qaaday inmuddo ah haamaha qashinka ku jiray.

“Hadii aanu wasiirku noo bilaabin, anaguna kama soo qayb galneen ololaha nadaafadeed oo cusbataalka lagu nadiifinayo”, sidaa waxa yidhi masuul ka tirsan ururka dhalinyarada HAVOYOCO oo ku sugnaa goobta ololaha nadaafaddu ka socday.

Sidoo kale masuul ka tirsan maamulka cusbataalka oo goobta joogay ayaa isna yidhi “Waxa naga maqan gacantii dawladda hoose, waayo marka ay haamaha qashinku buuxsamaan waxaanu u baahanahay inay dawladda hoose naga qaado, taasina ma jirto”.

Ololahan nadaafadeed waxa uu wax ka tarayaa jawiga nadaafadeed ee kaamboolka iyo duleedada cusbataalka oo aan had iyo goor wanaagsa, iyadoo loo baahan yahay in loo feejignaado ilaalinta nadaafadda cusbataalka, maadaama uu yahay meel xasaasi ah dhinaca daryeelka nadaafadda.

Top


“Horaan U Idhi; Macal Cune, Soo Bixi Doonee,” Wasiirkii Hore Ee Kalluumaysiga

Boorame (Haatuf): Wasiirkii hore ee dawladda Somaliland, Axmed Xuseen Oomane ayaa jawaab ka bixiyey bayaan qoraal ah oo ay kaluumaysatada reer Berbera soo saareen, kaas oo wargeyska Haatuf ku soo baxay cadadkiisii shalay, waxay ku sheegeen inay badda xaalufinayaan maraakiib ay wasaaradda kaluumaysigu heshiis la gashay, iyaga oo tilmaamay inay maraakiibtaasi jebiyeen heshiiskii lala galay, isla markaana waxay madaxda wasaaradda kaluumaysiga ku dhaliileen arintaa, iyaga oo qoraalkooda ku xusay wasiirkii hore ee kaluumaysiga Axmed Xuseen Oomane, kaas oo ay sheegeen inuu hore u qorsheeyey heshiiska maraakiibtan badda xaalufinaysa. Sidaa awgeed Axmed Xuseen Oomane waxa uu wargeyska Haatuf maalintii shalay soo gaadhsiiyey maqaal uu arintaa kaga jawaabayo oo uu ka soo diray magaalada Boorame, maqaalkaasina waxa uu u dhignaa:

“Tixraac bayaan ay soo saareen xubno ka mid ah iskaashatada Kaluumaysiga Berbera oo Haatuf ku soo baxay Arbaca, Ogost 13, 2003.

Sida aad xusuusan tihiin intiinii nasiibka u heshay inay akhriyaan maqaal ay laba nin oo ku hadlayey magaca iskaashatadani soo saareen, dhawr maalmood ka dib markii xilka wasaaradda la iga qaaday, kuwaas oo igu sagootiyey eedaymo been ah iyo dhaliilo aanan lahayn. Sidoo kale waxay si diiran u soo dhoweeyeen wasiirka xilka igala wareegay.

Laakiin arimaha ay labadaa nin qoreen waxaan kaga jawaabay maqaal aan ciwaan uga dhigay “Macal-cune soo bixi doonee”. Balse qoddobadii maqaalkaa ku qornaa inaan halkan dib ugu wada xuso looma baahna. Hase yeeshee waxaan akhristayaasha sharafta leh xusuusinayaa laba qoddob oo keliya, qoddobka koowaad waxa uu ahaa ilaa inta kooxda magaca iskaashatada ku danaysata badda laga xoraynayo inaanu wasiirkana ay sida la yaabka leh u soo dhoweeyeen iyo mid ka dambeeyaa toona xilka wasaaradda si wanaagsan u gudan-karayn. Waxa kale oo aan intaa raaciyey afeef aan leeyahay anigu waxaan ahaaba waan tegay, balse berri yaan la arkin idinka oo sidii hore kana uga cabaadaya, taas awgeed mar hadii wixii aan ka afeef dhigtay ku soo baxeen muddo laba bilood ka yar, waxaan leeyahay marag alla.

Hadii aan u soo noqdo nuxurka maqaalkan waxaasi wixii ay hore u odhan jireen “Maraakiib wasaaraddu ruqsad siisay ayaa badda xaalufinaya”.

Laakiin xubnaha maqaalkan ku qorani waxay cadaymo u soo qaateen, maraakiibta oo ay leeyihiin waxay jebiyeen qoddobo ka mid ah heshiiska, isla markaana waxay ku doodayaan inay wasaaraddu ka gaabisay gudashada waajibkeeda, iyaga oo leh wasaaraddu waxay maraakiibtaa saartay kormeerayaal aan aqoon lahayn. Sidoo kale waxa kale oo ay yidhaahdeen waxaanu dareensanahay inaanu wasiirka cusub, Maxamed Siciid Gees wax badan kala socon arinta, balse ay ahayd arin uu wasiirkii hore sii qorsheeyey.waxayse ila tahay in duqaydu markii ay sidan lahaayeen ay ugu muuqatay inay wasiirka cusub dhaliisha ka duwa isleeyihiin, laakiin iyaga ayaan waydiinayaa dhaliisha ka weyn masuul lagu yidhi waxaanu dareensanahay inuu fuliyey arin aanu ka baaraandegin, balse mudane Gees wuu ka weyn yahay nin dareen noocaas ah loo nisbeeyo ee xaal siiya.

Ugu dambayn waxaan ugu baaqayaa dawladda, labada gole, axsaabta iyo cidii kale ee dhismaha dalka damqasho ka hayso in gacan lagu siiyo wasaaradda sidii badda looga xorayn lahaa kooxaha dhexda ku duubtay, wasaaraddana loogu suurta gelin lahaa gudashada waajibaadkeeda”.

Top


9 Magaalo Oo Maraykanka Iyo Kanada Ah Oo Mar Qudha Laydhku Ka Wada Bakhtiyay

 Kumanaan Qof Ayaa Guryahoodii Ka Qaxay Oo Is Daba Tooreeyay Jidadka Cabsi Darteed

New York (W. Wararka) – Toddoba magaalo oo ku yaal dalka Maraykanka iyo Laba magaalo oo dalka Kanada, ayaa shalay gelinkii dambe abaara 4-tii saac waqtiga New York laydhku ka go’ay.

Saraakiil ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa sababta laydhku u go’ay ku tilmaamay in Wershada Laydhka ee Niagara- Mohawk ay la soo gudboonaatay culays dhinaca dabka ah, iyadoo ay wershadaasi dabka siiso magaalada New York, isla markaana ay dabka u gudbiso meelo ka mid ah dalka Kanada. Laakiin magaalooyinka Maraykanka ah ee uu laydhku ka bakhtiyay waxa ka mid ah: New York, Boston, Massachusetts, Cleveland, Ohio, Detroit, Michigan iyo labada magaalo ee dalka Kanada ee Toronto iyo Ottawa.

Inta badan xaafadda Manhattan ee ka mid ah New York iyo Shaaraca weyn ee Wall Street ee isla magaalada New York way madoobaadeen, kadib markii hal mar la waayay laydhkii. Sidoo kale, waxaa iyagana laydhku ka go’ay dhammaan meelaha Madaarada ah iyo wadooyinka tareenada.

Arrintani waxay argagax weyn ku riday dadweynaha Maraykanka iyo Kanada, gaar ahaan magaalooyinka ay arrintani ka dhacday, iyaga oo arrintaa u qaatay in ay la mid yihiin weeraradii Sep 11, 2001 ee ka dhacay magaalada New York, khasaaraha ballaadhana u geystay dabaqyadii dhaadheeraa ee mataanaha loo yiqiin, laakiin Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in ay arrintan laydhka go’ay ay tahay wax iska caadiya oo dhaca mararka qaarkood, balse aanay ahayn weeraro argagixiso.

Hay’adda Duulista Hawada Maraykanka ayaa joojisay duulimaadyadii dhammaan saddex Madaar ee ku yaal magaalada New York, kadib markii ay bakhtiyeen dhammaan nalalkii Madaaradu iyo qalabkii lagaga shaqaynayay hawlaha Madaarka. Sidoo kale hay’adda duullista hawadu, waxay sheegtay in la joojiyay duulimaadyadii diyaaradaha ee Madaarka Toronto ee dalka Kanada.

Maayarka magaalada New York, Michael Bloomberg ayaa cadeeyay in aanay arrintani xidhiidh la lahayn argagixisada, ama aanay shil kale toona, balse wuxuu sheegay in qalabka wershadu ay iskood isu bakhtiyeen, taasina ay tahay mid loogu talo galay, wax khasaare ahina aanay dhicin.

Bloomberg, waxa uu sheegay in aan la garayn inta ay socon doonto laydh la’aantaasi.

Kumanaan dad ah ayaa markii ay arrintaasi dhacday ka qaxay guryahoodii una soo baxay wadooyinka. Magaalada New York ayaa la sheegay in la xidhay biriishyada laysaga gudbo, isla markaana dadku waxay yaacayeen baabuurta, iyagoo ka cabsi qaba in ay kaga yimaadaan qaraxyo.

“Waxaa nala soo diristay mushkilad, dadkiina waxay bilaabeen inay socdaan ilaa masaafooyin dhaadheer, waxayna u baahan yihiin in ay taxadir sameeyaan” ayuu yidhi Maayarka New York, isagoo intaa ku daray; “Waxaanu kula talinaynaa in ay guryahooda ku noqdaan, oo ay daaqadaha furtaan, cabitaan badanna cabaan.”

Top


Liibiya Oo Ogolaatay Mag-Dhowga Qaraxii Diyaaradii Lokarbie

Tripoli (W.wararka) Ogolaanshaha ay Libiya ogolaatey in ay magdhow siiso eheladii 270 qof ee ku dhintey qaraxii dayuuraddii Pan Am ee tirsigeedu ahaa 103, waxa ay qayb ka tahay shuruudihii Liibiya xayiraadda lagaga qaadi lahaa.

Waxa soo if baxaya astaamo sheegaya in Liibiya ay dhawaan si aan qarsoodi lahayn u ogolaaneyso masuuliyadda qaraxii loo geystey dayuuraddii Pan Am, duulimaadkii 103 ee ku dul dhacdey Lokerbie, sanadkii 1988dii.

Qareenno ka wakiil ah qoysaskii 270 qof ee qaraxaas ku dhintey ayaa sheegey in iyaga iyo dowladda Libiya ay wada saxeexeen heshiis mag-dhow ah oo ehelada dadkii qaraxaas ku dhintey lagu siinayo lix Malyuun oo pound oo ah giniga ingiriiska qofkiiba. Waa war wanaagsan ayaanay qareenadu ku tilmaameen.

Waxa ay qareenadu sheegeen in lacagtaasi si dhakhso leh loo soo dhigi doono bangiga, islamarkaana ay dowladda Libiya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u soo diri doonto warqad ay ku cadayneyso in iyadu ay masuul ka ahayd qaraxii dayuuraddaas oo ay ku dhinteen dadka badani.

Laakiin waxa la filayaa in warqadda ay Libiya u soo qoreyso QM ayna si toos ah ugu qiran doonin in ay iyadu ka dambeysey.

Kalsoonidaas ay qareenadu muujiyeen waxa ay u muuqataa in Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanku ay la qabto. Ku xigeenka Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka, William Burns oo isagu door hormood leh ka qaatey wada xaajoodkii heshiiskan lagu soo dhameeyey ayaa soo gaabinaya safar uu ku marayo Bariga Dhexe, si uu Washington u yimaaddo oo uu u wargaliyo eheladii dadkii ku dhintey dayuuraddaas Pan Am. Waxa la qorsheeyey in Mr Burns uu dadkaas la kulmo Jimcaha barito ah.

Dhammaan eheladii dadkii Mareykanka ahaa ee dayuuraddas ku dhintey kuma faraxsana heshiiskan. Ninka la yidhaa Dan Cohen oo gabadh uu dhaley oo 20 jir ahayd oo la odhan jirey Theodora ay qaraxaasi ku dhimatey, ayaa ka mid ah dadka aan ku faraxsaneyn heshiiskan - waxa uu dareensanyahay in heshiiskani uu yahay tallaabadii ugu horeysey ee baxnaanineysey Korneel Qadaafi.

Top


Fallaagada Liberia Oo Wareejisay Dekedda Monrovia

Monrovia (W.wararka) Ciidamada Jabhadaha ayaa dib uga baxay dekedda Monrovia, taas oo hey'adaha gargaarka u ogolaatey in ay cunto iyo dawo gaadhsiiyaan dadka reer Liberia ee dagaaladu aafeeyeen.

Ciidamada Jabhadda ugu weyn Liberia ayaa go'aan ku gaadhey in ay ka baxaaan dekedda Monrovia ka dib markii ay gaadheen ujeedadoodii ugu weyneyd, taas oo ah in Charles Taylor uu ka baxo Liberia.

Dhinaca kale, qaybtii ugu horaysay ee ciidamada badda Maraykanka, ayaa gaadhay caasimadda Liberia ee Monrovia, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in jahawareer cusub saaka ka jirey dhinaca aagga dekedda ee dhinaca ay mucaaradku magaalada ka haystaan intii aaney saaka ka bixin.

Ilaa sagaal helicopter, ayaa askar iyo qalabba ka soo qaaday mid ka mid ah maraakiibta dagaal, oo ku dajiyay xeebta.

Waxaa lagu wadaa in ay caawiyaan ciidamada nabad ilaalinta ee Nigerian-ka ugu badan yihiin, kuwaasi oo loo geeyay Liberia in ay soo celiyaan kala dambaynta kadib markii uu xilka ka degay oo dalkana uu iskaga baxay madaxwayne Charles Taylor.

Waxa wararku sheegayaan, shalay intii ayna ciidamada Jabhaduhu ka bixin dekedda, in halkaas ay ka jirtey xaalad foodo ah oo jahawareer badan ka muuqdey sida ay wax u kala socdaan.

Ciidamada Mareykanka ee Liberia tagey waa qeyb yar oo ka tirsan ciidanka Mareykanka ee saaran maraakiibta joogta xeebaha Afrika, dhinaca kale marka laga eego waa ciidankii ugu weynaa ee Mareykanku leeyahay ee gala waddan Aferikaan ah intii ka dambeysey ciidankii Mareykanku lahaa ee Soomaaliya galey bilowgii sagaashameeyadii.

Top


Maraykanka Oo Uga Digay Dadkiisa Inay U Safraan Sucuudiga Ammaan-Xumo Darteed

Washington (W.wararka) Dawladda Maraykanka ayaa uga digtay dadkeeda in ayna u dhoofin Sucuudiga, kaasoo lagu sheegey in ay sabab u tahay xog la helay oo ka warameysa in ay jiraan falal argagixiso oo lala beegsanayo danaha Mareykanka.

Wararka Mareykanku helayo waxa ku jira kuwa la rumeyn san karo oo sheegaya in Muslimiin xag-jira ay beegsanayaan danaha reer Galbeedku ku leeyihiin Sucuudiga.

Waxa digniintaasi ay foojignaan fareysaa Mareykanka ku nool Boqortooyada Sucuudiga, gaar ahaan marka ay tagayaan meelaha dadka ka dhaxeeya.

Digniintan cusubi waxa ay soo baxdey ka dib markii ay dowladda Sucuudigu ay dhawaan kashiftey oo ay qabatey shirqool argagixisnimo oo lagu doonayey in lagu weeraro garoonka dayuuradaha ee Riyadh.

Kashifaaddaasi waxa ay horseedey in dayuuradaha British Airways laga mamnuuco in ay tagaan Sucuudiga.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanku waxa ay soo saartey dhowr digniin oo la xidhiidhata tagista Sucuudiga tan iyo markii la qarxiyey daar ku taala Sucuudiga, bishii May ee sanadkan oo ay ku dhinteen 35 qof.

Dhinaca kale Nin asalkiisu hindi yahay oo haysta dhalashada Britishka oo ka baayacmushtareeya hubka ayaa Mareykanka lagu qabtey isagoo lagu eedeeyey in uu hub sharci-darro ah Mareykanka galiyey.

Xeer Ilaaliyaha gobolka New Jersey ayaa sheegey in ninka la qabtey, Hemant Lakhani, uu ogaa in uu hub ka iibinayo niman argagixiso ah.

Dhab ahaantii dadka uu la xaajoonayey waxa ay ahaayeen ciidamada sirta oo is-qariyey, laakiin waxa uu isagu rumeysnaa in uu hub ka iibinayo niman doonaya in ay soo ridaan dayuuradaha ganacsiga ee Mareykanka.

Mr Lakhani iyo laba nin oo kale ayaa la xidhey ka dib markii ay ku dhaceen dabin ay u dhigeen shabakad lagu diyaarshey hawlgal ay ku wada jireen hey'adaha sirdoonka Mareykanka, Russia iyo kuwa Ingiriiska.

Odey Mareykan ah oo ka mid ah ragga lagu qabtey ayaa la sheegey in uu isku dayey inuu isku dayey in uu lidka dayuuradaha ka iibiyo nin loo ekeysiiyey inuu yahay Soomaali ka tirsan kooxaha xagjira.

Xer ilaaliyaha Mareykanka, Christopher Christie ayaa bogaadeyey hawlgalkaas yaabka leh ee lagu qabtey ninka ka ganacsada hubka Mr Hemant Lakhani. Waxa Lakhani shirqoolkan kula jirey nin u dhashey Malaysia iyo odey Mareykan ah oo 76 jir ah oo ka shaqeeya Mujowharaadka.

Top


Dagaalo Dhexmaray Bilayska Sucuudiga Iyo Kooxo Xag-Jira

Riyad (W.wararka) Wararka naga soo gaadhaya dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in shan qof lagu dilay dagaal kale oo dhexmaray boliiska iyo dad looga shaki qabo in ay ka tirsan yihiin ururada islaaamiga ah ee xag jirka ah. Dagaalkaasi waxaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay magaalada caasimada ah ee Riyaadh.

Dadka dhintay waxaa ku jira afar ka tirsan ciidamada amaanka, kan kalena waxaa la sheegay in uu ahaa nin looga shaki qabay in uu yahay mitid. Waxaana gacanta lagu dhigay todoba kale oo la sheegay in ay ahayeen dadkii looga shaki qabay mitidnimo.

Dadka deegaankaa ku nool ayaa waxay sheegayaan in xabaduhu ay bilowdeen ka dib markii ciidamada amaanku oo ay taageerayaan helokobtaro ay hareereeyeen guryo ku yaala xaafada Al Suwaidi ee koofurta magaalada Riyadh.

Maalintii Isniintii ciidamada boliiska Sacuudiga ayaa waxay qabqabteen toban qof oo ay uga shakiyeen in ay qorsheenayeen weerar ka dhan ah danaha Britain.

Dowladda Sacuudiga ayaa waday talaabo wax lagaga qabanayo dadka looga shakiyo xagjirnimada, tan iyo markii weerar isbiimeyn ah lagu qaaday magalaada Riyadh bishii May oo ay ku dhinteen 35 qof. Laba boqol oo qof ayaa la xidhxidhay, qaar kalena waa la laayey tan iyo markii ay iska hor imaadyadu ka dhaceen sucuudiga.

Top


Isra’il Oo Duqaysay Guryo Rayid Oo Deegaanka Falastiiniyiinta Ah

Qudus (W.wararka) Dhowr qarax oo dhawaaq dheer, ayaa laga maqlayey guri ku yaalla magaalada Hebron ee Daanta Galbeed.

Raadiyaha Israel, ayaa sheegay in qaraxu uu dhacay ka dib markii askarta Israel ay gantaal rideen markii rasaas la iswaydaarsaday iyadoo ugu yaraan hal qof uu guriga ku jiray.

Wararka laga helay dhinaca military-ga ayaa sheegay in bombo kuwa gacanta ah laga soo tuuray guriga gudihiisa.

Raadiyuhu wuxuu sheegay in Maxmud Sider oo ah hogaamiye ka tirsan dhaqdhaqaaqa islamic Jihad oo la raadinayey uu gurigaasi ku jiray.
Wararka laga helayo dhinaca Falastiiniyiinta, waxay sheegayaan in Mr Sider loo malaynayo in uu weerarkaasi ku dhintay.

Dhinaca kalena, ciidamada Israel waxa ay burburiyeen guryo ku yaalla magaalada Nabulis oo ay lahaayeen qoysaska laba Falastiiniyiin ah oo naftooda huray, markii ay bomb isku qarxiyeen laba weerar oo kala duwan oo ay maalintii Salaasadii ay ku dhinteen laba Israa'iiliyiin ah.

Top


Rabshado Dhimasho Iyo Dhaawac Keenay Oo Dhexmaray Maraykanka Iyo Ciraaqiyiinta

Baqdaad (W.wararka) Hawlgal ay qaadeen ciidamada Mareykanka si ay u qaboojiyaan rabshado ka dhashey bannaanbaxayo ka dhacay Ciraaq ayaa dhimasho iyo dhaawac cusub ku darey liiskii dhimashada ee maalmahan isa soo tarayey.

Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraq, ayaa sheegay in qof Ciraaqi ah la dilay mid kalena la dhaawacay markii ciidamada Maraykanka loo diray in ay xakameeyaan dad ku bannaanbaxayay magaalada Sadr ee shiicadu ay ku badan yihiin una dhow magaalada Baqdaad.

Waxaana soo baxaya warar is burinaya oo ku saabsan waxa keenay dhibaatadan.

Sheekh Cali al-Mutairi oo ka mid ah Shiicada magaalada degan, ayaa sheegay in rabshaduhu ay bilowdeen ka dib markii askar saaran helicopter oo Maraykanku leeyahay ay isku dayeen in ay dajiyaan calan diimeed sudhnaa goob isgaadhsiineed.

Afhayeen u hadlay Maraykanka, ayaa sheegay in helicopter ay leeyihiin oo si hoose u duulaysay ay dabaysheedu tuurtay calanka.

Waxaa kale oo la sheegay in Ciraaq lagu dilay laba askari oo Maraykan ah markii weeraro kala gooni ah lagu qaaday baabuur Maraykanku leeyahay.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Lugtaydii Midig Waxa Gooyay Nin Ruush Ah

Lugtaydii Midig Waxa Gooyay Nin Ruush Ah

Aniga oo ah muwaadin reer Somaliland ah sannadkii March, 3, 1977-kii ayaa baabuur igu jiidhay magaalada Muqdisho, waxaana gaadhiga I jiidhay watay nin Ruush ah, ninkaas oo u shaqayn jiray mashruuc la odhan jiray horumarinta xeebaha Somaliyeed, aniguna waqtigaa waxaan dhigan jiray fasalka 3aad ee dugsiga hoose ee Banaadir, iyadoo uu gaadhigaasi igu jiidhay meel u dhow Hudheel la yidhaahdo Naasahablood, waayo anigu iskuulka aan dhigto ka sokow waxaan maydhi jiray baabuurta si aan nolol-maalmeedka uga raadiyo.

Baabuurka I jiidhay waxa uu burburiyey lugtayda midig, ka dibna waxay dhakhaatiirtu ku taliyeen in lugta la gooyo, sidaas ayaana lagu gooyey lugtii oo dhan, laakiin ninkii Ruushka ahaa ee I jiidhay inuu qof jiidhay iyo inuu neef adhi ah jiidhay ma kala ogayn, dibna iiguma soo jahan. Waxa lay dhigay cusbataalka la yidhaahdo Digfeer, halkaas oo aan jiifay muddo afar bilood ah, laakiin markii aan cusbataalka ka soo baxay waxaan tegay safaaraddii uu Ruushku ku lahaa Muqdisho, waxaana ku idhi waxaan doonayaa inaad xaqaygii I siisaan, balse waxa taa lagaga jawaabay in la I qaybiyo ciidan nabadsugid ah oo dabagal igu sameeyey, ka dibna waaba lay xidhay, waxaanan xidhnaa ilaa afar maalmood. Sidoo kale waxaan u dacwooday dawladdii Siyaad Barre, balse iyana waxba iima qaban.

Anigu iminka waxaan ku boodaa ama ku socdaa laba birood, laakiin taasi dhibaato weyn ayey igu tahay, waxaanan u baahanahay inaan helo lug macmal ama artifishal ah oo debedda la iiga soo sameeyo.

Ta kale waxaan ahay nin xaas balaadhan ah, kuwaas oo ka kooban 3 caruur ah iyo hooyadood, mana jirto wax shaqo ah oo aan hayaa, markaa hadii aan soo ururiyo nuxurka hadalkayga waxaan ahay nin laxaad la’ oo u baahan gargaar aadaminimo.

Cali Abiib Axmed, Boorame.

Top


Iskuulka Sh. Bashiir Iyo Khatarta Baabuurta

Sida la ogyahay waxa hadda dib loo furay sannad-dugsiyeedkii cusbaa ee Somaliland, waxaana loo baahan yahay sidii ardayda loogu diyaarin lahaa sannad-dugsiyeedka cusub, sida Buugaagta, qalimada iyo dirayska. Arimahaasina waa xil gaar u saaran waalidiinta, laakiin waxa kale oo loo baahan yahay in dhinaca kalena ardayda loo diyaariyo dugsiyada, sida macalimiintii oo la diyaariyo iyo manhajkii waxbarasho oo la diyaariyo iyo wixii la mid ah. Hase yeeshee markii dhowaan la furay iskuulada waxaan tegay dugsiga Sh. Bashiir oo ka mid ah dugsiyada magaalada Hargeysa ugu caansan waxaana halkaa ku arkay dhibaato, waayo iskuulka waxa afarta jihoba ka xiga ama ka mara wadooyin, taas oo uu weligiiba iskuulada kale kaga duwanaa, iyadoo aan aniga laftaydu iskuulkaa ku dhamaystay waxbarashadaydii hoose-dhexe, waxa had iyo goor dhici jirtay arday shil baabuur la kulanta, balse iyadoo ay awelba wadooyinka hareeraha ka maraa dhibaato ku hayeen iskuulkan ayaa hadda waxa albaabkiisa laga sameeyey istaamo ay baabuurtu ka baxdo, sida Istaanka gaadiidka u baxa galbeedka Hargeysa iyo istaan kale oo ay isna ka baxaan baabuurta u baxda laascaanood, waxa kale oo isna iskuulka hortiisa ah baakinka baabuurta shirkadda Dahab-shiil ee shaqaalaha ka shaqeeya xarunta gargaar ee iskuulka ka soo horjeeda, taasina waxay keentay inay isku arbushmaan ardaydii iyo baabuurtii meesha hoganaysay, taas oo ay muuqato halis weyni, waxayna taasi nagu riday werwer iyo walaac badan, sidaa darteedna waxay dantu nagu khasabtay inaanu caruurtii iskuulkaa imanaysay gacanta soo qabano subixii, hadhow rawaxaadana aanu gacanta sii qabano, iyadoo aanu marka ay nusasaacaha u baxayaan aanu wadnaha farta ku hayno oo aanu ka baqayno inuu baabuur jiidho.

Arintaas mar aan wax ka waydiiyey macalimiinta iyo maamulka dugsiga waxay ii sheegeen inaanay keligood waxba ka qaban karayn, sidaa awgeed guud ahaan xukuumadda Somaliland, gaar ahaan wasaaradda gaadiidka, ciidanka ilaalinta nabadgelyada wadooyinka, dawladda hoose iyo cidii kale ee arintaa wax ka qaban karta ama ay khusayso waa inay wax ka qabtaan dhibaatada halkaa taal, iyadoo weliba wax looga qabanayo si dhakhso ah, taas oo aan leeyahay waa in go’aan degdeg ah laga qaataa, hadii kale waxa ka iman karaysa dhibaato weyn, isla markaana hadii ay dawladdu waxba ka qaban waydo, waxaanu taa kaga caban doonaa mudaharaad ay ka qayb qaataan waalidiinta, ardayda, macalimiinta iyo dadka jaarka la ah iskuulkan ee ay arintani damqayso, ileyn uma dul-qaadan karno sidan ay iminka ku jiraane.

Muuse Yuusuf Maxamed, Hargeysa.

Top


Waxa La Duudsiyay Mansabyadii Aanu Xukuumadda Ku Lahayn

Hadii aanu nahay aqoonyahanka, cuqaasha iyo duqayda beesha Faarax Cabdile ee bariga Burco, waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa tabasho, taas oo aanu u aragno inaanay dawladda Somaliland beelaha xaq iyo cadaalad ugu qaybin mansabyada, iyadoo aanay xukuumadda iyo baarlamaankuba xaq iyo cadaalad wax ugu qaybin beelaha marka la eego masuuliyiinta dawladda.

Sidoo kal madaxweynuhu waxa uu duudsiyey saamigii aanu beel ahaan ku lahayn golaha wasiirada, waayo saamiga uu na siiyey miisaan ahaan ma aha kii aanu xaqa u lahayn.

Ta kale golaha baarlamaanku iyaguna si cadaalad ah uma ay ansixin si cadaalad ah wasiiradii uu madaxweynuhu horkeenay, iyaga oo aan kala saarin wax qabadkooda, aqoontooda iyo wadaniyadooda. Tusaale ahaan Aadan-waqaf (Wasiiru-dawlihii arimaha gudaha), oo ah nin beeshayada ka soo jeeda waxa uu ahaa nin aqoon ku fillan leh, wadaniya, isla markaana sumcad ku leh dalka iyo dadka dhexdooda, masalan waxa uu muddo yar oo 4 bilood ah maayar ka noqday magaalada Burco, halkaas ayaana dadku ku bartay wax qabadkiisa, sumcadda ugu weyna afartaa bilood ayuu helay, isaga oo taa ku mutaystay wixii uu qabtay. Sidaa darteed ninkii wax qabanayey hadii la diido maxaa la doonayaa?

Arintan iyo kuwo kaleba waxay na xusuusinaysaa halgan dheer oo ay beeshu u soo gashay dalka, kaas oo aanay weli helin abaalkeeda,iyadoo ay halganadaa ka mid ahaayeen, halgankii nabadaynta iyo nabadgelyada beelaha Somaliland, ilaalinta jiritaanka Somaliland iyo meelmarintii aftidii distoorka iyo doorashooyinkii dalka ka dhacay. Sidaa awgeed waxaanu baarlamaanka ka codsanaynaa inay cidii la horkeeno aad uga fekeraan oo aanay ku degdegin, isla markaana ay kala eegaan ciddii ay dalka iyo dadka dani ugu jirto iyo cidda ka fekerta danahooda shaqsiga ah, taas oo aanu leenahay waa inay cidii la horkeeno ku kala saaraan aqoon, wax qabad iyo cadaalad. Sidoo kale waxaanu mudane madaxweyne kaa codsanaynaa inaad xaqayaga hoos u eegto, arintayadana wax ka qabato si ay isugu dheeli tirranto wadaagga mansabyada ee dhinacyada iyo beeluhu.

Magacyada duqayda

C/kariin Maxamud X. Yuusuf
Muuse Faarax Diiriye
Maxamed Axmed Jaamac
Cali Hurre Raage
Saleebaan Cabdi Cali
Cabdi Aadan Nuur
Cabdi Jaamac Baaruud
Jamaal Muuse Nuux
Maxamed C/laahi Siciid
Cabdi Abokor Saleebaan
Maxamed Nuux Xuseen
Maxamed Cismaan Maxamed
Cismaan Maxamed Nuur
C/raxmaan Timir Cali
Axmed Caynab Qaal
Abokor Ismaaciil Xasan
Faarax Xuseen Axmed
Cabdi Yaasiin X. Saleebaan
C/laahi Axmed Rooble
C/laahi Axmed Iidle
Chief caaqil. Ibraahin Ismaaciil
Chief caaqil, Axmed X. Aadan
Cabdi Xasan Aadan

Top


Cidina Uma Maqna Ceelna Uma Qodna

Dhambaalkaygu waxa uu ku saabsan yahay dhinacyada muhimka ah ee Somaliland, sida siyaasadda, nabadgelyada, waxbarashada, caafimaadka iwm, aniga oo la hadlaya dhamaan ummadda reer Somaliland, muwaadin kasta hadii uu yahay muxaafid iyo hadii uu yahay mucaarad, odayaasha, hooyooyinka, hablaha, wiilasha iyo dhamaan dadka yar iyo weyn-ba.

Shirka kooxaha Somaliya uga socda Nayroobi way caddahay inaanay Somaliland qayb ka ahayn ee uu yahay wax u gaar ah somalida koonfureed, waxaynuse leenahay illaahow muqaalifo sii sharkoodana naga du’. Laakiin hadii aan ka hadlo Somaliland iyo duruufaheeda, masalan askariga heeganka uga jira ilaalinta nabadgelyada iyo difaaca dalka ma qaato mushahar ku fillan, sidoo kale macalinka ubadkeena wax baraa isna ma qaato mushahar ku fillan, qaarna waxba ma qaataan, sidoo kale dhakhaatiirta aynu ka rabno daawaynta iyo ilaalinta daryeelka caafimaad ee dadkeena iyana ma qaataan mushar ku fillan. Waxa kale oo jirta shaqo la’aan, sidoo kale waxa jira dayac badan oo dhinacyo badan leh. Sidaa awgeed waa inaynu u soo jeesano wax qabad iyo sidii aynu dadkeena, dalkeena iyo diinteena uga shaqayn lahayn, isla markaana waa inaynu u hogaansanaanaa sharciga illaahay (SWT).

Waa inaynu xukuumadda kula talinaa sidii ay daryeel fiican u siin lahayd askariga, macalinka, dhakhtarka iyo dadka haya adeegyada muhimka ah, aniga oo leh cidina uma maqna, ceelna uma qodna.

Bashiir Xasan Faarax, Hargeysa.

Top


IFTIINKA ISLAAMKA: Islaamka Iyo Mashaakilka Dhallinyarada, Q: 2aad.

Siciid Guraase

Muuqaal inagu soo noq noqoya ayaan ka arkaa dhalinyaro faro badan oo toosan oo awaamirta illaahay fuliya oo guryahooda lagu soo tarbiyadeeyay oo aabihii iyo hooyadii ay xafideen mudo yar ka dibna xaladoodii ay faraha ka baxday maxay taasi ku dhacday? Inta badan dadku waxay yidhaadaan marka arintan oo kale ay ka hadlayaan hebel ayuu la saaxiibay dabadeedna haleeyay, waxaynu odhan karnaa hebel waa qof cida raacdaaba ay halowdo iska illaali in aad noqoto hebelkaa, hadaba markaad adigu aad ku qanacsantahay in aad socoto dariiq khaldan oo aad ogtahay in aan dariiq sharci ah aanad ku socon maxaad sabab uga dhiganaysaa dadka aad halaynayso, hebel markuu kula saaxiibay wax xumaan ah muu samayn jirin laakiin xumaan ayaad gelisay adiga ayaana ka masuul ah halowgiisa iyo xumaanta uu sameeyay saaxiibnimadaadii ayaa galaafatay waayo waxaad tustay dariiqii xumaanta, waxa aad tustay filim ama meelo kale oo xun xun oo u fududaynaya xumaanta hadal iyo dhamaan danbiga ninkaasi sameeyay adiga ayaa u sabab ahaa badheedh iyo dheel dheel midaydoonto ha kaa ahaatee, maxaad adigu dadka aad u helaynaysaa?

Adigu waad ogtahay in aad wado khaldan aad marayso waanad ku qanacsantahay markaa laga yaabaa in aad doon doonayso dariiqan mid ka wanaagsan, hadaba maxaa kugu kalifay in aad dadka sidan aad ula macaamisho sidee ayaad ugu dadaalaysaa in dadku sidaada oo kale ay noqdaan adiga oo arkaya in ay dariiqii wanaagsanaa ay marayaan kii adiga ay waajibka kugu ahayd in aad raacdo miyaanad ka baqayn in aayadani dhakada lagaa saaro (waxa loo xambaarindoonaa danbigoodii oo dhan maalinta qiyaamaha iyo dunuubtii dadkii ay haleeyeen ee ay aqoon la’aanta ku lumiyeen waxa xumaaday dunuubta ay qaadeen).

Ma garanaysaa adigu in aad imandoonto qiyaamaha adigoo xambaarsan dambigaagii iyo danbiyo kale? Kaasi waa hadalkii illahay
Nabigu (NNKH) wuxuu yidhi (qofka baadi dadka ugu yeedha waxaa dushiisa ahaaday dambigiisa iyo danbiyada cida raacday iyadoon kuwii raacay dunuubtoodii aan waxba laga nuqusaamin).

Saaxiibada xunxumi nolosha saamayn wayn ayay ku yeeshaan iyagoo badala asxaabtooda, soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa waxaan col iyo nabad ahaynba waa lays qaadsiiyaa waxaa kaloo ay tidhaahdaa geel wuu is geedo baraa.

Dadka intaad ugu baaqayso wax ay ku halaagsamaan miyaanay wanaagsanayn adigoo ugu baaqa wadada khayrka iyo toosnaanta taas oo aad yeelanayso ajarkeeda oo intaasoo jeer kuu laban laabmaysa inta cajalad heesa ah aad saaxiibkaa hadiyad u siinayso waxaa ka khayr badan adigoo tu muxaadaro ah ama quraana siiya ama usoo duuba.

Hebel baad la saaxiibtay wuu ku fasahaadiyey, natiijadii saaxiibtinimadiisana waad aragtay laakiin miyaad aragtay mid intuu kuu yeedho gacanta ku qabta si uu kuu toosiyo.maxaad isugu dayi wayday in aad ku dhacdo dariiqa toosan? Naftaada dib ugu noqo oo xisaabi bal eeg sidaad u nooshahay? Tani waa wadadii aad u maraysay dadka aad la saaxiibayso iyo in aad hebelka xun aad ku badasho hebelka wanaagsan, soomaaliduna waxay ku maah maahdaa baruurbaa baruuryo qurmisa.

Yaa khasaaray? Yaa se faa’iiday?

Hadaba markaad la saaxiibto dadka fiican ee aad la fadhiisato waad ka faa’iidaysaa waxaana aad ka helaysaa wax ku anfaca iyo wanaag, Nabigu wuxuu ku tilmaamay (ninka la saaxiiba ninwanaagsan waa nin sita cadar udgoon markaa waa in aad ka iibsato iyo in uu ku siiyo iyo in uu udgoonkiisu ku soo gaadho, hadii aad qof xun aad la saaxiibtid waxaad tahay nin biro sameeye ama Tumaal agfadhiistay markaa ama maryaha ayaa ka gubanaya ama danbas ayaa kugu duul duulaya, ama qudhmuunkiisa ayaa ku soo gaadhaya) adigu ma khasaaraysid adiga ayaana muraad leh marka horena waa in aad noqotid mid ku dayda dadka wanaagsan.

Nin dhalinyara ah oo ehlu khayr ah oo kaaga horeeyay golayaasha khayrku ka socdo oo mudo horene ka tagay xumaanta oo maray dariiqii toosnaa illaahayna hadeeyay, markaa waxaad adna aad hiigsataa in aad noqoto isagoo kale waa in aad ku baraarugtaa in aad noqotid sidiisa oo kale oo aanad odhan hebel wuxuu iga dheereyay dhinac kasta oo ka mid ah dhinacyada khayrka waa in aad isku daydaa si aad ula tartanto, si aad uga gudubto caqabadihii hore.

Markaa kulantaan xaq wuxuu u leeyahay in uu ku diido ama aanu kula fadhiisan ama aanu kula sheekaysan laakiin arintu isaga kibir kama aha iyo isla waynaan iyo dheel dheel uu kugu dheel dheelayo, hadaba markaad aragto xaaladahan maxaad fasiridooda aad been uga sheegtaa?
Isagu wuxuu haystaa cudur daar bari yeelaya markaad la kulanto waayo wuxuu ka baqayaa in aad xumaan uga sheekayso ileyn la joogistaada wuxuu u arkayaa xumaan waayo? wuxuu ka baqayaa in ay sabab unoqoto xumaan uu sameeyo markaa haddii uu la saxiibidaada ka warwareego kibir kama aha , kaliya wuxuu ilaashanayaa naftiisa ,hadaba adiga waxaa lagaaga baahan yahay inaad go’aan qaadato kana gudubtid wax kastoo ku hor yaalla kana bilaw salaan iyo waji furan kuna xigsii inaad ku qanacsan tahay oo aad jeceshahay inaad sidiisa oo kale noqoto.

waxaan arkay inaan ku sugannahay khalad oo aad halow santahay waxaan ubaqay naftayda waxaan isku dayay inaan caqabadaa ka gudbo tana waa faa’iidaadii aan ka helay afkaarta aad igu kordhisay.

Qofku wuxuu kuu noqonayaa macalin ku waaniya oo aad qaadato waanadiisa maxaad macalinkaaga adigu gacanta aad u qabsan la’adahay? Maxaad u odhan ladahay anigu waaban yaabanahay sida aad ii toosisay oo waxaan dareemayaa in aan kaa faa’iiday kuwa kalena ay kaa faa’iidi doonaan, kalmadan waxay kalsooni iyo dhiiri gelin ay u tahay macalinkaaga dadkiisa waxayna kor u soo qaadaysaa xamaasada iyo dareenkiisa oo noqotay natiijo wanaagsan oo ka soo baxday hawl uu qabtay weligaana shay hayareysan kalmad kaliya oo aad tidhaahdo ayaa laga yaabaa in ay caqabada kaa hor qaado, hadii aad kari waydo in aad hadal aad tidhaado qoraal samee oo dardaaran wanaagsan gaadhsii cida fariintaadu gaadho waa dadaal fudud soo sugaya inaykacday shucuurtaadu ama in aad wax qabad aad soo kordhisay.

Markaad la joogto saaxiibadaa

Kolay waad la joogtaa saaxiibadaa maxaa kaa hor istaagaya in aad u keento cajalado muxaadaro ah oo aad ku tidhaahdo dhagaysta ama si badheedh ah aad u tidhaahdo illaahay wuxuu naga doonaya inaynu fulino wuxuu inagu waajibiyay, maxaa kaa hortaagan in aad ku cel celiso?

Xitaa hadii aad tahay iyagoo kale run ahaantii way ku dhayelsanayaan oo waxay ku odhanayaan maxaad noogu sheegaysaa waxaanad adigu yeelayn maxaad nooga hor istaagaysaa waxaanad adiguba aanad daynayn, markaa waxaad ku tidhaahdaa anigu markaan ka hadlo naftayda danbi waan galay kumana faraxsani danbigaa igama joojinayo waajibka ay inagu tahay inaynu is waanino oo wax wanaagsana aynu is farno waxa xun aynu iska waanino, talaabadan oo kale waa laga yaabaa in ay noqoto dariiqo illaahay kugu gargaaro toobadana kaaga aqbalo.

Iska ilaali Dhayalsiga iyo ku dheel dheelida

Dhayalsigu arinta sharciga ah hadii ay cibaado tahay ama ay aayad tahay dadka wanaagsan ee ehlu khayrka ah oo aad ku ciyaarto, arintani waxay u badantahay meelaha dhalinyaradu isugu timaado, waxayna ka mid tahay waxyaabaha qofka caqiidadiisa daciifiya, waxa aan akhriyay oo aan daraasad ku sameyay kitaabka tawxiidka ah qayb uu kaga hadlayo dheel dheelida xuska illaahay, quraanka ama rasuulka illaahay, wuxuu sheekhu islaam isagoo ka waramaya arintan soo qaatay aayadan qur’aanka ah:

Oo macnaheedu yahay (marka la waydiiyo waxay odhanayaan wax kale maahee waanu dheel dheelaynay oo waanu iska ciyaaraynay, waxaad ku tidhaahdaa, ma illaahay iyo ayaadkiisa iyo rasuulkiisa ayaad ku dheel dheelayseen maanta wax cudur daar ah malihidin waa nad gaalawdeen oo wuu buray iimaankiinii hadaanu cafino qayb idinka mid ah qayb baanu cadaabaynaa kuwaasoo ah kuwo mujrimiin ah).

Hadaba dhayalsiga iyo dheel -dheelku waa khatar ee iska ilaali inta itaalkaaga ah in aad ka fogaato markaad maqasho ama aad aragto mid saaxiibkaa ah oo diinta ku dheel dheelaya waa in aad diinta u hiilisaa wax badanbaa yaanad tarine, hadii aad maqasho qof aabahaa iyo hooyadaa caayaya waad cadhoonaysaa kana fadhiyi maysid in aad u hiiliso aabaha iyo hooyadaa mooye, hadaba hadii lagu yidhaado walidkaa iyo naftaada waxa kaaga qaalisan diintaada taa waxa loo qaadanayaa yareysi iyo fikrad xun oo aad ka haysato diintaada, mar labaad waxaan ku leeyahay maadama aad gashay dunuub iyo faasuqnimo taasi ayaanay kaa hor istaagin in aad u hiiliso diinta kalmadna ha ahaatee.

Yaad Tageeradaada siinaysaa

Illaahay wuxuu leeyahay ( ...) Oo macnaheedu yahay (waxa waligiina ah oo idiin gargaaraya illaahay iyo rasuulkiisa iyo kuwa muuminiinta ahee salaada oogaya sakadana bixinaya iyagoo Rukuucsan. Qofka ka jeesta illaahay iyo Rasuulkiisa iyo muuminiinta ha ogaado xisbiga illaahay ayaa guulaysanaya) aayada waxa laga hadlayaa muslimiinta oo dhan mid xun iyo mid wanaagsanba in ay taageersanaadaan xisbiga illaahay oo ay dhiiri galiyaan.

Waxa jira nin dhiiri galiya naadi ka mid ah naadiyada aduunka, hadaba kuwa ciyaaraha taageera,taageeranimadaasi waxay ku waajibinaysaa in faro badan yeelo siday yeeleen oo uu la macaamilo isagoo jecel siday jecel yihiin, hadaba naftaada waydii su’aasha maxaad u taageertay kan ee aad u yaraystay kii xaqa u lahaa in aad taageerto?

Ma waxaad u aragtaa in uu ka muhiimsan yahay mise tartanka ciyaaraha ayaad barbar dhigaysaa diinta islaamka, adiga xaqaagu ma wuxuu yahay in aad samayso waxaad u aragto inuu yahay sharci la ogalo yahay, laakiin adiga taagaradaada iyo xidhiidhantaadu waxay ku xidhiidhsan tahay arintan ku dadaal ninkaad tagaraysaa in uu ahaado islaam waxaad u dhaqdhaqaaqdaana in uu ahaado qadiyadaha islaamka iyo mushkiladaha haysta muslimiinta daciifka ah iyo qadiyada dacwada islaamka, ma waxaad Is leedahay ma garanayo meel saxa ah oo hadlakan laga keenay adiguna waxaad taageertaa koox la yidhaahdo hebel waxaad garanaysaa ninka laacibka ah iyo taariikhdiisa iyo halkuu ku dhashay helkee ayuu ku barbaaray? Qadiyada aad ku hamido ayaad u gargaaraysaa.
U badal taageeradaada diinta iyo islaamnimada xitaa hadii aad tahay qof xumaan ehelkeeda ah waayo taasi kaama hor istaagayso waajibka sharciga ah ee diinta kaa saran.

Waxyaabaha ilaahay ku siiyo iyo Awoodahaaga gaarka ah

Qofkastaba wuxuu mulkiyay hibo ilaahay siiyay taydoontaba ha ahaatee, qof ayaa ordaya, qofkaasi wuxuu isku dayay in uu la ordo boolis amba wuxuu la baratamaya macalinkiisa, waxaad ku odhaynaysaa maxaad u isutaagtay, adiga oo karaya in aad carartid taasi waa orad aan sharci ahayn, laakiin oradkaagu ha ahaado midka khayrka iyo shaqada wanaagsan….. hadii aad la fadhiisatid saaxiibadaa midka mid ahina uu ku dheel dheelo diinta waa in aad u orodaa sidaad u difaaci lahayd diinta, shaqadaaduna ha haato difaacida diinta kuna dheh kalmada xaqa ah si xumaantu uga baxdo meesha.

Hadii aad tahay qof maskax badan oo indheergarad ah oo quraan xifdi ah taas illaahay ayaa hibo kuu siiyay, qof kastaana hibo ayuu leeyahay waxay doonto ha ahaatee hibadaasi, waxa lagaa rabaa in aanad ku ciyaarin hibadaada ugu yaraan waa in aad ugu shaqaysaa hibada illaahay ku siiyay dadka, hibooyinka illaahay dadka siiyay way kala duwan yihiin,qof illaahay wuxuu ugu deeqay xifdiga qof fahanka qof muranka iyo wixii la mid ah, qof kasta waxa laga doonayaa in hibadiisa diinta illaahay ugu shaqeeyo sidaas ayaana ugu khayr badan, hadii aad tahay qof muranka iyo hadalka ka hela ugu shaqee diinta illaahay difaacideeda iyo hadalka wanaagsan,

Qofka dhintay waa kuma (... )

Adigu waxaad aragtaa qorshaha cadowga ee fasahaadinta dadka muslimiinta ah, waxaad aragtaa dad mayd ah oo hortaada tuban waxaad aragtaa dad u yaacaya hadhaaga muslimiinta siday uga takhalusaan.
Waa’ayo cida maydka ihi?

Qofka maydka ahi waa caruurtaada…..inantaada….gabadhaada…walaalahaa.

Miyaanad suuraysan Karin in aad ka mid noqotid kuwa maydka ah, mararka qaarkood waxaad noqon kartaa wado lagu fuliyo qorshaha cadowgaaga guusha ugu danbaysana laga gaadho, ku dhicitaankaaga xumaanta iyo ku dhiiranaanteeda waa qorshaha cadowga illaahay u sameeyeen dadka muslimiinta ah ka jeedsiga xaqa illaahay iyo mooganaantaada cudur daar illaahay kaagama dhigayo.

Iyagu way ku xaasidayaan hadii aad tahay qof muslim ah oo ku toosan dariiqa illaahay miyaanad dhagaysan wararka musliminta oo aanad maqal in la dili jiray qofkii khiyaameeya amarka illaahay, tusaale ahaan qofka ka tagay salaada islaamka ayaanu waxba ka garanbee waa khaayin, adigu waxaad tahay mid cadowga illaahay beegsanaya waa in aad ogaataa in lagu beegsanayo... waxa la beegsanayaa

diintaada...caqiidadaada...dhaqankaaga iyo dhamaan noloshaada, xataa ogow hadii aad tahay Cilmaani intaad tahay qof muslim ah oo diinta ku abtirsada markaa waxaad tahay qof la beegsanayo xitaa hadii aad ku dhawaaqdo in aad diinta ka baxday waayo asalkaagii hore islaam ayuu ahaa

(Hamiga ka yeel ... )

Runtii ku guulaysan maysid arintaan ku leeyahay ku hami hadii aanad go’aano adag qaadan adigu waxaad doonaysaa toosnaan kuma naad guulaysan doonistaadii waad rajaysay laakiin waad ku fashilantay , ugu yaraan kayeel fikirkaaga iyo hamigaaga mid kooba camalkaaga waxaan tusaale usoo qaadanaynaa mid kamid ah asaxaabtii rasuulka (NNKH) wuxuu ahaa jubayr binu mudcim wuxuu maqlay salaadii maqrib nabigoo akhriyaya suurada waduur,markuu maqlay qalbigiisu wuxuu ku dhawaaday in uu duulo qalbigiisana maalintaa waxaa ku dhacay iimaan aad u weyn, laakiin goormuu islaamay?wuxuu islaamay xudaybiya kadib maalintii uu aayada dhagaystay oo ahayd maalintii dagaalkii badar iyo maalintii uu islaamay shan sano ayaa u dhaxaysay,aayadaasi shan sano ayay dhagahiisa ka guuxaysay ugu dan bayn tiina wuu ku guulaystay go’aan kaana wuxuu u qaatay si kalsooni leh hadaba adigu hadii aad waydo awoodii aad ku fulin lahayd hamigaaga haka qancin hamigaaga waxaa iman wakhti aad fuliso.

Ugu danbyn waxaad ka fikirtaa wixii tagey cimrigaagii badh baad soo cuntay bogag kamid ahna waad buuxisay si aad naftaada u raali galiso eed raaxo iyo waxay jeceshahay u raadinaysay, maxaa kuu soo hadhay eed haysaa waxaa kuu soo hadhay in aad ka hadhay heerkii tacliintaada midhaha aad hayso wakhtigaagii tagey waa murugo iyo ciil waxaad noqotay mid aan dadka dhexdooda qiimo ku lahayn xitaa hadii aad u kacdid dhinaca wanaaga qaar ayaa kaa horeeya oo aqoon leh adna jaahil ayaad tahay, waxay kaaga horeyeen cibaadada way kaa dadaal bateen ee imika is daba qabtee oo gaadh go’aan deg deg ah, soomaalidu waxay ku maah maahdaa caano daatayba dabadood la qabay.

Turjumayaasha iyo Qorayaasha

C/fataax Xasan

Axmed Ismacil(Bucul)

Siciid Cumar Yusuf

Top


WERWER ADUUN IYO WACDARO, Sheeko Taxane Ah – Waxa Qoray Cumar Cali Iidle, Q: 12aad.

Muddo bil ah ayuu werwerkii iyo walaacii ka ladaabanayey oo joog iyo jiifba loo daayey. Tiiyoo uuna weli ka quusan in uu agteeda istaago ayuuse ka go;ay waxay sidaa ahaataba maalintii u danbaysay ee dugsiga lagu xidhayey imtixaan ayuu soo fadhiistay imtixaankii Sanad dugsiyeedka. Markii waraaqda loo dhiibayba wuxuu ka buuxiyey heeso jacayl ah iyo ereyo uu iyada ugu hadaaqayo.

Macallinkii ilaalinayey ayaa ka qaaday waraaqdii oo mid kale u dhiibay, tiina sidii oo kale ayuu ku qoray, tu sadexaad ayuu u dhiibay iyana sidii oo kale ayuu ku qoray dibada ayaa loo saaray oo waa la eryey. Macallinkii ayaa waraaqihii oo dhan u geeyey wacays, kadib markii uu akhriyey ayuu odaygii yaabay oo u qaadan waagaasi waxa kaga darnaa maqnaanshaha uu xilligani maqanyahay. Markii uu bilis soo galay gurigii ayuu aabbihii ku bilaabay “Ma inankaan tacliin ka sugayey ayaa jacayl ka dhigay,ma sidaas ayaan kaa filayey” “aabo damac iyo dacariba raga kama dhamaadaan, jacaylkuna haduu kugu aabuurmo ibni aadmi dhibkiisa kaa badbaadinayaa haba yaraatee ma jiro. Hadaba aabo ii diidayaa iyo ii yeeshayaaba gabadh ayaan jeclahay”. Ayuu yidhi Bilis.

Waris ayaa tidhi, “Hooyo, yaanay doqoniimo ku qaadin, hana noqon dhallinyarada waqtigooda ku lumiya jacayl iyo hami been ah. Waalidkaa ayaan nahay ee waanadayada qaado iskana illow gabadhan qalbigaaga ku wayn”. Wacays “waa runteed hooyadaa, tacliintaada ha ku ciyaarin” Bilis “Aabbo ma tacliinbaa ii nool, imtixaankii ayaan ku qoray magaceeda halkii la iga rabay inaan jawaabta qoro e. Aabbo madhibaatada aad ila soo martay markaan xanuunsaday oo kalaad ila rabtaa?”. Odaygii ayaa yaabay oo aamusay oo fikiray, biyo ayuu kabaday wuuna yara goobhaaraa, wuxuuna yidhi mar hadii aad go’aan adag gaadhay soo kaxayso waan kuu ogalahaye”. Markii uu waagii dillaacay ayuu wacays Bilis ugu yeedhay si ay u wada qureecdaan. Iyaga oo fadhiya oo aan wali quraacdii loo soo dhigin ayuu wacays yidhi, “ Aabbo gabadha bal iiga faaloo” Bilis “waa gabadh aad quruxdeeda u qushuucayso aragtida ugu horreysa ayaa ku deeqaysa oo adaaba minyaro ka dhigan lahaa”. Wacays “waar anigu waan gaboobay, qurux wax ii qaban mayso, hadiise aan isku deyi lahaa hooyadaa ayaan la kareene, inantu reerkay ka dhalatay?.” Bilis “Waa gabadh haybad leh oo ka fikirta dhaqaalaha reerkooda, een, laakiin, Aabbo arrin yar ayaa jirta, hadii aad ii yeeshana hawshu fudayd ayey ku hir geleysaa” Wacays “ Ii sheeg mar hadday sidaas tahay waan kuu qabanayaaye” Bilis oo hoos u foorara ayaa yidhi, “Aabbo reerkay ka dhalatay waa reer dantu hayso oo in la taakuleeyo u baahan”.

Wacays ayaa isaga oo xanaaqsan kor u kacay oo yidhi “Waar ma inanta aad iifaaninayso ayaa noqotay danyar? Orod oo kuwa gidaarada jiifa uyeedh oo ii keen. Midda kale, ma waxaad rabtaa in aad maalkan aan ku soo tabcay dhayal igaga qaaddo ood reer kale ugu wareejiso? Waa wax aan la aqbali karin midaasi ”. Bilis “Aabbo adduunyada Ilaahay maalka qofkuu doono ayuu siiyaa, waase imtixaan laysku eegayo in uu ka maalqabeenka ahi u naxariisto ka kale ee baahan, calafna hadduu waraabe kuu galo lama oolin karo. Ninkaaga sidaa u hadlayaa laga yaabaa in uu bari faqrinimo ku dhici doono”. Wacays “Maxaad sidii dumarka oo kale ugu hadlaysaa?” Bilis “Adigaa igu kelifay inaan sida dumarka u hadlo, waayo waxaad ka baqanaysaa runtu waxay tahay, imikana waa aragaygii ugu danbeeyey mar haddii aan gabadhii waayey, waa kaase macasalaama, wacays ayaa yaabay oo aamusay oo juuqba laga waayey.bilisna wuu iska socday.wacays sidii ayuu ufadhiyey oo aanu ka kicin kursigii ilaa iyo xili qadadii. Bilisna ma feedhan oo timihii ayaa basaasay oo kolba dhinac ayuu u daalaa dhacayey magaalada, ma qureecan mana qadayn oo afkii ayaa jaynafay. Goor ay casar gaaban tahay ayuu wacays gaadhi kaxaystay oo raadcada wiilkiisa gudo galay, meelkasta wuu kasoo eegay, nasiib xumo se wuu waayey. Gurgii ayuu iskaga laabtay bilisna wuxuu hoos jiifaa geed ay dabayshu si ba’an ay ugu soo dhacayso.

Aroornimadii ayuu wada siigo ah gurigii ku soo noqday, wuxuu soo qaatay shaankoosh, dharkiisii ayuu ku guray dhaqaaqduu is yidhi ba waxa hortaagan aabihii iyo hooyadii iyo wiil ay habarwadaag yihiin oo fu ‘aad layidhaahdo odaygii ayaa dhirbaaxay oo yidhi “maxaan kuu dhalay ma inaad idhibtaa?” ma silic iyo soo jeed baad ibadaysaa miyaanan waa lidkaa ahayn.

Bilis “aabo sikasta ii garaac ama fig igu taag inta nololi ii hadhantahay hamadaydu waa inaan inantaa guursado ay dantu hayso ee fiqiirada ah” waris “anagu dhib kulama rabno ee orod hada doono gabadhaad rabto” wacays “haa waa runteed hooyadeed orod hada ku dhaqaaq” Bilis ayaa farxad kaga baxay gurigii oo siduu u lalayey u tagay ilhaan isagoo inta uu xaga dambe kaga yimid indhaha qabtay. Waxay tidhi alla oo waa gacmo rage waa kuma.

La soco.

Top


Hidde Samida Dhaqanka Iyo Milgaha Lagu Kala Qiimeeyo Ragga Iyo Dumarka Waxa Qorey: Cabdi Caara-Dhuub, Waxana Tifaftiray, A. Ducaale.

Ragga iyo dumarka labadaba aad bay suugaantu uga hadashay qiimayowgooda, hadii ay tahay gabayada, heesaha, maahmaahaha iyo wixii la mid ah, iyadoo ay jiraan gabayo, heeso ama maahmaaho dumarka u gaar ah ama kuwo ragga u gaar ah ama kuwo labadaba ka dhexeeya. Waxaana ka mid ah:

1- Abaal raagay rag iyo geel baa leh, abaal ba’ayna Lo’ iyo naagaa leh.

2- Fule rag, Fadhi yare geel iyo fududda haween midna faa’iido ma leh baa la yidhi.

3- Rag wixii ilmo laga soo bixiyo aan ahaynba soo mare.

4- Rag naftiisa mooyee wixii kaleba maaree.

5- Rag waa barasho, geelna waa rarasho.

6- Rag waa inta timi-qaad, dumarna waa arki jiray doon.

7- Raggu hoogiisa ayuu ka sheekeeyaa, dumarna badhaadhahooda ayey ka sheekeeyaan.

8- Wixii rag u kaco, rabbina aqbalo waa rumoobaan.

9- Raq-ba waa ku rageed.

10- Hadaan la rogrogin rag baan helin iyo qaar kale oo badan.

Intaa ka dib bal aynu soo qaadano suugaan kale oo kala duduwan oo ka hadlaysa qiimaha ragga iyo dumarka:

“Raggu waa naxaa waxa ka kacay nebiyadeeniiye, nabsi iyo naqsuu xeeriyaa waa nujubiyaaye, naftase waxad u yaabtaa markaad naago baridaaye” Tix gabay ah.

Tix kale oo gabay ah “Rag waa baro, rabbina wow bal reeb beliyo iyo khayrkeede”.

Tix gabay ah oo kale ayaa iyana tidhi“Raggu waa aqoon, dumarna waa aragga dhaayaha’e”.

Dhinaca heesaha ka hadlaya qiimayowga ragga iyo dumarka marka aynu eegno waxa ka mid ah: “Ragga iyo haweenkuba waxay haybad ku leeyihiin habsamaanta guurkee”.

Hees kale ayaa iyana waxa midhaheeda ka mid ahaa, “Hooyooy guurkii waa la gaasirayeey, hooyooy gabdhihii waa la gelelefayeey, hooyooy xilo-gube looma gogol-dhigo’eey”.

Marka dib loo raaco dhaqankii guurka ee Somalida waxa uu ahaa mid qiime badan ku kaca ama ku fadhiya, waxaana jiri jiray wax la yidhaahdo “U awr-deyid”, taas oo macneheedu yahay inay ragga iyo dumarkuba marka ay guursanayaan u meel-dayaan guurkooda, taas oo ay gabadh waliba ama wiil waliba uu dooni jiray qof u qalma, iyadoo ay Somalidu odhan jirtay waa inaad ilmahaaga u meeldaydaa.

Masalan gabadhu marka ay doonayso inay nin guursato xagga xoolaha kama ay eegi jirin ee waxay ka sahamin jirtay dhinaca raganimada, waxaana dhici jirtay inay gabadhu guursato nin aan waxba haysan ama xoolo lahayn, isla markaana waxay diidi jirtay mid afarta maal aduunyaba haysta. Tusaale ahaan laba gabdhood ayaa ciyaar dhaqameed isugu yimi, waxayna halkaa isku dhaafsadeen heeso googoos ah, markaas ayey midi tidhi “Nin rag ah iyo nin reer badan kee baa la raacaa”, dabadeedna tii kale ayaa “Isaguba rog-rogi doonee ninka ragaa la raacaa”.

Sida aynu ognahay dhaqankeenu waxa uu lahaa hayb u gaar ah oo ay dunidu ku aqoonsan jirtay, taasina waxay ahayd mid lagu dhaaddan jiray, waxaana calaamadaha haybta u ahaa hiddo-samida dhaqankeena ka mid ahaa, aqal Somaliga, Awr raran, gabadh sidata maro saddex-qayd ah ama laba dhidood ah, nin laba go’ sita, guddin iyo hangool IWM.

Sidoo kale guurka iyo isguursigu waxa uu lahaa milgo iyo sharaf badan, taas oo ay gabadhu ahayd qof qiime leh oo ay laba reer ama laba qabiilo ku xidido, waxaana guurka loo mari jiray nidaam dhaqan oo qurux badan, sida aftida, dadab-galka, gabaatiga, yarradka, la kala-wareegidda gabadha, aqal-galka IWM, iyadoo ay waxyaalaas oo dhami ka iman jireen dhinaca ninka, laakiin dhinaca gabadhana waxa ka iman jiray wax la yidhaahdo Dhibbaad, taas oo ah aduunyo ay gabadhu reerkooda kala timaado, aduunkaas oo isugu jira mood iyo nool labadaba, sida aqal, xoolo, xeedho IWM. Laakiin sidoo kale reerka cusub waxa loo yaqaanay bili-caws, oo macneheedu yahay qoys cusub oo aan waxba haysan, sidaa awgeed waxa laga caawin jiray sidii ay u reeroobi lahaayeen, sida Goyn, Gaafo, Kaalo, muquuno IMW. Taas oo ay bixiyaan ninka reerkooda, qaraabada ama qabiilka qoyska cusub.
Sidaa awgeed hiddo-samida dhaqanku waxa uu ragga iyo dumarka siin jiray qiimayow kala duwan iyo baadi-sooc loo maro had-ba inta uu qofka qiimihiisu qoto le’eg yahay.

Dhamaad

Top


Waadiga Ciyaaraha: Magacyada Xulka Gobolka Togdheer Uga Qayb-gelaya Tartanka Kubadda Cagta ee Gobollada Somaliland

C/fataax M. Caydiid

Hargeysa (Haatuf): Isu-duwaha Ciyaaraha Gobolka Togdheer, Jamaal Cismaan Saleebaan iyo Xidhiidhiyaha Kubadda Cagta, Aadan Caydiid Cabdi, ayaa Xarunta Wargeyska Haatuf ee Hargeysa soo gaadhsiiyay shalay warqad qoraal ah oo ay ku qoran yihiin magacyada ciyaartoyda iyo tababarayaasha xulka Gobolka Gobolka Togdheer uga qayb-galaya tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee Gobollada Somaliland oo dhawaan la qaban doono.

Qoraalkan oo ay ku saxeexan yihiin Isu-duwaha iyo Xidhiidhka kubadda Cagta ee Gobolku, isla markaana ay ku socodsiiyeen Xulka Ciyaaraha Gobolka Togdheer Burco, ogeysiiyeena; Badhasaabka Gobolka Togdheer, Duqa degmada Burco iyo Madaxa ciyaaraha gobolka Togdheer, waxaa ku qoran 22 ciyaartoy, tababare iyo tababare ku xigeen. Qoraalkii oo dhammays-tiranina waxa uu u qornaa sidan:

“Ku: Xulka Ciyaaraha gobolka Togdheer Burco

OG: Badhasaabka Gobolka Togdheer Burco

OG: Duqa Degmada Burco

OG: Madaxa Ciyaaraha Gobolka Togdheer Burco

UJ: Wargelin

Waxaan idinku wargelinaynaa in loo soo xulay Xulka Gobolka sidan:
Ciyaartoyda

Dayib Cabdi Xirsi
Mustafe Cumar Nuur
C/risaaq Ibraahim Cali
Yaasiin Cabdillaahi Jaahuur
C/fataax Maxamed Xaaji Xirsi
Khadar Axmed Cabdi
C/fataax Cali Maxamed
Jamaal Cabdi Aadan
Maxamuud Maxamed Faarax
Khadar Cabdi Axmed
Faysal Cismaan Nuur
Maxamed Warsame Jaamac
C/risaaq Maxamed Diiriye
Yaasiin Axmed Olol
Muuse Cismaan Yuusuf
Maxamed Cali Baashe
C/fataax Maxamed Aadan
Xuseen Cismaan Muuse
Khadar Xuseen Diiriye
Xasan Cali Cismaan
Maxamed Xasan Yuusuf
C/laahi Maxamuud C/laahi
Tabaraha: Mubaarig Tarabi Xuseen
Tababare ku xigeenka: C/kariin Muuse Cabdi.”

Top


Kooxda Fiin oo 48-42 kaga adkaatay W. M. G

Hargeysa (Haatuf) – Ciyaar-saaxiibtinimo oo aad u xiiso badnayd dadweyne aad u farabadanina ka soo qayb-galeen ayaa shalay ku dhexmartay garoonka kubadda koleyga Timacadde ee caasimadda Hargeysa, labada kooxood ee Fiin iyo W. M. G.

Ciyaartaas oo ahayd mid ay labada kooxood isku dayayeen in ay guulaystaan, waxay geba-gebadii ciyaartu ku dhammaatay guul ay la hoyatay kooxda Fiin oo dhashatay 48 dhibcood, halka ay kooxda W. M. G ka keentay 42 dhibcood.

Top


Viera Iyo Pires Oo Saxeexay Heshiis Cusub Oo Ay Ku Sii Joogayaan Arsenal

London (W. Wararka) – Ciyaaryahanada Faransiiska ah ee u ciyaara Xulka Faransiiska iyo kooxda Arsenal ee dalka Ingiriiska Patrick Viera iyo Robert Pires, ayaa qallinka ku duugay heshiis ay ku sii joogayaan kooxda Arsenal, kaas oo soo af-jaray warar beryahan dambe la isla dhexmarayay oo sheegayey in laga yaabo in ay ciyaaryahanadani ka tagaan kooxda.

Viera oo ah kabtanka kooxda, ayaa heshiiska uu saxeexay ku sii joogi doona kooxda Arsenal ilaa iyo sannadka 2007, waxaanay kooxda Arsenal sannadkii 1996-kii ka soo iibsadeen Viera kooxda Horyaalka Yurub haysata hadda ee AC Milan.

Patrick Viera oo ka hadlayay heshiiskan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu saxeexo heshiiskan, waxaanu yidhi: “Aad ayaan ugu faraxsannahay in aan saxeexo heshiiskan, weligayna hamigaygu wuxuu ahaa in aan sii joogo kooxdan Arsenal.”

Dhinaca kale, Robert Pires, ayaa ogolaaday inuu sii joogo kooxda Arsenal muddo saddex sannadood oo kale, waxaanay kooxda Arsenal markiisii hore kala soo wareegtay kooxda Faransiiska ah ee Marseille.

Si kasta ha ahaateen iyadoo uu toddobaadkan bilaabmi doono Horyaalka dalka Ingiriiska (premier league) ayay Heshiisyada labadan ciyaaryahan ee Viera iyo Pires, waxay kooxda Arsenal u tahay guul weyn oo ay ku soo afjartay hadal hayntii iyo wararkii la isla dhexmarayay, taas oo ay taageerayaashooduna aad u sugayeen, isla markaana qaar ka mid ah kooxaha waaweyn ee Yurub ay dedaal ugu jireen sidii ay heli lahaayeen ciyaaryahanadan.

Top


Chelsea Iyo Lazio Oo Guulo Waaweyn Ka Gaadhay Is-aragii Hore Ee Is-Reebreebka Horyaalka Yurub

London (W. Wararka) – Kooxda kubadda cagta ee reer London, Chelsea ayaa 2-0 kaga adkaatay kooxda MKS Zalina ee dalka Slovakia, ciyaar ka tirsanayd is-reebreebka koobka horyaalka Yurub.

Ciyaartan oo badiba dadka ka faallooda ciyaaraha iyo waliba kooxaha kale ee dalka Ingiriiskuba ay aad u wada sugayeen, kadib markii uu ninka mulkiilaha cusub ee kooxda iibsaday ku kharash-gareeyay lacag ka badan 105 Milyan oo lacagta Euro-ga ah, waxay kooxda Chelsea soo bandhigtay dedaal iyo ciyaar farsamo leh, waxaanay ku dedaalayeen in ay badiyaan ciyaartan, maadaama ay tahay ciyaartii ugu horeysay tan iyo intii la isu soo ururiyay ciyaartoydan qaaliga ah.

Eidur Gudjohnsen, ayaa goolkii u horeeyay u dhaliyay qaybtii hore ee ciyaarta daqiiqadii 42aad, isla markaana ciyaartoygan khadka dhexee ee Icelandic ah ayaa goolkii labaad ku jujuubay inuu gool kooxdiisa ka dhaliyo ciyaartoyga bedelka ku soo galay ee Michal Drahno 15-daqiiqo markii ay ka hadhsanayd dhammaadka wakhtigii ciyaarta.

Tababaraha kooxda oo ka hadlayay ciyaartoyda cusub ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay sida ay u ciyaareen, isagoo ammaanta ugu badnayd u soo jeediyay ciyaaryahanka reer Ireland ee Damien Duff oo runtii weerar aan kala go’ lahayn ku hayay kooxda Zalina.

Dhinaca kale, kooxda Lazio ee Talyaaniga ah ayaa iyaduna 3-1 ugu awood sheegatay kooxda SL Benfica ee Bortaqiiska ah, ciyaartaas oo iyaduna ka mid ahayd is-reebreebka Horyaalka Yurub.

Labadan kooxood ee Chelsea iyo Lazio ayaa labaduba aad ugu dhow in ay sannadkan ciyaaraan koobka Horyaalka Yurub (Champions league).

Dhinaca kale, ciyaarihii maalintii salaasadii iyo arbacadii toddobaadkan ee is-reebreebka is-araga hore ee Horyaalka Yurub, waxay u dhaceen sidan:

Shakhtar Donetsk 1-0 Lokomotiv Moscow
Vardar 2-3 Sparta Prague
Austria Vienna 0-1 Marseille
Grasshoppers 1-0 AEK Athens
Rangers 1-1 FC Copenhagen
Dynamo Kiev 3-1 Dinamo Zagreb
Celta Vigo 3-0 Slavia Prague

Top