Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 398 August 17, 2003

Come and celebrate Somaliland's Culture in Los Angeles

Qadiyadda Bariga Somaliland Ma Arrin Yar Baa, Mise Waa Arrin Weyn

Xaaladda Caynaba Iyo Dhaqdhaqaaqyada Cusub

“Ma Jirto Ganacsato Xidhiidh La Lahayd Dekedda Berbera Oo U Diga Rogatay Dekedo Kale,” Maareeyaha Dekedda Berbera

Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Golaha Guurtida Uga Waramay Xaaladda Dhulka, “Ma Jiro Boolis Aanu Xukuno Oo Na Hoos Yimaadaa” Maayorka Magaalada Hargeysa

Maxaabiis Rasaas Lagu Dhaawacay Gudaha Maxkamadda Hargeysa

“Arrinta Wiilka Xidhan Laba Beelood Baa Ka Heshiiyay, Beesha Samaroona Shaqo Kuma Laha,” Bayaan – Mudanayaal Iyo Odayaal Beesha Warsangeli Ah

Maxay Ku Dambaysay Xaaladda Magaalooyinkii Laydhku Ka Damay Ee Maraykanka Iyo Kanada?

Mucaaradka Liibiya Oo Cambaareeyay Magdhawga Ay Dawladda Liibiya U Oggolaatay Maraykanka Iyo Ingiriiska

Geerida Iid Amiin Iyo Dareemada Laga Bixiyay

Shirkadda Kombuyuutarada Microsoft Oo Ka Badbaaday In La Khalkhaliyo Nidaamka Kombuyuutaradeeda

Isra’il Oo Degmooyin Ay Haysatay Ku Wareejinaysa Falastiiniyiinta

Qaramada Midoobay Oo Itoobiya U Gudbisay Cabasho Ku Saabsan Xuduudka Eleteriya

Khasaare Intee Le’eg Baa Ka Dhashay Laydhkii Bakhtiyay Ee Maraykanka Iyo Kanada, Maxamed Cabdi Xasan (Diridhaba)

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Reer Boorama Maxay Ka Macaasheen Golahooda Degaanka?

Wax Halaga Qabto Dhibaatada Gaadiidku Ku Hayo Dugsiga Sh. Bashiir

Tiisaba Daryeelaa Tu Kale Ku Dara

Werwer Adduun Iyo Wacdaro Jacayl, Sheeko taxane ah ---Q: 10aad -- Waxa qoray: cumar cali iidle


Come and celebrate Somaliland's Culture in Los Angeles

August 23, 2003
12:00 Noon – 2:00 PM
At Exposition Park
In front of the Los Angeles Sports Arena
Corner of Figueroa Street & King Blvd (Adjacent to I-110 Freeway)
Somali Cultural Dances, Music, fashion show, and more followed by an Ethiopian Festival

The African Market Place Fair begins Saturday, August 16, 2003 through September 1, 2003. Come and experience cultural diversity and celebrate Somaliland community's rich culture. There will be presentations by SOPRI’s International Campaign for Somaliland Recognition. Over 30,000 people are expected to visit during the festival.

Somaliland info. Contact: Hassan Mogeh Hirsi.

hassanh@sclarc.org.

Phone: (310) 650-2726.

Saeed Megag Samater

ssamater@aol.com

Phone: (213) 272-5410

Top


Qadiyadda Bariga Somaliland Ma Arrin Yar Baa, Mise Waa Arrin Weyn

Hargeysa (Haatuf) Arbacadii todobaadkii hore ayey golaha wasiiradda Somaliland fadhi ay yeesheen ku soo qaadeen xaaladda bariga Somaliland, wuxuuna soo hadal qaadkaasi ka dambeeyey warbixin la sheegay inay fadhigaa ka jeediyeen xubno wasiiro ah oo dhawaan socdaal hawleed ku tagay degmada Caynabo oo ka tirsan gobolka Sool. Iyada oo ay wasiiradda warbixinta jeediyey ahaayeen wasiirka caafimaadka Cismaan Qaasim Qodax iyo wasiiru dawlaha arrimaha gudaha Aadan Waqaf.
Degmada Caynabo waxay ku taalaa badhtamaha Burco iyo Laascaanood, taas awgeed waxay Laascaanood ka sokoysaa 130KM, halka ay Burco-na ka shishayso 130KM.

Sida ay tibaaxeen warar u dhuun daloola madaxtooyadu waxay nimankaa wasiiradda ahi farta ku fiiqeen duruufo maamul oo aad u taf dheer, kuwaas oo maamulka C/laahi Yuusuf u saamaxaya inuu ku soo fido deegaamo badan oo ka mid ah Somaliland, taasina ay u baahan tahay in laga hortago, laakiin wararku ma sheegin sida ay golaha xukuumaddu arrintaa uga doodeen iyo sida ay uga go’aan qaateen, balse warar laga soo xigtay saraakiisha madaxtooyada ayaa sheegay inaan lafo-gurka mawduucaa, lagu talax tegin.

Ta kale madaxweyne Daahir Rayaale oo markii uu dhawaan ka soo laabtay booqashadii uu Itoobiya ku tagay, waraysi uu madaarka ku siiyey saxaafadda mar la weydiiyey istiraatiijiyada xukuumaddiisa ee ku waajahan xaaladda murugsan ee bariga Somaliland iyo halka uu ku dambeeyey balanqaadkiisii ahaa inuu wax ka qabanayo xaaladda bariga waxa uu ku jawaabay “Taasi waa wax yar (Minor), xukuumadda ayaana qorshe u dejinaysa”. Hase yeeshee dad badan ayaan arrinta bariga Somaliland u arkin sida uu madaxweynuhu u arko, waxayna leeyihiin waa arrin culus, sidaa awgeed waxay su’aasha isweydiinta lihi tahay “Qadiyadda Bariga Somaliland ma arrin yar baa (Minor), mise waa arrin weyn (Major)?”

Inta aynaan su’aashan si hawl yar uga jawaabin waxa lagama maarmaan ah inaynu in yar ka iftiimino midabka ay leedahay iyo inta ay qoto leedahay arrinta bariga Somaliland, haddii ay duruuf maamul iyo haddii ay tahay mid siyaasadeed.

Marka laga hadlay xaaladda bariga Somaliland laba weji ayey yeelan kartaa, oo ka hore yahay d weji maamul, ka labaad-na yahay weji siyaasadeed, iyada oo ay su’aasha meesha taal tahay, maamulka Somaliland saamayn intee le’eeg ayuu hadda ku leeyahay gobolada iyo degmooyinka bariga Somaliland iyo waa sidee atmosphere-ka siyaasadeed ee deegaamadaasi.

Marka hore, laga soo bilaabo tan iyo markii lagu dhawaaqay inay Somaliland tahay dawlad madax banaan sannadkii 1991-kii, ilaa maanta mar qudha maamulka Somaliland awood buuran kuma yeelan deegaamada bariga (gobolka Sool, degmooyinka bariga Sanaag iyo degmada Buuhoodle). Laakiin waxa mar walba jiri jiray masuuliyiin iyo ciidamo Somaliland ah oo ku sugnaan jiray degmooyinkaa, kuwaas oo itaalkooda maamul inta uu doono ha le’eekaadee saamayntooda lahaa, waxaana had iyo goor gudaha magaalooyinkaa isku hayn jiray, maamulayaal iyo ciidamo dhinaca Somaliland ka socda iyo ciidamo iyo maamulayaal dhinaca Puntland ka socda, balse taasi hadda ma jirto, waxayna arrintu isbedeshay markii uu madaxweyne Rayaale dabayaaqadii sannadkii hore socdaalka ku tegay gobolka Sool, halkaas oo ay ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland ku rasaaseeyeen gudaha magaalada Laascaanood, arrintaasina ay sababtay inuu si deg deg ah u soo noqdo, iyada oo aanay waxba uga suuroobin ujeedadii uu meesha u tagay, laakiin madaxweyne Rayaale waxyar ka dib markii uu Hargeysa dib ugu soo laabtay ayuu amar ku bixiyey inay masuuliyiinta iyo ciidamada Somaliland ee gobolka Sool fadhiyaa dib ugu soo baxaan degmada Caynabo oo ay fadhiisin ka dhigtaan. Sidaa awgeed ciidamo boqolaal ah ayaa hadda fadhiya degmada Caynabo, sidoo kale masuuliyiintii gobolka Sool waxay iyaguna xafiisyo ka dhigteen Caynabo, hase yeeshee talaabadaasi waxay sababtay inay sii murugto xaaladda bariga Somaliland. Tusaale ahaan maamulayaasha iyo ciidamada maamulka C/laahi Yuusuf waxay baalaadh ka heleen degmooyinka bariga Somaliland ee ay awal isku hayn jireen masuuliyiinta iyo ciidamada Somaliland ka mushahar qaata.

Sidoo kale tan iyo muddadaa waxa isa soo tarayey inuu maamulka C/laahi Yuusuf ku soo fido deegaamada Somaliland, taasina waxay keentay in halkii sanad ka hor la isku haystay magaalada Laascaanood iyo wixii ka shisheeya in maanta la isku haysto degmada Caynabo, waayo tuuladda Guumays oo qiyaas afartan Kiloo mitir ka yar dhinaca bari ka xigta Caynabo waxa fadhiya, cashuurtana ka qaada ciidan iyo tikniko ka tirsan maamulka C/laahi Yuusuf, iyada oo dhinaca kalena wararka qaar tibaaxayaan in ciidamada Somaliland u tirsan ee Caynabo fadhiya uu maamulka C/laahi Yuusuf gacan weyn ku leeyahay, oo ay xataa jiraan mushaarooyin uu siiyaa.

Laakiin warar kale ayaa iyaguna leh ciidamada Caynabo fadhiya waxa dayacday dawladda Somaliland, waayo tan iyo markii halkaa la soo dejiyey, looma jeexin wax istiraatiijiyad ah, lamana habayn, isla markaana mushaharka yari waxa uu mararka qaarkood ka maqnaadaa dhawr bilood, iyada oo markii horena la soo kala shaandhayn ee la iska soo xantoobiyey maleeshiyaad kala nooc nooc ah.

Sida ay isku raaceen warar badan waxa isa soo taraya inay saamaynta maamulka C/laahi Yuusuf hadda kulaalayso degmada Caynabo iyo nawaaxigeeda, iyada oo uu C/laahi Yuusuf dhawaan deegaamada badhtamaha gobolada Sool iyo Togdheer ka magacaabay gobol uu sheegay inuu Puntland ka tirsan yahay, gobolkaas oo uu ku magacaabay gobolka Cayn waxa uu magaalo madax uga dhigay Buuhoodle oo ah degmo ka tirsan gobolka Togdheer.

Sidoo kale marka la eego dhinaca siyaasada maamulka C/laahi saamayn intii hore ka shilis ayuu tobankii bilood ee u dambeeyey ku yeeshay deegaamada bariga Somaliland, isaga oo shirka Kenya ka socda dhawaan u soo jeediyey in meelaha la geynayo ciidamada Afrikaanka ah ee nabad ilaalinta lagu daro gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle, isaga oo ku dacwiyey inay meelahaasi ku jiraan gacanta maamulkiisa, balse ilaa hadda lama oga inay qolyaha shirka maamulayaa taa ka ogolaadeen iyo inay ka diideen.

Sababta ay degmooyinka bariga Somaliland uga sii fogaanayaan gacanta dawladda Somaliland waa lagu kala aragti duwan yahay, oo waxay dadka qaar ku doodaan dadka deegaamadaa ku dhaqan ayaan ogolayn inay soo galaan gacanta maamulka Somaliland ama ay qaataan mabaadi’ida madax banaanida Somaliland, laakiin aaraah kale oo taa ka duwan ayaa leh, hogaanka Somaliland ayaa mar walba baylihiyey deegaamadaa, una saamaxay inay maamulo kale u gacan galaan. Hase yeeshee, dooda caynkaas waxay soo afjarmi lahayd oo ay eeddu dhinac uun ku cadaan lahayd, haddii ay dawladda Somaliland mar qudha talaabo wax ku ool ah kaga hawlgasho deegaamadaa, taas oo haddii lagu dhaqaaqo sheekadda soo afjari lahayd, taasina ilaa hadda ma dhicin, isla markaana imika qudheeda waxaad moodaa inaanay istiraatiijiyad cuntanta oo ku waajahan xaaladda murugsan ee bariga Somaliland ka soo naasa-cadayn dawladda madaxweyne Rayaale, iyada oo ay imika muuqato baahi weyn oo farta ku fiiqaysa in xal wax ku ool ah laga xaaladda bariga Somaliland, laakiin haddii aynu dib ugu noqono su’aashii ahayd “Qadiyadda bariga Somaliland ma wax yar baa mise waa wax weyn” waxay dad badan oo waxgaradka reer Somaliland ahi u arkaan inay tahay mawduuca ugu weyn ee marka dhibaato laga hadlayo maanta horyaal Somaliland, haddii aan waqtiga ugu dhakhsaha wax laga qabana aanay jirin talaabo kale oo rayul-caamka u cuntamaysaa, balse jawaabta madaxweyne Rayaale ee ah arrinta bariga Somaliland waa wax yar waxay u baahan tahay tafsiir intaa ka badan, waxayna dadka jawaabta madaxweyne Rayaale dhan-dhansaday isweydiiyeen tolow saddex xal midkee buu madaxweynuhu u jeeday, ta hore ma wuxu guntiga ku hayaa war ka duwan wararka laga akhriyeyo ama ka soo yeedhaya atomosphere-ka siyaasadeed ee bariga Somaliland, mise su’aasha ayaa isku takhashay ka dib weriyayaasha ayuu iskaga dareerinayey, mise waa anaa jac la maagantii looga bartay masuuliyiinta Somaliland.

Marka xaqiiqda laga duulo socdaalkii madaxweyne Rayaale ku tagay gobolka Sool 7-dii December, 2002, maxsuulkiisu wuxuu noqday keliya inuu ragaadka ku soo eryo dhibaatooyin mushkiladihii meesha yiil, wax walibana way sii murgeen, sidaa awgeed iyada oo aad dawladda u ahayd ay qaybo ka mid ah maamulo kale ka talinayaan, caqliga kuma filna in loo arko arrin fudud, waayo waynu ognahay dhulal ay laba dawladood kala haystaan inay ka mid tahay mushkiladaha ugu culus ee golayaasha adduunka yimaada, sida qadiyadda gobolka Kashmir ee ay isku hayaan India iyo Pakistan, aagga Badhma ee ay isku hayaan Itoobiya iyo Ereteria iyo Buurelayda Golden Hight ee ay isku hayaan Suuriya iyo Israil.

Top


Xaaladda Caynaba Iyo Dhaqdhaqaaqyada Cusub

Caynaba (Haatuf): “Xadka Somaliland ma waxa uu noqday galbeedka Somaliland”, sidaa waxa warbixintiisa ku bilaabay Weriye Axmed Aadan Yuusuf oo Haatuf ka tirsan, oo todobaadkan horaantiisii booqday degmada Caynaba, ka dibna warbixin nooga soo diray guud ahaan xaaladda degmadaa, isaga oo ka soo waramay xaaladda ciidan halkaa degan iyo dhaq-dhaqaaqa kastamka Caynabo oo ah kastamka dhinaca bari ugu xiga kastamada Somaliland, wuxuuna weriyuhu warbixintiisa ku bilaabay:

“Xadka Somaliland ma wuxuu noqday galbeedka magaalada Caynabo, su’aashaasi waxay maskaxdiisa ku soo dhacaysaa qof kasta oo arka ama sheeko ka qaata magaalada Caynabo oo ku taal badhtamaha magaalooyinka Burco iyo Laascaanood, laakiin uu ku yaal kastamka u shisheeya dhinaca bariga Somaliland.

Degmada Caynabo oo ka tirsan gobolka Sool waxa waqtigan xaadirka ah dulsaaran maamulkii gobolka Sool, waayo waxa magaalada degan ciidamo dhawr boqol ah, kuwaas oo dhawaan laga soo raray magaalada Laascaanood oo markii hore fadhiisinkoodu ahaa, laakiin hadda fadhiisinkoodu yahay magaalada Caynabo. Waxa kale oo magaalada Caynabo xafiisyo uga furan yihiin masuuliyiinta Somaliland ee gobolka Sool.

Markii ugu horeysay ee magaalada Caynabo galay oo ahayd goor maalin ah, waxaan xagga soke ee magaalada (dhinaca galbeedka) ku arkay teendhooyin ka dhisan, teendhooyinkaas oo la ii sheegay inay degan yihiin ciidamadii Somaliland ee laga soo raray gobolka Sool, waxayna ciidamadaasi kala degan yihiin laba xero oo la ii sheegay inay mid degan yihiin ciidanka boolisku, ta kale ay degan yihiin ciidamada milatarigu, waxayna ishaydu ku dhacday xaajiyad iyo askar aan tiradoodu badnayn oo xerada ilaalinaysay, laakiin markii aan gudaha magaalada galay waxaan ku arkay guryo badan oo uu ka dul-babanayo calanka Somaliland, kuwaas oo markii aan arkay muuqaalkoodu I soo jiitay, waxaan is-idhi tolow ma xafiisyadii wasaaradaha dalkaa, balse guryahaas oo ah guryo shicibku leeyahay waxa la ii sheegay inay degan yihiin masuuliyiintii gobolka Sool, sida badhasaabka iyo taliyayaasha ciidamada, hase yeeshee ciidamada halkaa degan kuma arkaysid astaamo muujinaya muuqaal ciidan, sida direys iwm, waxayse magaalada soo galaan, iyaga oo tuurta ku sita qoryo, balse qof aan hore magaalada u joogin wuxuu u qaadanayaa dad shicib ah oo qoryo iska sita.

Mar aan isku dayey inaan la kulmo masuuliyiinta gobolka Sool, xafiisyadoodu way xidhnaayeen, waxaana la ii sheegay inaanay magaalada joogin.

Dhinaca kale magaalada Caynabo oo uu ku yaalo ceel weyn oo wiyeer ah (Ceel ay xooluhu ka cabaan xiliga jiilaalka), waxa ka cabayey xoolo aad u tiro badan, oo kaga soo arooray degaamada dhinacyada ka xiga magaalada Caynabo. Ceelkaas oo magaalada dhexdeeda ku yaal waxa la ii sheegay inay mar xidheen wadooyinka laga dhismayaal aan jaangooyada ku jirin, laakiin hadda waa la baneeyey, iyada oo la ii sheegay inuu wadooyinkaa baneeyey maayarkii dhawaan xilka laga qaaday, Cabdi-Tuur, taasina ay tahay waxqabadka keliya ee lagu xusuusan karo muddaii yarayd ee uu xilka hayey, laakiin meelaha ay ishu diidayso waxa ka mid ah dhismayaasha saldhiga booliska iyo jeelka oo uu ka muuqdo bur-bur iyo dayac, waayo tusaale ahaan saldhiga booliska waxa dayr u ah oo ku wareegsan ood, waxaana ka mid ah waxyaabaha ay dadku ka cabanayeen inaanay jirin meel lagu xidho qofkii dambi gala.

Waxa magaalada ku yaal laan ka mid ah baanka Somaliland, taas oo ka mid ah meelaha uu dhaq-dhaqaaqeeda shaqo aad u muuqdo, laakiin waxa kale oo halkaa ku yaal kastam, kaas oo ay hawlihiisu waqtigan xaadirka ah xaami yihiin, waxaana maalintii aan tagay hoganayey gaadiid badan oo siday shixnado lagu cashuurayo kastamka, gaadiidkaas oo ka yimid dhinaca dekedda Boosaaso waxay badidoodu sideen daqiiq iyo shidaal, waxayna u socdeen deegaamada dhinaca galbeed ka soo xiga Caynabo oo ku siman ilaa Hargeysa iyo galbeedkeedaba.

Shixnadaha laga keeno dhinaca Boosaaso ee soo mari jiray kastamka Caynabo waxay u badnaan jireen bagaash, laakiin hadda waxa ka soo dega dhamaan badeecadaha ganacsiga oo dhan marka laga reebo qalabka dhismaha, laakiin badeecadaha cusub sida raashinka iyo shidaalka waxay dhinaca Boosaaso ka soo hor-yeesheen todobaadkii u dambeeyey”.

Top


“Ma Jirto Ganacsato Xidhiidh La Lahayd Dekedda Berbera Oo U Diga Rogatay Dekedo Kale,” Maareeyaha Dekedda Berbera

Berbera (Haatuf): Maareeyaha dekedda Berbera Eng. Cali Xoor Xoor ayaa been aan sal iyo raad toon lahayn ku tilmaamay warar maalmahan la isla dhexmarayey oo sheegayey inay dekeda Berbera kordhisay cashuurtii bagaashka, taasin ay keentay inay ganacsatadii dekedda macaamili jirtay ka leexatay, una leexatay dekedaha dalalka deriska iyo kastamka Saylac.

“Waxan ku celinayaa inaanay jirin cashuur la kordhiyey, balse ay maamulada dekedda iyo kastamku si wada jir ah uga hawlgaleen toosinta nidaamka shaqo, taas oo ay ka mid tahay in la isu tiriyo tirada badeecadda ku qoran manafest-ka iyo tirada badeecada uu ganacsaduhu keenay dekedda”. Ayuu yidhi Eng. Cali Xoor, wuxuuna sidaa ka sheegay xaflad shalay loo sameeyey furitaanka xafiis cusub oo uu maamulka dekeddu u dhisay ciidanka laanta socdaalka Berbera, qaybta ka hawlgasha dekedda.

Weriyaha Haatuf ee magaalada Berbera C/Raxmaan Casaan ayaa ku soo waramay inuu maareeyuhu munaasibadaa ka beeniyey warar uu sheegay in la isla dhexmaray oo sheegaya in dad ganacsato ah oo xidhiidh la lahaa dekedda Berbera ay ka digo rogteen, wuxuuna maareeyuhu isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi “Waxaan idiin sheegayaa inaanay jirin ganacsato xidhiidh la lahayd dekedda Berbera oo u digo rogatay dekeddo kale iyo Saylac midna”.

Maareeyaha dekedda Berbera waxa uu intaa ku daray inay maalin iyo habeen dekedda Berbera soo gaadhaan badeecado ay leeyihiin ganacsatada reer Somaliland, isla markaana ay waqtigan xaadirka dekedda ku xidhan yihiin, laba markab oo badeecado sida, kuwaas oo ka mid ah maraakiibtii tobankii sannadood ee u dambeeyey xidhiidhka la lahaa dekedda Berbera.

Eng. Cali Xoor Xoor isaga oo ka hadlaya xafiiska cusub ee loo dhisay laanta socdaalka, qaybteeda ka hawlgasha furdada, waxa uu sheegay in dhismahaa oo ka kooban laba qol ay dekeddu ku bixisay lacag dhan 30,000,000 oo shilin Somaliland ah, wuxuuna maareeyuhu sheegay inay hawshaa ku dhaqaaqeen ka dib markii uu codsi wada jir ahi uga yimi madaxda maamulka gobolka iyo saraakiisha laanta socdaalka, isaga oo sheegay inuu xafiiskani waxa weyn ka tari baahida adeeg ee ciidanka laanta socdaalka dekedda, iyada oo buu yidhi “Sannad walba dad badan ayaa ka dhoofa dekedda Berbera, balse dadka dhoofaya iyo kuwa soo degayaba dhib ayey kala kulmi jireen inta ay raad raadinayaan ciidanka laanta socdaalka ee dekedda Berbera oo tobankii sannadood ee la soo dhaafay, hawl maalmeedkooda ku qaban jiray xafiis la’aan”.

Taliyaha ciidanka sirdoonka iyo kuwa sirdoonka ee gobolka Saaxil Axmed Cilmi Samatar oo isna xafladaa ka hadlay ayaa u mahad naqay madaxda dekedda, gaar ahaan maareeyaha, isaga oo sheegay in ciidanka socdaalka, gaar ahaan qaybta dekedda ka hawlgasha ay dhibaato weyni ka haysatay xafiis la’aan, haysatay tobankii sannadood ee u dambeeyey, waxaanu intaa ku daray in baahida jirtay awgeed ay codsi u gudbiyeen maareeyaha dekedda Berbera, isaga oo yidhi “Codsigii aanu gudbinay, waxay jawaabtii maareeyuhu noqotay xafiisyadan aynu maanta la wareegnay waanan uga mahad celinayaa”, waxaana Xafiiska cusub ee laanta socdaalka waxa xadhiga ka jaray maareeyaha dekedda.

Top


Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Golaha Guurtida Uga Waramay Xaaladda Dhulka, “Ma Jiro Boolis Aanu Xukuno Oo Na Hoos Yimaadaa” Maayorka Magaalada Hargeysa

Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Golaha Guurtida Uga Waramay Xaaladda Dhulka, “Ma Jiro Boolis Aanu Xukuno Oo Na Hoos Yimaadaa” Maayorka Magaalada Hargeysa

Hargeysa (Haatuf): Maayarka caasimada Eng: Xuseen Axmed Jiciir iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa ayaa fadhigii shalay ee golaha guurtida kaga waramay mushkiladdaha dhulka, caqabadaha hortaagan shaqadooda iyo waxyaabaha u qorshaysan, waxayna sheegeen inay jirto wada shaqayn la’aan ka haysata dhinaca hay’adaha dawladda, sida booliska iyo maxkamaddaha, taas oo ay ku tilmaameen inay tahay mid curyaamisay hawlihii iyo adeegii ay bulshada u qaban lahaayeen.

Gudoomiyaha golaha guurtida Sheekh Ibraahim Sh. Yuusuf ayaa furitaankii fadhigaa ku soo dhaweeyey maayarka caasimadda inuu uga waramo golaha arrimaha dhulka iyo halka ay marayso.

Maayarka oo ka hadlayey arrimaha dhulka ayaa sheegay inuu dhulku yahay adeegyada bulshada ee ay qabtaan, laakiin marka laga hadlayo dhulka iyo arrimihiisa waxa uu sheegay inay golaha deegaanku sameeyeen guddi arrimaha dhulka qorshaysa oo ka baaraa-degta, isla markaana daba gasha sharciyeynta dhulka wuxuuna yidhi “anagu gole deegaan ahaan waxaanu aaminsanahay in intii aanu joognay aanu yaraynay sharciyeyntii dhulka, laakiin xabad xabada baxsatay waa mid muujinaysa inay meesha ka maqantahay awoodii iyo fulintii xeerarka”.

Eng: Jiciir waxa uu faah-faahinta arrinta dhulka ku wareejiyey inuu uga waramo golaha guurtida gudoomiyaha guddida dhulka Maxamed C/laahi (Uur-Cadde) oo ka mid ahaa xubnaha la socday maayarka ee golaha horyimid, wuxuuna isaga oo arrinta dhulka ka hadlaya yidhi “Dhulku waa waxa ugu dhibato weyn Somaliland, laakiin waxaanu is-leenahay muddadii gaabnayd ee aanu joognay ma jirto wax dhibaato dil ahi oo ka dhacay Hargeysa gudaheeda, oo ku saabsan arrinta dhulka”.

Gudoomiyaha guddida dhulka ee golaha deegaanku Maxamed C/laahi (Uur-Cadde) waxa uu sheegay inaanay taa macnaheedu ahayn in la dhameeyeen dhibaatadii dhulka, laakiin ay mushkiladdu intii hore ka soo yaraanayso, isla markaana waxa uu xusay inay golaha deegaanku sameeyeen guddiyadii iyo xeer hoosaadyadii, kaas oo ay ku qeexan tahay in marka qofka looo soo eegayo sharciyeynta dhulka ee la sharciyeynayo lagu xidho saddex qof oo markhaatiyo ah, kuwaas oo leh dhul ama guryo jaar la ah dhulka uu qofku sharciga u doonayo.

Waxa kale oo uu sheegay inay jirtay dhibaato dadka ka haysatay faylalka samayntooda marka uu qofku doonayo inuu gurigiisa dhisto, isla markaana waqti badani kaga lumi jiray dadka, laakiin ay hadda muddadaa ka dhigeen dhawr maalmood, hase yeeshee waxa uu carrabka ku adkeeyey marka laga yimaado labadaa arrimood inay jiraan dhibaatooyin ka haysta dhinaca booliska iyo maxkamadaha wuxuuna yidhi “Laba arrimood ayaanu dhibaato ku qabnaa, oo noogu daran, waxaananu doonaynaa inaad guurti ahaan wax ka qabataan. Haddii qof la soo xidho, isaga ayaa suuqa kaaga horeynaya oo markiiba waa la soo daynayaa, waxaad moodaa inaanay boolisku wax tixgelin ah siinayn golaha deegaanka, mana garanayno sababtaa, waxa kale oo jirta dhibaato naga haysata ciidamada marka laga reebo ciidanka jeelasha (Asluubta), ciidamada booliska iyo milatarigu waxay nagu hayaan dhibaato, oo waxay iska degaan dhul dad leeyahay, mana jirto cid ka kicinaysaa, taasina waxay abuurtay dhibaato hor leh”.

Gudoomiyaha guddida dhulka Mr. Uur-Cadde waxa uu sheegay inaanay jirin dhul ay dawladdu leedahay, isla markaana uu dhulkii noqday mid u gacan galay dadka, laakiin ay jiraan qorshayaal ay ku doonayaan sidii dadka looga furfuri lahaa dhulka aan beeraha ahayn iyo meelaha kale ee ay sheeganayaan, ee uu qeexayo xeerka dhulku, isaga oo intaa ku daray inaanu jirin wax dhul ah oo dan guud ah oo ay ugu yimaadeen maamul ahaan meesha, taasuna ay tahay mushkilad haysata magaalada.

Maxamed Uur-Cadde waxa uu ka hadlay dhinaca wadooyinka wuxuuna sheegay inay wadooyinka magaaladu xidhmeen, marka laga reebo afarta wado ee mara magaalada badhtankeeda, wuxuuna yidhi “Wadooyinka magaalada afarta waddo ee waaweyn mooyee waa la xidhay, wadooyinkii magaalada ka bixi jiray, oo qaarkood waa la seesay, qaarna sharci ayaa loo samaystay, oo lacag lagaga shubtay dadka, haddii la taabtana sharcigii ayaa la dumiyey, waana arrin mushkiladdeedu inay saamayn, anaggana nagu ah dhibaato weyn, laakiin wadooyinkaa qaarkood waanu furnay, kuwa kalena waanu furaynaa”. Wuxuuna intaa ku daray in dadka wadooyinka sharciga u samaystay ay yihiin kuwo khaldan oo aanay waxba ka soconayn sharciyadoodaa, laakiin wuxuu ka codsaday inay golaha guurtidu gacan ka siiyaan arrintaa.

Mar uu ka hadlayey guddida xeerka dhulka waxa uu sheegay inay jirtay guddi uu sheegayo xeerka No: 17 ee ay u soo gudbiyeen golayaasha sharci dejinta, kaas oo sida uu sheegay qodobkiisa 28-aad farqadiisa 1-aad sheegayso guddi garsoor oo la doonayey inay ka garsoorto dhulka ay dadku isku hayaan, isla markaana ay guddidaasu fadhiisato dawladda hoose, iyada oo ay xubnahan guddidu ka koobnaanayaan afar wasaaradood oo kala ah hawlaha guud, caafimaadka, gaadiidka, golaha deegaanka iyo maxkamadda sare oo ka gudoomiye ka ah, laakiin waxa uu sheegay inay maxkamadda sare diiday inay u soo dirto nin garsoore ah oo guddidaa ka mid noqda dhinaceeda, iyada oo ku doodaysa in distoorka qodobkiisa boqlaad aanu u ogolaanayn garsoore meel aan maxkamad ahayn uu dacwad ku qaado, laakiin waxa uu tilmaamay inay fiicnaan lahayd in wixii xeerkaa wax lagaga bedelayo inay maxkamaddu intaanay golayaashu ansixin ay u soo gudbiso isaga oo qoraal ah, mana ogola inay soo gudbiyaan ilaa xiligan., sidaa awgeed uu sheegay in golayaasha looga baahan yahay in xeerarka ay soo saarayaan hay’adaha qaranku ku dhaqmaan, isaga oo yidhi “Waxa fiican in xeerarka aad soo saaraysaan ay hay’adaha qaranku wada raacaan, haddii khalad ku jirana la saxo”.

Mudane Uur-Cadde waxa uu xusay inay jirto mushkilad kale oo ka timaada dhinaca maxkamadaha, taas oo ah dacwadaha dhulka oo ay raajiyaan, taasin ay keento inuu qofku ku dhaqaaqo talaabo khaldan marka dacwadiisii dhinacna loo ridi waayo, waxa kale oo uu xusay inay jirto dhibaatooyin ka yimaada xayiraadaha ay maxkamaduhu saaraan dhulka oo waqti dheer qaata, “iyada oo meel dhan oo beer ah ama dhul qof leeyahay loo xanibo baloodh keliya oo muran ka taagan yahay, taasina waxay abuuraysaa dhibaato, waana cadaalada darro iyo dulmi haysta dhulka” ayuu yidhi Uur-Cadde.

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay, Yuusuf Maxamed Guuleed iyo Eng. Kayse Yuusuf Cali oo ka mid ah guddiga dhaqaalaha ee golaha degaanka Hargeysa, kuwaas oo ka waramay dhibaatooyinka hortaagan hawlaha iyo adeegyada bulshada, ee golaha degaanku wadaan, isla markaana waxay carrabka ku adkeeyeen dhibaatada ugu weyni inay tahay booliska oo aan wax wada shaqayn la lahayn maamulka dawladda hoose, wax tixgelin ah siin waxyaalaha ay doonayaan inay fuliyaan gole ahaan.

Ugu dambayn waxa ay mudanayaasha guurtidu su’aalo waydiiyeen maayarka, iyaga oo su’aalo ka waydiiyey sababta keentay wada shaqayn la’aanta booliska iyo qorshayaashooda dhinaca dakhliga iyo waxyaabaha ay qabteen, wuxuuna sheegay maayarku inay jirto qorshe cusub oo ay dhowaan u sameeyeen toddobada saldhig ee booliska ee magaalada Hargeysa, ilaa qaybta Hargeysa, isaga oo sheegay inay u qoreen shidaal ay si toos ah u qaataan iyo gunno ay siiyaan booliska dawladda hoose la shaqeeya, laakiin maayarku waxa uu sheegay in markii hore madaxooda oo keliya shidaalka la siin jiray, balse ay dhaqankaa bedeleen oo ay saldhig walba goonidiisa si toos ah u siiyaan, hase yeeshee isaga oo tilmaamaya sababta uu u arko inay boolisku ula shaqayn waayeen waxa uu yidhi “Waxa muhim ah inaad fahamtaan booliska hoos iman lahaa maayarka ee amarka ka qaadan lahaa oo aan jirin, iyadoo mararka qaar dhulkii aanu xidhnay ee aanu nidhaahno lama dhisi karo dib loo fasaxo oo ay madaxda boolisku fasaxdo”.

Maayarka Hargeysa waxa kale oo uu sheegay inay dadka muddo afartan sannadood ah laga maamulayey ama laga amrayey meel keliya , laakiin aynu maanta wadno maamul daadejin, taasina ay waqti qaadanayso inta la fahmayaa, isaga oo tusaale u soo qaatay in askariga booliska ah ee dawladda hoose la shaqeeyaa uu amar ka qaadanayo keliya cidda eryi karta, sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay in dawladda hoose ay hesho boolis iyaga u gaar ah oo la shaqeeya.

Maayarku waxa kale oo ka waramay wax qabadkoodii mudadii ay xilka hayeen iyo qorshayaashooda wax qabad ee mustaqbalka, isaga oo sheegay inay maamulkii dawladda hoose qaybiyeen, oo ay fureen xafiisyo cusub oo ay leeyihiin waaxaha magaaladu, isla markaana waxa uu xusay inuu yar yahay dakhliga dawladda hoose soo gala waqtigan xaadirka ah, taas oo uu sheegay inay celcelis ahaan inay maalintii soo gasho ilaa 2000-U.S-doolar. Lacagtaasina ay inta badan ku baxdo mushaharka shaqaalaha iyo kharashaadka hawl-maalmeedka.

Top


Maxaabiis Rasaas Lagu Dhaawacay Gudaha Maxkamadda Hargeysa

Hargeysa (Haatuf): Laba qof oo maxaabiis ah ayaa shalay dhaawac soo gaadhay, ka dib markii uu rasaas ku riday mid ka mid ah askartii ilaalinaysay, iyada oo ay maxaabiistaasi xiligaa ku sugnaayeen qolka maxaabiista ee maxkamadda Hargeysa.

Labada maxbuus oo sida la sheegay ka mid ahaa maxaabiis laga keenay saldhiga Daloodho ee magaalada Hargeysa, lana doonayey in la horgeeyo maxkamadda, waxa goor abaarro tobankii ah, rasaas ku furay askari ka mid ah askartii ilaalinaysay, iyaga oo ku jira qolka maxaabiista, waxayna labadaa maxbuus mid ka mid ah rasaastu kaga dhacday kubka, halka ay ka kalena kaga dhacday sarcanta (xagga sare ee bawdadda lugta), taas oo ahayd dhaawac weyn.

Lama oga sababta uu askarigani u toogtay nimanka maxaabiista ah, laakiin waxay wararku sheegeen in waxoogaa muran ahi dhexmaray ka dibna uu isaga oo cadhaysay rasaasta ku riday, taas oo ay xabadi isu martay laba ka mid ah maxaabiistii qolka ku jirtay, waxayna dad goob joog ahi sheegeen inay rasaastu maxaabiistaa cuskatay iyaga oo ku jira gudaha qolka, laakiin dad kale ayaa iyaguna sheegay inuu askariga rasaasta riday ka baqay inay qoriga ka qaadaan, iyada oo ay dadka qaar isweydiinayeen tolow maxaabiista la laayey maxaa rasaasta loogu riday miyey baxsadeen.

Weriye Haatuf ka tirsan oo markii ay rasaastu dhacday waxyar ka dib booqday qolka maxaabiista ee dilku ka dhacay ayaa sheegay in raadkii xabadu uu ku yaalay gudaha qolka, isla markaana waxa kale oo uu weriyuhu inay qolka daadsanaa dhiigii ka qubtay maxaabiista xabadu ku dhacday, taas oo muujinaysa inuu askarigu rasaasta ku riday maxaabiista iyaga oo gudaha ku jira, laakiin dad goob joog ah ayaa sheegay in markii rasaastu dhacday ka dib ay qaar maxaabiista ka mid ahi firxadeen, kuwaas oo qaarna jidka laga soo qab-qabtay, qaarna la filayo inay baxsadeen, hase yeeshee wax yar ka dib waxa goobtii dilku ka dhacay yimi qaar ka tirsan ciidanka CID-da, kuwaas oo la sheegay inay baadhayaan sidii wax u dhaceen, iyada oo la sheegay in askariga rasaasta ridayna saldhiga dhexe loo gudbiyey.

Marka la eego xaaladda maxkamaddaha waxa had iyo jeer dhacda in marar badan la soo celceliyo maxaabiis laga keenay jeelka ama saldhigyada booliska, kuwaas oo maxkamaddaha la horkeeno si loo xukumo, laakiin waxa dhacda in marar badan ay maxkamaddu dib u celiso iyada oo aan dacwadooda la dhegaysan ama xukun lagu ridin, taasina waxay keentaa inay isla kadeedmaan askarta iyo maxaabiistu.

“Haddii uu sii daayo waa la xidhayaa, haddii uu toogtana waa la xidhayaa”, “Maxaabiis subax walba la keenayo, oo haddana iyada oo aan waxba la odhan la celinayo waa dhibaato, taasina waxay keentay inay isla kadeedmaan maxaabiistii iyo askartii”, weedhahani waxay ka mid yihiin faalooyinkii ay dadkii maxkamadda joogay markii dilku dhacay ka dib bixinayeen, iyaga oo tilmaamaya dhibaatooyinka ka jira maxkamaddaha ee ah inay kiisaska ama dacwaduhu is dul-fuulaan, taasina ay dhibaato weyn ku tahay dadka ay maxkamaddaha dacwuduhu kaga xidhan yihiin.

“Afar bilood ayey dacwadayadu ku jirtay maxkamadda, ilaa hadda go’aan ma dhicin”. Sidaa waxa yidhi nin ka mid ah dadkii maxkamadda joogay, oo sheegay inay dacwad dhul ka dhaxayso isaga iyo qolo kale, laakiin waxa jira dad la isu tilmaamo oo sannado badan ay dacwadi kaga jirtay maxkamaddaha. “Afar Sannadood ayey dacwadaydu maxkamadda ku jirtay, waxayna ku saabsantahay qolo shirkad ah oo guri kireysatay, oo aanu kiradii isku qabanay” sidaana waxa yidhi nin oday ah oo ka mid ah dadka ay dacwaduhu kaga jiraan maxkamadda Hargeysa.

Inkasta oo talaabadii u horeysay ee uu madaxweyne Rayaale qaado markii uu kursiga ku fadhiistay horaantii bishii May, 2002, isbedelkii uu ku sameeyey maxkamadaha, taas oo uu inta badan garsoorayaashii maxkamadaha dalka shaqada ka eryey, qaar cusubna meeshoodu u magacaabay, haddana marka la eego sida ay hadda xaaladdu tahay lama dareemin wax isbedel ah oo dhinaca garsoorka ah.

Intii ka dambaysay isbedelka garsoorayaasha waxyaalaha dhacay waxa ka mid ah in mararka qaarkood la jabsaday xafiisyada maxkamaddaha Hargeysa qaarkood, lana qaatay document iyo qalab, waxayna taasi keentay in dacwado badan raad raacoodii la waayo, halkaana waxa dhashay jahawareer hor leh oo soo foodsaaray dadka ay dacwaduhu kaga jiraan maxkamadaha, ilaa haddana si rasmi ah looma oga sababta iyo cidda ka kacday xafiisyada la jabsaday ee maxkamaddaha.

Waxa kale oo ay dadka arrimaha maxkamaddaha u dhuun daloolaa farta ku fiiqaan inay garsoorayaasha cusub ka buuxaan xubno badan oo aan aqoon u lahayn shuruucda iyo xeerarka gar-soorka, taasina ay ka mid tahay arimaha murugga keenaya.

Tusaale ahaan xukun uu dhowaan nin garsoore ahi ka soo saaray koox dhalinyaro ah oo inmuddo ah rumaan ugu jiray jeelka Hargeysa waxa uu tuduca u horeeya ee qoraalka xukunkiisa ku sheegay in dembigii inamadaa lagu soo oogay ay xeer ilaalintu wax cadayn ah u wayday, sidaa darteed uu xoriyadoodii u celiyey, laakiin isla xukunkaa waxa uu garsoorahaasi tuducyada qoraalkiisa u dambeeya ku sheegay in nimankaa looga digayo inay dembigaas oo kale u noqdaa, sidaa awgeed waxa dadkii qoraalkaa arkay isu qaban-waayey labada kelmadood ee “Dembigii laydinku soo oogay waa la idinku-waayey” iyo “Waxa la idiinka digayaa inaydaan dembigaas oo kale u noqon”, waxayse dad badani taa u macnaysteeb inay meesha aqoon sharci ka maqan tahay.

Top


“Arrinta Wiilka Xidhan Laba Beelood Baa Ka Heshiiyay, Beesha Samaroona Shaqo Kuma Laha,” Bayaan – Mudanayaal Iyo Odayaal Beesha Warsangeli Ah

Hargeysa (Haatuf): “Arrintani waxay ka dhaxaysaa beesha Warsangeli iyo beesha Mareexaan maadaama ay dhiig tahay, laakiin beesha Samaroon shaqo kuma laha” sidaa waxa lagu yidhi bayaan ay soo saareen labaatan xubnood oo isugu jira mudanayaal baarlamaanka Somaliland ah, aqoonyahano iyo odayaal ka soo jeeda beesha Warsangeli, kuwaas oo ka hadlaya nin la yidhaahdo Cali Cabdi Cabdile oo ku xidhan xabsiga Hargeysa, kaas oo la sheegay inuu ku xidhan yahay sabab la xidhiidha nin laba sannadood ka hor lagu dilay dalka Maraykanka, laakiin ragga bayaankan soo saaray waxay sheegeen in dilkaa ay dalka Maraykanka kaga heshiiyeen labadii beelood ee ay ka soo kala jeedeen ninka la dilay iyo ninka wax dilay, isla markaana waxay nimankani eedda xadhiga dusha ka saarayaan madaxtooyada Somaliland, waxayna qoraalkooda ku yidhaahdeen “Labada shirgudoon ee baarlamaanka iyo isimada Somaliland waxaanu ku wargelinaynaa arrin nala kulantay oo fajiciso iyo yaab nagu noqotay, arrintaas oo ah in markay taariikhdu ahayd 22/07/03 Hargeysa lagu xidhay ninka la yidhaahdo Cali Cabdale, amarka xadhigiisuna ka soo fulay madaxtooyada.

Ninkaas oo ah muwaadin reer Somaliland ah nooma muuqato sabab sharci ah oo uu ku xidhan yahay, waxaananu arrintaa markay taariikhdu ahayd 27/07/03, kala kulmay madaxweynaha xubno ka kooban suldaanka beesha Suldaan Siciid Suldaan C/Salaan, wasiiro, xildhibaano, cuqaal iyo waxgarad beesha ah, waxayna jawaabtii kulankaa ka soo baxday noqotay, waxaan u xidhay nin uu ninkaasi muddo laba sannadood oo dhaw-dhaw laga joogo ku dilay Maraykan, ninkaas oo ah Mareexaan oo beesha madaxweynuhuna Abti u ahaayeen, balse arrintaas waxaanu aragnaa arrin ka dhaxaysa beesha Warsangeli iyo beesha Mareexaan maadaama ay dhiig tahay, laakiin aanay beesha Samaroon shaqo ku lahayn, iyada oo ay ka heshiiyeen beelihii ay ka dhaxaysay (Warsangeli iyo Mareexaan). Sidaa darteed waxaanu madaxweynaha soo hordhignay heshiiskii arrintaas lagu dhamaystay ee dhexmaray labada beelood.

Arrintaas oo dhawr goor oo dambe lagala kulmay madaxweynaha waxna aanay ka fulin, waxaanu labada shirgudoon iyo Isimada ay warqadani tooska ugu socoto ka codsanaynaa inay wax ka qabtaan arrinkaas oo aan sharciga Islaamka, dhaqankeena, distoorka iyo shuruucda dalka midna waafaqsanayn, iyada oo suldaanka beeshuna cadho uga tagay, isaga oo la kulmay golaha guurtida oo arrintaa la socodsiiyey”.

Magacyada bayaanka saxeexay
Mudane Jibril Cali Salaad
Mudane Cali Maxamed Aadan
Mudane Cali Faarax Ducaale
Mudane C/Qaadir Jaamac Xaamud
Mudane Cismaan Sharmarke Caamir
Mudane Maxamed Hirad Shir-Tag
Mudane Maxamed Xuseen Huruusi
Mudane Maxamed Siciid Dhiif
Mudane C/Salaan Maxamed Sicii
Nabadoon C/laahi Cabdi Ibraahim
Nabadoon Jaamac Carab Cashuur
Aqoonyahan Anwar Aadan Maxamed
Aqoonyahan Maxamed Cismaan Suldaan
Dr. Ciise Axmed Cali
Aqoonyahan Muuse Cali Maxamed
Oday Axmed Cabdi Jiisaw
Oday Siciid Cali Nuux
Oday Faysal C/laahi Faatax
Oday Sahal Maxamed Jaamac
Oday Maxamuud Axmed Cali

Waxa kale oo warqadan ku lifaaqan qoraal tilmaamaya in laga heshiiyey arrinta dilka ah ee uu xidhan yahay Cali Cabdi Cabdale, heshiishkaas oo la sheegay inuu ka dhacay magaalada Columbus, gobolka Ohio ee Maraykanka, lana kala qaatay diyaddii toban kun oo Dollar, iyada oo uu ninka la dilay ahaa marxuum Siciid Cabdi Barkhadle.

Top


Maxay Ku Dambaysay Xaaladda Magaalooyinkii Laydhku Ka Damay Ee Maraykanka Iyo Kanada?

New york (W.wararka) Shirkad ka shaqaysa korontada New York ayaa sheegtay in ay magaalada ku soo celisey korontadii markii saddex meelood loo qeybiiyo laba meelood oo ka mid ah Magaalada.

Waa habeenkii labaad ee xataa mid ka mid ah Tareenada dhulka hoostiisa mara ee magaalada New York aanu shaqeyneyn. Caadiyan, tareenada New York waxa ay qaadaan ilaa siddeed malyuun oo qof maalintii.

Dad badan ayey u tahay in ay seexdaan guri saaxiibkii leeyahay oo ay ku seexdaan kursi, gogol aan sidaas u weyneyd ama dhulkaba.

Duqa magaalada New York ayaa shicibka u sheegey in ay is dabaraan oo aanay gaadiidka ku soo qamaamin haddii ay sidaas yeeli karaan.
Waxa uu duqa magaaladu yidhi waxa aan weydiisanayaa shaqaalaha aan muhiimka ahayn in ay guryahooda iska joogaan. Waxa uu yidhi, "reer New York waa in ay qaataan go'aan macquul ah oo ku saabsan in ay shaqo tagaan iyo in kale".

Koronto la'aantani waxa ay timid maalin ka mid ah maalmihii Woqooyiga Mareykanku ugu kululaa oo dadku ay aad ugu baahanaayeen isticmaalka qaboojiyayaal.

Dad badan ayaa haatan is-weydiinaya sida koronta la'aantan weyni ay u dhacdey iyo wixii laga qaban karo in taasi oo kale ayna dib u dhicin.

Top


Mucaaradka Liibiya Oo Cambaareeyay Magdhawga Ay Dawladda Liibiya U Oggolaatay Maraykanka Iyo Ingiriiska

Tiripoli (W.wararka) kooxaha mucaaradka ku ah dawlada liibiya ayaa canbaareeyey ogolaanshaha dawlada liibiya ee magdhaw ay ka bixiso brburkii diyaaradii ku dhacday Lockerbie sanadkii 1988kii.

Sida ay sheegayaan Warar diblomaasi ahi waxa la filayaa in wakiilada Mareykanka, Britain iyo Liibiya ka jooga QM in ay saacadaha soo socda la kulmi doonaan Madaxa Golaha Ammaanka ee xiligan oo ah wakiilka Syria ee QM.

kulankani waxa si weyn loo rumeysanyahay in uu noqon doono mid ay dowladda Liibiya ku bixineyso warqad ay soo diyaarisey oo loo gudbinayo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Waxaana la filayaa in qoraalkan ay Liibiya ku qitrato, dushana u ridato masuuliyadda qaraxii loo geystey dayuuraddii Pan Am ee duulimaadkeedu ahaa 103 ee lagu soo ridey degmada Lockerbie ee gobolka Scotlanad, sanadkii 1988kii.

Waxa kale oo la filayaa in qoraalkaasi ay Liibiya soo gudbineyso uu xamabaarsanaado ballan-qaad ay Liibiya ku balanqaadeyso in ay ka tanaasusho ama iska deyneyso hawlaha argagixisda. Sidoo kale waxa warqadda Liibiya laga sugayaa in ay kaga hadasho oo ay tafaasiil ka bixiso sidii ay u gaadhsiin lahayd magdhowgii lagu heshiiyey oo la siinayo qoysas tiradoodu gaadheyso 270 oo ka wakiil ah dadkii ku dhintey dayuuraddaas.

Mar alla markii la soo gudbiyo waraqadda Liibiya ayaa diblomaasiyiinta Mareykanka iyo Britain ay iyaguna gudbin doonaan warqado muujinaya in ay raali ka yihiin tallaabooyinka Liibiya ayna diyaar u yihiin in la sameeyo qaraar cusub oo cunaqabateynta Qaramada Midoobey lagaga qaadayo Liibiya. Waxa diblomaasiyiintu ay sheegayaan, in ay suurtagal tahay in cunaqabateynta laga qaadayo Liibiya ayna raagin oo todobaadka soo socda ay dhacdo.

Barnaamijyadii Qaramada Midoobey waxa shaley hakiyey koronta la'aantii meela badan oo Mareykanka ah ka jirtey, laakiin shaley galinkii dambe ayeey sida meelo kale oo badanba ay daarta ay Qaramada Midoobey degentahay korontadii u soo laabatey, taas oo muujineysa in haatan iyo wixii ka dambeeya ay qabsoomi doonaan shirarkii diblomaasiyiinta ee ka socdey daarta hoyga u ah Qaramada Midoobey.

Dhinaca kale Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Maraykanka, Colin Powell, ayaa telefoonka kula hadlay wasiirka arrimaha dibedda Faransiiska, Dominique de Villepin si uu ugu muujiyo wawalka uu Maraykanku ka qabo in Faransiisku uu iskugu dayo in uu hor istaago heshiis magdhaw ay dowladda Liibiya ku siiso qoysaska dadkii ku dhintay qaraxii bomb ee Lockerbi sanadkii 1988-dii.

Faransiisku, wuxuu magdhaw kaa la mid ka doonayaa xukuumadda Tripoli ee Liibiya oo uu ku eedaynayo diyaarad Faransiisku leeyahay oo 89-kii ku dul dhacday dalka Niger.

Saraakiisha Maraykanka, ayaa sheegay in Mr Powell uu qaab diblomaasiyadaysan ula sheekaystay Mr VillaPin, balse weriyayaasha ayaa sheegaya in uu yaryahay isku dayga Maraykanka uu ku doonayo in uu ku qariyo cadhada uu ka qabo arrintan.

liibiya, waxay ogolaatay in ku dhowaad sadex billion oo doolar ay magdhaw u siiso dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Lockerbie, taasoo ka mid ah shuruudaha la doonayo in cunaqabataynta Qaramada Midoobay lagaga qaado Liibiya.

Top


Geerida Iid Amiin Iyo Dareemada Laga Bixiyay

Jiddah ( W.wararka) Madaxweynihii hore ee dalka Yugandha, Iidi Amiin oo shalay ku ku geeriyooday waddanka Sucuudiga ayey dawlada Yuigandha ogolaatay in dalkiisii lagu aaso balse waxa ay sheegtay inaan wax maamuus ah loo samayn doonin.

Iidi Amiin waxa uu geeriyooday isagoo da'diisa lagu qiyaasay 80 sanadood mudadii uu talada hayeyna waxa la sheegay inuu geystay falal lid ku ah xuquuqda banii’aadamka hay’adaha xuquuqda aadamaha ayaana sheegay inay haboonayd in ay haboonaan lahayd maxkamad la soo taago intii aanu geeriyoon.

Iidi Amiin waxa uu ahaa nin xoog weyn oo lahaa himalooyin waaweyn, waxa kale uu ahaa nin fikrado waaweyn ay ku jirto naftiisa sida la sheegay.

Iidi Amiin waxa uu dhashey sanadkii 1925kii, waxbarasho rasmi ah oo badan muu qaadan sida la sheegay, laakiin isagoo aad u da'yar ayuu ku biiray ciidamadii Miletriga ee gumaysigii Ingiriiska.

Sida la sheegay bilowgii taariikhdiisa waxa uu madaxdiisa ku soo jiitey oo ay ku jeclaayeen markii uu noqdey ninka heysta feedhka culus ee Uganda sanadkii 1951kii, isagoo sidaasna kor ugu dalacey jaranjaradii darajadii Milateriga.

Markii ay Yugandha qaadatey gobonimadeeda sanadkii 1962kii, waxa uu Iidi Amiin aad ugu dhawaadey oo uu garab istaagey madaxweynihii waddanka ee wakhtigaas Milton Obote, waxaana Amiin loogu abaal gudey in loo dhiibo ciidamada lugta iyo kuwa cirkaba.

Laakiin sanadkii 1971kii ayuu Idi Amin ka soo horjeestey Obote oo uu afaganbi xukunkii kaga tuuray , isagoo wada laayey askartii uu u arkey in aan la aamini karin.

Muddo yar markii uu xukunka heystey ayuu Idi Amin waddanka Uganda ka eryey tobannaan kun oo eeshiyaan ah isagoo dhulkoodii, hantidoodii iyo ganacsigoodiiba siiyey saaxiibaddiis.

Iyadoo waddanka Uganda uu hoos ugu sii quusayo jahwareer iyo musuqmaasuq ayuu Idi Amin uu isagu isa siiyey darajooyin magac oo cusub, waxana darajooyinkaas ka mid ah in uu isku magacaabey Madaxweyne waligii jooga oo aan dhicin, jabiyihiii jabshey Boqortooyadii Ingiriiska iyo qaar kale isagoo xabadkiisa ku safey bilado aan tiro lahayn.

Tallaabooyinkaasi waxa ay keeneen in dad badan oo daafaha adduun ku kala nool ay ku maadsadaan oo ay la yaabaan ficilada Idi Amin.

Markii la soo gaadhey sanadkii 1978dii, Iidi Amiin waxa uu arkey in saaxiibadii iyo taageerayaashiisii uu lahaa ay ka tageen, si uu haddaba indhaha uga leexiyo mashaakilka gudaha Yugaandha ka taagan, madaxweyne Amiin waxa uu weerar ku qaadey waddanka ay dariska yihiin ee Tanzania.

Ka dibna waxa weerarkiisii u jawaabey ciidamada Tanzania oo ay taageerayaan jabhado reer Yugandha ah oo xukunkiisa ka soo horjeedey, taasoo Amiin lagu jabiyey kuna qasabtey in uu dalka uu iskaga cararo. Iidi Amiin waxa uu dhintey Isagoo aan marna dib u arkin waddankiisii oo mastaafuris ku maqan. Waxaana uu adduunka ka tagay isagoo aanay jeclayn dad badani laakiin aan la ilaawi karin taariikhdiisii.

Top


Shirkadda Kombuyuutarada Microsoft Oo Ka Badbaaday In La Khalkhaliyo Nidaamka Kombuyuutaradeeda

Shirkada weyn ee Microsoft ayaa waxay ku guuleysatay in ay websitekeeda ka badbaadiso Borogoraam lagu magacaabo The Blaster Computer Worm oo loogu talo galay in waxyeelo weyn loogu geysto howlaheeda.

Sida la sheegay Borograamkan waxaa uu wax yeelo uu u geystay noocii ugu danbeeyey ee adeegyada Microsoft Windows, waxuuna howlahooda kharibay boqolaal jeer, haddaynaba ahayn malaayiin kunbuter oo ku baahsan caalanka oo dhan.

Borograamkan waxaa loogu talo galay in saacadu marka ay tahay 12ka habeenimo in uu weeraro Bogga Internetka Microsoft oo uu kaga soo qaado dhamaan computerada Caalamka oo dhan ee uu hore waxyeelada ugu geystay.

Shirkada Mircosoft waxay internenka ka bixisay boggeeda lala beegsaday weerarka, waxayna ku talaabsatay talaabooyin kale oo ay kaga hortageyso prograamkaas.

Dowladdaha iyo shirkaduhu waxay ka baqayeen in Borograamkani uu naafeyn doono habsami u socodka internetka. Hase ahaatee, shirkadan weyn ee caalamiga ah wax waxyeelo ah mayna soo gaadhin.

khuburada ku xeesha dheer arrimaha Cuputrada ayaa waxay sheegayaan in sababaha xadiday waxyeelada programkani in ay qeyb ka tahay, Borogramka The Blaster Computer Worm laftiisu uu waxyeelo qabo xadideysa waxqabadkiisa.

Noocyo kala duwan oo borograamkaas loogu talo galay in uu waxyeelo cumputerada ayaa hore loo arkay, waxaana la filayaa in todobaadyada iyo bilaha soo socda in ay weeraro ku soo qaadaan computerada noocyo borogaraamyo ah oo aad uga khatar weyn kuwii hore.

Top


Isra’il Oo Degmooyin Ay Haysatay Ku Wareejinaysa Falastiiniyiinta

Qudus (W.wararka) wararka ka imanaya Israa'’iil ayaa sheegaya in dhawaan ay maamulka Falstiiniyiinta ku wareejineyso laba magaallo oo haatan ay Iyadu maamulkooda hayso.

Labadan magaalo ee lagu wareejinayo maamulka Falastiiniyiinta waxa uu soo baxay ka dib markii ay shir isugu yimaadeen Wasiirka Gaashaandhigga ee Israa'iil, Shaul Mofaz iyo Wasiirka Ammaanka ee Falstiin, Mahammed Dahlan.

Laakiin warar ka soo baxaya ciidamada ammaanka ee Israa'iil ayaa sheegaya in Falastiiniyiinta gacanta loo galin doono labadaas magaalo, haddii ay xaalada ammaanku ay sii deganaadaan oo kaliya.

Afhayeenka Israa’iil oo la yidhaa Dahlaan ayaa sheegay in sidoo kale ay Israa'iil ogolaatey in xukunka magaalooyinka Ramallah iyo Dulkaram iyagana lagu soo wareejin doono gacanta Falstiiniyiinta.

Waxa uu Afhayeenku intaas ku darey in dhammaan afarta magaallo la filayo in ay maamulka Falstiiniyiinta soo hoos galaan labada todobaad ee soo socota.

Hogaamiyaha Falstiiniyiinta Yassir Carafaat oo isaga dhaqdhaqaaqiisa lagu koobey daarta uu ka degan yahay magaalada Ramallah muddo ka badan hal sano, ayaa isagana laga yaabaa in loo ogolaado in uu booqdo qabriga walaashii oo lagu aasay Qaza. Waxa Carafat walaashiis ay geeriyootay todobaadkan bilowgiisii.

Heshiiskani waxa uu yimid wakhti khilaafaadka Israa'iil iyo Falastiiniyiintu uu mar kale holcay, ka dib markii uu muddo bil ka badan uu deganaa.

Waxa Israa'iiliyiintu ay dhawaan dileen dagaalyahanno ay ku eedeenayaan in ay qorsheenayeen weeraro Israa'iil ka dhan ah, iyadoo niman naftooda horayaal Falstiiniyiin ahi ay iyaguna Salaasadii dileen laba Israa'iiliyiin ah.

Top


Qaramada Midoobay Oo Itoobiya U Gudbisay Cabasho Ku Saabsan Xuduudka Eleteriya

Addis Ababa (W.wararka) Askarta Itoobiya, ayaa la sheegay in ay galeen aagaga ku meelgaadhka ah ee militari-ga ka caagan ee dhinaca xadka Eriterea ilaa sadex jeer oo ay kubada cagta ugu ciyaaraan.

Sida la sheegay Waxa ay diideen in ay halkaasi ka tagaan ilaa ay ka dhamaysanayeen ciyaartooda, taasoo ay ka codsadeen nabad ilaaliyayaasha qaramada midoobay ee kormeeraya xabadjoojinta lagu soo afjaray dagaalka muranka xadka ku saabsanaa ee dhexmaray Ereterea iyo Ethiopia.

Kormeerayaasha Qaramada Midoobay, waxay sheegayaan in ay xadka ka jirto xiisad sii kordhaysa iyadoo ay soo dhow dahay in lagu dhawaaqo calaamadaynta rasmiga ah ee xadka labada dal.

Top


Khasaare Intee Le’eg Baa Ka Dhashay Laydhkii Bakhtiyay Ee Maraykanka Iyo Kanada, Maxamed Cabdi Xasan (Diridhaba)

Ka dib korontadii ka go,aday waqooyiga beri ee america ayaa bakhtiisay wershado tiro badan iyo weliba madaaradii ay diyaaradahu iskaga gooshi jireen, su,aasha la isweydiin kara waxay tahay dhaawac intee le,eg ayaa dhaqaalaha waddanka maraykanka ka soo gaadhay? saamayn intee le,eg bayse ku yeelatay dhaqaalaha suuqyada xorta ah ee waddanka maraykanka? Run ahaantii sida ay muujinayaan khubarada dhaqaalaha maraykanka u dhuun daloola waxay xaqiijiyeen inuu dhaawac weyni gaadhay, shariikado badan oo ay ka mid yahiin kuwa diyaaradaha, Train-ada korontada ku shaqeeya ee dhulka hoostiisa mara iyo weliba suuqyada saamiyada ee magaalooyinka waqooyi beri ee maraykanka, balse khubaradaasi waxay meesha ka saareen war war weyn oo ka iman kara in si laxaadleh uu dhaqaalahu hoos ugu dhaco "Waxay hadda u muuqataa in ay korontadu si tartiib tartiib ah u soo laabanayso markaa dhaawac la taaban karo oo dhaqaalaha waddanka maraykanka gaadha waa iska yaryahay" sidaasi waxaa yidhi Sun Won Sohn oo ah khabiir xagga dhaqaalaha ah oo ka tirsan suuqa saamiyada ee Wells Fargo.

Waxaa kale oo dhaawac weyni uu soo gaadhay oo xagga dakhliga ahi dukaanada waaweyn ee iibiya alaabada muhiimka ah, Hotelada cuntada laga cuno iyo weliba, masraxyad lagu caweeyo, "aad iyo aad ayaanu u nasiib badnayn in korontadu damtay wakhti dambe ee maalintii "14August" balse waxaanu khasaaraynaa wax soo saar farabadan oo aanu u gudbin lahayn meelo kala duwan oo waddanka ka tirsan" Sidaasi waxaa yidhi Mark Vitner oo ah khabiir xagga dhaqaalaha u dhuun daloola kana tirsan saamilayda Wachovia Securities.

 Koronto damitaankii ugu weyna ee soo mara Waqooyiga maraykanka ayaa maalintii khamiista ahayd waxaa markeliya uu saameeyey dad lagu qiyaasay 50 milyan oo qof oo ku kala nool Detroit ilaa Manhattan, waqooyiga ilaa iyo magaalada Toronto ee dalka Canada, Suuqyada saamiga iyo weliba kuwa sarrifka ayaa maalintii jimcahii dib loo furay, iyadoo baanankuna ay ku mashquulsanayeen sidii ay u isticmaali lahaayeen aaladaha isxukuma ee la socda saamiga suuqa (Automatic Teller machines) iyo weliba dab dhaliyayaasha iyo aaladaha xafida in aanay macluumaadku ka lumin computer-ada ay isticmaalayaan oo loo yaqaano (Backup resource machines), sida todobaad ka hor laga war hayey waxaa dhaqaalaha waddanka maraykanku kor u kacay 0.5 boqolkiiba ka dib dagaalkii ciraaq ay ciidamadii xulafada ahaa ee maraykanku horkacayey ay ku qaadeen, taasi oo dhiirigelin suuqa ka samaysay.

Si kastaba ha ahaatee korontada ka damtay waqooyiga america oo ilaa hadda meelo badan oo ka tirsan xarunta ganacsiga adduunka ee Newyork city ay weli la il darantahay koronto la,aan, ayaa waxay saamayn weyn ku yeelatay nolol maalmeedkii malaayiin qof oo aan u barran in ay habeen qudha gurigooda ka dhaxaan, kuwaasi oo dariiqyada iyo guryaha hortooda labadii habeen ee la soo dhaafayba hortubnaa, qaarkood muddo 32 saacadood ah ayaanay indhaha isa saarin, qaarkoodna ay cabsi ayey la gabaabsadeen, waxaa masuuliyiinta gobolka Newyork ay sheegeen in tartiib tartiib ay ugu soo laabanayso saacadaha soo socda dhamaan goobahii ay korontadu ka tegtay, balse ma la odhan karaa intee in le,eg ayey shucuubta maraykanku dareemeen diifta dibadda uga saartay guryahooda.

Waxaa soo uruuriyey Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Reer Boorama Maxay Ka Macaasheen Golahooda Degaanka?

Golaha deegaanka ee Boorama waxa uu ka koobanyahay 21 xubnood oo lagusoo doortay doorashadii ugu horeysay ee ka dhacda Soomaaliland sannadkii aynu soo dhaafnay.

21kani waxay isgu jireen rag ay kala duwantahay aragtidooda ,aqoontooda,garashadooda iyo waayo aragnimadooduba. Waxaanay isgu jiraan bilow jamici ilaa gasaar ,dilaal dhuleed mid xoolaad madaxdhaqameed ,ganacsade ,hudheelle,iyo dad marka horeba aan haysan  shaqo fiican oo leh dhaqaale fiican.

laftoodu markay isugu yimaaddaan shirar aragtidoodu way kala duwantahay. Qaarbaa waxay u haystaan in  la yidhi dawladda hoose ee Boorama u shaqo tega. Qarbaa u haysta inla yidhi u shaqo taga intan badanna ka hor yimaadda joomitirada,maayarka iyo xoghayahaba fikradaha magaalada dhismaheeda lagu hagaajinayo. Qaarbaa u haysta in la yidhi beelihiinna  u difaaca dhul ama jago gar iyo gardaraba haddii lagula murmo. Waxay ilaaween ujeeddooyinkii loo doortay  iyagoo iska dhigay soo hadalqaadka axsaabtii siyaasadda ee ay ku soo baxeen. Waxay inta badan ku mash quuleen sidii ay lacag badan u qoran lahaayeen hantida dawladda Hoosena u xisaabin lahaayeen.

waxay qaar hawshoodu noqotay inay xitaa farageliyaan laamaha kale ee dawladda iyo ciidamada nabadgelyada oo haddii carruurtoodu dembi ku sameeyaan Boorama oo lasoo qabto ku qabsadaan ciidanka  soona jeediyaan in la ciqaabo Booliiska carruurtooda ay u arkaan inay ku edeb daroodeen. Ilaa imika lama arag goob ay kaga hadlayaan  adeegyada dadweynaha in kor loosoo qaado,balse dhinaca kale waxay dhiirigeliyeen musuqa iyo danaha gaarka ah  ee shakhsiyaad lihi  ku dhuumanayaan iyagoo loosoo kaxaysto muuqaal ahaan balse aan waxba ka odhan khaladka iyo saxa mashruuc  magaalada ka socdaa uu u leeyahay bulshada.

Haddaba waxaan leeyahay dib haloogu noqdo  doorashadii golayaashan oo loo arko mid lagu barbaranayey doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda Soomaaliland.

Maxamed Axmed Maydhane (wehel)
Boorama,Gobolka Awdal.

Top


Wax Halaga Qabto Dhibaatada Gaadiidku Ku Hayo Dugsiga Sh. Bashiir

Waxaan ka mid ahay waalidiinta ardayda dhigata Dugsiga Sh. Bashiir. Waxaan aroor dhaweyd ku soo waabariistay laba boodh oo sudhan dhulka loogu talo galay inay dadku lugeeyaan ee ku dhejisan gidaarka ama wajahadda Dugsiga oo mid ka mid ahi irridda dugsiga ku ag dhejisanyahay. Boodhadhkaasi waxa ku qoran: Waa baarkin u gaar ah macmiisha Dahabshiil.! Dadweynow, aniga cabsi ayaa i heysa: Iyadoo dhul hore oo dan guud ah sidaas tijaarta qaarkood ku qaateen. Yaa ii dammaanad qaadaya inaan meeshaas berito sar dheer laga taagin?

Waxaan leeyahay ma habboona in meeshii ay dadka iyo caruurta iskuulka u socotaa mari lahaayeen baabuur lagu gooyo. Marka horena ay dhibaato badan ay ardaydu kala kulmayeen istaanka baabuurta ee loo soo raray.

Waxaan laba qof ku muransaneyn in Dahabshiil dantiisa ka hadalay balse maxaa Dugsiga ugu jira? Jawaabtu waa waxba. Waxanan tijaarta kula talinlahaa inay ogaadaan in looga baahanyahay inay la yimaaddaan dareen mas’uuliyadeed/akhlaaqeed oo ku jiheysan bulshada (community responsibility and ethics), noqdaana tusaale wacan oo lagu dayan karo, danta guudna wax ku kordhiyaan, halka ay iminka u hanqal taagaan boobkiisa.

Waxaan kala garan la’ahay in muwaadinkaas maal-qabeenka ahi aqooni halkaas dhigtay iyo inay la-taliyeyaashiisu yihiin dad aan xilkas ahayn. Arrintu si kastaba ha noqotee waxa habboon inay wax ka qabato cidda ay khuseysaa: Dawladda Hoose, ciidanka Nabad-gelyada Waddooyinka (Traffic police), Guddida waalidiinta ardeyda iyo macallimiintu.

Ayaan Faarax.

Top


Tiisaba Daryeelaa Tu Kale Ku Dara

Aniga oo tix raacaya waraysigii uu wasiirka qorshayntu siiyey warbaahinta ee ku soo baxay wargeyska Jamhuuriya cadadkiisii 2082 soona baxay 11/08/03 kaasoo ku saabsanaa ama daba socday eigii uu wasiirku eryey Hay’adaa NOVIB taasoo kamid ahayd Hay’adaha sida deeqsinimada leh u taageera shacbiga Somaliland guud ahaanba gaar ahaana dhinacyada: waxbarashada,caafimaadka xoolalaha iyo dadkaba, fayodhawrka, deegaanka iyo xaga gurmadka abaarahaba.waxa kale oo hay’adani taageero ka geysatay doorashooyinkii dalka ka dhacay ee deegaanka iyo Madaxtinimadaba.

Wasiirku wuxuu waraysigaa ku sheegay in hay’ada NOVIB la eryey kadib markii lagu sheegay inay fulisay ama ku kacday waxyaabo kadhan ah Qaranimada Somaliland oo ay ka midtahay iyadoo maalgelisay shirka Somalida uga socda Magaalada Nairobi ee dalka kenya iyo kii ka horeeyey ee lagu qabatay dalka Djibouti isagoo wasiirku intaa ku daray isagoo sheegay inay hay’adu maalgelisay Abwaan hadraawi.

Hadaba markaan arrintaa sida ay iila muuqato aan uga hadlo waxaan u arkaa in go’aan kan hay’ada lagu eryey uu yahay mid aan laga fiirsan oo lagu degdegay isla markaana si aan loo meel deyin lagula dul kufay hay’adan oo ka mid ahayd kuwa ugu wax tarka badan hay’adaha caalamiga ah ee wadanka jooga.

Marka hore ma fiicna in eeda aynu inagu leenahay inaynu cid kale dhabarka u saarno Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (waran kugu soo noqon doona lama rido) hay’aduhuna sidoodaba wixii aynu waydiisano ayuunbay ina siin karaan,waxaynu u sheegnana way ku khasban yihiin inay qaataan.waa su’aale yaa wax u sheegay oo ay ka diideen?
Hadaba hadii aanay jirin waxaynu waxaynu hay’adaha hor dhignay una sheegnay oo aan la odhan waxaas iyo waxaas ma maalgelin kartaan oo waa idinka mamnuuc sababta oo ah waxay wax yeelayaan qaranimadayada. Mar hadaanay jirin shuruuc hore loo diyaariyey oo aynu hor dhignay loona sheegay inay ku dhaqmaan waxaan qabaa in erigaa la eryey hay’adaasi uu gef ku yahay.

Ta shirka nayroobi iyo kii Djibouti ee uu wasiirku sheegay inay hay’adu maal gelisay waxaynu hore ugu sheegnay caalamka inay shirarkaasi ahaayeen kuwo loo qabatay dadka soomaaliya oo kaliya oo aanay Somaliland wax shaqo ah ku lahayn waxa kale oo aynu sheegnay inaynaan waxba ka qabin hadii dadka somaliya la heshiisiinayo dawladna loo dhisayo dawlada loo dhisana aynu ka wada hadli karno wixii dan ah.
Hadaba markaynu sidaa sheegnay ee la inaga aqbalay sideebaynu imika ugu sheegi karnaa inuu dambiile wadanka ka yahay lagana eryayo cidkasta oo taakulo ka geysatay qabanqaabada shirarka soomaaliya loo qabanayo ta hadraawina waxaan jecelahay inaaan ku dhaafo marka ay cadaato inuu hadraawi dambiile yahay ayey haboontahay in laga hadlo cidii ku taageertay balse haatan maaha mid taala.

Wasiirku waraysigan kumuu sheegin waxyaabaha ay hay’adani wadanka u qabato waxaanan filayaa inay ka ahayd xog la’aan. Cidkastaana waxay leedahay wax tar iyo wax yeelo,labada ka bata ayuunbaana lagu qiimayn karaa cidaasiwuxuu yahaywaxaanan qabaa inaanu asiirku wax is bar bar dhig ah samayn waa hadiiba ay jiraan eedaymahaniye.

Waxyaabaha ka dhacaya Nayroobi iyo meelaha kaleba waxay ila tahay inay Qaranka uga xil saarantahay wasaarada arrimaha dibadu ee aanay u xil saarnayn wasaarada qorshayntu. Sidaas darteed may haboonayn inuu Wasiirka qorshayntu ka hororsado cidii iska lahayd iyadoo ay tiisiiba dayacantahay (tiisaba daryeelaa tu kale ku rida).

Sidaasdarteed iyadoo l;a tix galinayo dadka faraha badan ee ka faa’iidaysta mashaariicda ay hay adani maalgeliso isla markaana aan la diidayn wixii toosin ah ee suurta gal ah in ala sameeyo waxaan soo jeedin lahaa inay haboontahay inay wasiirku ka noqdo go’aankan taasoo ah mid uwanaagsan shacbiga.

Ugu dambayntii haddii uu geed si xun u baxo oo aad u aragto inaanu sidan hadh fiican ku yeelanayn iyamaa fiican waa su’aale in gunta laga jaro iyo in la qorqoro.

Qore: ismaaciil Aadan Madar

Xubin golaha dhexe ee UDUB

Top


Werwer Adduun Iyo Wacdaro Jacayl, Sheeko taxane ah ---Q: 10aad -- Waxa qoray: cumar cali iidle

Bilis “haa waagacmo ay naxariista kalgacalku ka soo burqanayso” Ilhaan “ yaab badanaa horta gacanta iga qaad dabadeedna ila hadal xishood malihid kaaganiye” intuu bilis naxay ayuu si degdega faraha uga qaaday oo uu yidhi “waa maxay sidaad u hadlaysaa.”

Ilhaan “ayaa kuu fasaxay in aad gacantaada isaarto” Bilis farxadaa iga tanbadatee sikale ha u qaadan” ilhaan “farxadi waa naxdin baa layidhee inay kaa nixiso oo kaa fajiciso malagayaabaa” Bilis inaad adigu igaga dhigto mooyee ha ka yaabin inay noqoto naxdin”
Ilhaan “haye bal soo daa waxay noqotaba waa la eegiye” Bilis waxaa balan laiigu qaaday in lacag uu kushaqaysto aabahaa la siin doono……” ilhaan yaa ugu balanaqaaday”
Bilis “aabahay wacays” ilhaan “ujeedadiinu waa si aad aniga ii heshaan saw maaha.”

Bilis” ayaa aamusay oo wax uu ku hadlo garan waayey” waxay tidhi “ma waxaad ii malaynaysaa naag la iibsan karo oo sidii adoomaha kolba dhan loo kaxaysan karo” way aamustay “ oo mise waxaad istidhi lacag bay kaaga baahantahay , ma waxaad moo daysaa inuu jacaylku yahay mid ku imankara aduunyo?” maaha sidaas ee waa mid qalbiga ku samaysma oo ku yeesha xero uu bariisado qasab ha u malaynin inuu walaalaw jacaylku ku yimaadee iga quuso oo qanac.”

Doqon baa nin beegsaday bar xun kaga dhaqaaqdee bartii bay kaga dhaqaaqday. Isna wuxuu ku calaacalayey “wahay jacaylkani kululaa waxyeeladiisu daranaa waaxyaha igoo yee I weedhaminayaa”.

Dhowr toddobaad wuxuu daba rucleeyaba mar uu daalay, ayuu miciin ula rooray asxaabtiisa bal si ay in uun ugala qabtaan dhibaatooyinka haysta. Intaasi oo idilna waxa u dheeraa inuu ruux kasta oo uu arkaba u caban jiray. Calaacal baa ka soo hadhaye wuxuu uga dan lahaa laba qodob kuwaasi oo kala ahaa gocashada faraha badan ee ay isaga iyo naftiisu iskugu keliyeysteen inuu iskaga kala yareeyo dadka ku hareeraysan. Ta labaadna waa in uu helo ruux in uun u miciina.

Wuxuu warkiisu hadba cid taabtoba dad fara badan oo u garaaba ayuu heley. Waa dhallinyaro wiilal iyo gabdhoba leh oo dhammaantood u heelanaa inay cadaadis saaraan Ilhaan. Waxaad mooddaa inay Ilhaan tahay ruux madax adag hase ahaatee ku jilicda marka ay hadallada dadku ku soo noqnoqdaan. Arrintani oo kale hore ayey ugu dhacday, guul darraddii ay kala kulantayna aan la malayn Karin. Xilligani Ilhaan ha beer nuglaato e, waxay mar kasta oo loo tagaba xasuusinaysay intii la socotay xaaladeeda hantaaqadii muddada badan ka ladaabanaysay.

Go’aan ayey gaadhay aanay cidna uga warramin sirta iyo ujeedada qarsoon ee ay ka yeelan doonto haddiiba ay ogolaato. Waxay aad u naawilaysay inay mar uun fool ka fool isku arkaan wiilkani u warraaqay.

Aroor hore ayey ahayd xilligii uu ugu tegey gurigii ay saaxiibadeed Saynab deganayd. Bilis maalin ay uga farxad badnayd oo uu xasuustiisa ku ragaadiyaa hubaashii may jirin marka loo eego Ilhaantii uu jidka dheer u soo maray oo uu wadahadal dhex mari doono.

Sidii caadada u ahayd ayey markay woxoogaa yara fadhiyeenba gooni ula baxday. Waxay waydiinaysay su’aalo “waan ogahay inaad xad dhaaf ii jeceshahay, laakiinse ma hubo waxa ka dambayn doona caashaqani” Bilis “shaki kuma jiro jacaylka, sir aniga ii qarsoonina ma jirto aan reer dhaqashadii ahayn” Ilhaan waxbay sheeg is tidhaa markaasay haddana ka meeraysanaysaa. Kama warrami karto wixii hore u soo dhacay hase ahaatee lahashadeedu waxay ahayd in si ay uga gaashaamato arrimihii dhacay ayey u xiisaynaysay inay tani hadda taagan ku gedaanto. “een, waxaan rabo iyo waxaad rabtaa hadday kala duwanaadaan maxaad yeelaysaa?” ayey weydiisay. Wuxuu ugu jawaabay “mar haddaynu midowno rabitaankeennuna ma kala geddisnaanayo”.

Ilhaan “ma waxaad rabtaa sheeko muddo inta ay qaadato goorta la qoondaysto guurka laga dhiganayo?” Bilis inta uu naxay ayuu degdeg u yidhi “mayee waa mid aan hadda diyaar ula ahay guur waara oo rasmi ah”. Waa kaasi arrinka ay gaaraabildhaan ku raadinaysay, hase ahaatee waa ruux ay xididadiisa oo idil kalgacayl xarkiyeene waxa uu sheegayo run iyo been midka uu yahay ma oga. Waxay dabeeto doontay inay tijaabo ka qaado “waa hagaage goormaad I soo doonaysaa” ayey tidhi. Bilis eregani hore umuu maqal manuu filanaynin. “xilligaad ka dhigatoba anigu diyaar ayaan kuu ahay” ayuu yidhi.

Taladu toddobaad ayey noqotay. Xilligii ay maalin uuni ka hadhsan tahay muddadii ay qabsadeen ayuuba Wacays inantii doonisteedii u diyaar noqday. Waxa is raacay Bilis, Aabbihii Wacays, Habro wadaagii Fu’aad, iyo Weris oo hooyadii ahayd. Markii ay fadhiisteen gurigii reerkay la gacalka noqon lahaayeen ayaa sharaab lagu soo dhoweeyey. Dabeetana sheeko dhex martay labadii soddog. “Geellow inantii aad dhashay ayaannu doonisteeda nahaye noo hibee”. Ayuu Wacays yidhi. Geelle “mar haddii ay labada ubad is doorteen oo aanay noqon kuwa is qarsada oo isla baxsada waxaan ugu diidaaba waa faduul”.

Markii ay ashqaashii ducadii iyo meherkiiba dhammaadeen ayuu la qorsheeyey in arooskana toddobaad uun laga dambeysiiyo. Farxad iyo jawi wanaagsan oo aanay labadooduba filanaynin ayuu ugu dhacay, oo midba ka kale ayuu uga cabsi qabay inuu fashiliyo. Sababaha arrimahaasi oo idil dhaliyeyna waa iyagoo ay Ilhaanna hore u soo martay lugooyo rageed sidaasina aanay innaba rumaysan Karin, iyo Bilis oo sidii loogu sheegey inay Ilhaan madax adag tahay iyo surbacaadkii soo maray ee ay sibiq ku ogolaatay. Wacays xilligaasi raynrayn darteed ayuu u bixiyey lacag yarad ah oo aan ahayn tii caadada ahayd in la dhiibo

La soco.

Top