Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 402 August 22, 2003

Jar Iska Xoorka Shirka Mbagathi Iyo Gefka Uu Ka Gelayo Jiritaanka Somaliland

Wiilasha Ilma-Samatar Oo Si Xag Jirta U Cambaareeyay Qadiyadda Madax- Bannaanida Somaliland

Miisaaniyadda 2003: Dakhliga Ka Soo Hoyday Ilaha Dhaqaalaha, Mad-Madowga Kiishada Dawladda, Su’aalaha Badyaalka Ah

“Marka Aanu Mulkiyad Sharci Ah Soo Bandhigno Ee Aanu Nidhaahno Qofkaasi Dhulka Ma Leh Ayaa La Odhanayaa Waxay Sameeyeen Foojari,” Isu-Duwaha Beeraha Burco

Burco: Xiisadda Ka Aloosan Gabadha Boqorrada U Sharaxan Iyo Wararkii U Dambeeyay

“Dawladdani Ina Anfici Mayso Ee Waxaanu Doonaynaa In Dawlad La Sameeyo, Anaguna Rayaale La Shaqayn Mayno Haddii Aanu..” Faysal Cali Waraabe

Isra’il Oo Weerar Ku Dishay Hoggaamiye Ka Tirsan Xamaas

Liberia Oo Ay Heshiis Isla Gaadheen Dawladda Iyo Mucaaradku

30 Qof Oo Ku Dhintay Dagaallo Ka Dhacey Nigeria

Iftiinka Islaamka: Taariikhdii Umu Salama

Dhaqanka Wanaagsan Ee Islaamku Ina Farayo Ilaalintiisa

Warwar Aduun Iyo Wacdaro Jacayl

Werwer Laga Muujiyay Xaaladda Ciraaq Kadib Qaraxii Xarunta Qaramada Midoobay

Xulka Talyaaniga Oo Muddo 11 Sannadood Ah Markii U Horeysay Ka Badiyay Dalka Germany

Angola Oo Ku Guulaysatay Horyaalka Kubadda Kolayga Ee Qaaradda Afrika.

Xulalkii Afrika Oo Ku Hadhay Wareegii 1aad Ee Tartanka Koobka Qaramada Adduunka Ee Da`Doodu Ka Yar Tahay 17-Sannadood

Tartanka Ciyaaraha Fudud Ee Adduunka Beri Ka Furmi Doona Magaalada Paris


Jar Iska Xoorka Shirka Mbagathi Iyo Gefka Uu Ka Gelayo Jiritaanka Somaliland

Waxaa inagu soo fool leh arrin u baahan talo Qaran oo shacbiga laga turjumo, taas oo nuxurkeedu yahay xaqiijinta midha-dhalka Go,aankii Shacbiga S/Land ee May 1991dii magaalada Burco, taas oo ku imanaysa in Dalalka Safka hore ee IGAD, AU-da iyo caalamka kaleba loo bandhigo Dembiga “a crime” sida badheedhka ah hoggaaminta shirkaasi uga geleyso Dalka S/Land, waayo, shirku sida Guddoomiyihiisu marar badan ku celceliyey wuxuu abuurayaa caqabado ay ka dhalan doonaan dagaallo hor leh oo si xun loogu hoobto, weliba saamayn weyn ku yeesha Shucuubta Bariga Afrika.

Waxaa wax laga xanuunsado ah, haddeerna Shacbiga S/Land uu ka sii digayaa inay tahay Dembi Ummaddan laga gelayo “Tilmaanta aan hore u jirin ee shirka Imbigaati iyo hogaankiisu uu ku samaynayo xudduudda cusub ee ay yeelanayso Soomaaliya”. Markaas si aan dembigaas u qeexnana, waxaan dib ugu noonaynaa Dastuurkii Soomaaliya ee 16/12/1962dii waxa uu ka yidhi Jiritaanka iyo xudduudda S/Land iyo weliba Xudduudka Soomaaliyadii burburtay.

Dastuur-baaskaa oo Dawladdii Koofureed samaysatay, kana kooban 105 qodob oo aan midna lagu xusin S/Land, qaybtiisa gunaanadka oo ah “Trasitional and final provisions” wuxuu qirayaa oo keliya: Jiritaankii gobannimada ka hor ee dalka S/Land, iyo
In Jamhuuriyadda Soomaalidu ay ku dhismi doonto 1da July 1960ka “Kala saxeexashada heshiis ay labada dal (Somalia iyo Somaliland) ay ku midoobayaan, kaasna ay ku dhisan doonaan qaybaha Xukuumadda”.
Qiraalka qaybtaas qod. 1ad, faq.2ad waxay u qoran tahay sidatan: “Immediately after signing the Act of Union of the two Somali territories (Somalia and Somaliland), the new National Assembly must elect,…”.

Xagga Xuduudda Dastuurkaas ma qeexin midna sifooyinka loo asteeyo xuduud dal leeyahay, sida in lagu qeexo:

Isgoyska Digrii ee ay xadka dalkaa ka dhacaan LOOLALKA iyo DHIGAHA cabbir saaca ka bilawda Eber (0) ee Greenwhich-ka.

Isugeynta Guud ee cabbirka laban-laaban ee Bedka dhulka Dalkaa oo Km2 ah.

Xuduudaha deriska la jaarka ah dalkaa oo lagu asteeyo Jahooyinka Dabiiciga ah-Bari, Waqooyi, Koofur iyo Galbeed.

Haddaba, Dastuurkaasi wuxuu xuduudka Soomaaliya u asteeyey sida hoos ugu qoran, qodobka 4ad, faqradaha 1ad, 2ad iyo 3ad. Magaca qodobka “Territory of the State”.

“ The National territory is sacred and inviolable”.

“ The territorial sovereignity shall extend to the Continental territory …”.

“ Any modification of the National territory must be Authorized by a law approved by 4/5 majority of the members of the National Assembly”.
Dastuurku wuxuu Xudduuda sidaas ugu asteeyey, waxaa lagu socdey fegraddii ahayd Soomaali-weyn oo waxaa la sugayey inay sida Somaliland indha-la,aan ay ku soo raacaan qaybihii kale ee weli Guneysiga ku sii hoos jirayey-sida Jabuuti, NFD iyo Kililka 5ad. Waxaanu taas ku xusay qodobka ( The Republic), faq.2ad, oo u qoran sidan: “…No part of the people nor any indivitual may claim sovereignity, …”.

Haddaba, qoraalladaa waxaan hoosta ka xarriiqayaa saddexda eray ee kala ah: “After the signing the Act…”, “…Continental territory…” iyo “ … Or Any individual may claim …”. Erayga hore wuxuu qiraal u yahay Jiritaanka dalka Somaliland ka hor 1dii July 1960kii. Erayga labaadna wuxuu qiraal u yahay marka lala akhriyo Go,aankii 1963dii Midawga Afrika ku caddeeyey in Xudduudda dalalku ahaadaan sidii Gumeysigu kaga tegey, in Somaliland ay leedahay Xuduud Caalamku aqoonsan yahay oo ah tii Boqortooyada Ingiriiska ka madaxbannaanaatay 26dii June 1960kii.

Erayga saddexaadna wuxuu qirayaa in qaybihii Soomaalida ee Gumeysiga ku hoos jirtey ay ka mid yihiin gudaha xadka Jahuuriyadda Soomaaliya, taas oo isku xuquuq iyo waajib ba ka dhigaysa S/Land iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Markaan inahaa xagga Sharciga ka taabto, waxaan u soo leexanayaa sida uu xaqaa,iqa uga fog yahay shirka Imbigaati iyo Safka hore ee IGAD-ba ee aanu u noqoneyn mid midha-dhala, balse sababa dagaallo Sokeeye oo si xun loogu hoobto, waayo:

Waxaynu og nahay Shirka ka socda Dalka Kenya ee Soomaalida burburtay xalka loogu raadinayo nuxurka uu leeyahay-gudaha iyo aragtida caalamka kale ba.

Waxaynu dareemeynaa walaw ka qaybgalkiisa laynaga reebay, haddana, shuruudaha ay la yimaadeen Cabdiqaasim iyo kooxo kale si ay u carqaladeeyaan ama raalligelintooda ay u khasabtay in la go'aansado in la inoo soo diro Wafdi ku socda Magaca IGAD, kaas oo ay is-hortaagtey Dawladda S/Land, inkasta oo haddana hoggaanka shirku aanu ka tanaasulin fegraddiisii.

Waxaynu maqalnay Dastuurka daraafka ah ee shirka la soo hordhigay qaadashadiisa shirku inay fure u tahay dhammaystirka Ajendaha shirka, kaas oo Kooxaha sabab doonka ahi ay ku doodayaan inaan la ansixin ka hor ka soo qaybgalka shirka S/Land.

Waxaynu og nahay inay shirka wax ka wadaan dad u dhashay S/Land, oo ay hoggaaminta shirka iyo xubno caalamiyaba ku beer-laxawsanayaan fikirkooda danaystenimo in shirku tixgelin siiyo, walaw aan la aqoonsan wakiilnimadooda Reer S/Land, haddana saamayn weyn bay ku leeyihiin sababta la inoogu soo laba kacleeyey iyo tilmaanta samaynta xudduudda cusub ba.

Qodobadaa iyo kuwo kaleba marka dhinac layska dhigo, walaw aynu jawaabo kulkulul ka bixinay baaqyo hore oo ahaa “Ineynaan xubin ka ahayn shirar la inoogu yeedhay iyo haddallo xad-gudub inagu ahaaba, isla markaana aynu si adag u difaacnay soojeedimo Wafuud inoola timid inay inagu qanciyaan hadafkooda xubin ka ahaanta Dawlad-koofureed”.

Haddana intaas oo dhammi nasiib darro ma noqon mid u qudhqudhsanta cadawgeenna gudaha iyo dibadda.

Haddaba, waxaan talo ku soo jeedinayaa in aynu Nimanka ula leexano xagga Sharciyadda si aynu u tusno xaqdarrada ay ku socdaan ee ay xuduudo hadda la samaynayo inoo hoos gelinayaan. Sababtoo ah:

1991dii ka hor waxaynu ka mid ahayn Jamhuuriyaddii Burburtay ee Soomaaliya oo aynu ku biirnay 1960kii. Mar haddii aan ku biiristii lixdankiiba aan loo marin jidkii Dastuurkoodii tilmaamay oo aanu jirin wax heshiis ah oo kala saxeexday oo lagu midoobey, markaa in aynu ka go,naana ma noqonayso mid sharci darro ah?. Wafdiga iyo ciddii kale ee dani ka haysaba, waxaa laga rabaa caddaynta sharci darrada ay ahayd, taas oo keliya ayaa laynagu dooni karaa, si wada hadalkeena ay sal ugu noqoto.

S/Land waxay Xornimada ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska, waxaanay leedahay xudduuddii xornimada ay ku qaadatay ee Ururka Midawga Afrikina uu aqoonsaday 1963dii, sidoo kale Koofurtuna waxay xornimadeeda ay ka qaadatay Gumeysigii Talyaaniga. Labaa dal oo hadafkii xaqiijinta Soomaali-weyn dartii isugu darsaday ayeynu ahayn.

Markaa shirka Imbigaati iyo safka hore ee IGAD midna miyuu awood u leeyahay “Samaynta tilmaanta ay ku asteeyeen xuduud cusub oo Soomaaliya Caalamku u aqoonsado”, kaas oo Somaliland-na Xuduudkeedii caalamiga ahaa lagu tirtirayo?

Shirka Soomaaliya ee Kenya wuxuu socdey in ku dhaw toban bilood, S/Land-na xubin kamay ahayn. Markaa shirka gabagabada jooga ee agtayada ka socda, baahida hadda naloogu yeedhayaa ma qaab sandulleyn ah oo dunida ku cusubbaa?. Miyaanay meel kaga dhac ku ahayn Dimuqraadiyadda dunidu maanta dhismeheeda u heelan tahay?

Haddii Dalalka IGAD ay iska indha tiraan xaqaa,iqa arrinta S/Land u gaarka ah, tixgelinna ay siiyaan shaqsiyaad dano gaar ah leh oo cadaw ku ah S/Land Madaxbannaanideedii la soo noqotay. Markaa arrinta ay wadaan mustaqbalka dhaw marka ay ka dhashaan Dagaallo Sokeeye oo S/Land ay hadda ka soo kabanayso, sidee bay u aragkaan guul uu gaadho Shirka Kenya iyo hadafka ay IGAD ka leedahay dib u dhiska Soomaaliyadii burburtay?

Waxaan arrinta ku soo ururinayaa laba qodob: Waa ta hore e, haddaynu shalay noqonay CAMBAR xeeb laga helay, maanta Shacbigeenna iyo Golayaasha Qarankaba xil baa ka saaran inay u soo jeestaan difaaca dalka hooyo. Midda kale, arrintani culayska ay leedahay kuma filla ayaan qabaa jawaabo loo diro Shirka Imbigaati, balse waxay ila tahay in IGAD, AU iyo Caalamka kaleba la gaadhsiiyo Dembiyada Shirkaasi Dalka S/Land ka gelayo iyo in wixii ka dhasha ee xad-gudub ku ah Dalka Jamhuuriyadda S/land ay mas,uul ka noqon doonaan ciidda Maqaar-saar cucubta. Sababta oo ah, mustaqbalka cucubka halkaa ka soo baxa, oo caalamka taageero dhinacyo badan ka helaya, ayaa ku hawlgeli doona xudduudda cusub ee shirku u sameeyo dhaqangelinta mashruucan xal u helidda Soomaaliyada Koofurta ah, haddii xudduudda Soomaalida la hoos geeyo Soomaaliland-ta madaxbannaanida ku dhisanaysa dalkeeda. Waayo, barta dunuubta iyo faragelinta qaawan ku ah Dalka S/Land ee hoggaaminta shirku, waa samaynta xuduudda cusub ee lagu asteeyey sidan:

Waqooyi-galbeed, waxa ka xiga Jabuuti iyo Gacanka Cadmeed.
Galbeed, waxaa ka xiga Fedraalka Ethiopia.
Koofur-galbeed, waxaa ka xiga Gobolka Waqooyi bari Kenya.
Koofur, waxaa ka xiga Badweynta Hindiya.
Waqooyi-bari waxaa ka xiga Badda Cas.
Waa marka labaade, markaan dhinac walba ka oddoroso shirka iyo siday wax uga socdaan, waxay natiijadiisu ku soo ururaysaa aragtidayda (mooji si waxqabadku noqone) in la dhiso:-
Hay'adda Ilaalinta Shaciga.
Hay'adda Hub-ka-dhigista, iyo
Dawlad maqaarsaar ah oo wadata-Madaxweyne, Raiisal Wasaare iyo G/Baarlamaan.

Labada Hay'adood ee hore, waxay haystaan madaxbannaani xaddidan, waxaanay kaashanayaan Awoodda madax-dhaqameedka Beelaha iyo Ciidamo iskudhaf ah. Dawladda maqaarsaarka ahina waxay Goboillada u kala diraysaa Xubnaha Golaheeda Baarlamaan.

Haddaba, arrimahaas oo dhan wixii looga gaashaaman lahaa iyo iska moosiddooda waa xil Golayaasha Qaranka iyo dareenka Muwaadinka S/Land-ba ka sugaya tallaabada ku aaddan waqtiga dhaw.

Ilaahay baa mahad leh.

Md.Xuseen Aw Diiriye Maxamed.

Xubin Golaha Dhexe UDUB.

Top


Wiilasha Ilma-Samatar Oo Si Xag Jirta U Cambaareeyay Qadiyadda Madax- Bannaanida Somaliland

Hargeysa (Haatuf): Labada nin ee walaalaha ah ee la kala yidhaahdo Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cabdi Ismaaciil Samatar, ayaa si ba’an u dhaleeceeyay warbixintii ay soo saartay Guddiga Kahortagga Aafooyinka (ICG) ay kasoo saareen Somaliland bishii tagtay oo ay kaga hadlayeen horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinaca dimuqraadiyadda sanadihii u dambeeyay.

Labada nin waxay si gaar ah ugu jeediyeen dhaleecayntooda qodobada ka hadlaya ee taabanaya sidii ay Somaliland bulshada caalamku ugu fidin lahayd kaalmooyin iyo aqoonsi degdeg ah, waxaanay qoraalada dhaleecayntooda ah ku faafiyeen Bogga Internet-ka oo ay leeyihiin mid ka mid ah kooxaha Somaliya. Dhalleecayntoodu waxa kaloo ka muuqata iyagoo isku dayay inay khaladaad iyo sawir xun ka bixiyaan dhinaca taariikhda, gaar ahaana sidii uu ku yimid midowgii Somaliland iyo somaliya 1, July, 1960-kii, iyagoo sheegay in dadka reer waqooyiga ah 52% keli ahi ay kasoo horjeesteen markii codbixinta loo qaaday midnimadii labadii gobol ee waqooyi iyo koonfur, balse waxay taariikhdu si cad u muujinaysaa in aqlabiyadda dadka reer waqooyiga ah oo ka badan 56% ay diideen midnimadaasi markii codbixinta loo qaaday 1961-kii.

Waxa kaloo ay labadaa nin ee walaalaha ahi waxaan buurnayn kasoo qaadeen dooda reer waqooyiga ee ah in koonfurtu ay dhammaanba qaateen xilalkii muhiimka ahaa markii la midoobay iyo dawladihii ka dambeeyayba, waxaanay dhaleecayn dusha uga tureen Guddiga kahortaga Aafooyinka oo ay ku tilmaameen mid aan xaqiiqada ku salaysnayn qodobada ay soo jeediyeen, waxa kaloo ay dooda ku dareen in dadka Isaaqa ahi ay in ka badan sida dadka kale u taageereen nidaamkii Siyaad Barre, iyagoo soo qaatay shakhsiyaad ay ka mid yihiin Ismaaciil Cali Abokor, Cumar Carte Qaalib, Axmed Xasan, Axmed Siilaanyo oo ay dhammaantoodba sheegeena inay kasoo qayb qaateen xukuumadii Siyaad Barre, taasoo ay meesha kaga saareen in Hartiga iyo Gadab-buursigu ay aad u taageereen taliskii Siyaad Barre oo ay difaac uga dhigteen, waxaanay intaa ku dareen in marnaba aanay dadka reer waqooyiga ahi dhibaato kala kulmin xukuumadihii ka talinayay Muqdisho.

Labadaa nin ee walaalaha ahi iyagoo hadalkooda sii wata waxay ku doodeen in warbixinta Guddiga caalamiga ahi uu meel ka dhac ku yahay halgankii Sayd Maxamed Cabdulle Xasan oo ay ku tilmaameen gabayaagii ugu weynaa iyo aabihii qoomiyadda Soomaliyeed.

Mar ay ka hadlayeen ururkii SNM waxay ku tilmaameen inuu ahaa urur ka dhashay oo ku salaysnaa loolan qabyaaladeed oo inta badan laga horjoogsan jiray dadka aan Isaaqa ahayn inay ku biiraan.

Mar ay is barbar dhigayeen hogaamiyeyaasha reer Koonfureedka iyo reer waqooyiga waxay tusaale u soo qaateen C/risaaq X. Xuseen oo ay ku tilmaameen inuu ahaa nin ka nadiif ah musuq-maasuq iyo marxuum Cigaal oo ay dusha ka saareen inuu lunsaday hanti farabadan oo uu ka dhistay gurigiisa Villa Baydhabo.

Warbixin kale oo ay labada nin kasoo saareen shirka ka socda Nairobi, waxay Itoobiya ku eedeeyeen inay iyadu faragelin ku hayso shirka kooxaha somalida uga socda Kenya, waxaanay doonaysaa bay yidhaahdeen somaliya oo daciifa oo itaal daran oo ay iyadu ka awood badan tahay, Kenyana waxay ku eedeeyeen inay ka baxday dhexdhexaadnimadii oo ay la safatay dhinaca Itoobiya. Waxa kaloo ay Itobiya si gaar ah ugu eedeeyeen inay taageero dhinaca diblomaasiyadda ah siiso Somaliland.

Qoraalkan ay qoreen oo aad u dheer waxay kula dardaarmeen dawladaha Caalamka inaanay ictiraaf siinin Somaliland, waxaanay si gaar ah u taageereen Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha dalka Djibouti.
Waxaanu qoraalkoodani ku soo beegmay iyadoo uu meel cidhiidhi ah galay toddobaadkii dhowaa shirka kooxaha somalida uga socda Kenya oo ku dhowaaday in lagu kala yaaco.

Warbixinta ay dhaleeceeyeen ee Guddiga caalamiga ah waxaa ka mid ahaa qodobo ay ku dhiirigelinayeen in beesha caalamku ay garawsato xaqa ay Somaliland u leedahay in la ictiraafo.

Top


Miisaaniyadda 2003: Dakhliga Ka Soo Hoyday Ilaha Dhaqaalaha, Mad-Madowga Kiishada Dawladda, Su’aalaha Badyaalka Ah

Hargeysa (Haatuf) – In ka badan 54 bilyan oo shillin Somaliland ah, ayaa dakhli ahaan u soo baxay sannad-badhkii ina dhaafay (January-June), taasina waxay qayb ka tahay miisaaniyaddii loo qorsheeyay sannadka 2003 ee ay soo dejiyeen Maamulayaasha wasaarada Maaliyaddu, Golaha Wakiilladuna ansixiyeen.

Waxa kale oo intaa dheer lacag hadhaa ku ahayd Khasnadda dawladda oo xaddigeedu ahaa 850,684,159 Sh. Sl (Sideed boqol iyo konton milyan, lix boqol iyo afar iyo sideetan, boqol iyo sagaal iyo konton shillin Somaliland ah). Sidaa darteed marka la isku darro dakhligii soo baxay lixdii bilood ee Janaweri – Juun 2003 iyo hadhaagii 2002, waxay xaddiga lacagta kiishadda dawladda ku jirta ka dhigaysaa in ka badan 55 bilyan oo shillin, iyadoo ilaa lix meelood loo qoondeeyay inuu dakhliga miisaaniyaddu ka soo hoydo. Meelahaas oo kala ah, kastamada, cashuuraha beriga, boosaha, duulista hawada, dekedda Berbera iyo wasaaradaha kale ee dawladda.

Dakhliga soo hoyday lixdii bilood ee January – June, waxa uu dhan yahay 54,216,696,654 SH.SL iyo 850,684,159 SH. SL oo hadhaa ku ahaa khasnadda dawladda, laakiin ku talo-galka kharashka ee lix-biloodkii January – June, waxa uu ahaa 50,843,533,324 SH. SL, iyadoo uu ku talo-galka miisaaniyadda ee 12-kii bilood ee 2003 ahaa in ka badan 101 bilyan oo shillin, sidaa darteed marka la is barbar dhigo dakhliga kiishadda dawladda soo galay iyo ku talo-galkii kharashka (January – June) waxa soo baxay dakhli dheeri ah (surplus) oo xaddigiisu yahay in ku dhow shan bilyan (4,923,847,489 SH. SL).

Hase yeeshee, iyadoo uu dakhli dheeraad ahi soo baxay ayaanu shaqaalaha dawladdu ilaa hadda qaadan mushaharkii bishii Juun ee la soo dhaafay, iyadoo wakhtigan xaadirka ah lagu gudo jiro dabayaaqada August.

Sidoo kale, waxa ku talo-galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2003 ku jiray inay dakhli ahaan u soo baxdo lacag adag oo doollar ahi, waxayna lacagta la qoondooyay lixdii bilood ee January – June ahayd $1,762,479 US Doollar (Hal milyan, toddoba boqol iyo laba iyo lixdan kun, afar boqol iyo sagaal iyo toddobaatan doollar), laakiin waxa lixdii bilood ee January – June dakhli ahaan u soo xerooday 2,206,116 US Dollar (Laba milyan, laba boqol iyo lix kun, boqol iyo lix iyo toban doollar).

Sidaa awgeed, waxa soo baxay lacag adag oo ka badan intii ku talo-galku ahaa, wuxuuna dheeriga soo baxay noqday $443,637 US Dollar (Afar boqol iyo saddex iyo afartan kun, lix boqol iyo toddoba iyo soddon doollar).

Lacagta adag ee doollarka ah 200,000 US Doollar (Laba boqol oo kun oo doollar) oo ka mid ah dakhliga doollarka ah, waa ganaax laga qaaday markabkii Lughaya ku soo caaryay. Lacagtaa adag waxa loogu talo-galay in lagu daboolo kharashaadka raashinka ciidamada iyo safaaradaha dibadda, iyadoo raashinka ciidamada iyo kharashaadka safaaradaha dibadda lixdii bilood ee January – June Miisaaniyadda looga qorsheeyay kharash dhan $1,762,479 US Dollar (Hal milyan, toddoba boqol iyo laba iyo lixdan kun iyo afar boqol iyo sagaal iyo toddobaatan doollaar, laakiin iyadoo uu dakhliga lacagta adag ee soo baxay ka badan yahay intii loogu talo-galay, haddana sida ay xaqiijiyeen warar xog-ogaal ahi wax laba bilood ka yar ayaa lixdaa bilood laga bixiyay daynta ganacsatada ciidamada raashinka siisa, inta kale way leeyihiin. Sidoo kalena safaaradaha waxba looma taagin.

Ta kale kharashaadkii hawl-maalmeedka ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ugu jiray miisaaniyadda oo ay inta badan masuuliyiinta dawladdu biil ahaan uga sii qaataan meheradaha waaweyn, iyagana waxay wararku tibaaxeen inaan dayntii la bixin, sida; Shidaallada, isteeshineriga, iwm, waxayna waxyaalahaa foojaradoodu dhooban yihiin xafiiska xisaabaadka dawlada oo ay meelna uga gudbi la’ yihiin.

Sidoo kale daymankii hore ee lagu soo daray shaxda miisaaniyadda 2003 oo uu qorshuhu ahaa in la bixiyo, ilaa hadda waxba lagama bixin sida ay xoguhu tibaaxeen.

Waxa kale oo jirta mad-madow badan oo ka muuqda sanduuqa (Account) lambarkiisu yahay 157 oo markii lagu magacaabay sanduuqa kabka dawladaha, laakiin markii dambe loo duway guddiga doorashooyinka.
Tusaale ahaan, Sanduuqa 157, waxa 11-kii February 2003 laga saaray saddex bilyan oo Shillin Somaliland ah (3,000,000,000 Sh.Sl). Waxa kale oo aanay Madaxda Wasaaradu ilaa hadda sharax ka bixin ama ka jawaabin meesha ay martay lacag xaddigeedu yahay 19-bilyan Shillin Somaliland ah oo ahayd dheeri (Surplus) ku ahayd miisaaniyaddii 2002, lacagtaas oo ay maamulayaasha wasaarada Maaliyaddu buugooda miisaaniyadda 2003 ku caddeeyeen in ay ku wareejiyeen Baanka Somaliland.

Waxa kale oo ay iyadana su’aali ka taagan tahay lacagihii la soo kala daabacay sannadihii 1999-kii iyo 2002 oo qaybta dambe khasnadda ku soo dhacday March 2003, laakiin lacagaha cusub oo xaddigoodu ahaa balaayiin shillin, ayna ahayd in ay noqoto hanti baanka u taal (capital of bank), waxay warar xog-ogaal ahi tibaaxeen in ay kala yaacday, balse lama garanayo waxa iyo meesha lagu kharash-gareeyay.

Meelaha loo qorsheeyay inuu dakhliga miisaaniyadda 2003 ka soo baxo, waxa ka mid ah; dekedda Berbera oo laga sugayay hal milyan oo Shillin Somaliland ah, laakiin ilaa hadda shan boqol oo kun oo laga filayay lixdii bilood ee January – June kama soo xeroon, sidaana waxa xaqiijinaya xoggo aanu hayno.

Inkasta oo lixdii bilood ee January – June 2003 uu iska dhaaf dakhligii lagu talo-galay ee uu soo baxay in ku dhow Shan Bilyan oo dheeri ah, haddana waxay isweydiintu tahay maxaa loo bixin waayay mushaharooyinka shaqaalaha iyo daymanka bad-yaalka ah, iyadoo ay wararka qaarkood tibaaxeen in ay xafiiska Madaxtooyadda dhextaalo ama dhex timi su’aal la xidhiidha halka uu maray dakhligii soo baxay, laakiin wasiirka Maaliyadda oo ah masuulka ugu sareeya ee maamula ama gacanta ku haya dhaqaalaha dalka, ayaa looga fadhiyaa inuu sharax ka bixiyo mad-madowga badan ee aynu kor ku xusnay iyo inuu si fiican diirka uga qaado mad-madowga iyo wis-wiska ka buuxa dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda, Xuseen Cali Ducaale (Cawil Ambassador) oo xilka la wareegay June 2003, waxa markii uu xilka la wareegay lagu wareejiyay xisaab-xidhkii January – April, isla markaana waxa war-bixinta lagu siiyay in ay khasnadda ku jiraan ilaa lix bilyan oo dakhli dheeri ah, laakiin haddana lama bixin xiligaa mushaharka shaqaalaha ee bisha April.

Sida ay xoguhu farta ku fiiqayaan in la isweydiinayo halka uu khasnadda ka dhaafay dakhligii soo xerooday, laakiin Wasiirka Maaliyadda ayaynu marka hore ka sugaynaa tafaasiisha, iyadoo ay diiwaanka kaydka qoraalka ku sajallan tahay weedhihii Cawil Ambassaor uu kaga tiraabay munaasibaddii uu xilka kula wareegay, isaga oo yidhi: “Ninka hantida ummadda cunna, qoorta ayaan jarayaa.”

Top


“Marka Aanu Mulkiyad Sharci Ah Soo Bandhigno Ee Aanu Nidhaahno Qofkaasi Dhulka Ma Leh Ayaa La Odhanayaa Waxay Sameeyeen Foojari,” Isu-Duwaha Beeraha Burco

Burco (Haatuf) – In ku dhow afar kub oo beerood ayaa xafiiska wasaaradda beeraha ee gobolka Togdheer ka diiwaan-gashan, kuwaas oo isugu jira nooca loo yaqaan beer-roobaadka iyo nooca kale ee loo yaqaan beer-biyood, sidaana waxa sheegay isuduwaha wasaaradda beeraha Burco, Maxamed Cabdi Maxamuud (Guray), isaga oo magaalada Burco ugu waramaya A. Ducaale oo Haatuf ka tirsan oo bishii hore booqday magaalada Burco, taas oo uu wax ka waydiiyey xaaladda beeraha iyo bal waxa uu manaafacaadkoodu yahay, wuxuuna ka diyaariyey warbixintan:

“Goor subax ah ayaan Isuduwaha wasaaradda beeraha Burco, Maxamed Cabdi Maxamud (Guray) kula kulmay xafiiskiisa, iyadoo weheliyo kuxigeenkiisa, Maxamed Cabdi Cismaan, waxa uu sheegay inay jiraan 18 iskaashato oo beeralay ah, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin beeraleyda heer qaran, sidoo kale waxa uu yidhi “Waxa jira 96 urur oo beeralay ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin 17 urur oo ah dagaalyahankii hubka laga dhigay ee uu jideeyey axdi qarameedkii, waxayna leeyihiin dhul-beeroodyo”. Laakiin 3735 beerood oo uu isuduwuhu ii sheegay inay yihiin beero jira oo la aqoonsan yahay, kuwaas oo ku kala yaal degmooyinka gobolku ka kooban yahay.

Inta badan beerahaasi wax soo saarkoodu waa liitaa ama wax soo saarba ma laha, waxaana intooda badan duruufo, sida biyo la’aan iyo qalab la’aan, iyadoo aanay beeraha qaarkood magac mooyaane manfac soo saarin, laakiin dad badan ayaa dedaal sameeyey oo beerahooda ka dhex-qotay riigag biyaha soo saara, sidaa awgeed ay beerahooda midho ka soo baxaan. “Magaalada Burco ilaa 27 qof ayaa mid waliba beertiisa ka dhex-qotay riig biyaha soo saara, ka dibna beertoodu wax soo saar leedahay, iyadoo ay qodista ceelashaasi ugu kaceen inta u dhaxaysa 27000---47000 Dolar, isla markaana aanay cidina ka caawin”ayuu yidhi isuduwuhu, isaga oo intaa ku daray “Waxa jira ceel-gacmeeddo magaalada Burco ah gudaheeda ah oo beeraha lagu waraabiyo, kuwaas oo ay dadku qoteen”.

Marka la eego beeraha loo yaqaan beer-roobaadka intooda badan waxa Awdan kinaaladii biyaha u keeni jiray, taasina waxay ka dhigtay meelo aanay biyo soo gelin, iyadoo ay kinaaladaa ciidi xidhay, wuxuuna isuduwuhu ii sheegay ilaa 94 kinaal oo ku kala yaal Oodweyne, Burco iyo tuulada Beer, kuwaas oo ay qaarna ciidi xidhay, qaarna Gabyankii ka burburay. “Markaa waxay u baahan yihiin in dib u dhis lagu sameeyo oo dhoobo-qaad iyo dib udhis dhinaca gabyanka ah lagu sameeyo”ayuu yidhi Isuduwaha beeraha Burco. Laakiin mar aan waydiiyey inay wax caawimo ama wax qabad ah u geysteen beeralayda ay duruufuhu haystaan waxa uu yidhi “Shirar badan oo is-daba joog ah ayaanu kaga hadallay sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka beeraha, waxaanuna wadnaa dhaqdhaqaaqyo la xidhiidha sidii loo caawin lahaa beeralayda”, laakiin waxa uu intaa ku daray “Ma jirto hayad samal caalami ah oo qaabilsan ama ka shaqaysa dhinaca beeraha gobolka Togdheer, balse hayadda DRC ayaa siminaaro iyo qalab ugu deeqday dadka beeralayda ah, taasna waanu uga mahad naqaynaa, anaga hayadaha samafalka caalamiga ah ugu baaqaynaa inay beeralayda gobolka gacan siiyaan si uu wax soo saarkoodu u kobco”. Laakiin waxaan waydiiyey bal waxa ay iyagu wasaarad ahaan beeralayda u qabtaan ama u qaabilsan yihiin, wuxuuna yidhi “Anaga hawshayadu waa adeeg oo waxaanu u shaqaynaa dadka beeralayda ah, sida dhiirigelinta, talooyin aanu siino iyo baahiyahooda oo aanu ogaano, ka dibna aanu gud-bino”.

Waxa jirta warar ay dadku isla dhexmaraan oo odhanaya beerahaa tirada badan ee la sheegayaa intooda badan waa xidhmooyin dhulka lagu ceshiimaynayo ee ma aha beero wax soo saar leh, laakiin isuduwaha beeraha ayaa taa waydiiyey wuxuuna ku jawaabay “Beeraha gobolka marka laba meelood loo qaybiyo meel baa wax soo saarta oo hawl-gal ah”.

Marka waxyaalahaa laga yimaaddo dhul-beereedka Togdheer waxa uu saami libaax ka yahay muranka dhinaca dhulka ee halkaa ka oogma, isla markaana dadka qaar waxay xafiiska beeraha Burco ku eedeeyaan inuu qayb ka qaato muranka dhulka, iyaga oo taa ku sababaynaya inay sameeyaan mulkiyado been abuur ah, laakiin isuduwaha oo aan taa waydiiyey ayaa yidhi “Masalan waxa jira ilaa 88 beerood ayaa la isku qabsaday, kuwaas oo dhawr iyo soddon ka mid ah xukun ka dhacay oo dadkii lahaa gacanta u galay, inta kalena weli dacwadoodu waa taagan tahay, beerahaasina waa kuwo mulkiyado leh oo ay haysato cid aan lahayn oo doonaysa inay boobto, dhul beereedadaasna waa kuwo ay dadkii lahaa dhinteen ama maqan yihiin oo la qabsaday 1991-kii iyo wixii ka dambeeyey, sidaa darteed marka aanu nidhaahno qofkaasi dhulka ma laha, isla markaana aanu soo bandhigno mulkiyaddii sharciga ahayd ayaa la odhanayaa waxay sameeyeen foojari, laakiin anagu foojariga ma samayno ee waanu la dirirnaa, iminkana waxaanu haynaa ilaa 20 mulkiyadood oo foojari ah oo aanu qabanay”ayuu yidhi, laakiin mar aan waydiiyey sida ay u heleen mulkiyadaha foojariga ah ee uu sheegay inay qabqabteen waxa uu yidhi “Waxaanu haynaa mulkiyadihii sharciga ahaa ee beeraha, ka dibna waxaanu soo bandhignaa mulkiyadda sharciga ah, waayo mulkiyadda sharciga ah iyo mulkiyadda foojariga ahi isuma eka, dabadeedna marka aanu mulkiyadda sharciga ah soo bandhigno ayey mulkiyadda foojariga ahi fashilantaa.”

Mar aan xafiiska booqday waxaan arkay buug duug ah oo ay ku qoran yihiin liisas beeraha gobolka Togdheer iyo sidoo kale faylal iyo shahaadooyin iyaguna duug ah oo ay leeyihiin beeralaydu, laakiin ninka la yidhaahdo Ibraahin X. Yuusuf Warsame oo ilaa 1976-kii ka mid ahaa shaqaalaha wasaaradda beeraha ayaa bad-baadiyey dhukmantiskaa, sidaa darteed Ibraahin mar aan waydiiyey sida ay ugu suurtagashay inuu dhukmantiskaa xafido waxa uu yidhi “ markii uu dagaalku dhacay sannadkii 1988-kii ee dalka laga qaxay dhukmantiskii beeraha ee xafiiska yaalay maqsinka sunta beeraha oo aanay ciddi geli jirin ayaan ku ururiyey, halkaas ayaana ku xafiday, dabadeedna markii wadanka la soo galay waxaan dhukmentiskii ku wareejiyey madaxda wasaaradda beeraha oo gobolka”. Laakiin inkasta oo la hayo dhukmentisyo rasmi ah, hadana taasi kama bad-baadiso beeraha gobolka Togdheer muranka dhulka, waxaana jira dhulal badan oo ka mid ah dhul beereedada oo uu muran xoog lihi ka aloosmo, taas oo eedeeda wax looga tiriyo madaxda beeraha, iyadoo marka uu mruan iyo isqabsi yimaado ay arintu saamayso hayadaha kale ee dawladda, gaar ahaan dawladda hoose oo arinta soo gasha, gaar ahaan marka ay dhacdo in meel dhul beereed ahayd loo bedelo balaadho daaro laga dhisayo, laakiin taa way iska leexiyeen, waxayna madaxda beeraha Burco sheegeen in asbaabta muranka ay keenaan dadka samaysta mulkiyadaha foojariga ah.

Maxamuud Xasan X. Muuse oo ka mid ah dadka beeraha leh ayaan isna dhiniciisa waydiiyey sida uu u arko muranka mararka iyo isqabsiga qaarkood soo food saara dhulka beeraha waxa uu yidhi “Horta anigu waxaan odhan lahaa meeshii dhul beereed ah ee la doonayo in la bedelo ama la isku qabsado waa in laga talo geliyo oo wax laga waydiiyo madaxda beeraha si aanu muran u imman, ta kale waxaan ku talin lahaa qofka ay cadaato inuu dhul aanu lahayn iska qabsaday waa in sharciga lagu ciqaabo oo aan la iska sii dayn, waayo hadii la iska dii daayo, beriton dhul kale oo aanu lahayn ayuu qabsanayaa”.

Top


Burco: Xiisadda Ka Aloosan Gabadha Boqorrada U Sharaxan Iyo Wararkii U Dambeeyay

Burco (Haatuf) – “Waxa ayaamahan dambe soo baxaysay gabadh ka soo jeedda beesha bariga Burco oo tidhi, waxaan u sharaxanahay Boqorrad, laakiin waxaan u sheegayaa ummadda reer Somaliland iyo dawladdaba inaanaan ogolayn arrintaa.” Sidaa waxa yidhi Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Burco, isaga oo ka hadlay gabadh reer Burco ah oo sheegtay in ay Boqorrad u sharaxan tahay, laakiin arrintaasi waxay keentay sawaxan xoog leh iyo buuq lagu diidan yahay arrintaa.

Gabadhan oo la sheegay in magaceedu yahay Aamino Yuusuf Caaqil-yare, waxay dhalasho ahaan ka soo jeeddaa qabiilka Cibraanka oo ka mid ah beelaha reer Burco, ilaa hadda si rasmi ah daboolka loogama qaadin is-sharaxaadeeda, laakiin markii u horeysay ee hadal-haynta arrintaasi suuqa soo gasho oo ahayd dabayaaqadii toddobaadkan, waxa markiiba jawaab kulul oo diidmo ah ka bixiyay hogaamiyeyaasha beesha ay ka soo jeedo, waxayna bayaan ay soo saareen Salaasadii dorraad tii ka horeysay 55 xubnood oo beeshaas ahi u sheegeen inaanay boqornimada gabadhaa marnaba aqbalayn.

Sidoo kale rag ilaa 35 xubnood ah oo isugu jira Cuqaal iyo Waxgarad kale oo ka soo kala jeeda qabiillada beesha bariga Burco (H/Jeclo), ayaa Arbacadii dorraad qoraal ay arrinta gabadhaa ku diidan yihiin u gudbiyay Badhasaabka Burco, iyaga oo qoraalkooda ku sheegay in ay ka digayaan arrintaa, laakiin waxa uu qoraalkoodu u dhignaa sidan:

“Haddii aanu nahay beelaha H/jeclo, waxaanu u sheegaynaa xukuumadda Somaliland iyo dhammaan beelaha Somaliland in ay jirto gabadh beesha ah oo isku magacaabaysa in ay isu sharaxayso boqorrad-nimo, taas oo ah arrin aanay ogolayn diinta Islaamka, isla markaana aanu ogolayn distoorka Somaliland. Sidoo kale arrinkaasi waxa uu ku yahay dhaqanka Soomaalida ceeb weyn, markaa arrinkaasi waa wax dhimaale weyn oo diimeed, dhaqan iyo weliba dhimaale qaran. Sidaa awgeed, gabadhaasi ma aha boqorrad, mana noqon karto sinaba, arrinkaasina ma aha mid dhici kara,” ayay qoraalkooda ku soo xidheen xubnaha bayaankan soo saaray, laakiin Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, ayaa shalay shir-jaraa’id oo uu arrinta gabadhaa kaga hadlayo qabtay, wuxuuna yidhi, “Ayaamahan dambe, waxa soo bax-baxayay gabadh ka soo jeedda Beesha oo tidhi, waxaan u sharraxanahay Boqorrad. Laakiin arrintaasi waa arrin aan diin ahaan iyo dhaqan ahaan wanaagsannayn, waxayna keeni kartaa qallaanqal, markaa waxaan u sheegayaa dhammaan ummadda reer Somaliland iyo dawladdaba inaanaan ogolayn arrintaas boqorrada, waana arrin aanu isku mawqif ka taagannahay haddii aanu nahay beesha bariga Burco. Dhinaca kalena, waxaanu arrintaa u aragnaa in la macno tirayo Suldannada, taas oo ah arrin aan hore loo arag, iyadoo aan Suldannadaha beelaha reer Somaliland u malaynayo in ay qaarkood gaadhayaan ilaa 28 oday,” ayuu yidhi Suldaan Maxamuud, wuxuuna intaa ku daray in haddii aan arrintaa wax laga qaban ay keeni karto ceeb weyn.

“Arrintaasi, waxay keenaysaa burbur bulsho oo dhammaanteen ina sameeya iyoi waxyaalo aan la saadaalin karin,” ayuu yidhi Suldaanku, laakiin isaga oo tilmaamaya waxa ay arrintan oo kale shareecadda Islaamku ka qabto, wuxuu yidhi; “Anigu sharci ahaan, waxaan qabaa in aanay arrintani sharciga ku bannaanayn, waayo, bahasha Boqornimadu waxay ka soo jeedaa Boqortooyooyinkii Islaamka, ninka dawladdaa haystana waxa la odhan jiray boqor, laakiin markii ay hoos u dhacday ayay isu bedeshay qabiil, tanina waxay ku sii noqonaysaa sharaf-dhac.”

Waxa jira warar la isla dhexmarayo oo ay dadka qaar tuhunsan yihiin inay gabadhan cid beesha ay ka soo jeedo ka baxsani ka dambayso ama dabada ka wado, laakiin diirka lagama qaadin ciddaa, sidaa darteed Suldaan Maxamuud Guuleed, isaga oo tuhunka caynkaas ah farta ku fiiqaya, wuxuu yidhi; “Walow, aanan anigu hubin, haddana wararka la isla dhexmarayay ama ka imanaya qoyskeedu, waxay sheegayaan inay hawshan ku lug leeyihiin dad aynu kala diin nahay, walow aanan odhanayn ciddaas ayaa ku lug leh, balse xaqiiqdeedu way iska soo bixi.”

Suldaan Maxamuud Guuleed, isaga oo ka hadlaya maqaamka ay haweenku dhinaca diinta Islaamka ka joogaan, wuxuu yidhi; “Marka xaga Dumarka la eego xagga Illaahay ma aha in ay ragga ka liitaan, waayo, Illaahay wuxuu yidhi dumarku waa kuwo ragga laga soo jeexay, Illaahay agtiisana dadku waa siman yahay, laakiin Illaahay ma simin xagga maskaxda iyo xagga jidhkaba, markaa waxaan xukuumadda si aad iyo aad ah ugu sheegayaa inay arrimahaas ka feejignaato oo ay dadka diintiisa iyo dhaqankiisa ilaaliso.”

Suldaanka mar ay weriyayaashu weydiiyeen su’aal ahayd; gabadhu ma hadda ayay sharraxan tahay, mise wayba is caleemo-saartay? Waxa uu ku jawaabay; “Wararka inta aan hayo way isa soo sharraxday, waxayna imika ku hawlan tahay sidii ay isu caleemo-saari lahayd.”

Sidoo kale Suldaanka waxa la weydiiyay su’aal ahayd, maxaad ku caddeynaysaa in ay cid kale ka dambayso? Wuxuuna ku jawaabay; “Waxaa wax walba nagaga filan, iyadoo gabadhu arrintan ku kacday, kuna dhiiratay, iyadoo cidna wax talo ah ka weydiin.”

Suldaanka waxa kale oo la weydiiyay su’aal kale oo ah: ma laga yaabaa iyadoo aad go’aamo ka soo saarteen in ay hawsheeda sii wadato oo ay is caleemo-saarto, markaa maxaad ka yeelaysaan? Wuxuuna yidhi: “Markay annaga na joogto, waanagaa sheegnay inaanaan aqoonsanayn, aqoonsanna doonin, ummadda Somaliland iyo xukuumaddana waanu ogeysiinay, dhinaca kalena waxaa shir ay shalay (Arbacadii dorraad) yeesheen baaq ay ku diidan yihiin soo saaray 35 xubnood oo isugu jira Cuqaal iyo Waxgarad ka tirsan beelaha Habar Jeclo.”

Gabadhan oo aanu iyana dhinaceeda la xidhiidhnay, waxay sheegtay in ay u sharraxan tahay Boqorrad Haweenka Somaliland ah, iyadoo tidhi:

“Anigu ma ihi Boqorrad Beeleed ee waxaan ahay Boqorrada Haweenka Somaliland, dadka yaacyaacaya iyo waxan la wadana ma garanayo.”
Sidoo kale, mar la weydiiyay goorta ay is caleemo-saarayso, waxay sheegtay in aanay hadda cayimayn wakhtiga kama dambaysta ah ee la caleemo-saarayo.

Laakiin Suldaan Maxamuud Guuleed oo ay weriyayaashu weydiiyeen hadalka ay gabadhaasi sheegtay ee ah in aanay ahayn boqorrad beeleed ee ay u sharraxan tahay boqornimo haweenka Somaliland ah, wuxuu ku jawaabay, “Taas way sheegan kartaa, balse anigu ma maqlin ee waxaan maqlay in ay tidhi, waxaan boqor u noqonayaa ragga iyio haweenka qayb ka mid ah, boqorna shacab ayuu madax u yahay, markaa taasi waxay caddeynaysaa in meesha khalad ku jiro.”

Arinta gabadhani waxa uu dhawrkii maalmood ee u dambeeyey noqday mawduuc xarakaadkiisa laga dareemay magaalada Burco, gaar ahaan suuqyada bariga, waxaana maalmaha qaarkood dhacay waxoogaayo goolaaftan ah oo ay ku kaceen dadka ka soo horjeeda ee beesheeda iyo kooxo iyada taageersan, inkasta oo ay wararka qaar leeyihiin dadka taageersan ee beesheeda ahi ma aha wax sidaa u sii buurran.

Top


“Dawladdani Ina Anfici Mayso Ee Waxaanu Doonaynaa In Dawlad La Sameeyo, Anaguna Rayaale La Shaqayn Mayno Haddii Aanu..” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Haatuf) – Xisbiga Siyaasiga ah ee UCID, ayaa shalay xaflad ballaadhan ku qabtay fagaaraha Kheyriyadda Hargeysa, halkaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweynaha reer Hargeysa ka tirsani.

Xafladaas oo loo sameeyay sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay Markii xisbiga UCID la aasaasay, waxa khudbado ka jeediyay xubno ka tirsan hogaamiyayaasha iyo hawl-wadeenada xisbiga UCID, waxaana raggii halkaa ka hadlay ka mid ahaa; Maxamed C/laahi Uur-cadde oo ka tirsan golaha degaanka Hargeysa iyo Naasir X. Cali Shire oo ah Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Qaaradda Yurub, iyo Gudoomiyaha xisbiga UCID ee gobolka Hargeysa, Mr. Cawaale. Laakiin waxaa isaguna halkaa ka hadlay oo khudbad dheer oo aad u kulul ka jeediyay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, wuxuuna Faysal ka hadlay dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin; ujeedadii ururkiisa loo sameeyay, murankii doorashada ee UDUB iyo KULMIYE dhexmaray, Xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo sida uu u arko, iyo arrimo kale oo la xidhiidha guud ahaan xaaladda dalka, isaga oo si weyn u weeraray siyaasadaha hogaamineed iyo maamul ee xukuumadda Madaxweyne Rayaale, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa; “Markii Rayaale la dhaariyay, 11 jeer ayaan u tegay oo aan u sheegay wixii nasteexo ah iyo sidii uu wadanka u wadi lahaa, laakiin markii aanu aragnay inuu taladii ka leexday oo aanu ixtiraamin, ilayn bina aadamka qawl ayaa xidhee, waxa adduunka oo dhan ku yidhi ‘dawlad tiro yar oo tayo leh ayaan samaynayaa’, balse wixii uu sameeyay annagu sheegi maynee xilligaa sheegi doona. Haddana waxaan isu keenay saddexdii xisbi, kuwaas oo qoraalo ka soo saaray wadanka.”

Faysal waxa kale oo uu sheegay in aanay dawladda jirtaa dalka anfacayn, isaga oo yidhi, “Waxaanu doonaynaa in aad gacan ka geysataan, dawladdani ina anfici mayso oo waa dawladdii Shiinaha ee ma aha tii Somaliland, markaa in dawlad la sameeyo ayaanu doonaynaa, annagu la shaqayn mayno Rayaale haddii aanu dawladda beddelin, isla markaana waxyaalo badan ayaa ku dhici doona haddii aanu talada yeelin, annagu digniin ayaanu taa u siinaynaa. Ta kale, waxaynu u baahan nahay in aynu Baarlamaanka beddelno oo aynu samaysano Baarlamaan shacbiga metela oo aan hungurigiisa ka hadlin ee danta shacbiga ka hadla, lana jaan-qaada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka la doortay.”

Top


Isra’il Oo Weerar Ku Dishay Hoggaamiye Ka Tirsan Xamaas

Qasa (W.wararka) uruka Islaamiga ah ee Xamaas, ayaa sheegay in ay ka baxayaan xabadjoojin sadex bilood ah oo ay hore ugu dhawaaqeen ka dib markii mid ka mid ah siyaasiyiintooda sare oo la odhanjiray Ismaaciil Abu Shanab lagu dilay weerar ay Israa'iil ku qaadey Qaza Maalintii shalay.

Weerakaas oo ay Israa'iil ku qaadey Gaza waxa uu iskugu jirey mid cirka iyo dhulkaba ah oo ay u adeegsatay taanigiyo iyo baabuurta gaashaaman. Waxaana weerarka cirka oo ay hogaaminayeen helicoptero lagu dilay Ismaaciil Abu Shanab, sidoo kale laba ka mid ah ilaaladiisa ayaa iyaguna weerarkaas ku naf waayey.

Ra'iisul Wasaaraha Falastiiniyiinta, Mahmoud Cabbas, ayaa cambaareeyay tallaabada ay qaaday Israa’iil oo uu ku tilmaamay dambi foolxun, isagoo sheegay in ay tani horjoogsanayso dadaalkiisa uu ku qabqaban lahaa kooxaha hubaysan.Weriyeyaasha ka soo waramaya magaalada Quddus, ayaa sheegay in Ismaaciil Abu Shanab uu ka mid ahaa afhayeenada ugu waawayn ee ururka Xamaas.Rabshadahan ugu dambeeyay ayaa Israel ay kaga jawaabaysay weerarkii Salaasadii lagu qarxiyay bas magaalada Quddus marayey , kaasoo ay ku dhinteen ilaa labaatan qof.Taangiyada Israel, ayaa hore u galay magaalooyinka Nablus iyo Jenin ee Daanta galbeed, iyagoo raadinayay waxyaabaha qarxa iyo hogaamiyayaasha kooxaha hubaysan.

Waxa kaloo ay galeen xerada qaxootiga Dulkaram oo wiil Falastiini ah oo dhowr iyo toban jir ahi uu ku dhintay markii rasaas la is waydaarsaday.

Waa weerarkii ugu waynaa ee ay Israa’iil qaado tan iyo bishii June markii kooxaha Falastiiniyiintu ay xabadjoojin ku dhawaaqeen
Waxa weerarkan ay Israa'iil qaadey, ka dib markii ay Golaha Wasiirada ee Israa'iil ay ka shireen xaaladda ammaanka, shirkaas oo lagu qabtey Qudus si jawaab looga baxiyo weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Salaasadii lagu qaadey Israa’iil.
.
Hadal uu soo saarey xafiiska Ra'iisal wasaaraha Israa'iil, ka dib markii uu dhamaadey shirkoodu ayaa Maamulka Falastiiniyiinta ugu baaqay in ay qaadaan, waxa ay ugu yeedheen tallaabooyin la taaban karo oo la xidhiidha dagaalka lagula jiro argagixisada. Waxa hadalka Israa'iil ka soo baxay intaas ku darey, haddii ay Falstiiniyiintu sidaas yeeli waayaan in ayna jiri doonin wadaxaajood diblomaasiyadeed oo labada dhinac dhexmari doonaa.

Wasiir ka mid ah dowladda Sharon ayaa ka digey in fursaddan laga yaabo in ay tahay tii ugu dambeysey ee uu helo Ra'iisalwasaaraha Falastiin Mahmoud Cabbaas oo loo yaqaanno Abu Mazen, si uu u muujiyo in uu xakameyn karo kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta ah ee qaadey weerarkii salaasadii.

Top


Liberia Oo Ay Heshiis Isla Gaadheen Dawladda Iyo Mucaaradku

Monrovia (W.wararka) Dhowr bilood oo wadaxaajood ah ka dib, ugu dambeyntii kooxihii ku dagaalamayay dalka Liberia waxay saxeexeen heshiis nabadeed oo looga golleeyahay in lagu soo afjaro dagaalka sokeeye ee socday mudada afar iyo tobanka sanadood ah, oo kalifay in kumanaal ay naftooda waayaan.

Heshiiskan ay kala saxeexdeen dalka Ghana dowladda cusub iyo kooxaha mucaaradku, waxay uu daabacdaan, iscasilaadii iyo ka tagistii uu dalka ka tagay madaxweyne Charles Taylor iyo imaanshaha ciidamada Nabad Ilaalinta ee dalalka Galbeedka Afrika.

Qorshuhu waxaa uu yahay in la sameeeyo dowlad ku meel gaadh ah bisha Oktobar, taas oo dhabada u xaadhi doonta in doorashooyin dimuquraadi ah la qabto muddo seddex sanadood ah gudahood.

Waxaa sidoo kale kuraas heli doona xisbiyada kale iyo dad ka tirsan bulshada rayidka ah.

Baadariga ugu weyn magaalada Monrovia, Michael Francis ayaa waxaa uu sheegay in uu dareensan yahay in heshiiskani uu meel mari doono, maxaa yeelay buu yidhi, waxaa taageersan beesha caalamka. Waxaa uu intaa ku darey in dadku ay u baahan yihiin nabad waarta.

Top


30 Qof Oo Ku Dhintay Dagaallo Ka Dhacey Nigeria

Abuja (W.wararka) Ciidamo xoogan oo jooga waddooyinka magaalada ku taalla koonfurta Nigeria ee Warri ayaa u muuqda in ay deganaasho abuureen, ka dib markii ay halkaas maalmo ku dagaalameen kooxo iska soo horjeeda.

dagaaladaas oo dhex marey kooxo iska soo horjeeda, waxa ku dhintey dad ka badan 30 qof halka ay kummannaan kale ay guryahoodii ka qaxeen.

Ciidamo ilaalo ah ayaa taagan dariiqyada magaalada Warri ee maran iyagoo ilaalinaya badhtamaha dariiqyada iyo meelo suuq ahaa. Meel kasta oo ku dhow waxa ka muuqda caalamadii dagaalkii la galey.

Waxa u sii muuqdaa hadhaagii jidgooyooyinkii ay dagaalyahanadu isticmaaleen, dhagaxaan shub ah iyo biro meel kasta daadsan.

Magaaladan oo caadiyan ay ka buuxaan baabuuro iyo dad is-garbinaya, haatan si aan qeyara caadi ahayn ayey u dansantahay.

Wakhtigan xaadirka ah dagaalkii wuu joogsadey, laakiin cabashooyinkii iyo ciil-qabkii abuurey mashaakiladan weli lama xalinin, waana sidaas waxa uu Badhasaabka gobolka Delta, Mr James Ibori uu Warri u tagey si uu laf-ahaantiisu u maqlo waxa lagu kala cabanayo.

Waxaana uu soo galey magaalada isagoo ay dhinacyada kaga jiraan baabuur iyo mootooyin badan oo ay ku xeeranyihiin askar aad hubeysan.
Markii uu ka soo baxay shir uu la yeeshey madaxda qabaa'ilka bulshooyinka Ijwa iyo Itsekiri ayuu Mr Ibori saxaafadda u sheegey in uu rajeenayo in labada dhinac ee Warri ku dagaalamey ay u dhug yeesheen oo ay qaateen wanadiisii ahayd in ay hubka dhigaan oo ay farqigooda ku xaliyaan si nabadi ku jirto.

Waxa uu Mr Ibori yidhi 'waa aan fahmin karaa in bulshooyinka qaar ay dareemaan in laga qadiyey faa'iidooyinka dhaqaale ee barwaaqada saliidda gobolka Delta, laakiin buu yidhi jawaabto waa in ay noqoto mid wada hadal loo kaashado oo ayna noqonin mid xambaarsan iska horimaatin iyo dagaallo'.

Waxa aan shaki ku jirin,in doodda Mr Ibori ay soo dhaweennayaan dadka caadiga ah ee reer Waari.

Si kastaba ha haatee, dad badan oo Warri jooga ayaa rumeysan in dagaalyahanada sababey kharbudaadan iyo baaba'a halkaas ka dhacey ay leeyihiin ujeeddo taa aad uga duwan.

Khilaafaadka ugu weyn waxa uu ku saabsanyahay dagaalyahandda aadka u hubeysan ee halkaas jooga oo isku heysta muddadii xukumi lahayd ka ganacsiga saliidda qeydhiin ee la soo xado.

Dadka taxaaliisha u sameeya shirkadaha saliidda ayaa qiyaas ku bixiyey in ugu yaraan boqol kun oo barmiil oo saliid ah maalin kasta laga leexsho dhoofinta rasmiga ah ee dowladda, taasoo faa'iido weyn u leh dambiilayaasha qarsoodiga uga ganacsada saliidda oo isticmaalaya iska hor imaatinka qabaa'ilka iyagoo u qiil dayaya dagaalada kooxaha loo adeeksado.

Top


Iftiinka Islaamka: Taariikhdii Umu Salama

Qormadan waxaynu kaga sheekaynaynaa taariikh nololeedkii Umu Salama oo ka mid ahayd Marwooyinkii Rasuulka (NNKH).

Umu salama magaceedu waxa uu ahaa Hinda Bintu Suhay Bintu Muqiir Bintu Makhasuum, Hooyadeed waxa la odhan jiray caatika Bintu Cumar Binu Rabiic, Aabaheed waxa uu ahaa nin geesi ah.

Umu salama waxay ahayd gabadh haybad iyo qurux isku darsatay sidoo kale dhalinyaradu aad bay u ixtiraami jireen, waxa ku taami jiray dhalinyarada quraysh, laakiin markii ay waynaatay waxa soo doonay c/laahi binu cabdal asad, mudo gaaban markii ay is qaabeen ayuu nuurkii islaamku ku fiday maka isla markiiba umu salma waxay u soo dheeraysay islaamka iyadoo ay noqotay dadkii ugu horeeyay ee rumeeya Nebi Maxamed (NNKH).

waxay la kulmeen dadkaasi dhibaato aad u xoog badan oo ka imanaysay mushrikiinta qurayshayd laakiin dheg jalaq umaysiin, markii uu nebigu (NNKH) u adkaysan waayay tacadigii iyo dhibaatada ay ku hayaan mushrikiintu dadka muslimiinta ah, waxa uu u sheegay nebigu (NNKH) in ay u haajiraan dhinacaa iyo ardul xabash oo markaa uu ka talinayay boqor caadil ahaa.

Waxa ka mid ahaa dadkaa u haajiray umu salama iyo odaygeedii oo nebiga naas ay wada nuugeen in muda ah ka dib waxa soo islaamay cumar binu khadaab iyo xamse islaamkiina wuu xoogaystay, markay muslimiintii joogtay ardul xabash ay haleen warkaa ayaa waxay bilaabeen in ay dib u soo laabtaan.

Laakiin markii ay maka ku soo laabteen ayaa waxay ogaadeen in aanay dhibtii ka sii dartay umu salama way la qaybsatay dhibtii dadka muslimiinta lagu hayay waanay u samirtay islaamninadeedii, dabadeed muslimiintii waxay u haajireen madiina, Nebiga (NNKH) ayaa ogalaaday in muslimiintu ka haajireen bilaadka shirkiga, Umu salama iyo odaygeedii waxay u haajireen xagaa iyo madiina iyagoo awr ku rartay alaabtoodii, laakiin intii ay wadada ku sii jireen waxa ogaaday reer banuu maqiirah, dabadeed way ka daba baxeen awrkii ayay xadhigii ka jareen iyagoo leh adigu iska tag oo gabadhayada nooga tag, waxa ay ka reebeen gabadhii iyo inankeedii yaraa hasa yeeshee markii ay maqleen wixii ku dhacay c/laahi, reer binu asad ayaa waxay goosteen in ilmahooda kasoo qaataan sidaa ayaa qoyskii sadexda qof ahaa midba meel ka dhacay, sanado badan ka dib.

Umu salama waxa ay bilowday in ay walaacdo iyadoo ka murugaysan waayaha ay ku jirto maalin kasta.

Waxa u baryay waayo ka dawan kii hore ku ka daran waxay sidaa ahaatoba in mudo ah laakiin arinkii waxa ogaaday inan ay ilmaadeer ahaayeen kaas oo ku caadaadiyay reerkoodii in ay u ogolaadaan inay ka daba tagto odaygeedii, markii ay tashadeen ayay goosteen in ay u diraan odaygeedii, markii ay ogaadeen reer binu asad waxay u soo celifsyeen wiilkeedii, markiiba waxay u diyaar garawday in ay u kicitinto xagaa iyo madiina una badheedho keligeed haraadka iyo kulaylka saxaraha.

Markii ay soo gaadhay Quba oo ahayd cidhifka madiina ayay la kulantay odaygeedii halkaas oo ay kaga badbaaday dhibtii ay u gaysteen mushrikiintii qurayshayd.

Odaygeedi waxa uu ka qayb galay dagaaladii Badar iyo Uxud oo Markiii dambe uu ka soo gaadhay dhaawac culus kaas oo kama dambaystii keenay in u geeriyado.

Markii uu odaygeedi sii mootaanaa afar bilood ayuu usoo geed fadhiistay Abubakar sadiiq, laakiin abu bakar ku muu guulaysan, sidoo kale waxa soo doonay cumar binu khadaab isagana suura gal bay unoqon wayday.

Nebigu markuu arkay halgankii adkaa ee diinta ay usoo martay ayuu doonay in ay unoqoto oori ama gabadhiisii.

Nebigu waxa uu usoo diray uma salama asxaabi kale oo kala hadla arinka guurkooda, umu salama waxay ku tidhi “Nebiga (NNKH) u sheeg oo waxaad ku tidhaahdaa raali ayaan ka ahay” laakiin waxaan ahay gabadh hinaasiyad ah sidoo kale caruur agoon ah ayaan wataa, nebigii waxa uu yidhi “(NNKH) dhibaatadu waa cudur in wada saameeyay, caruurtune waa caruurtaydii hinaasahane eebe kuu waydiinayaa in uu kaa bogsiiyo”.

Umu-salama waxay noqotay xaaskii nebiga , waxay noqtay la taliyayaashii nebiga iyadoo markii nebigu doonay in uu cimaraysto qurayshina u diiday inuu galo maka ayuu amray asxaabtiisii in ay madaxa xiirtaan xoolahana gowracaan taas oo asaxaabtii ku adkaatay, laakiin umu salama ayaa tidhi “Nebigii alow adigu timaha xiir adhigana qal” isla markiiba asaxaabtii sidii ay ugu kala dheeraynayeen ayay gacmaha is jari gaadheen, umu salama waa hooyooyinka dadyowga mu’miniinta ah mid ka mid ah kuwa ugu caansan, waxa uu haley xaqii eebe dulqicda 59 Hijriyada.

Turjumayasha iyo qorayaasha

C/fataax Xasan Aadan

Siciid Cumar Yuusuf

Axmed Ismacil(Bucul)

Top


Dhaqanka Wanaagsan Ee Islaamku Ina Farayo Ilaalintiisa

Ilaahay baanu ku mahadinaynaa nimcooyinka uu ina siiyay,isagaanu gargaarka dalbaynaa danbi dhaafna weydiisanaynaa, sharka nafahayga iyo camaladayada kuwooda xun illaahaybaanu ka magan gelaynaa, qofka alle hadeeyo cidna ma halayn karto, ka illaahay halleeyana cidna ma hanuunin karto.

Waxaan qirayaa in aan alle mooyee illaah kale aanu jirin muxamedna uu yahay adoonkii iyo rasuulkii alle.

Wanaajinta dhaqanka iyo akhlaaqdu waa ujeedada koowaad ee uu siday Nebi Maxamed (NNKH) waxa uu yidhi “waxa la isoo diray si aan u dhamaystiro akhlaaqda wanaagsan”waxa laga doonayaa umada islaamka inay ku sifowdo dhaqan wanaagsan, qof kasta oo muslim ahi waa in uu dabaqo dhaqankii wanaagsanaa ee Nebi Muxamed(NNKH) sida aynu wada ogsoonahay islaamku waxa uu leeyahay shan arkaanu islaam, arkaanu islaam kasta waxa uu leeyahay akhlaaqdiisa gaarka ah, tusaale ahaan waxaa aynu soo qaadan karaa salaadu ilaahay koreeye waxa uu yidhi “u kaca salaada, salaadu waxay reebtaa xumaanta, sinada, munkurka IWM” hadaba muxuu yahay qofka salaada tukanaaya ee aanay xumaanta ka reebini, maxayse qiimo yeelanaysaa salaadiisu, saamayn intee le’eg bay salaadaasi ku yeelanaysaa bulshada dhexdooda?

Qofka u qaata salaada sida toosan waxay bedelaysaa dhaqankiisa oo dhan, dhaqankaa wanaagsan ee raaca salaada, waa sababta uu illaahay ku aqbalo salaada taa waxa inoo cadaynaya Xadiisul Qudiskii uu Illaahay ku yidhi “Ilaahay waxa uu ka aqbalaa salaada qofka isku dhul dhiga waynaanta illaahay, aan ka habaabin dhaqanka wanaagsan kuna waa bariisan xumaanta kuna qaata maalintaas oo dhan digrigayga iyo naxariista masaakiinta, musaafirinta iyo hooyada korinaysa ubad agoomo ah una naxariista dadka dhibaataysan”.

Fahamka guud ee salaada waa dhaqan iyo cibaado, Salaadu dadka waxay dhaxalsiisaa digriga eebe iyo akhlaaqda wanaagsan waxayna ka hor istaagta xumaanta iyo ku talaxtageeda, hadii aynu arkaanu islaamka rukin labaad aynu ka soo qaadano waa Sakada, sakadu maaha cashuur laga qaado dadka baahan ee waa nadiifin dadka bakhayliinta ah ee xoolohooda ka bixinaya iyagoo u celinaya dadka baahan ee bulshada ku dhex nool si ay u noqoto bulshadu mid is jecel oo naxariis badani ay ka dhaxayso isku xidhnaantoodune aad u adkaado, sidoo kale islaamku waxa uu ka yeelay hadalka wanaagsan iyo dhaqanka fiican sadaqo, Nebigu (NNKH) wuxuu yidhi “ wajiga furan ee aad walaalkaa aad ku qaabisho waa sadaqo, wanaaga oo dadka aad fartaa iyo xumaanta oo dadka aad u diidaa iyana waa sadaqo, qofka oo aad tusto meesha uu u baahan iyana waa sadaqo, wadada oo aad ka qaado qodaxda iyo lafta iyana waa sadaqo, hadii aad adiga oo firaaqo haya aad u darto biyaha uu hawsha ku hayo iyana waa sadaqo, ama qof baahan oo itaal daran aad caawisid iyana waa sadaqo, qofka liita oo aad taakulayso iyana waa sadaqo”.

 Soonka waxa looga jeedaa ama hadafkiisu yahay alle ka cabsi, alle ka cabsiguna waxa uu keenaa in laga fogaado wixii eebe diiday ama in la weydaarto wixii alle ina faray ee dhaqan ka islaamka ah, taasina waa dhaqanka wanaagsan ee uu ina farayo Nebigu (NNKH) markaynu soomanahay, ( ee aan la imana xumaadta teeda yar yar iyo faasiqnimo iyo jaahilnimo hadii qof ku caayo ama kula dagaalamo ha yidhaado anigu waan soomanahay) sida ku cad xadiiskan qofku markuu sooman yahay waxa laga rabaa dhaqan wanaagsan si uu soonkiisu u hagaago, sidoo kale hadii uu iskaga hadhi waayo hadalka xun, beenta, khiyaamada, iyo IWM soonkiisa ku kordhin maayo ilaa haraad mooye iyo gaajo daran oo qabta iyo bilaa ajar, sidoo kale xajku waa rukni ka mid ah shanta arkaamu islaam xajka isagoo alle ka hadlaya waxa uu yidhi SW" ..." Oo macnaheedu yahay (Xajku waa bilo lagaranayo qofka faralka xajka gudanaya lagama rabo xumaanta teeda yar iyo faasaqnimo, xajka gudihiisa waxa wanaagsan samayn maysaan hadii kale illaahay ayaa idin og, waar saad iyo sahay qaata waxa ugu saad la qaato ugu wanaagsan alle ka cabsiga) hadaba qofku ma gaadho guusha xajka ilaa uu ku sifoobo.dhaqan wanaagsan loomana baahna xajka dhexdiisa in la murmo la is khiyaameyo been la isku sheego, dumarka loo galmoodo iyo in la sameeyo waxa cadho keeni kara sida iyadoo la isugu faano qabyaalad, qoomiyad Iwm.

Sida aynu ognahay badi cibaadaadku waxay ku dhisan yihiin edeb iyo anshax suuban taas oo islaamku ina farayo, Shanta arkaanu islaam mid kastaaba waxay leedahay edebteeda iyo asluubteeda wanaagsan, dhaqanka wanaagsani waxa uu ku xidhan yahay iimaanka laftiisa hadii uu dhaqankaagu xumaado iimaankaaguna wuu daciifayaa taana waxa inoo sheegay xadiiskii rasuulka (NNKH) “ Illaahay baan ku dhaartee imuu rumayn, illaahaybaanu ku dhaartee imuu rumayn, rasuulkii illaahayow waa kuma kaasi? Ayaa lagu yidhi Waxa uu yidhi kii aan dhibaatadiisa aanay ka nabad gelin jaarkiisu” dhibaatadaasi waa wixii dhibaya oo dhan jaarkaaga sida dhibta dhaqan xumada.

Nebiga (NNKH) ayaa loo sheegay gabadh tukata oo soonta oo cibaado badan laakiin aan jaarkeeda aan nabad gelin, Nebigu (NNKH) waxa u sheegay in gabadhaasi naarta gelayso, waxa kaloo loo sheegay gabadh cibaadadeedu kooban tahay laakiin jaarkeedu si fiican uga nabad gelay waxa uu yidhi Nebigu (NNKH) “gabadhaasi janada ayay gelaysaa” dhaqanka suuban iyo iimaanku ma kala hadhi karo waana mataano aan sinaba loo kala reebi Karin, iimaanka waxa ugu hooseeya dhibta oo wadada laga qaado waana dhaqan wanaagsan wadada oo la nadiifiyo.

Illaahay waxa uu inagu cadeeyay imaanka iyo camaladiisa wanaagsan
(Suuratu Muuminiin) illaahay waxa uu yidhi koreeye : “..."
“dhab ahaantii waxa liibanay muuminiinta marka ay salaadooda ay tukanayaan qushuucsan waa kuwa xumaanta ka sii jeedsanaya waa kuwa sakada bixinaya, waa kuwa xubintooda taranka illaalinaya, dumarkooda iyo kuwa Gacantoodu hantiyeen mooyaane(kuwaasi waa adoomaha gacanta muslimiinta ku jira) Kuwaasi canaan ma laha, kuwa doona wixii intaa dhaafsiisan kuwaasi waa kuwa xad gudbay, kuwa wixii laga aaminay iyo balanta dhawra, kuwa salaadahooda ilaaliya, kuwaasi waa kuwa dhaxlaaya janada fardawsa la yidhaa wayna ku dhex waarayaan”.

Hadaba markaynu ku istaagno xaadiiska iyo quraanka kariimka ah si la taaban karo waxay inoo tusayaan xoganaanta ay leedahay dhaqanka wanaagsan iyo cibaadada illaahay.

Dhaqanka wanaagsan ee suuban waa tay ku sifoobeen salafka umadu iyo dadka saalixiintuba, taasina waa sababta uu ilaahay uga fududeeyay gacan ku dhigida cadceed kasoo bax ilaa cadceed dhaca, hadaba umada islaamka waxaanu ugu baaqaynaa dhaqanka Wanaagasan ee fiican ee diinteenu ina farayso.

Ilaahow nagu hanuunni dariiqa toosan ee akhlaaqda wanaagsan leh, aduunbaa dadka wadada wanaagsan ku hanuuniya.

Qorayaasha iyo turjumayaasha

Siciid cumar yuusuf

C/fataax xasan Aadan

Top


Warwar Aduun Iyo Wacdaro Jacayl

Siduu u joogay ee ay Ilhaanna sheedda uga eegaysay ayuu mar qudha kacay oo uu u dhaqaaqay xagga baanka si uu u ogaado hantida ugu jirta.
Yaabkiisee wuxuu ka arkay magicii odayga oo lagu beddeley kii Fu’aad.

“Maxaa dhacay?” ayuu qoladii xisaabiyeyaashii weydiiyey. “waraaq uu aabbahaa soo diray ka hor intaanu dhiman ayuu ku sheegay in magaciisa lagu beddelo kani cusub,” ayey yidhaahdeen. “Miyeydaan hubsanin, waraaq kasta miyaad qaabileysaan?” ayuu Bilis yidhi. Inta aanu kelmed kaleba odhan ayuu arkay warqaddii oo hor taalla. Wuu akhriyey oo inkastuuna qoraalka rumaysan haddana waxa uu ka anfariiriyey sexeexii aabbihii oo asalkii ah oo ka muuqda dhammaadka qoraalkani. Muu hadal hareerna muu deyin ee isagoo kabo la’ ayuu ka soo baxay goobtii. Suuqa badhtankiisa ayuu welhadaa oo aanu gawaadhidana iska eegin. Wuxu isku qaaday xaggaa iyo maxkamadda sare si uu iyana uga soo war helo amma in uun miciin ka helo. Illeyn talo kuguma ciirto adigoo xoolahaagii been cad lagaaga qaadanayo oo aanad hadli karin. Caddayntii ayuu su’aalay, mise meelba ma jirto oo hortiisa ayaa la dhigay. Waxaana ku qornayd in aanu Wacays wiilkani dhalin laakiin uu soo korsaday sidaa daraadeedna aanay xaqba ahayn inu dhaxlo.

Afartii jiho mid u furani ma jirto Bilis oo waxaba lagu tilmaamay nin aan cidna ka soo jeedin. Intuu orod kaga baxay maxkamadii ayuu siduu u lalayey u tegey habrawadaagii Fu’aad. Wuxuu ku yidhi “goormaan dhintay? Miyaanan noolayn, ma nolosha ayaad aabbahay igaga dhaxlaysaa? --- cunaha ayuu qabtay, weris buu eegey wuxuuna ku yidhi --- hooyo nacaskan aynu soo korinay adiga oon ogeyn sidee loogu sexeexaa dhaxalka, midda kale miyaanad I dhalin ma ruux aad bannaan ka soo hesheen ayaan ahay?” Weris baa tidhi “ Habaryar maxaad sidan u yeeshay maad I ogaysiisidaa ma nolosha ayaad Habrawadaagaa ku dhaxlaysaa adigoo weliba anigana iga dhigay goblan aan abid wax dhalin, halkey naxariistu kaa martay” wey ooyeysay. Fu’aad “Oydeyaa, barooratayaa, amma beelo kicisayaaba anigaa hantida iska leh ee sheeko kale la kaalaya” Bilis oo xanaaqsan ayaa yidhi “waad arki doontaa inaad yeelato iyo in kale” degdeg ayuu albaabka uga booday mise wuxuu soo noqday isagoo boolis wata. Fu’aad inta la isku jebiyey ayaa misena gaadhiga lagu riday. Saldhigii ayaa la tegey.

Dacwad ayaa la qaaday oo wax la eegeyaa oo loo gar qaadayaa labadani nin. Dacwad qaadihii ayaa markii uu weydiiyey magacyadooda ka dib. Bilis ayuu yidhi dacwadda ku bilaabay Bilis. “ninkani waa habrawadaagay; guri ayaan ku soo wada kornay, laba hooyo oo walaalo ah ayaa na kala dhalay. Aabbahay wuxuu lahaa xoolo fara badan, aniga oo keliya ayaanu I dhalay, waxaan yeeshay xaas, aabbahay ayaana iiga dhigay wakiil shaqo uga jirtay magaalo kale. Haddaba intii aan maqnaa ayaa la dilay, cid dishayna ilaa iyo hadda ma ogi, dilkii kaddib ayaan isku deyey inan maalkii la wareego, laakiin ninkan habrawadaagay ah ayaaba iska sheegtay oo le anaa la ii sexeexay. Sababmuu anoo nool u dhaxlaa xoolaha aabbahay?” dembi qaadihii ayaa yidhi “ haye Fu’aad ma runba?” wuxuu Fu’aad yidhi “ intaasi uu sheegey oo dhami waa run marka laga reebo odaygani uu sheeganayo inuu aabbihii yahay mooyee, waannu soo wada kornay, habaryartay ayaana soo korisay, sidaasi ayuu dhaxalkuna aniga iigu soo wareegay waayo ma dhaxli karo odeyga”. Warqaddii caddaynta ahayd markuu tusay ayuu dembi baadhihii yidhi “ waan ka xumahay Bilisow wax aan kuu qaban karaa ma jirto.”

Bilis isagoo cagaha dhulka jiidaya u tegey hooyadiis oo sugaysa wixii go’aan ah ee ka soo baxa dacwadda. Waxay aragtay wiilkeegii oo marooro dillaacsan “Maxaa ku heley? Ma dhaxalkii ayuu Fu’aad la wareegay?” ayey su’aashay. Bilis “fadhi innooma yaal oo dhiilkii faqrigaa innagu xidhmee innaga wadi meesha”. Wey jeesteen, Fu’aad ayaa yidhi “ in yar habrawadaagayow I dhegeyso, faqrinimo idiinma ogoli, ee waxaad wakiil ka ahaanaysaa halkii uu markii horeba aabbahaa ku geeyey”.

Lasoco.

Top


Werwer Laga Muujiyay Xaaladda Ciraaq Kadib Qaraxii Xarunta Qaramada Midoobay

Baqdaad (W.wararka) madaxweyne Bush ayaa isugu yeedhay golihiisa Ammaanka, si ay uga wada xaajoodaan xaaladda Ciraaq, ka dib markii Salaasadii la qqrxiyey xaruntii QM ku lahayd Ciraaq.

Waxaana muuqata warwarka maamulka Bush ee ku waajahan ciraaq iyada oo uu dareensanyahay caqabadaha soo kordhaya ee ku saabsan xaaladda Ciraaq, laakiin ma badna caalmadaha muujinaya in ay jiraan istiraatiijiyooyin ku waajahan oo ka hadlaya arintaasi.

waxa dareenkaas laga samaynayo, oon aan ahayn in la sii wado waxa haatanba la Socda, sida in lagu dadaalo in korantadii iyo biyihii Ciraaq ka go'naa la sameeyo, islamarkaana dhoofinta saliiddu ay socoto inkastoo kharbudaad loo geystey dhawaan.

Sidoo kale waxyaabihii hore loo wadey waxa ka mid ah in gacan la siiyo dadaalada Qaramada Midoobey ugu jirto sidii loo horumarin lahaa xaaladda aadaminimo ee Ciraaq iyo in la helo ciidamo deegaanka ah oo suga ammaanka waddanka.

Aaraa'da dadka maamulka Bush bannaanka ka jooga ay ka qabaan horumarka himilooyinkaas haddii hoos loo eego waxa ay noqonayaan kuwa u dhaxeeya wax laga qalbi jabo iyo kuwa aad u liita oo aan tayo lahayn.

Donald Rumsfeld, Xoghayaha Gaashaandhigga ee Mareykanka oo ka mid ah dadka safka hore kaga jira maamulka Bush ayaa shirkaas ka maqnaa. Isagoo booqasho ku maraya Amerikada Dhexe ayuu sheegey in aan loo baahneyn in la kordhiyo ciidamada Mareykanka ka jooga Ciraaq.
Dadka ka faalooda arimaha Ciraaq wey ku kala qeybsanyihiin arintan, qaarkood waxa ay leeyihiin ciidamo kale ayaa loo bahanyahay, haddii ay ahaan lahaayeen Mareykan ama kuwa caalamiyaba, qaar kale waxa ay leeyihiin Ciraaq waxa askar loo diro ka doorbideysaa in loo diro Injineero iyo maamul yaqaanno. Waxaana ay ku doodayaan haddii ay noloshu caadi ku soo noqoto oo wax walba ay shaqeeyaan, in markaas ay argagixisada haatan socota ay iska dhammaan doonto.

Waxa kale oo ay wararku sheegayaan in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Kofi Anna n uu Golaha Ammaanka ee QM u sheegey in masuuliyadda dhabta ah ee Ciraaq ay dusha ka saarantahay ciidamda Ciraaq heysta.

Diblomaasiyiintii ka qeybqaatey shirkii gaarka ahaa ee Golaha Ammaanku yeesheen, waxa laga soo xigtay in Kofi Annan uu qaraxii Salaasadii loo geystey xarunta Qaramada Middoobey ee Baqdaad uu ku sheegey in ay maalin madow ku ahayd taariikhda Qaramada Midoobey.

Qaraxaas oo ay ugu yaraan ku dhinteen 20 qof, waxa uu Annan ku sheegey in uu ahaa ficil aad u foolxun oo aan laga raali noqon karin, Mr Annan waxa kale uu sheegey in ay haatan socoto dib u hubin ballaadhan oo lagu eegayo waxa loo baahanyahay in la sameeyo si xaaladda ammaanka loo wanaajiyo.

Waxa uu Annan intaas ku darey, (haddii QM iyo kuwa kale aan awoodno in aan si wax-qabad ku jiro uga gacan geysanno dib u kabashada Ciraaq, waxa muhiim ah in la abuuro jawi leh xasilooni iyo ammaan, taasina buu yidhi ugu dambeyntii waxa ay dusha ka saarantahay oo ay masuuliyaddooda tahay ciidamada Isbahaeysiga.) ayuu yidhi
Xoghayaha Guud iyo Golaha Ammaanku midkoodna ma soo hadal qaadin su'aalaha muhiimka ah ee ka dhashey qaraxii Salaasadii sida doorka ay haatan ka dib QM ku yeelan doonto Ciraaq.

Arimahaas waxa dib loogu dhigay in laga wadaxaajoodo galinka dambe ee Khamiista, markii ay Mareykanka iyo Britain ay Golaha Ammaanka siiyaan warbixin buuxda oo ku saabsan xaaladda Ciraaq.
Dhinaca kale Baadigoobkii loogu jiray dad ka samatobaxay burburka dhismihii Qaramada Midowbay ee Baqdaad ee weerarka bombaano lagu qaaday ayaa hoos loo dhigay.

Waxaana qaraxaas ku dhintay ugu yaraan todoba iyo toban qof oo uu ka mid yahay ergeygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay ee dalka Ciraaq, Sergio Vieira de Mello.

In ka badan boqol qof ayaa iyana ku dhaawacmay qaraxaas, waxaana la aaminsan yahay in weerarkaasi uu ahaa kii ugu xumaa taariikhda ee lagu qaado dhisme ay leedahay Qaramada Midowbay 55kii sanadood ee ay jirtay.

Mareykanku waxay sheegayaan dhinacooda in qaraxaasi uu ka dhashay bomb lagu soo qaaday baabuur weyn oo lagu dhinac qarxiyay xafiiska Mr. Viera de Mello.

Dadka dhintay waxaa isna ku jira iskuduwahii UNICEF ee dalka Ciraaq iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Baanka Adduunka.

Top


Xulka Talyaaniga Oo Muddo 11 Sannadood Ah Markii U Horeysay Ka Badiyay Dalka Germany

“Beckham gool rigoore ah u dhaliyay, ku kalena u Salaxay ciyaartii uu dalkiisa England 3-1 ku Jiidheen Croatia

Stuttgart, Ipswich (AP) – Xulka dalka Talyaaniga ayaa dhaliyay hal gool wakhtiyadii hore ee ciyaarta, kaas oo uu u saxeexay weeraryahanka Christian Vieri, iyagoo ka badbaaday weeraro xoogan oo isdaba joog ahaa oo lagu hayay gebi ahaanba qaybtii labaad ee ciyaarta, isla markaana waxay la fakadeen guul mooral-dhis ah oo ay 1-0 kaga adkaadeen dalkii koobka adduunka 2002 kaalinta labaad ka gashay ee Germany, kadib markii ay ciyaar-saaxiibtinimo habeenkii Arbacadii ku dhexmartay labada dal magaalada Stutgart ee dalka Jarmalka.
Ciyaartoyda Talyaaniga ayaa ciyaarta ku gacan sareeyay wakhtiyadii hore ee ciyaarta, iyagoo isla helay baasas aad u farsamaysan iyo ciyaartoyda oo isu bed-bedelayay kaalmaha, taas oo keentay in Vieri jebiyo darbigii difaaca Jarmalka oo ka dhaliyo gool daqiiqadii 17aad ee qaybtii hore ee ciyaarta, kaas oo ay hogaanka ciyaarta ku qabteen Talyaanigu. Laakiin goolkaas lagu dhaawacay Jarmalku waxa uu keenay in ay Jarmalku hambabaraan, isla markaana ay weerar xoog ah dib ugu soo qaadaan qaybtii dambe ee ciyaarta, iyagoo lumiyay fursado aad u badnaa oo ay heleen, kuwaas oo ugu yaraan ay barbardhac ku keeni kari lahaayeen.

Goolhayaha xulka Talyaaniga Gianluca Buffon, ayaa dhawr darbadood ka badbaadiyay goolkiisa, si uu guusha dalkiisa u sii adkeeyo. Guushaas oo ah tii ugu horeysay muddo 11 sannadood ah oo ay xulka Talyaanigu ka adkaadaan xulka Jarmalka.

“Qaybtii dambe ee ciyaarta waanu ku dagaalanay.” Sidaa waxa yidhi tababaraha Xulka Talyaaniga, Giovanni Trapattoni, isla markaana wuxuu farta ku fiiqay in aanu weli liigii Talyaanigu bilaabmin sidaas, taas oo keeni lahayd in ciyaartoyda heerkoodu intaa ka sareeyo.

Labadan dalba, waxay waajihi doonaan ciyaaro aad u adag bisha soo socota, kuwaas oo qayb ka ah ciyaaraha isreebreebka Tartanka Qaramada Yurub ee 2004 ee lagu qaban dalka Portugal.

Dalka Talyaaniga oo saddex jeer ku guulaystay koobka adduunka, sida uu dalka Jarmalku intaas oo kale ugu guulaysta, ayaa muujiyay, isla markaana kor ugu qaaday rikoodhka ciyaaraha dhexmaray labada dal ee ay guulaysteen, kuwaas oo ay 12 ciyaarood oo ka mid ah Talyaanigu ku guulaystay, 7 ciyaaroodna Jarmalku guulaystay, halka ay 8 ciyaarood ay galeen barbardhac labada dal.

“Had iyio goor aad ayay u xun tahay in gurigaaga lagaaga badiyo, laakiin waxaanu u ciyaarnay runtii si aad u fiican qaybtii labaad ee ciyaartaas, isla markaana waxaanu samaynay fursado badan.” Sidaa waxa yidhi tababaraha xulka Jarmalka, Rudi Voeller, isagoo intaa raaciyay; “Waxaanu la ciyaarnay koox kaalin wanaagsan kaga jirta caalamka.”

Xulka dalka Jarmalku waxa ay ilaa hadda si xidhiidh ah ula kulmayeen guul-darrooyin farabadan, kuwaas oo ay soo gaadhsiinayeen xulalka dalal kaalmaha sare kaga jira Caalamka. Kadib markii ay 1-0 kaga guulaysteen xulka England sannadkii 2000-kii, waxa ciyaartii labaad laga adkaaday 5-1 oo ay xulka England kaga adkaadeen, sidoo kale xulka Jarmalka waxa guul-darooyin baday dalalka Faransiiska, Argentina, Brazil, Holland iyo Spain, waxaana taa u raacday guul-darradan ugu dambeysay ee xulka Talyaanigu u geystay.

Top


Angola Oo Ku Guulaysatay Horyaalka Kubadda Kolayga Ee Qaaradda Afrika.

Alexandria, Masar (W. Wararka) Tartanka wiilasha kubadda kolayga ee qaramada qaaradda Afrika ayaa toddobaadka lagu soo gebagebeeyey magaalada Alexandria ee dalka Masar oo uu tartankani ka socday.

Koobkan oo ay isugu soo hadheen ciyaartii kama-dambaysta ahayd qaramada Angola iyo Nigeria, ayey xulka Angola aad ugu gacan sareeyeen ciyaarta, iyagoo gebagebadii ciyaartana ku badiyey 85-65 dhibcood, taas oo aad ka garan kartaan awoodda loo sheegtay xulkii Nigeria oo faraqa dhibcaha u dhexeeyaa gaadhayo 20 dhibcood.

Xulka Angola ayaa marka lagu daro koobkan ku guulaystay saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay tartanka horyaalka kubadda kolayga wiilasha ee qaaradda Afrika.

Kaalinta saddexaad ayaa waxaa ku tartamay kooxaha Masar iyo Senigaal, kuwaas oo ciyaar aad u adkayd dhexmartay, labada kooxoodna isku hayeen weerar iyo weerar celis, kadibna ay guushii raacday qaranka iyagu martigaliyey tartankan ee Masar, kuwaas 81-79 dhibcood kaga adkaatay xulka Senegal, sidaasna kaalinta saddexaad ay Masar ku gashay.

Top


Xulalkii Afrika Oo Ku Hadhay Wareegii 1aad Ee Tartanka Koobka Qaramada Adduunka Ee Da`Doodu Ka Yar Tahay 17-Sannadood

Helsinki, Finland (W. Wararka) – Waxaa si habsami ah uga socda dalka Finland ee ku yaal qaaradda Yurub tartanka kubadda cagta adduunka ee dhalinyarada da’doodu ka yar tahay 17-ka sannadood, waxaanu haatan soo gaadhay wareegii labaad.

Wadamada Cameroon, Sierra Leone iyo Nigeria oo iyagu u metelayey tartanka koobkan qaaradda Afrika ayaa gebigood ka hadhay u soo gudbidda wareega labaad, kadib markii loo awood sheegtay badiba ciyaarihii ay ciyaareen, haatana ay isu diyaarinayaan in ay dalalkoodii ku laabtaan.

Koobkan ayaa aad looga faalloonayaa kooxdii ku guulaysan lahayd, iyadoo ay kooxaha xulalka Colombia, Spain, Brazil iyo Argentine wacdaro ka dhigeen tartankan, balse lama saadaalin karo cidda la hoyan doonta ee ku guulaysan doonta koobkan, waxaase la hubaa in uuna koobkani tegi doonin dhinacaas iyo qaaradda Afrika.

Top


Tartanka Ciyaaraha Fudud Ee Adduunka Beri Ka Furmi Doona Magaalada Paris

Paris (W. Wararka) – Maalinta sabtida ah ee berito, waxaa si rasmi ah uga furmi doona magaalada Paris ee dalka Faransiiska tartanka cyaaraha fudud ee adduunka, kaas oo socon doona ilaa iyo 31-ka bishan August ee aynu ku jirno.

Tartankan oo la filayo in ay ka soo qaybgalaan 2000 (laba kun) oo ciyaartoy, kana kala socda 210 dawladood oo dunida ah.

Dadka xiiseeya tartankan ciyaaraha fudud ay si aad ah uga sugayaan dhammaan dacalada dunida ayaa ciyaartoyda magaca weyn ku leh ciyaaraha fudud ee la sugayo ay ka mid yihiin orodyahanada reer Maraykan ee kala ah Maurice Green iyo Tim Montgomery oo iyagu ku dagaalamaya orodka gaaban ee 100mitir.

Sidoo kale waxaa iyaguna la sugayaa in ay ka soo qayb galaan tartankan orodyahanada Afrikaanka ah ee ay ka mid yihiin Haile Gebrselassie, Hecham El Guerrouj iyo Maria Mutola, sidoo kalena waxa la filayaa in ay ciyaartoy Soomaaliyeed oo ciyaaraha fudfudud ciyaara sida orodada ka soo qayb-galaan, kuwaas oo laga yaabo in ay jinsiyado dalal kale kaga soo qaby-galaan maadaama aanay jirin dawlad Soomaaliyeed, Somaliland aanay Ictiraaf dawli ah haysan.

Dhinaca kalena, ciyaaryahano caan ka ahaa goobaha lagu tartanka ciyaaraha fudud ee adduunka, ayaan ka soo qayb-geli doonin tartankan, kuwaas oo ay ka mid yihiin, gabadha haysata rikoodhka orodka dheer ee Marathon-ka, Paula Radcliffe iyo Dean Macey iyo gabadha booda boodada hoose ee saddex boodada ah Ashia Hansen.

Top