Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 403 August 24, 2003

Tababar U Xidhmay Macalimiinta Dhegoolayaasha Boorama

Dareen Nooce Ah Ayay Dalkooda Ka Qaateen Qurba-Joogii Somaliland Ee Soo Gurya-Noqday

Saraakiil Ka Socda Maxkamadda Dembiyada Dagaalka Oo Socdaal Xaqiiqo Raadis Ah Ku Imanaya Gobolo Ka Mid Ah Dalkii Soomaaliya

Maxay La Kulmeen Ardaydii Reer Somaliland Ee DeeqdaWaxbarasho Ka Helay Masar

Wasiirada Caafimaadka Iyo Qorshaynta Oo Ka Hadlay Hayado Lagu Qabtay Rabadhada Galmada Loo Isticmaalo

3 Askari Oo British Ah Oo Lagu Laayay Magaalada Basra Ee Dalka Ciraaq

Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya Oo Ku Geeriyooday London

Maraykanka Oo Hantida Hoggaamiyeyaasha Ururka Xamaas

Socod Lagu Xusayay Halgamaagii Martin Oo Ka Dhacay Maraykanka

Borogaraam Lagu Qaribayo Adeegga Howlaha Internetka

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Qaddiyadda Bariga Somaliland Miyey Ka Sii Dartay?

Waxaanu Filaynay Wejiyo Cusub Iyo Dad Tayo Leh

Riyaha Iyo Xikmadda Dhaqanka


Tababar U Xidhmay Macalimiinta Dhegoolayaasha Boorama

Boorama (Haatuf)In ka badaqn lix iyo toban macallin oo loogu talagalay inay wax  baraan dadka indhaha la' ayaa tababar uu shalay ugu dhammaaday xarunta Dugsiga dhegolayaasha Boorama. Sida uu kusoo waramay wariyaha haatuf ee Boorama Maxamad Cumar tababarkan oo ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah scodayna muddo laba cisho ah ayaa macallimiinntani waxay ku baranayeen tabaha ama siyaalaha ugu wanaagsan ee wax lagu bari karo dadka indhaha la'  ee ku nool dalka.

Xidhitaankii tababarkan ee shalay oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye sharafeedka Dugsiyada indhoolayaasha iyo dhegoolayaasha Anelino Tonelli iyo martisharaf kale, ayaa waxa ka hadlay maamulaha Dugsigaasi  Mr.Cilmi Muuse  Axmed ,isagoo sheegay qiimaha dugsigan indhoolayaasha oo la furay toddobaadkii hore uu u leeyahay dadweynaha  ka naafoobay indhaha iyo sida la doonayo in  mujtamaca loogusoo daro.Anelino iyo  Culmi  Muuse waxay macallimiinta ku dardaareen in hawshani tahay mid cusub oo aan hore uga jirin dalka sidaa darteedna dadweynaha ku dhiirrigeliyaan inay dadkooda indhaha la' keenaan dugsigan  oo aanay ku xidhin guryaha.

Sida  uu sheegay maamulaha dugssigaasi waxa haatan dugsigaasi soo gaadhay dadkii ugu horreeyey ee ka mid noqon lahaa ardayda cusub ee u bilaabanayso waxbarashadu.

Dhinaca kale xaflad qalinjabin ah  oo lagu qabtay dugsiga Awdal Private school ee ku yaalla Boorama ayaa shalay  lagu qabtay xarunta dugsigaasi. Xafladdan oo ay kasoo qaybgaleen maamulka dugsigaasi,macalliminta,waalidiinta ardaydayda dugsigaa dhigata iyo aqoonyahannada reer Boorama qaarkood ayaa waxa warbixin  kasoo jeediyey Maamulaha Dugsigaasi Awdal Private School Xasan Axmed(Xasan Bisri) isagoo sheegay inay dugsiga dhigtaan ilaa laba boqol oo arday ah qaatana waxbarashada hoose, tan dhexe iyo tan sareba oo maqal iyo muuqalba leh.Sidoo kale waxa isaguna halkaa ka hadlay Ridwaan Maxamed Cusmaan oo ku hadlayey magaca aqoonyahanada,waxa uuna sheegay in inkastoo dugsigani uu jiray muddo kooban  lana aasaasay sannadkii 2000 haddana waxbarashadiisu tahay mid la tartamaysa dugsiyadii  horeyba u furraa.

Munaasbaddan qalinjabinta ah ayaa waxa ardaydii ugu horreysay imtixaanaadkii dugsigaasi la guddoonsiiyey abaalmarinno kala duwan.

Top


Dareen Nooce Ah Ayay Dalkooda Ka Qaateen Qurba-Joogii Somaliland Ee Soo Gurya-Noqday

Hargeysa (Haatuf): Boqolaal kun oo ka mid ah dadka reer Somaliland ee debedaha ku dhaqan ayaa fasaxii xagaaga si weyn ugu soo butaacay dalkooda hooyo,, kuwaas oo ka soo guryo noqday dalalka debedda, gaar ahaan dalalka reer Yurub, Ameerika iyo Carabaha.

Dadkaas oo uu imaatinkoodu soo horyeeshay waxay bishii Juun waxay horaantoodu fan-jeedisay badhtimihii bisha aynu ku jiro ee Ogost, waxayna dadka xiligan yimi ahaayeen dadkii ugu tirada badnaa ee weligood dalka yimaadda, iyadoo aad moodo inaan dadka qur-bajoogga ahi u kala hadhin imaatinka fasaxa xagaaga, hadii ay dad waaweyn tahay, hadii ay dhalinyaro tahay iyo hadii ay caruur tahayba, waxaadna arkaysaa boqolaal qoys oo iyaga oo caruur yar yar dallandalsanaya ka soo degaya madaarada ama ka dhoofaya.

Dadka debedaha ka yimi dhawrkii bilood ee ina dhaafay waxay culays weyn ku hayeen madaarada iyo shirkadaha diyaaraha, taas oo ay dadka soo degaya ama dhoofayaa meel ay kala joogsadaan ka waayeen garoomada diyaaraha, isla markaana waxay kala waayeen kuraasta diyaaradaha.

Weriyayaal Haauf ka tirsan oo khamiistii dhowayd madaarka Hargeysa booqday ayaa xaaladda madaarka ku tilmaamay meel ceeryoon ah oo aanay usha cirka loo tuuraa dhulka u dhacayn, waxayna saraakiisha socdaalku sheegeen inay masalan Khamiistii oo keliya madaarka Hargeysa ka dhoofeen ilaa 400 qof, laakiin waxaad moodaa inaanay isu dhigmayn itaalka madaarada Somaliland iyo adeegga ay u baahan yihiin dadka socotada ahi. Tusaale ahaan sida ay ku warameen weriyayaasha Haatuf marka la eego dadkii Khamiistii madaarka Hargeysa ka dhoofayey qofku inku dhow saacad ayuu ku jirayaa faylka xafiisyada adeegga madaarka.
Sidoo kale dararka xafiisyada, surimada bixidda ama gelista iyo meelaha nasashada iyo xataa makhaayadda yar ee madaarka meel ay dadku iskala taagaan ayey kala waayeen, waxayna meelahaa kala kulmaan cidhiidhi iyo diiqad xoog leh, taasina waxay keentay markii ay kuraasta edegyada fadhiga taal qaadi wayday inay sida makhaayadaha isdhex-hogtaan. Sidoo kale xataa xafiisyada adeegga shirkadaha diyaaraha ee madaarku waxay u muuqdeen kuwo ay ka tafdheeraatay hawshu oo ay is-dulbuuxiyeen albaabada iyo daaqaha xafiisyadooda.

“Ugu yaraan 45 daqiiqo ayaan ku jiray xafiiska hubinta tigidhada iyo miisaanka shandadaha, sidoo kalena inka badan nusasaace ayaan kiyuu ugu jiray xafiiska socdaalka”sidaa waxa tidhi gabadh ka mid ah dadkii madaarka ka dhoofayey khamiistii dhowayd, iyadoo ay dadku safaf dhaadheer ugu jireen xafiisyada. Sidoo kale buuqa iyo sawaxanka ayaa cirka isku shareeray. Hase yeeshee marka laga yimaado taa waxa su’aal meesha taal dadka qur-bajoogga ah ee reer Somaliland aragti noocee ah ayey ka qaateen dalkooda mudadii ay ku joogeen fasaxii xagaaga.
Runtii sheeko xiiso leh ayaa lagu tilmaami karaa aragtida ay dadka qur-bajoogga ahi kala noqdeen dhulkooda, waxayna inta badan kala kulmeen sheeko xiiso leh, laakiin dhinaca kalena waxa la odhan karaa siyaalo kala duwan ayey uga aragti qaateen, isla markaana qof meel ayuu ka ursaday muuqaalka hortiisa yimi, hadii ay dhinaca dhaqanka tahay, hadii ay dhinaca siyaasadda tahay iyo hadii dareenka tahayba.

Maxamed Cumar Maygaag waxa uu ka mid ahaa dadkii debedaha ku maqnaa ee yimi fasaxii xagaaga, ka dibna dib u laabtay, isaga oo khamiistii 20-kii Ogost, 2003 ka dhoofay madaarka Hargeysa, laakiin isaga oo u waramaya weriye Haatuf ka tirsan oo waydiiyey aragtida uu wadankiisa sida ay tahay waxa uu ugu horayn yidhi “Horta wadanka 25 sannadood ayaan ka maqnaa, waxaana joogay 25 maalmood”. Laakiin isaga oo tilmaamaya waxyaalaha uu la yaabay waxa uu yidhi “Markii hore aniga oo burburka iyo dayaca Hargeysa la yaabban ayaan Berbera tegay markaas ayey Hargeysa Yurub u noqotay, iyadoo Berberi ah meeshii dalka ugu dakhli roonayd”.

Maxamed waxa uu hadana yidhi “Runtii wax soo saarka madaxa banaani aad buu u shaqeeyaa, waxaana ka muuqata firfircooni iyo horumar, laakiin adeegyada guud ee dhinaca dawladdu aad iyo aad buu u liitaa, waxyaalaha aan dayacooda ka naxay waxa ka mid ah wadooyinka, waxyaalaha kale ee aan la yaabay waxa ka mid ah dadka masaakiinta ah ee sida xad-dhaafka dalka ugu soo qul-qulaya, taas oo ah arin u baahan in wax laga qabto”.

Maxamed Cumar Maygaag, waxa kale oo uu yidhi “Ma aha in ictiraaf uun la sugo waayo wax badan oo aan ictiraaf ku xidhnayn ayaa la qabsan karaa, maxaa yeelay tusaale ahaan dhagax waddo laga duwayo iyo waddo la hagaajisanayaa uma baahna ictiraaf”.

Sidoo kale Faa’isa Cabdi-kabatole iyo gabadha kale ee la yidhaahdo Yaasmiin Axmed waxay iyana ka mid ahaayeen dadkii khamiistii dhowayd madaarka Hargeysa ka dhoofay, sidaa darteed mar aanu waydiinay aragtida ay dalkooda ka qaateen waxay yidhaahdeen “Horta dadka dalka joogaa waxay nagu yidhaahdeen qolyahayagii debedaha ka yimi dhaqan celis baad tihiin, laakiin waxaanu u aragnaa inaanaan halkan dhaqan ugu iman”, laakiin gabadha la yidhaahdo Faa’isa Cabdi ayaa sharax ka bixisay sababta ay dhaqanka dalka u dhaliishay, waxayna tidhi “Masalan anagu caruurta aanu wadanaa weligood wax ma caayayaan, laakiin halkan waxaad arkaysaa ilmo yar oo hooyo iyo aabe meel isugu keenaya, sidoo kale waxaad arkaysaa gabdho ama dumar aan xishoonayn oo waxa ay doonaan ku hadlay ama ragga suuqa ku qabqabsanaya”. Hase yeeshee gabdhahani waxay u guuxeen dhinaca nabadgelyada, waxayse ka cawdeen askar habeenkii gawaadhida joojisa oo meelahaa taag-taagan, waxayna yidhaahdeen “Runtii nabadgelyada wadanka taal aad baanu u jeclaysananay, aadna way u wanaagsan tahay, laakiin maadaama aanu wadankayagii nimi waxaanu filaynay inaanu sida aanu doono u dhex socono, laakiin waxa na dhibay laba askari oo biriijka afkiisa taag-taagan, oo adiga oo aan waxba samayn baabuurka kugu qabsanaya ama nafta kuu keenaya”.

“Dalka waxaan ku arkay baahi badan iyo shaqo la’aan, intii aanan dalka imana, taasi maskaxdayda kuma ay sawirnayn, isla markaana waxaan is lahaa qof aan shaqaysani ma noolaan karayo, taasna dalka waan ku arkay, awelse maskaxdayda kuma ay sawirnayn”,sidaana waxa yidhi C/casiis Axmed Olol oo ah wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah dadka debedaha ku nool ee dalka yimi fasaxa xagaaga, dalkana ka dhoofay isaga oo aad u da’yar.

“Waxaan aad ula yaabay dayaca dhinaca nadaafadda iyo burburka wadooyinka”,sidaana waxa tidhi gabadh la yidhaahdo Faadumo Jaamac, sidoo kale ninka la yidhaahdo Axmed Cali ayaa isaga oo tilmaan ka bixinaya waxyaalihii uu dalka ku arkay waxa uu yidhi “Anigu bahalka qaadka ayaan aad ula yaabay, waayo waxaan arkay dadkii oo dhan oo wada cunaya yar iyo weyn, rag iyo dumar, berigii hore waxa cuni jiray rag tirsan oo waaweyn, ta kale maalin walba waxa uu dalka ka saarayaa lacag adag oo aanay jirin wax kale oo lagu soo bedelayaa, taasina waxay dalka u keenaysaa fuuq-bax dhaqaale, markaa walaahay cunista qaadku waxay iigu muuqataa dhibaatada ugu weyn ee dalka haysata”.

C/laahi Maxamed oo ka mid ah dadka qur-bajoogga ah ayaa isna waxoogaa farta ku fiiqay dhinaca siyaasadda, wuxuuna yidhi “Runtii waxaan arkay dhibaatooyin badan oo siyaasadeed iyo duruufo badan oo maamul, kuwaas oo aad moodo inaanay dadka wadanka joogaa dareensanayn-ba, waxa kale oo ka mid ah waxyaalaha aan la yaabay dad aan garanayn sida ay dawladda ay talada u dhiibteen ula xisaabtamaan, waayo qof qof meelahaa ka qaylinaya mooyee arki maysid cid inta ay isa soo taagto odhanaysaa maxaad waxaas iyo waxaas u qaban waydeen”.

Kumanaanka qof ee qurba-joogga ah ee xagaagan dalka fasaxa ku yimi waxay soo kordhiyeen waxyaalo aan dalka ka jiri jirin, waayo waxaad arkaysaa, waxa dhacday in afka kasta oo dunida ka jira inta badan lagaga hadlay suuqyada magaalooyinka Somaliland.

Inta badan dadka waaweyni waxay xiligana soo kaxaysteen caruurahooda, taasna waxay uga jeedeen inay caruurta soo baraan dhaqanka dalkooda, iyaga oo ka baqe-qaba inay debedaha kaga tasoobaan, laakiin inkasta oo laga yaabo inay wax badan ka fuliyeen ujeedooyinkii ay caruurta u soo kaxeeyeen, hadana dhinaca kale waxyaalo badan oo dhibaato ah ayey la kulmeen, tusaale ahaan waxay la qabsan-waayeen cuntooyinka iyo cimilada dalka, taasina waxay keentay inay caruuraha qaarkood xanuunsadaan, sidaa awgeedna waalidka qaar baa iyadoo aanu waqtigii fasaxu ka dhamaan qadimay caruurta awgeed.

Sidoo kale dadka qurba-joogga ahi ma cabatin la’ayn, waayo waxay dad badani u arkayeen inaan dawlad iyo shiciba aad loo fahamsanayn qiimaha ay dalka ugu fadhiyaan, iyadoo aad dadka qaar dareenkooda ka akhriyeysay inaanay helin ixtiraamkii ay mudnaayeen. Waayo sida la ogyahay dhaqaalaha ugu badan ee maanta dalka soo galaa waa biilasha ay dadku debeduhu soo diraan iyo weliba mashaariicda horumarineed iyo dhaqaalaha ay ku bixiyaan danaha caamka ah.

Top


Saraakiil Ka Socda Maxkamadda Dembiyada Dagaalka Oo Socdaal Xaqiiqo Raadis Ah Ku Imanaya Gobolo Ka Mid Ah Dalkii Soomaaliya

Nairobi (W.wararka) wafti ka socda maxkamada caalamiga ah ee dhagaraha dagaalka ayaa la sheegay inay dhawaan socdaal kuiman doonaan gobolo ka tirsan dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya si ay baadhitaan ugu sameeyaan dambiyadii dadka laga galay iyo xasuuqyadii la gaystay mudadii ay dagaaladu ka bilaabmeen dalkii soomaaliya.

Sida ay sheegtay Wakaalada wararka Qaramada Midoobay ee IRIN waxa ay shaaca ka qaaday in ay Magaalada Caruusha oo ay ka furan tahay qaybta Afrika ee maxkamada dambiyada dagaalka ee caalamiga ah ay haatan ku sugan yihiin saraakiil dhawaan socdaal ku imanaya Soomaaliya si ay war bixino ku saabsan danbiyada dagaalka iyo gabood falkii ka dhacay Soomaaliya 13-kii sanno ee la soo dhaafay ee lagula kacayay dadka aan waxba galabsan u diyaaariyaan, iyadoo sidoo kale la baadhayo xabaalo Jamaaci ah oo lagu wada aasay dad wadar ahaan loo laayey iyo xasuuqyadii dhacay ee la qarinayo, hase yeeshee ay dacwado ka yaalaan maxkamada caalamiga ah.

Saraakiishan ayaa la sheegay in ay booqanayaan Gobolada ay ka mid yihiin W/Galbeed, W/Bari, Hiiraan, Banaadir, Baydhabo iyo Kismaayo,sida warbixintu sheegtay . Wakaaladdu waxay intaasi ku dartay in saraakiishani ay la kulmayaan ciddii ay u baahdaan iyadoo ayna jirin cid socodkooda is hor taagi karta ciddii isku daydana ay la kulmeyso dagaal caalami ah iyo go’doomin lagu soo rogayo sida wakaaladu sheegtay.

Dhinaca kale War laga soo xigtay Wakaaladda wararka QM ee IRIN ayaa sheegaya in wadamada Yugreyn, Itoobiya, Yemen, Bakistan, Eretareya iyo Austaria ay yihiin wadamadii ugu badnaa ee doorka weyn ka qaatay hubkii ku qul qulayay Soomaaliya sanadadii 2000-2001-dii.

Baadhitaan ay sameeyeen saraakiil uu golaha Ammaanku u xilsaaray in ay kormpeeraan hubka galaya gudaha Soomaaliya iyadoo la jebiyay qaraarkii golaha ammaanka ee cunaqateynta hubka lagu saaray Soomaaliya.

Warbixintan hubka Soomaaliya ku soo qul qulayay wixii ka dambeeyay qaraarkii Golaha Ammaanka ee cunaqabateynta hubka lagu saaray Soomaaliya iyadoo uu hubka gacanta ugu jiray sanadkii 2000 isku cel celis 40% halka 2003-da ay gaadhay isku cel celis 70% waxaaana soo hadhay waxyar iyadoo saraakiishani ay warbixintooda hor dhigeen Golaha ammaanka si talaabo looga qaado dowladaha ku xadgudbay qaraarkaas.Wakaaladda wararka IRIN waxey intaas ku dartay in si weyn looga doodayo hubka ku soo qul qulaya Soomaaliya.

Top


Maxay La Kulmeen Ardaydii Reer Somaliland Ee DeeqdaWaxbarasho Ka Helay Masar

Hargeysa (Haatuf): Sida la ogyahay ilaa laba kooxood oo ka mid ah ardayda Reer Somaliland ayaa labadii sannadood ee ina dhaafay deeq waxbarasho ka helay dalka Masar, kuwaas oo la sheegay inay duruufo nololeed iyo xataa kuwo dhinaca waxbarashada ah kala kulmeen dalkaa, iyadoo ay wax iska bedeleen sidii ay markii hore filayeen iyo wixii ay markii dambe la kulmeen. Laakiin Cumar Abiib Boobe oo ka mid ah ardayda wax ka barata Masaarida, balse isagu hore u sii joogay, iminkana dalka fasax ku jooga ayaa na soo gaadhsiiyey maqaal uu kaga hadlayo wixii ay Masaarida kala kulmeen ardaydii deeqda waxbarasho heshay, wuxuuna qoraalkiisa ku bilaabay:

“Waxaan fursad u helay inay ka mid noqdo dad tiro yar oo madaarka Qaahira kaga horyimi ardaydii u horaysay ee Somaliland ka timaadda ee deeqda waxbarasho ka heshay Masar, kuwaas oo ka koobnaa 18 qof, 12 wiil iyo 4 hablood, waxa deeqda waxbarasho siisay jaamacadda As-har oo wixii xiligaa ka horeeyey deeq waxbarasho siisay boqolaal arday ah oo ka yimi dhinaca Muqdisho.

Ardayda reer Somaliland waxay isku hallaynayeen jaamacadda deeqda u fidisay oo ay is lahaayeen jaamacadda ayaa madaarka baabuur idinka qaadi doonto oo guryo idin geyn doonta, sidaa darteed inay imanayaan cidna uma soo sheegin, laakiin taasi may dhicin.

Jaamacadda As-har waxay leedahay madiinad (kaam) qaabilsan arimaha ardayda, waxayna madiinadaasi ka kooban tahay laba qaybood, qayb ragga ah iyo qayb dumarka ah, isla markaana ragga iyo dumarka isku si looma qaabilo, tusaale ahaan dumarka markiiba toos ayaa loo geeyaa madiinadda, loomana ogola inay meel kale tagaan, isla markiibana guryo ayaa la siiyaa, laakiin ragga sidaa looma qaabilo, markaa hablihii waxaanu markiiba geynay madiinadda, iyadoo ay madiinadaa ku noolyihiin arday fara badan oo ka kala socda dalalka aduunka, waxayna jaamacaddu meeshan ugu talo gashay ardayda aan cid kale haysan., waxaana ardayda cusub ee timaadda loogu talo galay inay marti geliyaan ardayda dalkooda ee meesha degani, hadii taa la waayana ay magaalada guryo ka kiraystaan ilaa inta madiinadda meeli ka banaanayso.

Ardayda reer Somaliland markii ay madaarka Qaahira ka soo degeen wixii ay moodayeen iyo wixii ay arkeen waxay kala noqdeen kaaf iyo kala dheeri, waayo waxay filayeen inay jaamacaddu basas madaarka kaga qaadi doonto, laakiin taasi wax weligeed-ba dhacay may ahayn oo cidna jaamacaddu madaarka basas kagama qaado ee ardayda tiamaadda waxa madaarka ka qaadda jaaliyadahooda wadanka degan, laakiin ta waxaas oo dhan kaga sii yaabka badnayd waxay ahayd markii aanu ku nidhi shahaadooyinkan aad sidataan kuma geli karaysaan jaamacadda, waayo Jaamacadda As-har way madax banaan tahay oo ma hoos-tagto wasaaradda waxbarashada Masar, waxayna xidhiidh la leedahay dugsiyo gaar ah, tusaale ahaan qofka ka soo baxa dugsiyada sare ee ay dawladdu gacanta ku hayso ma geli karaan jaamacadda As-har, sidoo kale ardayda ka soo baxda dugsiyada cilaaqaadka la leh jaamacadda As-har ma geli karaan jaamacadaha dawladda. Sidaa awgeed ardayda la mid ah ardayda reer Somaliland ee meesha timi waxay jaamacaddu ugu talo gashay imtixaan qiimayn ah oo ay sannadkasta qaado bisha sagaalaad, qiimayntaana waxa ka soo baxda inay ardayda qaar noqdaan heer dugsi sare, qaarna heer dugsi dhexe, qaarna lagu qiimeeyo inay jaamacadda geli karaan.
Jaamacadda As-har waxa ka mid ah dugsiyada ay cilaaqaadka la leedahay dugsiga Al-furqaan ee dalka Jabuuti, ardayda dugsiyada noocaas oo kale ah ka soo baxdaana toos ayey u galaan jaamacadda.

Waxa kale oo iyana jirta deeq waxbarasho oo la siiyo xafiiska safaaraddii Somalida, kuwaas oo sannad kasta ah 40 qof, waxayna galaan jaamacadaha dawladda, sida: Qaahira University iyo Sin-shamis University, sidaa darteed waxa kal hore nasiib u helay inay afartankaa ka mid noqdaan 6 ka mid ah ardaydii reer Somaliland, 4 wiil iyo 2 hablood, waxayna qaarkood heleen kuliyadda caafimaadka, halka ay qaarna heleen kuliyadda Injineerinka, waana markii u horaysay ee ay arday Somali ahi hesho ama gasho kuliyadahan.Iyadoo ay shan kale oo ka mid ah ardayda Somalidu heleen jaamacadda la yidhaahdo 6 Oktoobar University, laakiin ardaydii kal hore ka soo hadhay iyo ardaydii sannadkan tagtayna waxay sugayaan inay sannadkan nasiibkooda ka qaadaan, aniga oo guul u rajaynaya.

Waxa kale oo aan iyana u mahad naqayaa inamada ka shaqeeya xafiiska dahab-shiil ee Qaahira oo aad u gacan qabtay ardaydii halkaa timi labadii goor-ba.

Hadaba waxaan xusuusin lahaa ardayda dambe inay taa ogaadaan oo ay wax walba fishaan oo aanay moodin inay wax waliba u diyaar yihiin ee uu qof waliba nasiibkiisa qaadi doono marka uu halkaa yimaaddo, laakiin ardayda dambe ee iman doontaa waxay kuwii kaga duwanaan doonaan urur ay leeyihiin ardayda reer Somaliland, ururkaas oo fadhigiisu yahay Qaahira si fiican ayey u soo dhowayn doonaan ardayda cusub ee timaadda”.

Top


Wasiirada Caafimaadka Iyo Qorshaynta Oo Ka Hadlay Hayado Lagu Qabtay Rabadhada Galmada Loo Isticmaalo

Hargeysa (Haatuf): Wasiirada caafimaadka iyo qorshaynta, Cismaan Qaasin Qodax iyo Axmed Xaaji Daahir ayaa shalay hayadaha samafalka caalamiga ah uga digay inay dalka soo geliyaan rabadhada loo isticmaalo galmada, sidaana waxay ku sheegeen kulan ay wada jir u qabteen oo ay ku soo bandhigeen rabadho kuwa galmada ah oo lagu qabtay qaar ka mid ah hayadaha samafalka, iyadoo ay rabadhada la soo bandhigay isugu jireen qaar kuwa ragga ah iyo qaar kuwa dumarka ah-ba, waxaana la sheegay in alaabtaa la qabtay iyadoo dekedda Berbera ka soo degaysa oo saarran kontaynar.

Wasiirka caafimaadka Cismaan Qaasin oo kulanka ka hadlay ayaa yidhi “Qalabkan horteena yaal oo ah rabadhada galmada loo isticmaalo, waxaynu awel maqli jiray rabadhka ragga, maantase waxa ku soo biiray rabadh dumarka ah, iyadoo ay hayadaha qaarkood keeneen kuwa dumarka, iyadoo aanu horeba uga werwersanayn rabadhada ragga ayaa kuwa dumarna la keenay, taas oo la sheego inay rabadhadu dhalmada kala fogeeyaan ama cuduro lagaga hortago, laakiin inagu dhaqaan maadaama aynu nahay dad muslin ah waynu diidanayn waxyaalahaa, balse waxa uu dareenka arintaasi sii siyaasaday markii ay hayado yidhi waanu idin caawinaynaa ay keeneen rabadho kuwa galmada dumarka ah”.

Wasiirka caafimadku isaga oo alaabtaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Ma jecli in waxan muuqaalkooda dadka la tuso, laakiin kartoonkaa waxa ku jira rabadhadii ragga, shandadaana waxa ku jira rabadhadii dumarka, waxaana alaabtaa keenay hayadaha CARE INTERNATIONAL iyo UNFPA, kuwaas oo sheegay inay tababar ku bixinayaan, labadaa hayadood liiska ay cashuur-dhaafka dawooyinka nagu waydiisanayaan ayaan ku arkay rabadhadan waxaana u sheegay inaan kuwaa la ogolayn inay dalka soo geliyaan, ka dibna wasaaradda qorshaynta ayaanu u soo gud-binay, waxaanuna sheegnay inaan loo soo dayn karin, balse waa loo soo daayey”.

Wasiirka caafimaadku waxa uu sheegay inay wasaarad ahaan hore go’aan uga gaadheen inaan alaabta caynkaas ah la ogolayn in dalka la keeno, iyadoo buu yidhi aanay jirin sabab loogu baahdo oo dalka loo keenaa, isaga oo ugu dambayn hayadaha samafalka uga digay inay alaabtaa soo qaataan, dalkana keenaan, wuxuuna yidhi “Hayadaha samafalka ee caawimada dunidu ina siiso soo qaata waxaanu u sheegaynaa oo aanu ku adkaynaynaa inay mam-nuuc yihiin rabadhaasi oo aan dalka la keeni karin, laga bilaabo maantana rabadh dalka waa laga mam-nuucay, waxaana ka codsanayaa inay meeshooda noogu bedelaan raashin iyo dawooyin”.

Wasiirka Qorshaynta ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna yidhi “Sidaa wasiirka caafimaadku sheegay awel waxa la isku haystay ka ragga ee mid dumarna way keeneen, taasina waxay ku tusaysaa khatarta ay ku sugan yihiin hableheenu, waxay ahayd hadii ay hayadaha waxan inoo keenay ay ina danaynayaan inay wax ka qabtaan baahiyaha, markaa anagu dawlad ahaan wixii aanu u aragno inay dadka iyo dalka anfacayaan waanu ogolaanaynaa, wixii aanu is leenahay danta dalka iyo diinta islaamka ayey ka hor-imanayaan waanu is hortaagaynaa”.

Wasiirka qorshayntu waxa uu sheegay inay hayadaha alaabtan keenay u qoreen qoraal ay ugu sheegayaan inay alaabtaa dib ula noqdaan oo aanay dalka lagu hayn karin, waxaana kulankaa labada wasiir ku weheliyey agaasimayaashooda guud iyo saraakiil kale oo wasaaradahooda ka tirsan.

Top


3 Askari Oo British Ah Oo Lagu Laayay Magaalada Basra Ee Dalka Ciraaq

Baqdaad (W.wararka) sadex askari oo ingiriisa ah ayaa lagu dilay dalka ciraaq gaar ahaana magaalada basra maalintii shalay sidaana waxa xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhiga ee Britishka, iyadoo mid kalena si xun loo dhaawacey.

Waxa ay wararku sheegayaan in weerarku uu dhacey iyadoo askarta Britishku ay sii galayeen daar xarun u ahaan jirtey ciidamada sirdoonka ee dowladdii Saddam Huusein oo haatan ay ciidamada Britishku ay isticmaalaan.

Wariye ggoobjoog ahaa ayaa sheegay in xabado iyo bambo gacmeed askarta Britishka lagaga soo ridey baabuur meesha marayey.
Waxa uu wariyuhu intaa ku daray in aaggii uu weerarku ka dhacay oo ku dhow Jaamacadda Basra la xidhey oo aan wariyayaasha loo ogolaan in ay galaan.

Nin u hadley ciidamada Britishka ayaa yidhi "Dadkii weerarka ay wax ku gaadheen Cisbitaal ayaa loo qaadey iyadoo xaaladdiina la dajiyey".

Televishanka Basra ayaa muujinayey in xaaladdu ay haatan degentahay
Dhinaca kale Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan ayaa sheegey in ay Golaha Ammaanka aad ugu adkaan doonto in ay ansaxiyaan qaraar cusub iyadoo aan QM la siinin door laxaad leh oo la xidhiidha arrimaha ciraaq.

Waxaanay u muuqataa in qeybsanaantii hore u dhexmartey xubnaha Golaha Ammaanku ay soo noqoneyso. Waddamadii ka soo horjeedey in Ciraaq dagaal miletri loo adeegsado sanadkan bilowgiisii oo ay ka mid tahay France ayaa haatan sheegey in ayna ka jawaabeynin baaqa Mareykanka iyo Britain ee ku saabsan in Ciraaq gacan kale la siiyo.

Waxa France iyo xulafada la safani ay ku doodayaan in Ciraaq gacan kale loo geysan karo haddii ay Mareykanka iyo Britain ay ogolaadaan in QM la siiyo door ka weyn kan haatan ay ku leedahay Ciraaq. Iyadoo waddamo kale ay leeyihiin ciidan u diri meyno haddii ay Mareykanku hogaanka u sii heynayaan Ciraaq.

Kofi Annan waxa uu intaa ku daray in xubnaha Golaha ammaanka intooda badani ay doonayaan in la caalamiyeeyo hawlaha Ciraaq laga qabanayo, taas macnaheedu waa in door weyn la siiyo QM. Waxa uu yidhi haddii aan sidaas la yeelin, wey adkaan doontaa in la helo qaraar labaad oo raali galiya cid kasta Weerarkii dhawaan lagu qaadey xarunta QM ay ku leedahay Baqdaad waxa uu gilgilay Golaha ammaanka, waxaana uu ku dhaliyey in tallaabo deg deg ah la qaado.durba waxa bilaamey wadahadallo lagu faa'qidayo sidii loo hormarin lahaa ammaanka Ciraaq iyadoo la eegayo bal in doorka QM ay Ciraaq ku leedahay la kordhin karo iyo in kale.

Intii muddo ahba Mareykanku wuu ku taamayey in Golaha Ammaanka la horgeeyo qaraar lagu dalbayo in ciidamo caalamiya oo ammaanka suga Ciraaq la geeyo, isagoo aan muujin in uu diyaar u yahay in hogaanka loo dhiibo QM.

Sidaas oo ay tahay Mareykanku waa uu ka caga jiidayey in uu u badheedho arinkaas, waxaana uu iska ilaalinayey in ay dib u soo noolaato qeybsanaantii ba'nayd ee xubnaha Golaha ammaanku ay soo arkeen markii Ciraaq la galey.

Kofi Annan waxa uu sheegey in ammaanka Ciraaq loo diri karo ciidamo caalamiya oo wadamo badan ka socda iyadoo QM ay diiradda saareyso arimaha ay ka midka yihiin dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshadaba.

Taas waxa ay u ektahay qaabkii Afghanistan halwlaheeda loo agaasimay, taas oo QM ay hogaanka u haysey dib u dhiska la xidhiidha siyasadda iyo dhaqaalaha waddanka.

Waa la hubaa in dowlado badan oo France iyo Russia ay hormood u yihiin aan si sahlan looga raaridi karin in Golaha ammaanku ansaxiyo qaraar fasaxaya in ciidamo ka socda dalal badan la geeyo Ciraaq iyadoo ay weli Mareykanka iyo Britain hogaanka u hayaan arimaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee waddankaas.

Qeybasanaantaas durba wey soo daahirtey, ka dib markii ay France ku baaqdey in Mareykanku uu door laxaad leh siiyo QM, haddii la doonayo in ciidamo isku dhafan la geeyo Ciraaq.

Si kastaba ha ahaatee, shaki yar ayaa ka taagan in Mareykanka iyo Britain ay haatan doonayaan in waddamo kale ay la arkaan kadeedka ka heysta Ciraaq.

Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Britain, Jack Straw oo arinkan u socda markii uu dhawaan New York ka degay wax uu sheegey, in Mareykanku aanu ka tanaasuleynin awoodda Miletri ee uu Ciraaq ku leeyahay, laakiin buu yidhi Britain waxa ay diyaar u tahay in ay dhageysato waxa ay waddamada kale ay dalbanayaan ee horseedi kara in Ciraaq si wada jir ah nabad loogu soo dabbaalo.

Top


Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya Oo Ku Geeriyooday London

London (W.wararka) Waxaa magaalada London ku geeriyooday maalintii shalay Madaxweyne ku xigeenkii dalka Kenya Michael Kijana Wamalwa. Michael Kijana Wamalwa waxa uu mudo Ku xanuunsanayey Cisbitaalka Royal Free Hospital ee ku yaala magaalada London. Waxa uu ahaa siyaasi 69 Jir ah waxa uu ku dhashay Magaalada Kitale.

Kijana Wamalwa marxalado kala duwan ayuu ka soo maray dalka Kenya waxa uuna ahaa Qareen dor weyn ka cayaara arrimaha sharciga ee dalkaasi, wuxuuna siyaasada soo galay 1979 xiligaasoo uu xubin ka noqday golaha baarlamaanka ee dalkan kenya.

Kijana wamalwa waxa uu ahaa Madaxweyne Ku xigeenkii sideedaad ee uu Yeesho dalkan kenya.Waxaana Jagadan loo doortay Bishii Janaury ee Sanadkan waxaana loo arkayay shakhsi mug iyo miisaan culusba ku leh masraxa siyaasada ee dalka kenya.

Waxa uu ka mid ahaa xisbigii Mucaaradka ee Ford Kenya waxa uuna la soo shaqeeyay Odaygii siyaasiga ahaa ee jaramogi Oginga Odinga oo caan ka ahaa dalka kenya.

Ka dibna waxa ay siyasad wadaag noqdeen Urur weynihii Mucaaradka ahaa ee NARC Of kenya. Iyadoo aakhirkiina ku midoobay Xisbiga talada kenya maanta haya ee NarC. Madaxweynaha Dalka kenya Mwai Kibaki oo shalay ka hadlayay Geerida wamalwa ayaa waxa uu sheegay In Kenya ay weyday Shakhsi Culus Isagoo waliba sheegay In isaga Laftirkiisa Waa kibakiye uu waayay saaxiib Rafiiq weyn u ahaa Xiligii ay Mucaaridka wada ahayeen iyo maantoo ay talada wadanka wada hayeen.

Madaxweyne Ku xigeenka ayaa dhawaan guursaday. Arooskiisuna waxaa uu ahaa mid si weyn looga agaasimay dalka kenya ayaa waxa uu ku soo beegmay Xili Caafimaadka Madaxweyne ku Xigeenku uuna wanaagsanayn Iyadoo dhowr jeerna caafiimad ahaan Dibada Loogu qaaday.

Geerida Madaweyne Ku xigeenka ayaa waxaa si rasmi ah looga daawanayay loogana Dhagaysanayay Idaacadaha wadanka Iyadoo ay ku soo beegantay maalin sabti ah oo shaqada Laga Wada nasnayay.

Geerida Ku timid Kijana Wamalwa waxa ay ku soo beegantay Xili khilaaf uu ka dhex taagan yahay Xisbiga talada Haya ee Narck geeridiisana waxa ay keenaysa Su'aasha ah yaa noqon doona Madaxweyne Ku xigeen Taasoo Hadaba ku taagan Maskaxda iyo maanka dad badan oo Keenya ah.

Isku soo wada duuduuboo waxaa shalay wadanka kenya gaar ahaana caasimada nairobi wada hadheerayay hadal Haynta Geerida Madaxweyne Ku xigeenkii Maata Xijaabtay oo Si aad ah Looga wada sheekaysanayey Dhimashadiisa.

Top


Maraykanka Oo Hantida Hoggaamiyeyaasha Ururka Xamaas

Qudus(W.wararka)Madaxweynaha maraykanka Bush ayaa ku dhawaaqey in la xakameeyo hantida dhowr nin oo ka mid ah ururka Xamaas iyo ururo kale oo la sheegey in ay Xamaas siiyaan taageero dhaqaale. Madaxweyne Bush ayaa sheegey in uu amrey in la xakameeyo oo aan la siinin hantida ay leeyihiin dhowr nin oo ka tirsan madaxda ururka mintidka ah ee Xamaas iyo dhowr urur oo la sheegey in ay Xamaas siiyaan taageero maaliyadeed.

Bush waxa uu yidhi isaga oo arrintan ka hadlayey, Xamaas waxa ay todobaadkan dib u xaqiijisey in ay tahay urur argagixiso. Wasaaradda maaliyadda ee Mareykanka ayaa soo saartey tafaasiil kale oo ku saabsan nimanka ka tirsan Xamaas iyo ururada kale ee lacagtooda lagu xayirayo bangiyada Maraykanka.

Waxa liiska la soo saarey ugu horeeya Sheikh Ahmed Yassin oo ah wadaad diiniya oo ka tirsan Xamaas, sidoo kale waxa liiskaas lagu magacaabey Abdel Aziz Rantissi iyo afar qof oo kale oo ka tirsan Xamaas oo saldhigoodu yahay Syria iyo Lebanon. Ururada kale ee lagu eedeeyey in ay Xamaas siiyaan gargaar dhaqaale waxa ka mid ah urur samafal oo magaciisa loo soo gaabiyo PRDF oo saldhigiisu yahay London iyo kooxo kale oo deggan France, Switzerland iyo Austria.

Waxaana soo baxaya warar sheegaya in masuuliyiinta Falstiiniyiintu ay dhawaanahan qorsheenayeen in ay hubka ka dhigaan kooxaha dagaalyahanada ah, taas oo waafaqsan dalabaadyada Israa'iil iyo Mareykanku doonayaan.

Laakiin shirqoolkii ay todobaadkan Israa'ill ku khaarajisey mid ka mid ah madaxda Xamaas, Ismaaciil Abu Shanab oo magac weyn ku lahaa dhinaca dad badan oo Falstiiniyiin ah ayaa waxay abuurtey xanaaq badan oo jamaahiir iskugu soo baxay dariiqyada Gaza ay ku hanjabeen in ay u aar gudi doonaan Abu Shanab.

Madaxda Masuuliinta Falastiiniyiinta ayaa sheegey inayna haatan suurtagal ahayn in ay wax laga qabto ficilada dagaalyahanadu wadaan.

Waxa ay masuuliintaas sheegeen "waa in ay Israa'iil marka hore ay joojiso hawlgaladeeda Miletri, waxaana ay Mareykanka ka dalbadeen in uu Falastiin u soo diro korjoogayaal awood ballaran leh".

Saraakiisha Israa'iilna waxa ay sheegeen in ay muddo dheer ka sugayeen masuuliinta Falstiin in ay wax ka qabtaan kooxaha dagaalyahanda ah.
Qaraxii ba’naa ee Salaasadii lagu qarxiyey Bas marayey Qudus oo Yuhuud badan ay ku dhinteen ka dib, waxa Israa'iil ay ku hanjbtey in ay beegsan doonto hogaamiyayaal kale oo ka tirsan Xamaas.

Masuuliinta Falastiin waxa ay isku haleenayeen xabad joojin socotey todoba usbuuc oo ay ku baaqeen dagaalyahanadu si nabadda loo ilaaliyo.

Laakiin samirkii ay Falstiiniyiintu u hayeen xabad joojinta ayaa mar horaba sii daciifayey.

Isra'iilna waxa ay hoos u dhigtey heerka hawlgalka mileteri ee ay kaga jawaabi jirtey weerarada. Laakiin waxa jirta in Israa'iil ay weli waddo in ay xidhxidho Falastiiniyiin badan iyadoo dishey in ka badan 20 qof markii iyada weerarka loo geysanayey.

Dhinaca kale Aaskii Ismail Abu Shanab ayaa ka dhacay Qasa waxaana iskugu soo baxay kumannaan Falstiiniyiin ah oo ku qeylinayey erayo hal ku dhegoodu yahay in Israa'iil laga aar goosto.

Niman wajiga ku dabooshey Maryo madow oo caruuri garab socoto oo sita calanka cagaaran ee ururka Xamaas ayaa waddooyinka Gaza buuxiyey oo meydka galbinayey. Ismail Abu Shanab waxa u ahaa nin caan ka ah Qaza, waxaana loo aasey inuu ahaa shahiid ku dhintey qadiyad uu rumeysan yahay.

Laakiin markii Salaasadii bambo lagu qarxiyey Bas marayey magaalada Qudus, saraakiisha sare ee Israa'iil waxa ay bilaabeen in ay jeediyaan hadallo kulkulul. Waxaanay ay madaxdaasi sheegtey in dilka Abu Shanab uu yahay bilow kaliya.

Waxa ay madaxda Israa'iil ay haystaan liis ay ku qoran yihiin rag kale oo ka tirsan Xamaas oo la beegsanayo, weyna Layn doonaan haddii ay u baahdaan sida ay sheegeen.

Ilaa haatan qorshihii tubta nabaddu waa uu guuldareystey, Israa'iil iyo Falstiinba waxa soo foodsaarey mowjado rabshado ah oo cusub.

Top


Socod Lagu Xusayay Halgamaagii Martin Oo Ka Dhacay Maraykanka

Washington (W.wararka) Shalay waxaa ay ku beegnayd 40 sano guurada ka soo wareegtey markii uu Martin Luther King Jr uu ka hadley bannaanbax ay kumannaan qof iskugu yimaaddeen sandadkii 1963dii.

Dr Marti Luther King Jr oo ahaa nin madow oo ku caanbaxay u dagaalanka sidii dadka madow loola simi lahaa caddaanka, waa ninka kaliya ee Mareykan ah ee leh maalin fasax ah oo lagu xushmeeyo dariiqooyinkii nabad jaceylka iyo ololayaashiisii uu sinaanta ugu doonayey Madowga Mareykanka, halka ay dhammaan Madaxweynayaashii Mareykanka ka soo taliyey ay ka leeyihiin hal maalin oo fasax ah oo dhamaantood la xaso.
Dr King oo markii 1968dii la dilay 39 sano oo kaliya jirey, waxa uu ka tagey hadalo badan oo murti leh oo ilaa iminka laga dhigo Jaamcadaha Mareykanka. Kuwaas waxa ka mid ah khudbaddii uu sanadkii 1963dii shalay oo kale, uu kajeediyey Taalada Lincol Memorial ee ku taal Koonfur Galbeed Washinton DC, meel aan sidaas uga fogeyn Aqlaka Cad.

Waxa Khudbadaas oo soo jiidatey 250 kun oo qof oo u badan madow u ololeenayey sinaanta madowga iyo caddaanka uu ku yidhi Waxa aan ku riyoodey iyadoo ay caruurta madowga iyo kuwa cadaanku ay gacmaha is-heystaan oo loo ogolyahay in ay isku fasal fadhiistaan isku basna raacaan.

Waxa kale oo hadalada aadka loo xasuusto ee Dr King ka mid ahaa inuu yidhi "Waxa aan rajaynayaa in ay timaaddo maalin qofka Mareykanka lagu tixgaliyo awoodda caqligiisa iyo kartidiisa oo aan lagu tix-galinin midabka jidhkiisa."

Dadka madow ee Mareykanka waagaas looma ogoleyn in ay ka cunteeyaan makhaayadaha ay caddaanku wax ka cunaan, isku hoteelo lama seexan jirin xataa iska daa wax kale madowga iyo caddaanku waagaas isku suuli ama musqul may wadaagi jirin.

Maanta oo haddaba ay 40 sano ka soo wareegtey isku soo baxaas uu horkacay Martin Luther King Jr , wiilkiisa Martin Luther King III ayaa socodkaas mid la mid ah dad badan u horkacay isla bartii uu aabihii ka khudbadeeyey waagaas.

Munaasabaddan oo socon doonta laba maalmood waxa ay diirada saareysaa oo lagu eegayaa wixii qabsoomey afratankii sano ee ka dambeysey isku soo baxaas caanka ah iyo halganka loo baahayn yahay mustaqbalka.

Mr King-ka yar ee socodka shalay hogaaminayay ayaa sheegey in isku soobaxan lagaga hadli doono waxyaabaha ay ka mid yihiin saboolnimada, daryeelka caafimaadka ee liita iyo shaqo la'aanta oo buu yidhi dhamaantood ah mashaakillo u baahan in laga gacan sareeyo.

Top


Borogaraam Lagu Qaribayo Adeegga Howlaha Internetka

Sobig F waxa la sheegay inuu yahay brogaraam waxyeeleeya kombutarada oo u baahaya si aan ebed la arag. Brogaraamkini ilaa iyo markii uu bilowday maalintii Isniintii waxaa uu madax xanuun badan uu ku riday khabiirada ku xeel dheer xagga amaanka kumburtarada.

Wuxuuna brograamkani uu aad u naafeeyay qaar ka mid ah shirkadaha maamulka Fariimaha ama Emailka, isagoo kumbayuutaradii uu hore u saameeyay ka diraya cadad faro badan oo fariimo ah.

Hase yeeshee, shirkadaha abuura brogaraamada la dagaalama borgaraamada waxyeeleeya kombuutarada ayaa maalintii Jimcihii muddo seddex saacadood ah hayay shaqo weyn, ka dib markii kumbuutaro uu saameeyay brogaraamkan wax naafeenaya , oo uu ku amaray in ay la xidhiidhaan mid ka mid ah labaatanka shirkadood ee ugu waaweyn ee dalka Mareykanka, Kanada ama Kuuriyada Koofureed.

Dalalkaasi kumbuutarada uu borogaraamkani waxyeeleeyay ayaa waxaa amar lagu siiyay in ay soo guuriyaan borograam. Khabuuradu ma ayna aqoon waxa uu ka kooban yahay borogaraamku, laakiinse waxay filayeen in borograamkaasi uu waxyaalo intaa ka badan ka dhax abuurayaa Internetka.

Hase ahaatee, iyadoo hadda ay dhowdahay in uu dhamaado wakhtigii kama dambeysta aheyd ee la qabtay, ayaa shirkadaha abuura progaraamyada la dagaalama brogaraamada wax khariba ayaa ku guuleystay in ay ogaadaan dhamaan kunburarada wax qaba ee labaatanka ah marka laga reebo mid, waxayna awood u yeesheen in ay damiyaan.

Cabsidii weyneyd ee laga qabay in howlaha Internetku ay kala socon weyaan, ayaa beenowday, khabuuraduna inta badan waxay ku rajo weyn yihiin in ayna waxyeelo weyn ka imanin seddex saacadood oo kale oo khatar ah oo laga filayo Brogaraamka wax khariba ee SOBIG F, oo la qorsheeyay in uu weerar sidaas oo kale ah ku qaado kumbuutarada.

Hase ahaatee, Aled Miles oo ka tirsan shirkada Symantec ee sameysa brogaraamada lagaga hortago borograamada wax khariba ayaa u sheegay dadka Kumbuutarada Isticaala in ay waajib tahay in ay iska ilaaliyaan borogaamada kumbuutarada Kharibaya.

Waxuuna yidhi,'Viruskan waxaa uu awood u leeyahay in uu isku dhex cusbooneysiiyo meelaha cusub ee bixiya adeegyada ama Serverska. In kasta oo ayna hadda noo muuqan wax weyn oo socoda, hadda waxaa haboon in aad taxadar loo ahaado si loo xaqiiqsado in ayna waxba dhicin ama xumaanin.'

Borogoraamka wax khariba ee SOBIG ilaa iyo hadda waa sii baahayaa, in kasta oo uu si gaabis ah u socodo. Dadka Kumbuyuutarada isticaala ee aan wali soo jilaaban borogaamyada ugu danbeeyay ee lagu la dagaalamo Viruska ayaa wali waxay u nugul yihiin in uu borogaamkaasi waxyeelo uu u geysto.

Sida caadada ahna Talada ugu wanaagsani waxay tahay si looga hortago borogoraamayadaa waxyeelaya kumbuutarkaaga in aadan furan Fariin ama Email aadan aqoon meesha ay kaaga timid.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Qaddiyadda Bariga Somaliland Miyey Ka Sii Dartay?

Waxaad moodaa inaynu had iyo goor isku mashquulino hadal aan waxba ka tarrayn arimaha inaga qabyada ah, kuwaas oo ay ugu weyn yihiin arinta bariga Somaliland oo ah arin saddex iyo toban jirsatay ilaa haddana aan sidii loo baylaha tiri lahaa wax guul ah laga gaadhin.

Degaamada bariga Somaliland tan iyo mudadaa 13-ka sannadood ah maamulka Somaliland kama taabo-qaadin, waxayna u muuqataa inuu maamulka C/laahi Yuusuf maamulka Somaliland kaga firfircoon yahay gobolka Sool, Sanaag bari iyo degmada Buuhoodle, taas oo marag u noqonaysa inuu maamulka C/laahi Yuusuf maalinba maalinta ka dambaysa ku soo fidayo dhulka Somaliland, laakiin aan wax dareen ah ama talaabo ah oo wax ku ool ah laga bixinayn. Iyadoo aad moodo in dhulkii Somaliland la dhaxal-waereejiyey.

Mushkiladda bariga Somaliland ma aha mid la odhan karo way fududahay, waxayna u baahan tahay in loo hagar baxo iyo caqliga laga shaqaysiiyo, isla markaana dadka arinta bariga Somaliland u arka wax sahlan anigu waxaan u arkaa inay meel kaga dhacayaan qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland, waayo hadii dhulka uu dal leeyahay ay cid kale ku soo xad-gudubto waa arin culus oo u baahan talaabo weyn oo qaran. Sidaa awgeed fekerka odhanaya arinta bariga Somaliland waa wax sahlan waxaan u arkaa feker meel kaga dhacaya danaha dadweynaha Somaliland iyo qaddiyadda gooni isu taagga Somalilan, ninka sidaas lehna waxaan leeyahay “Galku seefta ma le’eka, umana eka”.

Sidoo kale waxaan leeyahay arintu ma sidii uu gabay nin hore tiriyey sheegay baa, kaas oo yidhi “Baadida nin baa kula dey-dayi, daalna kaa baddan, bal aan doonayn inaad hesho daayin abidkaaye, dadkuna moodi duul wada dhashay oon wax u dahsoonayne”.

Maxamed Sagax, Hargeysa

Top


Waxaanu Filaynay Wejiyo Cusub Iyo Dad Tayo Leh

Anaga oo ah muwaadiniin reer Somaliland ah, kuna nool gobolka Saaxil waxaanu halkan ka dhiibanaynaa aragtidayada ku waajahan xukuumadda uu madaxweyne Rayaale soo dhisay, anaga oo ka mid ah dadkii geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay doorashadii iyo sidii ay u soo bixi lahaayeen madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka hadda talada hayaa.

Laakiin waxaanu filaynay inuu madaxweyne Rayaale soo dhisi doono xukuumad cusub oo tayo leh, taas oo u badan ama ka kooban wejiyo cusub, balse maanu filayn rag hore loo bartay oo aan waxba soo kordhayn, isla markaana aan ra’yul-caamka dadka ka iibsamayn, sida rag ka soo jeeda gobolka Saaxil oo uu madaxweyne Rayaale ku soo daray golihiisa wasiirada.

Sidaa awgeed waxaanu madaxweyne Rayaale ka codsanaynaa inuu rag tayo leh oo wejiyo cusub ah magacaabo ee aanu soo celin raggii uu baarlamaanku diiday, iyadoo leenahay ragga gobolka Saaxil ka soo jeeda ee aad golaha wasiirada ku daraysaa waa inay noqdaan rag cuntamaya oo ay guud dadka reer Somaliland, gaar ahaana dadka gobolka Saaxil ku qancaan, waana inuu qofkaasi noqdaa qof aqoon u leh xilka loo igmaday.

Midda kale meesha taal imisa xil buu sharcigu ogol yahay.

C/raxmaan Axmed C/laahi, Siciid Jaamac Cilmi iyo Maxamed Cali Cilmi, Berbera

Top


Riyaha Iyo Xikmadda Dhaqanka

Cabdi Caara-Dhuub

Q: 1aad

Sida aynu ognahay laf-dhabarta dhaqaale ee guud ahaan Somalida ku dhaqan degaamada bariga afrika iyo gaar ahaan dadka reer Somaliland waxa weeye xoolaha nool, iyadoo ay dhaqashada xooluhu tahay wax ay Somalidu ab iyo sinji u lahayd weligeed oo ay qarniyo soo manaafacaadsan jirtay, ilaa yoomanaa ,hadaa. Waxayse taariikhdu sheegtaa inay Somalidu xiliyadii bidaa’iga ahaa siyaalo kala duwan nolosha ula soo bixi jirtay ama ilaa haddaba ula soo baxda, loona bixin jiray naanayso la xidhiidha hab-nololeedkooda dhaqan dhaqaale, sida xooladhaqato, ugaadhsato, qadhaabsato, kaluumaysato, beeralay IWM, waxaana qayb kasta oo bulshada ka mid ah lagu naanaysi jiray ama loogu magac dari jiray halka ay kadabkeeda kala soo baxdo.

Xoolaha nooli waxay u qaybsan yihiin dhawr nooc oo kala duwan, waxaana noocyada xoolaha nool loo yaqaan meesiyo, sida Geela, adhiga, lo’da, Fardaha iyo dameeraha. Laakiin riyuhu waxay ka mid yihiin meesiga adhiga, iyadoo ay Somalidu qoyska ama reerka meesiyada xoolaha oo dhan dhaqda tidhaahdo reer hebel ama hebel afarta maal aduunyaba wuu leeyahay. Sidaa awgeed riyuhu waxay ka mid yihiin afarta maal aduunyo ama waxa kale oo ay ka mid yihiin nimcoolayda, taas awgeedna cadkooda, caanahooda, subagooda iyo haragoodaba waa la manaafacaadsadaa. Sidoo kaleRiyaha iyo Lo’da waxa laysku yidhaahdaa geeslaho.

Xikmadda iyo suugaanta dhaqanku aad bay uga hadashay riyaha iyo dhaqashadooda, iyadoo ay suugaan yahannada ama xikmad yahannada Somalidu siyaalo kala duwan uga hadleen ama tafsiirka uga bixiyeen qiimaha riyaha iyo manaafacaadsigeeda.

“Mar hadday xareeduhu gudhaan dhimatay geesleeye”ayuu yidhi nin gabyaa ahi, laakii suugaanta dhaqanku waxay tilmaamo iyo tafaasiil ka bixinayaan hab-dhaqanka riyaha, waxaana laga tiriyaa gabayo, heeso, maahmaaho, halkudhegyo, hawraaro IWM, iyadoo suugaanta lagu tilmaamo midabka ay Ridu leedahay, magaceeda, qaabkooda, quruxdeeda ama qoodhooda iyo waxyaabo kale, laakiin lagama wada midaysna ammaanta Riyaha, ee waxaad arkaysaa dad ammaanaya iyo dad dhaliilaya riyaha.

Waxayse xaqiiqdu tahay inaanay Riyuhu ahayn wax la shuqa yaraysan karo marka loo eego halka ay kaga jiraan habka dhaqan iyo dhaqaale ee bulshada Somalida. Laakiin illaahay xoolaha nooc walba wax buu hibo gaar ah u siiyey oo ay kaga duwan yihiin xoolaha kale ama dheer yihiin ama si kale hadii aynu u nidhaahno nooc kasta ama meesi kastaaba waxa uu leeyahay astaamo dhaqasho iyo manaafacaad gaar ah.

Sidoo kale nooc kasta oo ka mid ah xooluhu waxa uu leeyahay qaab ama muuqaal gaar ah oo dhinaca qaab-dhismeedka jidhkiisa la xidhiidha.

Tusaale ahaan Iduhu waxay leeyihiin badhi aan lagu fadhiisan sida badhida dadka oo kale, balse badhidu Iduhu waxay u yeeshaa qurux, isla markaana waxa laga shiillaa subag mararka qaarkood dawo ahaan loo isticmaalo, kana mid ah cuntooyinka ugu fiican ee ay dadku isticmaalaan. Sidoo kale Geelu kaadi udgoon badan “Way na saaqdaye sanuunta udgoon maadigaa sida oo sibraha ku leh”ayaa loogu heesaa geela.

Sidoo kale Lo’du marka uu neefka saca ah ama dhediga ahi gaadho saddex jir waxa uu ku filaadaa qoys dhan oo ay marna cad iyo subag ku deeqdaa, marna caano ku deeqdaa. Sidoo kale Ridu marka ay laba jir gaadho waxay korisaa ama ku filaataa laba wiil iyo waxarteeda.

Tusaale ahaan nin baa beri loo soo doontay yarrad, markaas ayuu raggii u yimi ee yarradka ka doonayey riyo u keenay, ka dibna ninkii gabadha dhalay ee yarradka doonayey ayaa doonay inuu ninku gabadha geel ka siiyo, isaga oo riyihii diiday. Dabadeedna ninkii yarradka laga doonayey ee riyaha soo tubay ayaa riyihii aad u ammaanay, wuxuuna yidhi “Laba geel ayey ka meteshaa, waa xoorka iyo tiigta (meel fog oo loo daaq-tago), laba jir laba ku korintana geela way dheer tahaye iga qaado, labana fardaha ayey ka meteshaa, kabtiga iyo kammiinta, laba jjir laba ku korintana fardaha way dheer tahay ee iga qaado, labana waxay ka meteshaa dumarka reenka iyo naasaha, raggana laba ayey ka meteshaa, gadhka iyo taaha, Idahana laba ayey ka meteshaa raafka iyo cida, mid kasta laba jir laba ku korinta ayey dheer tahaye iga qaado”, dabadeedna ninkii yarradka doonayey sidaa ayuu riyihii ku qaatay, iyadoo berigii hore ilaa iminka ay waxyaalaha mudanka yarradka loo kala qaataa ay yihiin Geela, Fardaha iyo qoriga.

La soco.

Top