Madaxweyne Daahir Rayaale Oo Qaabilay Wefdi Jarmal Ah
Dhallinyaro Reer Somaliland Ah Oo Wacdaro
Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Ah ka muujiyay Bandhig-faneed lagu qabtay Los
Angeles USA
“Lacagtii Soo Xerrootay Way Ku Jirtaa
Khasnadda, Mana Jirto Balaayiin LalaBaxay”
Baki Iyo Gebilay: Muranka
Dhul-Beereedka Xamarta-Hogeed Iyo Mawqifyada Labada Dhinac
Dood Ka Aloosan Wakaaladda Biyaha
Berbera Iyo Xiisadda Ka Aloosan
Laba Orodyahan Oo Reer Somaliland Ah
Oo Qalab Isboortis Ku Wareejiyay Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud
Ciyaar Saaxiibtinimo Oo Dhexmartay
Gaashaan Hargeysa Iyo Goodir Boorama
CNN-Ta Oo Qiimeyn Ku Samaysay
Ciyaaryahanada Kubadda Cagta Ee Adduunka
Qaar Ka Mid Ah Ciyaartoydii Xulka
Qaranka Ee Sierra Leone Oo Finland Iska Dhiibay
Tartankii 9 Aad Ee Ciyaaraha Fudud Ee
Adduunka Oo Si Rasmi Ah U Furmay
Gunners Oo Si Raaxo Leh 4-0 Kaga
Guuleystay Middlesborough
|
|
Madaxweyne Daahir Rayaale Oo
Qaabilay Wefdi Jarmal Ah |
Hargeysa (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland,
mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka
socda hayadda dawladda Jarmalka u qaabilsan iskaashiga wadamada soo koraya,
waxayna madaxweynaha iyo weftigaasi halkaa isku dhaafsadeen wadal is-xaalwaraysi
ah.
Sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada, Cabdi Idiris oo kulankaa ka dib
warsaxaafadeed soo saaray madaxa weftiga Jarmalka, oo magaciisa la
yidhaahdo, Dr. Schulz ayaa ka hadlay ujeedada socdaalkooda Somaliland,
wuxuuna sheegay in waxyaalaha ay u socdeen ay ka mid ahayd inay ogaadaan
xaqiiqda Somaliland ka jirta, si buu yidhi aanu dalkayaga iyo caalamkaba
ugu bandhigno. Sidoo kale waxa uu sheegay inay doonayaan inay baarlamaanka
Somaliland ka taageeri doonaan dhinacyada sharci dejinta iyo hawlaha
miisaaniyadda iyo weliba sidii ay iskaashi ula yeellan lahaayeen
baarlamaanka Jarmalka.
Weftigan oo muddo saddex maalmood ah hadda dalka joogay waxa uu Mr. Schulz
sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin waxyaalaha ay ka mid yihiin
nabadgelyada iyo dhaqdhaqaaqa nolosha, isaga oo intaa ku daray inay ka
mahad naqayaan sida ay shacbiga iyo dawladda Somaliland u soo dhoweeyeen.
Madaxweyne Rayaale ayaa isna dhiniciisa yidhi “Waxaan aad idiinku
mahadinayaa inaad dalkiina uga timaadaan inaad wax la qabataan Somaliland,
aniguna waxaan idiin ballanqaadayaa inay xukuumadaydu gacan buuxda idinka
siinayso hawlaha aad halkan u timaadeen”.
Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu ka sheekeeyey sooyaalkii taariikheed ee
Somaliland, isaga oo yidhi “Dalkani intii aanu ku biirin Somaliya waxa uu
ahaa dal madax banaan oo taariikhdiisa leh, anaga oo ku biiriddii Somaliya
uga jeednay midayntii shanta Somaliyeed, iyadoo ay riyadaasi dhimatay,
waxaana dalkan soo maray, burbur iyo xasuuq aan la soo koobi karin, halgan
qadhaadh ka dibna waxaanu dib ula soo noqonay madax banaanidayadii, anaga
oo aan ahayn dalkii ugu horeeyey ee Afrika ee ka noqda ku biirridda wadan
kale, sida Senegal iyo Gaambiya”.
Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu sheegay inay Somaliland meel cidla ah
wax ka bilowday, maantana ay tahay dawlad buuxisay shuruudihii aqoonsiga
loo baahnaa, isaga oo tusaale u soo qaatay doorashooyinkii dalka ka dhacay
iyo nidaamka axsaabta badan.
Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu yidhi “Wax badan oo kale oo aanu u
qaban lahayn baarlamaankayaga waxaan na gaadhsiinayn awoodayada, markaa
aad baan ugu faraxsanahay inaad hawshaa naga daboolaysaan”. Top
Dhallinyaro
Reer Somaliland Ah Oo Wacdaro Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Ah ka
muujiyay Bandhig-faneed lagu qabtay Los Angeles USA |
Los Angeles/ California (Haatuf) – Waxay
isaga soo ciyaar gudeen daafaha gobolka ballaadhan ee California oo ku
yaal cariga Maraykanka, bar-kulankoodu waxa uu ahaa magaalada Los Angeles
oo lagu qabanayay carwo lagu soo bandhigayo hidaha iyo dhaqanka dalalka
Afrika, waxayna iyagoo calanka Somaliland lulaya, habluhuna ay lebisan
yihiin gareys cagaaran iyo maro cad, wiilashuna ay lebisan yihiin
kol-xidhad isugu jira Macawiiso, saadhadh cadcad, go’yaal shaal ah iyo
koofiyado ayay dusha uga baxeen masraxii fagaaraha ciyaarta, iyagoo ku
heesayay “Haybad waxaad ku leedahay dalkaaga hooyo, waana lama huraane
hagar li’i wax ugu qabo..” Kadibna daawadayaashii meesha joogay ayaa hal
mar isla oogsaday, kadib markii ay barbaarta reer Somaliland hal mar isla
heleen jiibta iyo jaanta, iyagoo ku halwinaya ciyaarihii ay Somaliland
hidaha iyo dhaqanka u lahayd, kuwaas oo isugu jiray; Saylici, Botor, Hirwo,
Jaan-dheer iyo ciyaaro kale oo ay si xidhiidh ah halkaa ugu soo
bandhigayeen.
Bandhig-faneedkan carwada Afrika, waxa weeye munaasibad sannadkiiba hal
mar lagu qabto magaalada Los Angeles ee xarunta gobolka California oo ah
gobolka ugu ballaadhan gobollada dalka Maraykanka, waxaana carwadaa markii
ugu horeysay la soo bandhigay 18 sannadood ka hor, iyadoo ujeedada laga
lahaa ay ahayd in dadweynaha Maraykanku ay wax ka ogaadaan dhaqamada kala
duwan ee Afrika iyo alaabooyinka lagu sameeyo dalalka qaaradda Afrika,
isla markaana waxaa munaasibaddan sannadkasta ka qayb-gala dalal badan oo
ka kala tirsan Afrika, Laatiin Ameerika, Kerebiyanka iyo Shakhsiyaad caan
ah oo Maraykanka madow ah.
Sannadkan waxa bandhigan la bilaabay 16-kii bishan aynu ku jirno ee
August, waxayna socon doontaa ilaa 1-da bisha September ee fooda inagu soo
haysa.
Hase yeeshee, dhallinyarada reer Somaliland ee bandhig-faneedkaa ka
qayb-galay 23-kii August oo ahayd dorraad ayay masraxa is keeneen, waxayna
ka geysteen wacdaro, taas oo fursad qaali ah u ahayd dhallinyaradaa,
waxayna dadkii halkaa isugu yimi u soo bandhigeen ciyaaro xiiso leh oo
hidaha iyo dhaqanka ah, laakiin taa ka sokow, waxay fursad weyn u ahayd
qadiyadda Somaliland iyo ololaha loogu jiro sidii ay Somaliland ictiraaf
caalami ah uga heli lahayd bulsho-weynta caalamka.
Barnaamijkan oo ay soo qaban-qaabiyeen Machadka dib-u-dhiska Somaliland,
waxa isku dubaridkiisa qayb libaax ka qaatay dhallinyarada reer Somaliland
ee ku dhaqan koonfurta gobolka California, kuwaas oo in muddo ah ku jiray
diyaar-garow iyo tababar ay isugu carbinayaan ka qayb-galka bandhigaas.
Xasan Mooge Xirsi oo xubin ka ah Machadka dib-u-dhiska Somaliland, ayaa
isagoo ka hadlaya dhacdadan ayaa ku sheegay in dhallinyaradani hirgeliyeen
Barnaamij ay Somaliland kaga qayb-gashay carwada Afrika, iyadoo ay maalin
walba isaga iman jireen magaalooyin boqolaal Mayl isu jira kooxo
dhallinyaro ah, kuwaas oo isku carbin jiray ciyaaraha ay soo bandhigi
doonaan, laakiin Xasan Mooge wuxuu si gaara ugu mahadnaqay dadkii wax ka
hirgeliyay barnaamijka ay soo bandhigeen dhallinyarada reer Somaliland,
dadkaasna waxa ka mid ah:
Samsam Maxamed
Sucaad Cabdi
Yaasmiin Maxamed
Canab Nuur
Farduus Muuse
Aadan Xasan Iimaan
Siciid Maygaag Samatar
Ibraahim Axmed Sayid
Maxamed Cilmi Bulaale
Cumar Maxamed Sanyare
C/raxmaan Maxamed (Abu site)
Cabdalle Xaaji Cali
Xasan Maxamed Aadan (Sheef)
Abiib Xaaji Jaamac
Maxamed Maxamuud Kaba-tole
Venesa Xirsi (Xaaska Xasan Mooge iyo inantooda caasha)
Julia Ward iyo Marcia Thomas oo ka mid ahaa qabanqaabiyayaasha carwada
Azeb Tadesse oo ka tirsan ururka Itoobiyaanka Maraykanka ah
Faaduo Cali Maarshaal oo iyadu calanka Somaliland soo samaysay
Farxiya Ducaaleh
Ifraax Raabi
Faadumo Maxamed
Aamina Maxamed
Ayaan Ducaaleh
Hibo Abiib
Nimco Abiib
Canab Nuur
Hayt Cali
Muluka Xuseen
Maxamed Cali
Khadra Maxamed
Khadija Maxamed
Axmed Abiib
C/risaaq Abiib
Insaaf Cali
Xaliimo Jaamac
Nimco Maxamuud
Ridwaan Nuur
Asma Cabdi Top
“Lacagtii Soo
Xerrootay Way Ku Jirtaa Khasnadda, Mana Jirto Balaayiin LalaBaxay” |
Hargeysa (Haatuf) – Wasiirka Maaliyadda
dawladda Somaliland, Xuseen Cali Ducaale, ayaa shalay markii ugu horeysay
ka waramay xaaladda dhaqaale ee dalka iyo dakhligii soo hoyday lixdii
bilood ee u dambeeyay, wuxuuna arrimahaa kaga hadlay shir-jaraa’id oo uu
shalay ku qabtay xafiiskiisa, laakiin wasiirku kuma ekaan arrimaha
Maaliyadda oo keliya ee waxa kale oo uu wax ka taabtaabtay dhinaca
siyaasadda, isaga oo naqdiyay hadalo dhawaan ka soo yeedhay labada nin ee
gudoomiyayaasha ka ah xisbiyada KULMIYE iyo UCID, Axmed Siilaanyo iyo
Faysal Cali Waraabe, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay ka soo yeedheen hadalo
deelqaaf iyo handadaad ah.
Wasiirka Maaliyaddu, waxa uu ugu horeyn farta ku fiiqay duruufaha dhaqaale
ee dalka, isaga oo masaal u soo qaatay in ay duruufaha dhaqaale dalkastaba
soo foodsaari karaan, isla markaana wuxuu tilmaamay saameyntii ay xaaladda
dhaqaale ku yeesheen doorashooyinkii dalka ka dhacay, wuxuuna yidhi:
“Waxaan xusuustaa doorashadii Kenya ka dhacday oo 100 Malyuun oo doollar
la siiyay. Masalan dawladaha Tansaaniya iyo Kiiniya, markii aan joogay
mar-mar baa mushaharku afar bilood dib u dhici jiray, dawladda Maraykanka
oo ah dawladda ugu weyn adduunka, ayaa 20 sannadood ku jirtay hoos u-dhac
dhaqaale, wuxuuna ahaa ninkii ugu horeeyay ee hoos u-dhaca ka saaray Bill
Clinton.”
Wasiirka Maaliyadda oo imika xilka hayay muddo laba bilood gaadhaysa, waxa
uu hadalkiisani u ekaa inuu daba socdo warar uu Wargeyska Haatuf daabacay,
kuwaas oo faaqidaad dheer ka bixiyay xaaladda dhaqaale ee dalka iyo
dakhligii lixdii bilood ee u dambeeyay ku soo hoyday kiishada dawladda,
laakiin Wasiirku isaga oo ka hadlaya xaaladda wasaaradiisa iyo muddadii uu
xilka hayay, wuxuu yidhi: “Anigu laba bilood baan hadda wasaarada joogay,
hawsha ii taallaana waxa weeye in aan dakhliga wixii baaqday doono, iyo in
aanu dakhliga soo xerroodaa meel kale marin, iyo in shaqaalaha Wasaarada
ah ee ay ku cadaato inuu lunsaday shillin ummaddu leedahay aanu dhaafin
isla maalinta shillinka la waayay, taasina waa tii aan u dhaartay. Markaa
dakhligu si fiican buu u soo xerroodaa, miisaaniyadduna sir maaha ee waa
wax la wada ogyahay, masalan; waxa Haatuf ku soo baxay foojar saddex
bilyan oo shillin ah oo uu wasiirkii hore siiyay guddiga doorashooyinka,
laakiin marka la soo sawiro waraaq, waxa uu qofka caadiga ahi ka
qaadanayaa dareen ah in wax lala baxsanayo. Dakhligu haddii uu hoos u
dhaco iyo haddii uu kaco, waa in aanu labadaba ogaanaa sababta.”
Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay qorshihii ay dhawaan ku soo rogeen
ganacsatada wax kala soo degta dekedda Berbera ee ahaa in la baadho ama
fatashaad lagu sameeyo alaabooyinka ay sitaan, wuxuuna yidhi, “Waxaan
xusuustaa mar aan Berbera tegay, waxa la furay 8 kartoon oo buskud ah,
waxaana laga soo saaray afar iyo labaatan kun oo saacadood, kuwo yidhi
waxaan tegayaa Boosaaso, waxaan ku idhi imika tag oo qaado alaabtaada,
kuuma baahnine, xuduudda ayaanu dhigaynaa ciidamo koontarabaanka ilaaliya,
ummaddanina uma dhimanayso nin waxoogaa Boosaaso la tegay.”
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in ay ku dhex jiraan gunti-giijis ay ku
xoojinayaan ururinta dakhliga, wuxuuna yidhi; “Waxaa noo bilaabmay
guristii cashuurta Beriga, waxaanu u yeedhaynaa toddobaadkan ganacsatada
waaweyn, waayo, qaar baan afar sannadood bixin cashuurta, qaar baa lix
bilyan lagu leeyahay, bakhaaradii oo aan kirada afar sannadood la bixin.
Markaa waxaanu doonaynaa in aanu xisaabtano oo aanu ka wada hadalno sidii
ay isaga bixin lahaayeen wixii deyn ah ee lagu leeyahay.”
Waxa had iyo goor dhacda in ay mushaharooyinka shaqaalaha iyo ciidanku dib
u dhacaan, iyadoo ay mararka qaarkood yeeshaan ilaa laba-saddex bilood oo
mushaharah, laakiin wasiirka maaliyadda oo ka hadlaya arintaa ayaa ku
micneeyey inay ku timaaddo hawlaha xisaabaadka oo mar-mar dib u dhaca ama
dariiqa maamulka ku raag, wuxuuna yidhi “Dib udhaca mushaharka waxa keena
xisaabiyayaasha dawladda oo halkii ay masalan shanta bisha ka keeni
lahaayeen labaatanka bisha dib ugu dhaca, waxaanuna bixinaa mushahaarooyin
badan, hadii aad arki lahaydeen mushaharka aanu ciidamada siino waad
yaabaysaan, ta kale way dhacdaa inaanu mar-mar dayn qaadano, waayo ma
jirto dawlad aan dayn qaadanini, laakiin dawladdeenu waxay nasiib ku
leedahay dakhligeeda iyo kharashkeedu wuu iskeenaa”.
Wasiirku waxa uu ku dooday inuu mustaqbalka ku talo jiro inuu wax ka
bedelo xaaladda miisaaniyadda dawladda, isaga oo yidhi “Miisaaniyadda soo
socota waxaanu doonaynaa inay noqoto mid rasmiya, oo wax badan la
xakameeyo”.
“wixii dhaliilo ah ee wasaaradda maaliyadda ku saabsan waa inaad ii
timaadaan oo aad wax iga waydiisaan”.
Dhinaca kale waxa uu wasiirka maaliyaddu wax ka soo hadal qaaday dhinaca
siyaasaddda, isaga oo naqdiyey hadalo ay dhowaan yidhaahdeen
hogaamiyayaasha labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID, Siilaanyo iyo Faysal,
wuxuuna yidhi “Maalmahan waxaan arkayey labada gudoomiye ee labada xisbi
ee mucaaradka, Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali waraabe, kuwaas oo ku
hadlaya hadalo badan oo aanu u qaadanay deelqaaf ama tah-diib ah. Laakiin
waa niman madax ah hadii ay shantan sannadood waayeen, shanta dambeba way
heli karaan, markaa waxaan ka codsanayaa inay ka waantoobaan hadalada
dadka walaaca iyo niyad-jabka ku abuuraya ama tah-diibta ah, isla markaana
maadaama ay niman madax ah yihiin ma fiicna inay u hadlaan sida qofka
caadiga ah ee waa inay wixii tallooyin ah noo soo jeediyaan oo aanu sidaa
kuwada shaqayno.”
Intaa kadib wasiirka, waxa su’aalo weydiiyay weriyayaasha ka soo
qayb-galay shirka Jaraa’id, sidaa darteed waxa ugu horeyn la weydiiyay in
ay jiraan iyo in kale niman ganacsato ah oo la sheego in ay badeecadooda
dekedda kaga soo qaataan cashuur la’aan, ilaa Itoobiyana aan wax cashuur
ah la weydiin, laakiin waxa uu taa kaga jawaabay; “Marka aan si daacad ah
idiinku jawaabo, taasi ma jirto oo ma ogi, cashuur-dhaafkana waxaan idhi
wasiirka uun baa saxeexi kara, markaa haddii aad ii sheegtaan kuwaa,
waxaan ballanqaadayaa inaan wax ka qabashadeedu maanta ila dhaafin.”
Waxa jir warar iyo xogo tilmaamaya in dakhligii soo xerrooday lixdii
bilood ee u dambeeyay inta badan uu si miisaaniyadda ka baxsan uga baxay
khasnadda dawladda, sidaa darteed mar wasiirka arrintaa la weydiiyay waxa
uu yidhi; “Lacagtii soo xerrootay wey ku jirtaa khasnadda dawladda,
laakiin dakhliga dawladdu marka uu soo galo, kharashkiina waa jiraa oo ma
xakamayn kartid kharash dawladeed, miisaaniyaddana inta badan waxaanu ku
bixinaa nabadgelyada, mana yareyn karno kharashka nabadgelyada, waayo;
nabadgelyadu waa waxa aynu ku faanno.”
Wasiirka waxa kale oo la weydiiyay in lacago balaayiin gaadhaya khasnadda
loogala baxay si aan nidaamka Maaliyadda waafaqsanayn, wuxuuna ku jawaabay;
“Ma jirto lacag balaayiin ah oo lala baxay, cid la bixi kartaana ma jirto,
rag aad u fiican baa Baanka jooga, ragga wasaarada Maaliyadda joogaana waa
rag daacad ah, markaa ma jirto balaayiin lala baxay.”
Marka laga hadlayo meelaha loo qoondeeyay inuu ka soo baxo dakhliga
miisaaniyaddu waxa ka mid ah Dekedda Berbera oo ay wasaarada Maaliyaddu ku
qoroto dakhli ay ku magacawdo deeq, waxayse wararka Maaliyadda ku saabsani
iftiiminayaan in aanu dakhligaasi soo xerroon, laakiin wasiirka Maaliyadda
oo su’aal caynkaas ah la weydiiyay, si adag ayuu u difaacay, wuuna
beeniyay, isagoo yidhi: “Yaa yidhi waxba kama soo xerroodaan, waan hayaa
dakhligii soo xerrooday lixdii bilood ee u dambeeyay, wuu soo xerrooday
dakhligii dekeddu.”
Wasiirka waxa kale oo la weydiiyay su’aal ahayd, miyaad diidan tihiin
dhaliilaha mucaaridka, wuxuuna ku jawaabay, “Haddii uu KULMIYE iyo UCID
mid ku guulaysan lahaa doorashada, xaasha'e laba bilood kuma qiimeeyeen,
haddii aan ku qiimeeyana aniga ayaa markaa daacad ahayn, ugu yaraan sannad
baan siin lahaa dawladda, markaa waxaan u arkaa in ay yihiin niman aan
weli ogaanin inuu tartankii dhammaaday. Taa waxa kale oo aan u arkaa in ay
tahay haddii aan kursigayga waayay waxba ma jiraan, laakiin kursiga dalkaa
ka weyn, markaa miyaanay ahayn in aad idinku (Weriyayaasha) u sheegtaan,
maxaad uga baqaysaan, annagaba waad nagu dhiiran tihiine.”
Dhaliilaha ay had iyo jeer mucaaridku sheegaan waxa ka mid ah, Maamul
la’aanta gobollada Bari iyo Maamulka C/laahi Yuusuf ee degaamadaas haysta,
sidaa darteed wasiirka mar la weydiiyay in ay dhaliillahaasi yihiin kuwa
muuqda oo aan la dafiri karin, waxa uu ku jawaabay; “Ma jiro dal la inaga
haystaa, gobollada barina waxa ka jira nin u dhashay oo Maamul kale
sheeganaya, hawsha gobollada barina waa la gelayaa, inta aanu sannadkani
dhammaan ayuuna maamulku xuduudaha gaadhayaa.” Top
Baki Iyo
Gebilay: Muranka Dhul-Beereedka Xamarta-Hogeed Iyo Mawqifyada Labada
Dhinac |
Gebilay (Haatuf) – Waxa dhowaan muran la
xidhiidha dhul-beereed ku yaal meesha la yidhaahdo Xamarta-hogeed
dhexmaray laba qolo oo ka soo kala jeeda degaamada Baki iyo Gebilay,
wuxuuna murankaasi markii u horaysay bilaabmay markii ay ilaa lixdameeyo
qoys oo ka soo jeeda degaanka Gebilay ay bishii May 2003 isku dayeen inay
degaan dhul-beereedka Xamarta-hogeed, iyaga oo sheegay inay halkaa ku
lahaayeen dhul-beereedyo ay xiliyadii dagaalada ka soo qaxeen, waxaase ka
hor yimi dad degaanka oo diiday inay halkaa degaan.
“Cago-juglayn ayaa naloo geystay, reerihii doonayey inay degaanna waxa
lagu khasbay inay meesha ka noqdaan”, sidaa waxa yidhi, C/laahi Cali Xirsi
oo ka mid ah odayaasha qolada ka soo jeeda dhinaca degaanka Gebilay,
waxaana halkaa ka aloosmay muran, laakiin sida uu ku soo waramay weriyaha
Haatuf ee Gebilay, Maxamed Xasan maamulka degmada Gebilay ayaa arinta soo
dhex-galay, waxaana la isla gartay in labada beelood ee muranku ka
dhexeeyo ay qolo waliba ku ekaato halkii ay muranka ka hor joogtay ilaa
inta arinta la maarraynayo, iyadoo la sheegay inay xukuumaddu sheegtay
inay arinta dhamaynayso, iyadoo ay odayaasha dhinaca degaanka Gebilay ka
soo jeedaa sheegeen inay arinta gaadhsiiyeen wasiirka daakhiliga, isla
markaana waxa la sheegay inuu wasiirka daakhiligu arintaa maaraynteeda u
xilsaaray badhasaabka gobolka Awdal. Hase yeeshee sida la sheegay markii u
horaysay ee arinta dib loo bilaabo waxay masuuliyiintii dawladda ee arinta
ku jirtay soo jeediyeen inay horta odayaasha labada dhinac khilaafka ka
wada hadlaan, oo ay wax iska yidhaahdaan, ka dibna ay waxa ay is
yidhaahdaan ay dib u soo celiyaan, laakiin markii ay is horadhiisteen
mawqiyo kala fog ayey kala joogsadeen, waxayna qolada dhinaca degaanka
Baki ka soo jeedaa tidhi “Hadii aad ogoshihiin in laynoo qaybiyo dhulka ku
yaal boodhka Gelin-soor ee mashruuca Kalabaydh, waynu wada hadli karnaa,
hadii kale wax wada hadal ah idiin-ma hayno”. Sidoo kale qolada kalena
waxay taa kaga jawaabeen “Anagu qoddobkaa idinkala hadli mayno waayo
ajandaha inooguma jirin, waxaanuse u soconaa oo aanu doonaynaa inaanu
idinkala hadalo 44 beerood oo mulkigayaga ah, kuwaas oo aanu doonayno
inaad nooga kacdaan”.
Ka dib markii uu arinku halkaa marayey waxay labada dhinac arinta dib ugu
soo celiyeen badhasaabka Awdal iyo masuuliyiintii kale ee hawsha kula
jiray, wuxuuna badhasaabku qabtay ballan kale, taas oo muddo 15 cisho ah
ka dib ah la isla gartay in arinta la isugu yimaado, mudadaasina waxay ku
ekayd 18-kii Ogost, laakiin ilaa hadda lama oga wax laga qabtay, waxayna
odayaasha degaanka Gebilay ku andacoodeen inay xukuumaddu wax ka qabashada
arinta ka gaabinayso, oo aanay waxba ka soo naasacaddayn, iyaga oo
tilmaamay inay arintaasi u baahan tahay in si dhakhso ah wax looga qabto
si aanay u murgin.
Meesha la yidhaahdo Xamarta-hogeed waxay qiyaas ilaa 55 KM ah dhinaca
waqooyi-bari ka xigtaa magaalada Gebilay, waxayna hore uga tirsanaan
jirtay degmada Gebilay, laakiin sannadkii 1984-kii ayaa la hoos-geeyey
degmada Baki ee gobolka Awdal.
Marka taa laga yimaado waxa mudooyinkan dambe isa soo tarayay muran iyo
ismaandhaaf dhinaca dhulka ah oo ka dhexeeya dadka degaamada galbeedka
Somaliland, taas oo ay dhinacyada muranku ka dhexeeyaa qolo waliba
dhinaceeda qolada kale ku eedaynayso inay dhul-durugsi waddo. Top
Dood Ka Aloosan
Wakaaladda Biyaha Berbera Iyo Xiisadda Ka Aloosan |
Berbera (Haatuf) – 10 qof oo isugu jira
shaqaale wakaaladda biyaha Berbera ah iyo dad rayid ah ayaa khamiistii
toddobaadkii ina dhaafay xabsiga loo taxaabay, ka dib markii ay isa soo
hor-dhoobeen xarunta wakaaladda biyaha, iyaga oo ka cadhaysan warar
sheegaya in wakaaladda biyaha Berbera lagu wareejinayo dad gaar ah.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, C/raxmaan Casaan
waxa ayaamahan-ba oognaa buuq iyo sawaxan ka dhashay ka dib markii ay
suuqa soo galeen warar sheegaya in wakaaladda biyaha Berbera laga dhigayo
meel gaar loo leeyahay, laakiin dareenkii u horeeyey waxa uu dhashay
markii isla toddobaadkan dhinaca Hargeysa laga soo magacaabay laba
maareeye-kuxigeen, kuwaas oo kala ah: Maxamed Xasan Arnab oo hore uga mid
ahaa hawl-wadeenadii la shaqayn jirtay wakaaladda biyaha iyo hayaddii la
yidhaahdo THW, waxaana magacaabista ninkaa loo arkay inay hordhac u tahay
qorshe la damacsan yahay in wakaaladda biyaha lagu wareejiyo dad gaar ah.
Sidoo kale waxa isla toddobaadkan maareeye-kuxigeen labaad loo soo
magacaabay ninka la yidhaahdo, C/raxmaan Dhoolayare oo hore u ahaa
maareeye-kuxigeenka wakaaladda biyaha Berbera, hadana dib loo soo
magacaabay, waxayna wararku tibaaxeen in labadan maareeye-kuxigen ay
labadaba uu xafiiska madaxweyne-kuxigeenku raad ku leeyahay.
Waxaase beryahan dambe isa soo tarayey warar la isla dhex-xulayo oo
sheegaya in wakaaladda lagu wareejinayo dad gaar ah, waxaana la leeyahay
hayadda la yidhaahdo THW ayaa xukuumadda dhexe cadaadis ku saartay in
sidaa la yeelo, iyadoo la sheegay inay jirto lacag gaadhaysa ilaa 1.8
Bilyan doolar oo loogu talo galay in lagu maalgeliyo wakaaladda biyaha
Berbera, laakiin waxa la sheegay inaanay qolyaha maalgelinayaa taa
aaminayn ilaa wakaaladda biyaha laga dhigo meel madax banaan, balse waxa
uu dareenka caynkaas ahi aad u xoogaystay markii la soo magacaabay labadan
maareeye-kuxigeen, waxaana Khamiistii isa soo hortubay dad isugu jira
shaqaale iyo dadweyne, kuwaas oo mudaharaad halkaa ka sameeyey, ka dibna
ilaa tobaneeyo ka mid ah loo taxaabay saldhigga booliska Wadajir, laakiin
guddiga nabadgelyada gobolka Saaxil ayaa markii dambe go’aamiyey in
xabsiga loo gud-biyo, waxayna hadda ku xidhan yihiin xabsiga dhexe. Hase
yeeshee maanta ayaa la filayaa inay maamulka gobolka iyo kuwa degmadu shir
arintaa ku saabsan la yeesheen maareeyaha iyo kuxigeenada wakaaladda
biyaha. Top
Laba Orodyahan
Oo Reer Somaliland Ah Oo Qalab Isboortis Ku Wareejiyay Xidhiidhka
Ciyaaraha Fudud |
Hargeysa (Haatuf) – Laba ciyaaryahan oo u
dhashay Somaliland, ayaa shalay 24 biladood iyo laba dersin oo direys ah
ku wareejiyay Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland.
Xaflad ballaadan oo munaasibaddaa loo qabtay oo ka dhacday Hodheelka Bile
Restaurant, ayay ciyaaryahandani ku wareejiyay xidhiidhka ciyaaraha fudud
qalabkan isboortiska.
Laba Orodyahan waxay hore uga ordi jireen dalka gudihiisa, balse waxay
imika u ordaan oo ictiraaf ahaan ugu ordaan Naadi ka dhisan dalka Qatar oo
la yidhaa Al-Tacaawin.
Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Isboortiska
Somaliland iyo Gudoomiyaha Ciyaaraha Fudud, ayaa hadalo koobkooban oo ay
xafladaas ka soo jeediyeen kaga waramay marxaladii ay la soo mareen
labadan ciyaartoy markii ay dibadda u dirayeen, waxaanu Agaasimuhu yidhi:
“Waxaanu aad iyo aad ugu faraxnay markii aanu aragnay midhihii aanu
beernay oo noo soo go’ay, taas oo aanu maanta halkan ku hayno,” isla
markaana wuxuu u mahad celiyay tababare Xasan Maxamed Axmed oo isagu iskii
u tababaray dhallintaa da’yarta ah. Top
Ciyaar
Saaxiibtinimo Oo Dhexmartay Gaashaan Hargeysa Iyo Goodir Boorama |
Hargeysa (Haatuf) – Ciyaar Saaxiibtinimo
ayaa maalintii Jimcihii toddobaadkii ina dhaafay ku dhexmartay garoonka
Timacadde ee Magaalada Hargeysa labada kooxood ee kubadda Koleyga Gaashaan
Hargeysa iyo kooxda Goodir oo ka socotay magaalada Boorama.
Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan, dadweyne aad u tiro-badanina ka
soo qaybgaleen, waxay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar wanaag aad u
raali geliyay daawadayaasha, iyadoo ay labada kooxood ku dedaalayay in ay
guusha iyagu la hoyday, balse qaybtii hore ciyaarta waxa hogaanka ciyaarta
haysay kooxda Gaashaan Hargeysa oo ku hogaaminaysa 35 dhibcood, halka ay
kooxda Goodir Booramana ka lahayd 25 dhibcood.
Qaybtii dambe ciyaarta, waxay ciyaartoyda labada kooxood isugu soo noqdeen
iyadoo aan xamaasadi ka muuqato, walow aan hogaanka lagala wareegin kooxda
Gaashaan haddana, ciyaartoyda kooxda Goodir waxay isku dayeen in ay iska
caabiyaan, geba-gebadii ciyaartuna waxay ku dhammaatay guul ay kooxda
Gaashaan Hargeysa 61-4 9 dhibcood kaga guulaysatay kooxdii martida u ahayd
ee Goodir Boorama. Top
CNN-Ta Oo
Qiimeyn Ku Samaysay Ciyaaryahanada Kubadda Cagta Ee Adduunka |
Hay`adda wararka ee CNN ee dalka Maraykanka
ayaa qiimayn ku sameysay ciyaaryahanada caalamka ugu wanaagsanaa
horyaalkii 2002-03, iyadoo qiimaynta noocan ah oo ah tii saddexaad ee la
sameeyo ayaa waxaa loo kala qiimeeyaa goolhaye, Difaac, khadka dhexe iyo
weeraryahan.
Ciyaartoyda dalka Talyaaniga ayaa iyagu goor walba lagu tilmaamaa
ciyaartoyda ugu fiican dhinaca difaaca dunida, taas oo ay kuu caddeynayso
qiimayntan oo ay ka noqdeen difaacii ugu wanaagsanaa horyaalkan, kaas oo
ah Poalo Maldini oo isagu u ciyaara kooxda AC Milan, isla markaana ragga
ku xigay waxa ka mid ahaa; Roberto Carlos oo laga soo qaatay kooxda Real
Madrid, halka kooxda Juventus goolhayaheedu noqday goolhayaha ugu
wanaagsanaa, kaas oo ah goolhayaha xulka qaranka Talyaaniga ee Buffon.
Dhinaca weeraryahanada ama gooldhaliyayaasha, waxaa sanadkan ugu
wanaagsanaa labada gooldhaliye ee reer Holland Van Nistelrooy oo ciyaaraha
kooxda Manchester United iyo Roy Makaay.
Dhinaca khadka dhexe waxaa markii saddexaad loo doortay ciyaaryahanka
Faransiiska ah ee xulka Faransiiska iyo naadiga Real Madrid, Zinedine
Zidane, isagoo noqday ciyaartoyga keliya ee saddexdii jeer ee la sameeyey
qiimayntan soo wada galay.
Ciyaayahanada kale ee loo doortay kuwii ugu wanaagsanaa ee sanadkan waxaa
ka mid ahaa, Pavel Nedved (Juventus), Robert Pirez (Arsenal) iyo Andres
De`Alesandro (River Plate). Top
Qaar Ka Mid Ah
Ciyaartoydii Xulka Qaranka Ee Sierra Leone Oo Finland Iska Dhiibay |
Helsinki (W. Wararka) – Ugu yaraan 13
ciyaartoy iyo hal qof oo ka tirsan gudiga xulka qaranka kubadda cagta ee
da’doodu ka yar tahay 17-ka sannadood ee dalka Sierra Leone, ayaa ku dhex
dhuuntay dalka Finland, waxaanay ciyaartoydaasi ka soo xaadiri waayey
garoonka dayuuradaha oo ay diyaar ku ahayd diyaaraddii u qaadi lahayd
dalkooda, kadib markii ay ka qayb-galeen Tartanka koobka Qaramada Adduunka
ee ciyaartoyda da’doodu ka yar tahay 17-ka sannadood, kuna hadheen wareega
labaad ee tartankan.
Kooxdan oo markii hore ku timid wefdi dhan 28 qof oo isugu jira ciyaartoy
iyo guddi ayaa waxaa garoonka ka soo xaadiray oo dalkoodii ku laabtay 14
qof, taas oo walaac ku dhalisay Masuuliyiinta dalka Finland.
Nin u hadlay ciidamada booliska dalka Finland ayaa sheegay in saddex ka
mid ah ciyaartoydani ay qaxootinimo weydiisteen dalka Finland,
arrintooduna u taalo waaxda socdaalka ee dalkan, isla markaana waxa uu
sheegay in qaar ka tirsan ciyaartoydan lagu sheegay magaalo madaxda dalka
ee Helsinki oo ka duwan magaaladii lagu soo dejiyey ciyaartoyda dalka
Sierra Leone oo ah magaalo ku taalla koonfurta dalka Finland oo la yidhaa
Lahti.
Ciyaartoydan la la’yahay ayaan sidan wax baasabooro ah, maadaama ay
baasabooradooda hayeen guddidii la socotay, kuwaas oo iyagu ku laabtay
dalkoodii, sidoo kalena may haysan lacag ku filan oo ay ku noolaadaan
muddo dheer, taas oo ay aad uga werwersan tahay xukuumadda dalka Finland.
Dhacdooyinka noocaan oo kale ah, waxa ku kaca ciyaartoyda iyo
mas’uuliyiinta wadamada ay ka taliyaan kaligood taliyayaasha iyo kuwa
dagaaladu aafeeyeen, kuwaas oo iyagoo markoodii horeba raadinayey fursad
ay kaga baxaan dalkooda, arrintanina ma aha mid inagu cusub, waxaynuna ka
wada dheregsan nahay dhacdadii ay kooxdii Madbacadda Qaranka ee Soomaaliya
ka sameeyeen dalka Kenya magaalada madaxdiisa Nairobi sanadkii 1989 kii,
taas oo ay isku dayeen in ay magangalyo siyaasadeed weydiistaan dawladda
Kenya, balse markii la fashiliyay isku daygaas dib loogu celiyey
Soomaaliya. Top
Tartankii 9 Aad
Ee Ciyaaraha Fudud Ee Adduunka Oo Si Rasmi Ah U Furmay |
Paris (W. Wararka) – Subaxnimadii Sabtidii
dorraad ayaa waxa si si rasmi ah uga fumay garoonka weyn ee Stade de
France ee magaalada Paris ee dalka Faransiiska tartankii ciyaaraha fudud
ee adduunka oo ay si aad ah u sugayeen ciyaartoyda ka soo qaybgashay iyo
waliba dadweyne aad u fara badan kuna kala nool dacalada dunida.
Garoonkan dhulkiisa oo lagu sharaxay saddex midab oo kala duwan, kuwaas oo
ka tarjumaya saddexda ciyaarood ee aasaaska u ah ciyaaraha fudud ee kala
ah orodka, boodada iyo tuuryada, isla markaana waxaa ka dul lalmanayay
garoonka calamada 210-ka dawladood ee ka soo qaybgalay tartankan.
Ma aha markii ugu horeysay ee Garoonkan lagu qabto tartan caalami ah,
waxaana hore loogu qabtay furitaankii ciyaarihii kubadda cagta ee adduunka
ee 1998-kii iyo waliba tartankii kubadda tenista dheer ee loo yaqaan
France Grand Slam oo uu marti galiyey sannadkii 2002.
Tartankan oo socon doona muddo sagaal maalmood ah, iyadoo la filayo in
lagu jebin doono dhawr rikoodh oo u yaalay tartamada kala duwan ee
ciyaaraha fudud.
Sabtidii oo ahayd maalintii ugu horeysa ee tartankan, ayaa waxaa biladdii
ugu horeysay ee dahabka ahayd ku guulaystay orodyahanka Jafferson Perez oo
u dhashay dalka Ecuador ee laatiin Ameerika, isla markaana jebiyey
rikoodhkii u yaalay socodka dheer ee loo yaqaan (29 km Walk),
ciyaaryahankan oo noqday ninkii ugu horeeyey ee jebiya rikoodh tartankan
tan iyo markii uu jebiyey rikoodhka orodyahanka caanka ah ee reer Maraykan
Micheal Johnson 1999.
Perez ayaa ku socday socodkan dheer waqti dhan Saacad, 17 daqiiqo iyo 39
ilbidhiqsi, halka uu biladdii qalinka ahayd ku guulaystay ninkii isagu
hore u haystay rikoodhka adduunka Francisco Fernandez oo u dhashay dalka
Spain, biladdii sadexaadna ee Maarta ahaydna waxaa ku guulaystay Roman
Rasskazov oo u dhashay dalka Ruushka.
Dhinaca kale, waxaa biladdii ugu horeysay ee orodada tartanka ciyaaraha
fudud ee adduunka ku guulaystay gabadh itoobiyaan ah oo magaceeda la
yidhaahdo Berhane Adere, taas oo ku oroday orodka 10,000m (Tobanka kun ee
mitir) waqti dhan 30 daqiiqo iyo 4.18 seken, waxaanay taasi ka dhigtay
gabadhan gabadhii saddexaad ee ugu waqtiga fiicnayd taariikhda orodkan.
Orodyahanaddii hore horyaalka adduunka u haysatay oo iyaduna u dhalatay
dalka Itoobiya, ayaa ka baxday orodka markii uu ku dhawaa kala badhka,
taas oo lagu macneeyey xanuun hore u hayey oo ay ka qaaday cuno ay ku
sumowday, waxaase kaalinta labaad gashay gabadh kale oo reer itoobiya ah
laguna magacaabo Werknesh Kidane halka ay kaalinta saddexaad gashay gabadh
reer China ah oo la yidhaa Yingjie Sun.
Dhinaca kale, shalay ayaa Orodyahanka Kenenisa Bekele oo ah orodyahan u
dhashay dalka Itoobiya ku guulaystay bilada dahabka ah ee orodka 10,000
Mitir ee adduunka.
Orodyahankan, ayaa intii uu socday orodkani aan marnaba u ogolaan inuu ka
fogaado ninkii isagu caanka ahaa ee orodkan 10,000m haysan jiray
Gebrselassie oo isaguna u dhashay isla dalkaas, waxaanu xawaare ku dhaafay
markii orodka dhammaadkiisa uu ka hadhsanaa wax ka yar 300 mitir.
Gebrselassie ayaa is xarago leh isaguna ku guulaystay kaalinta labaad,
halka uu Sileshi Sileni oo isna u dhashay Itoobiya dhammaystiray biladihii
orodkan oo ay Itoobiya wada qaaday, kadib markii uu isna kaalinta
saddexaad soo galay.
Tartamada ciyaaraha fudud ayey had iyo goor orodyahanada reer Itoobiya iyo
Kenya ka dhigaan wacdaro, badiyaana iyagu ku guulaystaan, taas oo ay magac
iyo maamuus ugu soo jiidaan guud ahaan qaaradda Afrika, gaar ahaana
dalalkooda ay metelayaan. Top
Gunners Oo Si
Raaxo Leh 4-0 Kaga Guuleystay Middlesborough |
Kooxda Arsenal ayaa dhaqankeedii mar kale
soo celisay, kadib markii si raaxo leh uga badiyeen kooxda Middlesbrough.
Saddex gool oo 22-kii daqiiqadood ee ugu horeeyay dhaliyeen kooxda
Gunners-ku ayaa ciyaartoyda Arsene Wenger u diray inay guul kala hoydaan
garoon Riverside Stadium.
Weeraryahanka Thiery Henry ayaa goolka koowaad u saxeexay Gunners-ka
daqiiqadii 5aad ee ciyaarta, ka hor intii aanay Gilberto Silva iyo Sylvain
Wiltord dhallin laba gool daqiiqadihii 13aad iyo 22aad, waxaanay qaybtii
hore ku dhammaatay 3-0.
Sylvain Wiltord ayaa soo khatimay goolasha Gunners-ka, kadib markii uu
daqiiqadii 60aad goolkii afraad u saxeexay kooxdiisa.
Dhinaca kale, kooxda Manchester United, ayaa sii wada bilowga wanaagsan ee
ay ku bilowday ciyaaraha tartanka horyaalka Ingiriiska xilli-ciyaareedkan,
waxaanay sabtidii dorraad 2-1 ku suul-daartay kooxda Newcastle, balse waxa
guushooda wax u yar dhimay, kadib markii tababaraha kooxda Man United,
Alex Ferguson ficil cadho leh ka muujiyay khalad uu ciyaartoyga Andy
O’Brien ku galay Ryan Giggs, kadib markii kubad loo soo tuuray oo meel
cidla ah uu ku sugnaa difaacyahanku si cad khalad ugu galay, taas oo
macnaheedu ahayd in kaadhka cas loo taago, laakiin garsoorihii ciyaarta
Uriah Rennie u amray in ciyaartu socoto, taas oo ku keliftay in Alex
Ferguson cannaan iyo cabasho cadho leh ugu tago garsoorihii afraad, kaas
oo kadibna u yeedhay garsoorihii ciyaarta dhexdhexaadinayay, waxaanu
garsooruhu ciqaab ahaan ka dalbaday Alex inuu garoon gudihiisa ka baxo.
Daqiiqado kadib, kooxda martida loo ahaa ayaa hormartay ciyaarta, kadib
markii ay kooxda Newcastle heshay laad xor ah, markii kubad uu gacanta ku
dhuftay Scholes. Laurent Robert ayaa kubada karoosay, waxaanay gacanta ku
dhigay oo darbad madaxa ah ku muquuniyay Alan Shearer.
Kooxda Horyaalka ahaa ayaa qaybtii labaad ee ciyaarta la soo gashay
dhammaan hubkeedii, waxaanay khasabtay in Van Nistelrooy dhaliyo goolkii
barbardhaca, kadib markii uu kubad baas ah ka helay ciyaartoyga weyn ee
Roy Keane. Dhawr daqiiqadood ka dibna, Keane waxa uu kubad u soo karoosay
Scholes, kaas oo shabaqa ku hubsaday goolkii labaad ee kooxdiisu ku
hormartay, ciyaartuna waxay ku soo geba-gebawday in Manchester United 2-1
kaga adkaato Newcastle.
Dhinaca kale, xiddiga reer Roomaaniya Adrian Mutu, oo ay kooxda Chelsea ku
soo iibsatay 15.8 milyan oo giniga Ingiriiska ah, ayaa u dabaal-degay inuu
gool u dhaliyo markii ugu horeysay ee uu u safto kooxdan Chelsea tan iyo
markii uu ka soo wareegay kooxda Parma, goolkaas oo uu dhaliyay
dhammaadkii qaybtii hore ee ciyaarta (daqiiqadii 45aad), iyadoo taasi
muujinayso faraqa labada kooxood u dhexeeya.
Kooxda Chelsea waxay ciyaarta hormartay kadib laba daqiiqadood oo keliya
markii ay ciyaartu socotay, kaas oo uu ciyaartoyga kooxda Liecester khadka
dhex uga ciyaara eeLilian Nalis gool ku dhaliyay kooxdiisa Liecester,
balse Jamie Scowcroft ayaa gool barbardhac ay ku keeneen Liecester u
dhaliyay daqiiqadii 39-aad ee qaybtii hore ee ciyaarta.
Ciyaartoyga khadka dhexe uga ciyaara Chelsea, Geremi ayaa daqiiqadii 67aad
ciyaarta laga saaray oo kaadh cas la siiyay, isla markaana kooxda
Liecester ayaa ciyaarta ku dhamaysatay 9-ciyaartoy, kadib markii
ciyaartoyda Alan Rogers iyo Riccardo Scimeca laga saaray ciyaarta
daqiiqadihii 84aad iyo 88aad.
Walow, ay ciyaartoyda kooxda Chelsea ay si adag ku badbaadiyeen guushaas,
haddana tani waxay u ahayd Mulkiilaha cusub ee kooxda Roman Abramovich soo
dhawayn wanaagsan oo garoonka Stamford Bridge.
Ciyaaryahanka reer Argentina Hernan Crespo, ayaa ciyaartan ka daawanayay
tarabuunka garoonka, waxaana la filayaa isniinta maanta inuu heshiis la
galo kooxda Chelsea, isla markaana uu buuxiyo kaalinta weerarka oo ay
naaqus ka dareemayso kooxdu.
Ciyaarihii Sabtidii dhacay
Bolton 2-2 Blacburn
Everton 3-1 Fulham
Man City 1-1 Portsmouth
Southampton 0-0 Birmingham
Tottenham 2-1 Leads United
Wolves 0-4 Charlton
Ciyaarihii Axadii dhacay
Aston Villa 0-Liverpool Top
|