Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 406 August 27, 2003

Wasiirka Arimaha Debedda Iyo Maamulka Edna Hospital Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha Iyo Marwadiisa

Aqoonyahano, Hay’ado Iyo Dawlado Badan Oo Aduunka Ah Ayaa Ogol Madax-Bannaanida Somaliland

Khubaro Jarmal ah oo Ku Hawlan Abuuridda Xafiis Baarlamaanka Somaliland Ka Caawiya Arrimaha Miisaaniyadda

“Sharci Kasta Ku Lahow Dal Shisheeye, Hadana Haybad Waxaad Ku Leedahay Dalkaaga Hooyo”

Aqoon Is Weydaarsi U Furmay Haweenka Xisbiyada Ku Jira

Boqortooyada Sucuudiga Oo Xayiraadii Ka Qaaday Ganacsiga Xoolaha Itoobiya

Ajande Ku Saabsan Aqoonsiga Maamulada Somaliya Ku Jira Oo Muran Ka Aloosay Shirka Kenya

Dabaaldaga Dhaqameed Ballaadhan Oo Laga Sameeyay Suuqyada Waaweyn Ee London

Meeraha Mariikh (MARS) Oo Xalay Meel Dhow Isa Soo Taagay, Muuqqlkii Uu Sameeyay Iyo Sidii Dunidu Uga Faallootay

Indiya Oo Pakistaan Ku Eedaysay Qaraxii Ka Dhacay Bomay

Shir Looga Hadalyo Nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi Oo Ka Furmay Shiinaha

Israa'iil Iyo Weeraradii U Dambeeyay Ee Dagaamada Falastiin

Riyaha iyo xikmadda dhaqanka: A-Qoodha Riyaha.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Niman askar sheeganaya ayaa beertaydii si xaqdaro ah iigu haysta

“Ayaaan darranaa nin dadkiisu doortay oo hadana iska eegaya waraaq loo soo qoro”

Golaha Deegaanka Hargeysa Ma u hiilin doonaa dadka lagu duudsiyo D/hoose

 

 

 

 

 


Wasiirka Arimaha Debedda Iyo Maamulka Edna Hospital Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha Iyo Marwadiisa

Hargeysa (Haatuf) – Wasiirka arimaha debedda dawladda Somaliland, Marwo Edna Aadan Dhakhtar iyo maamulka, dhakhaatiirta, shaqaalaha iyo ardayda cusbitaalka Umulaha ee Edna Hospital ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin iyo marwadiisa, Huda Barkhad Aadan shalay wiil ugu dhashay cusbataalka Edna Hospital ee magaalada Hargeysa, waxayna dadka hambalyada dirayaa leeyihiin dhalasho farxad leh, isla markaana waxay illaahay uga rajaynayaan inuu wiilkaasi noqdo kii waalidkii, dalkiisa iyo diintiisaba anfaca. Aamiin. Aamiin.

Top


Aqoonyahano, Hay’ado Iyo Dawlado Badan Oo Aduunka Ah Ayaa Ogol Madax-Bannaanida Somaliland

Seattle, Washington (Haatuf) – “Waxaad moodaa in hadda aqoonyahanno, hayado iyo dawlado badan ay aragtidoodii hore ee Somaliland wax iska bedeleen ama iska bedelayaan”, sidaa waxa yidhi Jamaal Cabdi Gaboobe oo ka mid ah dadka reer Somaliland ee debedaha uga ololeeya qadiyadda aqoonsiga Somaliland, kana mid ah jaaliyadaha cariga Maraykanka, wuxuuna Jamaal sidaa ku sheegay xog-waraysi aanu dhowaan la yeelanay isaga oo jooga magaalada Seattle ee gobolka Washington, waxaanuna xog-waraysigaa u soo koobnay sidan:

“Waxa imika muuqata aqoonyahano, hay’addo iyo dawlado badan oo sidii ay markii hore u arki jireen Somaliland wax iska bedeleen ama iska bedelayaan, isbedelka intaa le’eg ee marka ay wax iska bedelaan aragti hore waxa afka Ingiriisiga lagu yidhaahdaa Paradigm Shift (Isbedel weyn oo aragtiyeed). Isbedelkaana waxa la odhan karaa waxa keenay horumarka ay dadka Somaliland sameeyeen, iyo niyad-jab beesha caalamka kaga yimid dhinaca Soomaaliyada Koonfureed, kadib markii ay arkeen in shirkii Kiiniya ee tobanka bilood socday ay ka baxeen xubno muhim ah.
Marka laga yimaado xil-wareejintii sida distooriga ahayd u dhacday, markii Madaxweynihii hore ee Somaliland geeriyooday iyo doorashooyinkii dalka ka dhacay, waxa kale oo maalmahan dambe farta lagu fiiqi karaa waxyaalo isha soo jiitay oo ka dhacay Somaliland, sida heshiiskii Berbera-Itoobiya-corridor, heshiiskaas oo caalamka u muujiyay in ay Somaliland tahay meel nabadgelyo ah iyo in ay jirto dawlad heshiisyo caalami ah lala geli karo, laakiin heshiiska Itoobiya lala galay waxa loo baahan yahay in ay dawladda iyo dadka Somaliland-ba si fiican u darsaan, si aanay uga dhallan dhibaatooyin wax yeeli kara xidhiidhka derisnimo ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waayo? Dagaaladii dhexmaray dalalka Itoobiya iyo Ereteriya, sababaha ugu waaweyn ee dhaliyay is-maan-dhaafka dagaalku ka qarxay, waxa ka mid ahaa Tacriifadda cashuuraha, qiimaha lacagtii cusbayd ee Ereteriyiintu samaysteen iyo maamulka iyo macaamilka dekedaha,” ayuu Jamaal ku bilaabay Warbixintiisa, laakiin waxyaalo kale ayuu tusaale u soo qaatay markii uu sharaxa ka bixinayay sida ay wax iskaga bedeleen aragtida qaar ka mid ah beesha caalamka, wuxuuna yidhi, “Warkii ay soo saareen ururka Qalalaasaha Adduunku (International Crisis Group ‘ICG’) oo runtii aad u saacidi doona qadiyadda Somaliland, ayaa ka mid ah waxyaalaha muujinaya in ay wax iska bedeleen aragtidoodii Somaliland qaar badan oo beesha caalamka ka mid ahi. Waxa kale oo ka mid ah daraasadii ay soo diyaariyeen Garyaqaanadii reer Koonfur Afrika, kuwaas oo yidhi; Qaynuunka dawliga ah ee caalamku wuu ogolyahay in ay Somaliland noqoto dawlad madaxbanaan. Sidoo kale aqoonyahanka caanka ah, Prof. Cali Al Mazruucii, ayaa yidhi, waa in Somaliland madaxbanaani loo ogolaadaa. Sidoo kale aqoonyahanka reer Kenya, Sam Makinda oo wax ka dhigga Jaamacadda la yidhaahdo Perth ee ku taal dalka Australia, ayaa isna yidhi, Soomaaliya markii horeba waxay ahayd wax la dhoobdhoobay, waayo waxa keliya ee isu keenay labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu ahaa himiladii ahayd sidii loo heli lahaa shanta Soomaaliyeed, taasina markii ay suurtoobi wayday way burburtay. Waxa kale oo iyana jirta maqaal ay qortay jariiradda la yidhaahdo ‘Afrol News’ 28-kii July 2003, maqaalkaas oo ciwaankiisu ahaa ‘Somaliland Recognition Finds enhanced Support’ maqaalkaas oo nuxurkiisu ahaa in la taageero aqoonsiga ay Somaliland doonayso. Waxa kale oo aan xusi karaa shir ay maalin dhawayd Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Edna Aadan isugu keentay dad reer Somaliland ah oo khibrad u leh arrimaha dibadda, taasina waa tallaabo wanaagsan, waxayna Edna muujisay kalsooni ah in aanay ka baqayn in ay qofka weydiiso wixii uu khibrad u leeyahay, anigoo ku talin lahaa in ay Edna mar kale isu keento dhallinyaro mutacalimiin ah iyo dad aqoon leh, kuwaas oo ka shaqeeya keliya arrimaha ictiraafka Somaliland iyo sidii ay xafiisyada dibadda Somaliland iyo dadka arrimaha ictiraafka Somaliland u ololeeya ee dibadaha jooga ay xidhiidh fiican oo wada shaqayn ah u yeelan lahaayeen (Network).”

Jamaal waxa kale oo uu xusay dad badan oo ogol ama hadda u debecsan aqoonsiga madaxbannaanida Somaliland, isagoo yidhi: “Aqoonyahanada shisheeyaha ah ee Soomaalida arrimahooda ka faalooda ama darsa, hadda waxay u muuqdaan in ay badankoodu ogol yihiin aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland, waxa kale oo iyana xusid mudan Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale oo markasta jawaabo iyo mowqif isku mid ah ka bixiya qadiyadda Somaliland marka uu ka hadlayo.”

Laakiin Jamaal, isagoo ka jawaabaya sida loo arko hadal ay dhawaan faafiyeen labada wiil ee walaalaha ah, Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Axmed Ismaaciil Samatar, kuwaas oo daadafeeyay aqoonsi Somaliland la siiyo, waxa uu yidhi: “Ra’yiga Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Axmed Ismaaciil Samatar, ee ay leeyihiin yaan Somaliland ictiraaf la siin, waxa raacsan ama taageersan dad yar uun, in ay sidaa tahayna waxaan ku ogaaday shir ay bishii December 2002 yeesheen ururka la yidhaahdo African Studies Association oo ka dhacay Washington DC, shirkaas oo aan anigu joogay, iyaguna joogeen, cid kale iska dhaafoo xataa aqoonyahano Soomaalida Koonfureed ah, ayay ka soo baxayaan codad ay tiradoodu isa soo tarayso, kuwaas oo imika ogaaday ama ogaanaya in waxyaalaha ay ilma Samatar ku sheekaynayaan aanu ahayn aragti shaqaynaysa.”

Jamal ugu dambayn, waxa uu sheegay in ay muuqdaan fursado laga faa’iidaysan karo oo la xidhiidha qadiyadda ictiraafka Somaliland, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay u baahan yihiin in laga faa’iidaysto oo aan la dayacin, wuxuuna isagoo taa ka hadlaya yidhi, “Wakhtigani waa wakhti xasaasi ah, dhinaca kale aad u muhim ah, waxayna Somaliland haysataa fursad wanaagsan oo u baahan in aan la lumin ee laga faa’iidaysto aqoonyahanada, hay’adaha iyo dawladaha Ajnabiga ah ee hadda isu soo taagay ama ogol qadiyadda madaxbanaanida Somaliland.”

Top


Khubaro Jarmal ah oo Ku Hawlan Abuuridda Xafiis Baarlamaanka Somaliland Ka Caawiya Arrimaha Miisaaniyadda

Hargeysa (Haatuf) – Khuburo Jarmal ah oo ilaa saddex xubnood ah, ayaa guda-galay diraasad ay ku samaynayaan sidii baarlamaanka Somaliland u yeelan lahaa xafiis qaabilsan arrimaha miisaaniyadda iyo dhaqaalaha.

Dr. Hartmut Schulz oo ah madaxa kooxda khubarada ah, ayaa shalay Haatuf u sheegay in diraasadani socon doonto muddo lix toddobaad ah, iyadoo buu yidhi ay ujeedada laga leeyahay diraasadani tahay in Baarlamaanka Somaliland loo sameeyo xafiis kala taliya qiimeynta miisaaniyadaha ay xukuumaddu hor keento iyo habka daba-galka loogu sameeyo miisaaniyadda dawladda, kadib marka la ansixiyo.

Khubaradan Jarmalka ahi, waxay Somaliland joogeen muddo ilaa toddobaad ah, laakiin Dr. Schulz oo aanu weydiinay in muddada ay wadanka joogeen ay sawir ka bixin karaan nooca uu yahay xafiiska miisaaniyadda ee loo baahan yahay sida uu noqon doono, wuxuuna ku jawaabay; “Weli waxaanu ku jirnaa xog-urursi oo weli ma bixin karno tafaasiil arrintaa ku saabsan, hase yeeshee shaki kuma jiro in ay jirto baahi weyn oo xafiiskaa loo qabaa.”

Mr. Schulz oo muddo 23-sannadood ah ka soo shaqaynayay wasaarada Maaliyadda ee dalka Jarmalka, isla markaana ka soo shaqeeyay ama soo qabtay hawlo ama xilal kale oo la xidhiidha maareynta arrimaha dhaqaalaha, waxa uu sheegay in hawsha ay Somaliland u yimaadeen ay filayaan in ay ku soo geba-gebawdo muddo shan toddobaad oo kale ah.

Xasan Xaaji Maxamuud oo ka mid ah laba nin oo u dhashay Somaliland, laakiin ka mid ah kooxdan khubarada ah ayaa isna noo sheegay in fikradda ay wadaan aanay ku koobnayn keliya in Baarlamaanka Somaliland laga caawiyo dhinaca xafiiska arrimaha miisaaniyadda iyo dhaqaalah, balse ay jiraan kooxo kale oo la filayo in ay Somaliland yimaadaan 16-ka bisha September ee fooda inagu soo haysa, kuwaas oo ay ujeedadoodu tahay in ay daraasad ku sameeyaan dhinaca sharci-dejinta iyo waxyaabo kale oo ay ka mid yihiin xidhiidhka loo baahan yahay inuu muddanaha la soo doortaa la yeesho deegaanka laga soo doortay.
Xasan Jaamac oo ururkii SNM mar wakiil uga ahaan jiray dalka Jarmalka, ayaa yidhi; “Intii aanu dalka joognay, waxaanu aragnay in kaalinta sharci-dejinta iyo is-waafajinta sharciyada Baarlamaanku ansixiyo iyo distoorka dalku ay tahay arrin u baahan in la dhiso dhinac aqooneed iyo dhinac farsama-ba.”

Xasan waxa kale oo uu intaa ku daray in muddadii ay joogeen ay dareemeen in aanay guddi hoosaadyada Baarlamaanku lahayn xafiisyo u gaar ah oo ay ku shaqaysan karaan iyo weliba in ay banaan tahay kaalinta dhinacyada la-taliyayaasha sharci-dejinta iyo dhaqaalaha-ba, wuxuuna yidhi; “Haddii nimankan (Baarlamaanka) meel madhan la taago sideebay u gudan karaan xilkooda.”

Laakiin Xasan isaga oo is barbar dhigaya Baarlamaanka Somaliland iyo ka Jarmalka, waxa uu yidhi; “Mar aan ka shaqay jiray Baarlamaanka Jarmalka oo tirada xubnihiisa lagu qiyaaso ilaa 600 oo mudane, waxa shaqaalaha u adeegaya iyagana tiradooda lagu qiyaasaa ilaa 6,000 (lix kun) oo qof.”

Xasan waxa kale oo uu sheegay in ay kooxdoodan khubarada ah ee Somaliland joogaa balanqaad ka haystaan Wasaarada Arrimaha Iskaashiga Dibadda ee dawladda Jarmalka iyo hay’adda Midowga Yurub (EU), ballanqaadkaas oo ah in ay maalgeliyaan mashruucan lagu taageerayo Baarlamaanka Somaliland.

Top


“Sharci Kasta Ku Lahow Dal Shisheeye, Hadana Haybad Waxaad Ku Leedahay Dalkaaga Hooyo”

Hargeysa (Haatuf) – “Wadan qurbe ah sharci kasta lahow umaad dhalan, markaa haybad waxaad ku leedahay dalkaaga hooyo”, sidaa waxa yidhi C/jibaar Xaaji Cali oo ah fanaan reer Somaliland ah, isla markaana ka mid ah dadka qurba-joogga ah, laakiin hadda waxa uu joogaa dalka, gaar ahaan magaalada Hargeysa, isaga oo dhowaan ka yimi dalka Kanada.
Waraysi khaas ah oo aanu C/jibaar la yeelanay Isniintii doraad, isaga oo ku sugan hudheelka Ambassador, waxa uu kaga sheekeeyey waxyaalo ay ka mid yihiin: waayihiisii Fanka, xaaladda fanka ee qurbaha iyo guud ahaan dareenka nololeed ee dadka qurbaha ku dhaqan.

C/jibaar waxa uu debedaha waxa uu ku maqnaa muddo 20 sannadood ah, mudadaa labaatanka sannadood ah-na waa markii u horaysay ee uu dalka yimaado, laakiin isaga oo tilmaamaya mudadii uu joogay arabtida uu dalka ka qaatay waxa uu yidhi “Marka hore imaatinkayga aad baan ugu faraxsanahay, ta kale waxyaalo badan oo aanu markii hore dalka ka haysanay hadda sidii way ka duwan tahay , aniguna waaban ka helay dalka, taas awgeedna waxa laga yaabaa inaan sii joogo ama soo noqnoqdo, waxyaalaha aan ka helayna waxa ka mid ah xoriyadda lagu caano maalayo iyo horumarka dalka ka socda iyo sida ay dadku isu bedeleen”.

Waxa kale oo C/jibaar la waydiiyey su’aal ahayd “Imaatinkaaga Hargeysa ma dadkii soo xagaa baxay ayaad ka mid ahayd, mise muraad gaar ah ayaad u timi”, wuxuuna ku jawaabay “Xagaa baxna way noqonaysaa, waxaana laga yaabaa inaan dalka barnaamijyo ka sameeyo, maadaama aan wadankaygii imi”, laakiin taa ka sokow waxa la sheegay in C/jibaar dalka ku yimi casuumad ay u fidiyeen dad gaar ahi, isaga oo taa ka jawaabayana wuxuu yidhi “Haa way jirtaa in wadanka laygu martiqaaday, waxaana la igu martiqaaday aroos Hargeysa ka dhacay, waxaana I martiqaaday Naasir Indhodeero”.

C/jibaar waa fanaan da’yar, isla markaana inkasta oo qurbajoog yahay hadana heesaha uu qaado aad baa dalka looga dhegeystaa, laakiin marka isaga laga yimaaddo waxa jirta dhalinyaro badan oo qaada heeso ay fanaaniin hore lahayd, taas oo lagu eedeeyo inay bililiqaysteen heeso aanay lahayn, balse C/jibaar isaga oo ka hadlaya xaaladda fanka ee debedaha iyo heesaha hore ee ay fanaaniinta da’da yari qaadaan waxa uu yidhi “Marka hore heesuhu waxay ka mid yihiin hidaha iyo dhaqanka aynu leenahay hadii ay tahay heesihii hore iyo hadii ay tahay heesaha cusuba, waxa jirta in nalagu xanto waxay bililiqaysteen heesihii hore oo ay kharibeen, laakiin ama aanu heeso hore qaadno ama aanu heeso cusub qaadnaa waxaasi waxay naga tahay dedaal ay dhalinyaradu samaynayaan, balse taasi nagama aha inaanu isleenahay wax khariba ee waa naga dedaal iyo wax hagaajiya, dunida intaa wax baa isbedelaya, markaa waa inaynu ogolaano xiliga isbedelaya”.

C/jibaar mar la waydiiyey markii ugu horaysay ee uu fanka galay ama heesaha bilaabay waxa uu yidhi “Heestii ugu horaysay waxaan qaaday 1974-kii, fankana waxaan galay intii aan dalka joogay, laakiin waxaan aad ugu soo shaac baxay magaalada Abu-dabay ee dalka Imaaraadka carabta, intii aan Abudabey joogayna waxaan duubay 4 Albam oo heeso ah oo aan anigu laba ka mid ah gaar u leeyahay iyo laba Alban-na heeso googoos ah ayaan ku lahaa, iminkana mid baan wadaa oo dhowaan soo bixi doono”. Laakiin C/jibaar isaga oo ka hadlaya sababtii iyo sidii uu fanka ku galay, wuxuu yidhi “Fanku sidiisaba waa dareen ku gala, dareenkuna ma aha wax aad iska doon-dooni karto, laakiin anigu waxaan fanka ka bilaabay magaalada Burco, oo waxaan ahaa dhalinyarada iskuulada ka heesta, muddo ka dibna waxaan ka qayb galay bandhig faneed lagu qabtay Xamar, halkaas oo lagu tartan siiyey dhalinyaro gobolada oo dhan ka kala socda, waxaana faniinta ka qayb gashay ka mid ahaa: Maxamed Cali-Burco iyo nin la yidhaahdo Cali Xaashi iyo dhalinyaro kale, markaa aniga dareenka fanku xiligaa ayuu igu dhashay”.

C/jibaar waxa kale oo la waydiiyey saamaynta uu fanka Somalidu ku leeyahay dalalka debedaha waxa uu yidhi “Walaahay saamayn weyn buu ku leeyahay dhaqan ahaan, waayo anagu hadii aanu nahay qolyaha fanka ee debedaha jooga ujeedadayadii waanu gaadhnay mar hadii aanu caruurteenii yar yarayd barnay hiddohoodii iyo dhaqankoodii, waayo dhibaatada anaga na haysata iyo tiinu isku mid ma ah, oo caruurta dalka joogtaa dhaqankii buu ku dhexjiraa, anagase qofku maalintii waxa uu dhegaysanayaa dhawr boqol oo idaacadood oo kala jaad-jaad ah, markaa waxaanu ku guulaysanay inay dhalinyaradayadu masraxyada yimaadaan oo ka qaadaan heeso ilaa ay caruurtii qaar halkaa afsomaligii ku bartaan.”

Marka la eego heesaha uu qaado C/jibaar waxay arimaha fanka ka faallooda qaarkood ku xifaaleeyaan C/jibaar inay heesihiisa qaarkood la xidhiidhaan qisas jacayl oo isaga oo soo maray, laakiin mar la waydiiyey su’aal arintaa la xidhiidha waxa uu yidhi, “Sideedaba qofka bini’aadanka ahi waxa uu leeyahay dareen, mana jiro qof aan dareen lahayni, taasna nin-ba si ayuu u haystaa, laakiin taas aad I waydiiseen waxba kama jiraan, waa iska dacaayad “.

Laakiin C/jibaar waxa kale oo la waydiiyey bal heesta ugu jecel yahay heesihii uu qaaday ilaa hadda, wuxuuna ku jawaabay “Horta odhan maayo wax aan qaaday baan necebahay, balse heesta aan sida gaarka ah u xiiseeyo waxa la yidhaahdaa Bay-bay oo aan ka qaaday magaalada Abudabey”.

C/jibaar hablo door ah oo fanaaniinta caanka ah ka mid ah ayuu heeso lammaane ah la qaaday, laakiin isaga oo ka jawaabaya gabadha uu ugu jecelyahay inuu hees la qaado waxa uu yidhi “Horta qofkastaa wax buu ku wanaagsan yahay, run ahaantiina fanaaniin waaweyn oo wanaagsan baanu wax isla soo jilnay ama isla qaadnay, qof walibana kaalintiisa si wacan baan ugu bogay, maantana ma garanayo mid aan idhaahdo heblaayo ayaan hablaha kale ka jecelahay, hablaha fanaaniinta ahna inyar uun baanaan wax isla samayn, waxaana ka mid ah hablahaa: Maryan Mursal, Khadra Daahir, Magool, Shamsa Cumar (Alla ha u naxariistee),Nakruuma, Dalays, Nimco Jaamac, Nimco Yaasiin iyo gabdho kale”.

C/jibaar heesaha uu qaado ka sokow waxa uu tumaa muusigga, isla markaana heesaha ayuu laxanka saaraa, isaga oo arintaa ka hadlayana wuxuu yidhi “Tumistu way noocyo badan tahay, laakiin anigu waxaan bayteriga ama durbaanka, waxaana intaa ii raaca laxanka oo aan sameeyo iyo afarayda oo aan mararka qaarkood tuurto ama sameeyo, heesahayga oo dhanna aniga ayaa laxankooda leh (saaray), waxa kale oo jirta heeso ay dad kale qaadaan oo laxanka u saaray”.

“Runtii wuu jiraa dhaqaale soo gala fannaaniinta debedaha, laakiin sida la moodayo ma aha”ayuu yidhi C/jibaar, wuxuuna sheegay inay hadda dhalinyarada fanaaniinta ah ee debeduhu ku dedaalaan samaynta heesaha iyo muuqaalka fanaankii heesta qaaday, waayo buu yidhi “Waagii hore fanaan kasta waa la maqli jiray codkiisa, laakiin muuqaal lagama hayn, iminkase waxa la sameeyaa in muuqaalkii lagu daro codka”.

C/jibaar mar la waydiiyey bal inuu Af-Somaliga mooyee afaf kale ku heeso wuxuu yidhi “Haa waxaan ku heesaa afka Carabiga, laakiin mar walba afkeena hooyo ayaan ka jecelahay afka qalaad”.

Ugu dambayn C/jibaar waxa la waydiiyey bal sida ay hadda tahay xaaladda nololeed ee dadka qurbaha ku dhaqan, wuxuuna yidhi “Waa tii Somalidu hore u tidhi haybad waxaad ku leedahay dalkaaga hooyo, markaa wadan aanad u dhallan oo qurbaha ah sharciga aad doonto hadii aad ku leedahay, waa wadan aanad u dhallan, mana lihid ee dal shisheeye, oo markii la doono ayaa sharciga lagaa qaadayaa, sidaa awgeed mar walba haybad waxaad ku leedahay dalkaaga hooyo”.

Top


Aqoon Is Weydaarsi U Furmay Haweenka Xisbiyada Ku Jira

Hargeysa (Haatuf); Aqoon isweydaarsi ku saabsan sidii laysigu soo dhowayn lahaa haweenka somaliland ee ku kala jira Xisbiyada siyaasada, ayaa shalay laga furay xarunta gaboodka ugu weyn Ururada Haweenka ee Negaad.

Aqoon-isweydaarsigaa oo ay kasoo qayb galeen ilaa 30 haween ah oo ka kala yimi Gobolada dalka , islamarkaana ka tirsan Xisbiyada siyaasada , waxa soo qaban-qaabiyay qaybta haweenka u qaabilsan siyaasada.

Marwo Sam-sam Cabdi Jaamac oo xubin ka ah qaybta siyaasada ee haweenka oo furitaankii ka hadashay ayaa sheegtay in aqoon-isweydaarsigaa oo socon doona Saddex maalmood lagaga doodi doono, sidii laysugu soo dhowayun lahaa haweenka somaliland ee ku jira Xisbiyada siyaasada iyo sidii loo bari lahaa xuquudooda . waxa kaloo ay marwo sam-sam sheegtay in waxyaabaha Aqoon-isweydaarsigan lagaga doodi doono ay ka mid yihiin. sidii ay haweenku uga qayb geli lahaayeen doorashooyinka soo socda ee Baarlamaanka.

Marwo Ismahaan cabdi salaan oo ah gudoomiyaha Nagaad, iswlamarkaana cashar bixiye ka ah aqoon-isweydaarsigaa ayaa u sheegtay ka qaybgalayaasha inaanay xuquuqda ay haweenku ka hadlayaan ahayn mid debeda looga soo waariday, balse ay tahay tii Ilaahay siiyay ee ku cad kitaabka, laakiin loo baahan yahay inay xusuusiyaan inta ka maqan inta diintu u ogoshahay, iyadoo tidhi “inta sharciga inoo haysa, haddii aynu waajib kaga dhigno inta diintu inoo ogoshahay oo ay ina siiyaan, intaas ayaa inagu filan oo aynu si sharaf leh ugu dhaqmaynaa.”

Marwo Ismahaan waxa ay sheegtay dooda lagu soo qaadi doono qaabka ay haweenku u gelaan Xisbiyada siyaasada iyo ujeedooyinka ay ka leeyihiin, islamarkaana lagu falanqaynayo, haweenka siyaasada galay, qorshayaasha iyo ujeedooyinka ay ugu tala gelayaan doorashooyinka danbe iyo sidii ay u dhigan lahaayeen istiraatiijiyad ay ku wada xidhiidhaan haweenka somaliland , islamarkaana looga wada shaqayn lahaa danaha haweenka. Waxa kaloo ay sheegtay in laga doodi doono sababta keentay inay haweenku u baahdaan inay ka qayb galaan doorashooyinka Baarlamaanka ee soo socda.

Top


Boqortooyada Sucuudiga Oo Xayiraadii Ka Qaaday Ganacsiga Xoolaha Itoobiya

Dawladda boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay xayiraadii ka qaaday ganacsiga xoolaha Itoobiya, sidaana waxa shaaca ka qaaday Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Itoobiya waxay ka mid ahayd dhawr dal oo ka mid ah dalalka Geeska Afrika oo ay dawladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya xayiraad ku soo rogtay ganacsiga xoolaha uga soo dhoofa, iyadoo taa loo aaneeyay cudurka loo yaqaan “Rift Valley Fever”, oo lagu tuhmay inuu ka dilaacay degaamo ka mid ah geeska Afrika. Laakiin, xayiraad ka qaadidani waxa ay ka dambaysay markii ay bilihii la soo dhaafay khubaro dhinaca caafimaadka xoolaha ah oo ka socda dawladda Sucuudigu ay socdaalo ku mareen dalka Itoobiya, iyadoo meelaha ay booqdeen ka mid ahaayeen laba warshadood oo ay maal-qabeeno u dhashay Sucuudigu ka dhisteen dhulka is-maamulka Oromada Itoobiya, waxaana labadaa wershadood loogu talo-galay in ay diyaariyaan hilibka laga dhoofinayo Itoobiya ee loo dirayo dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, sidana la sheegayna waxay labadaa wershadood maalintii diyaarin karaan ama qalli karaan 1000 ilaa 2000 oo neef oo adhi ah iyo 100 ilaa 150 neef oo lo’ ah.

Sida ay qortay jariirada la yidhaahdo Arab Nation, marka la eego dalalka Geeska Afrika ee ay Boqortooyada Sucuudigu xayiraada Ganacsi ku soo rogtay xoolahooda, Itoobiya waxay noqonaysaa dalkii labaad ee ay xayiraadda ka qaado iibka xoolahooda, iyadoo dalka Suudaan hore looga qaaday xayiraadii ganacsiga xoolaha.

Xayiraadda ganacsiga xoolaha dalalka Geeska Afrika, waxay dhibaatooyin badan oo dhinaca nolosha ah ku keentay malaayiin dad ah oo u badan xoolo-dhaqatada ku nool degaanada miyiga.

xoolaha iyo badeecadaha kale ee ay Itoobiya dibaddaha u dirto waxaa laga dhoofin jiray dekedda Casab ee dalka Ereteriya, laakiin intii ka dambaysay sannadkii 1991-kii, waxa la sheegay in aanay jirin wax xoolo ah oo Itoobiya dibadda u dhoofisay.

Dalka Itoobiya, wadanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya ka sokow, waxa kale oo ay xidhiidh ganacsi oo xoolaha ah la leedahay dalalka Kuweyt, Isu-taga Imaaraadka Carabta iyo wadanka Yemen.

Marka laga yimaado labadaa wadan ee ay Boqortooyada Sucuudigu xayiraadda ka qaaday xoolahooda mooyaane, waxa kale oo ay ilaa hadda xayiraadi saaran tahay ganacsiga xoolahooda dadyowga kale ee Geeska Afrika, sida; Soomaalida, Kenyaatiga iyo Djibouti, iyadoo xilligii uu Sucuudigu xayiraadda ku soo rogay ganacsiga xoolaha Geeska Afrika hadda laga joogo muddo saddex sannadood ah.

Top


Ajande Ku Saabsan Aqoonsiga Maamulada Somaliya Ku Jira Oo Muran Ka Aloosay Shirka Kenya

IRIN- Ergooyinka shirka kooxaha iyo beelaha Somaliya uga socda magaalada Imbaghti ee dalka Kenya ayaa si weyn isugu maandhaafsan ajande la xidhiidha aqoonsiga maamulada ka jira Somaliya, iyadoo uu qoddobka muranku ka taagan yahay ka mid yahay distoorka shirka la soo hordhigay oo ay qaar badan oo ka mid ah hogaamiyekooxeedyada shirka ka qayb gelayaa si weyn uga biyo-diideen, qaarna ka cadhoodeen.

Sida uu ku waramay James Koboi oo ka mid ah guddiga farsamo ee ururka IGAD ee shirkaa gudoominaya waxa hadda dhamaaday ka baaraandegga qoddobada uu distoorkaasi ka kooban yahay, waxaana la sheegay in qoraalka distoorkaa akhriskiisa la soo gebagebeeyey khamiistii toddobaadkii hore, waxayna IRIN ku warrantay in qoddobada distoorkaa inta badan la isku raacay marka laga reebo qoddobo ay ka mid yihiin qoddobka 19aad, qoddobkaas oo ka hadlaya aqoonsiga iyo sida hadhow loola xaajoonayo maamulada ka jira Somaliya, waxayna qaar badan oo ergooyinka shirkaa ka mid ahi doonayaan in qoddobkaa dib loogu noqdo oo wax laga bedelo, laakiin maamul-goboleedka Puntland oo ka mid ah meelaha uu qoddobkaasi khuseeyo ayaa ku adkaysanaya in loo aqoonsado inay yihiin maamul-goboleed madax banaan.

Sarkaalka ka tirsan guddiga IGAD, Mr. James Koboi ayaa tilmaamay in distoorka shirkaa lagu sameeyey lagu wado in la ansixiyo sabtida toddobaadka foodda inagu soo haya, hadii ay taasi dhacdona waxa halkaa ku soo ajarmaya wareeggii labaad ee shirkaa, sidoo kale James Koboi waxa uu tilmaamay inuu ka rajo qabo inay hogaamiye-kooxeedyadii shirka ka baxay dib ugu soo laabtaan shirka, wuxuuna yidhi “Waxaanu xidhiidh aan kala go’lahayn lala lahayn qaar ka mid ah hogaamiyayaasha shirka ka baxay, waxaana jira ifafaale muujinaya inay shirka ku soo noqdaan”ayuu yidhi, waxaana ka mid ahaa hogaamiye-kooxeedyadii shirka ka baxay C/qaasin Salaad Xasan, Muuse Suudi Yalaxow iyo Barre Hiiraale.

Shirka dib loogu heshiinayo kooxaha iyo beelaha Somalidu waxa uu hadda socday muddo sannad ku dhow, wuxuuna markii u horaysay magaalada Eldorate ee dalka Kenya ka furmay bishii Oktoobar 2002, laakiin bishii Jananweri, 2003 ayaa loo soo wareejiyey degmada Imbaghti ee duleedka Nayroobi.

Top


Dabaaldaga Dhaqameed Ballaadhan Oo Laga Sameeyay Suuqyada Waaweyn Ee London

London (W.wararka) magaalada Londo ayaa maalmihii dhawaa waxa ka socday dabaaldegyo ciyaaro ah. Cayaaraha oo loo yaqaan Carnival-ku waa kuwo sannad walba bishan oo kale lagu qabto dariiqyada ku yaala galbeedka magaalada London gaar ahaana xaafada Notting Hill Gate.
Waxaa la dananinayay muujinta kala duwanaanta jinsiyadaha kala duwan ee ku nool dalka Britain, gaar ahaana London.

Hadii aan in yar ka xusno taariikhda iyo habka ay ku bilowdeen cayaaraha dariiqyada lagu qabto waa kuwo uu asalkoodu ka soo bilowdeen Jasiirada Tirinidad eeku taal badwaynta Atlantic. Waxaase jirtay sanadkii 1964-tii in dadka ka yimaada jasiiradaha Caribbean-ka ee ku dhaqan dalka Britain in ay tirsanayeen dhibaatooyin la xidhiidha dhanka shaqooyinka, midabka iyo helista degaanada. Waxa ay markaa goosteen reer Caribean-ku in dadka ay la nool yihiin u muujiyaan dhaqankooda saaxiibtinimada iyo wanaaga ah. Sidaas ayayna ku bilowdeen ciyaarahani. Dalalka Yurub waa ciyaaraha ugu wayn ee dariiqyada lagu qabto.

Waxaa jirta in ciyaaraha iyo dabaaldegyada noocan ahi ay ugu horeyntii ka bilowdeen, marka laga hadlayo dalka Britain, magaalada Edinburgh ee gobolka Scotland. Waxaa kale oo isku imaadyadani ka dhacaan magaalada Reading.

Waxaa Isniintii lagu qiyaasay dadka yimid goobtaas 100,000 oo qof.

Waxaa amaanka iyo hab socodka ilaalinayay Boliis aad u badan oo cirka iyo dhulkaba kala socday dhaqdhaqaaqyada halkaas. Sanadihii hore waxaa Carnival-ku ku caan baxay goob ay dambiyada boobka, dilka, kufsiga iyo mukhaadaraad isticmaalku in ay ka dhacaan oo ku badnaayeen.

Top


Meeraha Mariikh (MARS) Oo Xalay Meel Dhow Isa Soo Taagay, Muuqqlkii Uu Sameeyay Iyo Sidii Dunidu Uga Faallootay

Hargeysa (Haatuf) – Meeraha afraad ee la yidhaahdo Mariikh (Mars), ayaa xalay muddo 60,000 (lixdan kun) oo sannadood ah isa soo taagay masaafadii ugu dhawayd dhulka, waxaana muqaalkiisa dunida looga arkayay si cadaan ah, iyadoo oogadiisa iyo lakabyada uu ka samaysan yahay diiradaha araga soo dhaweeya, laakiin marka laga yimaado dadka ku daawanayay diiradaha muuqaalka soo dhaweeya, waxa kale oo si fiican loogu arkayay indhaha, isagoo dadka aan diiradaha ku daawanayn ugu muuqanayay xidig ololaya oo midab cas bixinaya, isla markaana sidaa u ganaynaya malaayiin diilamaha ilayska.

Meerahan, waxay bidhaantiisa ugu weyni bilaabantay ama meesha ugu dhow isa soo taagay markii ay saacadu ahayd 8:51 caweynimo ee xalay, laakiin Ilayska weyn aadka u widhwidhaya ee uu xalay samaynayay meerahaasi waxa uu sababay inuu inta badan hadheeyo xidigaha cirka.

Meeraha Mariikh, waxa habeenkii xalay sheekadiisa lagu hayay dunida oo dhan, isla markaana waxa si weyn looga daawanayay dhammaan daafaha dunida oo dhan, haddii ay tahay dadka diiradaha ku daawanaya iyo haddii ay tahay dadka indhahooda ku bidhaaminayaba. Laakiin waxa iyaguna dhinacooda faalooyin farabadan ka bixinayay kooxaha Culimada Sayniska iyo dhammaan dadka ka curaafeeya meerayaasha, xidigaha iyo dhammaan walxaha kale ee cirka, iyadoo dadka arrintaa ka faalooday siyaalo kala duduwan uga hadleen.

Wakhtigii uu meerahani soo dhawaaday, waxay xaaladiisa cimilo ahayd mid caadiya, isla markaana atmosfeerkiisu wuxuu ahaa mid saafiya, ilaa ku dhawaaday ama waajahay qoraxda.

Khubarada Saynisku waxay sheegeen in meeraha Mariikh (Mars) yahay ka ugu dhow dhinaca dhulka marka laga hadlayo xaaladaha nololeed, waayo wuxuu leeyahay waxoogaa atmosfeer ah iyo cidhifyo ka kooban carboon day ogsaydh iyo biyo baraf ah.

Meeraha Mars si daba jooga ayuu kor ugu kacayay wakhtiyadii dambe ee xalay, isagoo ka muuqanayay jihada Koonfur-bari.

Dadka qaarba ayaa iyagu ku xidhiidhanayay waxyaabaha ay aaminsan yihiin, masalan gobolka la yidhaahdo Bangalore oo ku yaal dalka Hindiya, ayay dadku aaminsan yihiin inuu soo dhawaanshaha meeraha Mars uu keenay masiibooyinka ka dhacay dunida, siiba qaraxii ku habsaday magaalada ganacsiga ee Bombay.

“Mars wuxuu kaalin mug leh ka qaataa ficilada cunufka ah, ficilada argagixisada iyo kuwa militeriga.” Sidaa waxa yidhi Tifaftiraha Jariirad la yidhaahd Astrological Magazine, oo wax ka qorta cilmiga xidigiska.

Run ahaantii halkan laguma soo koobi karo siyaalihii dadka dunidu uga hadleen dhacdadan taariikhiga ah, balse culimada Saynisyahanada ee dhinaca xidigisku waxay saadaaliyeen in laga yaabo inuu meerahani mar kale isa soo taago meel ka dhow meeshii uu xalay isa soo taagay, waxaana la saadaaliyay inuu wakhtigaasi noqon doono ugu dhowaan sannadka 2287, wakhtigaas oo ku beegan 284 sannadood kadib.

Marka laga reebo waxyaalaha dadka dunida qaarkood aaminsan yihiin ee ah inuu meerahan soo dhawaanshihiisu dhibaatooyin keenay, haddana ilaa hadda lama sheegin dhibaatooyin dhinaca Sayniska ah oo uu geystay.

Meeraha waxa uu dhexroorkiisu yahay 6,794 km, wuxuuna qoraxda u jiraa 227,940,000 km, isla markaana wakhtiga wareegiisu waxa uu qaataa 686.98 maalmood, laakiin afar iyo labaatankii saacadoodba hal mar buu udub-dhexaadkiisa ku wareegaa.

Top


Indiya Oo Pakistaan Ku Eedaysay Qaraxii Ka Dhacay Bomay

New Delhi (W.wararka) Dowladda Hidiya ayaa kordhisay ilaalinta amaanka ee guud ahaanba dalkaasi ka dib markii laba bomb lagu weeraray magaalada ganacisiga caanka ku ah ee Mumbai, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan konton qof maalintii Isniintii.

Boliiska jooga Madaarada, Istaanada tareenada iyo dhismayaasha lagu cibaadeysto ayaa feejignaan dheeraad ah la galiyey amaankooda.

Weerarada lagu qaaday magaalada Mumbai ayaa si weyn looga canbaareeyey caalamka.

Dowladda Pakistan ayaa ku tilmaantay weeraradaa in ay ahaayeen falal argagixiso, halka hogaamiye xag jir ah oo u dhashay dalka Pakistan, Xafid Xuseen Axmed uu isna ka sheegay in aan diina loo ogoleyn in ay disho dad aan waxba galabsan.

Ra'iisal Wasaare ku xigeenka dalka Hindiya, Lal Krishna Advani ayaa isna sheegay in koox dalka laga mamnuucay oo Islaami ah oo xidhiidh la leh kooxo xarumo ku leh dalka Pakistan in laga yaabo, in ay weerarada geysteen.

Xogyaha Guud ee Qaramada Midowbay, Kofi Annan, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Colin Powell iyo Xoghaya Arrimaha Dibadda ee Britain, Jack Straw ayaa sidoo kale canbaareeyey weeraradaas lagu qaaday Mumbai.

Top


Shir Looga Hadalyo Nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi Oo Ka Furmay Shiinaha

Peking (W.wararka) Wafdi ka socoda Kuuriyada Waqooyi ayaa gaardhy magaalada Beking, si ay uga qeyb galaan shirka ay leeyihiin lix dal oo lagaga wada xaajoonayo barjaamijka nukliyeerka ee dalkaasi.

Shirkaas oo la filayo in uu rasmi ahaan u furmo maanta ayaa waxaa ka qeyb galaya dalalka kala ah, Kuuriyada Koonfureed, Mareykanka, Ruushka, Shiinaha iyo Japan.

Shirkan waxaa looga goleeyahay sida la sheegay in lagu xaliyo go'aanka ay dowladda Kuuriyada Waqooyi dib ugu bilaabayso barnaamijkeeda nukliyeerka oo intii toban biloodba ah la is kaga soo horjeeday, oo ay dowladda Mareykankuna ku adkeysanaysay in barnaamijkaa la joojiyo.

Iyadoo waqti yar uun uu ka hor intii aanu shirku furmin ay dowladda Kuuriyada Koofureed sheegtay in ciidamadeeda baddu ay xabaddo digniin ah rideen ka dib markii dooni ay leedahay Kuuriyada Waqooyi ay ka soo gudubtay xuduuda lagu muransanaa ee ku taala Galbeedka badda kala qeybisa labada dal.

Kuuriyada Kuufureed ayaa sheegtay in doonidii Kuuriyada Waqooyi ay laheyd in ay dib u noqotay, ka dibna ayna dhicin xabaddo kale oo la isweydaarsaday.

Top


Israa'iil Iyo Weeraradii U Dambeeyay Ee Dagaamada Falastiin

Qaza (W.wararka) Dayuuradaha qumaatiga u kaca ee qoryuhu ku rakiban yihiin ee Israa'iil ayaa waxa ay toogasho ku dileen afar nin oo fadhiyey xeebta magaalada Qaza oo ka tirsan dagaalyahanada ururka Xamaas.

Weerarkan Israa'iil ay ku dishey afarta nin waxa aad u dhaleeceeyey saraakiisha Israa'iil. Wasiir ka tirsan maamulka Falastiiniyiinta ayaa sheegey in weerarkani uu cadaynayo in ayna Israa'iil dan ka lahayn in ay iskudaydu in dib loo soo nooleeyo wadaxaajoodka nabad doonka ah ama wax ku saabsan xabad joojin.

Dad Falastiiniyiin ah ayaa xaqiijiyey in nimanka la dilay ay ahaayeen xubno ka tirsan kooxda hubeysan ee Xamaas.

Afhayeen u hadley miletriga ayaa sheegey in ninka ugu muhiimsanaa ragga la beegsadey uu ahaa Ahmed Ashtawi oo ah sarkaal sare oo hogaamiye u ahaa Gaza kana masuul ahaa qorsheyntii iyo fulintii weeraro lagu qaaday Israa’iil.

warar Falastiiniyiinta laga helay ayaa sheegaya in Ahmed Ashtawi uu hogaamiye u ahaa koox gaar ah oo ku lug lahayd saaruukh macmal ah oo dhawaan Israa'iil lagu tuurey.

Goor sii horeyseyna, abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee Israa'iil ayaa sheegey in dhammaan xubnaha Xamaas la beegsanayo oo la baabi'in doono. Dagaalkan lagu diley afarta nina waxa ay ka tahay digniin iyo xasuusin ay Israa'iil ula jeeddo in ayna kaftameyn oo xaalku dhab ka yahay.

Laakiin weerarka noocan ah waxa uu sii xoojin doonaa rabitaanka ay dagaalyahanadu ku doonayaan in ay ku aar gutaan.

Top


Riyaha iyo xikmadda dhaqanka: A-Qoodha Riyaha.

Sida la ogyahay xoolaha meesigu uu doono ha ahaadee si uu tarrankiisu u jiro waxa had iyo goor loo xulaa ama loo saanyadaa neef lab ah oo qoodh ah, laakiin neefka had iyo goor qoodha loo saanyanayaa waa inuu ahaado neef qoodh leh (Qurux leh), waxaana la yidhaahdaa waa inuu yeesho labada dherer-ba, taas oo macneheedu yahay waa inuu korna u dheeraado, islamarkaana ahaado neef kala jiiddan. Laakiin dadka xooladhaqatada ahi marka ay qoodha xulayaan astaamo kala duduwan ayey u eegaan, masalan geela marka loo Awr deyayo waxa baarqabka geela loo saanyanayo loo eego quruxda, midabka, dhibida IWM. Sidoo kale Idaha marka sumalka loo xulayo waxay dadka xooladhaqatada ahi idaha afka cad ama carrabka cad waa nugu oo sumalka lagama xulo, laakiin laxda carrabka madow ayey inta badan sumalka ka xulaan ama ka reebaan.

Laakiin sidoo kale riyaha marka orgi qoodhka loo xulayo waxay dadka qaar yidhaahdaan “Orgi aan bar lahayni, barna kuma taro”, taas oo ay ula jeedaan in Orgi bar (Calaamad dhogorta ah) leh riyaha Orgi qoodh looga dhigo. Sidoo kale waxay dadka qaar yidhaahdaan riyaha haloo xulo Orgi ciid leh, masalan xili ay dhaxani dhacayso ayuu nin xooladhaqato ahi waxa uu maqlay Orgi qooqaya oo ciyaya, dabadeedna waxa uu yidhi “Waar Orgiga xiligan qooqay ma xudhuun buu daaqay, ma xaab hareeri buu cunay, mise ciid aroor leh weeye”. Laakiin waxa jira siyaalo kale oo riyaha loogu awr-dayo, masalan waxa la eego raadka Orgiga, waayo Orgida mid raadkiisa ayuu labada jeeni saaraa, waxaana Orgiga caynkaas ah loo yaqaan (Tube), midna labada jeeni wuu ka horaysiiyaa, Orgiga caynkaas ahna waxa loo yaqaan (Tare), midna labada jeeni wuu ka dambaysiiyaa raadkiisa, kaas oo kalena waxa la yidhaahdaa (Tire), laakiin waxa Orgi-qoodh loo saanyadaa nooca la yidhaahdo Tare oo macnihiisu yahay wuu tarran wanaagsan yahay.

Tire waxa loola jeedaa “Kii wax tirtirayey”, taas oo macneheedu yahay iska daa wax uu soo kordhiya’oo waxa la waayayaa intii hore u joogtay.

Sidoo kale Tube waxa loola jeedaa “Neef aan waxba soo kordhinayn”, taas oo macneheedu yahay inaanay xoolihii wax tarran ah ama saayid ah ku soo kordhayn.

Heesaha riyaha: Marka hore meesi kasta oo xoolaha ka mid ahi waxa uu leeyahay heeso loo qaado, hadii ay tahay marka la carraabinayo, marka la aroorinayo, marka la daaq-geynayo, marka la daajinayo iyo markastaba. Sidaa awgeed riyuhu waxay leeyihiin heeso loo qaado, waxaana ka mid ah:

1- Garashamadeey garba sheeleey, sheexaleeyey shishadaadaa aarka shaashliyo shabeelo hurdaan.

2- Wiiha-wiihooy bileyn weedh qabay oo ka wii-sii.

3- Qaroofeey Orgigu meel qadhoonliyo quwaax kugu leged.

4- Geesalooleey geeska oo qoyey gawraceediyo geeri kaga darran.

5-Gadh nin goboleey geesa warranleey ninka gada iyo geel jiraa neceb.

6- Garooy gara daa, adna giirooy ka gu’waynide gardarada daa.

Heesahan iyo qaar kale oo badani waxa ay ka mid yihiin heesaha loo qaado marka la daaq-geynayo ama la raaco, laakiin riyaha siyaalo kala duwan ayaa suugaanta loogu sheegaa, tusaale waxa ka mid ah suugaanta riyaha la xidhiidha:

1- Qudhib-qudh bay la yaabtaayo riyaha qaawan baa idaha ku qosla.

2- Shebeel nin rabeeyey riyaha ka cunye rafiiqaygii maysku kay rogay.

3 Gabadhu kolay ma leedahay kariinka riyaha ma badisaa.

4 Ma isqaawintaydiyo Orgi qabad ah qalistiisaa loo qoodha-buurnaa.

La soco.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Niman askar sheeganaya ayaa beertaydii si xaqdaro ah iigu haysta

Waxaan doonayaa inaan halkan kaga hadlo niman magac boolis sheeganaya oo doonaya inay dhul-beereed xaqayga ah inay qunyar iska boobaan.

Nimankaa askarta sheeganayaa waxay igu haystaan beer aan iska leeyahay oo xaqayga ah, beertaas oo lay siiyey 2-dii May 1980-kii, waxaana haystaa sharcigii beertaa laygu siiyey ee ka soo baxay wasaaraddii beeraha ee gobolka Togdheer, sidoo kale waxaan haystaa sharcigii ay beertaa ee ay soo saartay wasaaradda beeraha dawladda Somaliland, laakiin qolada nagu haysataa ma haystaan wax sharci ah ee waxay nagu haystaan sharci-daro, islamarkaana dadka beertayda igu haystaa waa dad caadaystay inay dadka dhulka ama beerahooda ku qabsadaan, tusaale ahaa marka beerta ay hadda igu haystaan laga yimaaddo ilaa saddex meelood oo hore ayey dad ku qabsadeen, isla markaana marar dhawr ah ayey madaxda maamulku fareen inay arintaa faraha ka qaadaan, laakiin dheg uma ay jalaqsiin. Masalan anigu ilaa saddex goor oo naloo garqaaday ayaan ka gar helay, iyadoo ay doodu tahay keliya waxaanu qabsanay 91-kii, balse anigu waxaan si sharci ah u lahaa muddo 23 sannadood ah, waxaana taa ii caddaynaya dhukmentisyada sharciga ah ee aan hayo, kuwaas oo muujinaya inay beertaa leeyahay oo ay mulkigaygii tahay, aniga oo ka mid ah ururka beeralayda Ugbaad sida ku cad shahaadada beerta ee ku taariikhaysan 23-kii May 2002 ee ka soo baxday wasaaradda beeraha ee dawladda Somaliland.

Sidaa awgeed maadaama ay mulkigaygii tahay, isla markaana aan haysto sharciyaddii aan ku mulkiyey go’aan kasta oo nimankaa meesha lagu soo gelinayo ama la doonayo in nimankaa dhul aan leeyahay si xaqdaro loo siiyo waxaan u arkaa cadaalad daro aan geedna loogu gabban iyo in waxayga si xaqdaro layga faramaroojinayo.

Hadaba waxaan madaxda dawladda Somaliland, gaar ahaan madaxda sare ee booliska iyo shacbiweynaha xusuusinayaa inay nimankaa haysashadoodu tahay xoog iyo baadil wax ku doon, taasina ay tahay ujeeddo xaqdaro ah, sidaa darteed waa inay hayadaha garsoorka, kuwa nabadgelyada iyo cidkasta oo ay khusaysaa wax ka qabataa, anigu oo halkan ku caddaynaya inaan arintaa mushkiti ka ahay, sharciga hortiisana cabasho ka muujinaya, mana aha in beertayda shaadh askarinimo loogu xoog sheegto, iyadoo uu waajibka askarigu yahay inuu nabadgelyada iyo amaanka bulshada ka shaqeeyo.

Axmed Daahir Ismaaciil, Burco.

Top


“Ayaaan darranaa nin dadkiisu doortay oo hadana iska eegaya waraaq loo soo qoro”

Bal ka warama inaga oo geedi ah oo awrtii xidhiidhsanay, xoolihiina dareerinay hadii uu meel dhexda ah inagaga soo baxo nin socoto ahi, ka dibna aynu geedigii joojino oo ninkii socotada ahaa ku nidhaahno “Adeer illaahay khayr haku siiyee hoo qabo hogaanka geediga oo na horgal”, markaa bal maleeya xagee buu ninkaasi geediga u dhaqaajinayaa, illeyn ma oga halkii uu markii hore geedigu u socdaye ee uu sahankeenu soo qoondeeyaye, isla markaana ma oga halka aynu ka soo guurnay iyo guricaskii qaniinka iyo abaarta lahaa ee aynu ka soo guurnay, sidoo kale ninkaasi ma oga dhulkii aynu soo marnay ee aynu hayaanka kaga soo gudubnay, markaa maxay idinla tahay ma wuxuu inoo jeedin doonaa jihadii uu u socday, mise wuxuu inoo dhaqaajin doonaa jihadii ay awrru u jeeday, mise waxa uu awrta ku hayn lahaa halka loogu dhiibay, ka dibna markaas ayey maatada iyo xooluhu halkaa ku beer-caddaan lahaayeen, xusuusnow ma garanayo inaynu markaa meel kale u leexan lahayn iyo halka uu yahay bardhamaadka geedigeenu, ta kale ha is odhanine miyaanay jirin cid tilmaantaa, waayo raggii waaweynaa iyo raggii xoogga lahaa way horeeyaan oo waxay hore ugu mareen guryihii reeruhu degi lahaayeen sahamintooda iyo hawshooda, isla markaana intii guryogeynta iyo xoolo soo kaxaynta u soo hadhay waa tan hogaankii geediga u gacan gelisay nin socoto ah oo ka horyimi. Sidaa awgeed waxay ila tahay ninkaa laba mid uun baa la gud-boon; inuu halkaa hogaanka awrta loogu dhiibay ku furo iyo inuu halkii uu u socday oo aanay reeraha dani ugu jirin ula dhaqaaqo geediga.

Marka la eego qaranka Somaliland inaga qof inagama maqna oo sahankii iyo xog-ogaalkiiba waa la dhan yahay, waxaadse moodaa in la yidhi hogaanka haloo dhiibo ninka socotada ah, sahankii iyo xog-ogaalkiina yaan waxba la waydiin. Hadda lama aha waxa khaldan sahankoodii, lamana laha way asqoobeen, isla markaana lama laha gurigii aynu ka soo guurnay qaniin iyo abaar midna muu lahayn oo waxbaba lama laha. Kaaga sii darrane socotada talada loo dhiibay qaarkood waxayba ka xun yihiin waxa guri-caskii looga soo guuray, oo waxay leeyihiin maxaa guri-caskii looga soo guuray.

Calaakuli xaal waa tii doorashooyinkii la galay, wixii ka soo baxayna looma khushuucin ama dadka badani wayba qoomameeyeen.

Doorashooyinku waxa kala ahaayeen labo qaybood, tii degaanka iyo tii madaxtooyada, laakiin maalmahan waxa carrabka dadka ku badan golaha degaanka.

Meel kasta oo aad joogto qiimee ragga la doortay ee golaha degaanka, maxaa xog-ogaale ah, yaa wax ka ogaa wixii laga dagaalamay iyo waxa la higsanayo, imisa ayaa baahi la’ oo aan xilka loo dhiibay wax ka deyeyn, intee ayaa ku qanacsanayd wixii la diiday oo weli xaq u aragta , waa sidee hogaanka golaha degaanka ka sareeya ee daakhiligu, ma yahay nin ka duwi kara wadada oo og ama garanaya halka loo socdo, sidoo kale xildhibaanadu ma yihiin rag isku kalsoon oo inta ay illaahay la kaashadaan doonaya inay dhaxal ka tagaan oo salka u dhiga nidaam degaanku ku madax banaanaado sida loo doortay, kuna ixtiraama hayadaha kale ee qaranka, mise waa rag u badan hadhaagii guri-caska oo ka xanaaqsan guri-caskii laga guuray.

Ayaan daranaa nin dadkiisii ku yidhi waanu ku dooranay oo hadana iska eegaya waraaq nin kale u soo qoro, sidoo kale ayaan darranaa ummadda qorigu kaga dhacay nin la soo dishooday oo nin u ham-ranaya, iyagii doortayna ka aamin-kabaxsan.

C/laahi A. Maxamud, Hargeysa.

Top


Golaha Deegaanka Hargeysa Ma u hiilin doonaa dadka lagu duudsiyo D/hoose

Waxa jirta maahmaah guuna oo tidhaahda “Meesha waa laga muuqdaa ama waa laga maqnaadaa,” waxaan uga socdaa in golaha deegaanka Hargeysa noqdo qaar shacabku reeyo, balse aanay noqon qaar mara jidkii kuwii odhan jiray waxaanu maraynaa miskaha maatida ka dhiganaynaa salaan aanu ku fanano maamulka.

Haddaba, waxa loo baahan yahay si ay hawshiinu idiinku qabsoonto inaad u hiilisaan dadka tamarta daran ee lagu duudsiyo shaadhka iyo milgaha Madaxtinimo.

Waxa su’aali aanay ku jirin inaad noqon doontaan kuwo taariikh fiicani ka hadho ama kuwo lagu jabay.

Sidaas darteed, waxaan idinkula talin lahaa inaad isa saxdaan, qof qofka leexdana aad toosisaan. Guntii iyo geba-gebadii ha noqonina misko la fuulo miskiin baa leh kuwii halhaysta ka dhigtay ee idinka horeeyay.

Axmed Maxamed Diiriye, Hargeysa.

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top