"Waa La Arkaa Duudsiga Ay BBC-du Ula Badheedhay
Somaliland," Jamaal Cabdi Gaboobe (Qurba-Joog u Ololeeya Ictiraafka
Somaliland) C/Qaasim Ma
Wuxuu Go’aansaday Inuu Magangelyo Siyaasadeed Ku Galo Masar?
Ajaanibka Aan Sharciga Lahayn Ee Laga
Soo Saaray Dalka Djibouti Oo Ku Soo Qul-Qulaya Xuduudda Somaliland
Waxtar Iyo Waxyeelo Midkeebay Soo
Kordhiyeen Maamulka Cusub Ee Golaha Deegaanka Berbera Warbixin – Weriyaha
Haatuf ee Berbera
Wasiirka arimaha gudaha Somaliland,
Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa ciidanka booliska ku canaantay inay
hawl-gudashadooda xoojiyaan.
Guddi Golaha Guurtida Ah Oo Go’aamo Ka
Soo Saaray Dhibaatadii Ka Dhacday Masalaha Hargeysa
Ururka Wax U Qabo, Qeybta 3aad: Wa
tuma Bulshadda habooni?
IFTIINKA ISLAAMKA, Siciid I. Guraase
Tony Blair Oo Ka Hadlay Dhimashadii
Dr. Kelly
Mareykan: Todoba qof oo lagu diley
Chicago
Werwer adduun iyo wacdaro jacayl,
Sheeko taxane ah ---Q: 18aad -- Waxa qoray: Cumar Cali Iidle
ODHAAHDA AKHRISTAH: Ma garbaa in
dhagar qabe la qabtay kuwa aan ogayni u doodaan?
Meel Libaax ka kacay atoor
Fadhfadhiisay
|
|
"Waa La Arkaa Duudsiga Ay BBC-du
Ula Badheedhay Somaliland," Jamaal Cabdi Gaboobe (Qurba-Joog u
Ololeeya Ictiraafka Somaliland) |
Sida la ogsoonyahay warbaahinta caalamkuna
ka war qabto waxa jirta in xiligii Cabdiqaasim Salaad loo magacaabay inuu
ahaado Madaxweynaha dawladii ku meel-gaadhka ahayd uu ku dhammaaday 12-kii
bishan August 2003. Haddaba, intii muddadaas ka dambaysay, waxay qaybta
Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du weli ugu yeedhaa Cabdiqaasim Salaad
“Madaxweynaha Dawladda Ku-meel-gaadhka ah”, laakiin maadaama uu dawladdaa
xiligeedii dhammaaday weedha ugu haboon ee loogu yeedhi karo marka wararka
la sheegayo waxay noqonaysaa “Madaxweynihii dawladii xiligeedu dhammaaday”,
laakiin waxa kale oo iyana la ogyahay in dawladii kooxda Carta ee uu madax
ka ahaa Cabdiqaasim intii aan muddadeedu dhammaan ay u kala jabtay laba
garab, taas oo garab ka mid ah oo ay hor kacayaan Gudoomiyihii
Baarlamaanka Cabdalla Deerow iyo raysal-wasaarihii xukuumaddaa Xasan
Abshir ay qayb-galeen shirka Kenya, halka garab uu hogaaminayo Cabdiqaasim
ay shirka ka baxeen oo Muqdisho dib ugu soo laabteen, sidaa darteed weedha
kale ee ku haboon in Cabdiqaasim loogu yeedho waxa weeyi, “hogaamiyaha
garab ka mid ah dawladii ku meel-gaadhka ahayd ee kala jabtay”. Laakiin
arrinta xusidda lihi waxay tahay BBC-du dawladii Cabdiqaasim iyadoo aan
xukunkeedu wada gaadhin xaafad ka mid ah Muqdisho ayay ugu yeedhi jirtay
dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, halka ay Somaliland oo in ka
badan 13 sannadood ahayd dawlad madaxbanaan oo leh nidaam maamul iyo
shuruuc dawladnimo ugu yeedho “Jamhuuriyadda Isku-magacawday Somaliland”,
iyadoo keliya naaneystaa dalo uga dhigaysa Ictiraaf-la’aanta Somaliland.
Weriyaha laanta Af-Soomaaliga uga soo warama Muqdisho ee Xasan Bariise,
ayaa isna weli u dhaqma sidii oo dawladii ay halkaas weli ka dhisan tahay.
Tusaale ahaan, markuu Cabdiqaasim maleeshiyada qabiilkiisa la kulmo, Xasan
Bariise wuxuu dhacdadaas oo kale ka bixiyaa sawir ah in Cabdiqaasim la
shiray ciidamadii Bilayska Soomaaliya, isaga oo madaxda maleeshiyadaas ugu
yeedha xilal iyo darajooyin buunbuunsan, sida Janaraal hebel oo ah madaxa
hogaanka ciidanka meel hebla iyo gaashaanle sare hebel.
Dhinaca kale, waxa laanta Af-Soomaaliga ee BBC-du la xidhiidhsan tahay 5
website oo internet-ka laga akhristo, kuwaas oo afar ka mid ah ay
leeyihiin dad Soomaalida koonfureed ah, sida: Hiiraan, HornAfrik, Stn-tv
iyo Tababar Suxufi, halka ka shanaadna yahay Raadyow Hargeysa oo aan isagu
in muddo ahba shaqaynin.
Ta kale marka aad gasho bogga Internet-ka ee ay laanta Afka Soomaaligu
wararkeeda ku baahiso, waxa aad dareemaysaa in ay maamulka qaybta
Internet-ka gacanta ku hayaan dad aan Somaliland waxba ka aqoon ama aanay
ku jirin haba yaraatee cid Somaliland u dhalatay, iyadoo ay markiiba
muraayadda kumbiyuutarka kaaga soo boodayso lahjadda laga isticmaalo
koonfurta Soomaaliya, sida: “Nagala soo xiriir” iyo “wuxuu yiri”.
Tusaale kale haddii aynu soo qaadano Kililka 5aad ee Itoobiya oo ah dhulka
Soomaalidu degto, waxa la yidhaahdaa “Dawladda Is-Maamulka Soomaalida”,
magacaasina waa kii ay la baxeen is-maamul-hoosaadka Soomaalida Itoobiya.
Sidoo kale, markasta oo ay BBC-du soo hadal qaado Somaliland, waxa
markiiba la daba dhigayaa “Isku magacowday” xataa haddii uu weriyaha warka
soo diray aanu isticmaalin weedhaas ama aanu warkiisa ku darin. Sidaa
awgeed, waxa baahinta wararka BBC-da laga dareemayaa midab-takoor dhinaca
saxaafadda ah ama eex ay u kala eexanayso dadka Af-Soomaaliga ku hadla ee
ay wararka u tebiso.
Sidaa awgeed, waxay is-weydiintu tahay Maxay BBC-du u dafiraysaa magaca
Somaliland, maadaama xeerka caalamiga ee saxaafaddu yahay in ummad walba
loogu yeedho waxa ay la baxdo ama magaca ay leedahay, ileyn idaacadaha iyo
Jaraa’iddadu maaha kuwa ummadaha dunida u magac-bixiya.
Haddaba, su’aasha meesha taal waxay tahay, maxaa sababaya in ay BBC-du u
dhaqanto qaabkan ku foosha xun hidda-samida Saxaafadda xorta ah.
Marka hore, waxaa masuuliyaddaa lambar kow ka noqonaya madaxa laanta Afka
Soomaaliga ee BBC-da oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Muqdisho, laakiin
su’aasha kale ee meeshan taallaa waxay noqonaysaa haddiiba ay suxufiyiinta
Soomaalida Koonfureed ee BBC-da ka shaqeeyaa u xagliyaan dhinaca dalkooda,
kuwa Somaliland u dhashay miyaanu arrinkoodu ka badnay keliya war la soo
qoray oo ay akhriyaan, taas oo macnaheedu yahay miyaanay saameyn ku lahayn
siyaasadda (policy) ay BBC-du ku dhaqanto, iyadoo ay wararka qaar
sheegayaan inuu nin Somaliland u dhashay bilihii u dambeeyay si
ku-meel-gaadh ah madax uga yahay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da?
Dhinaca kale, weriyayaasha BBC-da uga soo warama gudaha Somaliland, waxa
BBC-da kaga fursado iyo warar badan weriyaha Muqdisho ee Xasan Bariise,
kaas oo maalin walba Muqdisho war ka dirra, isaga oo sheega xataa haddii
ay habari jabto, isla markaana baahinta istuudiyaha London laga siiyo
wakhtiga ugu badan, halka ay weriyayaasha Somaliland ka warama baahinta
istuudiyaha London laga siiyo wakhti intaa ka yar xataa haddii uu
Somaliland ka jiro dhaqdhaqaaq aad u ballaadhani, iyadoo ay had iyo goor
Somaliland ka jiraan dhaqdhaqaaqyo farabadan, haddii ay tahay dhinaca
Siyaasadda, Dhaqaalaha, ciyaaraha iyo guud ahaan arrimaha bulshada. Sidaa
darteed, waxay dad badan oo reer Somaliland ahi u arkaan in ay Madaxda
BBC-du, gaar ahaan laanta Afka Soomaaligu ay mar walba mudnaanta siiyaan
wararka Soomaalida koonfureed iyo weriyayaasheeda, mooyi haddii aanay
Madaxda BBC-du odhanayn weriyayaasha Somaliland ka soo warama waa laga
dedaal badan yahay.
Waxa kale oo iyana xusid mudan Barnaamijyada ay weriyayaasha BBC-du ku soo
qaataan arrimaha Soomaalida ama weraysiyada ay siyaasiyiinta Soomaalida
kaga wareystaan dhacdooyinka iyo arrimaha taariikheed ee Soomaalida isuma
dheeli-tirna ama isuma miisaanna marka la eego Somaliland iyo Soomaalida
Koonfureed, waxayna badiyaan ama buunbuuniyaan dhacdooyinka iyo
shakhsiyaadka aan Somaliland ahayn ee Soomaalida kale ah.
Tusaale ahaan, Barnaamij-taariikheedka beryahan ka socday laanta Afka
Soomaaliga ee BBC-da ee ku saabsanaa Sooyaalkii Taariikheed ee Soomaalida,
oo uu gacanta ku hayo ama daadihinayo weriye dhalasho ahaan ka soo jeeda
Somaliland oo ah Aadan Nuux Dhuule, waxa uu u muuqdaa mid aan isu
miisaanayn marka la eego xilliga iyo sawaxanka uu siiyay siyaasiyiinta
Soomaalida koonfureed iyo kuwa reer Somaliland; masallan, wakhtiga uu
siiyay C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu aad uga badnaa wakhtiga uu siiyay ka-qayb-galayaashii
reer Somaliland ee Barnaamijkaas oo la odhan karo wuxuu ahaa wakhti aad u
yar.
Waxa kale oo iyana xusid mudan mar kasta oo ay jiraan xaalado la xidhiidha
xintan siyaasadeed, waxay laanta Afka Soomaaligu ee BBC-du had iyo goor
fursado wareysi oo badan siisaa shakhsiyaad reer Somaliland ah laakiin ka
mid ah xubnaha tirada yar ee ka soo horjeeda qadiyadda madaxbanaanida
Somaliland, sida labada wiil ee walaalaha, ilma Ismaaciil Samatar iyo Cali
Khaliif Galaydh, kuwaas oo ay BBC-du marka ay wareysanayaan ugu yeedhaan
“Aqoonyahan nagu soo booqday daarta Bush House”, taasna waxay dad badan oo
reer Somaliland ahi aaminsan yihiin inay kaga raad-gadanayaan in aanay
wakhti siin siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada reer Somaliland ee aaminsan
qadiyadda madaxbanaanida Somaliland iyo madaxda dawladda Somaliland.
Iyadoo dhaliilahan aan soo xusay iyo qaar kaleba ay jiraan ayaan mowduucan
u diray Idaacadda BBC-da, balse ilaa hadda wax jawaaba kamaan helin.
Haddaba, qolyaha laanta Afka Soomaaliga u shaqeeya ee ka soo jeeda
Somaliland, waxaa la gudboon in ay ogaadaan in ay wixii dheg-xumo ah la
qaybsan doonaan hawl-wadeenada kale ee ay wada-shaqeeyaan. Laakiin
Idaacaddan oo aad moodo in ay noqotay hub loo adeegsado jiritaanka
Somaliland, waxaan dawladda, warbaahinta iyo dadweynaha reer Somaliland ku
baraarujinayaa in ay ka dareen qaataan, dagaalka ay BBC-du, gaar ahaan
laanta Afka Soomaaligu kula jirto dalkooda iyo aaya-ka-tashigooda, taas oo
loo baahan yahay in ay ashkatooyin ay arrimahaas kaga cabanayaan
gaadhsiiyaan BBC-da, gaar ahaan laanta Afka Soomaaliga, iyadoo lagala
xidhiidhi karo ciwaanadan:
Email: somali@bbc.co.uk
Telephone: 44-020-7557-1631
Fax: 44-020-7497-1374 Top
C/Qaasim Ma
Wuxuu Go’aansaday Inuu Magangelyo Siyaasadeed Ku Galo Masar? |
Muqdisho (Haatuf) – Ninka madaxweynaha ka
ahaa xukuumaddii kooxda Carta ee waqtigeedu dhamaaday, C/qaasin Salaad
Xasan ayaa lagu wadaa inuu bisha foodda inagu soo haysa ee Sabtembar, 2003
u bixitimo caasimadda masaarida Qaahira, halkaas oo ay la sheegay inuu ku
joogi doono magangelyo siyaasadeed, sidaana waxa sheegay warar
diblomaasiyadeed oo laga soo xigtay ilo ku dhowdhow C/qaasin, iyadoo ay
wararku sheegeen inuu C/qaasin sidaa go’aansaday.
Jariiradda la yidhaahdo Sharqul-Awsad ee afka Carabiga ku soo baxda, kana
soo baxda magaalada London ayaa toddobaadkan daabacday war sheegaya inay
xukuumadda Masaaridu hadda ka soo debecday mawqif lug-jiid ah oo ay ka
taagnayd shirka dib u heshiisiinta ee kooxaha iyo beelaha Somaliya ee
Kenya, waxaana la sheegay inuu debeceedu ka dambeeyey cadaadis in muddo ah
kaga imanayey dalalka Mandaqadda iyo beesha caalamkaba, iyadoo uu
cadaadiskaa nuxurkiisu ahaa inay xukuumadda Masar joojiso taageerada ay
siiso kooxda Carta ee uu C/qaasin madaxda ka yahay.
C/qaasin waxa uu ka soo horjeedaa shirka Kenya uga socda kooxaha Somalida,
taas awgeedna waxay ururada iyo dalalka shirka maamulayaa aaminsan yihiin
inay taageerada ay Masaaridu siiso C/qaasin ay carqalad ku tahay
geedi-socodka shirka iyo guusha shirka, iyadoo uu C/qaasin dabayaaqadii
bishii ina dhaaftay ee Julay ka baxay shirka Kenya, dibna ugu laabtay
Muqdisho, laakiin xukuumaddii waqtigeedu dhamaaday ee C/qaasin intii aan
waqtigeedu dhamaan ayey burburtay, waxayna u kala jabtay laba garab, taas
oo uu garab ka mid ah oo ay horkacayaan gudoomiyihii baarlamaanka iyo
Ra’iisal-wasaarihii (Cabdalle Deerow & Xasan Abshir) ay shirka ka qayb
galeen, halka koox uu C/qaasin horkacayaana shirka ka baxeen oo ay
Muqdisho ku soo laabteen, iyadoo uu xukuumaddii C/qaasin waqtigeedu ku
ekaa 12-kii bishan aynu ku jirno ee Ogost, 2003.
Sida ay wararku sheegeen wasaaradda arimaha debedda ee dawladda Masar ayaa
toddobaadkii ina dhaafay xidhiidho isdaba-jooga ah la samaysay C/qaasin oo
jooga magaalada Muqdisho, waxayna xidhiidhadaa ujeedadoodu ahayd in lagu
qanciyo inuu caasimadda Masaarida ee Qaahira, ka dib marka uu xilka ku
wareejiyo xukuumadda lagu wado in lagu soo dhisi doono shirka Kenya ka
socda, iyadoo ay xukuumadda Masar C/qaasin ku qancisay inuu magangelyo
siyaasadeed ugu noolaado Masar, taasna waxay wararku tibaaxeen inuu C/qaasin
mabadi’iyan ku qancay hindisiha ay xukuumadda Masar u soo bandhigtay.
Inkasta oo aanu weli soo bixin dhawaaq rasmi ah oo ka soo yeedhay dhinaca
C/qaasin, hadana warar C/qaasin laftiisa ku dhowdhow ayaa laga soo xigtay
inuu aqbalay hindisaha xukuumadda Masar ee ah inuu Qaahira ugu noolaado
mangelyo siyaasadeed, waxayna wararku sheegeen inay xukuumadda Masar C/qaasin
siinayso ama dejinayso guri ay degaan isaga iyo xaaskiisu, sidoo kale
waxay wararku intaa ku dareen inay dawladda boqortooyada Sucuudi-Arabiya
iyaduna dhinaceeda bixinayso kharashka ku bixi doona nolosha C/qaasin iyo
qoyskiisa.
Horaantii bishii Ogost, sannadkii 2000 ayey C/qaasin madaxweyne u doorteen
kooxihii ku shiray tuulada Carta ee dalk Jabuuti, waxaana xukuumaddiisa
loo cayimay muddo saddex sannadood ah inay jirto, iyadoo waajibkii shirkaa
lagu siiyey ahaa inay dalka dawladda loogu doortay ka hirgeliso maamul iyo
inay samayso wax la yidhaahdo dib-uheshiisiin qaran, laakiin maamulkii C/qaasin
waxa uu waqtigu ka dhamaaday isaga oo aan weli si fiican u gaadhin xaafad
Muqdisho ah.
Top
Ajaanibka Aan
Sharciga Lahayn Ee Laga Soo Saaray Dalka Djibouti Oo Ku Soo Qul-Qulaya
Xuduudda Somaliland |
“Dadka aan Somaliland
U Dhalan ee ka soo gudba Xadka waxa Khasab ah In Dib loo celiyo,” Wasiirka
Daakhiliga Somaliland
Djibouti (Haatuf) – Dad ay tiradoodu gaadhayso ilaa 360 qof oo qaxooti ah,
isuguna jira qaxooti reer Somaliland ah iyo ajaanib kaleba ayaa Arbacadii
doraad ee 27-kii Ogost, 2003 ka soo talaabay xadka u dhexeeya Somaliland
iyo Jabuuti, waxayna dadkaasi qayb ka yihiin qaxooti kumanaan-qof gaadhaya
oo ay dawladda Jabuuti dalkeeda debedda uga saartay.
Salaasadii toddobaadkan ee ay bisha Ogost ahayd 26 ayey dawladda Jabuuti
ayey digniin kama dambays ah u jeedisay dadka laajiyiinta ah ee dalkeeda
qaxootiga ku jooga ee aan sharciga haysan, waxayna fartay inay kaga baxaan
ugu dambayn 30-ka bishan Ogost oo ah berito, iyadoo ku dhawaaqday in
qofkii amarkaa u hogaansami waaya laga qaadayo talaabo adag.
Waxay wararku sheegeen in go’aanka ay dawladda Jabuuti dalkeeda kaga
saarayso dadka laajiyiinta ah uu ka dambeeyey cadaadis kaga yimi
xukuumadda Maraykanka oo ka baqe qabta in ciidamadeeda Jabuuti fadhiya
lagu qaado weeraro argagixiso.
Sida ay sheegeen wararka arintaa la xidhiidhaa hayadda sirdoonka ee
Maraykanka, CIA ayaa ilaa bilowgii sannadkan ka digaysay weeraro lagu
qaadi karo ciidamada Maraykanka, gaar ahaan kuwa fadhiya dalka Jabuuti oo
ay tiradoodu tahay ilaa 800 oo askari oo ay weheliyaan maraakiibta
dagaalka oo hoganaya xeebaha Jabuuti. Sidoo kale waxa waqtigan xaadirka ah
dalka Jabuuti ku sugan ciidamo oo ka kala socda dalalka isku magacaaba
xulafada la dagaalanka argagixisada, kuwaas oo samaysmay ka dib dhacdadii
11-kii Sabtembar, 2001 oo ah weerarkii lagu burburiyey daarihii Maraykanka
ee loo yiqiin Mataanaha, waxaana dalalka ay ciidamadu ka joogaan Jabuuti
ka mid ah Faransiiska oo isagu weligiiba fadhiyey Jabuuti, Spain iyo
Jarmalka, kuwaas oo ciidamada Maraykanka kala qayb qaata ilaalinta xeebaha
badda cas iyo bad-weynta Hindiya, iyadoo uu Maraykanku meelahaa uga baqayo
inay dhufays u noqdaan kooxaha argagixisada loogu yeedho oo ah muslimiinta
mayalka adag ee ay Maraykanka iyo xulafadiisu dagaalka kula jiraan.
Waxay wararku sheegeen in taliska ciidamada Maraykanka ee Jabuuti fadhiyaa
ay aaminsan yihiin in joogitaanka ay Jabuuti joogaan dad laajiyiin ah oo
ka kooban sinjiyado kala duwan ay khatar ku yihiin ciidamadooda, sidaa
darteed maamulayaasha iyo saraakiisha ciidan ee Maraykanku waxay
xukuumadda Jabuuti ka dal-badeen inay arintaa talaabo weyn ka qaado, isla
markaana ay yarayso gebi ahaan-ba dadka bilaa sharciga ku jooga dalkeeda
ee aan haysan waraaqo aqoonsi oo cadaynaya booska uu qofkaasi degan yahay
iyo waxa ay shaqadiisu tahay.
Cadaadiskaa iyo dalabkaa ka dibna wasaaradda arimaha gudaha ee dawladda
Jabuuti ayaa qaraar odhanaya “waa in la qabto qof kasta oo bilaa sharci
dalka ku jooga”, ka dib marka ay dhamaato mudada kama dambaysta ah ee loo
qabtay inay dadka laajiyiinta ahi dalka kaga baxaan oo ku eg 30-ka Ogost (Berito),
iyadoo uu amarka wasaaradda daakhiligu leeyahay dadka la qabto iyaga oo
sharci daro dalka ku jooga waxa loo masaafurinayaa dalalkii ay u kala
dhasheen, isla markaana qofka la qabto waxa lagala wareegayaa wixii hanti
ah ee uu dalka ku haysto. Laakiin waxay intaa ku dareen qofka ku baxa
mudada loo qabtay wixii hanti ah ee uu haysto wuu la bixi karaa, isla
markaana lama waydiin doono wax su’aalo ama xujooyin iyo ganaaxyo ah oo la
xidhiidha mudadii uu sharci darada ku joogay dalka. Hase yeeshee
xukuumadda Jabuuti iyadoo u cudur-daaraysa ama u qiil-banaynaysa
qaraarkeeda ah inay qaxootigu dalkeeda ka baxaan, waxay sheegtay inay
qaxootiga tirada badan ee dalkeeda joogaan ku keeneen culays weyn oo
dhaqaale iyo weli culays dhinaca ammaanka ah, taasina ay keeni karto bay
yidhaahdeen xasilooni daro dhinaca nabadgelyada ah.
Wakaaladda wararka Jabuuti oo soo xiganaysa wasiirka arimaha gudaha
dawladda Jabuuti, C/qaadir Ducaale Wacays ayaa sheegtay inay kumanaan-kun
oo qof oo qaxooti ah aqbaleen go’aanka iyo digniinta loo jeediyey, ka
dibna ay dalka ka baxeen afartii toddobaad ee ina dhaafay.
Marka laga hadlayo dadka qaxootinimada ku jooga dalka Jabuuti ama ku soo
gala waxa ugu badan Somalida iyo Itoobiyaanka, laakiin waxa iyana soo gala
dad kale oo ka yimaadda dalalka kale ee Afrika, waxaana jira dad badan oo
ka sii gud-ba dalka Jabuuti, iyaga oo xeebaha dalkaa ka raaca doonyo ay ku
tagaan dalka Yamen oo isna uga sii gudbaan dalalka Khaliijka, halkaas oo
ka raadsadaan fursado shaqo oo ay noloshooda ku daboolaan.
Dadka qaxootiga ah ee u dhashay Itoobiya iyo Ereteriya ee gelaya dalka
Jabuuti waxay tiradoodu korodhay intii u dhexaysay sannadihii 1998-kii
ilaa 2000, xiligaas oo uu socday dagaalkii ka dhex-qarxay Itoobiya iyo
Ereteriya.
Si kama dambays ah looma hayo tirada sugan ee qaxootiga jooga dalka
Jabuuti, laakiin dawladda Jabuuti waxay ku qiyaastaa 30 kun ilaa 45 kun oo
qof, kuwaas oo dhamaantood ku jooga bilaa sharci, balse xogo kale oo madax
banaan ayaa tibaaxaya inay tirada qaxootiga Jabuuti joogaa ay ka badan
tahay qiyaasaha ay xukuumadda Jabuuti soo bandhigto.
Waxay wararku sheegeen inay dhawrkii maalmood ee ina dhaafay xadadka
Jabuuti isdaba qul-qulayeen boqolaal qaxooti ah oo ka baxaya dalka Jabuuti,
iyadoo ay wararka dhinaca Jabuuti ka imanayaa sheegayaan dad kumanaan
gaadhaya oo qaxootigaa ka mid ahi inay ku soo beegan yihiin xadka
Somaliland, kuwaas oo isugu jira qaxooti reer Somaliland ah iyo ajaaniba.
Laakiin waxay wararki intaa ku darayaan inay dadka qaxootiga ah ee dalka
Jabuuti ka baxaya haysato dhibaato weyni, taas oo ay dad badani ka
cabanayaan inay hantidii ay haysteen qaadan kari-waayeen, ka dib markii ay
qarbo-qarbo weyn kala kulmeen xiliga gaaban ee loo qabtay inay dalka kaga
baxaan iyo xukuumadda Jabuuti suuqyada ku sii daysay ciidamadeeda booliska
iyo kuwa Jaandaarran-maariiga loo yaqaan si u saaraan dadka qaxootiga ah,
taasna waxay dadka qaxootiga ahi kala kulmeen cabsi iyo qarbo-qarbo xoog
leh oo sababtay inay dad badani yaacaan iyaga oo kabna lulaya, kabna
laad-laadinaya . Sidoo kale waxa ka mid ah dhibaatooyina kale ee dadkaa
soo food saaray gaadiin-xumo, taas darteedna waxay wararku sheegeen inay
dad badan oo dhinaca Somaliland u soo jeedaa ku cadillan yihiin jidka
dhexe, halkaasna ay ku haysato dhibaato weyni. Hase yeeshee dawladaha ay u
dhasheen qaxootiga ah ee laga saarayo Jabuuti qaarkood ayaa u
diyaar-garoobay dadkooda la soo saarayo, tusaale ahaan dawladda Itoobiya
dadkeeda qaxootiga ee Jabuuti ka soo baxaya ilaa laba maalmood ayey
bilaash uga dhigtay Tarreenka, kaas oo halkii marba xaabinaya boqolaal qof
iyo xamaamtooda, isla markaana waxa xadka labada dal (Itoobiya & Jabuuti)
u dhexeeya ku sugan saraakiil dawladda Itoobiya ka socda, kuwaas oo ay
ujeedadoodu tahay inay xaaladooda la socdaan dadkooda qaxootiga ah ee soo
noqonaya iyo si ay u hubiyaan inay dadka qaxootiga ah ee dalkooda soo
gelayaa yihiin dad dalkooda u dhashay iyo inaanay u dhallan.
Laakiin marka la eego dhinaca xadka Somaliland oo lagu wado inuu ka mid
yahay meelaha ay dadka ugu tirada badan ee qaxootiga Jabuuti laga soo
saarayaa ka soo baxayaan waxay wararku sheegeen inay ka muuqata baylah
badani, taas oo la leeyahay ma jirto wax talaabo ah oo ay xukuumadda
Somaliland ka qaadatay, hadii ay tahay la socoshada xaaladda dadka
qaxootiga ah ee Somalilan u dhashay ee soo gelaya iyo hadii ay tahay sida
la isaga basrinayo qaxootiga aan dalka u dhallan. Iyadoo ay wararka
qaarkood tibaaxayaan inay dawladda Jabuuti xidhayso xadka ay Somaliland la
leedahay, ka dib marka ay soo faaruqiso qaxootiga ay dalkeeda ka soo
saarayso, waxaana la leeyahay xukuumadda Jabuuti waxay xadka iyada iyo
Somaliland u dhexeeya ku xidhaysaa silig, isla markaana waxa siliggaa loo
xariiqay meel gudaha dhulka Somaliland ah.
Waxa kale oo ay wararku sheegayaan in dad badan oo ka soo baxay dhinaca
Jabuuti in ay filiqsan yihiin ilaa Jabuuti ilaa Hargeysa, kuwaas oo xataa
qaar ka mid ah ay baabuurtii siday ku daadisay kantaroolka dhinaca waqooyi
ee magaalada Hargeysa, iyadoo la sheegay in ay dad badan oo kalena daadsan
degaamada galbeedka Somaliland. Hase yeeshee wasiirka arimaha gudaha ee
dawladda Somaliland, Ismaaciil Aadan Cismaan oo doraad kooxo ka tirsan
ciidanka booliska kula hadlayey hoolka shirarka ee xarunta wasaaraddiisa
ayaa soo qaaday arinta qaxootiga Jabuuti laga soo saarayo iyo xadka
Somaliland, wuxuuna amray inaanay xadka soo gelin dad aan Somaliland u
dhalanine, isaga oo yidhi “Waxaan taliyayaasha qaybta gobolka Awdal ku
adkaynayaa inay xuduudka xidhaan, arintaana ay si degdeg ah uga
hawl-galaan, iyaga oo ciidamada qaranka ee xadka jooga adeegsanaya, waa
inay dadka gaadiidka saaran iyo kuwa lugta ah ee xuduudka ka soo talaabaya
joojiyaan oo kuwa ajaanibka ah goobta lagu qabto, waxaana khasab ah in
dadkaa sida sharcigu yahay lagu celiyo goobtii laga keenay, waana inuu
taliyaha qabta Awdal tagaa ilaa Saylac oo uu hubiyaa aagga ay dadkaasi ka
soo geli karaan, isla markaana waa inuu tago dhinaca Jabuuti cidda u
fadhida oo uu u sheegaa maadaama aynu nahay laba dawladood oo jaar ah waa
inay naga daayaan dadka sharci darada ah ee nagu soo qul-qulaya, wixii aan
Somalilander ahayn, hadii kale waa inay ogaadaan inaynu ku soo celinayno”.
Wasiirku waxa uu intaa ku daray inay warar soo gaadhaya oo sheegaya inay
qaar ka mid ah dadka qaxootiga aan Somaliland u dhallan ee Jabuuti laga
soo saaray ay soo gaadheen magaalada Boorame, wuxuuna saraakiisha booliska
ee Boorame ku amray inay qabqabtaan hadii ay arkaan dad noocaas ah, isla
markaana ay ku soo war geliyaan madaxda sare si dadkaa loogu celiyo
meelihii ay ka yimaadeen, waana inay arintaasi noqotaa mid culus, degdegna
looga hawl galo’.
Top
Waxtar Iyo
Waxyeelo Midkeebay Soo Kordhiyeen Maamulka Cusub Ee Golaha Deegaanka
Berbera Warbixin – Weriyaha Haatuf ee Berbera |
Berbera (Haatuf) – Waxa beryahan dambe isa
soo tarayay dhaliilo loo jeedinayo maamulka golaha degaanka Berbera,
waxaana laba saddexdii maalmood ee u dambeeyay socday shirar ay foodda
iskula jiraan xubnaha golaha degaanka Berbera, iyadoo ay shirarkaa si weyn
u kulaalayaan dadka reer Berbera, kana war dhawrayaan waxa ka soo baxa.
Hase yeeshee, weriyaha Haatuf ee magaalada Berbera, C/raxmaan (Casaan)
ayaa shalay warbixin nooga soo diray xaaladda Maamul ee Golaha Deegaanka
Berbera iyo waxyaabaha lagu dhaliilayo, waana tan warbixintii:
“Marka la eego Maamuladii soo maray hoyga tuurta leh ee xarunta dawladda
hoose ee Berbera ilaa marka laga soo bilaabo dawladii mustacmar ee
Ingiriiska, waxaa isaga dambeeyay xilalka Maayarnimo rag badan.
Sannadkii 1954-kii, waxay dawladii Ingiriisku Maayarka Berbera u
magacowday, C/raxmaan Xaaji Jaamac, laakiin marka la eego dawladihii isaga
dambeeyay Jamhuuriyadii la odhan jiray Soomaaliya, waxa uu ahaa Maayarkii
ugu dambeeyay ee magaalada Berbera Xaaji Cabdi Bursade, oo isagoo xilka
Maayarnimo haya 1988-kii xabsiga loo taxaabay. Laakiin laga soo bilaabo
markii lagu dhawaaqay madaxbanaanida iyo gooni-isu-taagga Somaliland
sannadkii 1991-kii ilaa intii ka horeysay doorashada golaha degaanka,
waxaa xilalka Maayarnimo ee magaalada Berbera iska bedelay sagaal (9) nin
oo uu ugu horeeyay nin la yidhaahdo Basbaas Mooge, uguna dambeeyay Xasan
Gadhweyne. Hase yeeshee, marka la is barbar-dhigo Maamuladii hore iyo
Maamulka cusub ee golaha degaanka oo iminka muddo toddoba bilood ku dhow
gacanta ku hayay Maamulka dawladda hoose ee Berbera, waxay dad badani u
arkaan inuu yahay Maamulkii ugu liitay ilaa hadda.
Ilaa hadda ma muuqdaan wax la taaban karo oo ay u qabteen magaalada ay
madaxda ka yihiin iyo dadkii sida milgaha leh u soo doortay, waxaana
muuqda dhaliilo iyo gol-daloolooyin maamul oo badan.
Lixdii bilood ee ay Maamulkani gacanta ku hayeen magaalada Berbera, waxa
soo xerrooday dakhli farabadan, iyagoo xilka la wareegay 15-kii February
2003, wuxuuna dakhliga soo xerrooday February ilaa bishii July, gaar ahaan
inta ka soo gasha Kastamka oo ah 10% dakhliga ay wasaaradda Maaliyaddu
qabatowaxa uu gaadhayaa 2,971,766,722 (laba bilyan, sagaal boqol iyo kow
iyo toddobaatan milyan, toddoba boqol iyo lix iyo lixdan kun, toddoba
boqol iyo laba iyo toddobaatan) Shillin Somaliland ah, laakiin waxa intaa
dheer lacagta dawladda hoose ka soo gasha Haamaha Shidaalka oo ay ugu
yaraan bishii uga soo xerrooto $18,000 (sideed iyo toban kun) oo doollarka
maraykanka ah, taas oo marka laysku geeyo lixdii bilood ee ina dhaafay
noqonaysa in ka badan $108, 000 (Boqol iyo sideed kun) oo US Dollar ah.
Waxa kale oo dawladda hoose ee Berbera dakhli ka soo galaa badeecadaha ka
dhoofa dekedda Berbera, sida: Xoolaha, Hargaha, Xabagta iyo kheyraadka
kale ee badda.
Waxa kale oo iyana dawladda hoose ee Berbera dakhli ka soo galaa,
cashuuraha maxaliga ah, sida; Cashuurta ardiyadaha, taysarooyinka,
sariibadda iyo suuqyada kale ee ganacsiga.
Sidaa awgeed, waxay qiyaasuhu farta ku fiiqayaan in dakhligii guud ahaan
Maamulka dawladda hoose u soo xerrooday lixdii bilood ee u dambeeyay inuu
kor u dhaafay, ilaa lix boqol oo kun oo doollar ($600,000 US), laakiin
waxay dad badan oo reer Berbera ahi qabaan inuu dhaqaalahaasi ku dhacay
jeebab dad gaar ah, laguna fushaday dano gaar ah, balse aan waxba loogu
qaban degmada iyo dadkeeda. Waxaase marka laga hadlayo waxqabadka Maamulka
cusub ee golaha degaanka arta lagu fiiqaa baabuur uu wato Maayarku oo ah
nooca qaaliga ah ee lagu raaxaysto iyo hal cagaf oo aan sidaa u weynayn,
labadaas oo ay dawladda hoose iibisay.
Golaha Degaanka Berbera oo ka kooban 21 (kow iyo labaatan) xubnood, waxa
tan iyo markii ay xilka la wareegeen ilaa maanta ka dhex oognaa khilaaf
iyo is-maan-dhaaf demi waayay, kuwaas oo u qaybsamay laba garab oo mid
lagu tiriyo kooxda gacan-saarka la leh Maayarka iyo kooxda labaad oo lagu
tiriyo kooxda Mucaaridka.
Kooxda raacsan Maayarku, waxa dhaqankoodu yahay in ay gar iyo gar-darraba
difaac kala hor jeestaan kooxda kale ee mucaaridka ah, isla markaana ay
difaacaan dhaliilaha loo jeediyo Maayarka, halka ay kooxda kale ee
mucaaridkuna dhaliilo la daba joogaan Maayarka iyo Maamulkiisa, taasina
waxay lumisay wax badan oo ahayd in la qabto.
Waxa kale oo kala xidhiidh furtay dadkii wax doortay iyo qofkii ay
doorteen, waxayna dadka reer Berbera maanta is-weydiinayaan maxaa
burburiyay ballanqaadyadii ay kor ugu dhawaaqayeen xisbiyadii tartamaayay,
taas oo ay faq iyo fagaareba ugu sheegeen markii ay ku loolamayeen
Madaxtinimada Golaha Degaanka.
Waxyaalaha la xusuusan yahay waxa ka mid ah, habeen habeenada ka mid ah oo
ay 21-kii xubnood ee ururka UDUB ka sharaxnaa xaflad ku qabteen fagaaraha
26 Juun ee magaalada Berbera, munaasibaddaas oo ahayd mid ay taageero kaga
doonayeen dadka reer Berbera, isla markaana boodhka lagaga tumayay ururkii
UDUB oo ay sanqadhiisu muddo gamaarsanayd, kadib geeridii Marxuum Cigaal.
Waxa kale oo aan iyana meesha ka madhnayn duur-xul iyo xafiiltan xisbiga
dhexdiisa ah, taas oo ay jirtay silsilad taxane ah oo ilaa maamulka sare
ee xisbiga ah, laakiin xafladda habeenkaa waxa ka dhex muuqday Cabdalle
Sandheere oo ah ninka hadda Maayarka Berbera ah, waxaana weedhihiisii
habeenkaa ka mid ahaa, “Haddii aanu nahay musharaxiinta hortiina taagan ee
aad wada garanaysaan, haddii aad na doorataan, waxaanu ballanqaadaynaa
inaanaan afar iyo labaatankii saacadood AC (Qaboojiye) hoos fadhiyin,
iyadoo ay bacadka fadhido hooyadii iibinaysay dhuxusha iyo caanaha ee
shanta boqol ee cashuurta ah laga qaadayay, waxaanu ballanqaadaynaa inaanu
boqolkii toddobaatan (70%) dib ugu celino degmada si loo helo laydh iyo
biyo jaban. Waxa kale oo aanu ballanqaadaynaa inaanu noqono kuwo aad
xukuntaan oo cadiirka idinla fadhiya, waxa kale oo noo qorshaysan wixii
aanu qaban lahayn lixda bilood ee ugu horeeya.”
Cabdalle Sandheere, waxa uu habeenkaa dhaliilay Maamulladii Berbera isaga
dambeeyay oo uu ugu dambeeyay Xasan Gadhweyne oo markaa isna xisbiga UDUB
ka sharaxnaa, habeenkaana barbar taagnaa. Hase yeeshee, waxay su’aasha
meesha taal tahay, Maamulka golaha Degaanku ma noqday mid indhaha dadka
soo jiitay, isla markaana meesha ka saaray dhaliilihii ay lahaayeen
Maamulladii hore? Sidoo kale ma yihiin rag fuliyay ballanqaadyadii ay kor
ugu dhawaaqayeen ayaamihii doorashada?
Laakiin taa jawaabteedu waa maya, waxayna dadka reer Berbera leeyihiin
hadduu sii go’ay iyo muddaa dabar igu xidhnaa oo aan dantayda u oomannaa.
Runtii maamul-xumada maanta jirta, waxa lagu tilmaamaa in ay baro-dhaaftay
Maamulladii ka horeeyay, isla markaana dakhligii soo hoyday lixdii bilood
ee u dambeeyay iyo ballanqaadkii ahaa in 70% (boqolkiiba toddobaatan) dib
loogu celinayo degmada, waxa la odhan karaa meel bay rays derdereen,
Odayaashii la doortayna irbad dhuub gelin waaye. Iyadoo uu lixdii bilood
ee ugu dambeeyay dakhliga laxaadkaa lihi soo hoyday, isla markaana aanu
jirin wax lagu qabtay, ayaana haddana waxaa wax lala yaabo noqotay warar
ilo xog-ogaal ah ka soo baxay oo tibaaxaya inuu Maayarka Berbera kaambayn
ugu jiro sidii dawladda hoose ee Berbera looga fadili lahaa gobollada
kale, loona siin lahaa boqolkiiba shan iyo toban (15%) dheeraad ah, taas
oo lagu maamusayo in ay tahay hooyadii dhaqaalaha, sidii horeba
Badhasaabka Gobolka Saaxil looga fadilay Badhasaabada kale, taas oo isaga
boqolkiiba hal (1%) looga jaro dakhliga degmadu ka hesho kastamka oo ah
boqolkiiba toban (10%), halkaasna waxa uu Badhasaabka Berbera bishii ka
helaa konton ilaa lixdan Milyan oo shillin, laakiin waxa xusid mudan in
aanu dakhliga intaa le’eg, haddii ay tahay mid u soo xerrooda iyo haddii
ay tahay mid lagaga fadilay degaamada kale ka muuqan dusheeda, sidaas
darteed, muxuu tarayaa dhaqaale gaarka ah ee lagu xurmaynayo magaalada
Berbera, iyadoo ka ooyaysa ama ka araddan dakhligeedii sida tooska ah ugu
soo xerroonayay.
Arrintu sida ay doontaba ha ahaatee, waxa xaaladda Maamul ee golaha
degaanka ka muuqda saadaal madow, taas oo farta ku fiiqaysa in aanu
waxqabad ka soo naaso-caddeyn, iyadoo laga shidaal qaadanayo wixii uu
dayacay sannad-badhkii la soo dhaafay, waxayse iswaydiintu tahay muxuu ku
dambayn doonaa xaalku”. Top
Wasiirka
arimaha gudaha Somaliland, Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa ciidanka
booliska ku canaantay inay hawl-gudashadooda xoojiyaan. |
Hargeysa (Haatuf): Wasiirka arimaha gudaha
Somaliland, Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa ciidanka booliska ku canaantay
inay hawl-gudashadooda xoojiyaan, isla markaana ay ilaaliyaan sumcadooda,
kana waantoobaan wax kasta oo sumcadooda wax u dhimaya, wuxuuna wasiirku
sidaa ka sheegay kulan maalintii doraad ka dhacay hoolka shirarka ee
xarunta wasaaradda arimaha gudaha, iyadoo ay kulankaa ka soo qayb galeen
saraakiil ka tirsan ciidanka booliska iyo taliyayaasha qaybaha iyo
saldhigyada ciidanka booliska gobolada iyo degmooyinka qaarkood, laakiin
waxa isna kulankaa goob-joog ka ahaa Dr. Qanim Al-najaar oo ah khabiir
qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya, kaas oo dhowaan
socdaal ku yimi Somaliland, iyadoo ay weheliso gabadh la yidhaahdo Lisa
Clark oo iyana ka shaqaysa xuquuqal-insaanka.
Wasiirka daakhiliga oo munaasibadaa ka jeediyey hadal dheer waxa uu kaga
hadlay waajibka ciidanka booliska iyo kaalinta muhimka ah ee kaga aaddan
ilaalinta nabadgelyada. Sidoo kale waxa uu wasiirku ka hadlay wada
shaqaynta dhinaca nabadgelyada ee looga baahanyahay booliska iyo maamulada
golayaasha degaanka.
“Waxa laga yaabaa inaan anigu ama madaxda kale halkan (Xarunta) amaro ka
bixino, hadana waxa loo baahan yahay inay madaxda gobolada ee halkaa
joogta ee arimaha halkaa ka jira nooga xog-ogaalsani inay xaaladda jirta
sida ay tahay wax u xaliyaan”ayuu yidhi wasiirku, isaga oo intaa ku daray
“waxa loo baahan yahay inay madaxda gobolada ama degmooyinku aanay keliya
eegin amarka warqadda ku qoran ee ay fulinta amarka la kaashadaan xaaladda
dhabta ah ee halkaa ka jirta oo ay had-ba sida wax u jiraan u fuliyaan”,
wuxuuna wasiirku tilmaamay inay taliyayaasha qaybaha ee goboladu masuul ka
yihiin ilaalinta iyo ka shaqaynta arimaha nabadgelyo ee gobolkaa. “Taliye
qaybeed kastaa waa inuu kormeer ku sameeyaa saldhigyada gobolkiisa iyo
sida ay u shaqeeyaan”ayuu yidhi wasiirku, isaga oo intaa ku daray “Waxa
laydinka baahan yahay inay saldhigyada boolisku noqdaan meel ay dadka
shicibka ah ee u soo dacwoonayaa u arkaan inay tahay meel ay hoy
nabadgelyo ah, oo nadiif ah, qofka dacwoonaya ee dhibaatada sheeganaya
yaan ul lagala hortegin ama la riix-riixin, wuxuuna u baahan yahay in la
soo dhoweeyo oo waxa uu doonayo loo qabto, waana in qofka la tuso inuu
yimi hoy nabadgelyo, shacbigana waa in si cadaalad ah loogu shaqeeeyaa,
booliskuna waa inuu gacan siiyo kuwa cadaalad daradu hayso ee aanu gacan
siin dhaqaalaha, arintaa aad ayaan idiinkaga digayaa, waxa kale oo aan
idiinka digayaa qabyaaladda”.
Laakiin wasiirku waxa uu sheegay inaanay ujeedadiisu ahayn inuu booliska
dhaliilayo, balse ay tani tahay toosin, wuxuuna yidhi “Marka aan booliska
la hadlayo sidii ay Jamhuuriya dharaar dhowayd qortay ma aha inaan
booliska dhaliilayo, oo anigu booliska waxaan ku tilmaamaa malaa’ig, waayo
saqde dhexe ilaa waaberiga meel walba way taagan yihiin, iyaga oo aan
qaadan mushahar ku filan, waxaanse ku rajo weynahay ilaahay idinkii
inaydaan ka werwerin caruurtii iyo hooyooyinkii aad ka timaadeen oo
qaadataan mushahar idinku fillan, mana aha inay dawladdu idin hagranayso
ee waa wax duruuf dhaqaale keentay, xaasha’e dharaartii dhowayd ee aan
idinla hadlayey maan odhan dawladdu way hagratay booliska sidii ay
Jamhuuriya qortay, idinka ayaana taa iiga markhaati ah ee joornaalada qaar
baa iska caadayta waxa beenta ah inay qoraan.”
Wasiirku waxa kale uu ka hadlay wada shaqaynta ciidanka booliska iyo
hayadaha dawladda, isaga oo si gaar ah u xusay maamulada golayaasha
degaanka oo ay dhowaan qaarkood ku cawdeen inay la’yihiin wada shaqayntii
booliska, taasina ay carqalad ku noqotay fulinta hawlaha ay qabtaan,
wuxuuna wasiirku isaga oo arintaa ka hadlaya yidhi “Dhamaan hayadaha
dawladda wada shaqayn ayaa idinka dhexaysa, gaar ahaan hadii soo qaato
golayaasha degaanka ee la soo doortay dhowaan mar ay guurtida la hadlayeen
booliska ayey dhaliileen, waan u yeedhay oo waanu ka heshiinay taa, mana
aha necayb ay booliska u hayaan ee wax maamul ahaan iyaga ka dhiman oo
aanay hore u soo arag, waayo marka aad booliska joornaalada ku qorayso
iyaga ayaa muraayaddii dalka iyo tii nabadgelyada ah ee waa inaad maamulka
xukuma ilaa wasiirkooda gaadhsiisaa, marka ay dhacdo in taa waxba laga
qaban waayo ayaa shacbiga la soo hordhigi karaa,laakiin taasi may dhicin,
iyaga (Golaha degaanka) waxay doodoodu ahayd ha naloo sameeyo boolis u
gaar ah, laakiin waxaan waydiiyey meesha ay caalamka ku arkeen boolis u
gaar ah degaanka, waxaana u sheegay inaanay dhacayn boolis gaar ah oo loo
qoraa, balse uu booliskooda gaarka ahi yahay ka saldhigyada iyo rugaha
degmadooda, waana in loo wada shaqeeyo si asluub leh”.
Wasiirku waxa kale oo ka hadlay arinta dadka qaxootiga ee ay Jabuuti
dalkeeda ka soo saarayso, isaga oo wasiirku amray in xuduudda la xidho. Top
Guddi Golaha
Guurtida Ah Oo Go’aamo Ka Soo Saaray Dhibaatadii Ka Dhacday Masalaha
Hargeysa |
Hargeysa (Haatuf) – Guddi 9 xubnood ah oo
golaha guurtida ka tirsan ayaa 20-kii bishan aynu ku jirno go’aan ka soo
saaray dhacdo dil iyo dhaawac sababtay oo 21-kii Jananweri, 2003 ka
dhacday xaafadda Masalaha ee magaalada Hargeysa, taas oo dhexmartay laba
dhinac oo ka soo kala jeedada beelaha degaanka Hargeysa.
Dhacdadaas oo ay ahayd iska hor-imaad dhexmaray laba kooxood waxa uu ka
dhashay muran ku saabsan dhul banaan oo ku yaal xaafadda Masalaha, waxaana
iska hor-imaadkaa ku dhintay laba nin oo isku dhinac ah, halka ay ku
dhaawacmeen laba nin oo dhinaca kale ah, sidaa darteed guddigani waxay
go’aan ka soo saareen wixii dhimasho iyo dhaawac ah ee uu iska
hor-imaadkaasi sababay iyo xataa dhulkii la isku hayey, waxayna xubnaha
guddiga ah ee arintaa ka gar-qaaday kala yihiin:
Sh. Muuse Jaamac Goodaad--Gudoomiye
Sh. Khaliif Sh. Xasan—Gudoomiye-xigeen
C/raxmaan Axmed Aaareeye—xoghaye
Ibraahin Aw-Nuur Jiciir
Maxamed Jaamac Abokor
Caydiid Cabdi Maxamed
Cawil C/laahi Maxamed
C/laahi Ibraahin Xirsi iyo
Maxamed Maxamud Diiriye, laakiin go’aanka ay guddigaasi soo saareen waxa
uu u dhignaa sidan:
“Ujeeddo: Go’aan: Sida aynu ka wada war qabno waxa 21/1/2003 ka dhacay
Masalaha Hargeysa iska hor-imaad dhexmaray Ciidagale iyo Arab, taas oo
keentay dhimasho iyo dhaawac, sababtuna ahayd dhul.
Iska hor-imaadkaas waxa gurmadkiisii u horeeyey ka qayb duqay reer
Hargeysa iyo gobolada kale isugu jira, waxaana lagu gaadhay laba qoddob oo
kala ahaa:
Arab inuu nabadgelyada xasiliyo iyo 2- in Ciidagale keeno
gacan-kudhiiglayaashii. Dabadeed Arab wuu xakameeyey nabadgelyadii oo ilaa
maanta sugan, laakiin Ciidagale ma keenin gacan-kudhiiglayaashii, ka dibna
muddo dheer markii la sugayey dhinaca beesha Ciidagale ee la keeni waayey
gacan-kudhiiglayaashii, isla markaana ay abuurantay jahawareer iyo isu
qalab-qaadasho horlihi ayey golaha guurtidu is tuseen inay lagama maarmaan
tahay in arintaa loo magacaabo xubno golaha ah si loo soo afjaro, loona
dhamaystiro xalka iska hor-imaadkaa, waxaana la magacaabay 16-kii March,
2003 la magacaabay guddi ka kooban xubno golaha guurtida ah.
Xubnaha golaha guurtida waxay gudogaleen hawl-gal nabadgelyo, waxayna
bilaabeen in Ciidagale la waydiiyo gacan-kudhiiglayaashii, laakiin muddo
dheer markii la sugayey waxay ku biyo-shubatay oo ay Ciidagale yidhaahdeen
go’aan nagu rida gacan-kudhiiglayaashii la soo waaye. Ka dibna waxa lala
kulmay guddigii Arab, waxaana loo sheegay in gacan-kudhiiglayaashi la
waayey, waxaana laga codsaday inay ka taliyaan sida ay arintu noqonayso.
Rafasho dheer iyo isqancin dhinacyo kala duwan leh, ka dib waxay Arab
yidhaahdeen wax ka qabta dhulkii la isku dilay.
Markii fadhiyo dhawr ah lagu wada hadlay waxay guddiga guurtidu
go’aansadeen in dhagartii iyo sababteedii oo ahayd dhulka hal mar la wada
galo, ka dibna dhulkii dilka lagu galay ayey qoloba mar na soo tuseen,
maamulka gobolka iyo dawladda hoosena mar na soo tuseen, intaas ka dib
waxa labadii dhinac la waydiiyey inay la yimaadaan wixii lahaansho ah ee
ay haystaan. Ciidagale waxay yidhaahdeen dhulkaa waxa nala siiyey 83-kii,
wax dhukmantis ahna uma hayno hadda.
Dhinaca kale ee Arab waxay iyana yidhaahdeen waxa dhulkaa nala siiyey
93-kii, wax dhukmentis ah oo aan arji codsi oo hala soo eego ahayn uma
hayno. Sidaa darteed lahaansho sharci ah dhinacna uma sugnaan oo lagu
beer-diiranaado, laguna go’aan qaadan karo.
Iska hor-imaadkii dhimashada iyo dhaawaca keenay markii ay guddigu dhinac
walba ka farogelisay waxa u cadaatay inuu iska hor-imaadkaasi ahaa laba
saf oo iska soo horjeeda. Sidaa awgeed waxaanu guddi ahaan go’aaminay
qoddobadan:
In wixii Arab ka dhintay ee goobtaa ku dhintay Ciidagale qabo, ahna laba
nin oo kala ah:
Marxuum Cabdi Cali Yuusuf
Marxuum Khadar Muxumed Siciid
In wixii goobtaa ku dhaawacmay isla maalintaa ee dhinaca Ciidagale, kalana
ah: Ibraahin Muxumed Gahayr iyo Cali C/laahi Cige ay qabaan Arab.
Gebagebadii: Dhimashadii waxa la go’aamiyey inay magtii noqoto midkiiba
120 halaad, boqolka halaad waa dhogor, labaatanka halaadna waa lacag ay
midkiiba tahay 400,000 Sh.SL.= 16,000,000 Sh.Sl.
Aaskiina ninkiiba waa 2000,000x2= 4000,000 Sh.Sl.
Mudada bixintuna waa labada malyuun hadda ayaa la dhiibayaa, isla waqtiga
go’aanka la sheegayo, afartanka halaad oo ay isugeyntoodu noqonayso
16,000,000 waxa lagu bixinayaa 7 cisho oo ka bilaabma 26/8/2003.
Dhinaca kale, Mag-weynta waxa lagu bixinayaa afar bilood oo ka bilaabanta
maalinta go’aankani lagu dhawaaqay oo ah 25/8/2003, Magtaasi oo aan lahayn
kala hadh, waxa lagu leeyahay Ismaaciil Abokor (Ciidagale), Ciise Abokor (Ciidgale)
iyo Cabdi Bari (Ciidgale).
Dhaawaca, marka ay bogsadaan, waxa wada-jir u xaqaya duqayda labada dhinac,
kadibna waxa bixinaya Arab oo ah Aadan Waraabe.
Go’aanka dhulka laga gaadhay
B) Waxa sugnaatay in aan cidina u haysan dhokmentis (lahaansho gaar
ahaaneed), hase ahaatee, markii ay guddidu tixgelisay dilkii meesha ka
dhacay iyo muranka joogtada noqday ee aan dhammaanayn, isla markaana aanu
xog-ogaal u noqonay in muddo dheer lagu guda jiray xallinta baajin iska
horimaad, galeena Salaadiin labada reer, Gudoomiyeyaashii ka horeeyay Duqa
haatan xilka haya, waxbana ayna ku xililmin darteed, waxaanu u qaybinay
saddex meelood. Laba ahaan waxa la siiyay dhinacii dhimashadu ku dhacday,
qaybta hadhayna la siiyo dhinacii ku dacwiay.
Dhulkaasi cabir ahaan waa sidan:
Waqooyi oo bari iyo galbeed ah 188 mitir. Koonfurna ahna bari iyo galbeed
wuxuu u yahay 225 mitir. Waqooyi Vs Koonfur ahna dhererka waa 300 mitirs.
Dhulkuna iskuma le’ega labada cidhif ee waqooyi iyo koonfur kala ah.
Qaybtii galbeed, waxaanu siinay dhinicii dhimashadu ku dhacday, dhinaca
kalena oo ah bariga iyadoo aanu ku qaybinay sidii aanu hore u soo sheegnay,
waxaanu siinay Ciidagale.
Maxaabiista
C) In la siidaayo wixii labada dhinacba ka xidhan, una xidhan arrintaasi
ka dhacday Masalaha, taasi oo fulaysa marka la bixiyo aaska iyo min
labaatanka halaad ee lacagta ah (40 Halaad).
Dawladda Hoose
D) Iyagoo raacaya go’aankani, waafajinayana qorshaha magaalada waxa la
farayaa in ay u diiwaangeliyaan, una sameeyaan lahaansho gaar-ahaaneed
cida magac ahaan ay labada dhinac ugu kala qorayaan, iyaga oo ka qaadaya
cashuurta ku waajibtay iyo wixii xuquuq ah ee laga rabo.
Muddada lagu dhammaystirayo sharciyayntaasi waa 45 maalmood gudahood,
taasi oo ay tahay waajib in lagu dhammaystiro dhokumentiskaasi iyo dadka
lagu qorayaba. Haddii ay dhaafto wakhtigaasi oo ay dhinacyadu soo codsan
waayaan sharciyaynta, amba dhinacba ka baaqsado sharciyayntaasi, waxa u
madaxbanaan dhulkaasi Dawladda Hoose ee Hargeysa, oo siin doonta cida ay
doonto, lagamana hadli karo.
E) Duqayda labada dhinac ee dhammaystiraysa ama lagala xisaabtamaayo meel
marinta go’aanadani waa sida:-
Ciidagale
Muxumed Aw Yuusuf Hanfi
Cabdi Oomaar Heebaan
Cabdi Ismaaciil Guray
Muuse Jaamac Cali
C/laahi Muuse Nuur
Maxamed Ismaaciil Xasan
Maxamed Iidle Cilmi
Muxumed Aw Dube Ismaaciil
C/raxmaan Cismaan Cabdi
Sh. Siciid Jaamac Gudaal
C/laahi Xirsi Geedi
Saxardiid Xasan Xirsi
C/raxmaan Sh. Axmed Caraale
Raabi Jaamac Faarax
Aadan Xasan C/laahi
Xuseen Cabdi Aw Muuse
Axmed Cabdi Aadan
Cabdi Axmed Bulaale
Maxamed Xirsi Faarax (Caaqil)
Rashiid Cabdi Xandule (Caaqil)
Xasan Nuur Xuseen (Caaqil Cabdi Bari)
Muxumed Gahayr Warfaa
Maxamed Faarax Shoocaar
Arabka
Maxamed Cawaale Jaamac
Aadan Siciid Bulxan
Cali Cismaan Jaamac
C/laahi Yuusuf Axmed (Caaqil)
Diiriye Faarax Warsame
Maxamed Xasan Faarax
Maxamuud Aw Ismaaciil Wacays
Yuusuf Cismaan Cabdulle (Dhamac)
Jaamac Khayre Wacays
Intaasi dhammaantood waa Ardaaga Aadan Waraabe.” Top
Ururka Wax U
Qabo, Qeybta 3aad: Wa tuma Bulshadda habooni? |
Barashadda dawladnimadu waa muhiim.
Taariikhda bulshaddeena reer Somaliland markaan dib u raacno waxaad moodaa
aqoonta dawladnimo inay aad inoogu yar tahay. Waayo dadkeenu uma badneyn
dawlad ku nool ee waxay ahayeen dad iskood u shaqeysta. Markaan eegno
dawladdii mustacmarka ahayd ee ingiriiska dadkeena wax yar baa maamulkiisa
ka tirsanaa. Waxaana dhici karta inaanay dadkaas wax maasuuliyad qaban
karaa ka noolayn.
Waxa kale oo jira inaanaan dawladaha maamulka shareecadda Islaamaka ku
dhaqma inaynaan waxba kaga dayan.
Hadaba, marka aan u soo noqono tilmaamaha ay leedahay dawladnimadda iyo
cidda noqon karta qaran madax banaan. Waxa had iyo jeer lagu tilmaamaa
dalka noqon kara qaran madax banaan inuu yeelan karo tilmaamahan: -
-Waa inuu leeyahay dhul (land) deegaan noqon kara.
-Waa inuu leeyahay shacbi ama ummad (population).
-Waa inuu leeyahay xuduudo u gaara (internationally recognized borders)
-Waa inu leeyahay dhaqaale uu isku maamuli karo (economic resources).
-Waa inuu leeyahay calan u gaar ah.
-Distoor (Constitution) u gaara.
-Astaan ugaar ah (emblem)
-Baarlamaan (parliament)
-Hay’ad garsoor (judiciary body) iyo
-Ciidan nabadgelyo (national security).
Haddaba, marka ummadi ay buuxiso qodobada aan soo sheegnay ee kor ku qoran
heshiisna ku tahay inay dhisato maamul dhexe (central government). Waxa
lagu micnayn karaa inay tahay dawlad madax banaan oo is maamuli karta.
Maamulka dalka waxa hogaamiya madaxwayne shacbigu doortay.
Madaxwaynuhuna wuxuu dooranayaa golaha maamulkiisa tiiyoo la raacayo dal
walba distoorka u yaala. Madaxweynaha iyo maamulkiisu waxay masuul ka
yihiin socodsiinta ama fulinta adeegyada guud ee ummadda loo qabto.
Madaxweynaha iyo maamulkiisa waxa looga baahan yahay inay shacbiga u soo
bandhigaan waxqabadkooda. Si ay ummaddu ula xisaabtanto oo ay u qiimayso
waxqabadka maamulka. Waxay shacbigu maamulka madaxweynaha uga baahan
yihiin in uu la socodsiiyo mar walba isbedelka ku yimaadda arimaha
siyaasadda Guddaha, dibada, dhaqaalaha, bulshada, nabadgelyada iyo iwm.
Shacbigu waxay madaxweynaha xaq ugu leeyihiin in uu ka qanciyo wax kasta
oo ay maamulkiisa ka taabanayaan. Shacbiga waxa waajib ku ah inay
madaxweynaha iyo maamulkiisa si daacadnimo ah ula shaqeeyaan si maamulku u
guto hawlaha loo xilsaaray.
Wadamadda qaarkood dawladda waxa badanaa loo arkaa inay ka kooban tahay
golaha fulinta (executive body), golaha baarlamaanka (parliament or
legislative body) iyo hayada sharci fulinta (judiciary body). Hayadaha
sharci dajinta (legislative body) waxa looga baahan yahay inay sharuucda
dalka dad aqoon u leh u magacawdo oo diyaariya ka dibna ay ka doondaan oo
ay ansixiyaan.
Sharuucda maamulka waxa soo diyaarinaaya golaha fulinta ee ay khusayso.
Waxaana ansixinaaya golaha baarlamaanka ka dib marka ay ka doodaan. Golaha
baarlamaanku waa inay ahaadaan dad aqoon iyo waayo aragnimo leh. Hayadda
sharci fulinta waa inay ka shaqeeyaan dad lagu kalsoonyahay aqoontooda iyo
khibradooda shaqo ee ku saabsan hawlaha garsoorka (judiciary knowledge).
Isla markaana waa in daryeelkoodu aad u sareeyo si aanay laaluush ugu
baahan. Hayada garsoorka waxa la shaqeeya ciidamada nabadgelyada ee
booliska dalka. Maxkamaduhu waxay amar qoraal ah siiyaan taliska ciidanka
booliska xeer ilaalinta si ay dambiilaha u soo qabtaan.
Booliska wuxuu ka mid yahay hayadaha sharciga fuliya. Wuxuu qaabilasan
yahay sugida nabadgelyada magaalooyinka iyo gaar ahaan falal dambiyeedka
bulshadda dhexdeeda ka dhaca.
Sida distoorka qaranku tilmaamayo, madaxweynaha iyo baarlamaanka waxa soo
dooranaaya shacbiga. Hayadda madaxa banaan ee dawliga ah sida maxkamadda
Sare, Xeer ilaalinta guud, Hanti dhawrka guud, baanka qaranka, iyo hayada
shaqaalaha dawladda waxa distoorku siiyey magacaabista gudoomiyayaashooda
madaxweynaha (presidential nomination).
Madaxda hayadahaas marka madaxweynuhu magacaabo, waxa ansixinaaya
magacaabidooda golaha baarlamaanka qaranka. Markaas ayey masuuliyiintaasi
bilaabi karaan shaqooyinkooda.
Allaa Mahad Leh.
La soco qaybaha dambe.
Ururka wax u Qabo. Top
IFTIINKA
ISLAAMKA, Siciid I. Guraase |
“Jidkii Dheeraa Ee Aan U Soo Maray Dariiqa
Islaam-Nimada”
Gabadh Maraykan Ah oo ka waramaysa Sidii ay ku soo Islaamtay
Qormadan IFTIINKA ISLAAMKA maanta waxaynu ku soo qaadan doonaa Qisada
gabadh Maraykanka u dhalatay oo soo gashay diinta Islaamka lana yidhaa
C.Huda Dodge waxaanay ka sheekaysay sidii ay ku soo gashay Islaamka ,
duruufihii ay ku noolayd Islaamka ka hor iyo sidii ay nolosheedu isku
badashay kadib markii ay Islaamtay.Qisadan oo aad u xiiso badan
islamrkaana aad udheer waatan qaybteedii koowaad waana tan Huda oo inuu
waramaysaa:
“Intii aan ku soo biirey ururka ama groupkan (New Muslims group) afar
bilood kahor, waxaan arkey in ay dad badani xiiseynayaan sheekooyinka
dadka diinta Islaamka soo galaya iyo sida uu Islaamku ku soo gaadhey, waxa
soo jiita in ay qaataan Islaamka, iyo sida ay noloshoodu isku badassho
marka ay muslimaan.
Qaybtaan waxaan kaga hadlidoonaa sida iyo sababta ay haweenay American ahi
ku soo gashay Islaamka.
Sheekadu way dheertahey aad baanan uga xumahay inay dheeraato laakiinse
kuma fahmi kartid dhowr sadar oo kali ah. Waxaanse isku dayidoonaa inaan
soo gaabiyo intaan awoodi karo. Hase yeeshee sheekadu waxay ubaahantahay
faahfaahin mararka qaarkood waayo aad bay kuu caawineysaa inaad fahamtid
jidka dheer ee aan usoo marey Diinta adiga dhib la’aanta kugu soo gaadhey
(intiina islaamnimada kudhalatey, waa jiraan kuwa soo galey diinta sideyda
oo kale oo dhib kasoo mutey sidii ay ku soo galeen Diintan).
Wax badan ayaan kaboodayaa si’aan kuugu sheego taariikh-nololeedkeyga inta
ugu humiimsan insha’Allah.
Aad bay ii cajiib galineysaa inaan nolasheyda dib umilicsado iyo sida ay
isugu soo hagaagtay. Mar Alle iyo markaan xasuustaba Allah ayaan ku
mahadiyaa inuu ikeenay meesha aan iminka joogo (Islamka). Mararka qaarna
murugo ayaa iqabata inaanan Islaamnimo ku dhalan awgeed oo waxaan is
idhaahdaa maxaad ugu dhalan wayday Islaamka. Waxaanse ka xumahay kuwa
islaamnimo ku dhashey ee aan ku mahadineynin Illaahay. Insha’Allah marka
ay sheekadayda akhristaan, ayey Allah ku shukriyi doonaan. Nimcadu qofka
ku dhex jiraa mafahmo ilaa laga qaado.
Waxaa kale oo ay ka faa’ideysandoonaan siyaabaha kala duwan ee loo gudbiyo
dacwada. Sidaas darteed waa wax meesha kujirta inay sheekadu dheeraato.
Idinkuna waxaad mudantihiin inaad wakhtigiina ku lumisaan sheekadan.
Aniga ayey igu saabsantahey sheekadu laakiinse dad badan ayaa iska dhex
arki doona insha’Allah gaar ahaana dadka hanuun doonka ah ama aan muslimka
aheyn.
Waxaan ku dhashey San Francisco, California oo aan kuna soo barbaarey gaar
ahaana tuulo yar oo layidhaahdo San Anselmo. Tirada dadka degan markii
iigu danbeysey wuxuu ahaa 14000 oo qof. Waxay ahaayeen dad cadaan ah oo
Christian-ka diin ahaan u haysta isla markaana dabaqada dhexe ah. Waa meel
aad u qurux badan- waqooyiga San Francisco (waxay dhanka kale ka
saarantahey Golden Gate Bridge), waxay dhinaca ku heysaa buuraha (mountain
Tamalpais) iyo bada Pacifc Ocean.
Aabahay wuxuu ahaa Presbyterian diin ahaan, hooyadeyna waxay aheyd
Catholic. Aabahay Kaniisada sidaasi uma sii tagi jrin laakiinse hooyadey
ayaa isku dayday inay Catholic ahaan nagu barbaariso. Kaniisada ayey
nageyn jirtey mararka qaarkood laakiinse aqoon umay laheyn waxa lasheegayo.
Dadku way fadhiistaan, istaagaan, jilba joogsadaan iyagoo wax kadaba
akhriyaaya Priest (imaamka kaniisada).
Kaniisadan ayaa laygu Kiristaameeyey (baptized) markaan jirey 8.
Wixii intaas ka danbeeyey sanadkii hal mar ayaan tagi jirney.
Waxaan deganaa wadada layidhaahdo Dead Street oo ay ku yaaleen 15 guri.
Schoolka aan dhigtana wuxuu ku yeeley 4guri marka aad wadada hoos u qaadid,
wuxuuna kudhaganaa Kaniisad yar oo Presbyterian ah.
Markaan 10 jirsaday, dadkii Kaniisadaas joogey ayaa igu casuumay inaan
kala qeyb galo ciyaalkooda ciida Christian day (Children’s chrismas Day).
Wixii intaas ka danbeeyey maalinkasta oo Axad ah, subixii ayaan tagi jirey
Kaniisada aniga oo kaligey ah (cidkale oo gurigayaga ka soo baxdaa
mayjirin).
Dadka kaniisada ka tirsan oo dhan waxay ahaayeen 30 ilaa 50 jir laakiinse
waxay ahaayeen dad wanaagsan oo waligey kamaan qaloon maadama aan kaligey
ciyaal ka ahey. Waxaa kale oo kaniisada iman jirey 3 qoys oo ciyaal ah iga
yaryar wata. Waxaan ka noqdey Kaniisadii xubin firfircoon. Markaan grade
ama derejada 6 gaadhey waxaan bilaabey inaan ciyaarsiiyo ciyaalka iga
yaryar inta lagu jiro Kaniisada (service). Grade 9 markaan gaadhay waxaan
caawin jirey ninka Kaniisada haysta xaaskiisa oo dhigi jirtey Sunday
School.
Dugsiga sare, ayaan ku bilaabey urur la yidhaa Church youth group, waxaana
tababarey 4 kamid ah saaxibadey si’ay iigu soo biiraan. Groupku ama ururku
sidaasi uma sii badneyn, waxaananu aheyn aniga, saaxibadey iyo qoysaska
ciyaalka yaryarka ah wata, haseyeeshee sidaas ayaanu doonaynay inuu
waligiis ahaado.
Kaniisad weyn oo Presbyterian ah oo kutaaley magaalada hoose waxay laheyd
100 ciyaal oo yaryar ah oo kujirey youth groupkooda ama urur kooda,
waxayna safaro ku tagi jireen Mexico iyo meelo kale. Lakiinse groupkayaga
waxaa ka go’neyd inaanu wada kulano oo aanu wada barano Biblka ama
kitaabka mkiristaanka oo kali ah, oo aanu ka hadalno Allah (God) iyo
inaanu lacag u ururino ururada samo-falka ah.
Aniga iyo groupkeygii meel baanu fadhiisanaa markaas ayaan ka hadalnaa
arimaha ku saabsan Diinta. Waxaanu ka doodnaa su’aalaha ku imanaya
maskaxdayada; sida meesha ay ku danbeyn doonaan dadkii noolaa nabi Ciise
Caleyhi salaam ka hor (Naar iyo Jano meesha ay gali doonaan).
Siday ku dhicikartaa dad wanaagsani inay naar galaan haddii ayna rumeyn
ciise (waxaan soo qaadan jirney tusaale ahaan sida ninkii la’odhanjirey
Gandi, ee India). Siday ku dhici kartaa inay dad xun xuni janada iskaga
galaan Ciise ayey rumeeyeen oo kali ah (Waxaan tusaale u soo qaadan jirney
sida saaxibkey aabihiis oo ahaa qof aad u af xun).
Sidey suurto gal u tahey inuu Allaha Rahmanka ahi dhiiga Ciise u baahdey
si’uu u dhaafo danbiyada adoomadiisa? Sidey macquul ku noqotey in la inoo
qabsado danbigii uu nabi Aadam caleyhi salaam galey?
Khilaafka ka dhex taagan Bibleka iyo Scientific proves ayaanu soo qaadan
jirnay. Ma runbaa inuu Ciise yahay Allah. Iyo sidee buu hal Ilaa 3 ku
noqdey, iyo wixii lamid ah ayaanu isweydiin jirney!
Arrimahaasi ayaanu ka doodnaa ugu danbeyntiina wax jawaab ah looma helo.
Kaniisadii ayaan hordhignaa su’aalahaasi laakiinse jawaab naqancisa nama
siiso. Waxay nagu yidhaahdaan oo kali ah: “Imaan baa la iidinka
baahanyahey.”
Waxaa la’ ii sheegan inuu jiro Summer Camp ama kulan ay Kaniisadu leedahey
oo ku yeela waqooyiga California. Halkaas yaan tagay markii iigu horeysey
anigoo 10 jir ah.7dii sano ee ku xigtayna,kulan kasta waan tagi jirey.
Waqtiga intiisa badan waxaan ku qaadaneyney ciyaar, dabaalasho iyo wax
lamid ah. Maalin kastana waanu tukan jirney, akhriyina jirney Bibleka,
kuna heesi jirney heeso Diini ah.
Jawigu aad buu u deganaa. Runtii jawiga noocaas ah aad buu ii caawiyey.
Nidaamka meesha waxaa ka mid ahayd inaad meel fadhiisatid kaligaa mararka
qaarkood. Intaan meel sare fuulo, sida taag ama buundo ku sii jeeda wabiga
ama bada ayaan fikiri jirey. Waxaan fiir fiirin jirey hareeraheyga,
geedaha, buuraha, cirka iyo cayayaanada yaryar ee dhulka ku dul socda.
Waxaan dhageystaa shanqadha biyaha & heesta shinbiraha. Waxaan dareemey
amaan, aadna waan u jecleystey, Allahna waan ugu mahad celiyey Khalgiiisa
quruxda badan ee kala duwan.
Sanadkasta markaan kasoo noqdana, waxaan jeclaan jirey inaan ku noqdo oo
aan kaligey inta aan meel fardhisto aan ka fikiro illaahay, nafta iyo
meesha ay iga jirto.
Waxaa kordhay faham keyga ku saabsan Ciise Caleyhi Salaam. Waxaan fahmey
inuu ahaa macalin Tusaale ah. Waxaan meel iska dhigey wareerkii Kaniisada.
Waxaan jeclaadey waxbarida iyo in dadka kale la caawiyo anigoon waxba
karabin. In dadka loola dhaqmo sida aad dooneysid in laguula dhaqmo.
Waxaan xooga saarey sidii aan dadka kale ku caawinlaha inta aan awoodo.
Markaan 14 jirsadey, ayaan heley shaqadii iigu horeysey (ice cream store).
Lacagtii ugu horeysey ee aan soo qaatey (walow ay aad u yarayd) waxaan u
direy urur layidhahdo Foster Parents Plan (magacaa iminka way iska
badaleen). Waxay hayeen caruur masaakiin ah oo dibidaha laga caawiyo.
4sano oo aan dhiganayey dugsiga sare, waxaan sponsor ama wakiil ka ahaa
wiil yar oo Misri ah (Egyptian) oo layidhaahdo Sheriff. Bil kasta waxaan u
diraa qayb ka mid ah lacagta aan soo qaato, waxaananu isdhaafsan jirney
waraaqaha. (Waraaqaha wuxuu ku soo qoraa Af carabi. Markaan iminka dib u
eego, waxay la’aheyd inuu lahadlayo qof qaan gaadh ah. Ma oga inuu
lahadlayo gabadh 5sano oo kali ah ka weyn isaga). Wuxuu ahaa 9 jir.
Aabihiina wuu dhintey, hooyadiina way xanuunsanaysay oo may mashaqeyn
karayn. Wuxuu lahaa labo wiil oo walaalo ah oo ka yaryar iyo gabadh
da’deyda oo kale ah.
La soco. Top
Tony Blair Oo
Ka Hadlay Dhimashadii Dr. Kelly |
London (W. Wararka) Ra’iisalwasaaraha
Britain, Tony Blair ayaa gudida baadhitaanka Hutton u sheegey in ay ku
khasbanaan lahayd in uu shaqada iska casilo haddii ay run noqon lahayd in
la buun-buuniyey dukumintigii loo adeegsadey dagaalkii Ciraaq.
Ra'iisalwasaare Tony Blair ayaa cadeymo u gudbiyey guddigii baadhista ee
uu hogaaminayey Mr Hutton. Waxaana uu ka hadlayaa arimo la xidhiidha
dhimashadii Dr Kelly oo ahaa halkii ay BBC ka heshey wararka la xidhiidha
dukumintigii loo adeegsadey dagaalkii Ciraaq.
Waxa uu Mr Blair sheegey in barnaamijka BBC-da ee 'Today' uu faafiyey war
haddii uu run noqon lahaa ay istaahisho in uu is-casilo.
Waxa uu yidhi isaga oo arintan ka hadlaya “eedaymuhu waxa ay gaadhsiisan
yihiin kuwa wax u dhimaya sumcadda dowladda Britain. Top
Mareykan:
Todoba qof oo lagu diley Chicago |
Chicago (W. Wararka) Todoba qof ayaa lagu
dilay xabado ka dhacay meel laga shaqeeyo oo ku taal magaalada Chicago ee
waddanka Mareykankasida.
Sida ay wararku sheegeen Qiyaastii mar ay saacaddu ahayd 8:45 aroornimo
Arbacadii ayuu nin la yidhaa Salvador Tapia uu galey geerash baabuurta
lagu sameeyo oo uu hore uga shaqayn jirey oo ku yaal daanta koonfureed ee
magaalada Chicago halkaas oo uu xabado ka furey qori ay si isadaba jooga
ah ay xabaduhu uga dhacayeen.
Nin u hadley booliska ayaa sheegey in saraakiishii dhacdadaas u gurmatey
ay Mr Tapia ay ku loolameen daarta gudaheeda iyo bannaankeedaba. Aaggaas
oo dhan ayaa dadkii laga fogeeyey. Boolisku waxa uu iskudayey in uu la
xaajoodo ninka dadka laayey laakiin waa uu diidey. Aakhirataankii waxa ay
go'aansadeen in ay daarta xoog ku galaan, ninkii qoriga siteyna waxa uu ku
dhintey natiijadii dagaalkii halkaas ka dhashey sida ay wararku sheegeen. Top
Werwer adduun
iyo wacdaro jacayl, Sheeko taxane ah ---Q: 18aad -- Waxa qoray: Cumar
Cali Iidle |
Aroortii dambe ayey Weris iyo Ilhaanba ku
kallaheen Geelle. Isaga iyo Fu’aad oo wada taagan ayey u galeen “soo
fadhiista” ayey yidhaahdeen, wey fadhiisteen oo sharaab ayaana loo keenay.
Weirs ayaa tidhi “Ma intaad dhiigaygii jaqday ayaad I jalaysaa?” isagoo si
la yaab leh u soo daymooday Geelle ayuu yidhi “yaa….bal shaydaanka iska
naaroo ha is kululayn”. Weris “Illeyn noolkana waa laga baxiyaaye intaad u
soo hanjabtay ayaad fara madhnaan dirtay, bini aadmi ma tihide”. Geelle
“Maxaad ka hadlaysaan”.
Ilhaan baa tidhi “aabbo, aniga iyo Bilis oo carruurtaadii ah haddaad na
baahi tiri weydo, ayaanu u qayshannaa ee kale, maxaadse u tidhi waxaan
Bilisow lacag amma shaqo ku siinayaa marka aad Ilhaan furto, aabbo ma neef
xoolo ah ayaan ahay oo intaad seyladda geysay uu kolba nin geed ku xidhayo
oo ay rag badani ku dul gor-gortamayaan, miyaanad ii ogolayn in aan Bilis
guursado, miyaanad adigu joogin oo aanad ka soo gayb gelin arooskaygii ma
hugun raac baad tahay? Waan ku ogaaday, aabbonimana uma qalantid oo waan
ku nacay”.
Fu’aad oo sheekada intii aan hore ku soo darsan ayaa yidhi “Ujeedadaad u
timaadeen waa maxay aan wax idiinka qabannee”. Weris “Ma anigoo dhintaa ku
jira ayaad igu daawanaysaa? Miyaanan ku soo korin, ma habrawadaagaa ayaad
bilaa camal ka dhigtay, ma markaad xoolihii hantiday ayaad habar yar na
illowday waa sidee”. Fu’aad “habar yar taasi laba nin oo harawadaag ah
ayey ka dhaxaysaa ee adiga maxaan kuu qabtaa?”. Weirs “Maallintii aad
Habra wadaagaa gawdhisay ee aad anna cidlo I dhigtay ayaad il naxariisle
igu soo eegi lahayd, waxaan hadda kuu arkaa nin aan waxba ii qabanaynin ee
ooyeyaa, barooratayaa, balanbalayaa, in aad garab I siiso marna meesha ha
soo dhigan”. Fu’aad “ waar habaryartani wey qaylo badantee innaga kexeeya
hadday diidana xidhaba”. Ilhaan ayaa iyadoo la sii riixayo oo qaylinaysa
tidhi “raggii intaad ka cabsateen ayaad dumarka ku soo noqoteen, duruucdii
ayuunbaa kolka idiin hadhay ee qaata”. Sidii ayaa lagu qafaashay labadii
dumar ahaa kaddib markii ay diideen in guriga dhanna looga saaro.
Geelle iyo Fu’aad oo wada socda ayaa Bilis u tegey. isagoo jiifa ka soo
kacay ayey u tegeen oo kolba dhan u socda hooyadii ayuu guuxii mooday oo
wuu ku cararay, mise labadii nin ayaa ku soo baxay, muu filaynin, Fu’aad
baa yidhi “aaway baanistaadii iyo kaftankaagii ma aabbahaa ayuu raacay?”
Geelle ayaa isaga oo aanu Bilis wax jawaab ah bixin ka boobay oo yidhi
“muu raacine waa naf raaxo ku soo kortay oo daranyada iyo dhibta ay
noloshu leedahay ka tiiraanyeysan, marka in aan u waayo sheegno weeyi”.
Fu’aad “ waa runtaaye soddogayoow miskiinkani sida uu heer ku gaadhi lahaa
ma garanayo, haddii uu Ilhaan furo lacag ayuu ku heleyaaye” laba erey oo
maqalka bilis iskaga soo daba dhacay ayaa intay laab kiciyeen karkiisa
qarsanayaa, waa soddog iyo furitaankee wuxuu dhowrayaa waxa kale ee ka soo
baxa. Mabay dheeraanine odaygii Geelle ahaa ayaa mid kale oo tii uun daba
socota yidhi “waar dantaada raac oo iska fur maxay kuu taraysaa, berriba
mid kale ayaad guursaniye”. Bilis “doqonniimo noocyo badanaa markaad
gawaadhida wadataan, ee aad suuqyada dhex tamashleyneysaan waxa la idin
moodaa rag taliya oo laga dambeeyo, laakiin markaad sidan oo kale iila
hadlaysaan xoolaha waxba ma dhaantaan. Waxaanan garanaynin sida aydin
shaqadiinna u maareysaan illeyn dameer wuxuunbaa lagu raraaye wax qabo
lama yidhaaye”.
Labadii nin ayaa xanaaaq cirka u booday oo intay is hayn kari waayeen,
xaalladda iyo calool adaygii Bilisna samada galay ayaa yidhi “waxba ha na
soo fara geline mid keliya naga gunud, haddii aad diiday in aad inantaa
fasaxdo khasab ayaan kaaga dhigaynaa ee hadda annagay noo rahman yihiin
hooyadaa iyo afadaad jeclayd ba ee soo bad baadi”. Bilis oo hoos u leh
ayaa yidhi “hadday dad nool noolna rabaan inay iga dhacaan” wuu yara
fikiray oo waxay moodeen inuu wewerkii ugu weynaa caalamku ku habsaday
sidaasina ay guusha ku hanteen, waxaase aanay filaynin ayaa ka soo yeedhay
afka Bilis “laba nacas ayaad tihiin oo isku dhex qasmay, aniga ayaad ii
dan leedihiine maxaa dumarka idinku diray. Sidaad doontaan dhaha marley
aniga qiil uun bay ii noqonaysaa caddaymahayga inaad cadaawad igu beerteen
ahe”. Labadii ruux may sugin ee degdeg ayay u dhaqaajiyeen.
Habeennimadii oo idil Bilis muu seexan oo wuxuu ka fikirayey sidii uu u
soo furan lahaa hooyadii iyo afadiisaba oo uu uga badbaadi lahaa in uu
furo gabadha uu jecel yahay. Markii waagu gaduutay ayuu isku qaaday ilaa
iyo xaggii ay ku xidhnaayeen. Sidii uu u lalayey ayuu gurigii galay
daymadii ugu horreysayba wuxuu arkay hooyadii oo xidhan ku carar ayuu is
yidhi mise waa Fu’aad ayaa ku yidhi, “a, aa, ha halaagin naftaada”
midigtuu eegayba wuxuu arkay Ilhaan ruqaansigii kowaadba soddogiisii
cadaawadda u qaaday ayaa yidhi “ laba dumara dhexdooda ha ku dhimanin”
mindi ayaa hooyadii lagu qabtay “aaa” wey qayliday Bilis baa yidhi
“anigaad ii dan leedahaye kaalay I gawracac haddaad doonto oo iyada iska
sii daa”. Geelle “sheekada iska daayo gabadha ii fur, dabeeto hooyadaa iyo
lacagba si dhib yar ayaad ku heleysaaye”. Bilis Haddii aad cadkayga
googooyso, oo aad nafta silic igaga saartaan in aan marnaba yeellaa waa
habeenkii xalay ahaa”. Fu’aad “haddii aad haddaba diyaar u tahay in aad
daawato dhiigga hooyadaa oo qubanaya ku soo dhowow”. Dabeeto mindidii ayuu
ku saray. Geelle ayaa yidhi” dhimashada hooyadaa haddii aanad rabin
furista ogolow”. Ilhaan “Aabbo maxaad ii dhibaysaa ee aad ninkayga iiga
furaysaa”. Geelle Su’aal xumi jawaab ma laha”.
La soco. Top
ODHAAHDA
AKHRISTAH: Ma garbaa in dhagar qabe la qabtay kuwa aan ogayni u
doodaan? |
Anigoo ah Abdi kariim Barkhadle C/kariim oo
jooga dalka Maraykanka kuna dhashay galbeedka Boorama, kana baxay iskuulka
Camuud Sanadkii 1956kii, shaqadii ugu horaysayna ka qabtay DNR Somaliland
magaalada Hargaysa 1957kii. Waxaan aad ula yaabay bayaankii ay soo saareen
xildhibaano iyo odayaal beesha Warsangali, kaas oo ay ku soo qoreen
Wargayska Jamhuuriya Cadadkii 2086 ee soobaxay Axad 17,august 2003.
Hadaba aniga oo ah aabaha Wiilka la dilay oo uu dilay dhagarqabaha beesha
Warsangali ee lagu xidhay Hargeysa ayaa waxaan halkan ugu cadaynayaa
dhamaan dadweynaha iyo Mas’uuliyiinta reer Somaliland sida runtu tahay.
Dhagar qabuhu wuxuu inankayga dilay June 20,2002 isagoon ku dilay Memphis,
Tennesee, dalka Maraykanka.
Isla markaa beeshayda iyo beesha Warsangali wax heshiisa ama mag ah oo
lakala qaatay ma jirto warka odayaashu sheegeen waxba kama jiraan, waliba
qoyskii dulmanaa ayey meel ka dhac kale oo labaad ku tahay.
Waxaan qoys ahaan iyo dawlada maraykankuba ka codsanaynay iyo dawlado
badan oo geeska Afrika ku yaalba in dhagar qabaha la qabto iyadoo
sawiradiisa la dhigay meel kasta. Dawlada Somalilandna waxay ka mid ahayd
meelaha dhagar-qabaha aad loogu tuhmayay, iyadoo Dawladda Somaliland
fulinayso sharciga Islaamka iyo ka adduunkaba (International community)
ayay qabatay dhagar-qabihii, iyadoo ka ilaalinaysa dalkeedu inuu noqdo
meel ay ku dhuuntaan dhagar-qabayaashu (Save heaven for criminals).
Haddaba markaan ogaanay in dhagar-qabihii la hayo, waxan qoys ahaan iyo
Dawladda Maraykankuba ka codsanay Dawladda Somaliland in ay hayaan
dhagar-qabaha.
Beesha Samaroon iyo gaar ahaan xidhiidhka abtinimo ee Madaxweynaha lagu
xidhiidhinayo waxba kama jiraan ee waa fulin sharci lagu fulinayo nin
dhagar-qabe ah. Shareecadeena Islaamkuna waxa ay dhigaysaa in ninkii
dhagar-qabe ah lagu qabto meel kasta oo uu joogo.
Markay taariikhdu ahayd 5-tii August, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland,
waxaan u soo dirnay inaan wax heshiis ah oo annaga iyo beesha Warsangeli
na dhexmaray aanu jirin.
Beesha Warsangeli ee ka kooban Xildhibaannada, Odayaasha iyo aqoonyahanada,
waxaan leeyahay halka lagu heshiiyay soo caddeeya Illaahayna ka baqa oo
been-abuurka iska daaya, dhagar-qabaha oo beeshiina ah ha ku toobad
seegina.
Ugu dambayn, waxaan ugaga mahad-celinayaa Dawladda Somaliland sida
xilkasnimada ah ee Sharcigana waafaqsan ee ay arrintan u wado.
Cabdikariim Barkhadle Cabdikariim (Marxuumkii la dilay Aabihiis).
Atlanta, Georgia, USA. Top
Meel Libaax ka
kacay atoor Fadhfadhiisay |
Waxa naga yaabiyey maqaalada been abuurka ah
ee isdaba jooga ah kuwaasoo lagu faafiyo Wargeyska Jamhuuriya, kuwaasoo
dadka lagu khaldo lagana dhigo in laga soo qoray dalal kala duwan sida
Canada, Norway,,Netherland,IWM. Maqaaladaasi waxay wataan magacyo qorayaal
aan jirin , waxaana lagu af-lagaadeeyaa Mudane Qaybe oo ah gudoomiyaha
Golaha Wakiilada.
Maqaaladaas nuxurkoodu waxa uu isugu biyo shubanayaa Gudoomiye Qaybe
Somaliland Ma aaminsana, taa oo aanay waxba ka jirin.mudane qaybe wuxuu
diidan yahay oo kaliya anshax xumada wargeyska Jamhuuriya oo aanu u aragno
inuu qabyaaladaysan yahay ,wargeyskaasi oo ay qoraan wiilal mihnada
Saxaafada aan waxba ka aqoonin, oo caadana ka dhigtay inay madaxda dalka
ee aan beeshooda ka soo jeedin inay ka fidiyaan beeno iyo aflagaadooyin.
Sida runta ah waxaa la odhan karaa Jamhuuriya kama dambayn Marxuumkii
Maxamuud Cabdi Shide (Alla ha u naxariistee), Soomaaliduna waxay ku
maahmaahdaa meel aar ka kacay atoor Fadhfadhiisay.
Mudane Qaybe laguma cabsiin karo Somaliland ayuu ka soo horjeedaa iyo
wakhtiyo hore oo uu mucaarad ahaa ayuu qori jiray hadalo uu Somaliland
kaga soo horjeedo. Soomaalidu waxay tidhaahdaa War la qabaa xiiso ma leh.
Mudane Qaybe dan iyo muraad toona kama laha wararka been abuurka ah ee
Wargeyska Jamhuuriya ku mashquulsan yahay inuu ka faafiyo.
Dadku ma ilawsana been abuurkii aanu jamhuuriya geed ugu soo gaban ee uu
27/05/2003 ka sameeyey Wargeyska lagu maga caabo LA FIGARO ee Paris ka soo
baxa, si badheedha ahna Tifaftiraha Jamhuuriya isugu dayey inuu wax ugu
dhimo sumcada Gudoomiye Qaybe arrimakaasi oo dacwadiisu hortaalo
Xeer-ilaaliyaha Guud. Markaa waxay isweydiintu tahay ragaasi ma yihiin
xilkas lagu aamini karo wixii jira inay runta ka sheegaan, beentana ka
fogaadaan?
Mudane: Cabdirasaaq Warsame Xayir.
Mudane Cali Ismaaciil Jaamac.
Mudane: C/Qaadir M. Xasan.
Mudane: Cismaan Xuseen Xasan.
Mudane: Maxamed Axmed Maxamed.
Top
|