Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 478 Dec.7, 2003

Ardayda Jaamacada Hargeysa Oo Doortay Gudi Cusub

Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Madax UNDP Ah Oo Mandheera Tababar Ugu Xidhay Dhalinyaro Wiilal Iyo Gabdho Ah Oo Bilayska Somaliland Ah

“Xoojinta Amniga Wajaale Ma Aha Arin Wax Loogu Dhimay Maamulka Gabilay,” Bayaan Odayaal Reer Wajaale Ah

Muj. Xuseen Dheere Oo Aaskiisu Ka Dhacay Hargeysa

Badheedhaha Wargeyska: Sheekadu Ha Dhaafto Wareegto

Madaxtooyada Somaliland Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay C/Laahi Yuusuf Oo Degmooyin Somaliland Ah U Magacaabay Gobollo Maamulkiisa Hoos-Yimaadda

Sannadkii 2002 Shalay Oo Kale Maxaa Ka Dhacay Somaliland

“Waxaanu Kalsoonidii Garaadnimo Kala Noqonay Garaad Cabdi Qani”

Colaadii Suudaan Oo Qarka U Saaran Inay Soo Af-Jaranto

Qaramada Midoobay Oo Dalbaday Baadhista Caruur Ay Ciidamada Maraykanku Ku Laayeen K/ Afqaanistaan

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Gar Waa Loo Islaam

“Mas’uuliyiinta Qaranka Waxaanu Uga Mahadnaqaynaa Talaabada Horumarka Leh Ee Ay Gaadhsiiyeen Wajaale”

Aqoonsigu Waxa Uu Ku Jiraa Gacanta Reer Somaliland

CILMIGA IYO TIKNOOLOJIGA: Barashada Kumbuyuutarka

AF JINACLEY: Sheeko – Waxa Qoray; A. A. Garas, waxana Tifaftiray; A. Ducaale
Q: 8aad


 


Ardayda Jaamacada Hargeysa Oo Doortay Gudi Cusub

Hargeysa (Haatuf) – Ardayda wax ka barata Jaamacadda Hargeysa ayaa shalay dooratay Guddi cusub oo ka shaqayn doona hogaaminta iyo hawlaha ardayda Jaamacadda, kuwaas ka kooban Guddoomiye, Guddoomiye xigeen, Xoghayn iyo xubno kale oo fulineed.

Masuuliyiinta Jaamacadda iyo ardayda ayaa ka qayb galay kulan si weyn loo abaabulay oo maalintii doraad ay ardayda Jaamacaddu ku qabteen Hoolka kulamada ee Xarunta Jaamacadda, waxaanay xubnihii ardayda ee u sharaxnaa jagooyinkaasi oo ka koobnaa 23 arday munaasibadaa ka sheegeen ujeedada laga leeyahay inay ardaydu doortaan guddi hogaamineed oo ka shaqeeya arimaha ardayd iyo guddoomiye, guddoomiye ku xigeen iyo xubno Guddi fulineed, iyadoo ay hawshaa Doorashada Ardayda ay maamulayeen guddi ka mid ah ardayda Jaamacadda oo ka kooban 7 xubnood. Waxayna ardaydu sidaa ku doorteen guddi fulineed iyo guddoomiyaha ardayda Jaamacadda oo ah Xaashi C/laahi Xasan, Gudoomiye-xigeenna C/raxmaan Aadan Shire, Xoghaye Maxamed Daahir Xasan. Waxa kale oo ay ardayda Jaamacaddu doorteen xubno Gudi fulineed ah , kuwaas oo maamuli doona hawlaha iyo adeega ardayda Jaamacadda.

Waxayna Magacyada xubnaha Gudida ah ee la doortay yihiin sidan:

Xubnah guddiga fulinta:

Sucaad Cismaan Nuur
Faadumo Maxamed
Maxamed Caynab C/laahi
Nuura Aadan Ismaaciil
Mawliid Cismaan C/laahi
Maxamed Cabdi Aadan
Xamse Maxamed Khayre
Maxamud Axmed Ismaaciil
Maxamed Cabdi Gurxan

Xubnaha guddiga dhaqaalaha:

Muuse C/raxmaan
C/nuur Xasan Axmed
Maxamed Cali Cumar.

Top


Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Madax UNDP Ah Oo Mandheera Tababar Ugu Xidhay Dhalinyaro Wiilal Iyo Gabdho Ah Oo Bilayska Somaliland Ah

Hargeysa (Haatuf) – Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wefti ka socday Hay’adaha UN xafiiskeeda ay ku leedahay Nairobi iyo UNDP xafiiskeeda Nayroobi iyo Hargeysa, ayaa shalay ka qayb-galay munaasibad tababar loogu xidhayay 130 askari oo ka tirsan ciidanka Bileyska Somaliland, kuwaas oo dhammaystay tababar Lix bilood ah oo ay ku qaateen dugsiga tababarka ee Mandheera, dufcaddan oo ahayd tii sagaallaad ee ka baxday dugsiga tababarka ee Mandheera, isla markaana ahayd dufcadii ugu horeysay ee ay ku jiraan dumar.

Madaxweyne ku-xigeenka oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo weftigani waxay shalay duhurkii ka baxeen magaalada Hargeysa, si ay uga qayb-galaan munaasibaddan lagu xidhayay tababarka bileyska, weriyeyaal ka tirsan Haatuf oo la socday weftigaas ayaa warbixin ka diyaariyay munaasibaddaas iyo waxyaabihii ay ku soo arkeen halkaas, waxayna warbixintoodaas ku bilaabeen sidan:

“Abaaro 1:30 duhurnimo ayay magaalada Hargeysa ka ambabaxeen wefti ballaadhan oo ka koobnaa Xukuumadda Somalialnd oo uu hogaaminayeen Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Yuusuf Yaasin, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Ismaaciil Aadan Cismaan, Wasiirka Cadaaladda Axmed Xasan Cali (Casoowe), Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Dr. Idiris, Taliyaha ciidanka Bileyska Somaliland, Maxamed Cige Cilmi iyo wefti ka kooban Hay’addaha UN iyo UNDP xafiisyadooda Nairobi iyo Hargeysa oo uu hogaaminayay Mr. Maxwell Gerylard oo ah Madaxa hay’adda UNDP Somaliland/Somalia, Mr. Joe Gordon oo ah Sarkaal hay’adda Qaramada midoobay xafiiskeeda Nairobi u qaabilsan dhinaca ammaanka, Gary Jones oo ah Xidhiidhayaha ururrada Caalamiga ah iyo Hay’adda Gargaarka ee Qaramada Midoobay, Mr. Sidi Zahabi oo ah Sarkaalka u qaabilsan Sharciga iyo Cadaaladda ee hay’adda UNDP, Faadumo Siciid oo ka mid ah Saraakiisha UNDP xafiiskeeda Hargeysa, iyo Saraakiil iyo hawl-wadeeno ka tirsan UN iyo UNDP.

Weftigaas oo u sii jeeday dhinaca magaalada Mandheera, si ay uga qayb-galaan munaasibadda tababarka loogu xidhayay 130 askari oo isugu jira gabdho iyo wiilal, laakiin intii wadada sii soconay waxaanu kulanay roobab isdaba joog ah, inkastoo ay meelaha qaar aanu roobku ka di’in, balse waxay weftigu la kulmeen markii ay dhinaca magaalada Mandheera u leexdeen roob si weyn u maasheeyay deegaankaas, kaas oo keenay in munaasibadii qaabkii loogu talo-galay ee qorshaysnaa suurto-gelin waayay, taasina ay keentay in la soo koobo waxyaabo badan oo qorshuhu ahaa in la sameeyo, balse markii galnay deyrka weyn ee dugsiga tababarka iyadoo weli roobku ka dayo deegaanadaas, waxa si degdeg ah ay Madaxdii tababarka ee dugsigu siidhiga ugu dhufteen askartii tababarka dhamaysatay oo wakhtigaa ka horba diyaar ahaa, laakiin uu mashquuliyay roobka ka da’ayay goobtaas, isla markaana ay taasi keentay in ay ka jirsadaan roobka qolal dugsiga ku yaalla.
Askarta ayaa markiiba markii ay siidhiga maqleen ku soo xaadiray miidaanka weyn ee dugsiga dhexdiisa, iyagoo ku lebisan direys cusub, sitayn qalabkii tababarka, waxaanay masuuliyiinta dugsigu gaardis gaada-ka-ciyaar ah ku mariyaan askarta miidaanka dugsiga, halkaas oo ay Salaan sharaf ku siiyeen Madaxweyne Ku-xigeenka.

Inkastoo masuuliyiinta iyo Madaxdii kale ee halkaa ku sugnayd uu dusha roob ka hayay, haddana waxa dareenkooda soo jiitay muuqaalka askartaa tababarka loo xidhayay, iyadoo si gaar ah u eegayeen muuqaalka kooxda dumarka ah ee markii ugu horeysay Somaliland loo tababaro ciidanka Bileyska, kuwaas oo muujiyay kaalinta ay ka qaadan karaan haweenku dhinaca Bileyska iyo amniga wadankooda.

Kadib markii ay ciidamadaasi salaanta siiyeen Madaxweyne Ku-xigeenka, waxay weftigii iyo ciidankiiba u dhaqaaqeen barxad loo qorsheeyay in loogu khudbadeeyo askarta tababarka dhammaysatay, taas oo hore loogu qorsheeyay in lagu qabto xafladda, balse roobkii da’ayay uu qooyay kuraastii, keenayna in hawshii la dedejiyo, waxaana halkaa ugu horeyn ka hadlay Taliyaha ciidanka Somaliland, Maxamed Cige Cilmi oo ka waramay taariikhda dugsigan tababarka Maandheera, iyo sida uu ku bilaabmay, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay inuu bileyska tababarkan qaatay ay u shaqeeyaan ummadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Ismaaciil Aadan Cismaan, ayaa Bileyska tababarku u xidhmay ku guubaabiyay in wixii la baray ay dadka ku dhaqaan oo ku shaqeeyaan, wuxuuna yidhi: “Waxa Madaxweyne Ku-xigeenku roobabkaas socda iyo hawlihiisii uu idiinku soo xidhay, waxa weeye inuu ciidanka Bileyska dhiiri-geliyo, si ay u sugaan nabadgelyada, waayo; waad garan kartaan askari yar oo bileys ah oo tababar loo xidhayo, may ahayn inuu Madaxweyne ku-xigeen u yimaado, wasiir u yimaado, ninkii hay’adda UNDP u sareeyey ee Maxwell u yimaado, waxaas oo dhammise waa dhiiri-gelin lagu dhiiri-gelinayo ciidanka Bileyska Jamhuuriyadda Somaliland, waana inaad taa aqoonsanaataan oo aad ku shaqaysaan.”

Wasiirku waxa uu ku soo dhaweeyay, Madaxweyne Ku-xigeenka oo khudbad kooban halkaa uga jeediyay ciidanka Bileyska, waxaanu ku bilaabay khudbadiisa: “Maanta waa maalin weyn oo aynu u dabaal-degayno, una xidhayno dufcad ka qallin-jebisay tababarkii Dugsiga Mandheera.

Haddaba dufcaddani waxay ka duwan tahay kuwii hore, waxay isugu jirtaa lab iyo dhedig, waxaan u arkaa inay qaab-dhismeedka Bileyska wax weyn ka tari doonto, waana arrin loo baahnaa in maamulka xafiisyada Bileyska ay gacanta ku dhigaan dhedig loo tababaray qaabkii ay ugu shaqayn lahaayeen hab u socodka shaqo eek u aaddan Xafiisyada Bileyska, waxaanan ku rajo weynahay inay dhawaan gacanta ku wada dhigi doonaan.

Casrigan aynu joogno, maamul xafiis oo dhan haween ayaa looga tegay, raggii wuxuu u bannaan baxay shaqadii gacanta. Inaguna haddii aynu nahay raggii Somaliland la rabay in ay horumar gaadhsiiyaan aynu ka kacno fadhiga iyo jaadka aynu dul fadhino, waaba la yaaboo maanta kii reer miyiga ahaa ayaa ugu jaad cun badan, waxaan uga jeedaa waa khasaare ku imanaaya raggii dhaqaayey laf-dhabartii dhaqaalaheena. Haddii aan u soo noqdo tababarkan aan maanta xidhayno, waxa laydiin tababaray waxa weeyi in shaqadiina iyo akhlaaqdiinuba ka dhuwanaato bulshada inta kale oo idinku u jeexdaan dariiqa toosan, waa in aad la tagtaan Asluub iyo akhlaaqiyaad fiican ood bulshada ku hanataan.
Qofka Bileyska ahi maaha shaqadiisu inuu wuxuun xidho, waa inuu ahaadaa “Qudwatun Xasana” waa kii lagu dayanayay ee u horseedi lahaa bulshada dariiqa toosan. Bileysku waa inuu saaxiibkiisu noqdaa ninka shacbiga ah, si ay shaqadiisu ugu fududaato, si uu wax walba degdeg ugu ogaado. Bileys aan shicibkiisu aaminsanayn Bileys maaha. Bileyska daydayga ahina wuxuu kharibaa sumcadda inta kale, waxaana waajiba in aydun iska qabataan.

Shacbiga Somaliland waxaan u soo jeedinayaa kuna boorinayaa macnaha Bileys waa nabad ilaaliye, haddii nabadda la ilaalin waayo, nabadi jiri mayso, wanaagna jiri maayo, adduunweynaha Bileyskiisu waa shacbigiisa, haddii moogtihiin maantaba ogaada.

Waxaan u sheegayaa weftiga ka yimid New York Office ee ka socda Hay’adda UNDP in hawl-wadeenada halkan imika idin la jooga aan ku ammaanayo sida hagar la’aanta ah ee ay u fuliyeen shaqadii hay’adda, weliba waxaan u taabanayaa Mr. Maxwell Gerylard iyo Sidi Zahabi iyo Faadumo Siciid iyo hawl-wadeenada hay’adda UNDP shaqada fiican ee ay ka wadaan Somalialnd, sii qalabaynta tababarka, dayactirka goobaha Bileyska, Maxkamadda, Jeelasha iyo Wasaarada Cadaaladda, waanay ku mahadsan yihiin.

Haddaba, maanta oo aad isku dhan tihiin, waxaan doonayaa hawshan aad waddaan eek u aadan tababarka iskuulka Mandheera in la kordhiyo muddadiisa, lana furo (Police Academy) [Kuliyadda Bileyska] oo leh qaybo kala duwan, in la furo qaybo kale oo ay ka mid tahay qaybta wax lagu baro baadhayaasha (Police Investigators), qaybta lagu tababaro madaxda cusub ee Bileyska (Police Officers). Waxa jira inamo badan oo soo dhammaystay Secondary School oo haddii loo tababaro qaybtaas aanay ku qaadanayn muddo dheer ee ay ku qaadanayso ilaa saddex sannadood, taasina waxay wax ka tari doontaa tayada Bileyska, Cadaaladduna waxay ka bilaabantaa waa baadhayaasha, hadday gunta ka xumaato mada kama hagaagto.

Halkan aynu maanta fadhino waa halkii ay ku caano-maashay Somaliland, ma garanayo Bileyskii hore nimaan soo marin, waxaan ku rajo weynahay inaad sidiisii hore ku celisaan.”

Intaa kadib, Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu Shahaadooyin iyo abaalmarin gudoonsiiyay 6-dii askari ee ugu wanaagsanaa askarta tababarka loo xidhay, kuwaas oo ka koobnaa 4 hablood iyo 2 wiil, waxaanay abaalmarinta la gudoonsiiyay ka koobnayd dirays dhammaystiran iyo diploma, waxaanay saraakiishu sheegeen in ciidanka inta kalena lagu siin-doono shahaadooyinka magaalada Hargeysa, waxaanay 6-da askari ee abaalmarinta iyo shahaadooyinka la gudoonsiiyay kala ahaayeen:

Faysa C/laahi Cumar, Xuseen Cabdi Caateeye, Layla Axmed Cawaale, Sahra Axmed Maxamed, Nimco Maxamed Maxamuud iyo Maxamuud Maxamed Axmed.

Sidoo kale, waxa uu Madaxweyne Ku-xigeenku hadyaddo gudoonsiiyay Mr. Maxwell Gerdlard, Sidi Zahabi iyo Thomas Zobel oo ah Sarkaal ka tirsan UNDP oo tababarka Difaaca siinayay askarta tababarka ugu jirtay dugsiga Mandheera.

Intii munaasibaddan la joogay, waxa iyana si gaar ah uga dhex muuqday ciidanka bileyska koox ka mid ah oo ku gaashaaman qalabka difaaca ee lagaga hortago mudaharaadada, taas oo muujinaysay in ay qaateen duruus ka mid ah kuwa lagu kala kexeeyo dadka rabshadaha isugu soo baxa, waxayna askartaasi ku gaashaanaayeen qalab ka samaysan caag difaac u ah dhagaxaanta iyo waxyaabaha ay dadku tuuraan marka rabshaduhu dhacaan, isla markaana waxay siteen budhadh iyo koofiyado loogu talo-galay inay kaga hortagaan mudaharaadada rabshadaha wata.
Geba-gebadii munaasibaddaa, waxay Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Wasiirka Arrimaha Guduhu xogwarran kooban oo ku saabsan xaaladda nabadgelyada siiyeen masuuliyiinta ka socotay hay’adda qaramada midoobay UN iyo UNDP, iyadoo uu Madaxweyne ku xigeenku u sheegay in aanay wax qaban karayn haddii aanay wax ka qaban arrimaha nabadgelyada, isla markaana ay u baahan yihiin in Somaliland laga caawiyo tababarka Baadhayaasha dambiyada iyo gebi ahaan bileyska.

Weftigu waxay ka soo amba-baxeen Dugsiga Tababarka Mandheera abaaro 4:00 galabnimo, iyadoo uu weli halkaa ka da’ayo roobku, isla markaana aanu roobku tan iyo intii ay jidka ku soo jireen aanu marnaba kala qaadin.”

Dhinaca kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa shalay ka hor intii aanay u amba-bixin Dugsiga Tababarka Mandheera waxa uu xadhigga ka jiray qayb cusub oo lagu kordhiyay Jaamacadda Hargeysa “Faculty of Law and Legal Clinic”, taas oo ah mid lagu baranaayo Sharciga, isla markaana noqonaysa laan u adeegta dadka danyarta ah iyo taagta darran ee aan awood u lahayn in ay sharciyan naftooda ku difaacaan.

Xaflad loogu talo-galay furitaanka laanta cusub ee lagu soo kordhiyay Jaamacadda Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin; Wasiirka Cadaaladda, Axmed Xasan Cali; Wasiirka Qorshaynta; Axmed Xaaji Daahir, Madaxa Hay’adda UNDP ee Somaliland iyo Soomaaliya, Maxwell Gerylard, Madaxa UNDP ee Qaybta Sharciga iyo Cadaaladda ee Xafiiska UNDP Hargeysa, Sidi Zahabi, Faadumo Siciid oo ah Sarkaalad ka tirsan Hay’adda UNDP, xubno kale oo wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, Masuuliyiinta Jaamacadda Hargeysa iyo Marti sharaf kale.

Ugu horeyn, waxaa halkaa hadal kooban ka jeediyay Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, Cabdi Haybe, wuxuuna mahadnaq u jeediyay hay’adda UNDP sida ay uga qayb-qaateen laantan cusub ee lagu soo kordhiyay Jaamacadda Hargeysa, taas oo uu sheegay in baahi weyn loo qabay.

Wasiirka Cadaaladda, Axmed Xasan Cali (Casoowe), oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay wasaarad ahaan iyo xukuumad ahaanba diyaar u yihiin sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta sharciga iyo garsoorka, wuxuuna wasiirku sheegay in wakhtiganba ay jirto baahi dhinaca garsoorka ah, isla markaana wuxuu ballanqaaday inay dhiiri-gelinayaan ardayda ka soo baxda Laantan sharciga oo ay la shaqayn doonaan garsoorayaasha iyo Garyaqaanadaba.

Wasiirku wuxuu u mahad celiyay masuuliyiinta hay’adda UNDP ee hawshan fuliyay, wuxuuna si gaar ah ugu mahadnaqay Maxwell Gerylard oo ah Madaxa UNDP ee Somaliland iyo Soomaaliya, Sidi Zahabi iyo Faadumo Siciid oo kaalin weyn ka qaatay hawshan.

Sidi Zahabi oo ah Madaxa qaybta Sharciga iyo Cadaaladda ee hay’adda UNDP Hargeysa, oo munaasibaddaa ka hadlay ayaa sheegay in ay iskaashi la sameeyeen wasaaradda Cadaaladda, taasina ay suuro-gelisay inay fulliyaan laanta cusub ee “Faculty of Law and Legal Clinic” ee lagu kordhiyay Jaamacadda Hargeysa, kadib markii ay ogaadeen baahida loo qabo laantan, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi: “Waxaa nasiib-wanaag ah oo aan ogaaday in Madaxweyne Ku-xigeenku ka mid ahaa dadkii keenay fikraddan, waxaanan anigoo aan ogolaansho ka haysan jaamacadda aan ka codsan lahaa Madaxweyne Ku-xigeenka inuu Gudoomiye ka noqdo laantan “Faculty of Law and Legal Clinic”, sababta oo ah waxay u baahan tahay caawimada Madaxweyne-xigeenka iyo xukuumaddaba.”
Mr. Sidi, waxa uu sheegay in ay ujeedada qaybtani tahay in lagu difaaco dadka jilicsan ee aan waxba haysan iyo kuwa doonaya in ay wax fahmaan, kuwaas oo marka ay taas helaan ay suura-gal tahay in ay helaan Garyaqaano, balse haddii ay waayaan ay noloshu ku adkaanayso, isla markaana waxa uu sheegay in ay dadkaasi noqon doonaan kuwo booqda saldhigyada ay ku xidhan yihiin dadka, si ay u ogaadaan xaaladooda xuquuqeed iyo waxa ay u xidhan yihiin, wuxuuna intaa ku daray inuu ku rajo weyn yahay in ay saddex bilood kadib ay qaybtan Jaamacadda Hargeysa noqon doonto mid dalka iyo dadkaba anfacda.

Mr. Sidi, waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in ay hawshan Madaxweyne Xigeenka, Wasiirka Cadaaladda, Xukuumadda Somaliland iyo Baarlamaankuba gacan ka geystaan sidii loo hir gelin lahaa qaybtan Sharciga iyo ilaalinta shuruucda, taas oo u adeegaysa dadka aan haysan awood ay isku difaacaan.

Madaxa Hay’adda UNDP ee Somaliland iyo Soomaaliya, Maxwell Gerylard, ayaa isaguna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay iskaashiga ay la yeesheen Jaamacadda Hargeysa, wuxuuna xusay inuu dedaal badan ka galay sidii loo hirgelin lahaa hawshan, taas oo uu sheegay in ay tahay mid ka mid ah rukumada dimuqraadiyadda.

Waxa kale oo iyaduna halkaa ka hadashay Marwo Foosiya Yuusuf X. Aadan oo ah Aasaasihii Jaamacadda Hargeysa, taas oo mahadnaq u jeedisay madaxda UNDP ee hawshan kaalinta weyn ka ciyaartay, isla markaana waxay sheegtay baahida loo qabo in horumar lagu sameeyo Jaamacadda Hargeysa iyo in ay xidhiidh la yeelato jaamacadaha adduunka iyo kuwa geeskaba.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa isaguna khudbad kooban oo halkaa ka jeediyay kaga hadlay sida fikradda laantani ay ku timi, iyo faa’iidada ay ummadda reer Somaliland u leedahay, wuxuuna khudbadda uu halkaa ka akhriyay oo qoraal ahayd u qornayd sidan: “Waxa Sharaf weyn ii ah aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca dawladda in aan maanta ka soo qayb-galo xafladda lagu maamuusyo in xadhiga lagaga jaro dhismaha Hay’adda UNDP ay dayac-tiray, looguna tala-galay Faculty-ga Sharciga iyo Clinic-ga ee Jaamacadda Hargeysa.

Haddii aan faculty-gaa sharciga ka hadlo, waxaan ka mid ahaa aniga iyo Prof. Maxamed Barkhad Miigane, Xildhibaanadii hormoodka ka ahaa in Faculty-gan Jaamacadda laga hirgeliyo. 16 Xildhibaan annaga oo ah ayaanu waxaanu ka codsanay hay’adda UNDP in ay furitaanka Faculty-gan naga bixiso ajuurada Jaamacadda laba sannadood, lacagtaas oo dhan $ 11, 750 USD, waxaan aad ugu mahadnaqayaa hay’adda UNDP in codsigayagii ay naga aqbalaan, jaamacadiina sidaas ayay ugu suurto-gashay in ay furaan Faculty-gaa.

Laba sannadood ka hor ayaa halkaa 16 Xildhibaan iyo shaqaale farabadan oo dawladda ah ay noqdeen difcaddii ugu horeysay ee Faculty-gaa gala aniguna waxaan ka mid ahaa difcadaas. Sababta xildhibaanadu arrintaasi u galeen waxay ahayd annaga oo garanay ahmiyadda ay u leedahay barashada Sharcigu xildhibaanada qaranka iyo guud ahaanba dadweynaha Somaliland.

Waxa kale oo aan uga mahadnaqayaa UNDP-da markii ay ku biirisay Faculty-gaa dhiska gaarka ah oo ay u dayactirtay iyo Legal Clinic-ga oo ahmiyad gaar ah u leh ardayda Sharciga baranaysa maadaama ay tahay qaybtii Practical-ka.

Waxa mar labaad sharaf ii ah in maanta xadhiga aan ka jaro dhismaha “Faculty of Law and Legal Clinic”.
Waxaan mar kale uga sii mahadnaqayaa in hay’adda UNDP kaalmada ay ka geysato baahida waxbarashada Jaamacadda Hargeysa, halkaana ay ka sii wado.”

Geba-gabadii Munaasibaddaas ayuu Madaxweyne Ku-xigeen Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasin, xadhiga ka jaray dhismaha loo dayac-tiray laantan lagu kordhiyay Jaamacadda Hargeysa, isla markaana waxay masuuliyiintu indhahooda ku soo arkayn dhismaha iyo qalabka loo qorsheeyay xafiisyada iyo fasallada laantan cusub ee “Faculty of Law and Legal Clinic”, iyadoo ay Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Masuuliyiinta Hay’adda UNDP subaxnimadii hore ku soo mareen meelo kale oo ka mid ah goobaha ay hay’adda UNDP dayac-tirka iyo qalabaynta ku samaysay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Saldhigga Dhexe Hargeysa oo dayac-tir lagu sameeyay iyo Saldhigga New Hargeysa oo dhisme cusub lagu kordhiyay, kaas oo noqon doona saldhigga labaad ee caasimadda ugu weyn.

Qaar badan oo ka tirsan Saraakiisha iyo Askarta bileyska Somaliland, ayaa taageerada ay hay’adda UNDP laba taagan tahay Bileyska ku tilmaamay mid yididiilo iyo mooral gelisay ciidanka Bileyska Somaliland.

Top


“Xoojinta Amniga Wajaale Ma Aha Arin Wax Loogu Dhimay Maamulka Gabilay,” Bayaan Odayaal Reer Wajaale Ah

Tog-wajaale (Haatuf): ilaa 34 qof oo isugu jira cuqaal, duqay iyo dhallinyaro reer Tog-wajaale ah ayaa shalay soo saaray baaq ay ku taageerayaan saldhigga cusub ee loo magacaabay rugtii bilayska Tog-wajaale, waxayna dadka baaqan soo saaray daba socdeen 16 xubnood oo ka tirsan golaha degaanka Gebilay oo doraad soo saaray bayaan ay kaga soo horjeedaan magacaabista saldhigga cusub ee bilayska Tog-wajaale, kuwaas oo ay bayaankooda ku tilmaameen mid qaldan. Laakiin bayaanka ay kooxdan reer Tog-wajaale soo saareen waxa uu u qornaa sidan:

“Anaga oo ah cuqaasha, culimo’udiinka, odayaasha iyo dhallinyarada beesha Tog-wajaale waxaanu baaqayagan ku taageeraynaa magacaabista saldhigga bilayska Tog-wajaale ee ay magacaabeen guddiga nabadgelyada dawladda Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha, Ismaaciil Cismaan Aadan, iyadoo ay guddigaasi dareemeen baahida nabadgelyo ee ka jirta magaalada Tog-wajaale, guddigaas oo ay dadweynaha reer Tog-wajaale mahad uga hayaan arinta ay sameeyeen. Isla markaana hadii aanu nahay dadweynaha reer Tog-wajaale anaga oo ka xun waxaanu wasiirka ka raali gelinaynaa aflagaadadii ka soo yeedhay 16-kii xubnood ee golaha degaanka Gebilay ka tirsanaa ee soo qoray bayaankii ku soo baxay wargeyska Haatuf, cadadkiisii soo baxay 7-dii Diisambar, bayaankaas oo ay nimankaasi u jeediyeen wasiirka arimaha gudaha waxa uu ahaa mid ka soo horjeeda xasiloonida iyo nabadgelyada guud ee Somaliland, isla markaana ay ku jebiyeen sharciyaddii wada shaqaynta ee golaha degaanka iyo maamulka dawladda hoose.

Xoojinta amniga Tog-wajaale la xoojiyey ma aha arin wax loogu dhimay maamulka Gebilay iyo mid lagu cambaareeyo toona masuuliyiinta qaranka.
Wasaaradda arimaha gudaha waxa loo igmaday ilaalinta nabadgelyada qaranka, Tog-wajaalena waxa uu ka mid yahay qaranka. Tog-wajaalena waa muraayaddii wadanka markaa nin diidan in la ilaaliyo hantida dadweynaha waa nin horumarkeeda diidan.

Ta kale xukuumadda hore ayaanu ugu sheegnay inaanu doonayno inay Tog-wajaale noqoto degmo, maantana ma jirto meel taa looga noqdaa ee waxaanu doonaynaa degmanimadii Tog-wajaale.

Ninka wasaaraddii ay dawladdu nabadgelyada u xil-saartay la shaqayn waayeyna Tog-wajaale lama shaqaynayo, maantana codkayagii ayaanu ciil-kaambiyeynaa”.

Magacyada bayaanka saxeexay:

Chief caaqil Xuseen Muxumad Boqorre
Chief caaqil Maxamed Muxumad Jabbane
Suldaan Maxamud Aadan Kaahin
Caaqil Maxamed Ismaaciil Cismaan
Caaqil Axmed Qallinle Ismaaciil
Caaqil Cumar Cabdi Geeddi
Caaqil Maxamed Aw-Yuusuf Ducaale
Muuse Xasan Shirdoon
Maxamed Aadan (Qoor-adag)
Ibraahin Cige Wayrax
Caaqil Axmed Jaamac Aadan
Caaqil Abiib Cabdi Dhimbiil
Caaqil Saleebaan Xasan Kooshin
Maxamud Cali Qayaad
Caaqil Maxamed Yuusuf Ducaale
Maxamed Cumar Suldaan
Muuse Cumar Gadhle
Nabadoon, Cabdi Cismaan (Qoole)
Cabdi Cismaan (Indho-yare)
Axmed Xuseen Kooshin
Aw-Jaamac Muumin
C/laahi Aw-Yuusuf Ibraahin
C/laahi Xaaji Cumar
Aadan Bede Jibriil
Xaashi Xuseen Qayaad
C/raxmaan Maxamed Nuur
Muuse Xasan Tukaale
Maxamed Ismaaciil (Cadaawe).
C/rashiid Xaaji C/laahi Caalin
Maxamed Iimaan (Sah-sahle)
Sh. Maxamed Ibraahin
Maxamed Aw-Cali Warfaa
Mataan Maxamed Aw-Aadan

Top


Muj. Xuseen Dheere Oo Aaskiisu Ka Dhacay Hargeysa

Hargeysa (Haatuf): Alla ha u naxariistee Muj: Xuseen Axmed Guuleed oo doraad ku geeriyooday shil baabuur ayaa shalay lagu aasay xabaalaha loo yaqaan xabaalaha qaranka ee magaalada Hargeysa, waxaana aaska marxuumka ka soo qayb dad aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin masuuliyiin sare oo dawladda ah, hogaamiyayaasha xisbiyada siyaasadda iyo rag tiro badan oo isugu jira hogaamiyayaashii iyo dagaalyahankii ururka SNM, iyadoo uu marxuum Xuseen Dheere ka mid ahaa hogaamiyayaashii milateri ee ururka SNM.

Wasiirka madaxtooyada, Nuux Axmed Ismaaciil oo ka wakiil ah madaxweynaha ayaa ka mid ahaa madaxdii ka soo qayb gashay aaskii marxuumka.

Waxa kale oo aaska ka soo qayb galay rag badan oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii ururka SNM, iminkana ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiyada siyaasadda, kuwaas oo dhamaantood qoyska, ehliyadda iyo asxaabta uu ka tegay marxuumku uga tacsiyadeeyey geerida ku timi, waxayna marxuumka illaahay uga baryayaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo, dadkiisan samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuumka waxa uu maalinimadii baabuur kula qalibmay meel u dhow magalada Berbera, halkaas oo uu u dhintay shilkaa baabuur.
Marxuumku waxa uu muddo dheer ka mid ahaa hogaayayaashii caanka ahaa ee ururka SNM, isla markaana waxa uu mar ahaa taliyaha ciidanka bileyska Somaliland.

Top


Badheedhaha Wargeyska: Sheekadu Ha Dhaafto Wareegto

Maamulka C/laahi Yuusuf dhawr maalmood ka hor ku dhawaaqay inuu magacaabay laba gobol oo cusub, wuxuuna labadaa gobol u kala aqoonsaday meesha la yidhaahdo Qardho oo hore u ahayd degmo ka tirsan gobolka la yidhaahdo bari ee Boosaaso xukunto. Sidoo kale degmada Badhan oo ka tirsan gobolka Sanaag ee bariga Somaliland ayuu iyana u aqoonsaday gobol cusub oo ka tirsan Puntland, isaga oo Badhan u bixiyey gobolka Haylaand.

Way jirtay marar dhawr ah oo ay meelo ka mid ah gobolada Sool iyo sanaag bari isku hirdiyeen ama iska hor-imaad gacan ka hadal ahi ku dhexmaray ciidamo kala taageersan labada maamul, laakiin iska hor-imaadkii ugu sanqadha kululaa waxa uu ahaa kii 7-dii Diisambar sannadkii 2002 ka dhacay magaalada Laascaanood, waqtigaas oo ay ciidamo ka soo duulay magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf weerar huwiyeen wefti dawladda Somaliland ah oo uu hogaaminayo madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ku sugnaa magaalada Laascaanood. Arintaasina waxay ahayd dhacdo sanqadheeda kor loo maqlay, isla markaana ay dadka mandaqadda ku dhaqani si weyn u soo jaleeceen, laakiin markii weerarku dhacay ka dib waxa keliya ee la sugayey waxay ahayd jawaabta ay dawladda Somaliland ka bixin doonto ammuurtaa, taasina ma ahayn mid ay sugayeen keliya dadka reer Somaliland ee waxay ahayd xataa mid ay sugayeen dadka ku dhaqan mandaqadda oo dhan oo ay ka mid yihiin dadka ku dhaqan Puntland laftoodu. Hase yeeshee jawaabta ay Somaliland ilaa hadda ma dhaafin jawaabo cambaarayn ah oo la isu daba-maray dawlad iyo mucaarad-ba.

Bilowgii markii uu C/laahi Yuusuf ku dhawaaqay maamul-goboleedka Puntland ee ay xaruntiisu tahay Garoowe waxa uu gobolada Sool iyo Sanaag ee bariga Somaliland ku tilmaamay inay yihiin gobollo ka tirsan maamul-goboleedkiisa, arintaasina waxay abuurtay murran soo jiitamay oo tan iyo mudadaa u dhexeeyey dawladda Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland, waxayna labada dhinac tan iyo waagaa atmosfeerka saxaafadda isu marinayeen dhambaallo ay qoloba qolada kale cambaaraynayso inay faro gelin ku waddo. Hase yeeshee bishii Oktoobar ee ina dhaaftay ayey mar kale ka soo yeedhay maamulka C/laahi Yuusuf inuu degmada Buuhoodle ee ka tirsan gobolka Togdheer u magacaabay gobol cusub oo la yidhaahdo Cayn, laakiin dawladda Somaliland oo arintaa ka jawaabaysa ayaa soo saartay dhambaal qoraal ah oo ay ku cambaaraynayso sheekada ka soo yeedhay maamulka C/laahi Yuusuf, taas oo ay masuuliyiinta dawladda Somaliland talaabada caynkaas ah ku tilmaameen faro gelin uu maamulka C/laahi Yuusuf ku samaynayo Somaliland, mase jirto talaabo wax ku ool ah oo hore loo sii qaaday.
4-tii bishan ayuu maamulka C/laahi Yuusuf mar kale ku dhawaaqay inuu gobol cusub u magacaabay degmada Badhan oo ka mid ah degmooyinka gobolka sanaag, iyadoo ay maamulayaasha C/laahi Yuusuf sheegeen inuu gobolkani tirada gobolada maamul-goboleedka Puntland ka dhigayo 8 gobol. Hase yeeshee war-saxaafadeed shalay ka soo baxay xafiiska madaxweyne Daahir Rayaale ayaa lagu cambaareeyey hadalka ka soo yeedhay maamulka C/laahi Yuusuf ee ah inay degmada Badhan u aqoonsadaan gobol maamulkooda hoos-yimaada, wuxuuna madaxweyne Rayaale arintaa ku tilmaamay faro gelin lagu samaynayo Somaliland, isla markaana ay xukuumadda Somaliland ay iska difaaci doonto ciddii ku soo xad-gudubta xuduudaha dhulkeeda.

Sida ay tibaaxayaan wararka ka imanaya dhinaca xarunta maamul-goboleedka Puntland gobolada iyo degmooyinka cusub ee uu maamulka C/laahi Yuusuf mudooyinkan magacaabayaa waxay qayb ka yihiin talaabooyinka loogu sii gogol-xaadhayo doorashooyin baarlamaanka Puntland ah oo ku talo galku yahay inay dhacaan horaanta sannadka 2004. Taas darteedna waxay wararku leeyihiin gobolada iyo degmooyinka cusub ee la magacaabayaa waa ammuur siyaasadeed oo qayb ka ah ololaha doorashada baarlamaanka, taas oo markii ay ragga siyaasadda Puntland ku jiraa ogaadeen inay doorashada caynkaas ahi soo dhowaatay uu nin waliba meel sii xaadh-xaadhanayo. Laakiin C/laahi Yuusuf iyo ragga la shaqeeya ee u ka soo jeeda degaamada Sool iyo sanaag bari waxa la sheegay inay taatigal weyn ugu jiraan sidii ay degaamadaa uga dhici lahaayeen doorashooyinka Puntland, iyadoo ay warar xog-ogaal ahi sheegeen inay raggaas iyo C/laahi Yuusuf si weyn heshiis ugu yihiin inaan waxba lagala hadhin sidii ay doorashooyinkaasi uga dhici lahaayeen degaamada bariga Somaliland, taas oo ay C/laahi Yuusuf iyo maamulayaashiisu uga dan leeyihiin in hadii ay taasi u suurta gasho ay ra’yul-caamka dunida ku qanciyaan inay degaamadaasi yihiin kuwo Puntland ka tirsan. Sidaa awgeed hadii ay arintu sidaa tahay waxa Somaliland looga fadhiyaa inay ka hortagaan, iyadoo ay arinta biyo-kama dhibcaanka ahi tahay in mushkiladda siyaasadeed ee bariga Somaliland lagu waajaho istaraatijiyad iyo badheedhe laga meeqaan gaadho. Laakiin arimaha hore u dhacay iyo kuwa la filayo inay soo kordhaan-ba waxay u eg tahay inaanay ku fillayn wareegto oo lagu qoro xaashi faraha la iska mariyo, waxaynuna leenahay sheekada wareegto hala dhaafiyo.

Top


Madaxtooyada Somaliland Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay C/Laahi Yuusuf Oo Degmooyin Somaliland Ah U Magacaabay Gobollo Maamulkiisa Hoos-Yimaadda

Hargeysa (Haatuf): “Xuduudda Somaliland ciddii hal taako ku soo xad-gudubta waxaanu ka qaadi doonaa talaabada ku haboon, iyaga ayaana ka masuul ah wixii arintaa ka yimaadda”, sidaa waxa yidhi madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, isaga oo ka jawaabaya war ka soo yeedhay maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf, kaas oo ahaa inay gobol cusub u magacaabeen degmada Badhan ee bariga gobolka Sanaag.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu afhayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris shalay soo saaray madaxweyne Rayaale isaga oo ka jawaabaya hadalka ka soo yeedhay maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf waxa uu cambaareeyey hadalka caynkaas ah, wuxuuna war-saxaafadeedku sheegay in hadii lagu soo xad-gudbo taako ka mid ah dhulka Somaliland ay dawladda Somaliland ka qaadi doonto talaabada ku haboon. Laakiin madaxweyne Rayaale waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Xukuumadda Somaliland cidna ugama habran doonto ilaalinta jiritaanka qaranimada Somaliland iyo difaaca xuduudaheeda caalamiga ah, cidii ku soo xad-gudubtaana iyadaa dusha ku qaadi doonta masuuliyadda wixii ka yimaadda”.

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu yidhi “Sheegashada C/laahi Yuusuf ee dhul ka mid ah Somaliland iyo borobagaandaha iyo fara gelinta uu ku hayo Somaliland waxa uu ku qarinayaa dhibaatooyinka ka haysta qoyskiisa iyo falalkiisa argagixisanimo ee uu ku caan baxay . Hase ahaatee dhulka Somaliland ma noqon doono meel uu qof sheegto, isla markaana wixii fara gelinta C/laahi Yuusuf ka yimaadda masuuliyadeeda isaga ayaa dusha u riddan doona”.

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo intaa ku daray oo uu yidhi “Xukuumadda Somaliland wax badan ayaa C/laahi Yuusuf uga dulqaadatay fara gelinta uu ku hayo gobolo ka mid ah Somaliland, iyadoo ay xukuumadda tix-gelinayso nabadgelyada dadka ay jiiraanka yihiin iyo inaanay C/laahi Yuusuf u suurta gelin fidnada iyo colaadda uu ka waddo gobolka, waxayse hadda u muuqataa inaanu C/laahi dan ka lahayn nabadgelyada dadkiisa iyo xasiloonida jiiraankiisa, sidaa awgeed waxaanu C/laahi Yuusuf uga digaynaa, caalamkana u caddaynaynaa inaanay xukuumadda Somaliland cidna uga habran doonin difaaca xuduudaheeda caalamiga ah, wixii hal taako ku soo xad-gud-bana ay talaabo ku haboon ka qaadi doonto, wixii arintaa ka yimaadana ay masuul ka noqon doonaan ciddii soo xad-gudubtay”.

Madaxweyne Rayaale ugu dambayn waxa uu shacbiga Somaliland ugu baaqay inay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda.

4-tii bishan aynu ku jirno ee Diisambar ayey xubnaha golaha wasiirada ee maamulka C/laahi Yuusuf fadhi la sheegay inay ku yeesheen xarunta maamulkaa ee Garoowe ka soo saareen go’aan sheegaya inay gobolo cusub ku kordhiyeen goboladii hore ee maamulkooda, iyaga oo yidhi “Bender-qaasim, Karkaar iyo Haylaand ayaa la ansixiyey in lagu kordhiyo gobolada Punland”, waxayna sheegeen inay degmada Qardho oo hore uga tirsanayd gobolka la yidhaahdo Bari (Boosaaso) ay hadda tahay gobol cusub oo magaciisa la yidhaahdo Karkaar, iyadoo gobolkii bari la odhan jiray loo qaybiyey laba qaybood, sidaa darteed degmada Boosaaso waxa iyana loo bixiyey gobol cusub oo la yidhaahdo Bender-qaasim. Sidoo kale maamulayaasha C/laahi Yuusuf waxa kale oo ay sheegeen inay magacaabeen gobol la yidhaahdo Haylaan oo ay ku tilmaameen inuu ka farcamay gobolka Sanaag, waxayna yidhaahdeen waxay magaalo-madaxdiisu noqonaysaa Badhan.

Sidoo kale maamulka C/laahi Yuusuf degmo ka mid ah Somaliland oo ah degmada Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer ayuu dhowaan ugu yeedhay gobol cusub oo la yidhaahdo Cayn. Sidaa darteed waxay maamulayaasha C/laahi Yuusuf sheegeen inay tirada goboladoodu hadda yihiin 8 gobol, laakiin 8-da gobol ee ay tirsanayaan afar ka mid ahi waa degaamo Somaliland ah.

Top


Sannadkii 2002 Shalay Oo Kale Maxaa Ka Dhacay Somaliland

Hargeysa (Haatuf): Maalinimadii shalay oo kale oo ahayd 7-dii Diisambar sannadkii 2002 waxa magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool booqasho ku tegay wefti balaadhan oo uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, laakiin madaxweyne Rayaale iyo weftigiisii oo magaaladaa galay goor barqo ah kuma ay nasan, ka dib markii ay iyaga oo salkaba dhulka dhigin weerar geliyeen ciidamo hubaysan oo ka soo duulay xarunta maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf ee Garoowe, waxaana halkaa iska hor-imaad ku dhex maray ciidamada ka soo dagaal tegay dhinaca Garoowe iyo ilaaladii weftiga madaxweyne Rayaale. Iska hor-imaadkaasina waxa uu sababay inay madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu si degdeg ah uga soo baxaan magaalada Laas-caanood, waxaana halkaa ku baaqatay booqasho uu madaxweyne Rayaale doonayey inuu muddo dhawr maalmood ah ku joogo gobolka Sool, wuxuuna dib ugu soo laabtay degmada Caynabo, isaga oo socdaalkiisii u weeciyey dhinaca gobolka Sanaag. Hase yeeshee madaxweyne Rayaale maalin ka dib markii uu ka soo laabtay Laas-caanood waxa uu hadal ka jeediyey magaalada Caynaba, wuxuuna sheegay inay talaabo ka qaadi doonaa weerarka kaga yimi dhinaca C/laahi Yuusuf, isaga oo marar dhawr ah oo uu ka hadlay meelo kala duwan ku cel-celiyey inay sugi doonaan xuduudaha dalka. Ta kale madaxweyne Rayaale markii uu Hargeysa ku soo noqday waxa uu amar ku bixiyey inay masuuliyiinta maamulka dawladda Somaliland oo fadhigoodu ahaa Laas-caanood dib ugu soo guuraan oo fadhiisin ka dhigtaan magaalada Caynaba si ku meel-gaadh ah.

Hase yeeshee weerarka ay ciidamada maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf ku qaadeen madaxweyne Rayaale iyo weftigiisa dadka reer Somaliland aad bay uga xumaadeen, waxayna ka muujiyeen dareen cadho leh, taas oo ay ururadii iyo kooxihii mucaaradka ee xiligaa jiray soo saareen dhawaaqyo ay ku cambaaraynayaan weerarkaa, Sidoo kale golayaasha baarlamaanka ayaa iyaguna soo saaray qaraaro kulkulul oo ay kaga jawaabayaan weerarka ay ciidamada C/laahi Yuusuf la beegsadeen madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa.

Laakiin maalintii madaxweyne Rayaale iyo weftigiisii lagu weeraray Laas-caanood oo ahayd 7-dii Diisambar 2002 sannad gaw ah ayaa laga joogaa, mana jirto mudadaas sannadka ah wax talaabo ah oo ay dawladdu ka qaaday qaddiyadda gobolka Sool, isla markaana maamulayaashii gobolka Sool ee la yidhi waxa ku meelgaadh f adhiisin ugu ahaanaysa Caynaba oo ay arimaha gobolka ka maamulayaan kuma ay xasilin Caynaba, sheekadooduna ma dhaafin socdaalo ay iyaga oo shakhsiyaad ah had-ba dhinaca u tuureeyaan wadada laamiga ah min Laas-caanood ilaa Hargeysa.

Top


“Waxaanu Kalsoonidii Garaadnimo Kala Noqonay Garaad Cabdi Qani”

Haddaanu nahay odayaasha beesha Baharsame, waxaanu ogoysiinaynaa dhamaan cidda ay warqadani sida tooska ah ugu socoto inaanu kala noqonay kalsoonidii uu beesha u hayey garaad C/qani Garaad Jaamac, laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay 03/12/03.
Jagadaasina way bannaanaanaysaa ilaa cidda u qalanta loo soo dooranayo.

Sababaha keenay kalsooni kala noqoshada, waxay tahay ka dib markii ay ummaddu gashay burbur iyo dawlad la’aan, loona baahnaa in Garaadku isu taago hawshiisa Isinimo, taas oo uu u leexday dhinaca siyaasadda, halkaasna waxa ka baxay hoggaankii beesha, beeshiina waxay keentay iska hor imaad iyo burbur taagan ah, waa dhinaca siyaasada’e soomaalidu waxay ku maahmaahdaa dhallaankii dushaada ogol baa la sidaa. Si kastaba ha noqotee markay beeshu dhinac kasta ka eegtay waxay go’aan ku gaadhay inay kalsoonidii kala noqoto garaadka.”
Cuqaasha iyo waxgaradka soo qoray baaqan

Chief Caaqil C/kariim Axmed Saleebaan
Chief Caaqil X-Maxamed X-Yuusuf
Chief Caaqil C/naasir Iidle Maxamed
Chief Caaqil X-Ciise Cabdi Sulub
Chief Caaqil Maxamed Cabdi Tarabi
Chief Caaqil Cali Xirsi Salaad
Oday Maxamuud Cabdi Maxamuud
Oday Yuusuf Jaamac Maxamed
Oday Maxamed Cawil Aadan
Oday Maxamed X-Axmed Cali
OdaySiciid Faarax Xirsi
Oday Bedel Xirsi Cali
Oday X-Maxamuud Xaashi Xasan
Oday Xasan Xaaji Ismaaciil
Oday Xasan Faarax Xarbi
Oday Cali Cumar Xirsi
Waxgarad Maxamed Cabdi Cali
Oday Maxamuud Axmed Aadan
Oday Cali Xasan Cismaan
Oday Xasan Cumar Mursal
Oday Cali Jaamac Dirir
Oday Muuse Sahal X-Cali
Oday Maxamuud Saleebaan Mursal
Oday Maxamuud Nuur Baaruud
Oday Ciise Maxamuud Aadan
Oday Maxamed X-Nuur
Oday Mataan Saleebaan Maxamuud
Oday Bashiir Axmed X-C/raxmaan
Oday Cumar Aadan Nuur
Oday Iidle Daroor Aadan
Oday Cabdi Dhalac Cabdi
Oday Yuusuf Xaaji Ibraahim
Oday Maxamed Axmed Cabdi
Oday Cabdi Axmed Cali
Oday Xasan C/kariim Duuble
Oday C/laahi Maxamed Ciise
Oday Cali Salaad Warsame Guure
Oday Maxamuud Aadan Warsame
Oday C/qani Axmed Warsame
Oday Cawil Xasan Ciid
Guddoomiye Maxamuud Xirsi Jaamac

Top


Colaadii Suudaan Oo Qarka U Saaran Inay Soo Af-Jaranto

Khartoum (W. Wararka) waxa rajo weyn laga qabaa in lasoo afjaro dagaalkii sokeeye ee mudada 20-ka sano ah ka socday dalka Suudaan dabayaaqada sanadkan.

Waxaanay tani ku soo beegantay iyadoo Wafdi ka socda mucaaradka ugu weyn ee Koofurta Sudan ay gaadheen caasimada Khartuum si wadahadal ula yeeshaan dawladda.

Booqashadanina waa mid ugu horeysay oo wafdi ka mid ah mucaaradku uu halkaa ku tago mudaddii labaatanka sanadood aheyd ee uu socoday dagaalka sokeeye.

Wafdigan oo ka kooban toban xubnood, waxay ka socodaan Jabhada Xoreynta shacabka Sudan ee SPLA, waxaana la filayaa inta ay booqashada ku joogaan Khartuum in ay la kulmaan saraakiil ka tirsan dawladda iyo hogaamiyeyaasha diinta.

Dawladda ayaa waxay sheegtay in booqashadani ay dhabaha u xaadho in Jabhada Xoreynta Sudan ay qeyb ka noqoto nidaamka siyaasadeed ee Sudan.

Wariyayaasha ayaa sheegaya in booqashadani laga yaabo in ay sii xoojiso wadahadalada nabadda ee labada dhinac hadda uga socda dalka dariska ah ee Kenya.

Waxay labada dhinac isla gaadheen bishii Sebtember ee sanadkan heshiis xagga amaanka ah, waxayna sheegeen in ay ku rajo weyn yihiin isla saxeexaan heshiis kama danbeys ah sanadkan dabayaaqadiisa.

Top


Qaramada Midoobay Oo Dalbaday Baadhista Caruur Ay Ciidamada Maraykanku Ku Laayeen K/ Afqaanistaan

Kabul (W.Wararka) Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in baadhitaan lagu sameeyo dhimashada caruur gaadhaysa 10 oo ay ciidamada Maraykanku ku dileen Koonfurta Afqaanistaan.

Mareykanku waxay xaqiijiyeen in toban qof oo ay ku jiraan sagaal carruur ah lagu dilay weerar ciidamo ay hoggaaminayeen ay ku qaadeen xagga koofureed ee dalka Afqaanistaan.

Afhayeen u hadlay milatariga Mareykanka, Gaashaanle Christopher West, ayaa sheegay in taliyeyaasha amray weerarku ay ku shaqeynayeen war sir ah oo ay ka heleen dhinaca mintidiinta. Mr West waxa uu sheegay in milatariga Mareykanku ay weerareen dadka dhintay ee aan waxba galabsan.

Gaashaanle West waxa uu intaa ku daray in ciidamada isbahaysigu ay weerarka ku qaadeen koofurta magaalada Ghazni markii ay saacaddu ahayd 10:30-kii subaxnimadii Sabtida ahayd, kaddib markii taliyeyaasha ciidamadu ay heleen war sir ah oo sheegaya in nin la yaqaanno oo argagaxisada ka tirsan, waa sida uu yidhiye, uu meeshaasi joogay.
Waxa uu ku tilmaamay in warkaasi sirta ah uu ahaa mid ballaadhan isla markaana la sii hubinayey ilaa muddo dheer.

Gaashaanle West waxa uu sheegay in milatariga Mareykanku aanay ogayn in wax carruur ah ay meeshaasi joogeen. Laakiin waxa uu intaasi ku daray in markii ay ciidamada isbahaysiga ee kuwa lugtu ay baadheen goobtii la weeraray ay ka heleen meydadka sagaal carruur ah, laakiin qofka tobnaad ee la dilay uu ahaa qofkii uu ku wajahnaa weerarku, kaasoo ahaa nin Afqaanistaan u dhashay oo la rumaysan yahay in uu dhawaan dilay labo qandaraaslayaal waddooyinka dhisa ah.

Gaashaanle West waxa kaloo uu sheegay in baadhitaan lagu sameynayo waxa uu ugu yeedhay dhacdada naxdinta leh ee ay carruurtu ku dhinteen, isagoo intaasi ku daray in ciidamada isbahaysigu ay goobtaasi ku sii sugnaan doonaan ilaa dhawrka maalmood ee soo socda isla markaana ay ku samayn doonaan wax kasta oo suurtagal ah si loo caawiyo reerihii ay carruurtaasi ka dhinteen lana hubin doono sababtii keentay dhimashadaasi.

Kummanaan ciidamo ah oo uu hoggaaminayo Mareykanku ayaa weli Afqaanistaan gudaheeda ka wada hawlgallo lagaga soo horjeedo dagaal yahannada la tuhunsan yahay ee Dalebaan iyo Al-qaacidda.

Toddobaaddadii dhawaa waxay u muuqatay in ay kordheen weerarrada lagu hayo Mareykanka iyo xulufadiisa.

Maalintii Sabtida ahayd, labaatan qof ayaa ku dhaawacantay weerar bambaano oo lagu qaaday meel suuq ah oo laga buuxo koofurta magaalada Qandahar, halkaasoo hore u ahayd goob ay ku xoog badan yihiin ciidamadii Dalebaanku.

Saddex toddobaad ka horna qof u shaqeynayey hay'adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu toogtay oo lagu dilay gudaha magaalada Ghazni laf ahaanteeda.

Dhawr jeer oo kalena dad shicib ah ayaa lagu dilay weerarro ay ciidamada xulafadu kaga soo horjeedaan weerarrada lagu soo qaado.
Dilka hadda sagaalka carruurta ah ee magaalada Ghazni waxa uu dadka soo xusuusinayaa weerarkii khaladka ahaa ee sannadkii hore ay dayuuradaha ciidamada Mareykanku ku qaadeen xaflad aroos meesha la yidhaahdo Uruzgan, taasoo ay masuuliyiinta Afqaanistaaniyiintu sheegeen in dad ka badan 40 qof lagu dilay.

Markaan ciidamada Mareykanku si deg-deg ah ayey u qirteen khaladka ay sameeyeen, laakiin waxaa jira dareen ka jira meelo ka mid ah dalka Afqaanistaan oo ku saabsan sida loo arkayo gacanta xoogga leh ee qeybo ka mid ah ciidamada isbahaysiga, weerarkan carruurta lagu qaadayna taasi ayey weliba sii xoojinaysaa.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Gar Waa Loo Islaam

Ka nin somaali ah oo wixii socdaba kor ka fiirsanaya, wax in dhawaalaba weerar gardaro ah oo afka ka weyn lagu hayey shicibka xalaasha ah ee walaalaheen reer Somaliland oo dhabtii aan qabo inay yihiin umad tashatay oo nabad, sharci iyo nidaam iyo kala danbayn suubsaday, ayaa waxaa hada la rabaa in sideenoo kale la is dhex yaac yaaco oo madax iyo minjo la kala kasi waayo. Xaasha rabigay sidaa ma ka dhigo.

Ninka dhahaya ONLF aan madax u ahay saaxiib Su’aal door ahi waxa waaye intee jirtaa jabhadaasi ma qaxootiga aad London u joogto, hadii wax macna ku fadhiya ay tahay ONLF (Ogaadeen) hadee magac qabiil lama baxdeen kuwa oo qaran dhamaystiran  Somaliland la dhaho samaystay oo aad derisnimo, dhaqan, dhaqaale intaba ka faa’iidana ma aad xasaradayseen saaxiib.

Ogow xasuuqii waqooyi ka dhacay 1988kii iyo xabaalo wadareedada ku xayndaaban magaalo la arko iyo tuulo la arkaba adiga iyo qabiilkaaga qaxooti, Dhafoor qiiq, Moorgan iyo taliskii dhiigyacabka ahaa Siyaad Bare ayaa loo tiriyaa waana ta keentay marka horeba GOOSASHADA, hadana qalad kale ha gelin oo beeshaada colaad hor leh iyo fidno beelahaa kale ee somaaliyeed ha u dhex dhigin adigoo London ka fiirsanaya, talo kale keen. Inteena Kale oo meeshan shabakada ka buuqaysaa armaad tihiin ama tageerteen Cabudhintii, Umul dooxii iyo xasuuqii Waqooyi (Somaliland) ka dhacay hadana aad la rabtaan dadkaas muslinka ah oo gobka ah dhibkale. Warkooda ha dhaafo ayaaba in ku filan ama ka badan oo hawl baa u taalee fiirso shabakada Jamhuuriya.info iyo haatuf.net waxaa arkaysa sida biyo dhaamiska abaarta iyo hawlaha dib u dhiska ah oo wadankaas ka socda ee ma uga dayanaa meeshelee hadal la daldalaa.

F.G. Somaaliland inta aan ka warqabo saa wax ii seegan baa iska yar, Qabiil ma jiro ee waa qaabaa,il isu tagay oo nidaam iyo kala dabayn suubsaday ee ha ladhaafo warkooda, wixii kale oo dan ku jidho aan raacsano meeshaas waa inoo roontahay waana nabdoon tahay.

Sugaal Cumar

Top


“Mas’uuliyiinta Qaranka Waxaanu Uga Mahadnaqaynaa Talaabada Horumarka Leh Ee Ay Gaadhsiiyeen Wajaale”

Anaga oo ah cuqaasha, aqoonyahanka, dhalinyarada iyo waxgaradka degmada Gebiley waxa aanu ku taageersannahay magacaabista saldhigga Wajaale ee ay magacaabeen guddida nabadgelyada qaranka ee uu madaxda ka yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha (Ismaaciil yare). waxaanuna uga mahad celinaynaa talaabada horumarka leh ee ay gaadhsiiyeen degaanka Wajaale, iyada oo ay waajib ku tahay masuuliyiinta qaranka inay indha dheer u yeeshaan meelaha ay ka jirto baahiyaha adag ee bulsho.

Waxa kale oo aanu guddiga uga mahad celinaynaa tixgelinta ay siiyeen waxgaradka deegaanku Tog-wajaale oo in muddo ahba ka cabanayey dhinaca nabadgelyada. Sidoo kalena waxa aanu ka rajaynaynaa masuuliyiinta qaranka inay hirgeliyaan ballanqaadkii madaxweynaha ee ku saabsanaaa in wajaale degmo noqon doonto isagoo indhihiisa ku soo arkay, isla markaana ku qancay mujtamaca ku nool iyo baaxadda magaalada wajaale, garawsadayna in ay u qallanto degmo, waxaana markhaati u ah saddexda xisbiba waxa ay ballan qaadeen mid waliba haddii uu soo baxo in uu wajaale degmo siiin doono.

Waxa kale oo aan ka xunnahay masuuliyiinta golaha degaanka Gebiley oo aan fahmin ujeedadii loo doortay, isla markaana khasaariyey codkii bulshadu siisay, kuwaas oo horseed u noqday cadaalad darada, boobka iyo dhaca ka jira deegaanka, isla markaana aan garanayn awoodda sharci ee ay leeyihiin haddii lagu ilaabana ku ridaya dadweynaha wado halaq, Sidoo kale waxay caadaysteen burburinta shuruucda dalka sida dastuurka qaranka. Isla markaana ka talaabsaday xeerka ismaamulka qodobka 33aad.

Waxaanay u hortaagan yihiin horumarka Wajaale maslaxadooduna tahay inay dhulka danta guud ah ay si shakhsi ah ugu tagri falaan, waxaana markhaati u ah, waxay iibiyeen xanaanadii magaalada oo ilaa hadda aan rug caafimaad lahayn, waxa kale oo ay iibiyeen iskuulkii magaalada ee ay ardaydu wax ku baranayeen oo xataa wasaaraddii waxbarashadu ku soo gurmatay. Waxa kale oo ay iibiyeen wadooyinkii magaalada waxaanay aaminsan yihiin in aanay jirin wax xukuumad Somaliland la yidhaahdo iyaga mooyaane, waxaanuna leenahay Wajaale way ka weyn tahay Kiiloo qaad ah, dadkuna waa xor oo inqilaab laguma qabsan.

Magacyada xubnaha bayaanka saxeexay:

Caaqil Axmed Qalinle Ismaaciil
Caaqil Xuseen Muxumed Boqore
Caaqil Maxamed Ismaaciil Cismaan
Caaqil Cabdi Yuusuf Khaliif
Caaqil Xasan Muxumed (xasan gadhle)
Muxumed Xuseen Kooshin
Cismaan Muxumed Cabdi
Jibriil Axmed Caamir
C/laahi Muuse Daahir
Yoonis Maxamed Cumar
Cismaan Aw Yuusuf C/laahi
Cabdi Xaashi aw Ibraahim
Cumar Maxamuud Sayre
Cali Tubeec
C/samad Xasan Qalinle
X-Xasan Suufi Jibriil
Ibraahim Ismaaciil Yuusuf
Cumar Nuur Odowaa
Daahir Axmed
Ibraahim Muxumed Xasan
Cumar Muxumed Yoonis
Maxamed Ibraahim
Yuusuf Aadan Taani
Abiib Aw Axmed Cali
Khadar Maxamed Cabdi
Cali Maaweel Cige
Mustafe Xasan Muxumed
Maxamed Cabdi Daahir
Ibraahim Siyaad Muuse
Cabdi Ibraahim Muxumed
Jaamac Axmed Muxumed
Cismaan Maxamed Madar.

Top


Aqoonsigu Waxa Uu Ku Jiraa Gacanta Reer Somaliland

Akhristaha qiimaha mudanlow 13 sanno ka dib la soo noqoshadii Madax-banaanida iyo qaranimada Somaliland ayaa dhamaan dunida oo dhan waxay ku noqotay mid ay faalooyin kala duwan ka bixiyaan in Markeliya shacabka Somaliland go’aan ku gaadhaan xorriyaddii ka luntay 1960-kii dibna ay u heleen 1991 kii, Wergeys ka soo baxa xarunta waddanka Maraykanka ee Washington waxna ka qora wararka gaashaandhiga iyo arrimaha dibadda ee dalka maraykanka ayaa todobaadkii hore wuxuu faallo dheer hor dhac uga dhigay "Maxaa Hortaagan inay beesha caalamku aqoonsato madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland" Wergeyska oo ka faaloonaya arrintani wuxuu tusaale usoo qaatay waddamada Sacuudi Arabia, Masar, iyo Djibouti siyaabaha kala duwan ee ay ka filayaan in saamayn uu ku yeesho aqoonsi ay Somaliland ta cusubi ka hesho beesha caalamka, Wergeyska oo arrintaa sii faahfaahinaya wuxuu ku bilaabay qormadiisa Dalka Masar oo uu yidhi Hogaanka Sare ee masar waxay aaminsanyahiin in haddii Somaliland beesha caalamku aqoonsato Somaliland ay Somaliland khatar ugu jirto gacanka juqriyafiyan istaraatijiga ah ee gacanka badda cas, kuwaasi oo ayuu Wergeysku yidhi in ay Masar khatar uga qabto in Somaliland ta cusub oo xidhiidh la samaysa waddamada Maraykanka iyo Israel ay khatar ku tahay ammaanka waddanka Masar, Wergeysku wuxuu xusay in Dalka Masar uu hortaaganyahay qaraar ay dawladda Koonfur afrika soo hordhigtay golaha sharci dejinta ee ururka afrika (AU), qaraarkaasi oo dhigaya in waddamada Afrikaanka ahi ay tixgeliyaan qaraarkii afrika u yaallay ee ahaa in loo tixgeliyo dawladaha Afrika khariiradii uu gumaystahu u jeexay, Balse wergeysku wuxuu xusay in ay dawladda Masar ku tahay qaraarkaasi laf dhuun gashay oo kale.

Sidoo kale wergeysku wuxuu tusaale usoo qaatay Waddanka Sacuudi arabia oo uu sheegay in ay Somaliland diiday inay qaadato Mad-habta "Wahaabiyada ee Sacuudi arabia qaadatay" "Maxamed Cabdi Wahaab ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiye" wuxuuna xusay wergeysku in Siyaasadda Somaliland ee ku qotonta dimuqradiyadda salka laga soo bilaabay ay ku tahay boqortooyada Sacuudi arabia mid qoyska reer alla Sacuud aan ka daadagi karaynin.

Dhinaca kale wuxuu wergeysku xusay arrintan is idhi malaha si dhab ah ayuu u taabtay oo ahayd Sababta Maamulka Jamhuuriyadda Jibouti uu uga madax adaygaayo Qaranimada Somaliland, wergeysku wuxuu xusay in arrinta ugu weyn ee Jibouti oo ah dalka ugu dhaw Somaliland ay u diidantahay aqoonsiga Somaliland tahay in Maamulka Jibouti aanu ogolayn in Somaliland oo ka dad iyo dhul badani ka qaado ganacsiga mandaqadda beriga afrika, wuxuu tusaale wergeysku usoo qaatay Xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Waddanka Ethiopia oo ayuu yidhi wergeysku aanay Jamhuuriyadda Jibouti ogolayn xidhiidhkaasi oo ay u aragto mid Jamhuuriyadda Jibouti hanaankii dhaqaale wax u dhimaaya, waxaa kale oo wergeysku xusay in aanay Jibouti ogolayn Dekadda Berbera oo ka istaratijisan ta magaalada Jibouti inay tartan kula gasho suuqyada gacanka carbeed iyo dawladaha khaliijka, waxaa kale oo Jibouti ka cabsi qabtaa dhinaca difaaca oo ay aaminsantahay in ciidamada Maraykanka ee ku sugan waddanka Jibouti ay u wareegaan xagaa iyo magaalada berbera oo ay ku yaallan goobo si weyn istaratiji ugu ah hawlaha militeriga, waxaa magaalada Berbera ku yaalla madaarka iyo saldhiga militery ee ugu balaadhan mandaqadda geeska afrika.

Sidoo kale akhriste waxaan aniga oo la kaashanaya dadyow badan oo aqoon u leh mandaqadda beriga iyo geska afrika jecelahay inaan xeeriyo Guulaha ugu waaweyn ee Somaliland ka gaadhay hawlaha diblomaasiyadda

1. Somaliland Aqoonsi Ay Hesho Siday Ugu Baahantahay
Waa runoo shacabka reer Somaliland waxaa ay ku hamiyayaan in ay riyadoodu maalin maalmaha dunidani ka mid ah ay ka dhabowdo, Shacabka Reer Somaliland waxaa u halhays ah xikmadda togan ee ah (LUNTAY 1960-KII LA HELAY 1991-KII) hadaad booqato magaalooyinka waaweyn ee Somaliland sida Hargeysa, Burco, Boorama, Berbera, Ceerigaabo, Gabiley, Oodweyne iyo tuulooyinka Somaliland waxaad ku arkaysa gawaadhida dhex gooshaya magaalooyinka callanka Somaliland oo ku xardhan cidhifyada gawaadhida si aad layaabaysana loogu nashqadeeyey callanka hoostiisa xikmadaasi aan kor ku soo sheegay "Luntay 1960- kii La helay 1991-kii" taasi waxaa ay si cad u muujinaysa in shacabka Somaliland qaybihiisa kala duwan yar iyo weyn ay ka simanyahiin madaxbanaanida Somaliland, markaad isku daydo inaad weydiiso dadka qaar sababta keliftay in ay xorriyadooda sidani ugu dhegsanaadaan maadama oo aan beesha caalamku u garaabin 13 sanno ee ugu danbaysay waxaad ka helaysaa jawaabo ay ka mid yahiin "Somaliland haddii la aqoonsan waayo ilaa qiyaamaha waa taagnaanaysaa" "Madax banaanida Somaliland cidna looga gorgortami maayo" iyo jawaabo kale oo kala duwan, Markaad u duurgasho dedaalka Dawladda Somaliland ugu jirto aqoonsi raadiska Jamhuuriyadda Somaliland waxaad dareemaysa dedaal balaadhan oo ka muuqda xukuumadda Somaliland kuna baadi-goobayso inay kaga dhabayso riyada shacabka, Madaxweynahii hore ee Somaliland ilaahay naxariistii janno ha siiyee Maxamed Ibraahim Cigaal iyo xukuumadiisii waxay dedaal balaadhan u geshay sidii ay beesha caalamka uga dhaadhicin lahayd aqoonsi ay Somaliland hesho, runtii waxaa la odhan karaa waxay garawsiiyo balaadhan ka heshay dalal badan oo dunida ka tirsan, dawladaha qaarna waxaabay usoo jeediyeen Xukuumadda Somaliland inay qaaddo talaabo sharci ah oo ay ku qabsanayso garyaqaan u dooda madaxbanaanida Somaliland, Waxay Xukumadaa Maxamed Ibraahim Cigaal ku guulaysatay in xidhiidh diblomasiyadeed oo wanaagsan la samayso Waddamada Ethiopia, Kenya, Djibouti, Koonfur Afrika, Germany, Britain, maraykanka, Norway, Denmark, Finland, Austria, Japan, Koonfur korea, talyaaniga, france, Midawga europe (Bruessels) iyo wadamo kale, dhamaan wadamadaasi aan kor ku soo sheegay waxaa ay Somaliland ku guulaysatay in ay xidhiidh diblomasiyadeed oo adag la samayso, waxaana u jooga dhamaan dawladahaasi Wakiilo Somaliland ah, waxaana uga furan xafiisyo diblomasiyadeed, waxaana la odhan karaa hadda Somaliland waxay ku socotaa jidkii ugu haboona ee ay ku heli lahayd aqoonsi beesha caalamka ay ka kasbato.

2. Somaliland Dedaal Intee Le,Eg Ayey U Geshay Sidii Aqoonsi Ay Beesha Caalamka Uga Kasban Lahayd.

Waxaa safaro isdaba joog ah muddooyin badan ugu baxay Somaliland dibadiisa Madax iyo aqoonyahano ka tirsan Xukuumadda iyo haayadaha madaxbanaan, laga soo bilaabo sannadkii 1993, aan ku horayno socdaaladii ugu horeeyey ee diblomasiyadeed ee wefdi ka socda Jamhuuriyadda Somaliland dalka dibadiisa uga baxo waxaa ka mid ahaa 1993, waxaa magaalada Addis ababa ee xarunta Ethiopia ka socday shirkii xubnaha IGAD ee mandaqadda beriga iyo badhtamaha afrika, waxaa Hargeysa ka ambabaxay Wefdi uu hogaaminaayo Wasiirkii Arrimaha Dibada ee Somaliland ilaahay ha u naxariistee Galbeedi, oo ay ka mid ahaayeen, wasiirka madaxtooyada, afhayeenka Madaxtooyada, Wasiirkii warfaafinta iyo xubno baarlamaankii ku meel gaadhka ahaa ka tirsana, sababta ugu weyn ee ay shirkaasi u tageen waxay ahayd inay daaha ka qaadaan xidhiidh waji cusub ah oo Somaliland ta cusubi la samayso dalalka jaarka ah, wuxuu wefdigaasi la kulmay saraakiil sar sare oo ka tirsan xukuumadda waddanka Ethiopia sida wasiirka arrimaha dibadda Zium Masfin, Ra'isal Wasaaraha Melez sanawi, iyo weliba xubnahii shirkaa uga qayb gellay wadamada beriga afrika, Wefdigaasi wuxuu ku guulaystay inuu xidhiidh wanaagsan u bildhaamiyo wadamada Somaliland iyo Ethiopia, waxaana halkaa ka bilaabmay xidhiidh wanaagsan, Waxaa ku xigay Wefdi u Hogaaminaayey Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal oo uu ku tegay isla xarunta Ethiopia ee Addis ababa sannadkii 1994-kii horaantiisi, halkaasi oo uu wada hadal kula yeeshay madaxda waddanka Ethiopia xadhigana ka soo jaray xafiis cusub oo dawladda Somaliland ka furatay Magaalada Addis ababa, sannadkii 1995-kii ayaa Madaxweyne Cigaal alla ha u naxariistee wuxuu booqasho ku tegay wadamada Libiya Djibouti, waxaanay ka wada hadleen Madaxweyne Macamaral Qadaafiga Libya sidii Somaliland ay beesha afrika u aqoonsan lahayd, Madaxweyne Qadaafi waxyaabo badan ayuu ka garawsaday Madaxweyne Cigaal.

sannadkii 1997-kii ayaa waxaa ururka Igad ku casuumay Madaxweyne Cigaal inuu ka soo qayb gello shir ay ku lahaayeen Waddanka Jibouti, Madaxweyne Cigaal oo rajaynaayey inuu khudbad ka jeediyo Madashii shirka Xubnaha ku bahoobay ururka IGAD, ayaa Maamulka Jibouti wuxuu u diiday Madaxweyne Cigaal inuu khudbad ka jeediyo waxaana laga xakameeyey dhaq dhaqaayo iyo kulamo uu la yeelan lahaa madaxweyne Cigaal wufuudii shirka ka soo qayb geshay, Isla markiiba Madaxweyne Cigaal wuxuu kaga jawaabay arrintaasi inuu shirka ka soo baxay wuxuuna albaabada u laabay xidhiidhkii diblomasiyadeed ee u dhexeeyey Jibouti iyo Somaliland, sannadkii 1998-kii ayuu Madaxweyne Cigaal iyo wefdi heer sare ah oo uu hogaaminaya waxay socdaal ku tageen Wadamada Italy, Germany, France, Maraykanka iyo xarunta midawga Yurub ee brussels waxaana ay dawladahaa soo kala saxeexdeen heshiisyo diblomasiyadeed iyo weliba deeq ay Somaliland ka rabtay wadamadaasi, intii uu Madaxweyne Cigaal ku guda Jiray socdaalkiisi Washington wuxuu kulan la yeeshay Wasiir ku xigeenki hore ee arrimaha dibadda ee Maraykanka iyo haweenay u qaabilsanayd waaxda arrimaha dibadda ee maraykanka qaybta africa, waxaana Madaxweynaha casho u sameeyey xarunta gaashandhiga ee maraykanka ee "Pentagon" waxaana la daawadsiiyey Madaxweyne cigaal cajalad taariikhi ah oo ah oo ku saabsanayd booqasho uu ku yimid isaga oo Ra,isal wasaara ah sannadkii 1968 waddanka maraykanka, Sidoo kale xukuumadda Madaxweyne Riyaale waxay qaaday talaabooyin taariikhi ah oo lagu horumarinaayo kor u qaadida hawlaha aqoonsi helidda Somaliland wuxuu Madaxweyne Riyaale iyo wefiyo uu hogaaminaayey socdaalo ku tageen, wadamada Senegal, Ethiopia Yuganda iyo Djibouti, iyo sidoo kale waddanka Mali.

Isku soo duubo waxaad odhan karta ma yara dedaalka loogu jiro aqoonsiga Somaliland waxaana hubaal ah inuu ka midho dhali doono maalin ka mid ah maalmaha dunida lagu noolyahay.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN
MOBILE: 00-92-300-2600907
E-MAIL: diridhaba2001@hotmail.com

Top


CILMIGA IYO TIKNOOLOJIGA: Barashada Kumbuyuutarka

Casharka 15

Noocyada Processor-ka (sii socda...)

Sidaynu ku soo aragnay Casharkii 12-aad waxaa processor-rada loo qaybiyaa dhawr jiil, kaas oo aynu ku soo qaadanay jiilalka 1aad ilaa 3aad. Casharkii 13aad-na waxaynu ku soo qaadanay jiilka 4aad. Casharkii 14-aad ee ugu dambeeyayna waxaynu ku soo qaadanay jiilka 5-aad, casharkan 15aad-na waxaynu ku barran doonnaa jiilka 6-aad.

6. Sixth Generation (P6)

Bishii September ee sannadkii 1995-kii ayay Intel soo bandhigtay processor-kii ugu horeeyay processor-rada jiilka 6-aad. Jiilkaani wuxuu noqday jiilkii ugu horreeyay ee gilgilay shirkadda Intel, isla markaana wax weyn ka beddelay haysashadii ay Intel haysatay suuqa processor-rada. Waxaa si xoog leh u kordhay tartanka ay shirkadaha processor-rada sameeyaa oo ay ka mid tahay AMD ku hayaan shirkadda Intel.

Jiilkana wuxuu farsamadii jiilka 5-aad ku sii kordhiyay arrimo dhawr ah oo sii kordhiyay xawaaraha iyo hawl qabadka processor-ka.

Farsamooyinka uu jiilkani soo kordhiyay waxaa ka mid ah farsamada loo yaqaan Dynamic Excution oo suurtogal ka dhigtay in dhawr instruction si barbarro ah isku mar loo fuliyo, taas oo keentay in xawaaraha hawl-qabad ee processor uu kor u kaco. Waxa kale oo uu jiilkani soo kordhiyay Data Bus hor leh oo loogu tala galay in uu processor-ku kula xidhiidho Memory-da loo yaqaan L2 Cache (Level 2). Sidaan hore u soo aragnay xawaaraha Data Bus-ka caadiga ahi wuxuu la mid yahay kan Motherboar-ka. Laakiin Data Bus-ka labaad ee uu jiilkani soo kordhiyay wuxuu xawaarihiisu la mid yahay xawaaraha Processor-ka oo la kala badhay. Taasina waxay keenaysaa inuu processor-ku macluumaadka ku kaydsan L2 Cache-ka ku soo akhristo xawaare aad uga dheereeya kan Motherbord-ka. Halkii wareeg wuxuu jiilkani ku fulin karaa ilaa saddex instruction. Intaas waxaa u sii dheer xawaaraha Processor-ka oo si aad ah kor loogu qaaday.

Processor-rada jiilka 6-aad waxay kala yihiin:

Pentium Pro

Noocani waa noocii ugu horreeyay jiilkan, waxaana la soo bandhigay bishii September ee sanadkii 1995, laakiin wuxuu suuqa si fiican u soo galay badhtamihii sannadkii 1996-kii. Pentuim Pro wuxuu qaataa Motherboard leh Socket 8 sidaa darteed Pentium Pro ma qaato Motherboard loogu tala galay Pentium. Noocani wuxuu kaga duwan yahay noocyada kale ee jiilkan isagoo leh L2 Cache ku dhex dhisan qolofta processor-ka, baaxaddiisuna ay u dhaxayso 256 K ilaa 1M. Badhtamaha sawirka 1aad, waxaad ka arki kartaa laba afar gees oo isku dhinac yaalla. Labadaas midkood waa Processor-ka laftiisa kan kalena waa L2 Cache. Maadaama uu L2 Cache-kaasi ku dhex dhisan yahay qolofka processor-ka wuxuu xawaarihiisu la mid yahay kan processor-ka. Pentium Pro wuxuu leeyahay xawaareyaasha kala ah 150, 166, 180 iyo 200 Mhz. Wuxuu leeyahay Internal Register ay baaxaddiisu tahay 32-bit, laba Data Bus oo uu kiiba balliciisu yahay 64-bit, Address Bus uu balliciisu yahay 36-bit.

Pentium Pro way ku adkaatay inuu ku faafo suuqa caadiga ah ee PC-ga ay dadka caadiga ahi isticmaalaan taasna waxaa sababay isagoo qaali ahaa, taas oo ay keentay L2 Cache-ka lagu dhex dhisay. Laakiin wuxuu suuq ka helay oo si aad ah loogu isticmaalaa kumbuyuutarrada loo yaqaan File Servers-ka oo ah kuwa lagu kaydiyo dokumentiga iyo program-yada ay isla isticmaalaan dadka isku meel ka shaqeeya siiba dadka u shaqeeyay hay'adaha dawliga ah iyo shirkadaha waaweyn.

Pentium II

Bishii May ee sanadkii 1997-kii ayay Intel soo saartay processor-ka Pentium II oo loogu dhawaaqo (Pentium 2). Pentium II wuxuu aad wax uga beddelay muuqaalkii processor-rada lagu yaqaanay. Halka processor-radii ka horreeyay ay lahaayeen qaab afar gees ah oo si ballaadh ah ugu xidhma Motherboard-ka wuxuu Pentium II ku dul samaysan yahay kaadh yar oo u eg kaadhadhka PCI iyo ISA. Wuxuuna Motherbord-ka kaga xidhmaa Slot u qaab eg Slot-yada PCI iyo ISA isagoo Motherbord-ka la samaynaya xagal toosan oo 90 digrii ah (Eeg sawirka 2aad). Kaadhkaas waxaa kale oo ku dul rakiban L2 Cache iyo Data Bus-ka labaad ee xidhiidhiya Processor-ka iyo L2 Cache-ka oo sida caadiga ah 512 K. Taasi waxay keentay in qiimaha samayska ee processor-ku uu ka jabnaado kii Pentium Pro maadaama ay processor-ka iyo L2 Cache-ku kala madax bannaan yihiin oo aanay isku qolof ku jirin sidii Pentium Pro. Waxa kale oo ay taasi suurto gal ka dhigtay in Intel ay isticmaasho L2 Cache ay sameeyeen shirkado kale iyo in xawaaraha L2 Cache-ku uu la mid noqdo xawaaraha processor-ka badhkii, taas oo keentay in Pentium II uu isticmaalo L2 Cache uu qiimaheedu jaban yahay maadaama uu xawaareheedu hooseeyo.

Pentium II wuxuu farsamadii Pentium Pro ku daray farsamada loo yaqaan MMX oo sidaan ku soo aragnay casharradii hore ah farsamo si gaar ah loogu tala galay program-yada uu noocoodu yahay Multimedia. Sidaa darteed Pentium II wuxuu ka samaysan yahay Pentium Pro iyo Pentium MMX oo la isu geeyay. Pentium II wuxuu leeyahay xawaareyaasha kala ah 233, 266, 300, 333, 350, 400 iyo 450 Mhz. Xawaareyaasha 233, 266, 300 iyo 333 waxay isticmaalaan Motherboard uu xawaarihiisu yahay 66 Mhz. Xawaareyaasha 350, 400 iyo 450-na waxay isticmaalaan Motherboard uu xawaarihiisu yahay 100 Mhz.

Celeron

Bishii April ee sanadkii 1998-kii ayaa waxay Intel soo saartay processor-ka loo yaqaan Celeron oo asal ahaan ah Pentium II oo wax laga beddelay si qiimo jaban loogu iibiyo. Celeron wuxuu ku soo baxay isagoo inta kale kala mid ah Pentium II laakiin laga reebay L2 Cache-kii iyo Data Bus-kii labaad ee la socday Pentium II iyo Pentium Pro, wuxuuna ku soo baxay xawaareyaasha kala ah 266 iyo 300 Mhz. Celeron waxaa loogu tala galay in lagu isticmaalo kumbuyuutarrada qiimaha jaban lagu iibiyo. Laakiin arrintaas shirkadda Intel way ku guul-darraysatay maadaama uu Celeron sida Pentium II u baahnaa Motherboard cusub oo leh Slot 1. Sidaa darteed waxay Intel go'aansatay inay L2 Cache-kii dib ugu soo celiso. Bishii august ee 1998-kii ayaa waxay Intel soo saartay Celeron wata L2 Cache uu xaddigiisu yahay 128 K. Magiiciisana waxay markaas u beddeshay Celeron A. Celeron A wuxuu ku soo baxay xawaareyaasha kala ah 300 iyo 333 Mhz.

Bishii December ee 1998-kii ayaa waxay shirkadda Intel beddeshay samayskii Celeron A, iyadoo daba socota fikraddeedii ahayd in Celeron uu noqdo processor qiimo jaban. Waxay soo saartay Socket cusub oo loo bixiyay Socket 370 kaas oo qiimo ahaan ka jabnaa Slot 1. Taasina waxay keentay in magaca processor-ku uu mar kale isbeddelo oo uu noqdo Celeron A 370. Noocani wuxuu isna ku soo baxay xawaareyaasha kala ah 366 iyo 400 Mhz.

Casharkana halkaas ayaynu ku joojinaynaa, casharkeena kan ku xigga ayaynu ku qaadan doonaa qaybta inooga hadhay jiilka 6aad, haddii Allaha awoodda lihi idmo.

La soco.

Top


AF JINACLEY: Sheeko – Waxa Qoray; A. A. Garas, waxana Tifaftiray; A. Ducaale
Q: 8aad

Talada Cawil ee ah Islaanta aan boholaha ku aasno, Shukri kuma ay niyad-samaan, taasina waxoogaa dareen ah oo kala fogaan ah ayay dhex dhigtay, sidaa darteed gabadhii Shukri waxoogaa cuqdad ah ayaa dareenkeeda ku abuurmay, waxayna Cawil u aragtay nin shisheeye ah oo aan dan ka lahayn habartan. Sidoo kale, Cawil waxa isna arrintaasi ku beertay kalsooni darro, wuuna qoomameeyay taladii uu soo jeediyay, wuxuuna hoosta iska yidhi: “Maxaa kaa yeedhsiiyay hadalkan baas ee ay Shukri ka sindhiidhay.”

Hase yeeshee, marka la eego duruufta meesha taal, waxan ay Shukri doonayso ee ah aas qurux badan hooyaday haloo sameeyo, sheeko suurta-gal ah ma ahayn, waayo meesha ay joogaan waa goobataal cidla’ ah oo aan ciirsi u dhowayn, mana jirto meel loo qaylo-doon tagaa.

Shukri waxay bilowday calaacal iyo hadalo hurgumo ka dhadhamayso, waxayna leedahay; “Waa laba geeriyood haddii hooyaday booraan lagu rido, ma anigaa hooyaday booraan dacawo lagu tuurraa, maxaan ka noolahay, maan is-gowraco.”

Cawil oo aan doonayn inuu Shukri dhegaheeda maqashiiyo wax ay jidh-diido ama ka dhirifto, isla markaana qiimaynaya duruufta meesha taal iyo meydka dul yaal, ayuu degdeg uga noqday taladiisii uu qoomameeyay, kadibna isaga oo Shukri ka raali-gelinaya hadalkii ay ka dhiriftay ayuu yidhi: “Walaal hadalkii aan idhi xumaan ugama jeedo ee wax wanaajin iyo inaynu meydka ina dul yaal iska asturno ayuun baa doonayay, balse haddii aad wax ka qoonsatay, sida aad doonayso ayaynu yeelaynaa, imikana waxaad dameerkan heeryo ii saar aan meydkan ku qaado oo la doonto cid ila aasta’e.”

Shukri arrintan way aq-bashay, dareenkeedana cuqdaddii way ka baxday, kadibna dameerkii ayay soo qabatay oo heeryadii saartay, laakiin Cawil laftiisu iskama fadhiyin ee dameerkii ayuu wax ka raray oo ay labadoodiiba wada-jir u rareen. Dabadeedna markii ay dameerkii heeryada u giijiyeen ayay meydkii islaanta saareen, kadibna dameerkii oo xanbaarsan meydkii islaanta ayuu Cawil dhengedda ku dhuftay, wuxuuna u dhaqaajiyay cad-ceed ka soo bax, Shukrina waxa lagaga tegay gurigii isaga oo kula ballamay inuu ku soo noqonayo marka uu meydka soo aaso.

Ninkii Cawil oo aan garanayn meel allaale meel uu ku hagaago iyo meel uu ku socdo ayaa dameerkii iska daba-galay. Arlada wax dhaqaaqaa ma joogaan oo waa gabaahiiro abaar iyo oodda-lulul looga qaxay. Meelkastana waxa wadhan qalfoof xoolo bakhtiyay iyo xataa dad inta ciid uun lagu rogay ay qarandidu soo fadhay oo ay lafahoodii banaanka wadhan yihiin.

Cawil marka hore rajo kama qabo inuu helo cid meydka la aasta, laakiin xataa haddii ayba dhacdo inuu cid helo, marka ma dhacayso inuu helo aaskii quruxda badnaa ee ay Shukri doonaysay, sidaa darteed talo ayaa ku caddaatay, wuxuuna iska daba socdaa dameerkii.

Cawil arrintu way ka qasan tahay, waayo; kuma socdo talo uu leeyahay ee wuxuu ku socdaa tirtirsigii iyo taladii Shukri ee uu aqbalay, ileyn waatii ay Shukri taladiisii qoonsataye.

Cawil hadal kuma soo celin taladii Shukri, waayo; wuxuu ahaa nin hal-adkayn oo mayal-debecsanaan lagu xanto, sidoo kale wuxuu ahaa nin xishood badan oo aan jeclayn buuqa iyo is-qabqabsiga, marka murran ka hor yimaadana kama hor geyn jirin murran kale ee aamusnaanta ayuu door-bidi jiray.

Masallan haddii ay ra’yi qof isku qabtaan murran iyo dood kama hor keeni jirin ee waa iska aamusi jiray, dabadeedna markaas ayay dadku moodi jireen inay ka ra’yi wanaagsan yihiin ama ka caqli badan yihiin.

La soco.

Top