Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 531 Feb.23,2004

Boqolaal Dadweynaha Reer Hargeysa Ah Oo Markii U Horeysay Kulan Isu Soo Bax Ah Si Kulul Ugu Soo Bandhigay
Cabashooyin Cadaalad Darada Maxkamadaha Ah

Urur Haween Ah Oo $16, 500 Lixdan Dumar
Ah Ugu Qaybiyay Ceerigaabo

Wasiirka Daakhiliga Somaliland
Iyo Hay’adda DRC Oo Jawaabo Beenin
Ah Ka Bixiyey War Uu Daabacay Jamhuuriya

C/Laahi Yuusuf Oo Amar Ku Bixiyey Inaanay Masuuliyiintiisa Sar-Sare Debedda U Safri Karin

Hawlaha Laanta Socdaalka Wajaale Iyo Isbedelka Ka Muuqda

“Nin Kursiga Laga Rido Iyo Nin La Saaraa Midna Qiimo Kuma Fadhido”
Eng. Maxamed Axmed Cilmi (Sabca), Mudane Golaha Degaanka Hargeysa ah

10 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Laxaadle Oo Ka Dhacay Qudus

Dalka Haiti Iyo Qorshaha CusubEe Nabadda

Itoobiya Iyo Qorshaha Horumarinta Beeraleyda Iyo Reer Guuraaga

Iran

Itoobiya Iyo Qorshaha Horumarinta Beeraleyda Iyo Reer Guuraaga

Daalibaan Oo Diyaarad Maraykanku
Leeyahay Dhulka Soo Dhigay

CILMIGA IYO TIKNOOLOJIGA
C/fataax M. Caydiid
Barashada Kumbuyuutarka
Casharka 24

AF JINACLEY
Sheeko – Waxa qoray A. A. Garas, Waxaana Tifaftiray A. Ducaale
Q: 50aad

Urur cusub oo Ciyaaraha iyo Dhaqanka Somaliland ah (Somaliland Sports & Culture Association) oo lagaga dhawaaqay magaalada London


Boqolaal Dadweynaha Reer
Hargeysa Ah Oo Markii U Horeysay Kulan
Isu Soo Bax Ah Si Kulul Ugu Soo Bandhigay
Cabashooyin Cadaalad Darada Maxkamadaha Ah

Hargeysa, Feb 23, 2004 (Haatuf) Kulan balaadhan oo ay isugu soo baxeen dad gaadhaya dhowr boqol oo qof oo ka cabanayay cadaalad darro maxkamaddaha ah ayaa shalay ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta Wasaaradda Arrimaha Guddaha, waxaana dhinaca kale kulankaa ka soo qayb galay garsoorayaal ka tirsan maxkamaddaha iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo waliba madaxda sare ee ciidamada qaarkood.

Kulankaas oo ahaa mid lagu dhegaysanayo cabashooyinka dhinaca cadaalad darada ee dadkan, waxa ka hadlay dad badan oo ka tirsan dadweynihii kulankaa isugu soo baxay, kuwaas oo si ba’an uga cawday xaalada cadaaladeed ee ka jirta maxkamaddaha, isla markaana soo bandhigay dhacdooyin badan oo joor-fal cadaaladeed ah oo ka dhacay maxkamaddaha, waxaana dadkii halkaa dooda ka jeediyey ka muuqanayey dareen murugo leh oo ay la damqay dadweynihii kulanka ka soo qayb galay iyo masuuliyiintii cabashooyinka dhegaysanayay, waana markii u horeysay ee uu isu soo bax ama kulan caynkaas oo kale ahi ka dhaco caasimada Hargeysa, iyadoo ay dadweynihii kulankaa ka soo qayb galay ee cabanayay aad ugu badnaayeen haweenku.

Dad ay tiradoodu ilaa tobaneeyo gaadhayso oo ka mid ah dadweynihii cabanayay ayaa kulankaa ka jeediyey hadalo ay ku muujinayaan cadaalad darada ka jirta maxkamaddaha ee ay ka cabanayaan, iyagoo si guud iyo si gaaraba u muujiyey dhibaatooyinka lagala kulmo maxkamaddaha. Hase yeeshee wasiiraddii kulankaa ka soo qayb galay oo ay ka mid ahaayeen wasiirka cadaalada Mudane Casoowe iyo wasiirka daakhiliga Md: Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa iyaguna halkaa hadalo ka jeediyey, iyaga oo jawaab ka bixiyey sidii ay u arkeen cabashooyinkii dhinaca cadaalada ee ay dadkii halkaa isugu yimid soo bandhigeen.
Ugu horeyn wasiirka arrimaha gudaha ayaa kulanka furay, waxaana erayadiisa ka mid ahaa “waxa ii yimid dad ka cabanaya cadaalad daro kaga timid maxkamaddaha ama garsoorka, waxayna markii dadkaasi I waydiisteen waraaq ruqso ah oo ay ku doonayeen ogolaansho banaan-bax ama mudaharaad, balse markii waxaan jeclaystay inta aan mudaharaadka la dhigin inaanu aragno waxyaabaha ay ka cabanayaan, waxaana wasaarad ahaan qaabilsiinay ciidanka nabadgelyada si ay u ilaaliyaan, maxkamadduhuna way u madax banaan yihiin hawshooda, madaxweynuhuna markii uu xilka qabtay hawshii ugu horeysay ee uu wax ka qabtay waxay ahayd garsoorka, hadana wali dhibaatadii way jirtaa, arrimaha dhulkana waxa loo saaray guddi madaxweyne ku xigeenku gudoomiye u yahay.”

Intaa ka dib waxa hadalkii la wareegay xubno u hadlayay dadka cadaalad darada ka cabanaya, waxaana ugu horeyn halkaa ka hadlay C/laahi Xasan Axmed oo ka mid ahaa guddi ay samaysteen dadweynaha cabanayay, wuxuuna yidhi “Anigu waxaan maxkamaddaha taagnaa muddo saddex sanno ah waxaana maalin walba maxkamaddaha yimaada dad muwaadiniin ah oo dulmi loo geysto, waxaananu maqalnay cadaalad darada maxkamadaha waxbaa laga bedelay, balse cadaaladu halka ay mari inay ka sii xuntahay tii hore ayaan qabaa waxaana maxkamaddaha dadka yimaadaa ku noqdaan guryahoodii iyagoon waxba loo qaban dadkaasuna waa dadkii ka dagaalamay dulmigii dawladdii Maxamed Siyaad Barre ku samaysay, nasiib darro se dulmigii ay ka dagaalameen maanta mid u eeg baa ku dhacay, waxaana dhacda in labada dhinac ee ay dacwadu ka dhexayso mid loo yeedho oo xukun lagu rido kii maqnaa, waxa kaloo iyana dhacda in kiis dhinac loo xukumay marka uu fulinta gaadho dhinacii kale loo xukumo, haddii ay maxkamadda sare ku dayan lahaayeen maxkamaddaha kale waxay iyana yeelatay dhaliilo waxayna tusaale u tahay cadaalad darada, tusaale ahaan hoolka maxkamadda sare ee dacwadaha lagu dhegaysto waxa yiilay soddon cisho miisas ay hay’addi siisay, muddadaana dadka waxba looma qaban waana masuuliyad darro. Dhaliilaha maxkamaddaha waxa ka mid ah iyaga oo ku dhaqma been gaar ahaan gudoomiyaha maxkamadda sare oo been ku dhaqma iyo masuuliyad darro, isla markaana muujiya inaanu halkan u imanin shaqo haday maxkamadda sare xumaatana maxkamadaha kalena way xumanayaan, maxkamadda sare cadaalada iyo nabadgelyadeena wax weyn ayay u dhimaysaa, cadaaladuna waa tiirka nabadgelyada ee maanta Somaliland ku xaragoonayso. Laakiin waxay u dhowdahay in nabadgeyadeenu u dunto sababo caynkaas ah oo maxkamadda sare samayso, dadkana marka lakala xukumi waayo ee la isku soo cel celiyo waxa laga yaabaa inuu isku qarxo, waliba waxa jira dhaliilo badan oo maxkamadda sare ay leedahay oonan halkan ka sheegayn. Sidaa awgeed cidda Somaliland ka damqanaysa ee ay khusayso waa inay si dhakhso ah wax uga qabato, haddii laga qaaban waayana nabadgelyada aynu ku raaxaysanaynaa inay faraha ka baxayso maalin maalmaha ka mid ah ayaan qabaa.

Anigu waxaan ahay muwaadiniinta reer Somaliland ee ku nool qurbaha ee jecel horumarka dalkooda, mana danaynayo kiis igaga jira maxkamaddaha, balse waxa I dhibaya oo aan u dul qaadan waayey dadka sida loo galayo, garsoorayaashuna ma wada xuma ee qaar wanaagsani way ku jiraan, gudoomiyaha maxkamadda sarena uma qalmo xilka ayaan leeyahay, dadweynahaan meesha ku arkayna sidaasi ayay qabaan, ninkaa haddii waxba laga qaban waayana natiijadeeda waa la helayaa.”

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Xuseen Maxamed Cabdi oo ka mid ah gudiga, wuxuuna yidhi “waxaanu is-nidhi dhibaatada idin haysata uga dacwooda guddiga caddaalada anagoo ka dacwoonayna gudoomiyaha maxkamadda sare, gudidiina isagaa gudoomiye u ah, xagaan markaa u dacwoonaa, waanuna la yaabanahay qodobkaa sida ay dawladdu u dhigtay, waanuna ka soo horjeednaa, waxaanu ognahay inay jiraan kiisas dhowr iyo toban ah oo dil ah oo ku jira maxkamadda sare oo maxkamaddaha hoose u soo gudbiyeen xukunkoodii, balse wali maxkamadda sare ay haysato oo la la’yahay fulintoodii, kiisaskaa oo dadkoodii daba taagan yihiin haday dawladdu ka qancin waydo waxa dhacaya dhibaato, waxaan maqlay gudoomiyaha maxkamadda sare inuu yidhi waxa ii yaala laba kiis, balse haddii la soo eego maxkamadda sare waxa yaala kiisaskaa aan soo sheegnay ee dilka ah iyo ilaa iyo 1500 oo kiis oo madani ah, hoolka maxkamadana lama gelin oo dacwad lama dhegaysan muddo gaadhaysa (40) cisho, mana aha inuu ninku sidii guri uu leeyahay xafiiska u soo galo dadkana ku horjoogsado kadinka ama askari u diro, waayo dadka waxa keentay dan aniguna waxaan ka mid ahay dadkaa oo saddex sanno ayaan daba taagnaa kiisas dil ah, caddaalad daraduna waxay gaadhay meel illaahay ogyahay, anaguna caddaalada waxaanu u aragnaa tiirka nolosha Somaliland, haddii aanay caddaaladi jirina ma noqonaysaan wasiiro, nabadna ku wada joogi mayno Somaliland-na dhisnaan mayso. Maxkamadda sare waa muraayada Somaliland haddii aanu gudoomiyaha maxkamadda sare lahayn miisaanka iyo sharafta ay maxkamadda sare leedahay qiimo ma samaynayso, caddaaladiina waxay xumaatay markii la diiday kitaabkii qur’aanka, waxaanuna xukuumadda u soo jeedinaynaa in caddaalada wax laga qabto, anaguna caddaalada ayaanu magan u nahay.”

Cabdi Xasan ayaa isagu sheegay inaanay dadkii ka horeeyey ee cabanayay waxba sheegin wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay “waxa halkan taagan oo inala joogta Faadumo Maaweel oo dhashay Marxuumkii la odhan jiray Xasan Dacar oo lagu dilay saldhiga Axmed-dhagax muddo saddex sanadood laga joogo, waxaana dilkiisii lagu soo eedeeyey laba nin oo mid waalan yahay. laakiin markii maxkamadda la isla yimid ee Looyaro la isu qabsaday waxa caddaatay inay askartii saldhigu dileen ninkaa, wuxuuna gudoomiyihii maxkamaddu amar ku bixiyey wakhtigaa in la soo qab-qabto askartii oo la keeno maxkamadda horteeda ilaa maantana waa la soo qabanayaa, labadii nin ee been abuurka laga samayeyna mid wuxu ahaa nin waalan oo jeelka ayuu ku dhintay kii kalena sidii ayuu u xidhan yahay nimankii kiiska geystayna lama hayo oo wali waa la soo qabanayaa.

Waxa iyana dhacday in magaalada darar-weyne lagu dilay wiil yar oo nolosha lagu aasay, waxaanan filayaa inay arrintaasi wasiirka arrimaha gudaha hor timid, nimankii dilay wiilkaa yar waa la soo qabtay warqad qiraal ahna waa laga qoray maxkamadda horteeda, laba jeer ayay maxkamaduna ku xukuntay dil, markii hore ee dilka lagu xukumay waa la soo daayey, haddana dadkii dilka loo geystay ayaa soo qabtay waxaana dib loo keenay maxkamadda gobolka, mana dhaafto oo ma gaadho rafcaanka, maxkamadii gobolka ayaa hadana xukunkii dib loogu celiyey markay dil ku xukuntayna waa la sii daayey, waxyaabahaasuna waxay leeyihii khatartooda, waxa kale oo jira Marxuum Maxamuud Sanqadhi oo la dilay halkana ay gabadhiisu joogto markay weydiisay gudoomiyihii waxa wax loogu qaban waayay dadkii dilka geystay waxay tidhi wuxu iigu jawaabay gudoomiyihii maxkamaddu “waxa lay yidhi duco iyo habaar kala dooro”.

Waxa kaloo jirta ninkii ilmaha jidh dilka ku sameeyey ee xaday waa la sii daayay, markuu ninkaasi taa ku nabad-galayna ama caruur kale ayuu qaadanayaa ama kii waxan loo geystay ayaa ficil samaynaya.
Halkan waxa jooga todoba jeer loo xukumay kiis oo maalin walba maxkamadda ay ku hor dilaan kuwii dulmiyayey, xeer ilaaliyaha mar aan uga dacwooday kaaliye lacag iga cunay wuxuu igu yidhi ma waxaad iska kaayo hor keeni shaqaalahayaga, intii ina Cigaal mootanaa ilaa boqol dil ayaa dhacay mid kaliyana go’aan lagama soo saarin, waqtigii uu xeer ilaaliyaha ahaa Xasan Xirsi waxay kiisaska dilku qaadan jireen laba maalmood oo loo fadhiisan jiray, gudoomiyaha maxkamadda sare sanad ayuu joogay saddex bilood ayay maxkamaddu u xidhnayd alaab la dhigay iyo mar uu yidhaahdo waa la rinjiyeynayaa, waxaana u gala dad khaas ah, markii madaxtooyada looga dacwoodayna waxa uu yidhi waxa ii yaala laba kiis, taasuna waa masuuliyad darro, caddaaladuna maaha maxkamaddaha oo keliya halka ay ka xuntahay ee waxa ku xun saldhigyada iyo dambi baadhayaasha.”

Haweenay dadkii cabanayay ayaa sheegtay inay maxkamadda taagnayd dhowr iyo toban sanno, isla markaana ay jiraan dad sideeda oo kale ah, waxayna sheegtay inay jirto siyaasad cusub oo la bartay, taas oo ah in la adeegsado lacag oo la xidh-xidho dadkii, inta ay xidhan yihiin la dhisto dhulkoodii, waxayna tidhi “waxa dhacda in maalinta xukunka lagu dhawaaqo maalinta ka horeysa la sii bixiyo lacag oo la soo xidho dhibanayaashii oo aguna bedelo kuwii wax dulmiyayey sidaana loogu diro xabsiga iyadoon aanay dhegaysan garyaqaan, xeer ilaalintuna halkay dhibanaha uga doodi lahayd eedaysanihii u dooday oo dhibane ka dhigtay, waxa loo baahan yahay in bileyska wax baadhaya iyo garsoorahaba daba gal lagu sameeyo, ka damaaciga ah ee lacagta sitana daba gal lagu sameeyo.”

Marwo Canab Xaaji Ismaaciil ayaa iyaduna sheegtay in dhul xayiraad loo saaray, balse xayiraadii aan la tixgelinin ee la iska dhistay, bileyskuna waxba ka qaban waayay oo ay isu tuur-tuureen, waxayna tidhi waxaan ku baryootamayaa caddaalada waxaanan leeyahay dadweynaha wax ha loo qabto anigana wax ha la ii qabto.”

Faadumo Maxamed Yuusuf ayaa sheegtay inay todoba sanadood daba taagnayd dhulkeedii oo xoog lagaga qaaday oo la dhistay, laba jeerna loo xukumay, balse uu u awood sheegtay nin bileys ah oo ka tirsan ciidanka dambi baadhista, waxayna sheegtay haweenaydan oo da’a ahi inaanay wax ubad ah lahayn, isla markaana uu odaygeedii oo ahaa taliyihii ciidanka isgaadhsiinta Somaliland uu dhintay 1997, waxayna sheegtay inuu ninkaa dhulkeeda u awood sheegtay uu ku yidhi waxaad tahay faqash ee ka daba tag Muuse Gadhle oo ay sheegtay inuu ula jeeday inuu ahaa ninkii maamulkii Siyaad Barre ee dhulka siiyey waqtigaa.

Marwo Safiya Muxumed Aadan ayaa sheegtay inay la maxkamadda kala kulantay caddaalad daro waxayna sheegtay inay hayso sideed caruur ah oo la dilay aabahood, kaas oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii Waaxda gacan libaax, raggii dilayna waa la sii daayay, waxayna tidhi “waxaan u arkaa inay maxkamaddu dadka isku dilayso, gudoomiyihii xukumayna wuxuu igu yidhi waxay iga noqotay aqoon.”

Marwo Tusmo Faarax Diiriye oo joogtay 12 sanadood waxay sheegtay inay u taagnayd kiis fulin ah, kaas oo waxba laga qaban waayay.
Gabagabadii kulankaa waxa hadalo kooban ka jeediyey wasiirka cadaalada iyo wasiirk arrimaha gudaha, waxaana ugu horeyn ka hadlay wasiirka cadaalada Axmed Xasan Cali (Casoowe) oo sheegay in kulankanu yahay mid ka yimid dhinaca dadweynaha oo doonayay markii hore inay cabashadooda mudaharaad ku muujiyaan, taas oo ah mid ay xaq u lahaayeen, iyagoo maraya nidaamka sharciga ah, balse waxaanu isla garanay in mudaharaadka laga daayo oo kulan oo kale lagaga hadlo waxyaabaha ay ka cabanayaan si la iskaga qanciyo, wuxuuna wasiirku ka waramay qaabka ay maxkamadduhu u dhisan yihiin iyo madax-banaanidooda, taas oo uu sheegay in hadii maxkamadu degmadu khalad gasho loogu talo galay inay saxdo ta gobolku, haddii ta gobolku khaldantana ay saxdo ta rafcaanku, haday taasu khaldantana waxa saxaysa maxkamada sare, maxkamada sarena waxa u furan sharciyan dib u eegis inay ku sameeyaan kiisaska, dambiyada ka dhexeeya dadka, ama dadka iyo xukuumada waxay ku dhamaadaan maxkamadda sare dib eegisteeda wayna madax banaan yihiin maxkamadduhu, wuxuuna yidhi “anagu hadii aanu xukumad ahaan iyo wasaarad ahaan faro gelino kiis ay gacanta ku hayaan waxa dhacaysa eedayn oo qodob dastuuri ah oo waxa la odhanayaa waxa lagu gefay dastuurka iyo madaxbaanidii garsoorka, hadana caddaalad daro cid u madax banaani ma jirto, maxkamadda sarena waa muraayada dalka waana inay sharciga iyo cadaaladu ka muuqdaan.”

Wasiirku wuxuu intaa ku daray inay dawladdu maxkamadaha u samaysay inay dadku caddaalad helaan, wuxuuna xusay in cabashooyinkii halkan laga bixiyey ee ku saabsanaa kiisaska dhamaaday ee dib loo xukumay taasu ay astaan u tahay in nidaamkii garsoorku qaldan yahay, waana in dhibaatooyinka dadka looga garaabo, ayuu yidhi, wuxuuna sheegay in ay lagama maarmaan tahay in xeer ilaalinta iyo dhinaca bileyskaba ka fududaadaan soo gudbinta kiisasku, balse waxa uu xusay inay jiraan kiisas dil oo la xaqiijin kari la’yahay, taas oo laga yaabo inay keentay qalabkii baadhitaanka oo aanay haysan bileyskeenu, wuxuuna yidhi “dacwadaha dadka la iskaga horkeenayo waanu dhegaysanaynaa, laakiin kiis qof leeyahay oo garsoore xukumay faro gelin ku samayn mayno, dadkuna laaluushka ha iska daayeen. Gudoomiyaha laga cabanayo ee hadana gudiga garsoorka gudoomiye u ah waa waxyaabo u baahan hab sharci ah in loo eego, anaguna wasaarad ahaan gudida cadaalada lama xukuno kiisaska, balse waxaanu ka caawinaa wixii farsamo iyo gaadiid ah, waxaanuna kula talinay dhowaan inay samaystaan xafiis loogu uruuriyo cabashooyinka dadka iyo garsoorayaasha laga cabanayo si ay taasu uga saarto cabashada sida khaldan nooga imanaysa wasaarad ahaan iyo in la ogaado halka ay ka imanayso.

Wasiirka arrimaha gudaha gabagabadii kulankaa waxa uu sheegay inay dawladdu wax ka qabanayso cabashooyinkaa, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “cabashada guud ee maxkamaddaha dhakhso ayaa wax looga qabanayaa, dimuqraadiyada iyo caddaaladuna waa ta aanu u ogolaanay inaanu dhegaysano cabashadiina.”

Top


Urur Haween Ah Oo $16, 500 Lixdan Dumar
Ah Ugu Qaybiyay Ceerigaabo

Ceerigaabo, Feb 23, 2004 (Haatuf) – Urur haween ah oo samafal wadaniya, magaciisana la yidhaahdo CARFO ayaa Sabtidii doraad deeq lacag ah oo xaddigeedu ahaa $16,500 dolar magaalada Ceerigaabo ugu qaybiyey 60 dumar ah oo dan yar ah, waxaana munaasibadii deeqdaa lagu gudoonsiiyey haweenka danyarta ah ka soo qayb galay masuuliyiin door ah oo isugu jira heer degmo iyo heer gobol intaba.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaag C/rashiid Xasan Cabsiiye gudoomiyaha ururka haweenka CARFO Marwo Baar Siciid Faarax ayaa ugu horayn munaasibaddaa ka jeedisay hadal ay kaga war-bixinayso deeqda ay qaybiyeen iyo guud ahaan adeegyada samafal ee uu ururkoodu qabto, waxaana hadaladeeda ka mid ahaa “lixdii bilood-ba mar baanu dayn lacag ah siinaa 30 haween ah, waxaanuna dumarka ugu mahad naqaynaa sida ay u soo celiyaan daynta aanu siino, waayo marka ay soddonka hore dib u soo celiyaan dayntii aanu siinay soddon kale oo haween ah ayaa dib u qaata oo la daymiyaa”.

Gudoomiyaha ururka haweenka CARFO waxay sheegtay in lacagta deynta ah ee ay hadda u qaybiyeen lixdanka dumarka ah ay iyagana ugu deeqday hayad samafal caalami ah oo marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaahdo OCAA, kana soo jeeda dalka UASTRALIA, wuxuuna ururka haweenka CARFO Ceerigaabo ka sokow ka hawl-galaa degaamo ay ka mid yihiin Ceel-afweyn iyo Maydh. Laakiin marwo Baar Siciid iyadoo ka waramaysa sooyaalkii taariikheed ee uu ururkoodu soo maray iyo intii lacago dayn ah dumarka siiyeen waxay tidhi “ururkan (CARFO) waxa la aasaasay sannadkii 1994-kii, wuxuuna mudadii uu jiray bixiyey lacag dhan $165,000 dolar (Boqol iyo lixdan iyo shan kun oo dolar), waxaana lacagahaa ka faa’iidaystay 940 qof”.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay badhasaab-xigeenka gobolka Sanaag, iminkana ah kusimaha badhasaabka C/casiis Xasan Siciid oo ka mid ahaa madaxdii dawladda ee munaasibadaa ka soo qayb gashay, wuxuuna isaga oo la hadlaya ururka haweenka CARFO yidhi “hawsha samafal ee aad wadaan waan idinku amaanayaa, waxaana idinka rajaynayaa inaad doorka dambe raggana wax ka soo gaadhsiin doontaan”.

Maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa isna munaasibadaa ka hadlay, wuxuuna haweenka ka codsaday inay kala shaqeeyaan hagaajinta nadaafadda magaalada oo ay dawladda hoose waqtigan xaadirka ah ku mashquulsan tahay.

Ururka samafalka haweenka ee CARFO waxa uu ka mid yahay ururada samafalka wadaniga ah ee ka jira gobolka Sanaag, waxaana marka laga yimaado lacagta ay hadda qaybiyeen lacago hore u siiyey hayadaha samafalka ee kala ah: UNHCR, GTZ iyo OCAA.

Top


Wasiirka Daakhiliga Somaliland
Iyo Hay’adda DRC Oo Jawaabo Beenin
Ah Ka Bixiyey War Uu Daabacay Jamhuuriya

Hargeysa, Feb 23, 2004 (Haatuf) – Wasiirka arimaha gudaha dawladda Somaliland Ismaaciil Aadan Cismaan iyo masuuliyiinta hayadda samafalka caalamiga ah ee DRC ayaa mid waliba dhiniciisa u beeniyey war ku soo baxay wargeyska Jamhuuriya, cadadkiisii soo baxay Axadii shalay (22.2.2004),waxayna labadan dhinac sheegeen inaanu jirin warka Jamhuuriya daabacday, iyadoo ay hayadda DRC soo saartay qoraal kooban oo ay ku beeninayso jiritaanka warkaa, halka uu wasiirka daakhiliguna shir jaraa’id oo xafiiskiisa ku qabtay ku beeniyey warkaa.

Warka ay wasiirka daakhiliga Somaliland iyo saraakiisha hayadda DRC ee Somaliland beeninayaan ee ay Jamhuuriya daabacday waxa uu ciwaankiisu ahaa “Dalka Denmark oo dareen cadho leh ka bixiyey qoraal wasiirka daakhiliga Somaliland u qoray xafiiska hayadda DRC ee Hargeysa”, wuxuuna wargeysku sheegay inuu warkan u soo diray nin weriye ah oo magaciisa la yidhaahdo Cismaan C/laahi Sool oo jooga dalka Denmark, laakiin warka wargeysku qoray waxa kale oo uu soo xigtay qoraal ay sheegeen inuu wasiirku u qoray xafiiska Hargeysa ee hayadda DRC, qoraalkaas oo uu wasiirku ku joojinayo tababaro ay hayadda DRC siiso cuqaasha Somaliland qaar ka mid ah.

Sidoo kale warka wargeyska Jamhuuriya qoray waxa kale oo uu soo xigtay sarkaal sare oo ay sheegeen inuu ka tirsan xafiiska hayadda DRC, xafiiskooda Copenhagen, laakiin la sheegay inuu magaciisa qariyey.

Wargeyska Jamhuuriya waxa uu sheegay inuu qoraalka wasiirku Afka Ingiriisida ku qornaa, balse ay Af-Soomaali ku soo turjumeen, waxaana hadalada wargeysku qoray ee qoraalkaa ku saabsan ka mid ahaa “ Aqoon iswaydaarsiga ay hayadda Danish Refugee Council u qabanayso cuqaasha qabaa’ilka bariga waa waxba kama jiraan, waana joojiyey ilaa inta aniga amar dambe la iga helayo”.

Waxa kale oo uu wargeysku qoray inuu dalka Denmark sannad walba Somaliland siiyo hal milyan oo doolar.

Hase yeeshee hayadda DRC xafiiskeeda Hargeysa waxay soo saareen qoraal ay warkaa kaga hadlayaan, waxayna qoraalkooda ku sheegeen inaanay waxba ka ogayn warka wargeyska Jamhuuriya daabacay, qoraalkoodana waxay ku yidhaahdeen “ma jiro wax dooc (maqal) iyo dareen ah oo war ah oo rasmi ahaan sinaba uga soo baxay hayadda DRC (Danish Refugee Council) ee Copenhagen (xarunta DRC ee ku taal caasumadda dalka Denmark) oo ku saabsan barnaamijka looyarnimada (Advocacy progarame) oo ay hayadda u gud-bisay dawladda Somaliland, mana dhicin wax su’aal ah oo arintan ku saabsan oo hayadda DRC, Hargeysa wax lagaga waydiiyey arintaa ama wax tibaax ah oo ay hayaddu u gud-bisay wargeyska (Jamhuuriya).

Mucaawinada uu dalka Denmark siiyo Somaliland ee la soo mariyo hayadda DRC waa kow iyo toban milyan oo Kroner (11 milion oo Kr) ee ma aha kow iyo toban milyan oo dolar (11 milion dolar). Barnaamijka looyarnimaduna waxa uu ku salaysan yahay in wax lala qabto hawlaha xuquuqal insaanka iyo nabadda, waxaana hadda anaga (DRC) iyo wasaaradda arimaha gudaha Somaliland noo socda dood (wada hadal) lagaga baaraan-degayo barnaamijka looyarnimada”.

Sidoo kale wasiirka arimaha gudaha Somaliland Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa isna dhiniciisa beeniyey warka Jamhuuriya qoray, wuxuuna yidhi “Ma jirto haba yaraatee wax qalad ah oo aan u qoray DRC, waxaase jirtay inaan maqlay tababar ay hayadda DRC u bixinayso cuqaasha Somaliland, mashruucaas anigu wasiir ahaan maan ogayn, waxaanse mar dambe ku war helay in mashruucaa wasaaradda qorshayntu ansixisay, wasaaradda arimaha guduhuna ogolaatay oo uu agaasimaha guud warqadda ogolaanshaha siiyey. Laakiin aanu wax ogaysiin ah I soo siin., markaas ayaan hayaddii u yeedhay oo waydiiyey cidda ay ogolaanshaha ka heleen, aadna way u fahmeen, wax cadho iyo xumaan ahna kama ay qaadin, waxayna u arkeen inay tahay wax qaldan oo aan saxayo, waxaanuna isla garanay in marka ay hayaddu tababarka cuqaasha bixinayso ay cid masuul ah oo wasaaradda ka tirsani meesha joogto. Laakiin waxa nasiib daro ah warka aan aasaaska lahayn ee uu Jamhuuriya qoray, warkaas oo been abuur ah Jamhuuriyana aanay soo caddayn karin, waayo ma jiro wax dalka Denmark na dhex-maray, warkaasina waa been abuur aan sal iyo raad toona lahayn, masuuliyiinta DRC-na way la yaabeen warkaa . Saxaafadduna marka ay wax qoraysaa waa inay noqdaan wax dhab oo jira, masuulka dhaliil jirta laga qoraana waa inuu ka faa’iidaysto oo isa saxaa, waxaase ceeb ah inuu wargeyska Jamhuuriya had iyo goor bogga hore ku soo qoro wax raad lahayn oo run ku fadhiyin, waxaan leeyahay Jamhuuriya taa haka waantowdo”.

Laakiin wasiirka mar la waydiiyey su’aal ahayd “wasaaraddu marka ay dhinac-na ka ogolaatay, dhinacna ka joojisay aqoon iswaydaarsiga cuqaasha miyaan taa la odhan karin waa qalad wasaaraddu leedahay”, waxa uu kaga jawaabay “taasi ma aha wax Jamhuuriya u yaal, ee Jamhuuriya waxa u yaal oo lagala hadlayaa warka beenta ee ay qortay ee aan salka iyo raadka lahayn ee aanay caddayn karin”.

Mar kale ayaa hadana wasiirka daakhiliga la waydiiyey su’aal kale oo ahayd, “hadii uu wargeyska Jamhuuriya soo caddeeyo warkan, adigu wasiir raali gelin ma bixinaysaa”, waxa uu ku jawaabay “marna ma soo cadayn karaan warkaa, waxaana leeyahay Jamhuuriya iska daaya been abuurka, hadiise ay taasi jirto saxaafadda raali gelin baan siinayaa”.

Top


C/Laahi Yuusuf Oo Amar Ku Bixiyey Inaanay Masuuliyiintiisa Sar-Sare Debedda U Safri Karin

Garoowe, Feb 23, 2004 (Haatuf) – C/laahi Yuusuf oo madax ka ah maamul-goboleedka Puntland ayaa amar ku bixiyey inaanay masuuliyiinta sar-sare ee maamulkiisu debedda uga bixi karin dhulka maamul-goboleedka Puntland, sidaana waxa tibaaxay warar laga soo xigtay ilo ku dhow-dhow C/laahi Yuusuf.

Sida ay tibaaxeen warar laga soo xigtay ilo ku dhow-dhow C/laahi Yuusuf waxa uu amarka C/laahi Yuusuf ka soo baxay gebi ahaan-ba masuuliyiinta sare ee maamulkiisa ka mamnuucayaa inay degaamada maamul-goboleedka Puntland meel ka baxsan safaro ugu baxaan, laakiin waxay wararka qaarkood tibaaxayaan in inkasta oo aanu amarkani cid gaar ah farta ku fiiqayn, hadana waxay wararka qaar tibaaxayaan in amarkan loola jeedo qaar ka mid ah masuuliyiinta sare ee Puntland oo looga shaki qabo inay goostaan, waxaana koontaroolada maamul-goboleedka Puntland amar lagu siiyey inay ilaaliyaan ama isha ku hayaan masuuliyiinta xayiraadda lagu soo rogay ee aan dhulka Puntland debedda uga bixi karin. Hase yeeshee sababta keentay inuu C/laahi Yuusuf soo saaro amar lagu xayirayo socdaalada debedda ee masuuliyiinta sare ee maamul-goboleedka Puntland waxa ka soo baxaya warar is-khilaafsan oo ay qaar-ba meel saarayaan sababta amarkan keentay.

Wararka qaar waxay leeyihiin amarka xayiraadda masuuliyiinta sare ee Puntland lagu soo rogay waxa sababay ka dib markii uu toddobaadkii hore wasiirkii waxbarashada maamul-goboleedka Puntland Xasan Maxamud Dhiilood ka soo goostay maamulka C/laahi Yuusuf, una soo talaabay Somaliland, isaga oo hadda ku sugan Hargeysa. Laakiin warar kale ayaa iyaguna leh waxa xayiraaddan sababtay marxaladda adag oo soo waajahday maamulka C/laahi Yuusuf, taas darteedna loo xayiray dhaqdhaqaaqyada debedeed ee masuuliyiinta maamulkaa. Sidoo kale warar kale ayaa iyaguna leh waxa amarka xayiraadda sababay qaar ka mid ah masuuliyiinta sare ee maamul-goboleedka Puntland oo laga tuhun qabo inay isu tabaabushaynayaan inay baxsadaan, sidaa darteedna amarkan ragga caynkaas ah loola dan leeyahay.

Dhinaca kalena nin agaasime guud ka ahaa wasaaradda arimaha gudaha ee maamul-goboleedka Puntland ayaa Sabtidii doraad lagu aasay magaalada Garoowe, ka dib markii isla maalinimadii Sabtidii rasaas lala beegsaday, ka dibna uu halkaa ku qudh-baxay.

Marxuumkaas oo magaciisa la odhan jiray C/risaaq Xasan waxa lagu dhuftay 8 xabbadood isaga oo markaa ku sugnaa meel u dhow xafiiskiisa Garoowe. Hase yeeshee inkasta oo la rumaysan yahay inuu dilka ninkaasi ku lug lahaa sabab siyaasadeed, hadana warar is-khilaafsan ayaa ka soo yeedhay dhinaca Garoowe, taas oo ay wararka qaar leeyihiin waxa dilay wiil dhalinyaro ah oo uu adeer u ahaa marxuumku, wiilkaas oo la sheegay in laga soo dhaqan-celiyeydalalka Yurub-ta, sidaa darteedna uu isaga oo taa ka cadhaysan uu adeerkii toogtay. Laakiin warar kale ayaa taa khilaafay, sheegayna inuu dilka ninkaa fuliyey mid ka mid ah ciidankii ilaaladiisa ahaa, taas oo ay wararka qaar leeyihiin lama garanayo sababta uu askariga ilaalada ahi ninkaa u dilay, qaarna leeyihiin waxa uu ahaa hawl-gal siyaasad ku lug leh oo lagu fuliyey ninkaa.

Top


Hawlaha Laanta Socdaalka Wajaale Iyo Isbedelka Ka Muuqda

Wajaale, Feb 23, 2004 (Haatuf) – Inkasta oo ay meeshu tahay marrin weyn oo ay isaga gudbaan dadka iyo gaadiidka u kala socda ama u kala goosha labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya, hadana laanta socdaalka ee magaalada Wajaale ma laha xafiis loogu hagaago marka laga reebo buul-yar oo Taandho ah oo ku yaal Kantaroolka ku yaal barta looga gud-bo dhinaca Itoobiya, wuxuuna adeegg laanta socdaalka Wajaale ahaan jirey mid aan shishlayn oo aanu dhaq-dhaqaaqiisu aad u muuqan. Hase yeeshee maal-mahan u dambeeyey waxaad moodaa inuu isbedel ku yimi xaaladda adeeg ee xafiiskan, waxaana ka muuqda hawl-qabad intii hore ka firfircoon.

Weriyaha Haatuf ee degaanka Gebiley Maxamed Xasan ayaa warbixin kooban nooga soo diray dhaq-dhaqaaqa laanta socdaalka Wajaale iyo bal waxa iska bedelay xaaladdda adeeg ee xafiiskaa, iyadoo weriyuhu xog-wareysi la yeeshay laanta socdaalka Wajaale, warbixintiisa ku yidhi “Laanta socdaalka Wajaale oo aanay xaaladeeda adeeg aad u muuqan jirin, isla markaana ay rug u ahayd buul-yar oo Teedho a ayaad moodaa inay hadda wax isbedeleen xaaladdii xiliyadii hore. Dabayaaqadii toddobaadkii hore oo aan booqday Wajaale ayaan markii u horaysay la kulmay xafiis qalabaysan oo heegan ah, taasina waxay iigu muuqatay isbedel ku cusub oo ku soo kordhay xaaladda adeeg ee laanta socdaalka Wajaale.

Taliyaha Laanta Socdaalka Tog-wajaale Jaamac Cabdi Yuusuf (Jaamac-Boorama) ayaan la kulmay, wax-na ka weydiiyey xaaladda adeeg ee xafiiskiisa, iyadoo arrimaha aan kala sheekaystay ay ka mid ahaayeen xidhiidhka wada shaqayneed ee labada xafiis socdaal ee labada dhinaca (Somaliland iyo Itoobiya). Taliyaha laanta socdaalka Wajaale waa nin loo soo bedelay meesha dhowaan, waxaana loo magacaabay xafiiskan 24-kii January 2004.

“Shaqadaydu waxa weeye hubinta dhok-mentisyada ay dadku sitaan hadii ay muwaadin tahay iyo hadii ay ajaanib tahayba ee qofka baxaya ama soo gelaya” ayuu yidhi taliyaha laanta socdaalka Wajaale, isaga oo ka waramaya adeegyada ay qabtaan, wuxuuna intaa ku daray inuu marinka ay joogaan yahay marinka keliya ee sharciga ah ee ay isaga gudbaan dad iyo gaadiid laba wadan u kala socda.

“maalin walba waxa halkan soo mara dad badan oo doonaya inay isaga gudbaan labada dal” ayuu yidhi taliyuhu, isaga oo intaa ku daray dadkaasi labada dhinac-ba ka socdaan.

Magaalada wajaale oo ku taal xadka y dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya waa magaalo laba daamood ah oo uu dhex-maro xadka labada wadan u dhexeeya, waxaana magaalada dhex-mara doox (tog), taas darteed-na labada daamood waxay kala yihiin daanta Somaliland iyo daanta Itoobiya.

Xiliyadii xukuumadihii Siyaad Barre iyo Mingistu may jirin laamo socdaal iyo Kastamo ku yaal xuduudka labada dal. Laakiin taasi waxay isbedeshay markii ay labadaa talis meesha ka baxeen. Sidaa awgeed magaalada Wajaale waxay labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya ku kala leeyihiin laba xafiis socdaal.

Taliyaha laanta socdaalka Wajaale ayaa sheegay in dadka isaga gud-baya labada dal looga baahan yahay sharciyaddii socdaalka sida: Baasaboor iyo wixii kale ee la xidhiidha shuruucda socdaalka, isaga oo tilmaamay in masalan qofka reer Somaliland ee doonaya inuu galo dalka Itoobiya in laanta socdaalka Wajaale Baasaboorka ugu dhufanayso bixid, laanta socdaalka Itoobiya ee daanta kale ee Wajaalena ugu dhufanayso gelid, ka dib-na fiisaha laga siin doono Jig-jiga, laakiin buu yidhi dadka ajaanibka ee Somaliland ka soo gelaya dhinaca Itoobiya waa inay soo maraan wakiilka Somaliland ee fadhiya Addis-ababa oo ay ogolaansho ka soo qaataan.

Hase yeeshee taliyaha mar aan weydiiyey bal sida ay ula dhaqmaan qofka ajaanibka ee u yimaadda isaga oo aan wax fiise ama ogolaansho ah ka soo qaadan wakiilka Somaliland ee Addis-ababa fadhiya, doonayana inuu Somaliland soo galo, wuxuu ku jawaabay “dadka caynkaas ahi marka ay noo yimaadaan war-bixin ayaanu ka dir-naa, taas oo aanu xaaladda qofka u gud-binno xarunta guud ee laanta socdaalka, ka dib-na haddii la ogolaado inuu soo galo waanu gud-binaa.”

Top


“Nin Kursiga Laga Rido Iyo Nin La Saaraa Midna Qiimo Kuma Fadhido”
Eng. Maxamed Axmed Cilmi (Sabca), Mudane Golaha Degaanka Hargeysa ah

“Nin Kursiga Laga Rido Iyo Nin La Saaraa Midna Qiimo Kuma Fadhido”
Eng. Maxamed Axmed Cilmi (Sabca), Mudane Golaha Degaanka Hargeysa ah

Waxaan jecelahay in aan dadweynaha iyo dawladdaba la socodsiiyo in doorashooyinkii sida fiican dalka uga dhacay ee dawladdaha hoose, maanta laga joogo marxalad aad u adag, taas oo ah in ujeedooyinkii laga lahaa ee wax qabad aanay sidii loogu talo galay u socon.
Muddo ah 13 sanno nabad ayaa la dhalinayey oo aynu haynaa ee shanta (5) sanadood ee aynu imika ku jirno yaanay khasaare inagu dhaafin, amase yaanay khasaare ina dhaxalsiin.

Maxaa dhacay?

In ujeedooyinkii axsaabtu ka lahayd doorashada hir-geli waayeen himilooyinkii iyo balan-qaadyadii.

In xidhiidhka dawladaha hoose iyo dawladda dhexe kala goosteen.
In dalwladda dhex indhaha ka qarsatay mashaakilaadka haysta dawladdaha hoose iyo sidii loogu toosin lahaa hanaanka dawladnimo.

In aanay jirin qawaaniin amase sharciyo loo sameeyey oo tafaftiran, kuna saabsan sidii ay dawladaha hoose u shaqan lahaayeen.

In sharciyadda dawladaha hoose ku dhaqmaan sida xeerka dawladaha hoose iyo xeer hoosaadka dawladaha hoose noqdaan mid aan habaynayn ama aan lagu tilmaami krin xeerar ka turjumaya dhismahooda, amase waxqabadkooda.

Markay arrintu sidaas tahay, dadweynuhu waa inaanay naga filan wax qabad sababta oo ah:

Ma lihin dhismihii wax qabad sida ay aduun-weynaha kale u habaysteen dawladahooda hoose.

Xildhibaanada dawladaha hoose kuma dhaqmaan, khaasatan kuwa caasimada Hargeysa xilkii loo doortay, taas oo ay dhamaan shaqadayadii noqotay keliya fayl ayaanu sidanaa, dhulkana waanu talaabsana, dhamaan saxeex ayuunbaanu wadnaa, waxna kama jiraan oo dalkuba qorshe ma leh.

Xildhibaan waliba wax xalil buu is leeyahay, laakiin maxaa laxalilayaa? Maxaase la dhamaynayaa?

Haddaba waxa ay runtu tahay:

In ay xildhibaanadu shaqooyinka ay faraha kala baxaan oo ay ku shaqeeyaan xilkii loo doortay, kaas oo ah sharci samayn oo keliya iyo waa daba-gal wixii fuley. Waa daba gal wixii loo baahan yahay ee saameeya dadweynaha, waa ilaalinta dakhliga iyo kharashka wax qabad. Qaanuun samaynta oo ah wax dhaxal gal ah, ayaan lagaga bixi karin 5-ta sanadood ee u horeeya, mana hayno arrintaas.

Sidaa darteed dadweynaha waxaan la socodsiinayaa oo aan leeyahay “Cidna uma maqna ceelna uma qodna”, isla makaana sidii ayn degaankeena ka dhigno ee loo dhiso ayuunbaa aduunweynuhu inagu tix-gelinayaa, waxaynuna sugaynaa ictiraaf, waxaynu sugaynaa nolol wanaagsan iyo waxyaalo badan oo horumar ah.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa:

Haddii ay sugayso dawladda dhexe sharaf iyo in ay kasbato dawladnimo habkeed ha la timaado, ha dhisto wada jir ahaan dawladaha hoose.
Ha soo dhex-gasho hana bixiso tusaale iyo tilmaanba, ileyn samada cidi ka soo degi mayso oo wax inoo dhisimaysee, aynu wax qabsano, kana faa’iidaysano maskaxdeena iyo muruqeena iyo aqoonteena.

Eng. Maxamed Axmed Cilmi (Sabce)
Xidhibaan Golaha Degaanka Hargeysa.

Top


10 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Laxaadle Oo Ka Dhacay Qudus

Qudus feb 23, 04 (W.Wararka)) ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay illaa 62 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii uu qarax ka dhacay shalay magaalada Qudus.

Qaraxan oo ka dhashay weerar isbiimayn ah oo ay dad naftood hurayaal ahi ku qaadeen baabuur kuwa rakaabka ah kaasoo ka dhacay galbeedka Qudus.

Weerarkan baska lagu qaaday ee lagu qarxiyey wuxuu dhacay xilligii ay dadka oo dhami shaqada u dareerayeen oo siddeeddii subaxnimo ahayd, wuxuuna weerarku ka dhacay degmada Rehavia ee dhinaca Galbeed ee magaalada Jerusalem.

Wixii ugu horreeyey ee ay dadku arkeen waxay ahayd dhawaaqa baabuurta booliska oo mar qudha magaalada wada gaadhay.

Dhawaaqa baabuurta booliska muu ahayn wax dadka ku cusub, waayo mar kasta oo weerar noocan oo kale ah la qaado ayey sidani dhacdaa.

Sida lagu sheegay warkii ugu horeeyay ee kasoo baxay dawlada Isra’il ilaa 70 qof ayaa wax ku noqday weerarkani, kaasoo uu sheegay raadiyaha dawladda Israel in uu ahaa weerar uu soo qaaday qof naftii hure ahi.
Warar dhinaca booliska Israel laga soo xigtay ayaa iyaguna sheegaya in ilaa toddoba qof ay dhinteen, iyadoo ilaa labaatan kale oo ka mid ah dadka dhaawacmayna ay xaaladdoodu halis tahay. Boolisku waxay kaloo sheegeen in weerarkaasi uu soo qaaday qof naftii hure ah oo baska isku dhex qarxiyey.

Waxaa hadda laga joogaa saddex toddobaad oo kaliya markii sidan oo kale uu qof naftii hure ahaa uu qarxiyey bas kale halkaasoo ay ku dhinteen 11 qof Galbeedka magaalada Jerusalem.

Top


Dalka Haiti Iyo Qorshaha CusubEe Nabadda

Haiti feb 23, 04 (W.Wararka) Madaxweyne dalka Haiti, Jean-Bertrand Atistide, ayaa aqbalay qorshe nabadeed deg-deg ah si loo joojiyo kacdoonka hubaysan ee ka socda dalkaasi.

Heshiiska, oo ay soo bandhigeen guddi diblomaasiyiin caalami ah, waxaa ku jira in uu madaxweynuhu iska wareejiyo qaar ka mid ah awoodihiisa, laakiin haddana uu xafiiska sii hayo. Mucaaradka siyaasadeed ee dalka Haiti ayaa weli ka fiirsanaya qorshahani.

Kaddib kulan qaatay dhawr saacadood oo uu guddigan caalamiga ah ee wada xaajoodka la galay, ayuu madaxaweyne Aristide isagoo dhoollacaddeynaya sheegay in uu aqbalay qorshahooda.
Wuxuu aqbalay, waa madaxweynaha Haiti-ye, in uu beddelo ra'iisal wasaarihiisa u daacadda ah oo lagu beddelo nin cusub oo ay si wadajir ah u soo magacaabaan guddi ka kooban dawlada, mucaaradka iyo weliba beesha caalamka.

Waxaa kaloo uu aqbalay madaxweynaha Haiti in la qabto doorashooyin cusub oo aan laakiin loo qaban wax waqti ah xilliga ay qabsoomayaan.
Qorshahani soo dhaweyn diirran kama helin dhinaca ururka siyaasadeed ee mucaaradka ah. Waxayna weli ka fekerayaan, waa mucaaradkee, jawaabtii ay ka bixin lahaayeen, waxayna guddiga caalamiga ah ee wada xaajoodkan galay siiyeen mucaaradka in ay jawaabtooda ku keenaan muddo laba maalmood gudahood ah.

Marka la eego dhinaca mucaaradka, qorshahani ma fulinayo dalabkooda ugu weyn ee ah madaxweyne Aristide inuu kursiga iskaga dego.

Laakiin, haddii ayna aqbalin qorshahan, waxay diblomaasiyiintu ka digayaan in mustaqbalka dalka Haiti uu gacanta u geli doono fallaagada hubaysan ee hadda la wareegay maamulka dhinaca woqooyi ee dalkaasi.

Fallaagadu waxay rabaan in ay madaxweyne Aristide xukunka xoog kaga qaadaan, haddii sidaasi la isku dayo in la sameeyana waxaa halis ah in waddanku uu dhex muquurto jaha wareer.

Top


Iran

Tehran feb 23, 04 (W.Wararka)) Iyadoo haddda lagu dhawaaqay inta badan natiijooyinkii doorashadii guud ee Jimcihii ka dhacday dalka Iran, ayaa waxaa hadda iska cad in muxaafidiinta garabka midig ay si weyn uga guulaysanayaan kuwa ka soo horjeeda ee is-beddel-doonka ah.

Kooxaha is-beddel-doonka ah oo afar sano ka hor doorashooyinkii dhacay ku hantay maamulka baarlamaanka ayaa doorashadan galay iyadoo 2500 oo ka mid ah raggii isu soo sharraxay loo diiday in ay tartamaan, waxaana diidmadaasi sameeyey hay'adda doorashooyinka ee garabka midig.

Inkastoo aan weli lagu dhawaaqin natiijada kama dambaysta ah, waxaa haddana iska cad in muxaafidiinta garabka midig ay aqlabiyad muuqata ka noqon doonaan baarlamaanka cusub ee ay Iran yeelan doonto.
Cel-celis ahaan waxay noqon doonaan muxaafidiintu kuwo ku saddex jibbaarma ragga is-beddel-doonka ah ee isa soo sharraxay.

Deegaanka caasimadda Tehran oo ah meel muhiim ah oo ay taallo 30 kursi oo loo tartamayey, waxaa ilaa iyo hadda lagu dhawaaqay qeyb ka mid ah natiijada, waxayna wararka hordhaca ahi sheegayaan in isbahaysiga garabka midig ay aad ugu horreeyaan iyadoo aan ilaa iyo hadda la sheegin xitaa hal qof oo ka tirsan kooxda is-beddel-doonka ah oo ku jira soddonka ugu sarreeya.

Doorashooyinkii hore ee dhacay afar sano ka hor, waxay natiijadu ahayd mid sida ay wax u dhacayaan caksigeeda ah, iyadoo markaasi ay kooxaha is-beddel-doonka ahi la wareegeen inta badan dhammaan kuraastii baarlamaanka, laakiin hadda inta badan kooxahaasi is-beddel-doonka ahaa waxaaba loo diiday xitaa in ay tartanka sooba galaan mar kale.
Tartanka magaalada Tehran waxaa jira isbahaysi ay leeyihiin kooxaha qunyar-socodka ah ee is-beddel-doonka ah, laakiin sarkaalka ugu sarreeya isbahaysigan oo ah afhayeenka baarlamaanka, Mehdi Karrubi, oo ay xagga siyaasaddana bah-wadaag ka yihiin madaxweynaha Maxamed Khaatimi, ayaan ka soo dhex muuqan natiijada hordhaca ah in xitaa uu hal kursi nafsaddiisa u heli karo.

Sidaasi darteed, doorashadan waxay u eg-tahay mid laba-jeerba sharaf-dil u ah madaxweynaha dagaalka lagula jiro ee is-beddel-doonka ah.

Natiijooyinka kama dambaysta ah ilaa iyo hadda lama hayo, laakiin jawaabaha hordhaca ah ee soo baxay waxay muujinayaan wax u dhexeeya 40 ilaa iyo 45 boqolkiiba in ay yihiin dadka u soo baxay doorashadani.
Taasi haddii ay dhacdo haddaba oo sidaasi lagu soo gunaanado jawaabta kama dambaysta ah, waxay noqon doontaa doorashadii ugu liidatay xagga dadka codkooda dhiibta ilaa intii jamhuuriyadda Islaamka ah ee Iran ay curatay 25-sano ka hor marka loo eego doorashooyinkii guud ee dhici jiray.

Tiradan hadda codkooda dhiibatay haddana uma hooseyso sidii ay rabeen murashaxiintii loo diiday in ay tartamaan ee is-beddel-doonka ahaa, sidaas oo ay tahayna haddana tiradu uma badnayn sidii ay rajeynayeen kooxaha muxaafidiinta ahi.

Doorashadan hadda dhacay waxay u muuqataa mid madaxweyne Khaatimi ka dhigaysa nin go'doonsan oo awooddiisana ay si weyn u wiiqantay.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aanu oggolaan doonin in ay dhacdo doorasho aan caddaalad ku dhisnayn, laakiin haddana wuxuu iska aqblay in murashaxiintii is-beddel-doonka ahayd loo diiday in ay tartankaba soo galaan.

Murashaxiintaasi tartanka laga xarrimay waxaa xitaa ku jira walaalkii, Maxamed Reza Khaatimi, kaasoo guddoomiye u ah xisbiga ugu weyn ee is-beddel-doonka ah, kaasoo kuraastii ugu badnayd ku guulaystay doorashadii hore.

Madaxweyne Khaatimi wuxuu ku dhiirrigeliyey kuwa is-beddel-doonka ah ee ka badbaaday diidmadii 2500-ta looga saaray tartanka in ay si xoog leh halganka u galaan, laakiin waxay u muuqataa sida laga dhadhansan karo jawaabaha hordhaca ah in dadkii codkooda dhiibanayey ay dhabarka soo xajiyeen.


Itoobiya Iyo Qorshaha Horumarinta Beeraleyda Iyo Reer Guuraaga

Addis Ababa feb 23, 04 (W.Wararka)) Cilmi baadhis lagu sameeyay cunno-yarida ka jirta waddanka Ethiopia iyo sida ay u saameysay gobollada ay kala degganyihiin beeraleyda iyo reer guuraagu ayaa lagu soo bandhigay magaalada Addis Ababa.

Natiijada cilmibaadhistani oo ay ka doodeen saraakiisha dawladda iyo kuwa Qarammada Midoobay iyo hay'adaha aan dawliga ahayn ayaa waxaa lagu sheegay in reer guuraaga Ethiopia ay ka nolol wanaagsan yihiin beeraleyda.

Dr Stephen Devereux oo ka socda mac-hadka baadhitaannada horumarka islamarkaana wax ka dhiga jaamacadda Sussex ee Britain ayaa sameeyay cilmi baadhistani. Waxaana dalbatay oo maalgelisay hayadda Qarammada Midoobay u qaabilsan xidhiidhinta gargaarka bani'aadminimo ee UN OCHA.
Isagoo soo bandhigaya natiijooyinka u soo if-baxayna waxa uu sheegay Dr Stephen Devereux in gobolka Soomaalida ee waddanka Ethiopia uu ugu qanisanyahay dhammaan gobolada Ethiopia. Waxa kaloo uu caddeeyay in heerka nafaqada gobolkaasi uu ugu sarreeyo waddanka, taasoo ay ugu wacan tahay cunnada ay cunaan oo ku dhisan xoolaha ay dhaqdaan.
Dr Devereux waxa uu sheegay in cunno-yari aad uga heer hooseyso tan ka jirta gobollada ay beeraleyda deggan yihiin ay ka jirto gobolka Soomaalida. Waxaa uu intaasi ku daray in marka laga reebo abaartii darneyd ee sanadkii 2000 ku dhufatay gobolkaasi ayna dadweynaha gobolkaasi weli u baahanin gargaar ballaadhan oo bani'aadminimo oo loo fidiyo.

Waxa uu sheegay in xitaa waxyeellada abaartaasi aan laga dareemi lahayn gobolkaasi haddii ay suuqyadii carabta ee xoolaha loo suuq geyn jiray ayna xayiraad ku soo rogi lahayn xoolaha Geeska Africa.
Waxaa uu Diktoorku muujiyay sida ayna dadweynaha gobolkaasi ugu baahneyn gargaarka bani'aadminimo ee lagu sii daldalayo oo ay u baahan yihiin oo keliya ayuu yidhi in lagu dhiirri geliyo in ay iyaga sida caadadooda ah beertaan dhulkooda isla markaana xoolaha ay abadkood dhaqan jireen dhaqdaan.

Waxa uu sheegay in dadweynaha gobolku ay dhadhan ahaan jecel yihiin cuntada ay beertaan ee burka iyo hadhuudhkaba marka la bar-bar dhigo cunnada dibadda laga keeno ee loo siiyo mucaawinada.

Waxaa uu ku cel-celiyay in mawqifka dawladda Ethiopia ay ku dooneyso in ay dadweynaha reer guuraaga ah kaga soo saarto miyiga oo ay ku dejiso agagaarka webiyada uuna ahayn mid waxtar u leh dadweynaha oo uu sheegay in ay yihiin kuwa bartay dhaqashada xoolaha.

Waxa uu weydiiyay halka looga keenayo dhul ay beertaan dhamaan dadweynaha haddii la baabi'iyo reer guuraannimada, ay ku soo dhaqmi jireen boqollaalka sano.

Waxa uu soo xigtay hadal uu soo jediyay mid ka mid ah dadweynaha gobolka Soomaalida oo ka qeyb qaadanayay aqoon isweydaarsi lagu qabtay magaalada Jigjiga. Waxa uu yidhi qofkaasi, dawladdu waxa ay dooneysaa in ay magaalooyinka soo wada dejiso oo ay naga dhigto beeraleey, waxaanan ognahay, in dadka beeraleyda ah ee ku nool daafaha Ethiopia ee laga doonayo in ay cunnadooda iyagu beertaan ay sanad walba dawladda ku caawiso malaayiin tan oo cunno ah. Dawladdu xaggeey noo waddaa mise waxay dooneysaa inaan dawarsanno sida dadkaasoo kale?"
Balse saraakiishii dawladda ee shirkaasi ku sugnaa ayaa iyagu sheegay inayna aaminsanayn tirooyinka iyo akhbaarta uu bixiyay Dr Devereux.
Madaxa waaxda reer guuraaga ee wasaaradda Arimaha Federaalka, Mr Lulseged Ageze, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dawladdu ay meel mariso barnaamijyo lagaga hortagayo cunno-yarida oo ah arrin Ethiopia haatan wel-wel weyn ku haysa.

Mr Lulseged Ageze waxa uu sheegay in u beddelidda reer guuraaga beeralley deggan magaalooyinka isla markaana dhaqda xoolaha ay ka mid tahay barnaamijyada u qorsheysan dawladda in ay ku soo afjarto cunno-yarida. Balse waxa uu muujiyay in tallaabadani ay u baahantahay qorsheyn xilli dheer qaata.

Top


Daalibaan Oo Diyaarad Maraykanku
Leeyahay Dhulka Soo Dhigay

Kabul feb 23, 04 (W.Wararka) Uguyaraan afar askari oo Maraykan ah ayaa ku dhintay qaar kalena way ku dhaawacmeen kadib markii ay dalka Afqaanistaan ku burburtay diyaarad helikobtar ah oo ay lahaayeen ciidamada Maraykanka ee ku sugan afqaanistaan.

Ururka Daalibaan ayaa sheebtay inay diyaaradaasi iyagu soo rideen, kadib markii ay la eegteen gantaal kuwa lidka Diyaaradaha ah.
Laakiin maraykanka ayaa ku doodaya inay diyaaradaasi u burburtay sabab farsamo, lamana hayo warar madaxbanaan oo ka hadlaya sababtii ay diyaaradaasi u burburtay.

Dhinaca kale Shir lagaga hadlayey sidii loo xakamayn lahaa daroogada iyo maandooriyaha lagu beero Afqaanistaan ayaa lagu soo gabagabeeyey Kaabul.

Sarkaal ka qeybgalaya shirkaasi ayaa sheegay in haddii aan la joojiin ganacsiga sharci darrada ah ee daroogada Afqaanistaan in markaasi aanu dalka Afqaanistaan ahaan doonin oo keliya waddan guuldarreysta ee ay dhici karto in uu isu beddelo waddan daroogo gebigiisaba.

sannadkii hore, kooxaha beera daroogada Opium-ka iyo kuwa sharci-darrada ku dhoofiya waxay heleen lacag la mid ah deeqaha dalka Afqaanistaan uu ka helay dunida.

Laakiin, haddana waxaan heshiis lagu ahayn sida ugu habboon ee loola tacaali karo amuurtan. dalka Britain ayaa gelinaya dalka Afqaanistaan lacag dhan US £ 70 milyan oo Gini si ay gacan uga geysato in maamulku uu la tacaalo dhibaatada ka ganacsiga daroogada.

Sidoo kale Britain waxay ku taageeraysaa beeraleyda in ay beertaan waxyaabo kale oo ay iska daayaan beeridda daroogada, laakiin saraakiisha Mareykanku waxay xoogga saarayaan in la soo rogo sharci xoog leh isla markaana la baabi'iyo dhammaan beeraha laga beero daroogada Opium-ka.

Waxayna u muuqataa in dawladda Afqaanistaan ay qaadanayso habkan Mareykanku doonayo iyadoo ballan qaadeysa in ay dagaal cusub sannadkan ku qaadeysa daroogada, laakiin iyadoo horeba loo dhammaystiray beeriddii daroogada Opium-ka ee dhammaan dhinaca Koofureed ee dalka, ayey dadka qaar rumaysan yihiin in olalahan dawladda Afqaanistaan iyo Mareykankuba uu yahay mid si weyn loola habsaamay.

Top


CILMIGA IYO TIKNOOLOJIGA
C/fataax M. Caydiid
Barashada Kumbuyuutarka
Casharka 24

Floppy Disk Drive (FDD)

Sida aan ku soo aragnay casharadii hore, Floppy Disk Drive-ku waa halka kumbuyuutarka laga geliyo cajaladda yar ee kumbuyuutarka lagu isticmaalo loona yaqaan "Floppy Disk" ama Diskette, waxaana astaan u ah xarafka A:. Floppy Disk Drive-ka oo loo soo gaabiyo FDD wuxuu ku dhex dhisan yahay sanduuqa kumbuyuutarka wuxuuna ka mid yahay qaybaha asaasiga ah ee kumbuyuutarka ilaa waagii la soo saaray la socday, marka laga reebo in yar oo ka mid ah kumbuyuutarrada yar yar ee gacanta lagu qaato (Portable Computers) oo la iibiyo iyaga oo aan FDD lahayn.

Baaxadda iyo cabbirka Floppy Disk-ga
Sida Hard Disk-ga ayaa baaxadda Floppy Disk-ga waxaa lagu cabbiraa Byte, KB (kilobyte) iyo MB (megabyte). Haddaad u baahan tahay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cabirradaas iyo waxa ay kala yihiin fadlan eeg Casharka 19-aad gaar ahaan qaybta "Baaxadda Hard Disk-ga".

Diskette-yadii ugu horreeyey aad ayay u waaweynaayeen cabbirkooduna wuxuu ahaa 8 inch (8") oo u dhiganta 20.32 cm, baaxaddooduna waxay ahayd 360 KB. Muddo ka dib waxaa soo baxay diskette-yo uu cabbirkoodu ahaa 5.25 inch (5.25") oo u dhiganta 13.34 cm. Diskette-yadaas mudo dheer ayaa la isticmaalayay waxayna lahaayeen baaxadaha kala ah: 160 KB, 320 KB iyo 1.2 MB. Muddo aan sidaa u sii fogayn ayay shirkadaha kumbuyuutarrada sameeyaa joojiyeen samaynta FDD-yada iyo diskette-ya uu cabirkoodu yahay 5,25, sidaa darteed waxaa laga yaabaa in aad aragto kumbuyuutarro gaboobay oo wata FDD noocan ah.

1987-kii ayaa waxaa soo baxay nooc uu cabirkiisu yahay 3.5 inch (3.5") oo u dhiganta 8.89 cm. Noocan oo ah nooca ilaa iyo maanta la isticmaalo wuxuu u kala baxaa saddex nooc oo xagga baaxadda ku kala duwan. Saddexdaas nooc waxay kala yihiin: 720 MB, 1.44 MB iyo 2.88 MB.
Labada nooc ee ay baaxaddoodu kala tahay 720 MB iyo 2.88 MB inta badan lama helo oo suuqa way ku yar yihiin, waxaase aad loo isticmaalaa oo kumbuyuutar kasta la socda nooca ay baaxaddiisu tahay 1.44 MB.
Labada nooc ee uu cabbirkoodu kala yahay 5.25" iyo 3.5" way isa soo gaadheen, intaas oo muddo ahna waxaa la soo saari jiray kumbuyuutarro wata laba FDD oo uu cabirkoodu kala ahaa 3.5" iyo 5.25". Haddaad u fiirsato xarfaha astaan ahaan u taagan Hard Disk-ga, Diskette-ka, CD-ROM-ka iwm, waxaad arkaysaa inay kala yihiin A:, C:, D:, E: iwm. Haddaad arrintaas mar labaad u sii fiirsato waxaad arkaysaa in laga booday xarafka B: oo waxaa laga yaabaa in aadan marna arkin qayb ay astaan u tahay B:. Xarafkaas waxaa loo daayay oo loo isticmaali jiray FDD-ka labaad. Laakiin markii FDD-ka uu cabirkiisu ahaa 5.25" uu suuqa ka baxay ayuu xarafka B: banaanaaday ilaa iyo maantana waxba looma isticmaalo, maadaama kumbuyuutarrada maanta la isticmaalaa ay inta badan wataan hal FDD oo uu cabirkiisu yahay 3.5". Laakiin qofkii doonaya inuu kumbuyuutarkiisa ku isticmaalo labo FDD oo uu cabbirkoodu kala duwan yahay ama isku mid yahay wuxuu xarafka B: u isticmaali karaa mid ka mid ah labadaas FDD. Markaa labada FDD midka noqonaya A: iyo midka noqonaya B: waxay ku xidhan tahay hadba afka ay kaga xidhmaan waayirka xidhiidhiya FDD-ka iyo kumbuyuutarka intiisa kale. Waayirkaasi wuxuu sida caadiga ah leeyahay laba af oo u kala taagan A: iyo B:

Casharkeenna inta ka hadhay waxaanu kaga hadli doonnaa nooca 3.5"-ga ah.

Muhiimadda Floppy Disk Drive-ka
Kumbuyuutarradii ugu horreeyey ee uu noocoodu ahaa PC-gu ma aanay lahayn Hard Disk, waxayse lahaayeen FDD, dhammaan macluumaadka uu kumbuyuutarku u baahdo inuu kaydiyana wuxuu ku kaydin jiray Floppy Disk (Diskette). Xilligaas wuxuu FDD-ku ahaa qayb aad u muhiim ah oo la'aanteed aanu kumbuyuutarku qiimo badan lahaan jirin ama uu isticmaalkiisu aad u adkaa. Dawrka FDD-ku wuxuu hoos u dhacay markii uu Hard Disk-gu soo baxay ee uu la wareegay kaalinta 1-aad ee hawsha kaydinta macluumaadka iyo program-yada kumbuyuutarka ku jira. Markaa Taasi waxay keentay in FDD-ku uu soo galo kaalinta 2-aad hawshiisu ay isugu soo ururto qodobada kala ah: macluumaad u kala gudbinta kumbuyuutarrada (File Copy) iyo program-yada cusub ee kumbuyuutarka la geliyo (software installation). Markii uu CD-ROM-ku soo baxay, isla markaana baaxadda program-yada kumbuyuutarka la geliyaa ay sare u kacday ayaa waxaa dhacday in FDD-ka xataa kaalintii 2-aad lagu qabsado oo CD-ROM-ka ayaa la wareegay in badan oo ka mid ah hawsha program gelinta kumbuyuutarka (Software Installation). Maanta dawrka FDD-ka iyo diskette-yadaba aad ayuu hoos ugu dhacay, waxaase weli loo isticmaalaa hawlaha ay ka mid yihiin:

Macluumaad u kala gudbinta kumbuyuutarrada (File Copy)
Habka ugu fudud ee macluumaad aan baaxaddoodu weynayn loogu kala gudbiyo laba kumbuyuutar waa iyadoo diskette la adeegsado. Taas waxaa aad u sii caawinaya iyadoo dhammaan kumbuyuutarrada PC-ga ah ee maanta la adeegsadaa ay leeyihiin FDD isku dhismo ah isku sina u shaqeeya. Taasi waxay keenaysaa in wixii macluumaad ah ee aad diskette ku koobiyayso aad ku kalsoonaan karto in kumbuyuutar kastaa uu macluumaadkaas diskette-ka kala soo bixi karo. Waxaa xataa jirta in in-badan oo ka mid ah kumbuyuutarrada uu noocoodu yahay Macintosh-ka iyo xataa kuwa UNIX-kuba ay diskette ka soo akhriyi karaan macluumaad uu kumbuyuutar PC-ga ahi ku kaydiyay, taas oo diskette-yada ka dhigaysa hab fudud oo macluumaadka loogu kala gudbin karo kumbuyuutarro sidaa u kala duwan.

Keydinta iyo xafidaadda macluumaadaha yar yar ee muhiimka ah (Backup)
Qoraallada muhiimka ah iyo macluumaadka kale ee aan baaxaddoodu weynayn waxaa inta badan lagu keydsadaa diskette, si haddii kumbyuutarka ay wax ku dhacaan oo macluumaadkaasi ay si uun u lunto loogu baxsado koobiga diskette-ka ku jira. Waxaase dhici karta in diskette-ka laftiisu uu kharribmo ama uu xataa lumo, sidaa darteed waa muhiim in si gaar ah loo xannaaneeyo diskette-yada lagu kaydiyo macluumaadka muhiimka ah.

Kumbuyuutar gelinta program-yada ka shaqaysiiya qaar ka mid ah qalabka kumbuyuutarka lagu xidhiidhiyo (Driver installation)
Qaar ka mid ah qalabka kumbuyuutarka lagu xidhiidhiyo ayaa weli waxay adeegsadaan diskette-yo si ay kumbuyuutarka u geliyaan program-yada la socda ee qalabkaas ka shaqaysiiya. Qalabkaas waxaa ka mid ah Modem-yada, qaar ka mid ah Monitor-rada, qaar ka mid ah daabacayaasha (Printers) iwm. Waxaase qalabka kumbiyuutarka lagu xidhiidhiyo intooda badan la socda CD-ROM hawshaas loo adeegsado.

La soco.

Top


AF JINACLEY
Sheeko – Waxa qoray A. A. Garas, Waxaana Tifaftiray A. Ducaale
Q: 50aad

Islaantii Farax hooyadeed ayaa soo baxday iyadoo ay cadho ka muuqato, kadibna waxay aloostay ama abuurtay olole lagu baadi-doonayo Cawil iyo qabiilkiisa.

Dabadeedna odaygii Farax aabaheed oo meel halkeer ah fadhiya ayay ku xayraantay, waxay u saar-saartay bahal canaan ah, iyado ku tidhi:

“Eeyaahe habeenimadaada waxaad socotaba ma maantaad inantaadii Farax ee dumarka wadanka jooga ka sheeganayd afka uga gelisay nin aan meel uu ka yimi iyo qoladiisa toona la garanayn, ma adiga oo gedahaas jooga baad garran kari wayday ninka aad gabadhaada siinaysaa cidda uu yahay ee iga tag, hoheey, hoh.”

Dabadeedna odaygii baa yidhi: “Naa waxan aad ku hadlaysaa waa maxay, ninka sidee baan loo garanayn qoladiisa, miyaanu nin reer Dumaati ah ahayn oo ninka tagsiilaha ah ee Raawis la yidhaahdo isku qolo ahayn.”

Odaygii markuu intaa yidhi ayay islaantii hadalkii dhexda kaga soo booday oo ay tidhi: “Ee anaguba sidaas ayaanu moodaynay, laakiin noqon-waa qoladaa aad sheegayso oo xalay bay inantii waydiisay oo ninkii qoladiisa la garran-waa ee meesha ka kacoo bal ninkan cid garranaysa doon-doon oo ninku cidda uu yahay hala soo xaqiijiyo.”
Odaygii oo is-miskiininaya oo aan islaanta wax hadal kulul iyo diidmo ah ka hor keenayn, taas oo aad moodo inuu isu arko qof qaldamay oo reerka dheg-xumo u soo hooyay ayaa islaantiisii ku yidhi: “Ee anigu sidaas ayaan u haystaye, hadda ayaan raadinayaa bal cid ninkan taqaan, waxaana ugu horayn u tegayaa rag Sucuudiga iyo Jiddaba joogi jiray oo ay hebel iyo hebel ka mid yihiin, iyagaana ii sheegi doona ninkani qolada uu yahay.”

Intaa kadibna odaygii wuu kacay oo wuxuu u dhaqaaqay suuqii uu ku ogaa nimankaa uu sheegayo. Dhinaca kalena islaantii ma sal-dhigine waxay halkii ka sii wadday ololihii ay ku baadi-goobaysay Cawil iyo qoladiisa, waxayna dagaal gelisay wiilal ay dhashay oo ay ku tidhi: “Inantii Farax nin aan haybtiisa la garranayn bay u gacan gashaye kaca oo baadi doona cid ninkan garranaysa.”

Dabadeedna inamadii oo cabaysan ayaa iyaguna dhinacooda budhka u qaatay oo u baadi-doon tegay cid garanaysa Cawil qabiilkiisa.
Sidoo kale, dumarkii xaafadda ayaa iyaguna dhinacooda isu soo shiray markii ay maqleen ninkii Farax guursaday qoladiisii waa la garran-waayay.

Dabadeedna islaantii Farax hooyadeed iyo col dumar ah oo ay wadato ayaa iyaguna dhinacooda u wr-doon tegay. Laakiin islaantu waxay u war-doon tagtay suuqyada iyo xaafadaha ay dadka reer bariga ahi joogaan, waayo, waxay ka duulaysaa waxoogaa male ah oo ay ka soo dheegatay lahjadii uu Cawil ku hadlayay oo ay u malaysay inuu reer Bri yahay markii uu noqon waayay qoladii ay moodayeen. Hase yeeshee odaygii Farax aabaheed oo cadhaysan ayaa markiiba suuq dhex ka helay ninkii tagsiilaha ahaa ee Raawis, wuxuuna si cadho leh ugu yidhi: “Waar ninkan aad noo keentay muxuu ahaa.”

Tagsiilihii baa yidhi: “Waa kee ninka aad sheegaysaa.”

Odaygiibaa yidhi: “Dee ninkii aad waddey ee gabadha naga guursaday.”
Tagsiilihii baa ku jawaabay; “Dee wuxuu ahaa ninkii gabadhaadu kuu soo dirtay, miyuu isaga kaa yimi, mise cid kalaa kuu soo dirtay gabadhaadaa kuu soo dirtaye.”

Odaygii baa markii uu tagsiilihii intaa ku yidhi, yara qaboobay oo dareenkii cadhadu ka muuqatay ee uu tagsiilaha ula yimi hoos u dhigay, laakiin wuxuu mar kale su’aalay; “Ninku qolamuu ahaa.”

Tagsiilihii ayaa ku jawaabay; “Ninku aniga tagsiga ayuun buu iga kiraystay, ninka baabuurka iga kiraystana qolomaad tahay laguma yidhaahdo, markaa anigu cid alaale cid uu yahay ma garanayo.”
Odaygii baa haddana yidhi: “Haddaa meel uu ka yimi inna ma garanaysaa.”

Tagsiilihii baa ku jawaabay; “Horta ninku Sucuudiga ayuu ka yimi, weliba waxaan u malaynayaa inuu Jidda ka yimi.”

Odaygii baa yidhi: “Haddaa iska daa anigaa garanaya rag dhawr ah oo Jidda lafteeda joogi jiray oo magaalada jooga.”

Laakiin odaygii intaa kuma tegine haddana su’aal kale ayuu gocday oo uu tagsiilihii waydiiyay, wuxuuna ku yidhi: “Adeer ninka aad noo keenayso waxay ahayd inaad qabiilkiisa soo ogaato, maxaad qabiilkiisa u soo ogaan-wayday markii uu kugu yidhi reer baan inan uga gole fadhiinayaaye I raac.”

Tagsiilihii ayaa isna ku jawaabay; “Waar ninka ay inantaadii la sheekaysatay ee guursanaysay qabiilkiisa ogaan-wayday sidee baan aniga oo tagsiile ah oo uu isoo kiraystay qabiilkiisa u ogaadaa, ma waxaan idhaahdaa inta aanad tagsiga iga kiraysan horta qolomaad tahay, adiguse maxaad qoladiisa u waydiin wayday markii aad lacagta iyo adduunka ka dal-dalanaysay, waar bal gar-darrada intaa le’eg eega.”
Odaygii su’aal dambe kuma celin tagsiilihii, waayo; wuxuu arkay inuu ka gar-joogo, laakiin wuxuu ku yidhi; “Iminka tagsiga iga kireeyoo ninkii ii gee aan soo haybsadee.”

Tagsiilihii ayaa intuu odaygii ku yara qoslay ku yidhi: “Oday anigu qabiil day-day ma qaadee orodoo gawaadhidaa kale kirayso.”
Odaygii ayaa haddana yidhi: “Waa hagaage ninkii xagee buu joogaa.”
Tagsiilihii ayaa ku jawaabay; “Wuxuu joogaa halkii ay inantaada iska soo heleen ee ka day.”

Odaygii ayaa intuu tagsiilihii ka cadhooday iska dhaqaaqay oo raacdo tegay.

La soco.

Top


Urur cusub oo Ciyaaraha iyo Dhaqanka Somaliland ah (Somaliland Sports & Culture Association) oo lagaga dhawaaqay magaalada London

Hargeysa, Feb 23, 2004 (Togdheersports.com) – Waxa maalintii sabtidii ee taariikhdu ahayd 21 February 2004 laga dhawaaqay magaalada London ee carriga Ingiriiska urur cusub oo lagu magacaabo Somaliland Sports & Culture Association oo ka hawl geli doona dalalka Yurub iyo Waqooyiga Amerika. Waxa xafladii lagu aasaasayey ururkaas ka soo qayb galay dhallinyaro aad u tiro badan oo ka kala yimi gobolada dalka UK oo dhan iyo qaar meelo kaleba ka yimi. Kulankaas lagu aasaasayey ururka Somaliland Sports & Culture Associatoin (SLSCA) waxa soo qabanqaabiyey Wakiilka Somaliland Ee Arrimaha Ciyaaraha Ee Dalalka Yurub Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi).

Waxa ka soo qayb galay xafladaas gudoomiyaha Ururka Somaliland Youth & Sports Hassan Warabe-Cade (Ataroos), gudoomiyaha kooxda Northern Star Ismaaciil Cabdi, kabtanka kooxda Nothern Star Maxamuud Maxamed Xasan (M. Carab), Axmed Maxamuud Mire (Axmed Waqaf) oo isaguna ka socday ururka Nomad ee Somaliland.

Sidoo kale waxa ka soo qayb galay dhallinyaro aad u tiro badan oo ciyaartoy iyo aqoonyahanno isugu jirey, waxa ka mid ahaa dhallinyaradaas Jaamac Muuse (Jaamac Muruq) oo ahaa ciyaartoygii kubbadda gacanta (handball) ee xulkii gobolka Togdheer iyo Jaamac Warsame oo ahaa ninkii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed ka mid noqda kooxda kubadda cagta ee Liverpool, isla markaana ahaa ciyaartoygii ugu horreeyey ee ka mid noqda kooxaha heerka koowaad ee waddanka UK.

Xafladdaas oo ka dhacday xaafad ka mid ah bariga magaalada London (East London), waxay u dhacday si heer sare ah, waxaana halkaas lagu daawadey cajalado laga soo duubay ciyaarihii ka dhacay Somalilalnd oo uu soo duubey Mubaarik Y Cilmi (Bidhi). Cajaladaas waxa ka hadlayey Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland Maxamuud Siciid Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Axmed Jaamac Siciid (Jibiiqe), Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta ee Somaliland C/risaaq Axmed Aadan, Xoghayaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud, C/risaaq C/casiis Xaaji (Fiyoore), Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha, Sacad Maxamed Shire iyo Gudoomiyaha Garsoonka Somaliland Khadar Jiilaal iyo dad aad u faro badan oo ciyaartoy iyo tababaro isu jirey. Dhammaan dadka ka hadlayey cajaladaas oo dhiirigelinayey ciyaaraha iyo horumarinta dhallinyarada reer Somaliland ayaa waxa aad ugu bogay hadaladooda dhallinyaradii daawaneysey cajaddaas.

Cajadahaas oo dhallinyaraddii daawaneysey ku kiciyey shucuur waddanimo oo aad u sarraysa ayaa waxa ugu horreyntii hadal kooban ka soo jeediyey Wakiilka Somaliland Ee Arrimaha Ciyaaraha Ee Dalalka Yurub Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka sheekeeyey halka ay marayaan xaaladda ciyaaraha ee Somaliland, isagoo dhallinyaradii halkaas joogtey daawadsiiyey sawiraddii uu ka soo qaaday ciyaaraha. Waxa aanu ku dhiirigeliyey in si isku duubni iyo wado shaqayn ah wax loogu qabto waddankii, isagoo aad carrabka ugu sii adkeeyey in wax loo qabto ciyaaraha. Isla markaana wuxuu Mubaarik halkaas ka sheegey in ujeeddada kulankani uu yahay mid loogu talo galay in lagu aasaaso urur cusub oo lagu magacaabo Somaliland Sports & Culture Association oo ka hawl geli doona waddama Yurub iyo Waqooyiga Amerika. Waxa kale oo uu Mubaarik raaciyey in ururkan SLSCA uu u noqon doono dallad gebi ahaanba ururada ciyaaraha iyo dhaqanka ee reer Somaliland, isagoo intaas raaciyey inuu qaban doono koob lagu magacaabo 18-May, koobkaas oo lagu xusayo sannad guuraha 13 –aad ee ka soo wareegtey gooni isu taagga Jamhuuriyada Somaliland oo lagu qaban doono Birmingham ee dalka UK.

Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Somaliland Youth & Sports Hassan Warabe-Cade (Ataroos) oo isaguna ka waramay xaaladda ciyaaraha ee Somaliland, isagoo ku dhiirigeliyey dhallinyaradii halkaas isugu timi inay ka war hayaan xaaladda ciyaaraha ee Somaliland, isagoo sheegey in ciyaaraha Somaliland ay marayaan heer aad u sareeya, lana doonayo in la gacan qabto. Xasan waxa uu hadalkii sii ku soo gebo gebeeyey in maanta arrinta halkan loo fadhiyaa ay tahay in la sameeyo urur waxtar leh oo wax ka qaban kara baahiyaha ciyaareed ee ka jira Somaliland.

Waxa isna kulankaas ka hadlay Axmed Waqaf, oo sheegey awoodda uu leeyahay ururkan SLSCA iyo meelaha uu ka hawl geli doono, isla markaana wuxuu uu tilmaamay ahmiyadda ay leedahay isku xidhnaanta dhallinyarada reer Somaliland, isagoo sheegey haddii uu xidhiidhkan oo kale maalin walba la sameyn lahaa ay arrimo badan oo Somaliland ka xidhani ay furfurmi lahaayeen. Waxa kale oo uu yidhi maanta waxaynu samaynay ururka ciyaaraha iyo dhaqanka ee Somaliland, beritona waxaynu samayn karnaa mid kale oo kan la mid ah oo dabooli kara baahi badan oo maanta haysa dalkeenii.

Halkaas waxa isaguna ka hadlay gudoomiyaha kooxda Northern Star Ismaaciil Cabdi, waxa uu sheegay in loo baahnaa in la sameeyo urur dallad u ah kooxaha ka dhisan waddankan Uk iyo guud ahaanba waddana Yurub iyo Waqooyiga Amerika. Waxa aanu yidhi maanta ayey ugu habboonayd in la sameeyo ururkan, waana Ilaahay mahadii mar haddii aynu maanta ku guuleysaney inaynu halkan isugu wado nimi sameynta ururka SLSCA, raggii iga hor hadlayna ay ku dhawaaqeen.

Xafladaas lagu aasaasayey ururka Somaliland Sports & Culture Association (SLSCA) waxa ka hadlay dad aad u tiro badan oo ka mid ah dadkii goobta isugu yimi iyo kuwo ka soo hadlayey waddamo kale oo ku soo xidhiidhayey telefoonno, oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha kooxda Nothern Star ee Canada Diinaay Cali Nuur, Axmed Ciise iyo Liibaan Axmed X Yuusuf. Waxa ka mid ahaa raggii goob jooga ahaa ee ka hadlay kulankaas Saleebaan Maxamed Raage, Jaamac Warsame, Maxamuud-Carab, Maxamuud Saleebaan Jaamac, Cali Siciid Cartan, Sidiiq C/laahi Ismaaciil. Waxa kale oo kulankan la socday oo aanay u suurto gelin anay ka soo qayb galaan dad aad u tiro badan oo ku soo xidhiidhay telefoon, Cabdi Jaaquur oo ahaa ciyaartoygii kubbada gacanta ee xulka gobolka Togdheer, iyo C/rahmaan Saalax Xasan oo ah tababaraha kooxda Birmingham Stars iyo Cabdoo Gaas.

Ugu danbayntii waxa halkaas loogu mahadceliyey Wakiilka Somaliland Ee Arrimaha Ciyaaraha Ee Dalalka Yurub Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi), Axmed Waqaf, Liibaan Axmed X Yuusuf iyo Ismaaciil Cabdi oo ahaa raggii soo qaban qaabiyey kulanka lagu aasaasayey ururka SLSCA. Waxayna sheegeen in kulan danbe oo kan ka weyn la isugu iman doono lana sii balaadhin doono ururkan Somaliland Sports & Culture Association (SLSCA).

Top