Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 840 | May. 4,2005 | |||||||||||
Wafdiga Midowga Afrika: Dhinacyadii
Kala Duwanaa Ee Ay La Kulmeen Iyo
Booqashooyinkii Ay Ku Tageen
Goobaha Taariikhiga Ah Ee Hargeysa Abaal
Marino La Gudoonsiiyey Khasaare Roobabku Gaadhsiiyeen Degmada Dhahar Xuska Sanad Guurada
Saddexaad
Ee Geeridii Marxuum Maxamed Xaflad Allay-baday Loogu Qabtay Xubnihii Dhawaan Ku Soo Biiray Xisbiga UDUB Jaaliyada Reer Somaliland
ODHAAHDA AKHRISTAHA:Nasiib Darrada Haysata Dhalinyarada Somaliland |
“Xasuuqan Oo Kale Wuxuu Ka Dhacay Hargeysa, May 4, 2005 (Haatuf) – Xubnaha wafdiga Midowga Afrika ee booqashada xaqiiqo-raadiska ah ku jooga Somaliland ayaa shalay kulan la yeeshay mudanayaasha labada gole ee Baarlamaanka. Kulankaa oo ka dhacay xarunta golaha Guurtida waxa gudoominayay gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal), waxayna qoraal ay labada gole ee Baarlamaanku soo wada diyaariyeen ka akhriyey gudoomiye xigeenka koobaad ee golaha Wakiilada C/qaadir Jirde. Intaa ka dib waxay mudanayaasha madasha fadhiyey qaarkood weftiga weydiiyeen su’aalo la xidhiidha sida ay midowga Afrika u arkaan qadiyada madaxa banaanida Somaliland iyo sababta ay ilaa hada u citiraafi waayeen. Waxaanu isu diwan-geliyey inay codkooda gaadhsiiyaan weftiga midowga Afrika, dhowr mudane oo ka tirsan labada gole. Laakiin xubnaha weftigu kama wada jawaabin waxyaabahaa, waxayna qoranayeen waxyaabaha la weydiinayo, si ay warbixintooda ugu darsadaan, waxaana xubnaha mudanayaasha ah ee weftiga la hadlay ka mid ahaa gudoomiye xigeenka koowaad ee Guurtida Sh. Axmed Nuux oo yidhi “Maadaama aad aragteen wadankani waxa uu qabsaday, waxa ka dhiman wixii aad ku dari lahaydeen oo ah citiraaf iyo horumarin dhaqaale”. Mudane Sh. Ismaaciil oo ka mid ah mudanayaasha meesha ka hadlay, wuxuuna sheegay in aanay Somaliland ahayn dal cusub, isagoo yidhi “Dalkani maaha dal cusub, hadii aad isku daydaan inaad nagu celisaan Soomaaliyana dagaalkii aanu galay mid ka xun ayaa dhalanaya”.Mudane Maxamed Maxamuud Garaad oo isaguna ka mid ahaa xubnaha la hadlay ayaa yidhi “Afrika isma guumaysan kartee waxa fiican inay is-aqoonsato, umad walibana iyadaa xaq u leh inay aayaheeda ka tashato, idinkuna hadaad aqoonsataan dalkaa dadkiisa la xasuuqay ee maalkoodii la dhacay, Taariikhda ayaad baal dahab ah ka geli doontaan”. Mudane Axmed Dirir oo yidhi “Midowga Afrika haduu aqoonsanyahay xuduudihii uu ka tegay guumaysigii, anaguna la mid ayaanu nahay, hadii kale Somaliland waxay noqonay dal madax banaan oo aan cidna marti uga ahayn gooni isu taagiisa iyo qaranimadiisa”.Xaaji C/kariin (Cabdi Waraabe) oo ka mid ah odayaasha ugu da’da weyn golaah ayaa isaguna si kooban uga waramay sida uu ku yimi midowgii Soomaaliya ee 1960-kii iyo sababta keentay inay Somaliland noqoto mid aan diyaar u ahayn midaw dambe oo dhex mara Soomaaliya, wuxuuna yidhi “Waxaanu ahayn markii aanu midawnay laba dal oo aan waxba kala qoran, markii dambena anagaa qaranimadayadii la soo noqonay ee waa in aad sidaa u ogaataan”. Prof. Maxamed Cumar Jiir oo ka mid ah xubnaha ka hadlay kulanka dhexmaray mudanayaasha labada gole iyo weftiga Midowga Afrika ayaa yidhi “Somaliland iyo Soomaaliya waxay ahaayeen laba dal oo midoobay, hadii ay midowga Afrika taa aqoonsan yihiin waa inay qorshahooda ku daraan Somaliland”. Gudoomiyaha golaha guurtida ayaa isaguna si kooban uga hadlay qadiyada madax banaanida Somaliland, isaga oo weftiga ku adkeeyey inay gudbiyaan fariimaha dhabta ah ee ay kala kulmeen shacbiga Somaliland intii ay booqashada ku marayeen.Laakiin madaxa wafdiga midawga Afrika Mr. Patrick Mazimhaka ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey madasha ku sheegay sida aanay raali uga ahayn in geedi socodka dimuqraadiyada iyo madax banaanida Somaliland la carqaladeeyo, wuxuuna Mr. Patrick yidhi. “Meelaha dhibaatooyinkii dadkan loo geystay ay ka dhaceen waanu soo eegi doonaa. Waxaana markii gumaysigu ka baxay kaga tegay dadkii uu tababaray oo u dhaqmay qaab xun oo digtaytarnimo ah. Anaguna waanu qabnaa, marka aad leedihiin uma adkaysanayno in faragelin lagu sameeyo geedi socodkayaga, xornimadayaga iyo qaranimadayaga waana mid nagu weyn in aanay Afrika idiinkaga iman faragelin”. Mr. Patrick waxa uu sheegay inay ku faraxsan yihiin waxa ay Somaliland qabsatay, isla markaana waxa uu xusay in aragtida ugu weyn siyaasada midawga Afrika ay tahay mid ay hogaaminayaan dadka reer Afrika.Mar uu ka hadlayey sida ay ku yimaadeen Somaliland, wuxuu sheegay in booqashadoodu ka dhalatay kulan ku dhexmaray dalka Itoobiya, madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, wasiiradiisa iyo gudoomiyaha midawga Afrika Alpha Cumar Konare, balse waxa uu sheegay inkasta oo kulankaa aan siyaasiyan meelaha qaar laga jeclaan ay taasi xudun u ahayd in loo soo diro Somaliland weftigan si loo ogaado xaqiiqda ka jirta iyo xaalada dhabta ah ee Somaliland. Xubnaha wafdiga midawga Afrika markii ay dhamaysteen kulankaa ay la yeesheen labada gole waxay booqasho ku tageen qaar ka mid ah xabaalo wadareedyada xasuuqa ay dadka Somaliland u geysteen taliskii Maxamed Siyaad Barre. Waxaana ay soo mareen xabaalo
wadareedyada ku yaala dhinaca koonfureed ee Hoteelka Hargeysa Club oo
dhinaca galbeed kaga toosan xerada milateriga ee Birjeex, waxaana halkaa
warbixin ku saabsan xasuuqa weftiga siiyey gudoomiyaha guddida xasuuqa
Rashiid Gadhweyne. Mr. Rashiid waxa kale oo uu sheegay
in xabaalahan oo akle ay ka wada jiraan magaalooyinka Somaliland, isaga
oo xusay in dadka siyaabo kala duwan loo ururin jirey marka la xasuuqayo. Weftigu markii ay ka soo laabteen xabaalaha xasuuqa waxay soo mareen wadada biriishka sabada jiifta ahaa ee daadku burburiyey, waxaana halkaa madaxa weftiga warbixin ku saabsan dhibaatada ay roobabku u geysteen Somaliland ku siiyey wasiirka warfaafinta C/laahi Maxamed Ducaale, wuxuuna madaxa weftigu uga tacsiyadeeyey dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay roobabkaa.Waxaana weftiga qaddo sharaf ugu sameeyey Hoteelka Ambassador, guddiga doorashooyinka qaranka, iyadoo ay kulan qaddo ah wada yeesheen xubnaha weftiga, guddiga doorashooyinka, xubno ka socday saddexda xisbi qaran iyo xubnaha wasiirada ah ee weftiga hogaaminayey.
Kulankaa qaddada ah ka hor waxay xubnaha weftigu la kulmeen gudoomiye ku
xigeenka shirkada Dahabshiil C/Rashiid Maxamed Ducaale iyo xubin kale oo
ka mid ah masuuliyiinta shirkadaasi. Sida lagu sheegay
warsaxaafadeed uu xalay soo saaray Afhayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris
ducaale, wuxuuna qoraalka warsaxaafadeedku u qornaa sidan“Mudane Daahir
Rayaale Kaahin waxa uu yidhi ugu horreyntii” waxaan aad ugu faraxsanahay
inaan idinla kulmo idinkoo ka jawaabaya codsigaygii oo aad soo aragteen
xaqiiqada ka jirta Somaliland ee ahayd: Madaxweynuhu waxa uu weftiga u sheegay aqoonsiga Somaliland inaanay waxba ka bedelayn xuduudihii guumesyi ee afriki ay ka baqayso bedelkooda, maxaa yeelay annagu waxaanu leenahay xuduudo caalamka iyo afrikaba laga aqoonsan yahay oo ahaa kuwii guumaysiga, sidaasi awgeed waxaanu ka xunnahay inanu u xidhnaano qaran aan jirin. Wuxuuna xog warankiisii kusoo gaba gabeeyay, waxaan idinku soo martiqaaday inaad ogaataan xaqiiqada ka jirta Somaliland oo aad runta gaadhsiisaan wadamada Africa, waxaanan idiin sheegayaa ictiraafka iyo ka mid noqoshada Ururka Midawga Africa inaanu Somaliland kaligeed dan u ahayn ee uu yahay maslaxadda nabadgelyada iyo horumarka gobolka guud ahaan, waxaan mar kale idiinka mahad celinayaa imaatinkiina iyo daalka badan ee aad u gasheen sida aad runta u soo ogaataan. Guddoomiyaha Weftiga Mr. Patrick, ka dib markii uu ka mahad celiyey soo dhaweyntii diiranayd ee shacbiga iyo xukuumaduba ay siiyeen iyo u fududayntii shaqadii loo soo diray waxa uu yidhi, qaybaha kala gedisan ee bulshada, xataa dadka baadiyaha ayaanu ka ogaanay shacbiga rabitaankiisa oo meel walba waxaanu ugu tagaynay “ No Moqadisho”, waxaanu soo aragnay, oo ogaanay dhibaatadii dalkan gaadhay iyo wixii aad qabsateen, waxaanu gobolada ugu tagnay inuu maamulkiinii hoos u dagay oo ay is maamulaan, oo markaanu goboladaa tagnay, hawshii Masuuliyiinta Goboladaasi ay wadeen Wasiiraduna aanay shaqo ku lahayn.Waxaanu shacbiga u soo ballan qaadnay inaanu farriintooda gaadhsiino wadamada Africa, sidaasi awgeed waxaan Madaxweynoow kaa ballan qaadayaa inaan warbixin runa kula noqona guddoonkayaga, taas oo aanu ku rajaynayno inay midho dhasho. Madaxweynaha ka hor waxa weftiga
dhulkii ay soo booqdeen uga waramay, Wasiirkiisa Madaxtooyada Mudane,
Nuux Axmed Cismaan, waxana kulankaa ku waheliyey Madaxweynaha, Wasiirada
Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Wasiiru Dawlaha Arrimaha
Dibadda, Wakiilkeena Ethiopia. Waxana kulankaasi uu ku dhammaaday jawi
aad u fiican, waxana looga gudbay casho sharaftii Madaxweynaha, taasi oo
xog waraysigii halkiisii uu ka sii socday, Marwada Madaxweynuhuna waxay
hadyad gudoonsiisay Marwada Guddoomiyaha Weftiga.”Xubnaha wefidiga
midawga Afrika waxa la filayaa inay beri u baxaan dhinaca magaalada
Boorama, taas oo soo geba gebaynay socdaalkooda.
Boorama May 4, 2005 (Haatuf) - Xaflad
abaalmarinno lagu guddoonsiinayey xubno isugu jira shaqaale, arday iyo
odayaal ka hawlgala Xarunta Agoomaha Kaalmo ayaa shalay lagu qabtay
xarunta maamulka xeradaasi.Sida uu ku soo waramay weriyaha haatuf ee
Boorama Maxamed cumar Xafladdaan oo ay kasoo qaybgaleen xildhibeenno ka
tirsan Golaha deegaanka Boorama, Maamulka xerada agoomaha kaalmo iyo
martisharaf kale ayaa waxa hadal ka jeedisay guddoomiyaha Ururka
Haweenka Kaalmo, marwo Caasha Jaamac faarax, iyadoo guddoomiyuhu ka
warrantay dedaalkii ay usoo galeen nolosha iyo daryeelka ubadkaasi, iyo
isbeddelka ka muuqda noloshooda ,iyo waxbarashadooda oo ay ku tilmaantay
heer ay dadkooda iyo dalkooda iyo mustaqbalkoodaba wax ugu qaban
karaan.Marwo caasha waxay ammaan iyo mahadcelinba u gudbisay cid kasta
oo kalasoo qaybqaadata hawlaha lagu daryeelayo ubadkaasi taasoo ay
sheegtay in ifka iyo aakhiradaba ilaahay kaga heleyaan ajar.Waxay
munaasbaddan Guddoomiyuhu ka magacowday xubnaha abaalmarinada la siiyey
oo ay ugu hoirreysay haweenayda la yidhaa Caasha Dhoolaal, kana tirsan
shaqaalaha ka hawlgala x erada agoomaha,iyadoo sheegtay inay ku
mutaysatay sidii wanaagsanayd ee ay ubadka u qaadin jirtay waxna ugu
karin jirtay agoomaha muddo toban sano ku dhawaad ah ,iyo sidii
haweynaydaasi,iyo sidii ay ubadkaa u ilaalinin jirtay xuquuqdooda sida
waxbarashadooda ,nabadgelyadooda, nadaafaddooda ,iyo sidii ay uga
ilaalin jirtay jidh -dilka iyo karbaashka. Dhinaca kale guddoomiyuhu
waxa kale oo ay sheegtay Xaaji Axmed Miisaan, oo ay sheegtay inuu
abaalmarintan ku muteystay sidii jaaliyadaha debedda ee Reer Boorama
qaadhaanka ay xarunta ugu talo galeen uu ugu soo gudbin jiray ilaa
maantana uu si ndaacad ah ugu adeegayo.Xaaji Axmed Miisaan oo isna ka
hadlay munaasabadda ayaa sheegay in Ururkani yahay kan keli ah ee kasoo
hadhay tobannaankii urur ee sheeganyey samofalka ee gobolkan ka jiray
sanooyin badan taana waxa u kasbadeen ayuu yidhi sida hagar la'aanta ah
ee ay ugu dhabar adaygeen ururkaasi Kaalmo daryeelka carruurta isla
markaana ay ugasoo gudbeen aflagaadooyin iyo caqabado badan oo hakin
lahaa hawlahan alagu daryeelayo ubadkaasi.Munaasabaddan waxa kale oo
abaalmarinno lagu siiyey arday ku jirta xarunta agoomaha oo lagu
sifeeyey inay la yimaaddeen akhlaaq wanaag iyo waxbarasho heer sare
marka la barbardhigo ardayda kale ee ku jirta xaruntaasi.Munaasabaddan
waxa kale oo ka hadlay xubno ka tirsan Golaha deegaanka Boorama ,oo uu
ka mid ahaa Maxamed Cabdi Gaafane..
Hargeysa May 4, 2005- (Haatuf)- Eng;
wakaalada Biyaha Hargeysa, Axmed Jeeni liqe ayaa ka waramay mushkilada
mashruuca ay ka wado geed deeble Hayada Afrikan 70 iyo mushkilada ka
jirta halkaa, isagoo oo sidaa ku sheegay warbixin uu siiyay Madaxweynaha
Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, waxayna warbixintaasi u dhignayd sidan
“Iyadoo aynu ka war-qabno in dhibaatooyinkii roobabku dalka waxyeelo u
geysteen meelo dhowr ah oo ay ka mid yihiin; Ceelasha Biyaha ee Geed-deeble
ayaa hadana waxa marag ma doon ah in ay jirtay Mashruuc ay fulinaysay
hay’ada African70 oo ay ahayd in uu dayactiro ceelasha biyaha Geed-deeble
oo horeba loo ogaa in ay roobabku faro-ba’an ku hayaan aanay ahayd in
laga mooso dooxa iyo laagaha ku soo jabaya ceelasha iyo xarunta dhexe ee
biyo soo-saarka Geed-deeble oo ay imika waxyeelo badan u geysteen
roobabkii dhowaan da’ay. Sidaa darteed safar uu dhowaan ku tegay
madaxweynuhu Mr. Daahir Rayaale Kaahin ayaa warbixin ay siiyeen
madaxweynaha Injineerada wakaalada biyaha ee ka shaqeeya xarunta biyo
soo saarka Geed-deeble ayaa si qoto dheer ugaga waramay madaxweynaha
xaalada dhabta ah ee biyo soo saarka iyo mashruuca ay fulinaysay hay'ada
African70, mashruucaas oo la odhan karo dhaliilo way ka muuqdeen, aan la
qarin karina in aanay aad u dhaliilaan shaqaalaha farsamada ee biyo soo
saarka Geed-deeble. Warbixintan oo uu siiyey madaxweynaha Daahir Rayaale
Kaahin nin ka mid ah madaxda farsamada ee Geed-deeble Eng. Axmed
Jeeni-liqa, waxaanu yidhi Injineerku sida ay xaqiiqadu tahay mashruuca
waxa uu u qaybsanaa saddex qaybood oo kala ah: 1. Qaybta biyo xidhada
moosaska iyo gabyanka la dhigayo dooxa Waxa kale oo uu yidhi Injeernku “Waxay ahayd in ay hadda dhamaystirto hawsha mashruuca African70, iyadoo muddada ay gacanta ku haysay ay ahayd inay fuliso qaybta ugu muhiimsanayd oo ah tan maanta aynu gacanta ku hayno ee mooska ceelasha si looga badbaado khatartan xilligan roobabka, waanay muuqataa inaynu ka daba tagayno hawshii ay ahayd in sannadka horaantiisii qabato African70, maantana aynu u wada joogno khasaarihii ay roobabku ina gaadhsiiyeen. Hawshooduna inaga dhacday madaxweyne iyo wakaaladaba”. Inj. Axmed Jeeniliqe waxa uu sheegay in warbixintan uu siiyey madaxweynaha isla markaana markuu dhegeystay madaxweynuhu u sheegay inuu la xidhiidhi doono qolada mashruuca inagu caawisay oo ah EU-da. Mar uu ka hadlayey Injineerku qalabka ay keentay hay’adu waxa uu yidhi. “Mishiinadan ay keentay African70 waa qaar tayadoodu liidato oo ah TAD ama Tijaariga oo aan hawl adag geli karin, waxaananu ku cadaynaynaa intii aanu imika isticmaalaynay way qaadi kari waayeen. 300KVA waxaanay noqotay in aanu ka dhino si aanay u duqayn, tusaale ahaan imikadan way wada qiiqayan, naaftadan way badsadaan, waxa kale oo dhibaato ah in aanay la socon buugaagtii mishiinada hadday tahay manual book iyo buugaag kale toona. Arrintana waxay u
muuqataa in aanay waxba u tarin hawshii ay qabatay hay’adani, waxa kale
oo uu sheegay injineerku, in ay ku kala aragti duwan yihiin iyaga iyo
injineerada xooga korontada Hargeysa oo uu yidhi waxaabad moodaa inay la
safan yihiin African70 oo iyaga qandaraas ku siiyey xidhista dabkase
laakiin way cadahay in aanay islahayn waxa qabadka African70 iyo lacagta
la leeyahay waa loogu talo galay mashruuca biyo soo saarka Geed-Deeble.”
Muqdisho, May 4, 2005 (Haatuf) – Ugu yaraan 17-qof ayaa ku dhintay ilaa 32 kalena way ku dhaawacmeen markii uu shalay Bam ku qarxay garoonka Muqdisho Stadium, shalay mar uu khudbad ka jeedinayay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi. Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Muqdisho Yaasiin Maxamed, qaraxa ka dhacay halkaasi waxa uu ahaa mid aad u weyn oo gil-gilay Muqdisho, Taas oo anfariir ku riday dad kumanaan qof gaadhaya oo isugu yimid garoonka, kuwaas oo danaynayay inay dhegaystaan khudbada uu halkaa ka jeedinayay Cali Maxamed Geedi, kuwaas oo is-jiidhay markii uu qaraxu dhacay, Taasina waxa ay keentay in halkaasi ay ku dhintaan dadweyne farabadani. Markii uu qaraxu dhacay qaar ka mid ah masuuliyiintii ku sugnaa halkaas iyo Marti sharaf ka socotay caalamka ayaa kala yaacay, iyadoo uu ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi uu si dirqi ah isaga tuuray makarafoonkii uu ku hadlayay isaga oo markaa u khudbadaynayay dadweynaha. Shir jaraa’id oo uu qaraxa ka
dib qabtay Cali Maxamed Geedi waxa uu ku sheegay in waxa dhacay uu ahaa
shil caadi ah oo si aan Kama ahayn u dhacay, isla markaana uu ka
xunyahay, isla markaana waxa uu tacsi u diray dadkii ku dhintay
qaraxaasi. Ilaa iyo hada lama garanayo sababta keentay qaraxaasi, balse
qaar ka mida h dadkii goobta joogay ayaa sheegay inuu ka dhashay xabad
Baasuuke ah oo ka fakatay mid ka mid ah ilaaladii Cali Maxamed Geedi. Sida la sheegay Shalay aroornimadii ayaa waxa la soo camiray garoonka weyn ee Muqdisho Stadium, waxaana isugu yimid dadweyne aad u farabadan oo ka kala socday ururada bulshada qeybaheeda kala gedisan oo ay wehliyaan mas'uuliyiinta G/Banaadir, qaar ka tirsan xubnaha labada gole, iyo ra'iisal wasaare Cali Max'ed Geeddi iyo wefdigii beesha caalamka ee uu hogaaminayay oo iyagu beryaan ku suganaa magaalada Muqdisho. Goobta la isugu yimid ayaa ugu horeyntii waxa ka hadlay masuuliyiintii halkaasi isugu yimid ka mid ahaa duqa magaalada Muqdisho Shaaweeye, C/llaahi Firimbi, xildhibaan Cumar Xaashi Aadan iyo gudoomiye ku xigeenka 3-aad Cusmaan Cilmi Boqore kadibna lagu soo dhoweeyey ras'iisal wasaare Cali Max'ed Geeddi oo ay dadweynaha G/Banaadir wada sugayeen balan qaad uu sheegay inuu meel fagaare ah kala hadli doono shacabka, hadalkiisana wuxuu ku bilaabay sida tan:-"bismilaahi raxmaani raxiim, masuuliyiinta kala duwan, ee heer qaran iyo heer gobol ee goobta joogta, masuuliyiinta kale ee ah qeybaha bulshada, sidii sharafa laheyd ee la iigu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho anigoo ah ra'iisal wasaariha dalka Soomaaliya, gaar ahaan waxaan u jeedinayaa hambalyada iyo mahad celinayaa masuuliyiinta Gobolka Sh/hoose iyo shacabka G/Banaadir, walaalayaal mudanayaal iyo marwooyin waxaan hortiina ka balan qaadayaa dowladda federaalka KMG ee Soomaaliya walaalayaal dowladda Soomaaliyeed ee 2-sano iyo bar waqti ah qaadatay inay ka dhalato dalka Kenya waxaan mahad balaadhan u jeedineynaa dowladda Kenya, dowladda Kenya, dowladaha IGAD, midowga Afrika iyo dhamaan beesha caalamka oo taakuleyn iyo taageero la garab taagneyd shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, sidoo kale waxaan u jeedinayaa mahad celintaas shacabiga Soomaaliyeed qeybahiisa kala duwan oo iyagoo hiil iyo hooba la garab taagnaa shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed walaalayaal waxaan markaan u soo gudbayaa inaan idiin fasiro siyaasadda dowladda federaalka KMG ee Soomaaliya, siyaasada xukuumada aan madaxda ka ahay waa mid ku saleysan deris wanaag” isagoo ku jira fasiraada qorshaha xukuumadiisa ayaa waxaa goobtii ka dhacay qarax aan la garaneyn wuxuu yahay iyo halka uu ka yimid meel u jirta ras'iisal wasaaraha in ka yar toban talaabo, iyadoo goobtaasi isla markiiba lagu kala cararay, halkaasoo dhimasho iyo dhaawac aad u farabadan ay ka dhacday. Sida
la sheegay isla markii uu dhacay qaraxu qaar ka mid ah masuuliyiinta
beesha caalamka oo ku sugneyd goobtaasi oo si degdeg ah jaran jarada uga
degayeen, sidoo kale ra'iisal wasaare Cali Max'ed Geeddi oo isagu
khudbad markaasi u jeedinayay shacabka ayaa si haleel isaga dhigay
microfoonkii uu gacanta ku hayey isla markiina lala cararay isagoo bad
qab iyadoo oo ay dadweyne farabadan dhulka daadsan yihiin oo iyagu
dhimasho iyo dhaawaba isugu jiray, waxaana u badnaa dadkii halkaasi ku
dhaawacmay ama ku dhintay ciidamadii ammaanka sugayay, sidoo kale, waxa
goobtaasi ku dhaawacmay dadweyne aad tirabadan oo rayid ah, iyo labo
weriye.
Dhahar, May 4, 2005 (Haatuf) – Maayarka degmada Dhahar Cali Kilwe Cismaan ayaa ka waramay khasaarihii ay roobabkii dhowaan dalka ka da’ay u geysteen degmadaasi. Sida lagu sheegay qoraal ay na soo gaadhsiiyeen maayarka Dhahar iyo xoghayaha degmadaasi C/laahi X. Faarax, roobabku waxa ay khasaare gaadhsiiyeen degmada Dhahar iyo qaar ka mid ah Tuulooyinka hoos-yimaada. Waxaanay sheegeen in roobabku ay Dhahar ka dumiyeen 79 gurri, dadkii guryahaa deganaana ay haatan debeda wadhan yihiin, qoraalka ay soo saarena wuxuu u qornaa sidan: “sida lawada ogyahay waxa degamada S/land ka cusboonaaday roobabkii gu 'ga kaas oo khadsaarooyin kala duwan oo naf iyo maalba ah ugeystay .ayaa Degmada dhahar waxay kamid tahay dhulka uu khasaaraha ba'an ugaystay hadii aan faahfaahin kabixiyo demadu waxay kakooban tahay 30 tuulo khasaaraha ugu waynina wuxuu soo gaadhay Magaalo madaxda oo ah degmada Dhahar,Maraje iyo Kaladhacda .D/dhahareed waxaa uu roobku dumiyey 79 guri oo carshaan ubadan dadkii iska lahaa guryaha oo dhamaantood dibada hoganayaan iyada oo weli xili roobaadkii lagu jiro waxa kale oo roobkani wax yeelo ugaystay 11 dayr waxa kale oo uu daadku qaatay xoolo dhan 93 neef oo adhi ah iyo 10 neef oo lo'ah Maraje waa
dhul beereed kuyaal buurta roobkuna wuxuu wax yeelo u geystay dadkii
beera layda ahaa oo uu kabaa bi'iyey 7 beerood oo waa wayn oo isugu
jiray geed miroo diyo geed khudaareed isla markaan dhulkii wax laga
beeran jiray ay wax yeelo aad uwayni soogaadhay Tuulada Kaladhacda oo iyaduna kamid ah dhulka ay khasaaruhu soogaadheen waxaa kudumay 20 guri halka ay labakalena kagubteen dabaylihii roobka awgood oo dab qabsaday waxa iyaguna kunaf waayey 130 neef oo aari ah oo daadku qaatay. Anaga oo weli kujirna baadidoonka iyo ururinta wax yeelada uu roonbku soogaadhsiiyeen degaamadaas ayaa waxaa noosuura gashay inaanu lasooxiriirno weriayaha BBc da ee magaalada Hargaysa Axmed Siciid Cige si uu ugu gudbiyo BBC Si ay u ogaadaaan Dawlada dhexe iyo dhamaan hay'adaha gargaarka.
Hadaba anaga oo ah maalmulka degmada waxaanu dawlada dhexe iyo dhamaan
hay'adaha gargaarka kacod sanayna in ay gurmad ufidiyaan dadkaa
tabaalaysan oo uu roobku wax yeelayey kuwaasoo awalba badankoodu kasoo
xeerooday miyiga iyaga oo abaarihii hore oo isdaba jooga ahaa ay ku
cayroobeen .Maayarka D/dhahreed Cali kilwe Cismaan Xoghayaha /dhahareed
Axmed C/laahi Xaaji Faarax
Hargeysa May 4, 2005 (Haatuf) Shalay waxay ku beegnayd sanad-guurada sadexaad ee ka soo wareegtay markii uu geeriyooday Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. “Ilaahay haw naxariistee, marxuum Maxamed
Ibraahin Cigaal wuxuu ahaa nin ay ka Go’an tahay inuu xaqiijiyo
qaranimada iyo gooni isu taaga Somaliland, wuxuuna habeen iyo maalin ku
hamiyi jiray sidii looga bixi lahaa nidaamkii hab beeleedka oo ay rag
badan oo siyaasiyiini u arkayeen in aanay suurta geleyn. Laakiin Cigaal
xukuumadihiisii iyo aqlabiyada golayaashii labada gole way ku
guulaysteen in laga boxo hab beeleedka iyo xeer jajabka. Waxaana
aaninsan ahay hadii ay geeridiisu iman lahayd iyadoo aan dastuur jirin
in aynaan kala baxneen. Waana ta aynu ku badbaadnay ee maanta Somaliland
dunidu ku majeeranay.” Sidaa waxa yidhi C/laahi Maxamed Ducaale Wasiirka
warfaafinta Somaliland oo ka mid ahaa xubnaha u dhuun daloola siyaasada
Madaxweyne Cigaal, isla markaana ahaa wasiiraka ugu mudada dheer, ee
xilka hayay tan iyo xukuumadii ugu horaysay ee uu marxuum Cigaal kusoo
dhisay Boorama, May 1993. 3-dii May 2002, alla ha u
naxariistee marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo ahaa Madaxweynihii
Hore ee Somaliland uu ku geeriyooday magaalada Pretoria ee dalka Koonfur
Afrika, halkaas oo uu tagay caafimaad, waxaana hatan laga joogaa mudo
laba sano ah.
Sanadkii 1956-kii ayaa marxuum Cigaal loo doortay xoghayaha guud ee
xisbigii SNL safka hore kaga jiray xisbiyaddii u halgamayey gobonimo
doonka Somaliland, laakiin bishii February ee 1960-kii ayuu marxuum
Cigaal oo hogaaminaya wefti Somaliland ah qalinka ku duugay heshiis
dhigaya inay Somaliland xornimadeeda ka qaadato boqortooyadda Ingiriiska
26 June ee isla sanadkaa, waxaana ka mid ahaa xubnaha weheliyey Cali
Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur, Axmed Keyse Ducaale iyo Maxamuud
Cabdi Carraale, 26-kii June 1960-kii markii ay Somaliland xornimadeeda
qaadatay marxuum cigaal wuxuu noqday hogaamiyihii u horeeyey ee
Somaliland laakiin afar maalmood ka dib ayey Somaliland la midawday
Soomaaliya, oo 1dii Julay 1960-kii xornimadeeda ka qaadatay mustacmarkii
Talyaaniga, waxaana Muqdisho laga dhisay Jamhuuriyadii la odhan jiray (Jamhuuriyadda
Soomaaliya) wuxuuna marxuum Cigaal xukuumadii halkaa laga dhisay ka
noqday wasiirkii Gaashaandhiga, laakiin markale ayuu sanadkii 1963-kii
noqday wasiirka tacliinta, wuxuuse jagadaa iska casilay 1964-kii, isaga
oo hogaamiye ka noqday xisbi mucaarad ah oo la odhan jiray SNC, wuxuuse
markii dambe ku biiray xisbigii SYL. 1975-kii ayaa xabsiga
laga sii daayey marxuum Cigaal waxaana laga dhigay danjiraha
Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya Hindiya, laakiin sanad ka dib oo
ahayd 1976-kii ayaa mar kale xabsiga lagu celiyey, wuxuuna ku jiray ilaa
1981-kii, xiligaas oo la soo daayey.
Marxuum Cigaal intii uu noolaa wuxuu guursaday shan dumar ah, laakiin
mid qudha ayaa carruur u dhashay, taas oo ah Marwo Caasha Siciid Caabi,
waxayna u dhashay shan carruur ah, (3- wiil iyo 2-ba gabdhood.)
Allay-badday, May 4, 2005 (Haatuf) – Xaflad ballaadhan oo lagu maamuusayay xubno hore uga tirsanaa xisbiga Kulmiye oo haatan ku soo biiray xisbiga UDUB ayaa doraad lagu qabtay degmada Allay-badday. Xafladaasi oo ay soo qaban-qaabiyeen taageerayaasha xisbiga UDUB waxa ka soo qayb-galay madaxda degmadaas ee xisbiga UDUB, xubnaha ku soo biiray iyo dadweyne aad u farabadan.
Xafladan oo ahayd tii labaad ee xubnahaasi loo qabtay, iyadoo tii hore
lagu qabtay dhowaan Hargeysa, waxa ka hadlay ugu horeyn Cabdi Cilmi Boon
oo ku hadlayay magaca odayaasha ku biirey xisbiga UDUB, isagoo aad uga
hadlay sida uu ugu faraxsan-yahay Taageerada ay kala kulmeen Allay-badday,
“Hadii oday sahamiyo oo sahanka lagu caarido meel madhan buu soo baxaa,
hadii aanu sahaminay oo aanu is-nidhi halkaasaa idiin gol-roon oo aad
nagu raacdeen aad baad u mahadsan tihiin. Markaa xisbina wax lagama
sheego, ee waxa la eegaa danta degaankaaga, maadaama aanad adigu kursi
doonayn, mucaaridnimo wax ay kuu soo sidaa ma jirto, waana Ta ishaa inoo
yeeshay, anagaana idiinku horseed ahayn, balse markaanu dhan walba ka
eegnay halkaasaanu ku soo gabagabaynay, haatana waxaynu nahay xisbiga
dawlada ee UDUB” ayuu yidhi Cabdi Cilmi Boon. Ka dibna waxa halkaa ka
hadlay Muuse Cali Yuusuf iyo Caasha Guuleed Faarax oo ka mid ahaa
xubnaha ku soo biiray UDUB, iyagoo ka waramay sababta ay UDUB ugu
biireen iyo taageerada ay ka filayaan reer Allay-badday. Aw Xasan Jaamac, isaga oo u mahad celiyey dadka ku dhaqan Allay-badday, sida diiran ee ay u soo dhoweeyeen isaga iyo weftigaba, waxaanu sheegay in la gaadhay xiligii ay reer Allay-badday wax la qabsan lahaayeen Dawladooda iyo xisbiga Talada haya ee UDUB, isaga oo u soo jeediyey xubnaha ku soo biiray UDUB inay hawshooda u qabsadaan si xilkasnimo ah. Ugu dambayn waxa halkaas ka hadlay
Gudoomiyaha degmada Allay-badday Cabdi Faarax Aadan, isaga oo sheegay in
maamulka degmadu ay soo dhoweynayaan sida fiican ee ay hawshaasi u
dhacday. Xafladaasina ugu dambayn waxa ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka
Haweenka ku dhaqan Allay-badday oo uu ka muuqday abaabul aad u weyni.
London May 4, 2005 (Haatuf ) Xidhiidhiyaha jaliyadaha Somaliland iyo xukuumadda ayaa ugu baaqay dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Britain inay doorashada dalkaasi ka dhacaysa ber ay u codeeyaan xisbiga hatan talada ahaya ee shaqaalaha.
Waxaanu sidaa ku sheegay qoraal uu shalay na soo gaadhsiiyey isagoo taa
sabab uga dhigay wax qabadkii xisbiga shaqaalaha ee mudadii uu talada
hayey. Qoraalkiisuna wuxuu u qornaa sidan: War bixintaas oo macne wayn uleh Africa, tan
oo ka dhigan hadii uu yimaaddo Micheal Howard ama xisbiga conservativeku
ay keeni karto in wax yaaba haas oo dhan la waayo, sidaad la wada
socotaan Afriki wax badan ayey dhibaatootay markii ay jirtay dawladdii
hore ee Toorigu (conservative) markaa ha siinin fursad. Waa in aynu
iloobin qaybtii ay dawladdan leybarku ka qaadatay dagaalkii lagu
xoreynayey Kosovo iyo Bosnia taa sooy garan karno halka ay ka iska is
taagi lahaayeen xisbigan conservativeku. Glenda Jackson iyo Frank Dobson waxay
hormood u ahaayeen kobcinta dawladdaha soo koraya, iyagoo meel adag iska
taagay kana soo horjeeday dagaalkii Ciraaq lagu qaaday oo ay ahayd mid
lawada ogsoon yahay. Fadlan codkiina doorashadda ha ku qasaarin hana u
ogalanin in uu Michael Howard ka soo galo albaabka dambe isa goon
ognahay in uu yahay xisbi wax kaliya u oleleenaya aanu la socono in aanu
haysan fursad uu ku dhiso dawladda soo socota.
Sida aynu wada ogsoonahay waxa kawnkan aynu
ku dulnoolnahay ka dhaca masiibooyin ay ibnu aadanku ku kasbadaan
gacmahooda sidaas oo ay tahay umad kastaoo aduunyada kunool goob gaar ah
waxa ay leedahay astaamo iyo dhaqamo u gaara kuna salaysan hadba diinta
iyo caqiidada laga haysto goobtaas ,saamaysana badwaynta nolosha ee ay
dhex mushaaxayan , iyaga oo samaysta qaabab iyo farsamooyin ay kaga
hortagaan masiibooyina inta badan ka dhaca goobta ay ku noolyiin iyada
oo aan laga hortagi Karin masiibo ilaahay la damco umadiisa hadan (ka
hortagu uu ka wanaagsanyhay dawada )in lala yimaado qorshe dheer oo
loogu tala gaylay in facba faca kale siiyo waan in ay ka fikiraan hadaba
faca markaa ay ku dhacdo , dhacdooyinka kala duwan ee saamayna
noloshooda ,ugana baqa qabaan in ay markale laga yaabo in ay timado
sidaas darteed Sidaas oo ay tahay waxa aan u soo jeedinaya
xukuumada in ay samayso qorshe shaqaynkara mudo dheer oo ka duwan bari
ayay dhacdayAqoonyahaynaka waxa aan usoo jeedinaya inay sameeyan
waxalaale wixii talooyin ah ee lagu samaynayao ka hortaga aafooyinka
dabiiciga ah maadama oo nabad guur dhicawalba ahi ka socdo wadanka
halisna aynu gali karno masiiboyin ayanan hore u arki jirinhudheelada
waxa aan u soo jeedinaya dhibaato kuma timaado bilaadanka ilaa ay
kasbdaan mooye sidaas darted ay tixgaliyaan hidaha iyo diinta islaamka
Beryahan danbe waxa saxaafada Somaliland ee mareegaha kasoo buuxsamaya afkaaro ay is dhaafsanayaan xubnaha taageera laba xisbi qaran ee UDUB iyo KULMIYE.Waxa marag ma Doon ah in saddexda xisbi qaran ee dalku ay ku leeyihiin taageerayaal badan debeda, mana odhan karo maanta xisbi hebel ayaa ugu taageero badan, sababta oo ah dadka ku nool qurbuhu waxa ay xidhiidh la leeyihiin dadka guddaha. Sidoo kale waxa iyaduna saxaafada ku badan in ururkii SNM ee inaga tuuray cadaadiskii Siyaad Barre uu ku badan yahay xisbiga KULMIYE, taas anigu ma qabo. Saddexda xisbi qaranba waxa ku jira xubno ka tirsanaa ururkii SNM. SNM waxa ay ahaa urur ay ku jiraan dadbadan sidaas awgeedna in xisbi qudhi sheegto ilama qurux badna. Waxa dalka ka dhacay doorashooyin xor ah, oo aan ka dhicin dalal badan oo aduunka saddexaad ah iyo kuwa horu marayba. Taasina dhaxalsiisay in adduunku inoo soo jeesto, haddaba waxa aan qurbo jooga Somaliland ee taageera saddexda xisbi qaran iyo kuwa aan cidba taageerin ka codsan lahaa in ay usoo jeestaan dib u dhiska dalka, iskana daayaan isu fiirsashada iyo waxa aanay waxba ka faa'iideyn. Waxa aan aad u eegtaan intii aynaan saddexdan xisbi kala gelin waxii aynu u qabanay dalkeenii, haddii ay noqon lahayd xaga waxbarashada, caafimaadka iyo wacyi gelinta. Halkii saddexda xisbi ay inoo soo kordhin lahaayeen horumar ma fiicna in aynu colaad iyo xaasidnimo isugu qaadna. Waxana aad ogaataan qofna waxa ALLE ( SWT) uu u qoray seegi maayo, waana ka abwaanku yidhi '' Bad kaluun ku jira haday ku tahay ama fijaan shaaha qof walba wixii loo katibay waa la kulansiin''. Saddexda xisbi qarana waxa ay isu yihiin kaabayaal, haddii mid ka middi ka baxo ama baaba'o dimoqraadiyadii aynu hiigsanaynaynay wax ay inaga noqonaysaa dhicis, ee aynu u hawlgalno sidii saddexda xisbiba inoogu jiri lahaayeen. Nebogeenii suubanaa waxa uu
yidhi '' Midkiina Alla ma rumeyn ilaa uu waxa uu isagu jecel yahay la
jeclaado walaalkii''. |