Somaliland’s Diplomatic Progress and the President’s
Speech Qadiyadda
Aqoonsiga Somaliland Oo Markii U Horaysay La Soo Dhigey Miiska Ururka
Midawga Afrika Ee AU
Dawladda C/Laahi Yuusuf Oo Maraykanka
Ka Dalbatay
In La Baabi’iyo Dacwada Lagu Oogayo Cali Samatar Iyo Saraakiisha Kale Ee Loo
Haysto Dambiyada Xasuuqa Ah
Roobab Khasaare Gaadhsiiyey Degmada
Ceel Afweyn
Xukuumadda Oo Shaaca Ka Qaaday
Maalinta Iyo Meesha
Lagu Qabanayo Shirka Arrimaha Gobolka Sool
“Mooshinkani Wuxuu Horseedi Karaa
Walaac Iyo Khalkhal Abuurma”
Afhayeenka UCID
Hargeysa: Bisha Cas Oo Deeq U Fidisay
Dadkii Ku Bara Kacay Roobabka
Duruufaha Dhaqaale Ee Ka Dhashay
Markii Uu Istaagay
Xidhiidhkii Ganacsi Ee U Dhexeeyey Somaliland Iyo Kililka 5aad
Maxaa Laga Ogyahay Xaaladda Xabsiga
Hargeysa?
Mujahidiinta SNM Oo Taliska Milateriga
Ku
Eedeeyey Inay Ciidanka Ka Eryeen 40 Mujaahid Iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka
Oo Iska Duway Eedaas
Ciidanka Amaanka Oo Ku Durduriyey Dad
Danyar Ah Oo Cabasho
La Hortegay Madaxtooyada
Baydhabo Oo Qarka U Saaran Inay
Dagaalo Ka Qarxaan
C/Laahi Yuusuf Iyo Gudoomiyaha
Baarlamaanka Oo Midba Midka Kale Ku Hawlanyahay Inuu Ka Takhaluso
ODHAAHDA AKHRISTAHA:Jaaliyadaha
Somaliland Ee Sweden Oo Lacag Ugu Deeqay Jaamacada Burco
Somaliland, Somaliya Iyo
Jamhuuriyadii Soomaaliyeed Waa Casharo Uu
Cigaal Dhigay
Degmada Allaybaday Wax Jeeb Lagu
Qaado Ka Weyn
Wasaarada Macdanta Iyo Biyuhu Dhakhso
Ha U Daboosho Baahida
Ceelasha Gar Adag
Maxaa Laga Ogyahay Xaaladda Xarunta
Agoomaha Hargeysa
Faysal Omar Madar (SYSTO) iyo Muuse Yuusuf Maxamed (SOPYA)
|
|
Somaliland’s Diplomatic
Progress and the President’s Speech |
Somaliland Times
Editorial
Somaliland’s patient and persistent diplomatic efforts seem to be finally
paying off. One only has to look at the steady stream of high-level
diplomats and statesmen that have been visiting Somaliland in the last few
months. There was the vice-chairman of the African Union, the British
delegation, and now one of the founding fathers of modern Africa, H.E Dr.
Kenneth Kaunda is in Hargeisa. There was also President Dahir Rayale
Kahin’s superb interview in al-Jazira where millions of Arabic-speaking
people watched him explain Somaliland’s achievements. Right now while
Somaliland is receiving statesmen, Somaliland’s foreign minister is in the
United States discussing bilateral issues with the US government.
Somaliland is definitely a country on the move. Even the BBC Somali
Service had to admit the momentum toward recognizing Somaliland that is
building up in the African Union.
President Dahir Rayale Kahin came to the May 18th celebration knowing full
well that the diplomatic winds are now in Somaliland’s favor, which put
him in a strong position from which to address a host of questions. His
performance was robust and engaging. He worked his audience and they
responded. The only sour note was some of the harsh language the President
used against the opposition. As the President of Somaliland, he should
have been more restrained. Parliament should also know that it’s not just
the president, but many Somalilanders are fed up with their antics.
Members of parliament should be busy preparing for elections instead of
trying to blackmail the president with the threat of impeachment. Top
Qadiyadda
Aqoonsiga Somaliland Oo Markii U Horaysay
La Soo Dhigey Miiska Ururka Midawga Afrika Ee AU,
Taiwan Oo U Ololaynaysa Inay Dalal Ay Ka Mid Tahay
Somaliland Ka Qayb Galaan Shirka Caafimaadka Aduunka |
Addis Ababa, May 13, 2005 (Haatuf) – Golaha
midawga Afrika ayaa ka baaraan degaya aqoonsi ay siiyaan Somaliland ka dib
markii ay warbixin u gudbiyeen guddidii xaqiiqo raadiska ahayd ee dhawaan
socdaalka ku yimi Somaliland, taasoo keentay in la isla soo qaado qadiyada
Somaliland.
Warbixintaas ay gudbiyeen oo gaadhay gudoomiyaha midawga Afrika Alpha
Cumar Konare weli shaaca lagama qaadin nuxurka ay xambaarsan tahay
warbixintaasi, balse sida ay tibaaxayaan warar diblomaasiyadeed oo ka soo
baxaya Addis Ababa qaar ka mid ah dalalka miisaanka ku leh Afrika, gaar
ahaana geeska Afrika oo ay badhi taarayaan qaar ka mid ah dalalka reer
Galbeedka ayaa olole ugu jira sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland, gaar
ahaana sidii ay dalalka Afrika ee 52 dal ahi ay u ogolaan lahaayeen
aqoonsiga Somaliland, marka la soo hordhigo warbixinta guddida xaqiiqo
raadiska ah ee dhawaan socdaalka ku yimi Somaliland ay ka diyaariyeen
xaqiiqada dhabta ah ee ay ku arkeen Somaliland, taas oo sida la rajanayo
ah mid wadada u xaadhaysa garawshiiyo ay Somaliland ka hesho dalalka
Afrika, iyo inay siiyaan aqoonsi buuxa. Guddidan xaqiiqo raadiska ah oo uu
horkacayey gudoomiye ku xigeenka midawga Afrika Patrick Mahamzinka waxa ay
muddadii ay joogeen Somaliland socdaalo ku mareen gobolada dalka, iyaga oo
warbixin faah-faahsan hordhigay gudoomiyaha midawga Afrika.
Arrintani waxay ku soo beegantay iyadoo maalintii shalay uu golaha amaanka
ee Afrika isku raacay in ciidamo ka socda Afrika, gaar ahaana dalalka
Sudan iyo Yuganda loo diro dalka Soomaaliya. Waxaanu go’aankan ay gaadheen
golahaasi ka dambeeyey markii ay dhegeysteen warbixin ay ka soo diyaareen
dalka Soomaaliya guddi xaqiiqo raadis ah oo qaabilsan hub ka dhigista oo
horaantii sannadkan socdaal ku maray magaalooyin ka tirsan dalka
Soomaaliya. Balse xilliga ay tegayaan ciidamadaasi Soomaaliya waxay ku
xidhan tahay hadba sida dhaqaale loogu helo, daad-gureynta iyo hawlgelinta
ciidankaasi.
Dhinaca kale dawladda Taiwan ayaa dedaal ugu jirta sidii ay uga qayb geli
lahayd shirka caalamiga ah ee caafimaadka adduunka, waxaanay sidaa ku
sheegtey shir jaraa’id oo ay shalay wada jir u qabteen wasiirada arrimaha
debada iyo caafimaadka ee dalkaasi oo ay ka soo qayb galeen saxaafadeeda
gudaha iyo kuwa caalamiga ahiba.
Dawladda Taiwan waxa ay sheegtey inay ololaheeda u adeegsan doonto
saxaafada dunida, iyada oo sidoo kale taageero ka raadsanaysa wadamada ay
saaxiibka yihiin.
Hase yeeshee waxa ay sheegtey inay arrintan u bandhigi doonto sida ugu
macquulsan, iyada oo isla markaana doonaysa inay arrintaasi la kaashato
wadamada ay Taiwan isku meeqaamka ka yihiin dunida. Waxaanay wadamada ay
la kaashanayso arrintaasi ka magacawday wadamo aan sideeda oo kale la
aqoonsan oo ay ugu horeysiisay \Somaliland, Kosovo, Waqooyiga Qubrus iyo
Falastiin. Kuwaasi oo aan iyaguna ka mid ahayn beesha caalamka. Waxaanay
intaa raacisay in ololaheedu laga yaabo in la siiyo tixgelin iyada iyo
wadamada kale ee ay magacawdayba. Laakiin Taiwan waxa ay ku dooday inay
qoddobka 2-aad ee xeerka hay’adda caafimaadka adduunka u adeegsanayso
sidii ay shirkaa uga qayb geli lahayd, kaas oo dhigaya ka qaybgalka
dhamaan dadyowga adduunka ee shirkaasi, taasi oo ay ku doodeen inay
Taiwana qayb ka yihiin. Top
Dawladda C/Laahi
Yuusuf Oo Maraykanka Ka Dalbatay
In La Baabi’iyo Dacwada Lagu Oogayo Cali Samatar Iyo
Saraakiisha Kale Ee Loo Haysto Dambiyada Xasuuqa Ah |
“Waa In La Laalo Eedaymaha Dhawrsanaanta
Lagaga Qaadayo
Cali Samatar Oo Maxmadda La Fara Geliyo”
wasiirka arimaha debada ee dawladda imbagati oo qoraal u diray
Condelezza Rise (wasiirka arimaha debada ee maraykanka)
Hargeysa, May 13, 2005 (Haatuf) Dawladda Imbagati ee uu madaxda ka yahay
C/laahi Yuusuf ayaa dhowaan dawladda Maraykanka ka codsatay in la joojiyo
dacwadda dalkooda lagaga oogayo Maxamed Cali Samatar, iyadoo Maxamed Cali
Samatar oo madax-weyne-kuxigeen iyo taliyaha ciidamada ka ahaa dawladdii
Siyaad Barre loo haysto inuu galay dembiyo dagaal.
Wasiirka Arimaha debedda ee dawladd Imbagaati C/laahi Sh. Ismaaciil ayaa
bishii January ee sannadkan aynu ku jirno qoraal uu kaga codsanayo in la
joojiyo dacwada loo haysto madaxweyne xigeenkii Somaliya ee dawladii
Maxamed Siyaad Bare u gudbiyey haweenayda wasiirka arimaha debedda ka ah
dalka Maraykanka Condolezza Rice.
Qoraalkaa oo ah mid sir ah oo u suurta-galay inuu wargeyska Haatuf gacanta
ku dhigo waxa lagu socodsiiyey xoghayaha arimaha debeda Maraykanka
haweenayda magaceeda la yidhaahdo Condolezza Rice, iyadoo loo mariyey
safaarada Maraykanku ku leeyahay dalka Kenya.
Warqadaa oo wasiirka arimha debedda ee dawladda C/laahi Yuusuf uu qoray
bishii February 10, 2005, waxa uu si adag ugu difaacay eedaha iyo
dacwadaha loo haysto masuuliyiinta iyo saraakiishii sare ee dawladdii
Maxamed Siyaad Bare oo ay dacwadoodu ka socoto Maxkamad ku taal gobolka
Virginia ee cariga Maraykanka, iyadoo loo haysto xasuuqii iyo dhagarihii
ay u geysteen kumanaan shicib ah xiligii uu socday halgankii hubaysnaa ee
Jabhadii SNM ee ka socday dhulka Somaliland oo xiligaa ahaa goboladii
waqooyi ee jamhuuriyaddii Somaliyeed.
Waraaqdaa oo ku qornayd Ingiriisi waxaanu u turjunnay Af-Soomaali, waxayna
u qornayd siddan:
“Xoghaye anigoo ku hadlay magaca dawladda Somaliya ii ogolow inaan si guud
ugu mahad noqo sidii ay dawladiinu u taageereysay dadka Somalida iyo
dedaaladii aad ka geysateen sidii si buuxda nabad looga dhalin lahaa,
iyadoo ay dalkayaga Somaliya 14 sannadood ka socdeen dagaalo sokeeye iyo
fawdo. Dedaalkiina iyo dhiiri gelintiina aad IGAD ku dhiirinaysaan
arimahayaga iyo inay nabadi ka dhalato dalkayaga ayaa keenay inay midho
dhalaan dedaaladaasi, waxayna dhiiri gelintiinu ahayd lagama maarmaan udub
dhexaad u ah heshiisyadii Imbagati, Taas ayaana keentay inay midho dhalaan
heshiisyadaasi dib u heshiisinta iyo nidaamka qarankayaga, mana aha
dedaalkiinii mid laysku khilaafi karo. Sidaa
awgeed, anigoo shakhsiyan ka faa’iidaysanaya fursadan waxaan si xushmad
badan ugaga codsanayaa xafiiskiina arimaha debedda in laga saaro
maxkamadda gal-dacwadeedka Lambarkiisu yahay (CV.AC. No.1:04w1360, US
District Court for the Eastern District of Virginia) ee u dhexaysa
muduciga Baashe Cabdi Yuusuf iyo Maxamed Cali Samatar oo aan la qaadin
eedaha la doonayo in dhowrsoonaanta lagaga qaado Maxamed Cali Samatar oo
la farageliyo maxkamadda, arintaa waa in meesha looga saaro ama la laalo
eedaymaha ka dhanka ah Maxamed Cali Samatar.
Maxamed Cali Samatar oo ah ninka lagu oogayo dacwada wuxuu leeyahay
dhowrsanaan iyo maamuus (Immune), maadaama madaxdii sare ee dawladdii
Somaliya oo laga soo bilaabo 1987-kii ilaa 1990 ahaa
madaxweyne-kuxigeenkii iyo wasiirkii difaaca ee Somaliya xiliyadii
1982-1986.
Sidaa awgeed, waxaanu dareemaynaa in dacwadda lagu oogay Mr. Cali Samatar
ee ka dhanka ah inay meel ka dhac ku samaynayso qaynuunkii uu sharciga
caalamiga ahi siiyey dadka madaxda ahaan jiray, isla markaana waxay
waxyeeli kartaa sharciga caalamiga ah oo maanta madax badan dunida laga
siiyey magan gelyo inay ku joogaan dalal badan, waxayna arintani carqalad
ku keenaysaa wada hadalada iyo nabad-raadinta dalkayaga, hadii eedaymaha
iyo dembiyada loo haysto Cali Samatar socdaan.
Inkasta oo dembiyadu yihiin kuwo aad u khatar ah, ama laga bilaabo doodda
ku saabsan meel ka fog dalkii waxaasi ka dhaceen, hadana waxaan rajaynayaa
in codsigayagu go’aanka waaxda arimaha debedda wax ka bedeli doono ama aad
gacan ka geysan doontaan sidii meesha looga saari lahaa dacwadda lagu soo
oogay Cali Samatar, waxaana ka walaacsanahay sababta shakhsigaa (Cali
Samatar) loo doortay ama loo xushay dembiyada loo haysto, taas oo abuuri
karta xiisad qabiil oo khatar ah, iyadoo dhibaatooyinka maanta ka taagan
dalkayaga (Somaliya) ay yihiin kuwo ka dhashay xiisado qabiil, waxayna
arintani sii shidi doontaa xiisadihii iyo colaadihii qabaa’ilka ee
dalkayaga ka jiray hadii la hirgeliyo dacwadaa, isla markaan waxay wax-yeeli
doontaa wada hadalada dib u heshiisiinta iyo nabad-raadinta dalkayaga ka
socda. Anagoo idiinku mahad-celinayna culayska aad dawlad ahaan (Maraykanka)
saarteen iyo garabka aad nagu siiseen dib u heshiisiintayada, waana u
hanweynahay taageeradaa xidhiidhka ah iyo gacanta joogtada ah ee aad na
siinaysaan” ayuu qoraalkiisa ku soo xidhay wasiirka arimaha debedda ee
dawladda Imbagati, C/laahi Sheekh Ismaaciil.
Dacwadda lagu oogayo Maxamed Cali Samatar iyo weliba qaar badan oo ka mid
ah saraakiishii sar-sare ee ka tirsanaa dawladdii Siyaad Barre ee galay
dembiyada dagaalka waxa oogaya ama dabada xarun ka shaqaysa arimaha
xuquuqal-insaanka iyo daba-galka arimaha cadaaladda (The Centar for
justice & Accountability) oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka, laakiin
dacwadda lagu oogayo Cali Samatar iyo saraakiisha kale ee ku sugan
Maraykanka waxay ka bilaabatay maxkamad ku taal gobolka Virginia, waxayna
dacwadaasi bilaabatay horaantii sannadkii 2004.
Dacwadda lagu oogayo Janaraal Cali Samatar iyo raggiisa markii ay
bilaabatay kooxo dad ah oo Soomaali ah ayaa marar dhawr ah isku deyey inay
carqaladeeyeen geedi socodka dacwaddan, iyaga oo sameeyey abaabullo ay ku
doonayaan inay ku baabi’iyaan dacwaddan, laakiin xarunta dabada dacwaddan
ayaa ku ballanqaaday in cidkasta oo geysatay dhagarro dagaal iyo falal
xasuuq dadweyne ah la horgeyn doono sharciga iyo cadaaladda meel kasta oo
ay joogaan, oo aan laga hadhi doonin.
Kooxaha u ololaynaya in la baabi’iyo dacwadda lagu oogayo Cali Samatar
waxay had iyo goor faafiyaan warar barobagaando ah, waxayna dhowaan
faafiyeen warar sheegaya in Cali Samatar dhowaan loo masaafurinayo
Somaliya, laakiin warar xog-ogaal ah oo laga soo xigtay dadka u
dhuundaloola kiiska lagu oogayo Cali Samatar ayaa sheegay inaanay waxba ka
jirin sheekada masaafurinta ee la faafiyey. Top
Roobab Khasaare
Gaadhsiiyey Degmada Ceel Afweyni |
Hargeysa, May 13, 2005 (Haatuf) – Ugu yaraan
70-guri ayaa dumay ka dib markii ay roobab laxaad lihi ka da’een degmada
Ceel-Afweyn oo ka tirsan gobolka Sanaag, sidaana waxa shaaca ka qaaday
maayarka Ceel-Afweyn oo u waramayay Haatuf, isaga oo haatan ku sugan
magaalada Hargeysa.
Waxaanu intaa ku daray in roobabkaasi ay sidoo kale geysteen khasaare mood
iy noolba leh, iyagoo ay dhaawacyo ka soo gaadheen ugu yaraan 8 ilaa 9 qof.
Sidoo kalena ay waxyeelo u geysteen degaanka iyo xoolo.
Sida uu maayarku sheegay khasaaraha ugu badani waxa uu soo gaadhay
dugsiyada waxbarashada ee degmadaasi oo kal aah dugsiga H/dhexe ee Dhoola
Yare iyo dugsiga dhaqaalaha guriga ee Haweenka, kuwasi oo uu ka qaaday
saqafkii, haatana ay ardaydii debeda yaalaan.
Sida uu maayarku sheegay dadka ku nool guryahaa uu roobku dumiyey waxa ku
baro kacay dad lagu qiyaasy ilaa 300 oo qof, dadkaasi oo haatan bacadka
wadhan, ugu dambayn maayarku waxa ugu baaqay xukuumada iyo hay’adaha
samofalka in dadkaasi lala gaadho gurmad deg deg ah, gaar ahaana waxay
dadku hoy ka dhigtaan oo ah baahida ugu daran ee haatan ka jirta. Ugu
dambayn dhibaatada roobabka waxa xoojiyey iyada oo dadkani ka soo baxeen
abaaro ruuq dheeraaday. Top
Xukuumadda Oo
Shaaca Ka Qaaday Maalinta Iyo Meesha
Lagu Qabanayo Shirka Arrimaha Gobolka Sool |
Hargeysa, May,13,2005 (Haatuf)- Xukuumadda
Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in bisha Juun ee foodda inagu soo haysa
la qaban doono shir lagaga wada hadlayo arimaha gobolka Sool, sidaana waxa
lagu sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray wasiirka warfaafinta
xukuumadda Somaliland, C/laahi Maxamed Ducaale, warsaxaafadeedkaasina waxa
uu u qornaa siddan:
“Waxa maanta (Shalay) madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland lagu qabtay
shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen madaxweynaha JSL, mudane Daahir
Rayaale Kaahin, madaxweyne-kuxigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, shirgudoonada
golaha wakiilada iyo golaha Guurtida, xubno ka socda golaha wasiirada iyo
xubno ka socda madax-dhaqameedyada Somaliland oo isugu jira salaadiin iyo
boqorro.
Shirkaas oo uu gudoominayey madaxweynuhu waxa la isla gartay in
shirweynihii inmuddo ahba laga wada hadlayey ee loogu ballansanaa xoojinta
nabadda iyo dhamaystirka khilaafaadka qaybo ka mid ah gobolka Sool, lagu
qaban doono degmada Sheekh ee gobolka Saaxil kowda bisha Juun ee 2005,
qabanqaabada hawshana waxa loo saari doonaa guddi farsamo oo ka koobnaan
doona 15 xubnood, shirkaasina waxa uu ku dhamaaday jawi yididiilo iyo is-afgarad
buuxa”. Top
“Mooshinkani
Wuxuu Horseedi Karaa Walaac Iyo Khalkhal Abuurma”
Afhayeenka UCID |
Hargeysa May 13, 5002 (Haatuf) Xisbiga UCID
ayaa cambaareeyey kooxo iyo shakhsiyaad aanu carabaabin oo dadaal ugu jira
inay carqaldeeyaan doorasho xalaal ah oo dalka ka dhacda.
Waxaana sidaa lagu sheegay war-saxaafadeed uu xalay soo saaray afhayeenka
UCID Naasir Xaaji Cali isaga oo intaa kudaray in mooshinka ay wadaan qaar
ka mid ah mudanayaasha wakiiladu ee maamuus ka xayuubinta Madaxaweynuhu uu
dalka khalkhal ka abuuri karo. Warsaxaafadeedka afhayeenkuna wuxuu u
qornaa sidan:
“ Waxa maalamahan u dambeeyey caddaatay in la doonayo in jaahwareer la
geliyo geedi socodka dalka iyo himilada dadka reer Somaliland hiigsanayso.
Waxa hawl farabadan loo soo maray sidii loo meel Marin lahaa habkii ay
doorasho xalaal ahi uga dhici lahayd dalka, iyadoo caqabado badan la hor
dhigay tan intii la bilaabay wadada loo marayo doorashada Golaha Wakiilada.
Waxaana jira kooxo iyo shakhsiyaad mar kasta aan doonayn in Somaliland
noqoto qaran hanaqaada oo caalamka ka mid noqda. Taasoo mar kasta marka ay
arkaan il u soo bidhiiqaysa, doonaya inay ka ridaan si ay indhaha isugu
qabsato.
Ficiltanka, shakhsi dilka, koox necbaysi, ku tidhi ku teenka, iyo ku
jiqsiin ama cad yahow ku cunay ama ku ciideeyey waa mu’aamaradu raqiisa oo
ka hor imanaya tubta diimoqraadiyadda, wadajirka iyo danta guud ee ummadda.
Isla markaana waxay wax u dhimayaan midnimada ummadda iyo tubta wadada loo
marayo sidii ay dalka uga dhici lahaayeen doorasho caddaalad ku dhisan oo
xalaal ah. Waxay kaloo wax u dhimayaan sidii loo abuuri lahaa jawi
wadareed oo niyadsami ku dheehan tahay si ay dalka uga dhacdo doorashada
Golaha Wakiilada ee la muddeeyey.
Haddaba Xisbiga Caddaaladda iyo daryeelka wuxuu si xoog leh u
cambaaraynaya cid kasta oo wadda wax kasta oo carqaladaynaya ama is
hortaagaya geedi socodka lagu gaadhayo doorashooyinka loo cayimay 15-ka
Sept. 2005. Waxaannu ugu baaqaynaa shacbiweynaha reer Somaliland inay ka
feejignaadaan cid kasta oo doonaysa inay fidno ka dhex riddo dalka.
Waxaannu kaloo cambaaraynaynaa shakhsiyaadka ku baaqaya in haddii doorasho
la galo dalku burburi doono, iyagoo iska indho tiriya rabitaanka shacbiga,
baahida dalku u qabo doorasho iyo rabitaanka caalamka.
Waxa Xisbiga UCID hore u caddeeyey in dhibaatooyinka faraha badan ee dalka
ka taagan sida ixtiraam la’aanta distoorka, ku takri falka awoodda qaran,
cabudhinta iyo baylahda adeegyada bulshada iyo soo faydinta dhulka
Somaliland qaarkood sida degmeda Lasscaanood ay mas’uul ka tahay maamul
xumidda xukuumadda, hase yeeshee waxa Xisbiga Caddaaladda iyo daryeelku u
arkaa mooshinka maamuus ka xayuubinta ee qaar ka tirsan mudanayaasha
baarlamaanku ku haliilayaan mid aan u adeegeen qaranimada Somaliland iyo
himiladii halgankii shacabiga, lana garin karin waxay noqonayso
dhammaadkeediisu. Isla markaana aanay xal u ahayn mushkiladaha is dul
fuulay ee imminka dalka ka taagan ee xukuumaddu mas’uulka ka tahay.
Waxaannu qabnaa in hilinka toosan ee lagaga bixi karo maamul xumada ay
tahay doorasho xalaal ah oo dalka ka dhacda si xisbiyada mucaaridka ahi ay
uga qayb qaataan hoggaaminta iyo talada dalka.
Waxa kaloo xisbiga UCID rumaysan yahay in mooshin kani inoo horseedi karo
walaac iyo khal kahal ku abuurma shacbiga Somaliland, kana jeedin kara
geeddi socodka doorashooyinka, isla markaana hakad gelin kara taageerada
caalamku u hayo Somaliland, iyadoo haatan ay ku qanacsan yihiin wadamo
fara badani in la ictiraafo Somaliland.
Waxa kaloo xisbiga UCID ka soo horjeedaa muddo kordhin loo sameeyo golaha
wakiilada oo uu u arko inay sharci darro tahay in la isticmaalo qodobka
42-aad ee distoorka Jamhuuriyadda Somaliland oo aanay jirin habayaraatee
qodobada ku xusan. Isla markaana waxa ay hore seddexda xisbi qaran (UCID,
Kulmiye & UDUB) uga soo saareen bayaankii wadajirka ahaa ee loo gudbiyey
Madaxweynaha markii goloyaasha sharci dejintu ku guul daraysteen inay soo
saaraan xeerarkii ummadda u horseedi lahaa doorashooyinka.
Waxa xisbiga UCID soo jeedinayaa in Golaha Wakiilada ee hadda jira ay
xilka sii hayn karaan inta laga dooranayo Gole Wakiilo cusub bisha Sept,
15-keeda oo aan loo baahnayn muddo kordhin aan distoori ahayn inta u
dhaxaysa oo dhan seddex bilood iyo badh. Xubnaha Golaha Wakiilada ee
imminka ayaa laba bilood ka hor isu diyaarin doona sidii ay isugu taagi
lahaayeen ka mid noqoshada golaha wakiilada cusub.
Inj. Naasir Xaaji Cali Shire
Af-hayeenka Xisbiga UCID.
Top
Hargeysa: Bisha
Cas Oo Deeq U Fidisay Dadkii Ku Bara Kacay Roobabka |
Hargeysa, May, 13,2005 (Haatuf) Ururka bisha
ee gobolka Hargeysa ayaa shalay caawimo u fidiyey dadkii dhowaan ku
barakacay fatihii daadadka ee Hargeysa ka dhacay, waxaana sidaa lagu
sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray gudoomiyaha bisha Cas ee gobolka
Hargeysa, C/raxmaan C/laahi Xasan-Rakuub, war-saxaafadeedkaasina waxa uu u
qornaa siddan:
“Maanta oo ay bishu tahay 12/5/05, ayaa ururka Bisha Cas ee gobolka
Hargeysa uu deeq caawimo ah u fidiyey dadkii dhowaan ku barakacay daadadka.
Deeqdaas oo isugu jirta qalabka wax lagu karsado (Wiciyad), waxaa loo
fidiyey dad gaadhaya 120 qoys oo ah dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay
daadadka.
Gudoomiyaha ururka Bisha Cas ee gobolka Hargeysa Mr. C/raxmaan C/laahi
Xasan ayaa maanta oo ay bishu tahay 12/5/05 gudoonsiiyey Mudane Cali
Maxamed Waran-cadde, la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada ahna
xubin ka tirsan guddiga loo xilsaaray daadadka dhowaanta dadka dhibaatada
u geystay. Xafiiska la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada Md. Cali
Maxamed Waran-cade oo lagu kala gudoomay deeqdaas. Waxa halkaas hadalo ka
kooban ka jeediyey gudoomiyaha ururka Bisha Cas, Mr. C/raxmaan C/laahi
Xasan, la taliyaha arrimaha bulshada ee madaxweynaha iyo badhasaabka
gobolka Hargeysa C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro). Waxa allaabta dhiibayayna
oo ka qayb qaatay wareejinta qalabka lagu wareejinayo xukuumada
Mutadawaciinta ururka Bisha Cas (Volunteers) iyo weliba madax ka tirsan
xafiiska ururka Bisha Cas ee gobolka Hargeysa.
Ururka Bisha Cas waa urur had iyo jeer heegan u ah sidii uu u kaalmayn
lahaa dadka dhibaataysan ee ay dhibaatadu ka soo gaadhay masiibooyinka
dabiiciga ah iyo kuwo aadamiga ahba. Ururka Bisha Cas wuxuu deeqo kala
duwan u fidiyaa dadka ku barakaca amaba dhibaatadu ka soo gaadho
Masiibooyinka amaba dagaalada, kuwaas oo mar-kasta kaaba adeegayaasha
bulshada”. Top
Duruufaha
Dhaqaale Ee Ka Dhashay Markii Uu Istaagay
Xidhiidhkii Ganacsi Ee U Dhexeeyey Somaliland Iyo Kililka 5aad |
Hargeysa, May 13, 2005- (Haatuf)- Suuqyada
Ganacsiga ee magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa waxa xarakaadkoodii
baayacmushtar saamayn dhinaca hoos u dhaca ah ku yeeshay, ka dib markii ay
go’een ama aad u yaraadeen safaradii iyo gaadiidkii badeecadaha siday ee
maalin walba u bixi jiray Kililka Shanaad ee Itoobiya, gaar ahaan
degaamada Ugaadeen-ka, ka dib markii jabhadda ONLF ee ka dagaalanta bariga
Itoobiya gubtay baabuur tiradoodu gaadhayso ilaa dhowr iyo sodon gaadhi oo
siday Badeecado kala duwan oo ay ka qaadeen gudaha Somaliland.
Sheekooyin iyo warar kala duwan ayaa laga bixiyaa sababta ay jabhadda ONLF
u gubtay baabuurta shixnadaha ganacsiga sidda ee isaga gooshta Somaliland
iyo Itoobiya, laakiin warar aan rasmi ahayn oo la isla dhexmaro ayaa
sababta ay jabhadda ONLF sidaa u yeelayso ku tilmaama aargoosi ku saabsan
niman dhalinyaro ah oo ka soo jeeda degaamada Jabhadda ONLF oo ay
xukuumadda Somaliland xidh-xidhay dabayaaqadii sannadkii 2003. laakiin
warar kale ayaa iyaguna farta ku fiiqa in sababta ay jabhadda ONLF
baabuurta u gubtaa ay ku qotonto istaraatijiyad siyaasadeed, taas oo ay
wararka qaar leeyihiin waa hawl-galo looga dan leeyahay in lagu kala gooyo
xidhiidhka qadiimka ah ee ganacsi ee u dhexeeya dadka reer Somaliland iyo
dadka ku dhaqan kililka 5aad ee Itoobiya, lana doonayo in laga dhex-abuuro
colaad.
Weriye Caraale M. Jaamac Haatuf ka tirsan ayaa warbixin nooga diyaariyey
saamaynta ay hawl-gallada gubista baabuurta ee ONLF ku yeelatay
xidhiidhkii ganacsi ee labada dhinac iyo xarakaadkii suuqyada
magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, gaar ahaan labada magaalo ee Hargeysa
iyo Burco, waana tan war-bixintii:
“Dhaqdhaqaaqii ganacsi ee safarada gaadiidka iyo badeecadaha u kala goosha
Somaliland iyo degaamada Kililka Shanaad ee Itoobiya, gaar ahaan degaamada
qabiilka Ugaadeenka ayaa aad u yaraaday ama gebi ahaanba joogsaday,
waxaana hawada ka baxay boqolaal kun oo dollar oo maalin walba badeecado
kala duwan lagaga iibsan jiray suuqyada ganacsiga ee magaalooyinka
Hargeysa iyo Burco, isla markaana waxa istaagay gebi ahaanba safaradii ka
iman jiray dhulkaa ee soo geli jiray Somaliland iyo kuwii u bixi jiray
Kililka Shanaad.
Waxaana dab la qabadsiiyey 36 gaadhi oo laga leeyahay Somaliland, kuwaas
oo inta badan iyaga oo shixnado sida ka bixitimay magaalooyinka Hargeysa
iyo Burco, isla markaana gebi ahaan-ba dab laga qabad-siiyey baabuurtii
iyo hantidii saarayd oo lagu qiyaasay ku dhowaad Hal Milyan oo dolla,
waxaana baabuurtaa iyo hantidii saarnayd gubay jabhadda ONLF ee ka
dagaalanta bariga Itoobiya, waxayna jabhadda ONLF sababta ay
talaabooyinkaa u qaaday ku macneeyeen inay jawaab u yihiin koox dhalinyaro
ah oo ay xukuumadda Somaliland xidh-xidhay dabayaaqadii 2003-kii. Waxayna
kooxdaa oo inta badan laga qabtay kaantaroolada magaalada Hargeysa u
aanaysay xukuumadda Somaliland inay xidhiidh la leeyihiin jabhadda ONLF,
oo ay wadeen qorshayaal ay waxyeelo ugu geysanayaan xidhiidhka Somaliland
iyo Itoobiya, isla markaana ay doonayaan inay khal-khal geliyaan
nabadgelyada Somaliland iyo guud ahaan-ba xasiloonida mandaqadda.
Kooxdaa oo intooda badani ka soo galeen Somaliland xuduudda dhinaca
Djibouti, ka dib markii ay dawlada Djibouti ku dhawaaqday inay dalkeeda ka
baxaan dadka aan u dhalan, ama aan sharciga haysan, waxay xukuumadda
Somaliland sheegtay inaanay ogolaanay in la soo dhexmaro oo wixi aan
Somaliland u dhalani ee Soomaalida kale ah ay is-dhaafinayaan. Laakiin
markii ay kooxdaa oo ahayd dadkii ka soo galay dhinaca Djibouti, laakiin
ay wararka qaarkood sheegeen inay dhalinyarada la xidh-xidhay qaarkood ka
soo talaabeen dalka Ereteriya oo ay tababaro ku soo qaateen soo galeen
gudaha Somaliland xukuumadda ayaa xidh-xidhay, iyadoo xukuumadda
Somaliland sheegtay inay ka tirsan yihiin jabhadda ONLF ee dagaalka
hubaysan kula jirta Itoobiya, isla markaana doonayaan inay hawl-galo ka
fuliyaan gudaha Somaliland.
Inkasta oo ay xukuumadda Somaliland sidaa ku dooday, hadana waxa jiray
walaac ay dadka Somaliland qaarkood ka qabeen arintaa, iyagoo sheekadaa ku
tilmaamay mid qayb ka ah qorshe siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ay wadaan
maamullo ka mid ah deriska Somaliland oo doonayo in lagu xumeeyo
xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya Somaliland iyo degaamada kililka 5aad oo
waqtigaa ahaa mid xawli ah oo sii kobcaya.
Hase yeeshee waxa aragtidaa shiiqiyey caadifadda dadka Somaliland oo
waqtiyadaa kacsanayd, iyadoo gudaha Somaliland laga fuliyay hawl-gallo
fool-xun oo aan hore uga dhici jirin, ka dib dhawr goor isdaba jooga ah
dilal kala duwan oo argagax leh lagu sameeyey hawl-wadeenno ajnebi ah oo
hawlo samafal ka waddey Somaliland. Laakiin guud ahaan marka la isku
dar-daro arimahaa iyo dhamaan dhaqdhaqaaqyada xidhiidhka la leh waxay
sababeen inuu aad u yaraado ama gebi ahaanba istaago xidhiidhkii ganacsi
ee u dhexeeyey Somaliland iyo kilalka 5aad,wxayna talaabadaa ay arintaa
kaga jawaabeen Jabhada ONLF, ee lagu fuliyay gaadiidka iyo hantida saarayd
oo lagu qiyaasay Hal milyan oo dollar ay ahayd mid laga lahaa
magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Waxaana meesha ka baxay boqolaal kun oo
dollar oo maalin kasta badeecado kala duwan lagaga iibsan jiray suuqyada
ganacsiga ee magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, isla markaana waxa istaagay
safaradii gebi ahaan ka iman jiray dhulka kililka 5aad, gaar ahaan
degaamada Ugaadeenya, iyadoo ay ka caageen gaadiidkii ka bixi jiray
Somaliland ee badeecadaha u qaadi jiray degaamadaas. Waxayna xiisadaa
siyaasadeed galaafatay dhaqaalaha, nolosha iyo ganacsiga dad badan oo reer
Somaliland ah, kuwaas oo qaarkood ku waayeen wixii ay hanti haysteen, isla
markaana waxay arintani saamayn ku yeelatay dhaqaalaha bulshada Somaliland
oo horeba u laangadhaynayay, tan iyo markii laf-dhabartii dhaqaale ee
Somaliland oo ahayd dhoofinta xoolaha nool loo xidhay sababo la xidhiidha
dagaal siyaadeed oo lala beegsaday dhaqaalaha Somaliland dhowr sanno ka
hor.
Waxaana hada laga dareemayaa suuqyada ganacsiga ee magaalooyinka Hargeysa
iyo Burco saamaynta ay arintaasi ku yeelatay iyo khasaaraha ay la kulmeen
boqolaal qoys oo hantidoodii ku waayay gaadiidkii ay masaariifta ka heli
jireen iyo kuwii lahaa hantidiii saarayd oo maanta aan waxba gacanta ku
hayn, isla markaana aan garanayn cid ay u raacaan hantidoodii.
Waxayna dhibaatadaa iyo saamaynta ay ku yeelatay suuqyada ganacsiga ee
magaalooyinka Hargeysa iyo Burco xiligan u muuqata mid si weyn looga
dareemayo kala xidhnaanta iyo sida wax isu bedeleen.
Nin dhalinyaro ah oo la yidhaahdo Axmed Ilkacase oo ka mid ahaa dadka la
shaqayn jiray ee noloshoodu ku xidhnayd safarada ka yimaada degaamada
Ugaadeeniya ee u soo safra magaalada Hargeysa ayaa isagoo arintaa ka
hadlaya yidhi “Ugu yaraan dhowr iyo toban gaadhi oo sida badeecado ayaa ka
bixi jiray maalin kasta magaalada Hargeysa oo keliya, Burcana tiro intaa
ku dhow, waxayna gaadiidkaasi bixi jireen dhulka Ugaadeeniya, laakiin
markii uu dhacay falkii lagu gubay gaadiidka waxa istaagay dhaqdhaqaaqii
safaradii ka iman jiray dhulkaa iyo gaadiidkii u bixi jiray, balse waxa
mudo yar ka dib yimi gaadiid ka yimi gobolada Sool iyo Sanaag oo bedelay
gaadiidkii Hargeysa iyo Burco ee loo rari jiray degaankaa. Waxaana meesha
ka baxday in dhulkaa laga ogolaado gaadiidka uu ku xidhan yahay L/R
Somaliland oo markii hore keligii ay ogolaayeen ONLF, taana waxa bedelay
inay gaadiidka beedacadaha u qaada halkaasi qaataan L/R Puntland. Sidaana
waxaa ku xumaaday xidhiidhkii ganacsi, waxaana lagu waayay hanti badan oo
la gubay iyo inay gebi ahaanba istaageen safaradii iyo gaadiidkii u kala
gooshi jiray Somaliland iyo degaamada Ugaadeenka, kuwaas oo boqolaal kun
oo dollar maalin kasta badeecado kaga iibsan jiray Burco iyo Hargeysa,
waxay hada u wareegeen dhinaca Puntland. ka dib markii ay ka baqeen in
dhibaato ay u geystaan dadkii gaadiidkooda la gubay. Dad badan oo
dhaqaalahoodu ku xidhnaa ganacsiga ayaa dhibaato soo gaadhay, aniguna waxa
ka mid ahaa dadka noloshoodu ku xidhan tahay safaradaa, waana mid
dhibaatadu u baahan in xal loo helo”.
Ganacsatada sida tooska xidhiidhka ula lahaa safarada Ugaadeeniya ayaa si
weyn u dareemay dhibaata ay xiisadaasi u geysatay dhaqdhaqaaqa
ganacsigooda. Mr. C/risaaq Muuse shiraacle oo ka mid ah Bakhaarada ay
dadkasi badeecadaha ugu badan ka iibsan jireen ayaa isagoo ka waramaya
saamaynta ay arintaasi ku yeelatay “50% ayuu hoos u dhacay ganacsigii,
waxayna wax isu bedeleen si weyn, sababo nabadgelyo ayayna dadkii safaradu
u baqeen, waxaana la galay xaalad kala urursi ah tan iyo markii la gubay
labadii gaadhi ee u horeeyey. Maalin walba waxa Hargeysa oo kaliya laga
rari jiray boqolaal kun oo dolar. Laakiin wixii mudadaa ka dambeeyey waxay
u wareegeen dhinaca Puntland, waana in xal loo helo. Waxana hubaa hadii
dawlada Somaliland balan-qaado in aan safarada dadkaa iyo hantidooda loo
geysan dhibaato inay soo noqonayaan. Waxa kaliya ee ay ka baqayaan waa
dadkii gaadiidka iyo hantida laga gubay oo ay ka cabsi qabaan in ay
aar-goosi kula kacaan. Sidaa awgeed waxan u soo jeedinayaa xukuumada inay
arintaa xal u raadiso”.
Dhibaatada ka dhalatay xiisadaasi maaha mid laga dareemay oo kaliya
dhinaca Somaliland, laakiin qaar ka mid ah dadka degaamadaa ka soo safri
jiray oo hada Hargeysa ku sugan ayaa muujiyey sida ay uga xun yihiin
ganacsigii labada dhinac ee xumaaday.
Nin ka mid ah dadka kasoo jeeda deegaamada Ugaadeenya oo ay dadka safarada
u yimaada qaarkood ahaayeen eheladiisa oo codsaday in aan magaciisa la
sheegin ayaa isagoo arintaa ka hadlaya yidhi “Markii mushkiladu dhacday
waxaan joogay Dhagax-buur, waxaana waqtigaa ka hor jiray ganacsi xoog ah
oo u dhexeeyay labada degaan, laakiin cidhiidhi badan ayaa dhacay oo dadka
ganacsatada ah, xoogsatada, dilaalka iyo ddka xaggaa jooga aad ayay
dhibaatada u saamaysay, waxayna safaradii ka iman jiray magaalooyinka
Qalbi-dahare ismay, Iimay, Abaa-qorow iyo degaamada kale u wareegeen
dhinaca Puntland, waana arin khasab ku noqotay ee dadkaasi ma helayaan
meel uga wanaagsan Hargeysa iyo Burco inay u soo safraan oo waxa aanayba
ka baxayna noolka gaadiidka maalin kasta waxa Hargeysa oo kaliya ka bixi
jiray dhowr iyo toban gaadhi, ganacsatadii waaweynayd ee halkan iman
jirtay iskuma ay doorsadeen Puntland iyo Somaliland, hadii ay xukuumada
Somaliland ku dhawaaqdo inay balan-qaaday nabadgelyadooda cid kastaa way
imanay”.
Nin magciisa la yidhaahdo Faysal Ismaaciil Dhinbiil oo ka mid ah dadkii
lahaa hantida lgu gubay gaadiidka oo isaguna ka hadlaya saamaynta ay
arintaasi ku yeelatay noloshiisa ayaa yidhi, “Anigu waxan lahaa Alaabtii
saarnayd gaadhiga uu lahaa xasan Xirsi Yaasiin, waxayna ahayd wixii aan
haystay oo ahayd $14,000(afar iyo toban kun) oo dollar, mana jiraan wax
iiga danbeeyay oo waanigaa iska lugaynaya. Sababta loo gubay waxayagana
waxa lahayd xukuumada Somaliland oo xidh xidhay rag u dhashay deegaankaa,
welina xukuumada kama hayno wax jawaaab iyo tacsi toona ah.”
Inkasta oo ay dareewaliinta iyo hantiilayaasha lahaa gaadiidka la gubay
dhowr jeer cabashooyin iyo dacwado u gudbiyeen xukuumada Somaliland,
hadana ilaa hada ma muuqdo dhaqdhaqaaq xal loogu raadinayo sidii loo
furdaamin lahaa arinta oo dhinaca xukuumada Somaliland ah iyo jawaaab ay
ka bixisay toona.
Laakiinj kulankii ugu danbeeyay oo April 28, lagag hadlayo arintaa waxa ka
hadlay Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo ka mida madax dhaqameedyada
Somaliland, wuxuuna ugu baaqay dadkaa cabanayay ee dhibaatada xun loo
geystay hantidooda in aanay ku kicin talaabo aar goosi ah oo aanay waxba u
geysan dad aan waxba galabsan oo sidooda oo kale ah, wuxuuna xusay inay
gacan ka geysanayaan madax dhaqameedku sidii xal nabad gelyo loogu heli
lahaa.
Hase yeeshee xaalada dhaqaaale ee ganacsigii xawliga ku socday ee ka iman
jiray dhulka Ugaadeenya oo si weyn looga dareemi jiray suuqyada
magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa waqtigan noqday mid hawada ka baxay
tan iyo markii ay mushkiladahaa siyaasadeed saamaynta weyn ku yeesheen,
waxayna arintaasi si gaara u taabatay dhaqaalaha iyo nolosha qoysas badan
oo noloshoodu ku dhisnayd dhaq dhaqaaqaa ganacsi. Sidaa awgeed waxa
waqtigan ay qaar badan oo ka mid ah bulshuda Somaliland dareemayaan
baahida loo qabo iyo sida ay lagama maar maanka u tahay in la furdaamiyo
arintaa oo xal loo helo, iyadoo ay dhinaca dadkii safarada ku iman jiray
Somaliland ee deegaamadaas laftoodu dareemeen baahida loo qabo in lasoo
celiyo xidhiidhkii ganacsi ee taariikhiga ahaa ee u dhexeeyay baqolaalka
sannadood labada dal iyo dadka deegaanka, gaar ahaan bulshada
Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo dhulka Ugaadeenka.
Top
Maxaa Laga
Ogyahay Xaaladda Xabsiga Hargeysa? |
Raaqiya C/laahi Oomaar
Boqor Raabbi Yussuf Cabdillahi
7 May 2005
Hordhac
Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillahi waxaa la xidhay January, waxaanu ku jiray
Xabsiga Dhexe ee Hargeysa 16 casho, markii uu ra’yigiisa uun cabiray isaga
oo ku baaqay inay beeshiisa guud isugu timaado shir ay kaga wada hadlaan
danahooda iyo ta dalka. Waxa la hayey Boqorka isaga oo maxkamadi xukumin.
Saraakiil ka tirsan dawladuna waxay u sheegeen Qanim Al-najaar, oo ah
khabiirka madaxabanaan ee Qaramada Midoobay u qaabilasan xuquuqda Aadamaha
ee Somaaliya, oo ku soo booqday Boqorka Xabsiga Febraury in “lagu eedeeyey
Raabbi kicin kacdoon”, laakiin wax eedayn oo rasmi ah oo la keenay ma
jirin, loomana sharaxin Raabbi sababtii loo soo xidhay.
Markii la qabtay waxa looga yeedhay Boqor Raabbi Saldhiga Dhexe Booliska
ee Hargeysa halkaas oo markuu yimi loo sheegay inuu xidhanyahay. Waxa laga
qaaday mobilkisii iyo furahii khasnadiisa.(weli looma soo celin). Wuxuu
halkaa ku jiray afar casho waxaana su’aalo halkaa ku waydiiyey saraakiil
CIDda ka tirsan oo u sheegtay inuu ku eedaysayhay ‘kicin’, inkastoo aanay
keenin wax faahfaahin iyo caddayn toona .Afar casho kadib waxa loo sheegay
in la gaynayo maxakamadda, isaguna wuxuu u sheegay ehladladiisa iyo dadkii
raacsanaa inay yimaadaan halkaa, waxaase toos loo geeyey Xabsiga Dhexe
isaga oo ay illalinayaan koox booliis ah, halkaas oo ay ku sugayeen
sarakiishisii xabsigu.
Marka uu ka warramayo waxii soo maray, Boqor Raabbi waxuu qabaa inuu
weliba ahaa maxaabista ugu nasiib badan, marka la eego meesha uu bulshada
kaga jiro oo u saamaxday inuu helo fursado badan oo maxaabiista kale aany
heliba karayn. Waxaa la siiyey qol keligiis ah cuntadana reerkiisa ayaa u
keenayey. Isaga oo aad uga argagaxay wixii uu ku soo arkay xabsiga ayuu
shir jaraa’id qabtay siduu uga hadlo waxii soo maray. Sheekadiisii oo lagu
soo qoray wargayska Haatuf, waxuu ku sifeeyey xaalada xabsiga ka jirta oo
uu ku tilmaamay “mid u baahan ficil deg-deg ah oo wax qabad ah”, waxaanu
isla markaa ku baaqay “ wixii muslim ah, inta damiirka leh iyo inta ay ku
hadhay wadaniyadi inay ku dhaqaaqaan wax qabad dhab ah.”
Xabsiga Hargeysa waxa dhisay Ingriiskii 1940meyadii, waxaana loogu
talogalay markaas 150 maxbuus. Siduu Qanim Al-najaar oo tegay xabsiga
February, 2005 sheegay iminka waxaa ku hoyda 800 oo qof. Alnajaar waxuu ka
yidhi:
“Sidaan marar badan ku sheegay socdaalkaygan, xaalada xabsigu waa mid
hoosaysa. Sida la arkayo way ka sii dartay saddexdii sanno ee u danbeeyey,
xaaladu waa mid buux dhaafa, mana jiraan wax fayo-dhowr ah iyo biyo.”
Al-najaar wuxuu ku raacay argatidii ay muujiyeen 10 bilood ka hor, April
2004tii Guddiga Arimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada oo markay socdaal
xabsiga ku tageen yidhi:
“Xaaladda caafimaad iyo nololeed ee jeelku dhamaan waa mid boqolkiiba
boqol liidata oo argagax leh….haba yaraatee wax daawo ahna ma leh, waxa
jira nin dhakhtar ah oo ku qoran jeelka oo isaguna aan tegin guddanna
xilka uu jeelka ka hayo. Cudurada maxaabiistu qabto waxaa ka mid ah T.B,
macaan, barar jidhka oo dhan ah sida xiniinyo barar, HIV/AIDs, waxa kale
oo jira qaar jajaban oo dhaawac ah oo aan kabid loo fidin iyo xanuuno kale
oo badan. Musqulaha iyo bulaacaduhu way buxaan. Hadii aan deg-deg wax
looga qabana cuduro khatar ah ayaa ka dhalan kara. Ciidanka xabsiga ku
qoran waa 200 Askar oo aan dirays iyo gadiid lahayn.”
Guddida Golaha Wakiilada waxay warbixintoodii markaa ku sheegeen tirada
maxaabiista ah ee xabsiga ku jirta 603, oo 33 ka mid ahi yahiin dumar.
Labadada boqol ee ku kordhay maxaabiista April 2004kii ilaa February 2005,
waxay taageeraysaa dareenka Al-najaar ka bixiyey xaaladda sii xumaanaysa
ee xabsiga. 603 maxbuus ee wakhtigaas, waxay yidhaadeen 264 waa la xukumay,
iyada oo 146 ka mid ah lagu xukumay sharciga deg-dega ee Gudida
Nabadgelyada
Waxa rumaan ah 193, oo ay 122ka mid ah rumaan ka dhigtay maxkamadda
gobolku, 71 ka kalena maxkamadda degmadu. Maxaabiistu waxay rumaan
ahaayeen inta u dhaxaysa 3 ilaa 13 bilood.
Abril 24keedii wakiillo ka kala socda African Rights (Xuquuda Afrikaanka)
iyo Coalition for Justice and Peace (Isbahaysiga Cadaaladda iyo Nabadda
ayaa la kulmay Boqor Raabbi oo si qoto dheer uga hadlay nolol-maalmeedka
xabsiga dhexe ee Hargeysa wuxuuna yidhi:
“Xabsiga Dhexe ee Hargeysa waa meel aad u khariban. Waan ooyi jiray habeen
walba. Mana aan seexan jirin, waayo waxa igu adkaatay inaan garwsado siday
ku dhacday aniga oo qof wadani ah oo mas’uul ah inaan ogaan kari waayo
waxa Hargeysa gudaheeda ka dhacaya
Aad bay ii soo dhaweeyeen maxaabiistu. Waxa lay geeyey qol wasakh badan.
Maamulka xabsiguna waxay i waydiiyeen lacag qolka laygu nadiifiyo iyo mid
laydh laygu geliyo. Waxaan u sheegay inaanan markaa lacag sedan. Qof aanan
garanayn markaa oo halkaa joogay aanse maxaabiista ka mid ahyn ayaa yidhi
anaa si bixinaya e hadhow baad ii celin. Waa la maydhay qolkii.
Lix iyo tobankii casho ee aan halkaa joogay waxay ii sheegeen maxaabistu
sheekooyin argagax leh iyo mashaakil badan oo haysta. Saddex ka mid ah
ayaa weli maskaxdayda ka sii guuxaya.
Dawo la’aanta
Tan ugu horaysaa waa dawo la’aanta oo ugu sii badan maxaabista aan
Hargeysa u dhalan ee gobolada ka timaada. Kuwaa xataa haddii reerahooda u
soo diraan dawo looma keeno, mana helaan adeeg cafimaad. Qaar baa u dhinta
cudradda oo ay weheliso nafaqo-daradu. Qaar baa ku dhinta iyagoo weli ku
xidhanyahiin silsiladahii.
Intii aan halkaa joogay marna ma arag dakhtar xabsiga jooga, inkasta oo
dad bukaa ay qolka igu dhow ku jireen. Waxanna maamulka xabsiga waydiiyey
inay cusbitaal u diraan qaar ka mid dadkaas, lakiin way diideen. Waxaa
xataa jiray nin ay dhawaceen boliisku oo dhiig ka socday oo aan waxba laga
qaban si loo joojiyo. Hargeysa ayaa ninkaa lagu dhawacay, bilayskii
dhaawcayna kama soo war helin.
Musqul la’aanta
Tan labaad ee iga yaabisay inaanan ogaaado waa musqul la’aanta meesha ka
jirta. Maxaabiistu godad yar-yar ayey ka qodatan makhsinada ciida ah ay
seexdaan, wasakhdana baaldi baa lagu qaadaa. Maalinta wasakhda la qaadayo
urta halka ka soo baxaysa awgeed wax niyad ah uma helaysid inaad wax
cuntid. Xataa aniga oo kale oo leh qolkiisa goonida ah, waxaan isticmaali
jiray bac. Askartu laftoodu ma laha musqul. Shan qol uun baa gudahoodu
sibidh yahay: Makhsinkaan ku jiray, ka igu xigay oo banaanaa iyo kuwa ay
ku jireen dadkii lagu eedeyey inay ajinabiga layeen. Markaa waxaad garan
kartaa xaalada qolalka aan lahayn sibidhka ee qayb ahaan loo isticmaalo
musqul.
Stoodhada buuxsamay ee dadka lagu hayo.
Tan ugu sii darayd waxay ahayd istoodhada oo aan loogu talo gelin dad,
haseyeeshee ay ku jiraan 96 qof. stoodhadaa oo intaan ogahay 5 ahaa waxay
ila tahay in kaan arkay qaadi karayey 30 qof, lakiin waxaa ku jiray 96 qof
oo mid waliba seexdo suxul dhererkii. Dhinacna laysuma rogikaro.
Maxaabiista halkaa ku jirtay way bukeen. Waxay qabeen T.B, meningitis, and
HIV/AIDS. Qaar ka mid ahina caqligood ma fayoobayn. Ma helaan taagero dawo
waxaanay ku dhex jiraan dadkii kale. Qaar baa markaa waasha markay ku
noolaan kari waayaan xaaldaa bin’aadam darada ah ee ay ku suganyahiin.
Xataa hadii uu qof shuban qabo taas oo dhacda, way ku dhex jiraan dadka
intiisa kale. Waxaa maxaabiista gashay injir. iyo dukhaan.
Waxaa maxaabiista lagu xidhaa qolalka 3:00 galabtii waxaanay ku jiraan
gudaha ilaa 8:00 aroortii. Inta wakhtigaa u dhaxaysa ma helaan biyo. Inta
u dhaxaysa 8:00 aroortii ilaa 3:00 galabnimo debeda waxaa loo ogolyahay
laba jeer,oo mid waliba nusa saace yahay. Wakhtiga intiisa kale waxy ku
jiraan gudaha inkasta oo aan albaabka lagu soo xidhin.
Xidhista caruurta iyo dhallinyarada
Waxaa ku jiray jeelka ilaa 10 caruur ah, oo qaar yahiin 12, qaar kalena
13, 14 ama 15. Kuwaa yar-yar baana run ahaantii, shaqada xun ee nadiifinta
baaldiyada wasakhda lagu guro qabta. Dhallinyarada u dhaxaysa 18-25 ayaa
ah qaybta u badan ee dadka xabsiga ku jira.
Cuntadda
Maxaabiistu Quraac waxaa loo siiyaa inyar oo roodhi ah iyo shah madow.
Qadadii waxay cunaan koob qamandi ah, mana casheeyaan. Xataa askarta
xabsiga iyaga qudhoodo wax caynkaas ma cunaan.
Sharci-marin la’aanta
Maxaabiis badan oo xabsiga loo diray lama marin sharciga. Qaar ka mid ahi
waxay ka yimaadeen Maqaaxida-inanta iyo Allay-baday oo hadda noqday meelo
ay dhul u raadsadaan dadka lacgta haystaa. Cid alla ciddii markaa diidda
in dhulkooda laga qaado, waxaa si fudud loogu soo xidhi karaa Sharci Deg-dega
ah kaasoo siinaya awood fara badan Duqa Magaalada, Xeer-illaliyaha Guud,
Wasiirka Arimaha Gudaha, Gudoomiyaha Gobolka, Taliyaha Booliska iyo
Taliyaha Ciidamada. Sharcigaasi waxaa loo adeegsadaa in dadka xabsiga
loogu diro iyadoon la marin maxkamad.
Waxa jira dadka qaar lagu soo xidhay telefoon laba mas’uul dhex maray.
Masu’uuliyiintaasi waxy u isticmaalaan xabsiga meel ay kaga aargudtaan dad
ay arrin shakhsi ahi ka dhaxayso. Waxaan xataa xusuustaa inan, abahii iyo
hoyadii oo halkaa kuwada jiray.
Gebogebo
Waayo-aragnimada Boqor Raabbi waxay tilmaamaysaa mashaakilka qotada dheer
ee ka jira cadaalada Somaliland. Waxa la sii daayey Boqor Raabbi laba
bilood ka hor, wuxuna weli sugayaa raalli gelin iyo in loo sheego sabatii
lagu xidhay. Markii la soo daayey waxaa loo sheegay inuu walaalkii soo
damiintay. Markay, isaga iyo walaalkii, maxkamadda tageen, si ay wax
ogaadaan dammiinkiisa, Garsoorihii wuxuu u diray Xeer-illaliyaha guud.
Xeer-illaliyihiina wuxuu isna u diray inay arkaan Taliyaha Booliska.
Taliyaha Booliska wuxuu isna ku soo celiey Garsoorahii.
Sidaa darteed, Boqor Raabbi waxuu goostay inuu xoogiisa isagu geeyo sidii
uu ugu hadli lahaa ragga iyo haweenka xidhan ee Soomaliland, isagoa oo
doonaya inuu bulshada indhaheedu ku jeediyo silica iyo darxumada haysta
maxaabiista. African Rights iyo Coalition for Justice and Peace waxay ugu
baaqayaan dawladda iyo dadka Somaaliland iyo hay’daha caalamiga ee daneeya
arrimaha caddaalada ee Soomaliland, inay u jeestaan xaaladaaha ba’an ee ka
jira xabsiyada, iyo cawaaqibka arrintaasi ay ku yeelanayso garsoorka iyo
booliiska. Waxaana daruuri ah sidii loo soo afjari lahaa balanbalka
binaadamnimo- darrada ah een loo baahnayn inuu sii jiro. Top
Mujahidiinta
SNM Oo Taliska Milateriga Ku
Eedeeyey Inay Ciidanka Ka Eryeen 40 Mujaahid
Iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Iska Duway Eedaas |
Hargeysa, May 13, 2005 (Haatuf) – Kooxaha
is-abaabulay ee dagaalyahanka SNM ee beryahan ku hawlanaa kulamo
isdabajoog ah oo ay ku qabteen meelo kala duwan ayaa taliska ciidanka
qaranka ku eedeeyey inuu ciidanka ka eryey 40 dagaalyahan, kuwaas oo ay
sheegeen in sababta erigooda loo cuskaday ka qayb gelid ay ka qayb galeen
shirarka ducooyinka ah ee ay wadaan dagaalyahanka SNM, waxayna sidaa ku
sheegeen qoraal ay maalintii doraad na soo gaadhsiiyeen. Laakiin taliyaha
ciidanka qaranka Nuux Taani oo aanu arintaa wax ka waydiinay ayaa isna
dhiniciisa iska duway eedaha loo jeediyey, wuxuuna sheegay inaanay waxba
ka jirin tirada afartanka ah ee ay sheegeen, balse waxa uu qirtay inay
ciidanka ka ruqseeyeen afar ka mid ah dagaalyahankii SNM, kana mid ahaa
ciidanka qaranka, ka dib markii buu yidhi ay si sharci darro ah uga qayb
galeen shirka dagaalyahanku qabteen, iyaga oo buu ku dacwiyey hawl hayey
ay amar la’aan isaga tageen.
Mujaahidiinta SNM waxay erigaa nimanka la eryey ku tilmaameen mid sharci
daro ah oo aanay jirin sabab cunta oo loo cuskaday, waxayna si weyn ugu
cawdeen in had iyo goor meel ka dhac lagu sameeyo oo ay dawladdu si gaar
ah u takoorto nimanka mujaahidiinta SNM.
Inmuddo ah waxa socday abaabul iyo kulamo isdaba joog ah oo ay wadaan
dagaalyahankii SNM, waxayna dhaqdhaqaaqyada caynkaas ah ku macneeyeen inay
ujeedadoodu tahay sidii ay heli lahaayeen xuquuqdoodii iyo inay doonayaan
inay mideeyaan, isuna uur-xaadhaan dagaalyahankii SNM ee kala baadday
mudadii 15-ka sannadood ahayd ee ka soo wareegtay ku dhawaaqiddii
madax-banaanida Somaliland.
Kooxahan ku hawlan abaabulkan waxay shirkoodii u horeeyey ku qabteen Dooxa
Hargeysa, ka dib markii sida la sheegay loo diiday hudheelka Mixg-sing oo
ay markii hore kulankooda u asteeyeen, laakiin toddobaadkii hore ayey
meesha loo yaqaan maqaamka Sh. Cumar ee duleedka galbeed ee magaalada
Hargeysa ku qabteen kulan duco ah, halkaas oo ay ku qalleen ilaa tobban
geel ah. Sidoo kale waxa hadda magaalada Burco ka socda kulan duco ah,
halkaa soo la sheegay inay ku qallayaan tiro kale oo xoolo ah. Top
Ciidanka
Amaanka Oo Ku Durduriyey Dad Danyar Ah Oo Cabasho
La Hortegay Madaxtooyada |
Hargeysa, May 13, 2005 (Haatuf) – Ciidamo
isugu jira kuwa SPU ee la dagaalanka argagixisada iyo koofiyad casta
ilaalada madaxtooyada ayaa shalay xoog ku kala dareeriyey dad danyar ah oo
dumar u badan oo cabasho la hortegay aqalka madaxtooyada, taas oo tiro
badan oo dadkaa ka mid ah la xidh-xidhay, halka ay qaar kalena kala
firxadeen, isla markaana waxay dad goob joog ahi sheegeen in ciidamadu
dadkaa si weyn ugu dur-duriyeen oo ay budhadh iyo laad la dhaceen, jugo
badana u geysteen.
Dadkaasi waxay ahaayeen dad deganaa oo ay buulal yar yari uga dhisnaayeen
agagaarka garoonka beerta xoriyadda, halkaas oo hadda laga waddo dib u
dhis iyadoo la sheegay in laga dhigi doono fagaare lagu qabto
dabaal-degyada iyo isu soo baxyada, taas oo laga guuri doono fagaaraha
khayriyadda ee munaasibadaha isu soo baxyada lagu qaban jiray, waxayna
sheegeen in buulashii ay ku jireen la gubay, isla markaana iyadoo aan meel
ay degaan loo astayn meelihii ay deganaayeen xoog laga raray.
Dadkani waxay sheegeen inay tiradoodun ahayd ilaa lixdan qoys oo danyar
ah, laakiin maayar-xigeenka Hargeysa ayaa sheegay inay dadkaa meelo ay
degaan u asteeyeen.
Dib-udhiska garoonka beerta xoriyadda waxa gacanta ku haysa dawladda hoose
ee Hargeysa, waxaana la sheegay in lagu qaban doono dabaal-degga 18-ka May
ee foodda inagu soo haysa.
Lama oga sababta runta ee looga guuray fagaaraha khayriyadda, laakiin
maayar-xigeenka Hargeysa ayaa sababta looga guuray ku macneeyey isaga oo
cidhiidhi noqday. Top
Baydhabo Oo
Qarka U Saaran Inay Dagaalo Ka Qarxaan |
Baydhaba, May 13, 2005 (Haatuf) –
Madaxweynaha dawladda Imbagati ee debed-joogga ah C/laahi Yuusuf iyo
dhinacyada taageersan ayaa maalmahan ku hawlan dedaal ay ku doonayaan
sidii ay magaalada Baydhaba gacantooda u geli lahayd, iyadoo ay hadda
magaalada Baydhaba ka taliyaan kooxaha ka horjeeda dawladda C/laahi Yuusuf
ee garabyada u kala jabtay.
Wasiiro ka tirsan dawladda Imbagati garabta C/laahi Yuusuf taageersan ayaa
hadda ku sugan magaalada la yidhaahdo Xudur oo deris la ah Baydhaba,
dhinaca galbeedna ka xigta, wxuuuna C/laahi Yuusuf wasiiradiisa halkaa ku
sugan ka dal-badday inay ugu dambayn badhtamaha bisha May ee aynu ku guda
jirno gacanta ku dhigaan magaalada Baydhabo, ayna qaadaan dagaal ay dib
ugu qabsanayaan magaaladaa wax kasta oo uu hawl-galkaasi ku kacayona ay
sidaa yeelaan, waxayna wararku sheegeen inay qaar ka mid ah wasiiradaas
iyo ciidamo ay wataan soo galeen gobolka Bay si ay u qaadaan weeraro ay
dib ugu qabsanayaan magaalada Baydhaba, iyadoo uu C/laahi Yuusuf doonayo
inay xukuumaddiisu xarun ka dhigato Baydhabo. Laakiin guud ahaan labada
gobol ee la kala yidhaahdo Bay iyo Bakool waxa ka socda abaabullo xoog leh,
taas oo ay dhinacyada iska soo horjeedaa si weyn isugu hub iyo ciidan
urursanayaan, waxaana laga walaacsan yahay inuu dagaal xoog leh oo si weyn
looga hoobtaa halkaa ka qarxo, iyadoo ay labada dhinac ee halkaa ku
hirdamayaa ay qolo waliba dhinaceeda helayso taageero xoog leh oo hub,
ciidan iyo dhaqaaleba leh, waxayna wararka halkaa ka imanayaa
saadaalinayaan in laga baqe qabo in laba-saddexda maalmood ee foodda inagu
soo haya ay halkaa dagaalo ka qarxaan, iyadoo ay magaalada Baydhaba
dhinacyada ka kulaalayaan ciidamo xooggan oo iska soo horjeedaa.
Top
C/Laahi Yuusuf
Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Midba
Midka Kale Ku Hawlanyahay Inuu Ka Takhaluso |
Nayroobi, May 13, 2005 (Haatuf) –
Madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka dawladda Imbagati C/laahi Yuusuf
iyo Shariif Xasan Aadan ayaa markii u horaysay si badheedh ah oo aan lala
gabanayn dagaal siyaasadeed foodda is-daray, waxayna ka soo yeedhay
dhawaaqyo kala duwan oo uu mid-ba midka kale si kulul u canbaaraynayo,
waxaana magaalada Nayroobi ka dhacay shir la isugu yeedhay baarlamaanka
Imbagati, laakiin shirkaasi waxa uu ahaa mid aan loo dhamayn oo ay keliya
ka soo qayb galeen kooxaha C/laahi Yuusuf taageersan, wuxuuna shirkaasi
dhacay iyadoo uu debedda ka joogo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan,
iyadoo uu shirkaa qabtay C/laahi Yuusuf, . hase yeeshee Shariif Xasan waxa
uu shirkaa ku tilmaamay mid xaaraan ah oo qayral sharci ah, isla markaana
aanu aqoonsan doonin wixii go’aamo ah ka soo baxa shirkaa, waxaana la
sheegay inuu Shariif Xasan ku adkaystay inaanay macquul iyo wax la aqbali
karo toona ahayn inuu goluhu ka doodo ajande ama arin uu hore u diiday.
C/laahi Yuusuf kooxaha baarlamaanka ee uu ku shiriyey Nayroobi waxa uu ka
ansax-sadday go’aan uu ku xalaalaysanayo in ciidamaa shisheeye la keeno
Somaliya, ka dibna waxa go’aankii shirkaa ka soo baxay Itoobiya ula
cararay ninka ra’iisal-wasaaraha ka ah dawladda Itoobiya, halkaas oo uu
caasimadda Itoobiya ee Adis-ababa shir uga socday ururka midowga Afrika,
ka dibna la hor-geeyey go’aankii ay C/laahi Yuusuf iyo garabkiisu ku
gaadheen Nayroobi.
C/laahi Yuusuf waxa uu ku eedeeyey gudoomiyaha baarlamaankiisa inuu yahay
nin isla weyn, oo wax kasta carqalad ku ah, balse buu yidhi aan dib loogu
xayirnaan dooni, isla markaana C/laahi Yuusuf waxa uu difaacay isugu
yeedhida uu isugu yeedhay xubnaha baarlamaanka ee Nayroobi ku shiray,
wuxuuna ku hanjabay inuu Shariif Xasan xilka ka qaadi doono.
C/laahi Yuusuf markii uu difaacayey isugu yeedhidda uu isugu yeedhay
xubnaha baarlamaanka waxa uu ku adkaystay inay ahayd arin uu xaq u
leeyahay, wuxuuna difaaciisa ta’kiid uga dhigtay arin ka dhacday
baarlamaankii Soomaaliyeed ee 1960-kii, taas oo uu yidhi “xiligaa waxa
dalka madaxweyne ka ahaa Aadan Cabdulle Cismaan, Ra’iisal-wasaarena waxa
ka ahaa C/risaaq Xaaji Xuseen, ka dibna waxa baarlamaankii kulan isugu
yeedhay Aadan Cabdulle Cismaan, kulankaas oo uu gudoominayey
gudoomiye-kuxigeenku waxa xilka lagaga qaaday gudoomiyihii baarlamaanka,
sidaa darteed dhabahan aan raacay iyo inaan kulan isugu yeedho
baarlamaanka kuma qaldani”ayuu yidhi C/laahi Yuusuf, isaga oo kooxihii
baarlamaanka ahaa ee uu isugu yeedhay ka dal-baday inay xilka ka qaadaan
gudoomiyaha baarlamaanka.
Gudoomiyaha baarlamaanka Imbagati, Shariif Xasan waxa uu doraad magaalada
Nayroobi kaga dhawaaqay inay isaga iyo niman kale oo baarlamaanka ka
tirsani u baqooli doonaan Muqdisho maalinta Sabtida ah ee berito, waxayna
warar xog-ogaal ah ku dhowdhow Shariif Xasan sheegeen inuu qorshaynayo
kulan Muqdisho ka dhici doona oo ay ka soo qayb geli doonaan xubnaha
baarlamaanka ee taageersani ugu dambayn 17-ka bishan, iyadoo la filayo
inuu kulankaasi jawaab u noqon doono kulankii Nayroobi ka dhacay, isla
markaana kooxo ka tirsan baarlamaankaa oo Muqdisho ku sugan ayaa ganafka
ku dhuftay go’aanka ay kooxaha Nayroobi joogaa soo saareen, kuna tilmaamay
sheeko aanay waxba ka jirin, waxaana dadka qaar hadal hayaan inuu Shariif
Xasan abaabuli doono kulan uu xilka kaga qaadayo C/laahi Yuusuf, kuna
caleemo saari doono madaxweyne cusub.
Sida la sheegay shirka ay yeesheen kooxaha baarlamaanka Imbagati ee C/laahi
Yuusuf taageersan waxay C/laahi Yuusuf iyo taageerayaashiisu ku dacwiyeen
inay go’aanka u codeeyeen 145 xubnood, laakiin 50 xubnood oo markaa ku
sugnaa debedda hoolka shirku ka socday ayaa wakaaladaha wararka u sheegay
inay tirada xubnaha kulankaa joogay aad u yareeyeen oo ay ahaayeen 96
xubnood, taas darteedna aanu kooramku dhamayn, sharciyana aanay waxba
go’aamin karin tirada caynkaas ahi, balse bay yidhaahdeen tirada lagu
buuxsaday dad laga soo ururiyey xaafadda Islii ee magaalada Nayroobi. Top
ODHAAHDA
AKHRISTAHA:Jaaliyadaha Somaliland Ee Sweden Oo Lacag
Ugu Deeqay Jaamacada Burco |
Stockholm -Waxa Guddiga Guud ee Taakuleynta
Jaamacadda Burco uu halkan ku baahinayaa in maanta oo ay taariikhdu tahay:
10/05/05 inuu ku shubay sanduuqa xisaabaadka (account) ee Jaamacadda Burco
lacag dhan 47000kr, una dhiganta USD= 6,321. oo ay soo ururriyeen
magalooyin ka tirsan dalka Sweden oo kala ah:
Stockholm oo bixisay 33.800 Sw. krs.
Linköping oo bixisay 7.500 sw kr
Flankenberg 3.800 sw. kr
Jönköping iyo Helsonborg 1.900 sw. Kr
Isugeyn 47.000 Sw.krs
Waxa iyana xusid mudan in magaalada Götenborg ee Sweden ay hore u sii
dirtay lacag dhan USD= 1,800.
Gudida Guud ee taakulaynta jaamacadda Burco ee Sweden waxa uu si laxaad
leh ugu madnaqayaan dhammaan gudiyada magaalooyinka kala duwan ee soo
ururrinta lacagtaa si wadaninimo iyo hawlkar leh isaga xilsaaray.
Waxa kale oo uu gudiga Guud ee taakuleynta jaamacadda Burco uu iyana
mahadnaq ballaadhan gaadhsiinayaa dadweynaha magaalooyinkaas kor ku xusan
ee sida deeqsinimada leh ugu deeqay Jaamacadda Burco lacagtaas soo ururtay.
Gaar ahaan, waxaanu mahad gooni ah u soo jeedinaynaa doorka muhiimka ah ee
qaar ka mid ah haweenka Somaliland ee Stockholm uga qayb qaateen qaadhan
ururintan.
Guddiga guud ee Taakuleynta Jaamacadda Burco ee Sweden
Nimco Ducaale Xasan
Axmed Cabdillahi Cawaale 073 945 19 57
Cabdiraxmaan Jaamac Ismail (Jamaal) 073 552 5338
Ibraahim Ali Adan
Cabdillahi Faarax
Cadillahi Fidaar
Maxamuud Cilmi Abu Kood
Maxamed Xersi Maxamed Case
Sahra Jaamac Qaloonbi
Faadum-khadra
Cibaado jinaw
Fowsiya Maxamed Xasan
Sahra CABDILLAH
AAMINA Xasan CUNAAYE
SAHRA Axmed
Siraad Maxamed Top
Somaliland,
Somaliya Iyo Jamhuuriyadii Soomaaliyeed Waa Casharo Uu
Cigaal Dhigay |
Madaxweyne Cigaal, loogama aqoon roonayn
taariikhda labadii dal ee Somaliland iyo Somaliya ee markay xoroobeen
kadib, qaranimo isku darsaday (1dii Juulay/1960), si ay u unkaan
Jamhuuriyaddii Somaaliyeed (Somali Republic) ee la damacsanaa in lagu
mideeyo shanta Somaaliyeed. Intuu Cigaal noolaa, wuxuu soo qabtay
jagooyinka siyaasadeed ee kala ah:
Xoghayaha guud ee xisbigii SNL ee horseedka u ahaa xorriyadda Somaliland,
guddoomiyaha guddigii ay xorriyadda Somaliland kala saxeexdeen Ingiriiska,
Ra’iisul-wasaarihii ugu horeeyey ee Somaliland, intii ayna qaranimo ku
darsan Somaliya,
Gudoomiyihii guddiga Somaliland uga qaybgalay guddigii isku-darka
Somaliland iyo Somaliya.
Ra’iisul-wasaarihii saddexaad ee Jamhuuriyaddii Somaliyeed iyo
Madaxweynehii labaad ee Jamhuuriyadda Somaaliland.
Kuwaasi, waxay Cigaal ka dhigeen qofka ugu aqoonta roonaa taariikhda
isku-darka, wada-jirka iyo kala-tagga Somaliland iyo Somaliya.
Madaxweyne Cigaal wuxuu, shantii sanno ee noloshiisa ugu dambeeyey, ku
dadaaley inuu dadka -shisheeye iyo sokeeyeba- gaar ahaan da’yarta ka
jaahil-bixiyo:
Waxay kala yihiin Somaliland iyo Somaliya,
Magaca ay ku midoobeen iyo sababta ay magaca ula baxeen,
Ujeedada laga lahaa midowga Somaliland iyo Somaliya,
Sababta ay u burburtay Jamhuuriyaddii Somaliyeed iyo waliba
Mawqifka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliland.
Bishii Marj, 2001 oo u Cigaal magaalada Hargeysa ku qaabilay
Arrimo-fuliyaha Safaaradda Jibuuti ee Faransiiska, Mr. Alain Pelonx,
kaasoo Somaliland u yimid inuu wax ka ogaado mawqifkeeda siyaasadeed,
wuxuu Cigal siiyey Arrimo-fuliyaha warbixintan:
”Afrika waxay noqotay dalal, xuduudo caalamku aqoonsaday leh, markay reer
Yurub waddanno u qayb-qaybiyeen. Waqtigii ka horeeyey, waxaanu ahayn
qabaa’il ama qowmiyado is-barbar dega. Ururka Midowga Afrika wuxuu 1964kii
go’aansaday in xuduudaha dalalka Afrika loo daayo siday gumeysiga kaga
madax-banaanaadeen. dalkayagu[Somaliland] wuxuu ka xorroobey Boqortooyada
Modowday iyo Woqooyiga Irland (26kii Juun 1960kii.) Waxaanu magaca kala
bah nahay Irland, Socotland iyo England. Isla sannadkaas, 1da Juulay waxa
isna Talyaaniga ka xorroobey dalkii la odhan jirey Italian Trust territory
of Somalia. Wuxuu isna magaca kala bah yahay Italiya. Isla maalintaas
waxay Somaliland iyo Somaliya isku darsadeen qaranimo aan la sharciyeyn.
Ujeedada ay Somaliland isku-darsiga ka lahayn waxay ahayd in ay bilaabanto
isku-keenidda shanta qaybood ee gumeystuhu u kala qaybiyey dhulka ay degto
qawmiyadda Somaalidu (Somaliweyn).
Shanta Somaliyeed ama Somaliweyn waxay kala ahayd:
British Protectorate of Somaliland (Somaliland),
Hawd and Reserve Area ( Is-maamulka Somalida Itoobiya),
French Somali Coast (Republic of Jibuuti),
Italian Trust Territory of Somaliya (Somaliya)
iyo Northern Frontier District of Kenya (NFD) ama Woqoyi Bari Kenya oo ay
calan qudh ah wadaagaan.
Waxay ahayd himilo wanaagsan oo lagu guuldaraystay kadib markay Somaliya
damacday in xuquuqda qaybaha kale ay iyadu wada qaadato.
Markii lagu fashilmay dagaalkii xorraynta Somalida Itoobiya {1977-1978} ee
caalamku u wada hiiliyey Itoobiya, ayuu dadweynuha Somaliland ogaadey in
uuna caalamku ogolayn in xoog lagu bedelo xuduudaha caalamiga ah oo
caalamku xurmaynayo heshiisyadii xuduudaha ee hore loo galay. Dadweynaha
Somaliland wuxuu bilaabay abuubulka dagaal xaq-u-dirir ah. Dawladdii
Shuuciga ahayd, waxay abaabukaa kaga jawaabtay, dagaal dadweyne-gumaad ah.
Dadweynuhu se dagaalka wuu ku guuleystey. Wuxuuna maanta haystaa
qaranimadiisii oo u soo dhacsaday.
Mawqifka Siyaasadeed ee Somaliland ma laha is-bedbedel. Waa go’aan
dadweynuhu qaatay oo u kula soo noqday qaranimadisii iyo xuduudihiisii u
gumeysiga kaga madax-banaanaaday 26kii Juun,1960kii ee u lahaa waqtigii ay
Somaliland iyo Somaliya qaranimo isku darsadeen kahor.
Dadweynaha Somaliland waxa u cadaatay in halgankii loo galay isku-keenidda
Somalida aan laga dheefin wax aan ka ahayn magaca Somaliland oo la
tirtiray, taariikhdeeda oo la aasay. xuquuqda dadweyneheeda oo la
duudsiyey iyo dadweynaha Somaliland oo ay ku kaliftey inuu is-xoreeyo dad
badanina kaga dhinto. Sidaa darteed, la soo noqshada qaranimadan xoog,
xoolo, naf iyo dhiig baa ku baxay. Reer Somaliland ma jecla in tii oo kale
soo marto.
Magaca iyo xuduudaha Somaliya ee la leeyahay waad ka baxaysaan, waxay ku
koobnaayeen qaybta u Talyaanigu ka xukumi-jirey dhulka qowmiyadda Somalidu
degto. Xuduuda Somaliland waa mid caalami ah oon marna ka mid noqon
Somaliya. Magaca ay Somaliland iyo Somaliya ku midoobeen 1960kii wuxuu
ahaa Jamhuuriyadda Somaliyeed (Somali Republic). Waqtigii isku darsiga
rajo weyn ayaa laga qabey in qaybaha kale ee Somalidu ku soo biiraan
magaca Somali Republic, oo loo arkayey inuu yahay mid dhexdhexaad ah oo
aan la kala xigin, mana ahayn Jamhuuriyadda Somaliya, sida ay jecelaysteen
reer Somalyia.
Magaca “Somali Republic” ee aanu la baxnay 1960kii, waa ka ay Somaliland
iyo Somaliya weli kaga diiwaan gashan-yihiin Qaramada Midoobey, Ururka
Midowga Afrika, Jamacadda Carabta, Ururka Dawladaha Islamka ah iyo kuwo
kale. Dawladdii Shuuciga ahayd ee Mohamed Siyaad Barre, ayaa magaca ku
dartay dimuqraadi oo ka dhigtay, “Jamhuuriyadda Demuqraadiga ah ee
Somaliyeed” (Somali Democratic Republic) si ay dimuqraadi la’aanteeda ugu
qariso.
Koonfurta Jamhuuriyaddii Somaliyeed, markanu isku darsanay qaranimadaba,
waxay hoosta kala soo baxaday magaceedii ay ahayd in laga tago ee ahaa
Somaliya, kaasoo Somalilandna la huwiyey. Waxay Somaliya magaceeda
Somaliland huwineysey, si loo tirtiro magaca Somaliland oo loo aaso
taarikhdeeda loona duudsiyo xuquuqda dadweyneheeda. Magaca Somaliya ee
Somaliland la huwiyey lagama keenin cabasho, sababta oo ah waxa la
cabsanaa maandooriye la yidhaa Somaliweyn oo halgan baa lagu jirey la
isugu keenayo shanta Somaliyeed oo wax walba loo huray . Anigu waligey
marna waddani (Citizens) uma noqon wax la yidhaa Jamhuuriyadda Somaliya.
Maxaad ka odhan lahayd war-bixintan Cigal bixiyey?
Qore: Inj. Cumar M. Nuur Top
Degmada
Allaybaday Wax Jeeb Lagu Qaado Ka Weyn |
Anagoo ka soo jeedna degmada Alla-badday,
waxa nala qalloocatay fool xumo weyna ah in ay cid gaar ah oo dan gaar ah
lihi meel kaga dhacaan milgaha degmadu leedahay, dhaawacaana sharafta
beesha. Annagoo ku duulayna qaraar cid gaari ahi iska gaadhay kuna
baahiyeen saxaafada madaxa banaan, iyagoo leh waxanu ku hadlaynaa magaca
degmada iyo beesha oo ay sheegteen in ay ka baxeen xisbiga Kulmiye, kuna
biireen xisbiga UDUB, iyagoo aanay jirin cid ay wakiil ka yihiin,
hadafkooduna cadayn.
Waxaanu u sheegaynaa cid kasta oo reer Somaliland ah in degmada Allay-badday
aanay ceeb geyin, kuna koobnayn xisbi gaar ah, kana ballaadhan tahay,
Beeshuna ay taageero u hayso saddexda xisbi qaran ee Somaliland ka jiraba.
Isla markaana bulsho weynta degmada Allay-baday taageeradooda ay xisbi
gaar ah u hayaan ama siinayaan waxay ku xidhan tahay hadba inta ay
leeg-tahay diblomaasiyadda iyo wax qabadka ururkaasi u muujiyo degmada.
Sidaa awgeed annagu wax dhaliil ah kuna aragno habsami u socodka xisbiga
Kulmiye ee ku waajahan degmada.
Ka bixista ashkhaas gaar ahi ay ka baxeen xisbiga Kulmiye waxa u banaynaya
xuquuqdooda shakhsi ahaaneed. Laakiin waxa ceeb ah ahna fool-xumo weyn
inay afar inan dan gaar ah ku fushadaan magaca beesha, iyadoo fayska
labaad ee ay u guureena yahay xisbiga talada haya oo aan wax la taaban
karo u qaban degmada Allay-badday ilaa iyo intii ay soo jirtay. Sidaa
awgeed annagu waxaan taageero buuxda siinaynaa lana shaqaynaynaa xisbiga
xil iska saara wax qabadka degmada.
Guntii iyo gebagabadii waxan leenahay “Caynabo geel ninba inta uu gashado
ayuu ka maalaa”. Sidaa awgeed waxan axsaabta ku kala dhoweysan karnaa waa
hadba wax-qabadkooda siduu yahay, degmaduna lagama yaabo in ay sahan
la’aan guurto ama cid dan gaar ah lihi ku guurto.
Maxamed Sh. C/laahi Cali
Maxamuud Bade Ibraahim
Maxamed Maxamuud Yuusuf. Top
Wasaarada
Macdanta Iyo Biyuhu Dhakhso Ha U Daboosho Baahida
Ceelasha Gar Adag |
Waxaa 9/5/05 ku geeriyooday magaalada Gar-adag
Inan yar oo la odhan jiray C/laahi Cabdi Yuusuf, da’diisuna ay ahayd
8-sanno, isagoo ku dhacay ceel magaalada ku yaal oo ay xoolaha iyo dadkuba
ka cabaan. Ceelkan oo ahaa ceel awdan oo aan hoos jirin ayaa waxa qoday
Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo qandaraas kaga qaadatay
hay’ada Unicef oo iyadu maal-gelisay mashaariic biyood o degaamadaas ah.
Haddaba, ceelka oo markii la qoday loogu talo-galay in la saaro Matoor
biyood, dushana laga daboolo si biyuhu nadiif u noqdaan, ayaa hawshaa waxa
ka baaqsaday oo muddadii la qoday iyo hada oo uu keenay dhimashadan ayaa
waxa u dhexaysa muddo Todoba bilood ah.
Sidaa darteed, waxaanu kiiska dhimashada inanka yar u haysanaa cidii qoday
ceelkan ee masuulka ka ahayd, kana baaqsatay inay daboolaan ceelkan ay
dad-liga ka dhigeen. Kiiskan oo dhamaystiranna waxaanu u gudbin doonaa
maxkamada gobolka Sanaag. Wasaaradda macdanta iyo biyaha
masuuliyiinteedana waxaan u soo jeedinaynaa inay si dhakhso ah u daboolaan
ceelkan iyo kuwo kale ee la midka ah ee ay ka qodeen degmadan si aanay u
sii socon khatartani.
Maxamed Daahir Barre Top
Maxaa Laga
Ogyahay Xaaladda Xarunta Agoomaha Hargeysa
Faysal Omar Madar (SYSTO) iyo Muuse Yuusuf Maxamed (SOPYA) |
Og: Gudida Waxbarashada 31 ka may
Og: macalimiinta Dugsiga 31 ka may
Og: ururada dhalinyarada xaafada
Waxay ahayd 25/03/2001 dii waqtigii agaasimaha loo magacaabay –Max,ed
Ismaaciil C/laahi kadib markii uu si rasmi ah uula wareegay hawsha , waxaa
maamulkiisa ka muuqday dar-dar loo malaynaayay in uu wax ka badaalayo
hawlaha iyo baahiyaha aasaasiga ah ee Xarunta Agoomaha Hargeysa. Sidaa
waxbarashada, caafimaadka iyo ciyaaraha iyo daryeelka kale ee caruurta
mudo ku siman sadex bilood kadib wakhtiga uu xilka la wareegay waxaa
durdabiiba soo baxay dhaliilo waa wayn oo muujinaaya wax qabad xumada iyo
warmoogaanta xarunta, waxaa kaloo hoos u dhacay adeegyadii lagama ma maar
maan ka ahaa, waxaa 0% istaagay waxbarshadii, waxaa meeshii ka baxaday
nafaqayntii caruurta yar-yar, waxaa kaloo dhacday in dhinaca caafimaadka
la iskaga ilaabo oo ilimihii daawayn u baahnaa uu u dhinto caafimaad xumo,
waxaa taasi cadaynaysa taariikhdaasi kor ku xusan, ilaa hada waxaa xarunta
ka dhintay ilaa 25 caruura ah, isuguna jira wiilal iyo gabdho ku waasi oo
ay dhimashadoodu sababtay daryeel xumo dhinaca caafimaadka ah,iyo nafaqo
la’aan , waxaana lama iloobaan ah in maalin maalmaha kamida agaasimaha
xarunta agoomaha Hargeysa loo sheegay in wiil yar oo xarunta ahi aad u
xanuusanaayo kadibna inta uu soo dul istaagay oo uu sidaa u eegay ayaa
waxa uu furay istoodhka xarunta kadib waxa uu soo saaray maro cad iyo
tanag timir ah waxaanu yidhi:- “Waar hadii uu dhinto aasa’ kafankiina
wakaa hadii kalena halkaa hayaalo , dabaeedna gaadhigiisa ayuu raacay
iskana tagay wiillkiina sidii ayuuu ku dhintay.
Hadaba markii qaarkamida dhalinyarada ka tirsan xarunta agoomaha ay
arimahaa argagaxa leh kala hadla is yidhaah deen waxa uu ugu hanjabay
maamulaha xaruntu “waan idin xidh xidh doonaa hadaad arintaa ka bixi
weydaan”. Intaa kadib marnaba kamuu tanaa
sulin naxdin la’aanta iyo udamqasho la’aanta ka heysay caruurta iyadoo
welina dhimashadii iyo nafaqo daradii sidii utaagantahay ayaa hadana waxa
ka ad kaysan waayay intii garaad ka iyo da’daba loo tirinayay ee xarunta
ku jiray waxa lagu la dhaqmayo caruurta ka yar yar, kadibna markii ay is
yidhaahdeen arimahaa kala hadla waxa uu ku yidhi wixii kadanbeeya
15-may-2005 la idinkuma arki karo meesha
Maxaad ka odhan lahayd arintaa.
Hadii aynudib ugu noqono xaga waxbarashada heerka waxbarasho ee xaruntu
wuxuu isugajiraa dugsiyada hoose/dhexe/ iyo sare waxaa dhacday in maalin
maal mahakamida agaasimuhu isuguyeedhay ardayda dugsiga sare oo uu ku
yidhi maanta laga bilaabo maaanta madhigan kartaan dugsiga sare waayo
la’idiin mahayo dirays
iyo wax kale toona, xaruntana arday dugsi sare dhigata ma joogi karaan
waxaanu tibaaxay in wasaarada waxbarashadu ka soo horjeedo inaanay ardayda
xaruntu dhigan karin dugsi sare.
Waa siduu hadalaka u yidhiye taasoo cadaynasa in jiho xumaynta ardayda ee
maamulka .
Dhinaca dugsiyada hoose ee dhexe ardayda dhigataa waa kuwa uugu liita
dhinacyada kaalayaasha waxbarashada iyaga oo ay makhraatiyadeedu hayaan
macalimiinta dugsiga 31 ka May oo ay badanaa adrdaydu dhigato.
Waxaa kaloo lasocda isla markaana isku dayay inay ku qanciyaan mamulka inu
wax ka bedelo siyaasada waxbarashada ee xarunta, gudida waxbarashada ee
dugsiga ee isugu jira odoyaal iyo aqoon yahano iyo jaararka xarunta iyo
dugsigaba . Dhinacyada ciyaaraha iyo madadaalada iyada hadalqaadba malaha,
waxaanay taagan tahay heerkii ugu hooseeyay,
Hadii aynu dib ugu noqono oo aynu tilmaan ka bixino shakhsiyada maamulka
gaar-haan agaasimaha waa shakhsi khayral masuul ah, waxaana badanaaba
dhacda in isaga oon caadi ahayn uu xarunta yimaado kuna hadlo hadaloo aan
caadi ahayn, waana shakhsi aan warbixin sax ah kabixin karin xaalada iyo
marxalada ay ku sugan tahay xaruntu, waxaana jirta meelo xarunta kamid ah
oo uu intaa xilka hayay uuna wali booqosho ku tagin aqoonina meel ay ku
yaalaan sida qaybta labaad ee xarunta agoomaha Hargeysa.
Xarunta agoomaha ee Hargeysa waata uugu balaadhan ee dalka ku taala,
xaruntani waxa ay dhaqaale ka heshaa Dawlada Somaaliland, oo siisa bishii
miisaaniyad khaasa waxaana ay raashin ku filan ka heshaa haayada WFP
waxaana si joogto u caawiya dad khaas oo ganacsatooyin ah, waxaana muuqata
inaanay jirin wax baahi dhaqaale ah oo sida u sii weyni ka jirin xarunta,
kuwaasi oo kalifaaya waxyaalaha naxdinta mudan ee kor ku xusan, laakiin
waxa muuqata in aanay waxani sidii saxda ahayd ugu bixin loona maamulin ee
ash khaas gaar ahi ku danaystaan.
Hadaba iyada oo xil inaga wada saran yahay agoontaasi dulman dowlad iyo
shacbiba waxaanu dawlada leenahay miyaan aakhiro wax la’idinka waydiinayn,
waxaan soo jeedinaynaa in si dhakhso ah dawladu usoo faro galiso xarunta
agoomaha Hargeysa waana in la xasuusnaado in ay tahay meesha ugu baahida
badan kana mudan cidkasta waayo “ceelna uuma qodna cidna uu ma maqna” .
Qoreyaasha
Ardayda xarunta Agoomaha Hargeysa:
Aalaa Mahad Leh Top
|