Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 975 Nov.9, 2005

Agaasimaha Guud Ee Xarunta Agoomaha Oo U Mahad Naqay Dadkii Ugu Deeqay Sekooyinka

Hay’adda Wadaniga Ah KABAAL Oo Tababar U Furtay Beeralayda Burco

“U Malayn Maayo In Maanta Soomaaliland Qaadi Karto
Nin Kale Oo NSS Ah Oo Madaxweyne Rayaale Wato"
Ibraahim Rashiid Guddoomiyaha Laanta xisbiga UCID
ee Britain Oo Ka Hadlay Kulan Lagu Qabtay London

Abwaan Gaariye Oo La Gudoonsiisey Billadda Nabadda

Midowga Yurub Oo Markii U Horeysay Ka Hadlay Eedaha Ay U
Jeedisay Xukuumadda Somaliland Wakiilkooda Hargeysa

“Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ayaa Qoraalka Baahiyay, Ceebtase Waanu Wadaagnaa,
Dhaartuna Waxay Noqon Lahayd Distoor Jebin.”
Gudoomiye Xigeenka Maxkamadda Sare, Maxamuud Xirsi Faarax

"Arinkayaga Waxa Loo Bedelay Mucaarid
Iyo Kulmiye Ayaa Ka Dambeeyay"

Sawiro Laga Qaaday Markab Maraykanku Leeyahay Oo Kuwa Dalxiiska Ah Oo Lagu Weeraray Xeebaha
Somalia

Maraykanka Oo Qorshaynaya Inuu Kooxaha
Argagixisada Somalia Wax Ka Qabto

Nin Somaliyeed Oo Naftiisa Ku Waayay Xabad Sigaar Ah

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Baarlamaanka La
Soo Doortay Ma Dhab Baa, Mise Waa Dhalanteed?
Qalinkii: Xildhibaan Cabdirxmaan Yuusuf Cartan

Ficilbaa Daniga Dhalaye, Falka Yaa Masuul Ka Ah


Agaasimaha Guud Ee Xarunta Agoomaha Oo U Mahad
Naqay Dadkii Ugu Deeqay Sekooyinka

Hargeysa, November 9, 2005 (Haatuf) – Agaasimaha xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa Maxamed Ismaaciil ayaa u mahad naqay dadkii xarunta agoomaha ku caawiyey sekeadii fidriga.

Agaasimuhu wuxuu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo ay isaga iyo wasiirka waxbarashada Xasan X. Maxamuud (Xasan Gadhweyne) wada jir ugu qabteen xarunta maalintii shalay.
Agaasimuhu isaga oo ka waramaya xaalada guud ee xarunta iyo deeqaha la siiyey waxa uu yidhi. “tirada Carruurta ku jirta xarunta agoomaha magaalada Hargeysa oo gabdho iyo wiilalba lihi waa 327, waxa kale oo jira 84 kale oo dibada ka yimaada oo dadkooda la nool, laakiin halkan raashinka ka cuna.

Dawaladu waxay bishii nagu caawisaa 20 milyan oo Somaliland shilling iyo hay’ada WFP oo iyaduna si joogto ah noo siiso galay ama bariis, boorash saliida cuntada iyo digir.
Ma jirto wax kale oo si joogto ah noo gala sida sekada oo la bixiyo bisha Ramadaan iyo dad kaloo muxsiniin ah oo wakhti ilaa wakhti meesha yimaada oo keena xoolo ama raashinba ha noqotee.

Markaa meesha waxa yaala marka aad eegtid 411-kaasi iyo shan iyo konton shaqaale ah waad garan kartaan saddex carruur ah oo meel lagu hayo koriinkooda, daawayntooda, jiifkooda, waxbarashadooda, waxaas oo dhan ayaa meesha yaala. Hase yeeshee Ilaahay mahadi ha ka gaadhee waanu fiicanahay.”

Laakiin Max’ed Ismaaciil isaga oo ka hadlaya xaalada warbarashada ubadka waxa uu sheegay inay waxbarashadoodu meel fiican marayso, isla markaana waxa uu xusay inay afar arday oo ka mid ah xarunta agoomuhu ay ka baxeen dugsiga sare, taas oo uu sheegay inay imtixaankiina natiijo wanaagsan ay ka keeneen. “280 arday ayaa taga dugsiyada waxbarashada wax lagu barto, kuwaas oo ka kooban dugsiyada hoose ilaa dugsiyada sare saddexna jaamacadayn ku jiraan” sidaa waxa yidhi Agaasimaha xarunta agoomaha oo ka waramayey waxbarashada carruurta ku jirta xaruntaasi.

Agaasimuhu waxa uu sheegay inay xarunta agoomaha dhibaato ka haysato daawada iyo dirayska carruurta kubada u ciyaarta xarunta.

Hase yeeshee agaasimuhu waxa uu u mahad naqay ganacsato iyo dad kale oo uu sheegay inay xarunta u fidiyeen deeq, waxaanu yidhi. “Waxa noogu deeq badnaa taajirka weyn ee Jaamac, waxaanu na siiyey raashi ka kooban bariis, sonkor, daqiiq iyo saliid, waxa kale oo iyaguna deeq na siiyey ganacsatada suuqa Waaheen, oo noogu deeqay 25 kartoon oo timira.
Dugsiga Xamdaan ayaa isna noogu deeqay 30 kiish oo bariis iyo sodon kiish oo daqiiqa, waxa kale oo isaguna noogu deeqay 10 kartoon oo timira Khadar oo IPRT ka tirsan” ayuu hadalkiisa ku soo koobay agaasimaha xarunta agoomuhu.

Wasiirka waxbarashada Somaliland Xasan X. Max’ud oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa. “Aad baan ugu faraxsanahay inaan idinka soo qayb galo munaasibadan. Hore waxaan halkan ugu balan qaaday munaasibadii carruurta ee halkan lagu qabtay inaan carruurta deeq waxbarasho u raadino, balse arrintaasi markii aanu dib isugu noqonay, waxaanu isla garanay in ubadka lagu soo tabcay oo la soo koriyey, balse waxaanu nidhi ardaygu raganimo hakula soo baxo. Laakiin waanu la jecelnahay inay helaan, balse agoonta kale ee lagu tabco waa la mid uun, hase yeeshee shaqada in loo tixgeliyo way mudan yihiin si ay dad kale wax u taraan. Afarta arday ee dugsiga sare dhamaystayna haddii ay macalimiin noqon karaan diyaar baanu u nahay”.

Dhinaca kale waxa jiray warar maalmahan la isla dhexmarayey oo sheegayey in carruurta ku nool xarunta agoomaha uu ku dhacay shuban, haddaba si aanu arrintaa wax uga ogaano waxa aanu wax ka weydiinay ninka xaruntaa u qaabilsan caafimaadka, waxaanu isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi. “Waad garantaa kartaa carruurta tiradaa leh oo meel la isugu keenay, hase yeeshee waxaynu ku jirnaa xili qaboobihii marka ay cimiladu isbedalayso duray ayaa ku dhaca carruurta qaarkood, balse ma jiraan wax shuban ah oo aanu haynaa, laakiin mararka qaarkood wuu yimaad, waxa aad arki doontaa carruur u dhaxaysa 2-bilood ilaa sannad, laakiin xaaladooda caafimaad fiican tahay, waxa aad arki kartaa halkay ku nool yihiin. Mana jiro waxaa suuqa laga sheegayaa, laakiin waxaba la odhan karaa xaaladooda caafimaad way ka wanaagsan kuwo badan oo waalidkoo haysato”.

Top


Hay’adda Wadaniga Ah KABAAL Oo Tababar
U Furtay Beeralayda Burco

Burco, November 9, 2005 (Haatu) - Tababar socon doona muddo shan cisho ah oo lagaga hadlayo xoojinta wax-soo-saarka beeralayda iyo horumarinta iskaashatooyinka oo ay ka qayb galayaan in ka badan (30) xubnood oo ka mid ah beeralayda Roob falatada ah iyo iskaashatooyinka Tuulada Beer ayaa shalay si rasmi ah looga furay xarunta hay’ada wadaniga ah ee kabaal oo ku taala magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee gobolka Togdheer, Axmed Aadan Yuusuf, tababarkan oo ay iska kaashadeen fulintiisa hay’adda Swedish-ka ah ee SIDA iyo hay’adda wadaniga ah ee KABAAL waxa uu dabada ku hayaa mashaariic dhinaca beeraha ah oo ay hay’adahani ugu talo galeen inay ka fuliyaan degaanka Beer oo (30) km dhinaca bari ka xigta magaalada Burco, taas oo ujeedada ka danbaysa ay tahay in loo diyaariyo dadka ku lug leh beeraha hanaanka qodaalka .

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo shalay subax tababarkan si rasmi ah u furay ayaa waxa uu si weyn u soo dhaweeyay dedaalka hay’adda Swedishka ah ee taageeraysa beeralayda iyada oo uu xusay in cidkasta oo Irbad dhuub u gelisa Burco ay taariikhda u gelinayaan. “Haddii ay Sweden berito foodka uga baahato burco waanu siinaynaa" ayuu yidhi Badhasaabka Burco.

Gudoomiyaha gobolku waxa kale oo uu munaasibadaas ku sheegay inay NGO-yada wadaniga ah ee gobolka ka hawlgalaa ay ku qiimaynayaan hadba siday bulshada wax ugu qabtaan. “Reer beereedow KABAAL meel dheerbay idiinka doontay ee cilmiga maskaxda ku qaata" ayuu yidhi Cabdi Xuseen, isaga oo si gaara ula hadlaya qaybaha iskaashatooyinka ee tababarka ka qayb galaya, waxa uu raaciyay oo uu yidhi: "Iskaashatadu iyadaa dadka iska xigta ee qabiilka haka xigsanina."

Duqa Magaalada Burco Maxamuud Axmed Xassan (Dhega-laab) oo isaguna munaasabadaasi ka hadlay ayaa waxa uu si weyn uga hadlay in hanaankii hore ee xoolo dhaqatada ahaa maanta lagu bedelo beeris maadaama la heli karo aqoontii beeraha. “Aqoonta meelo badan ayaa loo tegi jiray laakiin maanta gondihiina ayay taalaa reer Beereedow" ayuu yidhi Maayarku.
Duqu waxa kale oo uu si gaara uga hadlay ahmiyadda ay beeruhu u leeyihiin caalamka oo uu xusay inay noqdeen horumarkii bulshada. “Tusaale u arka xab-xabka Somaliland qarqiya marka roobku da’o" ayuu yidhi.

Tababarkan oo ah kii u horeeyey ee dhinaca beeraha ah ee ay qaataan Iskaashatooyinka iyo beeralayda Beer waxa uu qayb ka yahay sidii degaanka Beer oo ku haboon wax beerista ay u noqon lahayd xarun laga soo saaro cunto kor u qaada nolosha degaankaas.

Sidoo kalena Mr Per Eric Solin oo ah sarkaal ka socda iskaashatooyinka wadanka Sweden ayaa isaguna waxa uu si gaara uga hadlay in Somaliland uu ku arkay dad u daacad ah inay wax qabsadaan isla markaana wadankoodu uu ku horumaray dhinaca iskaashatooyinka oo ah qabiilka keliya ee laga aaminsan yahay. "Waxaan balan qaadayaa in aan mataaneeyo iskaashatada Sweden ee aan ka tirsanahay iyo kuwa Somaliland” ayuu yidhi Mr. Per Eric.
Maxamed Jaamac Ismaaciil oo ah Gudoomiyaha hay’adda KABAAL ayaa waxa uu sheegay inaanu mashruucani ahayn kuwii ugu horeeyay ee ay hay’adiisu fuliso laakiin ay ka fuliyeen degaanka gobolka Togdheer mashaariic dhinaca waxbarashada iyo beerahaba isla markaana ay u qorshaysan tahay inay Burco ka furaan mac-had qabanqaabiya doodo lagaga hadlayo arimaha ka taagan gobolka.

Ugu danbayntiina waxa iyaguna furitaanka tababarkan ka hadlay Xildhibaan Maxamed Daahir Cabdi iyo saraakiil ka socota hay’adda SIDA ee maalgelinaysa mashruuca.

Top


“U Malayn Maayo In Maanta Soomaaliland Qaadi Karto
Nin Kale Oo NSS Ah Oo Madaxweyne Rayaale Wato"
Ibraahim Rashiid Guddoomiyaha Laanta xisbiga UCID
ee Britain Oo Ka Hadlay Kulan Lagu Qabtay London

London, November 9, 2005 – Waxa maalintii Axadii ee 6dii November lagu qabtey magaalada London ee carriga Ingiriiska shir balaadhan oo aad loo soo agaasimay. Shirkaasi oo ay kasoo qayb galeen dhamaan madaxda laamaha UCID ee UK, qaar ka mid ah madaxda Yurub ee xisbiga, xubno xisbiga ah iyo taageerayaal badan, waxa soo qabanqaabiyey madaxda iyo xubnaha Xisbiga Qaran ee UCID ka jooga dalkan Britain.

Ujeedadda ugu wayn ee shirkani ayaa ahayd soo dhawayn loo sameeyey laba Xildhibaan oo ka soo baxay UCID, kuwaasi oo haatan ku sugan dalkan Britain, xildhibaanadaas oo kala ah: Khadar Aadan Xuseen (Ambassador) oo ka soo baxay caasimada Hargeysa iyo Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka soo baxay degmada Ceel Af-weyn ee gobolka Sanaag. Waxa kaloo shirkani ujeedadiisa ka mid ahaa taageerida iyo u hambalyeynta shacbiga reer Somaliland guusha uga soo hoyatay doorashadii golaha wakiilada ee sida nabadgelyada ah uga dhacday Jamhuuriyada Somaliland iyo weliba taageero buuxda oo ku aadan is-bahaysiga dhexmaray xisbiyadda mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE.

Waxa haddaba, ugu horeyn hadal soo dhawayn iyo warbixin ah shirka u soo jeediyey Ibraahim Rashiid oo shirka gudoominayey ahna gudoomiyaha xisbiga ee Britain. Ibraahim wuxu hadalkiisa u badiyey soo dhawayn iyo mahadcelin xildhibaanada iyo xubnaha shirka ka soo qaybgaley. “Waxa sharaf-wayn noo ah in maanta laba mudane oo UCID lagasoo doortay ay inagala qayb galaan shirkan” ayuu yidhi Ibraahim. Mar uu wax ka taabtay sida ay maanta muhiim u tahay in doorashada wakiiladani keento isbedel, Ibraahim Rashiid wuxu yidhi “Haddii xukuumaddu doonayso in awoodda dawladeed la miisaamo oo si casri ah loo wada shaqeeyo, waa in mucaaridku qabtaan hogaaminta aqalka baarlamaanka.” Isagoo ka jawaabaya warar sheegaya in xukuumaddu nin UDUB ah oo Rayaale ku dhow ay u sharaxayso jagada gudoomiyaha Aqalka Wakiiladda wuxu yidhi Ibraahim: “U malayn maayo in maanta Somaliland qaadi karto nin kale oo NSS ah oo Rayaale wato, wax cusub oo is bedelayaana ma jiro, haddii sidaasi dhacdo.”

Xoghaya guud ee Xisbiga UCID Axmed Geedi Sanjab ayaa hadal waano iyo aqoon korodhsi ah usoo jeediyey shirka guud ahaan, gaar ahaana tilmaamo wax ku ool ah iyo dar-daaran siiyey xildhibaanadda cusub. “Dalka iyo dadkuba badbaadin bay u baahan yihiin, idinkaana laydinka sugayaa taas” ayuu ku booriyey Sanjab. Waxa kaloo uu Xoghayuhu aad ugu dheeraadey sida ay muhiim u tahay in la dhiso nidaamka xisaabi-xil maleh iyo Hanti dhawrka guud ee dalka. “Xukuummaddani iyadaa igamatay hanti-dhawrihii, markaa nidaamkeedii buu ku dhex milmay, mana aha sidaas ee waa in hanti dhawrku uu madaxnanaan yahay” ayuu Sanjab ku baraarujiyey shirka. “Wasiirka Maaliyaddu isagoo aan qaab-xisaabeed saxa keenin oo cid madax bannaani aanay ka eegin ayaa miisaaniyadii loo ansixiyey, waxanay tusaysaa sida wakiiladii hore aanay xataa shaqadoodii u garanayn. Maanta waxa inoo soo baxay ragg cilmi leh oo qaabka dawliga ee casriga ah la jaan-qaadi kara, waana Ilaahay mahadii” ayuu Xoghayuhu ku hunguri-geliyey goobjoogayaashii shirka iyo Ummadda reer Somalilandba.
Xog-haye Sanjab wuxu ballanqaad siiyey shirka in uu si tabarruc ah u diyaarin doono nidaamka maamulka xisaabaadka ee ay ku shaqayn lahaayeen iyo qaab-dhismeedka nidaamkaas oo qoran in uu u diro.

Waxa iyaguna hadal isugu jira xog-waran iyo sida ay wax u qaban doonaan soo jeediyey mudanayaasha UCID ka soo baxay. Ugu horeyn Saleebaan Bukhaari oo hadalka qaatay isagoo wax ka tilmaamaya sidii doorashadu u dhacdey ayaa yidhi “Horta waa ii farxad inaan idinla qaybsado dabaaldegga guusha aynu gaadhney, waana wax Ilaahay loogu mahadnaqo.” Waxa uu Bukhaari ku soo koobay macnaha ay ugu fadhido doorashadan qabsoontay reer Somaliland sidan “Waxay shacabku u arkaan inay tahay midhihii ugu horeeyey ee halgankoodii dheeraa oo bislaaday, maanta in hooyada Hargeysa, Burco, Boorame, Berbera ama Ceerigaabo joogtaa in ay si xor ah codkeeda u dhiibato iyadoo aanu ‘Guul-wade’ u hanjabayn waa midho ay sugaysey muddo dheer.”

Wuxu xildhibaanku hoosta ka xariiqay in “Ina Rayaalow Raggani ka duwan yihiin kuwii DHAAMEELKA loo luli jirey, una taaganahay dhismaha dalka iyo toosinta xukuumadda” mana jiraan ayuu yidhi Saleebaan “Xod-xodasho reereed iyo fadhataysi gunnimo ah oo mudanaaysha mucaaridka suurto gal ka ah. Waxa Xukuummadda iyo UDUB na dhexmaraya wada-shaqayn iyo is-miisaamid siyaasadeed haddii ay gartaan dalka iyo dadka, haddiise tubtaa horukaca hogaanka UDUB ka leexdo… dadwaynow waa inoo danta dalka” ayuu ku gunaanadey xildhibaan Saleebaan Bukhaari.

Xildhibaan Khadar Aadan (Ambassador) oo shirka u soo jeediyey war-bixin dheer oo taabanaysa dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo caafimaadka iyo weliba xaaladda dhabta ah ee dalka ayaa wuxu timaamay in dhaqaalaha dalku hoos u sii socdo “Ganacsade dalka deggan baan ahay, oo qiimayn karaya dhammaan waaxyaha dhaqaalaha, waxan idiin sheegayaa in wadanku dhaqaale burbur ku dhow yahay, haddii aan lala imman siyaasad dhaqaaleed oo hufan.”

Khadar ayaa si murtiyeysan u tilmaamay muhiimadda ay leedahay is-bahaysiga cusub ee dhexmaray xisbiyadda mucaaridka Kulmiye iyo UCID Wuxuna yidhi “UCID waxay kala dooratay danteeda iyo ta dalka, waxayna aragtay in danta dalku tahay xakamaynta iyo haggida xukuumadda.” Khadar oo sii wataa hadalkiisii wuxu yidhi “Is-bahaysiga labada xisbi maanta waa tallaabaddii koowaad ee la xisaabtanka xukuumaada, haddii iyagoo (UDUB) Xukuumaddii, maxkamadii, Guurtidii iyo dhamaan waaxyihii maamulka dalka gacanta ku haya ay aqalkana (wakiiladda) afka qabsadaan dee markaa waa keli-talisnimo aan cidi waabin karin, una malayn maayo in cid nidaam dawladeed wax ka yaqaanaa uu sidaa ku talin lahaa.”

Khadar wuxu shirka u ballanqaaday in ay ka shaqayn doonaan wadajirka, wada-shaqaynta iyo horumarka dalka iyo dadka reer Somaliland.

Waxa iyaguna halkaas hadalo qiimo leh oo isugu jira xog-waran, taariikhda ururka iyo tahniyad ka soo jeediyey: Xogayaha Beeraha ee Xisbiga UCID Dr. Cabdiraxmaan, Xogahaya UCID ee Europe ahna Af-hayeenka UK mudane Xuseen-Asad Adan, Gudoomiye ku-xigeenka UCID ee Britain mudane Siciid Cumar, Gudoomiyaha Laanta London mudane Jamaal, Gudoomiyaha Laanta xisbiga ee Shefield mudane Cabdilaahi Boss, Gudoomiyaha Laanta Birmingham mudane Saalax, Gudoomiyaha ururka dhalinyarada UCID UK mudane Sacad Maxamed Qawdhan iyo ku xigeenkiisa mudane Xamse Axmed Salaan iyo aqoonyahano badan oo u dhashay Somaliland.

Ugu dambayn shirku wuxu isku raacay oo soo saaray arimahan:
1. Waxanu hambalyo u diraynaa dhamaan shacabka, dawladda, xisbiyada iyo hay’adaha Somaliland ee hirgeliyey dhacdadan taariikhiga ah ee dorashada wakiiladda.
2. Waxanu taageerayna is-bahaysiga xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo KUKMIYE ee ku waajahan qorshaha doorashada gudoonka golaha wakiiladda, waxanu aragnaa in ay tahay tallaabo sax ah oo dheelli tiraysa maamulka, adkaynaysana jiritaanka Qaranka Somaliland.
3. Waxanu u hambalyeynaynaa dhamaan xubnaha Barlamaanka cusub ee la doortay xisbikasta oo ay ka soo baxeenba.
4. Waxanu ku guubaabinaynaa dhamaan xubnaha golaha wakiiladda cusub ee la doortay in ay dareemaan AMMAANADDA loo dhiibtay oo ay ka shaqeeyaan danta dadka iyo dalka. Waxa laydinka sugayaa way badan yihiin, wax laydiin sii diyaariyeyna wuu yar yahay, taariikhduna way qori halkaad ka gashaan. Xilka iyo Ammaanadda gudashadeedana ILAAHAY ha idiin fududeeyo.
Xuseen-Asad Adan Cali, Af-hayeenka Xisbiga UCID
London-UK

Top


Abwaan Gaariye Oo La Gudoonsiisey Billadda Nabadda

Habeenimadii sabtidii toddobaadka ayaa Heathrow Gate Hotel oo ku yaala galbeedka magaalada London lagu qabtay xaflad si aad u heersareysa loo soo agaasimay, oo ay soo qaban-qaabiyeen ururo uu hormood ka ahaa, ururka RAAD laguna maamuusayey abwaanka weyn ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye).

Xafladan waxaa ka soo qaybgaley dadweyne aad u farabadan oo reer Somaliland iyo Somalia-ba ah kuwaas oo kala yimi goobo kala duwan, dadweynahaas oo isugu jirey Siyaasiyiin, Culimaa’udiin, Saraakiil iyo xubno ka tirsan dhamaan bahweynta afka Soomaaliga ku hadasha ee ku filiqsan wadankan Britain gaar ahaan inta danaysa aqoonta, afka iyo dhaqanka ummadda, oo uu hoddan ku yahay macallin Gaariye.

Foosiya Yuusuf X. Aaden oo iyadu madax ka ah Xarunta Cilmi Baadhista ayaa waxay si mug leh ugu mahadnaqday Abwaan Gaariye iyo dhamaan marti sharaftii goobtaasi joogtay iyada oo ku hadlaysay magaca Xarunta Cilmi baadhista iyo gudiyada qaban-qaabada.

Intaa kadib Fawzia waxay gudoonsiiyey Gaariye Billad sharafta nabada oo ay bixisay Xarunta Cilmi Baadhistu, waxaanay xaruntu sheegtay in uu Gaariye billada nabada ku mutaystay dhiiranaanta badheedhihiisa, mabda’a adkaantiisa iyo isaga oo maalintay ay xaaladu meel adag shanshada dhigto adeegsada maansada kuna suntan danta ummadda iyo himilada bulshada.
Xarunta Cilmi Baadhistu waxay kale oo Billad sharafta horumarinta gudoonsiisay Ayaan Maxamuud Maxamed Cashuur oo iyana ku mutaysaty u heegnaanta horumarinta ummadda Soomaaliyeed.

Intaa kadib waxaa hadalka la wareegay Maxamed Xaahi Dhamac Gaariye oo saacadii ugu horeysay ka hadlaayey quruxda afka Soomaalida. Gaariye waxaa uu si aan qadaf lahayn u tilmaamay anshaxa, asluubta, hufnaanta, asaldoodanka, hormeynta, gudboonaynta, astaamaynta, dhaabadaynta, abaarka nuxurka iyo yool adeegsiyadii afmaalada Soomaaliyeed dhinacayada maansada.

Waxaa uu Gaariye ku nuun-nuuxsadey siyaabaha kala duwan ee afmaaladu u adeegsan jireen tixda kuwaas oo aynu ka milicsan karo, Collaada, nabada, guusha, himilada, guuldarada, jacaylka, nacaybka, ducada, habaarka, guhaanka, farxada, qoomamada, dhalashada, dhimashada, abaalka, abaal dhaca, quruxda, qayayaabka, gobanimada, faanka, hiifka, haaraanka, ayaanka, ayaan darada, barwaaqada, abaarta, garta, gar-darada, godobta, xaq dhawrka, Iwm.

Inkasta oo aan in badan lala wadaagin Gaariye hadalka, Dadweynaha madasha ku sugnaa ayaa waxay ku muujinayeen fal-celintooda qosol, sacab, mashxarad iyo qiiro laga akhrisanaayey foolashooda ama wejiyadooda.

Dhawr telefoonada gacanta ah ayaa ka qaylinaayey goobta, waxaanay dadweynihii sitay ii sheegeen in ay tahliwaayeen in ay damiyaan, sababtoo ah waxay ka cabsi qabeen in wax dhaafaan, sekenada ay ku jeesanayaan daminta telifoonada.

Marti sharaftii goobtaa ku sugnaa waxaa ka mid ah Dr Martin Orwen oo ah aqoonyahan u dhashay wadankan Britain kuna xeeldheer dhaqanka iyo afka Soomaaliga, halkaasna ka akhriyey labada maanso ee Madax Goodir iyo Mandeela oo uu curiyey Gaariye, laguna turjumay afka Ingiriisiga, Martin oo adeegsanaayey siiqad qiiro leh ayaa waxaa uu geyaysiiyey dadkii afka ingiriisiga aan aqoonin in ay dareemaan nuxurka gabayga ka hor, intii aan Gaariye ku akhriyin afsoomaali.

Intaa kadib waxaa la gaadhey waqtigii su’aalaha, waxaana su’aalaha ka dhashay in uu Gaariye tiriyo raxan ka mid ah gabayadiisii, isla markaana uu ka sheekeeyo qisooyinkii asalka u ahaa abyida gabayadaas.

Dadkii xafladdaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa aqoonyahan Siciid Jaamac oo hadal kooban oo soo dhaweyn iyo hogga tusaale isugu jira ka soo jeediyey xafladaas, Siciid waxaa kale oo uu ka hadlay sida abwaan Gaariye uu maskaxdiisa, muruqiisa iyo maansadiisaba ugu huro bulshada, isla markaana uu uga dhex muuqdo halganada nolosha oo dhan.

Siciid waxa kale uu si hufan u tilmaamay baddaha tixeed iyo adeegsigooda sida Gabayada, Geeraarada, Masafada, Sal-Salka, Guurowga, Buraanburka, Jacburka, Sitaadka iyo dhamaanba hees ciyaareeda iyo hees hawleedada kala duwan. Siciid waxaa kale oo uu halkaas ka akhiryey tiraab gaaban oo oo uu isagu abyey taas oo uu ku hantiyey dhegihii ka soo qaybgalayaasha.

Gunaanadkii xafladaas waxaa markale dadweynihii mahadnaq ku sagootiday Fawzia Yuusuf X. Aden.
Allaa Mahad leh
Qalinkii Cali Ahmed Raabi Seenyo
 

Top


Midowga Yurub Oo Markii U Horeysay Ka Hadlay Eedaha Ay U
Jeedisay Xukuumadda Somaliland Wakiilkooda Hargeysa

"Hadaladii Dhowaan Soo Baxay ee Ku saabsanaa Xafiiska Hargeysa Waxay Ku Salaysnaayeen Faham Khaldan Oo Laga Haysto Doorka Uu Leeyahay"

Nairobi, Kenya, November 9, 2005 (Haatuf) – Qoraal uu shalay soo saaray Xafiiska Komishanka Midowga Yurub u fadhiya xarunta dalka Kenya ee Nairobi, ayuu markii u horeysay si rasmi ah ugaga hadlay xidhiidhka u dhexeeya iyaga iyo Somaliland.

Qoraalkaas waxay Komishanka Midowga Yurub ku faahfaahiyeen habka uu u shaqeeyo xafiiska Komishanka u fadhiya Hargeysa, kaas oo ninkii ka madaxda ahaa, Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Washington) uu wasiirka Qorshaynta Somaliland Axmed Xaaji Daahir, 28/10/2005 u qoray warqad uu dalka kaga saarayo muddo 24 saacadood gudahood ah.
Komishanka Yurub waxa uu sheegay in khalad laga fahamsan yahay kaalinta dhabta ah ee uu leeyahay xafiiskooda Hargeysa, isla markaana Komishanku waxa uu xaqiijiyay inay wali u heelan yihiin taageerada dedaalada lagu horumarinayo Somaliland.

Qoraalka xafiiska Komishanka Yurub ee Nairobi oo si dadban u tixraacaya eedaymihii uu wasiirka Qorshayntu uu u soo jeediyay Axmed Maxamed ee uu sabab uga dhigay erigiisa, waxa uu yidhi: "Hadaladii ku tidhi-ku-teenka ahaa ee dhawaan soo baxay kuna saabsanaa shaqada xafiiska Komishanka Yurub u fadhiya Hargeysa waxay macal-asaf ku salaysnaayeen faham khaldan oo laga haysto doorka uu xafiiskani leeyahay, kaalintaas oo ah mid ku kooban la-socodka barnaamijyada la hirgalinayo iyo isku-xidhka tabaabushahooda hawl-gelineed."
Madaxa xafiiska Komishanka ee Nairobi, Mr. Eric van der Linden, oo ka hadlaya arrintan ayaa wuxuu yidhi: "Nagama laaqna in mashaariicda muctabarka ah ee aanu ka wadno Somaliland ay hirgalintoodu si qumaati ah u socoto oo ay waafaqsan tahay qorshaha istiraatijiyadeed ee Komishanka haddii ay tahay heer Brussels iyo Nairobi-ba."

Isaga oo faahfaahinaya awoodaha hawl-wadeenada xafiisyadooda ku sugan goobaha laga fulinayo mashaariicda waxa uu yidhi: "Hawl-wadeenadaasi shuqul kuma laha jaan-goynta iyo qoondaynta lacagta lagu hirgelinayo mashaariicda, waxaananu ku qanacsannahay sida fiican ee shaqadooda ay u gudanayaan, taas oo waaqsan hanaankii hawlahooda loo jeexay."

Mr. Linden waxa uu mar kale xaqiijiyay in Komishanka Yurub ay weli ka go'an tahay taageerada dhaqdhaqaaqyada lagu doonayo in Somaliland lagu horumariyo, waxaanu hadalkisii ku soo gebo-gabeeyay "Aalaaba waxa annaga iyo dhinacyada aanu wada-shaqaynta la lahayn ee ka jira Somaliland naga dhaxeeyay xidhiidh wanaagsan, waxaana mahadda iska leh oo ay taasi dedaalkiisa ku timi xafiiskayaga Hargeysa, isla markaana waxaanu kalsooni ku qabnaa in ismaan-dhaafkani yahay mid si degdeg ah loo soo afjari karo iyada oo dhinacyadaasina ay gacan ka geysanayaan xalintiisa."

Top


“Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ayaa
Qoraalka Baahiyay, Ceebtase Waanu Wadaagnaa,
Dhaartuna Waxay Noqon Lahayd Distoor Jebin.”
Gudoomiye Xigeenka Maxkamadda Sare, Maxamuud Xirsi Faarax

Hargeysa, November 9, 2005 (Haatuf) – Maxkamadda Sare ee Somaliland oo maalintii Axadii ee 7 bishan soo saartay qoraal ay ku war gelinay mudanayaasha golaha cusub ee ku guulaystay tartankii doorashada inay yimaadaan Maxakamadda sare Salaasadii shalay si loo dhaariyo ayaa habeen hore ka noqotay war gelintaa , waxayna sabab uga dhigtay ka noqoshadaa iyadoo dib u eegtay qodobada Distooriga ah ee tilmaamaya habka loo raacayo yeedhista golaha cusub ee wakiilada.

Qoraalkaa ay hore maxkamaddu ugu yeedhay mudanayaasha oo ahaa mid aan loo cuskan qodob Distoori ah iyo Xeer toona, waxa ku saxeexnaa gudoomiyaha |Maxkamadda sare Faysal Xaaji Jaamac. Laakiin mar kale ayay maxkamaddu soo saartay habeen hore qoraal ay ku sheegay inay dib uga noqotay yeedhistii mudanayaasha golaha cusub ee lagu dhaarin lahaa, taas oo ay sheegtay in aanay distoorka Qod. 44aad xubnihiisa tilmaamaya habka loo raacayo yeedhista golaha cusub waafaqsanayn.

Hase yeeshee sababta ay Maxkamaddii u saraysay oo ah maxkamadda distooriga ah ee dalku uga ilduuftay qodobada Distoorka ee tilmaamaya habka loo raacayo dhaarinta golaha cusub ee wakiilada iyo meesha khaladku ka yimi waxaanu isku daynay in aanu wax ka weydiino gudoomiyaha Maxakamadda sare. Laakiin markii ay noo suurta geli weyday waxaanu xalay khadka Taleefanka kula xidhiidhnay gudoomiye xigeenka Maxkamadda sare Maxamuud Xirsi Faarax, wuxuuna isagoo arintaa ka hadlaya yidhi, “War gelinta loogu yeedhay Mudanayaasha waxay ahayd mid kasoo baxday Maxkamadda sare, waxaana ku saxeexnaa gudoomiyaha Maxkamadda sare, wixii ceeb ah ee ka yimaadana waanu la wadaagnaa. Laakiin waxay ahayd mid aan laga fiirsan oo loo eegin Distoorka. Anagu waxaanu ku aragnay subaxnimadii jaraa’idka, markii aanu akhrinay ee aanu aragnay in aan loo cuskan qodob distoori ah iyo xeer toona, isla markaana aanay jirin cid ogaysiin la siiyay ee aanu dib u eegnay warqada koobigeedii xafiiska yaalay waanu la yaabnay. Dhaartaasuna waxay noqon lahayd mid aan distoorka waafaqsayan oo distoor jebin ah.

Waxaana jirta in xeerka doorashada wakiilada qodobkiisa 60aad faqrado ku jiraa sheegay in golaha cusub ay maxkamaddu isugu yeedhay mudo todoba maalmood gudohood oo ka bilaabmay maalinta lagu dhawaaqo go’aanka doorashada, si ay maxkamaddu u dhaariso.
Gudoomiyuhuna uma cuskan qoraalkiisa qodobkaa xeerka iyo distoorka toona. Laakiin markii aanu u aragnay inuu ka hor imanayo qodobka 44aad ee Distoorka. qodobkaa faqradihiisu timaamayaan habka loo raacayo yeedhista golaha cusub, dhaarinta iyo fadhiga u horeeya ayaanu qoraalka danbe u geynay saxaafada si loo saxo khaladka distooriga ah.”

Gudoomiye xigeenka Maxkamadda sare oo la weydiiyay sida ay Maxkamaddu u arki weyday qodobka xeerka doorashada ku jira ee ka hor imanaya distoorka, maadaama xeerka doorashada oo muran weyni ka dhashay markii ay labada gole ansixiyeen ee ay xukuumadu u gudbisay maxkamadda sare si ay u waafajiso Distoorka, isla markaana ay jireen qodobo ay laaleen oo xeerka ka mid ahaa, waxa uu yidhi, “waa run muran weyn ayaa ka dhashay. Laakiin murankaa xeerka doorashada ee waqtigaa waanu baadhnay xeerka, waaxanu laalay qodobadii muranku ku jiray ee loo arkayay inay carqalad ku yihiin doorashada. Sidaa awgeed qodobka 60aad ee xeerka doorashadu muu ahayn mid aanu u eegnay distoorka, sababta oo ah kama mid ahayn qodobada aanu derisnay.

Maxkamadduna maaha inay qodob walba eegto ee waxay eegtaa qodobada lagu murmo ee loo soo gudbiyo.

Hawshaana waxa lahaa inay ku soo daraan qodobada ka hor imanaya distoorka waaxda fulinta, (xukuumada), Xeer-Ilaalinta guud iyo Komishanka, kuwaas ayay ahayd inay markii ay qodobadan dacwadooda usoo gudbinayeen maxkamadda soo raaciyaan, si qodobkaa distoorka ah iyo xeerka laysu waafajiyo. sidaa awgeed maxkamaddu ma gasho qodob aan muran ka taagnayn.dhawaaqa danbena maanu filayn in qodob distoorka ka mid ahi naga hor imanayo, waxaana kalsooni lagu qabay in aanu wax u dhimayn xeerku distoorka.”

Garsoore Maxamuud Xirsi Faarax, waxa uu sheegay in Bini’aadamku khaldami karo, balse ay khaladkaa saxeen markii la arkay qodobka Distooriga ah ee 44aad faqradihiisa oo tilmaamaya habka loo raacayo dhaarinta golaha wakiilada iyo yeedhista fadhiga u horeeya, “isagoo yidhi, sida qodobkaa faqradihiisu tilmaamayaan waxa la dhaarinayaa mudanayasha cusub marka Madaxweynuhu u yeedho, iyadoo faqradaha loo raacayo siday u kala horeeyaan.”

Top


"Arinkayaga Waxa Loo Bedelay Mucaarid
Iyo Kulmiye Ayaa Ka Dambeeyay"

Wareysi – Ardaydii Gabiley Laga Soo xidhay Oo Cafis Madaxweyne Lagu Sii Daayay
Gabiley, Somaliland, November 9, 2005 (SDWO.COM) – Sidaan dhowaanahanba la wada soconay 17 arday oo wax ka dhigta dugsiga sare ee Timacade ee degmada Gabiley ayaa xabsiga loo taxaabay 6dii October ka dib markii ay mudaharaad cabasho ah kaga hortageen maayarka magaalada Gabiley oo xidhay Library ay ardaydu wax ku dhigan jirtay oo ay horey kiradeeda u bixin jirtay dawladda hoose ee Gabiley.

Ardaydan ayaa habeen madow xukun degdeg ah lagu fuliyey kadibna loo taxaabay loona dhaadhiciyey jeelka Mandheera oo ay ku xidhnaayeen ilaa 26kii Ocotber.

Xadhiga ardaydan ayaa waxa aad uga dhiidhiyay labada xisbi ee mucaaridka ah ururada bulshada, ururada qurbo jooga sida SDWO (Somaliland Democracy Watch Organsiation), Somaliland Forum, Somaliland Society Europe oo dhamaantood warsaxaafadeedyo ay arrintaas kaga soo horjeedaan soo saaray.

Culays badan kadib waxay xukuumaddu go'aansatay in dhalinyaradaa sharci-darada lagu xidhay ay xoriyadoodii u soo celiso 26kii October. Haddaba waxa SDWO noo suurto gashay inaanu waraysi la yeelano qaar ka mid ah dhaliyaradaas laga soo daayey xabsiga Mandheera, Waraysigiina waxa uu u dhacay sidan:

SDWO: Markii u horeysay sababtii aad u mudaharaadeen maxay ahayd?
Jawaab Ardaydii: Sababta aanu u mudaharaadnay waxay ahayd iyadoo la bixin waayay kiradii library ay ardaydu ku lahayd magaalada Gabiley badhtankeeda sababtoo ah dugsiga sare ee la yidhaahdo Timacade (qalax) oo ah dugsi sare, magaalada wuxuu dibada uuga baxsan yahay 5km, markaa waxaanu soo raranay buugtii oo waxaanu dhiganay guri aanu ka kiraysan suuqa.

SDWO: Sidee la idiin soo qabqabtay, isla markaasna sidee baa ciidankii idin qabanayey idiinla dhaqmeen?
Jawaab: Intaan lana qabqaban ka hor waxaanu go’aansanay inaanu la xisaabtano maayarka magaalada, maadaama ay degmadayadu ka dakhli badan tahay 5 gobol ee kale marka laga reebo Saaxil Berbera, nasiibdaro waanu waynay oo waxaanu jajabinay muraayadihii iyo waxoogaa albaabo ah, kadib waxaa lanoo dalbaday ciidan, kaasi oo habeenimadii noogu yimid guryahayaga, intii baxsan karaysay ee baxsatayna waxaa magaalada gudaheeda lagu xidhay waalidiintooda, arinkayagiina waxaa loo bedelay mucaaridad iyo Kulmiye ayaa ka danbeyay.

SDWO: Markii la idin xukumay habeen madow sidee ayaad dareenteen markii la idin xukumayey?
Jawaab: Marna kumaanu fikirin waxaa la idin xukumi habeen saqdii dhexe. Waxaa Gabiley oo aanu laba habeen ku xidhnayn 06/oct/05, afartii habeenimo gaadhi lanagu qaaday oo lana geeyay saldhigga kadibna anagoo katiinadaysan lanagu xukumay sanad xadhig ah.

SDWO: Goormaa la idiin dhaadhiciyey Jeelka Mandheera?
Jawaab: Waxaa lanoo dhaadhiciyay 9kii October 2005

SDWO: Intee baad ku jirteen jeelkaas iyo sidee se la idiinla dhaqmay, guud ahaan nolosha jeelka dhexdiisa bal ka warama?
Jawaab: Waxaanu xidhnayn 9kii 0ctober - 26kii 0ctober 2005 qiyaas 17 cisho, runtii si fiican lanoolama dhaqmin, nolosha guud waa mid liidata, dhinac walba runtii calooshaa nawada xanuuntay oo waxaa nala siin jiray qamadi qalayl ah, meeshaasi nololi ka dheer.

SDWO: Maadaama aad horey u maqasheen jeelka Mandheera in Siyaad Bare ardayda ku cabudhin jirey maxaad idinku dareenteen markaad aragteen ardaydii hore sababtii ay SNM ugu biirtay oo mar labaad soo noqotay idinkana idinku dhacday?
Jawaab: Walaahi dadku iskuma wada jiraan qaar way naxnaxayeen, qaarna waynoo hanjabayeen oo ma ilawno askari nagu yidhi Axmed Siilaanyo ha idin badbaadiyo askarigaasi wuxuu nagula kacay jidh dil qaarnaga mida.

SDWO: Goormaa la idin sii daayey, yaa se sii deyntiina ka danbeeyay, waxse shuruudda oo siideyntiina lagu xidhay ma jirtaa?
Jawaab: Waxaa lana sii daayay 26 October, runtii waxaa noo or-orday waalidiintayada oo u tegay wasiirka waxbarashada, kadibna Madaxweynaha loo wada tegay waanu na cafiyay. Shuruudaha lanagu xidhay waxaa ka mid ahaa inaanaan la hadal oo aanan colaad danbe kula kicin Maxamed Cabaas oo ah maayarka magaalada.

SDWO: Dad badan iyo ururo ay ka mid yahiin SDWO ayaa arintiina aad uga dhiidhiyey oo warsaxaafadeedyo ka soo saaray, oo joornaalada iyo websiteyada iyo idaacadda radio Horyaalba lagu faafiyey, sideed u argteen in aad ahaydeen arday xadhigooda la danaynayey aadna loo diidanaa?
Jawaab: Runtii waanu dareenay markaanu dibad uga soo baxnay oo waxaa mahadleh, axsaabta mucaaridka ah iyo ururada bulshada.

SDWO: Ma jireen cid kale oo aan ardayda ahayn oo la idinla xidhay?
Jawaab: Haa, waxa jiray hal qof oo ah Axmed Maxamed Bookh, waa mulkiilaha aanu ka kiraysanay guriga, isna waa lanala xidhay, waxaana lagu yidhi adaa ka danbeeyay wuxuu ka mid yahay dhalinyarada u ololaysa KULMIYE.

Liiska 10 kamida 17kii arday ee la xidhay.
1. Sayid Maxamed Cabdalla
2. Maxamed Daa’uud
3. Axmed Abiib C/Laahi
4. Mukhtaar Maxamed Muxumed
5. C/Raxmaan Muxumed Guuleed Rirash
6. Maxamed Ciro Buuni
7. C/Salaam Cabdi Cali
8. Guuleed Xaashi Jamac
9. Maxamed Saleebaan
10. Ismaaciil Xasan Kaahin
Iyo Axmed Maxamed bookh oo aan ahayn arday ee ah mulkiilaha guriga.
SDWO News Desk

Top


Sawiro Laga Qaaday Markab Maraykanku Leeyahay
Oo Kuwa Dalxiiska Ah Oo Lagu Weeraray Xeebaha
Somalia

London, UK, November 9, 2005 (W. Wararka) - Sawiro laga soo qaaday sidii uu u dhacay Weerarkii lagu qaaday Markab kuwa Dalxiiska ahaa oo laga lahaa dalka Maraykanka oo lagu weeraray xeebaha Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay warbaahinta dunida.

Sawiradan ayaa waxa soo qaaday mid ka mid ah Dalxiisayaasha markabkaas saarnaa oo u dhashay dalka Ingiriiska.

Markabkan lagu magacaabo The Seabourn Spirit, ayaa sabtidii toddobaadkan (5tii November 2005), waxaa ku weeraray xeebaha degmada Xarardheere mooryaan ama budhcad badeed hubeysan oo isku dayay in ay afduubaan Markabkaas, balse Markabkan ayaa ka baxsaday budhcaddan oo watay laba doonyood oo yar yar.

Kabtanka Markabka Seabourn ayaa sheegay in maleeshiyadaasi ay rasaas ooda kaga qaadeen iyagoo adeegsanaya qoryaha boobayaasha ah iyo waliba qoriga Baasuukaha loo yaqaan ee garabka laga rido RPG.

Falkan ayaa argagax ku riday Rakaabkii markabka saarnaa oo sheegay in ay si weyn ugu faraxsan yihiin in ay ka badbaadaan weerarkaasi.

Dawlada Maraykanka oo war ka soo saartay weerarkan ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen kooxo argagaxiso ah oo xidhiidh la leh ururka Al Qaacida, kuwaas oo rabay in ay afduubaan Markabka, isla markaana dilaan dadka saarnaa oo u badnaa reer Galbeed ka soo jeeda Maraykanka iyo dalal kale.

Sidoo kale Dawladda Austareeliya iyo waliba Xukuumadda Ingiriiska ayaa falkan si weyn uga argagaxay iyagoo sheegay in loo baahan yahay in tilaabo laga qaado budhcada ku soo badatay xeebaha dalka Soomaaliya.

Weeraradan ayaa ah kuwo ay geysanayaan kooxo hubeysan oo Soomaali ah oo xaruntoodu tahay degaanka Xarardheere ee badhtamaha Soomaaliya.

Maleeshiyooyinkan ayaa horey u afduubay Maraakiib shisheeye oo isugu jira kuwo ganacsi iyo kuwo kale oo gargaar mucaawino siday.

Top


Maraykanka Oo Qorshaynaya Inuu Kooxaha
Argagixisada Somalia Wax Ka Qabto

Muqdisho, November 9, 2005 (W. Wararka) – Saraakiil sar-sare oo ka mid ah Dawladda iyo Ciidamada milatariga dalka Maraykanka ayaa ku baaqay in dalka Soomaaliya wax laga qabto inta aanu noqon mid faraha ka baxa oo saameyn ku yeesha nabadgelyada-xumo ka dhalata gobolka geeska Afrika.

Hadaladan ayaa soo baxay laba maalmood kadib weerarkii lagu qaaday Ra'iisal-wasaaraha garabka C/laahi Yuusuf ee dawladda Mbagathi loogu soo dhisay Somalia, Cali Maxamed Geedi oo safar ku marayey magaalada Muqdisho, iyo waliba weeraro lagu qaaday Markab Dalxiis ah oo ay saarnaayeen 600 dalxiisayaal Maraykan ah.

Dawladda Maryakanka ayaa iyadu si ramsi ah u dhaleecaysay dhacdooyinkan, waxayna ku tilmaantay inay falalkani muujinayaan sida ay dalka Soomaaliya ugu sii xoogaysanayaan kooxaha mayalka adag ee loogu yeedho argagaxisada.

Weerarkii ugu danbeeyey ee lagu qaaday Markabkii Dalxiiska ahaa ee Seabourn ayay dawladda Maraykanku ku tilmaameen mid ay ka danbeeyeen kooxaha argagaxisada ah ee xidhiidhka la leh ururka Al Qaacida, isla markaana looga gol lahaa in la qarxiyo Markabkaas, lana dilo dadka Maraykanka ah ee saarnaa.

Gen. Timothy Ghormley oo ah hogaamiyaha Ciidamada Maraykanka ee la dagaalanka Argagaxisada ee qaabilsan bariga Afrika ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay dal laga quustay, isla markaana uu dalkaasi dibadda u soo dhoofinayo amni xumo iyo wax lidi ku ah deganaanshaha caalamka.

Warbixino laga soo saaray xaaladda dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in khilaafaadka u dhaxeeya kooxaha hubeysan ee ku wada jira dawladdii dhowaan dalka Kenya loogu soo dhisay Soomaaliya ay ka dhex faa'iidaysanayaan kooxo Islaami ah oo hubeysan kuwaasi oo la fikir ah ururka Al Qaacida.

Sida lagu sheegay warbixin 5 qaybood ah oo uu diyaariyay ninka la yidhaaho Eric Westervelt oo baadhitaan uu ugu magac daray ("The Quiet Front") ku sameeyay xaaladda dalka Somalia ku sugan yahay, ayaa kaga hadlay khatarta kooxaha ka soo shaac baxaya dalka Soomaaliya.
Warbixintan ayaa lagu soo qaatay Saraakiil sar-sare oo ka mid ah dawladda Maraykanka iyo dalal kale oo reer Galbeed ah oo sheegay in dalka Soomaaliya noqday goob ay u baxsadaan argagaxisada caalamiga ah iyo waliba kuwii ka danbeeyey qaraxyadii ka dhacay safaaradihii Maraykanka ee Nairobi iyo Dara Salaam ee la qarxiyey sanadkii 1998.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay warbixintaas in ay jiraan xidhiidho u dhexeeya qaraxii lagu burburiyey Markabkii dagaalka ee U.S.S Cole ee lagu qarxiyey dekedda Sanca ee dalka Yemen sanadkii 2000.

Warbixinta ayaa lagu sheegay warar laga soo xiganayo saraakiisha sirdoonka ee dalalka reer Galbeedka oo sheegaya inay soo shaac baxayaan kooxo ku sugan dalka Soomaaliya oo isweydaarsanaya hub iyo lacag lagu taageerayo dhaqdhaqaaqa argagaxisada.

Matt Bryden, oo ah Madaxa Bariga Afrika ee hay'adda la yidhaaho (International Crisis Group) oo ka mid ah xubnaha inta badan ka hadla dalka Soomaaliya ayaa sheegay in kooxaha ku sugan dalka Soomaaliya aanay khatar ku ahayn dalka Soomaaliya oo keliya, balse ay si fudud wax ugu dhimi karaan dhamaan dalalka jaarka la ah dalka Soomaaliya nabadgelyadooda.

Ted Dange, oo ah xubin ka mid ah Guddiga Baadhitaanka Aqalka Odayaasha "Congress" Maraykanka qaybtiisa qaabilsan Bariga Afrika ayaa sheegay in siyaasadda Maraykanka ee ku aadan dalka Soomaaliya ay sanadihii ugu danbeeyey ahayd mid aan xooga la saarin oo laga habsaamay, wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay in dalka Maraykanku faraha la galo siyaasadda dalka Soomaaliya, arrintaas oo uu xusay in indhawaale aan la isku deyin. Ted Dange wuxuu intaa ku daray in ay adkaan doonto in dalka Soomaaliya laga hirgeliyo hay'ado ama maamulo kala shaqeeya Maraykanka la dagaalanka Argagaxisada, maadaama ayuu yidhi in dhawaale indhaha laga xidhay dhaqdhaqaaqa ka socda guddaha dalka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu Mr.Dange sheegay in Maraykanka ciidamadiisu ay ku sugan yihiin badaha dalka Soomaaliya, isla markaana ay jiraan hay'ado mucaawino ah oo ka shaqeeya gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo dadka gargaar u fidiya si markaasi ayuu yidhi dadka shacabka looga dhaadhiciyo in aan wax cadaawad ah dhex ool reer Galbeedka iyo Soomaalida. Balse wuxuu Sarkaalkani xusay in loo baahan yahay in si toos ah looga hortago kooxaha hubeysan ee khatarta gelin kara amniga dunida.

Teresa Whalen oo ka mid ah xubnaha sarsare ee Wasaarada Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in siyaasadda hadda uu qaatay Maraykanku ee ku aadan dalka Soomaaliya, oo ah in laga gaabsado waxa ka socda gudaha Soomaaliya ay tahay mid ku-meel gaadh ah, oo u baahan in wax laga bedelo. Waxayna xustay in ay soo baxayaan warar isa soo taraya oo ay soo gudbinayaan hay'adaha sirdoonka oo sheegaya in siyaasadda Maraykanka ee iska indho tirida Soomaaliya ay keeni karto khatar aad u weyn.

Top


Nin Somaliyeed Oo Naftiisa Ku Waayay Xabad Sigaar Ah

Muqdisho, November 9, 2005 (Somalitalk) – Dalka Somalia ayaa noqday meel nafta qofka binu'aadanka ahi ay si xad dhaafa ugu qiimo beeshay, siiba Magaalada Mogdishu iyo Hareeraheeda.

Nin 22 jir ahaa oo magaciisa lagu sheegay Cali Xasan ayaa u dhintay oo naftiisa ku waayey xabad sigaar ah oo ay isku qabsadeen nin kale oo la sheegay in ay saaxiib ahaayeen.
Dilku intaanu dhicin ayaa labada nin muran xoogani dhex maray oo ahaa "Xabad Sigaarka ah Anigaa leh iyo Anigaa leh" ka dibna waxay keentay Gacan ka hadal ah in Xabad la qabad-siiyo Marxuum Cali Xasan oo isla goobtii ku geeriyooday.

Dilkan oo ka dhacay Xaafadda Jungal ee Degmada Yaqshiid oo ku taal Mogdisho ayaa waxa si weyn uga xumaaday dadweynaha ku nool Degaankaa, kuwaas oo ku tilmaamay falkan naxdinta leh mid bahalnimo ah....... Waxayna ku baaqeen in gacanta lagu soo dhigo gacan ku dhiiglihii gaystay dilkaas.

Ma aha markii ugu horaysay ee uu qof naftiisa ku waayo ama lagu dilo dadka reer Somalia waxyaabo raqiis ah oo aan qiimo lahayn , dhawaan Degmada Xamar-weyne oo Mogdishu ku taal ayaa iyana waxa lagu dilay Wiil Dhallinyaro ah oo haystay Maqaaxi lagu kariyo Shaaha, kadib markii ay murmeen nin kale, wuxuuna murankoodu ka dhashay markii wiilka Maqaaxida lahaa lagu yidhi "Shaaha aad soo karisay Sonkor sidaas ah ma leh" isna waxa uu ku jawaabay “Shaahu Sonkor wuu leeyahay” ninkii shaaha dalbaday oo sitay Qori ayaa inta uu xanaaqay Xabad Wiilkii yaraa ku kojiyey isaga oo Madaxa kala eegtay, isla goobtii ayuu wiilkii ku dhintay.

Sidaas oo kale sanadkii 1994-kii ayaa waxa Kun Shillin ku naf-waayey oo lagu laayey 8-qof kaddib markii uu muran dhex maray lacaghayahii iyo nin kale oo Rakaabka Gaadhiga saaran ka mid ahaa.

Bishii September ee sannadkan 2005 ayey ahayd markii ay is-ku-qabsadeen dhawr qof oo saaxiibo ahaa sidii ay u qaybsan lahaayeen marduuf Qaad ah, kadibna is afgaranwaagii halkaas ka dhashay, waxa uu sababay in la dilo oo ay ku naf-waayeen shan qof.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Baarlamaanka La
Soo Doortay Ma Dhab Baa, Mise Waa Dhalanteed?
Qalinkii: Xildhibaan Cabdirxmaan Yuusuf Cartan

Rajo qayirul caadi ah ayaa dadweynaha, siyaasiyiinta iyo xittaa mudanayaasha la soo doortay ku xidhayaan wax-qabadka Baarlamaanka cusub. Waxad mooddaa in baarlamaanka cusubi furdaaminayo mushkiladaha tirada badan ee dalka ka jira. Waa rajo la buun-buuniyey. Rajada la buunbuuniyaana niyad jab iyo dareen hungo ayay dhashaa. Dareenka hungona wuxu halis ku yahay hayaankii la beegsanayey.

Mabda'a Saddexda Dhardhaar:
Dhaqankeenii reer miyiga, marka qoysku damco inuu cunto karsado wuxu huriyaa dabka, waxa la diyaariyaa saddex dhardhaar oo isku dherer iyo dhumuc ah oo loo dhigayo hab saddex-xagal siman ah, markaas ayaa dherigii oo wixii la karinayey ku jiraan dabka la saaraa.Haddii dhardhaardu aanay isu miisaanayn dherigu wuu janjeedhsanayaa wuxuuna halis u yahay inuu afrogmo. haddii ay kala yar yihiin ama dhardhaarda mid maqan yahay, dheriguba dabka fadhiisan maayo.

Sidaas oo kale ayaa nidaamka dimuqraadiga ee reer galbeedka ka soo jeedaa wuxu ku fadhiyaa saddex gole oo sida dhar-dhaaradaa isu-dheelitiran, isla markaana gudboon oo leh awoodo dastoorka ku qeexan oo is taageeraya, awoodo is dhamaystiraya, isna ilaalinaya (check and balance). Saddexda gole, ama dhar-dhaar ee dawladeed Waxay kala yihiin: golaha sharci dejinta (legislative branch), golaha fulinta/xukuumadda (Executive branch) iyo gasoorka (Judiciary). Kolka saddexdaas dhar-dhaar, ama gole u shaqaynayaan si isu-miisaaman ayuu hirgeli karaa hanaanka dimuqraadiga ah ee Somaliland albaabkiisa garaacayso.
Maxay Yihiin xilalka saddexda Gole?

Golaha Fulinta, ama Xukuumadda
Golahaas waxa horjooge u ah Madaxweynaha/Madaxweyne-xigeen, ama Madaxweyne/Raiisulwasaare. Waxa ka farcama wasaaradaha,waaxaha (departments), haydaha madaxa banaan.

Golahani, isagoo ku shaqaynaya xayndaabka shuruucda dalka oo dastoorku ugu mudan yahay, kana turjumaya himilada shicibka, wuxu dejiyaa yoolalka fog iyo kuwa dhaw ee looga dan leeyahay in wax lagaga beddelo qaabka nololeed, ama dhaqan-dhaqaale iyo guud ahaan miciishadda dadweynaha, waxa kale ee golaha xukuumaddu dejiyaa qorshayaashii dhaqaale, siyaasadeed, bulsho ee loogu siqi lahaa yoolalkii la dhigtay. Golahani Wuxu qorsheeyaa abuuridda habsami u urrurinta dhakhaliga uu ku hawlgeli lahaa. Golahani isagoo isu qiyaasaya haynta kooban iyo baahida faraha badan ee jirta, wuxu dejiyaa kala mudnaanta baahiyaha dalka jirta.

Golaha Sharci dejinta ama Baarlamaanka
Sida magaciisu muujinayo waa hay'adda dejisa shuruucda dalka lagu maamulayo, samaysa dastoorka, u xilsaaran dib-u-eegidda iyo wax ka beddelidda shurrucda si waafqsan himilada iyo rabbitaanka dadkii soo doortay.

Goluhu isagoo adeegsanaya guddiyadiisa kala duwan (parliamentary committees), wuxu dabagal ku sameeyaa habsami u socodka waxqabadka xukuumadda iyo sida waxqabadkaasi uga turjumayo yoolalkii xukuumaddu dhigtay.

Golaha ama dhar-dhaarka garsoorka:
Dhardhaarkani waa ilaaliyaha ama gaadh-hayaha ku dhaqanka iyo meel marinta dastoorka qaranka, shuruucda iyo xeerarka kale ee ka farcama. Garsoorku wuxu hubiyaa in siyaasadaha iyo hawlgalada kala duwan ee xukuumaddu shuruucda waafaqsan yihiin, wuxu siidhigga u hayaa inaan xukuumaddu baalmarin ama jebin shurrucda dalka u yaal. Garsoorku wuxu fasiraa kana garnaqaa khilaafaadka iyo isqabadyada sharci, iyadoo maxkamadda dastooriga ahi tahay marjaca u sarreeya hay'adda garsoorka.

Nooca Maamul ee ka tisqaaday Somaliland
Waxa somaliland tan iyo 1993 ka hirgalay nidaam dawladeed oo aanay isu-dheelitirnayn saddexda dhar-dhaar ee uu ku taagan yahay. Awoodda dawladeed waxay ku urursan tahay golaha xukuumadda, iyadoo awoodda golaha sharci-dejineed aanay buurnayn, waxa ka sii liidta dhar-dhaarka garsoorka oo la odhan karo waa magac-u-yaal.

Arrimahan aynu kor ku sheegnay oo dhammi waxay ina tusayaan in golaha sharci dejintu yahay hal dhar-dhaar oo ka mid ah saddexda dhar-dhaar ee uu ku dhisan yahay nidaamka dimuqraadiga ahi. wax-ku-oolnimda golaha baarlamaanku waxay ku xidhan tahay tayada labada dhar-dhaar ee kale oo ah golaha xukuumada iyo garsoorka. Waxa kale oo ay ku xidhan tahay Wax-ku-oolinmada golaha cusubi aqoonta iyo waaya-aragnimda siyaasadeed ee xubnaha la soo doortay, taas oo aad u kooban. waxa kale oo ay ku xidhan tahay is-afgarad dhex mara golaha fulinta (xukuumadda) oo ah kan iminka gacanta ku haya awooddaha dawladeed oo dhan, mid dhaqaale, siyaasadeed, iyo nabadgelyo.

Waxa aad muhiim u ah inay golaha xukuumadda oo madaxweynuhu hoormood u yahay, ay ka go'an tahay ku tallaabsiga isbeddelada dalku u baahan yahay ee maamul wanaajinta iyo sixidda qalloocyada jira sida musuq-maasuqa iyo ku-xadgudubka sharciga.

Waxa kale oo lagama maarmaan ah jiritaanka dhar-dhaarkii garsoorka oo u xil saaran meelmarinta shurucda dalka oo aan baarlamaanku la'aantii micna badan lahayn.
Marka la isku soo xooriyo Baarlamaanku waa dhar-dhaar ka mid ah saddexda dhar-dhaar ee nidaamka dimuqraadiga ahi ku taagan yahay. wax dhar-dhaar keligii ahi tari karaana way yartahay haddii aan labadii kale, ama midkood diyaar u ahayn is kaashiga.

Gebagebo
Haddii la doonayo in lagu guulaysto duruufaha qayrul caadiga ah ee ka jira Somaliland ee ku saabsan dib-u-hindisidda dawladda (reinventing the State) waxa shardi ah in baarlamaanka iyo Madaxweynuhu ka hawlgalaan sidii la isugu dheelitiri lahaa saddexda dhar-dhaar ee dawladeed.
Haddii aan madaxweynaha iyo golaha wakiilada ee cusubi isla qaataan hirgelinta mabaadiida aasaasiga ah ee maamul wanaagga (good governance), haddii aanay ku heshiin qeexidda iyo ku-tallaabsiga isbeddelada lagama-maar-maanka ah ee dalku u baahan yahay, way adkaanaysaa in Somaliland kob rays leh ka soo durduriso.

Sidaa daraadeed, Mdaxweynaha iyo Baarlamaanka cusub waxa xil ka saaran yahay sidii ay jaanta isula heli lahaayeen, isagana ilaalin lahaayeen in waqtigooda iyo tamartoodu ku lumo weerar iyo weerar-celin sidaasna ay ku galbato ammaanadii dadkii soo doortay u dhiibteen.
Waxa si gaar ah loogu baahan yahay inuu Madaxweynuhu sameeyo tanaasulaad dhiir-dhiiran oo ay ka mid yihiin dhimidda awoodaha xad-dhaafka ah ee golaha uu guddomiyaha ka yahay (xukuumadda); isla markaana uu Madaxweynuhu ka hawl-galo barbaarinta iyo kobcinta labada dhar-dhaar ee caatada ah.

Top


Ficilbaa Daniga Dhalaye, Falka Yaa Masuul Ka Ah

Ficil, siday aniga ila tahay waa wax qabadka dhaca ee lala yimaado, falkuna waa wixii keenay in ficilkaas isaga ahi yimaado. Fal iyo ficil kastaayina waxa keenaan wanaag iyo xumaanba ama shar iyo khayrba. Waxan maqaalkan ku naqsanayaa fikradayda shaqsi ahaaneed ee ku wajahan ficiladii siyaasadeed ee baryahan danbe ka yimid Dawladda Somaliland; falalkii keenay ficiladdaas; cidda loo saarayo Masuul iyo wixii maslaxad, xal iyo xaalba ku jiro.

Waxa dhawaanahan dhagaheena ka batay dhawaaqyo ku saabsan tallaabooyin siyaasadeed oon isku xidhnayn oo Madaxweyne Rayaale iyo Wasiir Axmed X. Daahir (Qorshaynta) midkoodba mar qaaday:

Tallaabada koowaad oo aad looga dooday una baahnayn in lagu celiyo balse murtida laga raaco waxay tahay war saxaafadeedkii Rayaale ku weeraray mucaaradka, gaar ahaan Siillaanyo. Dadku waxay sugayeen inuu Madaxweynuhu jeediyo khudbad dahab ah oo dareenka iyo shucuurta dadweynaha soo jiidata taasi oo xambaarsan xiisaha iyo xamaasada ka danbaysay gudashada xilkii weynaa ee doorashada Baarlamaanka. Hase yeeshee nasiib darro waxay u muuqatay in Rayaale ka hadlay meel khalada iyo waqti khalad ah (wrong time and wrong place). Halhays (murti) wakhtiyo hore laga soo xigtay Dirawal reer Boorama ah kadib markii uu Baabuurkiisii ku gaddoomay jidka u dhexeeya Boorama iyo Jabuuti ayaa wuxu ahaa 'Miroow u dar la iga dayni waaye, Dad waxaan siday ma wada daadiyay'. Waxay u dhigantaa in Madaxweynuhu isna sidaa oo kale is leeyahay 'Daahiroow hadal la iga dayni waaye, ma dayaamay goor daran'.

Tallaabada labaad, waxa qaaday Wasiirka Qorsheynta - Axmed Xaaji Daahir, oo waxa la yidhi Awarba, awrka horuu socodkiisa leeyahaye, sidii Madaxweynaha uun u tallaabsaday. Aamusnaan ayuu ku caydhiyay wakiil ka socday EU isagoo malaha ku xisaabtamay in xaajadu sidaa uun ku xasili doonto. Ka dibna saxaafaddii iyo mucaaridkii oo is wata ayaan waxba ula kala hadhin sidii wasiirka loo gayn lahaa gawaanka ee gudin af-weyn loogu gasaari lahaa. Taasi oo keentay inuu isaguna soo baraarugo goor danbe, kadibna noqdo sidii bahalkii biriijka ka dhacay isagoo qabtay war saxaafadeed tabtii madaxweynaha oo kale ah. Waxa laga sugayay inuu awoodda saaro caydhinta wakiilka iyo inuu sida dharaarta u caddeeyo sababaha ugu waaweyn ee dadka ka qarsoonaa ee keenay ficilkan. Inkastuu Wasiirku sheegay inuu lacag badan ninkaasi lunsaday cilaaqaadna la lahaa Koonfur Soomaaliya isla markaana uu mar danbe faahfaahin doono, waxan rajaynayaa inuu qoraal iyo qowlba si qayaxan daaha uga qaadi doono ilaa xad inta ay le'eg tahay xaq darada dhacday si loola xisaabtamo EU iyo wakiiladooda.

Weerarka uu isla markaas haddana Wasiirku ku qaaday Siillaanyo waa 'too little too late', waxay ahayd inuu mar hore la xisaabtamo wixii khalad ninkaasi gaystay illeyn xisaabi xil ma lahe. Imikase waxay u muuqanaysaa ficiltan oo hebelba dalka iyo dadkaba khalad waa ka galay oo waan ka aamusnaye, isaguna ha naga aamuso markaan wax khaladno. Hase yeeshee haddana waa baal cusub oo furmay una yaalla ummadda reer Somaliland inay mustaqbalka (Future Reference) ku hayaan maskaxda waxa lagu soo oogay Siillaanyo, haduuna isagu haatanba bilaabin inuu is maydho/difaaco.

Mar haddii Dawladi jirto, iyadaa ka masuula inay ficiladeeda iyo falalka keenayba ka feejignaato, mar walbana hal tallaabo ka horreyso mucaarid iyo muxaafid iyo mid kastaba. Hase yesshee anigu sida dad badani soo jeediyeen uma arko xal in la yidhaahdo wasiirka ama madaxweynaha midkood ama labadooduba ha is casilaan. Waxay dad badani qireen in Rayaale iyo Axmedba yihiin masuuliyiin daacadnimo, dulqaad, samir iyo hufnaan leh waxanan aamisanahay inay khaladkooda wax ka baran karaan ooy sixi karaan. Lagamana cararo dhibaatadaada oo waa la iska caabbiyaa (face your problems), sidaa daraadeed in marka khalad dhacaba la ordo oo la is casilo kuma jirto maslaxadda iyo midnimada Somaliland oo wali mayalku u adkaanin. Waxanse odhan lahaa halla ganaaxo Rayaale iyo Axmedba sidan hoos ku xusan:

Maqaal uu qoray Professor Xuseen Axmed Warsame Nageeye (Aug 05 Saylac.Com) kadib markii uu booqasho ku tegay Somaliland oo muddo dheer uu ka soo maqnaa ayaa wuxu soo xigtay laba kaftan oo dadkii baabuurka kula jiray u sheegeen: Kaftanka koowaad wuxu ahaa in markii degaanka Awdal la soo gaadhay marka dhinaca Hargeysa laga yimaado, sida waligeedba ay ahaan jirtay loo galo wado xagaaf hantaaq iyo habaq badan. Markii Profosserku su'aal ka weydiiyay, sida aanay waxba isku bedelina, waxay ku yidhaahdeen miyaanad maqal in Jidadka dalka intiisa kale leeyihiin Illaahay iyo Dawladba, kuwa ku yaala Awdalna leeyihiin Illaahay oo kaliya.

Kaftanka labaad (ood moodo inuu uba yar egyahay yahay dhacdo dhab ah) wuxu ahaa in Haweenay u dhalatay Togdheer hase yeeshee u dhaxday Awdal oo rabtay inay soo booqato reer gacalkeed iyadoo maanka ku haysay in marka loo dhow yahay degaanka beesha madaxweynaha la geli doono jid intii hore ka hannaan iyo habsami wacani ay la kulantay amakaag iyo anfariir. Haweenaydaasi mar alla markii xagaafkii loo soo galay ee xurfaddii ugu horreysay uu baabuurku kula dhacay ayay habaqdii kor u booday ooy ku hadaaqday "Allah Waan iska cafiyay Ninkani (Madaxweynaha) waa kaas 1 mile oo jid yar oo Daamur/Gaamur lehna gaadhsiin kari waayay gobolkiisee".

Gebagabada araartaydu waxay tahay, halaga cafiyo Madaxweynaha iyo Wasiirkiisaba khaladkooda oo yaan lagu qasbin inay is casilaan, hase lagu ganaaxo inay soo dhiciyaan lacagayowga ku maqan hay'adaha gargaarka, kadibna jidka laamida ah ha gaadhsiiyaan Awdal oo ilaa inta ay sidaas yeelayaan yaan laga aqbalin inay ka tagaan maamulka dalka. Kab xumo ma hadhee kab laawaa hadha, oo hadday Hargeysa laamiyo jajaban ka cabanayso, bal ka warama gobolka dhan ee bad ilaa barri aan waligii Dawlad hore iyo Dawlad dambaba gaadhsiinin hal laami oo kaliya. Waxan rajaynaynaa in ummadda Somaliland isku raaci doonaan aragtidaas.

LIIBAANA
Cabdiqani Caateeye, London - UK

Top