Mahadhadii Abwaankii Caanka ahaa ee Axmed Ismaaciil
Diiriye
'Qaasin' oo maanta ku geeriyooday Hargeysa magaalamadaxda
Dalka S/Laand
DHIRTA IYO DHEEFTEEDA*
UJEEDOOYINKA MAGACYADA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYEED
Gorfaynta Qaamuuska Cusub ee Af-soomaaliga
SUUGAANTA HAWEENKA SOOMAALIYEED KA
WEYN WAX LA CABBUDHIYO
SIYAABAHA AY SOOMAALIDU U DUCAYSATO
Mahadhada Cabdiraxmaan Faarax “Barwaaqo” oo kooban
Taabbudnimada Ereyga Magac iyo
Adeegsigiisa
|
|
Mahadhadii Abwaankii Caanka
ahaa ee Axmed Ismaaciil Diiriye
'Qaasin' oo maanta ku geeriyooday Hargeysa magaalamadaxda
Dalka S/Laand |
Eebbe Naxariistii janno ha ka waraabiyo
Qore: Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’
Axmed Ismaaciil Diiriye oo ku magac dheeraa Qaasin waxa uu ka mid ahaa
abwaannada ugu caansan maansooleyda Soomaaliyeed. Suugaantiisu waxay caan
ku tahay tayo wanaag iyo tiro goobni. Waxaan, haddaba, isku deyi inaan
qoraalkan si kooban oo tafaqyo tiran ugaga hadalo mahadhadii Abwaanka oo
geeridiisii maanta la soo sheegay, waxan isku deyi inaan suugaantiisiina
wax idinka xasuusiyo.
Qaasin, Alla haw naxariistee, waxa uu ku dhashay magaalada Mandheera ee u
dhaxaysa magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa gu’gu kolkuu ahaa 1933kii.
Miyiga ayuu Marxuunku ku barbaaray, ilaa iyo 12 jirkiisiina waxa uu ahaa
dabadhoon. Kadib Hargeysa ayaa la keenay hal kaasi oo uu ka bilaabay
waxbara shadiisii. Waxaanu wax ku bartay dugsiga Axmed gurey ee ku yaal
magaalada Hargeysa kaasi oo waagii hore la odhanjirey S. Thomson. Wax yar
kadib ayaa loo beddeley magaalada Burco oo uu waxbara- shadiisii ka sii
watey. Wuxuu uga sii gudbey Sheekh. Halkaasi oo ay wax ugu dhigijireen,
Alla ha u naxariisto labadoodaba e, Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal iyo
Maxamed Jaamac Badmaax.
Markii uu Marxuunku waxbarashadiisii dhammaystay ayuu u boqoolay dhanka
iyo magaalada Cadan halkaasi oo ay dad badan oo Soomaaliyeed deggenaayeen
kana shaqaysan jireen. Kolkii calanka la qaatay kadib ayuu Marxuunku dalka
ku soo laabtay. Waxaanu ka mid noqday shaqaalihii dawladda hoose ee
magaalada Burco.
Ma hayo caddayn sheegaysa goortii uu Marxuun Axamed Ismaaciil Diiriye
bilaabay maansada iyo maansadii u horreysey ee uu tiriyeytoona. Hayeeshee
maansadan hoos ku qoran ayuu curiyey 1957kii. Xilligaasi oo ahayd xilligii
uu socday halgankii gobonnimadoonku. Isaga oo haddaba la hadlayaa
dhallintii ay isku faca ahaayeen kuna canaanaya iney kaalintoodii gabeen
waxa uu yidhi:
Nimankii Almadar een lahaa odayaday dhaami
Isticmaarka nimankaan lahaa udubbaday saari
Ingiriiska nimankaan lahaa orodba way dhaafin
Iyaga isnoolayn kuwaan u asaraaraayey
Dhulka ololey uubaha la qoday uunka kala guurey
Ololaha colaaddiyo geyiga uuda demiweydey
Ummulaha la dooxiyo raqdaa haad ku wiirshiyey
Riyahaa ee’day idaha la qalay geela la af-duubay
Sengaa orod daraaddii dhexdu udub ka dhuubnaatay
Ummaddaa xumaataan lahaa haw arrimiyeene
Ula jeeddadoodaan arkay oo aayatiin malahe
Awr heeryadii cunaba waa lagu ogaadaaye
Imminkay af-kor utaagayaan edebla’aaneede
Imminkay Allow leeyihiin gaal isu egeyne
Isma eegto naag xumi halkay iin ku leedahaye
Ma laase waa ismoogyihiin iney obocdu hoostaalle!
Axmed Ismaaciil diiriye, Eebbe haw naxariistee, Cadan buu joogey kolkii
Calanka laga taagay magaalada Hargeysa. Dad badan oo debedaha joogay oo
imankariwaayeyna halkoodii ayey ku xuseen kuna dabbaaldegeen. Marxuunka oo
isagu dadkaasi ka mid ahaa si gaar ah ayuu u xusay. Mar la weydiiyey wuxuu
ka odhan lahaa arrintaana wuxuu yidhi:
Allow yaa Darwiishkii farriin debecsan gaadhsiiya
Allow yaa dadkaagii yidhaa dawladnimo qaaday
Allow yaa dabbaaldegiyo farax kala dul eedaama
Fardaha yaa dirkii dhooddi meer doona faracdiisa
Allow yaa darmaan farataqaan duqa u kooreeya
Allow yaa duleeddada Taleex uga dammaashaada
Dhaaxuu ku daakiray xaqoo naga dahsoonaaye
Ha daawado dadkow hiiliyo doogga soobbaxaye
Allow yaa dalluuntiyo qabriga dib uga soo saara
In dariiqadi nooshahay ooy dunida soo gaadhey
Oo dabkuu shiday rag kale dogobbo sii saaray
Allow yaa af lama daaliyee daacad ugu sheega!
Wax yar kolkii gobannimada la haystay Marxuunku wuxu saluugay sida ay wax
u wadaan raggii maamulka la wareegey. Waxaanu curiyey maansadan soo socota:
Ayaantaan dhashiyo maanta oon uurka ka cirroobey
Hashii aan intaa iyo intaa oon la daba joogey
Hashii aan aroorida cidlada ah kula ugaadhoobay
Hashii markuu adhigu jabay araxdanaw quutay
Hashii aan Amxaarka iyo Kufriga ugu unuun gooyey
Ayaantay hallawdaba hashaan daba adeegaayey
Irmaanaatay Maandeeqe waa ibo kureyseene
Innamada dhowaan ii kacaw weydin eersadaye
Carrabkiisu ruuxuu xunyahay aayatiin malahe
Namaydaan abaal marinne waana ambinaysaane
Afarteeda naas baan lahaa ubadka deeqsiiye
Ma afurin agoontii waddiyo kii ushow sidaye
NFD dhankeedaan lahaa u amar-ku-taagleeye
Arddisababa gee baan lahaa ayda doogga lehe
Iliilaha Jabbuutaan lahaa aayar soo mariye
Ood dheer ka saar baan lahaa aarka soo dhiciye
Ilaa ururka dayrtaan lahaa awrka haw tu’inne
Iimay ha daaqdaan lahaa adhaxda jiilaale
Iilkii Darwiishkaan lahaa udubka gaadhsiiye
Axan Sheekh Bashiir baan lahaa aarla’aan dhimaye
Ammuurahan isdhaafaan lahaa aakhirow tebiye
Axmed Gurey u sheeg baan lahaa iilka wuu qabanne
Oomaar dul gee baan lahaa uubti loo qodaye
Umalkeeda Maxammuud Xarbaan ka ag dhaqaaqeene
Nimanse aabbihii maali jirin looma aammine e
Waa taa abaar iyo dhulbaas u ambaqaaddeene
Ololkeedu waa iibbaxaa oogta waabberiye
Oon iyo harraad waa waxay la alwanaysaaye
Ergin iyo aroor qocondhalay adhi la daaqdaaye
Waataa ilmaha loogu xidhay geed adaahiye e
Goortaan hadhuubkow aslaa ula qalwayseene
Waxba arartu yey ila sii durkine waxan ku soo ooday
Ololii maruun baa la shidi kii arbacadiiye
Markaasaa rag iimaan qaba la egmandoonaaye
Aagaan ka buuxsada dhowaan ma arkidoontaane!
Axmed Ismaaciil Diiriye “Qaasin”, Alla hawnaxariistee, marna kuma
niyadsamaan sidii dalka loo maamulayey. Riyadiisina uma rumoobin. Isaga oo
ka niyad jabsan maammulladii dalka isaga dambeeyey dad weynahana ku
boorrinaya inaanay rajo beelin waxa uu mariyey maansada la yidhaa Saadaal.
Waxaanu yidhi:
Dayaxaa la kala boobayaa iyo dirirkii cawleede
Dabagaabihii laga carceer dunina yeelkeede
Xiddigtii Dagaariyo la dhaaf diilintii Gurey e
Dibbaa laxaha loo eegayaa sacana waa daaf e
Duqii samada lagu sheegayiyo dide cirjiidhiiy e
Dabaylaha rag baa kala yaqaan dawga loo maro e
Hadba waqalka dihin Ruushku waw doogsin cararaaye
Daruuraha la weeraray nin ogi dan uga faallooye
Ha yeeshee dabkeedu ha ba'ee doqoni waa mooge
Nin da'adiisu meeshaa tagtay oo daallan baa ahaye
Daab gudimo weli sooma jarin wiilashaan diray e
Halka dunida lagu geeddi yahay dayiba maysaane
Ummaddii daryeel weli ma helin daacadda ahayd e
Sidii bay u dooyaysan tahay damashii weyneyd e
Sidii bay duleeddada dhar li'i ugu dabjeexaane
Sidii baa dugaag uga gurtaa daaqa xoolaha e
Sidii baa duddada aar dhaciyo dacaw u joogaane
Sidii baa Dagaalow biyaha loo dawariyaaye
Sidii bay degmadu ceelashii ugu darleeftaaye
Sidii bay u dabagoosi tahay haradii Dooloode
Oo weliba dibindaabyo iyo diriri joogtaaye
Waa kaa dareersaday Amxaar dayr cadkii dhalaye
Dembi ku hadli maayee ma arag dawladdaan rabaye
Isma doorin gaalkaan diray iyo daarta kii galaye
Dusha midabka Soomaalibaad dugulka mooddaaye
Misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Karal e
Meeshaan dad aan urursho iyo darar ka eegaayey
Iyaba waa darxumo ii hadhaye dacar miyaan leefay
Ma dorraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay
Sidii oon dayeysnahay miyaan dawgii ka hallaabay
Waxba hadalku yuu ila durkine waxaan ku soo duubay
Maruun buu daf soo odhan nabsigii diinku soo sidaye
Maruun bay daruur caafimaad dooxa soo rogiye
Dirridaa abaarta ah marbaa doog ka soo bixiye
Dibjirka iyo mar baa reer miyigu daasadaa qubiye
Maruun buu digiigixan raggii daallanaan jiraye
Uu dabar-dambeedka iyo dhitiyo diidi keenada e
Maruun buu daboolka iska rogi doob la quudhsadaye
Dibnihii shakaallaa mar baa doodda loo furiye
Markaasaa la deydeyi xaqii naga dahsoonaaye!
Mar kale oo uu Marxuunku saluugay sida uu Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (
Naxariistii Janno Alla ha ka waraabiy isna eh), oo kolkaa ahaa Ra’iisula
wasaarahii Soomaaliya, wax u wadana wuxuu yidhi:
Tabtaa ina Cigaalow waddaan tacab qasaaruun dheh
Tartan meelna aan gaadhiniyo turuqyo daaluun dheh
Tamashlaha aan meel looga dhalan tookh u socodkeeda
Toddobaad waxaan gaadhiniyo tuhumo beenaad dheh
Dhammaan Ciisa Musaha tadhahay ee taajka wada qaatay
Taariikh Isaaq ugu horloo maanta timid uun dheh
Toddobadan aad soo doorateen taran haddaad mooddey
Tukayaal hormuud laga dhigiyo toxoble daayeer dheh!!
Afartaa tacliintaan bartiyo tix iyo geeraar dheh
Tiiqtiiqsi hadal loo yidhoo tudhis la'aaneed dheh
Tol-yaraha hubkii dili jiriyo toorri iyo seef dheh
Toban guuradaan nabadgelyada taabka ku adkeeyey
Aan talada kaa qayb gashey baad tahar i goyseene
Habar Yoonistii lagu tuntiyo Ciidagale toos dheh
Mar hadday tolniimadii horiyo talawadaag diidey
Nin walbaa wuxuu taransadiyo tab iyo xeeshii dheh!
Wuxuu Marxuunku Burco iyo Hargeysa isaga dab qaadaba waa dambe ayuu Xamar,
oo ahayd Magaalamadaxdii dalka, booqasho ku gaadhay. Intii uu, haddaba,
Xamar joogay waxa la soo xidhiidhay nin ay walaal yihiin oo la yidhaa
Maxamed-Kayd. Waxaanu weydiiyey sida ay Xamar ahayd kolkaa iyo wixii uu
kala kulmay. Isaga oo arrintaa ka warcelinaya wuxuu Marxuunku yidhi:
Mugdi baan ka gacan haadiyaa Maxamekeydowe
Maangade abaara iyo dirri baan maax ka deyaaye
Geel baan maqaarka u sidaa midi ka dhiiqeyne
Soomaali midab doorsantaan meeday leeyahay
Rag musbaar dhegaa kaga jiraan maqal ka tuugaaye
Milicdaannu sheekaysannaa maalin abidkeede!!
Axmed Ismaaciil Diiriye wuxu ahaa nin qoloqolaysiga neceb. Waxaanu u
arkayey inaan meel lagu gaadhahayn. Doorashooyinkii dalka ka dhicijirey
buu nin ay walaal yihiin oo lagu naanayso Sanyare ku biiray ururkii
leegada (SYL) isaga oo u arkayey inuu walaalkii ururka qolo ahaan ugu
biiray si uu u taageero Xaaji Ibraahin Cismaan Food (Basbaas) oo ka
sharraxnaa ururka. Isaga oo haddaba la hadlaya Sanyare waxa uu yidhi:
Sanyarow dharkayn lama cuno iyo midho dhunkaaleede
Dhandhamooyin badan baa jiroo aad ku dhimataaye
Dhereg ma laha dhuuniga xuneen cunaha dhaafeyne
Hal libaax dharqaday uu jidhiyo dhiigba ka idleeyey
Haw dhuran dhurwaagii laftuu dhuuxay eersadaye
Dhagar aanad gelin Aw Basbaas* yuu ku dhaxalsiinne
Dhexda yaanu maro kuugu xidhin dhiig tif leeyahay
Dhulka niman samaantiisa wadin yaan lagaa dhigine
Dhiinraac ha noqon adigoo dhawr gu’ soo jiraye
Dhalanteed xareed waw egyahaydheehashada guude
Dhegley lagama soo daro oowaa dhamac Kaliileede
Adiguna dhabada weecsinta ah dhaanka haw rarine!
Marxuunka oo dhallin yaro ah ayaa ka qayb galay gar odaayaal jilbaha isu
aasteen. Markii garti dhammaatay ayey odayadii oo ka yaabbanaa sida uu
arrinka u wadey iyo sida uu arrinta jidkeedii u mihiibsiiyeyba ku
yidhaahdeen, “Waar waxaannu ku moodayney dhallinyaree arrimahanna miyaad
gashaa?” Weydiintaa isaga oo ka warcelinaya ayuu curiyey maansada caanka
ah ee la yidhaa Macaan iyo qadhaadh. Isaga oo odayaashii la hadlaya
naftiisana tilaamaya wuxuu yidhi:
**Dacartuba marbay malab dhashaa ood muudsataa dhabaqe
Waxan ahay macaan iyo qadhaadh meel ku wada yaalle
Midigtayda iyo bidixdaydu waa laba mataanoode
Midi waa martida soora iyo maata daadihise
Midina waa mindiyo xiirayiyo mur iyo deebaaqe
Masalooyin talantaalliyaan maandhow leeyahaye
Nin majiira keliyuun qabsada hay malaynina e
Marbaan ahay muddeec camal san oon maagista aqoonne
Marna macangag laayaanahoo miiggan baan ahaye
Marbaan ahay muftiga saahidnimo mawlacaw gala'e
Marna Mukhawi waashoo xumaha miista baan ahaye
Marbaan ahay nin xaaraan maqdaca marin jidiinkiise
Marna tuug mu'diya baan ahoon maal Rasuul bixinne!
Marbaan ahay maqaam awliyaad maqaddinkoodiiye
Marna mudanka shaydaanka iyo maal jinbaan ahaye
Marbaan ahay murtiyo baanisaba madaxda reeraaye
Oo ay weliba muuniyo dulqaad igu majeertaane
Marna reer magaal Loofaroon muuqan baan ahaye!
Waxan ahay nin midabbeeya oo maalinbays roga e
Muuqaygu gelinkiiba waa muunad goonniyahe
Miisaanna ima saari karo nin i maleeyaaye
Muslinka iyo gaalada dirkaba waan micna aqaanne
Malaa'iigta naartiyo jannadu waygu murantaaye
Ninkii maalmo badan soo jiree madaxu boosaystay
Ee inan rag maamuli yiqiin waa i maan garanne
Ninkastaw halkii kuula mudan ee ay muhato laabtaadu
Ee aanad madaddaaladeed ugala maarmaynin
Iska soomar waa kuu bannaan marinkad doontaaye!
Intii uu maammulkii Maxamed Siyaad Barre cadaadiska ku hayey waqooyiga
Soomaaliya suugaan badan ayuu Marxuunku curiyey. Waxana ka mid ah maansada
la yidhaa Hargeysa oo uu curiyey 1984kii. Isaga oo Qaasin ka yaabbanaa
sida loo galay magaaladii Hargeysa iyo dadkeedii hormoodka u ahaa
goban-nimadii uu wax badan u calaacalay una soo halgamay ayuu yidhi:
Hargeysaay anaa kaa hurdee laguma haysteene
Haddaan soo hanbaabbirilahaa heec ma noqoteene
Horaad dacara kuma nuujiseen hooya beenihiye
Halaq iyo abees kuma gam'een hadhacyadaadiiye
Huluulaha col kuuguma jireen soo hamaansadaye
Hantidaada muu weerareen horor wax boobaaye
Hareertaada lama soo fureeen haaway doobadahe
Haweenkiyo carruurtaad lahayd lama halgaadeene
Hablahaaga muu guursadeen haybti garanwaaye
Hog dalluuna kama qayliyeen hanaddadaadiiye
Hanuunshiyo indheergaratadii hode ma dhaafeene
Hadhaa laguma sheegeen raggii noo horrayn jiraye
Hoos looma eegeen kuwii hawlkarka ahaaye
Hoosaasiyaal uma shireen horumarkaagiiye
Maad hoos dhigteen labada sacab hooge baadiyahe
Habro looma doorteen golii haybadda lahaaye
Hiirtaanyo iyo ciil wadnuhu ima hiqleeyeene
Haasaawaha iyo sheekadii lama hagoogteene
Ninna hadalka kama dhawrsadeen kuu hagaag bido e
Hootada afaysani boqnaha igama heerteene
Dhammaan hooballadi may qaxeen hibadu saarrayde
Hogyaqaannadaadii murtida lama halleeyeene
Heesaagi lama quudhsadeen hiray cadaawaaye
Hayeeshee habeen guulleh baad heli ayaan dhowe
Had aan sii fogeyn waxad sugtaa heego iyo roobe
Hillaac caafimaadbaa ku mari hogol daruureede
Heeryada ragbaa kaaga furi hub iyo baaruude
Hiddo-dhalad wixii aan ahayn waa lagaa hudine
Hor ilaahay waan kaa xorayn hawshan kuu timiye
Insha-Allah hooy nabadgelyaa lagugu soo hoyne!!
Ugu dambayntii, Axmed Ismaaciil Diiriye, oo maanta ku geeriyoodey
magaalada Hargeysa innagama dhiman ee wuu innaga abraaray. Inta
maansadiisu jirtana magaciisu wuu jiridoonaa. Kama danbayntii, bahda Hal-aqoon
waxaay halkan uga soo baroordiiqaysaa dhammaan qoyskii, xigaalkii iyo
dadweynaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba. Waxaanay leeyihiin
Eebbe naxariistii Janno ha ka waraabiyo Marxuunka innagana dhammaanteen
samir iyo iimaan haynaga siiyo. Aammiin
* Xaaji Ibraahim Cismaan Food oo loo yiqiin “Basbaas”, Alla ha u
naxariistee, waxa uu ahaan jirey mudane ka tirsan golihii baarlamaanka
Soomaalida. Dawladdii Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxuu ka ahaa wasiirka
Baayac mushtarka
**Maansadaasi waxay ka mid tahay maansooyin farabadan oo uu af-ingiriisi u
haltebiyey Prof. B.W. Andrzejewski kuna soo saaray buuggiisii ugu
dambeeyey ee uu saaro magaciisana la yidhaa:
An Anthology of Somali Poetry lana qortay Marwo Sheila Andrzejewski.
*** Qoraalkan wuxu markii u horreysey ku soobaxay warsidaha Hal-aqoon
tirsigiisii 1aad iyo 2aad ee xidhmadii IIaad.
Top
Cabdiraxmaan C. Faarax ‘Barwaaqo’
Dhir la’aani waa nolol la’aan. Si kale haddaan u nidhaana, dhir la’aanteed
nololi ma jirteen. Dhirtu kolka ay dheef-samaysiga ku jirto, waxay
siiddeysaa neecawda loo yaqaan O2 ee sankuneefluhu neefsado, la’aanteedna
aanu noolaan karin. Waxay iyana (dhirtu) dib u qaadataa neecawda
sankuneefluhu siiddaayo ee loo yaqaan CO2. Sidaasi darteed, iyana
la’aanteen may jirteen. Isku tiirsanaantaa ka sokow, dhirtu waxtar gaar ah
ayey dad iyo duunyaba u leedahay. Qorraxda waa laga hadhsadaa. Roobkana
waa laga jirsadaa. Gawdhaha iyo gabadanada gabbood baa laga dhigtaa.
Midhaha iyo caleentoodana dad iyo duunyaba waa la cunaa oo waa lagu
noolyahay. Waxtarka dhirtu innoo leedahay waxa kaloo ka mid ah: Qoryaha
guryaha lagu dhiso iyo kuwa laga dhisaba ayakaa laga jaraa. Kuraasta,
miisaska, iyo sariirahana waa laga qoraa. Warqaadaha wax lagu qoro iyo
kuwa aan wax lagu qorinba ayakaa laga sameeyaa. Weelka wixii qabo ah
dhirtaa laga sameeyaa, wixii qoriyana iyadaa laga quraaraa.
Deegaanka qudhiisa waxtar gaar ah ayey dhirtu u leedahay. Roobka ayey soo
jiidataa. Biyahana dhulka ayey u qabataa. Dhul aan biyo lahayn, dhir iyo
baadtoona kama baxo, oo waa lama degaan, dad iyo duunyana cidi kuma
noolaan karto. Sidaasi awgeed ayey lagama maarmaan u tahay in la ilaaliyaa
dhirta.
Waxtarkaa guud ka sokow, waxa, haddaba, xusid gaar ah mudan in la tilmaamo
waxtarka gaar aheeneed ee ay dhirtu reerguuraaga Soomaaliyeed u leedahay.
Qoraalkan koobanna, waxaannu wax yar kaga ifini dhawr geed oo ka mid ah
dhirta ay reerguuraaga Soomaaliyeed sida aadka ah wax uga taransadaan.
Waxana dhirtaasi ka mid ah:
Galool (-ka): Galoolku waa geed ka mid ah dhirta dhaadheer ee ka baxda
dhulalka Soomaaliyeed. Waxaanu ka mid yahay dhirta ay Soomaalidu sida
aadka ah wax uga taransato. Waa geed hadh wanaagsan oo hadhac ah leh.
Maydhaxdiisu waa macaan waana la calashadaa, waxana laga soohaa xadhkaha
ay reer miyigu wax ku qabsadaan badidooda. Waxaanu leeyahay robog macaan
oo la cuno. Asalka dhiilaha iyo haamaha la geliyo, ama guud ahaan wixii
qabo ah ee la layeynayaba, isaga ayaa laga saaraa. Udbaha, hangoollada,
daabgudimooyinka, iyo samayaha warmaha, hootooyinka iyo murjinnadaba isaga
ayaa laga goostaa, iyada oo loo arko ama loo raacayo adayg uu dhirta kale
ka adagyahay.
Midhaha uu geedkaasi bixiyo oo layidhaa dhimbiil waxa cuna xoolaha.
Qodxihiisa qaar ka mid ah oo layidhaa cambuul waxa la cunaa xilliyada
gu’gii kolka uu dhulku barwaaqada yahay. Kolkuu geedku engego, xaabo ayaa
laga dhigtaa oo waa la shitaa.
Laamaha maydhaxda laga diirto oo diirashi ama jawdheer loo yaqaan -na,
weelka ayaa lugu cushaa kolka meygaag ama jiic la waayo.
Geedkaasi magaciisa waa laysugu naanaysdaraa. Ninkii dherer iyo dhuubni
isku darsadaana loo bax -shaa galool. Dulucdu waa tiiyoo lagu tilmaamayo
inuu ninkaasi yahay ku dheer oo dhuuban una adadag sida galoolka.
Dacar (-ta): Waa geed abaareed gaaban oo dhego waaweyn leh. Dhee caan
qadhaadh baanu leeyahay. Dhee -caankaasi dawo ahaan baa loo cunaa. Intaan
dawada cusubi soogaadhin carro-edeg, geed kaas dheecaankiisa ayey
Soomaalidii hore ka leefijirtey qaniinyada kaneecada si aanu ugu dhicin
cudurka duumadu. Kolka uu engego waxa lagu madoobeeyaa xadhkaha, badhooqda,
dufka iyo maydhaxda kebdaha iyo hararkaba lagu sa meeyo. Xilliyada
barwaaqada, geedkaasi waxa uu bixiyaa baal-dacar kaasi oo uu ku samaysmo
dhabaq. Dhaba -quna sida la wada ogsoonyahay waa macaan. Axmed Ismaaciil
Diiriye oo ‘Qaasin’ ku magacdheerina waa kii lahaa:
Dacartuba mar bay malab dhashaa ood muudsataa dhabaqe
Waxan ahay macaan iyo qadhaadh meel ku wadayaalle!
Badiyaana waxa la dhabaqsadaa aroortii inta ay qaboonada ta-hay. Haddaba
geedkan waxa loogu naanaysdaraa ninkii labadaa arrimood ee geedkaasi
leeyahay laga wada helo. Ujeeddadu waa tiiyoo lagu tilmaamayo inuu ninka
loo baxshaa yahay mid ba’an, marna uu yahay nin macaan oon waxtarkiisa iyo
wanaaggiisa toona laga xiisagoyn. Naanaystani goonni wey isu taagtaa,
magaca qofkana way ku ladhantaa sida: Cabdi-dacar.
Jaleelo (-da): Waa geed yare dhulka korkiisa ku fida oo waxtar badan. Laba
jaad ayaanu u kala baxaa. Waxana la kala yidhaa jaleelo adhi iyo jaleelo
geel. Midhaha geedkaasi waa la cunaa. Caleemahiisana dawo ahaan baa loo
adeegsadaa, kolka ay qoyanyihiin iyo kolka ay qallalanyihiinba. Kolka ay
qoyanyihiin waxa layskaga daweeyaa cudurka maqaarka sare ku dhaca ee loo
yaqaan qawedka ama cambaarcadka. Kolka ay qallalanyihiinna kubadhagaxowga
ayaa lays kaga daweeyaa oo waa laysku dacarbaxshaa.
Shamkax (-da): Geed gaab aad u yar oon dhulka wax badan ka kicin. Waxaanu
ka mid yahay dhirta qadhaabka leh ee ka baxda dhulka Soomaalida. Midhaha
geedkaasi waa la cunaa waana wax dhadhan wa naagsan. Waxa kale oo geedkan
loo yaqaan Shabkax.
Xig (-ga): Xiggu waa geed abaareed gaaban oo dacarta la bah ah. Waxa kale
oo loo yaqaan Xaskul. Waxaanu leeyahay caleemo dhaadheer oo gunta u
ballaadhan, xagga horana u dhuuban, caaradana qodax ku leh. Waxa laga
soohaa xadhko badan oo adadag oo ay reer guuraagu adeegsadaan. Tusaale
ahaan gararka, hoggaamada, dabarrada, lugcaarrada, iyo dhegaatiyadaba
xigga ayaa laga soohaa.
Xangeeyo (-da): Waa geed abaareed aan qodax lahayn oo gaaban. Waana la
cunaa. Qaboonada hore ayaanay fii-cantahay in la cuno. Kolse haddii ay
barqo kulul noqoto dhandhankiisu wuu isbeddelaa oo biyo-biyo ayuu noqdaa
lamana cuni karo. Waxa kale oo laga dheegtaa xanjo la calashado oo aad u
tayo fiican. Laamahiisa waa la dhuunbaxsadaa. Dhuumahaasina caanahaa lagu
dhamaa ama biyaha ayaa moqorrada lagaga cabbaa. Maahmaah Soomaaliyeed
baana tidhaa, “Dhuunbaa af iyo moqorba og.”
Quwaax (-a): Waa geed aan gaabnayn weyneynna oo dhuux jilicsan. Waxa laga
qoraa wanantumayaasha, digo-xaadhada, furarka weysooyinka, iyo qunbayaasha,
iwm.
Uneexo (-da): Waa geed gaab yar oon qodax lahayn kana mid ah dhirta laga
qadhaabto. Midhihihiisu waxa ay u eg yihii kan afka qalaad loogu yaqaan
“Cucumber”, wayse ka macaan yihiin.
Moxor (-ka): Geed ka mid ah dhirta xijiga loo yaqaan oo ay xabagta udgoon
ee beeyada layidhaa ka baxdo.
Gud (-da): Waxa kale oo geedkan loo yaqaan geedyicib. Waana geedka ay
midhaha yicibta loo yaqaannaa ka baxaan. Midhaahaasi waa la cunaa waanay
nuxur badan yihiin. Waxa kale oo laga qoraa kooraha geela lagu xidho.
Kooraha geedkaasi laga qoraana way ka dhawaaq dheer yihiin kooraha dhirta
kale laga qoro.
Hohob (-ta): Waa geed bixiya midho la qadhaabto oo macaan una eg kuwa
gommoshaaga kase yaryar.
Gommoshaa (-ga): Geedgaab aan sidaa u weyneyn abaartana u adkaysta oo
caleemo balballaadhan iyo midho ma-caan oo la cuno leh. Waxa kale oo loo
yaqaan gomosh.
Duur (-ka): Geed ka mid ah dhirta Soomaaliya ka baxda oo ulo dhuudhuuban
oo dhaadheer oo xubno leh u badan. Waxana laga sameeyaa aloollada iyo
dhiriqyada. Waxa kaloo laga samee yaa dhammaan loolka ama xakabka qofba
sida uu u yaqaan ee aqal-soomaaliga lagu dhiso.
Xabakow (-ga): Geed abaareed gaaban oo qodxo yaryar leh oo aan dhulka wax
weyn ka kicin, laamo buurbuuran oo wada hilib iyo biyo ahna leh. Waana la
cunaa. Aroorta hore dhadhan macaan ayuu leeyahay. Kolse haddii cadceeddu
diiriso dhadhankiisu waa is beddelaa oo lama cuni karo.
Marooro (-da): Waa geed abaareed aan qodax lahayn oo la bah ah xan-geeyada.
Waa ka jilicsan tahay kana hilib badan tahay xangeeyada, waa-nay ka
macaantahay.
Guryafan (-ka): Geed gaab loo adeegsado dawo ahaan. Xididkiisa ayaana
laysku daweeyaa.Waxana lagu da- weeyaa cudurka qodaxda loo yaqaan. Dad
badan baa rumaysan inuu geedkaasi yahay geed jinni. Kolka, haddaba,
xididka geedka la soo saarayo waxa loo diraa haweeney da’ weyn oo dhalmo-days
ah ee looma diro inan iyo haweeney da’da yar toona. Waxana laga baqa qabaa
inuu jinkaasi ubadka ka layndoono haweenkaa iyaga ah.
Gacayro (-da): Geed abaareed yar kana mid ah dhirta la qadhaabsado.
Qaboonada hore dhanaan macaan oo aad loo jecelyahay ayuu leeyahay. Kolse
haddii barqada la gaadho dhadhankiisu wuu doorsoomaa oo lama cuni karo.
Yagcar (-ka): Geed ka mid ah dhirta xijiga loo yaqaan ee xabagta udgoon
dhasha. Xabagta geedkaasi ka baxdana waxa layidhaa mayddi.
Kulan (-ka): Geed ka baxa gubanka, oo qodxo leh una eg kidiga. Waxaanu
bixiya midho macaan oo la cuno. Mi-dhahaasi kolkay bislaadaan waxa la
yidhaa dhuwan. Kolka aanay bislaan waa la dubtaa aadna way u macaan yihiin.
Waxa kale oo geedkan loo yaqaan shillin.
Meygaag (-ga): Waa geed madow oo aan qodax lahayn oo caleemo aad u yaryar
bixiya. Kolka uu qallalo waxa lagu culaa (cugaa) weelka sida haamaha
caanaha lagu dhiteeyo iyo kuwa lagu luloba, dhiilasha, gorofyada iwm.
Wiilasha waa loogu magac daraa geedkani. Wiilka loo baxsho meygaagna waxa
lagu tilmaamayaa inuu yahay wiil u madow sida geedkaasi.
Kidi (-ga): Waa geed la bah ah kulanka oo leh xabag wanaagsan oo hah leh
xanjana waa laga dhigtaa. Kolka uu qallalo sida meygaagga ayaa weelka lagu
culaa.
Maraa (-ga): Waa geed ka mid ah dhirta waa weyn ee qodaxda leh ee ka baxda
dhulka Soomaalidu degto. Geedkaasi waxa uu bixiyaa xabag madow oo maalay
la yidhaa. Mana la cuno. Haddii la cuno waa lagu dhego beelaa baa la
yidhaa. Maydhaxdiisana lama calashado. Hayeeshee, roboggiisa waa la cunaa.
Xabagtiisa ragga ayaa loogu naanaysdaraa. Waxana loo bixiyaa ninka madow.
Taasi oo lagu tilmaamayo inuu ninka loo bixiyaa yahay mid u madow sida
xabagta maraaga (maaleyda). Xididdada geedkani ayaa waxtar weyn u leh
reerguuraaga Soomaaliyeed kuwaasi oo laga saaro
dhigaha guryaha laga dhiso iyo saababka haamaha lagu saababa.
_____________________
*Qoraalkani wuxu ku soobaxay warsidaha Hal-aqoon xidhmadiisii 1aad,
tirsigiisii 3aad ee gu’gii 2001
· Waxa laga yaabaa in dadka qaar si kale oon ahayn sida aan halkan ku
qoray ay dhirta qaarkeed wax uga taransadaan. Si haddaba loo dhammaystiro
dheefta geedka aad sida kale wax uga taransataa, wax haboon inaad noo soo
gudbiso si aannu ugu darro qoraallada dambe.
Top
UJEEDOOYINKA MAGACYADA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYEED* |
Cabdiraxmaan C. Faraax ‘Barwaaqo’
Hal_aqoon@yahoo.com
Qoraalkani wuxuu ku soobaxay tirsigii 3aad ee warsidaha Hal-aqoon.
waxaanan wax yar kaga taataabtay ujeeddooyinka magacyada magaalooyinka
Soomaaliyeed qaar ka mid ah. Qoraalkan iyo kuwo kale oo dabasocdaba waxan
ugu talagalay inaan ku dareensiiyo dadweynaha Soomaaliyeed inaanay
murtideennu ku koobnayn maansada oo qudhe ee ay jiraan dhinacyo kale oo
murtida ku jirta aan laga xiiso gooyn karin loona baahan yahay in loo
dhugmo yeesho. Waxa lagayaabaa iney jiraan aragtiyo kale oo ka duwan kuwa
aan halkan ku xusidoonaa. Haddaba, haddii aad hayso aragtiyo kale oo ka
geddisan kuwa aan halkan ku xusay waad noo soo dawin si dadka loo
gaadhsiiyo. Hadal iyo dhammaantii waxa magacyada aan idiin xulay ka midah
:
Jabbuuti:
Waa magaalo madaxda dalka Jabbuuti oo waagii hore la odhan jirey Xeebtii
Soomaalida, markii dambana loo bixiyey Xeebtii Canfarta iyo Ciisaha.
Magaca Jabbuuti markiisa hore waa Jabbuti. Waana mid lamman. Waxaanu ka
kooban yahay labada qaar ee kala ah Jab iyo Buti. Jabku waa guuldarro.
Butina waa madaxkuti. Ujeeddadu waa kobtii ama meeshii ay butidu ku
jabtay(ay ku guuldarraysatay) ama lagu jebiyey. Magacaasaana isu beddeley
Jabbuuti.
Markuu qoraalkani soobbaxay kadib waxa warqad ii soo dawiyey nin la yidhaa
Suleymaan jaamac Xirsi oo deggan magaalada 'johannesburg' ee dalka Koonfur
Afrika. Wuxu ninkaasi ii sheegay in dadka canfarta ihi digsiga wax lagu
karsado u yaqaanniin yubuti markaa sida aan maqlay buu yidhi, Waxa la
yidhi markii faransiisku yimid dhulkaas ayaa maalin maalmaha ka mid ah
waxay la kulmeen nin denkeli ah oo meel fadhiya. Ninkaasi wuxuu ku kor
fadhiyey digsi uu sitey. Dabadeed ninkii caddaa ayaa weydiiyey dhulkan
magaciisa. Denkeligii wuxuu u qaatey in la weydiiyey waxa uu ku fadhiyo.
Wuxuuna ku warceliyey (AH JUBUTI), taas oo ujeeddadeedu tahay digsigaygii.
Runtii waa aragti xiiso leh oo mudan tixgelinteeda. Sidaasi darteed baa
magaca magaalada dhawrkaasi siyood loogu kala micneeyaa.
Boorame:
Waa magaalamadaxda gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Soomaalilaand. Magacu
waxa uu ka soo jeedaa ereyga booraan oo wadartiisu tahay booraamo.
Booraantuna waa bohol. Booraame waa booraamaley. Haddii aan si kale u
nidhaana waa meeshii booraamaha badan lahayd.
Buuhoodle:
Magaalo yar oo ku taal gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Soomaalilaand. Magacu
waa magac lamman. Waxaanu ka kooban yahay qaarka hore ee ah Buuhood oo ah
meesha jilicsan ee biyo fadhiisinka ah, iyo qaarka dambe ama nudanaha "Le"
oo ah mid togan ujeeddadiisuna tahay lahaade. Dulucdu waa meeshii
buuhoodka lahayd.
Ceerigaabo:
Waa magaalo madaxda gobolka Sanaag. Magacuna wuu lamman yahay. Waxaanu ka
koo banyahay labada qaar ee kala ah ceeri iyo gaabo. Ceerigu waa meesha
biyo fadhiisinka ah. Ujeeddada magacuna waa meeshii gaabnayd (ama ceerigii
gaabnaa) ee ay biyuhu fadhiyeen.
Faanoole:
Ugu horrayn, Faanoole waa tuulo yar oo ka tirsan gobolka shabeellada hoose
ee koonfurtii hore ee Soomaliya. Waxaanay caan ku noqotay biyo-xidheen la
rabay in laga dhiso, kaasi oo aan hirgelin. Haddaba qaarka hore ee ereyga
ama magaca oo ah faan laba ujeeddo ayuu leeyahay. Mar waa tookha, oo waata
la yidhaa “nin is faanshay waa ri isnuugtey”. Marka kalana waa foolka
maroodiga. Ujeeddada magacuna tan dambe ayey ku dhisaalan tahay. Haddaba,
Faanoole waa meeshii faanka maroodiga lahayd ama foolka maroodiga badnayd.
Halkaana waxa aynu ka garan karraa in meesha ay tuuladu ku taal tahay ama
ahaan jirtey meel maroodigu ku badan yahay. Sida magaca loogu bixiyeyna ay
sidaa tahay.
Garbahaarrey:
Waa magaalamadaxda gobolka Gedo, kaas oo laga dhambalay gobolkii loo
yiqiin Jubbada sare, ee koonfurta Soomaaliya. Magacu waa mid lamman.
Waxana loo kala qaari karaa ‘Garbo’ iyo ‘haarre’. Garbadu waa gebiga ama
jarka. Haarrana waa jaad ka mid ah, baa la yidhi, jaadadka masaska ku nool
Soomaaliya. Maskaasi oo sida la weriyey ah mid booda. Dulucda magacu waa
garbadii haarraha lahayd. Si kale haddaan u nidhaana waa gebigii maska
haarrahu joogey. Waxa kale oo naloo sheegey in ereyga ‘haarre’ yahay erey
af-oroomo ah. Ujeeddadiisuna tahay dameer. Dulucda magacuna tahay meeshii
ama gebigii ay dameeraha badani joogeen. Ereygaasi kolkii aannu ka
baadhnay abwaan af-oroomo iyo af-ingiriisiya oo yaalla qolka kaydka
buugaagta ee Jaamacadda Carleton ee magaalada Ottawa waxaannu soo hubinay
iney aragtida dambe dhab tahay.
Gebiiley:
Waa magaalamadaxda degmada Gebiiley ee gobolka Hargeysa. Gebi waa jar ama
garbo qofba sida uu u yaqaan. Gebiiley waa meeshii gebiyada badan lahayd.
Magaalada oo ku taal dooxada qalax loo yaqaan ayaa, run ahaantii, ah mid
gebiyo badan. Sidaasi awgeed ayuu magacu u tilmaamayaa meesha ay magaaladu
ku taal.
Hargeysa:
Hargeysa oo loo yaqaan Herer, waxay ku taal dooxa la yidhaa Maroodi jeex
ee ka soo rogmada buuraha Golis. Waxaanay ahaan jirtey magaala-madaxdii
labaad ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya dagaalkii sokeeye ka hor. Haatanna waa
magaalamadaxda Jamhuuriyadda Soomaali laand. Ujeeddada magaca magaalada
dhawr siyood baa loo sheegaa. Dadka qaar baa yidhaa ereygu waa af-oroomo.
Waana geedka dacarta loo yaqaan. Haddaba, jiidda ay magaaladu ku taal oo
dacar miidhan ah awgeed ayaa sidaa loogu bixiyey. Dar kale ayaa aragtidaa
ka soo horjeeda oo yidhaa ereygu waa Af-soomaali waa na Harga geys.
Ujeeddaduna waa meeshii hargaha la geynayey ee lagu iibsanayey ama lagu
kala iibsa-nayey. Qolo kale ayaa tidhaa ereygu waa Harar geys. Dadka
aragtidan qabaa waxa ay leeyihiin waxa ay magaaladu ku taal jid isku
xidhijirey Berbera iyo Harar, taasi oo ay ujeeddadu tahay tii isku
xidheysey Berbera iyo Harar, haddaan si kale u nidhaana waa tii Harar ku
geyneysey.
Laascaanood:
Waa magaalamadaxda gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Soo- maaliland. Magacu
waa mid lamman. Waxaanu ka kooban yahay ‘laas’ iyo ‘caanood’. Ereyga laas
waa ceel yar. Ceel sida lagu yaqaan biyo ayuun baa loogu tagaa. Ha-yeeshee,
kani waa mid caano ah. Waxa haddaba is weydiin leh sida uu ceelkaasi ku
noqoday mid caano ku jiraan? Warcelintu waxay tahay inaan ceelku ahayn mid
caano ku jiraane uu yahay mid ay xoolo fara -badani ka cabbaan oo ay had
iyo jeer dul tuban yihiin. Meel xoolo joogaanna caano way yaallaan.
Sidaasi darteed ayaa magacu si sarbeeb ah u tilmaamayaa inuu laaskaasi
yahay ku goor kasta ay xoolo dul joogaan caanana laga helo.
Wanle weyn:
Waa tuulo yar oo ku taal jidka u dhaxeeya Afgooye iyo Buur xakaba. Waxa
kale oo loo yaqaan Daafeed. Waxay tuuladasi soo caan baxday 1960kii kolkii
loo codaynayey xeerkii dalka ee la dejiyey kolkii ay labadii gobol ee
Soomaaliya iyo Soomaalilaand la kala odhan jirey isku darsadeen.
Tuuladaasi oo aanay dadkeedu badnayn waagaa ayaa la sheegay iney ka
codeeyeen 9999 qof. Dadka reer Soomaalilaand oo ka soo horjeedey xeerkaasi
ayaa arrintaa aad ula yaabay. Waana kolkaasi marka magaca Walle Weyn uu
reer Soomaaliya u baxay. Ereyga wanle dadku aad uma aqoon waxaanay
uqaateen in magacu yahay Walle. Arrintu siday doonto ha noqotee,ereyga wan
waa caano. Wanle Weynna waa caano weyn ama waa meeshii caanaha badnayd.
Magaca magaaladuna maaha Walle Weyn sida ay dad badani u haystaan ee waa
Wanle weyn.
___________________________________
* Wuxu qoraalkani hore ugu soobaxay warsidaha Suugaanta iyo dhaqanka
Soomaaliyeed ee Hal-aqoon, tirsigiisii 3aad ee Xidhmada 1aad, gu'gu kolkuu
ahaa 2001. Waxa kale oo uu ku soo baxay degelka farshaxan.com
Top
Gorfaynta Qaamuuska Cusub ee
Af-soomaaliga |
Cabdiraxmaan Faarax "Barwaaqo"
Hal_aqoon@yahoo.com
Bilawgii 2004ta waxa qoraal lagu faafiyey degellada iyo ardaayada ay
Soomaalidu ku leedahay internetka. Qoraalkaas waxa soosaaray Agaasimaha
Machadka Afafka ee Xarunta Cilmibaadhista dalka Jabbuuti, waxaanu tibaaxay
inuu Machadku soobandhigay Qaamuus cusub oo uu soo ururiyey Saalax Xaashi
Carab. Qoraalkaasi waxa kale oo uu ku baaqay in wixii talo iyo toosina ee
la hayo loo soo gudbiyo Machadkaa isaga ah si ay daabacaadda dambe u
noqoto midaan turxaan lahayn. Buuggaasi wuxu haddaba gacantayda soo galay
bishii toddobaad ee kal hore horraanteedii. Markii aan si wacan uga
baaraan degey waxay ila noqotay inaan arrimo badan wax ka idhaa. Ugu
horrayn waxan dhawr erey ka odhanayaa bilicda buugga. Ku talaxtegimaayee,
waxan si kor xaadis ah uga hadlidoonaa mahadhadii Af-soomaaliga iyo
heerarkii kala duwanaa ee uu kasoo gudbey iyo go'aannadii wax-ku-oolka
ahaa ee ay guddiyadii Afsoomaaligu gaadheen. Waxan si aan turxaan lahayn u
gorfayn aragtida uu buuggu ku salaysan yahay, waxa kaloon eegi wuxuu
buuggu dhib iyo dheefba soo kordhiyey. Ugu dambaynta waxan ku soo
gabagabayn dhibaatooyinka Afka ka jira ee u baahan in si cilmiyeysan wax
looga qabto, lana filayey inuu qoruhu wax ka yidhaa.
Bilicda Qaamuuska:
Aan ku bilaabee, milicsigii u horreeyey isheydu way ku doogsatay bilicda
iyo sida quruxda badan ee loo daabacay buugga. Laysma hagradee waxan
runtii qirayaa in xoog iyo xoolo badanba loo hurey hirgelinta iyo
soosaaridda buugga. Waxan filayaa iney hawshani hormood u noqoto kaalintii
ay dawladda iyo dadka reer Jabbuuti ku lahaayeen kobcinta iyo hormarinta
Af-soomaaliga.
Mahadhada Af-soomaaliga:
Ka hor 21kii Oktoobar ee 1972kii, dad badan oo Soomaali iyo shisheeyaba
leh baa isku hawlay sidii Af-soomaaliga loo qori lahaa. Ha ugu horreeyo
Sheekh Yuusuf Al-kawniin oo ah ninkii bilaabay Alif la kordhabey iyo kuwii
faraha badnaa ee ka dambeeyey, haddii aan qaar ka magacaabana, ay ka mid
ahaayeen Muuse X I. Galaal, Cismaan Keenaddiid, B. W. Andrzejewski,
Maxamed Cabdi Makaahiil, Shire Jaamac Axmed, lbraahim Xaashi Maxammuud,
M.M.Moreno, C.R. V.Bell, L. E. Armstrong, Cabdullaahi Xaaji Maxammuud,
B.Panza, iyo Cabd- raxmaan Sh. Nuur. Aqoonyahannadaasi waxay dhammaan ka
midaysnaayeen qoridda af-soomaaliga. Hayeeshee, waxay ku kala tagsanaayeen
farta lagu qorayo iyo qaabka xarfaha qaarkood loo qorayo. Tusaale ahaan,
inta rabtay in xuruufta laatiinka la qaataa meelo badan ayey ku kala
duwanaayeen sida tirada xarfaha iyo qaabka xarfaha qaar loo qorayo. Kuwa
far carabida rabayna sidaasoo kalay ahayeen sida ka muuqata shaxda aan
halkan ku soo ladhay kana soo dheegtey buugga la yidhaa: the modernization
of Somali
1. Waxa qoray Saalax Xaashi Carab
Vocabulary, ee uu qoray "Caney, John Charles soonabaxay 1984kii ".
Go'aankii Guddidii La Qabtay 1961kii:
Sida dad badani ka warqabaan, 1961kii, kolkii Calanka la qaatay kadib,
waxa la abuuray guddi uu guddoomiye u ahaa Alla haw naxariistee Muuse X.
Ismaaciil Galaal kana mid ahaayeen rag badan oo aqoon yahanno ahaa.
Guddidaasi oo hawsha loo diray ahayd iney ka soo baaraan degto Farahaas oo
dhan, go'aanna ka soo gaadho farta ugu habboon ee lagu qori karo
Af-soomaaliga. Guddidu umay codeyneyn in afka laatiinka lagu qoro ama
carabi ee waxa ay eegayeen dhawr arrimood. Mar uu Muuse Galaal u
warramayey laanta Af-soomaaliga ee B.B.Cda wuxu sheegey iney ku xulanayeen
Farta loo baahan yahay dhawr arrimood oo ay ka mid ahaayeen dhaqaalaha,
quruxda afka iyo fudeydka. Isaga oo arrimahaas sii faahfaahinaya waxa uu
yidhi, " Marka aannu dhaqaalaha ka eegeyno, waxaanu eegeynaa waxay
dhibaato dhaqaale keeni karto fartaasi." Tusaale ahaan buu yidhi, "Haddii
la qaato farta Cismaaniyada waxa lagama maarmaan noqonaysa in kolkiiba la
wada beddelo makiinadaha wax lagu qorto, madbacadaha, kuwa taararka lagu
diro, iwm." Taasi waxay u baahan tahay buu yidhi dhaqaale farabadan oo
aanay dawladda Soomaaliyeed awood u lahayn. Inta hawshaa lagu
fooganyahayna adduunka ayeynu ka hadhaynaa buu raaciyey marxuunku.
Fudeydka farta isaga oo ka hadlayana wuxu yidhi, "Dadka badankiisu
laatiinka wey wada yaqaannaan, barashadeeduna wakhti badan ka qaadanmayso."
Halkaas waxa kaaga cad inaan la eegeyn dan qof, dan reer, cid lagu
ralligelinayeyna jirin ee mar kasta laga hormarinayey danta guud. In kasta
oo ay guddidu go'aankeedi soo saartay haddana dawladihii Soomaaliyeed ee
dalka soo maamulay kumay guuleysan iney yeeshaan kudhac lagu meel mariyo
go'aankaasi.
21kii Oktoobar iyo qoriddii Af-soomaaliga:
11 gu' kadib ayuu Maammulkii ciidammada Soomaaliyeed go'aansaday in la
hirgeliyo go'aankii waagaa oo ahaa in af-soomaaliga lagu qoro xuruufta
laatiinka. Kudhacaa adagi wuxuu soo af-jaray murankii iyo dhabbacashadii
dhabarku muuqdey ee layskula dhex meereysan jirey. Waxana loo dhaqaaqay
dhinac qudha. Ujeeddo kastaa ha ka dambaysee, wuxu go'aankaasi meesha ka
saaray inuu qofba sheegto in fartiisii la qaatay. Waayo waxaad arkaysaa
iney mid kasta meel uga egtahay meel kalana uga duwantahay. Go'aankaasi
waxa uu isku dubbariday aqoonyahannadii midba meel ujeedey. Waxana loo
wada dhaqaaqay horumarintii afka.
Go'aannadii guddida Af-soomaaliga:
Guddidu waxay go'aamisey iney xuruufta af-soomaaligu ka koobnaandoonaan 21
shibbane, 5 shaqal oo gaaban iyo Firgin (').
A B C D DH E F G H I J K KH
L M N O Q R S SH T U W X Y ’
Waxa kale oo jira shan (5) shaqal oo dhaadheer oo kala ah AA EE II OO UU
oo ah shanta gaaggaaban oo la labanlaabay.
Guddidu waxa kale oo ay go'aamisey iney toddobada xaraf ee kala ah b, d,
g, l, m, n, r ay laban laabmaan. Xarafka 'dh' way ogaayeen inuu laban
laabmo tusaale ahaan: gabadh = gabadhdha. Hayeeshee ayaka oo ka eegaya
dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca quruxda afkaba waxay go'aansadeen inaan la
labanlaabin.
Markii qaamuuskii u horreeyey la dejinayey, guddidu wey ka noqotay habkii
kala horreysiinta farsoomaalida ee ahayd "B, T, J, X, ..." waxana la
guddoonsadey in la raaco fartana loo kala hormariyo sida ay afafka kale ee
laatiinka qaatayba u raaceen (Keenadiid 1976). Xilligaa wixii ka dambeeyey,
qaamuusyadii soo baxay oo dhammi waxay ku dhisaallanyihiin aragtidaa iyada
ah. Tiraba qaamuuska Saalax mooyee waxa qoraal-yaalkayga laga helayaa
sagaal kale dhammaantoodna waxay ku salaysanyihiin habka aynu ka hadlayno.
Qorayaashu waxay tixgelin weyn siiyeen go'aannadii aan sheegney. Waxa,
haddaba, waxa aad loola yaabo ah sida uu Saalax ku keenay arrintan, ugana
dhigayo aragti uu isagu leeyahay oon hortii cidiba ka hadal.
Aragtida uu abwaankani (qaamuusakani) ku dhisaalan yahay:
Abwaan (Qaamuus) ahaan maaha kii u horreeyey ee wuxuu noqonayaa kii
saddexaad. Waxa ka horreyey labada abwaan ee ay kala qoreen Dr. Yaasiin
Cismaan Keenaddiid iyo Cabdulqaadir F. Bootaan. Bilicda ka sokow dhawr
arrimood buu Abwaankani (Qaamuuskani) kaga duwan yahay kuwaa. Labadaa
abwaan (qaamuus) ee hore waxay ku dhisanyihiin go'aammadii guddida
Af-soomaaliga. Aragti kasta oo la doonayo in la meel mariyo waa laga wada
tashanjirey, dood baana layskaga hor imanjirey. Aqoonna waa laysku
qancinjirey. Soo saarka aragtiyahaasi cusubina waxay u badnaayeen qaar aan
lagu mergen. Hayeeshee, abwaankan waxa ka muuqata inuu ku dhisan yahay
aragti qof qudhihi leeyahay.
Sida ku xusan qoraal laga diyaariyey shirkii qorayaasha, ee lagu qabtay
magaalada Jabbuuti gu'gii 2002da, oo ladhkiisu ahaa: Shirka hal-abuurka
Soomaaliyeed ee Djibouti, laguna faafiyey degelka sumaddiisu tahay:
http://www.hamarev.comlindeLPhp/articleview/1323/1/8. wuxuu qoruhu soo
bandhigey buug xambaarsan aragtiyaha abwaankan (qaamuuskan) ka muuqda.
Aragtiyaahaasi waxa ka mid ah in la labanlaabo xarfaha Dh, F, J, Q, S, X,
Y, iwm. Tusaale ahaan, affafka, wixxii, fadhdhi, wuxxuu,muqqummad iwm.
Waxa kale oo uu qoraalku tilmaamay inuu qoruhu buuggiisa ku soo jeediyey
in guud ahaan xuruufta afka-soomaaliga ee 21-ka ah laga dhigo 22 xaraf oo
lagu kordhiyo xarafka Hamzada Carabtu u taqaan. Ugu dambeyntii wuxuu
qoruhu soo jeediyey in xuruufta Af-soomaaliga loo kala hormarsho sida
afafka kale ee ku qoran Laatiinka.
Runtii, higgaadda af-soomaaligu maaha 21 sida qoraalkani sheegayo.
Higgaadda afku waa 32 xaraf. 21 shibbane, 5 shaqal oo gaaban, 5 shaqal oo
dheer iyo Firgin (Hamza). Haddii uu qoruhu u jeedey Firginka ha lagu daro
shibbanayaasha, waxa marka hore qumman inaan ogaanno in firginku leeyahay
sumaddii iyo sawricii shibbanaha iyo in kale? Haddii uu yeesho waa runtii
ee ha lagu daro. Haddii uu yeelan waayase laguma qobtolikaro.
Si aan u helno sumadda iyo sawraca Shibbanaha waa inaan ka warcelinnaa
weydiinta ah: waa maxay shibbane ama shaqal? Shibbane waa dhawaaq afka ka
soo baxa sida 'g' 'd' '1' 'r', iwm. oo la cesho oon iska socon. Halka uu
shaqalku ka yahay dhawaaq sida ‘o', 'u', 'a', 'i', iyo 'e' oo kolka la
odhanayo uu afku furanyahay. Sidaasi awgeed ayey aqoonyahannada kala ah
Lilias Armstrong (1934), Muuse Galaal iyo B.W.Andrzejewski(1956) iyo
Cabdalla Cumar Man-suur iyo Annarita Puglielli (1999) ay u haystaan inuu
shibbane yahay, guddidii af-soomaaliguna aanay ugu darin shaqallada ee
horeba u ahaa una yahay shibbane.
Waxa ay weliba Mansuur iyo Puglielli si cad ugu sheegeen buuggoodaasi oo
la yidhaa 'Barashada Naxwaha A.f-soomaaliga' in tirada shibbanayaasha
Af-Soomaaligu tahay 22.
Waxa halkaa innooga muuqata inaanu qoruhu haba yaraatee la socon una dhuun
daloolin go'aannadii iyo heerarkii uu afku soomaray marka uu leeyahay
xarfaha kor ku xusan ha la labanlaabo ama higgaadda ha loo kala hormariyo
sida laatiinka. Waxa kale oo cad inuu qoruhu sheeganayo aragtiyo looga
horreeyey marka uu ku doodayo in Hamzaha lagu daro far soomaalida. Midda
la yaabka lihi waxay tahay sida uu u dhaadi- waayey habka uu u qoranyahay
Qaamuuska af-soomaaliga ee Yaasiin Keenadiid oo ah habka uu ku doodayo in
farta loo kala hormariyo. Inkasta oo uu qoruhu sheegey inuu raadraacay
Qaamuuska Yaasiin, waxa, haddana, dooddiisa ka muuqata inuusan hordhaca
buuggaba akhriyin.
Sida qoraalka ku cad, markii aragtidaa Saalax laga doodayey, waxa
sooyaalkii iyo heerarkii uu soomaray af-soomaaligu si hufan oo kooban u
dul maray Aw Jaamac Cumar Ciise oo caan ku ah ururinta mahadhada
Soomaaliyeed. Waxana la ogyahay in kolkii arrintaa la falanqeeyey la isku
raaciwaayey. Machadka Afafka iyo Cilmibaadhista Jabbuuti ayey, haddaba,
ahayd inuu tixgelin gaar ah siiyo go'aankaasi iyo kuwii hore u jireyba.
Hayeeshee, Machadku wuxuu u janjeedhsaday dhankii laga batay. Gefka uu
qoruhu galay waxa ka weyn ka Machadka Cilmibaadhistu uu galey, kaas oo ah
inaanu hubin, tixgelinna siin, wixii shirkaasi laga soo jeediyey. Waxaanay
ahayd in aragtiyaha uu qoruhu leeyahayna la sheego, wixii hore go'aanno
uga soobaxeen ama dadkale lahaayeenna la xuso. Taasi waxay cid walba awood
u siineysaa inuu tallan ka galo heerka iyo habka aqoonbaadhiseed ee
xubnaha Machadka!
Qoruhu wuxu ku doodayaa inuu helay habka farcanka ereyada iyo is rogrogga
falalka Soomaaliyeed. Waa arrin la yaab leh. Haddii uu leeyahay si hawl
yar oo loo raadin karo ayaan u habeeyey waa arrin la qaadan karo. Hayeeshe,
anigaa helay inuu yidhaa waa midh af ka weyn. Dhawr abwaan oo jira ayaa
lagu adeegsaday isrogrogga falalka iyo farcanka ereyadaba. Tusaale ahaan,
abwaanka la yidhaa Dizionario Somali-Italiano (1985) oo ay wada qoreen
Agostini, Francesco, Annarita Puglielli iyo Ciise Maxamed Siyaad, soona
wada saareen Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Akademiyada cilmiga fanka
iyo suugaanta iyo Universita Degli studi di Roma “La Sapienza” waxa si
buuxda loogu adeegsaday labada arrimood ee uu qoruhu ku tookhayo
heliddooda. Waxana loo qoray sida tusahan ka muuqata.
Waxa halkaa innooga cad in aqoonyahannadii dejiyey abwaankani ay
adeegsadeen isrogrogga falka una adeegsadeen si fufud ood kolkaad ereyga
eegtaba garanayso isrogroggiisa. Halka uu Qoraha Qaamuuska cusubi ka
sameeyey shaxo laga baadhayo ereyga, buugga xaggiisa bambana lagu qoray.
Markaa miyaan odhan karraa Saalax waxa uu helay qaabka ama xeerka
isrogrogga falalka Soomaaliyeed. Haddii aan hortii cidi adeegsan, waxay
noqon lahayd arrin aan cidina kaga masuugteen laguna hambalyeyn lahaa.
Waraysi uu qoruhu siiyey degelka sumaddiisu tahay www. bulxan.com wuxuu ku
sheegey inuu wada akhriyey dhammaan wixii buugaag hortii la qoray siiba
qaamuuska Yaasiin Cismaan Keenadiid. Hase yeeshee, Qaamuuska cusub laguma
muujin wax buugaag ah oo la tixraacay. Hadal iyo dhammaantii, in hawl uu
qof kale qabtay ama ku hawshooday la sheegtaa rugaha aqoonta adduunka waa
arrin ka reebban.
Dizionario Somali-Italiano
Qodobbada af-soomaaliga iyo aragtida qoraha:
Guud ahaan af-soomaaligu wuxuu leeyahay laba qodob oo isbedbeddela, kuwaas
oo kala ah: -ka iyo -ta. Qodobka hore wuxuu raacaa magacyada lab. Kan
labaadina kuwa dheddig. Tusaale ahaan:
Wiil + ka = Wiilka
Inan + ta = Inanta.
Xarafka -k baa, haddaba, isu beddela -h marka uu raaco magac ku dhammaada
shaqalka -o ama -e. Tusaale ahaan:
Caano + ka = Caanaha
Kabo + ka = Kabaha
Wade + ka = Wadaha
Waxa kale oo uu xarafka -k isu beddelaa -g kolka uu raaco magac ku
dhammaada, aa, u, y, i, w, ama g. Tusaale ahaan:
Dhurwaa + ka = Dhurwaaga
Hu' + ka = Hu'ga
Qori + ka = Qoriga
Erey + ka = Ereyga
Cadow + ka = Cadowga
Rag + ka = Ragga
Kolalka qaarkood xarafkaasi (-k) wuu abraaraa markuu raaco magac ku
dhammaada xarfaha kala ah: h, x, q, c, iyo kh. Tusaale ahaan:
Mulac + ka = Mulaca
Qiiq + ka = Qiiqa
Madax + ka = Madaxa
Tookh + ka = Tookha
Rah + ka = Raha
Qodobka -ta isna wuu isbeddelaa oo wuxuu isu beddelaa: -da, -sha. Xarafka
-t baana noqda -d markuu
raaco magac ku dhammaada shaqal ama xarfaha kala ah: d, c, x, h, y, firgin
('). Tusaale ahaan:
Maro + ta = Marada
Lo' + ta = Lo'da
Irrid + ta = Irridda
Duluc + ta = Dulucda
Qodax + ta = Qodaxda
Bah + ta = Bahda
Beeraley + ta = Beeraleyda
Markay -t ku xigsato -l waxay labada cod, haddaba, isku noqdaan -sh.
Tusaale ahaan:
Macal + ta = Macasha
Ul + ta = Usha
Il + ta = isha
Calool + ta = Caloosha
Maaha xeer qof dejiyey ee waa abuurtii afku sida ay u samaysantay.
Aqoonyahanku, inta badan, xeer ma dejiyo ee mid jirey buu gartaa sida uu u
hawl galo oo uu qeexaa. Meelo badan buu qoruhu ku tookhayaa inuu xeerar
dejiyey, meelo kalana xeerarkii jirey buu ku tumanayaa. Tusaale ahaan,
ereyga 'Calool' sida kor ku xusan wuxuu noqdaa kolka uu qodobkiisu raaco 'Caloosha'.
Qaamuuskana waxa ku qoran 'Caloolsha'.
Sidaan hore u soo tibaaxay, labada xaraf ee 'l' iyo 't' baa kolkay isku
darmaan noqda 'sha'. Haddii aragtida qoraha la qaato waxay noqonaysaa inuu
xarafka 't' noqdo 'sh'. Taasina maaha arrin dhab ah. Hadal iyo dhammaantii,
in labadii xaraf ee meeshaba ka baxay midna la soo cesho midna laga tagaa
waa arrin iyana ila gurracan. Haddii aragtida qaamuuska ku qoran la qaato
ereyo badan bey noqoneysaa in isirkooda aan laga tegin. Tusaale ahaan
ereyga 'nin' wadartiisu waa 'niman'. Aragtida cusub haddii lagu dhaqmo
wuxuu noqonayaa 'ninman'. Ereyga kale ee ah 'inan' isna wadartiisu waa 'innamo'.
Aragtida cusubna wuxuu ku noqonayaa 'inannamo'.
Ereyada falka ihi waxay noqdaan magac faleed. Tusaale ahaan: cun = cunid.
Marka hawsha cunidda lafteeda la tilmaamayo waa 'cunitaan'. Markaan,
haddaba, 'cunitaan' qorayey, way ii caddayd inuu ereygu ahaa cunid.
Hayeeshee qoruhu arrinta caynkaasa ayuu u qorayaa 'Cunidtaan'. Haddii uu
rabay inuu tilmaamo isirka ereyga iyo sida ay ereyadu isu beddelaan waxay
ahayd inuu buug naxwaha u gaar ah qoro, ee may ahayn inuu qoridda afka
sidaasi u qoro.
Sababta ay dhawaaqyadu isu beddelaan waxa lagu qeexaa sida ay u samaysmaan
dhawaaqyada afafku. Sidaasi awgeed xarafka 'd' waxa loo yaqaan 'voiced
dental ploisive', 't'na waxa loo yaqaan 'Voiceless dental ploisive'.
Sidaasi awgeed ayey 'd'-du u bannaysaa kaalinteeda xarafka 't' kolka ay
'd' iyo 't' is xigsadaan. Marka haddaba la qoro 'Cunidtaan' waxaad
dareemeysaa iney meesha ka maqantahay adeegsigii aqoonta isasaamaynta
dhawaaqayadu.
Waxtarka iyo dhibaatada uu buuggu soo kordhiyey:
Hawl kasta oo la galaa waxtar iyo waxyeellaba way yeelataa. Wayse kala
bataan. Sida ay u kula bataan baana lagu qiimeeyaa. Haddii hawsha
waxtarkeedu bato waxa loo arkaa guul u soo hoyatey ciddi hawsha faraha
kula jirtey. Marka waxtarkeedu yaraadase, way caddahay in la odhanayo
hawshaasi waxay noqotay hal bacaad lagu lisey.
Waxaan haddaba isu foodin waxtarka iyo waxyeellada Qaamuuskani soo
kordhiyey, waxanan u kala qaadi laba qaybood. Ta hore, waxan qirayaa in
lagu soo ururiyey ereyadii u badnaa ee ilaa hadda lagu soo ururshey
qaamuus Soomaaliyeed oo sooc ah. Waxa jira Qaamuusyo Af-soomaali iyo
afaf-shisheeye ah oo tiradaa in ka badan lagu soo ururiyey. Tusaale ahaan
qaamuuska la yidhaa Dizionario Somalo-Italiano (1985) waxa lagu soo
ururiyey ilaa 50 kun oo erey. Runtii hawshaasi waa hawl dhaxal gal ah oo
uu qoruhu ammaanteeda leeyahay. Ujeeddaduse maaha xubnihii guddiyadii
afsoomaaligu inaanay awooddaa iyo kartidaa midna lahayn, ee waxay ahayd
ayaga oo rabay iney la jaan qaadaan horumarka afka. Waxa jirey aragtiyo
badan oo laysku hayey oo la rabey in meel laysla dhigo sida falka oo kale.
Dhanka falka laba aragtiyood baa jira. Dadka qaar waxay u arkaan in falka
Soomaaligu yahay kolka uu wax faridda yahay. Tusaale ahaan, cun, cab,
caddee, wanaaji, tag, iwm. Qayb kale ayaa u aragta inuu falku yahay kolka
ereygu falmagaceed noqdo. Tusaale ahaan, cunid, cabbid, tegid, iwm. Sida
ku xusan gogoldhigga Qaamuuska Yaasiin waxa laysla gartay inaan lagu
degdegin inta laysla meel dhigayo. Sidaasi awgeed ereyo badan baan lagu
darin hayeeshee la ururshey oo kaydsanaa. Runtii, waxan dareensanahay in
waxyeellada buuggani aad uga badan tahay waxtarkiisa. Waxanan u qodobbayn
sidan hoos ku qoran:
1. Wuxuu dib u furay murankii iyo anaa idhidii.
2. Wuxuu meesha ka saaray u kala dambayntii iyo isku tixgelintii aqoonta.
3. Wuxu suldaaro u dhigey horumarkii Afka ee majaraha haystey.
4. Wuxu ku tuntay sidii aan soo sheegey xeerarkii laysla meel dhigey.
5. Dhibaatooyinka afka ka jira ee u baahnaa in wax laga qabto, sida kuwa
hoos ku xusan, qaamuusku waxba kamuu odhan.
Dhibaatooyinka Afka ka jira ee u baahan in wax laga qabto:
Dhibaatooyin badan baa af-soomaaliga ka jira. Qof kasta oo arrimaha afka
ku gudajirana waxa laga filayaa inuu dhaado iskuna taxalujiyo sidii uu wax
uga qaban lahaa. Gaar ahaan ciddii isku dayda iney qaamuus qorto waxa la
gudboon iney arrintaa xilweyn iska saarto. Dhibaatooyinka Af-soomaaliga ka
jira una baahan in wax laga qabto waxan kaga hadlay kuna soo bandhigay
qoraal uu ladhkiisu ahaa Xasilloonidarrada Afsoomaaliga, kaasi oo ku soo
baxay warsidaha la yidhaa Hal-aqoon (Xidhmada 2 tirsigii laad & 2aad),
kadib wuxuu qoraalku ku soobaxay dhawr degel oo ka mid ah degellada ay
Soomaalidu ku leedahay Internet-ka. Waxana ka mid ah: www.somalitalk.com,
www.somalieducation.com , www.farsbaxan.com iyo qaarkale. Qoraalkaasi
waxan ku tilmaamay in 1972kii xuruufta laatiinka loo qaatay in
Af-soomaaliga lagu qoro. Hayeeshee aan la guddoomin in isku si loo qoro.
Waxan ujeedey lama qeexin sida loo kala duwayo qoraalka iyo hadalka.
Arrintaasina, runtii, waxay dhalisay in qofkastaa Afka u qoro sida uu
isagu ugu hadlo. Tusaale ahaan:
1. Shibbanayaasha:
a) DH R
Adhi Ari
Foodhi Foori
Yidhi Yiri
Cadho Caro
Gabadh Gabar
b) B M
Laba Lama
Habeen Hameen
Toban Toman
Tabar Tamar
C) C Q
Candhuuf Qandhuuf
d) D dh
Bud budh
e) X Kh
Xaako Khaakho
f) M N
Shimbir Shinbir
Sambab Sanbab
Dambe Danbe
Gambo Ganbo
g) J Y
mooji mooyi
jaxaas yaxaas
2. Shaqallada:
a) I U
Dib Dub
b) 0 A
Gobol Gabal
c) U I
Dhufasho Dhifasho
d) A I
Tallaabo Tillaabo
Waxan qoraalkaas ku tilmaamay iney arrintani, runtii, dhibaato xoog leh ku
hayso dad badan oo afka barta oo shisheeye iyo sokeeyaba leh. Waxan weliba
tibaaxay, dhab ahaanna, inaanay dhibaatadu ahayn mid Af-soomaaliga keli ku
ah ee ay afaf badani soo mareen kana soo gudbeen loona baahan yahay inaynu
dhugmo (fiiro) gaar ah u yeelanno. Afafkaa waxa ka mid ah Af-carabiga.
Tusaale ahaan, dalalka gacanka carabta, dadku xarafka Kaaf ‘ﻚ’ waxay ugu
dhawaaqaan Jiim ‘ﺝ’. Marka ay isbariidinayaanna waxay yidhaahaan ‘Jeef
xaalaj? ‘ﺞﻠﺂﺤ ﻒﻴﺟ’. Hayeeshee kolka ay qoraal noqoto waxay qoraan ‘Keef
xaalak ‘ﻚﻠﺂﺤ ﻒﻴﻜ’. Dalka Masar dadkiisu xarafka ‘Qaaf ﻖ waxay ugu
dhawaaqaan ‘Aﺃ’ Marka uu haddaba qof Masriyihi doonayo inuu kugu yidhaa
‘waxan ku leeyahay’ wuxuu ku odhanayaa ‘ﻚﻠﺃﺃ’. Hase ahaatee kolka uu
qoraal maago waxa uu qorayaa ‘Aqullak ﻚﻠﻗ ﺃ’.
Afka Ruushka ayaan isna tusaale u soo qaatay, waxanan sheegey inaan
aragtidaas mid la mid ah ka helayno. Tusaale ahaan dadka u dhashay ama ku
barbaaray jamhuuriyadda Ukraa’iin xaraf ka ‘g’ waxay ugu dhawaaqaan ‘H’.
Kolka uu qof doonayo inuu ku yidhaa ‘waxan ku hadlaa af-ruush’ wuxuu ku
odhanayaa ‘Yaa habaaruu baa Ruski’. Hayeeshee kolka ay qoraal tahay waxa
uu qorayaa ‘Yaa gafaaruu baa Ruski’.
G (ga) H (ha)
Waxan intaa raaciyey in Af-ingiriiska qudhiisa aragtidan oo kale ay jirto.
Tusaale a-haan magaalamadaxda Kanada dadka reer Kanada waxay ugu
dhawaaqaan ‘Odhowa’. Hase ahaatee kolka la qorayo waa ‘Ottawa’. Ereyada
kala ah ‘bottle’, ‘Bottom’ iyo ‘Butter’ waxay ugu dhawaaqaan ‘Bodhol’,
‘Bodhom’ iyo ‘Badhar’.
Waxa tilmaan gaar ah ayana mudan ereyada isku dhigmada ah hayeeshee kala
dhihidda ah oo ay adagtahay in la kala saaraa. Tusaale ahaan:
Addoon - Addoon
Awr - Awr
Baqal - Baqal
Baraarug - Baraarug
Beer - Beer
Curad - Curad
Dameer - Dameer
Haddii erey kasta oo ereyadaasi ka mid ah qodobkiisa la raaciyo si hawlyar
baa loo kala garan karaa sida:
Addoon(-ka) - Addoon(-ta)
Awr(-ka) - Awr(-ta)
Baqal(-ka) - Baqal(-sha)
Baraarug(-ga) - Baraarug(-ta)
Beer(-ka) - Beer(-ta)
Curad(-ka) - Curad(-da)
Dameer(ka) - Dameer(-ta)
Waxa, haddaba, jirta mar aanay ereyadaasi qaadan karin qodobbo oo ay
adagtahay in la kala saaraa. Kolkaasi oo ah kolka ay ereyadu weedho ku
jiraan. Tusaale ahaan, haddii la yidhaa:
Xaddiyo inan bay ummushay.
Geeddi baa gool dilay.
Shukri waa curad.
Cali dameer buu fuulay.
Baqal baan arkay.
Weedha hore lama kala garan karo inay Xaddiyo gabadh ummushay iyo iney
wiil ummushay. Midda labaadna lama sheegi karo inuu Geeddi awr gool ah
dilay iyo inuu baranbarqo dilay. Shukri ma curaddii reerkaa mise waa
curadkii? Cali muxuu fuulay? ma dameerkoodii mise dameertoodii? Aniga
qudhaydu maxaan arkay? ma baqalkii la cunayey mise baqashii gammaanka
ahayd?
Ereyada shaqalka culus iyo kuwa shaqalka fudud baa qudhoodu u baahan in
qoraalka lagu kala qeexo sida:
Dul(-ka) - Dul(-sha)
Duud(-da) - Duud(-ka)
Daaf(-ka) - Daaf(-ta)
Duulid(-da) - Duulid(-da)
Tusaalooyinkii hore (kuwa dhawaaqyada) waxa innooga dhuroobey iney jiraan
dad badan oo dhibaatooyinka aan ka cabanayno soo maray oo aan la wadaagno.
Hayeeshee ay si habboon oon turxaan lahayn u maareeyeen. Waxa kale oo
halkaa innooga muuqata in afkii loo kala saaray mid qoraalka u goonniya oo
laga simanyahay iyo mid hadalka u gaar ah oo qofkastaa u hadlo sida uu
isagu jecel yahay. Waxa kale oo tilmaan mudan in la sheego inaanay
dadkaasi afkooda kala sheeganin ama kala xigteysanin.
Haddaba, sida keliya ee uu Af-soomaaliguna dhibaatadaa kaga bixikaraa waa
iyada oo afka loo kala saaro sida afafkaa aan soo tilmaamay:
a)Af qoraalka u gaar ah, iyo
b)Af hadalka u goonniya ( af-guri ).
Midhkaas oo aan ula jeedo inaan qof waliba u qorin afka sida uu isagu ugu
dhawaaqo ee uu Af-soomaaligu noqdo, sida afafka kale, mid si loo wada qoro.
Waxa haddaba isweydiin leh sida loo xulanayo dhawaaqa la qaadanayo. Qof
ahaan waxa aniga ila qumman in laba arrimood mid la yeelo. Waa ta koobaade
in la qabto guddi-aqooneed afka aqoontiisa ku talax tagtay kana kooban
dhammaan deegaanka Af-soomaaliga lagaga hadlo. Guddidaas oo xilkeedu noqon
doono inay inoo soo xusho dhawaaqa aan qoraalka u qaadandoonno ayaka oo ka
eegaya dhinacyo badan sida: naxwaha, dhaqaalaha, afka quruxdiisa iyo
weliba aragtiyo kale oo laga yaabo iney jiraan hayeeshee aanan hadda
haabka ku hayn. Waa ta labaade in tirakoob la sameeyo oo dhawaaqa loo bato
qoraalka loo qaato iyada oon loo arkayn, kii la doonaba ha la qaatee, in
dhawaaqa la qaataa ka wanaag sanyahay kuwa kale een la qaadan.
Tusaalooyinka dambe dhawr aqoonyahan baa isku deyey iney wax ka qabtaan.
Tusaale ahaan Dr. Yaasiin C. Keenadiid wuxuu ku adeegsaday buuggiisa la
yidhaa Qaamuuska Af-soomaaliga (1976) astaantan soo socota:
Dulº (-ka)
Duuf° (-ka)
Duudsi°(-ga)
Duulidº (-da)
Waxa ayana astaanta hoos ku qoran ku adeegsaday buugga la yidhaa
Dizionario Somalo-Italiano (1985) aqoonyahannada kala ah Ciise Maxamed
Siyaad, Agostini, Francesco, and Annarita Puglielli:
Du̧̗l(-ka)
Du̧̗uf (-ka)
Du̧̗udsi(-ga)
Du̧̗ulid (-da)
Aniga qudhaydu waxan damcay inaan ku adeegsado buugga la yidhaa Abwaan
cusub oo Af-soomaali iyo Af-ingiriisiya (1995) astaan ka geddisan kuwa aan
sheegay. Tusaale ahaan:
_
Dul (-ka)
_
Duuf (-ka)
_
Duudsi(-ga)
_
Duulid (-da)
Haseyeeshee, markii aan ogaaday iney jiraan aqoonyahanno arrinka ku hawlaa
iskuna deyey iney hortey wax ka qabtaan ayaan go’aansaday inaan uga hadho
kalana doorto labadaa astaamood ee ay adeegsadeen. Waxanan qaatay midda
dambe, iyada oo ay ujeeddadaydu ahayd inaan lays barbar ca-rarin, qof
walibana doonin in la yidhaa isaga ayaa tiisii la qaatay. Haddii aragtiyo
kale la keenayana waa arrin furan.
Astaamahaasi waxay gaar u yihiin, sida muuqata, ereyada shaqalladoodu
culusyihiin iyo kuwa la dhigidda ah oo qudha, kuwaasi oo ayana u baahan in
la mideeyo. Kuwa isku dhigidda iyo kala dhihidda ah een soo tilmaamayna
waxa habboon oo lagama maarmaan ah in ayana astaamo kuwaa la mid ah ama ka
geddisan lagu adeegsado. Tusaale ahaan:
Xaddiyo ínan(wiil) bay ummushay.
Xaddiyo inán(gabadh) bay ummushay.
Geeddi baa gòol(awr) dilay.
Geeddi baa góol(baranbarqo) dilay
Shukri waa cúrad.
Shukri waa curád.
Damèer baan fuulay.
Daméer baan fuulay.
Báqal baan arkay.
Baqál baan arkay.
Hadal iyo dhammaantii, qoraalkan waxan dhawr erey ka idhi bilicda buugga.
Anigaoon ku talaxtegin, waxan si kooban uga hadlay mahadhadii
Af-soomaaliga iyo heerarkii kala duwanaa ee uu kasoo gudbey iyo
go'aannadii wax-ku-oolka ahaa ee ay guddiyadii Afsoomaaligu gaadheen.
Waxan si aan turxaan lahayn u gorfeeyey aragtida uu buuggu ku salaysan
yahay. Waxa wax ka sheegey wuxuu buuggu dhib iyo dheef labadaba soo
kordhiyey. Ugu dambayntii waxan ku soo gabagabeeyey dhibaatooyinka Afka ka
jira ee u baahan in si cilmiyeysan wax looga qabto. Dhibaatooyinkaas aan
sheegey Abwaanku (Qaamuusku) wax-ka-qabasho ha joogtee, muu soo hadal
qaadin. Afkuna ururin qudha uma baahna ee horumarin badan baa u dhiman oo
uu u baahan yahay.
Raadraac
Abraham,R.C. 1964, Somali-English Dictionary, London: University of London
Press (reprinted in 1968 ).
Agostini, Francesco, Annarita Puglielli and Ciise Moxamed Siyaad (Eds.)
1985 Dizionario Somalo-Italiano Rome: Cooperazione Italiana allo Sviluppo.
Armstrong, Lilias E. The phonetic structure of Somali, republished by
Gregg International Publishers Limited, 1964
Andrzejewski, B. W. The development of a national orthography in Somalia
and the modernization of the Somali language, Horn of Africa ( journal ),
Vol.1 No.3, July / September 1987.
Cabdiraxmaan C. Faarax "Barwaaqo". Abwaan Cusub oo Af-soomaali iyo
Af-ingiriisiya: A Modern Somali-English Dictionary, printed by Ottawa
Roman Catholic Separate School Board, 1995. xxix,468 pp.
___ Magac Bilaash Uma Baxo: Ujeeddooyinka magacyada iyo Naanaysaha
Soomaaliyeed, published by the author, Ottawa, September 1998. 1st
edition. x, 209pp.
___ Xasilloonidarrada Af-soomaaliga, Hal-aqoon Journal, Xidhmada II aad ,
tirsiga 1 aad,iyo ka 2aad Jan/Ogost. 2002, 37-42p.
Cabdalla C. Mansuur iyo Axmed Cabdullaahi A. Qaamuus Af Talyaani-Soomaali,
Daabacaaddii Koowaad, 1985. xii,180pp.
Cabdalla C. Mansuur iyo Annarita Puglielli. Barashada Naxwaha Af
Soomaaliga, HAAN Associates, London, 1999, x, 304pp
Cabdiraxmaan Ciise Oomaar iyo Siciid Warsame Xirsi. Af-garad: Qaamuus
Ingiriisi-Soomaali/English-Somali Dictionary, Mogadisho.
D. I. Stepanjenko iyo Maxamed Xaaji Cusmaan. Abwaan Urursan Af-soomaali
iyo Ruusha, Ruush iyo Soomaaliya, Moscow, 1969. 319pp.
Luling, Virginia. Somali-English Dictionary, Dun woody Press/Wheaton,
MD,1987. vi, 605pp.
Maxamed Cabdi Maxamed. Eraybixin Soomaali-Faransiis/Lexique
Somali-Francis, Besancon, 1987. ix, 128pp.
____Dictionnaire Francis-Somali/Qaamuus Faransiis-Soomaali, 2vol. Paris,
1986. ix, 598pp
.
Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal(edited by B.W. Andrzejewski). Xikmad Soomaali,
Oxford University Press, London, 1956, xi,150pp.
Saalax Xaashi Carab. Qaamuus – Ereykoobe, Machadka Afafka ee Xarunta
Cilmibaadhista Jabbuuti, Jabbuuti, 2004, xxvi, 576pp.
Saeed, John Ibraahim. Somali Reference Grammar, Dun woody Press/Wheaton,
MD,1987. vi, 275pp
Shire Jaamac Axmed. Naxwaha Af Soomaaliga, Akadeemiyaha Dhaqanka
wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare, Xamar, 1976.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaa rinta,Eray-bixin, Muqdisho.
http://www.hamrey.com/index.php/articleview/1323/1/8/
Top
SUUGAANTA HAWEENKA SOOMAALIYEED
KA
WEYN WAX LA CABBUDHIYO |
Cabdiraxmaan C. Faraax “Barwaaqo”
Buugga layidhaa “First Foot-steps in East Africa” ee soo baxay 1894kii
waxa lagu sheegey in ay dadka Soomaaliyeed wada gabayaa yihiin1. Tan iyo
xilligaasna reer galbeedku waxay Soomaalida u yaqaanneen iney yihiin dad
wada maansooda. Rijard Beerton (qoraaga buugga), oo ah ninkii ferenji ee u
horreeyey ee cagaha soo dhigay carrada Soomaaliyeed, muu kala sheegin
ragga iyo dumarku sida ay u kala suugaan badan yihiin. Hadalkiisiina
lagama dhadhansankaro iney ragga Soomaaliyeed ka suugaan badan yihiin
dumarka iyo in kale. Hayeeshee, sida ka muuqata suugaanta la ururshay,
intii farta la qoray, waxaad dareemaysaa, ama runtuba tahay, in ay
kaalintii haweenku meesha ka maqantahay. Runtiina waa arrin tilmaan u
noqonkarta inaanay haweenku maansoon. Waxa, haddaba, isweydiin leh waxa
loo ururin waayey ama laysugu hawliwaayey soo ururinta suugaanta iyo
murtida haweenka Soomaaliyeed? Haddii ay raggu hagradeense maxaa iyana loo
waayey haween u daddaabba xidha soo ururinta suugaantooda? Arrintu siday
doontaba hawdhacdee, sida ragga, haweenka Soomaaliyeed, uma adeegsadaan
suugaantooda abaabul iyo dhiirrigelin dagaal. Utun iyo uurxumana kuma
beeraan. Hayeeshee cadaadis, cabbudhin iyo cagajugleyn lagu hayo dhaaxay
iskaga deeddifeeyeen. Markay wax qoonsadaan dareenkooda way ku tilmaamaan.
Hawl kolka ay hayaanna way isku maaweeliyaan. Gabayga ka sokow,
hees-hawleedda iyo hees-ciyaareeddaba qayb libaax bay ku leeyihiin.
Buraanburka, suugaanta Sitaadka, ta Saarka iyo ta maaweelada ubadka midna
looguma tago. In kasta oo aan qoraal keliya lagu soo koobikarin suugaanta
haweenka Soomaaliyeed, waxaan kan ku eegi buraanburka iyo hees-hawleedda
haweenka iyo siyaabaha ay u adeegsadaan. Waxan tilmaan gaar ah ka bixin
sida ay dareenkooda u muujiyaan kolka ay waxdareemaan iyo murtida ay
xambaarsantahayba.
Hab nololeedka Soomaalidu ku dhaqmijirtey, haddana badideed ku dhaqanto,
oo reerguuraa u badnaa awgeed, ayaa sida loo kala rag badanyahay laysu
muquunin jirey. Haweenka waxa loo arki jirey iney ahaayeen soo saarka
wiilasha. Hooyaba hooyada ay ka wiilal-dhalid badan tahay ayaa laga jeclaa.
Middii aan hablo mooyee wiilba hoosteeda laga soo jiidin waa lala guursan
jirey ama waaba la furijirey. Colaad gaara ayaa loo qaadijirey iyada oo
layska indhatirayo xanuunkii ay soo martay iyo culayskii ay sagaalka
bilood la soo kacaakufeysey. Habnololeedkaasi ayaa ragga ka indhasaabay
dareendiineedkii ahaa in ubadku yahay deeq uu Eebbe bixiyo, noole kalana
aanu awood u lahayn abuuridda dheddig iyo labtoona. Hooyo Xabiiba Yuusuf
Cali oo arrintaa lagu dhaleeceeyey ayaa tirisay buraanburkan soo socda
tiiyoo inanteedii la hadlaysana waxay tidhi2:
SHUKRI WAXAAN KUU IDHI EEN
SHAALKA KUUGU XIDHAY
WAA SHISHEEYIYO SOKEEYABA
DAD KAA WADA SHAKIYEY
SARARAHAYGA GO’AYIYO
SAAFTINTAYDA MAQAN
AYAAN KAA URINAYAA EE
ANIGU KAAMA IRDHIYIN
WIIL HADDAY DOONAYAAN
WEDKA MAY KA OOLIYAAN
ABUURKA MIYAAN LAHAA
OON ILAAH AHAA
MAXAY II CAAYAYAAN
CAAQILLADAII KU XIGEY?
Sida buraanburka ka muuqata Hooyo Xabiiba inanteeda ayey la hadlaysey,
hayeeshee waxay si sarbeeba gaashaanka ugu dhufatay arrintii lagu
dhaleecaynayey ee wiilal dhalid la’aanta. Waxay tilmaantay iney hore
wiilal u dhashay hayeeshe ay ka noqdeen (dhinteen). Waxaanay raggii
weydiisay iyada oo xujeyneysa waxa ay wedka uga celin waayeen haddii ay
ayagu awood intaa leeg lahaayeen. Waxa kale oo ay qirtay inaanay iyadu ka
xumayn dhalashada inanteeda, wixii uu Eebbe siiyeyna ay ugu mahadnaqayso.
Hooyo Xaliimo Muxumad Madar ayaa iyana gaashaanka ku dhufatay kolkii ay
eedi kaga timid dhanka xigaalka iyada oo dareensiinaysa dadkan Deeqa
dhalashadeeda ka xumi inaanay ahayn ayaku kuwa risiqa loo weydiinayo ee uu
Eebbe risiqeeda gacanta ku hayo. Meeshana waxa ku jira nacayb ama jeclaysi
la'aan ka timid xagga xigaalka. Waxa kala oo ay dareensiineysaa halka ay
iyada ka taagan tahay. Hadal iyo dhammaantii waxay Hooyo Xaliimo 2 tidhi:
DADKUNA WUU KUU DUDAA
DEEQA XAAJIYEEY
DALAYSEY HOOYO ANNA
WAAN KU DAAWADAA
MURAAYAD SIDEEDII BAAN
MAASHAN KUGU HAYAA
SABAAD BAAD II TAHOO
KAAMA SEEXAN KARO
WAXAAN DUMARKOO HURDANA
KUUGU HEESAYAA
DADKOO XEESDAYNA WAXAAN
KUUGU SELELAYAA
BILLAAYOOD U AYDAY BAAN
AAMINAAY LAHAA
KUWAN KU DIIDAYAA DAHABOOY
HADDAAD I GARAN
MA DAAYIN BEY KUU YIHII
DEEQDA KUU XAWILEY
HORTA MAXAY KUUGU DUDI
DAHABO XAAJIYEEY?
Labadaa buraanbur dhawr arrimood ayey ka siman yihiin. Ta u horreysaa
labada magacba waxay tilmaamayaan dhego-ku-hadal. Hooyo Xabiiba waxay
inanteeda u bixisay “Shukri” oo ay uga jeeddo iney Eebbe ugu mahadnaqayso
deeqda uu siiyey. Hooyo Xaliimo iyana waxay ragga u sheegeysaa sida ay
inanteedu u deeqday iyada haddii ayagu saluugsanyihiin. Labada buraanburba
waxay ka simanyihiin oo ay muujinayaan sida uu dareenka diintu ragga ugu
yaryahay. Waxa kale oo ay muujinayaan awood la’aanta ragga.
Dumarku suugaantooda kuma cawdaan oo qudha ee abaalna wey ku ceshaan.
Xaawa Cabdillaahi Gasle 3 oon filayno inay hadda ku nooshahay magaalada
Gabiiley ee Dalka Soomaalilaand ayaa tirisay buraanburkan soo socda. Xaawi
iyada oo indho la’ ayey u qaxday xeradii qaxootiga ee Dulcad (dalka
Itoobiya). Halkaasi oo ay kula kulantay dhakhtar Soomaaliyeed oo cudurrada
indhaha wax ka yaqaan. Dr. Saleebaan Cabdillaahi Faarax oo ah dhakhtarkii
arkay Xaawa ayaa ii sheegey iney Xaawi u qaadan weydey kolkii uu u sheegey
inuu indhaheeda wax ka qaban karayo. Dhakhtarku waxa uu intaa ku daray,
“Markii aan arrintii u muujiyey ugana sheekeeyey sida aan rabo inaan wax
uga qabto waxa ay Xaawi ka walaacday dhankii jeebadda!” Dhakhtarku wuxuu
dabadeed u sheegay inaan waxba looga baahnayn haddii ay doonayso in wax
loo qabto. Arrintaasina waxay noqotay arrin ay Xaawi liqiweydey. Hadal iyo
dham-maantii, Dr. Saleebaan wuu fuliyey ballantii uu uqaaday Xaawa,
waxaanu ku guuleystey ishii u horreysey oo uu ugu jeexay xeradii qaxootiga
ee Dulcad. Saddex bilood ka dib, markii Hargeysa laga saarey ciidammadii
Siyaad Barre, ayey Xaawi ugu timid Dr. Saleebaan magaalada Hargeysa
halkaasi oo tii kalana loogu jeexay. Dhawr toddobaad kadib ayey Xaawi u
boqooshay dhanka Gabiiley iyada oo labadeedii laxaadba qabta.
Ammin saddex gu’ ku dhowaad ah ayaanay Xaawa iyo Dhakhtarku wax war ah
kala helin. Dhanka dhakhtarka waxay ula mid ahayd dadkii tabaalaysnaa ee
uu dawayn jirey. Hayeeshe dhanka Xaawa arrinku intaa waa kala cuslaa.
Bishii diisambar ee 1993kii ayey Xaawi ku soo laabatay Hargeysa.
Markiibana waxay ku dhaqaaqday iney haybsato gurigii Dhakhtarka. Kolkii ay
gurigii timid goor fiid ah waxa loo sheegey inaanu dhakhtarki weli soo
hoyan. Xaawina waxay go’aansatay iney guriga ku sugto. Habeennimadii,
kolkii uu Dhakhtarki soo hooydey ayuu gurigii ugu yimid Xaawa oo fadhida.
Markuu isha ku dhuftayna wuxuu uqaatay in xanuunkii Xaawa ku soo
labakacleeyey. Arrintu siday doontaba hawdhacdee, cabbaar markii lays
warsaday waxay Xaawi af buuxa ku tidhi, “Abaalkii aad igu lahayd maan
illaawin. Lacagna ma sido oo waa sidaad igu ogeyd. Hayeeshee dhawr erey
baan odhanayaa ii keen rikoodh.” Waxaanay tidhi:
Herer walaal kumalahayn
wiilna kuma ogeyn
Ee igama hoogow adaan
haybsigaa ahaa!
Aniga oon baranba kii
ila barbaadayow
Igama hoogow adaan
haybsigaa ahaa!
Waxaan la socdaana
waa duciyo salaan
Ee igama hoogow
adaan haybsigaa ahaa!
Ee Salaamu calaykum
reer sabad wanaagsanow
Salaamu calykum kii
layga siiyayow
Waarimaynee Rabbigu
waayo badan ku daa!
Malaggu kuu aakhir kii
ii miciinayow
Ii dhammeeyow Rabbigu
wax kuuma dhimo!
Saddexda sannadood ee
dhulku saamalayl ahaa
Suleemaanow ka qaday
kaan sugey lahaa
Walaalkay baa qaldhabayey
oo qalbigaa idiley
Haddana quusatayoon
quusi iigu jirin
Eeddoy cudurbaa dib
iidhigaye Daahirow
Kaama ooleene waan
kuu imimanlahaa!
Eeddoy cudurbaa dib
iidhigaye Daahirow
Bariidada iyo ducada
waan badbadin lahaa
Eeddoy cudurbaa dib
iidhigaye Daahirow
Waa horaan Hererey
haheeyo odhanlahaa!
Eeddoy cudurbaa dib
iidhigaye Daahirow
Ninkii cudur naafiyaan
cararin Daahirow
Ee dhawaaquu yidhi ninkaan
dhigine qaadayow
Guuleyso oo guuleyso
geesigan dadkow kacow!
Ninkaan ereygii ka baxay
kala dhantaalinow
Guuleyso oo guuleyso
geesigan dadkow kacow!
Ninkii qawlkii ka baxay
qaayo geliyayow
Guuleyso oo guuleyso
geesigan dadkow kacow!
Jawaabtiisii ninkii
ii johoradeeyayow
Guuleyso oo guuleyso
geesigan dadkow kacow!
Wiilkii layga qaaday
wiilkan laygu dooriyow
Ilahay ii soo diree
ii dadaalayow
Guuleyso oo guuleyso
geesigan dadkow kacow!
Aakhirana reer
aduunyadana reero noqo
Oo adiyo waalidkaaba
Jannadii ku waarigtaan!
Xaawi waxay caddaysey inaanay Hargeysa u iman dan gaar ah, magaala-dana
cid ku lahayn. Hayeeshee waxa u weyn ee ay u socotay uu ahaa iney abaal
celiso.
Midduu kalgacal haleelaa ka kama waabatee way ku tilmaantaa. In kasta oo
aan la aqoon ciddii tirisay waxa ka mid maansooyinka kalgacal lagu
tilmaamay maansadan hoos ku qoran. Waxaanay tidhi haweenaydaasi 4:
Subeeciyad wiil benderi baadhasho u tegow
Kaatun feyruus yoo kuman la siiyayow
Miyaan masaalkaa helayaa, mar la i tusyow?
Dallaayadi waa jabtaa, biraha duubanow
Dahabka Nayroobi oo daacad loo tumow
Shamsada oo soo baxdiyo shaaca waaberow
Miyaan masaalkaa helayaa, mar la i tusyow?
Kolka inan la arooso waanada kalama masuugaan. Xilkay qaadday ee reerka
iyo hawlaha ku soo fool leh sidii ay u hanan lahayd iyo sida ay saygeeda
iyo xigaalkiiba u xaslan lahayd way hoga tusaaleeyaan. Buraanburka hoos ku
qoran oo arrimahaasi iyo qaar kalaba tilmaamaya waxaan ka soo dheegannay
cajalad laga soo duubay aroos lagu qabtay magaalada Hargeysaa gu’gan
dhexdiisa. Waxaanay tidhi:
Bilicda gurigaaga ehelkiisu
haw bogaan
Oo naag xun waa lagu bukoodaaye
baarri noqo
Oo hunbanni waa laga fogaadaaye
feejignow
Naa sayga oo shaqo ka yimid
sawdka laguma gubo
Sufur qabow baa biyaha
loogu sii shubaa
Ubadka waa laga sabaa
lagana seexiyaa
Oo subag sixina baa cuntada
loogu sii daraa
Oo sariirtuu seexanaayaa
la saxartiraa
Sanqadha waa laga yareeyaa
markuu saldhigo
Soddohdu waa hoos qabaw
waana lagu hirtaa
Haddaanay kaa hoyanin waa
hooyga lagu gam'aa
Naa waa hilibkaagii iyo
hooyadaa labaad
Inanna kii hooyo leh ayey
hibadu saarantahay!
Halgankii gobonnimada lagu kicinayey gumeystayaashii reer Yurub kaalin
xoog leh ayey ka qaateen dhanka abaabulka, dhiirigelinta iyo suugaan ku
dirirkaba. Xaliimo Shabeel oo ka mid ahayd xubninhii firfircoonaa ee SYL
ayaa laga hayaa buraanburkan hoos ku qoran iyada oo tilmaamaysey go’aanka
la qaatay iyo kaalinta ay ka qaadandoonaan intaba. Waxaanay ku bilowday:
Go'aan baan gaadhnay isticmaarka inaan gubnaa
Sharduu naga guuro gaashaanka waa la hayn
Guhaad iyo ciil nin qaba yaa wax gaysan jiray
Sharduu naga guuro gaashaanka waa la hayn
Haweenka Soomaaliyeed waa hawl kar. Hawsha reerka badidiisna ayagaa qabta.
Inta ay hawshaa ku jiraan way is maaweeliyaan oo is madaddaaliyaan.
Sidaasi awgeed ayaan hees hawleedda, sidii aan soo sheegey, dumar looga
bursan. Haddii rag geel waraabintii u heesay, ayana heeryo samaynteed, iyo
hawl kale ku foognaanteed bay u halaanhalaan. Heesahaasi wey isku
maaweeliyaan, wey ku xifaaltamaan, aragtiddoodana wey ku gudbiyaan. Kolka
ay kebedda samaynayaanna waxay yidhaahdaan:
Koronkor cunimaynoo
Kariba maynnee
Karuur geel ma lahayaa?
Cawska kolkay samaynayaanna waxay yidhaahdaan ayaka oo isku maaweelinaya:
Cawskanow sabool diidow
Waqaan suuqa lagu dhiginoon
Soddon lagugu baayicinoon
Yaa sameeyey lagu odhan!
Xilliga roobabbowga kolka adhigu garagaroodo hablaha adhijirta ah ayaa
iyana ku heesa:
Deylo deyloow hobihoo
Deylo wacaneey hobihoo
Xasan waa kane hobihoo
Yuu xanaaqine hobihoo
Yuu ku xawdine hobihoo
Xasil oo daaq!!
Caanaha kolka ay lulayaanna waxaay yidhaahdaan:
Caanow Hiyow Heedhe
Haanteeydu waa ceeb1a’
Waa ceebla’ caga toosan
Waa naag cas oo gaaban.
Juguc..juguc..juguc..
Haanteeydu waa gaari
Waa gorof aan xooleeyey
Oon geed ka soo qaaday
Gacalkayna ima siinin
Juguc..juguc..juguc..
Hadhuudhka markay tumayaan ayaka oo ragga xifaalaynaya, gaar ahaan
qorqodayaasha, waxay yidhaahdaan5:
Qamreey, Qorqode waa qayliyaa
Naa muxuu yidhaa?
Wuu qayliyaa oo qalax tamaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa ri'da qal oo qari buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa qiiqu yuu bixin buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Qoolaabka dheeree buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa kubadu waa kurus buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa malawad waa miid buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa xiidan waa xubin buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa qoran qoryo u diro buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa dhiigga dhagax saar buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa kabahayga kaadka dhig buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Qoladiinna tuurtuur buu yidhaa!
Heesaha dhallaanka lagu maaweeliyo dumarka uun baa tiriya. Waana qaybaha
ay ragga dheer yihiin. Hooyo dhallaankeed u heeseysa la arag. Aabbo u
heesayase lama hayo. Heesaha ay wiilasha ugu heesaan waxa ka mid ah6:
Hobeeya hobeey hobeeya
Hobaaladu dhawrtayoowa
Waar ma geelii baa arooray?
Arooroo oon ku raagay?
Waar ma aabbahaa baa socdaalay?
socdaaloo socod ku raagay?
Waar ma naasii baa gabnoobey?
Gabnoobood godol ka weydey?
Waar ma reerkiinnaa sabool ah?
Sabooloon subag ku siinnin?
Maxaad la sammaamuraysaa?
Hablahana waxay ugu heesaan:
Hobeeya hobeey hobeeya
Hobeeyadu dhawrtayeeya
Sidii bilaneey bil dhalatay
Bil dhalatoo beeli aragtay
ama sidii biladayaha adari
laguu soo wada baxaanbax!
Kolka ay xaajo murugto, ama talo faraha ka baxdo sida hadda taagan, waxbay
ku tilmaamaan. Maansadan hoos ku qoran oo laanta Af-soomaaliga ee
idaacadda BBCda laga siidaayey aadna loo xiiseeyey waxay ifisay dareen loo
baahnaa in haweenka Soomaaliyeed laga helo. In badan bay haweenku ka
aammusnaayeen falaaddada gurracan ee ay ragga Soomaaliyeed ku kacaan.
Hayeeshee kolkii ay u adkaysan kariwaayeen, wixii hoos iyo saraba loogu
sheegayna dheg u jalaqsiin waayeen, Nimco Aadan Hurre ayaa galkii seefta
ka saartay. Iyada oon waxna dhimin waxna dhaafin, ragna ka xarrago
qaa-datay, waxay tidhi7:
Abwaannada xilligiyo
Xifaaleeyey waayaha
Mid waliba xiskiisiyo
Xusbadee garaadkii
Maansadana la xiisee
Xaq hadday ka hadashee
Aniguna xogtaydii
Xuubka aan ka qaadoo
Xuso garashadaydoo
Xaqiiqadana taabtee
Xarakada adduunkiyo
Xalka nolosha aadmigu
Waxa ay ku xidhanyiin
Xikmad Eebbe weeyoo
Xukunkiisa weeyaan!
Xadhigiyo hoggaankiyo
Sida loo xallilayana
Raggaa loo xilsaaruu
Ku xawiley Ilaahay!
Bal haddaba xadgudubkiyo
Xumaantiyo dulmigan jira
Inta aan Xakiimkeen
Idinkala xisaabtamin
Aan idin xasuus-shee
Xillimaad raggaygow
Xaqu siduu ahaa iyo
Xeerkii Islaamkiyo
Xadiiskiyo Quraankiyo
Diinta nagu xukumaysaan?
Xaqiiq dawladdeenuna
Weli waa xalkiiyoo
Xigto iyo qabiilbey
Kuraasidu ku xidhantee
Dawladdii xulka ahayd
Xillimaad dhisaysaan ?
Xillimaad raggaygow
Xeer lagu ciqaabiyo
Xabsi loo taxaabiyo
Sharci xidha la helayaa
Kuwan shicibka xadayee
Xoolihii dadweynaha
Xaabxaabsanaayee
Madaxdana la xulifa ah?
Masuulkii xanaaqee
Markii lala xisaabtamay
Is xaamxaamtayee yidhi
Waar ma Xaramki baan gubay
Inyar baan xantoobtee!!
Xillimaad raggaygow
Xarumaha waxqabadkiyo
Geyneysaan xafiisyada
Mudanayaal xariiroo
Xilkasoo waddaniyoo
Xirfad iyo aqoon loo
Xalaal quutayaaloo
Cadligana ku xeeldheer?
Xillimaad raggaygow
Xaafadaha qabiilkiyo
Dilka iyo xasuuqiyo
Xabbadda iyo aanada
Ka xoroobaysaanoo
Inta aydin xoortaan
Nabad lagu xasiliyoo
Qarannimo la xaalayn?
Xillimaad raggaygow
Dumarkiinnan xayadiyo
Xishoodkii ka tegayee
Kolkay xilo-xumaysteen
Waxba xeerin waayee
Diidey xaawaleynimo
Inta aa xaraysaan
Nimanyahow xaslanaysaan?
Xillimaad raggaygow
Xamasta iyo maatada
Xannaanaynaysaanoo
Xuquuqdoodii helayaan?
Xillimaad raggaygow
Macsidiyo xumaatada
Xaaraanta beenta ah
Ka xishoonaysaanoo
Xasanaadka falaysaan?
Xillimaad raggaygow
Xabaasha iyo iilkiyo
Xisaabtii Qiyaamaha
Naaraha xanuunka leh
Aad xasuusanaysaan
Janno xoogsanaysaan?
Hubaal waxa ah inaan xujadaasi weli laga warcelin, diyaarna loo ahayn in
laga warceliyo. Ha la diido ama yaan la diidine, inta warcelintaasi
laalantahay, wanaagga la doonayaana wuu lunsanyahay! Suugaanta haweenkuna
wey ka weyntahay wax la cabbudhiyo oo cagta hoosteeda la gesho.
Ugu dambayntii, qoraalkan waxaan ku eegey siyaabaha kala duwan ee ay
haweenka Soomaaliyeed u adeegsadaan buraanburka iyo hees-hawleedda. Waxan
tilmaamay iney jiraan dhinacyo weli dihin (sida suugaanta Saarka, Sitaadka
iyo hees-ciyaareedda) oo aanan ka hadal. Waa marag madoon inaan qoraal iyo
laba iyo in udhow toona lagu soo koobi karin baaxadda iyo murtida
suugaanta haweenka Soomaaliyeed. Waxa haddaba lagama maarmaan ah in xil
weyn layska saaro, xilli badanna loo huro, ururinta iyo horumarinta
suugaantaas iyada ah.
Raadraac
1. Burton Richard. First Footsteps in East Africa:or An Exploration of
Harar.Edited by his wife, Isabel Burton,Tylson and Edwards, London, 1894.
2. Cabdiraxmaan Faarax “Barwaaqo”. Magac Bilaash Uma Baxo:ujeeddooyinka
magac- yada iyo naanaysaha Soomaaliyeed. Ottawa, 1998.
3. Xaawa Cabillaahi Gasle. Cajalad ay ku duubtay Hargeysa, 1993.
4. Andrzejewski, B.W. and Lewis, I.M. Somali Poetry: An Introduction.
Clarendon Press, Oxford, 1964.
5. Maxamed Cabdi Maxamed. Ururin Qoraallo la Xulay. Besançon, 1989
6. Hal-abuur
6. Hal-aqoon: warsidaha Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, tirsiga 3aad,
xidhmada 1aad, Ottawa, 2000.
7. Laanta Af-soomaaliga ee BBCda.
Top
SIYAABAHA AY
SOOMAALIDU U DUCAYSATO |
Cabdiraxmaan C. Faarax ‘Barwaaqo’
kolka Eebbe la baryo ee laga durraansado inuu belo kugu soo fool leh ku
hareer marsho, ama uu saymo aad kolkaa ku jirto kaa sabato-baxsho, ama uu
cidhiidhi dhaqaale kaa saaro ama uu socdaal kugu nabadgelyo ama uu kuu
fududeeyo hawl aad fulineyso ama uu kuu yeelo si aad doonaysid iwm. ayaa
duco la yidhaa. Ducada oo haddaba qayb weyn kaga jirta dhaqanka Soomaalida,
badankana ku dhisaalan Diinta Islaamka, ayaannu jeclaysannay inaannu
qoraalkan wax yar kaga ifinno, kuwaasi oo ay ka mid yihiin:
Dulqaadku wuxuu ka mid yahay astaamaha muujiya waayeelnimada, halyeynimada
iyo xilkasnimada. Waana laysugu du-ceeyaa. Ilmo kolka loogu ducaynayana
waxa lagu yidhaa,“Dulqaadka iyo Safarka kii Nebi Maxamed Alla ha kaaga
dhigo.”
Oogidda salaadda iyo joogteynteedaba waa laysugu duceeyaa. Hooyada diinta
ku wanaagsanina waxay inanteeda ku ti-dhaa,“Salaaddaada tii Caasha Abu
Bakar Alla ha kaaga dhigo.”
Cimri-dheererka qudhiisu wuxuu ka mid yahay waxyaalaha laysugu duceeyo,
laguna ducaysto. Kolka lagu ducaysanayo waxa la yidhaa, Reerna ma waaree,
reer-dambeedka Allow naga yeel.” Kolka wiil ama gabadhba loogu ducaynayo
waxa lagu yidhaa, “Cimriga kii Nebi Caammir Alla ha kaaga dhigo.”
Samir badnidu waxay ka mid tahay qodobbada ay diintu innagu boorriso ku
dhaqankeeda. Haddaba ilmaha loogu ducaynayo waxa lagu yidhaa, “Samirka kii
Nebi Ayuub Alla ha kaaga dhigo.”
Deeqsinimada kolka la isugu ducaynayo waxa la yidhaa,“Jeebkana kii Abu
Hureera Alla ha kaaga dhi go.”
Xoolo badnida ama hodannimadu waxay ka mid tahay waxyaalaha laysugu
duceeyo. Qoys muumminina ma jecla in ubadkiisu dhac ama boob ku xoolaysto.
Iyaga oo haddaba taa uga ducaynaya ayey hooyadu inta badan ku tidhaa
ilmaha ay u ducaynayso,“Hooyo risiq xalaal ah oon dhiig ahayn oon dhaxal
ahayn oon dhac ahayn Alla ha ku siiyo.”
Aabigu ma fiicna, waxaanu ka mid yahay waxyaalaha laga ducaysto. Dadka
qaar baa kolka Eebbe wax siiyo aabi bata, kuna kaca falaadyo Alla ka
fogaad ah. Sidaasi awgeed ayaa ubadka looga duceeyaa oo lagu yidhaa, “Mid
aanad ku kibrin oonad ku kufriyin Alla ha ku siiyo.”
Magac iyo mooraba waa laysku kuunyaa ama waa laysku cawryaa. Waxaanay
labaduba ka mid yihiin waxyaalaha laga ducaysto. Kolka, haddaba, ay hooyo
ilmaheeda u ducaynayso waxa ay tidhaa, “Mid lagugu kuunyo oon lagugu karin
Alla ha ku siiyo, ama Mid lagugu majeerto oon lagugu cawryin alla ha ku
siiyo.”
Kuuni iyo ilba waa lag ducaystaa. Kolka walcan ubadkiisa uga ducaynayo
waxa uu yidhaa,“Ishii cawri taqaan iyo carrabkii kuuni yaqaan iyo
calooshii kal-xumo taqaan Alla ha idin ka nabad geliyo.”
Tarsheegashadu ma qumana. Waana wax la wada neceb yahay. Hooyo kastaa- na
ilmaheeda way uga ducaysaa inuu gacanta hoos dhigto qof u tar sheegta
waxaanay ku tidhaa, “Hooyo Siiyaa-ma-sheegte wax ha ku siiyo.”
Tub ku joog kolka la noqdo ee lakala ambabaxayo qofka tegaya waa loo
duceeyaa waxana lagu yidhaa, “Jidku toobiye qorraxdu dallaallimo, dadku
aabbe iyo hooyo.”
Sakhiraadda iyo indhagaradkuba waxay ka mid yihiin waxyaalaha laysugu
duceeyo ama lagu ducaysto. Dhul shisheeye oon cidi kaaga horreyn haddaad
tagto waxa lagu ducays-taa,“Alla hayow indho-garad ha noo waayin.” Waxa
kaloo la yidhaa,“ Alla hayow dadkaaga noo sakhir.”
Gu’ga cusub curashadiisa lagama saa-daalin karo wuxuu saymo ama sareedo la
soco ka sii socdana lama garan karo wuxuu innagaga tegi. Sidaasi awgeed
kolka la ducaysa- nayo waxa la yidhaa,“Allahayow gu' ga cusub hirdidiisa
naga hay, ka sii socdana harraatidiisa na hareer mari.”
Beleda guud ahaan waa laga ducaystaa waxana la yidhaa,“Beleda hore roo-ran,
ta danbe reebban, ta dhulkuna radeeban, ta sarana raaran, ta baalluhuna
riixan.”
Talasaarasha Eebbe laguma hungoobo. Inta badanna waxay dhacdaa kolka uu
qofku garanwaayo wuxuu ku tashado. Gaar ahaan kolka uu laba talo kala
dooran garanwaayo. Kolkaasi isaga oo Eebbe tala-saaranaya waxa uu yidhaa,
“Allahayow ma dooran naqaanne noo door.” Ama waxa uu yidhaa, “Allahayow
laba talaba tii roon.”
If iyo aakhiraba in lagu liibaano ayaa la wada jecel yahay. Waxana ka mid
ah ducooyinka lagu ducaysto: Allahayow labada daaroodba nagu wanaaji.
Adduunyada Allaw nagu wanaaji, aakhirana Allaw meel san na gee.
Cidhiidhiga adduunyada iyo cadaabta aakhiraba Allaw naga badbaadi.
Taranka iyo tayadaba waa laysugu duceeyaa. Hooyaduna kolka ay wiilkeeda
ugu ducaynayso ubad badan waxay tidhaa, “Hooyo raaskii lagu soo hirtee,
raasweyn ah noqo.” Mar kale waxay tidhaa, “Taran kaagu wiil noqoy oo
taggaagu meel san noqoy.” Waxa kale oo ay tidhaa, “Gaa- shaankaaga ku reey,
garab kaagana wiil ka arag.” Inanta kolka ay u ducaynayso waxa ay tidhaa,
“Taf ku caanaley, taran ku wiilley ayaan kaa dhigay, hoodadaada iyo
habeenkaagana ku dhereg.”
Colaadda dadka xigaalka ah waa laga ducays -taa. Waana ta ay Soomaaliyi
maanta u -baahan tahay. Waxaanannu leennahay, “Allahayow Soomaali bog
geeda burcad isu mari.”
Ducooyinka kale ee qiimaha weyn leh waxa ka mid ah, “Waxaanu hayno Allaw
wax nooga dhig.” iyo ta kale ee tidhaa,“Mijaha Allaw naga dhaq, madaxa
Allow naga kori oo dad iyo duunyaba Allaw noo kordhi.”Waxa kale oo ka mid
ah ducooyinkaa ta ay waayeelku yidhaahdaan kolka ay kacayaan, “Allaha -yow
na kiciyoo hanna kala reebin!”
Ducooyinkaasi miyi iyo magaalaba way ka dhexeeyaan. Waxa haddaba jira qaar
miyiga u goonniya, kuwaasoo la adeegsado xilliyo gaar ah. Kolka haddaba la
guurayo waxa loo ducaystaa sidatani:
- Saddex jeer ayaa la yidhaa," Bismilaahi Raxmaani rixiim; waar reerka
rara oo nabad iyo caano ku rara.
Kolka la dareerana waxa la yidhaa," Guur -raye Allaw guri roon na gee."
Kolka la degena waxa loo ducaystaa sidan:
- Saddex jeer ayaa la yidhaa, "Bis-milaahi Raxmaani Rixiim, Balaayoy naga
baydhoo naga baydh."
Kolka xooluhu soo xeroodaanna qaraamaad ayaa la ururiyaa waxaana la yidhaa
:
- Waa balaayo xijaab oo waa baadi xirsi xidhkeed oo waa reer maadha
xirsigii.
Kolka qof caano ku shubo weelka lala wa -reegayana, ninka qaraamaadka uru
-rinaya ayaa ku yidhaa qofkaasi," Sarreeyoo dhereg oo sanka xoor geli oo
sare u boodbood ! "
Top
Mahadhada Cabdiraxmaan Faarax
“Barwaaqo” oo kooban |
Mahadhada Cabdiraxmaan Faarax “Barwaaqo” oo kooban
Magac : Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax “Barwaaqo”
Aqoontiisa : Af yaqaan (Linguist)
Afafka uu yaqaan : Soomaaliga, Carabiga, Ingiriisiga iyo Ruushka
Buugaagta uu qoray:
1. Abwaan cusub oo af Soomaali iyo af Ingiriisiya (1995)
2. Magac bilaash uma baxo:ujeeddooyinka magacyada iyo naanaysaha
Soomaaliyeed (1998)
3. Abwaanka cudurrada dadka iyo duunyada (2001)
4. Hal-aqoon: warsidaha suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed (2000 – ilaa
hadda)
5. Hal-bixinta ereyada Kumbuyuutarka ( in press)
Qoraallada:
· Baaxadda Suugaanta haweenka Soomaaliyeed.
· Caadooyinka Soomaalida.
· Ciyaaraha Soomaalida.
· Cudurrada iyo habkii ay Soomaalidu isaga daweynjirtey
· Dhirta iyo dhefteeda
· Ujeeddooyinka magacyada magaalooyinka Soomaaliyeed.
· Kumaa ah aabbaha miisaanka maansada: ma Carraale mise Gaarriye?
· Qalabka iyo suugaanta qodaalka ( waxa la qoray Nugidoon).
· Siyaabaha ay Soomaalidu u ducaysato.
· Taabbudnimada ereyga magac iyo adeegsigiisa
· Ujeddooyinka magacyada Xoolaha dheddig
· Xasilloonidarrada af Soomaaliga
· Taxanaha Baro Abwaankaaga:
- Mahadhadii Maxamed Ismaaciil Diiriye “Qaasin”
- Mahadhadii Macallin Guush Andrawiski
- Mahadhadii Cabdillaahi Suldaan Timacadde
- Mahadhadii Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal
- Mahadhadii Ibraahin Xuseen Ismaaciil “Cirrasuge”
Gorfaynta:
- Gorfaynta qaamuuska Cusub ee af Soomaaliga
- Gorfaynta buugga‘Waxaa la yidhi -- ’ Sheekooyin hidde ah.
- Ma dhabbaa qabiil waa qab iyo iil?
Maansooyinka uu curiyey:
- Qoraa
- Han-laawe
- Eel
- Garnaqsi
- Ma shakaa ku jira?
- Sabaad
Top
Taabbudnimada Ereyga Magac iyo Adeegsigiisa |
Cabdiraxmaan Faarax "Barwaaqo"
hal_aqoon@yahoo.com
Magac waa erey af Soomaaliya, waana erey
gaaban oo ka kooban 5 dhawaaq (3 shibbane iyo 2 shaqal).
Laga gaaban, lagana dheer.
Hayeeshee, lagama taabbudsana lagamana adeegsi badna. Qoraalkan kooban oon
filayo inuu innoo bidhaamindoono taabbudnimada ereygaa waxan marka hore ku
eegi ujeeddooyinkiisa iyo siyaabaha loo adeegsado. Waxan raacin, oon
tilmaan yar ka bixin, sida, kolka ereyga horgale, ama dibgale,
ama erey kalaba loogu kordhiyo, ama isagaba dhexroore looga dhigo,
ay ujeeddooyinkiisu isu beddelaan. Waxan iyana sheegi meelaha ereygan iyo
ujeeddadiisu ku soo arooreen sida maahmaahaha, maansada iyo Diinta
Islaamka. Ugu dambaynta waxan soo bandhigi yaabkii Cilmibaadhistii u
dabeysey lagu ogaaday iyo kaalinta ay magacyadu kaga jiraan barashada
afafka yar iyo weynba.
Ereyga 'magac' haddii aad ka baadho
Qaamuuska af Soomaaliga (Yaasiin C. Keenadiid 1976) waxad arkaysaa inuu
leeyahay dhawr ujeeddo. Ta u horreysa waxa uu ku sheegayaa inuu yahay: [waa]
erey ama tix, qof ama wax kale
magac looga dhigay oo loogu yeedho.
Waa run midhkaasu oo qof kastaa wuxu
leeyahay magac ujeeddo leh oo loo yaqaan, isaguna isu yaqaan. Dalkastaa
magac u gaar ah oo loo yaqaan buu leeyahay. Buug ama wargeys aan magac
lahayni ma jiro. Magaalo kasta oo adduunka jirtaa magac u gaar ah bay
leedahay. Duunyada aynu dhaqannaa waa sidoo kale. Jaamacad ama dugsi
magaclaawe ihi ma jiro.
Ujeeddada labaad ee ereygu waxa weeye:
hadal wanaagsan oo qof u meel
mara, haddii aan si kale u
nidhaa waa maamuus.
Tan qudheedu waa dhab. Haddaan qof
ku idhaa: magacaa be' ! Waan habaarayaa oo waxaan ku habaarayaa
inuu maamuus beelo oo wixii uu sharaf lahaa dhulka galaan. '[hebel] waa
nin magac leh', haddaan idhaa waxan ujeedaa waa qof sharaf leh oo la
tixgeliyo. Hadduu qof kugu yidhaa, " magaca Soomaaliyeed ha dilin!",
wuxu ujeedaa sharafteenna dhawr oo hayna maamuus ridin.
Ujeeddada saddexaad waa tu dhanka naxwaha
ah, waxaanu abwaanku tilmaamayaa inuu magac yahay qayb ka mid ah qaybaha
hadalka. Tusaale ahaan, ereyada geed, caano, dhul, Samakaab, qurux,
foolxumo, dhabcaalnimo, dad iwm., waa magac.
Ereyga 'magac' haddaan
dibgale
ku ladhno wuxu yeelanayaa ujeeddo kale. Tusaale ahaan, Haddii dibgalaha '-ow'
aan ereyga 'magac'
ku ladhno wuxu noqonayaa 'magacow'.
Waxaanu noqday fal. Ujeeddadu waa magaciisa sheeg. Haddii aan ku idhaa:
magacow qofkii warkan kuu sheegay. Waxan u jeedaa sheeg magaca qofkii
warkan kugu yidhi. Dibgalaha "-dheb" haddaan raaciyo wuxu noqon "magacdheb"
oo ah carrabbaad ama soo hadal qaad. Tusaale ahaan, haddaan ku idhaa: Ninkaasi
qofna muu magacdhebin.
Waa qofna magaciisa sooma
hadal qaadin. '-uyaal' haddii la raacsho wuxu noqon 'magacuyaal' oo
ujeeddadiisu tahay kii meeshii magaca galay. Tusaale ahaan halkii aad
magac ka adeegsan lahayd waxaad halkiisa gelineysaa magacuyaal sida:
isagaa cunay. Anigaa bixiyey
lacagtii, iwm.
Ereyo aan kala dhantaallayn kolka xagga
dambe laga raaciyo ujeeddo kale ayuu ereygi yeelanayaa. Tussale ahaan
haddii aan nidhaa: waa qof magac wanaagsan. Waxan u jeedaa waa qof
magac fiican leh oo la tixgeliyo. Haddaanse idhaa: waa qof magac xun. Waa
taas hore lidkeeda.
Kolka horgale lagu ladhana iyana
ujeeddadiisi way is beddeleysaa. Tusaale ahaan, haddii aan 'u' ka
horreysiinno ereygii 'magacow' wuxu noqonayaa 'u magacow' oo ujeeddadiisu
tahay meel u xilsaar ama jago u dhiib.
Marka ereyga laftiisa dhexroore laga dhigo
waa sidoo kale oo ujeeddo kale ayuu yeeshaa. Tusaale ahaan, haddii aan
nidhaa 'ugu
magac
dar', ujeeddadiisu waa qof kale
magaciis ilmahan u bixi. Hayeeshee ‘u
magac bixi’ waa ilmo kolkaa
dhashay magac cusub u bixi.
Intaa haddii aan ka gudbo bal aan eegno meelaha uu
ereyga magac ku soo arooray. Haddaan dabagal ku samayno waxan soo heleynaa
meelo dhawr ah oo uu ereygaasi ku soo arooray. Meelahaasi oo ay ka mid
yihiin:
Maahmaahaha:
1.
Magacaaga wax badan baa
yaqaan, muuqaagana waxa yar.
Waxa halkaa ka cad inuu magacu kaa dheereeyo oo dad badani ayakoon ku arag
ama aanad adba la kulmin ay ku yaqaannaan. Laba arrimoodba way kugu maqli
karaan: magac xumaan iyo magac wanaagsanaan labada.
2.
Magac bilaash
uma baxo. Iyana waa
maahmaah kale oo tilmaamaysa inuu magac kasta oo labixiyaa uu leeyahay
ujeeddo ee aanu iska bixin.
3.
Magac iyo masiibaba maalin bay dhacaan. Tan iyana ujeeddadeedu waxa
ay tilmaamaysaa in magac wanaagsanida iyo masiibaduba ay maruun dhacaan.
Tusaale reer dhan oo dhisan ayaa maalin qudha masiibo ku habsataa oo la
mooraduugaa. Haddii magac Eebbe ku siinayana waa sidaasi oo kale oo maalin
uu baa laguu gacan haadiyaa oo hawl aad qabatay magac kuu soo jiiddaa.
4.
Magac
miskiin lagama aha.
Maahmaahdani waxay tilmaamaysaa in qofkastaa jecelyahay inuu magac
wanaagasan yeesho.
5.
Magac iyo lacagiba dadka
way dooriyaan. Tan qudheedu
waxay innoo sheegeysaa in sida lacagta badani qofka hab nololeedkiisa u
beddesho uu magaca wanaagsanina u beddelo.
Suugaanta:
Suugaanta lafteeda waa loo adeegsadaa
ereygani kolka uu ujeeddadiisu maamuus tahay.
Tusaale ahaan, maanso uu
tiriyey Gaarriye ayaa waxa ku jira tuduca ah:
Magac waa
qasaalade wallee qado ma dhaafsado.
Gaarriye wuxu inna hogatusaalaynayaa inuu maamuusku
u maydhmo sida uskaggu u maydhmo. Sidaasi awgeed wuxu halkan ku muujinayaa
inaanu sharaftiisa qado dhaafsan doonin oo aanu noqondoonin nin lagu
tilmaamo inuu dhuuniraac yahay.
Diinta:
Ujeeddada saddexaad ee ereyga magac wuxu
ku soo arooray Diinta Islaamka. Sida ku xusan Aayadda 31aad ee
Suuradda Al-Baqarah ee Kitaabka Quraanka wuxu Eebbe,
Korreeyoo hufnaaye, innoogu sheegay in kolkii uu abuuray Nebi Aadam
(Nabadi Korkiisa ha ahaatee) uu baray magacyada. Waxaanay Aayaddu
tidhi:

Al-Baqarah
Haltebintii ay wadaaddadu ka bixiyeenna
waa kuwan hoos ku qoran:
Soomaali:
31. Eebbe wuxuu baray Aadam magacyada
dhammaan, markaasuu u bandhigay Eebe malaa’iigta kuna yidhi iiga warrama
magacyada kuwaas haddaad runlowtihiin
Ingiriisi:
31 - And he
taught Adam the names of all things; then He placed them before the
angels, and said: Tell Me the names of these if ye are right".
Carabi:

Ibn Kathiir
Sida kor ka muuqata, ma jiro wax oddoros
ah oo tilmaamaya saamaynta ay dadka ku leedahay aqoontii Eebbaheen Aadam
baray markii uu abuuray. Heeyeeshee baadhitaannadii la sameeyey ayaa loo
adeegsan karaa iney arrintaasi saamayn weyn ilaa hadda dadka ku leedahay.
Wixii baadhitaannadii u dambeeyey ay
tilmaameen:
Qoraal laga soo saaray baadhitaan, uu
hirgeliyey Machadka la yidhaa
National Institute of Health oo
ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Maraykanka ayaa arrin la yaab
leh lagu soo badhigay. Qoraalkaasi oo ladhkiisu ahaa
“Children follow same steps to learn vocabulary, regardless of language
spoken” laguna soo saaray
warsidaha “Child Development”
tirsigii soobaxay Juulaay-Ogost
ee 2004ta, ayaa sheegay in
carruurtu isku si u barato afafka.
Qoraalku wuxu intaa ku daray
in habka ay carruurtu u barato ereyada afka, afkasta habaranayaane, uu
isku mid yahay.
Baadhayaashu waxay ku
ogaadeen toddoba af oo ay baadheen in magacyadu ugu badanyihiin ereyada ay
bartaan carruurta da’doodu tahay 20ka bilood, kadibna barashada falalka
iyo tilmaamayaashu ku xigaan. Guud ahaan waxa baadhitaankaasi ka qayb
qaatay 269 hooyo iyo carruurtoodii oo jira 20 bilood. 117 ka mid ah
carruurtaas ayaa hablo ahaa, 152ka kalana wiilal bay ahaayeen. Ilmo kastaa
wuxu ahaa curadkii ama curaddii reerka. Mid kasta oo carruurtaa ka mid ihi
wuxu ku hadlaa af qudha. Hooyooyinka carruurtaasi baa ka warcelinayey
weydiimo isku mid ah oo baadhitaankaa loogu talagalay. Weydiimaha waxa ka
mid ahaa ereyo magacyo ah, dar falal ah iyo qaar tilmaamayaal ah. Waxa
kale oo ka mid ahaa kuwa loo yaqaan ereyada oodan (sida magacuyaallada iyo
qodabbada). Hooyo kastaa waxay sheegtay inuu ilmaheedu ku hor hadlay
ereyada magacyada ah, kadibna falalka iyo tilmaamayaasha.
Marc Bornstein
iyo Linda Cote oo baadhayaal ka ah NICHD ayaa
baadhitaankan gacansaar kala yeeshay baadhayaal ka kala tirsan dalalka
Arjantiina, Beljiyamka, Faransiiska, Yuhuudda, Talyaaniga iyo
Jamhuuriyadda Kuuriya si ay u ogaadaan sida barashada afafka carruurtu
u kobocdo.
Dr. Bornstein
baa tidhi, “Waxa jira hab laga simanyahay oo ay carruurtu afka u barato.”
Waxa kale oo ay dhakhtarkaasu tibaaxday in sababta ay carruurtu magacyada
u horbartaan tahay magacyada oo ah wax la taaban karo iyo wax la arkikaro,
halka ay falalka iyo tilmaamayashu ka yihiin wax dahsoon oon maskaxda
carruurtu qaban karin.
Dhanka barashada afafka, in
kasta oo aanan sheegikarin iney barayaashii dejiyey buugaagta dhallaanka
da’doodu u dhaxayso saddex bilood – 23 bilood ee loogu talagalay in lagu
baro akhriska ay yaqaanneen aragtidan iyo in kale, haddana waxad
dareemeysaa in badiba buugaagtaasi ku salaysan yihiin aragtida kor ku
xusan. Buugaagtaasi waxay carruurtu ka barataa magacyada xubnaha jidhka,
xoolaha kuwa badda iyo dhulkaba, qaababka, qalabka guryaha lagu adeegsado,
iwm. Waxa iyana la yaab leh in sida afafka loo baro dadka waaweyni la mid
tahay sida dadka yaryar loo baro. Qofkasta oo baranaya sida loo qoro af
aanu lahayn waxa lagu bilaabaa barashada dhawaaqa xuruufta afka uu
baranayo. Intaa ka dib waxa la baraa ereyo gaaggaaban sida kuwa xubnaha
jidhka, dhismayaasha, qalabka dugsiga yaalla, kuwa guriyaha lagu
adeegsado, iwm.
Mar aan warsaday Liibaan
Axmed, oo ah bare Soomaaliyeed, oo af Soomaaliga ka dhigijirey xero
qaxooti oo ku taal dalka Yaman wuxu ii sheegey in buugaagtii ay adeegsan
jireen oo ay soo diyaarisay UNESCO
ereyadii u horreeyey ee
ardayda la barijirey ay ka mid ahaayeen ereyada:
Bar
Baal
Beer
Waxa halkaa innooga muuqda in
ereyadaasi dham-maantood yihiin kuwii aan hadal hayney ee ahaa magacyada.
Mar aan dhugtey buugga la yidhaa “Aftahan:barashada af Soomaaliga”
(Cabdifataax M. Yuusuf 2003) oo loogu talagalay in af Soomaaliga laga
barto, ayaad dareemeysaa inuu isna aragtidaasi ku salaysanyahay.
Xarafkasta kolka dhawaaqiisa la sheego
waxa la sheegayaa dhawr erey
oo uu dhawaaqu ku jiro. Tusaalooyinka uu buuggu qoray badankoodu waa
magacyo.
Ugu dambayn, qoraalkan oon ku eegayey ujeeddooyinka ereyga magac iyo sida
uu isku beddelo kolka wax la raaciyo ayuu baadhitaankaasi innoo
caddaynayaa taabbudnimadiisa iyo in barashadii uu Eebbaheen ku baray Nebi
Aadam magacyada ay saamayn weyn ilaa hadda dadka ku leedahay, yar iyo
weynba, kana muuqato barashada afafka iyo adeegsiga eraygaasiba.
Raadraac
Cabdiraxmaan C. Faarax
"Barwaaqo". Magac Bilaash Uma Baxo: Ujeeddooyinka magacyada iyo
Naanaysaha Soomaaliyeed, published by the author, Ottawa, September 1998.
1st edition. x, 209pp.
_____ “Ujeeddooyinka magacyada
magaalooyinka Soomaaliyeed”, Ottawa: Hal-aqoon, xidhmada 1aad, tirsiga
3aad, Gu’ 2001/Vol.1,No.3 Spring 2001.
______ “Ujeeddooyinka magacyada Xoolaha
dheddig”, Ottawa: Hal-aqoon, xidhmada 1aad, tirsiga 1aad, Dayr
2000/Vol.1,No.1 Fall 2000.
Georgi Kapchits. Qaamuuska maahmaahyada
Soomaaliyeed, Moscow, 1998
Quraanka Kariimka iyo Tarjumada
Macnihiisa ee afka Soomaaliga,
, Madbacadda Boqor Fahad, Al-Madina Al-Munawara, Sacuudi Areebiya.
The Holy Quran English translation of
the meanings and Commentary,
King Fad Holy Quran Printing Complex, Al-madina Alminawara, Saudi Arabia.
Yaasiin C. Keenadiid, Qaamuuska af
Soomaaliga, Muqdisho, Wakaaladda madbacadda qaranka, 1976.
http://www.nih.gov/news/pr/sep2004/nichd-14.htm
Top
Israaca Shaqalada iyo shibbanayaash (B &T) |
Israaca Shaqalada iyo shibbanayaash (B &T)
Shaqal Gaaban
Tusaale
Shaqal Dheer Tusaale
B
Ba
Bad
Baa
Baal
Be
Berri
Bee
Beer
Bi
Bil
Bii
Biirin
Bo
Bocor
Boo
Bood
Bu
Burris
Buu
Buug
Ta
Tabar
Taa
Taallo
Te
Tegid
Tee
Teeb
Ti
Timo
Tii
Tiir
To
Toban
Too
Toon
Tu
Tuhun
Tuu
Tuug
Top
Top
Top
Top
Top
Top
Top
Top
Top
Top
|