haatuf.net
Xukuumadda Siilaanyo Waxay Ku Dhoofista Passport-Ka Somaliland Ka Jeceshahay Isticmaalka Baasaboorada Ajnabiga Ah
November 24, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, ampoule November 24, 2014 (Haatuf) – Madaxwayne Siilaanyo ayaa mudadii uu xukunka dalka hayey waxa si wayn loo tabay dadaalkii ay xukuumadii ka horeysay ee UDUB u gali jirtay meelmarinta Passport-ka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xukuumadii Rayaale ayaa iyadu ku dhaqmi jirtay siyaasad ah in wasiiradda iyo masuuliyiinta kale ee dawladu markay socdaalo dibada ah u baxayaan ay isticmaalaan baasaboorka Somaliland halka ay madaxda xuuumadda Siilaanyo ay caadaysteen inay ku dhoofaan baasabooro ajnabi ah.

Masuuliyiinta xukuumadda ayaa markay dibadda u baxayaan waxay inta badan u safraan iyagoo ka jawaabaya martiqaad ay ka heleen dalkay tagayaan ama hawl labada dhinac khusaysa oo ay isla ogyihiin, iyadoo ka faa’idaysanaysa fursadaha noocaas ah ayaa waxa u dhaqan ahaa xukuumadii hore inay cida martiqaadka bixinaysa ogolaysiiso Passport-ka Somaliland isla markaana madaxda dhoofaysaa ay sidaas ku tagaan dalka martiqaaday, waxaanay markaa madaxda dawladii Rayaale  ee baasaboorka Somaliland ku dhoofay ku gali jireen dalkasta oo ay hawl u tagayaan. Waxa xataa sidaasoo kale iyaguna yeeli jiray dadka rayidka ah ee ka qaybgalaya shirarka caalamiga ah iyo kuwa goboleedba.

Madaxwayne Siilaanyo inuu masuuliyiinta xukuumadiisa ku dhiiri-galiyo isticmaalka baasaboorka dalka daayoo isaga laftigiisa ayaa Passport ajnabi ah ku tagay gobol-yar oo ka mid ah dalka Shiinaha ka dib markii ay dawlad-goboleedkaasi ay diiday in madaxwaynaha Somaliland booqdo isagoo sita baasaboorka dalkiisa, isla markaana arrintaas ayaa dhacday mudo yar ka dib markii uu Siilaanyo madaxtinimada dalka la wareegay ayaa dadka wax kala socda arrintaasi ay aad ula yaabeen sababta uu madaxwaynuhu isu-qiimo riday oo arin aan istaahilin ahayn awgeed uu sidaas u yeelay iyadoo aynu ognahay in aanay jirin wax faa’ido ah oo dalka uga soo korodhay booqashadaasi.

Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa mudada afarta sano iyo dheeraadka ah ee uu xilka hayey aanay jirin dal cusub oo uu kusoo kordhiyey dalalkii uu Rayaale ogolaysiiyey in lagu galo baasaboorka Somaliland.

Waxa kale oo beenoobay balanqaadkii wasiirka daakhiliga Cali Warancade ee ahaa in xujaajta reer Somaliland dalka Sucuudiga ku gali-doonaan baasaboorka Somaliland.

Sidoo kale wasiiradda iyo masuuliyiinta xukuumadda Siilaanyo ayaa iyagu u badan qurbo-joog isla markaana marka xilku ka dhamaado ay iyaga iyo madaxwaynuhu-ba dalalkii ay degenaayeen ay dib ugu laaban doonaan.E-Passportka Somaliland

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS