MustaqbalexpressonlineXawaalada
Mustaqbal 4433 S Graham St. Seattle, Wa 98118 Phone: 206-723-6567
Almus, Halal
Store 4433 S. Graham St.
Seattle, Wa 98118 Phone 206-722-0796
“Xukuumada Cusub
Waa Mid Aan Anigu Filayey, Waana Mid Reer U Dhisan Oo Marka
Horaba Ilaahay Laga Baryayey, Waxaan Xasuustaa Heestii Kulmiye
Ee Ahayd Beeshu Wey Haraaday..!! Shay Xuseen Xareed Boorama
Boorama, July 29, 2010
(Haatuf) - Magacaabista xukuumadda cusub ee uu
shalay ku dhawaaqay Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed
Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa ahayd mid si weyn looga
saluugay gobolka Awdal, iyada oo la raagsaday ku dhawaaqista
xubnaha xukuumada cusub mudada bisha ahayd ee xilka lagula kala
wareegayay,
Odaygan imikuun
dawladda Soo magacaabay tolow yaa ka qabsada Kornayladan
carqalada cuslayn jiray, saw kuwan durtaba nafta u keenay ee leh
Kulmiyaa la doortee ma kaligaa baa lagu doortay? Maxaad xilalkii
nooga qadisay? Hadaanay nimankani aqoonsanaynba in aan Kulmiye
la dooran ee ay ummaddu Madaxweyne Siillaanyo u codaysay waxa
dhici doonta in horumarkii uu madaxweynaha la doortay ummadda
ugu balan qaaday ay ka habsaamiso oo uu haleeli waayo
haddimooyinka ay nimankaasi geysanayaan awgood, taas oo dalkuna
ka soo waaqsan karayn.
Hargeysa July 29, 2010 (Haatuf)-Boqor Cismaan Aw
Maxamuud (Buur-madow) ayaa shalay markii ugu horeysay ku
dhawaaqay in uu hambalyaynayo dawlada cusub ee uu soo dhisay
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).Waxa kale oo uu
boqor Buur Madow, sheegay in qaabka uu madaxweynuhu u soo dhisay
dawladiisa cusubi aanu ahayn mid isaga farxad gelinaya, isla
markaana uu ka naxayo balse waxa uu tilmaamay la eegi doono waxa
ay dadka reer Somaliland u qabtaan.Boqor Buurmadoow,
Hargeysa July 29, 2010 (Haatuf)-Aqoonyahan Axmed
Carwo, oo ka mid ah qurbo Jooga reer Somaliland ee degan dalka
UK, islamarkaana ahaa gudoomiyihii jaaliyada Weles, ka mid ah
xubnaha sarsare ee Xisbiga Kulmiye ee dalkaasi sida weyn uga
hawl galay isbedelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, ayaa
sheegay in guusha xisbigoodu ka gaadhay doorashadii madaxtooyada
ee uu kaga adkaaday Udub,
Aniga oo ah sarkaal
ka tirsan wasaarada arimaha gudaha, waxaan halkan marka hore uga
hambalyeynaya madaxweynaha JSL Axmed Maaxamed Maxamuud
Siillaanyo guushii balaadhnayd ee uu xisbiga Kulmiye ka soo
hooyey doorashadii dalka ka dhacday, waxa kale oo aan ku
hambalyeynayaa dawladda cusub iyo qabadhismeedkeeda ah iyo sida
habsamida leh ee uu u soo dhisay.
Xidiga caalamiga ah
ee wadanka Talyaaniga Mario Balotelli ayaa waxa uu ku tagayaa
kooxda Man City 25 Milyan halka Emmanuel Adebayor isna uu ku
biirayo kooxda Juventus si amaah ah halka Mascherano iyo Kuyt ay
ku biirayaan Inter, Forland aya isna sidoo kale lagu arkay
liiska kooxda Inter.Kooxda Man City ayaa soo bandhigtay lacago
kaash ah oo uu dheeryahay Shaun Wright-Phillips si ay u heleen
xidiga James Milner ee kooxda
Astonvilla.
Ciyaaryahanka
Mascherano ayaa kulan uu la qaatay tababaraha cusub ee Liverpool
Roy Hudgson waxa uu sheegay in aanu ku qanacsaneyn lasii
joogitaanka kooxda uuna door bidaayo inuu mar kale la midoobo
tababarihiisii hore ee Benitez oo u wareegay kooxda heysata
horyaalnimada Talyaaniga iyo ka Yurub ee Inter. Kooxda Liverpool
ayaa kor dhigtay 25 milyan madaxa kabtanka xulka Argentina
Mascherano.Ninka wakiilka u ah xidigan Walter Tamer ayaa sheegay
inay riyadiisa u rumoobayso haddii uu Mascherano caga dhigto
garoonka Giuseppe Meazza sida ay qortey jariidada Guardian.
Orodyahanka reer
Somaliland ee u orda dalka Ingiriiska,Maxamed Faarax oo loo
yaqaano Mo Farah ayaa guul weyn ka soo hooyay orodka 10Km ee
qaarada Yurub.Mo Farah ayaa wacdarahan taariikhiga ah dhigay
isagoo ka qeyb qaadanaya tartanka Athletics-ka qaaradda Yurub oo
ka socda magaalada Barcelona ee dalka Spain.Orodyahanka Mo Farah
oo da’diisu tahay 27 jir ayaa ku guuleystay bilad dahab ah
orodka 10-ka KM oo habeen hore ka dhacay magaalada Barcelona
kaddib markii uu ku orday 28 daqiiqadood 24.99 ilbidhiqsi.
Hay,ada Caafimaadka
Aduunka ee WHO ayaa sheegtay in maalin walba Caalamka ay 3000 oo
qof ay naftooda dilaan. Hay,ada ayaa sheegtay inay jiraan afar
qof ama in kabadan oo kale oo isku daya inay naftooda dilaan
maalin walba,Hay’ada caafimaadka aduunka WHO ayaa sheegtay inay
caalamka oo dhan maalin walba ay jiraan dad diyaar u ah oo ku
soo toosa inay naftooda dilaan kuwaas oo qaarkood ay mudo
qorshaynayeen ama ay ka fekerayeen inay naftooda dilaan halka
kuwo kalana ay mar qudha ku dhalato inay is dilaan, Hay,ada ayaa
sheegtay inay jiraan Sababo kala duwan oo dadkaa ku kalifa inay
naftooda dilaan,
Masuuliyiinta guriga
cad ee mareykanka White House ayaa sheegay in madax weyne Barack
Obama aanuu ka qeyb gali doonin Arooska inanta ay dhashay
wasiiradiisa arimaha dibada Hillary Clinton iyo madax weynihii
hore ee mareykanka Clinton ee Chelsea Clinton,Ninka u hadla
guriga cad ee dalka mareykanka looga arimiyo Robert Gibbs ayaa
isagoo ka jawaabaya su,aal ay saxaafadu weydiisay oo ku
saabsanayd in madax weyne Obama uu ka qeyb galayo Arooska Inanta
Clinton uu ku jawaabay Maya kama qeyb gali doono madax weynuhu
arooskaa,
“Arrinta
Muhiimka Ah Siday Aniga Ila Tahay Waxay Ahayd Sida Heshiiskii La
Gaadhay Bishii September 2009 Loo Dhaqan Galiyay” Safiir Ku
Xigeenka Dawlada Uk U Jooga Dalka Ethiopia, John Marshall
Adis ababa, July 28, 2010 (Haatuf)-Safiir ku
xigeenka dawlada UK u jooga dalka Ethiopia, John Marshall ayaa
si diiran u soo dhoweeyey munaasibadii xil wareejinta
madaxweynaha cusub,Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo loogu
dhaarinayay xilka madaxweynenimo ee Somaliland,
“Waxaan Ilaahay Ugu
Dhaartay, In Aan U Noqonaayo Daacad Diinta Islaamka Dalka
Somaliland Dadkiisana Aan Ku Maamulayo Sinaan Iyo Cadaalad Inta
Aan Xilka Hayo” Axmed Siillaanyo Iyo C/raxmaan Saylici Oo Ka
Daba Yidhi Dhaartaasi Guddoomiyaha Maxkamada Sare
Hargeysa, July 28, 2010 (Haatuf) - Munaasibad
balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay xilka kula
kala wareegayeen Madaxweynihii Hore iyo Madaxweynaha la doortay
Axmed Maxamed Maxamuud Sillaanyo iyo Daahir Rayaale Kaahin, isla
markaana lagu dhaariyey Madaxweynaha Cusub iyo Ku xigeenkiisa
ayaa ka qabsoontay Aqalka Madaxtooyada Somaliland,
Hargeysa, July 28,2010 (Haatuf)-wufuudii ka kala
socotay dawladaha Somaliland jaarka ah ee dalka u yimid ka qayb
galka munaasibadii dhaarinta madaxweynaha cusub, Axmed Maxamed
Maxamuud ee xilka kala wareegayay madaxweynihii hore,Daahir
Rayaale Kaahin, ayaa si weyn ugu amaanay Somaliland sida
dimuqraadiyada ah ee ay u dhacday munaasibadii xil wareejinta
labada madaxweyne.
Somaliland waxa ay
taagantahay guul iyo darajo aan cidi la wadaagin kol haddii
saaka Axmed Maxamed Siillaanyo loo dhaarinayo jagada
madaxweynaha Somalialnd ee uu ku gulaystay doorashadii dalka ka
dhcday 26 june 2010, oo ninkii uu ka helay ee xilkaasi illaa
hadda hayey ee Daahir Rayaale Kaahin uu si salmi ah oo
saaxiibtinimo leh ugu wareejinayo taladii dalka.Waxayse ahayd in
fursadan naadirka ku ah Afrika looga faa’iidaysto is ogaysiinta
caalamka iyo siddii qadiyada Somaliland loogu qancin lahaa in
falowgeed la qabto, waxaana loo mari lahaa oo kaliya warbaahinta
waaweyn ee caalamka oo maanta halkan lagu casuumi lahaa.
Sixid
Wargeyska Haatuf
wuxuu sixid ku samaynayaa cinwaankii u dhignaa sidan "“Bayaankii
Shirkii Aqoonyahanka Gadabuursi (Tol) Ee Ka Dhacay Canada Iyo
Xubnaha Somaliland Diidka Ah Ee Shirkaasi Ka Dhex Muuqda” ee la
daabacay 25 July 2010 kuna soo baxay cadadkii 2412. haddaba
cinwaankaasi wuxu sax ku yahay sidan “Bayaankii shirkii
Aqoonyahanka Gadabuursi (TOL) ee ka dhacay Kanada ( Canada )”.
Sidaa darteed wuxu wargeysku ka raali gelinayaa cid kasta oo
dhibsatay cinwaankaasi.
Hargeysa July 28, 2010 (Haatuf)-Waddada
madaxtooyada hor marta ee xukuumadii hore ee madaxweyne Daahir
Rayaale ka mamnuucday inay isticmaalaan habeenkii wixii ka
danbeeya 6:00-da maqribnimo gaadiidka, ayaa habeenkii xalay ay
xayiraadii ka qaaday xukuumada cusub ee madaxweyne Axmed Maxamed
Maxamuud Siilaanyo, islamarkaana loo ogolaaday inay isticmaalaan
gaadiidku.
Hargeysa, July 28, 2010 - (Haatuf) – Saacadu waa
abaaro 8:00, waa maalin si weyn loo sugayay inay dhacdo
xilwareejin ay xilka kulak ala wareegayeen Madaxweynihii hore ee
Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweynaha Cusub ee
Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud, taas oo badi shacbiga
somaliland ay rumaysnaayeen inay u dhici doonto si nabadgelyo ah
si la mid ah sidii ay doorashadu dalka uga dhcday,
Waa sheekho aad u
xiiso badan oo ka waramaysa dhib, rafaad, iyo qayb ka mid ah
Jacaylka Casriga ah ama Loo adeegsado aaladaha wakhtigan
dhalinyaradu ku mamtay ee Internetka. Waxa qoray Cabdulqaadir
Maxamed Wacays(Q.6aad) Tifaftirka: Axmed Cali Cige
“Maya…Markuu Shirwac
yimaado ayaa loo cid diranayaa.”
“Oo waa maxay…Maxaynu qarsanaynaa?.”
“Waxba qarsanmayno, laakiin, hooyo, ma doonayo inuu cadawgaygu
iga faa’iideysto. Ma doonayo in mustaqbalkayga jidgooyo loo
dhigto. Waxaan rabaa in wax kasta ay ku dhacaan si lama-filaan
ah.”
Dr. Wilfred Caantwil
Ismiidh iyo kuwa ay isku fikradaha yihiinba ha ogaadaan in aanay
muslimiinta intooda badani ogolaanayn sharaxan cusub ee ay iyagu
diinta islaamka u sameeyeen doonayaana in ay muslimiintu ka
dhigtaan islaamkii runta ahaa. Ilaahay mahadi ha ka gaadho ee
ilihii runta ahaa ee Islaaamku - Quraanka iyo Sunnaha- ayaa wali
sidoodii loo helikaraa iyaga oo sidoodii isku haysta saafina ah.
Inta uu qof Muslin ihi aduunka guudkiisa joogo oo uu si toos ah
u helayo ilahaasi, islaam la been abuuray oo bilaa sharci ahi
meel kama helayo muslimiinta dhexdooda.
Weeraryahanka kooxda
Inter Mario Balotelli ayaa qarka u saaran in uu ku biiro kooxda
Manchester City ee dalka Ingiriiska isagoo lagu doonayo 24
milyan oo gini.
Mario Balotelli oo 19 jir ah ayaa waxa uu u sheegay qaar kamid
ah saxibatiisa in uu ku biirayo kooxda Manchester City isagoo
todobaadkii mushahar ahaan u qaadan doonna 65 kun oo gini waxana
uu saxeexayaa heshiis gaadhaya sano.
Tababaraha kooxda
Real Madrid Jose Mourinho ayaa waxa uu u sheegay madaxda kooxda
Real Madrid in ay gacanta ka soo gashaan ashle Cole.Tababaraha
kooxda Chelsea ayaa sheegay in uu ka dhaadhicin doono Ashley
Cole in uu sii joogo kooxda Chelsea halka Jose Mourinho uu
dagaal u galayo sidii uu ku keeni lahaa cayaaryahanka reer
England horyaalka dalka Spain. Dagaal xadhig jiid ah ayaa u
dhaxeeyay Real Madrid iyo Chelsea oo ku waajahan gacan ku haynta
Ashley Cole iyadoo Ashley Cole-na uu yahay ciyaartoya ay inbadan
soo waajaheen dhibaataayin qoys.
Sida uu qoray
wargeyska Corriere dello Sport ee kasoo baxa dalka Talkyaaniga
kooxda AC Milan ayaa dooneysa in ay iska dhisto dhinaca khadka
dhexe sidaasi daraadeed waxa ay hada u xusul duubaneysaa sidii
ay ku heli laheyd laacibka khadka dhex ee kooxda Real Madrid
Mahamadou Diarra. Tababaraha kooxda Max Allegri ayaa ku bilowday
xilli ciyaareedkan guuldaro kadib markii Axadii lasoo dhaafay
ciyaar saaxibtinimo oo ay la ciyaareen kooxda lagaga badiyey
2-0, waxa ka badisay koox Seria B ah oo lagu magacaabo Varese,
Magacyada Iyo
Wadamada Ay Ka Soo Jeedaan Hogaamiyeyaasha Cusub Ee Ururka Al-Shabaab
Nairobi, July 27, 2010 (East African Standard) -
Kooxo Ajaaniib ah oo ka tirsanaa ururka argagixisada ah Al-Shabab
ayaa hogaankii kala wareegay shaqsiyaadkii Soomaalida ahaa ee
hore hogaanka ururkaas u hayey, taas oo ah tallaabo loo arko
inay keentay in ururkaasi uu dagaalkiisa u gudbiyo bariga
Africa, wargeyska The East African Standard ee Nairobi ayaa
sidaasi daabacay.
Hogaamiyayaasha cusub oo badankoodu ah rag ku soo tababartay
xerooyin ururka Al-Qacida uu ku leeyahay dalka Afghanistan,
Somaliland waxa ay
taagantahay guul iyo darajo aan cidi la wadaagin kol haddii
saaka Axmed Maxamed Siillaanyo loo dhaarinayo jagada
madaxweynaha Somalialnd ee uu ku gulaystay doorashadii dalka ka
dhcday 26 june 2010, oo ninkii uu ka helay ee xilkaasi illaa
hadda hayey ee Daahir Rayaale Kaahin uu si salmi ah oo
saaxiibtinimo leh ugu wareejinayo taladii dalka.
Waxayse ahayd in fursadan naadirka ku ah Afrika looga
faa’iidaysto is ogaysiinta caalamka iyo siddii qadiyada
Somaliland loogu qancin lahaa in falowgeed la qabto, waxaana loo
mari lahaa oo kaliya warbaahinta waaweyn ee caalamka oo maanta
halkan lagu casuumi lahaa.
Hargeysa, July 27, 2010 (Haatuf) - Guddoomiyihii
guddida Ilaalinta Hantida Qaranka ee Xisbiga Kulmiye dhawaan
Magacaabay, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa shalay iska casilay
xilkaasi kadib markii uu ku guuldaraystay inuu ka mid noqdo
xubnaha xukuumadda Cusub ee la filaayo in Madaxweynaha Cusub
Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo uu magacyadooda maanta ku
dhawaaqo, sida ay ilo xogogaal ahi ay Haatuf u sheegeen,
Hargeysa, July 27, 2010 (Haatuf)- Madaxweynaha
xafiiska ka sii dagaya, Daahir Rayaale Kaahin ayaa dawlada
Djibouti uga mahad celiyay weftiga ay u soo dirtay xaflada
dhaarinta iyo xil wareejinta ee maanta ka dhacaysa xarunta
madaxtooyada Somalialnd.Rayaale oo shalay la kulmay Weftiga ka
socday dalka Djibouti ayaa yidhi, “Madaxweynaha Jabuuti iyo
dawlada dalkaasi ee qaadatay go’aankan ay Weftigan ugu soo
direen Somaliland waan uga mahad celinayaa amaan baanan u
jeedinayaa.”
Boosaaso, July 27, 2010 (W.Wararka) – kooxda
Alshabaab ee fadhigeedu yahay buuraha bariga Sanaag ee Galgala
ee uu hogaamiyo ninka lagu magacaabo,Maxamed Siciid Atam ayaa
khasaare kala kulmay weerar ay shalay subixii ku qaadeen ciidamo
ka tirsan daraawiishta Puntland oo ku sugnaa tuulada Karin oo 40
Km u jirta Boosaaso.Ururka Alshabaab kooxdiisa u qaabilsan
Puntland iyo Somaliland ee ka amar qaata Maxamed Saciid Atam
ayaa shalay weerar gaadmo ah ku soo qaaday xarun ciidamada
Daraawiishta Puntland ku sugnaayeen,
In kastoo guud ahaan
ganacsiga dalka jamhuuriyada Somaliland lagu tilmaamo mid aan
fadhiisan oo sida mawjaha bada marba meel u butaaca ayaa waxa ku
soo biiray jawi kala guur ah ay dalka ka dheceen doorashooyinkii
madaxtooyadu. Dalka jamhuuriyada Somaliland ayaa waxa lagu
tiriyaa wadama xaga dhaalaha ugu hooseeya aduunka,
Hargeysa, July 27, 2010 (Haatuf) - Xildhibaan Cali
Mareexaan oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland, islamarkaana
ka mid ah guddida ilaalinta hantida qaranka xilliga kala guurka
ee madaxweynaha la doortay Axmed Siilaanyo dhawaanta magacaabay,
ayaa waxba kama jiraan ku sheegay warar warbaahinta qaar qoreen
oo sheegayay in gudiidu masuuliyiintii ay baadhayeen ee
xukuumada xilka wareejinaysa ay waydiisteen kharash,
islamarkaana aanay ilaa hada aanay soo bandhigin warbixnta
hawsha loo xilsaaray ee ilaalinta hantida qaranka.
Waa sheekho aad u
xiiso badan oo ka waramaysa dhib, rafaad, iyo qayb ka mid ah
Jacaylka Casriga ah ama Loo adeegsado aaladaha wakhtigan
dhalinyaradu ku mamtay ee Internetka. Waxa qoray Cabdulqaadir
Maxamed Wacays(Q.5aad) Tifaftirka: Axmed Cige
Waxay u haysatey wax
aan dhaafsiisnayn boosto casri ah oo degdeg badan. Hase yeeshee,
waxay liqi kari weyday in Internetka dhexdiisa la isku
shukaansado, la isku jeclaado, kaddibna guur lagu
heshiiyo.“Hooyo, si kale oo aad ku fahmi karto haddii aan kuugu
sheego, waxaan iska barannay hawada u dhaxaysa Mareykanka iyo
Gaalkacyo…Weli fool-ka-fool iskuma aanaan arag.”
“Waa yaabka yaabkiis. Oo maandheey, qof aadan weligaa arag sidee
baad u aamintay,
Madaxweyne Xabiib
Burqiibaha Tuuniisiya waxa uu si daacad ah u raacaa raadkii
Mustafa Kamaal Ataaturkigii Turkiya. Dhammaan kuwa loo yaqaano
waxa loogu yeedho madaxda casrig ah ee Muslimiintu waxa ay qayb
wayn ka ciyaraan dambiyada waaweyn ee dalalkooda ka dhaca.
Marka ay qaadayaan halgan siyaasadeed oo lagaga xoroobayo
gumaysiga Galbeedka, waxa ay Muslimiinta ku beer laxawsadaan
magaca Islaamka,
Maanta waa maalin
mudan oo ay tahay in la xuso oo la xasuusnaado waayo waa maalin
ka mid ah maalmihii aynu sugaynay ee isbadalka, tayada iyo
hawlkarnimada sidaa daradeed maanta dhaliili ma jirto, iman se
doonta mooye, si kastaba ha ahaate qalinku maanta wuxu ku
aroorayaa waano iyo dardaaran ku wajahan ragga maanta guusha
tirsanaya ee ay ummaddu sugayso cid kale maahe waa inamaddii aan
doortay ee aan inbadan qalinka ugu doodi jiray inkastoo danlaawe
iyo yasmo aad ka mudatid u adeegida wixii aan ka ahayn naftaada
hadana toosinta iyo hagida madaxdu waa waajib saaran muwaadin
kasta.
Baqdad, July 27, 2010 (W.Wararka) - Xafiiska
Telefishinka Al-Carabiya ee magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq
ayaa shalay galinkii hore lala beegsaday Qarax weyn, waxaana ku
dhintay lix qof halka 16 kalana ay ku dhaawacmeen. dadka halkaa
wax ku noqday ayaa u badnaa shaqaalihii xafiiskaa telefishinka
Al- Carabiya.Telefishinka Al- Arabia oo xaruntiisa ugu wayni ku
taalo magaalada DUBAI ee dalka Emirateka ayaa shalay shaaca ka
qaaday in dadka halkaa ku dhintay ay ku jiraan Laba kamida
ilaaladii xafiiska iyo shaqaale ka shaqeynayey hudheel uu
Telefishinku lahaa,
Tababaraha kooxda
Liverpool Roy Hodgson ayaa aaminsan in uu ka dhaadhicin karo
Torres in kooxda uu sii joogo isagoo u maraya wado kasta oo
ciyaaryahanka ka dhaadhicin karta in waqti kale uu kusii qaato
kooxda.Hadalkan ayaa soo baxay kadib markii kooxda Chelsea ay
soo bandhigtay lacago dhan 60 milyan iyo mushahar ku filan
cayaaryahanka. Tababaraha kooxda ku ciyaarta garoonka Anfield ee
Liverpool Roy Hodgson wuxu doonayaa in xiliga soo socda uu
tartan u galo horyaalka Ingiriska oo Liverpool ayna qaadin
19-kii sanno ee ugu dambeeyay isagoo hore u sheegay in Torres
iyo Gerrard ay yihiin xidigaha uu ku tashanayo xiliga cusub ee
furmaya. Fernando Torres oo 26 jir ah ayaa waxa uu doonaya kooxo
ay kamid yihin Chelsea,
Yu Zhenghuan ayaa
qaba xanuun ka yimaada Hormones-ka oo aan isku dheeli tirnayn
kadibna sababa in tini madow oo dhumuc leh ay jidhkiisa wada
qariyaan.Ninkan ayaa sannadkii la so dhaafey waxa gabi ahaanba
loo diiday inuu door hormuudnimo ka qaato show lagu magaacabo
Homey To The West oo laga sii daayo tv ku yaala dalkaasi China,
shaqadii jilaanimo waxa loogu diidey inuu foolxun yahay.Ninkan
ayaa imika ku guda jira qorshe ah inuu isku sameeyo qaliin is
qurxin ah, iyadoo ninkani uu sheegay inuu si gaar ah u doonayo
in sankiisa la yareeyo.
Hargeysa, July 26, 2010 (Haatuf) - Guddidii
ilaalinta hantida qaranka xiliga kala guurka ee madaxweynaha la
doortay, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu bishan
horaanteedii magacaabay ayaa ka baaqsaday inay maalintii shalay
soo bandhigaan warbixintii laga sugayay siday hore u balan
qaadeen.Guddida ilaalinta hantida qaranka xiliga kala guurka
ayaa shir jaraa’id oo ay Arbacadii toddobaadkii hore warbaahinta
ugu qabteen hotel Emperial ee magaalada Hargeysa waxay ku
sheegeen inay soo celiyeen hanti badan oo la lunsaday iyo mid la
lunsanayay isla markaana waxay halkaasi ka balan qaadeen inay
warbixintooda oo dhameystiran soo bandhigi doonaan 25-ka bishan
oo ku beegnayd maalintii shalay.
Waxa u daran kuwa ku
taliyey in wadaado Beelaysan la diro si ay ula soo xaajoodaan
Xagla-toosiye iyo Wiilka yar ee Jaamac Garaad Cali ee Al-shabaabta
ku xidhan.Miyaanay ahayn khiyaamo qaran in gorgortan laga galo
gooni iskutaaga Somaliland, Calankeeda iyo Distoorkeeda ay
dadweynuhu 97% Afti ugu codeeyeen?Mise waxa dhab ah boqolaalka
Milyan ee dollar ee la sheegay in Masaarida iyo dawladdo kale ay
baddka soo dhigeen si loogu baabiiyo jiritaanka Jamhuuriyadan?.
Runtii Maleeshiyada Somaliland-diidka ahi kama duwana
mashaariicdii iyo shirqooladii hore ee Somaliland dibeda looga
soo maleegi jiray.
Laascaanood July 26, 2010 (Haatuf) — Afar maxbuus
oo laba ka mid ah u xidhnaayeen falal argagixiso ayaa shalay ka
baxsaday xabsiga magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.Wararka
ayaa intaa ku daray in maxaabiis ku xidhnayd xabsiga dhexe ee
magaaladaas ku yaalla ay baxsadeen kaddib markii sida la sheegay
uu albaabka ka furay qolkii ay ku xidhnaayeen.Askariga sii
daayay maxaabiista ayaa la sheegay in dhowaan shaqada la qoray
isla markaana uu hore u sii raacay maxaabiistii uu sii
daayay.Maxaabiistan oo tiro ahaan gaadhayay 4-qof ayaa waxaa ay
baxsadeen habeen hore,
Cabdifataah Sh.
Nuux Jaamac Senior Student Of Business Administration In
University Of Hagaisa
Waxay ahayd 1991
markii aynu madaxbanaaniddeedii kala soo noqonay Somalia
inteedii kale taas oo rajo iyo yididiilo galisay in badan oo
shacabka ka mid ah sidoo kale waxay ahayd wakhtigii ay dad
badani ay dib u bilaabeen waxbarashadoodii kaas oo uu ka soo
dhex galay dagaaladii lagu xoraynayay wadanku waxaa ay ahayd
horaantii 1993 markii ay dadka intooda badani waxbarashada u
dareereen ee ay qalinka mar labaad u soo qaaateen sidii ay wax u
baran lahaayeen.
Aaan dib u yara milicsano aasaaskii waxbarasho, runtii
waxbarashadu waxay ku bilaabantay wakhti adag taas oo qofkastaa
garan karo siday ahayd .
Skane, July 26, 2010 (W.Wararka) - Doorashooyinka
soo socda ee dalka Sweden ka dhacaya 19-ka bisha September ee
sannadkan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya muwaadin reer Somaliland
ah oo u loolamaya xilka mid ah xubinimada baarlamaanka dalkaasi
isaga sidoo kale u loolamaya doorashada heerka degmo.Muwaadinkan
oo lagu magacaabo Qalinle Dayib ayaa ah siyaasi ka tirsan
xisbiga Centerpartiet ama xisbiga dhexe waxa uuna doonayaa in uu
ka soo galo baarlamanka gobolka Skane ee dhaca koonfurta dalka
Sweden.
Waa sheekho aad u
xiiso badan oo ka waramaysa dhib, rafaad, iyo qayb ka mid ah
Jacaylka Casriga ah ama Loo adeegsado aaladaha wakhtigan
dhalinyaradu ku mamtay ee Internetka. Waxa qoray Cabdulqaadir
Maxamed Wacays(Q.4aad) Tifaftirka: Axmed Cige
Maxaa tidhi…Xaaskaagii
joogay Nayroobi ee aad afarta sano soo mooganayd uur bay
leedahay aa…?..Bal adba!!!Adduunyooy xaalkaa ba’, mindhaa la ima
dago mar kale, bay Idman hoosta iska tidhi. Maalmahaasna maalmo
xusuus badan dheh. Maxaa la isa siray. Maxaa gabdho la luggooyey,
maxaase rag badan murugo iyo uurxumo lagu beeray. Maxay gabdho
dhaaxaa siddii shimbirihii ugu hoobteen dabinno loo dhigay.
Warkaagii ku
saabsanaa Jaamacadda Islaamka ee Madiina Sax ma aha. Manhajka
aan anigu diyaariyey ee ay ansixisay guddi uu magacaabay boqorku,
waxa ku jira barashada Quraanka, Xadiiska, Fiqiga, hadalka iyo
Taariikhda Islaamka oo lagu daray falsafadda Yurub, xukunka,
Taariikhda, dhaqaalaha, siyaasadda iyo is-barbardhigga diimaha.
Mid ka mida luqooyinka Yurub - Faransiiska ama Ingriisiga ama
Jarmalaka ayaa khasab lagu baranayaa.
Ciyaarihii xagaaga ee
sanad walba ka dhici jira xiligan qaarada yurub ayaa si rasmi ah
uga furmay cariga Ingiriiska gaar ahaan waqooyiga magaalada
London,ciyaarahaas oo socon doona mudo 17 maalmood ah. ciyarahan
oo sanadwalba ka dhaca dalkan Ingiriiska loona yaqaano Somali
Week UK.Waxa kasoo qaybgalay dadweyne aad u fara badan oo Somali
ah oo ka kala yimid dhamaan daafaha dalkan Ingiriiska waxa
sidasoo kale kasoo qaybgalay madax fara badan oo ka tirsan
dawlada hoose ee xaafada lagu qabtey ciyaaraha ee Haringey
Council oo sanadkan nasiib u yeeshay inay xaafadaa lag uqabto.
Tababaraha cusub ee
kooxda Liverpool Roy Hodgson ayaa waxa uu la sheegay in uu
aaminsanyahay in uu kooxda ku soo daro xidiga kooxda Atletico
Madrid iyo dalka Uruguay ee Diego Forlan si uu badalk ugu noqdo
weeraryanka kooxda ka sii socda ee Fernando Torres, oo ay
wararku sheegayanaa in uu doonayo in uu iskaga haajiro garoonka
ay ku ciyaarto kooxda garamada cas Anfield.
Dalka Singapore ayaa
waxaa ka dhacay arin aad u cajiiba kadib markii ay gabadh
Jaariyad ah oo u dhalatay dalka Filipine ay ka dhaxashay Reerkii
ay u shaqeynaysay lacag dhan 4.5 Malyuun Doller iyo Guri Fiilo
ah, Gabadhan ayaa u shaqeynaysay nin Dhakhtar ah iyo
hooyadii,Jaraa,idka dalkaa Singapore ayaa sheegay in Christian
oo 47 jir ah oo u dhaltay dalka Filipine ay u shaqeynaysay nin
dhakhtar ah oo u dhashay dalka Singapore oo la odhan jiray Dr:
Kwik Kai Mio oo 66 jir ahaa iyo hooyadii,
Khubaro ku
takhasustay qurxinta iyo daryeelka caafimaad ee maqaarka bani
aadamka ayaa cilmi baadhis ay muddo wadeen ku sheegay in malabka
oo lagu dhaashto (marsado) ay qayb wax ku oola ka qaadato
quruxda wajiga qofka iyo guud ahaanba maqaarka.Khubaradan oo ka
kala tirsan Jaamacadda Cambridge ee magaalada London iyo Mac’had
cilmi baadhiseed oo isla London ku yaalla ayaa daraasad ay muddo
wadeen oo ay soo gebogabeeyeen horaantii bishan ku caddeeyay in
is qurxinta xilli qaboobaha oo inta badan maqaarka sare adkaado
ama harqo ay tahay xilliga ugu wanaagsan ee looga faa’iidaysan
karo qurxinta maqaarka.
“Ninkan Oo U
Dhashay Somaliya Wuxu Sitay Dhowr Moobil, Intii Aan Xabsiga Loo
Taxaabin….”
Sheekh Caydaruus Daa’uud
Hargeysa, July 25, 2010 (Haatuf) – Nin looga
shakiyay inuu ka mid yahay ururada Argagixisada ayaa maalintii
doraad lagu qabtay masaajidka weyn ee Markaska, kaas oo ku yaala
bariga magaalada Hargeysa.Ciidamada bileyska oo ku sugnaa
Markaska ayaa gacanta ku dhigay ninkan oo ka soo jeeda dalka
Somaliya, isla markaana sitay dhowr Mobil oo uu ku hadlayey.
“Go’aankani Waxa Uu
Saameyn Weyn Ku Yeelanayaa Wadamo Badan Oo Raadinaya Aqoonsi
Caalamiya Oo Somaliland Ka Mid Tahay”
Wargeyska Het Laatste Nieuws
Brussels, July 25, 2010 (W/Wararka)-Saxaafada
caalamka ayaa si weyn indhaha ugu haysay ku dhawaaqista go’aan
in badan laga sugayay Maxkamada Aduunka ee ICJ (International
Court of Justice) taasoo ugu dambeyntii doraad Duhurkii ku
dhawaaqaday in Kosovo yahay wadan madax banaan.
dhakhtar oo ka qalin
jabiyay kuliyadda caafimaadka ee jaamacada Hargeysa, ayaa habeen
hore lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada
Hargeysa.Xafladan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka jaamacada
Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay aqoonyahan, dhakhaatiir,
siyaasiyiin, arday iyo dadwayne kale oo tiro badan kuwaas oo
dhammaantood xaflada uga soo qayb-galay si ay u hambalyeeyaan
17-ka arday ee mudada todobada sanadood ah culuumta caafimaadka
ka baranayay kuliyadda caafimaadka ee jaamacada Hargeysa.
Boorama, July 25, 2010 (Haatuf) - Horraantii
bishii April ayey xubno ka tirsan bulshada Gadabuursigu
caddeeyeen in ay ka weecdeen arrintii ahayd, kabkab la
caadaystay, oo ay u gudbeen in ay lafo-guraan, gunteedana u
dhaadhacaan sababaha runta ah ee ay ka soo farcamaan aafooyinka
bulshada ku habsaday, si ay u helaan xal waara oo ku salaysan
aragti fog.Haddaba markii ay shirkoogii ugu horreeyey ku qabteen
bishii Abriil 1-3, 2010 magaalada Minneaplois, Minnesota, ee
dalka Maraykanka,
London, July 25, 2010 (W.Wararka) - Dawladda
Ingiriiska ayaa ku baaqday markii horaysay in Ciidamo faro badan
oo African ah loo diro gudaha wadanka Soomaaliya si ay ugu
biiraan Ciidamada uruka Midowga Africa ee jooga gudaha Wadanka
Soomaaliya oo dagaallo kula jira ururka Al-Shabaab.Hadalka ka
soo yeedhay dawlada Ingiriiska ayaa ku soo beegmay Xilli uu ka
socdo caasimada Ugandha ee Kampala kulankii 15-aad ee Ururka
Midowga Africa,
Waa sheekho aad u
xiiso badan oo ka waramaysa dhib, rafaad, iyo qayb ka mid ah
Jacaylka Casriga ah ama Loo adeegsado aaladaha wakhtigan
dhalinyaradu ku mamtay ee Internetka. Waxa qoray Cabdulqaadir
Maxamed Wacays(Q.3aad)
“Idmaneey, ma hubtaa
in uu Shirwac ku jecel yahay?” bay Hodon saaxiibteed kaga
nixisay iyadoo si toos ah indhaheeda u eegaysa.“Maxaad ka waddaa?”
bay Idman lasoo boodday iyadoo naxsan. Malaha Hodon xog dheeraad
ah oo ku saabsan Shirwac bay heshay, bay niyadda iska tidhi.
“Wax kale ma aha ee waxaan ka baqayaa inuu ninkaas meel cidla’
ah kaaga dhaqaaqo, hadhowna aan weyno meel aan u raadinno.
Waraaqdaadii
taariikhdeedu ahayd 8dii March ayaa halkan degdeg u soo gaadhay,
laakiin anigu ma awoodin in aan hore uga soo jawaabo
caafimaadkayga oo aan wanaagsanay awgeed. Tan iyo badhtamihii
bisha Soon, waxa i hayay xannuun xun oo joogta ah oo iga qabtay
garabka midig, tan iyo haddana wax dawo ah oo xannunkan iga
jabisa ma helin. Ugu dambayna dhakhtaradu waxa ay igula taliyeen
in aan isku daweeyo X-ray jidhka hoos u gasha.Waxa aan ku
akhriyey waraaqdaadii xiiso.
Kooxda Manchester
United qoraal kasoo baxay ayaa lagu xaqiijiyey in difaaca u
dhashay dalka Serbia difaacana uga ciyaara kooxda Manchester
United Nemanja Vidic uu sii joogi doono naadiga isagoo qalinka
ku duugi doona heshiis cusub.28- jirkan ayaa heshiiska lala
galay inta ayna bilaaban ciyaaraha Aduunku sida uu saxaafada
usheegay agaasimaha kooxda Manchester United Mr. David
Gill.Vidic ayaa aad ugu cadhaysnaa mushaharka uu kula joogay
kooxda Manchester United oo aad ugu yaraa ciyaaryahanka ay iska
barbar ciyaaraan ee Ferdinand taasoo hada laga yaabo inuu la
mushahar noqdo ciyaaryahankaasi.
Xuska sanadguuraddii
afraad ee ka soo wareegtay kooxda kubbadda cagta ee Morny Milk
ayaa habeen hore lagu qabtay Hotel Banaroma ee magaallada
Hargeysa.Munaasibadan oo lagu guddoonsiiyay qalab isboorti oo
iskugu jira kabo, dirays iyo kubaddo, ayaa waxa ka soo qaybgalay
masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha kooxda Morny Milk,
Mustafe C/raxmaan C/laahi (Mustafe gargaar), Faadumo Siciid,
abwaan sheekeeye,
Fanaanka weyn ee
Filimaanta ka Matala shirkada weyn ee Hollywood oo ku taala
dalka maraykanka mr,Tom Cruise ayaa sheegay inuu Baryahaaba ku
qancinayey laacibka ingiriiska ee kubada ku caanbaxay David
Beckham inuu ku soo biiro Hollywoodka oo uu filimaanta la
matallo, Tom Cruise oo 48 jir ah ayaa sheegay in Laacibka reer
England ee David Beckham uu leeyahay waji filim matale sida
fanaaniinta kale ee Hollywoodka isla markaana uu ku wanaagsanaan
lahaa inuu matallo filimaanta,
Khabiirkii soo saaray
ama maskaxdiisa ka keenay Sanduuqa madow ee diyaaradaha ee
sheega hadii diyaarada wax ku dhacaan hadalkii ugu danbeeyey ee
ka baxayey qolka diyaaradaa Mr: David Warrren ayaa ku
geeriyooday dalka Australia,David Warren oo u dhashay dalka
Australia ayaa ahaa ninkii maskaxdiisa ka keenay Sanduuqa Madow
ee diyaardaha,
Darasad cusub oo ay
soo saareen kooxda U qaabilsan dalka mareykanka Xanuunka
Cancerka ayaa lagu sheegay in markasta oo qofku iska yareeyo
fadhiga badan uu Cimrigiisu sii Kordho. iyadoo intaa ku dartay
in fadhiga saacadaha badani uu keeno khatar badan, Daraasadan
ayaa lagu sheegay in Dumarku ay maalintii in kabadan lix
saacadood ay dul fadhiyaan Telefishinka ama Internetka iyadoo
daraasadani ay ku ogaadeen culimadaasi inay fadhiga faraha badan
uu kordhiyo dhimashada dumarka 40%.