haatuf.net
Dablay Cali Ciise Cabdi Taageersan Oo Cali Khaliif U Diiday Inuu Ka Dhoofo Buuhoodle
February 5, 2017 - Written by Admin Two

Buuhoodle,February 5,2017(Haatuf)-Niman dablay ah oo uu horkacayo Cabdul-Fataax Baydan ayaa saaka hogaamiyaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh xoog kaga joojiyey inuu raaco diyaarad u qaadi laheyd dalka Jibuuti.Dablaydan oo la sheegay inuu lacag u soo diray nonka magaciisa la yidhaahdo Cali Ciise Cabdi ayaa galinkii danbe ee maanta sii daayey diyaradii iyo duuliyeheedii Itoobiyaanka ahaa iyadoon Cali Khaliif la socon.Cali Ciise oo ka mid ah madaxda kooxda Khaatumo isla markaana deggan magaalada Adis-Ababa ayaa ilo xogogaal ahi sheegeen inuu Cali Khaliif khiyaameeyey oo uu kaga baxay wadahadalkii  u socday Somaliland iyo kooxdaasi.Cali Ciise oo haatan rajaynaya in Xasan Sheekh Maxamuud uu mar kale ku guulaysan doono doorashada madaxweynaha Somalia ee la filayo inay 8 -da bishan ku qabsoonto Xamar ayaa ku doodaya inuu Kooxda Khaatumo aqoonsi uga heli doono Xasan Sheekh Maxmuud marka uu noqdo madaxweynaha Somalia.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS