haatuf.net
Maxaa Dabarka 20-ka sanno inaggu xidhay??? Qoraa: Ahmedyaseen Sh Omar
February 28, 2016 - Written by Admin Two

Waa xili aroor hore oo dadka intooda badani u kalahayaan nolol maalmeedkoodii waana jawi qurux badan oo daganaan iyo farxad abuuraya waxaa wehel igu ah caqliga iyo indhaha oo kala aragtiyo duwan 2dooduba midba si  wuxuu tilmaamayaa sida wax ula muuqdaan indhuhu waxay ku qanacsan yihiin marxaladaha qurxoon ee nolosha dadka wadanka ku nooli ku naaloonayaan sidoo kale caqliga oo miqiyaas ka uu rabaa wax badan saluugsan yahay , waxaan marayaa waddada idaacada radio hargeisa anigoo kusii jeedaa goobtii shaqada waddadu waa godod badan tahay waan luuq hal haad kaliya ah hareeraha waxaa ka xiga fooqaq dhaadheer oo midkiiba ugu yaraan 1 milion oo dollar ku baxay bilaa parking ah Waxaan gaadhay xafiiskaygii dhinaca koonfureed ee waddada ayaa dad u badan rakaab kalahaya iyo taxsiilayaal iyaga guraya xanibeen waddadii baabuurtu kala socon lahayd sharci dadku ka cabsanayaan ma jiro ama sharci la xaq dhawrayaa ma jirro, waxaanad garan kartaa in wali wax weyni khaldan yahay ,waa isla markiiba doodi ka dhex bilaaban tay indhaha oo jawiga iyo dhismaha quruxda badan horumar u  arkaya iyo  caqliga oo fikir kaa ka duwan aaminsan miqiyaaska uu wax ku cabirayaana aad u saluugsanyahay sida wax usocdaan  waa maxayse kala duwanaanshuhu? Inta aanan dooda hoos ugu dhaadhicin bal aan falanqaynta kazoo kabashada burburka iyo nolosha adag waxyar ka tilmaamo.

 

25 sano oo dawlada somaliland jirtay waxaa dadwaynaha iyo siyaasiyiintuba ku mashquulsanaayeen inay horumar ka gaadhaan nolosha shakhsiga iyo macaashka danaha shakhsiga ah (individual benefits ) tasoo dabar adag ku xidhay xalinta xaaladaha xun xun ee dhaqaalaha wadanka soo wajaha, shacabka wadanka ku nooli kama sinna horumarkaas ee intooda badani waa danyar oo nolol adag ayay ku nool yihiin waxaa isfahan la’aanta sababay waa heerarka nololeed ee ay ku kala nool yihiin shacabku oo salka ku haysa dabeecada ka dhalatay individual interest ama danaha shakhsiga.

Anigoon ujeedada qoraalkaygu aanu siyaasada u socon balse dhamaan bulshada oo siyaasigu ka mid yahay ayaa sii qaadaa dhigi doonaa .

Dhismaha noloshu waxaa uu ka bilaabmaa kalgacal lamaanaha  iyo jacayl qoyska oo alle ku arsaaaqo ubad halkaa oo ilmaha lagu barbaariyo dhaqanka suubaan ee diinta islaamka .

Dadka soomalidu waxay hore u lahaayaan taariikh wanaagsan oo sax iyo khaladka aanu isugu jirin kala hufta sidoo kale isku dhaqda diinta iyo akhlaaq suuban balse waxaa suaashu tahay 25 sano waa waqti lagusoo kaban karo nololna lagu dhiso karo tallow ma cid aan soomaali ahayn ayaa xalka laga sugayaa mise sidanaa inooga faaido badatay.

2Bal aan dul istaagno qissadan Shimbiraha nooc ka mid ah oo la yidhaa (Eagle) gorgorka waa shimbiraha afka dhaadheer ee badanaa meelaha xoolaha lagu qalo ka agdhow waxaa ay leedahay nolol u gaar ah oo mawjado kala duwan oo aad u adag marta , Shimbirta noocan ahi waxaa noolaan kartaa ilaa 70 sanno laakiin si ay ku gaadho 70 sano waxay qaadataa goaan adag ,marxaladda ku kalifta inay goaankaas qaadato ayaa waxaa keenaa da’da 40 sano marka ay gaadho awoodii ay wax ku ugaadhsan jirtay ayaa soo gaabata afka dheer ee wax ku cunto waa uu soo gaabtaa daalaana waxaanu yareeyaa ugaadhsigii uu cunnada ku heli jiray, duulimaadkii dheeraa wuu daciifaa oo baalaashii ay ku duuli jirtay ayaa gabooba waanu cuslaadaa baalashu waxay kusoo ururaan laabtiisa waxaana adkaatay inay duulaan waqtigaas waxaa la gudboonaataa laba mid dooro  Dhimasho ama wado xanuun badan oo isbadal keena ,

Wadada xanuunka badani waa mid u sahlaysa in nolol ay ku hesho guulna ku gaadho waxaa u duushaa iyadoo kolba meel ku dhacaysa buuraha dushooda iyadoo ka cabsanaysa in xayawaanka kale cunaan tamar darro awgeedna laabta ay ku fadhiisataa waxay bilawdaa wadaddii ay ku badbaadi lahaa , afka dheer ee wax ku cunto oo gaboobay ayay dhagaxaanta la dhacdaa ilaa uu ka dhacayo afkaasi waxaanay sugtaa ilaa inta mid cusubi usoo baxayo  baalashii daalay ayay riftaa waxaa dib u bilaabmay in afkii dheeraa usoo baxo baalashiina kuwa cusubi usoo baxaan dibna ay u bilowdo nolol cusub oo ilaa 30 oo kale sii jirto . ilaahay awoodiisa ayaa wax walba suurtagaliya

Eray xikmad ah baa yiraahda “ Waxa wanaagsan sida loo gaadhaa way adagtahay laakiin sida loogu sii noolaado ayaa fudud- – waxa xun sida loo gaadhaana way fududahay laakiin sida loogu sii noolaado ayaa adkaata”.

11.6  million Jewish people killed in Ukraine

Bal aynu waxyar sii dhex mushaaxno taariikhaha nolosha suurta galiya,

Dadka yuhuudu waxay ku jireen xaalad adag waqtigii dagaalkii labaad ee aduunka waxaanay ahaayeen ka mid ahaayeen dadka la yaso ee la cidhib tiro sida( Irish, yuhuuda, dadka madow) .

Dadka jewish-ka ahi kuma ay raaxaysan noloshaa xanuunka badan ee la takooray laakiin waa isdaba qabteen waxa ay ku tashadeen in ay noloshaa ka baxaan oo ay dadkooda dhinaca ka raacaan waxay kor u qaadeen kaalinta waxbarasho,dhaqaale, iyo kartiba ismay dhigan sheeko’na kumay noolaan ee si dhab ah ay u darseen halka u marayaan nolol cusub oo ay kaga baxaan mugdigaa ay ku jireen waxay gaadheen inay jaamacadaha aduunka saamaynta ugu badan ku yeeshaan ,dhaqaalaha aduunkana kaalmaha ugu sareeya ka galaan ilaa ay maanta gaadheen heer qof ka yuhuudigii qiimo weyn ku leeyahay aduunka .

 

Dib u dhaca ama burburku waa mid laga faaidaysto oo lagu dhiso wixii kaa qaybyo ah maanta bulshada soomaali oo dhan waxay ku noolyihiin nolol dhib badan dibad iyo dallkaba waxaana dhexdooda ku weyn waxyaabaha kala kaxeeya ee aan usamaynay macno nolol ijtimaaci ah u samaysa .

Qoraalkaygu waa dood u dhaxaysa caqliga iyo indhaha oo kala aragtiyo duwan aragtida indhaha ayaa kaliya ku kooban inay ku raaxaysato dhaldhalaalka dusha ka muuqda balse caqligu wuxuu si cadhaysan isu barbar dhigayaan jaranjarooyinka soo jiitamay ee innaga hortaagan in la noqdo bulsho wanaagsan bulshadu waxay aad u falanqaysaa waxyaabo aan dantoodu ku jirin taasoo ficliyan abuurta nolosha madhan ee caajiska ku jirta bal doodaha  uu caqligu iyo indhahu  tiigsanayo aan u dhaadhaco

 

Horumarka:- 

 

Dooda uu qabo caqligagaygu dhinaca horumarka anigoo ka eegaya dhinacyo badan horumarka bini aadanka waxaa ugu horeeyaa waa in uu aamino kartidiisa abuuro illo dhaqaale oo gundhig u noqda umaddiisa ,dardargaliyo tamarta ku jirta aadamaha, horumarinta aqoonta waxtarka uleh umadiisa si loo hello dad wax daweyn kara ,xalinkara , maamuli kara ,hirgalinkara qorshayaasha noloshooda .

 

Balse indhahaygu waa ay ka duwan yihiin waxaanay ku raaxaystaan aqoonyahan farabadan oo Degree/masters ma dhalays ah sita, buugaagta hebello qoreen madaxa isku galiya iyo kuwo kale oo Muran lasoo qalinjabiya  shahaadooyin geedka ma gaadho halkaa lagu gudoonsiiyo , dooda indhahaygu aaminsan tahay ayaa badanaa halhays ka dhigata Dalkayga nimcaa fadhida

 

Siyaasada:-

Dooda caqligaygu ka aaminsan yahay siyaasadda:

Siyaasadu waa mabda’a aaminsan in loo shaqeeyo bulshada laguna hogaamiyo hiigsi sarre lana hirgaliyo maamul wanaagsan oo abuura hogaamiyayaal wanaagsan oo ukala danbeeya hogaaminta shacabkooda sidoo kale shacabka wanaagsan waxaa kazoo dhex baxa cid wanaagsan oo maamul cadaalad ah u horseeda .

Siyaasada maanta waa mid cid u badisa oo aan dadka dantooda ku mashquulsanayn waxaanay dhinac siisa marwalba cida ay isku danta yihiin bulshadana waxay ku abuurtaa dib udhac iyo kala qaybsanaan ka leexisa wadada toosan ee ay wax ku noqon lahaayeen, ,waxaanse anigu aaminsanahay cida ilawday wixii ay rabtay in ay tahay bulshada oo caqligeedii ay ku garanlahayd wanaaga u adeegsatay in ay cid ku xumayso .

Marka aad booqato baraha wax lagu qoro ee internet-ka waxaad dareemaysaa in xanuun adagi jiro bulshada qoraalkooduna uu badiba ka hadlo reero iyo odayaal xabaalo ku jirra lagu kala faylo ,caqligaygu waxaa uu doodiisa ku adkaysana in bulshadu tahay ta ugu horaysa ee ogolaatay in lagu dulmigaasi sidaas ku socdo.

Dooda indhahaygu qabaan xagga siyaasada waa siyaasad dimiqraadi ah oo dadku afkaartooda ku codeeyaan, maadaama aanay keenin  xaalado adag oo dagaalo iyo rabshado in ay tahay mid si wanaagsan loo hogaaminayo laguna codeeya qaab dimuqraadi ah .

La soco qaybta 2aad

Qoraa :Ahmedyaseen Sh Omar

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS