haatuf.net
Ciidamada Imaaraatka Iyo Maleeshiyo Maxali Ah Oo Taabacsan Oo Madaxweynahii Sharciga Ahaa Ee Yeman Iska Hortaagay Inuu Ka Soo Dago Madaarka Cadan Ilaaladiisiina Ka Gubay Gaadhi Tekniko Ah
February 14, 2017 - Written by Admin Two

Cadan,February 14,2017(Haatuf)-Maalintii Axadii ee ay Baarlamanka Somaliland ansaxinayeen saldhiga ciidan ee dawladda Imaaraatku dalbatay inay ku yeelato xeebta magaalada Berbera,ayaa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Imaaraatka (Apache) iyo koox maleeshiyo maxali ah  oo Imaaraatku si gaar ah u taakuleeyaan waxay wada jir ahaan weerar ku qaadeen qayb ka mid ah  Ilaaladii madaxweynaha sharciga ah ee dalka Yeman Cabdu Rabe Mansuur Haadi kuwaaso ku sugnaa madaarka magaalada Cadan.Weerarkan oo uu ka dhashay khasaare dhaawac iyo dhamashaba lehi waxay diyaaradaha Apachigu ku gubeen gaadhi Tekniko ah oo ay lahaayeen Ilaalada ee madaxweyne Hadi. Maleeshiyada reer Cadmeedka ah ee werarkan ka qaybqaadatay oo magaceeda la yhidhaahdo Al-Xizaam Al-Amni ayaa waxay gacanta ku hayn jirtay madaarka Cadan balse waxa dhawr cisho ka hor markii dagaalku dhacay kala wareegay ciidanka Ilaalada madaxweynaha taasoo ay ka dhalatay xiisad colaadeed oo sababtay inay isku dhacaan maleeshiyada gacan saarka la leh Imaaraatka iyo ciidanka madaxtooyadu.Dagaalkan Axadii ka dhacay madaarka Cadan ayaa waxa uu daba socday maleeshiyada oo todobaadkii hore diyaarad madaxweyne Haadi ka soo qaaday magaalada Riyaad iska hortaagtay inay  ka soo degto madaarka Cadan taasoo sababtay inay diyaaridi fadhiisato madaar ku yaala Jaziiradda Suqadra halkaasoo uu ku sugna 2 maalmood.Madaxeeyne Haadi ayaa si uu u damiyo xiisada ka dhalatay iska horimaadkan wsxs uu ku qasbanaaday inuu coidanka ilaalada madaxtooyada ka saaro madaarka oo dib loogu dhiibo maleeshiyada Al-Xizaam Al-Amni ee ay ciidamada Imaaraatka ee degan koonfurta Yemani  sida gaarka ah u taakuleeyaan iyadoo uu Mr Haadi wiil uu dhalay oo la yidhaa Naasir ahna taliyaha ciidanka madaxtooyada u diray Abu-Dhabi si uu madaxda dawlada Imaaraatka ugula hadlo farogalinta ay ciidamadoodu ku hayaan arimahii gudaha iyo awoodihii ay dawlada Yemani laheyd.

 

Dhaawaca Ilaalada madaxwayhnaha Yemen ee ay diyaaradaha Apachiga soo gaadhsiiyeen

Dhaawaca Ilaalada madaxwayhnaha Yemen ee ay diyaaradaha Apachiga soo gaadhsiiyeen

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS