haatuf.net
Faysalow, Jamaal Dhis Oo La Shaqee, Haddii Kale Dee Muuse Biixi Iyo Kulmiye U Shaqee Adiguna Is Gawrac; Qalinkii: Osman Omar Dool
November 16, 2015 - Written by Admin Two

Waxaan fariintan toos ugu diryaa Siyaasiga Faysal Ali Waraabe oo ka mida ah raga ugu culculus siyaasiinta Somaliland oo ah dal dadka ku nooli ay  intooda badani go`aansadeen iney ka madaxbanaanadan Somalia inteeda kale, prescription walow aanay weli ka helin aqoonsi caalamiya dunida inteeda kale, weliba ha iska aqoonsi la`aadaane waxaanay weli helin hogaan wax ka qabta dhibaatooyinka ay ugu horeeyaan qabyaalada, musuqa, iyo kala shakiga dadka dhexdooda yaala!.

Fasyal Cali Waraabe taariikh ahaan waa nin la yaqaano balse wuxuu soo caanbaxay xiliyadii ay Somaliland ay ka jireen dagaaladii sokeeye ee u dhexeyeey beelahii taageeri jiray ururkii SNM, xiligaasi oo uu Somaliland Madaxweyne ka ahaa M.I.Cigaal (IHUN),  Faysal xiligaa laga bilaabo wuxuu ahaa Siyaasi firfiroon oo saamayn badan ku yeeshay isbedelada ka socday Somaliland.

Arimaha Faysal lagu xasuusan doono ee taariikhdu aanay ilaawi doonin waxaa ka mida dhexdhexadiintii uu ka galay dagaaladii sokeeye ee waagaa isagoo ka duwanaa rag badan oo maanta umada hortaagan, balse meel xun arintaa ka galay.  Doorkii uu ku lahaa in nidaamka Axsaabta badan laga hirgeliyo Somaliland, waxa kale oo jira oo iyana aan la ilaawi doonin mawqifyada uu Faysal iska taago marka la isku qabto arimo wax u dhimi karayay geedi socoda nababa iyo isku duubnida umada, taas oo rag badan oo dalka manfaciisa uga badsaday ay tooda uun ku dhegaan, xitaa hadii lagu baaba`ayo. Waxa kale oo Faysal lagu sharfi karaa inuu yahay nin ka daacada gooni isu taaga Somaliland oo in badan godob shaqsi ah u gala qadiyada umadeed ee ciinka daaqaysa.

Hadii aynu geesta kale u hayaano oo runta ka sheegno mushkiladaha iyo dhinaca taban ee Faysal waxaa lagu sheega ama uu yahayba nin awooda gacantiisa ku ururiya oo aan waxba iskaga tirin kolba dadka, inta markaa gaadhiga la saaran, Waxaa iyana Faysal uu caan ku yahay inuu hadba galaydh soo kalahay laabta uga guuxo, taas oo macnaheedu yahay inuu leeyahay xiiso iyo caashaq kolba ninka maqana, taasina ay keento inuu kolba sadqeeyo ninka la jooga.

Faysal laba goor ayuu u orday Madaxweynino, nasiib daro marna kumuu guulaysan, sababta lama odhan karo khalad kumuu lahayn laakiin hadana lagama reebi karo hagrasho ragii la socday oo la odhan karo arintoodu waxay ahayd qawda maqashiii waxna haw qaban. Sidoo kale Degaamadii Xisbiga u codayn lahaa iyaga laftooda Calaamutal su`aal aaya saarayd. Guuldarooyinkaa natiijadoodii waxay noqotay in Xisbigii UCID la isku qabsado oo uu Maxkamad galo. Maxkamadii sidii la faliyay waa tii ku dhamaatay in Xisbigu uu dhanka Faysal soo raaco.

Kala yaacii reer UCIDkii hore waxaa ka dhashay in Faysal iyo taageerayashiisii ay axdi cusub  la galaan Jamal Ali Hussein iyo cidii tageerayasha u ahayd.  Guul Alla la wada yidhi Xisbigiina waa kii ka soo gudbay ururadii, ee mar kale ka mid noqdey sadexda Xisbi Qaran ee hada jooga.

Faysal waxaa ka soo yeedhaya ama suuqa siyaasadaba ku jira hadalo u daran dhegaha taageerayasha UCID, kuwiisa iyo kuwa Jamaalba, hadaladaas oo ah in Faysal uu damaaci kaga jiro jagada Musharaxa Xisbiga ee uu Jamal Cali Xuseen mudada dheer ardaaga u fadhiyey, iyadoo xantu tahay inuu Faysal cid kale soo caleemo saarayo, ama isaga laftiisuba uu u soo geed fadhiisanayo. Haduu nin kale keeno waxaa xoog yeelanaysa beentii hore ee ahayd inuu Jamal 1000,000 Dollar Xisbiga ku gatay, waxaana la odhan kan danbe ayaa sixirkii kordhiyay oo 2000,000 USD, dhigay.

Waxaa la yidhi halkaad nin ka qaadanayso nin baad kaga tegaysa , isku deyga in Faysal uu Jamaal ka takhaluso oo uu nin kalena keena waxba soo kordhin mayso, aan ahayn ceeb iyo caydh. Xisbiga waxay ku keeni doonta kala yaac iyo baaba, ay ku farxaan kuwii awalba na lahaa Faysal ha ku habsaamina,  Faysalna waxay ku noqon doontaa nabar siyaasadeed oo aanu weligii ka bogsan.

Gebgebadii iyo guntii waxaan leeyahay gari Alley taqaanaye; Fayslow Maxkamad danbe oo UCID la geeyo waynu ku jabaynaa ee ka joog. Nin weyn waxaa u fiican halkuu isku qooyay inuu ku qalajisto. Waxaan ku odhan lahaa  Jamaal dhis oo la shaqee iskuna day inuu UCID dalka Qabsado, hadii aad diidana dee Muse Biixi iyo Kulmiye u shaqee adiguna is gawrac.

ALLAHU MAA BALAQTU… (ALLOW EEX MA TIRAABINE AQOON HA IGU CADAABIN).

Qalinkii: Osman Omar Dool

Oslo Norway

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS