haatuf.net
Madaxweyne Siilaanyo Oo Xildhibaanadii Xalay Loo Geeyey Warqad Loo Soo Qoray Uga Akhriyey Ujeedadii Loogu Yeedhay
February 6, 2017 - Written by Admin Two

Hargeysa,February 6,2017 (Haatuf)-Madaxweyne Siiraanyo ayaa xildhibaano ka tirsan Guurtida iyo Wakiilada oo xalay loo geeyey warqad uga akhriyey ujeedadii loogu yeedhay taasoo nuxur ahaan ka koobneyd 2 qodob oo kala ahaa 1)in madaxweynahu uu xildhibaanada Guurtida u akido inay cabashadoodi soo gaadhay iyo 2) in madaxweynuhu khudbad sanadeedkiisa uu ka jeedin doono fadhiga wadajirka ah ee labada aqal baarlamaan uu  ku soo dari doono codsi uu ku doonayo inay xildhibaanadu taageeraan ansixinta heshiiska ay xukuumaddu dawladda Imaaraatka ugu ogolaatay in saldhig milatari laga siiyo  xeebta Berbera.

Madaxweynuhu markii uu akhriskii warqadii loo soo qoray dhameeyey ayaa waxa hadalkii qaatay wasiirkiisa madaxtooyada kaasoo xildhibaanada u sheegay inay isaga iyo iyagu isla sii jeex jeexi doonaan cabashadooda madaxweynaha soo gaadhay iyo waliba codsiga ansixinta heshiiska saldhiga.

Madaxtooyada ayaan ilaa hadda ka hadal kulankan ay xalay la yeesheen xildhibaanada labada aqal .

 

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS