haatuf.net
Imaaraatka Oo Koonfurta Afrika Ka Soo Kiraysanaya Duuliyeyaal Calooshood U Shaqeysteyaal Ah Oo Xuutiyiinta Ka Weerara Madaarka Berbera
February 5, 2017 - Written by Admin Two

Hargeysa,February 5,2017(Haatuf)-Dawladda Imaaraatka ayaa ku talo jirta inay duuliyeyaal calooshood-u-shaqeysteyaal ah u adeegsato duqeynta ciidamada Xuutiyiinta ee dalka Yeman ka dib markay la wareegto madaarka Berbera ee Somaliland.Imaaraatka iyo xukuumadda Somaliland ayaa bishii September 2016 kala saxeexday heshiis  Imaaraatka u saamaxaya inay saldhig milatari ku yeelato xeebta Berbera gaar ahaan madaarka ku yaala magaaladaasi oo ay u doonayaan diyaaradahooda dagaalka ee ka qaybqaata duqaynta cirka ah ee ay ciidamada Isbahaysiga dawladaha Khaliijku ku hayaan maleeshiyada Xuutiyiinta reer Yeman ee ay dagaalka kula jiraan tan iyo horaantii 2015.

Inkastoo ay jirto mucaaradad shacbi ah oo xoogan oo ka soo horjeeda in saldhig ciidan dalka laga siiyo Imaaraatka isla markaana aanu Baarlamanku wali sharciyeyn heshiiskii ay xukuumadda gashay,hadana waxa durtaba soo shaacbaxaya warar sheegayaa in dawladda Imaaraatku ay heshiis la gashay shirkadda Saracen International ee laga leeyahay dalka Koonfur Afrika si ay ugu wareejiso madaarka Berbera.Xogo laga helay heshiiskaa ayaa tilmaamaya in Imaaraatku ay Saracen qandaraa ku siiyeen inay u soo kirayso ciidamo iyo duliyeyaal calooshood u shaqeysteyaal ah oo ay u  adeegsadaan dagaalka Yeman ka socda ,iyadoo ku-talo-galku yahay in ay duuliyeyaasha Koonfur Afrika ay isticmaalaan diyaaradaha dagaalka ee Imaaraatka ee Bebera la keeni doono.Waxa kale oo la sheegay in mashruucan calooshood u shaqeysteyaasha uu dilaal ka yahay Erik Prince oo ah nin Maraykan ah oo ahaan jiray Agaasimaha Fulineed ee Shirkadda BlackWater ee xiligii dagaalka Ciraaq ay wasaaradda Difaaca Maraykanku u xilsaari jirtay qaar ka mid ah hawlgalada ciidan ee ay ka wadeen dalkaasi.

 

BlackWater Security Guards

Blackwater Security Guards

Sanadkii 2007 Saracen ayaa shaqadii ay u qaban jirtay ciidamada Maraykanka laga joojiyey ka dib markii ay ilaaliyeyaal hubaysan oo u shaqeeya ay si ula kac ah rasaas ugu fureen dad rayid ah magaalada Baqdaad dhexdeeda.Erik Prince ayaa sanadahan danbe ku noola magaalada Abu-Dhabi waxaana la sheegay inuu xidhiidh fiican la leeyahay xukuumadda Imaaraatka taasoo u xilsaartay hawlo tababar ciidan oo ay ka wadaan Muqdisho iyo Puntland.

 

Blackwater USA founder Erik Prince is sworn in on Capitol Hill in Washington, Tuesday, Oct. 2, 2007, prior to testifying before the House Oversight Committee hearing examining the mission and performance of the private military contractor Blackwater in Iraq and Afghanistan. (AP Photos/Susan Walsh)

Blackwater USA founder Erik Prince is sworn in on Capitol Hill in Washington, Tuesday, Oct. 2, 2007, prior to testifying before the House Oversight Committee hearing examining the mission and performance of the private military contractor Blackwater in Iraq and Afghanistan. (AP Photos/Susan Walsh)

Ciidamada Shirkadda Saracen ayaa intii aanay aqlabiyadda madowgu la wareegin talada dalka Koonfur Afrika sanadkoi 1994 waxay ka tirsanaan jireen hayad dawladeed oo la odhan jiray Xafiiska Iskaashiga Dadweynaha(Civil Cooperation Bureau) kaasoo qaabilsana khaarajinta madawga mucaaridka ku ah xukuumaddi midab takoorka (Apartheid).Saracen ayaa waxay xero ciidan ku leedahay meel aan ka fogeyn magaalada Bosaaso iyadoo ay dawladda Imaaraatku ay mushaharka ciidamadaasi bixiyaan.

Sanadkii 1988 ayaa duuliyeyaal calooshooda u shaqeysteyaal ahi oo dawladii Siyaad Barre ka soo kiraysteen Koonfur Afrika ay ka qaybqaateen duqeyntii magaalada Hargeysa iyadoo ay ku hawlgali jireen diyaarado dagaal( Hawker Hunter) oo Imaaraatku ku caawiyeen Daaquutkii Siyaad Barre.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS