haatuf.net
‘Agoon Aabbo Leh’ …. W/Q:- Maxamed Aadan Tarabi
January 5, 2016 - Written by Admin Two

Qaboow aad u daran ayaa jira caawa, pill jiingaddu way darrooraysaa, qaylada carruurta ka baxaysaa waa mid ku beer qaadaysa, gawsaha ayey isla dhacayaan, afka iskuma keeni karaan, dhammaantood way kadaloobaan, gadhka iyo gafuurka ayey isla doonanayaan. Hooyadood baa kor u qaylisay kaca, kaca, alla kaca, xaggay u kacayaan? Ma iyagaa kici karaba, may iska dhaafto.Maxamed Tarabi

Daad baa soo galay jiingaddii, dhaxantii iyo roob kii mahiigaan ka ahaa ayey u baxday si ay uga moosto daad ka. Hal kanay kala soo boodday jawaan yar meel bay ku gufaysay, oo miyuu ha ka nayaa markii ba daad kii baa dhuftay, dhagax ma arkayso, ciidna haba sheegin. Inay moosto iska daaye samada iyo dhulka dhexdooda ayey ku siibatay, misigta ayey ka jabtay, dhooqadii iyo dhiidhigii ayey ku dhex dhacday, hadday kor u qayliso iyo hadday hoos u ooydo, cidi maqlimayso. Dusha waxa kaga hooraya roob, qadhqadhyo badan qamuunyo ayey qaniinaysaa dibnaheeda.

Luqunta ayey kor u taagtay iyadoo kor u gu yeedhaysa wiilasheeda karoon Casaroow, Casaroow, dhiiggu waa cajiibe dareeme inay hooyadood sidii ay roob ka ugu baxday aanay dib ugu soo laabban. Casar baa dibadda u soo booday indhaha ayuu ka qaaday hooyadii oo halkan galgalanaysa, wuxuu arkay inaanay kici karin oo ay taah iyo reen ba daysay. Wuxuu u yeedhay walaaladii oo saddex ah, mid garab qabta, mid adhaxda tiiriya, iyo mid labada lugood isu duwaba, Hooyadood la huluushe Jiinagaddii darroorta badnayd.

Kii ugu yaraa carruurta ayaa aad u qayliyey aabboow, alla aabboow, kuwii kale indho xameeti leh ayey ku eegayaan ma taagna, mana fadhiyaan, jiifna daa hadalkiisa. Mid kasta waxa hoostiisa yaalla biyo u jooga ruugga xanuun badanaa, waxaan maqli jiray jiif iyo joog ba uu diiday. Kii ugu waynaa ayaa aad u daalay, gaajo awgeed buu indha madoobaaday markaa suu hore intuu u diiday madaxa biyaha la galay bash. Kuwii kale ayey biyihii soo duulay dhaxanta ku kordhiyeen, in kasta oo ay hurdadu kayara duushay haddana qaar kii sare ayey aad uga qoyeen. Madaxuu la soo kacay halkii uu hore u taagnaa ayuu si taag daran isu yuubay. Gaajada iyo dhaxantu waa isu cadaw, oo haddaa ma dharagga iyo kulayl kaa saaxiibbo ah.

Hooyadood xanuun aad u daran ayaa misigta kaga maran, maradeeda ayey af ka ku haysataa illaa gaws danbeed ka ayey maro ka buuxsatay si bal inuun ay uga mashquusho xanuun ka haya. Waxaad se mooddaa inay aad u jilicday oo dhulka ku sii siqayso. Goor danbe oo waa waabari ku dhawaad ah ayey maqashay darroor yar oo teel teel ah, markaasay dareen tay inuu roob kii yaraaday. Waxay damac day inay gurguurato haddana waxay ka cabsoo tay in qodaxi ruugga kaga fadhiisato, hadday xataa gurguurasho damacdo maba awooddo.

Caloosha ayey ka ooyeysaa ciiddan ma haysato, ciirsilana way joogtaa. Waxay xasuusataa oo ku riyoonaysaa habeen kii uu la tagay ninkan ay caruurta u dhashay, waxay guure iyo galab carrow la martay uurxumadii iyo waji karahii ay hooyadeed ka shaqaysatay, waxa intaa u dheer ilaahay ha u naxariistee aabbaheed oo nin kan u diiday wax bay iska saartaa. Shiikhii u meheriyey na habaar iyo haaraan ayey dusha ka huwi saa. Waxay maalin walba ka daawataa laabteeda hadalkii ayeydeed ee ahaa ka fiirso, ninkaa ka fiisro. Wax walba waxa kaga daran darxumadan ay dariska la noqotay.

Afartii caruur ahaa oo gaajo iyo dhaxan foodda isku haya ayey isha ku haysaa, niyaddeeda iyo ruuxdeeduse hiif bay ku maqanyihiin, waxay gocanaysaa diif daashatay oo ay u rag wayday. Mid ka mida afarta carruura cidla ayey fooshu ku qabsatay, markaasay afarta gidaar marba mid qaniintay. Laba caanna maal ayey ducanaysay markaa saa taah iyo tawsiba u dhammaadeen. Waxay aad uga ilmaysaa markuu madaxa la soo baxay ee garbuhu soo dhaafi waayeen, iyana ay awood iyo tamar ba wayday ay ku dihato. Aad bay u dhiig baxday af ka marna isku may qaban qaylada iyo reen ka, ka baxaya toddobada samo waa laga maqlayaa. Fooshu way xanuun badan tahay guud ahaan, waxay se kasii xanuun badan tahay markaad cidlo ku foolato.

Madaxa ayey dhulka ku dhufatay iyadoo qadaad ka dhul ka la dhacaysa, ma soo taagi karto gacan qudha, haatan waxay u jeeddaa xaggaa iyo aakhiro, waxa niyaddeeda ku soo dhacaya sida sawir ka umul aroor ka oo ay in badan soo maqashay waxay isu badinaysaa inay ku ummul aroori doonto. Ilaahay ka kama dhigin garbihii la soo dhaaf, in kasta oo uu saxaradiisa ka dhargay mandheertuna ay isku martay madaxiisa. Mar kay dareen tay inuu daafta yaallo ayey ruuxi gashay, markaasay mindi carbeed yar oo agteeda ay sii dhigatay ku xagxagtay mandheertii, kadh, way iska jartay. Inani waa hooyadeed.

Waxa xasuusteeda ku soo dhacaya iyadoo ummula oo la qaxay, oo ay way day cid caawisa oo ka xanbaarta caruurta isku nuugga ah, iyadii oo bilaa dhiig ah, xagga hoosana uu ka qulqulayo dhiiggii dhalmadu, isla markaana uu jaqayo labada wiil ka yari ayey kolba geed la fadhiisatay. Ma caruurtay qaaddaa? Miyey jaqsiisaa? Mise way la lugaysaa? Laba daran mid dooro. Ruun waxay daawanaysaa dhaxal kan iyo tacab kan ay ku kaliyeysatay.

Roob kii uu qaaday daad kii guriga fadhiyeyna waxa dhexda u xidhay laba wiil oo ay dhashay, waxay ku dhureen daasad caano ka madheen, mid ka mida ayaa taw yidhi oo guri kanbal ka ah oo uga yeedhay oday jaarkooda, wuxuu uga warramay waxa hooyadii haleelay, Odaygu gaadhi Laanloobar ah ayuu leeyahay, gaadhigii ayuu soo istaadhay wiil uu dhalay oo xoogganna hore ayuu ka soo ka xaystay, qoftii dumar ka ahayd waxay u aqaadeen Cusbitaal ka degmada. Markiiba waa loo gurmaday sifiican aayaa loo kabay, waa la baantay lugaheeddana dib ayey isugu taagtay. Kartidu ma wax la bartaa mise waa lagu soo dhashaa? Waa dood muhiim ah laakiin anigu waxaan aaminsanahay inaan kartida la baran ee shaqada la barto kartidu na ay tahay ruuxda shaqada riixda.

Caawa hawadu way taaggan tahay, dhirtu xataa dhaqaaqi mayso, bal eeg qiiqan sigaar ka ee aan innaga baxaynba, waa waxaan garan ka ula baxay. Shiishadda danbas danbas baa ka dhadhamaya xagguu tufaaxii ka maray, mise waaba tufaax dhacay. Gawsahayga kuwa sare qaybta midig cirridku oo isoo gurmay wixii aan cunaaba dalool halkanay dalaq yidhaahdaan. Ninka sidan u hadlayaa waa ninkii dhalay caruurta ay baahida iyo darayadu la dagtay. Wuxuu fadhiyaa meel aan aad uga durugsanayn halka dhibicda roob ku kaga hoorayso caruurtiisa.

Luquntaada dheeriyo

Dibnahaaga dhiin ka ah

Markaan dhunkadaabay

Xaaddu i dhaqaaqdaa

Dhaayihii naftaydoow

Markaad dhool caddayso

Dhabanka i salaaxday

Xaaddu i dhaqaaqdaa.   Erayadii Saalax Doonyaale.

Diricaa mirqaan ka iigu baxa iyo bacda buluugga ah, dibnahaagga dhaqdhaqaaqooda mooyee laguma moodo inaad qayilayso Qamareey. Qofkii ku arkaa waligiiis odhan maayo qaad bay ruugtaa. Hadda hawo aad u macaan ayaa soo dhacday, markad qososho nasaahagu way gariirayaan, anigana wadnahaa i gariira, naaso celis kaaga waxaan ugu jeclahay ka cas, haddii aanan barkinta dhinacaaga soo dhigan mirqaan ba majiro.

Aniga agtayda inaad joogtaan jeclahay qof wada jinnayado ah baad tahay, gaari udgoon baad tahay, sankaan kula raacaa, dhuuntaada iyo shafkaagaa ugu udgoon, diracaagu waa khafiif markaad istaagto, waxbaba ma qarsoona. Sigaar kaana ii dhiiboo, sigaar ka gacantaada igu sii, nuug anna aan nuugee.

Waxay waydiisay caruurtii iyo reer kii inuu war ka hayo, balse aad buu u dhibsaday su’aashaas waanay dareentay ma xasuusta uu xasuusanayo dayaca haysta ayaa dhibtay, mise waa mirqaan ka jiidh iyo hadal tiro. Wuxuu yidhi: Haddaaya ayuun baad na waydiisaa waxaanay dani inoogu jirin Qamareey.

Ma biiliyo oo masaariif ma siiyo, u ma yimaaddo oo warkooda mahayo, wax ma taro shaqana kuma darsado, oo caruurtan yaa dhalay haddaa?

Ruun nolosheeddu waxay ku tiirsanayd habaryarteed, habaryarteed na dhimatay, waxay haysataa afar carruur ah laba gabdhood iyo laba wiil. Inaadeer keed oo wastaad ah ayey lacag yar ka qaadatay, waxay ku iibsatay bakeerriyo ama kubbaayado, iyo laba kildhi ama jamladood. Waxay furatay maqaaxi yar oo ay shaaha ku karsato, caruurtii waxay ku dareerisay iskuul iyaduna waxay ku kallahdaa maqaaxida.

Ilaahay kuma xilo, hooyo Ruun ubad bay ku tabcaysaa, saaladda cirkoo madaw ayey quraacda u diyaarisaa iyaduna ay ka soo booddaa, shaaheeda waa la jecelyahay, ninba wax haku jeclaadee. Meel yaroo lagu qayilana way ku dartay macaamiil fiican ayey haysataa. Mid wajigeeda ku mirqaama oo macmiil ugu ah dhoola cadaynta qurxoon, iyo mid markay shaaha soo siddo ku nafisa oo ku neef tuura, amaba mid markay sii socoto ee ay qaaddo koobab ka madhan ku il baadsada sii jeed keeda dhabar ka illaa badhida, iyo mid markay foorarsato ay ugu dhan tahayba. Mirqaan wayne ninba wax ku mirqaan.

Maqaaxiddeeda laguma kala baxo ragbaa subixii cimaamado sii dhigta shaahana sii qaddima, rag bay ka buuxsantaa oo cadho is majiila, oo kolba meel bannaan ka daydaya, ragga qaarna waa bay iska hurdo tagaaan maalin taas. Oo maxaa hurdo geeyey. Ruun maqaaxideedu ha kaa buuxsanto mirqaan majiro. Maaha meel hore looga kaco, oo laga rawaxo, ragbaa shaqadaa leh oo la rawaxiya lana fura. Raggu wacanaa muxuu qaybsanyahay waxan aan sheegayaa waa shaqo aad u culus ragbaase inoo haya.

Ruun hagbad bay gashay dahabbaa meel walba ka laadaada, loonkii iyo luuf kiiba ka jab. Hadda waxay u guurtay guri wayn oo daar ah caruurteediina way qurxoonyihiin, waana kuwa xilliga nususaacaha iskuul ka lagu soo xoomo ee saanbuusaha iyo xaydarada laga baryo.

Maxamed yare, waa saaxiibkood iskuul ka waxa keena aabbihii, isagaana ka qaada rawaaxadda maalin kasta. Waalid ka mar loo yeedho ilma kasta aabbihii ayaa ag jooga oo lala xisaab tamaa lana socda waxbarashadiisa, marka laga reebo aabbayaal maqan oo duruufo sheegtay, iyo kuwo geeriyooday oo baddal koodii hooyadu gashay. Waxay mar walba hooyadood waydiiyaan, aabbahayo xagguu joogaa? Muxuu noogu iman waayey? Annagu maxaannu ku samaynay? Iidda ma noo imanayaa? Mooyi, Qamar baynu waydiin.

Waxay warbaahinta ka maqleen aabbihiin waxa loo magacaabay wasiir iyo wasaarad hebla, markiiba caruurta waxay maskaxdoodu is waydiisay haddii aabbihiin kartidaas leeyahay muxuu idiin dayacay? Maxaa ka dhigay mid suuq xun iyo nolol xun ku nool oo aan lahayn haybad waalid. Madaxwaynahan xilka u dhiibay miyaannu aqoon u lahayn. Dad kii ogaa noloshiisa iyo saaqidnimadiisa sidee bay xil ugu daba fadhiisanayaan. Iminka ma agoon baad tihiin, maya aabbihiin uu nool yahay, oo hadduu nool yahay maxaannu dhaannaa agoonta? Maya dad ku waa agoon aabbihii dhintay, iyo carruur aabbahood korsaday kuna tabcay. Idin kuse waxaad tihiin, agoon aabbo leh.

W/Q: Maxamed Aadan Tarabbi

Facebook: Maxamed Aadan Tarabi

Bulay571@gmail.com

Saint Louis, Mo.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS