haatuf.net
Siyaasada guud iyo saadaasha mustaqbalka ee xisbul xaakimka Kulmiye; Qalinkii Dr A/shakur Ali Mohamed
October 4, 2015 - Written by Admin Two

Saadaasha siyaasada iyo falaanqaynta dareenka guud ee ka yimaada geedi socodkeeda  waxa laga dheehan karaa qiimaynta maalinlaha ah ee laga sameeyo dhacdooyinka is order viagra viagra'>order viagra viagra xig-xiga iyo falcelintooda.

Qormadan ayaa noqon doonta mid aan ku cabiro siyaasada guud iyo saadaasha mustaqbalka  ee xisbul xaakimka kulmiye kana bilaabmaysa tan iyo guushii xisbiga ee doorashadii madaxweynaha .

Hadaba habdhaqanka siyaasadeed ee xisbiga talada dalka haya ayaa u muuqday  badanaa Intii ka danbaysay guushii doorashada madaxweynaha mid is bedbedela oo dabaal joogtayn u buy cialis online without prescription'>buy cialis online without prescription badan .         Displaying shakur.jpg

Is bedelka ayaa ah mid jaahwareer siyaasadeed ku keenay dadka daneeya xisbiga, taas oo caqabad ku noqotay go’aanka siyaasiyiin badan oo han, lahaa.

Waxa muuqatey  in xisbigu siyaasad ahaan dhantaalmay  ka dib markii la xadidey saamaynta uu ku leeyahay xukuumada iyo barnaamijkeeda Siyaasadeed .

Waxaanay   dadka badankiisa ula muuqatay in xukunka laga fogaynayo qolada saraakiisha u badan  ee xisbiga awoodiisa lahayd waqtigii ololaha .

Isla markaana waxa cadaatey dareenka uu madaxweynuhu ka qabey in saraakiishu saamayn ku yeeshaan xukuumada , tani waxay dhalisay in gabi ahaanba ay kala socdaan xisbiga Iyo xukuumadu wax wada shaqayn ahina  dhex marin .

Hadaba bilowgii guusha xisbiga ka dib waxa Jirtey xurgufo Siyaasadeed oo xisbiga  ka dhex jirey taas oo ay sabab u ahayd iyadoo aaney jirin siyaasad awoodeedu u badnayd fikir maskaxeed balse uu xisbigu markii horeba ku dhisnaa ballanqaadyo shakhsiyan ah .

Xurgufaha ayaa ka bilaabmey ka dib markii la magacaabay xubno ka tirsanaa xisbigii laga guulaystay ee udub dhalisayna  dareen la xisaabtan Oo dhex maray  madaxweynaha iyo xisbiga .

La xisaabtanka ayaa yimid markii Jagada wasiirka arimaha gudaha uu baneeyay “MOHAMED ABDI GABOOSE” isla markaana dawladu magacawday wax yar ka hor AHUN “SAQADHI DUBAD” iyo “CALI XOOR-XOOR“oo ahaa  laba masuul oo Udub hore uga tirsanaa.

Tani markii ay dhacdey  ayaa talo uu xisbigu yeeshay lagu go’aansadey garnaqsi siyaasadeed Iyo hanashada Jagada wasiirka arimaha gudaha oo loo qorsheeyay “ABDIRAHMAAN ABDIQAADIR” oo wakhtigaa ahaa gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga .

Madaxtooyada  oo aan muhiimad badan siinin garnaqsiga saraakiisha ayaa  u magacawdey “MAXAMED NUUR CARAALE DUUR” si la link for you viagra effects mid ah sidii uu mar wakhtigaa ka danbaysayba uga biyo diidey talo xisbigu uga soo gudbiyay mawqifkooda gacan ku yeelashada buuxinta jagadii gudoomiye ku xigeenka baarlamanka ee uu baneeyay A/CASIIS MAXAMED SAMAALE.

Magacaabistan wasaaarada arimaha gudaha   waxa ka biyo diidey hogaankii xisbiga iyadoo markaasna ay soo dhaweyd shirkii golaha dhexe ee xisbigu .

waqtigaa waxa bilaabmay shir doceedyo xisbigu qabsadey oo lagaga arinsanayay xaalada taagan laguna doonayay in Lagu diyaariyo musharaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga.

Madaxtooyada oo ka war qabtey siday wax u socdaan ayaa diyaarisay qorshe lagu kala daadinayo aragtidii xisbigu ka lahaa siyaasada xukuumada.

Waxaana la agaasimey xubno ka tirsan  xisbiga oo  daacad u ah madaxtooyada kuwaas oo khilaaf ka dhex abuuray xisbiga , iyadoo  xisbigu u kala qaybsamay qayb taageersan hogaanka xisbiga iyo qayb taageersan madaxtooyada.

Khilaafkan oo cirka isku shareeray ayaa waxa ay madaxtooyadu adeegsatay awooda fulinta ee kursiga mid Lacageed iyo mid maamulba waxaana xilkii madal loo dhanyahay lagag xayuubiyay ABRIRAHMAAN ABDIQAADIR oo ay isku xulafo ahaayeen hogaanka xisbiga ama saraakiisha , ahaana ninkii afhayeenka u quickieworkouts.com ahaa garabka bidix ee xisbiga  .

Xil ka xayuubinta gudoomiyihii kowaad waxa loo adeegsaday sharciga xisbiga oo  lagu sargooyey danaha madaxtooyada  inkasta oo uu ku saxeexnaa gudoomiyaha xisbigu MUUSE BIIXI CABDI  hadana niyad ahaan muu ogolayn ,waxaana sharci u eekaysiinayay ABDIRAHMAN ABDIQAADIR oo ka degdegay habsami u socodka siyaasadeed ee garabkooda  sameeyayna aflagaado madaxweyne oo toos ah madaama uu isagu ahaa ninkii loo diidey jagada wasiirka arimaha gudaha .

Xiisadii iyo loolankii siyaasadeed ee xisbiga waxa lagu dhameyay gudoomiyaha xisbiga oon wali la sharciyayn iyo laba gudoomiye kuxigeen oo la doortey . siyaasada noocan ah oo ahayd falsafad  farshaxanimadeeda lahayd ayaa jalaafo ku ahayd soo hadal qaadka musharaxnimada iyo awooda gudoomiyanimada .

Gudoomiyaha xisbiga oo isagu ahaa mid ay si toos ah u taabanaysay cadaadis kasta oo kaga yimaada xaga madaxtooyadu waxa uu hadana la yimi degenaan badan oo siyaasadeed isagoo u muuqdey mid ka dhursugaya siyaasada fog ee mustaqbalka xisbiga .

Hadaba madaxtooyadu iyadoon ka nasanin werwerka isdaba jooga ah ee ka haysta xisbiga dareensana in aan click here viagra online pharmacy usa la qancin Karin siyaasiyiinta faraha badan ee ku jira xisbiga dhamaantoodna balanqaadka ku joogey oo ay ugu weyntahay wareejinta musharaxnimadu ayaa waxa ay ku dhawaaqdey furista nidaamka asxaabta badan oo ku tala galkiisu ahaa baabiinta xisbiga kulmiye .

Isku noqosho iyo rogrogis ka dib waxa u cuntamiweyday madaxtooyada baabiinta xusbiga hadii ay tahay sumcad ahaan iyo taageero ahaanba, madaama uu xisbigu ku dhisnaa siyaasada is xulafaysiga ee habka qabiil waxaana khasab noqotey in xukuumadu taageerto ururka si xisbinimadiisu u sii jirto .

Doorshadii golaha degaanka ka dib xisbigii kulmiye wuxuu ka mid noqdey asxaabta siyaasada ee dalka isagoo kaalinta koowaad ku soo baxay ,markan inkastoo doorasho la galey hadan xisbigu waa sidiisii siyaasad ahaana wuu kala lushaa waxaana xal ku mel gaadh ah loo arkey in xiisada hoos loo dhigo oo  lakala yara nasto .

Mudo ka dib waxa soo dhawaadey mudo xileedkii madaxweynaha waxan dib u http://juliangilbert.com/canadian-cialis bilaabmay guuxii xisbiga iyadoo muranka ugu weyni ka taaganyahay arinta musharaxnimada .

Madaxtooyadu iyada oo adeegsanaysa siyaasad mashqacin  u badan ilaalinaysana taageerada xisbiga ayaa ay bilowdey inay loolan malaawaal ah dhex dhigto xubno wasiiro ah iyo hogaanka xisbiga  .

Loolankan oo aan qeexnayn ayaa ahaa mid ka socdey daaha dabadiisa laguna tijaabinayay bal in laga maarmi karo hogaanka xisbiga oo hunguri kaga jiro musharaxnimada lana keeno hogaan cusub oo musharaxnimada madaxweynaha ogol haystana taageerada shacabka iyo xisbigaba .

Waxa iyana jirtey diyaargarow aad ah oo uu samayanay hogaanku xisbigu xilli ay soo dhawdahay shirweynahii sadexaad ee xisbigu kaas oo laysugu diyaarinayay hanashada xisbiga maadaama uu socday loolan madaxooyadu dabada ka riixaysay .

Arinka ayaa si fiican usoo shaac baxay ka dib markii khilaaf xoogani ka dhashay soo xulida xubnaha golaha dhexe kaasoo si weyn u kala qaybiyay xisbiga iyo xukuumada , waxaana si toos ah faraha uga baxay khilaafka oo gacan ka hadal gaadhey iyadoo xukuumadu xabsiga u taxaabtey xubno wasiiro ku jiraan oo siyaasad ahaan taageersanaa hogaanka xisbiga .

Xurguf siyaasadeed oo baahsan ka dib xukuumadu waxay waajahday cadaadis xoog badan oo saamayntiisa leh waxaanay awood ku soo xushay xubnihii golaha dhexe iyadoo ku soo daray xubno hore looga saarey .

Waxa dhacay shirweynihii xisbiga waxana hogaan loo doortey hogaankii hore ee xisbiga , doorashadan ayaa daaranayd kala maarmi waa laba dhinac ah iyo tanaasul laba geesood ah oo ah in saraakiisha hogaanka la cialis pill siiyo iyana musharaxnimada ka tanaasulaan hadana aan ahayn heshiis fool ka fool ah balse ahaa is fahan guud.

Maxaa yeelay  waxa dhacay ismaandhaaf dhex yimi xukuumada iyo cidii la rabey in lagu bedelo hogaanka xisbiga, oo loo arkey inuu si gaar ah hawlihiisa u watey .

Intaa wixii ka danbeeyay gabi ahaanba jawiga siyaasadeed ee xisbigu wuu is bedelay .                                                                                                                Hadaba  hadii markii hore siyaasada xisbigu ahayd mid ku socotay kutalagalka maaraynta natiijooyinkii tijaabooyinkaa laga helay   imika waxa looga guurey nidaam qorshihiisa wata oo  lagu sugayo in laga arinsado xaaladaha adag  ee caqabada ku ah hor usocodka xisbiga, nidaamkaas oo ah iskuwad oo kala wad.

Tani waa rajo gelin  sahlaysa isku haynta dad kala afkaar ah oo hadii runta la waajaho kala fogaan kara , iyadoo laga wada dhursugayo go,aanka ugu danbeeya ee xisbiga oo ay adagtahay in la saadaaliyo balse cadaynaya go,aanka siyaasadeed ee shakhsi kasta oo xisbiga ka tirsan iyo shacbiga taageeraba .                                                                                                              Xaalada oo aad u cakiran, faq hoose oo dhinac walba ka socda , isu diyaargarow aan laga badheedhin iyo kala hogasho siyaasadeed,  waa jawiga dhabta ah ee xisbiga kulmiye dhexyaala wakhti xaadirkan aynu ku jirno.                                                                                                                               Hadaba si looga gudbo caqabada ayaa waxa muuqata in xalka xisbigu ku xidhanyahay madaxtooyada,  iyadoo madaxtooyadana ay hortaalo xalka musharaxnimada oo ku xidhan dareenka  xisbiga.                                 Qiimaynta siyaasada guud marka laga yimaado ayaa waxa muuqata madaxtooyadu iney ku hawlantahay iswaafajinta  labadan qodob

  1. Musharaxnimada siilaanyo oo meel la dhigo . IYO
  2. Jiritaanka iyo wada jirka xisbiga oo la badbaadiyo.

Gunaanad :

Hadaba iswaafajinta labadan qodob ayaa u muuqata kaliya in lagu sixi karo agaasimka musharaxiin malaawaal ah  oo la loollama cida hanka dhabta ahi ku jiro isagoo madaxweynuhuna dibada istaagaya .

Si xurgufaha iyo xafiiltanka siyaasadeed ee ka dhasha loollanka musharaxnimadu, uu madaxweynaha ugu noqdo cudurdaar, keena fursad dib usoo noqosho  iyadoo loo dhigayo qaab ah inuu ku saxo musharaxnimadiisa wax uu wareejiyey oo lagu guuldaraysaty in la dhamaystiro .

Hadayse taasi dhici weydo waxa iyana la saadaalin karaa in madaxweynuhu mar labaad ka badheedho musharaxnimadiisa iyadoo loo wada dhanyahay .

Qalinkii : Dr  A/shakur Ali Mohamed

Email : mohamedshakuur@gmail.com

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS